-
Content Count
206,923 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Isniinta maanta ah oo ku beegan 05 November 2018, qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay wefti uu hogaaminayo safiirka midowga yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Fulgencio Guiz Garido. Madaxweynaha Puntland ayaa safiirka iyo weftigiisa la qaatay kulan gaar ah oo ay ku wehelinayeen masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Dowladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, kadibna si wada jira ula hadlay warbaahinta. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ugu horayn sheegay inay Puntland kusoo dhoweynayaan weftiga uu hogaaminayo safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya Mr. Fulgencio Guiz Garido, Madaxweyna ayaa xaqiijiyey inay weftiga ka wadahadleen wanaajinta xidhiidhka midawga Yurub ee Soomaaaliya gaar ahaan Puntland, dhammaystirka wadada Gaalkacyo – Garoowe iyo arrimo kale oo muhiim ah. “waxaa maanta sharaf weyn noo ah inaan halkan ku qaabilo wefti uu hogaaminayo Danjiraha midawga Yurub iyo weftiga uu hogaaminayo, waxa ay u yimaadeen inay nagala hadlaan xidhiidhka ka dhexeeya Puntland iyo EU, shaqoyinka tirade badan ee EU ka hayso Puntland, shaqooyin badan oo ay ka hayaan dhanka waxbarashada iyo kaabayaasha dhaqaalaha’’ ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland. Sido kale Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa tilmaamay in ay ka mid ahayd waxyaabihii ugu muhiimsanaa imaanshahooda dhammaystirka wadada Gaalkacyo – Garoowe oo dhismeheedu meel wanaagsan marayo, Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay inaanay waxba ka jirin warar kutiri-kuteen ah oo sheegaya in masharuuca wadadu istaagey, isla markaana waxa uu xaqiijiyey Madaxweynuhu in midowga Yurub ay wadada u raadinayaan lacago dheeraad ah oo ay ku dhammaystirayaan dhismaheeda. “dhammaystirka mashariic badan ayey u yimaadeen weftigu oo ay ugu horayso dhismaha wadada Gaalkacyo – Garoowe oo beryahan aad ka maqlayseen wararka beenta ah ee sheegaya in mashruucii wadada lumay, waxaas wax ka jiraa ma jiraan been iyo kutiri-kuteen ayey ahayd, waxay maanta halkan idiinku sheegi doonaan in mashruucu sidii uu ahaa loo hirgelinayo oo weliba ay lacago dheeraad ah u raadinayaan una soo heleen mashruucuna sidii loogu talagalay u hirgelidoono madaama uu muhiim u yahay isu socodka Soomaaliya oo dhan uma aha Puntland keliya, sidoo kale waxaan ka wadahadalay mashaariic badan oo dhan walba ah oo ay dhowaan soowadaan iyo arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan siyaasadda cakiran ee hadda jirta’’ ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland. Dhinaca kale Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Mr. Fulgencio Guiz Garido ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay markiisii ugu horaysey inuu yimaado Puntland, waxa uu tilmaamay inay Madaxweynaha ka wadahadleen xidhiidhka wanaagsan ee Puntland iyo mudawga Yurub, mashariicda horumarineed ee ay ka wadaan Puntland, maalgashiga, mashariic cusub oo ay soo wadaan, wadada Gaalkacayo – Garoowe oo uu xusay in dhismaheedu meel wanaagsan marayo, waxaana uu tilmaamay inay dedaal dheer ugu jiraan dhammaystirka wadadaasi oo muhiim u ah guud ahaan Soomaaliya, isla mar ahaantaana waxa uu marlabaad dul istaagay in mashruuca wadada Gaalkacyo – Garoowe dardar gelin doonaan dhismaheeda una dhammaystiri doonaan sida ugu macquulsan. PUNTLAND POST The post Midowga Yurub oo beeniyay in joojiyeen mashruuca dayac-tirka wadada Garoowe iyo Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (PP) ─ Guddoomiyihii guddiga doorashooyinka maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya, Xildhibaan Carfo Ibraahim Aadan ayaa goor-dhaw ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu hayay. Xildhibaan Carfo oo shir jaraa’id k qabtay Baydhabo ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay ku timid fara-gelinno uu sheegay in Dowladda Federaalka ah ay ku hayso doorashada Koonfur-galbeed oo dhacaysa 17-ka bishaan. Tallaabada uu guddoomiyuhu isku casilay ayaa imaanaysa kaddib markii uu maanta shahaadada doorashada uu qaatay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo horay uga tirsanaa Al-shabaab, kana mid ah xubnaha doorashada Koonfur-galbeed ku tartamaya. Sidoo kale, Warar aan la hubin ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sh. Aadan uu ka tanaasulay ka Qayb-galka tartanka doorashada maamulka Koonfur-galbeed, inkastoo aysan jirin wax faahfaahin ah oo intaas dhaafsiisan. Magaalada Baydhabo ayaa dhawaanahan waxaa ka socday diyaar-garow loogu jiro doorashada dhici doonta dhammaadka bishan, waxaana xilkaan ku tartamaya in ka badan labaatan qof oo ay ku jirto haweeney doonaysa inay xilka qabato haddii loo doorto. Dhanka kale, Is-casilaadda guddoomiyaha guddiga doorashada Maamulka Koonfur-galbeed ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli dhawaanahan si aad ah looga dalbanayay Dowladda dhexe ee Somalia inay fara-gelinnada ka dayso doorashada. Ugu dambeyn, Wixii warar ah ee kasoo krodha is-casilaadda guddoomiyaha guddiga doorashada Maamulka Koonfur-galbeed, waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee Puntland Post. PUNTLAND POST The post Guddoomiyihii Guddiga Doorashooyinka ee Maamulka Koonfur-galbeed oo Is-casilay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha ka guddoomay Danjiraha Dowladda Finland ay u soo magacaawday Soomaaliya Mudane Erik Lundberg. Danjire Erik ayaa Madaxwweynaha Jamhuuriyadda u gudbiyey farriin uu uga siday Madaxweynaha dalkiisa Mudane Sauli Niinistö. Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Danjire Siciid Xaaji Maxamuud oo goobjoog ka ahaa munaasabaddan ayaa xusay taariikhda xiriirka labada dal iyo muhiimadda ay leedahay in la dardar-geliyo iskaashiga saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Finland. “Dalka Finland waxaan la wadaagnaa xiiir saaxiibtinimo oo ku suntan wakhtigii Soomaaliya ay xurriyadda qaadatay, maadaama ay ka mid ahaayeen dalalkii ugu horreeyey ee ictiraafa madaxbannaanideena. Sidoo kale waxa ay na garab taagnaayeen wakhtiyadii burburka iyagoo gacan ka gaysta ilaa haatan arrimaha caafimaadka, waxbrashada iyo gargaarka xaaladaha bini’aadantinimo.” Ayuu yiri Xoghayuhu. Ugu dambeyn, Danjire Erik Lundberg ayaa uga mahadceliyey Farmaajo ka guddoomidda warqadahiisa aqoonsi ee Safiirnimo, isagoona tilmaamay in dalkiisa ay muhiim u tahay joogtaynta xiriirka labada dal iyo inuu noqdo mid ku saleysan iskaashi iyo xaqiijinta danaha labada shacab ee dalalka Finland iyo Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha DF oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Danjiraha Cusub ee Finland appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa maanta shahaadada diiwaan-gelinta siiyey Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, isagoo noqday musharaxii u horeeyay ee la siiyo shahaadada musharaxnimo. Guddiga doorashada ayaa xaqiijiyay in Mukhtaar Roobow uu buuxiyay shuruudihii looga baahnaa ee Musharaxnimo, sidaas darteed uu hada yahay Musharax rasmi ah. Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa sidoo kale u fasaxay Mukhtaar Roobow inuu u tartami karo doorashada Madaxweynaha, maadaama uu yahay muwaadin ka soo jeeda deegaanada Koofur Galbeed, isla markaana aanay jirin dambi loo heysto oo ay Maxkamad xukuntay. Dhinaca kale, Waxaa isna warqadaha aqoonsiga murashaxnimo laga qabtay taliyihii NISA Mudane Xuseen Cusmaan Xuseen . Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa October 13, 2018, iska casilay xilka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya (NISA) ,isagoona warqadiisa iscasillaada u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa soo xoogeysanaya wararka sheegaya inuu Shariif Xasan Sheekh Aadan ka hari doono doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed. Warkaan oo guuxiisu uu saacado ka hor bilaawday ayaan la ogeyn sida uu dhab u yahay. Balse waxaan dib u eegeynaa culeesyada heysta Shariif Xasan ee ku qasbi kara inuu ka haro doorashada, oo uu ku jiray dadka loo badinaayo iney kusoo baxaan. 1-Shacabka Shacabka Koonfur Galbeed ee ku sugan dalka iyo dibbada ayaa si baaxadleh u muujiyay diidmo ku aadan inuu Shariifka dib usoo laabto, waxey ku eedeyeen inuu maamulkii fadhiid ka dhigay deegaanka, waxaana ay dalbadeen isbadal. 2-Imaarate-ka Shariif Xasan waxaa uu sugayaay in lasoo gaarsiiyo lacag ka imaneysay Imaarate-ka oo uu rabay inuu doorashada ku galo, lacagtaas waxaa soo qaadi lahaa Cumar Cabdirashiid iyo Jurrile laakiin waa la waayay, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Villa Soomaaliya iyo imaaradku ay is fahmeen. 3-Dowlada dhexe Shariif Xasan ayaa dareemay culees xoogan oo kaga yimmid Dowlada dhexe ee Soomaaliya, taas oo gadaal ka taagan labo musharax oo xoogan, waxaa xildhibaanadii Koonfur Galbeed intoodii badneyd ay joogaan Xamar taas oo ka dhigan in si walbaba aaney Shariif dooran doonin. Villa Soomaaliya ayaa go’aan ku gaartay in Shariif Xasan meesha laga saaro. 4- Musharaxiinta isbadal doonka ah Sida lagu yaqaano siyaasada Soomaaliya, mar walba musharaxiinta isbadal doonka ah waa iska hadaf, waxaana ay ka siman yihiin in laga adkaado qofka xilka haya. Shariif waxaa uu dareemaya inuu kaligiis yahay ayna adag tahay inuu soo laabto. Afartaan arrimood ayaa loo sababeyn karaa hadii uu Shariif Xasan ka tanaasulo doorashada madaxtinimada ee Koonfur Galbeed. W/Q: Xuseen Cabdullahi Aadan Baydhaba, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho ( Sh. M. Networl)-Dabley hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in goor dhow dil ay ka geysteen deegaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho. Dilkan ayaa la sheegay in loo geystay Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda oo watay Gaari Saarif ah oo maray halkaasi. Sida ay dad Goobjoogayaal ah u xaqiijiyeen Shabelle Ragga dilka geystay ayaa Askariga ka qaatay Qoray iyo Gaarigii uu watay. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in kooxdii ka dambeysay dilkaasi oo watay Mooto nuuca loo yaqaano Vekon-ta ay goobta isaga baxsadeen. Dilka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo durbo baaritaano ka bibaalay qeybo ka mid ah deegaanka Tareedisho ee duleedka Muqdisho. Muddooyinkii dambe waxaa gudaha Caasimadda iyo nawaaxigeeda ku soo badanayay dilalka qorsheysan ee ka dhanka ah Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. The post Kooxo hubeysan Oo dil ka geystay duleedka Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Warar aad isu soo taraya oo nasoo gaaraya, ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ka harayo tartanka doorashada madaxweynaha ee dhacaya 17-ka bishan November. Shariif Xasan ayaa la xaqiijiyey inuusan guddiga doorashada maamulka u gudbin warqadihiisa is-diiwaan gelinta maanta, xilli shahaadooyinka la siiyey musharaxiin ay ka mid yihiin Mukhtaar Roobow iyo Cabdicasiis Lafta-gareen. Sida ay wararku sheegayaan, Shariif Xasan ayaa la filayaa inuu go’aankiisa ku dhawaaqo galabta ama berri. Xafiiska Shariif Xasan oo aan la xiriirnay ayaa diiday inay xaqiijiyaan ama beeniyaan warkan, waxayna sheegeenin laga war-sugo go’aankiisa, islamarkaana uu isaga ku dhawaaqi doono inuu musharax yahay iyo in kale. Illaa iyo hadda ma cadda sababta ku kalifaysa Shariif Xasan go’aanka noocan ah, balse wararka qaar ayaa sheegaya inuu heshiis hoose la galay dowladda federaalka Soomaaliya, oo taageereysa musharax Cabdicasiis Lafta-gareen. Xubno ku dhow Shariifka, oo aan la xiriirnay ayaa diiday inay qiraan warkan, balse waxay sheegeen in xildhibaanadii Koonfur Galbeed ay dowladda ku haysato Muqdisho, taasina ay go’aanka noocan ah ku kalifi karto inuu qaato Shariif Xasan. Ilaa lix xubnood oo ku dhow Shariifka oo aan la hadalnay ayaa waxaa ka muuqatay in warkan uu jiro, balse aysan dooneyn inay xaqiijiyaan, ka hor inta uusan Shariifka hadlin. Wixii warar ah ee kusoo kordha, waan idinla soo socod siin doonaa Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa shir guddoomiyay kulanka 22-aad ee kalfadhiga 4-aad ee golaha shacabka BJFS. kulanka oo ay goobjoog ahaayeen 139 xildhibaan ayaa guddiga xuquuqul insaanka ee golaha shacabka waxa ay ku soo bandhigeen warbixinta akhrinta labaad hindise- sharciyeedka hay’adda Naafada Qaranka Soomaaliya. Guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka ee golaha shacabka Xildhibaan Xaawa Yuusuf Axmed ayaa golaha usoo bandhigtay qodobada ay ku kordhiyeen hindise-sharciyeedkan iyo meelaha ay wax ka badaleen. Xildhibaanada ayay ka codsatay in xeerkan si deg deg ah lagu meel mariyo maadaama uu muhiim yahay, sidoo kalena xildhibaanada soo bandhigaan talooyinkooda. Aqrinta ka dib ayaa xildhibaanada golaha shacabka waxa ay soo bandhigeen talooyinkooda ku saabsan xeerkan iyo meelaha wax ka badalka u baahan. xildhibaanada ayaa dood ka yeeshay qodobada qaar ee ku jira hindise sharciyeedkan ee u baahan in aad loogu fiirsado. Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in hay’addaan ay tahay mid muhiim ah loona baahan yahay in talooyin badan xildhibaanada ku daraan dhismaheeda. ” waxaa soo jeedinaya in guddiga aan kala shaqeyno sidii hindise-sharciyeedkan muhiimka ah loo dardar gelin lahaa, hay’addaan horay wey u jiri jirtay hanti Qaran iyo xuquuq ayay lahayd sidaasi darteed wa in talooyinkeena aan ku biirinaa oo fikir badan aan isweydaarsanaa si hay’adda u noqoto mid gudaha iyo dibadda ka shaqeyn karto”. ayuu yiri guddoomiye Mursal. The post BFS Oo akhrinta 2-aad marsiiyay sharciga Naafada Qaranka appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xilli magaalada Muqdisho laga dareemayo iney aad ugu sii yaraanayaan bisadaha dhanka kalana uu kusoo badanayo Dooliga (Jiirka) ayaa waxaa sababta dhabta ah ka hadlay xildhibaan hore oo ka tirsanaa Baarlamaanka Federalka ah. Xildhibaan Cabdi Barre Jibriil oo ah siyaasi ku sugan magaalada Muqdisho ayaa war-baahinta maxalliga ah u sheegay in Dowladda Federalka ay billowday iney dowlado shisheeye ka iibiso Bisadaha oo kamid ah xayawaanka ku nool Soomaaliya. Wuxuu sheegay in dowladdu horey u fasaxday Ugaadhii, sida deyrada, diidiinka iyo kuwa kale, haddana ay xaaladdu mareyso Bisadihii iyadoo aan la ogeyn haddii ay dowladdu dhaqaale ku qaadato iyo iney bilaash ku bixiso. Bisadaha ayaa qaali ka ah wadamada Reer Galbeedka iyadoo mararka qaar qofkii dila laga qaado lacag diyo u dhiganta sababtu waa iyagoo kasii dabar go’aya wadamadaasi. “Idinka Ugaar baad ka hadleysaane Biisadihi baa la dhoofinayaa Biisadihii, Xamar miyaad ku aragteen? baadi gooba Biisadihii baa la rarahayaa, cid ka xisaabtameysa ma leh, Baarlamaan ka gubanaya oo ka xisaabtamaya ma leh, ciiddii baa la rarahayaa waxaa Balli doogle iyo Buurhakaba laga rarahayaa ciiddii iyadoo Konteenaro ku jirta ayaa la dhoofinahayaa cid ka hadleysa ma leh” Sidaasi waxaa yiri Xildhibaan hore Cabdi Barre. Dadka qaar ayaa haatan ka cabanaya Dooliga oo ku batay Muqdisho maadaama Bisadihii la dagaalami jiray la dhoofinayo, waxaana ay Dowlada Federalka kula talinayaa mar haddii aan Bisadaha laga aaleyn in lagu daro oo isna la dhoofiyo Dooliga ama Jiirka. Ugu dambeyntii Cabdi Barre ayaa wuxuu sheegay in dalka Soomaaliya uu ku jiro marxalad adag una baahan yahay in la badbaadiyo inta goori goor tahay. Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Sida uu wararka ku helay warsidaha Puntlandi, Madaxweyne Shariif Xassan Shiikh Aadan ayaa gor dhowayd madaxtooyada Koonfur Galbeed isugu yeeray duubabkii dhaqanka ee gobollada Baay iyo Bakool ama Digil Iyo Mirifle. Wuxuu ku wargaliyay in uusan awoodin in uu u tartamo xilka Madaxtinimo ee Koonfur Galbeed, isagoo caddeeyay inay dowladda federalku si toos ah u afduubatay howlihii doorashada, iyadoo loo adeegsanayo ciidamo, gaadiid dagaal iyo murashixiin Nabad iyo Nolol si xoog kuwado. Mid ka mid ah Odoyaasha dhaqanka ee goobta joogay ayaa lagasoo xigtay in kaddib ay shirka kusoo biireen Xildhibaano tiro ahaan gaaraya 21 xubnood oo ay ku jiraan xubnihii Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed, kuwaasi oo lala xiriirinayo in ay Shariifka garabkiisa ahaayeen. Waxay kula taliyeen in uusan is casilin oo uu tartamo, balse waxaa uu ku adkaystay go’aankiisa. Warar aanan la hubin ayaa xaqiijinaya in uu si rasmi ah galabta ula hadli doono Murashaxiinta. Puntlandi.com Source
-
New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa diyaarinaya qaraar cunaqabataynta lagaga qaadayo dawladda Ereteriya kadib markii reer Galbeedku bedelay mawqifkooda. Heshiiska Itoobiya iyo Ereteriya ayaa fure u ah qorshaha cusub waxaanay cunaqabataynta hubku saarnaan doonta Somalia sida qaraarka cusub dhigayo. Dawladda Ingiriiska ayaa Khamiistii golaha u qaybisay qaraar ku baaqaya in Ereteriya laga qaado cuno qabataynta Hubka iyo dhammaan xariyaadda dhanka socdaalka, hantida laga xannibay iyo dhammaan cuno qabataynaha lagu bartilmaameedsaday Ereteriya sida uu dhigayo qaraarka Ingiriisku u ololanayo oo ay aragtay wakaaladda wararka ee AFP. Qaraarka ayaa loo codayn doona 14-ka bishan November, waxaana lagu rajo weyn yahay in la meel marin doono sida laga soo xigtay ilo diblamaasiyadeed. Maraykanka iyo Ingiriiska oo heshiiska Ereteriya iyo Itoobiya kadib dalbanayay in Asmara hagaajiso xorriyatul qawlka iyo xuquuqal iisaanka ayaa haddana mawqifkooda bedelay, islamarkaana ogolaaday in cuno qabataynta la qaado. Ereteriya waxa cuno qabataynta la saaray sanadkii 2009 kadib markii lagu eedeeyay in ay taageerto kooxaha ka dagaallama Soomaaliya, hase ahaatee waxa qaraarka lagu sheegay in Kooxda la socodka cuno qabataynta u qaabilsan Qaramada Midoobay aanay keenin wax caddayn ah oo ku saabsan in Ereteriya taageerto argagixisada. Dawladda Ereteriya ayaa eedahaasi dafirtay waxaanu wasiirkeeda arrimaha dibaddu bishii September kulanka guud ee Qaramada Midoobay ka sheegay in cuno qabatayntu curyaamisay dalkiisa iyada oo aanay wax sharci ah ku salaysnayn waxaana cuno qabatayntu buraysa isla maalinta loo codeeyo qaraarka sida ku xusan qaraarkan cusub. Dawladda Soomaaliya ayaa Itoobiya ku wehelinaysa baaqa ah in cuno qabataynta laga qaado Ereteriya intii isbedelku ka dhacay Geeska Afrika laakiin, sida uu dhigayo qaraarka cusub waxa Soomaaliya sii saarnaan doonta cuno qabataynta hubka. Dawladda Jabuuti ayaa hore si weyn uga soo hor jeedsatay in cuno qabataynta hubka laga qaado Ereteriya iyada oo ay u dhexeyso colaad dhanka xuduudka ah. Hase ahaatee qaraarkan ayaa Ereteriya iyo Jabuuti ku boorrinayo in la sii wado wada hadallada bilawday bishii September oo madaxda labada dal ku kulmeen Sucuudiga. Waxa xusid mudan in dawladda Ingiriiska oo qaraarkan dabada ka riixaysa la filayo in ay dhawaan xoojiso cilaaqaadka ay la leedahay Jabuuti. Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa boggiisa twitter-ka ku sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Ingiriisku sheegay in ay si dhakhso ah safaarad uga furan doonan Jabuuti. Wasiirku waxa uu sheegay in ay taasi ku timid siyaasadda arrimaha dibadda Jabuuti oo furfuran. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Sheekh Mukhataar Roobow Cali ayaa noqday Musharraxii ugu horreeyay ee isu diwaan galiya doorashada K/ Galbeed Soomaaliya. Gudig Doorashada maamulkasi ayaa Shahaadada Musharaxnimo gudoonsiiyay Musharrax Sheekh Mukhataar Roobow oo buuxiyay shuruudihii la soo bandhigay. Roobow ayaa sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in uu guuleysto doorashadaasi oo dhawaan ka dhaceysa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Ololaha doorashada ayaa si weyn uga socota deegaanada Koonfur Galbeed, iyadoona ay u taagan yihiin Musharraxiin dhowr ah oo daneynaya qabashada hoggaankaasi. Doorashada ayaa lagu wadaa in 17-ka bishan ay ka dhacdo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. The post Musharrax Madaxweyne Roobow Oo is diwaan galiyay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Wasiir hore ee ganacsiga iyo Duulista Hawada ee dowladda Puntland Cali Axmed Gamuute, oo dhawaan ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay xilka madaxweynaha Puntland, ayaa maanta Muqdisho ku qabtay qabtay shir Jaraa’id oo uu kaga hadlayo taariikh Nolaleedkiisa. Taariiqdiisa oo Kooban Musharaxa Cali axmed ayaa ku dhashay Magaalada aAwaare ee Dowlad deegaanka ismaamulka Soomaalida Itoobiya Sandkii 1957. 1964 waxa Loo soowareejiyay Soomaaliya waxa uuna ku bar baaray Magalada qardho waxa barashada aas aasiga ah waxa uu ku dhameystay Magaalada qardho sanadii 1973 waxabarashada dugsiga sare waxa uu ka baxay dugsiga taba barka Wax barashada Gacanta ee Burco waxa uu dhameeyay sanadii 1977 Hreerka koowaad ee Jamacada waxa uu ka bartay Jaamacada umada Soomaaliyeed kuliyadii in jineeriga 1981. Marka uu dhameeyay heerka koowaad ee jaamacadda. Waxa loo qaatay Macalinimo, waxaana loo baday Dugsigii Farsamada Gacanta Lafoole sanadkii 1981 ilaa 1982. Waxa uuna Noqday macalimiintii ugu horeeyay ee Badala Macalimiintii ajanamiga ahaa ee lacagta badan lagu keenijiray si ay waxa ubaraan dadka. Isla sanadkii Xigay Cali Gamuute waxa loo badalay Dugsiga sare ee Beeraha Af gooye isla sanadkaa 1984 waxa uu maamule ka Noqday Dugsiga sare ee farsamada gacanta ee Luglug ee Jubada hoose isla sanadkaas waxa loo badalay kuliyadii ciidamada qalabka sida ee Jaalle Siyaad. Musharaxa Cali Gamuute ayaa Kamid noqday Golahii wasiiradda ee dowladda Puntland sanadihii 2009 ilaa 2013. Waxaa uu soo noqday wasiirkii duulista iyo garoomada Puntland iyo wasiirkii ganacsiga xilligii xukuumadi Cabdiraxmaan Faroole. Cali Axmed ayaa sheegay in xisbigiisa aayatiin ay diyaar uyihiin in ay utartamaan jagada Madaxtinimo Puntland ee 2019 ka dhici doonto Puntland. Musharaxa ayaa sheegay in Hadii ay ku guuleysta Xilkaasi uu wax badan kabadali doono Xaaladaha amni ee deeganada Puntland Kobaca dhaqaalaha xaga wax barashada iyo in ay soo saari doonaan Kheyraadka dhulka Si looga Faa iideysto. Gamuute oo hadalkiisa siiwatay ayaa sheegay in uusan diyaar u ahayn in uu ku soobaxo Laaluush ama Musuq maasuq waxa uuna ku macneeyay haddii uu musuq maasuq ku soobaxo uu noqonayo afwax cun Xishoo uusan waxba qaban kari ileen musuq maasuq aan ku soo baxee. Dhinacakale waxa uu sheegay in uu Hormarin doonaa Nolasha iyo aqoonta Dadka reer miyiga si dadkaasi reer miiga ah ee aan kutiirsanahay ay noqdaan dad aqoon ahaan iyo nolol ahaan diyaarsan. Halkaan ka dhegayso codka Musharaxa. musharaxa Puntlandi.com Source
-
Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Waxaa barqanimadii maanta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug gaaray Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom iyo Ergeyga Midowga Africa u qaabislan Soomaaliya Amb. Francisco Madeira. Labad Ergey waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay madaxda sare ee Galmudug, sida Madaxweyne Xaaf iyo madaxa xukuumadda maamulkaasi Sheekh Shaakir. Intaasi kadib ayaa waxaa wafdigani iyo madaxda Galmudug kulan gaar ah ay ku yeesheen xarunta Madaxtooyada maamulkaasi ee koonfurta Gaalkacyo. Kulankan ayaa waxaa la sheegay in looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaaladda cakiran ee Galmudug iyo khilaafka u dhexeea dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada dalka. Wakiillada QM iyo Midowga Africa ayaa horay u gaaray Kismaayo, Baydhabo iyo Garoowe oo ay kula soo kulmeen madaxweynayaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland. The post Wakiillada QM iyo Midowga Afrika Oo gaaray Gaalkacyo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Hadba geed isku qaaday, siddii hal shimbir cag qabta, af dhigi wayday, oo isu barbari-naysa dhanka lugta xanuunaysa, dabeed kaba baydhay wadaddii ay haysay, siday dhinac ay ugu xagli-naysay, aakhir-kiina jar ka booday, oo halkii ku aakhiray-satay, waxa cayn-kaas ka dhigan oo maskaxdda ka buka, ka caar-keena caaya ee la yidhaaho guri abaareed, wasiir ku sheega War-faafinta iyo hidaha, waa kaas kuu askarigu biday in uu hidaha wasiir u yahaye ( wuxu wax is dhaama maaha), oo ka dirtay-ba wuu ka sii liitaaye. waa-se uu u sii dhameeyey askartii, wax badso wax beela way leedahaye, aqoon xumaan wuxu ka qabo, cabudhi buu si leeyahay ummadda. oo mucaaridku waxay ku hadla-yaan dhegayso, laakiin ma oga in boqol mayl laga sii horeeyo, waayo’aragnima-diisa baa yar, oo ilayn aqoon laguma keenin, markii hore-ba meesha ee caydda hablaha iyo reer hebel baa lagu keenaye, waxad moodaa in uu dhashay intii uu af-weyne tegay, in wuxu eeday-ba ay ahayd cabdudhi oo yaan juuq la odhan, malaha kani wuxu ka yahay ” Lax Dhukani Abaar moog” oo xaal-kiisu waxa weeye marka la isku soo duubo ” Rabbi khalaq wa dalaq” oo micna-heedu yahay laguma dhaamee dhaqaa”. waxan odhan lahaa ka indhaha la’, siddii qarandidda hoos u foorara, aqoonta aad hablaha ku cayday, baa waxad tahay-ba sheegtay, meel kale oo lagaa soo baadhayaa ma jirto. Wax soo kordhi baad is tidhi ku cusub, oo aad meesha ku sii ahysato, markaa-saad la timi qalab wax lagu dhegaysto baan soo dejiyey, bal in aad ambanayso, ma askari sir doonaad tahay? Mise Wasiir ku Sheeg? Mise labada-ba waad tahay? bal wax isku sheeg adigu aanu kaa dhegaysano. Waxa aanad garanayn waxa uu askarigu kuu dirtaye, waayo hadaad gara-nayso micna-heedda, maad caydeen hablaha , adoo ku andacoo-naaya, wax aad hidaha ku sheegtay baan wasiir u ahay, horaa-se loo yidhi ” Aqoon gab gabal kuma hooyo ee gacal ha moodina”, markaa iska walaaqo. Akhristaw, qodob ka kale ee imikadan aan qoraayo maqaalkan taagani waxa weeye, aan in yar kaaga horey-siiyo’e. Somalidu been way sheegtaa laakiin been ma maah-maahdo’e, waxay yidhaaheen ” Soo bax baa la leeyahay, oy sacabka leefay-saaye” waa dhab, oo runtii saaka baynu haynaa iyadda oo ooda-heeddii wadata, adiga oo iga raali ah. Muwaadin waad la socoteen in dhul-keenii , siiba dekeddii ahayd dhuunta laga quudiyo Somaliland, uu Xusbiga Kulmiye iibiyey, bool-bool u xaraashay, gebi ahaana uu ku wareejiyey Imaaraadka, taas oo dhashay in ka badan 30 markab oo rarani, inay mudo bil taagnaa-yaan marsadda Berbera, oo cid ka dejisa la waayey, cashuurtii ku habsaantay, tii khasnad ahayd-na beri hore lagu kala tegay, oo la faaruqiyey, ummaddii ku noolayd-na ay bay-hoof iyo silic isla daba meeraysa-naysaa, oo aanay haynin wax ay iligga saaraan, darxumo u dhamaatay, macaluulna uu boggii iyo beerkiiba suun ku kala jaray. (IHN) abwaan Ibraahim Gadhle baa yidhi ” Daawaha agoontiyo ma mid daaha goostiyo, dacas kama tagay dhali? Ma mid dawladaha iyo dawersadda aduun-kiyo, doolar urursaday dhali?, Ma mid dalaga beeraa iyo dooga soo baxa naga daaqa bay dhali? imika baynu haynaaye, oo aboor baa ku baxay dhulkii siddii u dhamaa, oo olol iyo omas, qiiq baa meel kaste ka baxaya, siddii malawggii bay cariga u muudsa-deen, oo ay u qalaji-yeen caleentii siddii xaabkii dhirta ka daadan jirey xagaaggii, duulka Meesha ka shimbiro-waaqalay-nayaa waa wax aan hore inoo soo marin. Nin la odhan jirey Faarax Gololay, oo majaaji-layn jirey, baa maalin ka mid ah ayaamaha, goor ay galab tahay, oo salaadii makhrib dacalka loo saaran yahay, baa hudheelkii Taleex ee xamar, waxa soo gashay ina af-weyne, Faarax Gololay ciyaal faraha badan oo baalash-layaal ahaa, oo hudheelka hor fadhiisan jirey, buu mid kaste shilin siiyey, wuxu yidhi, marakay ina af-weyne ay baxayso, dibnaha waxad ka siisaan Biiq-Biiq-Biiq, siddii wax dhuusdhuu-aaya oo kale. Kolka ay idin tidhahao maxada la dhuusdhuu-saysaan? dhinac nooga baydha, waxad ku tidhaahaan Aabahaa baa afka naga xidhaye, adna ma waxad rabtaa in aad futadda naga xidhid? cabaar ka bacdi, markii ay soo baxday bay ciyaalkii siddii lagu-la balamay sameeyeen, oo intii la sii qayb-siiyey ku yidhaaheen inantii, intay ku qosashay bay tidhi orda oo edeb sameeya ciyaala-suuqayahaw. ilayn wax la xidhi-xidhi akro maahee. Waxan uga socdaa kan yar ee banaanka ordaayaa xaal-kiisu waxa weeye iska dhuus-dhuus sidda ciyala yaab leh, ilayn shaqo-diisa maaha wax dhegay-siye, oo askari sir doona maahee, maxaa ku kelifay in uu soo waarido waxan uu is leeyahay ku faan? Waxa weeye sababtu qalabkan hunguri baa ugu jira, oo wuxu is leeyahay aad wax ku cuntid, ilayn maskax mesha kuma hayee, wax bana ma dhegay-sanayaa. waxa la yidhi ” Gacan qaad-qaad baratay, haddii la gooyo, gumudka baa dhaq-dhaqaaqee” wuxu maqalay wax baa la boobaa, mana hayo qaabkii, wax loo kala deberi jirey, ee siddii caruurtii markay gurguuur-taan waxa kaste oo dhulka yaala afka gelin jirey buu kani leeyahay ” dhulku Maadh Badanaa , ma magaalo yar baa?” Waxan ku soo xidhay qoraalkan isaga ah ” Gunta lagama jaro geed haduu, kuu gabood yahaye”, kani isaga baa isi soo dabraaya, mana dhici karto in la isu aamusiiyaa, oo hortii jiraba waaye, af-weyne baa isku deyey, oo dooniddii bad dhex dhigtay, kana dabaalan kari waayey, ee daaya isaga iyo ummadda ka mawjadu qaado? Qore:- Dr Daacad Alle Yaqaan N . B ” Aqoon gab gabal kuma hooyo. Qore : – Abdi-shotaly. ashotaly5@gmail.com Source
-
Sanadkan sii galbanayaa inta aanu gebagaboobin waxaynu bixinaynaa tobon biladood sidii inoo caadada ahaan jirray . Biladda koowaad oo ah bilada isbadalka , waxaynu siinaynaa xisboga ucid oo sameeyay isbadal wayn oo ah mucaarid sakhiran ilaa mucaairid mayal adag . Bilada dib u dhaca iyo gaabiska waxaynu siinaynaa xisboga kulmiye oo Ka hoos maray filashadii xitaa mucaaridku Ka filayeeen iskadaa muxaafidkee . Biladda dulqaadkana xisbiga wadani ee samirka badan . Biladda wasiirka sanadka waxaynu siinaynaa wasiirka beeraha ee dhulka wada beeray . Biladda maayarada waxaynu siinaynaa maayarka berbera ee la isku raacay . style=”text-align: justify;”> Biladda dhalinyarada waxaynu siinaynaa eng siyaasiga ah ee dada yar eng cabdixakiin . Bilada diidmada waxaynu siinaynaa maxamuud xaashiga dadku wada giriifey . Bilada saamayntana waxaynu siinaynaa buuga xirsi ee sheekadiisu dhamaanwayday . Bilada dadaalakana waxaynu siinaynaa shirkada telesom ee dadaalka badan . Bilada jacahlkana qoyska reer mursal ee hal hayska noqday . La soco tobanka biladood ee Ku xiga . Source
-
Hargeisa- 5th November 2018 The Minister of Information of the Republic of Somaliland should stop recurrent decisions restrictive to freedom of media protected in the Constitution and the Press Law, Human Rights Centre said today. On 1st November 2018, the Minister of Information, Abdirahman Abdilahi Farah, wrote a letter to the Attorney General asking to take “a legal action” against two privately owned televisions, Saab and Star. The Minister accused the two television stations of violating a previous order banning Somaliland media “of making any communications with a robbery group led by Caare,” says the Minister’s letter seen by Human Rights Centre. The letter refers to a former military officer who left the Somaliland National Army and formed what he called “an armed opposition group.” The dispatch of the Minister states that the televisions aired “on 27th October 2018 news detrimental to the sovereignty” of Somaliland, and asked the Attorney General to take an action against Saab and Star televisions “to prevent the media to report news destabilizing the peace and security of the country.’ The management of one of the televisions named by the Minister told the Human Rights Centre that they have not violated the laws of Somaliland, but aired statement made by a “dissident colonel.” “This is not the first time the Minister of Information issued a decision threatening and squeezing freedom of media. In an earlier directive, he ordered the Somaliland media not to give coverage news that is “destabilizing the peace”. Last week the governor of Sool region instructed all journalists based in Sool not to provide any news coverage to Puntland administration or talk about anything related to Puntland,” says Guleid Ahmed Jama, the director of Human Rights Centre. On 29th May, the minister banned SOMNews and SBS TV from operating in Somaliland. SOMNews was later allowed to operate. “We are very concerned about the restrictions against the media particularly on matters related to Sool and Sanaag regions. It is clear that the minister is intimidating the media, and is trying to impose censorship on the independent media,” he added. Article 32 of Somaliland Constitution guarantees freedom of media and stipulates “all acts to subjugate them are prohibited.” Guleid Ahmed Jama Director of Human Rights Centre Somaliland Email: hrcsomaliland@gmail.com Twitter: @hrcsomaliland @GuleidJ Source
-
Popular Contributors