-
Content Count
206,923 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Cabdikariin Maxamed Nuur Magaalada Suweeto ee dalka koonfur Afrika, oo shalay lagu qabtay tartanka cayaaraha maaratoonka kaas oo ay ka qeeyb galeen cayaartooy ka kala socotay daafaha dunida waxaana ka mid ahaa cabdikariin maxamed nuur oo ah wiil soomaaliyeed oo gabagabdii tartanka abaalmarin la gudoonsiiyay. Waxa uu u tartamayay gobolka uu daganyahay oo lagu magacaabo liboombo kadib markii uu tartamo heer deegaan ah uu horay ugu soo qeeyb galay. Tartankan oo lagu magacaabo Suweeto maaratoon ayaa waxa uu maxamed kaga qeeyb galayay qeeybta orodka oo ahayd 14 kilomitir. Cabdikariin Maxamed Nuur oo ku guuleeytay billadda qallinka ah Qeeybtii hore ee tartanka orodka, waxa uu ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay, balse nasiib darro dhulka lagu ordayay ayaa waxaa uu ahaa dhul buuraleey ah oo waxaa cabdikariim soo gaaray dhaawac dhanka muruqa ah , marka uma aysan sura galin in uu ka sii mid ahaado dadka hogaanka u hayo tartanka. “Halkii kilo mitirba waxaan ku jaraynay 3 daqiiqo iyo 20 ilbiriqsi taas oo macneheedu yahay in aan ka mid ahaa 10-kii qof ee ugu horreeysay inta aanan dhaawacmin,” ayuu yiri cabdikariin maxamed mar uu qadka taleefonka ugu waramayay weriyaha BBC-da Faarax Lamaane. “Dhaawaca markii uu isoo gaaray waxaa hoos u dhacay xawaarihii aan ku ordayay oo halkii 3 daqiiqo iyo 20 ilbiriqsi aan calaa kilo mitir ku oraday, waxay markii dambe isku bedeshay in aan halkii kilomitir ku ordo 4 daqiiqadood taas oo sababtay in dadkii dambe ay isoo gaaraan,” ayuu intaasi ku sii daray cabdikariin. Balse Cabdikariin oo aan joojin orodkii ayaa waxaa uu galay kaalinta 32-aad taas oo u saamaxday in uu ku guleeysto billadda qalinka ah. Waxaa xusid mudan in tartartanka ay ka qeeyb qaadanayeen ilaa 30 kun oo qof. Cabdikariin Maxamed Nuur iyo qaar ka mid ah dadkii la tartamayay Qaran News
-
Abba Awow Suufi oo xilkii laga qaaday Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,Shariif Xassan Sheikh Aadan ayaa xil’ka-qaadis ku sameeyay wasiiru-dowlihii Dhalinyarada iyo Ciyaaraha maamulkiisa. Wasiiru-dowlaha xilkii laga qaaday oo lagu magacaabo Abba Awow Suufi Caffan ayaa lagu eedeeyay in uu ku kacay aflagaaddo iyo anshax-xumo ka baxsan hab-maamuska iyo sharafta golaha wasiirada Koonfur Galbeed,sida ku cad digreeto xalay ka soo baxday xafiiska madaxweynaha. Hase yeeshee xil’ka qaadista ayaa soo baxday waxyar kadib qoraal uu wasiirku soo dhigay bartiisa Facebook,kaasoo uu xubnaha golaha wasiirada iyo xildhibaannada taageersan Shariif Xassan kaga dalbaday in ay mudda 72 saac gudahood ah uga baxaan qasriga madaxtooyada KFG. Mas’uulka xilkii laga qaaday oo sidoo kalena ka tirsan xildhibaannada Baarlamanka Koonfur Galbeed ayaa si weyn u dhaliilsanaa madaxweyne Shariif Xassan,waxaana la sheegayaa in uu maalmahan dambe qeyb ka ahaa ol’ole ka dhan ah siyaasadda madaxweynaha. Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa wajahaya qalalaase siyaasadeed,kadib markii ay is-casileen inta badan xubnihii guddiga doorashada madaxtinimada maamulkaasi oo ka cabanayey fara-gelin ay sheegeen in ay ku hayso xukuumadda Federaalka. Madaxweyne Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa isaguna la kulmaya culaysyo kala duwan oo uga imaanaya dhanka Villa Somalia iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah. PUNTLAND POST The post Maxay tahay anshax-xumada xilkii looga qaaday Abba Awow? appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Xaaladda siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa u muuqata inay sii cakirmayso kadib markii xalay ay is-casileen xubnaha guddiga doorashada, oo ku eedeeyey dowladda federaalka inay faro-gelin ku hayso doorashada. Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in guddoomiyaha baarlamanka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye, uu ku dhawaaqi doono maantq inuu kala diray baarlamanakii Koonfur Galbeed. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale filayaa inuu shaaciyo in doorashadii Koonfur Galbeed, oo la waqtiyeeyey inay dhacdo 17-ka bishan aysan qabsoomi karin. Guddoomiyaha ayaa la filayaa inuu dowladda federaalka ku eedeeyo inay faro-gelin ku hayso doorashada, islamarkaana ay xildhibaanadii maamulka gaysatay magaalada Muqdisho.Ma cadda waxa xigi doona intaas, waxaase muuqata in xaaladd Koonfur Galbeed ay isku dhex yaacday. Guddoomiyaha guddiga doorashada, Xildhibaan Carfo Ibraahim Aadan, afhayeenka guddiga Amin iyo xubno badan oo shalay shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dowladda federaalka ay magaalada Muqdisho u soo kaxeysay xildhibaannadii dowlad goboleedka Koonfur galbeed, isla markaana ay murashaxiinta la’yihiiin cid ay u khudbeeyaan, oo barnaamijkooda la wadaagaan. Xubnaha guddiga is-casilay waxaa ay xukuumadda Kheyre ku eedeeyeen fara-gelin, carqalad iyo inay dhibaato ku tahay doorasho ka dhacdo koonfur galbeed. Xog aan helnay ayaa sheegaya in dhammaan arrimaha is xiga xiga uu ku dambeeyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay ka go’an tahay in doorashada aysan dhicin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Riyadh (Caasimada Online) – Qoraagii reer Sacuudi isla markaasna ahaa Wariye Turki Bin Abdul Aziz Al-Jasser ayaa dhintay kadib markii lagu jir dilay Xabsi ku yaal dalka Sacuudiga, sida uu qoray wargeyska New Khaleej. Arrintan ayaa imaneysa bil kadib markii Sacuudiga ay qirteen in suxufi Jamaal Khaashuqji lagu dhex-dilay qunsuliyaddooda magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Illi wareedyo Xuquuqul Insaanka u doodo ayaa sheegay in Al-Jasser la xiray isla markaasna uu jirdil u dhintay kadib markii ay dowladda Sacuudiga ku eedeysay inuu maamulayey akoonka Twitter ee Kashkool kaasoo hadda la xiray kadib markii ay dacwad ka gudbiyeen qoyska Boqortooyada. Sida ay illo wareedyada xaqiijiyeen Al-Jasser ayaa loo aqoonsaday inuu ahaa ninkii Maamulayey Akoonka Twitterkaa uuna ku shaqeenayey Xafiis ku yaalo Dubai. Wariyahaan ayaa waxaa la xiray Bishii March ee sanadkaan, waxaana lasoo sheegayaa inuu u dhintay tacadi xoog leh oo loogu geystay xabsiga dhexdiisa. Dilkaan loo geystay wariyahaan ayaa wuxuu kusoo aadayaa Xilli ay weli Sacudiiga dhexda kaga jirto fadeexadii ka dhalatay dilkii dalka Turkiga loogu geystay Wariye Jamal. Boqortooyada Sacuudiga ayaa u qorsheysay dil iyo xabsi cid kasta oo ka hor timaado amaradooda, waxayna Awoodii dalkaas kusoo koobmatay Qoyska Boqortooyada. Caasimada Online Xafiiska Riyadh Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo ka qeyb galayay gabogabeynta shirka Sanad laha ee wasiiradiisa ayaa shaaciyay inay aad ula dagaalamayaan Musuq maasuqa oo Soomaaliya hoos u dhigay. Kheyre, ayaa soo hadal qaaday talaabadii maxkamadda gobolka Banaadir ay xukunka sanadaha ah ugu riday xubno ka tirsanaa dowladda Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay talaabadaasi inay tahay mid bilow u ah la dagaalanka Musuq maasuqa. Wuxuu sheegay in qaab walbaa oo macquul ah ay ula dagaalami doonaan musuq maasuqa oo ah dhibaatada koowaad ee Soomaaliya ka reebay dalalka kale ee caalamka. Sidoo kale wuxuu shaaciyay farsamooyin cajiib ah oo noqon kara Musuq maasuq la sameeyo, waxaana uu sheegay in wasiiradii ka horeeyay kan ugu wanaagsan si aan musuq masuqiisa loo fahmin uu sameyn jiray in dadka ku reerka ah uu ka shaqaaleysiin jiray wasaarado kale. Dhinaca kale Xasan Cali Kheyre, ayaa wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye, xasuusiyay hadal cajiib ahaa oo ay ku dhahday kulankoodii ugu horeeyay ee golaha wasiirada. “Shirka golaha wasiirada markii ugu horeysay oo aan fariistay Wasiir Khadiijo, ayaa waxay tiri raiisul wasaaroow waan kula talinaayaa arimaha tirinta ciidanka iska dhaaf, arrimaha amniga iska dhaaf, mid walbaa kusoo fashilmay oo adiga kaa horeeyay, hadaan tirisaan ciidanka, waxay lamid tahay adinkoo Nuclear-kii ciraaq laga waayay kasoo helay”ayuu Yiri Xasan Cali Kheyre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Golaha iskaashiga ee ay ku midaysan yihiin dowlad goboleedyada;Puntland,Jubaland,Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa si adag u cambaareeyay fara-gelin ay sheegeen in dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayso doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed Soomaaliya. War-murtiyeed ka kooban 8 qodob oo xalay saqdii dhexe ka soo baxay golaha islaashiga dowlad goboleedyada dalka ayay ku sheegeen in ku dhowaad 100 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Koonfur Galbeed loo daad-gureeyay magaalada Muqdisho,islamarkaana lagu qanciyay in ay u codeeyan musharraxa ay wadato Villa Somalia,taasoo meesha ka saaraysa doorasho xor iyo xalaal u dhacda,sida war-murtiyeedka ku xusan. War-murtiyeedka ayaa sidoo kale lagu cambaareeyay siyaasadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed,taasoo ay goluhu sheegeen in ay kala qeybin ku hayso maamulka iyo Shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya,waxaana ay ka digeen in arrintaasi sababi karto colaad beeleed fursad siisa in Al-shabaab dib u qabsadan degaannadaasi. Dhinaca kale goluhu wuxuu soo dhoweeyay is-casilaaddii xubnaha guddiga doorashada Koomfur Galbeed oo ay sheegeen in ay sababtay fara-gelinta dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana ay ka digeen in cawaaqib xuma kasta oo doorashada ka dhalata ay mas’uuliyadeeda qaadayso Villa Somalia. Ugu-dambeyntii, goluhu wuxuu baaq u diray shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka in ay ka qeyb qaatan sidii dalka looga badbaadin lahaa in xukuumadda Federaalku ay dagaal sokeeye dib ugu celiso. PUNTLAND POST The post GIDG oo Villa Somalia ku eedeeyay in ay af-duubatay xildhibaanadii KGS appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu facebook soo dhigay uga hadlay sababta ay la hadlay in NISA ay ku qasabtay eedeymaha xasaasiga ah ee ay usoo jeedisay wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo hadda ah xildhibaan. NISA ayaa sabtidii sheegtay in la hakiyey qandaraasyo uu bixiyey wasiirka. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, oo ka tirsan NISA, ayaa Caasimada Online u sheegay in qanadaraasyada la hakiyey ay yihiin kuwa raashinka ee hay’adda NISA, kuwaas la siiyey shirkad uu wasiirka wax ka leeyahay. Sida ay sheegeen xubno ka tirsan NISA, oo codsaday inaan la magacaabin, qandaraaska ayaa bishii ku kacaya 300 oo kun oo dollar, wuxuuna socday muddo saddex sano, oo kasoo billaabata intii Cabdirisaaq Cumar uu ahaa wasiirka amniga Soomaaliya ilaa waqtigan, oo la hakiyey qandaraasyada. Cabdiriaxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in arrintan ay la xiriirto baaritaan guddiga amniga baarlamanka, oo uu Cabdirisaaq xubin ka yahay, ay ku hayaan NISA iyo xaaladda amni ee dalka. “Xildhibaan C/risaaq wuxuu xubin firfircoon ka yahay Guddiga Aminga ee Golaha Shacabka oo maalmahan ku hawlanaa diyaarinta warbixinta xaalada Amniga ee dalka, iyo sida ay hay’adaha amniga u shaqeeyaan gaar ahaan Booliska iyo NISA” Waxa uu intaas ku daray “Dagaalka isaga iyo Maryan Cusmaan (xisaabiyaha guud) oo iyadana wasaaradda maaliyadda baaritaan ku haysay lagu qaaday waa isku ujeeddo, taasoo la doonayo in isla xisaabtanka lagu af-qabto. Waa dagaal ay wax ka ogyihiin hoggaanka sare ee dalka” Wasiirkii hore ee amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamed, oo isna horey uga hadlay arrintan ayaa sheegay inay tahay mid siyaasadeysan Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Waxaa xalay si lama filaan ah isu casilay guddoomiyihii gudiga doorashada Koonfur Galbeed, ku xigeenkiisa iyo 12 xubnood oo kale. Taas waxa ay lama filaan ku noqotay dhammaan daneeyeyaasha doorashada maamulkaas lagu waday in ay ka dhacdo Baydhaba 17-ka bishan Noofembar. Hase ahaatee, waxa ay u badan tahay in ay soo de dejisay is casilaada xubnahaas labadan qodob ee hoos ku xusan. Shariif Xassan iyo golaha iskaashiga maamul gobolleedyada oo goostay in ay dib u dhigaan doorashada Arrintan oo ahayd mid hore loo sii saadilayey ayaa hadda noqotay mid xaqiiqo ah, maadama la fahansanaa in Golaha iskaashiga dowlad Gobolleedyada iyo Madaxweynaha maamulka ay doorashadu ka dhaceyso isku dayaan in ay baajiyaan ama dib u dhigaan si ay ugu xujeeyaan dowladda. Iyada oo ay soo baxaayeen warar sheegaya in Madaxweynaha waqti xilleedka ka dhammaaday ee Koonfur Galbeed, Shariif Xassan Shikeh Aadan uu ka harayo doorashada ayey tallaabadan gudigu qaaday noqotay mid sheekada cakirisay! Door intee le’eg ayuu ku yeelan karaa Shariif Xassan is casilaadda xubnaha gudiga doorashada? Waa weydiin jawaabteeda aad u sahlan tahay! Gudiga doorashada Koonfur Galbeed oo kala shakiyey Waa sababta ugu macquulsan, waayo, warar hoose ayaa sheegaya in ay isku diideen hindise ahaa in dib loo dhigo doorashada oo ay soo jeedeen xubno taageersan Shariif Xassan Shikeh Aaadan. Haddii laba sababood ay midda hore tahay, sheekadu waa barako ma leh iyo masiirkii Koonfur Galbeed oo ceel ku sii dhacayo maadama arintu u ekaan doonto dagaalkii Dowlada dhexe iyo Maamul Gobolleedyada oo waji kale oo qaab daran yeeshay. Hase ahaatee, haddii ay midda dambe tahay, xallinta mushaakilka ka dhalan kara is casilaadda xubnaha gudiga doorashada K/Galbeed waa mid dhaw oo la xallin karo, waayo, waxaa go’aankeeda door ku yeelan doona musharixiinta loolanka u dhexeeyo. W/Q: Xuseen Cabdullahi Aadan Baydhaba, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa amaro is daba joogo kusoo rogay shacabka degan xarumaha dowladda iyadoo aan la siinin fursad ay kaga guuri karaan goobaha ay degen yihiin. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in muddo labo todobaad ah ay heystaan dadka degan dhismayaasha wasaaradda arrimaha gudaha iyo xarunta wasaaradda waxbarashada. Dadka ayaa qaarkood waxay dhismayaasha degenaayeen waxii ka dambeeyay burburkii dalka, waxaana ay sheegeen inay ku yar tahay fursadda ay heystaan inay kaga guuraan dhismayaasha. Qaar kamid ah dadka degen dhismaha wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegay in waqtiga uu ku yar yahay, maadaama loo baahan yahay inay raadiyaan goobo ay kireystaan ama dadkooda inay la dagaan. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay inay doonayaan inay soo celiyaan dhismayaasha Danta Guud oo dadweyne badan ay deegaan sadeen sanadihii ugu dambeeyay. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dib u dhis lagu sameyn doono xarumo badan oo dowladda ay lahaan jirtay, iyadoo lagu dhisayo mashruuca Is-xilqaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Iyadoo lagu gudo jiro hawlihii u diyaar garoowga xiliga kala guurka ah, oo ay fooda inagu soo hayso dhameystirka soo xulida xubnaha cusub ee Aqalka Wakiilada Puntland iyo tartanka doorashada madaxtinimo ee Puntland sannada 2019, ayaa Beelaha iyo Shacbiga Puntland waxay si xoogle ugu mashquulsan yihiin kala reebida iyo soo xulida Xubnaha cusub ee u matali doona Baarlamaanka Puntland shanta sano ee soo socta. Sida caadada noqotay doorashooyinka xafiisyada Siyaasadeed ee ka qabsooma Puntland iyo guud ahaan Somaaliya ayaa noqday kuwo ah magnet ama birlab soo jiidata dhamaan shaqsiyaadka iyo kooxaha leh dhaqanka habardugaag. Doorashooyinka ka dhaca Somaaliya ayaa lagu sifeyn karaa Raq ama lax bakhtiday oo daleel cidla u taal, oo ay isugu habar wacdeen dhamaan inta ay ka kooban tahay Habardugaag. Marka aynu u soo degno dorashooyinka loogu tartamo Aqalka Wakiilada Puntland iyo mid Madaxtinimo ee Puntland ayaa noqday kuwo shacbiga Puntland ka niyad jabeen, oo laga quustay in tartanka lagu dhex arko shakhsiyaad xamaali kara amalka iyo rajada shacbiga Puntland mudada dheer naawilayaan ee ah in maalin uun uu mid lagu meel mariyo maahir u kaco. Marka aynu si guud ugu kuur galno soo xulista Beelahu soo xulayaan Xubnaha Barlamaanka Cusub ayaa waxaa kuu muqaneyso kala duwanaansho iyo farqi aad u weyn oo u dhaxeeya qaabka kala gedisa ee Beelaha Puntland uadeegsanayaan, ama u maryaan soo xulida iyo doorashada Xubinta Barlamaanka u mataleysa Beesha. Waxaad arkeysa Beelo aad u dadaalaya, isla markaan ay ka muuqato hiilo iyo in ay lexjecelo weyn u qabaan in ay badbaadiyaan, toosiyaan, isla markaana ka shaqeynaaya xoojinta dawladnimada iyo nidaamka Siyaasadeed ee Puntland, kuwaas oo qabnaaya shirar daah furan oo ay u dhan yihiin dhamaan qeybaha kala gedisan ee bulshada Beeshu ka kooban tahay. Shirarkaas oo lagu soo bandhigayo dhamaan musharixiinta damaca iyo hungurigu kaga jiro in ay buxiyaan kuraasta beeshu ku leedahay Barlamaanka,kulamdaas loo dhan yahay ee aan waxba qarsooneyn ayaa suurto gelinaaya in bulshada Beeshu fursad u hesho in ay xushaan shakhsiyaad leh damiir, diin, aqoon, isla markaana garan kara, qaadina kara masuuliyada aadka u culus ee sugaysa. Sidoo kale kulamdaa daaha furan ee beeshu ku kulmayso waxay meesha ka ceyrinayaan oo ku fashilmaaya shakhsiyaadka habardugaagta ah ama dibjiriinta ah, ee aan akhlaaq,aqoon iyo xitaa aan laheyn wax sifo wanaagsan ah oo lagu doorto. Beelaha Cali Jibraahiil iyo Dubeys ayaa ku sifoobay Beelaha aan kor ku xusnay ee maanta u hiiliyey shacbiga iyo dawladnimada Puntland, iyagoo soo xulay Xubno Barlamaan, kuwaas oo ah shakhsiyaad waxgaradnimo iyo waayo-argnimoba kulansaday, isla markaan hore xilal sar-sare uga soo qabtay Puntland. Beesha Cali Jabraahiil ayaa soo xulay xubnahan : 1 – DR.Yasiin Cartan Maxamuud 2 – General Cabdi Cismaan Firdhiye. Beesha Dubeys ayaa iyana soo xushay Gudoomiyihii ugu horeyey ee Barkamaanka Puntland Dr.Yusuf Xaaji Siciid. Waxaa nasiib xumo iyo wax laga naxo ah waxa ka socda Gobolada Mudug iyo Nugaal. Goboladaas waxaa duleystay oo isu kaashaday Caaqilo iyo Nabadoono ku sheegeyo calooshooda u shaqeystayaal ah oo tiradii ka batay,oo been abuur ah, kuwaas oo horboodaya, ama xambaarsan oo degta ku wata shakhsiyaad ka kooban Saaqidiintii Qurbaha ku khasaaray iyo Dibjiriintii gudaha, oo orod ugu jira in ay soo galaan Golaha Cusub ee Wakiilada Puntland. Waa wax laga cawdilo bileysto wax ka socda magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo. Waxaad arkeysaa Jufooyin hoose oo wada xeydan, oo orod iyo tartan qalfsana ugu jira in ay mid walbaa Dood, Dirir, iyo Dollarba u hurto in iyadu kursiga beesha hesho. Waa degaano dadkii wax-galka ahaa iyo bulshoweyntii aan waxba laga weydiineyn talada, masiirka iyo soo xulista Xubnaha Barlamaan ee iyaga matalaaya. Wariyaayasha Warbaahinta Puntlandi oo sida dhaw ula socda tartanka ka socda Garoowe iyo Gaalkacyo ee u dhaxeeya Saaqidiinta Qurbaha iyo Dibjiriinta Gudaha ee ay horboodayaan Nabdoonada been abuurka ahi ee laaluuska ku xoogsada, ayaa soo werinyaa in Shakhsiyaadka laga soo xulidonaa Goboladaasi ay noqon donaan kuwo aan aqoon maadi iyo mid diineed aan midna laheyn oo dulsaar iyo dhaqan xumo horle ku soo kordhin doona Barlamaanka Cusub ee Puntland. Warbaahinta Puntlandi waxuu u balanqadaaya Shacbiga Puntland in dhamaan Xubnaha Barlamaan ee cusub ee Beelaha Puntland soo gudbiyaan ay mid mid u soo bandhigu doono CV-yadoda,Aqoonta iyo Khibrada shaqo ay leeyiin, waxaanu sidoo kale ka codsaneynaa sidoo kale dhamaan Warbaahinta kale ee Puntland in ay tooshka wareega la dhex galaan shakhsiyaadka aynu ku aamini doono mustaqabalka dhasheena danbe Halkan ka daawo Xafaldii Beesha Cali Jibrahiil oo sheegtay in ay Puntland u hiilisay, kuna shaacisay Xubnaheeda Cusub ee Barlamaanka Puntland. http://puntlandi.com/wp-content/uploads/2018/11/45283235_196500561241315_4204128535826137088_n.mp4 Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacadda Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Bar__Qubanaha-Wararka-Shabelle-051118.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa is-casilaadda ay ku dhawaaqeen guddoomiyaha, guddoomiye ku xigeenka, iyo inta badan xubnaha guddiga doorashada Koonfur Galbeed, oo galabta is-casialy. Xubnaha is-casilay ayaa waxaa ka mid ah xildhibaan Carfo Ibraahim Aadan, oo ahaa Guddoomyihii Guddiga Doorashada iyo guddoomiye ku xigeenkii guddiga doorashada Koonfur Galbeed Mahad Maxamed Ciise. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in arrintan ay tahay xeelad siyaasadeed oo cajiib ah, oo uu dejiyey madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo doonaya in doorashada aysan dhicin. Caasimada Online ayaa goor hore oo maanta ah shaaca ka qaadday xog ku saabsan in Shariif Xasan uu ku dhawaaqayo in doorashada uu ka harayo, waxaana is-casilaadda xubnaha guddiga ay qeyb ka tahay qorshahaas. Qorshaha Shariif Xasan ayaa ah inuu sabab ka dhigto is-casilaadda guddiga, sidaasna uu doorashada ku baajiyo, isaga oo dowladda federaalka eeda dusha u saari doona Guddomiyaha is casilay ayaa la aaminsan yahay inuu xiriir dhow la leeyahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan, wuxuuna galabta isku dayey inuu Guddiga doorashada ka dhaadhiciyo in dib loo dhigo, balse waxaa ka hor yimid fikirkaas illaa 15 kamid ah Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed oo ku adkeystay inay doorashada dhicid doonto waqtiga loo qabtay. Kadib markii lagu gacan seeray qorshaha dib u dhigidda doorashada, ayaa Shariif Xasan iyo guddoomiyaha guddiga waxay isla dejiyeen qorshe ah in Shariifka aanu doorashada ka harin, balse taa beddelkeed guddiga is-casilaan, oo Shariifka arrinta banaanka ka taagnaado. Si kastaba, waxaa xaqiiq ah in dowladda federalka ay faro-gelin cad ku hayso doorashada, ayna dooneyso in Shariif Xasan meesha laga saaro, taasi oo Shariifka siisay fursad iyo cudurdaar uu xukunka usii haysto. Hoos ka dhageyso guddiga oo ka hadlay sababtii ay isku casileen https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/Cod-Jakaarta-ahaa.mp3Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa caawa Baydhabo isku casilay guddigii doorashada ee tartanka madaxtinnimada dowlad goboleedka koonfur galbeed, oo ay ku jiraan guddoomiyaha, ku xigeenka, xoghayaha iyo afhayeenka guddiga. Xubnha qaarkood oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dowladda dhexe ay faragelisay arrimaha doorashada, isla markaana carqaladeysay habsami u socodka qabsoomiyadda howlaha doorashada. Guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Carfo Ibraahim Aadan, afhayeenka guddiga Amin iyo xubno badan oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dowladda federaalka ay magaalada Muqdisho u soo kaxeysay xildhibaannadii dowlad goboleedka Koonfur galbeed, isla markaana ay murashaxiinta la’yihiiin cid ay u khudbeeyaan, oo barnaamijkooda la wadaagaan. Xubnaha guddiga is-casilay waxaa ay xukuumadda Kheyre ku eedeeyeen fara-gelin, carqalad iyo inay dhibaato ku tahay doorasho ka dhacdo koonfur galbeed. Wararka qaar ayaa sheegaya in xildhibaannada koonfur galbeed uu u yeeray guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal, arrintan oo wadatashi lagu sheegay ayaan laga heyn faahfaahin dheeraad ah, taasi oo caawa sabab u noqotay inay guddigii doorashada iscasilaan. Xog aan helnay ayaa sheegaya in arrinta is-casilaadda uu ku dambeeyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay ka go’an tahay in doorashada aysan dhicin. Hoos ka dhageyso xubnaha guddiga oo ka hadlaya sababta ay isku casileen. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/Cod-Jakaarta-ahaa.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Warar Rasmi ah oo soo gaaray Warbaahinta Puntlandi.com ayaa sheegay in Doorashadii Maamulka Koonfur Galbeed dib loo dhigay. Madaxweyne Shariif Xasan Sh. Aaden ayaa beri oo Talaado ah wuxuu qabanayaa shir Jaraa’id oo uu dib ugu dhigayo Doorashada. Xukuumada Federaalka ayaa lagu eedeynayaa iney khalkhal galisay Doorashada tasoo natiojadii noqotay in Gudigii Doorashada ay iscasilaan. Wararka Puntlandi helayaan waxay sheegayaan in Gudiga Doorashada ee is casilay ay sheegeen in Villa Soomaaliya looga hanjabay isla markaasna Xiædhibaanadii Maamulka Muqdisho afduub loogu heysto. Wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com Source
-
Waxaa caawa Baydhabo isku casilay guddigii doorashada ee tartanka madaxtinnimada dowlad goboleedka koonfur galbeed kadib markii sida ay sheegeen dowladda dhexe faragelisay arrimaha doorashada, isla markaana carqaladeysay habsami u socodka qabsoomiyadda howlaha doorashada. Guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Carfo Ibraahim Aadan, afhayeenka guddiga Amin iyo xubno badan oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dowladda federaalka ay magaalada Muqdisho u soo kaxeysay xildhibaannadii dowlad goboleedka Koonfur galbeed, isla markaana ay murashaxiinta la’yihiiin cid ay u khudbeeyaan, oo barnaamijkooda la wadaagaan. Xubnaha guddiga is-casilay waxaa ay Villa Somalia ku eedeeyeen fara-gelin, carqalad iyo inay dhibaato ku tahay doorasho ka dhacdo koonfur galbeed. Warar ay Goobjoog News heshay ayaa sheegaya in xildhibaannada koonfur galbeed uu u yeeray guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal, arrintan oo wadatashi lagu sheegay ayaan laga heyn faahfaahin dheeraad ah, taasi oo caawa sabab u noqotay inay guddigii doorashada iscasilaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dalku Marxalada Umarayo Laguma Daawan Karo Madaxwayne. Dalku Wuxu Ubaahnyahay Horumar Waa In Madaxwayne Biixi Uu Qadaa Talaabo Kaste Oo Dalka Horumarinasa Hadii Kale Waa in Aan isla Bakhtiyaynaa waxaa Ina Haysta Dhibatooyn Farabadan -Dhibatadii Abaarta Oo Ina Haysata Wali -Xoolihii Oo Gabi ahaanba Inaga Dhamada. -Hayadihii Oo Uwareegay Dhincaas iyo Somalia . -Somalia Oo Dawladhii Dunida Iyo ——-Hayadihiiba Tiri Anaga Nasoo Mara. -Xidhiidhkii Arimaha Dibadda oo Wiiqmay -Sixir bararkii Oo Wali Ina haysta -Gaabis ka Muuqda Bulshada iyo Dawladaba. -Jabahadii Caare oo Halkeedi ah -West Burco Clan oo Waxtirsanaya. Waxaa Laga Bixi Karaa oo Qudha Dhibatoyinkaas. -Madaxwaynaha Oo Wax ka qabta Arimahaas.Dag dag Gobolada Bari Ugu Baxdaa. -Furataa Gogol Wada Tashi ah -Tashiga Bulshada Oo badsado. -Ismail Hure iyo Mujahid Ina Mire Ood Golahaaga Wassirada Ku Soo Darto. Sidee Dalkan Dhaqaale Loogu Raadshaa loona Joojiyaa Sixir Bararka -Waa in Khbaro Dawladu Doontaa Ka Tala bixya Sida Sixir bararka loola Tacaalo Kuwaaso Ka soo Shaqeeyey Wado Sixir Bararku Saameyey. -Wadamada Jaarka ah iyo Dunidaba Baaq Caawimo Udirsanaaa -Waa in Deeqa Somalia Qaybteena Aan Soo Dhicsanaa -Waa in Gudi Maqaam sare ah Loo Kala Dira Dunida . Waa in Dawlada Amaradeedu Shaqaysaa. By Aqoonyahan Rajab Ismail Salah. Hargeisa Somaliland 00252-63 4416899 Rajab03@Hotmail.com Source
-
War Deg deg ah oo kooban oo hada Warbaahinta Puntlandi.com kasoo gaaray Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Madaxweyne Shariif Xasan Sheikh Aaden uu aqbalay iscasilaada ay iscasileen Xubno ka tirsan Gudiga Doorashada Koonfur Galbeed oo goor dhaweyd is casilay. Sida uu Warka naga soo gaaray Waxaa iyana soo kordhaya xubnaha is casilaya oo ka tirsanaa Gudiga Doorashada. Sargaal ka tirsan Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo la hadlay Puntlandi.com ayaa yiri ” Madaxweyne Shariif isagoo dareensan culayska shaqaaqada lagu hayo Gudiga Doorashada wuxuu aqbalay iscasilaadooda”” Sida Muuqata Doorashada Koonfur Galbeed ee lagu waday iney dhacdo 17/11 waxaa hada soo wajahay jahawareer Siyaasadeed. Puntlandi.com Source
-
(SLT-Hargaysa)Guddoomiyaha Xisbiga Mucaarid ah ee WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa jawaab adag ka bixiyay hadalo dhawaan ka soo yeedhay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Gudoomiye Cirro waxa uu ku eedeeyay Madaxweyne Biixi inaanu daacad ka ahayn Kulamadii kala duwanaa ee ay yeesheen islamarkaana uu dheel dheel iyo ciyaar uun uga jeeday, waxa uu nidar ku galay inaanu kulan dambe keligii la yeelan doonin, isagoo sidoo kalena sheegay inay masuuliyadda Madaxweynaha tahay oo lagala xisaabtami doono inay doorashada Golayaasha Qaranku wakhtigooda ku qabsoomaan. Gudoomiye Cirro oo ku sugan Dalka Ingiriiska ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Maamuladdii kala dameeyay ee Somaliland Soo maray midba duruufihiisa ayuu lahaa,laakiin dhaliilo intii hore ka badan ayaa Xukuumaddihii kala dambeeyay ee Kulmiye Shacbigu usoo jeedinayay,hadii ay tahay Midnimada Shacbiga, hadii ay tahay Dhinaca Amniga, haddii ay tahay Dhaqaalaha, inta dhaliilo faro badan ayay shacbigu hadh iyo habeen soo jeedinayaan in badani wax way ka jiraan Soo jeedimahaasi Shacbiga ka imanaysaa iyo dhaliilahaasi”ayuu yidhi gudoomiye Cirro oo u waramay Universal tv. Sidoo kale gudoomiye Cirro waxa uu sheegay in masuuliyada doorashadu ay saaran tahay madaxweyne Muuse Biixi waxaanu yidhi “Qaranka waxaa hogaaminaya oo sida dastuurku sheegayo ka masuul ah Madaxweynaha, Doorasho inuu qabtana Madaxweyaha ayuu xilkeedu saaran yahay,wixii dhaliil ah ee Dib u dhaceeda ku yimaadana isaga ayaa ka masuul ah, annagu doorashada diyaar ayaanu u nahay Xisbi ahaan, Mana aha markii u horaysay ee komishanka la soo jeediyo in la badelo, Xisbiga KULMIYE 2009-kii waxa uu soo jeediyay in Komishanka la badelo isaga oo aan waliba doorasho qaban, waxa uu soo jeediyay in Doorashadii deenka iyadoo markaa diyaar ahayd in dib loo dhigo, labadii arimoodba waa uu aqbalay Madaxweynihii wakhtigaasi Daahir Riyaale Kaahin, Muu odhanin Maxkamadda Ha tagaan, Markaa waxaan qabaa Sabab kasta oo ay Doorashadu dib ugu dhacdo masuuliyadeeda Cidi la wadaagi mayso, Madaxweynaha ayaa iska leh”. Dhinaca kale gudoomiye Cirro ayaa faah faahin ka bixiyey siyaasada uu xisbiga Waddani kula dhaqmayo xukuumada “waxa laga yaabaa in Dadka Qaarkood ay yidhaahdaan WADDANI dawladda wuu ku kacsan yahay, laakiin waxaan sheegayaa inaan Toban jeer la kulmay Madaxweynaha, Anigoo keliday ah iyo anaga oo Xisbiyo ah ama Xisbiga WADDANI kelidiis ah, intaa waxaanu kala hadlaynay dee arimo qaran uunbay ahaayeen, Doorashooyinku ka mid ayay ahaayeen, haseyeeshee Waxaa ayaan daro ah Maalintii dhawayd ee BBC-du waraysiga ka qaaday Madaxweynaha, waxaa ka muuqatay Madaxweynaha Hadalkiisa ama Nuxurkiisu ahaa Kuma khasbani wixii talo ah ee ay soo jeediyaan Xisbiyadda Mucaaridka ahi, taas macnaheedu waxa weeyi inaannu qiime weyn siinaynin Waxaasi oo kulamo ah ee lala yeeshay Macnahiisu waxa weeyaan uun sidaan anigu u fahmay “ii kaalaya aan isla kiin sawiro, taydana waan ku soconayaaye”, taasina arin Suurtagalaysa maaha, anigu shakhsiyan waxaan hadda u sheegayaa dhamaan shacbiga reer Somaliland, anigu shaqsiyan laba jeer ayaan la kulmay Madaxweynaha, Markaan dhagaystay hadalkiisii maalintii dhawayd iyo qiimaha uu siinayo Gudoomiyayaashu inay la kulmaan iyo Axsaabtu waxaa iiga muuqata inaanay Macno badan u samaynayn la kulankoodu, markaa Shakhsiyan waxaan go’aansaday inaanan mar saddexaad keligay Madaxweynaha la kulmin”. Ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay. Source
-
Baydhabo (Sh.M.Network) – Gudoomiyihii Guddiga doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed Carfo Ibraahim Aadan ayaa iska casilay xilkii uu hayey, kaasi oo loo magacaabay dabayqaadda bishii hore ee sanadkaan. Ma cadda sababta ka dambeysa sababta is-casilaadda Gudoomiyaha, taasi oo kusoo aadaysa xili doorashooyinka Madaxwaynaha dowlad goboleedkaan ay ka harsan tahay 12 maalmood oo qura lana filayo inay dhacdo 17-ka bishaan November. Carfo oo ah mudane ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhabo wuxuu ka dhawaajiyey hadadalo kala duwan oo ay salka ku hayso inuu ka tago xilkii Gudoomiynimo. Is-casilaada Gudoomiyaha ayaa imaaneysa xili maanta oo Isniin ah uu Guddiga ubilaabay diiwaan-gelinta murashaxiinta, waxaana ugu horeeyay Mukhtaar Roobow, kaasi oo uu Carfo kamid ahaa madaxdii shahaada siisay Roobow. The post Gudoomiyihii Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed oo is-casilay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Inta badan xubnaha guddiga doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay is-casileen, taasi oo jahwareer ku tuureysa doorashada la qorsheeyey inay 17-ka bishan ka dhacdo magaalada Baydhaba. Xubnaha is-casilay ayaa waxaa ka mid ah xildhibaan Carfo Ibraahim Aadan, oo ahaa Guddoomyihii Guddiga Doorashada ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay faragelin ku heyso dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaa sidoo ku dhawaaqay inuu is-casilay guddoomiye ku xigeenkii guddiga doorashada Koofur Galbeed Mahad Maxamed Ciise. Warar ka ayaa sheegaya in xubno ka tirsan guddiga doorashada oo gaaraya 11 xubnood saxaafada kula hadlay magaalada Baydhabo ay shaaciyeen inay iska casileen xilka xubinimada Guddiga doorashada Koofur Galbeed. Is-casilaada Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa iyo xubnaha kale, oo aheyd mid kadis ah ayaa waxaa la aaminsan yahay inay ka dambeysay kadib markii ay soo baxeyn warar sheegayo inuu Shariif Xasan is casili rabo. Guddoomiyihii Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ee Maanta is casilay Carfo Ibraahim Aadan ayaa Maanta waxa uu shahaadooyinka musharaxnimo guddoonsiiyay ilaa Saddex musharax oo u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed. Guddomiyaha is casilay ayaa la aaminsan yahay inuu xiriir dhow la leeyahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan, wuxuuna galabta isku dayey inuu Guddiga doorashada ka dhaadhiciyo in dib loo dhigo, balse waxaa ka hor yimid fikirkaas illaa 15 kamid ah Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed oo ku adkeystay inay doorashada dhicid doonto waqtiga loo qabtay. Xaalada magaalada Baydhabo ayaa isha lagu wada hayaa maadaama 12 maalin ay ka dhiman tahay waqtiga lagu balamay inay dhacdo doorashada madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Gudoomiyihii Gudiga Doorashada Koonfur Galbeed Carfe Ibraahim Macalin iiyo ku xigeenkiisii Mahad Ciise ayaa ku dhawaaqay iney iscasileen waxayna sabab uga dhigeen Weerar ay Villa Soomaamiya kusoo qaadeen Doorashada Koonfur Galbeed. Madaxweyne Shariif ayaa Maanta wuxuu sheegey in Doorashadii Koonfur Galbeed ay xukuumada Federaalku khalkal iyo jahawareer galiyeen ayna Carqalad qaawan ku hayaan. Iscasilaada Xubnaha ka tirsan Gudiga ayaa shaki weyn galineysa iney dooradha dhacayso iyo in kale iyadoo balanta Doorashadu ahayd 17 bishaan November. Madaxweyne Shariif Xassan Sheikh Aaden ayaa maanta wuxuu muujiyey in faragalinta Villa Soomaaliya ay ku hayaan Magaaladiisa ay hada gaartey in Amaankii iyo ololihii Doorashaduba ay khalkhal galaan. Puntlandi.com kala soco wararka rasmiga ah ee Baydhabo ka imaanaya. Puntlandi.com Baydhabo Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa wuxuu warqadaha aqoonsi ee safiirnimo uu ka gudoomay Danjiraha cusub ee dowlada Finland usoo magacowday dalka mudane Eric Lundberg. Munaasabada gudoomida warqaadaha oo ka dhacday xarunta dalka looga arrimiyo ee Madaxtooyadda waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan dowladda oo uu ku jiro Agaasimaha dhinac warbaahinta ee Villa Soomaaliya. Dowladda Finland ayaa kamid ah dalalka saaxiibada dhow la ah dalkeena xili ay qaabishay Qaxooti Soomaaliyeed oo aad ubadan, kuwaasi oo gaarey wadankaan Yurub ku yaala markii qarxay dagaalka sokeeye ee laga soo kabanayo. Danjiraha cusub oo ay soo magacowday Finland ayaa ku biiray safiirno dhowr ah, kuwaasi oo uu Madaxwayne Farmaajo ka gudoomay waraaqadahooda tan iyo markii uu xafiiska la wareegay, taasi oo muujineysa inuu soo noqonayo xiriirka caalamak iyo Soomaaliya. The post MD Farmaajo oo warqadaha ka gudoomey danjiraha cusub ee Finland appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacadda Shabelle ee ku xiran website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-051118.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Popular Contributors