Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,923
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Ururka Qareenada Somaliland Oo Eedaymo Culus U Soo Jeediyay Ciidammada Booliska Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. The United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) condemns the obstruction and attack on a convoy of UN vehicles that occurred along the road between the cities of Galkayo and Adaado in Galmudug state on Saturday, 3 November. The convoy was accompanied by a dozen police officers from South Galkayo in the late afternoon of Saturday when it was stopped some five kilometres outside Adaado at a checkpoint manned by eight men claiming to be police officers. None of the individuals wore police uniforms, but they refused to grant passage to the convoy that was carrying a team of UN personnel assigned to make preparations for an upcoming visit to Dhusamarreb by UN officials. After the UN officials decided to abort the mission and head back to Galkayo, a truck carrying militiamen drove through the checkpoint and opened fire on the UN convoy. None of the members of the convoy was injured nor were any of the UN vehicles damaged in the shooting incident. “Last week’s attack on a UN convoy is unacceptable, and we call on the authorities in Galmudug state and the Federal Government to hold accountable those militiamen who opened fire on our colleagues. Such an attack has not happened to the UN in Somalia for a very long time.” said the UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia, Nicholas Haysom. “United Nations personnel must be granted free passage throughout Somalia at all times. They must be able to implement the mandates of UNSOM and UN agencies, funds and programmes without running the risk of being fired upon for no justifiable reason.” The post UNSOM Condemns Unprovoked Shooting on UN Convoy in Galmudug State appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Cadaado (Caasimadda Online) – Xafiiska Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya ayaa cambaareeyay weerar lagu qaaday Kolonyo Gaadiid ah oo ay la socdeen shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobey kuwaas oo lagu rasaaseeyay jidka u dhaxeysa Cadaado iyo Galkacyo Sabtigii 3-Nov-2018 Qoraal ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarka oo dhacay 3dii Bishan loo geystay kolonyo ka mid ahaa Gaadiidka Qaramada Midoobey oo diyaarinayay booqashadii ergayga xog-hayaha QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom oo booqan lahaa Dhuusamareeb, Kolonyada waxaa la socday tobaneeyo saraakiil boolis ah oo ka socday Koonfurta Gaalkacyo. Warka ka soo baxay Xafiiska Nicholas Haysom,waxaa lagu xusay in 8 Nin oo aan heysan dharka Booliska laakiin isku sheegay Boolis ay Kolonyada ku joojiyeen inta u dhaxeysa Cadaado iyo Gaalkacyo,markii Kolnyada loo diiday in ay gudbaanna ay go’aansadeen in ay dib ugu laabtaan Gaalkacyana Gaari ay Ciidanka goobta joogay ay wateen looga furay Rasaas aan khasaare nafeed geysan. Kolonyada waxaa la socday tobaneeyo saraakiil boolis ah oo ka socday Koonfurta Gaalkacyo saacadihii dambe ee galabnimadii Sabtida markii lagu joojiyay bar-koontarool oo shan kiiloomitir banaanka ka ah Cadaado ayna joogeen sideed rag ah oo sheeganayay inay yhihiin saraakiil boolis. Midkoodna ma xirnayn dharka/lebiska booliska, laakiin waxay diideen inay marin siiyaan kolonyada oo gelbinaysay koox shaqaale QM ah oo loo xil-saaray gogol-xaarka booqasho ku wajahnayd Dhusamareeb oo madaxda QM ku tegi lahayd halkaas. Kadib markii saraakiishii QM go’aansadeen inay baajiyaan hawsha [socdaalka shaqo] oo ay dib ugu laabtaan Galkacyo, ayaa gaari xamuul qaad ah oo ay saarnaayeen maleeshiyaad wuxuu soo dhexmaray barta kontorool wuxuuna rasaas ku furay kolonyadii QM. Ma jiro qof kamid ah xubnaha kolonyada oo ku dhaawacmay, mana jirto waxyeelo kasoo gaartay gaadiidka QM dhacdadaasi rasaasaynta ah. “Weerarkii todobaadkii hore loo geystay kolonyada QM ma aha wax la qabali karo, waxaana ugu baaqaynaa madaxda dowlad goboleedka Galmudug iyo Dowladda Federaalka ah inay la xisaabtamaan maleeshiyaadkii rasaasta ku furay saaxiibadeen. Weerar noocaas oo kale ah looma geysan Qaramada Midoobay ee Soomaaliya muddo aad u fog.” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom. “Shaqaalaha Qaramada Midoobay waa in loo ogolaado inay si xor ah ku dhexmaraan Soomaaliya waqti kasta. Waa inay awood u helaan gudashada waajibaadka shaqo ee UNSOM iyo hey’adaha QM, sanduuqyada iyo barnaamijyada iyagoo aan khatar ugu gelin in la rasaaseeyo sabab la’aan.” Nicholas Haysom ayaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug ka codsaday in ay la xisaabtamaan ciidankaas,waxaana uu qoraalkiisa ku sheegay in fal noocan ah uusan waayadan ka dhicin degaannada Soomaalida. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Wasaaradda Waxbarashada iyoTacliinta Sarre ee Dowlada Puntland ayaa sagootisay 120 qof oo isugu jira arday ka qalin jabisay dugsiyada sare Puntland iyo shaqaale dowladdeed, kuwaas oo dalka Ethiopia looga helay deeqo waxbarasho oo isugu jira Master iyo Bachelor. Munaasabad lagu sagootinayay ardaydaan oo ka dhacay xarunta Wasaarada dhexe ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka waxbarashada dowladda Puntland, Wasiir Dowlaha Waxbarashada , Agaasimaha guud iyo Agaasimaha Xafiiska Tacliinta sare Puntland Maxamed Axmed Warsame (Shirdoon)ayaa sheegay in waxbarashadu tahay hanti Islamarkaana qofkii ku dadaala uu helayo miraha iyo natiijada uu usoo halgamay, Isagoona uga digay ardeyda inaysan ku fakarin tahriib iyo waxyaabaha mukhaadaraadka ah. Wasiir Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Puntland Yaasiin Cabdi Seed ayaa kula dardaarmay ardeyda inay kafaa,iideystaan fursadaan oo uu sheegay inay tahay mid dahabi ah oo aysan helin dadkoo oo dhan, Wuxuuna kula balamay 120 ardey ee deeqda waxbarasho loogu diray dalka Ethiopia inay dalkooda wax usoo bartaan Islamarkaana la qabsadaan Jawi ahaan iyo Dhaqan ahaan-ba wadanka ay u socdaan. Wasiirka waxbarashada dowladda Puntand Dr. Abshir Yuusuf Ciise oo ugu dambayn hadlay ayaa sheegay dowladda Puntland inaydadaal xoogan ugu jirto in kor loo qaado fursadaha waxbarshada ardayda dugsiyada sare iyo shaqaalaha dowladda. Wasiirku wuxuu ardayda ku booriyay inay ku dadaalaan waxbarashadoooda islamarkaana aysan ku mushquulin waxyaabo kale sida tahriibka oo uu ku tilmaamay dhibaato weyn oo maanta haysata dhalinyarada Puntland. Puntlandi.com Source
  5. Muqdisho (Sh.M.Network) – Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay la socoto dad rayid ah oo waxyeelo kasoo gaartay dhacdadii ay ku lug lahaayen ciidamadda AMISOM ee saaka ka dhacday degmada Huriwaa ee Gobalka Banaadir, iyadoona baaritaano ay socdaan sida lagu sheegay War kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta oo sidan u qornaa:- “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay la socotaa dhacdo ay dad rayid ah waxyeello ka soo gaartay oo ka dhacday degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, taas oo ay ku lug leeyihiin ciidanka Nabad Ilaalinta AMISOM. Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda Caalamka waxaa ka go’an la dagaallanka Alshabaab iyo wixii la hal maala, sidoo kalena waxaa dowladda ka go’an dhowrista bad-qabka shacabka Soomaaliyeed oo ah kan dartiis dagaalka loogu jiro. Dowladdu waxa ay waddaa baaritaan la xiriira dhacdada maanta, iyadoo bulshada la wadaagi doonta wixii ka soo kordha, waxeyna Ka xuntahay waxyeelo gaarta shacabka Soomaaliyeed. Amisom gaar ahaan kuwa dalka Burundi ayaa saakay qof oo shacab ah kudliay inta u dhaxaysa Ex kontorool balcad iyo soos ee degmada Hiliwaa”. The post DFS oo baareysa dhacdo ay ciidamada AMISOM ku dileen 4 ruux appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Qarax xoogan oo ahaa nooca Miinada dhulka lagu aaso ayaa ciidamada AMISOM waxaa lagula eegtay Isgoyska Ex-koontorool Balcad ee magaalada Muqdisho. Qaraxan ayaa wax uu khasaare xoogan uu ka soo gaaray kolonyadii ay wateen Ciidamada AMISOM. Markii uu qaraxa haleelay ciidanka ayaa waxa ay bilaabeen in ay si toos ah ay u toogtaan dadkii ka ag dhawaa goobtii uu qaraxa ka dhacay . Afar ruux ayaa ku dhintay toogashadii ay sameeyeen ciidamada AMISOM ,mana jirto ilaa iyo hada cid ka hadashay oo dowladda farmaajo ka tisan . Ehelada dadkii ay dileen ciidamadan ayaa sheegay in aan la aasi doonin dadkan ilaa cadaalada la keeno ciidamadii falkan ka dambeysay . Source
  7. Shir Jaraa’id oo ay qabteen Odoyaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ayay ku sheegeen in Doorashadii Koonfur Galbeed Dib loo dhigay. Odoyaashu waxay Saxaafada u aqriyeen Qoraal fheer oo ay Warsaxaafadeed ahaan usoo wada diyaariyeen , Waxayna Yiraahdeen sidaan.. “Waxaa la qorshaynayay in Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay dhacdo 17 November, Waana Doorashadii ugu horaysay oo Mudanayaasha Baarlamaanku ay dooranayaan Madaxweyne,Wayna ka duwan tahay Doorashadii hore ee Odayaasha dhaqanka iyo Ergo ay soo xuleen ay doorteen Madaxweyne, intaas kadib waxaa dhacday in Doorashadii la filayay iney dhacdo 17 November ay faragalin qaawan ku soo qaadey Dpwlada Federaalka, Faragalintasoo ah in ay qaar kamida Murashixiinta ay usoo dhiibeen lacago farabadan ayba qaar la safteen,Waxas intaas dheer Laaluush iyo iney Xildhibaanadii Koonfur Galbeed ay Xamar daabuleen ayna Laaluush siisay iyadoo Xukuumada Federaalku amar ku siisay iney doortaan Musharax ay Iyagu(Villa Soomaaliya) wataan. Sidaas awgeed waxaan go’aan ku gaaray in Doorashada dib loo dhigo.” Go’aanka Odoyaashu gaareen ayaa difaacaya taageerayana sababtii ay xalay isugu casileen Gidiga Doorashada iyo Hadalkii Madaxweyne Shariif ee ahaa in Villa Soomaaliya ay qas iyo Fowdo ka baxsan Dimoqoraadiyada ay ka wadaan Baydhabo . Dhanka kalena lama sheegin wakhtiga doorashada dib loo qabanayo. Puntlandi.com Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Midowga afrika gaar ahaan kuwa Burundi ayaa saakay waxa ay agagaarka Isgoyska ex-koontorool Balcad ku dishay Afar ruux oo la sheegay inay ahaayeen dhamaantood Shacab. Dilka ayaa yimid kadib markii kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM qarax miino lala eegtay,isla markaana rasaas ay fureen Ciidamada AMISOM ay dadkaasi ku dhinteen. Waxay kaloo sheegeen haddii dowladda Soomaaliya Cadaalada ay horkeeni waydo ciidamada AMISOM ee laayay dadkaasi shacabka ah in si deg deg ah go’aan ay u qaadanayaan oo ay iska dhicinayaan ciidanka Burundi. Magacyada dadka AMISOM ay laayeen, ayaa waxa ay kala yihiin. Qaasim Daahir Khayre Darawal Xasan Yuusuf Siyaad Darawal Cali Shire Ugaas Darawal Axmed Maxamud Bajaajle Darawal Ehelada dadkii ay laayeen ciidamada AMISOM, ayaa waxa ay sheegeen falkaasi inay gaysteen ciidanka Burundi oo ka tirsan AMISOM,waxayna ka dalbadeen dowladda Soomaaliya in Cadaalada la horkeeno dadkii ka dambeeyay falkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ayaa maanta magaalada Garoowe waxa uu kula kulmay wefti uu hogaaminayo safiirka midowga yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Fulgencio Guiz Garido. Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiwali Gaas ayaa sheegay in ay ka wada hadleen safiirka dhammaystirka wadada Gaalkacyo – Garoowe oo dhismeheedu meel wanaagsan marayo, Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay inaanay waxba ka jirin warar kutiri-kuteen ah oo sheegaya in masharuuca wadadu istaagey, isla markaana waxa uu xaqiijiyey Madaxweynuhu in midowga Yurub ay wadada u raadinayaan lacago dheeraad ah oo ay ku dhammaystirayaan dhismaheeda. Halkan ka dhegayso. Madaxweynaha iyo Danjiraha Sawiiro. Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid ayaa si faah-faahsan u sharraxay sababaha xilka looga qaadi karo komishanka doorashooyinka Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. Ilaa 1500 oo qoys oo ka barakacay dagaaladi bishii hore ka dhacay deegaanka Dhumay ee Koonfurta gobolka Sool ayaa la gaarsiiyey Gargaarkii u horeeyey oo ah raashin, gogol iyo bustayaal, deeqdan waxaa soo diray Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida ee Ethiopia Mustafe Cagjar. Gudoomiyaha deegaanka Dhumay Faarax Barre ayaa Puntlandi.com usheegay in ay jiraan kumanaan qoys oo wali aan wax gargaar ahi gaadhin marka laga tago 1500 ee hadda raashinka iyo googosha helay. Wuxuu sheegay in dadku baahiyo badan wali ay qabaan wax ka horeeyey gargaarkan hadda la keenayna aysan jirin, wuxuuna baaq u diray cid walba oo gacan ka gaysan karta caawinta dadkan barakacay. Deegaanada lagu barakacay oo kala duwan ayaa dadka ku barakacay waxa ay gaarayaan ilaa 6000 oo qoys oo ka barakacay 7 deegaan oo ay wada degaan labada beelood ee Dhumay ku dagaalamay dadka barakacay ayaa ku arooray ilaa 9 kaam oo kala duwan oo qaar kood dhacaan gudaha xadka Ethiopia. Gudoomiyaha Deegaanka dhumay Source
  12. Bilada is daad-raacinta iyo is dhaafinta , Badhaani Bilada abaabulka iyo orodka , madaalaha xisbiyada ambassador safina. Bilada adkaysiga iyo aragtida Muniir Axmed Cigaal . Bilada hormuudka jeegaanta Yaasiin Olol . Bilada fanka iyo fanaaniinta seerbiya . Bilada inanta sanadka khadra halgan . Bilada falsafada iyo fogaan araga , dharbaan . Bilada fariidnimada Sharmaarke Abdi Laki Qaloonbi . Bilada aftahan nimada faysal jama geele . Bilada doobabka mohamed mirre ( ilka case ) W/Q: Ahmed Nour Guruje Source
  13. Allahayw muxuu farnji-gani nacas fariideeyey oo nimaan aabihii maali jirin looma aamino’e. Somalidda baa waxay aad ula yaabeen, mid aan goror-ba illaah maskaxdda ugu shubin haba-yaraatee, sidda kan wasiir ku sheega ” Hablo caaye ” oo maqlay uun wax siyaasad la yidhaaho baa jira, dabeed waa caqli gab iyo dhaqankii-siiye isku dhex tuuray, mawjado aanu ka dabaalan akrin, intuu ku haftay, cid ka saarta la’, ka dib-na siddii awr dabarkii goostay, oo ay labadda dhun-dhun mid-ba in yari ka sii laalaado, iska salaqsa-naaya, bay sidan kan oo kale arkeen, dabeed waxay isu qiyaaseen, nin aad cod-kiisa uga dheerayn jirey, oo ku soo korey nool aad u hoosaysa, maalin maalmaha ka mid ah isaga oo iska silicsan, reer hebel awgeed, xil lagu raray aanu qaadi karin, ka bacdina mar qudha uun fadha-booday isaga oon dheg la qabto lahayn, iskuna halay-naaya kii khaladka ugu dhiibay, mansuuli-yadan waashay ee baradda ka saartay, akhristaw balaayo-na u barasho lehe, ilayn meel uu ka qabto iyo aqoon uu u leeyahay mid-na ma jirtee, waa ka siddii ciyaartii la odhan jirey dhan walba u bood, miyirkii ka halaabay ee meela sal la dhigi waayey, ilayn farsamo u garan-maayo’e, wax uu xeeri-nayaana ma jirto’e. Nimco waliba nuqsaan-teedda bay leedahay, wuxu ka qaaday kibir iyo isla weyni, halkii uu ka ducaysan lahaa, dabeed waa kuwa ugu maah-maahay, iyaka oo ku cabiraaya murtidda ah “Sabool dibiray iyo dameero sayax daaqay-ba way danaani-yaan”. Waxan uga socdaa waxa weeye. Waxa wacan nin-kan wixii dirtay, in ay u fasilaan shaqadda saxaafadda iyo war-baahintu waxa ay tahay ama ay qabato, waa haddii ay iyaka laf-toodu fahansan yihiin, oo ay dhaamaane, waa kan oo ku dhex waalaye. qofku marka loo egmado wax aanu filanayn, wax buu is moodaa oo fiririq-diisa baa laga baxaa, ilayn waa wax aan wax la waydiin jirine, bal adba eesh-qiyaasak. markuu xafiiska soo galo-ba waa amar cusub. Tiro-ba ilaa 20 wareegto baa laga hayaa, intii shaadhka aanu lahayn loo geliyey, intii hore-ba soo dhaaf, hadda wuxu isla maanta soo saaray, wax uu ku sheegay wareegto, oo uu ku dacweynaayo Tv-yadda ka hawl-gala maamulka, ka sidaas ah, ka wax u dirtay saw kama sii dara ( subxaana- laahiye), Alla-doori hadalka wuu yaqaan waana ka agnaaye, wuxu ina leeyahay, qaar ka mid ah Tv-yadda war-baahinta ah, baa xidhiidh la leh Janaral Caare, oo waxan ka qaadayaa ruqsadda ay kaga hawl-galaan, maamul-Goboleedka ay askartu ka bootayso. Ayaan daranaa dhul-kaygu, aqoon daranaa dhashiisu, ilahay haduu wax siiyo, ilawsha dhawaa saboolku. doqoni kama soo rayso abid, dooc iyo dareen ma leh, weliba markay dibirto, dad iska daayo, ilhay baaanay aqoonin sida kan, siddii carsaanyadda dhan walba u ordaaya, way-se soo gabi, malaha wuxu hadeer u heesayaa, siddii Axmed cali cigaal, ” Intaan doonidda wadaayo, halkaan doona tegaayo, daruuraha guud maraayo, maxaa iga daadanaaya”, laakiin akhristaw, waxa aynaan ugu dalin-ba, oo aad ka soo qaadaa, kii la yidhi dameer malab la saaray muxuu ka yaqaanaa? Wuxu u qaadan la’yahay wax baad amri kartaa, oo cid awood kugu joojin kartaa ma jirto, maadaama uu kuu dhiibtay meesha mid aad isku daarad tihiin. Waxa-ba uu u haystaa in uu xilka uu hayo isagu iska leeyahay, waa halkii uu ka lahaa (IHN) Xaaji Adan af-qalooc tix-diisii dheerayd ee la odhan jirey Dalmar ” Kaba-tole xafiis loo tirshoo, tolan madaw jeexday, haduu taladda teel-teel u dhigo, taasi yaab ma laha’e, nin wali-ba halkii uu turqaday, taabka ku adkeeye, waash-maan kol ay Tahy, ninkii taabay meel dheregye”. Waa iska sidaase, waxa ka qasan in aanu maaumlku sidaas ahayn, lase yaabi-mayno, oo waa kaas aqoon-tiisu ku tidhi Hablaha waa la caayaa, kuwa maamulka sheega-nayaa ee is leh ummad baad hogaami-saan, waa kaas iyo wax uu isagu shir u imanaayo oo aan is dhaamin, ee ma waxad ka sugaysaan rajo, ma masakax kale baa rabbi ku soo dejinayaa?, ay waxa ku hagaaji-yaan. oo dib baa loo abuurayaa?, Caadil wuu kari karaa, laakiin-se fili-mayno. haddii kun jeer dib illaah u abuuro, in ay wax iska bedelay-aan Hablo Caaye, waa shimir duul-duul badantii la yidhdi, siday kolba geed u fuulay-saabay, marka dambe ay cagaha sakal lagashaa, ay ka bixi kari waydo, halkaana ay ugu dhamaataa. Waxan ku soo dabaalay maqaalkan, kan iyo meel xun baa is leh, oo bixiso baa wadda, waana ay shiday-saaye aynu eegno halka ay la gaadho, cid la juuq dhawri karo baaba iska yare. N.B Waash-Maan Kol Ay Tahay, Ninkii Taabay Meel Dhergeye. Qore:- Abdi-shotaly. ashotaly5@gmail.com Source
  14. Magaalo xebeedka maydh waa magaalo qadiimihi ah Waxay ka mid tahay magaaladi ka qayb ahaa dib u xoraynti somaliland ee SNM WAA magaaladi laku qaban jiray maraakibti shidaalka ahayd ee laku xoreeyey min bari ilaa galbeed Waxay ka mid ahayd hooyadi SNM Magaaladu waxay ku dhaqdhaqaaqedu ahaa xaga kaluumaysiga iyo iibka kaluunka sida Doonayaha yaman Ama kaluunka indho tooshlaha AYAA magaaladu ku furnayd , Hada intii laka joojiyey kaluumaysigi waa magaalada waxay ku yeeladay saamayn wayn Xaga dhaqaalaha ,xaga dhaqdhaqaaqa , xaga dadka xoogoda maala Ama xirfadaha kaluunka yaqaan . Afar maalmod an joogaya magaalada maydh waxaad arkaysaa meheradi oo xidhan Laashashki oo xaaxiga bada iska yaala Dadkii oo magaaladi ka haajiray oo xaga dahabka u shaqo Tagay. DADKA Qaar waxay ii sheegayn indho Toosh lihii dalka laka mamnoocay oo magaalo xebeedka lasqoray laka guranayo shirkadihi ka baayac mushdarayn jiray oo u wareegay lasqoray IYO laashashki iyo kaluumaysadadi u wareegay L aasqoray , halka dadku Lee yihiin maxa kala duway xeebaha laka mamnuucay indha Tooshlaha iyo magaalada Laasqoray , WAA in hoos loo eega arrimaha kaluunka iyo shacabki ku noola WAA run indho tooshluhu waa dabar go,ayaa , shirkadaha ka baayac mushdarayn jiray magaadada maydh ee ay ka ganacsanayey hal cariish kumay lahayn magaalada waxay dib u galiyen ka muuqdan ma jiraan waa shirkado an wax u qaban magaalada maydh macaa adeegyada aasasiga ah waxba kamay qaban jirin .markaa indho tooshluhu Hadii anu wax faa,iido u LAHAYN xaga bada iyo magaalada maydh. WAA in loo fasaxaa kaluunka kale la fasaxaa si dadaka iyo magaaladuba dib UKU so noqon lahayd kaalinti magaalo iyo noloshii dadkii ku noloshodu ku tiirsanayd. mohamedhassan3867@gmail.com Source
  15. Halka Ummadu ka Aamusan tahay,Sool iyo Dhibaatada ka jira , Mucaaradkana Tooshkoodu yahay mid Muuse uun laygu ifinaayo . Madaxweynaha JSL Md Muuse Bixi Cabdi waa markii labaad uu meel fagaare ah kaga hadlo Dagaalkii ka dhacay Gobolka Sool Koonfurtiisa iyo dhibaatadii ka dhalatay ee Naf bax iyo Dhaawac ba leh . Waxa Howl gal ah oo Xukumadiisa Guud ahaan ba iyo ta Ummada JSL oo la taaban karto ku dhawaaqday ama kaga qayb qaadanayso xal-uhelida dhimaabada ka dhacaday Gobolka Sool Koonfurtiisa wali ma jirto . Waa marki ugu horeysay ba la odhan karraa ee sidani ay dhacdo , Meesha waxa ka dhaceen iyo Ummada isku shufbeeshayba waa Ummadii Jamhuriyad Somaliland inay labo isu keen -raacan ma ahayn waxii lagu yiqiin Ummadeena iyo sharafeeda . Tolow marka Madaxweynaha Arinkiisu ma “Qawda maqashii oo waxba ha u qaban baa” Ma uu iska Aamusnaado sidaa ayaa u wanaagsan lahayd! Waayo Aranita sidaa u Qadhaadh ee aanu wax howl gal ah ka gelin inuu ka hadlo ma qurux badana. Sidaa Ummaduba uga amusan tahay ayaa la gudboon Madaxweynaha iyo Xukumadiisa ba . Mucaradkii iyaguna waxay noqdeen kuwo Tooshkoodu yahay inay Xukumada Muuse uun ku shidaan oo wax kasta oo soo foodsara Qaranka dhinac kast ha noqotee waxay u haysatàn inaan Xil-kasareyn ka howl galkeeda iyo u dhaqaadiida ba. Taasi ma noqon karto Mucaarad sugan oo Aqoon ,karti, Hagar baxa Qaranku ka muuqdo ee waa Mucaraad ah u adeegaya Danta shiekhsiga iyo sheega shada waxa aan dhab ahayn oo aan muuqan oo aan dhaqaaq iyo damqasho ,lex-jecelo la,aan ku isugu soo Biyo – shubaneysa . Waxa ummada wax Garadka iyo da,ayarat iyo inta damiirka dadnimad lihi shaqaynaayo in si wada jir ah loogu gurmado Arinta Maanta Dalkeena gudihiisa ka dhacaday ee Soomaalidii Koonfurta iyo Galbeedka iyo kuwii Wajeer ,Madheeri inooga horeeyen gurmadkoodii iyo soo ba gaadheen walina goobta aan lagu heyn wax Jamhuuriyada Somaliland ah . Iyado laba kaalmood oo waa weyn aynu kaga qayb qaadan karno oo kala ah. In Madaxweynuhu dul-dhigoo Cidan ka Qaranka oo mug iyo Miisaan leh xasiloonida iyo kala dabeynta gacan wax ku ool ah ka geysta inta ay socoto waan waanta iyo su soo jiidka Labada Beellood ee Walaha ee dhibaatadu dhexartaya Wuufuda kale duwan ee Gurmad ah ee halka yimi dhinac kasta oo ay ka yimaadeen ba ka dhex wadaan isla mar ahanata doonayan in xal oo helo dhibaatad so oaf-jarkeeda , halkaana karam iyo haykalka Nabada iyo Dawladnimada Jamhuuriyad Somaliland waxay tahay iyo halka ay mareyso si dadban oo cilmiyeeysan loo dareensiiyo Soomalida kala duwan ka kala timi saddex Meelood oo Somaalidu degto oo kala Kiiniya ,Ethopia Soomaaliya . Halka kale wax in Gurmadka oo mid Ciidan ,Ummadeed iyo midka guud ahaaneed oo Heer Qaran ah iyadan in lagu dhaqaaqo balse Madaxdii iyo Ummada Haldoorkeed wali wax u dhaqaaqay lama arko marka laga tegi waayo mid meelah asago Hudheel fadhiya hadal ku yidhi mooyaan sida Madaxweyne Muuse Bixiiyo xukumadiisiba Ficilkood iyo aqoontodu kartiidood.Masuuliyadii dhameyd ee sareyd wax meel ka muuqda ama isu xilqaama aan la kareyn maba la maqleyn ilaa iyo haatan la joogo . Waxa arinkeeni ku soo afmeer maya sheegasho iyo hadal meel laga yidhi taasina Qaran ahaan ma wanaagsan guuldarro inoo horseedo mooyiye . Gebo-gebadii Gunaanka Ummadu waxay leedahay Muuse bixi ma waxanu ku moodna mise waxaan loo noqon doonin ! , Waa intii codkood iyo Cuduuda dul-dhigay dhaqaale inuu hogaanka Dalka, qabto ee waa inta mudan inay dibu eegis ku sameeyaan waxay tacabkoodii dhalay Maanta Xerro u jira . Marka ummad waxa la gudboon inay dib u eegis ku sameeyaan . Hadii Madaxdii Qaranku Haraabkii la sheegay iyo isku quful noqotay ,Mucaaradkuna noqdeen kuwo dhibaatooyinka Qaranka soo foodsaaray ka yihiin kuwo Moogan kana dareen waxyaabah Mucaardnimadood adkeynaya kana dhigaya kuwo u leylyan inay hantaan hogaanak dalka kuna soo badhigaan Hufanaantood iyo himiladooda Aqooneed Karti Waayo-aragnimo . Abokor Mohamud abokorm@Hotmail.co.uk Bolton UK Waa Billahi Towfiiq Source
  16. Hordhac: Nabad iyo bariido wacan, waxaan qormadan kooban kusoo qaadanayaa mid kamid ah Xaafaddaha aadka u da’da weyn ama qadiimiga ah ee ay ka aasaasantay Magaalada Hargeysa, waa Xaafada SIINAAY oo ka tirsan Degmada qadiimiga ah ee A/Dhagax. Afeef: Waxaan ka afeefanayaa in qoraalkaygan aan loo arag mid ceeb iyo wax-xun ka sheegid ku ah Xaafadda iyo dadka degan ee loo arko mid toosi iyo hogo-tusaaleyn u ah cida uu ku socodo, isla markaana baraarujin iyo wax-ogeysiin u noqodo inta ka dhaayaha la’a dib u dhaca baahsan ee ku habsaday Xaafad wakhtiyo badan ka hor ahayd Caasimmad magac iyo muuq ku dhex lahayd gudaha Hargeysa. Waxay ahayd ku dhawaad 10 sano kahor markii goob fadhi ku dirir ah oo aanu iskugu nimi dhaliniyaro badan oo markaas waxbarasho kasoo dareertay ku lafo-gurnay kuna doodnay horumarka ka jira gudaha Hargeysa iyo xaafadeheeda kala duwan, intii aan doodaas wadnay waxaa tiraba dhawr jeer dhagahayga kusoo dhac-dhacaayey erayo ku saabsan xaafadda SIINAAY oo tilmaamayey in xaafadaha kale ee Degamada qadiimiga ah ee Axmed dhagax iyo guud ahaan Degmooyinka Hargeysa si aad iyo aad ah uga dambeyso, gaar ahaan kaabayaasha Bulshadda sida Biyaha, Wadooyinka, Laydhka, Adeegyadda Suuqa iyo Waxbarashadda intaba, laakiin nasiib xumo dheg uma jalaqsiinin oo weliba waxaan ku doodaayey in dawladii markaas jirtay ay cidhib dambe iyo cadaadis ku hayso Xaafadaas. Maxaa Isbedelay: Aniga oo aan ku dhawaad 10 sano wakhti habeen ah dhex marin maalin ay hawl iyo ujeedo culusi iga gasho mooyaane, ayaan xalay ujeedo u yeeshay in aan Xaafadda halka ugu dambeysa ee Masalaha iska galaan tago, waa abaaro 10:00 habeenimo waxaanan ka dhaqaaqay suuqa oo ahaa mid saxmad, buuq iyo xidhiidhi badan ah, waxaan qabsaday toobiyaha waddada weyn ee dhexmarta Degmada Axmed dhagax ilaa gooladda looga leexdo Xaafadda SIINAAY, suuqa ilaa gooladda oo ah bar bilawga Xaafadda SIINAAY waxaan ku dhex jirnay aniga iyo laba dhalinyaro ah oo kale saxmad iyo suuq, waxaanan arkaynay ilaa 10:30 kii habeenimo ganacsiyadda kala duwan iyo adeega bulshadda oo si fiican u socoda, waxaan goobaha shaaha iyo sharaabka laga cabo ku dhaafaynay dhalinyar aad u badan oo caweynaaya isla markaana raxan raxan u fadhida, laakiin bar bilawgii xaafadda maxaa xiggay. Bar bilawgiiba waxaa ii muuqday sida aadka u ba’an ee ay u burbursantahay waddada weyn ee dhexmarta Xaafaddaas qadiimiga ah, halka baabuurta wadooyinka kale maraysaa u kala leeyihiin laba haad oo is weydaaranaaya, waddada Xaafadda SIINAAY lagama yaqaano oo darawaliinta wata baabuurtu midba midka kale isaga ayaa u taraafik ah, sababtuna waa burburka waddada oo mudadii 28 sanadood ee Somaliland jirtay aan hal mar dayacaad lugu sameynin, dhismaha wadadaas waxaa ugu dambeysay sidaan maqlay xukumadii dhacaday ee Siyaad Barre, markii aan xaafadda hore u galay waxaan ka waayey hal hudheel cunto ah oo aniga iyo dhalinyartii kale ee ila socotay aanu ka casheyno, hudheel iyo cunto waa meel dhawe waxaa gabaabsi nugu noqoday shidaalkii gaadhiga oo qiyaas ahaan aan ugu talo galay in kaalmaha shidaalka ee Xaafadda SIINAAY aan kaga shubto laakiin nasiib daro hal kaalin oo furan waan ka waayey, hadda ha illaabin saacaddu waa 10:30kii habeenimo, in mudo ah markii aanu kor iyo hoos kolba u raacayney waddada burburka iyo rafaadka badan waxaa naga goostay oo bilaa shidaal naga noqoday gaadhigii aanu wadnay, waa Madow mugudi gudcur ah aad moodid, wadadda waxaa iftiiminaaya midh midh laabado yaryar oo ka baxaaya gudaha goodhiyo yaryar ama kolayo qaad oo nin iyo laba sii fadhiyaan, ma amaan daro ayaa xaafadda ka jirta waa maxay go’doonka iyo bandawgan saaran xaafadu?, waxaan su’aashaas weydiiyey mid kamid ah dhalinyartii ila socotay oo goob ganacsi ku leh Xaafadda gaar ahaan meheradaha waddada kasoo horjeedda, waxaanu iigu jawaabay in xaafaddu Makka oo Xajku kuyaal ka amaan badantahay laakiin ay sidani dabeecad u tahay dadka xaafadda degan. Mudo kadib waxaanu iska soo saarnay mid kamid ah dhalinyartaydii wada socotay si uu shidaal noogu doono bar bilawga xaafadda oo ah gooladda(goolada xariir), laakiin nasiib daro waxaanu weynay Bus ama taxi aanu saarno wiilkii shidaalka noodoonaayey, waa nasiib daro kale oo nugu habsatay, waxaanan qariib ku noqonay isla xaafadaydii, intii aanu Bus-ka ama Taxi-ga raadineynay waxaanu xaafaddaas Magaca qadiimiga ah leh ka dhex weynay hal Caffateria, ama goob ganacsi oo dhalinyartu iskugu timaado si aanu shaah uga cabno ugna nasano, kaaga darane waxaaba albaabadda loo laabay intii yareyd ee ka furnay ee goobaha ganacsiga oo u badnaa dukaano yaryar, waxaanay xaafadii sii noqotay madow iyo iftiin la’aan, hadda xasuuso oo Biyo la’aan iyo waddo la’aana hore ayaan kuugusoo sheegay, waxaan ka weynay hal xamaam(musqul) oo aanu ku xaajo gudano, musqul maxaanu kaba raadin waxaaba iskusoo hadhay sadexdaydii wada-soconay, gaadhkii baabuurta xaafadda iyo dhawr kolay oo qaad lugu iibinaayey, aakhirkii waxaanu helnay wiil aanu saaxiibo nahay oo degan xaafadda oo suuqa kasoo baxaayey si uu hurdo yimaado oo aanu u dirsanay shidaal, ilaa intii uu nosoo qaadayeyna waxaanu sidii derbi jiifka dhex fadhiisanay derbiyadda madow ee soo eegaayey waddada, SIINAAY waa xaafad aad u weyn laakiin ayaan daradda haysta ayaa waxaa kamid ah in xaafado badan oo isla xaafadda kamid ahi ay saqiiraan oo magacyadoodii rasmiga ahaa baaba’aan sida Xaafadda Faarax Nuur, Xaafadda Maan-deeq, Xaafadda Dugsiga Cali Jaamac, Gooladda Xariir iyo xaafada xero-awr, intaba waxaa loogu yeedhaa Siinaay, mana laha goob tilmaameedyo rasmi ah oo lugu kala saaro ama lugu kala garto hal-bawlayaasha(streets)ka xaafadda, taas oo ka xafadihii kale ka dhigtay in ay noqodaan SIINAAY, Waxayna meesha ka saartay xaafadu xaafado kale oo ka tirsan isla Degmada, sababtuna waa magaca xaafadda oo qadiimi ah. SIINAAY, waxay ku taal koonfurta Magaaladda Hargeysa, waxaa nashaqdeyey oo quruxiyey qaab dhismeedka xaafadda iyo jidadka dhex-mara, Maayirkii ugu dambeeyey xukumadii Madaxweyne Siyaad Barre, waa Bile rifle oo ka dhigay xaafad wadooyin waaweyn leh, wuxuu Bile rifle kala saaray dhismayaasha iyo wadooyinka waxaanu u sameeyey meel waaweyn (Parking) oo goobaha ganacsiga loogu talo galay si baabuurta loo dhigto, laakiin maanta nasiib daro waxaas oo dhami waxay noqodeen kuwo baa’bay waxaana kasii muuqda raadadkii hore ee xukumadii xiligaasi u nashaqadeysay. Maxaa SIINAAY sidan ka dhigay: 1.Dadka Xaafadda: Siinaay waxaa sidan ka dhigay dadka degan xaafadda, dadka degani waxay ka gaabiyeen horumarkii xaafadda, inkasta oo dhawaanahan xaafadda meelo kamid ah shacabku ka dhisteen wadooyin iyo horumar muuqda, haddan maanta sidii laga filaayey xaafadda umay horumarin, qofkastaana waxa uu ka dhigtay goob loosoo hurdo doonto oo laga shaqo tago oo keliya, waxaanan hubaa in inbadan oo kamid ahi xitaa hurdo aanay usoo doonteen ee ay dantu ku kalifayso guryahoodii oo kuyaala xaafadda. 2.Ganacsatada Kasoo Jeedda Xaafadda: Ganacsatada xaafaddu waxay inta badan ganacsigoodii waaweynaa ee camiraada iyo quruxda u noqon lahaa xaafadda u rareen suuqa iyo goobo kale oo ay ka door bideen, waxaa nasiib daro ah in SIINAAY oo qadiimi ah, habeenba hadii uu galo aanad ka helahayn goob waxbarasho, goob shidaal, goob cunto, goob musqul ah, taxi, goob shaah, goob timo-jare iyo goobo badan oo daruuri u ah xaafadda, waxay dhamaan dadka xaafadu adeega usoo doontaan suuqa weyn ee Hargeysa, waxay dhamaan caruurta xaafadu aadaan dugsiyo kale oo kuyaal magaaladda, waana xaafada keliya ee Magaalada Hargeysa aan lahayn dugsiyo waaweyn ama jaamacado wax lugu barto. 3.Xubnaha Golaha Dawlada Kaga Jira Ee Xaafada Lagasoo Doortay: waxaa dayacay oo noqoday kuwo lagu khasaaray dhamaan xubnihii goolaha deegaanka ee lagasoo doortay xaafadda, waxayna noqodeen kuwo irbad aan dun gelin oo keligood shaqaysta, waxay dhoob-dhoobi kari waayeen waxba yaanay quruxine waddooyinka xaafadda dhex-mara, waxay noqodeen kuwo aan lala xisaabtami, sidoo kale kuwa kujira gola wakiiladda ee xaafadda lagasoo doortay waxay noqodeen kuwo iskadaa in wax u qabtaane xitaa qaar badani aanay usoo hurdo tegin oo kireeyey guriyihii xaafadda ay ku lahaayeen, Wasiiradda magaca dadka xaafadda ku jooga xukumadda ee xaafadu saamiga ku heshay waxay noqodeen kuwo iyaguna iskagaba guuray oo Masalaha sare ee Degmada A/dhagax ka dhistay guryo waaweyn iyo bangalooyin, isla markaana aan maanka iyo maskaxda kuba haynin cidii ay matalayeen iyo halkii lagasoo taageeray. 5.Qurbo-jooga Xaafadda: Qurba jooga xaafadu waxay noqodeen kuwo wakhtiyadda Ololaha, colaadaha iyo mixnadda u adeega shacabka, laakiin ay ku yartahay u adeeegista horumarka iyo kaabayaasha bulshadu. Nin kasta ama qof kasta oo hanti iyo lacag haysta oo qurba joog ahi waxa uu bixiyaa xiliyadda uu dantiisa fiirinaayo laakiin way ku yartahay in uu bixiyo xiliga isagana ay sadaqada u tahay, dadkiisa iyo dalkiisana horumarka ay u tahahay. 4.Dhalinyarta Aqoonyahanada ah Ee Xaafadda: Gebo-gebadii waxaa dib u dhaca xaafadda iyo nolol la’aanta ka jirta u sabab ah dhalinyarta aqoonyahanda ah ee xaafadda oo aniga laftarkaygu aan kamid ahay, waxayna noqodeen kuwo ka hadla wax kasta oo dalka ka jira laakiin iska ilaabay mugdiga iyo dulmiga ay xaafadoodu ku sugantahay, ma jiraan ama waa kuwo aad u yar tiro ahaan dhalinyar is-xil qaanta oo dadka xaafada iyo ganacsatadaba baraarujiya, ma jiraan dhalinyartii camiri lahayd hadii goobo suuqyo ah laga sameeyo xaafadda, ma jiraan ardaydii wax kabaran lahayd xaafada hadii goobo waxbarasho laga furo, sidoo kale ma jiraan haweenkii ka adeegan lahaa hadii suuqyo lagafuro xaafadda, taasina waa nasiib daradda ugu weyn ee xaafaddaas haysata. “SIINAAY, Caasimadii saqiirtay ee shacabkeedu duugeen habeen madow, waxay Hargeysa inteeda kale ka dambeysaa 20-sano” Wabilahi tawfiiq. Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare) Qoraa / Saxafi madax banaan E-mail: Xamse18@gmail.com www.wiyeeryare.blogspot.com www.twitter.com/wiyeeryare www.facebook.com/wiyeeer Hargeysa -Somaliland Source
  17. (SLT-Tukaraq) Wararka ay shabakadda Wararka Somalilandtoday ka helay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta halkaasi ay ka jirto dhiilo colaadeed oo u dhexaysa Jamhuuriyadda Somaliland Iyo maamulka Puntland. Wararka ay helayso Somalilandtoday badan waxa ay sheegayaan in labada dhinacba saaka ay isku hub uruursanayaan si midba midka kale uu isga difaaco . Dhaq dhaqaaqan ka soo cusboonaaday deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa ku soo beegmaya xili Puntland ay ku jirto ololihii doorashada Madaxtinimada. Ciidamadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Puntland ayaa Tukaraq isku hor fadhiya mudo ku siman sagaal bilood , maalin ka hor ayay ahayd marii uu ergayga gaarka ah e Qaramada midoobay Ee Soomaaliya uqaabilsan uu kala hadlaya xaalada Tukaraq madaxweyne Muuse Biixi Cabdi . Isagoo sidoo kalena Garoowe kula kulmay Madaxweyne Cabdi Wali Gaas . Somalilamdtoday/Hargaysa/Office Source
  18. (SLT-Cameron) Dawladda Cameroon ayaa billowday hawlgal ballaadhan oo ay ku baadi goobeyso 79 caruur ah oo laga qafaashay iskuul ku qaal qeyb ka mid ah dalkaasi. Rag hubeysan ayaa carruurtan ka qafaashay iskuulkan oo ku yaal Bamenda ee woqooyi galbeed dalkaasi. Ardayda badbaaday ayaa ka hadlay qaabka ay kooxda afduubka gaysatay u baareen iskuulka oo ay u xusheen ilmaha ay qafaasheen. Dowladda Cameroon ayaa afduubkaasi ku eedaysay jabhad doonaysa in gobolka Ingiriiska looga hadlo ee dalkaasi uu ka go’ dalka intiisa kale. Jabhadda ayaa beenisay inay afduubka geysatay. Baraha Bulshada ee Cameroon ayaa waxaa lagu faafiyay muuqaal la rumaysan yahay in mid ka mid ah afduubayaasha uu ka duubay carruurta. Waxa ay carruurtu ku dhawaaqayaan, waxaa laga watay iskuulka wiilasha ee Amba, mana ogi halka aan lku suganahay. Kooxaha gooni u goosadka ah ayaa sanadkan sare u qaaday weerarrada ay ka geysanayaanb gobolkaasi, oo shacabkiisa ay ku eedeeyaan dowladda inay six un ula dhaqanto Source
  19. (SLT-Washington)Xisbiga mucaaradka ee dimuqraadiga ah ayaa rajaynaya inuu dib ula wereego maamulka aqalka wakiilada, halka xisbiga Republican-kana uu doonayo in ay sii xajistaan maamulidda aqalka Senate-ka. Waxaa la qabtay olole ay Obama iyo Tramp ku kala jiidanayaan Codbixiyeyaasha waxaana laga cabsi qabaa in Doorashadda ay saameeyn ku yeelato Nacayb ka dhan ah muhaajiriinta oo madaxweyne Trump uu ololihiisa ku sheegay Taageerayaasha madaxweyne Donald Trump iyo kuwa Barack Obama ayaa maalintii Axadda ah isu soo bax ballaaran sameeyay. “Talaadada ayaad codbixinta u dareereeysaan oo aad codkiina dhiibanaysaan,” ayuu Mr Trump u sheegay taageerayashiia. Maalmihii ugu dambeeyay Mr Trump ayaa aad uga hadlayay arrimaha socdaalka dalkaasi. Source
  20. In ka badan 150 dhalinyaro tahriibayaal Soomaaliyeed oo ku dhibaataysnaa dalka Libya, ayaa dib loogu soo celinaya Soomaaliya Arbacada berri ah,ee ku beegan 7November 2018. Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub, Danjire Cali Saciid Fiqi, ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku sheegay, in dhalinyaro gaaraysa ilaa150 oo ku dhibaataysnaa dalka Libya dib loogu celin doono Soomaaliya maalinta Arbacada ah. Safiirka ayaa intaasi raaciyay, in soo celinta dhalinyarada ay iska’ kaashadeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha IOM iyo UNHCR,hase yeeshee faahfaahin kama bixin magaalooyinka ay dhalinyaradaasi ka joogan dalka Libya. Sidoo kale safiirka ayaa u mahadceliyay hawl-wadeennada safaaradda Soomaaliya ee waddanka Libya, oo uu ku bogaadiyay kaalinta ay ka qaateen, soo celinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku dayacnaa. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post In ka badan 150 dhalinyaro Soomaaliyeed oo dib loogu soo celinayo dalkooda appeared first on Puntland Post.
  21. (SLT-Muqdisho)Inta la xaqiijiyay 4 qof oo rayida ayaa dhintay ka dib markii ciidamada AMISOM la sheegay in ay toogteen dadkaasi ka dib markii kolonyo ay la socdeen qarax waddada dhinaceeda la dhigay lagulla eegtay Ex control Balacad ee magaalada Muqdisho. Ehelada dadka la laayay ayaa Radio lugo badan u sheegay in ay inay aaminsan yihiin in si ula kac ah loo dilay 4-ta qof ee dhimatay kadib markii ciidammadu inta ay ka dageen gawaarida mid mid u toogteen raggan oo joogay meel aan sidaa uga fogeyn halka uu qaraxu ka dhacay. Lama yaqaano khasaaraha ciidammada gaaray marka laga reebo in labo kamid ah gawaaridooda ay waxyeelo ka soo gaartay qaraxa sida dad goobjoog ah ay sheegeen. Somalilandtoday/Muqdisho/Office Source
  22. Nairobi (Sh.M.Network) – Guddiga kaluumaystada maamulka Laamu ee dalka Kenya ayaa ugu baaqay Madaxwayne Uhuru Kenya in uu Mamnuuco kaluunka ay gudaha dalkaasi geeyaan ganacsatada Soomalida taas oo ay sheegeen in ay sameyn ku yeelatay kaluunka laga soo saaro gudaha dalkasi Kenya. Maxamed Cali oo ah gudoomiyaha kaluumaystada deegaanka xebedka Lamu ee dalka Kenya ayaa hoosta ka xariiqay in Kaluunka laga soo dhoofiyo dalalka Soomaaliya iyo Tanzania uu suuq la’an dhigay Koodii, islamrakaana loo baahan yahay in dowladda dhexe ee Kenya ay dalka ka mamnucdo kaluunka laga keenyo dalalka deriska la ah. Madaxwayne Uhuru Kenyatta ayaa horay uga manuucay dalka Kenya in keeno kaluunka lasoo dhoofiyo dalka Shiinaha kadib markii ay sidaan oo kale cabasho uga timid kaluumaystada reer Kenya, kuwaasi oo tibaaxay inuu saameyn dhaqaalo ku yeeshay. Ganacsatada Kaaluunka ee dalka Kenya ayaa ku eedeyay ganacsatada Soomaalida ah in ay qiimo hoose ku iibinayaan kaluunka taas oo ay ku doodayaan in hadii ay ku ibiyaan dhankooda ay ku qasaarayaan. Kenya ayaa Soomaaliya usoo dhoofisa Khaad ku kacaya malaayiin Dollar, xili aanan la saadaalin karin go’aanka uu Madaxwayne Kenyatta ka qaadanayo cabashadda uga yimid Ganacsatada ka beec-mushtarta Kaluunka. The post Madaxwayne Kenya oo laga dalbaday joojinta kaluunka Soomali appeared first on Shabelle. View the full article