Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,925
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jubba ( Sh. M. Network )-Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya Dalka Koofurta Suudaan Xuseen Xaaji Axmed ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibada Koofurta Suudaan, waxayna ka wada hadleen sidii loo dhaqan galin lahaa waxyaabihii ay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Koofurta Suudaan ay dhawaan ka wada hadleen. “Wasiirka ayaan xafiikiisa kula kulmay waxaan ka wada hadalnay sidii loo fulin lahaa waxyaabihii ay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Koofurta Suudaan maalin dhaweyd ka wada hadleen, sida la og yahay Jaaliyad Soomaaliyeed ayaa joogta dalkan oo aad loogu amaanay doorka ay ku leeyihiin wadanka, marka waxyaabo yaryar oo cilado ah oo jira ayaan wadajir u xalin doonaa”.ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee Koofurta Suudaan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka. Wasiirka Arrimaha Dibada Koofurta Suudaan iyo Wasiiro kale ayaa loo xilsaaray fulinta waxyabihii ay kawada hadleen Labada Madaxweyne, iyadoo Madaxweyne Salva Kiir uu Madaxweyne Farmaajo u sheegay markuu booqasho ku tagay dalkaasi in Soomaalida ay door fiican ku leeyihiin ganacsiga iyo Horumarka Koofurta Suudaan. Safirika ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay dhaqan galka Heshiisyada ay isla gaareen Labada Madaxweyne, isagoo sheegay Safaaradda Soomaaliya ee Koofurta Suudaan in la siinayo Dhul ay degto maadaama hada ay ku jirto Guri kiro ah. The post Safiirka Somalia Ee South Sudan Oo la kulmay Wasiirka arrimaha dibadda Ee dalkaasi appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Qoyska reer Cabdiraxmaan Maxamud ayaa wajahay murugo iyo xanuun badan kadib markii isniintii ay gabadhooda Safiyo Cabdiraxmuud u geeriyootay xabado uu furay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka ee Soomaaliya. Faadumo oo aheyd gabadhii la socotay Safiya markii uu xabadaha ku furay askariga ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa sheegtay in aaney garaneyd in hadafka iyagu ahaa iyo in kale. Faadumo oo sii hadleyo waxaa ay tiri “Waxaaan ka soo laabanay booqasho xaafad gabar nala dhalatay, waxa aan soo raacnay bajaaj, annaga oo taagan isgoska Ceelqalaw ayaa mar qura askari taagnaa meesha waxa uu furay xabado dhowra ka dib waan cabsanay, waxaana arkay Safiya oo igu soo dhacday, mana maleyneyn in xabado ku dhaceen, wax kaliya aan filaayay gabadha inay cabsatay, waxa aan weydiiyay Safiyo ma cabsatay mayna ila hadlin. “Waxa aan arka dhiig ka baxaayo gabadha madaxeeda, waxaana ula soo oradnay isbitaalka naf kuma aanan gaaribna oo dhexda ayeyba ku naf baxday”. Marxuumad Safiyo Cabdiraxmaan Maxamuud waxa ay dhameysatay wax barashada heerka koowaad ee jaamacadda sanadkii2016, dhimashadeeda bil ka hor ayeey bilaawday wax barashadeeda heerka labaad ee master-ka. Marxuumada aabaheed Cabdiraxmaan Maxamuud ayaa ka hadlay dhimashada gabadhiisa ka dib falcelinta loo baahanyahay “Gabaheyda waxa ay sababsatay xabad uu ku dhuftay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda, waxaa aan dareemayaa qof laga dhintay xanuunkii uu dareemi lahaa, waliba dhimasho sabab ay u noqotay qof kale iney disho, waxaan dareemayaa in bulsho badan ay qabaan dhibkaan oo kale si aan munaasab aheyn dadkoodii loo dilo, Waxaana illaah xagiisa ka rajeeynaa in cadaalad iyo sinaan la helo, oo gabadheydu noqoto qofkii ugu danbeeyay oo si gardarro ah loo dilo , gabadhaeyda waxa aan wax soo baraayay mudo dhowr iyo labaatan sano ah, waxa aan wax u barayay inay naftwwda iiyo dadkeeda anfacdo Sidoo kale Safiyo waxa ay aheed macalimad iskuulka Raage Ugaas wax ka dhigta sidoo kale Safiyo waxa ay u weyneyd dhowr caruura ah, oo qoyska reer Cabdiraxmaan Maxamuud, waxa ay aheyd qof u taagaanaa xanaannada hooyadeed oo shan sano sariir saarneed, ayadana aheed qofka kaliya ee uqidmeeynayay Dilka Safiya ayaa waxa uu yahay kiis 2aad oo mudo bilo gudaheeda xabado ciidamada furaan lagu dilo ahna kii 3aad ee lagu dilo gabdho ardayaa iyo macalin ahaa oo dalka iyo dadka u soo baxay gudaha magaalada Muqdidho Safiya ayaana sababsatay askari ka tirsanaa ciimada dowlada xabado uu furay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Islaam Madoobe ayaa daqiiqado ka hor magaalada Kismaayo ka daah-furay shirka iskaashiga amniga ee dowlad goboleedyada. Shirkani waxaa ka wada qeyb galaya wasiirrada amniga iyo taliyeyaasha nabad sugidda ee dowlad goboleedyada Soomaaliya oo ku mideysan magaca Gollaha Iskaashiga. Madaxweyne Axmed ayaa ku nuuxnuuxsaday in loo baahan yahay sidii ay dowladaha xubnaha ka ah xukuumadda federaalka iskaga kaashan lahaayeen la dagaalanka Alshabaab iyo nabadgalyada. Sida dad lagu kalsoon yahay ay u xaqiijiyeen Goobjoog News shirka ayaa socon doona laba cisho, iskaaahi amni oo dhexmara ayayna ka arrinsanayaan iyadoo ugu dambeeyntii warmurtiyadeed laga soo saari doono. HOOS KA DAAWO SAWIRRADA: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa furay shirka Wasiirada amniga Dowlad Goboleedyada oo ay ka qayb galayaan Taliyayaasha Hay’ada nabadsugida Dowlad Goboleedyada. Madaxweynaha ayaa furitaanka shirkan ka sheegay in ay Wasiiradu qiimayn ku samayn doonaan xaalada amni kadibna ay go’aamo ka gaari doonan howlaha horyaala oo ay ugu muhiimsan tahay dhismaha Ciidamada isku dhafka ah. Kaalintaan ayuu Madaxweynuhu sheegay in ay lahayd Dowlada Federaalka ah balse ayna kasoo dhalaalin taas badalkeedana ay ku mashquushay burburka dalka iyo arqaladayn joogto ah wuxuu sheegay Madaxweynahu in ay dardar galin doonan iskaashi buuxa oo dhinaca amaanka ah isla markana Ciidamada la isku keeno ay fulin doonan howlgalo qorshaysan oo lagu xasilinayo dalka. Waxaa uu sheegay inay dardar galin doonaan iskaashi buuxa oo dhinaca ammaanka ah, isla markana Ciidamada la isku keeno ay fulin doonaan howlgalo qorshaysan oo lagu xasilinayo dalka. Axmed Madoobe ayaa tilmaamay maamul Goboleedyada hadba sida ay ugu kala muhiimsan yihiin dhinaca amniga howlgalada loo qaybsan doono, isla markana la cirib tiri doono kooxda Al-Shabaab sida uu yiri. Shirka ka furmay Kismaayo ayaa inta uu soconayo lagu falanqeyn doonaa iskaashiga dhinac amniga iyo isku dhafka Ciidamada maamul goboleedyada laga keenayo sidii loo bilaabi lahaa qorshahooda ugu horeeya, iyadoo Jubbaland ay hormuud ka noqon doonto.
  5. Baydhabo (Caasimadda Online) – Kulamo aan loo kala kicin ayaa Xalay ilaa iyo saakay ka socda Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay, kaasi oo ay leeyihiin qaar ka mid ah Musharixiinta u tartamaya xilka madaxtinimada ee Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya. Xubnaha Gudigga Doorashada ee aan iscasilin ayaa iyaguna kulan ka wada Magaalada Baydhabo, waxaana ay sheegayaan in ay dhacayso waqtigii loogu tala galay Doorashada Madaxtinimada ee Maamulkaasi. Guux iyo Jahwareer siyasaadeed ayaa laga dareemayaa Magaalada Baydhabo, iyadoona Cabsi badan laga qabo in ay dib u dhacdo Doorashada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya. Madaxweynaha hada talada haya ee Maamulka Koofur Galbeed ayaa isagana kulamo gooni gooni ah ka wada xarunta madaxtooyada ee Maamulkaasi. Mashquul aad u fara badan ayaa laga dareemayaa xarunta Madaxtooyada ee maamulka Koofur Galbeed, waxaana lagu arkayaa qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo xubnaha ka tirsan Baarlamaanka Koofur Galbeed ee jooga Baydhabo, iyadoona xaalka uu u muuqdo mid alow sahal ah. Waxa jira cadaadis xoog leh oo la saarayo guddoomiyaha baarlamaanka Koofurgalbeed C/qaadir Shiikhunaa Maye, iyadoona dhinac ka mid ah siyaasiyiinta ay doonayaan inuu dhamaystiro tirada guddiga doorashada, halka kuwo kalana ay ku cadaadinayaan in dib loo dhigo doorashada. Sidoo kale Xubnaha qaar ee ka haray Gudigga doorashadda ayaa ka digay in rabshado ay ka dhacaan magaalada Baydhabo ee Gobalka bay. Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa Waxaa weli ka jira olole siyaasadeed oo iska soo horjeeda, kuwaasoo ay wadaan siyaasiyiinta ka soo jeeda Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Dad Shacab ah oo ka careysan dhacdadii shalay ciidamada AMISOM dadka rayidka ahaa ku laayeen ayaa is hor istaagan ciidamo wata gaadiidka AMISOM oo marayay isgoyska Tarabuunka. Ciidamadaan ayaa muddo daqiiqado ah ku xayirnaa isgoyska oo dad badan ay u diidaan inay gudbaan, waxaana ay ku banaanbaxeen goobta ay ku celiyeen ciidamada AMISOM iyaga oo ku dhawaaqayo erayo ka dhan ah AMISOM. Muddo markii ciidamada ay ku xayirnaayeen isgoyska ayaa kadib waxay fureen rasaas badan oo ay dadka isaga kala ceyrinayeen, waxaana markii dadka ay ka carareen rasaasta ay isaga baxsadeen goobta. Ma jirto cid waxyeelo ay kasoo gaartay rasaasta ciidamada AMISOM shacabka ku fureen, waxaana hadda degen xaaladda isgoyska Tarabuunka. AMISOM ayaa shalay afar ruux oo rayid ah ku dishay Xaafadda SOS ee magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Inkastoo Dad Baddan oo Reer Somaliland ahi Aqoonyahan Siyaasiyiin iyo Inta ugu Badan ee Waxgaradka Bulshadu Ugu Sid Xidheen Bal in ay Ka Dhursugaan In uu Sanadka Dhameysto.Marka Loogu Shin Tiriyo Maalintii La Doortey ilaa iyo Maanta Laakiin Qaar kale oo Baddani Waxa ay Kaga Min Qiyaas Qaateen Biyaha Aan Hordhacooda Aragnaa Huubaheedu Isbadel Keeni Maayo, Sababtoo ah ilaa Dhismihii Xukuumada ilaa iyo Maanta Waxa Badnaa Qaladka Xukuumadiisa iyo Isaga Madaxweynaha Laf ahaantiisa, Cabashada Beelaha Somaliland Gobolada iyo Degmooyinka Dhinac Walba, Siyaasada Dibadda oo Aan Wax dhaqdhaqaaq ahi habayaraatee kajirin,Sixirbararkii iyo Qiima Dhicii Shilinka Somaliland oo aan Wax Iska Badelin ay kaga tagtey Xukuumadii hore,Cashuurihii oo Lagu Kordhiyey Cunahana Lagu Qabtey Shacabka Masaakiinta. ah ee la ildaran Duruufaha Nololeed, Khilaafka iyo Hirdiga Wasiirada oo Aan Maalina Maalin Ku Dareyn. Haddaan Tusaale usoo Qaato, Khilaafaadka Masuuliyiinta Xukuumada u Dhexeeyaa, Mudooyinkii u Dambeeyay Waxa uu ahaa Mid ay Shacbigu Sitoos ah u arkayeen Iyaddoo Xukuumadan Muuse Biixi Madaxweynaha u yahey Kuwa Taageeraa habeen iyo Maalin Calaamad ka Dhigteen In aan Madaxweyne Siilaanyo Kala Celin Jirin, Waajibaadna kala Siin Jirin Masuuliyiinta Xukuumadiisa ee Iska Hurdi Jirey Balse Muuse ka Duwan Yahey in uu Soo Jeedo oo Isagu Talinayo, oo Cadaalad ka ShaqeynayoTaasi ma aha mid Xaqiiq ah Maxaa Yeelay Waxa ugu horeeyay Khilaaf Dibadda usoo Baxa Kii ay Isku Qabteen Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Guri-Barwaaqo iyo Agaasimihii Guud ee Wasaaradaasi Mar Dambe Loo Magacaabay Cali Caliyaw oo Xaqiiqdii Garsoorkeedii Markii ay Madaxtooyada Gashey Cadaalad Darro aan Indhaha Laga Qarsani Ka Dhacdey, oo Muuse Biixi Ka Badheedhay in Cali Caliyaw uga hiiliyo.inaadeerkii Guri-Barwaaqo taasi Waxey u Quus Goysey Dad Badan oo hamuum Qabey Hirashada Somaliland iyo.Mustaqbalkeeda Siyaasadeed. Hadda marka aynu Usoo.Noqono Waxa is haya oo Muuqata Masuuliyiin Tira baddan oo Golaha Xukuumada katirsan Sida Wasaaradaha Maaliyada iyo Gaadiidka Laakiin Ma Dhicin in Marnaba Madaxweynuhu Waajibaadkooda ukala Xariiqo Laakiin Dagaalkiidu u Muuqdo Mid lagu hagardaamaynayo Shacbiga oo Ragaa Wareegtooyinka isku Isticmaalaya Mid Walba gaarkiisa Dhabarka Loo Taabtey Si Shacbigu ugu Dhex Dhinto Meel Laba Maroodi Ku Dagaalamay Cawsbaa ku Baa,ba.a. Sikastaba aha ahaatee Mayara Hagaradaamada iyo Fashilaada Xukuumadu Laakiin Waxeynu Kusoo ururuneynaa Waar Sanadkii Maalmaa hadhaye Maxaa La Qabtey Oo aan aheyn Cashuur iyo Dhib Lagu Soo Kordhiyey Shacbiga Ma Waxa La Xusi Doonaa Beerihii Roobka Illaahay inoo Shubey Kusoo Baxey ee Askartu Beeratey ileyn Awalaba Beer Roobaadku Waa Soo Bixi Jirtee aan Kusoo Koobo Muuse Waxna Ma Qaban Maalmona Wey hadheene Car Yaanu Buugaag Madhan Inoo Soo Daabicin. Najiib Ismaaciil Maxamed Somaliland Gabiley 0634466339 Source
  8. 27-Auguts 2018-ayay markii Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer ku tagay garoonka Ciyaaraha ee (Stadium Muqdisho) waxa uu sheegay in dowladda ay bilaabayso qorshe ballaaran oo lagu hawlgalinayo garoonka Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay haatan joogto marxalad ay higsanayso dib u dhiska kaabeyaasha nolosha iyo soo celinta kaalintii muhiimka ahayd ee ay ku lahayd Qaaradda Afrika. “Annaga oo dhammaystirayna qorshaha la wareegidda garoonkan, waxaynu dib u cusboonaysiin iyo dib u dhis ku samaynaynaa garoonkan, si loo soo celiyo bilicdii uu lahaan jirey Muqdisho Stadium.”waxaa sidaas warbaahinta u sheegay Madaxweyne Farmaajo Bahda ciyaaraha ayaa marar badan sheegay in ay jecelyihiin in uu dib u shaqeeyo garoonka Stadium Muqdisho si ay usoo noqdaan tartamada caalamiga uu dalkeena ugu qeyb galo caalamka dadka soo dhaweeyay da’aal horomarneyd ee ka socda garoonka waxaa ka mid ah gudoomiye ku Xigeynka 2-aad ee xiriirka kubbadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), iyo Maxamed Cabdulle Farayare oo ka mid ah macalimiinta farsamada X.K.Cagta,iyagoo arinta ku tilmaayay geed socoda wanaagsan ee isboortiga gudaha Kooxda qurbajoogta Soomaaliyeed oo intii u dhaxaysay 17-30-October caasimada Muqdisho ka samaysay is dhaxgal bulsho iyo ciyaaro saaxiibtinimo ayaa nasiib u yeeshay in ay booqdaan garoonka Stadium,iyagoo ka qeyb qaatay nafaada kala duwan oo ka socotay Xuseen Aba Nuur Abti oo horay ugu ciyaaray kooxda wagad iyo xulka qaranka kana mid ahaa wafdiga kooxda qurbajoogta ayaa sheegay bilo ka hor wixii uu ka arkay baraha bulshada iyo sida hada loo diyaariyay Stadium oo u dhaxeeyo farqi weyn loona baahanyahay in inta dhiman la dhameystiro Dowladda ayaa balan qaaday in muddo gaaban lagu hagaajin doono garoonka si loo soo celiyay maqaakii ciyaaraha caalamka ee wadankeena ku lahaa adduunka waxayna arinta guul u tahay bahda ciyaaraha Halkaan Ka Daawo Wixii Iska Badalay Garoonka Stadium Labadii Bil Lasoo Dhaafay W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  9. Shirkada caalamiga ah ee Dubia Port DP waxa la aas aasay sanadkii 1999 masharuuceed ugu horeeyan wuxuu ahaa jedeh sucuudi carabia waxa weeye shirkada dunida laga yaqaano oo caan ka ah oo maalgalisa dekadah dunida waxa la sheegaa innay ku dhowaada boqol iyo toban waddan iyo afartan dekadood oo caalami ah oo ayy maamusho ama maalgeliso isla markaan ayy gacanta ku hayyso oo ayy dardar geliso hawlah shaqo ee dekadaahsa dunid. Waxa lagu qiyaasa xadiga lacgat ee ayy hayysto shirkadani $3,121 million runn ahaantii waa qaddar lacag ah oo aad uu mugg leh. Waxa shaqaale ahan la shaqeeya shaqaale baddan. Waddamad ayy ka hawal gasho waxa ka midd ah Senegal, Egypt, Mozambique, Djibouti and Algeria UK Waxa arrin lagu farrxo ah in ayy maal gelin doonto 30 sanddod dekada Berbera run ahaanti waa muddo aad uu wangsan oo waxa lagu qabban karro dhinac kasta oo horumar ah Somaliland iyo shirkadan maalgashigu waxay kal saxeexdeen heshiis hordhac ah oo ayy ku bixi doonto lacag lagu qiyaasay $442 milyan Waxa hubaal ah in hadii shirkada DP world ee maal gashaneyssa dekada Berbera lagu taageero qorshaha maalgelinta in somaliland gebbi ahaanteed shacbi iyo dawldab ayy heli doonan horumar dhincyo baddan oo ayy ka midd tahay midd dhaqan dhaqaale iyo horumar dhinacyo baddan koobsad. Haddab bebera waa goob xasaasi oo ah oo ku taal mandaqada Geeska Africa gaar ahaan gacanka caddmeed run ahaantii waa goob ayy ku hareeraysn yihiin waddmo ayy ka jiraan xassardo iyo dagaalo sokeeye . Waxa muhiim ah in dadweynaha iyo dadka ka soo jeeda deeganka ayy ku taalo marrsadda ama dekadda bebera ayy yihiin dad jecel horumarka waayo waxa tusaale inoogu filan waxa deegankaas ka soo jeedaa raysal wassarhi hore ee Somalia . Madaxweynhii yagleelay qaddiyada ama jiritaanka somaliland mud. MAXMED XAAJI IBRAAHIM CIGAAL oo la odhan karro la’aantii somaliland halkan ayy manta marrayso may soo gaadheen. Dhanka kale waxa isna ka soo jeed madaxweynne ku xigeenkii seddexd ee somaliland Mud. AXMED YUUSUF YAASIN haddab bulshada ku abtirsta deeganka dekeda Berbera waa bulsho horumar ku suntan, Dhanka kale shaqaalah ugu baddan ee wakhti xaadirkan ka hawal galla dekada Berbera Deegan ahaan waxay ka soo jeedin deegamad hoos yimaada Berbera iyo hareeraheed, akhristow waxa waxxa lagu farrxo ah in shacbi weynah somaliland dhamaantood ayy jecel yihiin horumarka Berbera iyo guud ahaan dalka. Haddab waxa hareer socota taas in ayy Idilkood shabiga somaliland fahmeen macanah iyo dulucda ka danbeysa maalgashiga Marsadda Berbera isla markaan ayy la dhacsanyihiin ama ku farraxsanyihiin sidda ayy xukumada somaliland iyo Shirkad DP WORLD ayy waxa uu waddan ama heshiiska hordhaciisa uu saxeexeen. Gunaanandka qormadan kooban waxaan ku soo af meeraya waxaa mahad oo dhan iska leh Allah suurto galiyay qabsoomida heshiiskan marka xigata madaxda qarankan uu ugu horeeyo Madxweynah somaliland HE.axmed siilanyo iyo xukumadiisa waxa xusuus mudan in wasiirka wassarda Gancsiga iyo maalgashiga caalmiga ah Eng XUEEN ADEN CIGE in aaney la’aantii hir galeen heshiiskani taas oo uu door muhiim oo la taaban karro uu ku lahaa saxiixisa iyo hirgelita bandhigiisab labdab. Dhanka kale wasiirka arrimah dibbada DR SACAD ALI SHIRE iyo xubno kale oo wasiiro ah sidd wasiirka Qorsheynta qarankan CALI SHOONBE iyo Maareyah dekad Berbera Eng Cali xoor xoor koox khubro ah dhamaan dadkaas oo gaccan ka geystay inuu heshiiskan taarkhiga ah Qabsoomo wayyy mahdsan yihiin. Qalinkii: Nimcaan cadaani Hussein Bachelor science of public health Cadaani123@gmail.com Tell 252-63-4174513 Hargiesa Somaliland Source
  10. (SLT-Hargaysa)Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil,ayaa sheegay in wefti ballaadhan oo ka socda xukuumadda Somalilandin ay u amba baxeen gobolka Sool isla markaana ay u socdaan daminta colaadda beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay koonfurta gobolka Sool (Dhumay). Waxaa kale oo uu intaa raaciyay in madax dhaqameed uu ka mid yahay inay u amba baxayaan gobolka Sooloo ay ku biirayaan ergo nabadeed oo ka socda golaha guurtida Somaliland,madaxdhameed ka kala socda deeaanka Soomaalida Itoobiya iyo Puntland iyo weftiga wasiirada ah ee uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo deegaankaas u safray. Waxaa kale oo uu garaad Jaamac sheegay in nabadayntii beelaha walaaha ah ee Ceel afweyn in ay si wanaagsan u hir gashay oo labada beeloodba ay nabadayntii qaateen kuna dhaqmeen isla markaana labadil oo dhacay mid ahaan qofkii geystay la soo qabtay dilka labaadna isna lagu raad joogo qofkii geystay isla markaana ergadii nabadaynta labada beelood in ay u kicitimayaan Ceel afweyn oo ay magtii lagu kala xukumay u kala qaadayaan. Waxaanu u soo jeediyay labada beelood e walaalaha ah ee ku dagaalamay Dhumay in ay nabadda qaataan oo ergada aqbalaan oo colaadda joojiyaan. “waxaa caawa(xalay) wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland uu u amba baxay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool waxaanay u tageen nabadaynta labada beelood ee walaalaha ah,waxaa kale oo hore u gaadhay oo ku sugan ergo nabadeed oo golaha guurtida Somaliland ah,iyo madaxdhaqameed ka kala yimi deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Puntland,waxaana deegaankii lagu dagaalamay gacanta ku haya oo nabad gelyo ku soo celiyay ciidanka qaranka.”ayuu yidhi Garaad Jaamac ii u warramayay wargayska Dawan. Waxaanu intaa raaciyay .”annagoo fulinayna amarkii madaxweynaha Somaliland ee ahaa in nabadaynta labada beelood loo koco oo xukuumad iyo madaxdhaqameed iyo culimoba laga qayb qaato aniga iyo madaxdhaqameed miisaan leh oo reer Somaliland ahi aanu socdaal ugu baxaynaa deegaanka Dhumay ee gobolka Sool,waxaanan leeyahay labada beelood ee walaalaha ah nabad ayaa horumar iyo nololba leh ee nabada qaata oo tacabkla dawladda Somaliland iyo madaxdhaqameedka idiin soo gurmaday ay idin geliyeen ha qasaaraynina,maanta haddii aanay nabaddu idinka idinka soo go’in oo aydaan qaadan dadkana dhib iyo naxdin ayunbaad ku haynaysaan idinkuna is bixin maysaan markaa aan idiin ducaynee nabad gelyada qaata oo madaxweyne illaa madaxdhaqameed illaa culimo la idiin soo gurmay ee inkaar ha shaqaysanina.” Garaadka oo ka hadlayay nabadayntii beelihii Ceel afweyn iyo halka ay marayso,waxaa uu yidhi. “labada beelood ee Ceel afweyn waxaan ku ammaanayaa in ay nabaddii si dhab ah u qaateen oo ay ka dhabeeyeen waxaa imikana u baxaya ergadii nabada madaxdhaqameedkii ahaa oo u kala qaadaya xoolihii loo kala xukumay,intii nabadaa la soo xidhayna laba dil ayaa dhacay,dilkii hore ninkii gabadha dilay waa la keenay dilkan dambe ee habeenka dhawayd dhacayna gacan ku dhiiglihii waa lagu maqan yahay oo lagu raad jooga mana qabo in halkaa dhibaato dambe ka taagan tahay marka beeluhu ay nabadda qaataan ayuunbaanay nabaddu hir gashaa, beelaha Dhumay ku dagaalamayna in nabadda ALLE garansiiyo oo ducada ergada culimo,dawlad iyo madaxdhaqameedba leh in ALLE ku anfaco,ayaan RABBI ka baryaynaa.” Source
  11. (SLT-Washington)Ilhan Omar ayaa ku guuleysatay tartanka gobolka 5th ee Minnesota, waa qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo ka mid ah noqda Aqalka Congress-ka ee dalka Mareykanka, waxaa ay guushaasi ka gaartay doorashaddii dhexe ee Mareykanka ee shalay dhacday. Ilhaan Cumar ayaa bedeshay Keith Ellison oo ahaa Muslimiinkii ugu horreeyay ee ka mid noqdo Aqalka Congress ,islamarkaana ka soo galay dhanka Minnesoto. Ilhan Cumar ayaa taariikh samaysay iyada oo noqonaysa gabadhii ugu horreeysay ee loo doorto Congress-ka oo Soomaali ah. Waxaa ay sidoo kale noqonaysaa mid ka mid ah haweenka ugu horreeyay ee Muslimka ah ee loo doorto Congress-ka. Waxa ay ka socotay Xisbiga Dimoqraadiga ah, waxaana la aamisan yahay in guusha Ilhaan ay soo dedejisay Caddaadiska lagu haayo dadka Muslimiinta ah ee kunool dalka Mareykanka. Ilhaan Cumar oo 35 sano jir ah ayaa taariikh sameysay ka dib markii ay noqotay qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo xildhibaan ka noqdo dalka Maraykanka sanadkii 2016-kii. Waxay Soomaaliya ka qaxday xilligii dagaalka sokeeye iyadoo 8 sano jir ah Muddo afar sano ayay ku nooleyd xerada qaxootiga ee Dhadhaab Waxay Maraykanka tagtay iyadoo 12 sano jir ah Waxay noqotay qofkii Soomaaliga ahaa ee ugu horreeyay ee lagu doorto Maraykanka. Source
  12. Ilhan Cumar, oo Soomaaliya Amerikaan ah ayaa ku guuleysatay Congress-ka Mareykanka, waxaa laga doortay Minnesota, iyada oo noqotay mid ka mid ah labo gabdhood oo Muslim ah oo markii ugu horeysay ku biiray aqalka Congress-ka. Ilhan oo mataleysay xisbiga Dimoqoraadiga waxaa ay heshay 78.4% halka gabadha la tartantay ee Jennifer Zielinski oo ka socotay Jamhuuriga ay heshay 21.6%. Ilhan Cumar oo da’da 12 jir ah Mareykanka gashay, waxaa ku wehliya oo iyadana noqotay gabadh kale oo muslimad ah, oo ku biirtay Congress-ka Rashida Tlaib, oo laga doortay Michigan, waa gabar asal ahaan ka soo jeeda Falastiin laakin ku dhalatay Detroit Ilhan oo 36 jir ah, waxaa ay kursiga ka qaadatay Keith Ellison oo isna 2006-dii noqtay qofkii ugu horeeyey oo Muslim ah, oo jagadaasi hela. Ilhaan Cumar waxaa ay 8 jir iyada oo ah ka qaxeen Soomaaliya, waxaa ay xero ku jirtay 4 sano, markii ay gaartay 12 jir ayey qoyskeeda sponsore ka heleen dalka Mareykanka iyaga oo degay Minnesota. Ilhaan waxaa ay darajada koowaad ee jaamacadda ka haysta labo shahaado oo kala ah kulliyadda culuumta siyaasadda iyo kulliyadda daraasaadka caalamiga ah (International Studies) ee jaamacadda North Dakota State University, iyadoo aqoontaasi ay u saamaxday iney si xoog ah uga muuqato dhanka siyaasadda. 2017-kii, waxaa ay ku guuleysatay Golaha Sharci Dejinta Ee Minnesota iyada oo maanta noqotay gabadhii ugu horeysay oo Muslim ama Soomaali ah, oo gasha Congress-ka Mareykanka Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah xildhibanada Koonfur Galbeed ayaa bilaabay inay dib ugu laabtaan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, halkaasi oo maalmo ka hor ay ka yimaadeen. Xildhibaanadaan ayaa saaka la arkayay iyaga oo saaran gaadiidkii Dowladda Qatar ugu deeqday dowladda Soomaaliya, waxayna sii galayeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Xildhibaano ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin dib u laabashada xildhibaanada Koonfur Galbeed oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho. Waxay xildhibaanada qaar ay sheegeen in marnaba dib u dhac uusan ku imaan doonin doorashada Koonfur Galbeed, islamarkaana magaalada Muqdishoa u tageen kadib casuumaad ay ka heleen guddoomiyaha baarlamaanka oo isku deegaan ay kasoo jeedaan. Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ayaa la filayaa inay ka horyimaadaan go’aankii malaaqyada Koonfur Galbeed ay shalay qaateen oo ahaa in doorashada dib loo dhigayo. Wali waxaa laga dhowr sugayaa isbadalka saacad kasta ku imaan kara xaalada doorashada Koofur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. (SLT-Jigjiga) Wararka naga soo gaadhaya gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamo Ethiopian ah oo wata gaadiidka dagaalka ay gaadheen deegaano dhawr ah oo ka tirsan gobolkaasi. Ciidamada ayaa la sheegayaa inay halkaasi u tageen nabad ilaalin ahaan, kadib markii deegaanada Saax Dheer, Dhumayga iyo Doocmo ay ku dagaalameen maleeshiyaad halkaasi wada daga oo dirirtooda muddo kusoo laalaabatay halkaasi. Wararka ku soo dhacay xarunta Shabakada wararka ee Somalilandtoday ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia uu hogaaminayo Garaad Kulmiye oo kamid ah wafdi ka yimid dawlad deegaanka Soomaalida kuwaasi oo doonayo inay dhameeyaan dagaalka soo kusoo noqnoqday deegaankaasi. Xildhibaan Indho Indho oo kamid ah golaha Guurtida Somaliland ayaa soo dhaweeyay in ciidamada Ethiopia ay kala dhex galeen maleeshiyaadka ku dagaalamaya deegaanka Dhumay. Laakiin Qaar kamid ah xubnaha golaha wakiilada ayaa walaac ka muujiyay in ciidamadaasi ay tagaan deegaanada gobolka Sool oo marar badan ay dagaalo ka dhaceen. Wafdi uu hogaaminayay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa shalay gaadhay deegaanada maleeshiyo beeleedyada ku dagaalameen, isaga oo doonayo in xal waara laga gaadho colaada deegaanka. Madaxweynaha Somaliland Muuse biixi ayaa dhawaan shaaciyay inay soo dhaweynayaan cid kasta oo ka qeyb qaadaneyso dhameynta colaadka u dhaxeyso maleeshiyaadka ku dagaalamaya Dhumay iyo Saax Dheer ee Beelaha Qayaad iyo Baharsame. Madaxweynaha Dawladda Degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar ayaa ka hor ciidamadda wuxuu todobaadkan soo gaadhsiiyay deeq gurmad raashin Ah dadkii ku barakacay colaada, waxaana muuqanaysay inuu uga faro dhuu dhuuban yahay nabad raadinta dhanka Somaliland . Somalilandtoday/Hargaysa/Office Source
  15. Wixii ka dambeeyey burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa marba marka ka dambaysa hoos u dhacayey qiyamkii iyo qaabkii hoggaamiye ku soo bixi jirey. Qof waliba waxa uu noqday xil iyo darajo doon. Maxaa yeelay xilalkii ayaa waxa ay noqdeen badeecad dukaan taal oo lagu kala gato hadba qiimaha ugu sareeya, ayna ku guulaysato hadba ciddii jeeb dheeri. Waxaa kale oo iyana soo baxay tilmaamo cusub oo lagu xusho hoggaamiyaha xil iyo darajo doonkaa, kuwaas oo ay ugu horayso inuu yahay qurba-jooge aqoon yahana oo af-gaalaadka yaqaan. Taas oo meesha ka saartay qiyamkii laf-dhabarta u ahayd hoggaaminta suuban sida amaanada, kartida, hufnaanta, hawl-karnimada, iyo wadaniyadda. Hoggaanka aynu ka hadlaynaayi maahan oo kaliya maqaamka ugu sareeya ee dalka looga arimiyo ee waa xil walba oo ay Soomaali qabato, laga bilaabo maamule dagmo ilaa Madaxwayne qaran. Nasiib daro waxaa iyaguna aan ka badbaadin aafadaan aynu soo sheegnay hoggaankii dhaqanka oo uu cayn-wareeg wayni ku dhacay qiyamkii iyo xeerarkii loo cuskan jiray caleemo saarkooda. Taas oo sabab u noqotay hoos u dhaca wayn ee ku yimid magacii iyo muunaddii ay bulshada dhexdeeda ku lahaayeen. HOGGAANKA QURBA JOOGTA Laga soo bilaabo doorashadii Madaxwayne shariif Shekh Axmed waxaa dalka kusoo qulqulayey qurba joogta xildoonka ah, kuwaas oo isu fahmay inay yihiin cidda kaliya ee xidhan karta shaati ummadda Soomaaliyeed qiima wayn ugu fadhiyey wixii ka dambeeyey burburkii, shaar kaas oo ahaa aqoonta. Aqoonta iyo aqoon-yahanka ayaa ahaa yididiilo wanaagsan oo Soomaalidu u fahantay in ay xal u tahay masiibada hoggaan xumo ee ay muddo la daalaa dhacayeen. Inkasta oo qurba joogta xildoonkaayi uuba ku yaryahay aqoon-yahanku haddana iyaga ayaa isu fahmay inay yihiin cidda la baadi goobayo, maadaaba ay ka yimaadeen goobo ay ilbaxnimo ka hirgashay. Laakiin sidii aynu horayba usoo sheegnay, aqoonta iyo aqoon-yahankeeda midna looma shardiyo hoggaanka. Haddii uu dalku yahay mid nooceena oo kalaana aqoon-yahanimada hoggaamiyuhu waxba ma soo kordhiso. Maxaa yeelay oqoonta uu xambaarsanyahay ayaan looga baahnayn dalka uu u sharaxan yahay, taas badalkeedana waxaa looga baahanyahay aqoon isaga ka maqan oo ah dhaqan-siyaasadeedka bulshada raacatadaa iyo xeerarka lagu dhaqo dal burburay oo ah waayo-aragnimo burburkii laga kasbaday. Dr. Mohamed Yunis oo ah hoggaamiyaha bangiga Qaramin (bangiga danyarta) iyo hantaha abaal-marinta Nobel Prize ayaa waxa uu yiraahdaa kolkii dalkaygu (Bangladhesh) uu xoriyaddiisa ka qaatay Pakistan bartamihii todobaatanaadkii ayaan ku laabtay aniga oo xanbaarsan shahaadada sare ee cilmiga dhaqaalaha si aan uga qayb qaato horumarkiisa. Dr Yunis waxa uu yiri, wixii ugu horeeyey ee ii soo baxay waxa ay ahayd in dalkaygu uusan u baahnayn cilmiga aan xanbaarsanahay, maxaa yeelay ma ahayn mid iyaga loogu tala galay. Sidaas daraadeed ayuu ugaga tagay kuliyadii dhaqaalaha ee uu baraha sare ka ahaa, waxa uuna aasaasay bangigaga danyarta oo ah bangi ay sabooolku leeyihiin laguna dhidbay afkaar iyo aqoon maxaliya. Dr. Yunis xilligaas illaa iminka waxa uu fakhriga ka saaray dad ka badan siddeed milyan oo qof. Dr Yunis waxaa loo aqoonsaday halyey caalamiya sanadkii 2006 oo la gudoon siiyey abaal marinta Nobel Prize. Dr Mohamed Yunis uma uusan shaqa tagin Bangaladesh ee waxa uu doonayey inuu u shaqeeyo, kolkii uu arkay inaanu cilmigiisu dadkiisa saboolnimada ka saarayna, dhan ayuu iska dhigay, waxa uuna qaaday waddo kale oo ku haboon dadkiisa. CAQABADAHA HAYSTA HOGGAANKA QURBA-JOOGTA. Inkasta oo aan ka mid ahay dadka aaminsan in waxa inaga khaldani aanay ahayn hogaan xumo oo keliya ee ay tahay dawlad iyo nidaam la’aan, haddana Inta badan madaxda aan waaya aragga iyo waaqiciga midna ahayn marka la doorto waxaa ka hor yimaada daruufo qalafsan oo aysan horey ugu xisaabtamin, kuwaas oo marada ka fayda ceebahooda. Caqabadaha ugu waaweyn ee hoggaan kaan ka horyimaada waxaa ka mida. 1- Maqnaanshaha ay maqantahay awoodii dawladnimo ama baas abuur ( the Monopoly on violence ) ama ay cid kale gacanta ugu jirto sida hoggaamiye dhaqaneed, horjooge maleeshiyaad qabiil, hoggaamiye-siyaasadeed hore iyo ganacsade gaamuray kuwaas oo iyaga ka dhiga la gudoomiyayaal iyo hoggaamiyayaal aan lahayn kalmadda ugu dambaysa. 2- Maadaama ay wakhtigooda intiisa badan qurbaha ku soo qaateen waxa aysan waxba kala socon taariikhdii uu dalku soo maray gaar ahaan middii burburka iyo waaqica rasmigaa ee uu iminka dalku ku suganyahay, taas ayaana sabab u ah mugdiga iyo is-maandhaafka ka dhex aloosma iyaga iyo shacabka ay xukumaan. 3- Waayo aragnimo la’aan maamul oo haysata , gaar ahaan dal iyo dad burburay oo u baahan in lagu dhaqo xeerar aan ka jirin caalamka intiisa kale. 4- Aqoon daro baahsan oo ka haysata dhaqanka, hidaha, iyo qaab dhismeedka reeraha Soomaaliyeed taas oo keenta inay mararka qaarkood qaataan go’aamo xasilooni daro abuuri kara amaba ay ku khaldamaan saami-qaybsiga reeraha kaas oo saldhig iyo seesba u ah nidaam siyaasadeedka Soomaalida. 5- Badankoodu waa hoggaamiyayaal jilicsan oo aanay ka muuqan karti iyo go’aan qaadasho rasmiya, taas badalkeedna waxa ay xoogga saaraan inay nusqaantooda ku kabaan khudbooyin xamaasiya oo kiciya dareenka shacabka maalmo ka bacdina si fudud loo hilmaamo. Si kastaba ha ahaatee qodobadaan iyo kuwa kale oo badan oo aynaan xusin ayaa ka dhigaya hoggaankan aan waaya-araga ahayn kuwo aan hoggaamin karin dal aan xasiloonayn oo ay daruufo xasaasiyana ku meersan yihiin, maxaa yeelay waxaa ka maqan karti iyo aqoon. Aqoontaas oo ah waaya-aragnimo lagu maamulo dad iyo dal burburay. Si aad waaya aragnimadaas u kasbatana waxaa lagama maarmaan ah inaad dadka aad xukumayso ka mid tahay la dhaqan iyo la xeerna tahay, ee maahan inaad ku soo biirto kolka aad xil-doon tahay. GUNAANAD Waxaa laga yaabaa inay maskaxdaada ku soo dhacdo maxaa ka khaldan haddii la helo qurba-jooge amaano iyo akhlaag wanaagsan leh. miyaanu ahayn haggaankii aynu raadinayney? Maya ayaan si fudud kuu leeyahay, maxaa yeelay Kartida iyo waaya-aragnimada ayaa waligeed laga hormarin jirey aqoonta iyo akhlaaqda aysan labada hore ku ladhnayn. Nabigeenii Muxamed nabad galyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee oo ahaa hoggaamiyihii ugu waynaa ee caalamkaan soo maray, ayaa mid kamida saxaabadiisa oo ku xeel dheeraa aqoon diimeed iyo Alla ka cabsiba, waxa uu ku yiri rasuulkii Allow miyaadan xil ii dhiibayn. kolkaas ayaa suubanuhu ugu jawaabey “Abu darroow waa amaano, adiguna daciif ayaad tahay, maalinta qiyaamana waa shalayto” Waxa uu suubanuhu ina barayaa sida ay kartida iyo qawinimadu muhiimka ugu tahay hoggaaminta. Saxaabigan waxa ka maqani maahan aqoon, akhlaaq iyo Alla ka cabsi ee waa qiyaamkii hoggaaminta laf-dhabarka u ahaa, sidaas daraadeed waa lagama maarmaan in hoggaamiyaha maamulaya dal nooceena oo kalaa uu noqdo waayeel waaya-araga oo haddana ah wax-garada, ee maahan inaynu afartii sanaba mar tijaabino inyar-garad wax-mooga oo aan dhaadi karin xajmiga uu lee yahay xilka lagu aaminay. Qormadaan waxaan ku soo gaba gabaynayaa halkudhagii aan cinwaanka uga dhigay oo ahaa tuduc ku jirey tix uu lahaa abwaan Hadraawi oo ahaa ” sidaad isu doorataan, ayaad isu doorisaan” Hadii aad doorato hoggaamiye ku haboon daruuftaada wuxuu doorin karaa wax wayn, haddaadse doorato hoggaan daciifa wuxuu doorin karaa wax yar amase waxba. Qalinkii:- Maxamed Axmed Cilmi The post Hoggaanka Soomaalida: Sidaad isu Doorataan ayaad isu Doorisaan – Qaybtii labaad appeared first on Puntland Post.
  16. (SLT-Muqdisho)-War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Qaramada midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu canbaareeyay weerar lagu qaaday kolonyo gaadiida oo ay leedahay Qaramada midoobay oo lagu weeraray inta u dhaxaysa Gaalkacayo iyo Cadaado 3dii bishaan November, kolanyadaan oo ay la socdeen qaar ka mida shaqaalaha qaramada midoobay ayaa ku wajahnaa Dhuusa mareeb iyagoo gogol xaar u ahaa booqashada madaxda qaramada midoobay balse waxaa joojiyay malayshiyaad hubaysan oo sheegtay in ay booliska ka tirsan yihiin, markii ay damceen in kolanyadu ay ku laabato Gaalakacayo oo ah halkii ay ka yimaadeen ayaa waxaa rasaas ku furay mid ka mida gawaaridii ay malayshiyaadku wateen. “Weerarkii loo geystey kolonyada Qaramad Midoobay ma aha wax la aqabali karo,waxaana ugu baaqeynaa Maamulka Galmudug iyo Dowlada Federalka in lala xisaabtamo maleeshiyaadka rasaasta ku furay saaxibadeen, weerar noocaan oo kale ahna laguma qaadin shaqaalaha Qaramada Midoobay waqti dheer.”ayuu yiri wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee qaramada midoobay dalka Soomaaliya Nicholas Haysom. Ugu danbay Haysom wuxuu ku baaqay in shaqaalaha Qaramada midoobay ay heleen marino xor ah oo ay si nabad gelyo ah ugu safri karaan. Source
  17. (SLT-Muqdisho)-Waxaa maalinta Magaalada Muqdisho kusoo wajahan wafti heer sare ah oo ka socda Dowlada Turkiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca dalkaas. Wafdigan waxaa kamid ah Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Turkiya ,Saraakiil sare iyo madaxa Hay’adda TIKA. Wafdiga ayaa wada hadallo la yeelan doona mas’uuliyiin Soomaali ah iyagoo ka wadahadli doona sidii loo hormarin lahaa xiriirka ka dhaxeeya Hay’addaha amniga Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga. Dowlada Turkiga ayaa kaalin wanaagsan ka qaadaneysa dib u dhiska Ciidanka Xoogga dalka iyadoo Magaalada Muqdisho ka dhistay saldhig ay tababar tayo sare leh kusiinayso ciidamada Xoogga Dalka oo ay ku jiraan Saraakiil, Saraakiil xigeen, waxaana sidoo kale labada dal dhex mara heshiisyo iskaashi ah. Source
  18. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo dhaweeyay guusha xisbigiisa oo ka soo hooyay doorashada xilliga dhexe, gaar ahaan aqalka sare. Trump ayaa bartisa Twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku sheegay in xisbigiisu uu gaaray guul wanaagsan, waxa uuna dadka dalkaasi uga mahadceliyay guushaasi. Xisbiga Trump ee Jamhuuriga ayaa lagu soo waramayaa in uu helay aqlabiyadda uu u baahan yahay ee aqalka sare balse waxaa looga guuleystay aqalka wakiillada. Toddobo xubnood oo aqalka Senetka ku matalayay xisbiga Dimuqraadiga ayaa loo malaynayaa in ay difaacdeen kuraastoodii gobollada waqooyi bari, deegaannadaasna waxaa ka mid ah Connecticut, Massachussetts iyo Pennsylvania. Dhanka aqalka sare ama Senedka, 33 xubnood oo aqalka Senedka ah ayaa dhanka kalana loo loolamayaa, si xisbiga Dimuqraadigu uu u helo aqlabiyaddana, wuxuu u baahan yahay in uu ku guulaysto labo kursi oo Jamhuurigu horay u ugu fadhiyay. Warbaahinta CBS ayaa sheegtay in xisbiga Dimuqraadigu uu kursi ka helay Virginia, kaa oo ay ku guuleysatay Jennifer Wexton ayaana ka guulaysatay. 36 gobol oo dalka Maraykanka ku yaalla ayaa sidoo kale dooranaya barasaabyo., waxaana aad la isugu hayaa labada gobol ee kala ah Florida and Georgia. Source
  19. (SLT-Riyadh)-Boqorka dalka Sucuudi Carabiya, Boqor Salmaan ayaa billaabay booqasho gudaha dalkiisa ah markii ugu horreysay tan iyo markii uu qabtay xukunka boqortooyada, xilli haatan uu wajahayo dhaliil caalami ah oo ku aadan dilkii wariye Jamaal Khaashuq-ji. Maalin kasta wax cusub ayaa kasoo kordhaya xaaladda uu ku dhintay weriye Jamal Khashoggi, waxaana weli taagan cadaadis arinkaa ka haysta dowladda Sacuudiga. Falcelinta arinkaasi ee dowladda Sacuudiga ayaa waxaa ka mid ah in fadhiga laga kiciyo boqor Salmaanka 82 jirka ah, oo bilihii la soo dhaafay awood badan gacanta u galiyay wiilkiisa dhaxal sugaha ah. Socdaalka uu ku marayo dalkiisa ayaa Boqor Salmaan fursad u siinayso inuu u muuqdo astaan mideyneysa Sacuudiyiinta. Qaar ka mid ah shacabka dalkaasi ayaa walaac ka muujiyay in isbedellada dhaqaale iyo kuwa bulsho ee uu soo bandhigay dhaxal sugaha ay khatar uga iman karto tuhunka ah inuu ku lug lahaa dilki lagula kacay wariye Khashoggi. Dhanka kale, BBC qeybteeda afka Carabiga ayaa ogaatay in shakhsiyaadka fadhigoodu yahay London ee aadka u dhaliila hab-dhaqanka arrimaha xaquuqul insaanka ee dowladda Sucuudiga la siiyay boolis ammaankooga aad u ilaaliya, kaddib markii ay sheegeen in nolashoodu ay halis ku jirto. Inkastoo ciidamada la dagaalanka argagixisada ay sheegeen in aysan ka hadli karin arrintaasi, haddana BBC-du waxay ogaatay in shakhsi aan sababo ammaan awgii magaciisa la shaacin karin isla markaana aad u dhaliila dowladda Sucuudiga ammaankiisu 24-ka saac ay ilaaliyaan ciidamada kaddib dilkii weriye Jamaal Khaashuqji. BBC Arabic waxay shaacisay afduub iyo tacaddiyo muddo ka jiray gudaha Sucuudiga iyo waddamada reer Yurub, kuwaasi oo ka dhan ahaa dadka dhaliila siyaasadda Sucuudiga waxaana ay sidoo kale daboolka ka qaaday caddeymo muujinaya qof xabsi lagu dhex dilay sanad ka hor dilkii Khaashuqji. Source
  20. Taliyaha ciidanka Puntland S/Guuto Cabdishukri Cabdullaahi, ayaa shaaciyay inay dowladda Puntland galayso dagaal lagu difaacayo midnimadeeda, lagunasoo celinayo dhulkeeda. Hadalkaan ayuu ka sheegay, kadib markii uu maalintii shalay xilka kala wareegay taliyihii ciidanka Daraawiishta Punland, sareeyo guud Siciid Dheere. Halkaan ka daawo. Puntlandi.com Source
  21. Ilhan Omar ayaa ku guulaysatay tartanka gobolka 5th ee Minnesota, waa qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo ka mid noqda Aqalka Congress-ka ee dalka Mareykanka, waxa ay guushaasi ka gaartay doorashaddii dhexe ee Mareykanka ee shalay dhacday. Ilhaan Cumar ayaa bedeshay Keith Ellison oo ahaa Muslimiinkii ugu horreeyay ee ka mid noqdo Aqalka Congress-ka ,islamarkaana kasoo galay dhanka Minnesota. Ilhaan Cumar ayaa taariikh samaysay iyada oo noqonaysa gabadhii ugu horreysay ee loo doorto Congress-ka oo Soomaali ah. Waxa ay sidoo kale noqonaysaa mid ka mid ah haweenka ugu horreeyay ee Muslimka ah ee loo doorto Congress-ka. Waxa ay ka socotay Xisbiga Dimoqraadiga ah, waxaana la aaminsan yahay in guusha Ilhaan ay soo dedejisay Caddaadiska lagu haayo dadka Muslimiinta ah ee ku nool dalka Mareykanka. Ilhaan Cumar oo 35 sano jir ah ayaa taariikh sameysay kadib markii ay noqotay qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo Xildhibaan ka noqdo dalka Maraykanka sanadkii 2016-kii. Waxay Soomaaliya ka qaxday xilligii dagaalka sokeeye iyadoo 8 sano jir ah, Afar sano oo ay ku nooleyd Xeryaha Dhadhaab, kadib waxa ay gashay Mareykanka iyadoo 12-sano jir ah. Halkaan ka daawo iyadoo ka hadlaysa dareenkeeda. Puntlandi.com Source
  22. Wasiirada Amniga Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa maanta shir uga furmayaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah Jubaland. Golaha ayaa ka kooban Dowlad Goboleedyada kala ah; Puntland,Jubaland,Koonfur Galbeed iyo Galmudug,waxaana ay shirkan kaga arrinsanayan dhismaha ciidamo isku’dhaf ah oo u gaar ah,sida lagu go’aamiyay shirkii ay Garoowe ku yeesheen madaxda Golaha Iskaashiga. Shirkan ayaa la filayaa in lagu dhiso ilaa 4 kun oo ciidamo isku’dhaf ah,kuwaas oo ay saami siman u qeybsanayan afarta Dowlad Goboleedk ee Kismaayo ku shiraya. Dhammaan wasiirada Amniga Golaha Iskaashiga ayaa haatan ku sugan magaalada Kismaayo,waxaana sida qorshuhu yahay goor dhow furmi doona shirka. PUNTLAND POST The post GIDG Dowlad Goboleedyada oo dhisanaya Ciidamo gaar ah appeared first on Puntland Post.
  23. Ilhaam Cumar oo asalkeedu Soomaali yahay iyo Rashida Tlaib oo kasoo jeeda Falastiin ayaa noqday labadii gabdhood ee ugu horeeyey ee Muslima oo kamid noqda Congress-ka Maraykanka. Ilham iyo Rashida Rashida ayaa kasoo baxday Gobalka Michigan iyadoo siweyn ugu guuleysatay codadkii laga dhiibtay gobalkaas halka Ilhaam kasoo baxday Gobalka Minnesota ee ay Soomaalida ku badan tahay waxayna si xoogan uga adkaatay musharixii la tartamaayey. Dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan siweyn ayey ugu farxeen guusha Ilhaam Cumar oo ah mid tariikhiya, waxaana baraha bulshada qabsaday hambalyada loo diraaya Congress Ilhaam Cumar maadama loo arko inay taariikh baal dahaba ku qoran usoo jiidey umadda Soomaaliyeed. Ilhaam ayaa Wadanka Maraykanka tagtay iyadoo 14-sano jirta kadib dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Soomaaliya, waxayna horay usoo noqotay xildhibaan katirsan baarlamaanka Gobalka Minnisota. PUNTLAND POST The post Ilhaam Cumar iyo Rashida Tlaib oo noqday labadii gabdhood ee muslima oo kamida noqda Congress-ka Maraykanka appeared first on Puntland Post.
  24. Washington ( Sh. M. Network )-Ilhaan Cumar oo ah Gabar Soomaaliyeed, kana tirsan xisbiga Dimoquraadiga ee dalka Mareykanka ayaa ku guuleysatay doorashada Aqalka Congress-ka Mareykanka, waxaana ay noqoneysaa Qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee xil mansabkaas leh ka qabata dalkaasi. Ilhaan Cumar ayaa qaxootinimo ku gashay Mareykanka, waxayna horay u soo noqotay mid ka mid ah Xildhibaanada wakiilada qalka Hoose gobolka Minnesota ee dalkaasi. Hase’ahaatee Ilhaan ayaa haatan fariisan doonta Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka. Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa si weyn u soo dhaweeyay guusha ay gaartay Ilhaan Cumar. The post Ilhaan Cumar Oo ka mid noqotay Aqalka Congress-ka Mareykanka appeared first on Shabelle. View the full article
  25. (SLT-Washington)Ilhan Cumar, Hodan Xasan, iyo Maxamuud Nuur ayaa ku guuleystay doorashooyinkii ay ka galeen gobolka Minnesota, iyada oo Ilhan Cumar ay ka mid noqon doonto Aqalka Hoose ee Congress-ka Maraykanka, halka Hodan Xasan iyo Maxamuud Nuur ay ka mid noqon doonaan Aqalka Hoose ee baarlamaanka gobolka Minnesota. Dhinaca kale, Keith Ellison oo horay u ahaa xubin ka tirsan Aqalka Hoose ee Congress-ka Maraykanka ayaa u dhow inuu ku guuleysto xilka Xeer Ilaaliyaha Guud ee gobolka Minnesota oo uu u tartamayey. Guud ahaan doorashada, labada xisbi ayaa kala qeybsaday labada aqal ee Congress-ka, iyada oo Dimoqraadigu uu qaatay Aqalka Hoose, Jamhuuriguna uu sii xajistay Aqalka Senate-ka. Source