-
Content Count
206,925 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Magaalada Qardho ee xarunta gobolka kar kaar ayaa mudoo yinkii udambeeyay waxa ay sameynaysay horumar balaaran oo dhinac walba leh . Dad badan oo dalka dibadiisa ka yimid ayaa magaalada ku sameeyay maalgashi dhinacyo badan leh , sida Hoteelo , Maqaayado cunto , Goobo ladu damaashaado , iyo kaalimo shidaalka lagu iibiyo . Sidookale magaalada ayaa mudooyinkii udambaysay waxa ay samaynaysay koboc balaaran , waxaana laga hirgaliyay wadooyin laami ah ,halka kuwii horena ladayac tiray. Wax yaabaha u sahlay in degmada ay ka horumarto degmooyinkii ka horeeyay ayaa waxaa kamid ah : 1- Amniga 2- Cimilada deegaanka, 3 -Maamul wanaaga. Halkan ka dhegayso. Ganacsade Siciid Source
-
Wasiirka arimaha gudaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Wasiir Sabriye ayaa magaalada Baydhabo waxaa uu kulamo kula leeyahay madaxweynaha Koonfur galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo musharixiinta u tartamaya xilka madaxtinimo ee maamulkaasi Koonfur Galbeed. Kulamadaasi ayaa waxaa looga hadli doonaa sidii ay doorashada maamulkaasi ay ugu dhici laheyd waqtigeeda oo ah 17-ka November. Dhinaca kale warar soo baxaya oo ka imaanaya Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in Shariif Xasan Sheekh Aadan lagu wado in uu iska casilo xilka madaxtinimo ee maamulkaasi iyo u tartamida markale doorashada Koonfur Galbeed. Wariyaasha ayaa hadda looga yeeray xarunta madaxtooyada maamulka Koonfur-Galbeed oo lagu wado in uu shir jaraa’id ku qabto madaxtooyada islamarkaasina is casilaadiisa uu ku shaaciyo. Wixii ku soo kordha dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Wasiirka arimaha gudaha XFS oo gaaray Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Ku dhawaad 50 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Xildhibaanadan oo maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in si weyn loogu soo dhaweeyay gudaha magaaladaasi. Wararka qaar ayaa sheegaya in xubnahani ay ka qeyb gali doonaan kulan degdeg ah oo uu guddoonka Baarlamaank Koonfur Galbeed isugu yeeray Xildhibaanada maamulkaasi. Xaaladda K/ Galbeed ayaa kacsan, iyadoona laga yaabo in dib u dhac uu ku yimaado doorashada maamulkaasi oo la filayo in ay dhacdo 17-ka bishan November ee 2018-ka. The post Xildhibaano ka tirsan K/ Galbeed Oo ku laabtay magaalada Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha dowladda Puntland C/wali Cali Gaas ayaa gudi u saaray colaadii dhawaan ka soo cusboonaatay deegaanka Dhumey ee gobolka Sool ,taas oo ay ku dhinteen dad ka badan 70 qof . Sidookale gudigan ayaa ka shaqayn doona sidii gar gaar loo gaarsiin lahaa dadkii ku Barakacay colaadii deegaanka Dhumey oo qiyaastii lagu sheegay in ay gaarayaan dad ka badan 6 kun oo qoys . Gudigan ayaa ka kooban xubno ka tirsan golaha Wasiirada ee Puntland iyo qaar kamid ah Culimaa,udiinka Puntland. Halkan ka dhegayso Sheekh C/qani Qorane oo kamid ah Gudiga. Qorane Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay markale inay magaalada Muqdisho kasoo dajiyaan diyaarad wada maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xirneyd dalka Libya. Diyaarad siday maxaabiistaan oo laga keenay dalka Libya ayaa fiidnimadii kasoo degtay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in maxaabiista oo gaaraya 124 ruux oo Rag iyo Dumar ka kooban in laga soo daayay xabsiyo kala duwan oo ku yaala dalka Libya. Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa maxaabiistaan kusoo dhaweeyay dalkooda Hooyo, waxaana ay kaga hortageen garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay inay dalka kusoo celiyaan maxaabiis kala duwan oo ku xirnaa dalalka India, Ethiopia, Libya iyo Seychelles, waxaana qaarkood ay ahaayeen maxaabiis xabsiyo ku xukunnaa. Caasimada Onlinne Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hay,ada cuntada aduunka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan W.F.P ayaa xarun wayn waxa ay ka dhisatay magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland , xaruntan oo noqon doonta hoyga W.F.P Soomaaliya iyo xafiisyadeeda. Mashruucan aayaa ah kii ugu balaarnaa oo Garoowe laga hirgaliyo ,waxayna guryahan ay noqon doonaan kuwo aysan karin hubka noocyadiisa kala duwan. Ha,ada ayaa sheegtay in Puntland ay tahay meesha kaliya ee Soomaaliya ugu Amniga fiican ,taas oo keentay in xarunta W.F.P ee Soomaaliya ugu weyn laga hirgaliyo Garoowe . Halkan ka dhegeyso Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo booqday xaruntan. Madaxweyne xigeenka Source
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Malaaq Cali Shiine ayaa Villa Somalia ku eedeeyay in faragalin ay ku heeyso Koonfur Galbeed isagoo sheegay in lacago loogu qeybiyay xildhibaanno ka tirsan maamulkaasi magaaladani Muqdisho. “Waxaa iscasilay guddoomiyihii guddiga doorashada, maadaama dowladda federaalka weerar qaawan ay soo qaadday, iyadoo maamulkii iyo guddoomiyihii baarlamaanka Koonfur Galbeed cid ka war qabta aysan jirin ayaa diyaarad la soo dhigtay garoonka Baydhabo oo la qaaday 17 xildhibaan maalintii dambe 27, 30 baa la qaaday” ayuu yiri Malaaqa. “Markii ay meesha tagaan waxaa la siiyay lacag shan kun ah, markaas ayaa la leeyahay SHariiqdisho.f Xasan lama shaqeyn karno ee hebel soo doorta, arrintaas maaha arrin qarsoon xildhibaannadu waa kuwii aan soo xulannay aniga laftigeeyga kuwii aan soo xulay midkood baa ku jira” ayuu yiri Malaaq Cali Cabdiraxmaan Shiine. “Wallaahi Dowladdani annaga markii horeba dhibaato ayay nagu heysay labada jid ee Koonfur Galbeed lama soo mari Karin, waxa sidaas u galayana waa ciidankeeda madaxda waan la hadalnay, arrintaas dhag jalaq looma siinin” ayuu sheegay Cali Shiine. “ U jeedka waxa weeyaan in nin wixii la rabo laga sameeysto in la doorto oo Shariif Xasan meesha laga qaado ayaa la rabaa” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Waxaa uu cod dheer ku sheegay in wixii ka dhasha xasaradaha siyaasadeed ee ka taagan Baydhabo ay masuuliyaddooda qaadi doonto dowladda federaalka. HOOS KA DHAGEYSO https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/MALAAQ-SHIINO-.mp3Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Taliyaha cusub ee Ciidanka Daraawiishta Puntland S/Guuto Cabdishukri Cabdullaahi oo xilka kala wareegayay taliyihii ka horreeyay ayaa sheegay in Puntland ay gali doonto dagaal lagu xoreynayo deegaano uu sheegay in ay ka baxeen gacmahooda. Cabdishukri Cabdullaahi ayaa tilmaamay in Puntland ay diyaar u tahay in ay iska difaacdo cidkasta oo ku soo duusha, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale taliyaha cusub ayaa u ballan Ciidamada maamulkaasi ee ku sugan jiida hore ee dagaalka in ay si joogta ah u heli doonaan xaquuqdooda iyo daryeel gaar ah. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli weli xiisad u dhexeysa Soomaaliland iyo Puntland ay ka taagan tahay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. The post Puntland Oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah S/land appeared first on Shabelle. View the full article
-
Xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta ay ku yeelan lahaayeen magaalada Muqdisho uu ubaaqday koorarm La’aan. Qaar ka mid ah Xildhibaanadii tegay ayaa waxay wax laga xumaado ku sheegeen in tirade kulanka ku furmi lahaa aysan imaan iyadoo shaqo badan Golaha Shacabka u yaallaan. Sidiiq Warfaa oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka oo la hadlay PUNTLAND POST ayaa waxa uu ka hadlay Sababta keentay Qabsoomid la’aanta Kulankii Maanta. Waxa uu sheegay inay maanta ka doodi lahaayeen Hindise Sharciyeedka Hawada islamarkaana Akhrinta 2aad ay gelin lahaayeen Sharciga Liil Tirka Siyaasiyiinta. Gudoonka Golaha Shacabka ayuu ka codsaday in ay La xisaabtamaan xildhibaanada iyagoo magaalada jooga hadana aysan soo xaadirin Kalfadhiga oo Shaqooyin badan hor yaallaan. Hoos ka Dhageeyso Codka https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/11/Cod-Xildhibaanada-Baaqashada-PP.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Kulankii Baarlamaanka maanta Oo u baaqday kooram La’aan appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne kuxigeenka dowladda Puntland Injineer C/xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa magaalada Garoowe waxa uu ka dhegax dhigay xarun loogu talagalay in lagu daryeelo Caruurta iyo Haweenka. Xaruntan ayaa sidookale waxaa lagu daryeeli doonaa dadka baahiyaha gaarka ah qaba sida ay sheegya wasiirka wasaarada haweenka Puntland Maryan Axmed . Madaxweyne kuxigeenka Puntland Injineer C/xakiin Xaaji Cmumar Camey ayaa dhankiisa waxa uu sheegay in hoygan uu noqonayo mid ay ka faa,iideystaan shacabka Puntland . Halkan ka dhegayso. Camey Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Dua Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow ayaa Taliyaha AMISOM kala hadlay Dhacdo dad rayid ah lagu dilay oo ay ku lug yeesheen Ciidamada AMISOM. Eng: Yariisow ayaa sheegay in Taliska AMISOM uu muujiyay sida uu kaga xun yahay in dad rayid ah la dhibaateeyo, wuxuuna codsaday in Baaris dhab ah uu ku sameynayo cidii ka dambeysay falkaasi, sidoo kale wuxuu Taliska AMISOM balanqaaday inuu la kulmayo Qoysaskii dhibaatadu gaartay. “Taliyaha AMISOM ayaan kala hadlay dhacdadii shalay ciidamo AMISOM ay ku dileen dad rayid ah degmada Heliwaa, una sheegay inaan la aqbali karin shacab in wax loo geysto. Waxaana ka dalbaday inuu baaris dhab ah ka sameeyo, waxuuna ii ballanqaaday in AMISOM ay qoysaskii dhibaatadu soo gaartay ay la kulmayaan, tallaabo adagna laga qaadi doono cidii falkaas ku kacday”.ayuu yiri Guddoomiye Yariisow. Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa isla shalay oo falkan uu ka dhacay degmada Heliwaa sheegtay in ay baarayso sida ay wax u dhaceen. Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda Caalamka waxaa ka go’an la dagaallanka argagixisada Alshabaab iyo wixii la hal maala, sidoo kalena waxaa dowladda ka go’an dhowrista bad-qabka shacabka Soomaaliyeed oo ah kan dartiis dagaalka loogu jiro. The post Guddoomiye Yariisow Oo AMISOM kala hadlay dadkii shalay lagu dilay Heliwaa appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in weriyaasha ka howlgala magaalada Baydhabo looga yeeray madaxtooyada Koofurgalbeed. Ilo ku dhow dhow madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweynaha Koofurgalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu shir jaraa’id qaban doono balse lama oga in uu ku dhowaaqi doono inuu yahay musharax iyo in uu iska casili doono Madaxtinimada Koofurgalbeed,iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in uu iscasilayo. Inkastoo wax kasta is bedeli karaan, hadana warka ugu badan ee Baydhabo laga helayo ayaa ah in Shariifka uu ku dhawaaqi doono inuu iska casilay xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed, kana haray tartanka Doorashada Koofur Galbeed. Kulamo aan loo kala kicin ayaa ka socda Madaxtooyada Koofur Galbeed, waxaa kulamada ugu badan uu u dhaxeeyaa Shariif Xasan iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye. Wariyeyaal ku sugan Baydhabo ayaa soo sheegaya in galabta 4-ta galabnimo looga yeeray Madaxtooyada Koofur Galbeed shir jaraa’id oo aan loo sheegin cida qabaneysa, balse loo badinayo in Shariif Xasan qabanayo, si uu ugu dhawaaqo is casilaadiisa. Jawi aan daganeyn ayaa ka jiro Magaalada Baydhabo ee Xarunta Koonfur Galbeed, waxayna siyaasiyiinta buux dhaafiyeen madaxtooyada. Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimadda Online.
-
Mogadishu mayor asks AMISOM to probe into civilian killings
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu Mayor Abdirahman Omar Osman has called on leaders of African Union Mission in Somalia (AMISOM) to launch an investigation into the deaths of four civilians killed by AU troops in Mogadishu. AMISOM soldiers on Tuesday killed four civilians after a bomb blast targeted their military convoy in the north of Mogadishu. In a meeting with AMISOM forces commander, Jim Besigye Oweyesigire, the mayor urged the Mission to bring those behind the killing of the innocent civilians. “I had a discussion with AMISOM force commander on the killing of the civilians in Hilwa district. I informed him that it was unacceptable to harm civilians and I ask him immediate probe into the incident,” said the mayor. Hours after the bomb blast targeted the convoy of the AU troops, AMISOM said in a tweet that its convoy had “encountered double IED explosions in the Soqola area” – part of Huriwa district. But it made no mention of the shooting, which witnesses said involved Burundian members of the force. More than 100 demonstrators protested at Ex-Control Balad Junction, denouncing the killings and demanding justice from Somalia’s government and from AMISOM. Al-Shabab militants claimed responsibility for the roadside bomb and said the blast killed AU soldiers. Witnesses said they did not see any soldiers killed. AMISOM has more than 22,000 soldiers and police, from six African countries, deployed in Somalia to protect the government there and fight the militants. AMISOM has previously been accused of killing civilians, including an incident in which armored vehicles ran over civilians’ cars. The post Mogadishu mayor asks AMISOM to probe into civilian killings appeared first on Shabelle. View the full article -
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waxaa maanta baaqday kulan ay Xildhibaanada Golaha Shacabka ku lahayeen M/Muqdisho, kaidb markii uu buuxsami waayey Kooramka loogu talagalay in uu ku furmo fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya. Kulankan ayaa la filayay in Xildhibaanadu ay kaga doodaan Ajandayaasha kala ah akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka Duulista iyo Hawada , iyo akhrinta labaad hindise sharciyeedka xuquuqda liil tirka siyaasiyiinta. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aan loo dul qaadan doonin in Xildhibaanadu ka maqnaadaan fasax la’aan fadhiyada Baarlamaanka Soomaaliya. Waxaana uu tilmaamay in lala xisaabtami doono Xildhibaanada maanta baaqday, islamarkaana la yeerin doono magacyadooda kulanka soo socda. Ma’ahan markii ugu horreysay ee uu Kooram la’aan u baaqdo kulanka Golaha Shacabka, waxaana mararka qaar dhacda in Xildhibaanadu ay soo xaadiri waayaan kulamada caadiga ah, taas oo sababta in ay baaqdaan kulamo ay uga hadli lahaayeen arrimo dhow ah. The post Kulankii Golaha Shacabka Oo u baaqday kooram la’aan appeared first on Shabelle. View the full article
-
Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xasuuqii ay shalay gaysteen ciidamada AMISOM u ahaa mid ka baxsantahay heshiiskii ay AMISOM ay ku joogtay dalka Soomalaiya , xadgudub iyo niyad jabna ay ku tahay arintan shacabka Soomaaliyed. Xildhibaanka ayaa sheegay in Baarlamaanku ay arintan uu go,aan ka gaari doonaan . Halkan ka dhegayso. Xildhibaan Mahad Dhanka kale Eheladda dadkii ay xasuuqeen Ciidamada AMISOM ee kusugan magaalada Muqdisho , ilaaladana u ahaa dowladda Madaxweyne Farmaajo ee aan soo dhaafin Muqdisho , ayaa waxa ay wacad ku mareen in aan la aasi doonin dadkii shalay sida xaqdarada ahayd loogu laayay magaalada Muqdisho. Waxa ay baaq udireen Ururada u dooda xuquuql insaanka iyo beesha caalamka in ay arintan wax ka qabtaan. Ciidamada AMISOM ayaa caadeystay xiliyada ay isticmaalayaan wadooyinka magaalada Muqdisho oo ay Al-shabaab qarxiso in ay xasuuqaan dadka shacabka ah ee markaasi ka agdhaw halka uu qaraxu uu ku haleelo. Halkan ka dhegayso ehelada dakii lagu laayay shalay Muqdisho. Ehelada dadkii la xaquuqay o. Source
-
Laascaanood ( Sh. M. Network )-Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Milatariga Ethiopia ayaa maanta la geeyay deegaanada Saaxdheer iyo Dhumay oo ay isku hor fadhiyaan Beelo dhawaan ku dagaalamay halkaasi. Ujeedka Ciidamadan oo watay Gaadiid dagaal ayaa lagu sheegay in ay ka hortagaan dagaal markale halkaasi ka qarxa, maadaama ay weli is hor fadhiyaan labadii Beelood. Ilo deegaanka ah ayaa Idaacadda Shabelle u xaqiijiyay warkan, waxa ayna intaasi ku dareen in ay Ciidamadu fariisimo cusub ka sameysteen deegaanada Saaxdheer iyo Dhumay oo ay weli ka taagan tahay xiisadu. Dhawaan ayey aheyd markii dagaal lagu hoobtay uu ka dhex qarxay laba Beelood oo wada daga Koonfurta gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya. The post Ciidamo ka tirsan kuwa Ethiopia Oo la geeyay Sool appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Somaliland Axmed Daauud Geeddi ayaa wuxu si toos ah u soo dheegtay warqad uu qoray xisaabiyaha guud ee qaranka ee Soomaliya taas oo uu ku socodsiinayo Wasiirka Horumarinta Maaliyadda ee Somaliland Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi. Warqaddan uu xisaabiyuhu soo qoray ayaa waxay ka danbeysay ka dib markii uu wasiirka horumarinta maaliyadda mudane Yuusuf Maxamed Cabdi uu wax ka bedel ku sameeyay shaqaalaha ka hawl gala xafiiska xisaabaadka qaranka, isaga oo uu xisaabiyuhu sheegay in aanay Xisaabaadka Qaranku ka mid ahayn wasaaradda maaliyadda iyada oo laga wada war hayo in uu xisaabaadku ka tirsanaa wasaaradda maaliyadda tan iyo intii dalka lagu soo noqday. Xisaabiyaha guud ee qaranka ee Somaliland ayaa waxa uu u dooday si la mid ah sidii uu xisaabiyaha guud ee Soomaaliya ula doodday wasiirkiisa maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle. Dhinaca kale, xisaabiyaha guud ee qaranka ee Somaliland Axmed Daauud Geeddi ayaa waxa ay u egtahay in uu kaga dayanayo xisaabiyaha qaranka Somalia dagaalka ay ku hayso wasiirkiisa maaliyadda ee Soomaaliya taas oo wax u dhimaysa wada shaqaynta Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo wasaaradaha kale, sida ay sheegeen dadka arrintan dhaliila, maadaama oo ay xisaabaadka qaranku u qaabilsantahay qaranka lacag-sii-daynta taas oo ay ka dhalatay in aanay wasaarado badan ku adkaato in loo sii daayo lacagihii ay ku fulin lahaayeen hawlaha shaqo ee u yaalla. Marka laga yimaaddo caqabadaha kala duwan ee uu xisaabiyaha guud ee qaranku ku hayo wasaaradaha Somaliland ee dhinaca lacag sii daynta, hadana, warqadda uu ka soo dheegtay xisaabiyaha guud ee Soomaaliya waxay hoos u dhigaysaa doodda Somaliland ee ah inay tahay qaran, madax-banaan. Isku eeg labada warqad, midda kowaad waa tan xisaabiyaha guud ee Soomaaliya, tan labaadna waa Somaliland Source
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Duhur-07112018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa jawaab ka bixisay hadal ka soo yeedhay xisbiyada mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID oo siyaasadeeyey eedaha loo soo jeediyey Telefishannada SAAB TV iyo STAR TV, oo ku eedaysan inay faafiyeen war xadgudub ku ah qaranimada JSL. Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ay baahisay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, oo uu ku saxeexnaa La-taliyaha Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Axmed Yuusuf Cilmi (Suudi), ayaa u dhignaa sidan:- “Ma Jirto wax cabudhin ah oo Wasaaradda Warfaafintu ku hagaasinayso Saxaafadda Madaxa-bannaan ee Somaliland oo aanu u aragno tiir jiritaankiisu muhiim u yahay dimuqraadiyadda iyo dowladnimada Somaliland, hase ahaatee waxa looga fadhiyaa warbaahinta inay dabbaqdo xeerarka iyo shuruucda dalka isla markaana ka dhawrsato wixii dhaawacaya qaranimada JSL. Sida uu dhigayo xeerka Saxaafadda Somaliland, Xeer NO. 27/2004, waxa warbaahinta xaaraan ka ah in ay baahiso warar ku lug leh arrimaha ciidammada iyo sidoo kale kuwa been abuurka ah, sidaas awgeed, waxa wasaaraddu soo saartay 30/9/2018 qoraal warbaahinta looga digay baahinta wararka lafjabka ku ah qaranimada JSL, iyadoo aanu ku ammaanayno in Saxaafadda inteeda badani ay xushmeeyeen qaraarkii wasaaradda. Labada Telefishan ee SAAB TV iyo STAR TV, waxay si anshaxa saxaafadda ka baxsan u buunbuuniyeen kooxda Caarre, waxaanay si jar iska xoornimo ah u dhex galeen arrimaha ciidammada qaranka oo ay ka faafiyeen war aan sal iyo raadtoona lahayn oo hiil u ah cadowga Somaliland. Sidaas awgeed, waxay Wasaaradda Warfaafintu dacwad u gudbisay xeer ilaalinta guud ee qaranka si ay waajibkooda uga qabsataan xadgudubka ay sameeyeen labadaas Telefishan, waana mid ay xaq u leeyihiin inay iska difaacaan sharciga horitiisa. Haddaba, waxa la yaable xisbiyada mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID, oo siyaasadeynaya eedaha lagu soo oogay labada Telefishan ee Saab Tv iyo Star TV, waxaana xisbiyada mucaaridka ah looga baahan yahay inay xurmeeyaan wadajirka iyo dowladnimada Somaliland oo aanu hiilkoodu noqon mid u muuqanaya inay taageerayaan Somaliland diidka mangansaday cadowga Somaliland.” Source
-
Shacabka ku dhaqan magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland ayaa aad u soo dhaweeyay howlgalka ay dowladda hoose ee degmada Garoowe ay ku banaynayso jidadka xiran ee dhexmara suuqa Inji ee Garoowe . Suuqan ayaa ahaa mid cirir ah oo dadka igaagiidkuba aysan iga gudbi jirin. Madaamuka degmada ayaa sheegay in howshan ay qayb ka tahay horumarinta degmada iyo soo celinta bilicda magaalada . Halkan ka dhegayso . Shacabka Garoowe Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa Xildhibaanada ay isku golaha yihiiin ugu baaqay inay si wada jir ah iska casilaan, oo ay kuraasta Golaha u wada baneeyaan, madaama uu xusay in mar kale u muuqato Doorashada Wakiiladu inay dib u dhacayso. Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay xil dheerad ah iska saarto sugida amaanka, waxaanu ku taliyey in aad looga feejignaado fidno iyo dhibaatooyin dhaca, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “13 sanno iyo dheeraad ayaanu kuraasta Golaha ku fadhinay, imikana waxay u muuqataa in aanu sii fadhiyeyno oo ay Doorashadu dib u dhacayso, runtiina dhaxal umaanu helin in aanu kuraasta ku sii fadhino, ee Xildhibaanada aanu isku golaha nahay, waxaan leeyahay inagoo isku duuban, aynu ka wada tagno Golaha, oo aynu is wada casilno, isla markaana aynu u wada tanaasulno dadka iyagu leh hanka ah inay isa soo sharaxaan, oo ay kuraastan ku fadhiistaan, ilaa haddana ujeedo ayey Xukuumaddu ka damacsan tahay inay Doorashada Wakiiladu dib u dhacdo,wakhtigii Doorashadana waa la soo gudaba galay, umana muuqato inay wakhtigeedii ku dhacayso”. Xildhibaan Xuseen mar uu ka hadlaayey Komishanka ayaa yidhi “Dalku waa dal Dimuqraadiyada, oo leh nidaamka Axsaabta badan, markaas mar haddii ay saddex Xisbi qaran, laba ka mid ah Xisbiyadu aanay ku kalsoonayn Komishankan, waxaa wacan in la bedelo oo la kala diro, mana haboona inay Xukuumaddu isku sii dhajiso, madaama cidda la dhex-dhexaadinayaa ay yihiin Xisbiyada, cidda dhex-dhexaadinaysaana uu yahay Komishanka, waa in la dhegaystaa cabashada Xisbiyada, maxaa yeelay Daahir Rayaale iyo Axmed Siillaanyaba wey hore ayey u bedeleen”. Xildhibaan Xuseen isagoo Xukuumadda baaq u diraaya ayaa yidhi “Laba Reer oo walaalo ah oo meel wada dega oo xidid iyo xigaalba isku ah, inay dhexdooda colaadi soo gasho, ma wanaagsana, labadaas Beelood ee Gobolka Sool, waa inay deg deg u heshiyaan, Xukuumadduna waa inay si deg deg ah wax uga qabato wax kasta oo amaan daro keenaya, waana inay awoodeeda isticmaasha, arintan ka dhacday Ceel-afweyna, aad iyo aad baan uga xumahay, waxaana leeyahay labada reer ee heshiiskooda meel walba looga soo gurmaday, ka digtoonada in dhib dambe idinka dhex dhaco, Xukuumadduna waa inay waajibkeeda ka gudata, oo cidda geystay dhagarta ay soo qabataa” Source
-
Guushii ugu weynayd ee ay Gaaraan Qurba joogta Soimaaliyeed ayaa waxay ka dhacdey Maraykanka kadib markii Ilhaan Cumar ay ku guulaysatay House of Representatives ka Maraykanka oo u dhigma Maarlamaanka. Ilhaan waxaa lagasoo doortay Minnesota, Waxayna noqonaysaa Gabadhii Muslin kyi Soomaali ah ee ugu horaysay oo ku guulaysata Baarlamaanka Maraykanka. Ilhaan Cumar ayaa noqotay gabadhii ugu horaysay oo Soomaali ah oo ku guulaysata doorashadii dhexe ee ka dhacday dalka Mareynka oo loogu tar tamaayay kuraasta Aqalka Koongareeska Mareykanka. Guusha Illhaan ayaa waxaa ad u soo dhaweeyay dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisa . Halkan ka dhegayso Duqa degmada Garoowe Cabdi Bare oo Hambalyo udiray. Duqa Garoowe Source