-
Content Count
206,925 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa goordhow ka bilaawday dibad baxyo balaaran oo ay sameeynayaan dadka ku dhaqan magaaladaasi Baydhabo. Dibad baxayaasha ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kuwaasi oo ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah Shariif Xasan. Banaanbaxayaasha ayaa taageerayay dowlada Soomaaliya ee uu hogaaminayo madaxweyne Farmaajo. Dibad baxayaasha ayaa magaalada ka fujinayay boorarka uu isku soo sharaxay Shariif Xasan Sheekh aadan oo maanta is casilay islamarkaasina ku dhajinayay boorar uu ku xardhanyahay Madaxweyne Farmaajo. marqura waxaa is badashay jawiga doorashada maamulka Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya kadib is casilaadii Shariif Xasan Sheekh Aadan. Hoos Ka Daawo Muuqaalka Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Dibad Baxyo Caawa Ka socdo Baydhabo kadib iscasilaadii Shariif Xasan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Taliska ciidamada Midowga Afrika ee Somalia ku sugan [AMISOM], ayaa markii ugu horreysay ka hadlay afar qof oo la sheegay in ciidamadeedu ay shalay ku dileen degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, kuwaasoo dhammaantood ahaa shacab. War-saxaafadeedd ay AMISOM soo saartay ayay ku sheegeen inay aad uga xun yihiin dadka shacabka ah ee lagu dilay ex-koontarool Balcad, waxayna intaas ku dareen in dhacdadan lagu sameyn doono baaritaan dhameystiran. “Baaritaan ayaan ku sameynaynaa dhacadan, innagoo la kaashan doonna dowladda federaalka Somalia, natiijada kasoo baxda baaritaankann waxaan la wadaari doonnaa shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay AMISOM. Sidoo kale, Taliska AMISOM ayaa sheegay inay xanuunka la qaybsanayaan ehellada dadkii naftooda ku waayay falkaas, iyagoo sheegay in cid walba oo ku lug yeelata falkan lala tiigsan doono sharciga. “Waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegaynaa in AMISOM inta ay ka hawl-galayso Somalia ay ka go’an tahay inay ilaalin doonto Xuquuqda Shacabka Soomaliyeed, iyadoo la tixraacayo sharciga xuquuqda aadanaha ee Dunida iyo kuwa u dagsan dadka Soomaaliyeed,” ayaa mar kale lagu yiri Bayaanka kasoo baxay AMISOM. Dhanka kale, Taliska AMISOM ayaa sheegay in baaritaanka dhacadan aysan ka hari doonin illaa ay xaqiiqda soo taabato, isla markaana ay natiijada kasoo baxda u soo bandhigto shacabka Soomaaliyeed. Ugu dambeyn, Hadalka kasoo baxay AMISOM ee ku aaddan Afarta ruux ee shalay ay ciidamada Burundi ku dileen isgoyska Ex-koontarool Balcad ayaa wuxuu imaanayaa xilli Dowladda Soomaaliya ay ka codsatay AMIOSM inay falkan ku sameyso baaritaan dhameystiran, sharciga la horkeeno cid walba oo ku lug yeelata. PUNTLAND POST The post AMISOM oo ka hadashay dad shacab ahaa oo ay ciidamadeedu ku Toogteen Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
November 06, 2019 – Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland ee doorashada 2019 Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye, oo wali ku sugan magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa maanta booqday xeryaha Ciidamada Daraawiishta ee Godad iyo Caano-ka-dhan. Ugu horrayn, Musharraxa iyo wafdigiisa ayaa booqday deegaanka Godad oo 30 KM magaalada Gaalkacayo dhanka bariga kaga beegan, wuxuuna kulan xog waraysi ah la qaatay sarakiisha hoggaamisa ciidamada Godad, isagoo ballan qaaday haddii loo doorto xilka madaxwaynaha iyo haddii kaleba in mar walba uu mudnaan gaar ah siin doono ciidamada har iyo habeen heeganka ugu jira difaaca dalka iyo dadka. Booqashada Xerada Godad kaddib, Musharrax Maxamuud Khaliif wuxuu kormeer ku tegay xerada Caano-ka-dhan, goobtaas oo qiyaastii 10 KM galbeedka kaga beegan magaalada Gaalkacayo, fariisinna u ah cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland. Musharraxa ayaa ammaan iyo dhiirigelin u jeediyey ciidamada xeradaas ku sugan, isagoo xusay inay yihiin halyeeyo wax kasta u huray sidii ay ammaanka Puntland u sugi lahaayeen, islamarkaana mudan yihiin in la siiyo qaddarin dheeri ah iyo daryeel u qalma shaqada culus ee ay bulshadooda u hayaan. Ballan qaadyo dhowr ah ayuu Musharrax Jebiye u sameeyey ciidamada uu maanta la kulmay, waxaana kamid ahaa in haddii Madaxwaynaha Puntland loo doorto uu kordhin doono mushaharaadka ciidamada, joogtana ay u heli doonaan iyo waliba in uu hirgelin doono xarumo lagu xannaaneeyo agoonta ciidamada iyo dugsiyo u gaar ah ubadka askarta. Madaxa Ololaha Karti iyo Hufnaan ee Gobolka Mudug Axmad Cillal, ayaa gabagabadii kormeerka wuxuu shir-jaraa’id u qabtay warbaahinta, isagoo shaaciyey in musharraxu ciidamada ku sugan labada xero ee uu maanta booqday ugu deeqay lacag dhan 15,000 (shan iyo toban kun oo doolar ), taasoo Musharraxu ugu talo galay in martiqaad loogu sameeyo ciidamada xoolana loogu qalo. Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye ayaa wali ku guda jira socdaalka loogu magac daray Tashi iyo Tabasho, kaasoo uu ku marayo qaybo kamid ah gobollada Puntland, si uu ugu kuurgalo xaaladda dhabta ah ee dalka ka jirta, shirar wadatashi ahna ula soo qaato qaybaha kala duwan ee bulshada. The post Musharrax Jebiye oo booqday xeryaha Ciidanka Daraawiishta ee Godad iyo Caano-Ka-Dhan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa shir guddoomiyay kulan ku saabsan barnaamijka Horumarinta Dawladaha Hoose. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyay dhammaan ka qeyb-galayaasha waqtigooda iyo wada shaqaynta ay la leeyhiin Maamulka Gobolka Banaadir. Isagoo ku dheeraaday aragtida maamulka ee ku aaddan kor u qaadista adeegyada bulshada, Tayeynta Shaqaalaha, hagaajinta xeer nidaamiyaasha iyo habraacyada shaqo ee D/Hoose, gaar ahaan maamulka Maaliyadda iyo tan shaqaalaha. “Waxaa shirka looga dooday waxyaabihii ka soo baxay Warbixin ku saabsanayd Qiimeynta maamulleed ee D/Hoose, taasoo la sameeyay 4 bilood ka hor, si ay aas-aas ugu noqoto qorshooyinka maamulka ee lagu horumainayo waxqabadka D/Hoose. Waxaa sidoo kale shirka laga soo jeediyay Qorshe Hoowlleedka Barnaamijka Horumarinta D/Hoose ee sanadka 2019, taasoo maamulka Gobolka Banaadir ku hoowlgali doono si ay dadweynaha dagan Mqudisho u helaan adeeg tayo leh”. Duqa Muqdisho ayaa adkeeyey in ka maamul ahaan ay balan-qaadayaan in sidii loogu talagalay ay u fulaan qorshayaasha barnaamijka horumarinta Dawladaha Hoose qaybta Muqdisho. Ugu dambeyn, Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay guddoomiye ku xigeenada, Agaasimayaasha guud iyo Agaasimeyaal kale ee D/Hoose. Waxaa sidoo kale shirka goob joog ka ahaa Wakiilo ka kala socday ilaa 5 hey’adood oo UN ah ee ku bahoobay barnaamijka Horumarinta Dawladaha Hoose. PUNTLAND POST The post Maamulka Gobolka Banaadir oo Maanta soo Bandhigay Qorshaha Horumarinta Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta sheegay inuu xilkaasi iska casilay. Qoraal kasoo baxay Sharifi Xasan, ayuu sidoo kale ku sheegay inuu ka haray tartanka doorashada madaxweynaha maamulkaasi oo la waqtiyeeyey 17-ka bishan November. Shariif Xasan ayaa sheegay inuu go’aanka, qaatay “isaga oo eegaya arrimaha ka dhex taagan dowladda dhexe iyo maamulka Koonfur Galbeed, si uu ugu turo dadka, dalka iyo maamulka Koonfur Galbeed” Muddada 10-ka maalmood ah ee ka harsan xilka Shariifka, ayaa waxaa xilka madaxweyne sii hayn doona guddoomiyaha baarlamanka Koonfur Galbeed Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye. Sida uu qoraalkiisa ku sheegay Shariif Xasan, guddoomiyaha baarlamanka iyo wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ka wada shaqeyn doona qabashada doorashada. Xubnihii guddiga doorashada ee is-casilay ayaa la filayaa in la beddelo, islamarkaana 10-ka maalmood ee soo aadan lagu diyaariyo doorashada, oo dhacaysa 17-ka November. Lama yaqaan sababta rasmiga ah ee dhalisay isbeddel siyaasadeedka deg degga ah ee Shariifka uu ku dhawaaqay. Go’aankii ayaa yimid laba maalin un kadib markii ay is-casileen 12 ka mid ah xubnaha guddiga doorashada, taasi oo jahwareer siyaasadeed ka abuurtay Koonfur Galbeed. Shariif Xasan ayaa xubin ka ahaa golaha Iskaashiga Dowlad Gobolleedyada, oo ah isbaheysi khilaaf xoggan uu kala dhaxeeyo dowladda dhexe ee Muqdisho, waana madaxweynihii labaad ee golahaas uu lumiyo kadib markii madaxweynaha HirShabelle uu heshiis la gaaray dowladda.
-
Baydhabo (Sh.M.Network) – Shariif Xasan Aadan ayaa kaga dhawaaqay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed inuu iska casilay xilka Madaxwaynaha ee dowlad goboleedkaan. Sidoo kale, Shariifka ayaa shaaciyay inuu gabi ahaanba isaga haray tartanka doorashada ee maamulkaan, taasi oo la filayo inay qabsoonto 17-ka bishaan November, xili ay naga xigto kaliya maalmo. Shariif Xasan ayaa xilka Madaxwaynaha wuxuu ku wareejiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, kaasi oo xilkaan sii hayna inta laga doonayo Madaxwaynaha xiga. Shariifka ayaa xilka Madaxwaynaha wuxuu hayey tan iyo sanadkii 2014-kii, markaasi oo loo doortay jagada ugu sareysa Koonfur Galbeed oo ka kooban saddex gobol oo kala ah; Shabellaha Hoose, Bay iyo Bakool. Tani ayaa ka dhigan in doorashada Madaxwaynaha maamulkaan ay haatan ku loolami doonan murashaxiin ay ku jiraan Mukhtaar Roobow, Cabdi Casiis Lafta Gareen, Xuseen Calool-kuus iyo xubno kale. Maalmo kahor ayay ahayd markii xubno ka tirsan Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed ay ku dhawaaqeeen inay is-casileen, taasi oo hubanti la’aan iyo jahwareer siyaasadeed abuurtay. Hoos ka akhriso warqada is-casilaadda The post Shariif Xasan oo is-casilay, kana tanaasulay tartanka doorashada appeared first on Shabelle. View the full article
-
Xasan Maxamud Maxmed Agasimaha Maamulka ayaa saamaynta Iyo Awood uu ku leeyahay waxa ay ifka soo baxday Sannadka Horaantiisi Kadib markii. uu isku shaandheen uu wasiir Guribarwaaqo uu ku sameyay Agaasime waaxeed wasaarada kaligiina laga reebay. Maamulkii hore ee wasaarada. Masuuliyinti xilka laga qaaday ayaa cod dheer ku sheegay in wasiir lagala taliyay xilka qaadistoodi waxayna warbaahinta iyo shacabka la wadaageen dulmiga iyo ku tagi falka awooda wasiirka iyagoo diirada saaray in meeshii laga cabanaayay ee hawlaha iyo shaqada xaruunta ay ka socon wayday islamarka u muuqatay shaqaalaha iyo Hawlwadeenada ay ahayd agaasimaha maamulka iyo Lacagta Wasaaradda iyo Xiligaa ay socotay Dardargalinta shaqooyinka dhinac maamulka iyo lacagta ee Wasaaradaha dalka oo dhan waxay rajaddu ahayd in uu isbadalkaa uu raaco balse may dhicin. Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Abdi ayaa wasaarada Warfaafinta u soo magacabay Agaasime Cusub oo layidhaahdo Ali Aliyow. agaasimaha oo Xooga saaray sidi uu la soo noqon lahaa Awooda maamulka Wasaarada madaama uu afka isaga duubay agaasimaha Maamulka iyo Lacagta kaas oo loo daba fadhiisanayay lagu wiixii Hawl ah. soo iibinta. heshiisyada. isteeshinariga is beer baarka shidaalka iyo wiixii kale oo dhan. runtii ali Aliyow talaabooyin fiican wuu qaaday balse agaasimaha Maamulka iyo Lacagta Xasan Yare Oo awooda wasiirka haysta ayaa waxa dhacday in uu xidhay maalin uu xafiiski agasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaarada . isaga oo qoray sababihi uu u cuskay xidhitaanka xafiiska. waxana ka mid ahaa ku tagi falid awoodo aan sharciga siinay. iyo musuqmaasuq. iyo arimo kale Arintaa mar halkaa marayo waxa maqlay wasiirka wasaarada Guribarwaaqo Talaabadii uu wasirku qaaday ayaa noqtay in isaguna uu Quful weyn ku dhufto xafiiskii Agaasimaha Guud Ali Aliyow waxayna arintasi noqotay mid ka fajicisay dhamaan dadkii ogaa arimaha ka dhex socda wasaarada markaa agasimaha Maamulka iyo lacagta waxa uu ku maqnaa safar dalka ingiriiska may dhicin in si sax ah loogalo dhacdada xiisadii la xidhiidha labada xafiis ee xidhan balse waxa afka la qaad noqotay markii la shaaciyay xilka qaadistii agaasimaha Guud ali Aliyow waxan kor u kacay awoodi agaasimaha maamulka iyo Lacagta ee wasaarada Warfaafinta xasan Maxmud isagoo landon jooga ayuu wasaarada ka maamulayay agasimaha Guud ee Cusub Cisman warsame loogu sheegay in hawlaha wasaaradu ay ku xidhan tahay agasimaha maqan Mudo sadex bilood ah tamashlayn iyo Dalxiis Agaasimaha Maamulka uu ku joogay Dalka UK Mudo 3 Bilood ah. waxana isku xaniban oo Hawlihii shaqo oo uu gacanta ku hayay. kharashaadkii wasaarada Warfaafinta .Radio. hargeisa. wargaysaka Dawan. iyo tvga qaranka somaliland. Oo intaba uu maamulayay. Lacagtooda iyo kharashaadkoodi. (Xasan yare) waxa u xaniban oo kale lalana sugaaya saxiixiisa kharashkii lacagtii lagu dalbi lahaa qalabkii idaacada weyn radio hargiesa oo hawada ka maqan. in muda ah. lama garanaayo. sababta Masuul halboowle u ah wasaarada waxaas oo dhan oo taagnaa Madaxtooyadu way ka warhaysay maqnan shiyaha agaasimaha. safarkii dheer ee london marki uu soo gabagaboobay waa uu ku soo laabtay shaqadii halkiisi ayuu ka wataa awoodihi iyo maamulki waa u siidii walina agaasimaha guud waxba kuma wareejin la xisaabtan ma jiro. Farxaan Boodaale Source
-
Afhayeenkii golaha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka ahna wasiirka Dastuurka maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa goordhow is casilay. Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in kadib markii uu is casilay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay saaxiibo dhow ahaayeen uu is casilay isagana uu haatan ku dhaawaqay in uu xilkaasi iska casilay. Shariif Xasan Sheekh Aadan madaxweynihii maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa goordhow ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka madaxtinimo ee maamulkaasi dhinaca kalena uu iska casilay u tartamida jagada madaxtinimo ee maamulkaasi. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Afhayeenkii golaha iskaashiga maamul goboleedyada oo is casilay appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Afhayeenkii Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada Cabdullaahi Shiikh Xasan ayaa goor dhaweyd ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkiisa Afhayeenimo. Cabdullaahi Shiikh Xasan ayaa is casilaadiisa ku sababeeyey inay tahay maadaama uu is casilay Madaxweynihii Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan, oo uu maamulkiisa ka mid ahaa. Waxa uu ahaa wasiirka dastuurka Koonfur galbeed Wuxuu tilmaamay inuusan afhayeen sii ahaan karin maadaama uu meesha ka baxay madaxweynihii uu markii hore meesha ku yimid. Hadalka Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa loo macneyn karaa in Koonfur Galbeed aysan iminka xubin kasii ahayn golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada, taasi oo dhabar jab wey ku ah golaha. Shariif Xasan ayaa xubin ka ahaa golaha Iskaashiga Dowlad Gobolleedyada, oo ah isbaheysi khilaaf xoggan uu kala dhaxeeyo dowladda dhexe ee Muqdisho, waana madaxweynihii labaad ee golahaas uu lumiyo kadib markii madaxweynaha HirShabelle uu heshiis la gaaray dowladda. Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed ayaa la filaaa inuu noqdo qof ku xiran dowladda dhexe ee Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
(SLT-Baydhabo)Madaxweynihii maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa iska casilay xilka madaxweynenimo sidoo kale waxa uu ka tanaasulay tartanka Doorashada. Waxa uu ku eedeeyay dawladda dhexe ee Soomaaliya in ay cadaadis saartay. Shariif, ayaa xubin ka ahaa midowga dawlad goboleedyada Soomaaliya oo dawladda dhexe si weyn uga soo horjeeday. Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas ayaa xilka sii hayn doona iyadoo la filaayo in Madaxweyne cusubna la soo doorto. Source
-
Baydhabo (Puntlandi) Madaxweynihii Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh aadan ayaa iska casilay Xilkii Madaxweynaha, isagoo sidoo kale tanasulay u tartamida Xilka Madaxweynaha Maamulkaas. Shariif-ka oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaaladda Baydhabo ayaa sheegay in uu u tanasulay Umadda koonfur Galbeed Soomaaliya, oo sanado uu soo maamulayay, islamarkaana uu diiday in la niyad jabiyo shacabka. Kulamo aan loo kala kicin oo ka dhacay Madaxtooyada, una dhaxeeyay Shariif Xasan iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye iyo wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Sabriye ayuu Shariifka ku go’aansaday in uu Tanasulo, islamarkaana doorashada koonfur Galbeed Soomaliya ay waqtigeeda ku dhacdo. Dhanka kale Guddoomiyaha Baarlamaanka C/Qaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa si KMG ah xilka madaxweynaha usii hayn doona, waxaana la filayaa in doorashada Koonfur Galbeed ay ku dhacdo waqtigii loogu talo-galay. Puntlandi.com Source
-
Wararka ka imaanaaya Baydhabo ayaa sheegaya in madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan uu iscasilay, kana tanaasulay tartanka madaxtinnimada ee November 17 lagu waday inuu halkaasi ka dhaco. Kulanka uu isku casilay ayaa waxaa wada fadhiyeen Shariif Xasan iyo wasiirka arrimaha gudaha ee federaalka ah Cabdi Maxamed Sabriye. Sida ay wararku sheegayaan, waxaa madaxweyne si kmg ah u sii ahaan-doona Cabdiqadir Sharif Sheekhuna Maye, kaasi oo ku simmi-doona ilaa laga doorto madaxweyne cusub. Wararkan iyo sababta uu isku casilay, kala soco, Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynihii maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa goordhow ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka madaxtinimo ee maamulkaasi isaga oo dhinaca kalena iska casilay u tartamida doorashada madaxtinimo ee maamulkaasi. Kulamo waqti badan qaatay ayaa waxaa magaalada Baydhabo ku wada qaatay wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan. Shariif Xasan oo la hadlay wariyaasha ayaa sheegay in uu iska casilay xilkaasi isaga oo sheegay in uu u tanaasulay shacabka Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya. Xilka madaxweynaha koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa si KMG ah waxaa u sii heeynaya gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi Cabdiqaadir Shariif Shuukhunaa Mayee. Faah Faahinta dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Shariif Xasan oo iska Casilay u tartamida Doorashada madaxtinimo ee Koonfur Galbeed appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe oo maanta ka hadlayey shirka amniga ee dowlad goboleedyada ayaa ku eedeeyey dowladda dhexe faragelinta dowlad goboleedyada. Axmed Madoobe ayaa sheegay in shacabka maamul goboleedyada ay wax ka sugayaan maamulladooda, halka maamulladana ay wax sugayaan dowladda dhexe, oo aan waxba ku gacan qaban, sida uu hadalka u dhigay. Madaxweyne Axmed Madoobe oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri “Dowladda federalka ah, markan dowladnimadeedii u aqoonsannahay, kana mid nahay, Shacabka Jubbaland, Koonfur galbeed, Hirshabeelle ama Galmudug cidda mas’uulka ka ah bey wax weydiinayaan, baahidooda caafimaad, baahidooda amni, baahidooda dhaqaale, baahidooda waxbarasho, innaga ayey na weydiinayaan, annagii duruufta na heysa waxa ay naga dhigtay in gacmaha naga xiran yihiin” Waxa uu intaas ku daray “dowladdii dhexe ayaan wax ka sugeynaa, dowladda dhexena keliya waxaa naga soo gaara sarkaal la soo diray oo wax burburinaya, xildhibaan la qaadoo inta diyaarad lagu qaado oo la yiraa kaalay oo doorashaad galeysaa oo lacag lagu bixinayo, wasaarado inta howlahoodii la xanibey la leeyahay kan ayaa la yeelayaa” Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe wuxuu is-weydiiyey in dowladda burburin u sameysan tahay, isaga oo xusuusiyey wixii halaaba in mas’uuliyadeeda qaadayaan oo keliya Farmaajo iyo Kheyre. “Dowladda dhexe ma burburbey u sameysan tahay, mise ku fakirayaan cidda dowladda dhexe maanta mas’uulka ka ah laa shaka inay berri ka tagayaan, waxaan oran lahaa dowladda federaalka ah hoggaankeedu, hadduuna ilaahey ka cabsaneyn, ha garto oo ha ka cabsado taariikhda waxay ku keeneyso, ay berri qoreyso, mas’uuliyadda lama wadaagi-doonaan dad la taliya, oo meelaha fadhiya, cidda ceebta kareysaa waa madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha” Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta ka furay magaalada Baydhabo Shirka Wasiirada Amniga dowlad goboleedyada iyo Taliyeyaashooda Nabadsugida. Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Wasiirada Amniga afarta maamul goboleed ee Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Galmudug, waxaa horay lagu iclaamiyay shirkii Garowe bishii hore ka dhacay, kaasoo maamul goboleedyada afarta ah isku raaceen inay sameysaan Ciidan iyo Sirdoon u gaar ah. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa furitaanka shirka ka sheegay in ay Wasiiradu qiimayn ku samayn doonan xaalada amni kadibna ay go’aamo ka gaari doonaan howlaha horyaala oo ay ugu muhiimsan tahay dhismaha Ciidamada isku dhafka ah. Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ka soo dhalaali weyday kaalinta amniga, taas bedelkeed ku mashquushay burburka dalka iyo carqaladeynta maamulada sida uu yiri. Waxaa uu sheegay inay dardar galin doonaan iskaashi buuxa oo dhinaca ammaanka ah, isla markana Ciidamada la isku keeno ay fulin doonaan howlgalo qorshaysan oo lagu xasilinayo dalka. Axmed Madoobe ayaa tilmaamay maamul Goboleedyada hadba sida ay ugu kala muhiimsan yihiin dhinaca amniga howlgalada loo qaybsan doono, isla markana la cirib tiri doono kooxda Al-Shabaab sida uu yiri. Shirka ka furmay Kismaayo ayaa inta uu soconayo lagu falanqeyn doonaa iskaashiga dhinac amniga iyo isku dhafka Ciidamada maamul goboleedyada laga keenayo sidii loo bilaabi lahaa qorshahooda ugu horeeya, iyadoo Jubbaland ay hormuud ka noqon doonto. Puntlandi.com Source
-
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe oo maanta ka hadlayey shirka amniga ee dowlad goboleedyada ayaa ku eedeeyey dowladda dhexe faragelinta dowlad goboleedyada. Madaxweyne Axmed Madoobe oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri” Dowladda federalka ah, Markan dowladnimadeedii u aqoonsannahay, kana mid nahay, Shacabka Jubbaland, koonfur galbeed, Hirshabeelle ama Galmudug cidda mas’uulka ka ah bey wax weydiinayaan, baahidooda caafimaad, baahidooda amni, baahidooda dhaqaale, baahidooda waxbarasho, innaga ayey na weydiinayaan, annagii duruufta na heysa waxa ay naga dhigtay in gacmaha naga xiran yihiin, oo dowladdii dhexe ayaan wax ka sugeynaa, dowladda dhexena keliya waxaa naga soo gaara sarkaal la soo diray oo wax burburinaya, xildhibaan la qaadoo inta diyaarad lagu qaado oo la yiraa kaalay oo doorashaad galeysaa oo lacag lagu bixinayo, wasaarado inta howlahoodii la xanibey la leeyahay kan ayaa la yeelayaa” Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe wuxuu is-weydiiyey in dowladda burburin u sameysan tahay, isaga oo xusuusiyey wixii halaaba in mas’uuliyadeeda qaadayaan oo keliya Farmaajo iyo Kheyre “Dowladda dhexe ma burburbey u sameysan tahay, mise ku fakirayaan cidda dowladda dhexe maanta mas’uulka ka ah laa shaka inay berri ka tagayaan, waxaan oran lahaa dowladda federaalka ah hoggaankeedu, hadduuna ilaahey ka cabsaneyn, ha garto taariikhda waxay ku keeneyso, ay berri qoreyso, mas’uuliyadda lama wadaagi-doonaan dad la taliya, oo meelaha fadhiya, cidda ceebta kareysaa waa madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
WALIGAA HARAJO DHIGIN HANA QUUSAN Mar kastood kufto kac, Mar kastood qaldanto sax oo toosi, Mar kastood dhacdo markale isku day, Mar kastood cadhay-santahay qosol. Xataa hadaad ku fayso #Hore_hore_u_kuf oo bartaad joogtay hore uga dhaqaaq, wali gaa ha rajo beelin maalin kastoo adag ogow maalin fiican ood qosli doontid ayaa kuugu xigta. Ha-noqon dantii daawade ee dalkaaga daacad u noqo, ilaali Diinta, Dalka, Dadka, iyo Danta guud. Noqo mid dad nimada dhawra, Noqo mid qadariya rabitaanka suuban ee naftiisa, Waligaa ha-noqon cuf iyo culays cid kale adeeg sato, Kala baro oo kala taageer xaqa iyo baadilka, Waligaa qof ama bulsho BEEN haku raali galin ee sheeg Runta qadhaadh keeda macaan raagaa xigiye. Markasta cusboonaysii yidi-diilada iyo kalsoonidaad ku qabto Raxmaanka. Amb Ahmed Safiina #Dalkaygoow_Raxmaan_Baynu_Leenahay Qaran News
-
Iyada oo laga ambaqaadayo dhacdooyinka maalmahan ka dhacayey iyo kala qeybsanaanta bulshada halkaasi ku nool, xafiiska qaramada midoobey ee Soomaaliya waxuu dhinacyada Koonfur galbeed ugu baaqay inay ka fogaan colaadda iyo wax walbo oo caqabad keeni kara, ku shaqeeyaan midnimo, isla markaana doorashada u dhacdo sidii loogu talagalay. “Maadaama doorashadan ay tahay midda ugu horeysa ee doorashooyin ka dhacaya dalka oo dhan-gobollada sanadka dambe iyo dalka oo dhan 2020-ka- waxaa jirta baahi ah inay noqdaan kuwoo hufan oo si nabad ah u dhaca” waxaa sidaasi sheegay ergeyga xogheyaha guud ee qaramada midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom. Haysom waxaa uu rajeeyey in hoggaanka Soomaalida ay xal u heli-doonaan dhibaatooyinka jira iyo in laga fogaado colaadda iyo dhibaatada inta doorashada socoto ama kadibba, una dhacaan si hufan oo nabad ah, taasi oo keeni karta in la aqbalo waxa ka soo baxa Koonfur galbeed ayaa waxaa ka taagan dhibaato, dowladda federaalka ah ayaa lagu eedeeyey in goobta geysay murashaxiin ay wadato. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
War-saxafadeed…. Xisbiyada UCID iyo WADDANI iyagoo oo la jaanqaadaya dareenka shacbiga reer Somaliland, iyagoo og in dalku u baahan yahay is-bedel doorasho oo ku yimaada Golayaasha Dawladda ee dhammaantod wakhtigii ka dhacay marka laga reebo Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka, sida Guurtida, Wakiilada iyo Golayaasha degaanada , iyagoo ku qanacsan in is-bedelku ku yimaado hab dimuqraadi ah iyo codbixin, waxay ugu baqeen Madaxweynaha Somaliland Mud. Muuse Biixi Cabdi inuu qabto Doorashooyinka looga fadhiyo, inuu qodax tiro duruufaha ku geedaaman ee Koomiishanku kowga ka yahay ee Saamiga kuraasta Goboladu laba ka tahay ee kala xadaynta Degmooyinku saddexda yihiin. Waxa yaab leh Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo tallada Waddanka hayay muddo sannad kodhaw, soo jeedimihii Mucaaridka kumuu raacin rayi saddexaadna muu keenin, tallabo aan garnaqsi ahayna lamuu shir iman. Ummadda Somaliland waxa la gudboon inay doorkooda qaatan una diyaar garoobaan sidii ay Dalkooda uga dhici lahayd doorasho u qabsoonta si nabad ah oo dimuqraadi ah oo waliba dulqaad ku jiro, gacan buuxdana ay siiyaan Axsaabta Mucaaridka ah. Tabashada Axsaabta Mucaarid ah ee WADDANI Iyo UCID Ee Ku Aadan Koomiishanka & Xukuumadda Isku Milmay. Walaalayaal, Sida curfiga dawladnimo yahay ee caalamku ku dhaqmo Qaran kasta oo Dimuquraadi ahi wuxu ka koobanyahay Xisbiyo kala aragti duwan oo Mucaarid iyo Muxaafidba leh, Somaliland oo ay ka jiraan saddex Xisbi Qaran waxa lagu tartamayaa waxa weeye sida loogu kala wanaagsanyahay u adeegida shacbiga iyo barnaamijka Xisbi kasta soo bandhigo, ma jirto colaad intaas ka gun dheer oo Xisbiyada ka dhaxaysa, waxaase nasiib darro ah in Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddu colaad iyo dagaal dhaawac ku ah dimuquraadiyadda ku hayaan Axsaabta Mucaaridka ah iyo cid kasta oo ka rayi duwanaata, taas oo aan meelna ka soo galin tartankii Axsaabta ka dhaxeeyay iyo Dimuquraadiyadda, waxa kale oo nasiib darro ah inaynu 27-sanno kadib humaag galino sharciyada aynu dhiganay. 10-sanno muddo kudhaw waxaynu ku murmaynaa shuruuc ilaa 2008-kii waxaana taas sabab u ah marba Xukuumadda joogta oo aan diyaar u ahayn in la dhiso hay’adihii dhexda inoo noqon laha Sida Garsoorka oo aan madax banaanyn marka ma jirto meel laysula tagaa oo aan ka ahayn xeer jajab. Maanta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi sida shuruucdu dhigayso halkii uu guddi u saari laha eedaha Koomiishanka Doorashooyinka ayuu isagii Garyaqaan u noqday shahaadooyin wada shaqada ahna gudoonsiiyay, waa odaygii Somaliland waa Madaxweynahii Qaranka misana taasi ficilada laga arkay kama muuqato. Maxaa la gudboon Axsaabta Mucaaridka ah. Xisbiyada Mucaaridku iyagoo eegaya oo xeerinaaya xaaladda nugul ee ay ku sugan tahay Somaliland oo ummaddii ay hadheyeen abaaro riiqdheeraaday iyo sicir –barar danyartii saamayn xun ku yeeshay, iyagoo xog-ogaal u ah culayskii Ummadda ka soo gaadhay halgankii dib-u-xoreynta dalkan, iyaga oo eegaya mustaqbalka da’yarta dalkan curdinka ah, iyaga oo ilbuuxda ku haya colaadaha ka taagan geeskan Afrika, waxa la gudboon inay mar kasta dulqaad wayeelnimo kaga falceliyaan talaabo kasta oo daan daansi iyo deelqaadba leh oo Axsaabta Mucaaridka kaga timaada Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE. Garashada toolmooni waxay ahayd in Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadu ay xidhiidh wanaagsan, wada tashi iyo wada shaqayn la yeelato Xisbiyada Qaranka iyo shacbi weynaha. Nasiib darro Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadu waxay dagaal qaawan oo af iyo addin ah ku soo qaadeen Dimuquradiyaddii iyo wada tashigii ay ku caano maaleen shacbigii Somaliland. Walaalayaal, waxaad markhaati ka ahaydeen 45-daqiiqo oo Madaxweynaha Somaliland Mud. Muuse Biixi Cabdi hadlaayay inuu ku bilaabay kuna dhammeeyay, garnaqsi, dib u noqosho doorasho dhammaatay, gocasho iyo isdifaacid dhammaantood ku guroraayay Eragyii Abwaan Dheeg ee aha “Nin Dulyari Ma Madaxbaa “. Ummadda reer Somaliland waxaynu marag ka wada nahay, in maanta Xaalada Dalkeena gaar ahaan Gobolada Bari ay marayso “Alamtarana soo dhaaf “. Dhahar iyo Sanaag Bari waxa ka doobyaysa Puntland oo waxqabad ku kasbatay degaanadi Waddan keena ka tirsanaa, Dhuumay iyo Koonfurta Sool coladii ka dhacday waxa inooga soo dheereeyay Dawladdaha Soomaliyeed ee jaarka oo deeqihii Gurmadka ka sokow Saaka ciidamo nabad ilaalin ah kala dhex dhigay, Tukaraq qadiyadeeda waad la socotaan markii horena Madaxweynuhu tallo Qaran kuma galin dacwayntii caalamkana waa laynooga dheereeyay.. Warbaahinta Qaranka ee Xukuumadu gacanta ku haysaa umma adeegaan Xukuumadda oo keliya ee waxay baahiyaan fidno abuur sidii warbaahintii Rwanda iyo Bosnia markii ay ka soo hurayeen dagaaladu “Afku wuxuu la xoog yahay magliga xawda kaa jara”. Walaalayaal balaayadu waxay ka dhacdaa qof gardaran oo cid joog tidhaahda la waayey, Radio Hargeysa iyo TV-ga qaranka wixii ka baxaayey sanadihii u dambeeyey waxaynu kaga badbaadnay dulqaadka shacbiga iyo bisaylka Xisbiyada mucaaridka ah, wuxuu maanta ku daray Wasiirkii Warfaadintu isagoo ku shaqaynaaya siyaasadda Madaxweynaha inuu aasaaso qayb dabagasha war-baahinta Madaxa banaan ee lagu ladnaa, taas oo la macno ah wixii nidaamkii Millatariga aha ee Maxamed Siyaad Barre u yaqaanay “Faafreebka “.. Isgaadhsiintii in lays dhagaysto ayay Xukuumaddu wadaa oo kadib dadkuba Telefoonada ka aaminka baxaan. Dhammaan deel qaafyada cidda dabri lahayd waa Golayaasha sharci dajinta ee fadhiidka noqday, doorashooyin koodina uu Madaxweynuhu hortaagan yahay isagoo ka cabsi qaba In isla xisaabtan yimaado. . TALO SOO JEEDIN: Waxaan ku talinayaa gaar ahaan asxaabta Siyaasiga ah in loolanka Siyaasadeed ee Xisbiyadu uu ku ekaado fikrado kala duwan oo shacbiga loo bandhigo iyo doodo danta ummaddu ku jirto. Mucaaridku iyaga oo ka duulaya mabda’a dimuqraadiyada iyo dood wadaaga, waa inay u dhabar adaygaan gardarooyinka ka imanaya Xukuumadda KULMIYE intii suurtagal ah si loo gaadho danta guud, waana inay la yimadaan qorshe Mucaarid oo maangal ah si Dalka looga badbaadiyo in awoodu ku uruurto meel kaliya. Xisbiyada Mucaaridku waa inay u taag naadaan doorasho iyo nabad, kana soo horjeestaan fidno, afxumo iyo wax kasta oo carqaladayn kara doorashooyinka. Axsaabta Mucaaridka ahi , waa inay dhexdooda wada shaqayn fiican yeeshaan kana hawl galaan sidii loo heli lahaa Guddidii doorashooyinka Qaranka ee qaban laha doorashooyinka muddo dhaafay..” Muniir Axmed Cigaal Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa daah-furay shirka wasiirada amniga dowlad goboleedyada, kaas oo maanta ka furmay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya wasiirada amniga iyo taliyeyaasha maamullada K/ Galbeed, Galmudug, Puntland iyo Jubbaland oo marti galineysa kulankaasi. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa furitaanka shirka ka sheegay in ay wasiirada iyo taliyeyaashu qiimayn ku samayn doonaan xaalada amni, kadibna ay go’aamo ka gaari doonaan howlaha horyaala oo ay ugu muhiimsan tahay dhismaha Ciidamada ay sameysanayaan golaha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka. Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa tilmaamay in maamul goboleedyadu hadba sida ay ugu kala muhiimsan yihiin dhinaca amniga howlgallada loo qeybsan doono, isla markaana laga saari doono Al Shabaab. Waxaana uu intaasi ku daray in haatan ay hoos u dhacday awooda Al Shabaab, balse ay wali yihiin caqabad jirta oo xal u baahan. Ugu dambeyn waxa uuka hadlay arrimaha dib u heshiisiinta dalka oo uu xusay in ay muhiim tahay in la helo dib u heshiisn dhab ah, si looga gudbo xaaladaha adag ee weli ka jira qeybo ka mid ah Soomaaliya. The post Shirka Wasiirada Amniga Ee GIDG Oo ka furmay Kismaayo appeared first on Shabelle. View the full article