Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,925
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inuu ka xun yahay xiisada ka taagan Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay. Axmed Madoobe ayaa ka digay in rabshado ay ka dhacaan magaalada Baydhabo, isagoona walaac ka muujiyay doorashada maamulka Koofur Galbeed. Madaxweynaha ayaa sheegay in dowlada dhexe ay faragelin ku hayso doorashada Koofur Galbeed. “Wixii qaldama waxaa masuul ka noqon doonta Dowlada dhexe, sidaan hadii ay wax kusii wadaan bur bur ayey sababi doonta, mana jirto cid ay ka adkaan karaan ayuu yiri Axmed Madoobe. 17 Bishan ayaa la filayaa in doorasho ay ka dhacdo Magaalada Baydhabo Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  2. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) is concerned about the incident involving its troops that took place near ex-control Balcad in which, regrettably, lives were lost. AMISOM has commenced a full-scale investigation and will work closely with the competent FGS authorities to determine the full truth about the circumstances in which this violent incident took place. The findings of this investigation will be made public. The African Union Mission in Somalia presents its condolences to the bereaved families. AMISOM wishes to inform the people of Somalia and its partners that, prior to deployment in the theatre of operations, AMISOM forces are always trained and mentored to strictly observe the provisions of International Humanitarian Law, as well as International Human Rights Law and abide by the Rules Of Engagement governing the conduct of military operations, in particular, the core principles of sacred respect for, and protection of civilians. AMISOM will not relent until the truth about this incident is known and justice is done. The post AU mission probes into civilian deaths in Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
  3. The African Union Mission in Somalia is on the spot over the alleged killing of four civilians in a retaliatory attack. The four were killed on Tuesday in the Heliwaa district of the Somali capital Mogadishu. Eyewitnesses told the human rights body that they saw Amisom’s Burundi soldiers open fire on the four unarmed men at close range. The Burundi troops had been traveling in a convoy from Maslah when they ran over an improvised explosive device (IED) that exploded as they drove past the Ex-Control, Ballad neighborhood in Heliwaa. Amnesty while condemning the killings, called for investigations to be carried out into the incident and want the soldiers responsible brought to book. “These shocking killings by soldiers who are supposed to protect civilians must be thoroughly and impartially investigated by Amisom, with those responsible held to account,” Sarah Jackson, Amnesty International’s deputy director for East Africa said. The rights group said it was disturbing that forces trained to counter threats to civilians have turned against the people they are supposed to protect. Amisom responded to the incident saying investigations have already been launched. “Amisom regrets the loss of lives and sends its condolences to the bereaved families. We will not relent until the truth about this incident is known and justice is done,” an Amisom statement read. The four bodies were taken to the Banadir hospital morgue The post Amisom on the spot over killing of four civilians in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  4. The International Organization for Migration (IOM) said on Wednesday that 124 illegal Somali immigrants were voluntarily repatriated from Libya’s capital Tripoli. The repatriation took place as clashes erupted near Tripoli’s Mitiga International Airport, the IOM said in a statement. “Late last night, clashes erupted briefly around Mitiga airport, where our team was working to finalize procedures for 124 Somali migrants wishing to return home to Somalia,” the statement said. Somali Ambassador to Libya Ali Said Faqi expressed gratitude for the unwavering support Somalia has received from the IOM and the UN High Commissioner for Refugees Libya to make the return possible. Libya has become a preferred departure point for illegal immigrants hoping to cross the Mediterranean Sea into Europe because of insecurity and chaos in the North African country following the 2011 uprising that toppled former leader Muammar Gaddafi. Migrant shelters in Libya are crowded with thousands of illegal immigrants who were rescued at sea or arrested by the Libyan security services. The IOM is running a voluntary return program with an aim to arrange the return of illegal immigrants stranded in Libya to their countries of origin. The post More than one hundred Somali immigrants voluntarily repatriated from Libya appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Aqoonyahanno ka kooban 24 xubnood ayaa soo saaray baaq ku aadan faraggelinta dowladda federaalka ah ku heyso doorashada koonfur galbeed. Qoraal ay aragtay Goobjoog News waxaa ku qornaa in isbadalkii ka dhacay guddiga doorashada kadib ay dowladda federaalka ah isticmaaleyso waddo qaldan oo intii ay ka shaqeyn laheyd dimoqoraadiyadda iyo sareynta sharciga ay isku dayeyso inay saameyso natiijada doorashada. Aqoonyahankan waxaa ay walwal ka muujiyeen in faraggelintaas sharci-darradaha ah ay dadka ka hor istaageyso inay doortaan qof ikhtiyaarkooda ah iyo inay horseedi-doono fowdo iyo colaad. Qodobbada Ay Dowladda Federaalka Ah Ku Eedeeyeen: 1. Dowladda federaalka ah waxaa ay isticmaaleysaa jid qaldan oo ku carqaladeynso doorashada iyada oo soo saareysa murashaxa ay wadato, waa intii ay ilaalin laheyd sharciga, arrintaas waa dib u soo celin kartaa colaado hubeysan. 2. Waxaa jira warar sheegaya inay murshaxiinta qaar la shakigelinayo si aaney ugu tartamin doorashada koonfur galbeed. 3. Is-casilaadda guddoomiyaha doorashada, ku-xigeenkiisa, afhayeenka waa faraggelin qaawan oo lagu sameeyey hannaanka doorashada. 4. War-murtiyeedka odayaasha dhaqanka oo ay dib ugu dhigeen November 17, 2018 iyo xildhibaannada Muqdisho la geeyey si loo laaluusho dhammaan waa taktiko ay dowladda isticmaaleyso si murashaxeeda u soo baxo. 5. Waxaa jira war-murtiyeed ay soo saareen murashaxiinta isbadal-doonka oo dowladda ku eedeeyey faraggelin, qaraabeysi iyo codad la iibsado, si uu u soo baxo murashaxeeda. 6. Iscasilaadda madaxweynaha koonfur galbeed iyo inuu tanaasulo waa cadaadis ay saartay dowladda federaalka ah si ay isbadal ugu sameyso nimaadka, laakin waxaa ay aheyd in isbadalka ku yimaado qaab dimoqoraadi ah. Ugu dambeyntii, waxaa ay ugu baaqeen dhammaan dhinacyada inay ixtiraamaan dimoqoraadiyadda, doorashadana u dhacdo qaab hufan. In doorashada u dhacdo si waafaqsan dastuurka koonfur galbeed, In guddiga doorashada ay shaqadooda wataan iyada oo aaney faraggelin dowladda federaalka ah. Waxaa Saxiixay Qoraalka: 1- Prof. Abdi Mohamed Kusow, Michigan, USA 2- Prof. Mohamed Haji Mukhtar, Georgia, USA 3- Hon. Mohamed Ali Hamud, former Finance and Foreign Minister, Australia. 4- Dr. Mohamed Hussein Moalin, Norway 5- Prof. Mohamed Ali Kalay, Baidoa, Somalia 6- Hon. Sadiq Abdullahi Abdi, Former Minister of Public Works, Minnesota, USA 7- Hon. Abdirashid Abdullahi, Former Minister of Defense, Baidoa, Somalia 8- Subaida Mohamed Mukhtar, Former Secretary General of Banadir Administration 9- Hon. Famey Mohamed Nur, London, UK 10- Mohamed Ali Aden, (Wanaag)Toronto, Canada 11- Yasin Abicar, journalist, Toronto, Canada 12- Hassan Adam Hosow, Edmonton, Canada 13- Sharif Mohamed Haji, Edmonton, Canada 14- Awes Sheikh Muheidin Amin, Melbourne, Australia 15- Aden Batar, Salt Lake, Utah, USA 16- Hassan Ibrahim Aden, Trondheim, Norway 17- Fawsi Abdinur, Southwest Scholars Council, Baidoa, Somalia 18- Abdulkadir Bulle, Southwest Scholars Council, Baidoa, Somalia 19- Kassim Mohamed, Southwest Scholars Council, baidoa, Somalia 20- Luul Isaaq Aden, Civil Society, Baidoa, Somalia 21- Isack Hassan Hussein, Melbourne, Australia 22- Abdullahi Haji Ali, Dubai, UAE 23- General Mohamed Atosh, Melbourne, Australia 24- Abdirashid Haji Hassan, London, United Kingdom Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Qaramada Midoobay maalmihii ugu dambeeyay ay warbixino digniin ah kasoo saareysay doorashada Koofur Galbeed ayaa waxaa ka jawaabay arintaasi lataliyaha dhanka amaanka ee madaxweynaha. Hadalka Lataliyaha amniga ee madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqda in Villa Somalia ay ka carootay hadalka Qaramada Midoobay ee ahaa in doorashada Koofur Galbeed aan la faragelin oo si cadaalad ah ku dhacdo. Warka kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa ahaa in doorashada Koonfur Galbeed ay u dhacdo ama u qabsoonto hab heshiis, is ogol iyo mas’uuliyad kujirto, taas oo tusaale fiican u noqon karta hab-socodka doorashooyinka ee Soomalaiya. Cabdisaciid Maxamed Cali La taliyaha ammaanka madaxweynaha Soomaaliya ayaa boggiisa Twitter-ka waxa uu ku qoray qoraal kooban oo uu ku sheegay in ay muhiim tahay in Xafiiska Qaramada Midoobey aysan soo faragalin Arrimaha Gudaha Soomaaliya. Cabdisaciid ayaa yiri : “Ha faragashan arrimaha gudaha ee Soomaaliya, dhaqankaasi waa mid aan la soo dhoweyneyn” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. (SLT-Qaza)-Wiilkan 22 jir ah oo lagu magacaabo Caaid Abu Amro ayaa dhawaan sawirkiisa astaan u noqday kacdoonka Gaza kadib markii ay bulshada si weyn ugu faafiyeen baraha internetka. Falastiiniyiinta ku nool Gaza ayaa bishii march ee sanadkan bilaabay kacdoon ay ku doonayaan inay dib ugu noqdaan dhulka ay Israel ka boobtay isla markaana uga soo horjeedaan xayiraada Israil ku heyso dhulka Marinka Gaza. Tan iyo markii ay bilowdeen banaanbaxyada ay Falastiiniyiinta qabtaan maalin walba oo Jimce iyo Isniin ah ayaa waxay ciidamada Israel toogasho ku dileen in ka badan 200 Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan caruur, suxufiyiin iyo Hawlwadeenada caafimaadka. Caaid Abu Amro ayaa kamid noqday kumanaan kun ee ku dhaawacmay mudaharaadka ka socda Gaza ayaa la sheegay in isniintii lasoo dhaafay ay rasaasta uga dhacday lugaha, isagoo sheegay inuu diyaar u yahay inuu u dhinto dhulkiisa. Source
  8. (SLT-Washington)-Xisbiga dimuqraaddiga Mareykanka ayaa la wareegay aqlabiyadda aqalka wakiillada ee loogu tartamay doorashadii xilliga dhexe, taasoo dhabar jab ku noqonaysa madaxweyne Donald Trump. La wareegista maamulka aqalka hoose ee Koongareeska oo noqotay markii ugu horreysay muddo 8 sano ah waxay xisbiga Dimuqraaddiga u sahleysaa iney fashiliyaan qorsheyaasha madaxweynaha. Hase ahaatee xisbiga Mr Trump ayaa la filayaa iney xajistaan awoodda ay ku leeyihiin aqalka odayaasha ee Senete-ka. Doorashadii dhacday shalay oo Talaado ahayd ayaa loo arkay mid afti u ah awoodda maamul ee madaxweynaha, inkastoo uusan doorasho u taagneyn tan iyo sannadka 2020-ka. Lahaanshaha sawirkaREUTERSImage captionAlexandria Ocasio-Cortez (dhexda) waa gabadha ugu da’da yar ee Koongareeska gashay Natiijada doorashada ayaa xaqiijisay guul taariikhi ah oo ay doorashada xilliga dhexe ka soo hooyeen xisbiga aan heynin maamulka Aqalka Cad. Hogaamiyaha aqalka ee xisbiga Dimuqraaddiga Nancy Pelosi, oo lagu wado iney noqoto afhayeen, xilkaasna heysay tan iyo sannadkii 2007-dii, ayaa iyadoo taageerayaasha kula damaashaadeysa magaalada Washington waxay tiri “Waad mahadsantihiin, wuxuu waa cusub u baryayaa Mareykanka”. Madaxweyne Trump ayaa doorashada diiradda ku saaray aqalka Senete-ka, wuxuuna isku amaanay dadaalka uu sameeyay. Muxuu yahay tartanka ka socda aqalka hoose? Xisbiga Dimuqraaddiga ayaa ka faa’iideystay hadallada qallafsan ee uu Trump uga soo horjeeday dadka soo galootiga ah, waxayna guul ka gaareen doorashadii ugu horreysay ee ka dhacday guud ahaan dalka wixii ka dambeeyay marka uu madaxweyne Trump xilka qabtay 2 sano ka hor. Dimuqraaddigu waxay aqlabiyadda aqalka la wareegeen markii ay heleen wax ka badan 23-kii cod ee ay doonayeen si ay ula wareegaan maamulka aqalka hoose ee Koongareeska. Shacabka Mareykanka ayaa u codeeyay dhammaan kuraasta aqalkaasi oo ay tiradooda gaareyso 435. Image captionNancy Pelosi oo Waxay mar kale hogaamin doontaa aqalka Koongareeska Hadda waxay dimuqraaddigu billaabi karaan baaritaanno ku aaddan sida uu maamulka Trump u maareeyo arrimaha ganacsiga, laga billaabo canshuur celinta ilaa danihiisa ka hor imaanaya howlaha ganacsi ee qaranka. Waxay sidoo kale awood dheeraad ah u heli karaan iney is hor taagaan qorsheyaashiisa dhinaca sharciga, oo uu ka mid yahay ballan qaadkiisa ku aaddan in darbi laga dhisi doono xadka kala qeybiya Mareykanka iyo Mexico. Murashaxiinta haweenka ah ayaa guulo ka soo hooyay doorashadan oo loo aqoonsaday sannadkii dumarka. Labo gabdhood oo ay da’doodu tahay 29 sano, oo lagu kala magacaabo Ocasio-Cortez iyo Abby Finkenauer, kana tirsan Dimuqraaddiga ayaa lagu wadaa iney noqdaan xildhibaannadii ugu da’da yaraa ee abid qeyb ka noqda mudaneyaasha aqalka. Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib ayaa iyaguna taariikhda ku galay iney noqdaan gabdhihii muslimiinta ahaa ee markii ugu horreysay abid ku biiray aqalkaas, waxaana laga soo doortay isla xisbiga Dimuqraaddiga. Maxaa ka socda tartanka Aqalka sare ee Senete-ka? Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku howlan sidii ay u xoojin lahaayeen aqlabiyaddooda aadka loogu dhow yahay ee ay aqalka sare ugu maamulaan 51-49, taasoo ka dhigan in Jamhuuriga ay horay u heysteen kuraas dhan 51, halka Dimuqraaddiguna ay haysteen 49 kursi. Haddii ay xaqiijiyaan iney aqalkaas la wareegaan waxaa madaxweyne Trump u suurto galaysa inuu aqlabiyad ku hirgaliyo amarradiisa iyo soo xulashadiisa mas’uuliyiinta dhinaca caddaaladda. Xisbiga Dimuqraaddiga ayay sannadkan ku adkeyd iney guul la taaban karo ka soo hooyaan tartanka aqalka sare maadaama ay difaacanayeen 26 kursi, halka xisbiga jamhuuriguna ay difaacanayeen 9 kursi oo kaliya. Guulaha ugu waaweyn ee xisbiga Jamhuuriga waxay ka yimaadeen gobollada Indiana, Missouri iyo North Dakota, halkaasoo ay xilalka uga fara maroojisteen siyaasiyiintii ka soo jeedday Dimuqraaddiga. Rick Scott ayey u badan tahay inuu ka guuleysto siyaasiga ka socda Dimuqraaddiga ee Senetarka ka ah gobolka Florida, waxayna taasi xisbiga Jamhuuriga ka dhigeysaa iney helaan labada kursi ee laga soo doorto gobolkaas, iyadoo noqoneysa markii ugu horreysay ee ay taasi dhacdo muddo ka badan hal qarni. Image captionAndrew Gillum waxaa looga guulaystay barasaabnimada Florida. Maxaa ka socda tartanka Badhasaabyada? Badhasaabyada gobollada waxaa laga soo dooranayay 36 ka mid ah 50-ka maamul goboleed. Gobolka Florida, siyaasiga garabka bidix ee lagu magacaabo Andrew Gillum ayaa qirtay inuu ku guul darreystay tartankii kharaaraa ee uu kula jiray siyaasiga xisbiga Trump ka socday ee lagu magacaabo Ron DeSantis. Balse gabadha ka socotay Dimuqraaddiga ee lagu magacaabo Stacey Abrams, taasoo lagu waday iney noqoto haweeneydii ugu horreysay ee madow ah oo Badhasaab ka noqota Mareykanka ayaa diidday in looga adkaaday tartanka ay la gashay murashaxa Jamhuuriga ee Brian Kemp, oo ay ku loollamayeen gobolka Georgia. Jared Polis oo ka socda Dimuqraaddiga ayaa la filayaa inuu ku guuleysto Badhasaabnimada gobolka Colorado, waxaana lagu wadaa inuu noqdo ninkii ugu horreeyay ee Badhasaab ka noqda Mareykanka isagoo si cad u ah nin gogosha la wadaaga ragga kale. Xisbiga Dimuqraaddiga ayaa sidoo kale qaatay maamulka gobollada kala ah Michigan, Illinois iyo Kansas Badhasaabka xisbiga Dimuqraaddiga ee gobolka New York Andrew Cuomo ayaa isagana markii saddexaad xilka loo doortay. Image captionSida loogu kala guulaystay gobollada ilaa iyo duhurnimadii Arbacada wakhtiga Afrikada bari 5 waxyaabood oo aan ka barannay doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka 1) Taariikh ay dhigeen murashaxiinta haweenka ah Doorashada inteysan dhicin ka hor ayaa sannadkan lagu tilmaamay sannadkii haweenka, run ayeyna noqotay. Hadda waxaa aqalka Koongareeska ku soo biiray tiro haween ah oo aan horay loo arkin, waxyaabaha qaarna waxay dhaceen markii ugu horreysay. 2) Fursad ay Dimuqraaddiga ku sameeyaan dagaal rogaal celis ah Mar walba way iska muuqatay in xisbiga Dimuqraaddigu aysan la wareegeynin aqlabiyadda aqalka Sare ee Seneteka, laakiin waxaa rumowday saadaashii laga bixiyay iney guulo ka soo hoyn doonaan tartanka doorashada aqalka hoose. Hadda waxay fursad u helayaan iney la xisaabtamaan madaxweyne Trump iyo maamulkiisa. 3) Doorashadani ma waxay guul weyn u tahay Trump? Trump wuxuu sheegay inuu faraxsan yahay, natiijada ay Jamhuuriga ka heleen doorashada aqalka sarena ay tahay mid loo dabaal-dagi karo. Laakiin waxaa xaqiiqo ah in guusha ay Dimuqraaddigu ka gaareen aqalka hoose ay horseedi doonto in loollan loo galiyo si uusan horay u dareemin. Waxaa laga yaabaa inuu dhaco is mari waa ka dhasha qodobada qaar ee uu ula yimaado aqalka. 4) Taageerada tuulooyinka oo luntay Xisbiga Jamhuuriga waxay ku guul darreysteen iney helaan codadka dadka wax bartay ee ku dhaqan meelaha ka baxsan magaalooyinka. Waa sheeko mar kale taariikh ahaan dib isugu soo celisay waxayna dhibaato ku noqon kartaa siyaasadaha xisbiga ee mustaqbalka. 5) Badhasaabyadii taageersanaa Trump oo qaarkood uu nasiibkooda fiicnaaday kuwana uu xumaaday Natiijooyinku qaar waxay u wanaagsanaayeen Trump, kuwo kalena waxay u ahaayeen nasiib darro, marka la eego natiijada ka soo baxday doorashadii Badhasaabyada gobollada. Taasi waxay adkeyneysaa tartanka doorashada madaxweynaha ee sannadka 2020-ka. Source
  9. War ka soo baxay Taliska Ciidamada AMISOM ayaa lagu sheegay in ay la socoto eedeymaha loo jeedinayo Ciidamo ka tirsan Howlgalka AMISOM , oo dad rayid ah ku dilay Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Dhinaca kale AMISOM ayaa sheegtay in ay waddo baaritaanno xoogan oo ay ku sameyneyso falkaas lagu eedeeyay Ciidamadooda. Waxaana ay intaas ku dareen in si dhow baaritaankaas ay kala shaqeynayaan dowladda Federaalka Soomaaliya. AMISOM ayaa ballan qaaday in wixii ka soo baxa baaritaanadaas ay la wadaagi doonto shacabka iyo dowladda Soomaaliya , waxayna tacsi u dirtay ehellada dadkii ku geeriyooday dhacdadaas. Maalin ka hor ayey ahayd markii Ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi oo marayay inta u dhexeysa Ex Control Balcad iyo SOS Qarax lagula eegtay iyaguna ay ku jawaabeen tacshiirad xoogan oo dad rayid ah gallaafatay. The post AMISOM oo sheegtay in ay baaritaan ku heyso Fal Ciidamadeeda ay dad shacab ah ku laayeen. appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Sida ay ku soo warramayaan dadka degan deegaanka Ceelasha Biyaha Rag hubeysan ayaa xalay fiidkii Goob Maqaaxi ah oo loogu Magac daray Galmudug ku dilay 2 qof. Waxaana falkaas kadib Ciidamo soo gaaray meesha ay wax ka dhaceen rasaas ay iyaguna fureen ay ku dhaawacmeen illaa 4 qof. Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa Habeen ka hor waxaa lagu dilay 4 qof , halka Habeenkii ka sii horeeyay isla deegaankaas lagu dilay 6 qof. Falalkaan ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan in ay salka ku hayaan aanooyin Qabiil. Tan iyo wixii ka dambeeyay Dil wadareed loogu geystay Nawaaxiga deegaanka Lafoole dad lagala soo dagay gaari ay la socdeen oo marayay Nawaaxiga Lafoole ayaa waxaa duleedka Muqdisho ku sii kordhayay falal dil bareer ah. The post Faah Faahinno laga helayo falal Dilal iyo dhaawacyo isugu jira oo ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho. appeared first on Shabelle. View the full article
  11. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Arbacadii shalay xilkii ka qaaday Xeer Ilaaliyihii Guud ee Maraykanka Jeff Session. Talaabadan ayaa xisbiga Dimoqraadigu ay uga digeen inuu ku joojiyo baadhista Robert Mulleur oo ah ninka baadhaya xidhiidhka lagayaabo inuu u dhexeeyey ololaha Trump iyo dawladda Ruushka. Madaxweyne Trump ayaa dhiniciisa, fariin twitter ah oo uu soo diray, ku shaaciyey tagista Sessions, isla markaana u mahad celiyey, isaga oo sheegay in xiliga soo socda la magacaabi doono qof si joogta ah xilka u qabta. Mr. Session ayaa warqad uu isku casilayey oo uu Trump u diray ku sheegay inuu xilka ka degayo ka dib markii madaxweynuhu ka codsaday, hadalkaas oo u muuqday in lagu khasbay inuu shaqada ka fariisto, taas oo uu horay uu diiday, isaga xitaa aflagaado iyo hoos u dhigid kala kulmi jiray madaxweynaha, ka dib markii uu Sessions shaaciyey inuu ka gaabsanayo inuu dusha kala socda baarista gaarka ee uu wado Robert Muleur. Source
  12. (SLT-Muqdisho)-Diyaarad siday 124 qof oo Dawladda Soomaaliya ay kasoo deysay Xabsiyadda dalka Liibiya ayaa gelinkii dambe ee maanta soo gaadhay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo isugu jira Rag iyo Dumar, waxaana Wajiyadooda ka muuqday dhibaatooyin ay kala kulmeen intii ay ku jireen xabsiyadda dalkaasi. Waxaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho dhalinyaradaasi kusoo dhaweeyey Wasiiro iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Qaar ka mid ah dhallinyaradda Mudada dheer ku xidhnaa Xabsiyadda Liibaya ee nasiibka uu yeeshey in Dawladda Soomaaliya ay Dalkooda dib ugu soo celiso ayaa ka hadlay Dareenkooda, iyaggoo soo dhaweeyey dadaalka Dawladda ay u gashay in laga soo saaro Xabsiyadaasi, isla markaana dib loogu soo celiyo dalkooda Hooyo. Cabdiwaasac Jaamac Maxamuud oo ka mid ah maxabiistii horey looga soo daayay gacanta Magafeyaasha Arxanka darran, haatanna ka shaqeeya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in Dawladda Soomaaliya ay doorkeeda ka qaadatay siddii Dhallinyaradda dalka dibadiisa ku dhibaateysan dalkooda loogu soo celin lahaa. Ergeyga gaarka ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan ka-hortagga Tahriibka iyo Xuquuqda Caruurta Marwo Maryan Yaasin Xaaji Yuusuf ayaa ugu mahad celisay sida Dawladda Soomaaliya ay xil isaga saartay soo deynta dhalinyaradaasi. Wasiirka Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo kamid ahaa Madaxdii soo dhaweysay Maxaabiista laga keenay Liibiya ayaa sheegay in dhallinyaradda looga baahanyahay in ay ka shaqeeyaan Horumarinta dalkooda. Dawladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in boqolaal dhallinyaro ah ay ka soo deyso Dalalka Itoobiya, Indiya, Jaziiradda Siishelis iyo Liibiya. Source
  13. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga dalkaas Mudane Hulusi Akar ayaa adkeeyey muhiimadda xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal. Ujeedka safarka wafdigan ayaa ah sidii dowladda Turkigu u sii dardargelin lahayd taageerada ay u fidiso Soomaaliya iyo inay qiimeeyaan siyaabaha ay ku sii horumarin karaan taageerada Ciidamada Qalabka sida ee dhinacyada tabobarka iyo qalabaynta. Madaxweyne Farmaajo ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyey kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadanayso dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka sida, taasi oo asaas u ah in ciidanka Soomaaliyeed ay si buuxda u xaqiijiyaan ammaanka dalka. Madaxweynaha iyo wafdiga ka socday Dowladda Turkiga ayaa ka wada hadlay dadaallada Dowladda Turkiga ee tabobaridda Ciidamada Qalabka sida iyo sidii loo dardargelin lahaa dhisidda iyo kobcinta qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka, gaar ahaan kuwa Dhulka, Cirka iyo Badda. Wafdiga ayaa dhankooda uga mahadceliyey dowladda Soomaaliya soo dhawaynta diirran ee loo fidiyey, iyaga oo xusay sida ay Dowladda Turkiga uga go’an tahay joogtaynta xiriirka istaraatijiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya. Wafdiga Dowladda Turkiga ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxa qayb ka ah Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga, Taliyaha Ciidamada Turkiga, Saraakiil sare oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee Ciidamada Turkiga iyo Madaxa Hay’adda TIKA ee qaabbilsan arrimaha Horumarinta iyo Iskaashiga The post Madaxweyne Farmaajo oo Qaabilay Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Turkiga appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa xalay kulan ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya. Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal sheekh Cabdiraxmaan ayaa intii uu kulan kooda socday iska xog-wareystay xaaladaha guud ee dalka. Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa sidoo kale ka hadlay sidii loo dar-dargelin lahaa xoojinta iyo wada shaqeynta laamaha kala duwan ee Dowladda. The post Madaxweynaha JFS iyo Guddoomiyaha Golaha shacabka oo iska xog-wareystay xaaladaha guud ee dalka appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Muqdisho ( Sh. M. Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-081118.mp3 The post Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur oo siweyn u mucaaradsan dowladda talada haysa ayaa bixiyay waxa ay ka dhigan tahay iscasilaadii shalay uu ku dhawaaqay Shariif Xasan Sheikh Aadan. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in Shariif Xasan uu noqonayo siyaasiyigii Afaraad oo awood, dhaqaale iyo waqti lagu bixiyo si xilka uu kaga tago, maadaama uu si weyn uga soo horjeeday dowladda Soomaaliya. Waxaa ka horeeyay Cali Cabdullaahi Cosoble, Taabid Cabdi Maxamed iyo Maxamed Cusmaan Jawaari oo uu sheegay in dhamaantood awood dhaqaale iyo ku takri fal hantiyadeed xilka looga qaaday. “Shariif Xasan Sh Aadan waa siyaasiyigii afaraad oo iyadoo lagu takri falayo awooda, hantida iyo waqtiga qaranku leeyahay xilka laga tuuro. Cali Cosoble, Taabit Abdi, iyo Jawaari ayaa ka horeeyey. Caqliga oranaya hadii aad iga aragti duwan tahay xilkaan kaa tuurayaa, ama waan ku weerarayaa, amaba aflagaadaan kuu miisayaa ee dhaqanka u noqday kooxda talada haysa, ma aha oo keli ah in umadda uu ka khasaarinayo xoog, hanti iyo waqti ee wuxuu dhaawacayaa kalsoonidii iyo is-aaminkii shacabka ee sanidihii tegey geedi socodka gaabiska ah lagu soo dhisay” “Waxaa shaki lahayn in kooxdani xili ay tabar beeleen ay ka qoomamayn doonaan fal kasta oo maanta guul ugu muuqda markii ay maciin bidaan ragii ay is lahaayeen siyaaasada ayaad ka bixiseen ama waayahoodii u shalaayaan. Waxaa kaloo iyana hubaal ah in xadigga saamaynta khasaaraha iyo dhaawaca ay geysanayaan uu la ekaan doonto hadba inta uu fal celiskeenu yahay. Haddaba waa waajib Diini, Wadani, akhlaaqi ah oo dhamaanteen ina saaran in aan wiilashan xuurtaysan gacmaha qabano” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. (SLT-Yaman)-Hogaamiyaha jabhadda Xuutiyiinta dalka Yaman ayaa sheegay in uusan marnaba isu dhiibi doonin xulafada uu Sacuudigu hoggaaminayo. Khudbad uu ka jeediyay telefishin ayaa Cabdulmaalik Al-Xuuti waxa uu ugu baaqay taageerayaashiisu in ay iska caabiyaan weerarka dawladda ee magalaada ay jabhaduhu gacanta ku hayaan ee Xudayda. Hogaamiyaha jabhaddani ayaa sheegay in ciidamadiisa laga tiro batay, balse aysan jirin sabab uu isu dhiibo. Waxa uu ku eedeeyay Mareykanka in uu hormuud ka yahay dagaalka lixda maalmood ah ee ay ku dhinteen ugu yaraan 200 oo qof oo ka tirsan maleeshiyaadka Xuutiyiinta. Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ay hawada ka taageerayeen dagaalka ay ciidamada dowladda Yaman dhulka ka wadeen. Hay’adaha samafalka ee caalamiga ah ayaa ugu baaqay labada dhinac ee colaaddu ay u dhaxeyso in ay dadka rayidka ah u ogolaadaan in ay isaga baxaan Xudeyda. Usbuucii la soo dhaafay ayaa Mareykanka waxa uu ku baaqay xabbad joojin balse dagaalka ayaa halkiisa ka sii socda. Bartamihii bishii Juun ee sanadkan ayuaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa uu ku guul dareystay in uu isku raaco baaq ah in dalalka Sucuudi Carabiya iyo Isutaga Imaaraatka Carabta ay joojiyaan weerarada ay ku qaadayaan dekadda Xudeyda ee dalka Yaman, si gacanta Xuutiyiinta looga saaro dekaddaasi. Balse kulan albaabadu u xiran yihiin oo ay yeesheen golaha ammaanka ayaa markale ku celiyay baaqooda ahaa in dekadda la furo. Dekadda Xudeyda ayaa waxaa ka soo degga boqolkiiba toddobaatan allaabaha la keeno dalkaasi Yaman. Source
  18. Mudane Hulusi Akar oo ah wasiirka gashaandhiga Turkiga, Taliyaha Ciidamada Turkiga, Saraakiil sare oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee Ciidamada Turkiga iyo Madaxa Hay’adda TIKA oo arbacadii yimid Muqdisho ayaa saacadihi tagay kulamo la lahaa madaxda dowladda federaalka ah. Dadka ay la kulmeen waxaa ka mid ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda, iyada oo xalayna loo sameeyey casho sharaf soo dhoweyn ah. Ujeedka safarka wafdigan ayaa ah sidii dowladda Turkigu u sii dardargelin lahayd taageerada ay u fidiso Soomaaliya iyo inay qiimeeyaan siyaabaha ay ku sii horumarin karaan taageerada Ciidamada Qalabka sida ee dhinacyada tabobarka iyo qalabaynta. Turkiga waa dalkii ugu horeeyey ee Soomaaliya u soo gurmada burburkii kadib, waa dal saldhig ku leh Muqdisho, waxaa halkaasi lagu tababaraa ciidamada Soomaaliya, waxaa intaas dheer maal-geshi ay ku sameysteen meelo badan oo Muqdisho ku yaalla. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar Caasimadda Online heleyso ayaa sheegaya in madaxweynayaasha ku haray golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ay ka yashanayaan xubnaha muhiimka ah ee ay waayeen. Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug iyo Jubbaland oo kusoo haray golahaan ayaa wararka aan heleyno waxay sheegayaan inay taleefoonka ku wada hadleen, iyaga oo ka arinsanaya xaaladda kusoo korortay golaha iskaashiga dowlad goboleedyada. Waxaa la filayaa inay soo saaraan war qoraal ah oo ay kaga hadlayaan iscasilaadii Shariif Xasan Sheikh Aadan oo timid kadib heshiis uu la galay dowladda Soomaaliya, iscasilaadii Afhayeenka golaha iyo weyntii ay waayeen Maxamed Cabdi Waare. Waxaanan la ogeyn halka xaalkooda ku dambeyn doono, maadaama ruuxii ay sida weyn isugu haleynayeen uu shalay ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka musharaxnimada iyo madaxweynaha Koofur Galbeed. Lama oga inay kulan gaar ah yeelan doonaan madaxdaan iyo inay soo saari doonaan qoraal ay ku cadeynayaan mowqifkooda iscasilaadii madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Saudi Arabia oo gashay xaalad halis ah iyo arrin laga cabsi qabo inay dhacod Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa gashay weji halis ah, kadib markii la ogaaday in dilka suxufi Jamaal Khaashuqji ay fuliyeen ciidamo amni oo gaar ah, kuwaas oo bil ka hor ka tegay magaalada Riyadh, islamarkaana tegay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Waxaa sidaas weriyey wargeyska New Yorker ee Mareykanka kasoo baxa. Wargeyska ayaa qoray in inkastoo wax badan ay iska cad yihiin, haddana weli ay jiraan faah-faahinno jawaab u baahan, sida halka la geeyey meydka Jamal Khaashuqji, iyo in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu yahay ninkii amray dilka. Waxaa taas dheer, in qunsulkii Sacuudiga ee Istanbul Maxamed Al-Cutayba, oo wax badan ka ogaa arrintan uu Turkiga ka tegay laba toddobaad kadib kadib markii qunusliyaddiisa lagu dhex dilay Jamaal Khaashuqji. “Si is-daba jog ah ayay uga been sheegeen dilka Khaashuqji iyo ku lug lahaanshaha xubnaha sare ee boqortooyada ee kiiskan, sidaas darteed ma jirto sabab loo qaato in Sacuudiga aysan ka warhayn halka uu jiro meydka” ayaa lagu yiri faallada New Yorker. Su’aal kale oo wargeyska is-weydiiyey ayaa ahayd “Maxaa Maxamed Bin Salmaan uu ugu adkeysanayey ka aamusnaanta kiiska Khaashuqji” Wargeyska ayaa dhinaca kale maamulka madaxweyne Donald Trump ku eedeeyey inuu waxba ka qaban in la helo runta kiiska Khaashuqji, sababtuna ay tahay in uu yahay kan ka dambeeya Maxamed Bin Salman, oo muhiim u ah qorshaha Aqalka Cad ee Bariga Dhexe. Arrimahan oo idil, ayaa wargeyska uu leeyahay, waxay carro ka dhex abuureen gudaha boqortooyada, hase yeeshee waxaan weli jirin awood meesha looga saari karo Maxamed Bin Salmaan, oo cid kasta oo ka hor-timaada xabsi u diraya. Carrada haddii ay sidan ku socoto waxaa ka dhalan doontaa in boqortooyada kala jabto, waxaana muuqata in qoyska xukuma Sacuudiga uu galayo weji halis ah” ayuu lagu qoray wargeyska New Yorker. “Shaqaaqooyinka Sacuudiga ma lahan hab siyaasadeed oo looga baxo oo aan ahayn awood” waxaa sidaas yiri Bruise Reidel” oo ah khabiir ku taqasusay arrimaha Bariga Dhexe. Dhinaca kale, Amiirka Sacuudiga ee dibad jooga ah, Khalid Bin Farhan Al Saud ayaa sheegay inuu jiro qorshe socda oo la doonayo in afgambi loogu sameeyo boqor Salmaan iyo wiilkiisa dhaxal-sugaha ah Maxamed Bin Salmaan. “Waxaad dhowaan arki doontaa afgambi ka dhan ah boqorka iyo dhaxal-sugaha” ayuu yiri Khalid Bin Farhan Al Saud, oo ka hadlayey dilka Jamaal Khaashuqji, oo ahaa suxufi kasoo horjeeda boqortooiyada. Khalid Bin Farhan Al Saud, ayaa shaaca ka qaaday in Khaashquji uu qorsheynayey inuu qoro buugiisa xusuus qorka, kaasi oo sir badan shaaca ka qaadi lahaa, taasina ay tahay sababta loo dilay. Qaran News
  21. 7 Nov 2018 Kismaayo meydka askariga iyo gaadhiga maray Mid kamid gaadiidka dagaalka ciidanka Kenya ee kamid ah AMISOM ayaa shalay magaalada Kismaayo ku jiidhay askari ka tirsana ciidamada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland. Gaadhi si xawli ah ku socda oo ay leeyihiin ciidanka Kenya ayaa askariga ku jiidhay bar-kantarool oo ku taalla gudaha magaalada Kismaayo,waxaana halkaasi ku dhintay askarigii,sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta amniga Jubaland. Sidoo kale sawir la soo geliyay baraha bulshada ayaa muujinaya meydka askariga oo hoos yaalla mid kamid ah gaadiidka dagaalka ciidanka Kenya ee ku hawlgala magaca AMISOM. Wararka qaar ayaa sheegaya in dareewalka gaadhi uu si kas ah u jiidhay askariga oo muran hore kala dhexeeyay,balse waxa warkaasi beeniyay saraakiisha ciidamada Jubaland oo dhacdada ku tilmaamay mid shil ah. PUNTLAND POST The post Mid kamid ah gaadiidka dagaalka Kenya oo askari ku jiidhay Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-War qoraal ah oo kasoo baxay musharixiinta la magac baxay golaha isbadal doonka Koofur Galbeed ayaa waxay kusoo dhaweeyeen iscasilaadii uu sameeyay Shariif Xasan Sheikh Aadan. Qoraalka ayaa waxay ku sheegeen in loo baahan yahay in si deg deg ah loo soo dhameystiro xubnaha iska casilay xilka guddiga doorashada Koofur Galbeed, waxaana ay sheegeen in loo baahan yahay in howlaha sidoodii u socdaan. Waxay golahan musharixiinta ah dalbadeen in dib loo dhigo waqtiga doorashada, laakiin ma aysan sheegin muddada ay wanaagsan tahay in doorashada Koofur Galbeed dib loo dhigo, qorshahaan waxaa damacsanaa Shariif Xasan Sheikh Aadan. Waxay codsi u direen beesha caalamka, iyaga oo ka dalbaday inay kala shaqeeyaan sidii ay u dhici laheyd doorasho xor, waxaa sidoo kale ay dalbadeen musharixiinta in la sameeyo guddi madax banaan oo la dagaalamo Musuq maasuqa doorashada. Hoos ka akhriso Qoraalka ay soo saareen Musharixiinta Koonfur Galbeed Qaarkood. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa kulan is xogwareysi ah madaxtooyada kula yeeshay Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sh.Craxmaan. Madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa kulankooda wuxuu ku saabsanaa iska xogwareysiga xaaladda guud ee dalka iyo shaqooyinka horyaala baarlamaanka Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa sidoo kale ka hadlay sidii loo dar-dargelin lahaa xoojinta iyo wada shaqeynta laamaha kala duwan ee Dowladda. Maxamed Mursal, ayaa doorweyn ku lahaa in xildhibaanada Koonfur Galbeed ay yimaadaan magaalada Muqdisho, taasi oo culees ku noqotay Shariif Xasan Sheikh Aadan oo ugu dambeyn shalay tanaasulaad sameeyay. Kadib Iscasilaada Shariif Xasan, waxaa jira walaac soo kordhay oo ah in Shariif Xasan lala damacsan yahay afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, taasi oo caqabad ku noqon doonto haddii ay dhacdo xukuumada iyo xafiiska madaxweynaha. Shariif Xasan, ayaanan la ogeyn ciyaarta cusub ee ciyaari doono, waxaase muddadii uu siyaasadda Soomaaliya ku jiray ahaa ruux heystay taageerada Ethiopia oo wax badan ka sameeyay Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com