-
Content Count
206,925 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
In ka badan 115 qoys oo ka mid ahaa dadkii ka soo barakacay dagaaladii u dhexeeyay Qoomiyada Oromada iyo Soomaalida dagan Itoobiya, ayaa xaalad nolol xumo waxa ay ku haysataa duleedka bari ee degmada Burtinle . Dadkan ayaa dulsaar ku ah qoysas kale oo Barakacayaal ah oo ku nool kaamamka Barakacayaasha ee degmada . Qoysaskan ayaa sheegay in aysan haysan Hoy Cunto iyo wax ay dhaxanka ka galaan. Dowladda Puntland iyo shacbkeeda ayay baaq udireen. Gudoomiyaha degmada Burtinle Maxamed Maxamuud Axmed Buur Dibi ,ayaa ka mid ahaa dakii booqday kaamkan ay ku nool yihiin qoysaskan. Halkan ka dhegayso. Dadka ka soo barakacay Itoobiya Source
-
(SLT-Washington)-Aqalka Cad ayaa kaadhka lagu galo kala laabtay wakiilka CNN ee Aqalka Cad saacado kaddib markii ay hadallo kulul is dhaafsadeen madaxweyne Donald Trump. Jim Acosta ayaa shir jaraa`id oo uu Trump shalay qabtay ku weydiinayay su`aal, markii shaqaale ka tirsan Aqalka Cad ay isku dayday inay makarafoonka ka qaaddo. Xoghayaha warbaahinta Sarah Huckerbee Sanders ayaa sheegtay in weriyahan kaadhka lagu galo Aqalka Cad lagala laabtay, sababtuna ay tahay inuu u gacan qaaday gabadh dhalinyaro ah. Acosta ayaa beeniyay eedeynta Sanders. Madaxweyne Trump ayaa ka hadlayay doorashooyinka dhexe ee dalkaasi, taas oo xisbigiisa uu ku waayay aqlabiyadda aqalka hoose ee Congress-ka, balse wuxuu kuraas ka helay aqalka sare. Maxaa ka dhacay shirka jaraa`id? Intii ay socdeen su`aalaha weriyeyaasha, ayuu Acosta kula loollamay adeegsiga Trump ee erayga “qabsasho” isagoo kala jeeda qulqulka muhaajiriinta ka imaanaya Ameerikada Dhexe ee galaya Mareykanka. Wuxuu sidoo kale kula loollamay xayeysiinta ka hortagga muhaajiriinta oo loo arkay inay tahay mid takoor ku saleysan. Markii uu Acosta isku dayay inuu su`aal ka weydiiyo baadhitaanka Ruushka ee faragelintii la sheegay inuu ku lahaa ololihii madaxtinnimada sanadkii 2016, ayuu Trump ku celceliyay “intaas ku jooji” isla markaana “makarafoonka dhig”. Gabadh ka tirsan shaqaalaha Aqalka Cad ayaa isku dayday inay makarafoonka ak qaaddo weriyaha, kaddibna Acosta ayaa diiday inuu u dhiibo isagoo ku yidhi “iga raalli noqo marwo”. Trump ayaa kaddib ka tegay masraxa, kaddib wuu soo laabtay isagoo yidh: “CNN waa inay ceebsataa inaad adiga oo kale uu u shaqeyso. Waxaad tahay qof xun oo xaasid ah.” Wuxuu intaas ku daray: “Sida aad ula dhaqantay Sarah Huckerbee [xoghayihiisa warbaahinta] waa si qaab daran,” isagoo aan sababta sharrixin. Weriye kale ayaa difaacay Acosta, isagoo ku sheegay inuu yahay “weriye fiican”. Trump ayaa u jawaabay, “hagaag taageere kuuma ihi adiga xitaa,” kaddibna waxaa is qabsaday qosolka dadkii goobta joogay. Muxuu Aqalka Cad yidhi? Sanders, ayaa qoraal ay dhigtay barta Twitter-ka waxay ku sheegtay in Aqalka Cad uusan marna u dulqaadan doonin inuu weriyuhu u gacan qaado gabadh dhalinyaro ah oo isku dayeysay inay shaqadeeda qabsato. Acosta ayaa isagana Tiwtter-ka ku sheegay in laga joojiyay gelidda Aqalka Cad. Maxay Acosta iyo CNN yiraahdeen? Acosta ayaa CNN u sheegay inuu weydiinayay su`aal uusan Trump jecleysan taas oo sababtay inay hadallo is dhaafdhaafsadaan. Wuxuu beeniyay inuu u gacan qaaday gabadha, isagoo yiri: “Waxaan isku dayay inaan makarafoonka haysto si aan su`aalo u weydiiyo madaxweynaha.” Wuxuu sheegay inuusan wax khalad ah sameynin, balse uu u maleynayo mid uu Aqalka Cad uga dan leeyahay inuu cadaadis ku saaro weriyeyaasha. CNN ayaa qoraal ay Twitter-ka soo dhigtay ku sheegtay in kaadhka weriyaha lagala laabtay ay aargoosi u tahay su`aalihii kululaa ee Jim Acosta. Ururka Weriyeyaasha ka soo warrama Aqalka Cad ayaa tallabadaasi ku tilmaamay mid aan sal lahayn, waxayna ugu baaqeen Aqalka Cad inuu degdeg uga laabto amarkaas. Source
-
khuburo ka socotay Hay,ada caalamig ah ee ladagaalanka dambiyada culus iyo Maandooriyaha ee Qaramada Midoobay, ayaa waxa ay booqdeen Maxaabiista Burcad badeeda ah ee kuxiran xabsiyada Puntland ,oo qaar kood xukunadooda dhamaystay. Wasiirka Wasaarada Cadaalada Diinta iyo Awqaafta dowladda Puntland Saalax Xabiib Jaamac ayaa shegay in ujeedka wafdiga ay u yimaadeen ay tahay sidii ay u soo kormeeri lahaayeen sandiiba mar xaalada Maxaabiista . Wasiirka ayaa sheegay in wafdiga ay ka wada hadleen sidii looga qafiifin lahaa xabsiga Maxaabiista uxiran falalka Burcad badeeda ah. Halkan ka dhegayso. Wasiir Xabiib Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah kasoo baxay taliska ciidamada AMISOM ayaa lagu sheegay in maxkamad lasoo taagi doono askartii dadka shacabka ahaa ku dilay xaafadda SOS ee magaalada Muqdisho. Qoraalka ayaa lagu sheegay inay ka xun yihiin sida ay wax u dhaceen, islamarkaana ay socdaan baaritaanka ku saabsan askarta falkaasi geysatay, kadibna maxkamad lasoo taagi doono. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa horey ula kulmay taliyaha ciidamada AMISOM isaga oo kala hadlay dhacdooyinka xanuunka badan ee ay geysanayaan ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u joogo Soomaaliya. Shalay ayay aheyd markii askar kale oo ka tirsan AMISOM ay rasaas ku fureen dad ku banaanbaxayay isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka careysnaa dhacadii afarta ruux ee rayidka ku dileen ciidamada ka socda dalka Burundi. Dhinaca kale dhacdo kale oo xanuun badan ayay ciidamada AMISOM ka geysteen magaalada Kismaayo, waxaana geystay falkaasi ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM. Askari ka tirsan ciidamada Jubbaland ayay ciidamada Kenya madaxa ka jiirsiideen “Dardarsiiyeen” gaadiidkooda dagaalka, waxaana isla goobta ku dhintay askariga ciidamada Jubbaland ka tirsan. Walow aan xog badan laga bixin qaabka askariga gaariga loo jiirsiiyay, ayaa haddana waxaa magaalada ka taagan xiisadda ka dhalatay falkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Koox burcad badeed Soomaali ah ayaa isku dayday in ay afduubato dooni ganacsi oo laga lahaa dalka Taiwan, xili ay maraysay biyaha Soomaaliya dhinaca bad weynta Hindiya. Kabtankii doonta iyo shaqaalihii saarnaa ayaa waxa u suurta gashay in ay ka bax sadaan kooxdii burcad badeeda ahayd . Ciidamada ilaalada xeebaha Soomalaiya ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay tooga sho ku dileen kooxdii burcad badeeda ahayd ee weerartay doonidaasi sida uu Warbaahinta u sheegay Ku-xigeenka Agaasimaha Hay’adda Kalluumeysiga ee Taiwan Lin Qo-ping . Sanadadii udambeeyay waxaa hoos udhacay weeraradii burcad badeeda ,kadib markii ciidamada NATO ay kordhiyeen howlhaladooda dhinaca ka hortaga burcad badeeda ah. Puntland ayaa ka mid ahayd meelihii ay aadka ugu badnaayeen kooxaha Burcad badeed ah , balse Madaxweynihii hore e Puntland C/raxmaan Faroole ayaa aad ula dagaalamay kooxdaasi ,wuxuuna dhisay ciidamada ladagaalanka Burcad badeeda PMPFta lo yaqaan . Source
-
Kismaayo, Nov, 8, 2018-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka caadiga ah ee Golaha Wasiirada. Ugu horayn Madaxweynaha ayaa faahfaahin ka bixiyay xaalada amniga Jubbaland iyo guud ahaan xaalada Soomaaliya. Madaxweyne ku xigeenka koobad Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka warbixiyay kulanka golaha amniga Jubbaland iyo waxyaabahii Todobadkan lagaga hadlay iyo qiimayn lagu sameeyay go’aamadii amni ee horay loo qaatay. Wasaarada qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ayaa soo gudbisay qaylo dhaanta la xiriirta sidii loogu gurman lahaa dadka ku nool qaar kamid ah Jaziiradaha iyo deegaan xeebeedyada Jubbada Hoose kuwaas oo xaalado adag ay ka jiraan iyadoo Wasaaradu ay ugu baaqday Dowlada iyo dhamaan dhinacyada kala duwan in ay gurmadkaas ka qayb qaatan. Dhinaca kale Wasaaradu waxay ka warbixisay kulamo iyo shirar dhex maray iyaga iyo deeq bixiyayaasha kulamadaas oo wali qabyo ah isla markana natiijooyin fiican laga gaaray. Wasaarada Amniguna waxaa ay ka warbixisay halka uu marayo shirka amniga Dowlad Goboleedyada dalka oo kasocda Magaalada Kismaayo kaas oo go’aan midaysan iyo istiraatijiyad mid ah lagaga qaadan doono xaaladaha amniga wadanka iyo dagaalka Al-Shabaab. Wasaarada Xanaanada xoolaha ayaa dhankeeda ka warbixisay siyaasada wasaarada oo laga qayb galinayo dhamaan dhinacyada howshan kamid ka ah si loo dardar galiyo hanaanka badqabka xoolaha iyo tayayntooda. Wasaarada Maaliayada ayaa dhankeeda soo bandhigtay halka uu marayo qorshaha dhismaha qaar kamid ah wadooyinka Magaalada Kismaayo iyadoo qorshahaas oo ay Wasaaradu garwadeen ka tahay meel marintiisa la iska kaashan doono sidii loo dardar galin lahaa isla markana howshu u bilaaban lahayd wakhtiga ugu macquulsan. Wasaarada Arimaha gudaha ayaa ka warbixisay kulan ay la qaateen masuuliyiin kasocotay ismaamulka wajeer ee wadanka kenya kaas oo lagaga hadlayay sidii iskaashi buuxa looga samayn lahaa dhinacyada amaanka waxbarashada Caafimaadka iyo isku socodka Bulshada iyadoo kulamo kale iyo safaro ay masuuliyiinta Jubbaland ismaamulkaas ay ku tagayaan. DHAMAAAAAD The post Shirka Golaha Wasiirada Jubaland oo looga hadlay qodobo kala duwan appeared first on Puntland Post.
-
Ciidanka Gaarka ah ee Liyuu booliska ee dawlad deegaanka Soomaalida oo si weyn caawimo ugu qaybinaya dadkii ku barakacay Dharkayn geeyo. Caawimadaas ayaa waxa ay qayb ka tahay gargaarkii uu soo diray Mdaxweynaha dowlada deegaanka somalida Mustafa Muxumud Cumar oo si toos ah gacanta ugu haya hawsha Maamulka ee Nabaynta ee labada Beelood . Kornayl Shugri Jaamac Muuse,iyo hogaanka nabad galyada iyo cadaalada ee Gobolka doolo Cabdilaahi Axmed Cabdi oo iyagu howshan maamulayey Iyo saarkiisha Ciidanka qaybohooda kaladuwan kuwaas qaybinayey gargaarka waxaana halkaas si weyn looga mahadceliyey Mdaxweynaha dowlada deegaanka somalida Mustafa Muxumud Cumar iyo guud ahaan qaybaha ay dowladu ka kooban tahay,, Kornayl shuri jaamac Muuse oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in ay adkaynayaan nabada waxana uu ugu baaqay beelaha walaaha ah in ay nabad galyada ilaaaliyaan. Puntlandi.com Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Khadar Xuseen Cabdi ayaa waxaa uu mid mid isku dultaagay dhaliilo ay leedahay xukuumada Muuse Biixi , taas oo uu sheegay in ay ku fashilantay hoggaamintii dalka. Sidoo kale Xoghayaha WADDANI ayaa sheegay in siyaasadii arrimaha dibada iyo arrimaha gudaha ee xukuumadda Muuse Biixi ay tahay mid fashilantey Somaliland –na qarka u saarantey inay xaafad xaafad u kala googo’do, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Madaxweynaha Puntland C/wali Cali Gaas , Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa maanta ku wada xiriiray Qadka telfoonka, iyagona ka arinsaday weerarka qaawan ee ay ku soo qaaday dowladda Soomaaliya mamaul goboleedyada dalka, iyadoo adeegsanaysa awood dhaqaale kuna tagri falaysa canshurtii shacabka laga soo uruuriyay. Madaxweyne yaasha ayaa lafilayaa in ay soo saaraan war qoraal ah oo ay kaga hadlayaan faragalinta siyaasadeed ee dowladda Soomalaiya iyo burburinta dowladaha xubnaha ka ah dowladda Soomaaliya . Golaha ayaa sidookale waxa ay ka hadli doonaan iscasilaadii Shariifka iyo Afhayeenkii Golaha Iskaashiga dowladd goboleedyada oo shalay isna iscasilay xubno muhiim ahna ka ahaa golahan. lama oga halka uu xalku ku dambayn doono . Lasoco wixii ku so kordha warkan. Source
-
Tan iyo intii ka dambaysay doorashadii 1993 Boorama ee lagu soo doortay madaxweyne Cigaal AHN, waxa ay doorashooyinku dib-u-dhaceen sannadihii 1995 iyo 2002. Duruufaha dib-u-dhacu way kala duwanaayeen, hasayeeshee marna waxa lagu dhaqmayey Axdi-qarameedkii Boorama lagu sameeyey marna waxa lagu dhaqmayey distoorkii aftida loo qaaday sannadkii 2001-dii. Wakhtiyadii nidaamka xisbiyada badani hannaqaaday waxa ay doorashadu dib-u-dhacday sannadihii 2008, 2015 iyo 2017. Sidii dib-u-dhacyadii hore oo kale ayaa la raacay qoddobada distoorka ee qeexaya iyo waxa la yeelayo markii doorashadu qabsoomi weyday, duruuf kastaa ha jirtee. Dib-u-dhacyadii doorashada ee wakhtigii madaxweyne Riyaale waxa jiray qaar ka tirsan hogaanka dhaqanka Soomaalilaan oo ku dhawaaqay waxa ay ugu yeedheen ‘SHIR TALO ISAAQ’, hasayeeshee xukuumaddii wakhtigaasi ayaa horjoogsatay oo qaarkood jeelasha ku gurtay, waayo distoorka ayuu ka horimanayey. Dib-u-Dhacyadii Doorashooyinkii Soomaalilaan Sannadkii 1995 Markii dawladdii Maxamed X. Ibraahin Cigaal lagu soo doortay magaalada Boorama horaantii Sannadkii 1993 ee ay dhammaatay muddadii xilka loo doortay oo ahayd muddo saddex sanno ah, balse uu socday dagaalkii Sokeeye ee bilaabmay dabayaqaadii sannadkii 1994-kii ayey Golaha guurtidu kulan ka yeesheen sidii loo qiimayn lahaa xaaladda dalku marayo. Waxaana la soo jeediyey inaanay marnaba dhacayn doorasho, maadaamo oo lagu jiro xaaladda amaan-darro ah. Faahfaahin ka eeg Buugga: Meerisyada Taariikhda 2014.. Cali Qoryooley. Kulankaasi golaha guurtida waxa ka soo baxay muddo kordhintii koowaad ee golaha guurtidu u sameeyaan dawladda Somaliland waxaana M/weyne Maxamed X. Ibraahin Cigaal loo kordhiyey muddo dhan sannad iyo badh. 1995-kii ilaa 1996-kii ayaa la kordhiyey. Horaantii sannadkii 1997-kii waxa loo dareeray doorashadii shir-Beeleedka ee ka dhacday Hargaysa gaar ahaan guriga shaqaalaha. Sannadkii 2001-dii Markii labaad ee muddo kordhinta loo sameeyey dawladdii M/weyne Maxamed X. Ibraahin Cigaal ahaa ahayd muddo dhan sannad. Taaso ka bilaabmaysay 2001-dii ilaa 2002-dii. Sidii hore oo kale sababaha loo cuskaday muddo kordhinta ay golaha guurtidu samaysay waxa lagu sheegay dhawr arrimood oo ay ugu mihiimsan yihiin Guddigii diiwaangelinta lama samayn, si dadka codaynaya loo ogaado Xuduudihii dalka lama wada gaadhin Xaalada dalka oo weli ku jirta amaan-daro, maadaama oo Burco lagaga dhawaaqay gole Salaadiin iyo siyaasiin isugu jirta. Markii ay Golaha Guurtidu arrimahaasi soo bandhigeen ayey go’aamiyeen muddo kordhintaasi. Sannadkii 2008-dii. Sannadkii 2003-dii ee la doortay M/weyne Daahir Riyaale Kaahin, muddo xileedkiisu wuxuu ku dhammaa 2008-dii. Markii ay soo dhawaatay wakhtigii doorashadu, ayay guurtidu kal-fadhi yeesheen lagaga doodaayey ajande ah muddo kordhin loo sameeyo xukuumaddii Daahir Riyaale. Go’aanka muddo kordhinta oo summaddiisu ahayd GG/JSL kal-fadhi 35-aad, go’aan Lr 04/2008-dii, soona baxay 13-kii Abriil 2008-dii, ujeedada kal-fadhiga ayaa ahayd muddo kordhin. Waxa madasha fadhiyay 65 xildhibaan oo guurti ah, waxa la gudo-galay cod u qaadistii, waxa oggolaaday 61 xubnood, waxa ka aamuusay 3 xubnood, waxaana diiday 1 xubin ah. Sidaasi ayaa xukuumaddii Riyaalae loogu kordhiyay ilaa 6-da May ee Sannadka 2009-ka. Sannadkii 2009-kii M/weyne Daahir Riyaale ayaa soo dalbay muddo kordhin dambe, balse wuxuu si xeeladaysan u soo dhigay muddo kordhin loo sameeyo. Warqaada dalabka ah ee M/weyne Riyaale soo qoray ayuu ku sheegay in la is-waafajiyo xilliga ay guddiga doorashooyinka u qabteen inay doorashadu dhacdo iyo sidii xukuumada sharci kursiga ugu fadhiyi lahayd. Laakiin golaha guurtida ayaa dalabkaasi kal-fadhi ka yeeshay, waxaana soo xaadiray 79 xubnood ka dib waxa la gudogalay cod u qaadis gacan taaga ah ee muddo kordhinta, 42 xubnood ayaa ogolaaday, 35 xubnoodna way diideen. Sidaasi ayay ku ansaxday muddo kordhintii labaad. Labadaasi goor ee guurtidu u kordhisay M/weyne Daahri Riyaale waxay u cuskadeen qodobka Dastuurka ee 83-aad, firqadiisa 5-aad ee qabsoomid la’aanta doorashada oo ay ku sababayeen nabadgeliyo daro awgeed iyo inaanu dalku ku dhicin bilaa dawlad. Sannadkii 2015-kii Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa guddi u saaray ka soo talo bixinta muddo kordhinta. Guddigani waxa ay ka koobnaayeen 19 xubnood oo ka tirsan Golaha Guurtida. Guddigii waxa ay soo saareen muddo kordhin ka kooban sannad iyo toban bilood, waxaanay toban bilood dheeraysiyeen wakhtigii ay hore u qabteen Guddiga Doorashooyinka Qaranku. Markii golaha la horkeenay wakhtigan muddo kordhinta way ansixiyeen. Waxaanay doorashadu dhacaysaabay yidhaahdeen sannadka 2017-ka bisha Juun. Halka ay Golaha Baarlamaanka u kordhiyeen laba sano. Waxa ay u cuskadeen qodobka Dastuurka ee 83-aad , firqaddiisa 5-aad ee qabsoomid la’aanta doorashada. Sidaasi ayey ansax ku noqotay. Sannadkii 2017-kii Iyada oo ay saddexda xisbi qaran hore isula gaadheen heshiish dhigaya in lix bilood loo kordhiyo xukuumada madaxweyne Siillaanyo, oo ku dhammaanayso bishii Oktoobar ee sannadka 2017, ayey arrintu u gudbubtay golaha guurtida. Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa guddi ka kooban 21 xubnood u saaray muddo kordhin labaad oo loo sameeyo golayaasha Soomaalilaan oo ay dhammaatay muddo-xileedkoodi. 74 mudane oo ka tirsan Golaha Guurtida ayaa u Codeeyay in 9 bilood la kordhiyo mudo Xileedka Madaxweynaha, iyo Madaxweyne ku xigeenka JSL. Yaas oo ka dhigan in Doorashada Madaxtooyada la qabto Bil ka hor Muddo Xileedka Madaxwaynaha Bisha November Isla Sanadkan 2017 ka. Guddigaasi waxa ay soo saareen arrimahan hoos ku qoran oo ay ku waafaqeen xubnihii golaha guurtidu: MUDDO KORDHINTA XUKUUMADA IYO GOLOYAASHA QARANKA JSL 1 Xukuumada 28/4/2017 ilaa 13/12/2017 2 Golaha wakiilada 28/4/2017 ilaa 28/4/2019 3 Golaha deegaanka 28/4/2017 ilaa 28/4/2019 4 Golaha guurtida 28/4/2018 ilaa 28/4/2020. Shir Talo Qaran In kasta oo aanay weli caddayn inuu dhici doono iyo in kale, haddana shirkani wuxuu u saansaan eegyahay Shir-Beeleedyadii hore looga soo gudbay oo dib loogu noqonaya, iyada oo distoorkii dalka lagaga dhaqmayey yaallo. Xisbiyaduna weli may qeexin nooca shirkani noqonayo, ajandahiisa iyo wuxuu kaga duwan yahay shir-beeleed. Xisbiyada magaca shirkan uga quruxbadnayn inay ugu yeedheen shir Xisbiyada mucaaradka. Cali Cabdi Coomay Suxufi, qoraa ah. Hargaysa, Soomaalilaan. Calicoomay@hotmail.com Source
-
Xogo Layaab Leh Oo Wargeyska FOORE Kasoo Ururiyey Xuquuqda Dadka Qoomu-Luudka Ah Ee Ilhaan Cumar U Ololayso Iyo Siday U Difaacayso (SLT-Hargeysa)-Haweenayda Dhallinyarada ah ee Soomaaliyeed ee lagu magacaabo Ilhaan Cumar oo taariikh weyn ka dhigtay waddanka Maraykanka kadib markii ay habeen hore ku guulaysatay Kursigii Aqalka Koongareeska Maraykanka ee ay u ordaysay kana soo baxday xisbiga Dimuquraadiga muddo bandanna lagu xamanayay in ay taageerto dadka u ololeeya in ay is guursadaan dadka isku jinsiga ahi iyo kuwa iska baddala qaabkii qofnimo ee Ilaahay marka hore u abuuray (Ragga naagaha iska dhiga iyo Haweenka ragga iska dhiga) ayaa muddo kooban kadib markii lagu dhawaaqay natiijada Doorashada ee ay ku guulaysatay waxa ay barteeda Xidhiidhka Bulshada ee Internetka ku baahisay qoraal ay ku sheegayso in ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuli doonto sidii ay ugu is-taagi lahayd xuquuqda dadka Qoomu-luudka ah. Ilhaan Cumar oo 34-jir ah noqotayna gabadha soo labaysa haweenayda Falastiiniyadda ah ee Rashiida oo sidaa ku noqonaya labadii gabdhood ee ugu horreeyey ee Muslimiin ah ee ka mid noqda Golaha Koongareeska Maraykanka ayaa marka laga yimaad hambalyo iyo bogaadin ay in badan kala kulmaysay Soomaalida iyo dadka Afrikaan Ameerikaanka ah ee ku dhaqan dalkaasi Maraykanka kadib waxa si gaar ah diiradda loo saaray Arrintan oo muddoba dad badani si hoose ula socdeen aadna uga walaacsanaayeen, waxaana fajac iyo amakaag noqotay markii ay si badheedh ah baraheeda Xidhiidhka Bulshada ee Facebook, Twitter iyo Instagram ugu baahisay qoraal luuqadda Ingiriisiga ku qoran oo macnihiisu yahay sidan: “Waxaan ku faraxsanahay dadaalkiina, dhammaanteen waan guulaysanay. Waxa aan ka shaqayn doonaa danaha qoysaskeena iyo sidii wax looga qaban lahaa arrimaha caafimaadka iyo guud ahaan Bulshada. Waxaan u dagaalami doonaa sidii aan ubadkeena ugu heli lahayn waxbarasho bilaasha h oo tayo leh oo ka madhan daynta. Waxa aan u dagaalami doonaa sidii aan Qaxootiga wax ula qaban lahaa sidoo kale xuquuqda Haweenka iyo Xuquuqda ay leeyihiin Dadka LGBTQ” ayay barteeda ku faafisay Marwo Ilhaan Cumar. Aan is waydiinee haddaba Wargeyska FOORE oo arrintan wax ka qoray waxa uu leeyahay, waa maxay LGBTQ?. Waa kelmad ka kooban xarfo la soo gaabiyey oo kelmad kastaa u taagan tahay macnaha eray oo ah sidan: “Lesbian, Gay, Bisexual, Transgender, Queer” oo macnahoodu Soomaali ku noqonayo: “Lesbian: Haweenka isku taga. Gay: Ragga Wax Iska Daya ee Qoomu-luudka ah. Bisexual: oo ah dadka sameeya galmada laba qof ah. Tusaale ahaan haweenay ay hal mar u wada tagaan laba nin ama Nin hal mar laba gabdhood galmo la sameeya ama sidoo kale Nin ay laba nin qoomu-luudnimo ula sameeyaan. Xarafka T ayaa isna u taagan kelmadda ‘Transgender’ oo ah dadka qalliinka isku sameeya ee ka guura abuurkoodii hore, tusaale ahaan ragga qalliinka lagu sameeyo ee laga dhigo gabdhaha. Ugu dambayn kelmadda ‘Q’ waxa loo soo gaabiyey ‘Queer’ oo ah dalladda ay ku bahoobeen kooxdani oo ah dallad u doodda xuquuqdooda la xidhiidha in ay sidan yeelaan ama ay dadku xaq u leeyihiin in ay galmo noocan ah sameeyaan ama jinsiga ay doonaan iska dhigaan. waxaana loo yaqaan kooxda QUEER Community (Bulshada QUEER). Ilhaan Cumar, waxa ay dalka Soomaaliya ka qaxday xilligii dagaallada Sokeeye iyadoo 8 sano jir ah. Muddo afar sano ah ayay ku nooleyd xerada qaxootiga ee Dhadhaab Kenya. Waxay Maraykanka tagtay iyadoo 12 sano jir ah. Sannadkii 2016 ayay u carartay xubin Baarlamaan oo heer State ah waxaana loo doortay xildhibaan Baarlamanka Minnesota ah halka habeen hore loo doortay Xildhibaan ka tirsan Koongareeska heer Federaal ee dal-weynaha Maraykanka. Ilhaan waxa ay mareegteeda gaarka ah ee Internet-ka oo ciwaankeedu yahay https://www.ilhanomar.com si waafi ah ugu faahfaahsay markii ay kaambaynka ku jirtay qorshayaasheeda ay ugu dooddayso uguna taagan tahay difaacidda xuquuqda kooxdan Qoomu-luudka ee loo yaqaano LGBTQ. LGBTQ waa urur heer caalami ah oo dalal badan oo adduunka ah ka dhisan gaar ahaan Yurub iyo Maraykanka waxaanay yihiin kooxaha u dooda xuquuqda dadka Qoomu-luudka ah ee raba in ay u wada noolaan iyaga oo isku jinsi ah. Waxaanay codkooda ku dhiibtaan in dawladuhu xeerer lagu ilaalinayo oo lagu taageerayo loo sameeyo. Dhawaan ayay ahayd markii isla Madaxweynaha Marayka laftiisu soo saaray amar ciidamada Maraykanka lagaga mamnuucayo qaar ka mid ah kuwan oo ah kuwa qalliinka isku sameeya ee baddala jinsigooda waxaase aad u taageera xisbiga Dimuquraadiga. Source
-
Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubalada hoose ayaa eedeen culus ujeediyay dowladda Fadaraalka Soomaaliya . Waxa uu sheegay in ay dowladdu ay awood u isticmaalayo bur burita dowladd goboleedyada Soomaaliya . Axmed Madoobe ayaa walaac ka muujiyay doorashada maamulka Koofur Galbeed, wuxuuna ka digay in rabshado ay ka dhacaan magaalada Baydhabo. “Wixii qaldama waxaa masuul ka noqon doonta Dowlada dhexe, sidaan hadii ay wax kusii wadaan bur bur ayey sababi doonta, mana jirto cid ay ka adkaan karaan ayuu yiri Axmed Madoobe. Source
-
Halisaha Jeegaantu Ku Hayso Somaliland Waxa Ugu Culus In Ay Muwaadiniintii Loo Kala Qaybiyay Super Jeegaan Iyo Inta Kale Oo Dhan Oo Ah Muwaadin Caadiya Dhibta Kala Qaybsanaantan Iyo Kala Fogaanshaha Keentay Waa DOORASHADII 2017 Ka Dacday Dalka Si Xisbiga Kulmiye U Guulaysto Ayaa La Ciyaaray Kaadhkan, Balse Waxa La Raaciyay ….. Oo Keenay Dilaacan Innagu Adkaatay Tolmadiisii ´Qoraal Kale Aynu Ku Xusi` Marka Qaranimada Laga Soo Daadago Waa La Tartamaa, Waxa Jira Meelo Lama Taabtaan ah Oo Aan La Dhaafin, Sida Ciyaaraha Feedhka Iyo Karate-ga Lama Ogola In Ciyaaroyga Laga Laago Wixii Ka Hooseeya Suunka Dhexda Ku Xidhanyahay , Sidaasay U Dhacday Doorashadii Ina Dhaaftay Waa Halka Abuurtay Guuxan Xooga Badan Labada Muwaadin Ee Kala Ah Super Jeegaan Iyo Muwaadinka Caadiga Ah Waxay Ku Kala Duwan Yihiin 1-Super Jeegaan Somaliland Wuxu u Hayaa Kalsooni Buuxda Iyo Inuu Helay Xaqii Muwaadinimo Oo Weli Wax Ka Maqan Yihiin, Fursadaha Soo Baxa Qayb Libaax Inuu Isagu Leeyahay !!! 2-Muwaadinka Caadiga Ah Wuxu Dareemayaa In Somaliland Laga Leeyahay Oo Jiro Dad Super Ah Oo Dadka Laga Horaysiiyo Fursadaha Soo Baxa Inuu Hadhaaga Keliya Leeyahay Labada Qaybood Qolo Kalsoonidooda Ayaa La Dhisay Duruufo Deegaan, Taariikheed ,Siyaasi , Xulafaysi Siyaasadeed, Qaranimadii Qolo Xarun u Noqotay…. Qaybaha Kale Labaad Oo Ah Muwaadintiinta Degta Somaliland Barri Ilaa Galbeed Majortiy Waxay Dareemayaan Kalsooni Yari Si Kastaba Ha Ku Timaadee , Siyaasi Keenay , Deegaan Fog Keenay, Taariikhiyii Keentay …. Xukuumada Muuse Biixi Waxa La Gudboon In La Soo Celiyo Kalsoonidii Muwaadinku Ku Kalsoonaa Dawladnimada Inaan Laga Lahayn Oo Ay Tahay Tiir U Dhaxeeya Dhamaan Dadka Oo Dhan In U Wada Jira. Muwaadinku Hadii Dareemo Kalsooni Daro Waxba Ma Qabsan Karo Waayo Awoodihiisa Oo Dhan Ayaa Istaaga, Maskax, Fikir, Muruq , Firfircooni, Jidh Iyo Culays Saarma Dhinac Walba. Maxamed Xoosh Source
-
(SLT-Hargeysa)-Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa maanta oo kale 8-da Bishan November waxa uu ula baxay Xuska maalinta cadaaladdarada Somaliland, waxaana uu ku tilmaamay maalintii ay Somaliland ka dhacday cadaaladdaradii siyaasadeed ee u xumayd, iyadoo uu sheegay inay ku beegan tahay maalintii laga hor istaagay garabkii uu hogaaminayay inay Shir ku qabsadaan Huteel Maansoor halka Faysal Cali Waraabe Oo Garabka kale hogaaminayay ay Xukuumaddu ciidan illaaliya iyo Huteel ugu deeqday. Qoraal Uu Jamaal Cali Xuseen Dhacdadan Kaga sheekeeyay oo Wargeyska Foore helay ayaa waxa uu u dhignaa sidan“Maanta oo kale November 8-deedii, sanadkii 2016, waxa Somaliland ka dhacay cadaalad daraddii ugu balaadhneyd ee weligeed soo marta xagga siyaasadda. Xisbigga UCID oo khliaaf ba’ani uu rigaadiyey ayaa gaadhay heer ay labaddii garab ee heshiisku dhex maray ee labadda shir kala qabsaday ayaa shirkii uu hogaaminaayey murashax Jamaal Cali Xuseen ay dawladda Somaliland oo ay madaxtooyaddii xilligaasi ka mamnuucday hotelka Maansoor in ay shirkooddii ku qabsadaan; halka ay xukuumaddii Somaliland iyo xisbigga Kulmiye ay hotelkii Faysal Cali Waraabe garabkiisu ku qabsanaayey shirka ay ilaalinayeen ciidanka Somaliland, oo uu weliba ka qayb galay gudoomiye ku-xigeenka xisbigga Kulmiye Maxamed Kaahin Ahmed imikana ah wasiirka arrimaha gudaha. Waxaa markii danbe dhacday in garabkii Jamaal Cali Xuseen ay shirkoodii ku qabsadeen geed hoostii iyadoo safaadadda Somaliland ay halkaasi joogtay”. Waxa kale oo uu yidhi“Runtii cadaalad daraddii lagu sameeyey murashaxii madaxweynaha ee Xisbigga UCID Jamaal Cali Xuseen wuxuu ahaa mid laga wada siman yahay oo ay Maxkamadda sare ee Somaliland iyo gudoomiyaheedda Aadan Xaaji Cali ay leeyahiin masuuliyaddeeda ugu horeysa, maadama ay si toos ah ugu badheedhtay in ay Jamaal Cali Xuseen oo laga baqanaayey doorashadda toos loogu badheedhay, iyagoo markii danbe xukunkii ay soo saareen ee ahaa in labadda garab shir beenbeen ah ay wadda qabsadaan, runtii indhaha ka qarsatay. Haddii xataa tooda loo raaco, marka xataa la eego xukunkii maxkamadda sare wuxuu ahaa in shir labadda garaba ay joogaan la sameeyo; taasi may dhicin ee Faysal Cali Waraabe ayaa intii dad ka soo urursaday meelahaasi yidhi waa golahii dhexe oo Jamaalna way tuureen, anigana way i doorteen”. Isagoo dhacdadan ka sheekaynaya ayaa waxa uu ku sii yidhi“Dalkeena waxaa ka dhacay arrin ugub ku ahaa oo taariikhda saameyn weyn ku noqon doona, una sababi kara burbur. Marka nin dhan oo gole dhexe ee Xisbi doortay oo hore saxaafadda horteena ku kala saxeexday heshiis, geliyey hanti, iyo dedaal badan, xisbigga u keenay murashaxiin iyo cod, oo 4 sanadood loogu yeedhaayey inuu murashaxa xisbigga ahaa in aayar oo dhalatay la yidhaahdo maaha murashaxa xisbigga, iyadoo sababta uu xisbigu u soo baxayba ay tahay in uu Jamaal cali Xuseen noqday murashaxa xisbigga. Taa waxaa u daliil ah sida uu xisbiga UCID ahaa, taasina Faysal Cali Waraabe ayaa horteena iyo Maxkamadda sare ka qirtay oo yidhi; ” Bakhtigaa noo xalaal ahaa kolkuu Jamaal noo yimid, anigaana golaha dhexe u codeeyey; laakiin waanu khiyaameynay”. Kolay waxaa la hubaa in Jamaal ama cid kale ay maalin ay noqotaba ka qori doonaan dadkii fuliyey cadaalad daraddaa dalka ka jirtana. Dad qaar shacabka kolkaad la sheekaysatid waxay qirayaan inay cadaalad daro weyn ay ahayd, dalkana waxyaalaha haysta uu kiiskaa Jamaal ugu weyn yahay. Jamaal Cali Xuseen oo dhawaan laga waraystay HCTV ayaa sheegay in cadlaad daraddii ugu weyneyd ay ku dhacday Jamaal iyo dadkii la soo halgamay oo runtii la dhacay oo ay Somaliland oo dhami iskugu tegtay”. Ugu dambayn waxa uu qoraalkiisa ku yidhi“Tolow muxuu noqon doonaa dadka arkaaya Jamaal ma ku soo dhiiran doonaan in ay dalka wax u qabtaan. Jamaal Cali Xuseen oo ka yimid shaqo weyn oo ka hastay caalamka ayaa imika u muuqda mid ka filaynin uu dalkiisa cadaalad daro sidaa u weyni ay kaga dhici karto”. Dhinaca kale maalintani waxa ay ku beegan tahay Maalintii Alle ha unaxariistee uu geeriyooday Madaxweynihii ugu horeeyay ee Somaliland Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur). Source
-
Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur n ayaa dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo waxa uu ku edeeyay in dhaqaalihii iyo hantidii umada ay u adegsanayo burburinta mamaul goboleedyada Soomaaliya. Waxa uu sheegay in Shariif Xasan uu noqonayo siyaasigii Afaraad oo ay dowladda dhaqaale u isticmaasho . Halkan ka akhriso qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook. “Shariif Xasan Sh Aadan waa siyaasiyigii afaraad oo iyadoo lagu takri falayo awooda, hantida iyo waqtiga qaranku leeyahay xilka laga tuuro. Cali Cosoble, Taabit Abdi, iyo Jawaari ayaa ka horeeyey. Caqliga oranaya hadii aad iga aragti duwan tahay xilkaan kaa tuurayaa, ama waan ku weerarayaa, amaba aflagaadaan kuu miisayaa ee dhaqanka u noqday kooxda talada haysa, ma aha oo keli ah in umadda uu ka khasaarinayo xoog, hanti iyo waqti ee wuxuu dhaawacayaa kalsoonidii iyo is-aaminkii shacabka ee sanidihii tegey geedi socodka gaabiska ah lagu soo dhisay” “Waxaa shaki lahayn in kooxdani xili ay tabar beeleen ay ka qoomamayn doonaan fal kasta oo maanta guul ugu muuqda markii ay maciin bidaan ragii ay is lahaayeen siyaaasada ayaad ka bixiseen ama waayahoodii u shalaayaan. Waxaa kaloo iyana hubaal ah in xadigga saamaynta khasaaraha iyo dhaawaca ay geysanayaan uu la ekaan doonto hadba inta uu fal celiskeenu yahay. Haddaba waa waajib Diini, Wadani, akhlaaqi ah oo dhamaanteen ina saaran in aan wiilashan xuurtaysan gacmaha qabano” Source
-
Musharaxiinta utartamaysa doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta waxa ay soo saareeb War-saxaafadeed ku aadan in dib loo digo doorashada Madaxweyne ee maamulka Koonfur Galbeed oo ku asteesneed 17 bishan. Muqtaar Roobo oo kamid ah Musharaxiinta ayaa soo dhaweeyay iscasilaada Shariifka , wuxuuna ku baaqay in la soo dhamaystiro gudigii doorashada oo intooda badan xilkii horay isaga casilay . Dowladda fadaraalka Soomaaliya ayaa maalmihii udambeeyay faragalin ku haysay doorashada Koonfur Galbeed , iyadoo Xildhibaanadii dooran lahaa Madaxweynaha loo daabulay Muqdisho,taas oo keentay in Shariif Xasan uu isga tago xilka . Madaxda maamul Goboleedyada Puntland, Jubaland , iyo Galmudug ayaa ku eedeeyay dowladda in ay qalalaasaha ka socda Koonfur Galbeed ay ka dambayso. Source
-
Beeraleyda ku dhaqan degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa ka cabanaya cudurro iyo cayayaan waxyeello u geystey Beerahooda. Maxamed C/raxmaan Matow oo ah guddoomiye ku xigeenka Beeraleyda Baardheere ayaa u sheegay Goobjoog in ay u baahan yihiin in laga caawiyo la dagaalanka cayayaankan iyo sidoo kale in gacan laga siiyo wax-soosaarkooda. Waxa uu tilmaamay in xilligan ay tahay waqtigii ay wax soo saaran lahaayeen, balse uu dhibaato badan ku hayo cayayaan. Dowladda federaalka, Jubbaland iyo hay’adaha qaabilsan arrimaha beeraha ayuu ugu baaqay iney gurmad usoo sameeyaan beeraleyda Baardheere. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Beeraleyda-Baardheere-oo-ka-Cabanaysa-Cuduro-iyo-Cayayaan-wax-yeelo-u-geystey-BeerahaOK.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Qaar ka mid ah waxgaradka K/galbeed ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Baydhabo ee gobolka Baay waxay kaga hadleen arrimo ku aadan doorashada madaxweyne ee maamulkaasi. Waxa ay sheegeen in marnaba aan la aqbali doonin dib u dhac ku yimaada doorashadaasi oo ay sheegeen in loo baahan yahay in lagu qabto waqtigii loo ballamay. Qaar ka mid ah waxgaradkii hadlay ayaa ka hor yimid hadalkii dhowaan ay sheegeen golaha dhaqanka K/galbeed, kaasi oo ahaa in dib loo dhigay doorashada madaxweyne ee maamulkaasi. Siyaasadda K/galbeed ayaa maalmahan dambe ahayd mid aad u qasan, iyadoo dowladda dhexe lagu eedeeyey iney faragelisay arrimahaasi. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Odayaasha-Koofur-Galbeed-Oo-Ku-Baaqay-Doorashada-In-Xiligeedi-Ay-Dhacdo.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose lagu soo gabagabeeyo shirka amniga ee dowlad goboleedyada. Waxaa shirkan ka qeybgalaya wasaradaha amniga ee dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo sidoo kale K/galbeed. Waxa uu daba socdaa shirkan mid ay madaxda maamullada ku yeesheen magaalada Garoowe, iyadoo ulajeedka ugu weyn yahay sidii loo dhisi lahaa ciidamo gaar ah oo maamulladan leeyihiin. Sida qorshaha uu yahay, waxaa la filayaa in laga soo saaro shirkan war-murtiyeed ku saabsan waxyaabihii laga wada hadlay. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Wasiirka-arimaha.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Qaxootiga Yemen ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya xaalad adag oo dhanka nolosha ah iyo sidoo kale shaqo la’aan. Qaar ka mid ah qaxootigan oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in duqa Muqdisho uu ka joojiyey shaqo nadaafadeed oo ay ka hayeen degmada Shibis. Waxa ay sheegeen in Soomaaliya ay marti u yihiin, una baahan yihiin in si wanaagsan loo soo dhoweeyo, waxna loo qabto. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Qaxootiga-dalka-yaman-ee-kunool-Magaalda-muqdisho-ayaa-dalbanaya-in-Ay-helaan.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com