-
Content Count
206,925 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Saax-dheeg)Ciidamadda Booliska Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa kaalmo u qaybiyay dadkii ku barakacay dagaal Beeleedkii dhawaan ka dhacay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool, deeqahan oo isugu jiray, Bustayaasha dhaxanta, Gogol, Rashiin iyo cuntooyin kale. Dadka Caawimada loo qaybiyay ayaa ku sugan magaalooyinka Dharkayn Geenyo iyo Saax-dheer oo xadka ku yaalla. Caawimadan ayaa waxa bixiyay madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar. Geesta kale wuxuu Madaxweyne Mustafe Cagjar soo diray Ciidamo suga ammaanka oo ku sugan degaanka ay ku dagalameen Beelihii walaalaha aha ee Baharsame iyo Qayaad. Somalilamdtoday/Hargaysa/Office Source
-
(SLT-Hargeysa)-Taliye ku xigeenka ciidammada Itoobiya General Berhanu Jula ayaa sheegay in dowladiisu ay qorsheyneyso inay ka dhisato saldhig millatari oo ciidamada badda ah kana dhisato Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Isagoo la hadlayay saxaafada dalka Itoobiya ayuu sheegay Janankan in Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ay ka go’an tahay in Itoobiya ay dhisato ciidamo xoog leh oo ku wa badda ah kuna hubeysan qalab casri ah General Berhanu ayaa sheegay in Itoobiya ay tahay dal weyn ayna haysato ciidamada ugu xoogga badan ee qaarada Afrika, sidaa darteedna uu hogaamiyaha dalkaasi uu qorsheynayo dhismaha ciidamada badda. “Inkastoo aan lahayn dhul badda ku dhegen balse waxaan aad ugu dhow nahay Badda cas iyo Badweynta Hindiya, hadda waxaan aragnay in ay jiraan wadamo jecel in aan ka dhisano saldhigyo ciidamada Badda ah gudaha dalalka Somalia,Djibouti, Puntland iyo Eritrea saldhigana waxaan ka dhisi karnaa meel ka fog xeebta illaa 60km.”ayuu yidhi General Berhanu. General Berhanu ayaa intaa ku daray in ay si aad ah u daneynayaan Badda Cas maadaama ay wax ka kala soo degaan kana dhoofsadaan. “Waxaan kala tashaneynaa wadamada kale dhismaha iyo awooda uu ciidanku yeelanayo,wadamada kulaala Badda Cas iyo Badweynta Hindiya waxay siiyaan saldhigyo ciidamada badda ah dalal kale, sidaa darted waa go’aan istiraatiiji ah in ay Itoobiya ay sameysato ciidamo xoog leh oo kuwa badda ah.”ayuu yidhi Jananka. Warkan ka soo yeedhay taliye ku xigeenka ciidamada Itoobiya ayaa intaa ku daray in ayna ahayn mid la qaadan karo in Itoobiya oo shacabkeedu Boqol malyan gaadhayo aysan lahayn ciidamo bad balse wadamo kale oo meel fog ka imanayo ay gobolka ku yeeshaan saldhigyo ciidan. Tan iyo sannadkii 1991dii oo ay Eritrea ka go’oday wadanka Itoobiya ma jirin ciidamo Itoobiyaan ah oo ah ciidamada Badda. Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Ugu yaraan labo ruux ayaa ku geeryootay, mid kalena wuu ku dhaawacmay kadib markii Qarax gaari uu galabnimada maanta oo Khamiis ah uu ka dhacay nawaaxiga Maqaayada London, ee degmada Xamar-wayne ee Muqdisho. Saraakiisha amniga ayaa xaqiijiyay in Qaraxa oo ka dhashay Miino lagu soo xiray gaari uu lahaa Xilldhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowlad goboleedka HirShabelle, kaasi oo lagu magacaabo Cabdiweli Maxamed Ibrahim Xilldhibaan Cabdiwali iyo Darawalkiisa ayaa la hubiyay ay ku dhinteen weerarkaan, xili ruuxa kale ee dhaawacmay uu yahay Shacab, kaasi oo ka akdhawaa meesha ay wax ka dhaceen oo ahayd mid mashquul ah. Ma jirto koox dhabarka saaratay masuuliyadda Qaraxan, oo qayb ka h falalka lagu khal-khal gelinayo nabad-gelyadda magaalo madaxda dalka, oo amnigeeda uu soo hagaagayey mudooyinkii ugu dambeeyay. The post Xilldhibaan lagu dilay Qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Yasiin Xaaji Maxamud Xiir Faraton ayaa la wareegay dhisme laba qol ah oo meherado ahaa oo ku yaalay wajhada xafiiska Waxbarashada Gobolka Galbeedka Maroodi Jeex. Dhismayaashan oo uu hore Wasiirkii hore ee Wasaarada Waxbarashadda Md. Cabdilaahi Ibrahin Habane u siiyay Afhayeenka Wasaarada Waxbarashada, Md. Cabdilaahi Ibrahin Xaaji Xasan. Dhismaha labadan qol oo dhismay xiligii xukuumadii madaxweyne Siilaanyo, bal xidhaa ayaa Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Yasiin Xaaji Maxamud Xiir Faraton horjoogsaday in la furo toddabaadkii hore. Wasiirka ayaa soo saaray qoraal uu ku tixraacayo qoraalkii hore loogu oggoladay meheradahan Afhayeenka Wasaarada Waxbarashada, Md. Cabdilaahi Ibrahin Xaaji Xasan, isaga oo ogaysiiyay hay’adaha amniga, Wasaarada Hawlaha Guud iyo Madaxweynaha Somaliland. Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaarada Waxbarashada, Md. Cabdilaahi Ibrahin Xaaji Xasan ayaa isna qoraal uu kaga jawaabay qoraalka Wasiirka, ayaa sheegay in uu hore ugu dhistay dhismayaashan oggolaansho Wasiir, maantana uu oggolaaday in uu aqbalo go’aanka joojinta ah ee Wasiir Faratoon, waxaana uu ugu mahadnaqay Wasiirkii hore ugu oggolaaday, kadib codsi uu u soo qortay. Hase yeeshee Afhayeenka Wasaarada Waxbarashada Md. \Xaaji Xasan waxa uu ku dooday in uu dhismayaashaa maalgaliyay Ganacsade Wasaaradda Waxbarashada dhiirrigalin ka mudan oo horana afar fasal si mutaddawacnimo ah ugu dhisay Dugsiga sare ee haatan xidhmay ee Suldaan Maxamed, sidaas darteed ay muhiim tahay in Dawladdu meel saarto hantidii meesha ka gashay ganacsadaha. Sidoo kale Cabdillaahi Ibraahin waxa uu ku dooday in ay xaaraan tahay in qof muwaaddin ah oo maalgaliyay tacliinta dalka lagaga daba yimaaddo laba meheradood oo dhismay wakhtigii Xukuumadii Siilaanyo maadaama ay Wasaarad kasta ku dhex yaalaan meherado ganacsi. Cabdilaahi Ibraahin Xaaji Xasan oo ka mid ahaa ragii run iyo beenba ugu soo ololeeyay doorashadii Madaxweyne Muuse Biixi ayaa tan iyo intii ay xukuumadani dhalatay waxa muuqday inay dhawr jeer ismaandhaafeen, iyada oo xukuumadu miisaaniyada ka saartay, isla markaana xidhay gebi ahaanba dugsigii Suldaan Maxamed oo uu Cabdilaahi gacanta ku hayay, mar kalana xabsiga u taxaabtay afhayeenka, kadib markii loo qabsaday hantidii madaxweynuhu balanqaaday xiligii doorashada ee deyrka dugsiga Suldaan Maxamed. Sida kastaba ha ahaatee lama saadaalin karo sida ay meheradahan lala wareegay u saamayn doonaan dareenka dadweynaha maadaama ay iminkadanba dugsiga sare ee Maxamud Axmed Cali uu ka socdo dhismaha meherado u jeeda laamida tagta madaarka, iyada oo markii horana meesha lagu bixiyay in laga dhisayo dabdamis. Source
-
Xildhibaan ku dhintay qarax gaarigiisa loogu xiray Muqdisho
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Xildhibaan katirsan Baarlamaanka maamulka Hir Shabelle ayaa qarax gaarigiisa loogu xiray magaalada Muqdisho. Qaraxaasi ayaa waxaa uu ka dhacay agaarka beerta nabadda ee Magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay Xildhibaan Cabdiwali maxamed Maxamuud oo kamid ahaa baarlamaanka maamulka Hirshabeelle waxaana qaraxaasi sidoo kale ku dhintay darawalkii gaariga waday. waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay labo kamid ahaa dadkii la socday xildhibaanka. Faah Faahinta dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaan ku dhintay qarax gaarigiisa loogu xiray Muqdisho appeared first on Puntland Post. -
(SLT-Hargeysa)-Ciidammada Booliska Deegaanka Soomaalida ayaa kaalmo u qaybiyay dadkii ku barakacay dagaal Beeleedkii dhawaan ka dhacay deegaanka Dhumay ee koonfurta gobolka Sool. Dadka Caawimada loo qaybiyay ayaa ku sugan magaalooyinka Dharkayn Geenyo iyo Saax-dheer. Caawimadan ayaa waxa bixiyay oo dadkii colaada ku barakacay madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar. Source
-
Madaxweynihii Iscasilay ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheikh aaden ayaa Diyaarad khaasa waxay u qaadey Naiorbi. Wax tafaasiil ah kama uusan bixin Safarkiisa iyo Mustaqbalkiisa Siyaasadeed. Warar maanta Puntlandi heleen balse aan wali rasmi ahayn ayaa waxay sheegayaan in Shariif Xasan uu Muqdisho kusoo laaban doono halkaasoo uu diyaar ugu yahay Kursi ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya. Wararku waxay sheegayaan in Nin ay aad isigu dhowyihiin uu booska xildhibaanimada u baneyn doono sidaasna uu Shariif Xasan uga mid noqon doono Xildhibaanada Federaalka Soomaaliya. Puntlandi.com Kismaayo Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax loo adeegsaday gaari lagu xiray waxyaabaha qarxa oo galabta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Qaraxaan ayaa waxa uu ka dhacay afaafka hore ee maqaayada London Gate oo u dhow hotel-ka Muna oo ku yaalla degmada Xamarweyne ee gobolkan Banaadir, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen goobjoogayaal. Xogta aan heleyno ayaa muujineysa in baabuurka uu watay xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibraahim Kabxanley oo ka tirsan baarlamanka HirShabelle, kaasi oo la sheegay inuu qaraxa ku dhintay. Dad gobjoogayaal ah ayaa Caasimada Online waxay u sheegeen in gaariga uu ahaa mid qaraxa lagu xiray, islamarkaana markii uu marayay afaafka hore ee maqaayada London gate Uu qarxay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Gudoomiyaha Gobolka Sool ee Puntland Abuurkar Cabdi Geele ayaa sheegay in maal mahan magaalada Laas-caanood ay ku soo qul qulayeen xubno ka tirsanaa mamaulka Jeegaanta oo uu hogaaminayay Wasiirka arimaha gudaha ee maamulka Hargaisa Maxamed Kaahin. Waxa uu shegay Gudoomiyaha in wafdigan ay Laas-caano u yimaadeen sidii ay ucarqaladeen lahaayeen Nabada laga dhex wado beelihii dhawaan ku deegaanka Dhumey ,oo ay markii horeba ay ka dambeeyeen. Waxa uu sheegay in Nabadeenta dadkii ku dagaalamay deegaanka Dhumey ay utaalo xalinteeda Isimada dhaqanka ee Puntland iyo dowladda . Halkan ka dhegayso. Gudoomiyaha Sool Puntland Source
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ku wajahan dalka Itoobiyo. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa bari oo Jimco ah in ay u amba baxaan magaalada Gondar ee dhacda gobolka Baxar-Daar ee dalka Itoobiya. ayaa lagu wadaa inuu Berrito oo jimaca ah u ambabaxo Magaalada Gondar, Gobolka Baxar-daar ee Dalka Itoobiya. Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu halkaasi uga qeeybgalo shir sadax geesood ah oo dhexmari doono Itoobiya Ereteria iyo Somalia. Kulankaasi waxaa ka qeeybgalaya Ra’isilwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Madaxweynaha Eretrea Isaias Afwerki Madaxweyne Farmaajo waxaana looga hadlayaa natiijooyinkii ka soo baxay heshiiskii kal hore lagu kala saxiixday Asmaro. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Magaalada Gaalakcyo waxaa lagu qabtay kulan ku saabsanaa is dhexgalka dadka deegaanka iyo Barakacayaasha ku nool magaalada Gaalkacyo. Ujeedada kulanka ayaa ahaa sidii ay bulshada uga wada faaiidaysan lahaayeen Adeegyada aasaasiga ah , sida Waxbarashada Biyaha iyo Caafimaadka oo uu Amnigu ugu horeeyo. kulanka ayaa waxaa daah furay Gudoomiye kuxigeenka gobolka Nugaal . Halkan ka dhegayso. Gudoomiye kuxigenka gobolka Nugaal Source
-
(SLT-Hargeysa)-Khilaaf culus ayaa ka dhex aloosan Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Somaliland Axmed Daa’uud iyo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi kaasi oo salka ku haya arimo door ah oo dhinaca shaqada ah kaasi oo gaadhay heer Madaxtooyo, islamarkaana meel walba ka dhacay oo illaa hadda loo maare laayahay. Xogoha Wargeyska Foore helay oo lagu baahiyay Shabakada Wararka ee Caroog.net ayaa daaha ka rogtay in Marka hore uu Xisaabiyaha Guud ee Qaranku Axmed Daa’uud uu warbixin ka sameeyay hoos u dhaca Miisaaniyadda Qaranka oo aad hoos ugu sii socota islamarkaana laga shaki qabo inay fashilanto odoros miisaaniyadeedkii sanadkani 2018-ku, marka loo eego xaalada jirta waxaanay taasi keentay inuu Wasiirka Maaliyaddu kaga jawaabay inuu goor habeenimo ah soo saaro Qoraal uu iskugu shaandheeyay Madaxda sare ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud taasi oo uu Xisaabiyaha Guud ganafka ku dhuftay kuna dooday inaanu Wasiirka Maaliyaddu awood sharci u lahayn islamarkaana ay tahay Farogalin maamul, Taasi oo uu qoraal ku faah faahiyay, kuna wargaliyay Shaqaalihiisu inaanay dheg jalaq u siin Wasiirka ee ay sidoodii caadiga ahayd iskaga shaqaystaan. Sida Xogtan lagu baahiyay, Khilaafka marka hore ka curtay war warka ku saabsan hoos u dhaca miisaaniyadda ee uu hore iftiimiyay Xafiiska Xisaabiyaha Guud oo ah goobaha laga ogaan karo hoos u dhaca Miisaaniyadda iyo Kor u kaca, ayaa waxa ka horeeyay xog hore oo uu Wasiirka Maaliyaddu u gudbiyay Madaxtooyadda taasi oo uu ku sheegay inay miisaaniyaddu gashay korodh (Surplus), Waxaanay arintaasi keentay in Madaxweynuhu gudi heer wasiiro ah u saaro kuwaasi oo illa hadda gacanta ku haya baadhisteeda balse warar kale ayaa iftiimiyay in gudidaasi iyo Wasiirka Maaliyadda laftooda khilaaf ka dhex istaadhmay kadib markii ay Gudidaasi isku dayeen inay Su’aalo ka waydiiyaan Wasiirka Xaaladda jirta,waxaanay wararku intaasi ku dareen in Xaalku taagan yahay Madaxtooyad islamarkaana ka go’aan gaadhista arimahaasi hor yaalaan Madaxweynaha. Isku shaandhayntan Khilaafka sii horisay ee uu Wasiirka Maaliyaddu ku sameeyay Shaqaalaha Xisaabaadka guud oo uu kujiro Ku xigeenkii Xisaabiyaha Guud Keyse Maxamed Cabdilaahi ayaa waxa ka muuqata cadho iyo aargoosi, waxaanu shaqo badel ku sameeyay sida dad badani carabka ku badinayeen qaar ka mid ah Shaqaale Xirfad sare oo aqooneed lagu shaqaalaysiiyay waxaana ka mid ah Madaxda Xafiiska gaarka ah ee EAFS oo ah goob si gaar ah ula shaqaysa Xafiiska Xisaabaadka Casriga PFM-ka, kuwaasi oo wax ka badelkoodu yaab iyo ama kaag ku dhaliyay guud ahaan Xafiiska Xisaabiyaha Guud. Khilaafka Wasiirka iyo Xisaabiyaha Guud waa mid wali taagan, waxaanay shalay oo u dambaysay dhawr jeer iskugu yimaadeen Kulan balse wax heshiis ah lama sheegin. Lamana garanayo halka uu khilaafkaasi iskugu biyo shuban doono iyo inuu Wasiirku ka noqdo Talaabada uu qaaday oo ka hor imanaysa Xeernidaamiyaha Xukuumadda Muuse Biixi. Keebaa Khaldan Ma Wasiirka, Mise Xisaabiyaha Guud? (Bal Xeerkan Madaxweyne Akhri). bishii 03/06/2018 sanadkan aynu ku jirno waxa uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Soo Saaray Xeer Madaxweyne oo ay sumadiisu ahayd Lr.03/062018 kaasi oo uu ku bayaamiyay madax Madax Bannaanidda Xafiiska Xisaabiyaha Guud Ee Qaranka Somaliland. Waxa uu qoraalka Xafiiska Maddaxweynaha ka soo baxay u dhignaa sidan “Markaan arkay Qodobka 90-Aad ee Dastuurka Jamhuuridda Somaliland. Markaan arkay qodobka 18-Aad, Farqadiisa 1-Aad iyo 2-Aad. Qodobka 65-Aad Farqadiisa 2-Aad ee Xeerka kala xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’addaha madaxa bannaan, Xeer lr 71/2015. Markaan Arkay: Qodobka 7-Aad, farqadiisa 5-aad ee Xeer nidaamiyaha Dhismaha Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Xukuumadda, Xeer Lr 01/2018. Markaan arkay: Qodobka 20-aad ee Xeerka maamulka Maaliyadda iyo Xisaabaadka Qaranka. Markaan Tixgaliyay Muhiimadda ay Dhismaha Qaranka u leedahay Madax bannaanidda Xafiiska Xisaabiyaha Guud. Waxaan Go’aan Saday: Anigoo ka duulaya Qodobka Sharci ee kor ku xusan,in laga bilaabo taariikhda maanta 21/06/2018 uu Xafiiska Xisaabiyaha guud ee Dawladdu u madax bannaan yahay Gudashada Waajibaadkiisa shaqo (Maamul iyo Maaliyadba), islamarkaana waxa uu yeelan doonaa Miisaaniyad u gaar ah. Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qaranku Waxa uu xidhiidh wada shaqayneed(Line Minister) la yeelanayaa Wasaaradda Horumarinta maaliyadda. Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane, Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa inuu Berrito oo jimaca ah u ambabaxo Magaalada Gondar, Gobolka Baxar-daar ee Dalka Itoobiya. Madaxweynaha ayaa halkaasi kaga qayb geli doona Shir Saddex geesood ah oo uu halkaasi kula yeelanayo Ra’aysul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eretrea Isaias Afwerki, sida uu Warbaahinta u sheegay Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdinur Maxamed Axmed. Kulankan ayaa waxa uu isku xirayaa natiijooyinkii kasoo baxay heshiiska Shirkii is-dhex galka dhaqaalaha ee ay Waddamada Gobolka ku yeesheen Magaalada Asmara ee Dalka Eretrea Laba Bil ka hor. The post Madaxweyne Farmaajo oo Berrito u safraya Dalka Itoobiya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Aqoonyahanno ka kooban 24 xubnood ayaa soo saaray baaq ku aadan faraggelin ay shegeen in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ku heyso doorashada Koonfur Galbeed. Qoraal ay soo saareen ayey ku sheegeen in isbadalkii ka dhacay guddiga doorashada kadib ay dowladda federaalka ah isticmaaleyso waddo qaldan oo intii ay ka shaqeyn laheyd dimoqoraadiyadda iyo sareynta sharciga ay isku dayeyso inay saameyso natiijada doorashada. Aqoonyahankan waxaa ay walwal ka muujiyeen in “faraggelintaas sharci-darradaha ah ay dadka ka hor istaageyso inay doortaan qof ikhtiyaarkooda ah iyo inay horseedi-doono fowdo iyo colaad” Qodobbada Ay Dowladda Federaalka Ah Ku Eedeeyeen: 1. Dowladda federaalka ah waxaa ay isticmaaleysaa jid qaldan oo ku carqaladeynso doorashada iyada oo soo saareysa murashaxa ay wadato, waa intii ay ilaalin laheyd sharciga, arrintaas waa dib u soo celin kartaa colaado hubeysan. 2. Waxaa jira warar sheegaya inay murshaxiinta qaar la shakigelinayo heybtooda si aaney ugu tartamin doorashada koonfur galbeed. 3. Is-casilaadda guddoomiyaha doorashada, ku-xigeenkiisa, afhayeenka waa faraggelin qaawan oo lagu sameeyey hannaanka doorashada. 4. War-murtiyeedka odayaasha dhaqanka oo ay dib ugu dhigeen November 17, 2018 iyo xildhibaannada Muqdisho la geeyey si loo laaluusho dhammaan waa taktiko ay dowladda isticmaaleyso si murashaxeeda u soo baxo. 5. Waxaa jira war-murtiyeed ay soo saareen murashaxiinta isbadal-doonka oo dowladda ku eedeeyey faraggelin, qaraabeysi iyo codad la iibsado, si uu u soo baxo murashaxeeda. 6. Iscasilaadda madaxweynaha koonfur galbeed iyo inuu tanaasulo waa cadaadis ay saartay dowladda federaalka ah si ay isbadal ugu sameyso nimaadka, laakin waxaa ay aheyd in isbadalka ku yimaado qaab dimoqoraadi ah. Ugu dambeyntii, waxaa ay ugu baaqeen dhammaan dhinacyada inay ixtiraamaan dimoqoraadiyadda, doorashadana u dhacdo qaab hufan. In doorashada u dhacdo si waafaqsan dastuurka koonfur galbeed, In guddiga doorashada ay shaqadooda wataan iyada oo aaney faraggelin dowladda federaalka ah. Waxaa Saxiixay Qoraalka: 1- Prof. Abdi Mohamed Kusow, Michigan, USA 2- Prof. Mohamed Haji Mukhtar, Georgia, USA 3- Hon. Mohamed Ali Hamud, former Finance and Foreign Minister, Australia. 4- Dr. Mohamed Hussein Moalin, Norway 5- Prof. Mohamed Ali Kalay, Baidoa, Somalia 6- Hon. Sadiq Abdullahi Abdi, Former Minister of Public Works, Minnesota, USA 7- Hon. Abdirashid Abdullahi, Former Minister of Defense, Baidoa, Somalia 8- Subaida Mohamed Mukhtar, Former Secretary General of Banadir Administration 9- Hon. Famey Mohamed Nur, London, UK 10- Mohamed Ali Aden, (Wanaag)Toronto, Canada 11- Yasin Abicar, journalist, Toronto, Canada 12- Hassan Adam Hosow, Edmonton, Canada 13- Sharif Mohamed Haji, Edmonton, Canada 14- Awes Sheikh Muheidin Amin, Melbourne, Australia 15- Aden Batar, Salt Lake, Utah, USA 16- Hassan Ibrahim Aden, Trondheim, Norway 17- Fawsi Abdinur, Southwest Scholars Council, Baidoa, Somalia 18- Abdulkadir Bulle, Southwest Scholars Council, Baidoa, Somalia 19- Kassim Mohamed, Southwest Scholars Council, baidoa, Somalia 20- Luul Isaaq Aden, Civil Society, Baidoa, Somalia 21- Isack Hassan Hussein, Melbourne, Australia 22- Abdullahi Haji Ali, Dubai, UAE 23- General Mohamed Atosh, Melbourne, Australia 24- Abdirashid Haji Hassan, London, United Kingdom
-
(SLT-California)Booliiska dalka Maraykanka ayaa sheegay in ay ka jawaabayaan warar sheegaya rasaas lagu furay baar ku yaalla gobolka California ee dalka Maraykanka. Ilaa iyo hadda wararkii u danbeeyay ayaa sheegaya inay dhimashadu marayso 13-ruux oo uu ku jiro Qofkii Dadka laayay. Tiro intaas ka badana ah way ku dhaawacmeen baarka Borderline Bar and Grill Muuqaal laga baahiyay warbaahinta gudaha ayaa muujinaya dad laga sii wado goobta uu shilku ka dhacay, kuwaas oo ay u badan tahay in ay dhaawacyo xabbad qabaan. Booliiska ayaa dadka ka dalbaday in ay isaga fogaadaan goobta rasaasta laga soo sheegay. Source
-
The events unfolding in the last few days, including the divisions among the stakeholders, ahead of the upcoming presidential election in Somalia’s Southwest State have the potential to lead to violence. The United Nations Mission in Somalia (UNSOM) calls on all parties and stakeholders to work together to ensure that this Somali-owned electoral process proceeds in accordance with the established rules and avoids any behaviour which may lead to conflict or undermine the integrity of the electoral process. “With this election being the first in a series to be held around the country – both at the regional level next year and national level in 2020 – there is a real need to set the precedent for credible and peaceful electoral processes,” said the UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia, Nicholas Haysom. “I note that Somalia’s international partners had expressed similar hopes and concerns in November 2016 during the country’s federal parliamentary elections, when it called on all stakeholders to collaborate in ensuring a positive outcome.” “I am confident that, in keeping with their tradition, Somali leaders will find a solution, through dialogue, to the issues surrounding this electoral process. An electoral process that is transparent, enjoys broad consensus on the rules governing its conduct, and is free from irregularities can only promote widespread acceptance of the results, and avoid violent confrontations at or after polling,” added Mr. Haysom, who also serves as UNSOM’s head. The regional assembly of South West State is due to hold a presidential election on 17 November. Similar votes will take place in the Federal Member States of Puntland and Jubaland in 2019.
-
Faah faahinno ka soo baxaya qarax ka dhacay Ceelasha Biyaha
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Ciidamo ka tirsan kuwa DFS barqanimadii maanta lagula eegtay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday Gaari nuuca raaxada ah oo ay la socdeen Askar ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Waxaana la sheegay in qaraxu ka dhacay agagaarka Saldhigga deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose. Ugu yaraan illaa 2 Askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, sida xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan halkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan qaraxaasi, mana jirto cid sheegatay masuuliyaddiisa. Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro dhabagal ah ku qaada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Faah faahinno ka soo baxaya qarax ka dhacay Ceelasha Biyaha appeared first on Shabelle. View the full article -
An investigation is underway into the billions of euros missing from Belgian banks that belonged to the late Libyan strongman Muammar Gaddafi. This comes after Belgian authorities were accused of paying out interest and dividends on Libyan frozen bank accounts. Belgium is now under fire to explain why unknown recipients received millions of euros from these frozen accounts in Brussels. “UN documents confirm that Belgium failed to comply with a UN resolution on freezing Libyan assets,” Belgian member of parliament Georges Gilkine said, according to public broadcaster RTBF. UN panel of experts on Libya The issue returned to the spotlight in September, when a UN panel of experts on Libya concluded that Belgium is in violation of international sanctions, and argued that releasing the funds “could lead to the misuse and misappropriation of funds,” according to online political magazine, Politico. After Gaddafi’s death in 2011, the UN ruled that the dictator’s assets in four Belgian banks be frozen. However, interests and dividends from these assets were not blocked, leaving between three and five billion euros in these accounts since 2012. The Libyan Investment Authority informed the UN panel that frozen assets amounted to approximately $35 billion in December 2010. The investigation by Politico has also discovered that money from Gaddafi’s €16 billion of frozen assets had been flowing into accounts in Bahrain and Luxembourg regularly between 2011 and 2017. Now lawmakers are seeking answers to find out why enormous payments have flowed from frozen bank accounts to unknown beneficiaries? They also want to know who those beneficiaries are. Politico is also investigating the possibility of the funds arming shipments to Africa militia as well as aiding human trafficking crimes. Belgium’s Liberal Prime Minister Charles Michel’s administration is now under pressure to answer questions after the public broadcaster RTBF made the link with the Politico’s investigation. Euronews has reached out to the Belgian Ministry of Finance and is awaiting comment. Who was Muammar Gaddafi? Muammar Gadaffi governed Libya from 1977 to 2011. He was initially committed to Arab nationalism, he ruled for the greater part of his tenure according to his own Third International Theory, which is the idea of an alternative to capitalism and communism for Third World countries. Gadaffi’s 42 years in power came to an end in 2011 after years of hunger and violence caused the Arab Spring uprising to sweep ideas of revolution throughout North Africa and into the Middle East. The dictator died in the streets of his hometown of Sirte, Libya at the hands of a rebel mob. Source: EuroNews
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-C/raxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisow guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa fariin adag u diray hay’adaha Samafalka ee ka howlgalla magaalada Muqdisho. Guddoomiye Yariisow ayaa xusay in looga baahan yahay hay’aduhu in maamulka G/ Banaadir ay ku soo war galiyaan mashaariicda ay ka fuliyanayaan gudaha Caasimadda. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in laga warqabo dhamaan waxyaabaha ay fulinayaan hay’adaha Samafalka ee ka howlgala guud ahaan dalka. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/cod-jooy-yariisow.mp3 ow The post Guddoomiye Yariisow Oo fariin u diray Hay’adaha Samafalka appeared first on Shabelle. View the full article
-
A year ago, rebel leader Berhanu Nega was coordinating attacks against Ethiopian soldiers from his base across the border in Eritrea and faced a death penalty at home. In September, he returned to Ethiopia to address tens of thousands of cheering supporters in a stadium in the capital, Addis Ababa. The journey of the mild-mannered former economics professor from exile to rock-star welcome says a lot about how much Ethiopia has changed in recent months. He is the most high profile of dozens of political dissidents, former rebels, and secessionist leaders who have come home since Prime Minister Abiy Ahmed took office in April. Their return has Ethiopians hopeful that the country of 105 million – Africa’s second most populous – can finally embrace democracy. There’s still a long way to go. The last two elections were decried by the opposition as shams following a messy poll in 2005, after which the government jailed popular opposition politicians like Mr. Berhanu. The clampdown fueled unrest and demands for greater political and social freedom. In recent years, the ruling EPRDF coalition cracked down even more harshly; security forces killed more than 1,000 protesters and jailed tens of thousands of people between 2015 and 2018, according to Human Rights Watch. It also shut off the internet, sometimes for months at a time. “Seven, eight months ago the question was whether the country is going to survive or not, whether it’s going to explode into a civil war,” Berhanu told Reuters. But in April, the ruling coalition installed Mr. Abiy as the new prime minister. The 42-year-old has promised to chart a new course and embrace multi-party democracy. Such a transition would buck the trend toward authoritarianism in nearby countries such as Uganda, Rwanda, and Burundi, where leaders are jailing opponents and rolling back restrictions on term limits to extend their rule. Within weeks of Abiy taking charge, Berhanu ordered the armed group he led, Ginbot 7, to stop attacking Ethiopian troops and end its armed struggle. Abiy’s arrival “was real change,” Berhanu said. “We have no particular interests in violence. We just said, are you serious? Is this something you are committed to? Yes, good, [then] we are done.” Ethiopia’s new leader, Berhanu said, “really has this mission of changing society toward what he believes the public deserves: to live in freedom and democracy.” Abiy’s chief of staff Fitsum Arega did not respond to requests for comment for this story. A cautious opening of Ethiopia under Abiy Berhanu has opposed authoritarian rule for decades. In the late 1970s he was active against the Derg, the brutal military regime that ruled the county. That eventually landed him in jail. After escaping to Sudan, he was granted asylum in the United States where he obtained a doctorate in economics. Back at home in 2005, he ran for municipal office in Addis Ababa. Ethiopians, he remembers, “went out to vote until midnight, until 2 a.m.” But the government led by Prime Minister Meles Zenawi, a former rebel himself and the leader of a group that toppled the Derg in 1991, nullified the results. The government then jailed Berhanu and other opposition candidates. After his release in 2007, he returned to his job as an economics professor at Bucknell University in Pennsylvania. In 2014, he moved to Eritrea’s capital Asmara to work full time for Ginbot 7, which had moved from peaceful participation in the 2005 elections to “an all-inclusive struggle” that embraced violence as an acceptable way to bring change. The ruling EPRDF became “more and more brutal” he said, suggesting that it would never leave power “through any kind of peaceful means.” In Eritrea, he says, he was relatively safe from threats from the security apparatus across the border. He even traveled to visit his family in the US. What he most longed for during those years was the opportunity to have leisurely conversations over coffee in the cafes of Addis Ababa. He still does. Though he returned home to a hero’s welcome, he is following the government’s orders to exercise caution in public for his own safety. “I’m very restricted in my own movements,” he said. “I am having a hard time living with [this]. This is the price we pay for now, but it should not last.” Abiy’s reform pledges have opened up some political space. As well as allowing politicians such as Berhanu to return home and hold rallies, the government has released thousands of political prisoners, and in July removed three opposition groups from its list of “terrorist” organizations. Not all former armed groups have laid down their arms – the Oromo Liberation Front, rebels who fell out with the EPRDF shortly after it took power in 1991, is arguing over disarming its fighters – but for the first time in years citizens are openly airing their views on the street and on social media without fear of arrest. Some in the ruling EPRDF worry that loosening the state’s iron grip has created a security vacuum. Abiy warned recently that “lawlessness” was sweeping the country. Berhanu believes a certain level of disorder is inevitable. “At the macro level, change always generates this unsettled feeling. There’s a lot of anxiety,” he said, referring to the ethnic violence that has displaced one million Ethiopians in the seven months since Abiy took office. “We are coming out of a regime not only known for its brutality but also for deliberately dividing society.” Conflicting ideas on institutional reform In his speeches, Berhanu, who sports a salt and pepper beard, has urged calm and patience. His main message, he told Reuters, is that it is everyone’s responsibility to “work toward some kind of stability … a basic peaceful environment.” After that, he hopes, society can begin discussing how to change laws and rebuild institutions – critical tasks if elections, due in 2020, are to be credible. Then would come an even bigger question: Should the ethnic-based federal structure of Ethiopia’s ruling coalition set up 27 years ago be dismantled in favor of “citizenship-based” politics? Berhanu and Ginbot 7 will play a big part in that debate according to one European diplomat. It comes down to “Ethiopian nationalism vs ethno-nationalism,” the diplomat said. “Where do you put the focus: On the rights of the individual, the citizen, or on the rights of the group – the ethnic group?” In his interview with Reuters, Berhanu began to talk about that question and then cut himself short. “The long term political arrangement” is “too sensitive” to discuss now, he said. Though he projects confidence in front of supporters, he is weighed down by a “feeling of numbness” given the scale of problems facing Ethiopia. “We’ve screwed two changes,,” he said, referring to 1974, when members of the military toppled Emperor Haile Selassie, and 1991, when rebels deposed the military regime. “If we screw this one, then that’s it. I really don’t believe we have another chance.” This story was reported by Reuters.
-
(SLT-Xudayda)Waxaa sii xoogaystay dagaalka ka socda magaalada dekedda leh ee Xudayda ee dalka Yemen, iyadoo ciidammada dawladda oo gacan ka helaya duqaymaha xulafada uu Sacuudigu hoggaaminayo ay ku sii siqayaan goobaha jabhadaha. In kabadan 150 ruux ayaa lagu soo warramayaa in ay dhinteen tan iyo markii ciidammada dawladda iyo malayshiyaadku ay sare u qaadeen dagaalkooda dhanka dhulka ah ee duleedka magaalada Khamiistii. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalku uu sidoo kale halis galinayo xarummaha caafimaadka iyo boqolaal kun oo shacab ah. Dakadda Xudeyda waxaa ku tiirsan malaayiin reer Yemen ah oo qarka u saaran macaluul. Qiyaastii 80% shixnadaha gargaarka, shidaalka iyo alaabooyinka ganacsiga ah ee ay ku tiirsan yihiin ayaa dakaddaas soo mara. Qaramada Midoobayna waxay ka digtay in ay masiibo dhici doonto haddii waxyeello la gaarsiiyo dekedda, la burburiiyo ama la go’doomiyo. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa la xaqiijiyey in uu berri (Jimce) safar ku tegi doono dalka Itoobiya. Safarka Madaxweynaha ayaa ku wajahan magaalada Gonder ee gobolka Bahr Dar ee dalka Itoobiya. Sida uu boggiisa Twitter-ka ku xaqiijiyey agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed , safarka madaxweynaha ayey ujeedkiisu tahay sidii uu uga qeybgali lahaa kulan lagu dhammeystirayo heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee dalalka Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya. Kulanka waxaa sidoo kale imaan doona Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo waliba Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, oo dalkiisu uu kulanka ka dhacayo. Safarka Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah dhawr safar oo uu ku tagay dalalka Eritrea iyo Itoobiya oo lagu xoojinayo xiriirka dalalka Soomaaliya jaarka la ah. Waxaa hore Muqdisho booqasho ug yimi Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya halka Wasiirada Arrimaha Dibedda Eritrea iyo Itoobiya ay laba toddobaad ka hor iyana si wadajir ah u soo yimaadeen Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Duhur-081118-we.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Madaxweynihii Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan oo iska casilay xilkiisa ayaa noqotay hadal heynta ugu weyn Soomaaliya. Waxyaabaha la is waydiinayo ayaa waxaa ugu muhiimsan saameynta uu Iskaashiga Maamul Goboleedyada ku yeelan doono iscasilaadii Shariif Xasan Shiikh Aadan. Haddaba, in Shariif Xasan, oo ahaa guddoomiyaha golaha iskaashiga dowlad goboleedyada uu meesha ka baxo ma horseedeysaa burburka golahaas oo khilaaf xooggan uu kala dhexeeyey dowladda federaalka? Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad, oo falanqeeya arrimaha Afrika ayaa sharraxaya saameynta ka dhalan karta is casilaadda Shariif Xasan iyo waxa ay uga dhigan tahay dawlad goboleedyada. “Runti hadda waxaad mooddaa in isbahaysigii maamul goboleedyada uu burburay, sababtoo ah madaxweyne Waare mar hore ayuu heshiis qaatay, Shariif Xasan hadda wuu is casilay oo meesha wuu ka baxay, Galmudug way kala qeybsan yihiin, Cabdiwalina waxaa laga yaabaa inuu xilka waayo maadaama uu doorasho gali doono. Marka hadda waxay u muuqataa in dowladda dhexe ay gacan sarrayso oo uu qorsheheeda sidii loogu tala galay u fulayo”. Haddaba xagee buu ku dambeynayaa mustaqbalka seddexda madaxweyne ee ku soo haray golaha iskaashiga maamul goboleedyada, kuwaasoo kala ah Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Axmed Ducaale geelle Xaaf? “Soomaalidu waxay tiraahdaa “ninkii qeyrkiis loo xiirayoow adna soo qoyso, marka kolley hogaamiyeyaashaas kalena way arkaan waxa dhacaya” ayuu yiri Dr Cabdiwahaab . Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com