-
Content Count
206,925 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxwayne Farmaajo oo si wayn loogu soo dhaweeyay Ethiopia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Itoobiya (Sh.M.Network) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya , Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada khadiimiga ah ee Gondar, gobolka Baxar-daar ee Dalka Ethiopia. Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa qayb ka ah, Wasiiru Dowlaha arrimaha Dibedda Soomaaliya, C/qaadir Axmed Khayr, Safiirka Soomaaliya u jooga Ethiopia, Cali Shariif Axmed iyo la taliyeyaal sare. Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia, Abiy Axmed ayaa halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay wafdiga madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo, ayaa ka qayb geli doona shir Saddex Geesood ah oo uu la qaadan doona Ra’iisul wasaaraha Dalka Ethipia Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Dalka Eretrea, Isaias Afwerki. Kulankan ayaa la shegay in looga hadli doonaa dhammaystirka heshiiskii ku saabsanaa isku xirka dhaqaalaha Waddamada Gobolka kaas oo Laba Bilood ka hor ka dhacay Magaalada Asmara ee Caasimadda Dalka Eretrea. The post Madaxwayne Farmaajo oo si wayn loogu soo dhaweeyay Ethiopia appeared first on Shabelle. View the full article -
(SLT-Washington)Aqalka Cad ayaa kaarkalagu galo kala laabtay wakiilka CNN ee Aqalka Cad saacado kaddib markii ay hadallo kulul is dhaafsadeen madaxweyne Donald Trump. Jim Acosta ayaa shir jaraa`id oo uu Trump shalay qabtay ku weydiinayay su`aal, markii shaqaale ka tirsan Aqalka Cad ay isku dayday inay makarafoonka ka qaaddo. Xoghayaha warbaahinta Sarah Huckerbee Sanders ayaa sheegtay in weriyahan karaka lagu galo Aqalka Cad lagala laabtay, sababtuna ay tahay inuu u gacan qaaday gabar dhalinyaro ah. Acosta ayaa beeniyay eedeynta Sanders. Madaxweyne Trump ayaa ka hadlayay doorashooyinka dhexe ee dalkaasi, taas oo xisbigiisa uu ku waayay aqlabiyadda aqalka hoose ee Congress-ka, balse wuxuu kuraas ka helay aqalka sare. Maxaa ka dhacay shirka jaraa`id? Intii ay socdeen su`aalaha weriyeyaasha, ayuu Acosta kula loollamay adeegsiga Trump ee erayga “qabsasho” isagoo kala jeeda qulqulka muhaajiriinta ka imaanaya Ameerikada Dhexe ee galaya Mareykanka. Wuxuu sidoo kale kula loollamay xayeysiinta ka hortagga muhaajiriinta oo loo arkay inay tahay mid takoor ku saleysan. Markii uu Acosta isku dayay inuu su`aal ka weydiiyo baaritaanka Ruushka ee faragelintii la sheegay inuu ku lahaa ololihii madaxtinnimada sanadkii 2016, ayuu Trump ku celceliyay “intaas ku jooji” isla markaana “makarafoonka dhig”. Gabar ka tirsan shaqaalaha Aqalka Cad ayaa isku dayday inay makarafoonka ak qaaddo weriyaha, kaddibna Acosta ayaa diiday inuu u dhiibo isagoo ku yiri “iga raalli noqo marwo”. Trump ayaa kaddib ka tegay masraxa, kaddib wuu soo laabtay isagoo yiri: “CNN waa inay ceebsataa inaad adiga oo kale uu u shaqeyso. Waxaad tahay qof xun oo xaasid ah.” Wuxuu intaas ku daray: “Sida aad ula dhaqantay Sarah Huckerbee [xoghayihiisa warbaahinta] waa si qaab daran,” isagoo aan sababta sharrixin. Weriye kale ayaa difaacay Acosta, isagoo ku sheegay inuu yahay “weriye fiican”. Trump ayaa u jawaabay, “hagaag taageere kuuma ihi adiga xitaa,” kaddibna waxaa is qabsaday qosolka dadkii goobta joogay. Muxuu Aqalka Cad yiri? Sanders, ayaa qoraal ay dhigtay barta Twitter-ka waxay ku sheegtay in Aqalka Cad uusan marna u dulqaadan doonin inuu weriyuhu u gacan qaado gabar dhalinyaro ah oo isku dayeysay inay shaqadeeda qabsato. Acosta ayaa isagana Tiwtter-ka ku sheegay in laga joojiyay gelidda Aqalka Cad. Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @Acosta Jim Acosta @Acosta I’ve just been denied entrance to the WH. Secret Service just informed me I cannot enter the WH grounds for my 8pm hit Maxay Acosta iyo CNN yiraahdeen? Acosta ayaa CNN u sheegay inuu weydiinayay su`aal uusan Trump jecleysan taas oo sababtay inay hadallo is dhaafdhaafsadaan. Wuxuu beeniyay inuu u gacan qaaday gabadha, isagoo yiri: “Waxaan isku dayay inaan makarafoonka haysto si aan su`aalo u weydiiyo madaxweynaha.” Wuxuu sheegay inuusan wax khalad ah sameynin, balse uu u maleynayo mid uu Aqalka Cad uga dan leeyahay inuu cadaadis ku saaro weriyeyaasha. CNN ayaa qoraal ay Twitter-ka soo dhigtay ku sheegtay in kaarka weriyaha lagala laabtay ay aargoosi u tahay su`aalihii kululaa ee Jim Acosta. Ururka Weriyeyaasha ka soo warrama Aqalka Cad ayaa tallabadaasi ku tilmaamay mid aan sal lahayn, waxayna ugu baaqeen Aqalka Cad inuu degdeg uga laabto amarkaas Source
-
(SLT-Washington)Dowladda Mareykanka ayaa xayiraado dheeraad ah ku soo rogtay dhawr qof iyo ururro lala xiriirinayo tallaabadii Ruushku uu u goostay gobolka Crimea sanadkii 2014. Laba qof oo reer Ukraine ah iyo mid Ruushka u dhashay ayaa xayiraadahani cusub lagu bartilmaameedsaday. Sidoo kale sagaal shirkadood oo kale oo laga leeyahay waddamada Ruushka iyo Ukraine ayaa iyana xayiraado lagu soo rogay. Shirkadahaasi waxaa ka mid ah hoteel uu maalgeliyay bangiga ugu weyn dalka Ruushka. Mas’uul ka tirsan laamaha ammaanka ee dowladda dhexe ee Ruushka ayaa isaguna lagu bartilmaameedsaday xayiraadahan Mareykanka. Saraakiisha dalka Mareykanka ayaa sheegaya in shirkadahani iyo shakhsiyaadka xayiraadda lagu soo rogay ay ka macaashayaan qabsashada ay xukuumadda Moscow qabsatay gobolka Crimea. Xayiraadahan cusub ee Mareykanka ayaa ku soo beegmaya xilli lagu wado in magaalada Paris ee dalka Faransiiska ay ku kulmaan madaxweyne Trump iyo dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin. Weriyaha BBC-dam ee Washington ayaa sheegaya in tallaabadani uu Mareykanka qaaday ay ku soo beegmeyso xilli madaxweyne Trump lagu dhaliilayo in uu aad ugu debacsan yahay dowladda Ruushka marka loo eego maamulkiisa. Bilo ka hora yay ahayd markii xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo, uu xaqiijiyay in xukuumadda Washington ay diidan tahay oo aysan aqbalayn qabsashadii Ruushku uu qabsaday gobolka Crimea ee dalka Ukraine. Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in aysan aqbali doonin la wareegidda Ruushka ay gobolka Crimea kala wareegeen dalka Ukraine. Maraykanka ayaa kal hore sheegay in Ruushku uu cawaaqib xumo kala kulmi doono kicintii uu kiciyay dadka gobolka Crimea, taasi oo u horseeday in ay u codeeyeen inay Ruushka ku biiraan. Bartamihii bishii Maarso ee sanadkii 2014 ayaa madaxweynaha Ruushka, Valadamir Putin, waxa uu saxiixay amar lagu aqoonsanayo madaxbannaanida Gobolka Crimea Source
-
(SLT-Jigjiga)Booliiska dalka Itoobiya ayaa sheegay in ay heleen xabaal wadareed ay ku jiraan labo boqol oo may, taas oo ku taalla xadka u dhaxeeya Oromada iyo deegaanka Soomaalida. Boqollaal kun oo ruux ayaa ka barakacay rabshado horay uga dhacay halkaas. Warbaahinta gudaha ayaa ku warrantay in xabaasha la helay intii la waday tacaddiyo lagu eedeeyay in uu gaystay madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya. Cabdi ayaa hadda ka war sugaya maxkamad qaadaysa dacwaddiisa isaga oo ku eedaysan in uu huriyay iskudhac qawmiyadeed. Booliiska gacanta kulul ee Liyuu Booliiska loo yaqaanno ayaa lagu eedeeyay in ay gaysteen dilalkaas ka dhacay inta u dhaxaysa Oromada iyo Soomaalida dalka Itoobiya, waxayna lagu soo warramayaa in ay si toos ah uga amar qaadan jireen madaxweynaha. Booliiska ayaa isku dayaya in ay aqoonsadaan 200 ee mayd. Cabdi Maxamuud ayaa bishii Agoosto lagu qasbay in uu is casilo, toddobaad ka dibna xabsi ayaa la dhigay, ka dib markii ay rabshado ka dhaceen caasimadda gobolka ee Jigjiga. Waxaa lagu eedeeyay in uu ku luglahaa xadgudubyo baahsan oo aadanaha ka dhan ah kuwaas oo ay ka mid yihiin jir dil, kufsi iyo dil dhacay muddadii 13 sano ahayd ee uu xilka hayay. Bishii hore ayay warbaahinta dawladda Itoobiya lala xiriiriyo ee Fana ku warrantay in uu isku dayay in uu ka baxsado xabsigii uu ku jiray isaga oo ka booday daaqadda xabsiga uu ku xirnan yahay ka hor wakhti uu ka soo muuqan lahaa maxkamad Source
-
Gorfoynta buugga duca qabe, halgankii iyo siyaasadii maxamed x ibraahim cigaal: Buuggan waxaa qoray qorraa la yidhaahdo xasan cabdi madar , waxaana uu ka qoray mid ka mid ah siyaasiyiintii somalida ee geeriyootay maxamed x ibraahim cigaal sida qof waliba iska garan karo mar hadii buuggu yahay mid uu qof ka qoray qof kale waa iska cadaan in aanu lahayn xiisaha uu yeelan lahaa buug uu qof ka qoray naftiisa, waliba xasuus qor uu qoray qof siyaasada amaba dhinacyada kale ee nolosha in badan ku soo jiray sida maxamed x ibraahim cigaal,hadaba Markii aan akhriyay buugga magacaas aan sare ku soo sheegay leh, cutubkiisa koowaad waxaa I dhex mirtay su,aalo badan oo aan buuggu ka jawaabin haba yaratee , qoraalkan ugumaan talo galin inaan kaga jawaabo su,aalahan waayo jawaabtoodu waxay ku jirtaa oo aan kaga jawaabay buug aan qoray balse aanan daabicin wali laakin waxaan garawsaday in aan su,aalahan u bandhigo dhalin yarada Somaliland iyo dhamaan kuwa somaliyeed ee daneeya inay taariikhda faaqidaan si ay wax uun uga fahmaan jidkii taarikheed ee somalidu soo gebi dhaclaysay iyo halkay maanta dhigtay . Sida ay ku bilaabmayso dulucda buuggu ,Halgankii gobonimo doonka ,Kulankii xayle salaase iyo waftigii Somaliland ee uu hogaaminayay maxamed x ibraahim cigaal, 1950aadkii, nuxurkii wadahadalka oo ku saabsanaa dhulka reserved area waxaa uu ahaa sadex su,aalood oo ka yimi dhanka itoobiyaanka, dhulkaad ka timaadeen yaa ka taliya ?kan aad doonaysaan yaa na siisay ee aanu kala hadalnay? Idinku ashkhaas ahaan xor ma tihiin yaase ka socotaan? Sadexdaas su,aalood oo aan laga jawaabin jawaabna loo haynin ayaa kulankii dhamaaday waana lagu kala dareeray. Hadii 1941 kii ingiriisku koonfur iyo waqooyi isku daray oo mideeyey isla markaana doonay inuu sadexdii gobol ee maqana ku soo daro sida qoraagu buuga horaantiisa ku sheegay waa maxay midowgan danbe? Talyaanigu muxuu uga tagay afartankii somalida sideese ingiriisku kula wareegay ? Duruufta talyaaniga ka gaxaysay somaliya sidee ingiriisku uga madhnaa waqtigaa isagaaba la qabsadaye? Sidee midowagii labadii somaliyeed ku yimid? Midowgee?…… Waqooyigii somaliya iyo koonfurtii somaliya oo midoobay miyaanay ahayn somali wayn? Jibadii reer waqooyiga iyo cagajiidkii reer koonfurka maxaa sababay? Madaama labada gobolba dadkii metelayay ahaayeen shaqalihii gumaysiga Jibada iyo qiirada waqooyigu iyo caga jiidkii israaca ee reer koonforku ma ahaa wax yaga ka yimi mise labada dhanba waa lagu dhalinayay? Markii midowgii laysla qaatay maxaa keenay cabashada reer waqooyiga doodoodase maxaa ku saleeyey xilal? Awooda lagaga sareeyey ee lagaga sad bursaday se maxay ahayd? Dhaxalkii is raaca: Cinwaanadii hore mid ka mid ah waxaa ku cadaa in talyaanigu koonfurta gumaysi xun markiyay isla markaana aanu wax horumar ah ka gaysan dhankuu doono ha ahaatee, isla cinwaanka xiga ee dhaxal kii is raaca waxaa ka muuqda in somaliland aanay dhisnaynba sidaa ay qabeen xisbiyadii iyo hogaanadii somaliland ka talinayay yagoo dalbanayay in dib loo dhigo is raaca inta laga helayo dheelitir dhanka dowladnimada ,dhaqalaha iyo ilbaxnimada ah sidoo kale waxaa cinwaankaa laftiisa uu qoraagu ku cadaynayaa in ingiriisku ku taliyay in uu shan sano oo danbe somaliland sii gumaysto isaga oo wixii uu sideedanka sano saamayn waayay marmarsiiyo ka dhiganayaa, waa iska horimaad ka taarikheed ee ay ku celceliyaan kuwa taariikhda gediyaa, taasi waa ta keentay in reer koonfureedka somaliyeed reer woqooyiga somaliyeed ugu yedhaan ,nin jooga oo aan la tirin, Nin maqan oo aan la tebin Iyo nin tegaya oo aan la joojin sida imikaba xaalka reer waqooyi ama somaliland tahay. Aragtidii cigaal ee midowgii labada gobol qoraagu wuxuu ku sheegay in markii hore midowgoodu ahaa tijaabo ah in la midoobi karo , in dal ka go,o dal kale oo la tijaabiyo bal inuu cagahiisa isku taagi karo waynu aragnay ee yaa sheegaya dalal isugu biiray ama u midoobay tijaabo, sideedaba dabiiciyan in la midoobaa waa khayr balse qoraaga buugani wuxuu ku sheegay midowgii hoog halaag, in la burburay oo la baaba,ay kadibna in loo sii kala tagay jifi jifi iyo qoys qoys tasoo loo maray qax layska buuxayay ardu xabasha yadoo la joogay ogaden, magaalooyin burburay oo goraygu ka hadaafay, qoraaga buugan duca qabe wuxuu ku tilmaamay horumar iyo tanaad caqliyada sidaasana wuxuu ku amanay maxamed x ibraahim cigaal , sidoo kale wuxuu sheegay in ina cigaal aaminsanaa somaliya mid ah oo ku kala tagan wuxuu ku sheegay siyaasad, waxaa macruuf ah in siyaasada dal leeyahay midayso wax walba oo dalkaasi leeyahay side ayay suurta gal ku tahay in siyasad lagu kala tagan yahay hadana wax midayso? Isbedelkii siyaasadeed : Cinkaasi wuxuu akidayaa in bookta kaliya ee somali loo samaystay ahayd reer waqooyiga oo doorkoodu ahaa inay jilaan doorkii gacmaha dadkii yurubiyaanka ah ee sheegta inay wax gumaystaan kuwaas oo markii hore ku riixay inay u jilaan siyaasad gacan ku rimis ah oo aan somalidu dhana wax door ah ku lahayn laakiin loogu kala guulaysanayay sidii loogu kala bislaa looguna kala karti badnaa balse waxaa wax laga xumaado ah in wali layska indha tirayo in si dhab ah loo waajaho, taas bedelkeedana laga sameeyo jaahwareer tariikheed oo lagu dawakhiyay dhalintii somaliyeed waliba kuwii reer waqooyi waayo qoraaga buugga duca qabe wuxuu xusay in midnimadii somaliya fashilantay oo kala kala lulatay intaan ina cigaal raysal wasaraha noqon isagoo runta ka baydhaya, midnimo fashilantay meeshaa ma jirin ee waxaa siyasadii midnimada ku saaqiday oo ku fashilmay reer waqooyigii somaliya taas waxaa cadaynaya in maxamed xaji ibraahim cigaalba markii uu ka xoroobay siyaasadii reer waqooyiga ee ku xidhnayd san cadalaha uu qayb libaax goostay waayo xilkaas sare ee cinwaaankani ka waramo kamuu helin reer iska daaye waabay fashilanayeen yagoo danaynaya inay iska wataan cabashadaas ay gidaarada la fadhiyaan wali tasoo reer koonfurkii somaliya ugu bixiyeen magacyo uu ka mid yahay ,”qaldaan” taas way ku saxsanaayeen laba siyoodba marka hore oo ay ku dhololayeen magaca midnimo aan maqnaynba laakin looga dhigayay shabuug lala dhaco kuwaas oo ahaa reer waqooyiga tasoo ay kala yimadeen hargaysa ,marka labaad oo ay midnimadii ay ku ololeeynayeen bilo gudeheed dureen oo ay ka shaqeeyeen inay kala turaan oo rabash iyo in qilaab kiciyeen ,waxay ku doodayeen oo aan misaan lahayn waayo waxaa ugu waynaa mansab iyo xil qof kaasoo hadii la dadaalo oo lala yimaado karti siyaasadeed ay waxaba ku helayeen sidaa ina cigaal sameeyey. Barnaamijkii cigaal: qoraaga buuggu waxaa uu ka eegay dhanka siyaasadii arimaha debeda gaar ahaan tii gobolka bariga afrika iyo qadiyadaha somalida xuduud beenaadka ka baxsan tasoo uu iga hawl galay si ka duwan sidii ay ahayd intii aanu hogaaminta ka qayb qaadan,waxaa xusan in uu la yimi waji siyaasadeed cusub kaas waxaa la odhan karaa muu cusbayn m.i cigaal wuxuu u bislaa gacmihii qadiyaha bilow ilaa dhamaad fara galinta ku lahaa gayiga somalida mar walbana waxay arimuhu waxay faraha ugu jireen dadkii sidaa u dhigay markii hore sida la dareemi karo dhamaan kulamada buuga ku xusan sida shirkii kishasa, heshiiskii adis ababa iyo is afgaradkii caruusha, taa waxaa kuu cadaynaysa aftidii laga qaaday somalida kenya kadib markii kenya xorbimo been ah qaadatay iyo in aan la tixgalin sidii ay u dhacday ee ay kenya somalidii dhaar ugu xagaf siisay, maxamed x ibraahim cigaal inuu ahaado nin jecel nabada waxaa ku qasbaysay duruuftii taalay geyiga somalida,geeska afrika iyo guud ahaan afrika ee ku dhisnayd fara galinta shisheeye , udoodistii china ee markaa ahayd in dib loogu soo celiyo madalihii waawaynaa ee caalamiga ahaa sida tan qaramada midoobay iyo golaha amaanka waxay ahayd faaiidooyinkii kaliya ahayd ee dheefta lahayd tasoo somalidu ka dhaxashay dowladihiihii ka horeeyey kacaankii october . Dil iyo af genbi: Madaxwayne sharmarke taariikhdiisa kadib dilkiisii taariikhdu miyeey ka sinaysatay mise somalidaa ka sinaysatay ? Shaqaabiintii madaxwayne sharmarke dhowrkà goor ee uu buugu sheegay shirqoolay markii danbena dilay haybtee ahaayeen ? madarasada ay ka soo bexeense siday u ahayd ruush? hadii ay ka soo jeedeen qoyskii madaxwayne sharmarke maxay tebeyeen ee tirsanayeen? Maxamed x ibraahim cigaal muxuu maraykan kala yimi? Qoraaga buuggu wuxuu cadeeyey in dilkii cabdirashiid cali sharmarke cidii ka danbeysay mugdi wayni ku jiro ,ma suurta galbaa in madaxwaye dhan oo dal cidii dilkiisa ka danbaysay la garan waayo,ninkii dilka fuliyay maxaa deg deg loogu dilay? Miyuu khaldanaa milatarigii somaliyeed markii uu ka diiday maxamed x ibraahim cigaal inuu madaxwayne u soo xulay x muuse boqor? Wad,adaha u sii aaraaranayay madaxwayne danbe maxay rabeen maxaase ogaysiiyay madaxwaynaha danbe ee iman doona intaas oo su,aalood waxay u baahan yihii jawaab hadaan taariikhda la kufsanayn, xabsigii cigaal iyo ragii kale ee la mid ka ahaa sidee buu u ahaa khalad mar haday xidheen rag dalkaba inqilaab ku qabsaday isla markaana ay ahayeen ina cigaal iyo ragii uu ku jiray kuwii la inqilaabay ee talada laga tuuray sax iyo qaladba, culimadii la xidhay kadibna la dilay maxay la wadagayeen siyaasiyiintii la xidhnayd ama lala dilay xidhnayd? Sanad guuradii lixaad ee kacaanka maxaa is bedelay ee keenay in kacaankii saamaxo ragii uu ku kacay iyagoo ka shakisan inay wali ku hawlan inay xukunka ka tuuraan yagoo jeelka ku jira? maxay ugu baahdeen inay xil ku maslaxaan nin kii ay xukunka ka tuureen walina ka shakisan yihiin? xilkiise maxaa ka dhigay safiir hindiya fadhida ina cigaal ma aqoon dheeraada ayuu u lahaa hindiya? Maxamed siyaad barre iyo siyaad barre ma isku mid bay ahaayeen mise kala laba ? hadii lays waydiiyo kuumuu ahaa maxamed siyaad barre miyaanay ahayn in qoraagga qalinka hayaa si hufan oo hagar baxsan u sheego kuu ahaa wuxuu doonno ha ka tirsanayee? Qorraaga buugga duca qabbe wuxuu mar labaad cadeeyey in 1974-1975 dalka isbedel ku dhacay isagoo xusay in dalka ay horumariyeen aqoon yahan iyo saraakiil khibrad leh oo maxamed siyaad bare hawl galiyay oo uu magac iyo sharaf badan ku helay balse sanad guuradii lixaad ee kacaanka kadib dhamaan cawdaa loo jaray isla markaana waxaa laga yeelay qaar la eryay oo baxsaday, qaar la xidhay iyo kuwo la dilay kadib waxaa la soo daayay dhamaan ragii hore ee la inqilaabay oo ugu horeeyey maxamed xaaji ibraahim cigaal sidaasi waxay ku cadahay buugga , hadaba sidee ayay suurta gal u tahay in maxamed siyaad barre intuu ragii la soo kifaaxay mudadaas dheer karbaasho, ku bedelo ragii uu kursigiisa uga baqayay? Sidoo kale waxaa qoraagga buuggan duca qabe iyo dhamaan qorayaasha uu soo daliishanayaba iskaga markhaati kaceen in dalku horumar dhan walba ah ku socday intii ka horaysay 1975 kii kasoo gaadhay in la koriyo garaadka iyo aqoonta yadoo la dejiyay manhaj heer sare ah kasoo lagu baranayay lacag la,aan waxaa laga dawoobay dhamaan cuduradii yadoo dalka uu ka hirgalay adeeg caafiimaad oo billaash ah,isku xidhnaanta shacabka iyo la dagalanka qabyalaada qoraayasha kacaanka danbe waxay is aaminsiiyeen inay ahayd halkii ay u adkaysan wayeen saaxibadoodu isla markaana waxay abuurayaan taariikh kale yagoo wixii qabsoomay oo dhan burburintooda dusha u saaray ninkii hirgashay ee ku faanayay yagoo si cad ugu eedaynaya inuu keligii isa siiyay wax dadku wada qabtay oo iska indha tiraya in dadku hogaaamini ku riixday waxay qabsadeen taasna waxaa cadaynaya qoraagga buugan duca qabbe oo si cad u sheegaya in dalkii somaliyeed soo mareen sadex siyaad barre oo kala duwan kii ugu horeeyna ku aamanay wax qabad iyo somalinimo xad dhaaf ah balse waxay taariikh suntan ku cayimeen in waxaas dhan ooda loo rogay kadibna la abuuray waxaan ahayn siyaasadii socotay oo lala yimi in xitaa diintii si qaawan oo aan ka suurta galin qof somaliyeed loo weeraray isla markaana aayado quraanka ka mid ah la masaxay, hadaba markii aan meelahaas akhriyayey waxaa ii soo baxday su,aal odhanaysa buuggu ma wuxuu ka waramayaa taariikhdii maxamed x ibraahim cigaal siday doonto ha ahatee mise wuxuu baabiinayaa oo masaxayaa taariikhdii maxamed siyad barre oo aan qarsoomayn? Shantii somaliyeed waqtigan aan joogno imisa gobol ayay ka kooban yihiin gobolkeebaase ugu xoriyad dhow? Hadaba akhriste bal intaas oo su,aalood si fiican uga baaran deg waxaan ugu talo galay in ay furan caqliyada xidhan kadibna way wanaagsantahay inaan hello fikirkaaga si aan u wadaagno xog iyo xaal wixii aad ka fahamtay taariikhdaas la dhalan rogayo. Allaa mahad leh w/q maxamed cabdilahi nuur (koomaati) email: koomaati@gmail.com tell:2524258662 Qaran News
-
(SLT-Muqdisho)Wasiirka Gaashaandhigga dalka Turkiga Hulusi Akar ayaa Sheegay in Dawlada Turkigu ay sii xoojinayo dadaallada ay uga qeyb qaadanayso dhishamaha CiidaMadda Dalkaasi Soomaaliya. Dawladda Turkiya oo haatan tababar iyo qalabeyn ku sameysa Ciidamada ayaa ballan qaaday dib-u-dhiska, tababarka, tayeynta iyo qalabaynta Ciidamada Badda soomaaliya si Dowladdu ay awood buuxda ugu yeelato difaaca xeebaha dalka oo idil, taa badalkeedane looga hortago burcad badeeda iyo kalluumeysiga sharci darrada ah. Wasiirka Difaaca Turkiya ayaa dhankiisa adkeeyay in dowladdiisu ay taageero hagar la’aaneed la garab taagantahay Dowladda Soomaaliya isagoona tilmaamay in dhammaan xerooyinka Ciidamada Xoogga dalka ay dhowaan ku sameynayaan dib u dayactir. Wasiirka ayaa ugu dambeyntii waxa uu ku bogaadiyay Dowladda soomaaliya horumarka ay ka sameysay dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo dhismaha ciidamada qalabka sida. Source
-
Somali president, Mohamed Abdullahi Farmajo has left Mogadishu on Friday for Ethiopia ahead of meeting on the economic integration between the East African nations. PM Abiy Ahmed of Ethiopia, President Isaias Afwerki of Eritrea, and President Mohamed Abdullahi Mohamed, A.K.A Farmajo, of Somalia are set to meet for yet another tripartite meeting, this time in Ethiopia. No official statement has been issued from both Ethiopia and Eritrea government representatives about the meeting. However, the state-affiliated Fana Broadcasting Corporation yesterday reported that President Isaias Afwerki was set to visit Gonder and Bahir Dar cities in Amhara regional state. “The President will be received by Prime Minister Abiy Ahmed and high-level officials of Amhara regional officials. His visit will cement the relations between the two countries.” This afternoon, the press secretariat at PM Abiy Ahme’d office issued a statement saying PM Abiy has began a “visit to the Amhara region.” After his arrival in Gonder, PM Abiy went to hold a town-hall with “elders in the Amhara region who are working towards addressing issues that have raised conflict in parts of the region.” Shortly after the statement of PM Abiy’s arrival in Gonder was issued by his office, Abdinur Mohamed, Director of Communications at the Office of the President of the Federal Republic of Somalia tweeted: “President Farmajo will travel tomorrow to Gonder, [and] Bahir Dar to attend a tripartite meeting with Ethiopian PM Abiy Ahmed and Eritrean President Isaias Afwerki. This meeting is to cement the outcome of the Horn of Africa economic integration agreement signed in Asmara [two] months ago.” This is the second meeting between the three leaders of the Horn of Africa. They first met in the first week of September this year in Eritrea’s capital Asmara following which they issued a four pillar comprehensive joint declaration, which included the establishment of a high level committee tasked to oversee the multifaceted collaborations included in the declaration. The joint declaration was issued “considering that the peoples of Ethiopia, Somalia and Eritrea share close ties of geography, history, culture and religion as well as vital common interests.” The statement also highlighted the declaration to promote relations between the three Horn of African countries was in the spirit and understanding of “respecting each other’s independence, sovereignty, and territorial integrity; as well as desiring to bolster their historical ties to achieve their lofty objectives.” The post Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo leaves for Ethiopia appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Addis-ababa)Madaxweynihii hore ee DDSoomaalida itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta la filayaa in uu ka soo hormuuqdo maxkamad ku taalo dalka Itoobiya. Waa markii shaanad uu madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar la hor keenayo maxkamadaasi. Waxaana lagu wadaa in maanta go,aan ay ka gaarto Maxkamada kiiska madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, kadib markii lagu eedeeyay in uu dhibaato ka dhan ah aadanaha uu ka geystay gobolka soomaalida inta uu xilka hayay. Maxkamadeenta Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta ka duwan sidii hore ee loo qaadi jiray, waxaana lagu wadaa in dhageysiga maxkamada madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ay ku lug yeeshaan xubno ka socda wasaarada cadaaladda iyo Xubno kale. Source
-
President Uhuru Kenyatta on Thursday said Kenya Defence Forces will stay in Somalia until security is restored despite budget cuts signaling the start of the soldiers’ withdrawal slated for next July. Mr Kenyatta spoke at the Recruits Training School in Eldoret where he presided over the passing-out parade. Kenya gets a refund for its soldiers in Somalia and expects Sh8.5 billion in the financial year starting next July. However, the compensation from the UN is expected to drop to Sh5 billion and Sh3.5 billion in the next two years to June 2015, indicating gradual reduction of troops. “To secure Kenya and our region, our forces will continue joint operations with the African Union Mission in Somalia (Amisom),” Mr Kenyatta said. Kenya sent 4,660 soldiers to Somalia in October 2011 after incessant attacks and kidnapping of civilians by the militants within its territory. The African Union is keen on all the troops withdrawing by December 2020, but Kenya wants a delayed exit. Al Shabaab conducts frequent assaults in Kenya, mostly in the region bordering Somalia, to put pressure on the Kenyan government to withdraw its peacekeeping troops from Somalia. The African Union wants the Somalia army to take over responsibility for the country’s security. The international community pays $1,028 (Sh103,828) for each soldier per month, their respective governments then deducts about $200 (Sh20,200) for administrative costs, leaving them with a take-home of about $800 (Sh83,628). The post Uhuru to retain KDF in Somalia as Treasury cuts soldiers’ budget appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Istanbul)Wararkii ugu danbeeyay kiiska dilka saxafiga Sacuudiga ee Jamal kashoqgi oo 2-dii Bishii Oktoobar lagu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbuul, dalka Turkiga ayaa sheegay in meydkiisa gebi ahaan la baabiiyey. ISTANBUL, TURKEY – (ARCHIVE) : A file photo dated May 6, 2018 shows Prominent Saudi journalist Jamal Khashoggi in Istanbul, Turkey. Saudi journalist Jamal Khashoggi died after a brawl inside the Saudi consulate in Istanbul, Saudi Arabia announced Saturday. (Photo by Omar Shagaleh/Anadolu Agency/Getty Images) Sida uu sheegay Masuul ka tirsan Xeer ilaalinta Turkiga Jirka Saxafiga oo la jarjaray laguna xiray boorsooyin ayaa la geeyay Guriga Qunsulka Sacuudiga ee Istanbuul Maxhamed Alcuteybi oo u dhow xarunta Qunsuliyadda Turkiga ee Istanbul, halkaas oo looga takhalusay. Warka ayaa sheegaya in jirka saxafiga loo adeegsaday si loo baabi’iyo maado kiimiko ah oo loo yaqaan (hydrofluoric acid- Flesh-Eating Acid), oo ah maado kiimiko halis ah oo jirka baabiin karta, waxaana baaritaan lagu sameeyay Guriga Qunsulka, Ceel ku yaalla Gurigaasi iyo bullaacadaha degaankaasi ay baarayasha Turkiga ku ogaadeen qaabka loo baabiyey jirka meydka Saxafiga oo muddo bil ka badan la la’aa. Sacuudiga ayaa kooxo baaritaan oo kala duwan u diray Turkiga, kuwaasoo lagu sheegay inay baaritaanka dilka saxafiga Jamal Kashoqgi ka qeyb qaadanayaan iyagoo markii danbe la ogaaday in laba qof oo ka mida kooxda baarista Sacuudiga ay ahaayeen Khabiiro dhinaca Kiimikada ah oo halkaasi loogu diray inay baabi’iyaan meydka Saxafiga iyo jirkiisa qeybaga ka haray. Arrintan ayaa noqoneysa mid naxdin kale ku soo kordhisa kiiska dilka Jamal Kashoqgi oo hore dunida ay uga yaabtay sida naxariis darrada ah ee dilkiisu u dhacay, waxayna horseedi doontaa cadaadis hor leh oo ku yimaada dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman oo la sheegay inuu bixiyey amarka dilka Saxafiga Source
-
(SLT-Addis-ababa) Waxa saacadihii ugu danbeyse xoogeystay war uu baahiyay mid ka mid ah warbaahinta dalka africa ka soo soo xiganaayo taliye ku xigeenka dalka Itoobiya waxaana oo walaac xoogan ka dhex dhaliyay soomaalida. Hadalka oo warbaahinta soo xiganeyso ayaa ahaa macquul gal ma ahan in Itoobiya oo boqol milyan ah in bad la,aan ahaato dalal kale heystaan dakado aad u farabadan waxaana ka dhashay tuhun xoogan wallow maalinimada beri dalka Itoobiya ku wajahanyahay madaxweynaha soomaaliya. Taliye ku xigeenka ciidanka Itoobiya wuxuu maanta sheegay in aysan jirin sabab Itoobiya oo qaran 100 Milyan ah uu bad la’aan u ahaato. Wuxuu kaloo sheegay in ay waajib tahay inay saameyn ku yeeshaan Bada Cas. Raysal-wasaare Abiy ayuu sheegay in ay ka go’an tahay inuu dhiso ciidan bad oo xoog leh oo ay Itoobiya yeelato. Hadalka Janaraalka ayaa ku soo beegmay xilli la sheegay in madaxweyne Farmaajo uu booqonayo Itoobiya. Horay ayuu Farmaajo heshiis afar dekadood Itoobiya ku maalgashanayso ula saxiixday Abiy Ahmed. Shacabka Soomaaliyeed xaq ayey u leeyihiin in waxa socda loo caddeeyo oo mugdiga laga saaro wax badan. Baarlamaankana waa in uu ogaadaa in waajibka ugu wayn ka saaran yahay Source
-
Qaar kamid ah isimadii ku jiray nabadeynta Dhummay Ergo-dhaqameed ka badan 40 xubnood oo mudda15 maalmood ah ku hawllanaa nabadeynta beelo ku dagaallamay degaanka Dhummay ee koonfurta gobolka Sool ayaa qodoba horu’dhac ah ka soo saaray heshiisiinta beelahaasi. Ergada nabadeynta oo ka kala yimid magaalooyinka Garoowe Laascaanood,Buuhoodle,Gaalkacyo iyo dowladda degaanka Soomaalida Ethiopia ayaa waxaa hoggaaaminaya;garaad Kulmiye garaad Maxamed garaad Dool garaad Wiil Waal,waxaana ay soo saareen qodobadan hoose: 1)In Xabadda la Joojjiyo si shuruud la’aan ah. 2)In labada beelood ay nabadda qaataaan 3)In gogosha xigta ee nabadeynta la dhigo magaalada Jig Jiga ee caasimadda dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia. 5)In labada beelood iska soo xulaan min 21 Xubnood oo ergo ah. 6)Iyo in ay ku soo diyaar-garooban mudda saddex cisho ah. Wejiga labaad ee heshiisiinta beelaha ee loo ballamay magaalada Jigjiga ayaa lagu xallinayaa wixii dhib kala gaaray labada dhinac,iyadoo loo bandhigayo shareecada Islaamka,sida ay sheegeen ergada mabadyenta. PUNTLAND POST The post Colaaddii Dhummay oo heshiis horu-dhac ah laga gaaray appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa maanta oo Jimco ah wuxuu ka ambabaxay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, isaga oo kusii jeeda wadanka Itoobiya. Garoonka waxaa kasii sagootiyay masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyadda oo uu u jiro Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyadda Cabdinuur Maxamed Axmed oo socdaalka Madaxwaynaha fahfaahin ka bixiyay. Agaasime Cabdinuur ayaa sheegay in Madaxwayne Farmaajo uu ka qaybgalayo shir saddex geesood ah oo ay yeelanayaan hogaamiyaasha dalalka Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea. Shirkaan ayuu daboolka ka qaaday in diirada lagu saari doono horumarada laga sameeyay heshiiskii nabada oo ay wadamadaan saxiixdeen labo bilood kahor, kaasi oo is-dhexgalka dalalkaan lagu xoojinayo. Tan iyo markii la doortay 8-da bishii Febraayo ee sanadkii 2017, Madaxwayne Farmaajo ayaa dalal kala duwan ku bixiyey booqashooyin kala duwan, kuwaasi oo dhamaantooda ay kasoo baxeen arrimo wax ku ool u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed. The post Madaxwayne Farmaajo oo u dhoofay Itoobiya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Barnaamijka maxaa ka run ah wixii la sheegay? Hoos riix si aad u Dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Bar___-Maxaa-Ka-Run-Ah-Wixii-La-Shegay-09112018-web-1.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Maxaa Ka Run Ah Wixii La Sheegay? appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya dhulka Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ayaa sheegaya in la helay xabaal wadareed ay ku aasan yihiin dad tiro badan oo la rumeysan yahay in la aasay xiligii maamulka Cabdi Maxamuud Cumar. Xabaal wadareedkaan ayaa waxaa ku aasnaa inka badan 200 oo ruux, kuwaasi oo la rumeysan yahay in la dilay xiligii dagaalka uu u dhaxeeyay Soomaalida iyo Oromada, waana arin sii cusleyn karta Kiiska loo heysto Cabdi Maxamuud Cumar. Cabdi Maxamuud, ayaa kasoo muuqanaya maanta maxkamad ka duwan middii lasoo taagay Afar jeer, iyadoo lagu eedeeynayo kicin Shacab iyo isku dhacyada Jinsiyadda ku salaysan ee Qoomiyadaha Soomaalida iyo Oromada, isagoo si toos ah u adeegsanaya Ciidanka Liyuu Boliiska. Lama aqoonsan ilaa iyo hadda jinsiyaddaha meydadka laga helay deegaanada kala qeybiya Soomaalida iyo Oromada oo marar badan lagu dagaalamay, waxaana arintan ay kusoo aaday iyadoo la raadinayo cadeymaha kiisaska loo heysto Cabdi Maxamuud Cumar. Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa is casilay Bishii August ee Sanadkan, waxaana xabsiga loo taxaabay Todobaadyo ka dib, markii rabshado lagu eedeeyay taageerayaashiisa ay ka dhaceen Magaalada Jig-jiga ee Caasimadda Gobolka Soomaalida. Maanta ayaana la filayaa in marqaatiyaal la geeyo maxkamadda lasoo taagayo si loogu marqaati furo eedeymaha loo heysto Cabdi Maxamuud Cumar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Addis Ababa (Sh.M.Network) – Madaxwaynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar ayaa la filayaa in maanta oo Jimco ah uu kasoo muuqdo maxkamad ku taala magaalada Addis Ababa ee caasimada wadankaan. Dhageysiga maxkamada oo darajo ahaan ka duwanaan doonto afartii jeer ee horey ayaa lagu wadaa inay kasoo qaybgalaan masuuliyiin sarre sida Xeer-ilaaliyaha guud ee Itoobiya, xubno ka socda wasaarada cadaalada iyo madax kale. Marqaatiyaal ayaa si lamid ah la rajaynayaa inay soo xaadiraan dhageysiga maanta, inkasta oo wararka qaarkood ay sheegayaan inay diidaan marag-furayaasha inay horyimaadaan maxkamada si ay u cadeeyaan. Cabdi Maxamuud Cumar [Cabdi Illay] oo xilka madaxwaynaha degaanka iska casilay bishii Agoosto ee sanadkaan kadib rabshado dhacay ayaa loo haystaan dacwado la xiriira inuu ku tuntay xuquuqda Aadanaha mudii uu xafiiska joogay. The post Cabdi Illay oo kasoo muuqanaya Maxkamad ku taala Addis Ababa appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane, Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa inuu maanta oo jimaca ah tago Magaalada Gondar, Gobolka Baxar-daar ee Dalka Itoobiya. Mr. Farmaajo waxuu halkaas kula kulmi-doonaa ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Eritrea Isaisas Afwerk. Kulankan ayaa waxa uu isku xirayaa natiijooyinkii kasoo baxay heshiiska Shirkii is-dhex galka dhaqaalaha ee ay Waddamada Gobolka ku yeesheen Magaalada Asmara ee Dalka Eretrea Laba Bil ka hor. Dhinaca kale, warbaahinta Itoobiya ayaa tabisay in Adis Ababa dhisan-doonto ciidamo badda ah oo saldhig ka sameysta badweynta Hindiya iyo badda cas. General Berhanu Jula waxaa laga soo xigtay inuu dhahay waa in aan saameyn ku yeellano badda, isaga oo intaas raaciyey in dalal meel fog ka yimaadaan arrintaas darteed. Jula waxaa uu hadalkiisa ku soo gabogabeeyey inay yihiin 100 milyan isla markaana aaney macquul aheyn inay sii ahaadaan bad la’aan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Turkiya Mudane Hulusi Akar iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay oo ay kamid ahaayeen Taliyeyaasha Ciidamada Dhulka, Badda iyo Cirka ee dalkaas oo muddo labo maalmood ah ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa dib ugu laabtay dalkooda keddib wada hadallo miro dhal ah oo ay la yeesheen madaxda qaranka. Waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee kasoo baxay wada hadallada ay la yeesheen mas’uuliyiinka Soomaalida ayaa waxaa kamid ahaa in Dowladda Turkiya ay sii xoojinayso dadaallada ay uga qeyb qaadanayso dhishamaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed. Dowladda Turkiya oo haatan tababar iyo qalabeyn ku sameysa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ballan qaaday dib-u-dhiska, tababarka, tayeynta iyo qalabaynta Ciidamada Badda si Dowladdu ay awood buuxda ugu yeelato difaaca xeebaha dalka oo idil, loogana hortago burcad badeeda iyo kalluumeysiga sharci darrada ah. Wasiirka Difaaca Turkiya ayaa dhankiisa adkeeyay in dowladdiisu ay taageero hagar la’aaneed la garab taagantahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna bogaadiyay horumarka ay Dowladda ka sameysay dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo dhismaha ciidamada. Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Wasiirka Gaashaandhigga Turkiya Mudane Hulusi Akar iyo wafdiga la socday booqashada ay Soomaaliya ku yimaadeen iyo sida ay u muujiyeen in ay mar walba diyaar u yihiin garab istaaga Dowladda iyo shacabka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Cadaado (Sh.M.Network) – Hay’addaha nabad-gelyadda ee Galmudug ayaa baaritaan ku sameeyay Gaadiid tiradoodu ay gaareysay Lix, kuwaasi oo bishii hore lagu qabtay duleedka magaalada Cadaado ee xarunta Baarlamaanka maamulkan. Masuuliyiinta oo horey uga hadlay waxay sheegeen inay tuhmayaan in Gaadiidka ay saaran yihiin Hub, iyaga oo carabka ku dhuftay inay ubaahan yihiin baaritaano dheeraad ah si loo hubiyo waxa saaran, maadaama ay daboolnaayeen. Natiijada kasoo baxday baaritaanka lagu sameeyay Gawaaridaan ayaa waxay noqotay inay ku rarka saaran ay yihiin Gawaari iyo Silig, xili la xaqiijiyay in Hay’adda Qaramada Midoobay ay lahayd rarka saarnaa gadiidkani. Qaramada Midoobey ayaa si weyn u cambaareysay tilaabadda lagu xayiray gaadiidka u rarnaa, waxaana ay ku tilmaamtay tilaabo ka baxsan Sharciga, iyadda oo dowladda iyo maamulka ugu baaqday inay talaabo ka qaaday cidii ka dambeysay. The post Baaris lagu sameeyay Gaadiidkii lagu qabtay Cadaado appeared first on Shabelle. View the full article
-
Nairobi (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada ka jooga wadankiisa gudaha Soomaaliya ay baaqi kusii ahaan doonan inta amniga dalka dib loogu soo celinayo. Kenyatta oo ka hadlayey Dugsi tababar ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyay inay Qaramada Midoobay ay ka helaan lacago magdhow ah, kuwaasi oo la siinayo qoysaska wiilashooda ku baxay iyaga oo Soomaaliya ku sugan. Madaxwaynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa qiray in caqabado kala duwan oo dhanka maaliyadda ay soo foodsaari doonto ciidamada wadankiisa ee qaybta ka ah AMISOM, balse wuxuu ugu baaqay inaanu udhutin. Dowladda Kenya ayaa ciidamo ka badan Afar kun waxay usoo dirtay Soomaaliya bishii October ee sanadkii 2011-kii si ay ula dagaalamaan kooxda Al-Shabaab oo fara kulul ku hayso amniga wadankaan Geeska Afrika dhaca. Ciidamada AMISOM ayaa lagu wadaa inay dalka isaga hayaamaan sanadka 2020-ka, markaasi masuuliyada nabad-gelyadda guud la filayo in lagu wareejiyo ciidamada Soomaaliyeed oo diyaar-garow adag ku jira. Hoos ka dhageyso warka oo Cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Codka-1.mp3 The post MD Kenya oo war kasoo saarey ciidamada ka jooga Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxii shalay lagu dilay xildhibaankii Afaraad oo ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Xildhibaankaasi ayaa noqonaya xildhibaankii ugu horeeyay oo katirsan Baarlamaanka Hirshabeelle oo lagu dilo magaalada Muqdisho, waana xildhibaankii Afaraad oo laga dilo baarlamaanka Hirshabeelle. Bishii Ramadaan labo xildhibaan ayaa Hirshabeelle looga dilay duleedka degmada Balcad, halka xildhibaan kale uu ku dhintay Qarax ka dhacay Shabeelaha Hoose. Darawalkii Gaariga xildhibaanka shalay la dilay ayay xireen laamaha amaanka ee magaalada Muqdisho, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha baarlamaanka, isagoo sheegay in su’aalo laga weydiinayo qaraxa lagu xiray gaariga xildhibaanka. Darawalka Gaariga ayaa ka maqnaa gaariga xilliga qaraxa uu dhacayay, waxaana taasi ay dhalisay shaki badan oo ku aadan inuu wax ka ogaa dadka qaraxa gaariga ugu xiray xildhibaanka. Wararka qaar waxa ay sheegayaan iney suura gal tahay in Wadaha gaariga Xildhibaanka geeriyooday waxyaabaha loo heysto ay qeyb ka tahay Dayac uu ku sameeyay gaariga, maadaama lagu xiro waxyaabaha Qarxa. Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay inay socdaan baaritaano dheeri ah oo ku saabsan sida qaraxa uu u dhaca iyo cidda ka dambeysay dilka Xildhibaan C/Welli Sheikh Ibraahim. Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa kusugan badankood magaalada Muqdisho, maadaama ay galeen fasax labo bilood ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Sool (Sh.M.Network) – Abuukar Cabdi Geelle, gudoomiyaha maamulka gobolka Sool ee Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa ku eedeeyay Somaliland inay carqad ku tahay nabadii la dhex-dhigay labaddaan maamul. Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa daboolka ka qaaday in odayaal ka socda Somaliland oo ku sugan magaalada Laascaanood, halkaasi oo lagu heshiisiinayo Beelo walaalo ay dhex-wadaan dhibaatooyin. Mr Geelle ayaa cod dheer ku qeexay in Odayaal dhaqameedyadda ay soo dirsadeen masuuliyiinta Somaliland, isaga oo ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabaddeynta gobolka, oo colaado badan ay ka jirto. Somaliland iyo Puntland oo ah labo maamul oo deris ah waxaa ka dhaxeysa colaad taariikhi ah, taasi oo soo jirtay tobbankii sano ee lasoo dhaafay, xili midba uu kan kale ujeedinayay eedaymo ku saabsan inuu jabinayo nabadda. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Codka.mp3 The post Puntland oo mar kale eedayn culus u jeedisay Somaliland appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-09112018.mp3 The post Dhageyso: Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Baydhabo ka socdo kulamo kala duwan oo ay yeelanayaan xildhibaanada baarlamaanka, ku simaha madaxweynaha iyo xubnaha guddiga doorashada Koonfur Galbeed. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay wali wado faragelinta doorashada Koonfur Galbeed, waxaana ay sheegeen in loo baahan yahay in xor laga dhigo dadka doorashada ka qeyb galaya. Qaar kamid ah musharixiinta Koonfur Galbeed ayaa shalay dalbaday in dib loo dhigo doorashada, halka dowladda Soomaaliya ay dooneyso in waqti aan lagu darin doorashada Koonfur Galbeed, haddii lagu daranayana laga dhigo dhamaadka November. Urur goboleedka IGAD ayaa ku biiray kulamada looga hadlayo doorashada Koonfur Galbeed, waxaana ay dalbadeen in laga shaqeeyo doorasho xor ah oo xalaal ah. Xubnaha ka socday Urur goboleedka IGAD ayaa ka codsaday Gudiga doorashadda in ay ka qabtaan doorasho Xalaal ah oo ay ku qanacsan yihiin Musharaxiinta xilka Madaxtinimada maamulka Koonfur Galbeed. Wali ma cadda waqtiga rasmiga ah ee ay dhaceyso doorashada Koonfur Galbeed, balse waxaa la qorsheynayaa in waqtigeeda aan laga dib dhigin doorashada Koofur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
-
Qaran News