-
Content Count
206,925 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhowr Qarax ayaa waxa ay ka dhaceen Afaafka hore iyo dhabarka dambe ee Xiga wadada Aada Ar-Portka ee Hoteel Saxafi. Wariyayaal ka tirsan Shabakadda Warbaahinta Shabelle oo tagay meesha wax ka dhaceen ayaa sheegaya in Qaraxa 1aad uu ka dhacay inta u dhexeysa Irdaha hore ee CID iyo Hoteel Saxafi, halka Qaraxa 2aad uu ka dhacay Irid Hoteelka Saxafi uu ku leeyahay dhabarkiisa dambe ee wadada Aada Air-Portka Adan Cade, sidoo kale Qaraxa 3aad oo loo maleynayo in uu fuliyay Nin isku soo xiray walxaha Qarxo uu mar kale ka dhacay Afaafka hore ee Hoteel Saxafi . Saxafiyiinta Shabelle ee tagaay halka wax ka dhaceen tilmaamay in Indhahooda ay qabteen Meydad iyo dhaawacyo u badan Rayid oo daadsan hareeraha Wadada hor Marta Xarunta CID iyo Hoteel Saxafi. Meydadka ayey sheegeen in qaarkood saarnaayeen Gaadiidka Dadweynaha oo isugu jiray Gawaarida Homey-da , kuwa Raaxada iyo Mootooyinka Nuuca Bajaajta oo wadadaasi marayay. Tirda dhimashada Wariyayaasheenu Arkeen ayey ku qiyaaseen ku dhawaad 20 qof iyagoo intaas ku daray in ay Arkeen Hilbo Dad oo Cad Cad meelo kala duwan daadsan oo aan la kala garan Karin , Dumar iyo Rag waxa ay yihiin. Shabelle ayaa waxaa u suura gashay in ay Wareystaan Dad Qaraxyada kadib ka wada goobaha la weeraray Gurmad deg deg ah , kuwaas uu ka mid yahay Samafale ka tirsan AMIIN Ambulance iyo qof kale oo Goob jooge ahaa kuwaas oo ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen iyo Meydadka iyo dhaawacyada u suura gashay in goobahaasi ka daad gureeyaan. Cod Sidoo kale Qaraxyadaasi kadib ayaa meelaha ay wax ka dhaceen waxaa kormeer ku tagay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Muqdisho Engineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow , Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, iyo Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga iyo Siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir Mr Tuulax kuwaas oo ka gaabsaday in wax war ah ay siiyaan Qalabka Warbaahinta. Dhincooda Xarakada Al Shabaab ayaa Masuuliyadda Weeraradaasi ku sheegtay Baraha ay ku leeyihiin Internetka iyagoo tilmaamay in dagaalyahanadooda qaraxyada kadib ay gudaha ugu daateen Hoteelka Saxafi , islamarkaan ay ku dileen Masuuliyiin iyo Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo aysan Magac dhawin ama tiro ahaan aysan cayimin. Balse Wariyayaasha ayaa waxa ay arkayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo saaran Dusha Sare ee Hoteel Saxafi Qaraxyada kadib. Indhawaanahaan waa Qaraxii ugu xooganaa ugu Khasaaraha badnaa oo lagu soo beegay xilli Dowladda iyo qeybaha Bulshada ay aad ugu Mashquulsan yihiin Siyaasadda Cakiran ee ka taagan dowlad deegaanada ama maamul Goboleedyada oo ay ka socdaan Isbedello Siyaasadeed The post Warar dheeraad ah oo laga helayo Qaraxyo ka dhacay Magaalada Muqdisho. appeared first on Shabelle. View the full article
-
FROM 1991. ========= Thanks of ALLAH after SOMALILAND recovery from last long of state ruined and human genocide by military dictator. Thanks of ALLAH after Somaliland recovery from the overrun killings of DILLA . BORAMA and ISAAQISM civil war by rebel . Thanks of ALLAH after chief tribes , Elders, Academic and Somaliland politicians reached peace and mutual understand among our community in BERBERA, SHIEKH, BURCO and finally concluded in BORAMA CITY AWDAL REGION. Thanks of ALLAH since we shifted into political party’s one person one vote. All these Somaliland political life circle is not came in easy method but hard work and political struggle of all our Somaliland nation to restore peace ,stability and recognition to our nation. Our former leaders toke the right direction to improve good governance and functioning statehood when started from late presidents Abdirahman tur, Mahamed cigal and ex presid Dahir rayale. president Ahmed sillanyo he did good projects but some reason his management became weak for some technical and reasonable status. November 2018 and Somaliland current situation. After27 years of Somaliland integrity ,it Is facing very risky in financially,socially and political role model. no body can deny the international community and UN donors have treating with Somaliland like regional state . Kulmiye 2 ruling party and his management had accept to take same number of scholarship with Puntland, 300 scholarship of Somaliland =300 scholarship of Puntland from ETHIOPIA. Kulmiye 2 had accept Somaliland aviation to be controlled from mogadisho, kulmiye had accept to be BADHAN of Sanaag to be under control of Puntland, Kulimye 2 had failed to control sool civil war of DUMAY, liyuu police of Ethiopia is now in dumay of SOOL region also Puntland government for DUMAY solution. it is first time Somaliland interior security to be interfered by foreign country’s. it means Somaliland have no capacity to solve the civil war of their community . this is kulmiye and his dumay gate.very shameful weakness, financial crisis running in high peak and out of control. kulmiye 2 had failed to compromise in between the national Somaliland party’s their political different views. Central PM and Regional Councilors elections looking desperate to be done on time march 2019. conclusion of topic is SOMALILAND NEEDS SALVATION , REVISION AND MASS RECONCILLATION, BORAMA MANUFESTA 2 IS MOST TO SAVE THE NATION AND COUNTRY URGENTLY AS SOON AS POSSIBLE. LONGLIFE SOMALILAND . FREE EDITOR MUSA AW HASSAN LODOON AWDALI DUBAI. . Qaran News
-
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo qasaare geeystay oo galabta ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxyadaan oo ahaa 4 qarax ayaa lagu weeraray Hoteelka Saxafi oo ku dhow xarunta CID-da ee Muqdisho. Qaraxa 1-aad ayaa lagu dhuftay irida xarunta Hoteelka Saxafi halka kii labaadna uu ka dhacay dhabarka dambe ee Hoteelka halka labada qarax ee kalena ay ka dhaceeyn hafaafka hore ee Hoteelka. 4 dagaalame oo kamid ahaa kooxihii weerarkaasi soo qaaday ayaa isku dayay in ay gudaha u galaan Hoteelka hayeeshee ciidamada amaanka ayaa ka hortagay oo toogtay. Ku dhowaad 20-ruux ayaa ku dhimatay qaraxyadaasi ka dhacay Muqdisho oo u badan dad rayid ahaa oo gaadiid ku marayay wadada laamiga ah ee hormarta Hoteelka. Sanadkii 2015-kii ayaa Al-shabaab weerar ku qaadaan Hoteelkaan waxaana ku dhintay Milkiilihii Hoteelka Cabdirashiid Shire Ilqeeyte iyo Abaanduulihii ciidamada xooga daslka Soomaaliyeed General Dhaga Badan. Faah Faahin Qaraxyada dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Faah Faahin : Qaraxyo qasaare geeystay oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
3 qarax oo mataanno ah oo loo adeegsaday gawaari ayaa galabta ka dhacay albaabka Hotel Saxafi, KM4 ee Magaalada Muqdishu. ilo ka tirsan hey’adda NISA ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey inuu hadafku ahaa Hotel Saxafi, iyada oo qaraxyada ay ka kala dhaceen ka soo horjeedka Shaneemo Ekwadoote, albaabka Hotel Saxafi dhanka Airportiga Aden halka qaraxa 3aad ahaa albaabka hotel Saxafi dhanka C.I.D In ka badan 10 qof ayaa dhimatay, waxaan ku burburay gawaari badan oo ay dheer tahay khasaaraha soo gaarey Hotellada Saxafi iyo Xayat iyo ganacsagii ka ag dhowaa, gawaarida burburay waxaa ka mid ah mid ay leedahay Amin Ambulances Waxaa ay aheyd November 1, 2015, markii ay Alshabaab weerareen isla Hotelka Saxafi iyaga oo dilay milkiilaha Cabdirashid Ilqeyte, Taliyihii ciidamada xoogga Dhagabadan iyo Xildhibaan Odowaa. Wixii Faahfaahin ah, kala soco halkan Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan 30 qof oo shacab ah ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen saddex qarax ismiidaamin oo galabta ka dhacay agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho. Laba ka mid ah qaraxyada ayaa ahaa babauur ay wadeen rag ismiidaamiyey, waxaana ay ku kala qarxeen dibedda hotelka Hayat iyo meel u dhow xarunta dambi baarista CID-da ee agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho. Qarax saddexaad ayaa waxa uu ka dhacay banaanka Hotel Saxafi. Xarunta adeegga baabuurta gargaraka deg degga ah ee Amin Ambulance ayaa xaqiijisay inay ugu yaraan meydadka 30 qof u qaadday isbitaallada. “Waxaan arkay meydadka ugu yaraan 14 qof, waxaana macquul ah in dhimashada ay intaas ka badan tahay” waxaas sidaas yiri qof goobjooge ahaa oo la hadlay Caasimada Online. Khasaaraha ugu badnaa ayaa loo malaynayaa inuu ka dhashay baabuur rayid ah oo marayey waddada, kuwaasi oo qaraxa uu haleeyey. Waxaana sidoo kale jira dad badan oo dhaawac ah. Saraakiisha booliska ayaa Caasimada Online u sheegay in ugu yaraan afar ka mid ah Shabaabka, oo kadib qaraxii ka dhacay banaanka galay hotel Saxafi, dhammaantood la wada toogtay. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan waxayna xaqiijisay in ay beegsatay Hotelka Saxafi oo ay daganyihiin xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka, saraakiil amni iyo mas’uuliyiin ka tirsan DF. Wararka qaraxyada ayaa weli isa soo taraya. Ha ka fogaan Caasimada Online, waxaana idin soo gudbin doonnaa wararka kusoo kordha qaraxyada, insha allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Three loud explosions and heavy gunfire have been heard in Somalia’s capital, Mogadishu on Friday afternoon. Videos posted on social media showed plumes of smoke rising from the scene. According to witnesses, three car bombs exploded outside Sahafi Hotel, which is close to the busy K-4 junction; ambulances at the scene. At least 15 people are confirmed dead and dozens were wounded who are civilians. The post More than a dozen killed in three blasts in Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya qaraxyada magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Shabaabkii isku dayey inay galaan hotelka Saxafi dhammaantood la wada toogtay. Saraakiisha booliska ayaa Caasimada Online u sheegay in ugu yaraan afar ka mid ah Shabaabka, oo kadib qaraxii ka dhacay banaanka galay hotel Saxafi, dhammaantood la wada toogtay. Saraakiisha ayaa sheegay inaysan jirin dad rayid ah oo Shabaabka ay ku dileen gudaha hotelka, hase yeeshee waxaa macquul ah in qaraxa ka dhacay banaanka hotelka ay dad wax ku noqdeen. Dhammaan dadkii hotelka deganaa ayaa laga saaray iminka, waxaana hotel saxafi ka muuqda burbur kasoo gaaray qaraxa, sida ay muujinayaan sawirro laga soo qaaday. Labada qarax ee kale ayaa iyaguna ka kala dhacay meelo u dhow hotel Hayat iyo xarnta CID-da Khasaaraha rasmiga ah ee qaraxyada ayaan weli la hayn. Naga filo faahfaahin dheeri ah Insha allah.
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Dhowr Qarax ayaa waxa ay ka dhaceen Afaafka hore iyo dhabarka dambe ee Xiga wadada Aada Ar-Portka ee Hoteel Saxafi. Warar hor dhac ah oo Shabelle ay ka heleyso meesha wax ka dhaceen ayaa sheegaya in Qaraxa 1aad uu ka dhacay iridda dambe ee dhinaca Air-Portka Aada Hoteel Saxafi , halka 2 qarax kale ay ka dhaceen wadada Hor marta CID-da iyo Hoteel Saxafi. Wariyayaal Shabelle ka tirsan oo meesha wax ka dhaceen ku sugan ayaa soo warinayaa in Indhahooda ay qabteen Meydad iyo dhaawacyo aysan cayimin weli Xaddigooda. Sidoo kale Wariyayaasha Shabelle ayaa soo warinaya in haatan la arkayo Ciidamo kuwa dowladda ka tirsan oo saraan Dusha Sare ee Hoteelka Saxafi. Wixii ku soo kordha kala soco Radioshabelle.com. The post Qaraxyo Xoogan oo ka dhacay Hoteelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho. appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Muqdisho) labo qarax oo waa weyn ah ayaa goordhow laga maqlay guud ahaan Degmooyinka Gobalka Banaadir. Dadka Reer Muqdisho ayaa arkaya Jugta uuro cirka isku shareertay, iyadoona la soo sheegayo in labada qarax ay ka dhaceen Nawaaxiga Isgooska KM 4 ee Magaalada Muqdisho. Wararka hordhaca ah ee laga helaayo ayaa Sheegaya in qaraxa koowaad uu ka dhacay Xarunta Dambi barista ee CID-da, halka midka labaadna uu ka dhacay hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho. Dad Goobjoogayaal ah ayaa Radio lugo badan u sheegay in qaraxyada ay ka dhaceen CID-da iyo Hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho. Gaadiidka Gurmadka ayaa gaaray goobta ay ka dhaceen qaraxyada , iyagoona bilaabay in ay daad gureeyaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxyada. Source
-
(SLT-Hargaysa)Proff Cabdi Cali Jaamac ayaa ka hadlay qaabka lagu kala saari karo dawladnimada, xisbiyada iyo qabiilka. Proff Cabdi Cali ayaa falanqayn dheer ku sameeyey qaabka lagu hir gelin karo siyaasado lagu kala ilaalin karo sadexdaas qodob ee muhiimka ah. Proff Cabdi Cali ayaa qoraal uu kaga hadlayo arimahaasi waxa uu ku yidhi :- Xisbiga ku guulaysta doorashada M/weynaha wuxu u soo gudbayaa marxaladdan isagoo wata oodihii qabiilka, xisbiga iyo xanaftii ololaha doorashada. Xagga siyaasadda, waxa la doonayaa in M/weynuhu ku beddelo qabiilkii siyaasiga ahaa (political tribe) ee uu ku soo ololeeyey iyo dil-dillaacii doorashada ka dhashay in uu soo dhiso xukuumad ay ku jiraan qabaa’ilkii iyo dadkii kale ee ka codeeyey; maxaa yeelay waddanka waa la wada leeyahay; waa in wasiiro muhiim ah uu siiyaa reeraha laga adkaaday xisbiyadooda si loo baanto xanaftii doorashada. Xagga Wasaaradaha iyo hayadaha dawaladda ee adeegga siiya muwadinninta, waa in xisbiga guulaystay iyo reeraha taageera aanay habayaraatee wax sad bursi ah helin; maxaa yeelay waxa la rabaa adeegga ay bixiyaan in muwaadiniintu u sinnaadaan. Kaliya wasiirka wasaaradda loo soo magacaabay wuxu ula imanayaa Dg-ga iyo madaxda Civil Service-ka wasaaradda siyaasadda cusub ee m/weynaha cusubi wato; siyaasad halkan waxaynu uga jeedna Policy, not politics; waliba taasna waa marka uu soo mariyo barlamaanka; markaas oo kaliya ayuu u keeni karaa iyadoo xeer noqotay wasaaradda, oo odhan karaa ha la fuiyo; haddii uu keeni waayo xeer cusub oo barlamaanku soo ansixiyeen, wasaraaraduhu waxay shaqadooda u wadanayaan sidii hore. Marka intaa laga yimaaddo, waxa jira in madaxweynaha soo saari karo digrotooyin aanu cidna soo marin, laakiin bishardi waa in ay waafaqsanaadaan sharcigii hore u jiray intaanu iman; haddii kale waxa burinaysa maxkamadda; ama barlamaanka ayaaba curinaya xeer ay ku deedafaynayaan. Innaga la yaab ma leh haddii dadkeenu qayliyaan marka madaxweyne cusub la doorto; maxaa yeelaay innagu ma lihin dabarrada aynu kor ku soo sheegnay, ee innaga xakamaynaya M/weynaha iyo wasiiradiisa; Wallahi, waa wax laga baqo. Bal ka warran Trump oo aanu jirin garsoor iyo congress dadka ka qabanaya; saw maalin kasta digreetada uu soo saaraa may socoteen, oo Mareykan ma waasheen. Addeegga wasaaradaha waa loo siman yahay, garsoorku dadka ma kala xigsado, sidaa darteed caddaaladda waa loo siman yahay, shaqaalaha waxa lagu qoranayaa aqoontiisa, wuxu ku dallacayaa aqoontiisa, kartidiisa iyo ruug-caddaanimadiisa; waxan maqlayay beryaha dad leh shaqaalaha wasaaradaha reer hebel baa u badan; halkan waa ka xaaraan sheekadaasi. Cabdo; fiqiga dawladnimada iyo Qabiilka Siyaasiga ah. Source
-
Cadaaladu waa inan qurxoon oo weji fiican ,qaarkeeda danbena yahay ,geenyo farowle oo barwaaqaysatay ,taasoo si wayn ugu eeg sawirka geenyadii bureeqa Hadaba muuqaalka cadaalada waxaa markii ugu horaysay manaam laggu arkay todobaatanaadkii , waxaana lagga arkay maqaamada awliyada oo xiligaas muuqaalkeeda loo nuuriyey . Markii riyadeedu soo noqnoqotayna waxaa loo sameeyay taswiirtaa quruxda badan ee la wada arkay . Halkaa markay maraysay baa la galay raadinteeda ,Ka dibna dawladii kacanka iyo shacabku way Isla garan waayeen ilaa ay aakhirkii isku dhaceen . Markii dawladii horre duntay, dawladii cabdiraxmaan tuur baa la waydiiyay inantii qurxoonayd ee la raadinayay in ay keento ,iyana waxay tidhi aynu nasano ,taana halkaasaa laggu riday . Sidii loo raadinayay ee logu daba jirey , ayaa xisbiga kulmiye yimi , Ka dibna dawladii siilaanyo waxay tidhi bahasha waynu gaadaynaaye ha nala sugo , dabeeto waaba la iska ilaabay . Markii dawladii siilaanyo tagtay , tan cusibina waxay la timi sheeko cusub oo ah ,inantuba in aanay maqnayn ee ay waligeedba joogtay , dabeeto waxaa la is waydiiyay, reer hargaysoow ma haysaan inantii , reer hargaysana waxay Ku jawaaben radio hargaysa ayuun baanu Ka maqalaa warkeeda . Hadana reer bebrberaa la waydiiyay, reer bebrberana waxay Ku jawaaben, jimcayaasha ayàanu Ka eegnaa qabrigii cigal bal in ay soo booqato . Hadana reer burcaa la waydiiyay, reer burcana waxay Ku jawaaben, gurigii Somaliland lagaga dhaaaqay baanu sugaynaa inta la dhisayo bal in ay markaa timaado . Reer laascaanood ayaa hadana la waydiiyay , reer laascaanood na waxay Ku jawaaben,Cali khaliif baanu u wardoon tag nidhayoo ,Cali khaliif baanu sugaynaa bal halkuu kaga waramo . Reer ceergaabo ayaa la waydiiyay, reer ceergaabo na waxay Ku jawaaben, bal wadadu ha dhamaato waaba intaasoo ay wadada soo raacdaaye . Ugu danbayn borame ayaa la waydiiyay, reer booramana waxay Ku jawaaben, dugsigii sheekh Cali jawhar ee Somaliland laggu dhisay ayàanu Ku sugaynaa . W/Q: Ahmed Nour Guruje Source
-
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya goordhow waxaa laga maqlay jugta ilaa 3 qarax oo is xig xigay. Qaraxyadaasi ayaa waxaa lagu weeraray Hoteelka Saxafi oo ku dhow xarunta CID oo dhamaantood ku yaala isgooyska KM4 ee Muqdisho. Qaraxa kadib ayaa waxaa la maqlay rasaas sida ay sheegayaan dad goobta ku sugan oo aan la hadalnay. Faah Faahinta dib kala soco insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post DEG DEG: Qaraxyo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Ugu horayn, waxa wax aad looga xumaado ah in aad adigoo u soo kalahay si aad u raadsato arsaaqadaada ay hadana qalbigaaga iyo maskaxdaaduba ka fikirayan sidii aad isaga ilaalin lahayd xadhig, jidh dil iyo burburinta hantidaada iyadoo aaney jirin wax sabab ah ay arintaasi kugu dhacayso oo xagaaga ka ahaatey. Waxa kale oo wax laga naxo ah cida arintan samaynaysaa waa ciidankii loo sameeyey ilaalinta iyo u adeegida isla bulshada ay dhibaatadan ku hayaaan, balse ay ugu badelen in ay u adeegaan dhiig miirato dawlada hoose magaceedu yahay oo aan aqoon muwaadin, balse taqaan cashuur urursi hab awoodeed ah una adeegsata masaankiinta iyadoon loo eegayn awooda muwaadinka amase karaankiisa balse ay tahay waajib saaran arintaasi in uu bixiyana ay tahay. Muwaadin saaka soo kalahay oo suuqa wayn ee waaheen u soo arsaaqad doontay lagana yaabo in uu ka yimi xaas iyo caruur khasabna ay ku tahay in caawa wax kula laabto, kana werwersan in uu faro madhnaan ku tago ayaa isagoon waxba laga iibsan laga rabaa cashuurta maalinlaha ah, waana ku khasab in uu bixiya, waxaana dhacda in uu u amaah tago si uu isaga bixiyo intii la xidhi lahaa oo ganaax kale oo ka sii adagi fuuli lahaa. waxaad ila qarwaaqsanaysaa akhriste in arinkan uu yahay mid xaqiiqa ah oo jira balse aanu ahayn dhaliil iyo cambaarayn aan cid gaara ku beegsanayo, mana fiicna in aad cid iska Eedaysaa iyadoo aaney ahayn xaqiiq jirta. Arintan muuqalka ka muuqata waa tii kaliftey in ay isu dilaan dhalinyaro kuwan oo kale ah oo u adkaysan waayey dhibaatada, dhagxumada iyo dhiig miirashada ay ku hayaan dad awood isticmaalaya oo aan damiir lahayn. Waxaynu hal tusaale u soo qaadanaynaa wiilkii 26 sano jirka ahaa ee u dhashay dalka Tunusia oo la odhan jiray Bouaziz. Wiilkaan oo marki uu dhimanayey ahaa 26 jir ayaa iibin jiray qudaarta iyo miraha kala duwan ee kasoo baxo beeraha ee la cuno, waxa shaqadaasi uu ku caawin jiray ilaa iyo sideed ruux, bishi waxa kasoo gali jirtay lacag ka yar $150 oo ah lacag aanan ku filneyn. Hamigiisa waxaa ku yaalay inuu soo iibsado baabuur uu ku qaato qudaarta, laakin waxaa u diiday sadex sarkaal oo ka tirsanaa maamulka degmada Bouazzizi oo uu kasoo jeeday sida ay sheegeen qoyskiisa. Saraakiisha waxay weydisteen in uu bixiyo laaluush, kadibna waxay qabsadeen alaabihi u saarnaa gaariga iyaga oo garaacid ugu daray, waxaa marki danbe laga hor is taagay in dacwadiisa uu u gudbiyo gudoomiyaha gobolka, laakin wuxuu sameeyey intii xarunta maamulka hortagay ayuu is gubay, taasina waxay dhalisay kacdoon xilka lagaga tuurey dawlad in kabadan 23 Sano talinaysay. ugu dambayntii hadii qofka cadaadis, jidhdil, laaluush iyo hantidiisa oo la burburiyo uu waa kasta oo barya uu kala kulmo kuwii uu adeega ka sugayey, waxa suura gala in ku dhaqaaqo waxkasta oo maskaxdiisa ku soo dhaca sax iyo qalad isagoon u kala eegin. Waxan Alle ugu baryaya in dhamaan muwadiniinta dhibaataysan Alle u gargaaro sabirkoodana alle ka ajar siiyo. Aamin-Aamin-Aamin W/Q: Ahmed Harir Adam Hargeisa, Somaliland ahmedharir410@gmail.com Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray dalkan Itoobiya oo ay ka furmi doonaan wadahadallada dhammaystirka heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran garoonka diyaaradaha ee Gondar ugu soo dhaweeyey Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Dowladda Itoobiya kuwaas oo uu hor kacayey Ra’iisul Wasaaraha Dalkaas Mudane Abiy Axmed. Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya ay socdaal dhanka dhulka ah ku tagayaan magaalada Bahra Daar ee Waqooyi Galbeed dalka Itoobiya, halkaas oo ay ku yeelan doonaan wadahadallo ku saabsan dhammeystirka heshiiska iskaashiga iyo wax wada qabsiga saddex geesoodka ah. “Hoggaamiyeyaasha Gobolku waxa ay iska xog waraysan doonaan xaaladaha guud ee Gobolka, iyagoona si gaar ah uga wada hadli doona dhammeystirka heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ah ee Asmara.” Agaasime Cabdinuur ayaa tilmaamay in shirarkan wadatashiga ah ee ay yeelanayaan Hoggaamiyeyaashu ay ka turjumayaan ka mira-dhalinta dadaallada ku qotama horumarinta dalalka Gobolka Geeska Afrika iyo xaqiijinta hiigsiyada nololeed ee shucuubta walaalaha ah. Masuuliyiinta iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa dhiggooda Itoobiya iyo Ereteriya la wadaagi doona aragtida iyo qorsheyaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku salaysan ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dalalka Gobolka, xoojinta iskaashiga iyo wax wada qabsiga, daris-wanaagga iyo ilaalinta xasilloonida amni iyo midda siyaasadeed ee Gobolka. Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo gaaray itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Laba qarax oo aad u culus ayaa goor dhow laga maqlay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Qaraxyada ayaa lagu warramayaa inay ka dhadhaceen agagaarka KM4, waxaana sidoo kale la maqlayaa rasaas xooggan oo dhaceysa. Wararka ayaa sheegaya in labada qarax ay ka kala dhaceen agagaarka hotel Saxafi iyo Xarunta CID-da ee Muqdisho. Wararka qaar ayaa sheegaya in rasaasta dhaceysa laga yaabo inay tahay in koox hubeysan ay gudaha u galeen xarumahaas. Naga filo faahfaahin dhowaan, Insha Allah
-
Melbourne (Caasimada Online) – Nin Soomaali ahaa ayaa weerar mindiyeyn oo la tuhunsan yahay inuu yahay fal argagixiso ka fuliyey magaalada Melbourne ee dalka Australia, halkaasi oo uu qof ku dilay laba kalena ku dhaawacay. Weerarka ayaa billowday 4:00 PM, markii ninka weerarka soo qaaday uu baabuur soo dhigtay banaanka meel laga dukaameysto. Waxaa kadib dab uu ka kacay baabuurkiisa, wuxuuna bilaabay inuu dadka mindi ku weeraro. Goobjoogeyaal ayaa sheegay in laba qarax ay ka maqleen baabuurka. Madaxa booliska Victoria, Graham Ashton ayaa sidoo kale sheegay in ninka uu isku dayey inuu weeraro booliskii kusoo baxay dhacdada, kuwaas oo isagii toogasho ku dilay. Ashton ayaa sheegay in ninkan uu muddo ahaa qof ay isha ku hayaan sirdoonka dalka Australia. “Waxaan ficilkan u aragnaa mid argagixiso” waxaa sidaas yiri Ashton. Ninkan Soomaaliga ah, oo aan weli magaciisa la shaacin ayaa dalka Australia yimid sanadihii sagaashamaadkii, oo uu kasoo qaxay dalka Soomaaliya. Dhacdadan ayaa waxaa weli ku socda baaritaan, waana idinla soo socod siin doonaa wixii kusoo kordha, insha allah. Caasimada Online Xafiiska Sydney Caasimada@live.com
-
(SLT-Muqdisho)Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa maanta si rasmi ah magaaladda Muqdisho ee xarunta Dalkaasi Soomaliya uga bilowday duulimaadkii u horeeyay oo rakaab ah muddo 40 sano ah, iyadoo diyaaraddu ay sameyn doonto duulimaadyo caadi ah todobaadkiiba saddex jeer oo ay ku imaan doonto Muqdisho. Munaasabad lagu daah furayay duulimaadka cusub ee Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa ka dhacday garoonka Aadan cadde, waxaa munaasabadda ka qeyb galay Safiirka Ethiopia u fadhiya Muqdisho Jamaaludiin, Duqa Muqdisho, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Soomaaliya, Agaasimaha Hey’adda Socdaalka Soomaaliya, Madaxda Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines iyo Mas’uuliyiin kale. Isku socodka labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa ku dhawaad nus qarni ahaa mid hakad kujirey. Waxayna shekadu hore dulimaadyo uga samayn jirtay Waddanka Jamhuuriyadda Somaliland ee la jaarka ah Soomaliya . Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa noqoneysa diyaaraddii labaad oo caalami oo duulimaad ka bilowda Muqdisho, horay waxaa sanadkii 2012 duulimaad rasmi ah ka bilowday Muqdisho Shirkadda Turkish Airlines oo ka mid ah diyaaradaha caalamiga ah. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Raysal Wasaaraha cusub ee Itoobiya Abby Ahmed uu wado dadaalo isbadal oo Geeska Afrika Ah. Somalilandtoday/Muqdisho/Office Source
-
Ergadii ka kala timid gobolada Mudug ,Nugaal , Sool, Cayn ,iyo dowladd deegaanka Itoobiya ayaa waxa ay heshiis hor udhac ah ay kala dhax dhigeen beelihii dhawaan ku dagaalamay deegaanka Dhumey ee gobolka Sool. Ergadan ayaa waxa hogaaminaya Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool garaad Wiil Waal. Qodabadii heshiska hor udhaca ahaa ayaa waxaa kamid ahaa: 1-1-In Xabadda la Joojjiyo si shuruud ah. 2-In labada beelood ay Nabadda qaataaan 3-In gogosha xigta ee Nabadeynta la dhigo magaalada Jig Jiga ee caasimadda dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia. 5-In labada beelood ay iska soo xulaan min 21 Xubnood oo ergo ah. 6-Iyo in ay ku soo diyaar-garooban mudda saddex cisho ah. Source
-
Ethiopia plans to build naval base: Having the vision to build modern and stronger armed forces, the government of Ethiopia decided to build naval base in adjacent to the Red Sea and the Indian Ocean, according to Deputy Chief of Staff of the Ethiopian Armed Forces. Speaking to the Ethiopian Press Agency, General Berhanu Jula said that the leadership of Prime Minister Dr. Abiy Ahmed has a vision that Ethiopia will build stronger maritime forces armed with modern technologies. General Berhanu said that as Ethiopia is a big country and has the strongest army in the Africa, the incumbent has come up with a plan to establish naval forces. “Although we do not have a sea outlet, we are very closer to the Red Sea and the Indian Ocean. Now, we witnessed that many countries have showed a growing desire to build naval bases in Somalia, Djibouti, Puntland, and Eritrea and we can build our navy, standing 60 km away from the coast.” Since Ethiopia primarily uses the Red Sea ports for its import-export trade, it is commendable that the country has built a new structure for the Ethiopian Navy, General Berhanu added. “We are consulting with other countries regarding the naval reinstatement, capacity, and structure. Countries which acquired possessions around the Red Sea and Indian Ocean provide naval bases for other countries, so that, it is a strategic decision that Ethiopia has to develop maritime power within its proximity.” “Taking a Navy site around the sea, we can ensure our benefit from the sea and help us empower our capacity to defend foreign attacks. That is the reason that Prime Minister Abiy stressed the significance of the re-establishment of the Ethiopian Navy,” General Berhanu added. He also said: “We must show our influence around the sea. Different countries are coming from far and creating influences on the sea. We are a great nation with over 100 million people. There is no any reason Ethiopia remains landlocked.” The government is working aggressively on the reestablishment of the Ethiopian Navy to be powerful and stronger with modern technology and equipment, he added. Following Eritrea’s secession in 1991, Ethiopia has no naval forces for 27 years. Source
-
Muqdisho (caasimada Online) – Shirkadda Diyaaraddaha Ethiopian Airlines ayaa duulimaadkeedii ugu horreeyay ee gancsi ah maanta ku timid magaalada Muqdisho 41 sano ka dib. Duulimaadkan oo dhawaan uun hindisahiisa la shaaciyay ayaa si wayn looga dhursugayay. Shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines ayaa sannadihii u dambeeyay ka shaqaynaysay magaalada Muqdisho. Dadka Soomaaliyeed ayaa baahi weyn u qaba duulimaadyadda Caalamiga, waxaana Muqdisho Shirkad Caalami ah oo dhanka duulimaadka ah oo ka howlgasha ka jira Shirkadda Diyaaradaha ee Turkish. Inta uusan sannadkan dhamaaninna waxaa la filayaa in shirkadda diyaaraha ee Kenya Airways ay billawdo in ay safaro toos ah ku tagto magaalada Muqdisho. Marka uu tartankaasi batana waxaa la filayaa in ay riqiisaan tikidhada duulimaadyada caalamiga ah oo hadda qaali ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Siyaasiyiintani iyo Wax-garadkani oo maanta ka qaybgalayey Barnaamijka Maxaa ka run wixii ka sheegay, ayaa waxay soo dhaweeyeen isbedalka ka hanaqaadaya degaanada, dowlad degaanada iyo maamul goboleedyadda dalka. Isbedalka ayey ku doodeen inuu dalka uhorseedi karo horumaro kala duwan iyo midnimo, taasi oo dowladda Federaalka ka saacideysa in guud wadanka ay gaarsiiyo mashaariicyo kala duwan iyo adeegyadda ay uga haaban yihiin Shacabka Soomaaliyeed. Xilldhibaan Hore, Cali Seekow, ayaa ku tilmaamay in isbedalka ka hanaqaaday Koonfur Galbeed qodax ku taagneed Shacabka Koonfur Galbeed, isaga oo cod dheer ku qeexay in dowlada Dhexe haatan looga fadhiyo inay ubedasho isbedalkaasi guulo. Dhinaciisa, Suldaan Cabdi Kariin Macalin Xasan, ayaa farta ku fiiqay in Hanaanka 4.5 iyo dowlad goboleeyadda ay yihiin caqabadaha ku hor-gudban dalka, isaga oo xusay in hadii la turxaan bixiyo wadanka uhorseedi karto dowladnimo loo dhan yahay oo bixisa adeegyada looga baahan yahay. Hoos ka dhageyso warka oo Cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Jimcaale2.mp3 The post Siyaasiyiin iyo Wax-garad oo soo dhaweeyay isbedalada maamulada appeared first on Shabelle. View the full article
-
Addis Ababa (Sh.M.Network) – Booliska ayaa ku dhawaaqay inay ka heleen Xabaal-wareedyo sohdinta kala qaybisa gobolka Soomaalida iyo Oromada ee hoostaga dowladda Federaalka ah ee Itoobiya. Hay’addaha nabad-gelyadda ayaa shaaciyay inay ku dadaalayaan sidii ay uheli lahaayeen magacyadda, jinsiyada iyo tafaasiil dheeri ah oo la xiriira meydadka laga soo saarey Xabaal-wareedyadda oo tiradoodu lagu sheegay in ka badan 200. Warbaahinta maxaliga ah ee wadanka ayaa ku warantay in ehelida Xabaal-wareedyadani ay kusoo aadeyso xili ay socoto dacwad ka dhan ah Madaxwaynihii hore ee dowlad degaanka, Cabdi Maxamuud Cumar [Cabdi Ilay]. Cabdi Ilay ayaa loo haystaa inuu geystay tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, waxaana la filayaa inuu kasoo hor-muuqdo maxkamad si uu u wajaho cadaalada xili uu dhowr jeer la hor-geeyay. Madaxwaynihii hore ee degaanka ayaa ku eedaysan abaabulka Rabshado, isku dhacyo qowmiyadeed oo khasaaro dhaliyay iyo ku tagri fal awoodeed xili uu is-casilay bishii Agoosto ee sanadkaan 2018. Helitaanka xabaal-wareedyadda ayaa wajihi cusub u yeeli karta dacwada ka dhanka Cabdi Maxamed Cumar, kaasi oo dhinac isaga leexiyay dhamaan eedaynta loo haysto, inkasta oo dacwad-oogayaashu ku adkeysanayaa inuu dambiga galay. The post Xabaal-wareedyo laga helay sohdinta Oromada iyo Soomaalida appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Xilldhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Mudanayaasha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay isbedalka ka curtay degaanada maamul goboleedka Koonfur Galbeed. Dalxa, oo u waramay Idaacadda Shabelle ayaa ugu baaqay Sharci-dejiyaasha dowlad goboleedkan inay doortaan hogaan wanaagsan, kaasi oo samata bixin kara maamulka, oo uu marajaha u hayey Shariif Xasan oo xilka ka degay. Isaga oo hadalkiisa sii wata Xildlhibaan Dalxa oo Aqalka Hoose ku metala Koonfur Galbeed wuxuu uga digay inay doortaan hogaamiye kale, kaasi oo ay uga shalaayaan Madaxwaynihii xilka ka tagay. Doorashad Koonfur Galbeed oo ah mid xasaasi, ayna ku tartamayaan Murashaxiin kala duwan oo mug iyo miisaan ku leh siyaasada dalka ayaa waxaa lagu wadaa inay qabsoonto 17-ka bishaan November. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Mutawakil-1.mp3 The post Dalxa oo baaq udiray Xilldhibaanada Baarlamanka Koonfur Galbeed appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Duhur-09112018.mp3 The post Dhageyso: Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya , Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor-dhow gaaray Magaalada Gondar, halkaas oo ay ugu sii gudbi doonaan Magaalada Bahr Dar ee isla Dalka Ethiopia. Mudane, Farmaajo, ayaa halkaasi kaga qayb geli doona shir Saddex Geesood ah oo uu la qaadan doona Ra’iisul wasaaraha Dalka Ethipia Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Dalka Eritrea, Isaias Afwerki. Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa qayb ka ah, Wasiiru Dowlaha arrimaha Dibedda Soomaaliya, C/qaadir Axmed Khayr Cabdi, Safiirka Soomaaliya u jooga Ethiopia, Cali Shariif Axmed iyo la taliyeyaal sare, sida uu SONNA u sheegay , Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Abdinur Maxamed Axmed. Kulankan Saddex geesoodka ah ayaa looga hadli doonaa dhammaystirka heshiiskii ku saabsanaa isku xirka dhaqaalaha Waddamada Gobolka oo Laba Bilood ka hor ka dhacay Magaalada Asmara ee Caasimadda Dalka Eritrea. Caasimada Online Xafiiska Addis-Ababa Caasimada@live.com