-
Content Count
206,925 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in waqtigeeda lagu qabto doorashada Koonfur Galbeed, waxaana Saacadigii ugu dambeeyay magaalada Baydhabo ka dhacayay Kulamo loga hadlay doorashada Koonfur Galbeed. Musharixiinta lagu tuhmayo inay taageero buuxdo ka heystaan Dowladda Soomaaliya ayaanan ilaa hadda ka hadal iscasilaadii Shariif Xasan iyo Doorashada dib loo dhigo ama waqtigeeda lagu qabto. Waxaa soo baxaya in masuuliyiinta dowladda ee gaaray magaalada Baydhabo ay kulamo la qaateen musharixiinta qaarkood, iyaga oo kala hadlayay hanaanka doorashada iyo taageerada xildhibaanada. Ilo xog ogaal ah ayaa Caasimadda Online u sheegay in haddii waqtiga rasmiga doorashada Koonfur Galbeed lagu qabtaa ay fursad muhiim ah u tahay dowladda Soomaaliya, maadaama xildhibaanada ugu badan ay taageersan yihiin isbadalka Koonfur Galbeed. Haddii Fursad dheeri ah la siiyo musharixiinta kale waxaa suuro gal inay taageero siyaasadeed ay ka helaan Shariif Xasan, islamarkaana uu noqon karo Shariif Xasan mid Daaha Gadaashiisa ka maamula Koonfur Galbeed. Fursadda kale ayaa ah in Musharixiinta qaar ay taageero ka heystaan beelaha ay kasoo jeedaan, taasi oo horseedi karta in taageero kale ay ka helaan xildhibaanada baarlamanka Koonfur Galbeed. Balse hadda waxay dowladda Heystaa Fursad ay kaga guuleysan karto musharixiinta kale oo qaarkood aanan heysan taageero dhaqaalo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Sida muuqato waxaa curtay isbadal iyo taariikh ka guurid, geedigguna wuxuu marayaa in lasoo gunaanudo koox danleey ahayd dantoodunna ku fadhidday inay minjo xaabiyaan dowladnimadda Soomaaliya ayagoo u adeegaayo dowladdo shisheeyo una dhaqmaayo hanaan ka duwan hogaanka ay ku magacaaban yihiin. Jubbaland oo ah halka ugu barwaaqaysan dalka Soomaaliya guud ahaantiis maanta waxay mudnaan u heshay niman dadkeedi gaajo u dilay deegaankeedina xaalufiyay waxaanse qirayaaa in kuwa sidaas u galay Jubbaland ay yihiin kuwo gabalkoodi dhacay, dadka Jubbaland-na waa kuwo ay ka go’antahay hirgalinta rabitaankooda oo kusalaysan isbadal aqooneed oo wax tarro dadka iyo deeggaankaba. Waxaanse rabbaa inaan halkaan ka caddeeyo su’aal la xiriirto Hogaamiye noocee ah ayay u baahan tahay Jubbaland? Jawaabta weydiintaas haddaan is dul taago waxay Jubbaland u baahantahay hogaamiye aqoon iyo waayo-aragnimo Maamul leh si dhowna ola socdo tacadiggii iyo dhibaatooyinkii loo gaystay dadka reer Jubbaland, sixi karana qalladaadkii Maamul iyo marin habaabintii habka matalaada dadka reer Jubbaland oo noqon karo caqabad sixiddeeda ay u baahnaan karto aqoon durugsan & khibrad maamul, ummana baahno Jubbaland nin leh danno shaqsiyadeed khibraddiisuna tahay xaalufinta dhirta iyo dadka oo la warjeefo. Haddabo si loo helo hogaamiye kasoo bixi karo shaqaddiisa dadkana iskusoo dumi karo waxaan soo jeedinayaa in lagu dhaqaaaqo qodobaddaan soo socdo: 1 – In marka hore la saxo qaladaadkii dhanka Maamulka ahaa dib u eegisna lagu sameeyo habraaca awood qaybsiga oo aan si saxan loo maareyn. 2 – In la helo dad maan iyo maskaxba galiyo siddii looga gudbi lahaa waxyeellada aqoon xummadu keentay ee Jubbaland maganta u ahayd 7 sano ee Axmed Madoobe iyo kooxdiisa ay xooga ku haysteen. 3 – In doorashadda Jubbaland ka hor la qabto shir weyne dib u heshiisiin si hogaamiyaha imaanaayo uusan qabad ola kulmin. 4 – In dhalinyarada iyo dadka Maskaxda furan ee leh aqoonta la siiyo fursad ay deeggaanka ku hogaamin karaan si ay meesha oga baxda caabuqa iyo boogta hogaamineed ee maamulka Axmed Madoobe. Ugu danbeyntii waxaan soo jeedinayaa in laga sii shaqeeyo hadda siddii looga tilaabsan lahaa loogana gudbi lahaa caqabaddaha jiro iyo waxyeelladda ku imaan karto hogaamiyaha cusub ee badallaayo maamulka dadkiisi dhibaateeyay ee Axmed Madoobe. W/Q: Maxamed Xasan Haliil Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan, ayaa marar badan digniino kala duwan u diray Xildhibaanada baarlamaanka ee ka maqan kulamada Baarlamaanka. Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa ka hadlay waxyaabaha u sabab ah in la waayo xildhibaano badan , taasi oo mararka qaar sababta in kulamada baarlamaanka ay baaqdaan. Xildhibaan Sareedo oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegtay in labo arin ay sabab u tahay in xildhibaanada ugu badan ay xaadiri waayaan kulamada golaha shacabka ee baarlamaanka. Tan koowaad ayay ku sheegtay inay yihiin inay jiraan xildhibaano badan oo Fasax iyo xanuuno ku maqan, kuwaasi oo aan dib ugu soo laabaan fadhiyada baarlamaanka tan iyo markii ay fasaxyada qaateen. Tan labaad ayay ku sheegtay in ay jiraan wasiiro, wasiir ku xigeen iyo wasiiro dowlayaal badan oo kamid ah golaha shacabka, kuwaasi oo inta badan aanan soo xaadirin fadhiyada baarlamaanka. Waxay ugu baaqday wasiirada xildhibaanada kamid ah inay xitaa ugu yaraan xaadiraan fadhiga baarlamaanka inta laga buuxinayo Kooramka uu ku furmayo fadhiga golaha shacabka, kadibna ay shaqadooda iska aadaan. Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay inay talaabo ka qaadi doonaan xildhibaanada aanan xaadirin kulamada baarlamaanka, isagoo digniintii ugu dambeysay siiyay labo maalin kahor. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ilaa 16 koox oo ka mid ah 25-ka koox ee xiriirka u diiwaan gashan ayaa ka gadoodsan qorshaha madaxda xiriirka ee ah in la qabto doorasho qudbo siro ah. Kooxaha oo shalay shir yeeshay ayaa dalbanaya doorasho caddaalad ah. 9-ka koox ee shirka aanan imaan ayaa waxaa milkiyaddooda leh guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa ee waqtigooda dhammaaday. Madaxda xiriirka ugu sarreyso ayaa diyaarsaday shakhsiyaadka doorshada qarsoodiga ah kusoo bixi lahaa oo lagu qeybsaday qaab qabiil taas oo ay kooxaha gadoodsan ay diiddan yihiin. Wasaaradda isboortiga oo laga rabay in ay si caddaalad ah arrintan u gasho ayaa la safan madaxda xiriirka oo la rumeysan yahay in la laaluushay. Madxda xiriirka oo waqtigoodu ku ekaa bishii August ayaa waxaa kasoo horjeeda dhammaan bahda isboortiga. Guddoimiyaha ayaanan oggoleyn doorasho furan, iyadoo dastuurka uu qortay uu dhigaayo in qof aanan madaxda xiriirka ka tirsaneyn uusan isa soo sharrixi karin. Maamullada isboortiga ee maamul goboleedyada ayaa sidoo kale hadda baraarugay iyagoo doonaya doorasho guud maadaama xiriirku u taagan yahay magaca jamhuuriyadda Soomaaliya. Dhowaan waxaan soo gudbin doonaa wareysiyo aan la yeelannay kooxaha doonaya in doorasho sax ah la qabto. Madaxda xiriirka ayaa isku dayaya inay lacago u qeybiyaan kooxaha ku kacsan ee aanan ahayn kooxaha ay iyaga milkiyaddooda leeyihiin. Ibrahim Gedow Awale Injineerka14@gmail.com
-
Sources close to the Prime Minister disclosed to ESAT that over 160 army generals and commanders have been let go in a major reform by Abiy Ahmed’s government in the upper echelons of the army that was overwhelmingly dominated by ethnic Tigrayans and members of the Tigray People’s Liberation Front (TPLF). In a meeting with members of the community in the city of Gondar yesterday, Prime Minister Abiy Ahmed said one of the major works of his government since he took power seven months ago was undertaking major reforms in the army. PM Abiy said some of the generals were also willing to resign convinced that most departments were dominated by one ethnic group. He said the army is now structured in a way no ethnic group would have complete domination in any department. The TPLF led regime had appointed Tigrayans in over 90% of top brass positions that led to nepotism, unbridled corruption and anarchy in the Ethiopian army. Officers from other ethnic groups have exposed favoritism and discrimination by the Tigrayan top brass, leading some to quit the army. Speaking in Gondar, the Prime Minister said the army is now reformed to represent all Ethiopians. Among a number of reforms he made since taking power in April, the Prime Minister has reshuffled a number of key positions in the government and in the army that was controlled by a Tigrayan oligarchy. Tesfanews Qaran News
-
Teachers Needed in Hargeisa, Somaliland, Africa Posted By: Abaarso School of Science and Technology <teach@abaarsoschool.org> Date: Wednesday, 7 November 2018, at 3:14 p.m. Abaarso School, featured on 60 Minutes, in the New York Times and BBC World, is a non-profit boarding high school educating the best and the brightest Somali students in the Horn of Africa. The school prepares students to excel in higher education, while also focusing on extracurricular activities and community service. The school encourages morality and a strong sense of responsibility for improving the students’ community. While only founded in 2009, Abaarso School has achieved success not seen in the area for several decades. After four graduating classes, over 130 Abaarso students have earned full scholarships to continue their education abroad, including at Harvard, Yale, Columbia, Brown, MIT, Swarthmore, Amherst, Brandeis, and many more. As of 2017, Abaarso holds accreditation from the New England Association of Schools and Colleges (NEASC). Abaarso is looking for individuals interested in dedicating at least one year to training these top high school students. Teachers will join the school culture that puts the growth of the school and the students first, while finding a way around the challenges inherent in working in the developing world. Between the classroom, preparation, student groups, office hours, and other projects, teachers should expect approximately 70 hours of work each week. With successful performance, significant upward mobility is possible for staff members. The following qualifications and experiences are highly desired: prior teaching experience, altruistic work/volunteer experience, experiencing working with children, prior work or study experience in developing countries. Abaarso School is looking for teachers in various disciplines including English, computer science (computer literacy, networking, some programming), math (up to Calculus), social studies, and the sciences (general science, physics, biology and chemistry). Abaarso School teaching positions are determined through a year-round rolling application process but we are currently accepting applications for teachers in various subjects for a start date in January or August 2019. To apply to teach at Abaarso, please submit an application through our website: http://www.abaarsoschool.org/apply/teaching, and then send a resume, cover letter and transcripts to teach@abaarsoschool.org Return to Index | Read Prev Msg | Read Next Msg Dave’s ESL Cafe International Job Board is maintained by Dave Sperling with WebBBS 4.33. Teach in Thailand – Zero Program Fee for ESL Cafe Readers! Island TEFL Dave’s ESL Cafe is maintained by the one and only Dave Sperling. Banner Advertising | FAQs | Articles | Interview with Dave Copyright © 2018 Dave’s ESL Qaran News
-
Kulan Albaabadu u Xidhan yahay oo Paris ku Dhex-maray Gudoomiye Cirro Iyo Madaxweynihii hore Daahir Riyaale Kaahin… Kulan aan nuxurkiisa la oggeyn, ayaa Caasimada dalka Faransiiska ee Paris ku dhex-maray Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin. Kulankan dhex-maray Gudoomiye Cirro iyo Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin oo saacado qaatay, ayaa ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin oo aan Saxaafada loo ogolayn, ayaa la sheegay in lagaga wada-hadlay arrimo kala duwan, oo ay kamid tahay xaalada Siyaasadeed ee waqtigan uu ku sugan yahay dalka Jamhuuriyada Somaliland. Waxana labada hoggaamiye isla qaada-dhigeen marxalada dalku ku jiro iyo sida looga bixi Karo Jaho wareerka Siyaasadeed ee dalku galay, waxana xaaladaha sida gaarka ah kulankan loogu dul istaagay Kamid ahaa khilaafka u dhexeeya Xukuumada Kulmiye iyo asxaabta Mucaaridka ah iyo Kala qaybsanaantii laga dhaxlay doorashadii Madaxtooyadda ee Somaliland ka dhacday 2017-kii November 13-keedii. Qaran News
-
Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo ah xildhibaan hore oo kamid ahaa Baarlamaanka Soomaaliya islamarkaasina goobjoog ka ahaa qaraxyadii qasaaraha geeystay ee galabta ka dhacay Muqdisho. Cabdi Barre ayaa sheegay in uu indhihiisa ku arkay meeydadka 47-ruux oo kamid ahaa dadkii ku dhintay qaraxyadii is xig xigay ee ka dhacay galabta Muqdisho. ” Inta aan tirakoobkooda qaaday waxa ay ahaayeen 47 qof intaan arkay waxaa ku jiray haween Boqolkiiba sideedan dadka dhintay waa ay gubteen Dowlada dadka amaankooda xil ha iska saarto ” ayuu yiri Xildhibaan hore cabdi Barre jibriil. Qaraxyo is xigay oo qasaare geeystay ayaa maanta ka dhacay Muqdisho dadka dhintay ayaa waxa ay u badnaayeen dad saarnaa gaadiidka dadweynaha ee BL-ka iyo kuwa Bajaajta oo uu qaraxa qabsaday. Hoos ka Dhageeyso Codka https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/11/Cabdi-Barre-Jibriil-PP-By-Cowke-.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Cabdi Barre “47-Qof ayaa ku dhimatay qaraxyadii Muqdisho” appeared first on Puntland Post.
-
Dawladda jeegaanta ayaa ku fashilantay in ay isku awood noqon waayaan wasiirradii Maaliyadda ee soo maray dalka Samsam Cabdi Aadan iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo wasiirka imika Yuusuf Maxamed Cabdi iyada oo aanu xisaabiyaha guud sida ay tahay u fulin jiran wareegtooyinka wasiirka, halka uu si degdeg ah u dabiqi jiray wareegtooyinkii ay soo saareen wasiirradii hore. Iyada oo la tixraacayo shuruucda dalka u taalla iyo dastuurka qaranka ayaa waxa la soo afmeeray murankii daaranaa iyada oo lagu soo gabo-gabeeyay in uu xisaabaadka guud ee qaranku yahay waax ka tirsan wasaaradda horumarinta maaliyadda. Ilo-xogogaal ahi waxay noo xaqiijiyeen in uu xisaabiyaha guud ee dawladdu ka dalbaday wasiirka in uu ka noqdo wareegtada uu ku bedelay xisaabiye-ku-xigeenka Kayse Maxamed Cabdillaahi isla markaana uu sheegay in aanu isaga la’aantii shaqayn karin taas oo uu ku fal-celiyay in uu ka madax-adaygo fulinta amarka wasiirka. Hadiiba uu yidhi yaan la iga badalin xisaabiye-ku-xigeenka, ma loo micnaysan karaa in xisaabiyuhu wax ku qarsan jiray xisaabiye ku xigeenka oo uu kaaliye uga ahaa musuq-maasuq iyo is daba marin iyada oo weliba wararka iska soo daba-dhacayaa ay sheegayaan in ay ku dhex maqan tahay 40 bilyan oo shilinka soomaalilaan ah iyaga oo ku micneeyay daymo iyo wax aan macquul ahayn, iyada oo ay weliba dheertahay in ay wasaaradihii siiyeen amar aanay awood u lahayn kaas oo ah in ay 30% in ay dhimaan kharashka miisaaniyaddooda, taas oo ay ujeedadoodu tahay in ay lunsadaan miisaaniyadda qaranka 30%. Ilaa hadda waxa la is weydiinayaa halka uu xisaabiyaha guud ka keenay awoodda intaa le’eg ee uu amarka ku siinayo wasiirrada balse waxa la soo xaqiijiyay in uu caruur uu madaxweynuhu abti ruma u yahay oo aan madaxtooyada ka bixin in ay qabaan hablihiisa taas oo ah sad-bursi awoodeed oo aan nooceeda hore loo arag. Waxa la wada ogsoonyahay in xilligii Samsam Cabdi Aadan iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale ay is bedello ku sameeyeen xilalka xisaabaadka guud ee qaranka taas oo uu xisaabiye kastaa sida ay tahay u fuliyay amarka wasiirrada aynu kor ku soo xusnay. Dhinaca kale, Axmed Daauud oo ahaan jiray xisaabiye xilligii Samsam waxa uu sida ay tahay u fulin jiray amar kasta oo ay farto Samsam Cabdi Aadan. Wareegto kasta waa la dabiqi jiray isla marka ay soo baxdo. Hadaba, maadaama oo uu amarrada wasiirradii hore u hoggaansanaa, Maxaa sababay in uu imika ka caga-jiido fulinta amarka wasiirka maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi maadaama oo ay dawladdani tahay dawladdii sharciga, kala danbaynta iyo baratakoolka? Maxay ku kala duwan yihiin labada wareegto ee ay labada wasiir kala qoreen? Ma loo macnaysan karaa in ay ka dhigantahay in wasiirradii hore ay ahaayeen jeegaanta balse aanu wasiirkan imika ahayn mid ku abtirsada beesha jeegaanta? Dhinaca kale, waxa isku maalin la bedelay maamulihii madaarka Hargeysa oo ay isku reer yihiin wasiirka maaliyadda iyo xisaabiye ku xigeenka oo ka soo jeeda beelaha jeegaanta, markiiba waa la fuliyay amarka bedelaadda maamulaha madaarka maadaama oo uu badalay Maareeyaha Airport ka oo jeegaanta ah halka aan la fulin wareegtada bedelaadda xisaabiye ku xigeenka maadaama oo uu bedelay wasiirka maaliyadda oo aan jeegaanta ahayn taas oo ay u eegtahay in ay dawladani tahay dawladdii jeegaanta. Waxa intaas dheer, xisaabiyaha guud wuxu awoodi kari waayay in uu curiyo warqad isaga oo soo dheegtay warqad uu qoray dhiggiisa Soomaaliya tani oo shaki galisay in aanu xisaabiyuhu gudan karin hawlaha shaqo ee culus ee uu qaranka u hayo. Amar-diiddada uu sameeyay xisaabiyaha guud ee qaranku waxay abuurtay khal-khal iyo is abaabul kacdoon. Waxa kala socon la’ hawl-maalmeedkii shaqo ee dawladda maadaama oo aan ilaa hadda la sii daynin kharashaadkii hawl-socodsiinta ee uu dalku ku kala socon lahaa. Dawladdan ayaa ku fashilantay gabi-ahaanba u caddaalad-samaynta wasiirrada dalka soo maray, waxay abuurtay khalkhal dhinac walba ah taas oo inoo soo jiidi karta in uu dalku burburo. Email.cismaan123@gmail.com Source
-
Waxa mudo sanad ah dhamaysatay xukumada uu hogaamiyo muuse biixi waxana mudadaas muuqanayay in ay ku fashilantay hawlihii qaranka looga baahnaa in wax laga qabto dhibaatoyinka aafeeyay bulshadeena iskaba daa in wax laga qabtee way ka sii dartay markad eegto sida ay dawladu wax u wado. Waxanad arkaysaa dhibaatooyinka oo bulshada ku sii baahaya iyo sida aanay xukumadu diyaar ugu ahayn in wax laga qabto 1. Sixir bararka ay bulshada Somaliland la ciir ciirayso taas oo ay waxba ka qaban kari wayday dawladu taas oo samaysay dhamaan bulshada ha ahaadeen danta yarta amaba ganacsatadaba taaso laga dareemayo suuqada dalka iyo dhaq dhaqaaqooda 2. Kala qaybsanaanta bulshada iyo kala qoqobka ku yimi midnimadii bulshada iyo waliba qabyaalada sii faafaysa 3. Siyaasada arimaha gudaha oo liidata iyo xalin la aanta dagaal beeleeyada gudaha wadanka ku soo noq noqday 4.khilaafkad masuuliynta dawlada oo iyaguna ku soo batay xukumada muuse biiixi inkasta uu waxba ka qaban waayay muse biixi masuul khilaaf ba’ an soo kala dhex galay qaarkood uu shaqadii u istaagtay khilaafkooda dartood taas oo u muuqata go aan qaadasho la aan iyo u xaglin masuuliyiinta qaarkood oo ay isku beel yihiin madaxweynaha 4.siyaasada arimaha dibeda oo hoos u dhacday iyo la jaan qaadi la aan siyaasada wadamada inagu xeeran ee geeska afrika 5. Dawlada somaliya oo siyaasadii dibeda inaga soo xidh xidhay dagaal adagna kula jirta sidii loo curyaamin lahaa dhaq dhaqaaqa xaga siyaasada dibeda ee somaliland iyo sida aanay xukumadani ula socon dhaq dhaqaaqa la wado Source
-
(SLT-Addis-ababa) Madaxweynaha Dalkaasi Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaadhay dalkan Itoobiya oo ay ka furmi doonaan wadahadallada dhammaystirka heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran garoonka diyaaradaha ee Gondar ugu soo dhaweeyey Madaxda heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleed ee Dowladda Itoobiya kuwaas oo uu hor kacayey Ra’iisul Wasaaraha Dalkaas Abiy Axmed. Agaasimaha Warfaafinta iyo Xidhiidhka Warbaahinta Madaxtooyada Dalkaasi Soomaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya ay socdaal dhanka dhulka ah ku tagayaan magaalada Bahra Daar ee Waqooyi Galbeed dalka Itoobiya, halkaas oo ay ku yeelan doonaan wadahadallo ku saabsan dhammeystirka heshiiska iskaashiga iyo wax wada qabsiga saddex geesoodka ah. “Hoggaamiyeyaasha Gobolku waxa ay iska xog waraysan doonaan xaaladaha guud ee Gobolka, iyagoona si gaar ah uga wada hadli doona dhammeystirka heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ah ee Asmara.” Agaasime Cabdinuur ayaa tilmaamay in shirarkan wadatashiga ah ee ay yeelanayaan Hoggaamiyeyaashani ay ka turjumayaan ka mira-dhalinta dadaallada ku qotama horumarinta dalalka Gobolka Geeska Afrika iyo xaqiijinta hiigsiyada nololeed ee shucuubta walaalaha ah. Masuuliyiinta iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa dhiggooda Itoobiya iyo Ereteriya la wadaagi doona aragtida iyo qorsheyaasha Xukuumadda Dalkaasi Soomaaliya ee ku salaysan Isbadalka Gobolka, xoojinta iskaashiga iyo wax wada qabsiga, daris-wanaagga iyo ilaalinta xasilloonida amni iyo midda siyaasadeed ee Gobolka Geeska Afrika. Source
-
(SLT-Muqdisho)Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay qaraxyo ismiidaamin ah oo galabta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotelka Saxafi iyo agagaarka Xarunta CID. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dadka dhintay ay ka badan yihiin 15 ruux oo ahaa dad rayid ah oo ahaa dadkii wadada marayay. Qaraxyada ayaa dhacay xilli wadada mashquul aheyd, gawaari fara badan ay wadada laamiga hormarta Hotelka Saxafi ay marayeen. Mid ka mid ah gawaarida qaraxa uu saameeyay ayaa ahaa gaadiidka dadweynaha oo ay dad badan saarnaayeen xilliga gaadhiga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxayay wadada Laamiga ee Hotelka Saxafi. Wariyeyaal goobta tagay ayaa soo sheegaya in dhimashada ay ka badnaan karto tiradaas, isla markaana uu jiro burbur xoog leh oo uu sababay qaraxyada. Ilaalada Hotelka ayaa toogtay afar dabley oo isku dayay inay dhabarka dambe ka soo galaan Hotelka, kaddib markii ay baabuur qaraxyo ah ku weerareen albaabka hore. Ciidamada ammaanka ayaa goobta gaaray, waxaana socda gurmadka dadkii ku dhaawacmay qaraxyada oo loola cararay Isbitaalada Muqdisho. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyada ismiidaamin ee lagu weeraray Hotelka Saxafi iyo agagaarka Xarunta CID. Qaraxyadan ayaa ku soo aaday, iyadoo maanta aheyd maalin jimco ah oo dadka inta badan shaqooyinka ka nastaan, balse xilliyada galbihii ayaa ah xilli mashquul ah oo dadka ay is booqdaan, isla markaana tagaan goobaha lagu shaaho. Source
-
Danjire Maxamed Maxamuud Caalim oo ka faallooda arrimaha diblumaasiyadda iyo siyaasadda wadamada gobolka ayaa wax ka weydiinnay kulanka madaxda Soomaaliya, Eratariya iyo Itoobiya ay ku yeelanayaan Itoobiya. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Hoggaamiyaha Eratariya Afawerki ayaa lagu sheegay mid lagaga hadli doono heshiis horay ay ugu gaareen Asmara bishii September ee sanadkani 2018-ka. Warar diblumaasiyadeed oo ay Goobjoog News u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in madaxda kulankooda uu qeyb ka yahay dadaalka lagu doonayo in Eratariya cunaqabataynta hubka looga qaado. Arrintani waxay walaac ku abuurtay dowladda Jabuuti oo muddo 10 sano colaad kala dhaxeeysa Eratariya kuwaasoo isku haya gobolka Jaziiradda ah. Danjire Maxamed Caalim ayaa qaba kulanka seddex hoggaamiye oo ay ka maqan yihiin saaxiibadood kale ee gobolka uu u arkayo mid sii abuuraya qalalaase siyaasadeed oo soo kordha. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/CAALIM.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaan hore DR Cabdicasiis Sheekh Yuusuf Ibraahim oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa walaac ka muujiyay dhisitaanka ciidanka badda oo dowladda Itoobiya ay si weyn u qorsheyneyso iminka. Itoobiya waxay wadaa dadaal ballaaran oo ku aadan sidii ay u dhisan lahayd ciidan badeed oo xoog badan awoodna u leh in badda ay ka howlgalaan gaar ahaan badda cas iyo badweynta hindiya oo u dhow. Cabdicasiis ayaa soo dhoweeyay kulanka seddex geesoodka ah ee madaxweyneyaasha Farmaajo, Afawerki iyo Raysal wasaare Abiy ay ku yeelanayaan Itoobiya, wuxuuna sheegay in dalalka deriska ah ay iska kaashadaan ganacsiga, nabadgalyada iyo arrimaha kale ee nolosha bulshada ku saleysan ay muhiim tahay balse walwal uu ka qabo ciidanka badeed. “Walwalka aan qabo waxaa weeye, in dalkeenna oo 15 Malyan lagu sheego dadkiisa ay si xoog ah oo siyaasadi ku jirto ay u qaadato Itoobiya oo 100 Malyan ah ciidan ahaan ama shacab ahaan waana sida ay hadda howsha ku socoto” ayuu yiri DR Cabdicasiis Sheekh Yuusuf. Ugu dambeeyn, wuxuu soo jeediyay in Soomaalida ay ka feejignaato arrintaasi oo uu ku sifeeyay mid lagu degdegayo, dhowr arrimood buu u sababaynayaa. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/XILDHIBAAN-HORE-DR-CABDICASIIS-SHEEKH-YUUSUF-09-11-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargaysa)-Xukuumada madaxweyne Muuse Biixi oo dhawaan baarka ka jaraysa mudo sanad ah ayaa hadana waxa jira caqabado badan oo ka hor yimid mudadaas ay jirtay. Caqabadaha ugu waa weyn ee ka hor yimid xukuumada oo ay ugu horayso kala qaybsanaanta bulshada ee ka dhalatay doorashadii madaxtooyada ilaa hada taagan ka sakow waxa jira kuwa ay iyadu abuurtay oo saameeyey waxqabadyadii laga filayey mudo sanad ku dhaw oo ay jirtay. Khilaafaadka u dhaxeeya masuuliyiin ka tirsan xukuumada madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka mid ah caqabadaha ka hor yimid, iyada oo ay jiraan tiro masuuliyiin ah oo uu dhaxeeyo is afgaran waa la xidhiidha hawlaha ay u qaabilsan yihiin qaranka. Wasiirka gaadiidka iyo horu marinta jidadka ayaa haatan ah masuulka uu khilaafku u dhaxeeyo xubno iskugu jiro wasiiro iyo maareeyayaal kuwaas oo uu ugu horeeyo maareeyaha hay’adda waddooyinka oo ay isku hayaan awoodaha ay kala leeyihiin. Khilaafka wasiirka gaadiidka iyo maareeyaha hay’adda wadooyinka ayaa sameeyey hawlihii labadaas hay’adood ay u qaabilsanaayeen qaranka, iyada oo ay taagan tahay shaqadii isla markaana shaqaalihii ay la kala safan yihiin labada masuul ee khilaafku u dhaxeeyo. Sidoo kale wasiirka gadiidka iyo horu marinta jidadka Cabdilaahi Abokor ayuu khilaaf u dhaxeeya wasiirka horu marinta maaliyada Yuusuf Maxamed Cabdi, khilaafkaas ayaana labada masuul soo kala dhex galay wakhti ay go’een taarikadii cusbayd ee loogu tala galay gaadiidka ka soo dagaya dekeda magaalada Berbera. Wasiirka horu marinta maaliyada ayuu sidoo kale khilaaf u dhaxeeyaa xisaabiyaha guud ee dawlada, iyada oo khilaafkaasi salka ku hayo ka dib markii wasiirka maaliyadu uu magacaabay masuuliyiin ka hawl gala xafiiska xisaabiyaha guud. Sidoo kale waxa jira khilaaf u dhaxeeya maareeyaha hay’adda duulimaadyada Rodol iyo wasiirka gaadiidka iyo horu marinta jidadka, kuwaas oo isku haya qaabka ay u wada shaqaynayaan, iyada oo wasiirka gaadiidku uu ku doodayo in wasaaradiisu ay qayb ku leedahay hawlaha hay’addaasi u xilsaaran tahay maadaama oo ay gacanta ku hayso gaadiidka cirka isla markaana wasaaradiisu maamusho gaadiidka oo dhan, halka maareeye Rodol ku doodayo inaanu wasiir Cabdilaahi Abokor soo fara galin Karin hay’adda uu masuulka ka yahay oo ay kala madax banaan yihiin. Wasiirka horu marinta beeraha Axmed Muumin Seed ayuu isagana khilaaf u dhaxeeyaa gudoomiyaha hay’adda ka hortaga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Faysal Cali Sheekh, kuwaas oo isku haya awoodaha ay kala leeyihiin iyo shaqooyinka ay u kala xilsaaran yihiin. Gudoomiyaha baanka dhexe Cali Ibraahin(Baqdaadi) ayuu khilaaf u dhaxeeyaa agaasamaha baanka, khilaafkaas oo hore dibada ugu soo baxay ayaan la shaacin wax xal ah oo laga gaadhay. Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo magacaabay dhamaan masuuliyiinta isla markaana u soo saaray xeer nidaamiye kala qeexaya hawlaha ay qaranka u xil saaran yihiin ayaan xal ka gaadhin khilaafaadkan hadheeyey xukuumadiisa, ilaa haatana ma jiro dhaqdhaqaaq muuqda oo uu madaxweynuhu doonayo inuu ku soo afjaro khilaafyadan. Sidoo kale Bulshada ayaa u dhagtaagaysa talaabada uu madaxweynuhu ku xaliyo khilaafyadan ka dhex taagan masuuliyiinta ka wada tirsan xukuumadiisa. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin dheeri ah baa ka soo baxaysa weerarkii galabta oo Jimca ah ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho gaar ahaan goobo dhowr tallaabo u jira isgoyska KM 4 ee gobolka Banaadir. Qaraxyadda oo tiradoodu ay gaareysay saddex ayaa ka dhacay nawaaxiga Hoteelka Saxafi oo kamid ah hotellada ugu caansan ee caasimadda ku yaalla, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Labo kamid ah qaraxyada ayaa ka dhacay wadada hormarta Hoteelka iyo xarunta dambi baarista ciidanka Booliska Soomaaliya oo loo soo gaabiyo CID-da, gaar ahaan dhinaca wadada laamiga ah ee u dhaxeeysa Isgoysyuada KM4 iyo Zoobe. Dad ku sugnaa goobta ayaa sheegay mareegta in Qaraxa labaad uu ka dhacay afaafka hore illinka laga galo Hoteel Saxafi, gaar ahaan albaabka ku yaalla wadada aadka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, halkaasi oo ay Hoteelo kale ku yaallaan. Illo wareedyo dhinaca caafimaadka iyo Booliska ah ayaa xaqiijiyay in 30 ruux oo shacab u badan ay ku geeriyootay, halka dhaawaca uu intaas ka badan yahay. Warar kale ayaa sheegaya in dhaawaca uu kor u dhaafayo 20 qof oo shacab u badan. Ciidamada amaanka, gaar ahaan ilaalada Hotel Saxafi iyo CID-da ayaa toogasho ku diley rag hubeysan oo gaaraya illaa afar, kuwaasoo isku dayayay inay gudaha u galaan Hotelka kaddib qaraxyada. Xarakada Al-Shabaab ee sida weyn uga soo horjeedda jiritaanka dowladda federaalka iyo joogitaanka ciidanka AMISOM iyo kuwa kale ee Ajaanibta ayaa durbadiiba dhabarka saaratay mas’uuliyadda weeraradaani oo labo kamid ah ay ahaayeen Ismiidaamin, sida ay sheegeen hay’addaha ammaanka qaabilsan. Shalay oo Khamiis ahayd ayaa markii Qarax ka dhashay Miino lagu soo rakibay gaari oo ka dhacay degmada Xamar-wayne ee gobolka Banaadir lagu dilay Xilldhibaan ka tirsan Baarlamaanka HirShabeelle. Qaraxyadani ayaa sidoo kale ku soo beegmaya iyadoo maanta dalka uu ka dhoofay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga iminka dalka Itoobiya. Mid kamid ah saraakiisha caafimaadka Amiin Ambalas ayaa ka hadlaya khasaaraha: HOOS KA DHAGEYSO https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/CODKA-QARAXA-.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-War qoraal ah oo soo baxay Kusimaha Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa cambaareeyay weerarkii ka dhacay hotelka Saxafi ee Magaaladda Muqdisho,Isagoo tacsi u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed. “Anigoo ku hadlaya Magacayga iyo kan madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaan cambaareynayaa falkii argagisinimo ee galabta dhacay,dadkii ku geeriyooday Naxriistii jano Allaha haka waraabiyo kuwii uu dhaawac soo gaareyna Caafimaad deg deg ah allaha ha siiyo” Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Gudoomiye Mursal ayaa Sheegay in Al-Shabaab ay caadeysatay daadinta dhiiga Shacabka Soomaaliyeed islamarkaana ay mar walba beegsadaan dadka aan waxba galabsan sidoo kalena ay beegsadaan goobaha ay dadka isugu yimaadaan. Guddoomiyaha Golaha ayaa aad u amaanay ciidanka Amaanka Qaranka oo mar walba naftooda u huraya badnaadinta dadka Soomaaliyeed iyo ka hortaga dhagarta kooxaha aragagixisada ah ,wuxuuna ku baaqay in loo midoobo la dagaalankooda islamarkaana meel looga soo wada jeesto si loo cirib tiro maadaamaa hadaba ay naf lacaari yihiin. “Waxay dad Shacab ah qarxiyeen iyadoo ay tahay maalin jimca ah oo ah maalin ka duwan maalmaha kale sidoo kale ay ciid u tahay dhamaan dadka muslimiinta ah waa koox caadeysatay daadinta dhiiga Shacabka Soomaaliyeed,waxaana dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay u midoobaan la dagaalanka kooxaha Argagixisada ah” Ayuu yiri Kusimaha Madaxweynaha Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka. The post Kusimaha Madaxweynaha oo Cambaareeyay Qaraxyadii Galabta ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Ku simaha madaxweynaha Soomaaliya ahna gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Amb Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa cambaareeyay weerarada qaraxyada ahaa ee galabta ka dhacay Muqdisho. “Anigoo ku hadlayay Magacayga iyo kan madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaan cambaareynayaa falkii argagisinimo ee galabta dhacay,dadkii ku geeriyooday Naxriistii jano Allaha haka waraabiyo kuwii uu dhaawac soo gaareyna Caafimaad deg deg ah allaha ha siiyo” Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay u midoobaan la dagaalanka Al-Shabaab. “Waxay dad Shacab ah qarxiyeen iyadoo ay tahay maalin jimca ah oo ah maalin ka duwan maalmaha kale sidoo kale ay ciid u tahay dhamaan dadka muslimiinta ah waa koox caadeysatay daadinta dhiiga Shacabka Soomaaliyeed,waxaana dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay u midoobaan la dagaalanka kooxaha Argagixisada ah” ayuu Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna ku simaha madaxweynaha Soomaaliya. Qaraxyo dad badan ay ku dhinteen ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya gaar ahaan Hoteelka Saxafi. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ku simaha madaxweynaha oo Cambaareeyay qaraxyadii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Warbixin dheeri ah baa ka soo baxaysa weerarkii galabta oo Jimca ah ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho gaar ahaan goobo dhowr tallaabo u jira isgoyska KM 4 ee gobolka Banaadir. Qaraxyadda oo tiradoodu ay gaareysay saddex ayaa ka dhacay nawaaxiga Hoteelka Saxafi oo kamid ah hotellada ugu caansan ee caasimadda ku yaalla, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Labo kamid ah qaraxyada ayaa ka dhacay wadada hormarta Hoteelka iyo xarunta dambi baarista ciidanka Booliska Soomaaliya oo loo soo gaabiyo CID-da, gaar ahaan dhinaca wadada laamiga ah ee u dhaxeeysa Isgoysyuada KM4 iyo Zoobe. Dad ku sugnaa goobta ayaa u sheegay mareegta Goobjoog News in Qaraxa labaad uu ka dhacay afaafka hore illinka laga galo Hoteel Saxafi, gaar ahaan albaabka ku yaalla wadada aadka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, halkaasi oo ay Hoteelo kale ku yaallaan. Illo wareedyo dhinaca caafimaadka iyo Booliska ah ayaa u xaqiijiyay Goobjoog News in 18 ruux oo shacab u badan ay ku geeriyootay, halka dhaawaca uu intaas ka badan yahay. Warar kale oo Goobjoog News heshay ayaa sheegaya in dhimashada ay ka badan tahay 30 ruux halka dhaawaca uu kor u dhaafayo 20 qof oo shacab u badan. Ciidamada amaanka, gaar ahaan ilaalada Hotel Saxafi iyo CID-da ayaa toogasho ku diley rag hubeysan oo gaaraya illaa afar, kuwaasoo isku dayayay inay gudaha u galaan Hotelka kaddib qaraxyada. Xarakada Al-Shabaab ee sida weyn uga soo horjeedda jiritaanka dowladda federaalka iyo joogitaanka ciidanka AMISOM iyo kuwa kale ee Ajaanibta ayaa durbadiiba dhabarka saaratay mas’uuliyadda weeraradaani oo labo kamid ah ay ahaayeen Ismiidaamin, sida ay sheegeen hay’addaha ammaanka qaabilsan. Shalay oo Khamiis ahayd ayaa markii Qarax ka dhashay Miino lagu soo rakibay gaari oo ka dhacay degmada Xamar-wayne ee gobolka Banaadir lagu dilay Xilldhibaan ka tirsan Baarlamaanka HirShabeelle. Qaraxyadani ayaa sidoo kale ku soo beegmaya iyadoo maanta dalka uu ka dhoofay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga iminka dalka Itoobiya. Mid kamid ah saraakiisha caafimaadka Amiin Ambalas ayaa ka hadlaya khasaaraha: HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/CODKA-QARAXA-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-09112018.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa dhibaatada ugu badan waxay kasoo gaartaa dadka shacabka ah ee ku sugan goobaha la weeraro. Qaraxyaii ugu dambeeyay ee ka dhacay Hotelka Saxafi ayaa sababay dhimashada dad badan oo shacab ah, oo ilaa 30 qof gaaraya, waxaana sidan oo kale dad shacab ah ku dhinteen weeraro badan oo ka dhacay magaalada Muqdisho. Su’aalo badan ayaa ka dhasha qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho, kuwaasi oo qaarkood aanan Jawaabo loo helin, waxaana ugu horeeya labiska ay wataan kooxaha weerarka geysanaya oo ah midka ugu dambeeya ee ay isticmaalaan ciidamada dowladda. Kooxdii maanta weerarka fulisay waxay wateen dharka ciidamada xasilinta magaalada Muqdisho ee dhowaan la baabi’iyey. Dharkaas ayaa waxaa ciidamada u keenay tababareyaashooda caddaanka ah ee ka yimid dalalka reer galbeedka. Yaa Siiya Labiska ay adeegsadaan kooxaha fulinaya weerarka, waa Su’aasha ugu badan ee ay isweydiinayaan Shacabka Soomaaliyeed, maadaama Al-Shabaab aysan awood buuxda ku laheyn gudaha magaalada Muqdisho. Dadka Falanqeeya amaanka ayaa sheegaya inay jiraan xubno Al-Shabaab u fududeeya inay helaan labista ugu dambeeya ee ciidamada xooga dalka iyo hubka oo inta badan ay ka helaan xeryaha ciidamada ee ay weeraraan. Su’aalaha kale ee ka dhasha Qaraxyada ayaa ah sidee loo heli waayay xogta ay helaan Al-Shabaab mid ka badan, Tusaale waxaa Shabaab ay qorsheeyaan goobta ay weerarayaan iyaga oo eeganaya xiliyada shaqsiyaadka ay doonayaan ka baxayaan goobta ay damacsan yihiin ama ay dabacsan tahay amaanka goobta ay weerarayaan. Waxaa aad u yar ama aan lagu dhaqaaqin xogaha sirdoonka uu helo, maxaa yeelay helida xogaha amaanka iyo ka falcelintooda deg dega ah ayaa lagu xaqiijin karaa amaanka magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Dhowr Qarax ayaa waxa ay ka dhaceen Afaafka hore iyo dhabarka dambe ee Xiga wadada Aada Ar-Portka ee Hoteel Saxafi. Wariyayaal ka tirsan Shabakadda Warbaahinta Shabelle oo tagay meesha wax ka dhaceen ayaa sheegaya in Qaraxa 1aad uu ka dhacay inta u dhexeysa Irdaha hore ee CID iyo Hoteel Saxafi, halka Qaraxa 2aad uu ka dhacay Irid Hoteelka Saxafi uu ku leeyahay dhabarkiisa dambe ee wadada Aada Air-Portka Adan Cade, sidoo kale Qaraxa 3aad oo loo maleynayo in uu fuliyay Nin isku soo xiray walxaha Qarxo uu mar kale ka dhacay Afaafka hore ee Hoteel Saxafi . Saxafiyiinta Shabelle ee tagaay halka wax ka dhaceen tilmaamay in Indhahooda ay qabteen Meydad iyo dhaawacyo u badan Rayid oo daadsan hareeraha Wadada hor Marta Xarunta CID iyo Hoteel Saxafi. Meydadka ayey sheegeen in qaarkood saarnaayeen Gaadiidka Dadweynaha oo isugu jiray Gawaarida Homey-da , kuwa Raaxada iyo Mootooyinka Nuuca Bajaajta oo wadadaasi marayay. Tirda dhimashada Wariyayaasheenu Arkeen ayey ku qiyaaseen ku dhawaad 20 qof iyagoo intaas ku daray in ay Arkeen Hilbo Dad oo Cad Cad meelo kala duwan daadsan oo aan la kala garan Karin , Dumar iyo Rag waxa ay yihiin. Shabelle ayaa waxaa u suura gashay in ay Wareystaan Dad Qaraxyada kadib ka wada goobaha la weeraray Gurmad deg deg ah , kuwaas uu ka mid yahay Samafale ka tirsan AMIIN Ambulance iyo qof kale oo Goob jooge ahaa kuwaas oo ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen iyo Meydadka iyo dhaawacyada u suura gashay in goobahaasi ka daad gureeyaan. Sidoo kale Qaraxyadaasi kadib ayaa meelaha ay wax ka dhaceen waxaa kormeer ku tagay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Muqdisho Engineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow , Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, iyo Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga iyo Siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir Mr Tuulax kuwaas oo ka gaabsaday in wax war ah ay siiyaan Qalabka Warbaahinta. Dhincooda Xarakada Al Shabaab ayaa Masuuliyadda Weeraradaasi ku sheegtay Baraha ay ku leeyihiin Internetka iyagoo tilmaamay in dagaalyahanadooda qaraxyada kadib ay gudaha ugu daateen Hoteelka Saxafi , islamarkaan ay ku dileen Masuuliyiin iyo Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo aysan Magac dhawin ama tiro ahaan aysan cayimin. Balse Wariyayaasha ayaa waxa ay arkayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo saaran Dusha Sare ee Hoteel Saxafi Qaraxyada kadib. Indhawaanahaan waa Qaraxii ugu xooganaa ugu Khasaaraha badnaa oo lagu soo beegay xilli Dowladda iyo qeybaha Bulshada ay aad ugu Mashquulsan yihiin Siyaasadda Cakiran ee ka taagan dowlad deegaanada ama maamul Goboleedyada oo ay ka socdaan Isbedello Siyaasadeed The post Wararkii ugu dambeeyay Qaraxyo ka dhacay Magaalada Muqdisho. appeared first on Shabelle. View the full article
-
Inta laxaqiijiyay ugu yaraan ku dhawaad 20 qof ayaa ku dhimatay tiro intaas ka badana waa ay ku dhaawacmen sadax qarax oo isxig xigay oo goor dhawayd ka dhacay magaalada Muqdisho . Qaraxyadan ayaa waxa ay ka dhaceen Hotelka Saxafi iyo agagaarka Xarunta CIDdaa, waxaana la soo sheegayaa xiliga ay qaraxyadan ay dhacayeen inwadadu ay mashaquul ahayd . Dadad shacab ah oo la socday gaari Bas ah ayuu sidookale qaraxan haleelay Waxaana gobta ku bas beelay dhamaan dadkii garigaasi saarnaa oo uu ku jiray ilmo yar oo 2 sanno jiray . Isbitaalada magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo qaaday dhaawacyo farabadn , Al-shabaab ayaa sheegatay mas,uuliyada qaraxyadan . Sawirro. Source