Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,953
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Raysalwasaare Abiy Axmed iyo Madaxweyne Isaias Awerki ayaa 9-10 November, 2018 wadatashiyo xiriir ah ku yeeshay magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya. Saddexda dhinac waxay isla garteen in kulankoodan labaad uu astaan u yahay isbeddelka ku aaddan nabadda iyo isdhexgalka Geeska Afrika. Madaxdu waxay dib u eegeen guulihii heshiiskii Asmara ee ku saabsanaa saaxiibtinnimada iyo iskaashiga saddexda dal. Madaxdu waxay isla garteen natiijooyinka la taaban karo ee ilaa hadda la gaaray, waxayna isku raaceen inay dadaalkooda iyo garab istaaggooda isugu geeyaan xallinta caqabadaha si goonni ah iyo si wadajir ahba u waajahayaan. Sidaasi awgeed, madaxdu waxay adkeeyeen muhiimaadda ay leedahay in la dhawro madaxbannaanida siyaasadeed iyo dhuleed ee Soomaaliya, iyo taageeradooda xooggan ee ku aaddan dadka Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxay sidoo kale [madaxdu] bogaadisay horumarka ku aaddan nabadda iyo xasilloonida ee dowladda Soomaaliya. Madaxda dalalka Soomaaliya Itoobiya iyo Ereteriya waxay soo dhaweeyeen cunaqabaynta laga qaadayo Ereteriya iyaga oo xusay inay ku qanacsan yihiin in falkan caddaaladda ahi ka qayb qaadanayo sare u qaadidda nabadda, horumarka iyo iskaashiga gobolka. Waxay sidoo kale dib u sheegeen inay ka go’an tahay nabad iyo iskaashi gobolka ah oo loo dhan yahay. Madaxweynayaasha Ereteriya iyo Soomaaliya ayaa Raysalwasaare Abiy, shacabka iyo dowladda Itoobiya uga mahadceliyey soo dhawaynta diirran iyo martisoorka magaalada taariikhiga ah ee Bahr Dar loogu fidiyey iyaga iyo wufuuddooda, soo dhawayntaas oo ka tarjumaysa xiriirka dhaw isla markaana taariikhiga ah ee u dhexeeya saddexda waddan. cabdiqani Boos Puntland Post The post Maxay ka wada hadleen Madaxda dalalka Soomaaliya, Ereteria iyo Itoobiya ? appeared first on Puntland Post.
  2. Bosaso[Puntland Post ]-Masaajidka Dul-Xaj oo ah kamid ah masaajidada ku yaala Magaalada Bosaso laguna sameeyay dayactir iyo balaarin ayaa xiligan maraya heer gabagabo ah waxana dhismihiisu uu socday muda ku dhaw todobo bilood. Culimada gacanta ku haysa Masaajidka waxa ay sheegen in xiligan loo bahan yahay dhaqaale si loo dhameystiro dhismaha Masaajidka maadama uu go,ay dhaqaalihii hore ee dadka Muslimiinta ah laga uruuriyay. Culimada ayaa dadka Muslimiinta ah ugu baaqay in aya si wada jir ah uga Qeyb qaatan dhameytirka Masaajidka oo dhismihiisu marayo meel wanagsan. Kala Xiriir Culimada Gacanta ku haysa dhismaha Masaajidka Dul-Xaj +252907797683 +252907798361 +252907799914 The post Gudiga gacanta ku haysa dhismaha Masaajidka Dul-Xaj ee Bosaso oo ku baaqay in laga Qayb-qaato dhameystirka Masaajidka appeared first on Puntland Post.
  3. Turkey has condemned Friday’s terrorist attack in the Somalian capital. “We strongly condemn the terrorist attacks perpetrated in Mogadishu, causing death and injury of numerous persons,” said the Foreign Ministry in a statement. Earlier Friday, two bomb-laden vehicles targeted a hotel in the city, which government officials visited frequently. Minutes later another bomb went off. “We wish God’s mercy upon those who lost their lives, a speedy recovery to the wounded and convey our condolences to the friendly and brotherly Government and people of Somalia,” the statement added. At least 10 people were killed in the incident, according to Somali authorities. Al-Shabab claimed responsibility for the attacks on its website. The post Turkey condemns terror assault in Somalia’s capital appeared first on Shabelle. View the full article
  4. (SLT-Addis-ababa)Waxaa goor dhoweyd la soo gabagabeeyay shirkii hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ee ka dhacay magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya. Shirkan oo ahaa kii labaad ee ay madaxda saddexda dal yeeshaan ayaa looga hadlay iskaashiga dhaqaalaha saddexda dal iyo isku xirka dhinacyada amniga iyo siyaasadda, iyadoo Bayaanka si weyn loogu taageeray qaranimada iyo madax bannaanida Soomaaliya. Bayaan ayaa dowladda Somalia ku amaanay horumarka ay ka gaartay dhinacyada kala duwan, waxaana si cad bayaanka loogu sheegay inay garab taagan yihiin madax bannaanida dhul, siyaasad iyo qaranimo ee Soomaliya. Bayaanka wuxuu si diiran u soo dhoweeyay cunaqabateynta laga qaaday dalka Eritrea oo kaalin ka qaadan doonta xasiloonida iyo horumarka Gobolka. Bayaanka ayaaney ka muuqan wax gaara iyo heshiisyo saddexda dal gaareen, waxaana kaliya lagu soo qoray arrimo guud. Source
  5. Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay AMISOM inteeda kale uga dambeyn doonaan Soomaaliya marka la gaaro 2020ka. Mr Uhuru oo ka hadlayay munaasibad ay gaaddo ka cayaar ku soo bandhigayeen Ciidan cusub oo ay dowladda Kenya qoratay ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay dooneyso in Ciidanka AMISOM aysan ka bixin Soomaaliya 2020ka. Waxaa uu sheegay in haddii AMISOM ay ku adkeysato qorshaheeda ka bixidda AMISOM ee Soomaaliya ay dowladda Kenya baaqi sii ahaaneyso inta ay Soomaaliya ka xasileyso. ‘Kenya waxaa ay dooneysaa in qorshaha dib loo dhigo,haddii ay dhiciweyso isma dhiibeyno , ilaa dalkeenna, deriskeenna iyo Gobolkeenna uu nabad iyo xasillooni ka hela waan sii wadeynaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada’ ayuu yiri Mr Kenyatta oo Ciidanka cusub kula hadlay xero Milatari oo ku taalla Eldoret. Kenya waxaa ay Mushaarka Ciidankeeda Soomaaliya ka heshaa Qaramada Midoobey,waxaana mushaarkooda lawada bixinayaa Bisha july ee sanadka soo socda. Inkasta oo sida dowladda Kenya sheegtay Magdhowga Askarta uga wax yeellowda dagaalka Soomaaliya la dhimayo labada sano ee soo socota haddana Kenya waxaa ay door bideysaa in ay sii joogto Soomaaliya. Askarta AMISOM ayaa Bishii Mushaar ahaan u qaata $1,028,waxaana askarta toos koontadooda ugu dhacda $800 oo dollar halka inta kale dowladaha ku jira AMISOM sheegeen in miisaaniyadda dowladda lagu daro. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  6. Police in Ethiopia have discovered a mass grave containing at least 200 bodies. It was found along the country’s border between the strife-torn Oromiya and Somali regions. Ethiopia’s state-affiliated media reported authorities had been investigating a former administrator of the Somali region when it made the discovery. Abdi Mohammed Omer is facing trial on charges of human rights abuses and stoking clashes. He was forced to resign in August and was arrested weeks later after violence broke out in the provincial capital, Jijiga. Rights groups have routinely accused his administration of abuses such as torture, while some witnesses claimed he had ordered paramilitary raids on civilians in the neighbouring Oromiya province after ethnic clashes there in September last year. The region has been plagued by violence for decades as the government fought the secessionist Ogaden National Liberation Front – before both sides signed a peace deal last month. Reporting by Reuters. Qaran News
  7. Baxar Daar (Caasimadda Online) – Waxaa goor dhoweyd la soo gabagabeeyay shirkii hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ee ka dhacay magaalada Bhar Dar ee dalka Itoobiya. Shirkan oo ahaa kii labaad ee ay madaxda saddexda dal yeeshaan ayaa looga hadlay iskaashiga dhaqaalaha saddexda dal iyo isku xirka dhinacyada amniga iyo siyaasadda, iyadoo Bayaanka si weyn loogu taageeray qaranimada iyo madax bannaanida Soomaaliya. Bayaan ayaa dowladda Somalia ku amaanay horumarka ay ka gaartay dhinacyada kala duwan, waxaana si cad bayaanka loogu sheegay inay garab taagan yihiin madax bannaanida dhul, siyaasad iyo qaranimo ee Soomaliya. Bayaanka wuxuu si diiran u soo dhoweeyay cunaqabateynta laga qaaday dalka Eritrea oo kaalin ka qaadan doonta xasiloonida iyo horumarka Gobolka. Bayaanka ayaaney ka muuqan wax gaara iyo heshiisyo saddexda dal gaareen, waxaana kaliya lagu soo qoray arrimo guud. Qodobada shirkan ka soo baxay waxaa kaloo ka mid ah in labada dal ee kala ah Itoobiya iyo Eritrea ay dhowraan madaxbanaanida dhuleed,siyaasadeed iyo dadeed ee Soomaaliya. Sidoo kale dalalkaas ayaa bogaadiyay horumarka dhinaca amaanka iyo siyaasadda ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa israsaaseyn khasaaro geystay oo xalay ka dhacay deegaanka Calamada ee duleedka magaalada Muqdisho. Iska hor imaadka oo ahaa m id xoogan ayaa waxa uu u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah Soomaaliya. Lamana oga illaa iyo hadda sababaha rasmiga ee keenay iska hor imaadka dhexmaray Ciidankaasi. Inta la xaqiijiyay waxa dagaalkaasi ku dhintay 1 Qof, halka ay ku dhaawacmeen 2 kale oo shacab ahaa, kuwaas oo la socday Gaari marayay halkaasi. Dadka dhaawacmay ayaa la geeyay Isbitaalka Bayaan ee deegaanka Ceelsha Biyaha, sida uu Shabelle u sheegay Dr Amiin Sama-Kaal oo ka mid ah howlwadeenada Isbitaalkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/sama-kaal.mp3 The post Iska hor imaad khasaaro geystay Oo ka dhacay duleedka Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  9. (SLT-Hargeysa)-Waa shirkii labaad ee saddex bilood gudahood dhex mara Madaxweynayaasha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, Ereteriya Issias Afawerki iyo Raysalwasaaraha Itoobiya, waxaanay shalay shirkoodii labaad ku yeesheen magaalada Gondar ee gobalka Amxaarada ee Itoobiya. Bishii September horaanteedii ayay saddexdan hoggaamiye ku kulmeen magaalada Asmara ee dalka Ereteriya, waana kulankii labaad ee ay kaga tashanayaan xaaladaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee gobalka Geeska Afrika. Saddexda hoggaamiye ayaa yeeshay shir ay ku sheegeen mid muhiim u ah gobalka Geeska Afrika. Isbeddelada cusub ee degdegga ku socda ee ka dhacaya Geeska Afrika waxay abuureen xariiq siyaasadeed oo cusub. Waxaa soo baxay isku dhawaansho siyaasadeed iyo saaxiibtinimo u dhaxaysa Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea. Markii labaad, waxa shirarkan ka maqan Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele oo isagu wixii ka horeeyay doorashadii Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ahaa jilaaga siyaasadda ee ugu magaca weyn gobalka Geeska Afrika. Booskii Madaxweyne Geele waxa bedelay Madaxweynaha Ereteriya Issias Afawerki oo ay ka dhaxayso colaad gaamurtay oo inkastoo la sheegay in la xaliyay haddana weli taagan. In Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele shirarkan ka maqnaadaa maaha mid ku timid hawlyaraan laakiin waxay muujinaysaa in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ay farrihiisa ka baxday taladii iyo saamayntii uu ku lahaa gobalka Geeska Afrika. Laakiin Madaxweyne Geele iyo Djibouti waxay ku jiraan diyaarinta qorsheyaal kala duwan oo ay doonayaan inaga kaga gaashaantaan in dhaawac siyaasadeed iyo dhaqaale ka soo gaadho isbedelka cusub ee gobalka ka taagan. Geesta kale, kulamadan madaxda Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya waxay saamayn siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba ku yeelanayaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Shirarkan waxa qayb ka ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo ay Somaliland wakhtigan kala dhaxayso xiisad siyaasadeed. Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xorriyadeeda kala soo noqotay Soomaaliya sanadkii 1991, laakiin dalka Soomaaliya ayaa ku doodaya inay Somaliland ka mid tahay weli Soomaaliya. Soomaaliya ayaa dagaal ku bilowday Somaliland tan iyo intii uu sannadkii hore Maxamed Farmaajo qabtay talada Soomaaliya. Waxa kale oo iyana la ogyahay in Madaxweynaha Ereteriya Issias Afawerki uu caan ku yahay sida uu uga soo horjeedo qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, waxaanu si xoog leh u taageersanyahay aragtiada midnimadii burburtay ee Soomaaliya. Afawerki oo ah 72 jir jabhad iyo siyaasi ah, wuxuu u muuqdaa inuu yahay hoggaamiyaha hagaya siyaasadan cusub ee Geeska Afrika, maadaama oo uu ka waayo aragsanyahay labada hoggaamiye ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Dadka falanqeeya siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland iyo xidhiidhka caalamka ayaa aaminsan inaanay Somaliland weli ka muuqan awoodii diblomaasiyadeed ee ay kaga hortagi lahayd khataraha kaga iman kara isbedelada ka socda gobalka Geeska Afrika ee ay hormuudka u yihiin Itoobiya, Soomaaliya iyo Ereteriya. Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Waxaanu cadadka maanta ee wargeyska Geeska Afrika idiinku soo gudbinaynaa baaq dardaaran oo ah oo uu Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin u jeediyay shacabka Somaliland, xilli ay xiisad adag oo siyaasadeed ka jirtay dalka oo u dhaxaysay xisbigii UDUB ee uu hoggaamin jiray iyo xisbiga KULMIYE oo uu Axmed-siilaanyo hoggaamiye u ahaa. Madaxweyne Rayaale, ayaa shacabka la hadlay, waxaanu ugu baaqay inay iska ilaaliyaan in loo kala abtiriyo si loo kala fogaado, isagoo ku guubaabiyay in la ilaaliyo nabadda iyo wada jirka oo uu ku tilmaamay mid dan u ah xataa qudhaanjada. Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu khudbadaas taariikhda gashay ku yidhi “Inaga oo wada jirna ayaan wax ku ahaanaynaa, inaga oo wada jirna ayaan himaladeedna aqoonsiga aynu ku raadinayno ayaynu ku gaadhi karnaa,inaga oo kala jirna waxba kuma gaadhayno, waxaan leeyahay shacbi weynaha ninka idin jecel ee dalkan jeceli waxa weeye ka wada jira idin yidhaahda, ninka idin necebi waa ka kala taga idin yidhaahda, waa ka isku kiin dira, waxaan u malaynayaa 2002 ayaan bari aan ka hadlaayay khayriyada ayaan idhi (Somaliland cid u talisa ayay u baahan tahay ee cid u abtirisa uma baahana), Somaliland cid u talisa ayay u baahan tahay maantana ee cid u abtirisa uma baahna, basashu waa ay qurux badan tahay laakiin haddii la dhilo dabaylaha ayaa kala qaada mar dambena layskuma soo celin karo, ayaan daro ayay noqonaysaa iyada oo aynu Soomaaliya kaga goosanay dhibaato ayaa naloo gaystay inaan madaxtinimada u marno waxaan loo joogin.” Madaxweyne Daahir Rayaale oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Madaxtinimada waxa loo maraa ayaan anigu aaminsanahay mar kasta oo aan joogana aan u mari doonaa umadda iyo wada jirkeeda, wado kale oo loo mari doonaa ma jirto, wadada aan jeclahay inay saaxiibaday u maraana waataas, xisbiyada qaranka dhamaan waxaan u soo jeedinayaa inaan shuruurd la’aan isugu nimaadno danteena iyo taladeednana aan qabsano, dan aynaan ku kala maarmayn ayaa inaga dhaxaysa, hadaanu si xun iyo si wanaagsanba u wada joogno halkan ayaan wada joogaynaa, dadka halkan jooga ee Somaliland wakhtiga alle u qabtay ee suurta la afuufo ayuunbay ka dhamaanayaan, inta kale halkan ayay ku wada noolaan doonaan, waxaan anigu door bidayaa inay wanaag ku wada joogaan, wanaag inaan ku wada noolaano, waxaan qabaa inaan ku tartano wanaaga ee aynaan xumaanta ku tartamin, waxaan u soo jeedinayaa shacbiga Somaliland wax badan ayaa inoo qabsoomay, waxaas inoo qabsoomay in ninkasta oo shacbiga Somaliland ah uu gaadh ka hayo,waxa inaga dhaxeeya cid gaar u ilaalin karaysaa ma jirto, waajibka na saaran inaanu umadda isku hayno weeye, waanu isku haynaynaa intaanu isku haynayno laakiin shacbiguna run ahaantii waa inay nagula shaqeeyaan.” Waxa uu Daahir Rayaale ugu danabyntii hadalkiisa ku soo gunaaday in nabada dhamaan shacbiga ay dan u tahay“waxaan leeyahay shacbigeenu waa dad wanaagsan laakiin shacbigeena waxaan uga digayaa wax kasta oo fidno inoo horseedi kara in aan dhag loo raaricin, nina aan laga maqlin waxii isku fidnaynaaya anigana yaan layga dhagaysan nin kalena aan laga dhagaysan, kalmada wada jir,wada noolaansho iyo midnimo uun ha noqoto dadaalka kaliyaata ee aynu ku gaadhayno himiladeenuna waa taas, waxii taas ka duwaniba waxay inoo keeni karaan burbur iyo khilaaf iyo wax aan dan ahayn, run ahaantii maslaxad inooma keeni doonaan. Umaddi wax kaliyaata ayay waxaas oo dhan kaga gudbi kartaa waa waxa ay wada aaminsantahay oo lama taabtaan ah waa qaranimada iyo nabada, cidna inay taabato maaha dhamaanteen ayaa ku nool ilaa qudhaanjada ayaa ku nool.” Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Guddida deegaanka iyo khayraadka ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), ayaa dhaliilo u soo jeediyey Wasiirka Horumarinta Wadooyinka iyo Gaadiidka, waxaanu tilmaamay inuu Wasiirku ka qaadayo Gadiidka kala duwan ee dalka lacag aan xeer iyo sharci lahayn. Guddoomiyaha Guddida deegaanka iyo khayraadka ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafka Wasiirka Maaliyadda iyo Xisbiyaha guud ee Qaranka, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Liisamadii iyo Buugtii ay Dawladdu la soo noqotay meel looma sameeynin, inkastoo wareegtadu lahayd waxaa lagu wareejinayaa oo daabacada yeelan doonta Madbacada Qaranka, waxaana Madbacada Qaranka loo aasaasay inay sirta iyo xogaha muhiimka ah ee dawladda inay ilaaliso iyo waxyaabaha kale ee aan loo baahnayn inay gacmaha kale galaan, laakiin lagama *****n oo waxaan arkaayey Wasiirkii haystay Dhulka iyo Gaadiidka, ayaa isagu hawlo iska qabsaday, balse Liisanka Gaadiidka iyo Buuga Gaadiidka, ee Waddo maristo, waa inuu Xeer sheegaa, oo Xeer tilmaama, nooca uu yahay, sida uu noqonayo cabirkiisa, calamadaha qarsoon, kuwa muuqda, oo Xeer qaran baa asteynaya oo sheegaya, laakiin haddii inan waliba uu wax soo malmaluuqdo, waa dhibaato, Wasiirka Gadiidka, waxaad mooda inuu isagu sharciga gacantiisa ku wato, Golahana muu soo marin, haddii tacriifad la bedelayo,waa inuu Barlamaanku gooya, qaabka uu u wado Wasiirka Horumarinta Waddooyinku Bilaydh Lambarka waa qaabkii uu Xeerku sheegay, laakiin dadkii hore u iibsaday Bilaydh Lambarka, mar labaad lagama iibin karo, waxaana loogu bedeli karaa bilaash, lambarka bilaydh lambarka iyo warbixinta Gaadiidku maaha wax ku filan qaranka, ee waxaa loo baahan yahay halka uu ku dambayn doono lambarkani, waana inay Dawladdu ogaata halka uu lambarkani ku dambaynayo, mana ah in la tuuro, Wasiirka Gaadiidku waxaan leeyahay adeer dadka hore u iibsaday Bilaydh Lambarka mar kale lagama iibin karo, lacag keenana waa xaaran, kuwa cusub waa sax, oo waa laga qaadayaa, inkasta oo ay muhiim tahay in tacriifada la isla ogaada, maxaa yeelay Miisaaniyadii Sannadkii hore, waa la ansixiyey, haddii wax ka bedel lagu sameeynayana waa in la soo celiyo, dadka qaar waxa la odhanayaa intaas boqolkiiba ka jara, ilbaxnimada tuuganimada ee Miisaaniyadda Xukuumaddii hore ayaa laga bartay ee Miisaaniyadda haddii ay wax iska dhimaan Dawladdu Golaha ha ku soo celiso”. Xildhibaan Siciid Gaane ayaa mar uu ka hadlaayey khilaafka Wasiirka Maaliyadda iyo Xisbaahiyaha qaranka ayaa yidhi“Waan arkaayey inay is haystaan Wasiirka Maaliyadda iyo Xisaabiyihii, is haysigooda iyo is qabsigooduna waa siyaasad xumo, kaligood maaha, ee Masuuliyiin badan oo Xukuumadda ah ayaa is qabsaday,wax loo baahan yahayna maaha, waxaana fiican in masuul kasta oo xil dawladeed hayaa inuu xilkiisa garto oo aanu hawl kale oo aan hawshiisi ahayn inuu galo maaha”. Xildhibaan Siciid Gaane ayaa dhinaca kale wuxuu talooyin u soo jeediyey Wasaaradda Deegaanka, oo uu ugu baaqay inay uga war hayso wixii qashin ah ee dalka lagu aasayo, si aanay dhib u keenin. Source
  12. Beesha reer Xaaji ee Dishiishe oo ka mid ah beelaha daga Puntland ayaa u doortay Maxamed Faarax Mire in uu u matalo xubinta ay ku leeyihiin Baarlamaanka Puntland ee 2019 ka dib doorashada codka qarsoodida ah oo uu kaga guuleystay Maxamed Abshir Dharaar. Goobta ay doorashadu ka dhacday waxa goobjoog ka ahaa inta badan waxgardka beesha waxana dhamaantood ay ugu hambayn ugu hambalyeeyeen xubinta la siiyay Maxamed Faarax Mire . Maxamed Faarax Mire ayaa beeshiisa ka codsaday in ay la shaqeeyan waxana uu balan qaaday sida oo kale in xilkan uu bulshada ugu shaqan doono. The post Maxamed Faarax Mire oo ku guuleysta xubin Baarlamaanka Puntland appeared first on Puntland Post.
  13. (SLT-Hargeysa)-Shabakadda Wararka ee Mail & Guardian oo laga leeyahay dalka Koonfur Afrika, ayaa baahisay in dowladda Jamhuuriyadda Somaliland ay tan iyo 2011kii joojisay 50 Harimo-cad oo si kootarabaan ah loo dhoofinayey. Sidaasna waxa mareegta Mail & Guardian ku soo bandhigay war uu maanta daabacay oo ay soo xigatay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, Waxaana warbixintaas dadka u dhaqdhaqaaqa duurjoogtu ay walaac ka muujiyeen dhoofinta sharci darrada ah ee duurjoogta Dalalka Bariga Afrika. Mail & Guardian waxay intaas ku dartay in laba bilood ka hor la badbaadiyey 11 Harimo-cad oo si tuuggo ah loo doonayey in laga dhoofiyo Somaliland. Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Bandare, ayaa sheegtay in korodhka ganacsiga duurjoogta loo iibgeeyo bariga dhexe ay waxyeelo ku tahay Somaliland iyo dhammaan dalalka kale ee Waqooyiga iyo Bariga Afrika. Machad fadhigiisu yahay dalka Namibia oo u dhaqdhaqaaqa xakamaynta ka ganacsiga Duurjoogta ayaa tilmaamay inay Somaliland ku leeyihiin xarun lagu xannaaneeyo 14 Harimo-cad oo laga soo badbaadiyey dad qabsaday. Source
  14. Miisaaniyadda 2019-ka oo haatan la geeyey golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah kadib markii ay ansixisay xukuumadda Xasan Kheyre ayaa faah-faahineysa qorshaha maaliyeed ee sanadka soo socda 2019-ka. Haddaba, Goobjoog News waxaa ay akhristayaasheeda usoo gudbineysa faah-faahinta miisaaniyadd, innaga oo xoogga saareynta dakhliga, deeqaha debadda, mashariicda caalamiga ah, qooddad xafiisyada iyo arrimo badan. Faahfaahinta dakhliga guud dowladda ee miisaaniyada 2019-ka Dakhliga gudaha iyo deeqaha waa 340,066,501 Dakhliga gudaha: 189,850,000 Canshuuraha: 135,200,000, Canshuuraha dakhliga iyo faa’idooyinka: 9,100,000 Mushaarka shaqaalaha: 6,400,000, oo kala ah: Mushaarka shaqaalaha dowladda: 3,900,000 iyo Mushaarka shaqaalaha gaarkaa: 2,500,000 Canshuurta faa’idada ganacsiga: 2,200,000, Canshuurta faa’idada shirkadaha: 2,200,000 Canshuurta kale Dakhliga iyo faa’idooyinka: 500,000 Macaashka daaraha: 500.000 Canshuuraha adeedga iyo agabka: 22,000,000, Canshuurta guud ee agabka iyo adeegyada: 22,000,000, Canshuuraha gadiska-hoteelada: 200,000, Canshuuraha gadista-isgaarsiinta 6,500,000, Canshuurta gadista-shirkadaha korantada: 500,000, Canshuuraha gadista- waxyaabaha soo daga: 13,000,000, Canshuuraha gadista-tigidhada duulimaadka1,800,000 Canshuurta ganacsiga dibada: 97,000,000, Canshuurta furdooyinka iyo ganacsiga dibadda: 85,000,000, Canshuuraha kale ee ganacsiga dibadda: 12,000,000, Canshuurta soo dajinta khaadka: 12,000,000, Canshuuraha kale: 7,100,000 Canshuurta Moorka: 7,100,000, Moorka qaansheegadka iyo qandaraasyada notaayo: 2,600,000, Canshuurta socodka baabuurta: 2,000,000, Canshuuraha Moorka ee kale: 2,500,000 Deeqaha dibadda: 150,216,501, Deeqaha laba dhinaca 30,000.000 Deeqaha laba-geesoodka ah: 30,000,000, dalka keliya ee sanadkan laga filaayo inuu miisaaniyadda kabo waa Turkiga oo bixin-doon: 30,000,000 halka Sacuudiga, Qatar iyo Imaaraadka oo sanadihii hore miisaaniyadda kebi jiray aaney muuqan Deeq-dhinacyo badan: 120,216,501, Bangiga adduunka –sanduuqa Trusr oo badan: 6,557,675, Baanka adduunka –mashruuca-ka-qaadista awoda: 7,638,433, Baanka adduunka –maareynta maaliyada guud : 11,188,313, Baanka adduunka –taageerada qeybta ICT: 1,500,000, Baanka adduunka-SCORE: 6,025,200, Baanka adduunka-RCRF mushaharka: 39,000,000, Baanka adduunka-SOPTAP(shidaalka: 127,000, Baankiga hormarinta-Africa howlaha dhaqaalaha iyo maaliyada: 4,906,168, Qaramada midoobay-sanduuqeeda dhismaha nabada: 8773,592, United Nation mashruuca qorsheyta maalgalinta magaalada: 3,097,425, Qaramada midoobay –mashruuceeda dhaqan celinta degmada: 1,669,694, Midowga Yurub-Bileyska: 2,00,000, Midowga Yurub –Taageerada miisaaniyada: 34,600,000 Khidmadaha waa: 54,650,000 sida: Khidmadada maamulka: 2,200,000, Khidmadda dal-kugalka: 4,800,000, Khidmadda basaborka: 5,200,000, Ruqsada ganacsiga iyo warshadaha: 650,000, Ogolaanshiyaha shaqada-ajaanibta: 800,000, Khidmadda Dekeda- Alberak : 22,000,000, Khidmada garoonka diyaaradaha –Favori: 2,000,000, Khidmadda Rukhsada kaluumaysiga: 3,000,000, Khidmada haga isgaarsiinta: 2,000,00 iyo Khidmada duulimaadka hawada: 12,000,000 Qeybtan waxaa xoogga ku saareynaa qoondada hey’adaha ee miisaaniyadda 2019-ka: WADARTA MIISAANIYADA GUUD: 340.061.149, KHARASHAADKA JOOGTADA AH: 293.293.649 iyo HAY’ADAHA ADEEGA MAAMULKA: 135.204.188 Xafiiska madaxtooyada: 5,838,587, Xafiiska golaha shacabka: 5,338,481, Xafiiska aqalka sare: 14,449,312, Xafiiska Ra’iisal wasaaraha: 4,103,520, Wasaarada Arrimaha Dibadda: 5,777,630, Safaaradaha: 5,227,515, Wasaaradda Maaliyada: 8,654,585, Xisaabiyaha Guud: 1,594,345, Adeega Guud ee Dowladda : 44,434,690, Agaasinka Xurumaha Maaliyadda: 660,000, Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgalinta Dhaqaalaha: 2,673,791, Wasaaradda Arrimaha Guud iyo Federaalka : 9,780,116, Guddiga Qaxootiga iyo Barakacaayaasha :565,964, Wasaradda arrimaha Diinta iyo Awqaafta: 908,500, Wasaaradda Cadaalada :718,088, Ciidanka Asluubta : 5,777,224, Maxkamadda Sare : 952,744, Maxkamadda Gobalka Banaadir : 1,499,432, Maxkamadda Racfaanka : 270,284, Guddiga Adeedga Garsoorka: 188,792, Xeer-ilaaliyaha Guud : 1,081,488, Garyaqaanka Guud : 524,844, Hanta-dhowraha Guud : 1,786,104, Wasaaradda Gargaarka iyo Maareyta Musiibooyinka: 1,200,856, Wasaaradda Dastuurka : 1,927,848, guddiga M.Banaan ee Xuduudaha Qaranka : 644,928, Guddiga M. Banaan ee dibu Heshiisiinta: 501,132, Guddiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaranka : 3,000,000, Guddiga Madaxa Banan Ee Xuquulqul Aadanaha : 100,000, Guddiga Maxa Banaan Ee Dibu Eegista iyo Hirgalinta Dastuurka : 686,816, Guddiga Madaxa Banaan Ee Shaqaalaha Rayidka ah : 25,285.707 iyo Guddiga Madaxa Banaan Ee ladagaalanka Musuqmaasuqa : 100,000, waxaa xusid mudan guddiyadan qaarkood maba dhisna, qaarna sidii la rabay uma shaqeeyaan. HAY’ADAHA ADEEGA DIFAACA IYO AMNIGA : 110.767.024 Wasaaradda Gaashaandhiga: 2,632,780, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka: 62,193,336, Maxkamada ciidanka Xoogga: 1,456,000, Hay’ada Naafada iyo Agoonta ciidamada Qalabka sida: 115,000, Wasaaradda Amniga Qaranka: 2,007,452, Taliska Ciidanka Booliska: 25,789,856, Hay’ada Nabadsugidda Qaranka: 12,505,680 iyo Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha: 4,066,920 HAY’ADAHA ADEEGA DHAQAALAHA : 24.203.206 Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha: 1,304,927, Wasaaradda Macdanta: 929,552, Wasaaradda Beeraha: 1,558,891, Wasaaradda Xanaanada-Xoolaha-Dhirta iyo Daaqa: 1,018,348, Wasaaradda Kallumaysiga iyo khey’ Badda: 1,514,776, Hay’ada Cilmi Baadhista Badaha Soomaaliyeed: 508,164, Mashruuca Hormarinta Xeebaha iyo Kaluumeysiga: 105,976, Wasaaradda warfaafint: 4,954,856, Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta: 1,698,426, Hay’ada Isgaarsiinta Qaranka: 2,088,000, Wasaradda Howlaha guud iyo dib-u-dhiska: 1,156,072, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada: 1,907,440, Hay’ada Saadaashaiyo Duulista Hawada: 1,208,576, Wasaarada Dekedaha iyo Gaadiidka Badda : 1,232,608, Dekada Xamar: 1,021,300, Wasaarada Ganagsiga iyo Warshadaha: 1,995,304 HAY’ADAHA ADEEGGA BULSHDA: 23.119.231 Wasaaradda Caafimaadka : 7,260,440, Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare: 12,834,143, Wasaaradda isboortiga iyo dhalinyada: 1,453,540, Wasaaradda isboortiga iyo dhalinyada : 639,424, Wasaaradda Haweenka iyo Hor.Xuq. Adanaha: 931,684 MASHAARIICDA: 46.766.501 Mashruuca CIP : 7,638,433, Mashruuca SFF(MPTFand UN): 7,434,268, Mashruuca PFM: 11,188,313, Mashruuca EFG: 4,906,168, Mashruuca RCRF 2,150,000, Mashruuca Dhaqaalaha Ee Soomaliya Prg(SCORE) : 6,025,200, Mashruuca Taageerida Xasilinta (S2S) :1,699,694, Mashruuca SUIPP: 13,097,425, Mashruuca SOPTAP: 127,000 iyo Mashruuca ICT : 2,500,000 + Waxaan idiin soo wadnaa faah-faahin dheeraad iyo falanqeynno miisaaniyadda la xiriirta. Goobhoog News Qoraalkan Lama Qaadan Karo, Xigasho La’aan Source: goobjoog.com
  15. Sadexdii Qarax ee Shalay oo Jamca ahayd lala beegsadey Dadka Rayidka ah ayaa khasaaruhu wuxuu kor u dhaafayaa 31 dhimasho ah iyo 112 dhaawac ah waxaa sidaas Puntlandi u xaqiijiyey laamaha Caafimaadka. Qaraxa iyo weererka iswata oo Sadex ahaa ayaa u muuqda raadkii Al-shabaab iyo xulufadooda, wuxuuna ahaa Qarixii ugu khasaaraha badnaa Sanadkaan ee ka dhaca Muqdisho. Isbitaalada Magaalada ugu waaweyn waxaa lageeyey Dhawacyo qaarkood ay nafbexeen intaan la gaarsiin Saalada qaliinka halka kuwa badan oo gaaraya 112 ilaa hada lagu daweynayo Isbitaalka weyn ee Digfeer iyo Banaadir. Qaruxu wuxuu kusoo beegmay xili Madaxweyne Farmaajo Dalka ka maqan yahay. Puntlandi.com Muqdisho Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee shalay si adag ugaga hadlay Taariikada Gaadiidka oo dhawaan Xukuumadda Somaliland ku dhawaaqday in la beddelayo. Sheekh Aadan waxa kale oo uu khudbaddiisa kaga hadlay xidhiidhka Ummadda Muslimka iyo Hoggaankoodu yeelanayaan, si loogu midoobo horumarinta danaha Guud, waxaanu yidhi “Waxaynu si kooban uga hadlaynaa ilaaqaadka u dhexeeya hoggaanka Ummadda iyo Dadka Muslimiinta ah ee ay xukumayaan. ka hor, markii Qur’aanka la soo dejiyey maxaa jiray ? waxa jiray in Qofba ka uu ka awood badan yahay uu hantidiisa cuno, dhulkiisa qaato, xitaa Gabadhiisa inuu ka qaado, laakiin Islaamku wuxuu gaadhay in Nimanka loo yaqaano Ducafadii Muslimiinta ee maryaha cascasaa inay Dadka hoggaamiyaan oo Illaahay (SW) uu samada ka soo salaamo.” Sheekh Aadan-siiro wuxuu sheegay “Islaamku wuxuu dejiyey Qaacidada ah Madaxweynaha ama Hoggaanka Ummaddu wuxuu Miisaan leeyahay inta uu Ummaddaa Maslaxaddooda ka shaqaynayo, Waayo? waa Awoodahaa is-dheelitiraya ee meel u wada jeeda, Rasuulka (CSW) oo bani-aadam ugu fadli badnaana kamuu dhex soocnayn saxaabadiisa, illaa marka uu Qof soo Islaamo odhan jiray ‘Mee Nebi Muxamed), sidaas ayuu Islaamku Dadka ku dhaqay, Ilaaqaadka Islaamku sameeyayna taa weeyaan.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka hadlay siday muhiimka u tahay in Dadku wanaagga is-faro Xumaantana iska nahiyo “Iimaanka halka ugu hoosaysaa waa Waddada oo aad ka qaado dhagaxa (wixii dhib keenaya ee yaalla), laakiin bal dhaqankeena Maanta eeg, Deyr buu samaystay, haddana laba lowdh oo dhagaxaan ah ayuu sii hor dhigay, Sandaqad kale ayuu ka sii hor-dhisay, markaa halkaynu ka joognaa iimaanka uu Rasuulku (CSW) tilmaamayo.” Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud waxa kale oo uu khudbaddiisa kaga hadlay in Dadka Miyiga ku dhaqani u baahan yihiin gurmad, maaddaama buu yidhi uu Faro-baas ku hayo Jaadka oo Danihii Adduunyo iyo kuwii Aakhiraba seejiyey “Magaaladu ma dayacna, Waayo? waxa ka furan in ka badan 5 kun oo Madarasadood, waxa ka samaysan 465 Masjid, in ka badan Afartan Tafsiir ayaa ka socda Magaalada, intaas oo Jaamacadood oo Islaamiya iyo intaas oo Machad baa ka samaysan, meelaha u baahan in loo gurmado waa Dadkeena Magaalada ka baxsan oo aan dhaqaale haynin, Diin haynin, waxbarasho aan haynin, kuwaa yaa u gurmada ? waxa u gurmada Nimankaa Culimada ah ee Dad badan wax ka sheegaan (Tabliiqiyiinta), Waar Nin Muslim ah oo soo qaatay Bariiskiisa iyo Qamadinkiisa oo u tagay Tuuladii innagu xigtay oo Bilaa Salaad ah oo Saddex cisho dhex fadhiyey oo Qof walba Gurigiisa ku booqday oo Salaadda ugu yeedhaya, maxay kula tahay Marka Aniga oo iska fadhiya oo halkan khudbad yar ka jeediya oo Gaadhi cadna wata markaan wax ka sheego (Culimada Tabliiqiyiinta), Diini waxay ku soo ururtay giraamkaaga soo qaado oo Illaahay dartii u soo bax…” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka hadlay inay Bulshada culays ku tahay Beddelaadda Taariikada Gaadiidka “Waxaan aad ula yaabay markii Xukuumaddu soo saartay boqol kun oo Taariko hala beddelo, 60 Dollar bay yidhaahdeen,laakiin marka waxa raacaya lagu daro waa 11 Milyan oo dollar, Xukuumaddu inoomay sheegin Lacagta intaas leeg ee soo baxaysa (Waxa lagu qabanayo), Waayo? dugsiga Biyo dhacay 135 Arday ayaa ka baxay dugsiga sare, 90 Arday baa dhacay, Faarax Oomaar 138 Arday baa ka dhacay, 42 baa gudbay, laakiin weli Xukuumaddu kamay hadal, Dugsiyada Dawladda oo dhan waxa wax ka dhigayaa (lagu tayeyn karo) kama badna laba Milyan Dollar.” Sheekhu wuxuu sheegay oo kale “Dadkaagii oo baahan, Carruurtaadii oo wada Tahriibaysa, Baabuur yar oo Fitis ah (Tukhaan) ay Hooyo Agoon haysataa u iibisay Wiilkeeda inaad ku mashquusho in 150 Dollar ay Islaantaa Tamaandhada iibinaysaa bixiso (ku bixiso beddelka Taarikada waa dhibaato)…” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Meherado badan xidhmeen muddadii Xukuumaddu Talada Dalka gacanta ku haysey “Dadka u dhuun-daloolaa (waxay sheegeen) Sannadkii ay Xukuumaddani jirtay waxa soo laalaabtay oo kacay 3800 Meheradood, waa Hargeysa oo keliya, Dalka gebigiisiiba wuu soo ootay, iska daa inaad tidhaahdo Cashuurta hala kordhiyo ama Taarikada hala beddelee, waxay ahayd in Maanta Xukuumaddu ay Dadka u gurmato.” Sheekhu wuxuu farriin u diray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi “Madaxweynaha iyo inta hoos joogta waxaanu leenahay markaad Dadka Cashuur ku soo rogaysaan Caqli iyo xikmad ku dara.” Source
  17. Abi Axmed wuxuu wadaa qorshe lagu dhisayo waxa loo yaqaan ( Regional Integration) Isdhexgal Goboleed. Qorshahan waa qorshe fog wuxuuna marayaa heerar kala duwan, marka hore waxaa la dhameynayaa khilaafka, colaadaha iyo kala shakiga ka jira wadamada Itoobiya, Eretareeya, Soomaaliya iyo Jabuuti kadib waxaa la dhisayaa gole ka shaqeeya dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasada sidii lagu heshiiyey shirkii ka dhacay September 2018 magaalada Asmara. Ra’iisul Wasaare Abi Axmed oo qorshahan hogaaminayo ayaa wuxuu rajeynayaa in mustaqbalka dhow dowladaha geeska Afrika yeeshaan lacag mid ah, ganacsi mid ah oo leh xuduuddo furan iyo sirdoon mid ah. Madaxweynaha dalka Itoobiya Sahlework Zewde oo ku sugan magaalada Johannesburg halkaas oo ay kaga qaybgaleyso kulanka Africa Investment Forum (AIF) ayaa kulankaas ka sheegtey in Itoobiya u dhaqaaqdey in ay dhisto Isdhexgal Goboleed ( Regional Integration) waxeyna kulankaa ka tiri: ” Ma filayo in wadan meel fog gaari karo haddii uu isku koobo xuduudahiisa keliya “waxeyna raacisey ” Xaqiiqdii waxa Itoobiya isku dayeysaa in ay hesho Isdhexgal Goboleed si mustaqbalka u noqdo isdhexgalkaasi mid qaarradeed” Shirka uu u aaday dalka Itoobiya madaxweyne Formaajo mashruucan ayuu ku saabsan yahay hirgelintiisa ( Regional Integration). Waxeyse kulamadan dhacayaan xilli dowlada Itoobiya dhaqaalle ahaan, siyaasad ahaan iyo ciidan ahaan ay dhisan tahay halka dalka Soomaaliya ay ka jirto xasilooni dari siyaasadeed, amni xumo iyo khilaaf. Jiir, libaax la xaajoonaya ayey u muuqataa. Dowlada Eretareya ha ahaato dal sabool ah laakiin waa wadan xuduudihiisa ilaalshan kara, siyaasada arrimaha gudahana hal gacan ku urruursan tahay. Waxaan isweydiiyaa madaxweyne Farmaajo sidee madax dalalka deriska nala ah iyo kuwo caalamka fog ula xaajoodaa una hor fariistaa, go’aano masiiri ah u gaari karaa, asaga oo og in wasiiradiisa iyo saraakiisha ciidamada dowladda federaalka tagi karin Kismaayo, Dhuusomareeb iyo Garoowe. Soo ma haboonnayn in marka hore afgarto madaxda maamul goboleedyadda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah ee ku kacsan kadib asaga oo xaliyey khilaafaadka siyaasadeed ee dalka gudahiisa kaga furan in uu ka qayb galo shirarka heer dowladaha gobolka iyo caalamka kale uu la yeelanayo?, asaga oo matalaad buuxda ka heysta madaxda kale ee Soomaaliyeed ee gobolada dalka ka taliya oo ay talo wadaaga yihiin, si madaxda dowladaha uu la kulmayo ugu helo ixtiraam iyo qiimeyn. Madaxweyne xuduudaha dalkiisa ay furan yihiin, khilaaf siyaasadeed kala dhaxeeyo madaxdii dowlad goboleedyada, dalkuna federaal yahay, amniga caasimada uu ku nool yahay aysan sugnayn sababta keliya ee dowladaha deriska iyo kuwa fog ugu yeeranayaan waxa ay noqon kartaa in warqado laga saxiixdo si qorshahooda fog u gaaraan. Itoobiya, Eratareeya iyo Soomaaliya waxey heystaan fursad qaali ah oo ay ku dhisan karaan iskaashi dhaqaale iyo amni laakiin mar ka hore waa in Soomaalidu helaan dowlad mideysan oo khilaaf iyo is jiid jiid ka jirin dhexdeeda. Dastuurka qabyadaha ahna la dhameystiro, maxaa yeeley Dastuurku waa heshiis bulsho oo sharci ah, dowlad aan lahayn Dastuur dhameystiran waaba ku qalad in ay gasho heshiisyo caalami ah. W/Q: Ilyaas Maxamuud Xuseen
  18. (SLT-Melporn)-Booliska dalka Australia ayaa sheegay shalay oo Jimca ah in nin Soomaali ah uu mindi ku weeraray saddex qof, magaalada Melbourne, isagoo mid ka mid ah dilay, ka hor inta aysan boolisku toogan. Booliku waxey sheegeen in ninkan uu watay gaari uu gaas saarnaa oo markii dambe dab qabsaday, iyagoo intaa ku daray inay weerarka u tixgelinayaan sidii weerar argagixiso. Saraakiisha amniga ayaa ninkan weerarka geystay magaciisa ku sheegay Xassan Khalifa Shire oo 30 sano jir ah in uu midi uu watay uu ku waxyeeleeyay ilaa 4 ruux oo taagnaa hareeraha wado ku taallo bartamaha magaalada Melporn ee dalkaasi. Wararka ayaa intaa ku daraya in uu damacsanaa in gaari uu ka soo buuxiyay gaas iyo dhalooyin in uu qarxiyo balse Boolisku ay ka hortageen intaanu falkaasi geysan oo ay toogteyn booliska. Sarkaal ayaa sidoo kale warbaahinta la wadaagay in Ninkaani Paspporka dalkaasi lagla noqday sanadkii 2015 kaddib markii ay fahmeyn in si uun uu u taageero kooxda Daacish. Source
  19. (SLT-Muqdisho)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii shalay ruxay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 40 qof, sida ay xaqiijinayaan ilo kala duwan oo madax banaan. Qaraxyada oo ay ka dhaceen Hotelka Saxafi ayaa ku bilowday gaadiid laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lagu weeraray afaafka hore ee wadada laamiga Hotelka, xilli wadada aheyd mid mashquul badan, gaadiid kala duwan ay marayeen. Wararka ayaa sheegaya in dhaawacyada ay ka badan yihiin 50 ruux, waxaana goobta qaraxa isku bedeshay goob aad u burbursan oo ka muuqdeen haraadiga iyo burburka uu sababay qaraxa. Qaraxa labaad ayaa ka dhacay agagaarka CID oo u dhow Hotelka Saxafi, halka qaraxa 3aad lagu tilmaamay inuu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa, maadaama uu dhacay xilli uu socday gurmadka. Cabdi Barre Jibriil oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka oo la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay inuu Hotelka balan ku lahaa xilliga qaraxyada dhacayeen, isla markaana uu ka qeyb qaatay gurmadka markii qaraxyada dhacayeen. “Hotelka ayaa balan kulahaa, waxaa markii aan galay Hotelka dhacay qaraxyada dadka badan ku dhinteen, aniga waxaa indhaheyga ku arkay oo aan wax ka qaaday meydad dhan 47 ruux, waxaa ku jiray dad uu jirkooda kala go’ay oo qaraxyada saddexda ahaa ay haleeleen”ayuu yiri Xildhibaan hore Cabdi Barre Jibriil. Dadka ku dhintay qaraxyada ayaa waxaa ku jiray C/fataah C/rashiid Shire Ilqeyte oo ka mid ah Milkiilayaasha Hotelka, saddex sano ka hor aabihii Ganacsade C/rashiid Ilqeyte ayaa ku dhintay weerar sidan oo kale Al-Shabaab ugu qaadeen Hotelka Saxafi. Hotelka Saxafi ayaa ka mid ah Hotelada ugu caansan ee magaalada Muqdisho, waxaa uu ku yaallaa agagaarka Isgoyska KM4 oo ah goob aad u mashquul badan oo amnigeeda aad loo ilaaliyo. Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarada qaraxyada ee shalay ka dhacay, waxaana qaraxyada ku soo aadeen maalin jimco ah oo dadka ka nastaan shaqooyinka, balse xilliyada galbihii magaalada tahay mid camiran oo dadka is booqdaan, iskuna arkaan meelaha kala duwan ee la isugu yimaado sida Hotelada iyo maqaayadaha. Source
  20. (SLT-Washington)-Kulan heer sare ah oo ka dhacay magaalada Washington ayaa waddamada Shiinaha iyo Mareykanka waxa ay ka wada hadleen qaabkii loo qaboojin lahaa xiisadda ka taagan badda koonfurta Shiinaha ee u dhaxeysa ciidamada milatariga labadani waddan. Mas’uuliyiinta labadani dhinac ku matalayay kulankaasi ayaa sidoo kale aragtidooda kala geddisan ee ku aadan muranka ka dhashay biya-mareenka iyo arrimo, usbuucyo ka hor inta aysan kulmin hoggaamiyeyaasha labadani waddan. Xoghayaha gaashaandhigga ee Mareykanka James Mattis ayaa sheegay in Mareykanku ay ka go’antahay in Shiinaha uu ka shaqeeyo sidii looga hortagi lahaa in gacan ka hadal uu dhexmaro labadooda ciidan. Maraakiibta dagaalka ee Shiinaha iyo Mareykanka ayaa lagu soo waramayaa in dhawaan ay ku sigteen in ay isku dhacaan gudaha biyaha lagu muransan yahay ee badda koonfurta Shiinaha. James Mattis ayaa ugu baaqay xukuumadda Beijing in ay maraakiibteeda dagaalka ka taxadarto isla markaana ay la yimaado dhaqan wanaag. Dhiggiisa Shiinaha ayaa sidoo kale ku nuuxnuuxsaday muhiimadda xiriir wanaagsan oo dhexmara milatariga labadani dal, balse waxa uu Mareykanka ku dhaliilay in maraakiib iyo diyaarado dagaal uu soo dhoobo meel u dhow jasiiradaha ay sheegato Shiinaha. Labada dhinacba waxay ka hadleen baahida loo qabo iskaashi dhexmara Shiinaha iyo Mareykanka, waxa ayna sheegeen in ay u gogol xaarayaan kulan dhexmari doona hoggaamiyeyaasha labadani dal. Balse sidoo kale waxay soo hadal qaadeen arrimaha kale ee ay isku khilaafsan yihiin sida muranka dhanka ganacsiga iyo dhibaatada ay dowladda Shiinuhu ku hayso muslimiinta dalkaasi ee laga tirada badan yahay. Source
  21. Muqdisho ( Sh. M. Network )-War ka soo baxay xafiiska caawinta Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midooibay ayaa si kulul loogu cambaareeyay qaraxyadii saddexda ahaa ee shalay gelinkii dambe ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho. Warbixinta ka soo baxday QM ayaa lagu sheegay in ay si weyn uga xun tahay qaraxyadaasi, waxaana ay sheegtay in ay ku soo aadeen, xilli dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku dadaalayaan sidii ay dib u dhis uga sameyn lahaayeen dhanka dhaqaalaha iyo ammaanka. Sidoo kale QM ayaa Tacsi u dirtay dhammaan ehelladii ay dadkoodii waxyeeladu ka soo gaartay qaraxyadaasi, iyagoo kuwii ku dhaawacmay u rajeysay Caafimad deg-deg ah. Al Shabaab ayaa sheegtay mnasuuliyadda weeraradan oo ay ku dhinteen ku dhawaad 20 Qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 40 kale. The post QM Oo Cambaareysay qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ugaas Maxamed Weli Sheekh Axmed Nuur oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya in ay faragaliso khilaafka siyaasadeed ee hareeyay Galmudug. Ugaas Weli ayaa sheegay in xaaladda cakiran ee Galmudug ay sababi karto in uu dumo maamulkaasi oo hada u kala jabay laba garab. Sidoo kale waxaa uu dowladda Soomaaliya ku booriyay in ay samata bixiso Galmudug, si loo badbaadiyo jirtaanka maamulkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/vvv.mp3 The post DFS Oo loogu baaqay in ay faragaliso khilaafka Galmudug appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Muqdishi ( Sh. M. Network )-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Aadan Isaaq ayaa ku booriyay shacabka Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan dagaalka lagula jiro Xarakada Al Shabaab. Mudane Aadan Isaaq oo ugu horreyn shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay weeraradii Gabaldhicii Shalay lagu qaaday Hotel saxafi iyo Xarunt Danbi baarista CID ayaa Canbaareeyay weerarkaasi. Waxaana uu tilmaamay in ay muhiim tahay in laga hortago weerarada Al Shabaab ay ka geystaan gudaha M/ Muqdisho. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/COD-WASIIR-KUXIGEENKA-QARAXII-MAANTA.mp3 The post XFS Oo baaq u dirtay Shacabka Soomaaliyeed appeared first on Shabelle. View the full article
  24. Muqdisho ( Sh. M. Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-101118.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article