-
Content Count
206,925 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Shabakadda Wararka ee Mail & Guardian oo laga leeyahay dalka Koonfur Afrika, ayaa baahisay in dowladda Jamhuuriyadda Somaliland ay tan iyo 2011kii joojisay 50 Harimo-cad oo si kootarabaan ah loo dhoofinayey. Sidaasna waxa mareegta Mail & Guardian ku soo bandhigay war uu maanta daabacay oo ay soo xigatay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, Waxaana warbixintaas dadka u dhaqdhaqaaqa duurjoogtu ay walaac ka muujiyeen dhoofinta sharci darrada ah ee duurjoogta Dalalka Bariga Afrika. Mail & Guardian waxay intaas ku dartay in laba bilood ka hor la badbaadiyey 11 Harimo-cad oo si tuuggo ah loo doonayey in laga dhoofiyo Somaliland. Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Bandare, ayaa sheegtay in korodhka ganacsiga duurjoogta loo iibgeeyo bariga dhexe ay waxyeelo ku tahay Somaliland iyo dhammaan dalalka kale ee Waqooyiga iyo Bariga Afrika. Machad fadhigiisu yahay dalka Namibia oo u dhaqdhaqaaqa xakamaynta ka ganacsiga Duurjoogta ayaa tilmaamay inay Somaliland ku leeyihiin xarun lagu xannaaneeyo 14 Harimo-cad oo laga soo badbaadiyey dad qabsaday. Source
-
Miisaaniyadda 2019-ka oo haatan la geeyey golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah kadib markii ay ansixisay xukuumadda Xasan Kheyre ayaa faah-faahineysa qorshaha maaliyeed ee sanadka soo socda 2019-ka. Haddaba, Goobjoog News waxaa ay akhristayaasheeda usoo gudbineysa faah-faahinta miisaaniyadd, innaga oo xoogga saareynta dakhliga, deeqaha debadda, mashariicda caalamiga ah, qooddad xafiisyada iyo arrimo badan. Faahfaahinta dakhliga guud dowladda ee miisaaniyada 2019-ka Dakhliga gudaha iyo deeqaha waa 340,066,501 Dakhliga gudaha: 189,850,000 Canshuuraha: 135,200,000, Canshuuraha dakhliga iyo faa’idooyinka: 9,100,000 Mushaarka shaqaalaha: 6,400,000, oo kala ah: Mushaarka shaqaalaha dowladda: 3,900,000 iyo Mushaarka shaqaalaha gaarkaa: 2,500,000 Canshuurta faa’idada ganacsiga: 2,200,000, Canshuurta faa’idada shirkadaha: 2,200,000 Canshuurta kale Dakhliga iyo faa’idooyinka: 500,000 Macaashka daaraha: 500.000 Canshuuraha adeedga iyo agabka: 22,000,000, Canshuurta guud ee agabka iyo adeegyada: 22,000,000, Canshuuraha gadiska-hoteelada: 200,000, Canshuuraha gadista-isgaarsiinta 6,500,000, Canshuurta gadista-shirkadaha korantada: 500,000, Canshuuraha gadista- waxyaabaha soo daga: 13,000,000, Canshuuraha gadista-tigidhada duulimaadka1,800,000 Canshuurta ganacsiga dibada: 97,000,000, Canshuurta furdooyinka iyo ganacsiga dibadda: 85,000,000, Canshuuraha kale ee ganacsiga dibadda: 12,000,000, Canshuurta soo dajinta khaadka: 12,000,000, Canshuuraha kale: 7,100,000 Canshuurta Moorka: 7,100,000, Moorka qaansheegadka iyo qandaraasyada notaayo: 2,600,000, Canshuurta socodka baabuurta: 2,000,000, Canshuuraha Moorka ee kale: 2,500,000 Deeqaha dibadda: 150,216,501, Deeqaha laba dhinaca 30,000.000 Deeqaha laba-geesoodka ah: 30,000,000, dalka keliya ee sanadkan laga filaayo inuu miisaaniyadda kabo waa Turkiga oo bixin-doon: 30,000,000 halka Sacuudiga, Qatar iyo Imaaraadka oo sanadihii hore miisaaniyadda kebi jiray aaney muuqan Deeq-dhinacyo badan: 120,216,501, Bangiga adduunka –sanduuqa Trusr oo badan: 6,557,675, Baanka adduunka –mashruuca-ka-qaadista awoda: 7,638,433, Baanka adduunka –maareynta maaliyada guud : 11,188,313, Baanka adduunka –taageerada qeybta ICT: 1,500,000, Baanka adduunka-SCORE: 6,025,200, Baanka adduunka-RCRF mushaharka: 39,000,000, Baanka adduunka-SOPTAP(shidaalka: 127,000, Baankiga hormarinta-Africa howlaha dhaqaalaha iyo maaliyada: 4,906,168, Qaramada midoobay-sanduuqeeda dhismaha nabada: 8773,592, United Nation mashruuca qorsheyta maalgalinta magaalada: 3,097,425, Qaramada midoobay –mashruuceeda dhaqan celinta degmada: 1,669,694, Midowga Yurub-Bileyska: 2,00,000, Midowga Yurub –Taageerada miisaaniyada: 34,600,000 Khidmadaha waa: 54,650,000 sida: Khidmadada maamulka: 2,200,000, Khidmadda dal-kugalka: 4,800,000, Khidmadda basaborka: 5,200,000, Ruqsada ganacsiga iyo warshadaha: 650,000, Ogolaanshiyaha shaqada-ajaanibta: 800,000, Khidmadda Dekeda- Alberak : 22,000,000, Khidmada garoonka diyaaradaha –Favori: 2,000,000, Khidmadda Rukhsada kaluumaysiga: 3,000,000, Khidmada haga isgaarsiinta: 2,000,00 iyo Khidmada duulimaadka hawada: 12,000,000 Qeybtan waxaa xoogga ku saareynaa qoondada hey’adaha ee miisaaniyadda 2019-ka: WADARTA MIISAANIYADA GUUD: 340.061.149, KHARASHAADKA JOOGTADA AH: 293.293.649 iyo HAY’ADAHA ADEEGA MAAMULKA: 135.204.188 Xafiiska madaxtooyada: 5,838,587, Xafiiska golaha shacabka: 5,338,481, Xafiiska aqalka sare: 14,449,312, Xafiiska Ra’iisal wasaaraha: 4,103,520, Wasaarada Arrimaha Dibadda: 5,777,630, Safaaradaha: 5,227,515, Wasaaradda Maaliyada: 8,654,585, Xisaabiyaha Guud: 1,594,345, Adeega Guud ee Dowladda : 44,434,690, Agaasinka Xurumaha Maaliyadda: 660,000, Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgalinta Dhaqaalaha: 2,673,791, Wasaaradda Arrimaha Guud iyo Federaalka : 9,780,116, Guddiga Qaxootiga iyo Barakacaayaasha :565,964, Wasaradda arrimaha Diinta iyo Awqaafta: 908,500, Wasaaradda Cadaalada :718,088, Ciidanka Asluubta : 5,777,224, Maxkamadda Sare : 952,744, Maxkamadda Gobalka Banaadir : 1,499,432, Maxkamadda Racfaanka : 270,284, Guddiga Adeedga Garsoorka: 188,792, Xeer-ilaaliyaha Guud : 1,081,488, Garyaqaanka Guud : 524,844, Hanta-dhowraha Guud : 1,786,104, Wasaaradda Gargaarka iyo Maareyta Musiibooyinka: 1,200,856, Wasaaradda Dastuurka : 1,927,848, guddiga M.Banaan ee Xuduudaha Qaranka : 644,928, Guddiga M. Banaan ee dibu Heshiisiinta: 501,132, Guddiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaranka : 3,000,000, Guddiga Madaxa Banan Ee Xuquulqul Aadanaha : 100,000, Guddiga Maxa Banaan Ee Dibu Eegista iyo Hirgalinta Dastuurka : 686,816, Guddiga Madaxa Banaan Ee Shaqaalaha Rayidka ah : 25,285.707 iyo Guddiga Madaxa Banaan Ee ladagaalanka Musuqmaasuqa : 100,000, waxaa xusid mudan guddiyadan qaarkood maba dhisna, qaarna sidii la rabay uma shaqeeyaan. HAY’ADAHA ADEEGA DIFAACA IYO AMNIGA : 110.767.024 Wasaaradda Gaashaandhiga: 2,632,780, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka: 62,193,336, Maxkamada ciidanka Xoogga: 1,456,000, Hay’ada Naafada iyo Agoonta ciidamada Qalabka sida: 115,000, Wasaaradda Amniga Qaranka: 2,007,452, Taliska Ciidanka Booliska: 25,789,856, Hay’ada Nabadsugidda Qaranka: 12,505,680 iyo Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha: 4,066,920 HAY’ADAHA ADEEGA DHAQAALAHA : 24.203.206 Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha: 1,304,927, Wasaaradda Macdanta: 929,552, Wasaaradda Beeraha: 1,558,891, Wasaaradda Xanaanada-Xoolaha-Dhirta iyo Daaqa: 1,018,348, Wasaaradda Kallumaysiga iyo khey’ Badda: 1,514,776, Hay’ada Cilmi Baadhista Badaha Soomaaliyeed: 508,164, Mashruuca Hormarinta Xeebaha iyo Kaluumeysiga: 105,976, Wasaaradda warfaafint: 4,954,856, Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta: 1,698,426, Hay’ada Isgaarsiinta Qaranka: 2,088,000, Wasaradda Howlaha guud iyo dib-u-dhiska: 1,156,072, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada: 1,907,440, Hay’ada Saadaashaiyo Duulista Hawada: 1,208,576, Wasaarada Dekedaha iyo Gaadiidka Badda : 1,232,608, Dekada Xamar: 1,021,300, Wasaarada Ganagsiga iyo Warshadaha: 1,995,304 HAY’ADAHA ADEEGGA BULSHDA: 23.119.231 Wasaaradda Caafimaadka : 7,260,440, Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare: 12,834,143, Wasaaradda isboortiga iyo dhalinyada: 1,453,540, Wasaaradda isboortiga iyo dhalinyada : 639,424, Wasaaradda Haweenka iyo Hor.Xuq. Adanaha: 931,684 MASHAARIICDA: 46.766.501 Mashruuca CIP : 7,638,433, Mashruuca SFF(MPTFand UN): 7,434,268, Mashruuca PFM: 11,188,313, Mashruuca EFG: 4,906,168, Mashruuca RCRF 2,150,000, Mashruuca Dhaqaalaha Ee Soomaliya Prg(SCORE) : 6,025,200, Mashruuca Taageerida Xasilinta (S2S) :1,699,694, Mashruuca SUIPP: 13,097,425, Mashruuca SOPTAP: 127,000 iyo Mashruuca ICT : 2,500,000 + Waxaan idiin soo wadnaa faah-faahin dheeraad iyo falanqeynno miisaaniyadda la xiriirta. Goobhoog News Qoraalkan Lama Qaadan Karo, Xigasho La’aan Source: goobjoog.com
-
Sadexdii Qarax ee Shalay oo Jamca ahayd lala beegsadey Dadka Rayidka ah ayaa khasaaruhu wuxuu kor u dhaafayaa 31 dhimasho ah iyo 112 dhaawac ah waxaa sidaas Puntlandi u xaqiijiyey laamaha Caafimaadka. Qaraxa iyo weererka iswata oo Sadex ahaa ayaa u muuqda raadkii Al-shabaab iyo xulufadooda, wuxuuna ahaa Qarixii ugu khasaaraha badnaa Sanadkaan ee ka dhaca Muqdisho. Isbitaalada Magaalada ugu waaweyn waxaa lageeyey Dhawacyo qaarkood ay nafbexeen intaan la gaarsiin Saalada qaliinka halka kuwa badan oo gaaraya 112 ilaa hada lagu daweynayo Isbitaalka weyn ee Digfeer iyo Banaadir. Qaruxu wuxuu kusoo beegmay xili Madaxweyne Farmaajo Dalka ka maqan yahay. Puntlandi.com Muqdisho Source
-
(SLT-Hargeysa)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee shalay si adag ugaga hadlay Taariikada Gaadiidka oo dhawaan Xukuumadda Somaliland ku dhawaaqday in la beddelayo. Sheekh Aadan waxa kale oo uu khudbaddiisa kaga hadlay xidhiidhka Ummadda Muslimka iyo Hoggaankoodu yeelanayaan, si loogu midoobo horumarinta danaha Guud, waxaanu yidhi “Waxaynu si kooban uga hadlaynaa ilaaqaadka u dhexeeya hoggaanka Ummadda iyo Dadka Muslimiinta ah ee ay xukumayaan. ka hor, markii Qur’aanka la soo dejiyey maxaa jiray ? waxa jiray in Qofba ka uu ka awood badan yahay uu hantidiisa cuno, dhulkiisa qaato, xitaa Gabadhiisa inuu ka qaado, laakiin Islaamku wuxuu gaadhay in Nimanka loo yaqaano Ducafadii Muslimiinta ee maryaha cascasaa inay Dadka hoggaamiyaan oo Illaahay (SW) uu samada ka soo salaamo.” Sheekh Aadan-siiro wuxuu sheegay “Islaamku wuxuu dejiyey Qaacidada ah Madaxweynaha ama Hoggaanka Ummaddu wuxuu Miisaan leeyahay inta uu Ummaddaa Maslaxaddooda ka shaqaynayo, Waayo? waa Awoodahaa is-dheelitiraya ee meel u wada jeeda, Rasuulka (CSW) oo bani-aadam ugu fadli badnaana kamuu dhex soocnayn saxaabadiisa, illaa marka uu Qof soo Islaamo odhan jiray ‘Mee Nebi Muxamed), sidaas ayuu Islaamku Dadka ku dhaqay, Ilaaqaadka Islaamku sameeyayna taa weeyaan.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka hadlay siday muhiimka u tahay in Dadku wanaagga is-faro Xumaantana iska nahiyo “Iimaanka halka ugu hoosaysaa waa Waddada oo aad ka qaado dhagaxa (wixii dhib keenaya ee yaalla), laakiin bal dhaqankeena Maanta eeg, Deyr buu samaystay, haddana laba lowdh oo dhagaxaan ah ayuu sii hor dhigay, Sandaqad kale ayuu ka sii hor-dhisay, markaa halkaynu ka joognaa iimaanka uu Rasuulku (CSW) tilmaamayo.” Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud waxa kale oo uu khudbaddiisa kaga hadlay in Dadka Miyiga ku dhaqani u baahan yihiin gurmad, maaddaama buu yidhi uu Faro-baas ku hayo Jaadka oo Danihii Adduunyo iyo kuwii Aakhiraba seejiyey “Magaaladu ma dayacna, Waayo? waxa ka furan in ka badan 5 kun oo Madarasadood, waxa ka samaysan 465 Masjid, in ka badan Afartan Tafsiir ayaa ka socda Magaalada, intaas oo Jaamacadood oo Islaamiya iyo intaas oo Machad baa ka samaysan, meelaha u baahan in loo gurmado waa Dadkeena Magaalada ka baxsan oo aan dhaqaale haynin, Diin haynin, waxbarasho aan haynin, kuwaa yaa u gurmada ? waxa u gurmada Nimankaa Culimada ah ee Dad badan wax ka sheegaan (Tabliiqiyiinta), Waar Nin Muslim ah oo soo qaatay Bariiskiisa iyo Qamadinkiisa oo u tagay Tuuladii innagu xigtay oo Bilaa Salaad ah oo Saddex cisho dhex fadhiyey oo Qof walba Gurigiisa ku booqday oo Salaadda ugu yeedhaya, maxay kula tahay Marka Aniga oo iska fadhiya oo halkan khudbad yar ka jeediya oo Gaadhi cadna wata markaan wax ka sheego (Culimada Tabliiqiyiinta), Diini waxay ku soo ururtay giraamkaaga soo qaado oo Illaahay dartii u soo bax…” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka hadlay inay Bulshada culays ku tahay Beddelaadda Taariikada Gaadiidka “Waxaan aad ula yaabay markii Xukuumaddu soo saartay boqol kun oo Taariko hala beddelo, 60 Dollar bay yidhaahdeen,laakiin marka waxa raacaya lagu daro waa 11 Milyan oo dollar, Xukuumaddu inoomay sheegin Lacagta intaas leeg ee soo baxaysa (Waxa lagu qabanayo), Waayo? dugsiga Biyo dhacay 135 Arday ayaa ka baxay dugsiga sare, 90 Arday baa dhacay, Faarax Oomaar 138 Arday baa ka dhacay, 42 baa gudbay, laakiin weli Xukuumaddu kamay hadal, Dugsiyada Dawladda oo dhan waxa wax ka dhigayaa (lagu tayeyn karo) kama badna laba Milyan Dollar.” Sheekhu wuxuu sheegay oo kale “Dadkaagii oo baahan, Carruurtaadii oo wada Tahriibaysa, Baabuur yar oo Fitis ah (Tukhaan) ay Hooyo Agoon haysataa u iibisay Wiilkeeda inaad ku mashquusho in 150 Dollar ay Islaantaa Tamaandhada iibinaysaa bixiso (ku bixiso beddelka Taarikada waa dhibaato)…” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Meherado badan xidhmeen muddadii Xukuumaddu Talada Dalka gacanta ku haysey “Dadka u dhuun-daloolaa (waxay sheegeen) Sannadkii ay Xukuumaddani jirtay waxa soo laalaabtay oo kacay 3800 Meheradood, waa Hargeysa oo keliya, Dalka gebigiisiiba wuu soo ootay, iska daa inaad tidhaahdo Cashuurta hala kordhiyo ama Taarikada hala beddelee, waxay ahayd in Maanta Xukuumaddu ay Dadka u gurmato.” Sheekhu wuxuu farriin u diray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi “Madaxweynaha iyo inta hoos joogta waxaanu leenahay markaad Dadka Cashuur ku soo rogaysaan Caqli iyo xikmad ku dara.” Source
-
Abi Axmed wuxuu wadaa qorshe lagu dhisayo waxa loo yaqaan ( Regional Integration) Isdhexgal Goboleed. Qorshahan waa qorshe fog wuxuuna marayaa heerar kala duwan, marka hore waxaa la dhameynayaa khilaafka, colaadaha iyo kala shakiga ka jira wadamada Itoobiya, Eretareeya, Soomaaliya iyo Jabuuti kadib waxaa la dhisayaa gole ka shaqeeya dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasada sidii lagu heshiiyey shirkii ka dhacay September 2018 magaalada Asmara. Ra’iisul Wasaare Abi Axmed oo qorshahan hogaaminayo ayaa wuxuu rajeynayaa in mustaqbalka dhow dowladaha geeska Afrika yeeshaan lacag mid ah, ganacsi mid ah oo leh xuduuddo furan iyo sirdoon mid ah. Madaxweynaha dalka Itoobiya Sahlework Zewde oo ku sugan magaalada Johannesburg halkaas oo ay kaga qaybgaleyso kulanka Africa Investment Forum (AIF) ayaa kulankaas ka sheegtey in Itoobiya u dhaqaaqdey in ay dhisto Isdhexgal Goboleed ( Regional Integration) waxeyna kulankaa ka tiri: ” Ma filayo in wadan meel fog gaari karo haddii uu isku koobo xuduudahiisa keliya “waxeyna raacisey ” Xaqiiqdii waxa Itoobiya isku dayeysaa in ay hesho Isdhexgal Goboleed si mustaqbalka u noqdo isdhexgalkaasi mid qaarradeed” Shirka uu u aaday dalka Itoobiya madaxweyne Formaajo mashruucan ayuu ku saabsan yahay hirgelintiisa ( Regional Integration). Waxeyse kulamadan dhacayaan xilli dowlada Itoobiya dhaqaalle ahaan, siyaasad ahaan iyo ciidan ahaan ay dhisan tahay halka dalka Soomaaliya ay ka jirto xasilooni dari siyaasadeed, amni xumo iyo khilaaf. Jiir, libaax la xaajoonaya ayey u muuqataa. Dowlada Eretareya ha ahaato dal sabool ah laakiin waa wadan xuduudihiisa ilaalshan kara, siyaasada arrimaha gudahana hal gacan ku urruursan tahay. Waxaan isweydiiyaa madaxweyne Farmaajo sidee madax dalalka deriska nala ah iyo kuwo caalamka fog ula xaajoodaa una hor fariistaa, go’aano masiiri ah u gaari karaa, asaga oo og in wasiiradiisa iyo saraakiisha ciidamada dowladda federaalka tagi karin Kismaayo, Dhuusomareeb iyo Garoowe. Soo ma haboonnayn in marka hore afgarto madaxda maamul goboleedyadda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah ee ku kacsan kadib asaga oo xaliyey khilaafaadka siyaasadeed ee dalka gudahiisa kaga furan in uu ka qayb galo shirarka heer dowladaha gobolka iyo caalamka kale uu la yeelanayo?, asaga oo matalaad buuxda ka heysta madaxda kale ee Soomaaliyeed ee gobolada dalka ka taliya oo ay talo wadaaga yihiin, si madaxda dowladaha uu la kulmayo ugu helo ixtiraam iyo qiimeyn. Madaxweyne xuduudaha dalkiisa ay furan yihiin, khilaaf siyaasadeed kala dhaxeeyo madaxdii dowlad goboleedyada, dalkuna federaal yahay, amniga caasimada uu ku nool yahay aysan sugnayn sababta keliya ee dowladaha deriska iyo kuwa fog ugu yeeranayaan waxa ay noqon kartaa in warqado laga saxiixdo si qorshahooda fog u gaaraan. Itoobiya, Eratareeya iyo Soomaaliya waxey heystaan fursad qaali ah oo ay ku dhisan karaan iskaashi dhaqaale iyo amni laakiin mar ka hore waa in Soomaalidu helaan dowlad mideysan oo khilaaf iyo is jiid jiid ka jirin dhexdeeda. Dastuurka qabyadaha ahna la dhameystiro, maxaa yeeley Dastuurku waa heshiis bulsho oo sharci ah, dowlad aan lahayn Dastuur dhameystiran waaba ku qalad in ay gasho heshiisyo caalami ah. W/Q: Ilyaas Maxamuud Xuseen
-
(SLT-Melporn)-Booliska dalka Australia ayaa sheegay shalay oo Jimca ah in nin Soomaali ah uu mindi ku weeraray saddex qof, magaalada Melbourne, isagoo mid ka mid ah dilay, ka hor inta aysan boolisku toogan. Booliku waxey sheegeen in ninkan uu watay gaari uu gaas saarnaa oo markii dambe dab qabsaday, iyagoo intaa ku daray inay weerarka u tixgelinayaan sidii weerar argagixiso. Saraakiisha amniga ayaa ninkan weerarka geystay magaciisa ku sheegay Xassan Khalifa Shire oo 30 sano jir ah in uu midi uu watay uu ku waxyeeleeyay ilaa 4 ruux oo taagnaa hareeraha wado ku taallo bartamaha magaalada Melporn ee dalkaasi. Wararka ayaa intaa ku daraya in uu damacsanaa in gaari uu ka soo buuxiyay gaas iyo dhalooyin in uu qarxiyo balse Boolisku ay ka hortageen intaanu falkaasi geysan oo ay toogteyn booliska. Sarkaal ayaa sidoo kale warbaahinta la wadaagay in Ninkaani Paspporka dalkaasi lagla noqday sanadkii 2015 kaddib markii ay fahmeyn in si uun uu u taageero kooxda Daacish. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii shalay ruxay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 40 qof, sida ay xaqiijinayaan ilo kala duwan oo madax banaan. Qaraxyada oo ay ka dhaceen Hotelka Saxafi ayaa ku bilowday gaadiid laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lagu weeraray afaafka hore ee wadada laamiga Hotelka, xilli wadada aheyd mid mashquul badan, gaadiid kala duwan ay marayeen. Wararka ayaa sheegaya in dhaawacyada ay ka badan yihiin 50 ruux, waxaana goobta qaraxa isku bedeshay goob aad u burbursan oo ka muuqdeen haraadiga iyo burburka uu sababay qaraxa. Qaraxa labaad ayaa ka dhacay agagaarka CID oo u dhow Hotelka Saxafi, halka qaraxa 3aad lagu tilmaamay inuu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa, maadaama uu dhacay xilli uu socday gurmadka. Cabdi Barre Jibriil oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka oo la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay inuu Hotelka balan ku lahaa xilliga qaraxyada dhacayeen, isla markaana uu ka qeyb qaatay gurmadka markii qaraxyada dhacayeen. “Hotelka ayaa balan kulahaa, waxaa markii aan galay Hotelka dhacay qaraxyada dadka badan ku dhinteen, aniga waxaa indhaheyga ku arkay oo aan wax ka qaaday meydad dhan 47 ruux, waxaa ku jiray dad uu jirkooda kala go’ay oo qaraxyada saddexda ahaa ay haleeleen”ayuu yiri Xildhibaan hore Cabdi Barre Jibriil. Dadka ku dhintay qaraxyada ayaa waxaa ku jiray C/fataah C/rashiid Shire Ilqeyte oo ka mid ah Milkiilayaasha Hotelka, saddex sano ka hor aabihii Ganacsade C/rashiid Ilqeyte ayaa ku dhintay weerar sidan oo kale Al-Shabaab ugu qaadeen Hotelka Saxafi. Hotelka Saxafi ayaa ka mid ah Hotelada ugu caansan ee magaalada Muqdisho, waxaa uu ku yaallaa agagaarka Isgoyska KM4 oo ah goob aad u mashquul badan oo amnigeeda aad loo ilaaliyo. Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarada qaraxyada ee shalay ka dhacay, waxaana qaraxyada ku soo aadeen maalin jimco ah oo dadka ka nastaan shaqooyinka, balse xilliyada galbihii magaalada tahay mid camiran oo dadka is booqdaan, iskuna arkaan meelaha kala duwan ee la isugu yimaado sida Hotelada iyo maqaayadaha. Source
-
(SLT-Washington)-Kulan heer sare ah oo ka dhacay magaalada Washington ayaa waddamada Shiinaha iyo Mareykanka waxa ay ka wada hadleen qaabkii loo qaboojin lahaa xiisadda ka taagan badda koonfurta Shiinaha ee u dhaxeysa ciidamada milatariga labadani waddan. Mas’uuliyiinta labadani dhinac ku matalayay kulankaasi ayaa sidoo kale aragtidooda kala geddisan ee ku aadan muranka ka dhashay biya-mareenka iyo arrimo, usbuucyo ka hor inta aysan kulmin hoggaamiyeyaasha labadani waddan. Xoghayaha gaashaandhigga ee Mareykanka James Mattis ayaa sheegay in Mareykanku ay ka go’antahay in Shiinaha uu ka shaqeeyo sidii looga hortagi lahaa in gacan ka hadal uu dhexmaro labadooda ciidan. Maraakiibta dagaalka ee Shiinaha iyo Mareykanka ayaa lagu soo waramayaa in dhawaan ay ku sigteen in ay isku dhacaan gudaha biyaha lagu muransan yahay ee badda koonfurta Shiinaha. James Mattis ayaa ugu baaqay xukuumadda Beijing in ay maraakiibteeda dagaalka ka taxadarto isla markaana ay la yimaado dhaqan wanaag. Dhiggiisa Shiinaha ayaa sidoo kale ku nuuxnuuxsaday muhiimadda xiriir wanaagsan oo dhexmara milatariga labadani dal, balse waxa uu Mareykanka ku dhaliilay in maraakiib iyo diyaarado dagaal uu soo dhoobo meel u dhow jasiiradaha ay sheegato Shiinaha. Labada dhinacba waxay ka hadleen baahida loo qabo iskaashi dhexmara Shiinaha iyo Mareykanka, waxa ayna sheegeen in ay u gogol xaarayaan kulan dhexmari doona hoggaamiyeyaasha labadani dal. Balse sidoo kale waxay soo hadal qaadeen arrimaha kale ee ay isku khilaafsan yihiin sida muranka dhanka ganacsiga iyo dhibaatada ay dowladda Shiinuhu ku hayso muslimiinta dalkaasi ee laga tirada badan yahay. Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-War ka soo baxay xafiiska caawinta Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midooibay ayaa si kulul loogu cambaareeyay qaraxyadii saddexda ahaa ee shalay gelinkii dambe ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho. Warbixinta ka soo baxday QM ayaa lagu sheegay in ay si weyn uga xun tahay qaraxyadaasi, waxaana ay sheegtay in ay ku soo aadeen, xilli dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku dadaalayaan sidii ay dib u dhis uga sameyn lahaayeen dhanka dhaqaalaha iyo ammaanka. Sidoo kale QM ayaa Tacsi u dirtay dhammaan ehelladii ay dadkoodii waxyeeladu ka soo gaartay qaraxyadaasi, iyagoo kuwii ku dhaawacmay u rajeysay Caafimad deg-deg ah. Al Shabaab ayaa sheegtay mnasuuliyadda weeraradan oo ay ku dhinteen ku dhawaad 20 Qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 40 kale. The post QM Oo Cambaareysay qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ugaas Maxamed Weli Sheekh Axmed Nuur oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya in ay faragaliso khilaafka siyaasadeed ee hareeyay Galmudug. Ugaas Weli ayaa sheegay in xaaladda cakiran ee Galmudug ay sababi karto in uu dumo maamulkaasi oo hada u kala jabay laba garab. Sidoo kale waxaa uu dowladda Soomaaliya ku booriyay in ay samata bixiso Galmudug, si loo badbaadiyo jirtaanka maamulkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/vvv.mp3 The post DFS Oo loogu baaqay in ay faragaliso khilaafka Galmudug appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdishi ( Sh. M. Network )-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Aadan Isaaq ayaa ku booriyay shacabka Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan dagaalka lagula jiro Xarakada Al Shabaab. Mudane Aadan Isaaq oo ugu horreyn shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay weeraradii Gabaldhicii Shalay lagu qaaday Hotel saxafi iyo Xarunt Danbi baarista CID ayaa Canbaareeyay weerarkaasi. Waxaana uu tilmaamay in ay muhiim tahay in laga hortago weerarada Al Shabaab ay ka geystaan gudaha M/ Muqdisho. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/COD-WASIIR-KUXIGEENKA-QARAXII-MAANTA.mp3 The post XFS Oo baaq u dirtay Shacabka Soomaaliyeed appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-101118.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Sarkaal hore oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in laamaha amniga ay ka gaabiyeen wax ka qabshada nabadgalyada caasimadda ee Muqdisho. Gaashaanle sare Khaliif idiris Cismaan ayaa xusay in dhowr qarax oo dad badani ay ku dhinteen ay ka dhaceen magaalada Muqdisho, welina ay soconayaan. Ciidamada ammaanka ayuu sheegay in waajib ka saaran yahay iney ka hortagaan qaraxyada bedalkii la is difaaci lahaa markii ay qaraxyo dhacaan. Shalay, waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay Saddex qarax oo sababay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/GAASHAANLE-KHALIIF-IDIRIS.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maamulka Amiin Ambulance ayaa sheegay in dhawacyo kabada 30 ay gaarsiiyeen isbitaalada magaalada Muqdisho, kuwaas oo waxyeello kasoo gaartay qaraxyadii is xig xigay ee shalay Muqdisho ka dhacay. Bashiir Xasan Faarax oo ka mid ah Amiin ambulance ayaa sheegay in dadku ay isugu jireen kuwa qaba dhaawacyo fudud iyo kuwa culus, isagoo xusay in isbitaallada weli ay ku howlan yihiin daweeynta dhaawacydaas. Waxa uu sheegay in dhankooda ay ku guuleysteen in ay daabulaan dhaawacyada ,islamarkana wax dhib ah dhankooda aysan ka soo gaarin qaraxyadii shalay dhacay. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/AMIIN-AMBLACE.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa sii kordhay tirada dadka ku dhintay qaraxyadii shalay gelinkii dambe ka dhacay isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho, kuwaasi oo dad rayid ah u badnaa dadka waxyeelada ay kasoo gaartay. Dad badan oo qabay dhaawacyo daran ayay xarumaha caafimaadka xaqiijiyeen inay u dhinteen dhaawacyadii soo gaaray, waxaana saraakiisha caafimaadka ay sheegayaan inay kordheen tirada dadka qaraxyada ku dhintay. Dadka dhaawacyada ay soo gaareen waxaa kamid ah agaasimihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Bahlaawi, wariye ka tirsan wakaalada Wararka Soomaaliya ee SONNA iyo masuuliyiin kale. Dadka dhintay waxaa kamid ahaa wiilka uu dhalay C/rashiid Shire Il-Qeyte oo seddex sano ka hor lagu dilay isla hotelka, Dhaqaatiir labo bil ka hor qalin jibiyay, ciidamada amaanka iyo dad badan oo shacab ah oo saarnaa gaadiidka dadweynaha iyo Bajaajyo. Waxaa socda baaritaanka sida ay ku suurogashay in ciidamada hubeysan ay labada dhinac ee hotelka ay dhigtaan gaadiidkii ay ku qarxiyeen shalay gelinkii dambe. AL Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka oo dhacay shalay xilli Jimco ah oo dadweyne badan ay marayeen isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wasiir Axmed M.Seed iyo Faarax Geedoole Waxa ay ka mid yihiin madaxda Nacabka ah ee tabashada reer Awdal tamar galiyey !! Sababta iyo Siday ku noqdeen bogo? Dr.Khadar-Libaaxley. Sida uu tibaaxayo ninka ingiriis I.M.LEWIS ee ku takhasusay cilmiga hidaraaca aadamaha iyo taariikhda buugiisa la yidhaah ( A Modern History of Somalia : Nation and State in the Horn of Africa ). Taariikh ahaan 1924 ayuu ingiriiskii ilaalada Somaliland u ahaa rasmiya u aqoonsadey dhul ku haboon ciid iyo cimilo ahaan ba nidaamka wax-soosaarka beeraha ,beeraleyda iyo xoolo dhaqato beeraleyda gaar ahaan degmooyinka Borama iyo Gabiley , degmooyinka Baki iyo xeego xiligaa waxay ka mid ahaayeen degmada Borama; Nidaamkan uu u aqoonsadey muu aheyn nidaam uu isagu hindisihiisa iyo hirgalintiisa toona la haa waxa horey u taabo iyo tamar galiyey ( Boqortooyadii Adal/ adari ee xarumaheedu ahaayeen Saylac iyo Herer wakhtiyadii isxigay ). Wasiir Axmed M. Seed iyo Faarax Geedoole 2dan masuul oo xil ahaan wasaarada Beeraha xilliyo is-xigay u kala dambeeyey deegaan ahaana waxa ay u dhasheen degmada xeego , waxa ay ku sifoobeen dhaqan ah mid ka mid ah 4 tii aan sahanka loo dirsan jirin ( Sahan Gandood ) oo ah looma aayaan wax matare u ah dadkiisa iyo deegaankiisa ba; iyagu magac mooyee macno iyo miciin midna uma laha dadka reer xeego iyo guud ahaan Awdal oo ay iyaga iyo ciyaalkooduba ka soo jeedaan, xataa kab sii jeeda umay soo jeedin taas waxa daliil u ah: Horey Faarax geedoole markii uu wasiirka beeraha ah fursadaha gacantiisa soo maray waxa ka mid ahaa ( Mashruucii Bariis beerista oo 4 million dollar ahaa ( abu-riin ) mashruucii timir beerista oo la beerayey 3000 oo geed timireed ah ( Bulo-xaar ) iyo mashruucii doox xidhista, yareynta khatarta ka iman karta oo 1 million dallor ( abu-riin ) ,4 sanno kadib wasiir geedoole waxa loo badaley wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare, waxa uu (Burco ka dhisay , qalabeeyey dugsigii jarmalka ee farsamada gacanta ) , ( Ceerigaabo waxa uu ka dhisay dugsigii sare ee Dayaxa ) ,( Hargaisa woqooyigeeda waxa uu ka dhisay Xarun weyn oo loogu tallo galey tababarka macalimiinta Gobolada Si looga maarmo jaamaca Camuud oo horey u fulin jirtay tababarkan dakhlina ay ka heli jirtay Jaamacada iyo Magaalada Borame intuba ) Asteynta iyo fulida mashaariicdani waxa ay ku sumad iyo taariikhaysanyihiin Gobolada M/Jeex, Saaxil, Tog-dheer iyo Ceerigaabo; hawl fulida mashaariicdan iyo in aaney fulin waa arin kale oo faaqidaadiisa u baahan balse murtidu waxa ay tahay siyaasada iyo asteynta ay ku dhisantahay xulida goobaha mashaariicdan laga hirgalinaayo. mudane akhriste bal u fiirso goobaha uu xagliye prof. geedoole mashaariicdan dhamaantood u asteeyey !! degmadii xeego ama degmooyinkii kale ee Gobolka Awdal ee isaga iyo ciyaalkiisuba ka soo jeedeen miyaad ku aragtaan ugu yaraan hal mashruuc oo uu ugu mano sheegto maanta ama shaley ? wasiir prof. geedoole ma sahan gandoodnimo iyo ambad uu ahaa ayey ka aheyd mise Amar sare oo si dahsoon loo faraayey isaguna raacaayey oo uu ka ahaa weylo raac ujro qaata ah iyo calooshiisa u shaqeyste ayaa jirey ? imika iyo Wasiir Axmed Muumin Seedka ka arimiya Wasaarada Beeraha ee Somaliland, mido xilleedkiisa sannad iyadoona wali dhamaan waxa uu dalka oo dhan ka urursaday ammaan fara-badan iyo foolaad oo markaad milic-sato ruux diisa hoose iyo oogadiisuba farax iyo kal furnaan darteed deexo muusoonayaan taasi oo uu fadhiga ladi la’yahay dawaaf dartii Gobolada dalka; horaantii horaba waxa uu soo bandhigey qorshaha waxa uu qaban-doono oo ku asteysan goobo indha-rogosho iyo waji-gabax mar-labaad ku riday degmada Xeego iyo guud ahaan Gobolka Awdal intab ; wax kale maaha si kooban waxa uu fadalkiisu ka cabey horey halkii uu wasiir geedoole waadaanka ka waraabin jiray , si dhiiran waxa uu goob walba kaga baanaa beerista wax-soosaarka qaran ee mashaariicda banka ( Wajaale, XaaXi iyo Beer ) Xaaxi iyo Beer xaalka oo ku soo boodo ku noqday iyo xilli roobaadkii oo wareegay ayaa dabar ku xidhay arinkooda, balse Wajaale mashruuc la tijaabiyey oo guulesytay ayuu noqday, waxa isna ku barbar qabsadey beerista wajaale meel kale oo mid ah banka gudoomiyahay hay’ada ka hortaga masiibooyinka ; 2daasi tacab oo tijaabo baxey oo dalkuna si weyn ugu baahnaa wey soo go’een e’ kadaba khayr leh baynu leenahay iyo xoojinta tashigaasi iyo joogtayntiisuba waxa laga yaabaa in uu qaranka anfaco. Isweydiintuse waxa ay tahay : 1a.) horey u aragnay wasiir geedoole e’ maxay tahay sababta uu wasiir axmed muumin ka wajaale, xaaxi iyo beer asteeyey in uu waxsoosaar qaran ka soo saaro ugu dari-waayey mashruuc haboon degmadiisii Xeego ama Baki , Boon iyo garbo-dadar iyo xariirad oo dhamaantood ah halka uu ka soo jeedo dhulka somaliland ugu biyo badan, oo xataa leh biyo dabeeciya oo guudka sare yaala???!!! 2b) Gabiley iyada oo heshay 2 mashruuc qaran oo waaweyn oo 2duba ka hirgaley banka wajaale ee ka mid ah Gabiley xaq iyo cadaalad miyey tahay in aad isla Gabiley 10/31/2018 astayn iyo dhagax dhig mashruuc 10 million dollar ah aad ugu cuurto ? Dalku ma Gabiley oo kaliyaa mise waa kalsooni la’aan iyo iska dhis madaxweynaha si aad wasiir u sii ahaato ? 3c) Wasiir Seed iyo Geedoole waxaan weydiinayaa waxaa aad mashaariic fuliseen wiilka iyo inanta caawa ku ag-dhasha iyo wiilka iyo inanta caawa xeego ama meel kale oo Awdal ka mid ah ku dhasha oo ay daan haba-yaraatee waxbaba meelna ugu asteynin iyamaa mustaqalkoodu u kala iftiin muuqdaa marka laga yimaado waxa alle u laaban???. Maxay tahay Sababta ku kalifeysa in wasiiradan iyo wasiirada kale ee Awdal sidan u dhaqmaan tan iyo 1993 ??? Wasiir geedoole iyo seed hab-dhaqankan kali kuma aha, dhaqankan waxa la wadaaga wasiir kasta gobolkuu doono haka soo jeede’ oo bilaa kalsooni ah ha u badnaadeen kuwa Awdal u dhashay, sababtu waxa ay tahay waa dareen qaatayaal ku xisaabtama ku raali galinta had ba madaxweynaha markaa jooga wax-qabad cuuran si uu ugu yaraan uga farxiyo ama uga qosliyo isagana niyadiisu u naaxdo, halkaasna uu ka tabcado cimri dherer ka mudo xilleedka wasiirnimo. Marka aan leeyahay hab-dhaqankan waxa ugu badan wasiirada Awdal ka soo jeeda, waxa daliil u ah laasimida hab-dhaqankan qar iska tuurnimada iyo calooshiisa u shaqeystenimada ku dhisan oo soo socday tan iyo dawladii ugu horeysay ee Borama lagu soo dhisay 1993 waa waxa ay ka dhalatay ( saami-doonka iyo tabashada reer Awdal in ay dareen taban qaataan ) qudhayda qof ahaan waa dhamacda iyo dhuxulaha igu shida in aan ka fikiro si ummadan baaqi uga hadho in la hello xal taasi oo marka aan ka geyn waayey ila noqotay in reer Awdal wax taransan karaan oo kaliya hadii ay hellaan ( Dawlad Goboleed ) waa isla sababta aan u istaadho ololeheeda si bari dadkan baaqi uga hadho, illeyn hadii la sii dugsado dadka noocaas dhaqan koodu yahay saw dabar-go maaha arinku!!. Gunaanad iyo Gabogabo: Wasiirada Awdal u dhashey tan iyo 1993 ma caayayo mana aflagaadeynayo sharafka ay sitaan ayey iga mudanyihiin balse waxa aan maagayaa waa hab-dhaqankooda aan xikmadeysneyn, reer gabiley meel igama jiraan waxa ay hayaan waan hayaa iyaga iyo dhamaan somaliland hayeeshee reer gabiley waxa aan ka leexinayaa cid kasta sifo daran xil kaga raadinaysa iyo waliba cayuunu naaska meel walba uga imanaya ee calooshiisa u shaqeyste kastaa la soo doonanaayo, wixii ay hayaan hada illaahey ha u barako galiyo. Sax waxa ah qof kasta oo xil-ummada u qabta in uu dadka iyo dalka deegaan walba gaadho inta masuuliyadiisu gaadheyso oo uu ka baaqsado meel ku kuf, fursadii uu hellaba kula dul kufo meel kaliya. Madaxweynaha waxa aan u soo jeedinayaa ummada oo dhan adiga ayaa masuul ka ah wasiirada iyo masuuliyiinta kale ee aad madaxda uga dhigtay wey kuu fiicantahay in aad halbeeg ka dhigato hubinta ah in masuulkastaa gaadhey waxtarka dadkiisa iyo dadweynaha dalka oo dhan . Dr.khadar -Libaaxley dr.khadar05@gmail.com gargorey4@gmail.com Regional political analysts 11/5/2018 Qaran News
-
Maxaa ka jira in maayar Soltelco horseeed u ahaa Shiidkii guryaha baxsane ee dhalinyarada xaafada dhurqaanta Maalmahan waxaan si dhaw ula socday cabashada dhalinyarada xaafada dhurqaanta ee degmada ibraahim koodbuur,oo mudo 25 maalmood ah ku jira xaalad jahawareer oo sababtay weerarka hantida ganacsadaha baxsane. Weerarkan oo ahaa mid uu soo abaabulay maayarka caasimada hargeysa ayaa ka dhashay ka dib markii ay ogaadeen in dhulkii ay u isticmaali jireen ciyaarta kubada cagta inuu dhawaan la dhisi doono oo mulkiilihii lahaa dhulkaasi uu u baahday inuu dhismayaal ka fuliyo. Dadwaynaha xaafada waxay judhiiba ay abaareen guriga maayarka caasimada oo aan ka fogayn garoonka baxsane ee cabashadu ka taagan. Dhalinyaradan oo ay weheliyaan qaar ka mid ah waayeelka xaafadaasi oo hore u haystay balan qaad maayarku u sameeyey, Hadaba Muxuu ahaa balan qaad kaasi Dhulkan loo yaqaan garoonka baxsane waxa uu ka mid ahaa hantidiisa gaar ka ah. Balse codsigii dadweynaha xaafada oo ahaa inuu u ogolaado tukashada salaada ciida iyo inay caruurtu ku ciyaaraan. Beentii maayarka Maayarku wuxuu been ka sheegay in xaaji baxsane ay u sameeyeen dhul bedel,isla markaana garoonkani uu yahay mid ay iska leeyihiin dhalinyaeada xaafada ku nool. Qaarka mid ah dadweynaha xaafada degan ayaa sheegay in maayarku uu been u sheegay,ka dib markii ay ka war heleen in la dhisayo garoonkii. Xaqlaha dhulkan garoonka loo isticmaali jiray oo goobtaa timid,waxa uu la kulmay dhalinyaradii,iyagoo u sheegay inaanay ku haysan dhulkan. Hadaba xal ma u aragtaa in maayarku soo jeediyo tallo aan meesha oolin oo ina odhanaysa shiida guryaha baxsane si uu u siiyo dhulkaasi. Dhawrkii habeen ee u dambeeyey waxa si is daba joog ah u socday talaabooyin ay ku kaceen dhalinyaradaasi oo isugu jira inay dhagax ku jaraan wadada,shiid ay la beegsadaan gaadiidka iyo guryaha xaaji baxsane. Dabagalka arinta waxay igu qaadatay wakhti,ka dibna waxaan ogaaday in maayarku uu kula taliyey dhalinyarada inay falalkaa sameeyaan si garoonka uu u daayo xaaji baxsane. Arintan waxay noqonaysaa arin keenaysa laba arimood oo halis ah. 1.Mustaqbalka dhalinyarada 2.Nabad galayada guud La soco qabataa labaad Xuseen Xasan Faarax Aqoon yahanka degmada koodbuur Qaran News
-
Berbera Oo Ay Ku Soo Bateen Muranada Dhulku Intii Maalgashiga Dp World Yimid Guddoomyaha maxkamada sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali ayaa tilmaamay in dacwadaha dhulku ay sare u kaceen iintii Berberi heshay maalgashiyada kala duwan. Waxa uu guddoomiyaha maxkamada sare oo mudooyinkii ugu danbeeyay gobalada dalka dib u eegis iyo dhagaysiyo dacwadeed ka waday uu gaadhay Berbera, magaaladaas oo uu ku tilmaamay inay hore u ahayd meelaha ugu dacwadaha yar dalka, isla markaasna ay hadda aad sare ugu kaceen dacwadaha dhulku. Wwaxaana isaga oo arintan ka hadlaayay uu yidhi “Saaxil anigu hordhac ayaan u ahay kooxihii waa ay imanayaan waanay fadhiisanayaan anigaana u sii gogol xaadhaya waana gobalka ugu dacwadaha yar marka runta laga eego, hada waxa soo bilaabmaya muranada dhulka sababta oo ah dhulkii hadda waa tan Berberi qaaliyoowday ee maalgalintu ku soo badanayso ee laysugu soo shubmay, waayo hadda waxaanu dareenay labada magaalo ee toos maxkamada sare iyo gudiyada dhulku ay ka shaqeeyaan waa Hargeysa iyo Berbera.” Ayuu yidhi Qaran News
-
Golaha Xukuumadda Muuse Biixi Oo Iyadoo Aan Sannad Gaadhin Ay Hadheyeen Khilafaadkii Ugu Tirada Badnaa Ee Ka Dhaxeeya Masuuliyiin Xilal Kala Duwan Haya Iyo Madaxweynaha Oo Daawanaaya. Xukuumada madaxweyne Muuse Biixi oo dhawaan baarka ka jaraysa mudo sanad ah ayaa hadana waxa jira caqabado badan oo ka hor yimid mudadaas ay jirtay. Caqabadaha ugu waa weyn ee ka hor yimid xukuumada oo ay ugu horayso kala qaybsanaanta bulshada ee ka dhalatay doorashadii madaxtooyada ilaa hada taagan ka sakow waxa jira kuwa ay iyadu abuurtay oo saameeyey waxqabadyadii laga filayey mudo sanad ku dhaw oo ay jirtay. Khilaafaadka u dhaxeeya masuuliyiin ka tirsan xukuumada madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka mid ah caqabadaha ka hor yimid, iyada oo ay jiraan tiro masuuliyiin ah oo uu dhaxeeyo is afgaran waa la xidhiidha hawlaha ay u qaabilsan yihiin qaranka. Wasiirka gaadiidka iyo horu marinta jidadka ayaa haatan ah masuulka uu khilaafku u dhaxeeyo xubno iskugu jiro wasiiro iyo maareeyayaal kuwaas oo uu ugu horeeyo maareeyaha hay’adda waddooyinka oo ay isku hayaan awoodaha ay kala leeyihiin. Khilaafka wasiirka gaadiidka iyo maareeyaha hay’adda wadooyinka ayaa sameeyey hawlihii labadaas hay’adood ay u qaabilsanaayeen qaranka, iyada oo ay taagan tahay shaqadii isla markaana shaqaalihii ay la kala safan yihiin labada masuul ee khilaafku u dhaxeeyo. Sidoo kale wasiirka gadiidka iyo horu marinta jidadka Cabdilaahi Abokor ayuu khilaaf u dhaxeeya wasiirka horu marinta maaliyada Yuusuf Maxamed Cabdi, khilaafkaas ayaana labada masuul soo kala dhex galay wakhti ay go’een taarikadii cusbayd ee loogu tala galay gaadiidka ka soo dagaya dekeda magaalada Berbera. Wasiirka horu marinta maaliyada ayuu sidoo kale khilaaf u dhaxeeyaa xisaabiyaha guud ee dawlada, iyada oo khilaafkaasi salka ku hayo ka dib markii wasiirka maaliyadu uu magacaabay masuuliyiin ka hawl gala xafiiska xisaabiyaha guud. Sidoo kale waxa jira khilaaf u dhaxeeya maareeyaha hay’adda duulimaadyada Rodol iyo wasiirka gaadiidka iyo horu marinta jidadka, kuwaas oo isku haya qaabka ay u wada shaqaynayaan, iyada oo wasiirka gaadiidku uu ku doodayo in wasaaradiisu ay qayb ku leedahay hawlaha hay’addaasi u xilsaaran tahay maadaama oo ay gacanta ku hayso gaadiidka cirka isla markaana wasaaradiisu maamusho gaadiidka oo dhan, halka maareeye Rodol ku doodayo inaanu wasiir Cabdilaahi Abokor soo fara galin Karin hay’adda uu masuulka ka yahay oo ay kala madax banaan yihiin. Wasiirka horu marinta beeraha Axmed Muumin Seed ayuu isagana khilaaf u dhaxeeyaa gudoomiyaha hay’adda ka hortaga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Faysal Cali Sheekh, kuwaas oo isku haya awoodaha ay kala leeyihiin iyo shaqooyinka ay u kala xilsaaran yihiin. Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo magacaabay dhamaan masuuliyiinta isla markaana u soo saaray xeer nidaamiye kala qeexaya hawlaha ay qaranka u xil saaran yihiin ayaan xal ka gaadhin khilaafaadkan hadheeyey xukuumadiisa, ilaa haatana ma jiro dhaqdhaqaaq muuqda oo uu madaxweynuhu doonayo inuu ku soo afjaro khilaafyadan. Sidoo kale Bulshada ayaa u dhagtaagaysa talaabada uu madaxweynuhu ku xaliyo khilaafyadan ka dhex taagan masuuliyiinta ka wada tirsan xukuumadiisa. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay kala furfurista madaxda maamul goboleedyada oo si weyn u mucaaradsanaa xukuumadda iyo hogaanka dowladda haatan dhisan. Shariif Xasan, oo ahaa siyaasiga ugu adag madaxda maamul goboleedyada ayaa ka tanaasulay xilka madaxweynaha iyo musharaxnimada Koofur Galbeed, kadib markii uu qiimeeyay in dagaal adag uusan kusii jiri karin marka uu dareemay culeeska dowladda saartay Koofur Galbeed. Shariif Xasan Sheikh Aadan, waxaa mar walbaa laga filan karaa halis siyaasadeed iyo abaabulka xubno caqabad ku noqda dowladda Soomaaliya. Shariif Xasan Sheikh, wuxuu qorsheynayaa inuu Saldhig ka dhigto magaalada Nairobi ee dalka Kenya ama dalka Uganda, halkaasi waxaa ka imaan karta abaabulka Xubno isku xiran oo uu kula dagaalamo dowladda hadda dhisan oo doonaya inay dib usoo laabtaan doorashada xigta. Waxaa jiray xiriir wanaagsan oo u dhaxeeya Shariif Xasan iyo C/Welli Gaas, waxaana soo baxaya in Cabdi Welli Gaas oo isagana wajahaya doorasho adag, oo aan la ogeyn inuu kusoo bixi doono iyo in kale. Gaas ayaa waxa uu hadda qorshihiisa yahay inuu Shariif Xasan ku taageero dagaal siyaasadeed ka billaabanaya Nairobi iyo mooshino lagu furo dowladda, islamarkaana haddii isagana looga adkaado doorashada Puntland uu dagaalkaas kula biiro Shariifka, oo uu tago Nairobi. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qorshaha ay wataan uu yahay in doorashada xigta ay dagaal adag la galaan Farmaajo iyo Kheyre, mana doonayaan inay ku biiraan xisbi siyaasadeedka Xasan Sheikh hogaanka uu u hayo, maxaa yeelay marar badan ayay siyaasadda isku qabteen. Qorshaha kale ee ay damacsan yihiin ayaa ah in Axmed Madoobe uu sii adkeysto hoggaanka Jubbaland, isaga oo kaashanaya ciidamada Kenya, mana jiro qorshe uu ka leeyahay inuu doorasho qabto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Shaki kuma jiro in iscasilaada Shariif Xasan, madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ay tahay dhacdada loogu hadal hayn badan yahay beryahan, iyadoo ay sidaas tahay, haddana waxa la oran karaa arrintani waa muruqii laba suul oo ninba si ku ahaa. Madaxda dawlada federalka oo khibrad yaridooda awgeed aan kala garan karin Qurac iyo Qadaw, waxay la tahay in dagaalka ay bilaabeen ay durba guulo ka gaareen. Anse waxan xasuusinayaa gabaygii macallin dhoodaan ee ahaa: “waa Gamboor geedka aad cuntaye haw malayn Gocor. Si kale hadaan u dhigo, Shariif Xasan isuma casilin in laga adkaaday ama uu isdhiibay ee wuxuu isu-casilay si tiisu u meel marto oo doorashada Koonfur Galbeed loo dib dhigo ilaa xilli aan xataa xadidnayn. Inkastoo odayaashii madax dhaqameedka Koonfur Galbeed ay arrintaas guddoon kasoo saareen, haddana wuxuu Shariifku weli arkayey in sida kaliya ee dhamaan murashaxiinta xalaasha ahi ku wada aqbali karaan in doorashada dib loo dhigo ay tahay isagoo madaxtooyada banneeya. Bal u fiirsada, waxa uu iska casilay waa madaxtooyadii Koonfur Galbeed keliya, balse weli iskama casilin guddoomiyenimadii Golaha Iskaashiga Dawlad Goboleedyada (GIDG). Is-casilaadii Shariifka kadib, durba waxa isasoo taraya baaqyada maslaxad raadiska ah oo lagu dalbayo in doorashada dib loo dhigo, kuwaasoo murashixiintii badankood iyo xubnihii baarlamanka Koonfur Galbeed intooda xorta ahi ku taageereen guddoonkii madaxdhaqameedka Koonfur Galbeed. Dhanka kalena maadaama guddigii hore ee doorashadu is-casilay, waxaa su’aal la geliyay suurta-galnimada ah in guddi cusub lagusoo dhisi karo maalmaha kooban ee ka haray 17-ka November. Siyaabahaas dartood, bal aan dhawrno maalmaha inagu soo fool leh oo kala caddayn doona: A) In Shariif Xasan uu dhintay siday DF qabto, waa haday doorashadu ku qabsoonto xilligeediiye iyo B) Inuu Shariifku dhuuntay siday dadka yaqaan qabaan, waa haday doorashadu ku qabsoomi weydo xilligeediiye. W/Q: Saxardiid Kilwe ssaxardiid@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkey Rajjeb Dayib Erdogan ayaa magacaabay safiiro iyo lataliyaal sare oo xafiiskiisa ah, sida lagu shaaciyay qoraal lagu daabacay wakaalada Wararka ee dalka Turkey. Mehmet Yılmaz ayaa loo magacaabay safiirka cusub ee Turkey u fadhin doono dalka Soomaaliya, waxaana uu shaqada kala wareegayaa Olgan Bekar oo muddo ka shaqeynayay Soomaaliya. Mr Baker, ayaa lagu xasuusan doonaa sida wanaagsaneyd ee ula shaqeeyay madaxda Soomaalida, waxaana uu ahaa ruux dabeecad ahaan aad u wanaagsan sida ay sheegeen dadkii la shaqeeyay. Madaxweynaha dalka Turkey ayaa badalay safiiro badan oo Turkey uga wakiil ahaa dalalka Greece,Somalia,Morocco,Paraguay,Mali iyo Benin, waxaana dhamaantood ay yihiin kuwo cusub oo xilalka kala wareegi doona safiirada ka horeeyay. Turkey ayaa saameyn ku yeeshay Soomaaliya waxii ka dambeeyay abaartii xooganeyd ee dalka ka dhacday sanadkii 2011, waxaana Erdogan uu noqday masuulkii ugu horeeyay ee heer caalami oo Soomaaliya yimaada xiligaasi, isaga oo Ra’iisul wasaare ah. Shacabka Soomaaliyeed ayaa helay fursado kale oo daka Turkey ay ku tagi karaan, maadaama Turkish Airline ay noqotay diyaaradii ugu horey ee caalami ah oo Burburka kadib duulimaad ka bilowday magaalada Muqdisho, balse waxaa jiro dano qarsoon oo Soomaaliya uu ka damacsan Turkey. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa 40 sano kadib dib u bilowday duulimaad toos ah oo ay ku tagi doonto Muqdisho iyo Addis Ababa, arintan ayaa timid kadib heshiis dhexmaray labada dowladood. Maamulka Diyaaradda ayaa qiimeyn ku waday Soomaaliya waxii ka dambeeyay markii dib la doortay dowladda Madaxweyne Farmaajo oo xiriir wanaagsan la yeelatay dowladda ra’iisul wasaare Abby Axmed uu hogaamiyo. 40 Sano kadib bilowga Duulimaadka Ethiopian Airlines ee Muqdisho waxaa Faa’iido ka helaya labada Shacab, gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed oo aad ugu socdaala Dalalka Bariga Qaarada Africa. Aad ayay u yar yihiin socdaalka dadka Ethiopian-ka ah ee Muqdisho, laakiin waxaa badan socdaalka Soomaalida ee Addis Ababa iyo dadka Soomaaliyeed ee kasoo laabanaya magaalada Addis Ababa. Waxay ka dhigan tahay duulimaadka Ethiopian Airlines dhaqan galka heshiisyadii ay kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia, waxay sidoo kale ka dhigan tahay fursad kale oo ay heleen shacabka Soomaaliyeed oo ay ku adkeyd gelitaanka Ethiopia. Ethiopian Airlines ayaa suuga kaga soo hormartay shirkada diyaaradaha ee Kenya Airways, waxayna fursad kale u tahay shirkada Ethiopian Airlines oo macaamiil badan kasii abuuran karta Shacabka Soomaaliyeed. Ethiopian Airlines ayaa heli karta fursad kale oo kula dagaalami karto diyaaradda Turkish Airline, maadaama ay tahay diyaarad caalami ah oo tagi karta wadamo badan oo Soomaalida ay u socdaalaan. Xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya Ethiopia, Somalia iyo Eritrea ayaa abuuri kara fursad kale oo shacabka dalalkaasi ay u helaan inay si xor ah isugu kala gudbaan ganacsi ahaan, taasi oo dhaqaalaha wax badan ka badaleyso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Washington (Caasimadda Online) – Wasaaradda difaaca dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in la joojiyay howlgal ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay shidaal kusiin jireen diyaaradaha isbaheysiga Carabta ee duullaanka ku qaaday wadanka Yemen. Mas’uul American ah ayaa wakaaladda wararka Reuters u xaqiijiyay in si rasmi ah loo hakiyay howlgal hawada shidaal lagusiin jiray diyaaradaha dowladaha Imaaraatka Carabta iyo Sacuudiga marka ay duqeymaha ka geysanayaan Yemen. Dhinaca kale wakaaladda wararka Sacuudiga ayaa faafisay bayaan ay ku sheegtay in hoggaanka isbaheysiga Carabta ay awood u yeesheen shidaal siinta diyaaradahooda Yemen ka howlgala sidaas daraadeed ay iyagu Washington ku wargeliyeen in ay joojiso howllihii shidaal siinta. Diblumaasiyiin reergalbeed ah ayaa lagasoo xigtay in tallaabada uu Mareykanku ku joojiyay shidaalsiintii hawada diyaaradaha taxaalufka carabta ay kamid tahay jawaab celinta laga bixinayo dilkii saxafiga Jamaal Khaashquji oo Sacuudigu mas’uul ka ahaa. Washington,Riyad iyo Abu Dhabi ayaa wadaag ku ahaa gummaadka shacabka Yemen afartii sanadood ee lasoo dhaafay balse cadaadis Mareykanka uga yimid hay’adaha sheegta in ay xuquuqul insaanka udoodaan ayaa ku qasbay in uu wax la bedelo taageerada uu siiyo taxaalufka carabta. Mareykanka ayaa ku baaay in si degdeg ah loo joojiyo weerarrada Yemen ka socda, iyada oo ay dagaallada sokeeye oo seddex sano ka socday Yemen ay sababeen iney dalkaasi ka dhacaan macluushi bani aadaminimo ee ugu xumeeyd. Wasiirka gaashaandhigga Mareykanka James Mattis ayaa sheegay dhinacyada isku hayo Yemen iney 30-ka maalmood ee soo socda gudhii ay ku billaabaan wada hadallo nabadeed oo dhibaatada Yemen ka taagan lagu soo afjaro. Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa xulafada Sacuudiga uu hoggaaminayo ee dagaalka kula jira dhaqdhaqaaqa xuutiyiinta ugu baaqay iney joojiyaan duqeymaha dhinaca cirka ah ee ay ka sameeynayaan goobaha ay dadku ku badan yihiin. Caasimada Online Xafiiska Washington Caasimada@live.com