Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,953
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Abubakar Good oo ka mid ah mudaneyaasha golaha wakiillada oo laga soo doorto gobolka Awdal ayaa ku dhawaaqay inay is-casilayaan dhammaan Xildhibaannada deegaankooda, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa waxaa uu markii ugu horreysay uu shaaciyey sababta uu dacwada uga gudbiyey telefishanada Saab Tv Iyo Star Tv , waxaana uu sheegay in ay warar aan anshaxa saxafadeed aan ku jirin ay ka gudbiyeen jabhadda Taliye Caarre, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya rasaas lagu furay Gaari ay la socdeen dad soo duugay Meydadka qaar kamid ah dadkii ku geeriyooday Qaraxyadi lagu weeraray Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho. Dad Goobjoogayaal ah ayaa sheegay in Wadada loo galay Gaari ay saarnaayeen dad la socday Aaska dad ku geeriyooday Qaraxii shalay,waxaana ka dhashay weerarkaasi khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ugu yaraan Laba ruux ayaa ku geeriyooday kuwaas oo ahaa Laba Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda oo la socday meydka . Labada Ruux ee dhimatay ayaa ka tirsanaa Ciidamada Militariga Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana dilkaas sheegtay Kooxda Al-Shabaab sida ay baahisay Idaacadda Andalus. Meydadka la aasayey ayaa ahaa askartii Shalay Hotel Sahafi kaga dhimatay Qaraxyadii iyo is rasaaseyntii ka dhacday Hotelka, waxaana Askarta dhimatay kamid ah Taliyihii Ciidamada Hotel Sahafi Nuur Yare oo dagaal la galay Maleeshiyadii isku dayday inay gudaha u galaan Hotelka ee dhammaantood banaanka lagu toogtay. Laamaha amniga Soomaaliya weli kama hadlin dhacdadaas,mana jirto cid sheegatay mas’uuliyada gaariga lagu rasaaseeyay duleedka Magalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Shirkad lagu magacaabo Al-Nuur Oo ka ganacsata kalluunka ayaa Duleedka magaalada Hargaysa Ku Gubtay ku dhowaad saddex tan oo Kalluun ah oo lagasoo saaray xeebaha Laasqoray Ee Gobolka Sanaag. Gubidaan ayaa sabab u ahayd kadib markii maamulka Hargeysa uu diiday in kalluunkaan suuqyada loo iibgeeyo, waxayna taasi keentay inuu kalluunkii qurmo. Shirkadu waxay sheegtay in lagu haysto sababta xeebaha Punland kalluun uga keensadeen. Halkaan ka daawo. Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa jawaab soo daahday ka bixiyey weerarkii aragagixiso ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, oo lagu dilay ku dhowaad 30 qof. Kheyre ayaa waxay ku qaadatay 15 saac inuu war kasoo saaro ficilkaas ay Shabaabka la beegsadeen shacabka, taasi oo dad badan ay ka carroodeen. Qoraal uu soo dhigay barta twitter ayuu ku yiri “ Waxaan tacsi u dirayaa ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxa ay argagixisadu la beegsadeen dadkeenna. Sidoo kale waxaan caafimaad u rajeynayaa dhwaacyada. Hay’adaha amniga waxaan farayaa dardargelinta fulinta qorshaha amniga caasimadda ee ku xusan Tubta Amniga iyo Caddaalada” Waxaan tacsi u dirayaa ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxa ay argagixisadu la beegsadeen dadkeenna. Sidoo kale waxaan caafimaad u rajeynayaa dhwaacyada. Hay’adaha amniga waxaan farayaa dardargelinta fulinta qorshaha amniga caasimadda ee ku xusan Tubta Amniga iyo Caddaalada. — SomaliPM (@SomaliPM) November 10, 2018 Daaha jawaabta ka sokow, ra’iisul wasaare Kheyre ayaan si shaqsiyan u ballan-qaadin inuu wax ka qabanayo weerarada noocan ah, maadaama isaga uu madax ka yahay golaha fulinta dowladda, wuxuuna taa beddelkeeda amar siiyey hay’adaha. Dadweynaha ku xiran barta twitter-ka Kheyre ayaa jawaabo kulul siiyey ra’iisul wasaaraha, oo xitaa qaarkood dalbaday inuu xilka isaga dego. Hoos ka aqriso qaar ka mid ah jawaabaha.
  6. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kooxo hubeysan oo watay Gaari yar ayaa lagu soo warramayaa in barqanimadii maanta illaa 3 ruux ay ku dileen deegaanka Weydow ee duleedka magaalada Muqdisho. Saddexda ruux ee la dilay ayaa laba ka mid ah waxa ay ahaayeen Askar ka tirsanaa Ciidanka Milatariga Soomaaliya, halka ruuxa sadaxaad-na aan la’ogeyn waxa uu ahaa, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho Sidoo kale wararka ayaa intaasi kiu daraya in kooxihii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen dilka kadib. Dhinca ka kale warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dad kale oo isugu jiray Askar iyo shacab oo soo Aasayay Meydka ruux shalay ku geeriyooday qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho oo lagu rasaaseeyay waddada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose Gawaari ay la socdeen dadkani oo marayay aggaarka deegaanka Xaawa Cabdi ayaa la sheegay in Jidka loo galay, kadibna rasaas lagu furay. Lama oga illaa iyo hadda tirada saxda ah ee ku dhintay, kuna dhaawacamay dhadcdadaasi. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Waddada xiriirsa Muqdisho iyo Afgooye ka dhacayay falal ammaan dari oo isugu jira weeraro dhaba gal ah iyo dilal qorsheysan intaba. The post Koox hubeysan Oo askar ku dishay duleedka Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Dhallinyarada ku dhaqan magaalada Muqdisho qaarkood ayaa sheegay in uu caburiyey duqa Muqdisho kadib markii uu ammar ku bixiyey in wixii ka dambeeya 12-ka saqdhexe aan cidna lagu arki karin xeebta Liido. Ammarkii Injineer Yariisow ayaa saameyn weyn ku yeeshay ganacsigii xilliga habeena ka jiray Liido, waxaana sidoo kale halkaasi ay noqotay mid haawaneysa wixii ka dambeeya 10-ka fiidnimo. Dhallinyarada ayaa sheegay in ammarkaan uu yahay mid lagu degdegay, waxaana ay tilmaameen in xilli dambe oo magaalada lagu gaaro ay tahay mid lagu muujinayo nabadda. Halkaan hoose ka daawo: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga KULMIYE ayaa waxaa uu si adag uga jawaabey eedeymo ka soo yeedhay xoghayaha arrimaha gudaha xisbiga UCID siyaasi Ramaax Xisbiga KULMIYE ayaa waxaa uu sheegay in xukuumaddii hore ee Siilaanyo Ramaax ay xilka ku haysay marwadii Siilanyo Amina Waris oo ay sheegen in y inaabti ahayeen, Halkan Hoose Ka DAAWO Source
  9. Qaraxyo xooggan ayaa shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan waxaa lagu weeraray Hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho. Qaraxyadan ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jirta dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed. Waxaa ku burburay xarumo badan oo ganacsi, iyadoo dadkii lahaa xarumahaas ay bilaabeen dib u dhis maadaama burbur xoogga soo gaarey. Halkaan hoose ka daawo: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Madaxda Soomaaliya,Itoobiya iyo Ereteriya; Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Raysalwasaare Abiy Axmed iyo Madaxweyne Isaias Awerki ayaa 9-10 November, 2018 wadatashiyo xiriir ah ku yeeshay magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya. Saddexda dhinac waxay isla garteen in kulankoodan labaad uu astaan u yahay isbeddelka ku aaddan nabadda iyo isdhexgalka Geeska Afrika. Madaxdu waxay dib u eegeen guulihii heshiiskii Asmara ee ku saabsanaa saaxiibtinnimada iyo iskaashiga saddexda dal. Madaxdu waxay isla garteen natiijooyinka la taaban karo ee ilaa hadda la gaaray, waxayna isku raaceen inay dadaalkooda iyo garab istaaggooda isugu geeyaan xallinta caqabadaha ay si goonni ah iyo si wadajir ahba u waajahayaan. Sidaasi awgeed, madaxdu waxay adkeeyeen muhiimaadda ay leedahay in la dhawro madaxbannaanida siyaasadeed iyo dhuleed ee Soomaaliya, iyo taageeradooda xooggan ee ku aaddan dadka Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxay sidoo kale madaxdu bogaadisay horumarka ku aaddan nabadda iyo xasilloonida ee dowladda Soomaaliya. Madaxda dalalka Soomaaliya Itoobiya iyo Ereteriya waxay soo dhaweeyeen cunaqabaynta laga qaadayo Ereteriya iyaga oo xusay inay ku qanacsan yihiin in falkan caddaaladda ahi ka qayb qaadanayo sare u qaadidda nabadda, horumarka iyo iskaashiga gobolka. Waxay sidoo kale dib u sheegeen inay ka go’an tahay nabad iyo iskaashi gobolka ah oo loo dhan yahay. Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Ereteriya ayaa Raysalwasaare Abiy, shacabka iyo dowladda Itoobiya uga mahadceliyey soo dhawaynta diirran iyo martisoorka magaalada taariikhiga ah ee Bahr Dar loogu fidiyey iyaga iyo wufuuddooda, soo dhawayntaas oo ka tarjumaysa xiriirka dhaw isla markaana taariikhiga ah ee u dhexeeya saddexda waddan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Bahr Dar ( Sh. M. Network )-Madaxda Soomaaliya,Itoobiya iyo Ereteriya; Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Raysalwasaare Abiy Axmed iyo Madaxweyne Isaias Awerki ayaa 9-10 November, 2018 wadatashiyo xiriir ah ku yeeshay magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya. Saddexda dhinac waxay isla garteen in kulankoodan labaad uu astaan u yahay isbeddelka ku aaddan nabadda iyo isdhexgalka Geeska Afrika. Madaxdu waxay dib u eegeen guulihii heshiiskii Asmara ee ku saabsanaa saaxiibtinnimada iyo iskaashiga saddexda dal. Madaxdu waxay isla garteen natiijooyinka la taaban karo ee ilaa hadda la gaaray, waxayna isku raaceen inay dadaalkooda iyo garab istaaggooda isugu geeyaan xallinta caqabadaha ay si goonni ah iyo si wadajir ahba u waajahayaan. Sidaasi awgeed, madaxdu waxay adkeeyeen muhiimaadda ay leedahay in la dhawro madaxbannaanida siyaasadeed iyo dhuleed ee Soomaaliya, iyo taageeradooda xooggan ee ku aaddan dadka Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxay sidoo kale madaxdu bogaadisay horumarka ku aaddan nabadda iyo xasilloonida ee dowladda Soomaaliya. Madaxda dalalka Soomaaliya Itoobiya iyo Ereteriya waxay soo dhaweeyeen cunaqabaynta laga qaadayo Ereteriya iyaga oo xusay inay ku qanacsan yihiin in falkan caddaaladda ahi ka qayb qaadanayo sare u qaadidda nabadda, horumarka iyo iskaashiga gobolka. Waxay sidoo kale dib u sheegeen inay ka go’an tahay nabad iyo iskaashi gobolka ah oo loo dhan yahay. Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Ereteriya ayaa Raysalwasaare Abiy, shacabka iyo dowladda Itoobiya uga mahadceliyey soo dhawaynta diirran iyo martisoorka magaalada taariikhiga ah ee Bahr Dar loogu fidiyey iyaga iyo wufuuddooda, soo dhawayntaas oo ka tarjumaysa xiriirka dhaw isla markaana taariikhiga ah ee u dhexeeya saddexda waddan. The post War-murtiyeed laga soo saaray shirka Bahr Dar appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia, Mustafe Cagjar, ayaa magaalada Jigjiga dhigay gogol nabadeed oo lagusoo afjarayo colaada ka dhextaagan labada beelood ee walaalaha ee Bahararsame iyo Qayaat, kuwaas oo xaaladoodu ay meel xun gaartay. Madaxweynaha ayaa labada beelood cuqaashooda udiray farriin ku saabsan in 22-ka bishaan isugu yimaadaan magaalada Jigjiga, halkaasi oo gogasha nabadu ay taalo. Xubno kamid ah guddiga nabadaynta oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay labada beeloodba aqbaleen in howsha nabadaynta loo raro Jigjiga, maadaama horey loogu guul daraystay in la fuliyo go’aamadii kasoo baxay shirarkii hore ee ka dhacay gobolka Sool. Halkaan hoose ka dhegayso midka caaqilada shirka. warka daljir ciyaaraha Puntlandi.com Source
  13. Ankara ( Sh. M. Network )-Dowladaha Qatar iyo Turkiga ayaa iskumida uga uga hadlay qaraxyadii ay dadka badani ku dhinteen ee shalay gelinkii dambe ka dhacay M/Muqdisho. War ka soo kala baxay wasaaradaha arrimaha dibadda ee dalalka Turkiga iyo Qatar ayaa si kulal loogu cambareeyay qaraxyadaasi. Waxaana laba dalba ay Tacsi u direen Eheladii ay dadkoodu ku geeriyoodeen qaraxyadaasi, iyagoona caafimaad deg-deg ah u rajeeyay kuwii ku dhaawcamay. Al Shabab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxyadaasi oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ahaa oo ku sugnaa goobaha qaraxyada lala beegsaday. Dowladaha Turkiga iyo Qatar ayaa ka mid ah dalalka Saaxibada dhow la’ ah ah Soomaaliya, kana taageera dhinacyada Amniga, iyo dib u dhiska dalka. The post Turkiga iyo Qatar Oo ka hadlay qaraxyadii shalay Ee Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  14. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi oo goor dhawayd isku shaandhayn ku sameeyay xukuumaddiisa ayaa waxa uu wasiirka wasaaradda maaliyadda u magacaabay Sacad Cali Shire ooh ore u ahaa wasiirka wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda. Sacad Cali Shire ooh ore si weyn loogu dhaliili jiray wasaaradda Maaliyadda oo la sheegay inay soo oodantay intii uu joogay ayuu haddana manta madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u cugtay wasaaradda Maaliyadda. Waa markii horraysay ee taariikhda uu madaxweyne reer Somaliland ahi wasaaradda Maaliyadda u magacaabo wasiir ka soo jeeda beeshiisa taasi oo baraha bulshada ka si weyn loogu faaqidayo. Si kastaba ha ahaatee wasiir Sacad Cali Shire oo laba wasaaradood ka soo qabtay xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa la sheegaya in ku fashilmay intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda iyada oo Madaxweyne Biixi lagu dhaliili jiray sababta uu u bedeli waayay. Xamse Maxamed Iiman Hamzeiiman123@gmail.com Source
  15. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Agaasimaha guud ee isbitaalka Madiina Dr Maxamed Yuusuf oo warbaahinta shir jaraa’id u qabtay ayaa ka warbixiyay dhawaacyadii la geeyay isbitaalkaasi, kadib qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho. Dr Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in 32 Qof oo dhaawac ah la dhigay Isbitaalka Madiina, 7 ka mid ah dhawaacyadaasina markii loo fidiyay adeeg caafimaad dib loogu celiyay Guryahooda. Sidoo kale agaasimaha Isbitaalka Madiina ayaa xusay in 3 ka mid ah dhaawacyadaasi ay ku geeriyeedeeni isbitaalka 22-ka kalena qaarkood ay yihiin kuwa halis ah. Dhanka kale agaasimaha isbitaalka Daaru-Shifa Maxamed Cabaas oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in isbitaalkaasi la geeyay 26 Qof oo dhaawac ah, halka mid ka mid ahna uu Geeriyooday. Maxamed Cabaas ayaa sharaxaad ka bixiyay xaaladda caafimaad ee dhaawacyada la jiifiyay isbitaalkaasi. Dhinaca kale Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta si weyn u adkeeyay ammaanka magaalada Muqdisho. Ciidamadan oo ah kuwa Boolis ah ayaa lagu arkayay qaar ka mid ah Waddooyinka Muqdisho, iyagoo baaritaano xoogan ka wada halkaasi. Shalay gelinkii dambe ayey aheyd markii qaraxyo is xig xigay ay ka dhaceen agagaarka Isgoyka KMG 4 , gaar ahaan Hoteelka Saxafi iyo xarunta CID-da, kuwaas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 20 Qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 60 kale. The post Tirada dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay Oo korortay appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Duhur-101118.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  17. (SLT-Hargeysa)-Xubnihii golaha guurtida Somaliland ee loo xilsaaray nabadaynta Beelaha ku dagaallamay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool ayaa loo diiday in ay tagaan deegaamada ay ka socoto dedaalka lagu doonayo nabadda ee Saax-dheer iyo Dharkayn Geenyo. Sidoo kale wasiirrada Somaliland ayaan tegay goobahaasi. Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa degan Hotel Caashuura oo ku yaalla gudaha magaalada Laascaanood. Odayaasha dhex-dhexaadinaya laba dhinac ayaa ku guulaystay in ay xabad joojin ka dhaqan geliyaan goobaha lagu dagaallamay. Weli si rasmiya looma go’aamin halka gogosha nabadda la dhigayo laakiin warar hordhac ayaa sheegaya in ay suurtagal tahay in Jigjiga lagu qabto. Source
  18. The government of China has pledged to give training to Somali fishermen to increase the productivity of the industry. Somalia’s Minister of Fisheries and Maritime Resources Abdullahi Bidhan Warsame has held a meeting with Chinese Ambassador Qin Jian to discuss deepening the two countries’ fisheries connections. The officials discussed means to enhance the cooperation between the two countries in Fishing industries. Speaking at the meeting, Mr. Warsame said he would be interested receiving Chinese fisheries training and investments in infrastructure such as cold-chain, fish ports, processing facilities, and preparing products for export in exchange for allowing China greater access to its fisheries. He described Somalia’s fishery resources are “abundant” and “full of great potential”. Qin, in turn, said China wanted to help Somalia “independently develop” its resources and to “rebuild in peace.” Facing the Indian Ocean and the Gulf of Aden, Somalia has been wracked by decades of conflict and instability. Both USAID and European Union donors have sought to stimulate the Somali fishery sector as a source of economic growth and food security for the country. The post China pledges training and equipment for Somali fishers appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa isku shaandheyn ku sameeyey golaha wasiirada, isaga oo xilka ka beddelay wasiiro caan ah sida wasiirka arrimaha dibedda Sacad Cali Shire, oo loo wareejiyey wasaaradda maaliyadda. Muuse Biixi ayaa sidoo kale magacaabay wasiiro cusub. Wareegto uu soo saaray Biixi hoos ka aqriso. WAR-SAXAAFADEED: 10 /11/2018 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-233/112018 uu Magacaabid iyo Isku-beddel ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Magacaabid iyo Isku-beddel Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan; Waxaan Go’aamiyey; 1) In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: Tir Magaca Xilka 1. Cismaan Jaamac Aadan Iimaan Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska. 2. Deeqa Cabdi Yuusuf Dhidar Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga. 3. Faadumo Cabdillaahi Cumar Diiriye Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka. 2) In laga bilaabo taariikhda maanta aan mas’uuliyiintan u beddelo xilalkan: Tir Magaca Xilka 1. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. 2. Sacad Cali Shire – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. 3. Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame (Dhaga-weyne) – Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. 4. Maxamed Daahir Axmed Furreh – Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska. 5. Axmed Abokor Maxamed Yuusuf – Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska. 6. Yuusuf Maxamed Cabdi Raage – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka. 7. Prof. Maxamed Faarax Xareed Qodax – Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL.
  20. In a statement attributable to his Deputy Spokesman Farhan Haq, the Secretary General reiterated “the support and solidarity of the United Nations with the people and Federal Government of Somalia in this endeavor.” The Secretary General “sends his profound condolences to the families of the victims and wishes a speedy recovery to those injured,” said the statement. The UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) reported that car bombs went off near the capital’s Sahafi Hotel on Friday afternoon. The initial explosions were followed by gunfire, all believed to be orchestrated by the jihadist terrorist group, Al-Shabab. In its years-long fight against the UN and internationally-backed Government, the extremist group has been targeting places where officials and security forces are likely to frequent, such as the Sahafi Hotel. So far, authorities have reported that at least 20 people have been killed, and 17 wounded. In a Friday statement denouncing the attack, UN Deputy Special Representative for Somalia, Raisedon Zenenga, said the agency has faith the terror attacks will not taint Somalia’s progress on the road to full economic and security reform. “We join the people and the Federal Government of Somalia in condemning this act of terror in no uncertain terms – such reprehensible acts of terrorism will not in any way undermine the determination of the Somali people to pursue their state-building, economic recovery and security priorities,” she said. “The United Nations and the wider international community stand with them.” UNSOM expresses its condolences to the families of the victims of the attack and wishes a speedy recovery for the injured. The post Somalis ‘will not be deterred’ by Al-Shabaab attacks, says UN chief appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Magacaabid iyo Isku-beddel Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan; Waxaan Go’aamiyey; 1) In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: Tir Magaca Xilka 1 Cismaan Jaamac Aadan Iimaan Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska 2 Deeqa Cabdi Yuusuf Dhidar Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga 3 Faadumo Cabdillaahi Cumar Diiriye Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka 2) In laga bilaabo taariikhda maanta aan mas’uuliyiintan u beddelo xilalkan: Tir Magaca Xilka 1 Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah 2 Sacad Cali Shire – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda 3 Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame (Dhaga-weyne) – Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda 4 Maxamed Daahir Axmed Furreh – Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska 5 Axmed Abokor Maxamed Yuusuf – Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska 6 Yuusuf Maxamed Cabdi Raage – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka 7 Prof. Maxamed Faarax Xareed Qodax – Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL Qaran News
  22. Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-233/112018 uu magacaabid iyo Isku-beddel ku sameeyey xubno ka mida xukuumaddiisa. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Magacaabid iyo Isku-beddel Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan; Waxaan Go’aamiyey; 1) In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: Tir Magaca Xilka 1. Cismaan Jaamac Aadan Iimaan Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska. 2. Deeqa Cabdi Yuusuf Dhidar Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga. 3. Faadumo Cabdillaahi Cumar Diiriye Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka. 2) In laga bilaabo taariikhda maanta aan mas’uuliyiintan u beddelo xilalkan: Tir Magaca Xilka 1. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. 2. Sacad Cali Shire – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. 3. Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame (Dhaga-weyne) – Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. 4. Maxamed Daahir Axmed Furreh – Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska. 5. Axmed Abokor Maxamed Yuusuf – Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska. 6. Yuusuf Maxamed Cabdi Raage – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka. 7. Prof. Maxamed Faarax Xareed Qodax – Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Somaliland oo isku shaandheeyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada appeared first on Puntland Post.
  23. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-233/112018 uu Magacaabid iyo Isku-beddel ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Magacaabid iyo Isku-beddel Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan; Waxaan Go’aamiyey; 1) In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: Tir Magaca Xilka 1. Cismaan Jaamac Aadan Iimaan Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska. 2. Deeqa Cabdi Yuusuf Dhidar Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga. 3. Faadumo Cabdillaahi Cumar Diiriye Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka. 2) In laga bilaabo taariikhda maanta aan mas’uuliyiintan u beddelo xilalkan: Tir Magaca Xilka 1. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. 2. Sacad Cali Shire – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. 3. Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame (Dhaga-weyne) – Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. 4. Maxamed Daahir Axmed Furreh – Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska. 5. Axmed Abokor Maxamed Yuusuf – Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska. 6. Yuusuf Maxamed Cabdi Raage – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka. 7. Prof. Maxamed Faarax Xareed Qodax – Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. Source