-
Content Count
206,925 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia, Mustafe Cagjar, ayaa magaalada Jigjiga dhigay gogol nabadeed oo lagusoo afjarayo colaada ka dhextaagan labada beelood ee walaalaha ee Bahararsame iyo Qayaat, kuwaas oo xaaladoodu ay meel xun gaartay. Madaxweynaha ayaa labada beelood cuqaashooda udiray farriin ku saabsan in 22-ka bishaan isugu yimaadaan magaalada Jigjiga, halkaasi oo gogasha nabadu ay taalo. Xubno kamid ah guddiga nabadaynta oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay labada beeloodba aqbaleen in howsha nabadaynta loo raro Jigjiga, maadaama horey loogu guul daraystay in la fuliyo go’aamadii kasoo baxay shirarkii hore ee ka dhacay gobolka Sool. Halkaan hoose ka dhegayso midka caaqilada shirka. warka daljir ciyaaraha Puntlandi.com Source
-
Ankara ( Sh. M. Network )-Dowladaha Qatar iyo Turkiga ayaa iskumida uga uga hadlay qaraxyadii ay dadka badani ku dhinteen ee shalay gelinkii dambe ka dhacay M/Muqdisho. War ka soo kala baxay wasaaradaha arrimaha dibadda ee dalalka Turkiga iyo Qatar ayaa si kulal loogu cambareeyay qaraxyadaasi. Waxaana laba dalba ay Tacsi u direen Eheladii ay dadkoodu ku geeriyoodeen qaraxyadaasi, iyagoona caafimaad deg-deg ah u rajeeyay kuwii ku dhaawcamay. Al Shabab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxyadaasi oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ahaa oo ku sugnaa goobaha qaraxyada lala beegsaday. Dowladaha Turkiga iyo Qatar ayaa ka mid ah dalalka Saaxibada dhow la’ ah ah Soomaaliya, kana taageera dhinacyada Amniga, iyo dib u dhiska dalka. The post Turkiga iyo Qatar Oo ka hadlay qaraxyadii shalay Ee Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi oo goor dhawayd isku shaandhayn ku sameeyay xukuumaddiisa ayaa waxa uu wasiirka wasaaradda maaliyadda u magacaabay Sacad Cali Shire ooh ore u ahaa wasiirka wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda. Sacad Cali Shire ooh ore si weyn loogu dhaliili jiray wasaaradda Maaliyadda oo la sheegay inay soo oodantay intii uu joogay ayuu haddana manta madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u cugtay wasaaradda Maaliyadda. Waa markii horraysay ee taariikhda uu madaxweyne reer Somaliland ahi wasaaradda Maaliyadda u magacaabo wasiir ka soo jeeda beeshiisa taasi oo baraha bulshada ka si weyn loogu faaqidayo. Si kastaba ha ahaatee wasiir Sacad Cali Shire oo laba wasaaradood ka soo qabtay xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa la sheegaya in ku fashilmay intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda iyada oo Madaxweyne Biixi lagu dhaliili jiray sababta uu u bedeli waayay. Xamse Maxamed Iiman Hamzeiiman123@gmail.com Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Agaasimaha guud ee isbitaalka Madiina Dr Maxamed Yuusuf oo warbaahinta shir jaraa’id u qabtay ayaa ka warbixiyay dhawaacyadii la geeyay isbitaalkaasi, kadib qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho. Dr Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in 32 Qof oo dhaawac ah la dhigay Isbitaalka Madiina, 7 ka mid ah dhawaacyadaasina markii loo fidiyay adeeg caafimaad dib loogu celiyay Guryahooda. Sidoo kale agaasimaha Isbitaalka Madiina ayaa xusay in 3 ka mid ah dhaawacyadaasi ay ku geeriyeedeeni isbitaalka 22-ka kalena qaarkood ay yihiin kuwa halis ah. Dhanka kale agaasimaha isbitaalka Daaru-Shifa Maxamed Cabaas oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in isbitaalkaasi la geeyay 26 Qof oo dhaawac ah, halka mid ka mid ahna uu Geeriyooday. Maxamed Cabaas ayaa sharaxaad ka bixiyay xaaladda caafimaad ee dhaawacyada la jiifiyay isbitaalkaasi. Dhinaca kale Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta si weyn u adkeeyay ammaanka magaalada Muqdisho. Ciidamadan oo ah kuwa Boolis ah ayaa lagu arkayay qaar ka mid ah Waddooyinka Muqdisho, iyagoo baaritaano xoogan ka wada halkaasi. Shalay gelinkii dambe ayey aheyd markii qaraxyo is xig xigay ay ka dhaceen agagaarka Isgoyka KMG 4 , gaar ahaan Hoteelka Saxafi iyo xarunta CID-da, kuwaas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 20 Qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 60 kale. The post Tirada dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay Oo korortay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Duhur-101118.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Xubnihii golaha guurtida Somaliland ee loo xilsaaray nabadaynta Beelaha ku dagaallamay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool ayaa loo diiday in ay tagaan deegaamada ay ka socoto dedaalka lagu doonayo nabadda ee Saax-dheer iyo Dharkayn Geenyo. Sidoo kale wasiirrada Somaliland ayaan tegay goobahaasi. Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa degan Hotel Caashuura oo ku yaalla gudaha magaalada Laascaanood. Odayaasha dhex-dhexaadinaya laba dhinac ayaa ku guulaystay in ay xabad joojin ka dhaqan geliyaan goobaha lagu dagaallamay. Weli si rasmiya looma go’aamin halka gogosha nabadda la dhigayo laakiin warar hordhac ayaa sheegaya in ay suurtagal tahay in Jigjiga lagu qabto. Source
-
The government of China has pledged to give training to Somali fishermen to increase the productivity of the industry. Somalia’s Minister of Fisheries and Maritime Resources Abdullahi Bidhan Warsame has held a meeting with Chinese Ambassador Qin Jian to discuss deepening the two countries’ fisheries connections. The officials discussed means to enhance the cooperation between the two countries in Fishing industries. Speaking at the meeting, Mr. Warsame said he would be interested receiving Chinese fisheries training and investments in infrastructure such as cold-chain, fish ports, processing facilities, and preparing products for export in exchange for allowing China greater access to its fisheries. He described Somalia’s fishery resources are “abundant” and “full of great potential”. Qin, in turn, said China wanted to help Somalia “independently develop” its resources and to “rebuild in peace.” Facing the Indian Ocean and the Gulf of Aden, Somalia has been wracked by decades of conflict and instability. Both USAID and European Union donors have sought to stimulate the Somali fishery sector as a source of economic growth and food security for the country. The post China pledges training and equipment for Somali fishers appeared first on Shabelle. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa isku shaandheyn ku sameeyey golaha wasiirada, isaga oo xilka ka beddelay wasiiro caan ah sida wasiirka arrimaha dibedda Sacad Cali Shire, oo loo wareejiyey wasaaradda maaliyadda. Muuse Biixi ayaa sidoo kale magacaabay wasiiro cusub. Wareegto uu soo saaray Biixi hoos ka aqriso. WAR-SAXAAFADEED: 10 /11/2018 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-233/112018 uu Magacaabid iyo Isku-beddel ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Magacaabid iyo Isku-beddel Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan; Waxaan Go’aamiyey; 1) In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: Tir Magaca Xilka 1. Cismaan Jaamac Aadan Iimaan Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska. 2. Deeqa Cabdi Yuusuf Dhidar Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga. 3. Faadumo Cabdillaahi Cumar Diiriye Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka. 2) In laga bilaabo taariikhda maanta aan mas’uuliyiintan u beddelo xilalkan: Tir Magaca Xilka 1. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. 2. Sacad Cali Shire – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. 3. Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame (Dhaga-weyne) – Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. 4. Maxamed Daahir Axmed Furreh – Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska. 5. Axmed Abokor Maxamed Yuusuf – Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska. 6. Yuusuf Maxamed Cabdi Raage – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka. 7. Prof. Maxamed Faarax Xareed Qodax – Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL.
-
In a statement attributable to his Deputy Spokesman Farhan Haq, the Secretary General reiterated “the support and solidarity of the United Nations with the people and Federal Government of Somalia in this endeavor.” The Secretary General “sends his profound condolences to the families of the victims and wishes a speedy recovery to those injured,” said the statement. The UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) reported that car bombs went off near the capital’s Sahafi Hotel on Friday afternoon. The initial explosions were followed by gunfire, all believed to be orchestrated by the jihadist terrorist group, Al-Shabab. In its years-long fight against the UN and internationally-backed Government, the extremist group has been targeting places where officials and security forces are likely to frequent, such as the Sahafi Hotel. So far, authorities have reported that at least 20 people have been killed, and 17 wounded. In a Friday statement denouncing the attack, UN Deputy Special Representative for Somalia, Raisedon Zenenga, said the agency has faith the terror attacks will not taint Somalia’s progress on the road to full economic and security reform. “We join the people and the Federal Government of Somalia in condemning this act of terror in no uncertain terms – such reprehensible acts of terrorism will not in any way undermine the determination of the Somali people to pursue their state-building, economic recovery and security priorities,” she said. “The United Nations and the wider international community stand with them.” UNSOM expresses its condolences to the families of the victims of the attack and wishes a speedy recovery for the injured. The post Somalis ‘will not be deterred’ by Al-Shabaab attacks, says UN chief appeared first on Shabelle. View the full article
-
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Magacaabid iyo Isku-beddel Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan; Waxaan Go’aamiyey; 1) In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: Tir Magaca Xilka 1 Cismaan Jaamac Aadan Iimaan Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska 2 Deeqa Cabdi Yuusuf Dhidar Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga 3 Faadumo Cabdillaahi Cumar Diiriye Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka 2) In laga bilaabo taariikhda maanta aan mas’uuliyiintan u beddelo xilalkan: Tir Magaca Xilka 1 Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah 2 Sacad Cali Shire – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda 3 Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame (Dhaga-weyne) – Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda 4 Maxamed Daahir Axmed Furreh – Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska 5 Axmed Abokor Maxamed Yuusuf – Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska 6 Yuusuf Maxamed Cabdi Raage – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka 7 Prof. Maxamed Faarax Xareed Qodax – Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL Qaran News
-
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-233/112018 uu magacaabid iyo Isku-beddel ku sameeyey xubno ka mida xukuumaddiisa. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Magacaabid iyo Isku-beddel Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan; Waxaan Go’aamiyey; 1) In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: Tir Magaca Xilka 1. Cismaan Jaamac Aadan Iimaan Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska. 2. Deeqa Cabdi Yuusuf Dhidar Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga. 3. Faadumo Cabdillaahi Cumar Diiriye Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka. 2) In laga bilaabo taariikhda maanta aan mas’uuliyiintan u beddelo xilalkan: Tir Magaca Xilka 1. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. 2. Sacad Cali Shire – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. 3. Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame (Dhaga-weyne) – Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. 4. Maxamed Daahir Axmed Furreh – Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska. 5. Axmed Abokor Maxamed Yuusuf – Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska. 6. Yuusuf Maxamed Cabdi Raage – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka. 7. Prof. Maxamed Faarax Xareed Qodax – Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Somaliland oo isku shaandheeyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-233/112018 uu Magacaabid iyo Isku-beddel ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Magacaabid iyo Isku-beddel Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan; Waxaan Go’aamiyey; 1) In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: Tir Magaca Xilka 1. Cismaan Jaamac Aadan Iimaan Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska. 2. Deeqa Cabdi Yuusuf Dhidar Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga. 3. Faadumo Cabdillaahi Cumar Diiriye Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka. 2) In laga bilaabo taariikhda maanta aan mas’uuliyiintan u beddelo xilalkan: Tir Magaca Xilka 1. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. 2. Sacad Cali Shire – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. 3. Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame (Dhaga-weyne) – Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. 4. Maxamed Daahir Axmed Furreh – Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska. 5. Axmed Abokor Maxamed Yuusuf – Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska. 6. Yuusuf Maxamed Cabdi Raage – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka. 7. Prof. Maxamed Faarax Xareed Qodax – Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. Source
-
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Raysalwasaare Abiy Axmed iyo Madaxweyne Isaias Awerki ayaa 9-10 November, 2018 wadatashiyo xiriir ah ku yeeshay magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya. Saddexda dhinac waxay isla garteen in kulankoodan labaad uu astaan u yahay isbeddelka ku aaddan nabadda iyo isdhexgalka Geeska Afrika. Madaxdu waxay dib u eegeen guulihii heshiiskii Asmara ee ku saabsanaa saaxiibtinnimada iyo iskaashiga saddexda dal. Madaxdu waxay isla garteen natiijooyinka la taaban karo ee ilaa hadda la gaaray, waxayna isku raaceen inay dadaalkooda iyo garab istaaggooda isugu geeyaan xallinta caqabadaha si goonni ah iyo si wadajir ahba u waajahayaan. Sidaasi awgeed, madaxdu waxay adkeeyeen muhiimaadda ay leedahay in la dhawro madaxbannaanida siyaasadeed iyo dhuleed ee Soomaaliya, iyo taageeradooda xooggan ee ku aaddan dadka Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxay sidoo kale [madaxdu] bogaadisay horumarka ku aaddan nabadda iyo xasilloonida ee dowladda Soomaaliya. Madaxda dalalka Soomaaliya Itoobiya iyo Ereteriya waxay soo dhaweeyeen cunaqabaynta laga qaadayo Ereteriya iyaga oo xusay inay ku qanacsan yihiin in falkan caddaaladda ahi ka qayb qaadanayo sare u qaadidda nabadda, horumarka iyo iskaashiga gobolka. Waxay sidoo kale dib u sheegeen inay ka go’an tahay nabad iyo iskaashi gobolka ah oo loo dhan yahay. Madaxweynayaasha Ereteriya iyo Soomaaliya ayaa Raysalwasaare Abiy, shacabka iyo dowladda Itoobiya uga mahadceliyey soo dhawaynta diirran iyo martisoorka magaalada taariikhiga ah ee Bahr Dar loogu fidiyey iyaga iyo wufuuddooda, soo dhawayntaas oo ka tarjumaysa xiriirka dhaw isla markaana taariikhiga ah ee u dhexeeya saddexda waddan. cabdiqani Boos Puntland Post The post Maxay ka wada hadleen Madaxda dalalka Soomaaliya, Ereteria iyo Itoobiya ? appeared first on Puntland Post.
-
Bosaso[Puntland Post ]-Masaajidka Dul-Xaj oo ah kamid ah masaajidada ku yaala Magaalada Bosaso laguna sameeyay dayactir iyo balaarin ayaa xiligan maraya heer gabagabo ah waxana dhismihiisu uu socday muda ku dhaw todobo bilood. Culimada gacanta ku haysa Masaajidka waxa ay sheegen in xiligan loo bahan yahay dhaqaale si loo dhameystiro dhismaha Masaajidka maadama uu go,ay dhaqaalihii hore ee dadka Muslimiinta ah laga uruuriyay. Culimada ayaa dadka Muslimiinta ah ugu baaqay in aya si wada jir ah uga Qeyb qaatan dhameytirka Masaajidka oo dhismihiisu marayo meel wanagsan. Kala Xiriir Culimada Gacanta ku haysa dhismaha Masaajidka Dul-Xaj +252907797683 +252907798361 +252907799914 The post Gudiga gacanta ku haysa dhismaha Masaajidka Dul-Xaj ee Bosaso oo ku baaqay in laga Qayb-qaato dhameystirka Masaajidka appeared first on Puntland Post.
-
Turkey has condemned Friday’s terrorist attack in the Somalian capital. “We strongly condemn the terrorist attacks perpetrated in Mogadishu, causing death and injury of numerous persons,” said the Foreign Ministry in a statement. Earlier Friday, two bomb-laden vehicles targeted a hotel in the city, which government officials visited frequently. Minutes later another bomb went off. “We wish God’s mercy upon those who lost their lives, a speedy recovery to the wounded and convey our condolences to the friendly and brotherly Government and people of Somalia,” the statement added. At least 10 people were killed in the incident, according to Somali authorities. Al-Shabab claimed responsibility for the attacks on its website. The post Turkey condemns terror assault in Somalia’s capital appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Addis-ababa)Waxaa goor dhoweyd la soo gabagabeeyay shirkii hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ee ka dhacay magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya. Shirkan oo ahaa kii labaad ee ay madaxda saddexda dal yeeshaan ayaa looga hadlay iskaashiga dhaqaalaha saddexda dal iyo isku xirka dhinacyada amniga iyo siyaasadda, iyadoo Bayaanka si weyn loogu taageeray qaranimada iyo madax bannaanida Soomaaliya. Bayaan ayaa dowladda Somalia ku amaanay horumarka ay ka gaartay dhinacyada kala duwan, waxaana si cad bayaanka loogu sheegay inay garab taagan yihiin madax bannaanida dhul, siyaasad iyo qaranimo ee Soomaliya. Bayaanka wuxuu si diiran u soo dhoweeyay cunaqabateynta laga qaaday dalka Eritrea oo kaalin ka qaadan doonta xasiloonida iyo horumarka Gobolka. Bayaanka ayaaney ka muuqan wax gaara iyo heshiisyo saddexda dal gaareen, waxaana kaliya lagu soo qoray arrimo guud. Source
-
Qaran News
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay AMISOM inteeda kale uga dambeyn doonaan Soomaaliya marka la gaaro 2020ka. Mr Uhuru oo ka hadlayay munaasibad ay gaaddo ka cayaar ku soo bandhigayeen Ciidan cusub oo ay dowladda Kenya qoratay ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay dooneyso in Ciidanka AMISOM aysan ka bixin Soomaaliya 2020ka. Waxaa uu sheegay in haddii AMISOM ay ku adkeysato qorshaheeda ka bixidda AMISOM ee Soomaaliya ay dowladda Kenya baaqi sii ahaaneyso inta ay Soomaaliya ka xasileyso. ‘Kenya waxaa ay dooneysaa in qorshaha dib loo dhigo,haddii ay dhiciweyso isma dhiibeyno , ilaa dalkeenna, deriskeenna iyo Gobolkeenna uu nabad iyo xasillooni ka hela waan sii wadeynaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada’ ayuu yiri Mr Kenyatta oo Ciidanka cusub kula hadlay xero Milatari oo ku taalla Eldoret. Kenya waxaa ay Mushaarka Ciidankeeda Soomaaliya ka heshaa Qaramada Midoobey,waxaana mushaarkooda lawada bixinayaa Bisha july ee sanadka soo socda. Inkasta oo sida dowladda Kenya sheegtay Magdhowga Askarta uga wax yeellowda dagaalka Soomaaliya la dhimayo labada sano ee soo socota haddana Kenya waxaa ay door bideysaa in ay sii joogto Soomaaliya. Askarta AMISOM ayaa Bishii Mushaar ahaan u qaata $1,028,waxaana askarta toos koontadooda ugu dhacda $800 oo dollar halka inta kale dowladaha ku jira AMISOM sheegeen in miisaaniyadda dowladda lagu daro. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Police in Ethiopia have discovered a mass grave containing at least 200 bodies. It was found along the country’s border between the strife-torn Oromiya and Somali regions. Ethiopia’s state-affiliated media reported authorities had been investigating a former administrator of the Somali region when it made the discovery. Abdi Mohammed Omer is facing trial on charges of human rights abuses and stoking clashes. He was forced to resign in August and was arrested weeks later after violence broke out in the provincial capital, Jijiga. Rights groups have routinely accused his administration of abuses such as torture, while some witnesses claimed he had ordered paramilitary raids on civilians in the neighbouring Oromiya province after ethnic clashes there in September last year. The region has been plagued by violence for decades as the government fought the secessionist Ogaden National Liberation Front – before both sides signed a peace deal last month. Reporting by Reuters. Qaran News
-
Baxar Daar (Caasimadda Online) – Waxaa goor dhoweyd la soo gabagabeeyay shirkii hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ee ka dhacay magaalada Bhar Dar ee dalka Itoobiya. Shirkan oo ahaa kii labaad ee ay madaxda saddexda dal yeeshaan ayaa looga hadlay iskaashiga dhaqaalaha saddexda dal iyo isku xirka dhinacyada amniga iyo siyaasadda, iyadoo Bayaanka si weyn loogu taageeray qaranimada iyo madax bannaanida Soomaaliya. Bayaan ayaa dowladda Somalia ku amaanay horumarka ay ka gaartay dhinacyada kala duwan, waxaana si cad bayaanka loogu sheegay inay garab taagan yihiin madax bannaanida dhul, siyaasad iyo qaranimo ee Soomaliya. Bayaanka wuxuu si diiran u soo dhoweeyay cunaqabateynta laga qaaday dalka Eritrea oo kaalin ka qaadan doonta xasiloonida iyo horumarka Gobolka. Bayaanka ayaaney ka muuqan wax gaara iyo heshiisyo saddexda dal gaareen, waxaana kaliya lagu soo qoray arrimo guud. Qodobada shirkan ka soo baxay waxaa kaloo ka mid ah in labada dal ee kala ah Itoobiya iyo Eritrea ay dhowraan madaxbanaanida dhuleed,siyaasadeed iyo dadeed ee Soomaaliya. Sidoo kale dalalkaas ayaa bogaadiyay horumarka dhinaca amaanka iyo siyaasadda ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa israsaaseyn khasaaro geystay oo xalay ka dhacay deegaanka Calamada ee duleedka magaalada Muqdisho. Iska hor imaadka oo ahaa m id xoogan ayaa waxa uu u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah Soomaaliya. Lamana oga illaa iyo hadda sababaha rasmiga ee keenay iska hor imaadka dhexmaray Ciidankaasi. Inta la xaqiijiyay waxa dagaalkaasi ku dhintay 1 Qof, halka ay ku dhaawacmeen 2 kale oo shacab ahaa, kuwaas oo la socday Gaari marayay halkaasi. Dadka dhaawacmay ayaa la geeyay Isbitaalka Bayaan ee deegaanka Ceelsha Biyaha, sida uu Shabelle u sheegay Dr Amiin Sama-Kaal oo ka mid ah howlwadeenada Isbitaalkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/sama-kaal.mp3 The post Iska hor imaad khasaaro geystay Oo ka dhacay duleedka Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Waa shirkii labaad ee saddex bilood gudahood dhex mara Madaxweynayaasha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, Ereteriya Issias Afawerki iyo Raysalwasaaraha Itoobiya, waxaanay shalay shirkoodii labaad ku yeesheen magaalada Gondar ee gobalka Amxaarada ee Itoobiya. Bishii September horaanteedii ayay saddexdan hoggaamiye ku kulmeen magaalada Asmara ee dalka Ereteriya, waana kulankii labaad ee ay kaga tashanayaan xaaladaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee gobalka Geeska Afrika. Saddexda hoggaamiye ayaa yeeshay shir ay ku sheegeen mid muhiim u ah gobalka Geeska Afrika. Isbeddelada cusub ee degdegga ku socda ee ka dhacaya Geeska Afrika waxay abuureen xariiq siyaasadeed oo cusub. Waxaa soo baxay isku dhawaansho siyaasadeed iyo saaxiibtinimo u dhaxaysa Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea. Markii labaad, waxa shirarkan ka maqan Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele oo isagu wixii ka horeeyay doorashadii Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ahaa jilaaga siyaasadda ee ugu magaca weyn gobalka Geeska Afrika. Booskii Madaxweyne Geele waxa bedelay Madaxweynaha Ereteriya Issias Afawerki oo ay ka dhaxayso colaad gaamurtay oo inkastoo la sheegay in la xaliyay haddana weli taagan. In Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele shirarkan ka maqnaadaa maaha mid ku timid hawlyaraan laakiin waxay muujinaysaa in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ay farrihiisa ka baxday taladii iyo saamayntii uu ku lahaa gobalka Geeska Afrika. Laakiin Madaxweyne Geele iyo Djibouti waxay ku jiraan diyaarinta qorsheyaal kala duwan oo ay doonayaan inaga kaga gaashaantaan in dhaawac siyaasadeed iyo dhaqaale ka soo gaadho isbedelka cusub ee gobalka ka taagan. Geesta kale, kulamadan madaxda Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya waxay saamayn siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba ku yeelanayaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Shirarkan waxa qayb ka ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo ay Somaliland wakhtigan kala dhaxayso xiisad siyaasadeed. Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xorriyadeeda kala soo noqotay Soomaaliya sanadkii 1991, laakiin dalka Soomaaliya ayaa ku doodaya inay Somaliland ka mid tahay weli Soomaaliya. Soomaaliya ayaa dagaal ku bilowday Somaliland tan iyo intii uu sannadkii hore Maxamed Farmaajo qabtay talada Soomaaliya. Waxa kale oo iyana la ogyahay in Madaxweynaha Ereteriya Issias Afawerki uu caan ku yahay sida uu uga soo horjeedo qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, waxaanu si xoog leh u taageersanyahay aragtiada midnimadii burburtay ee Soomaaliya. Afawerki oo ah 72 jir jabhad iyo siyaasi ah, wuxuu u muuqdaa inuu yahay hoggaamiyaha hagaya siyaasadan cusub ee Geeska Afrika, maadaama oo uu ka waayo aragsanyahay labada hoggaamiye ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Dadka falanqeeya siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland iyo xidhiidhka caalamka ayaa aaminsan inaanay Somaliland weli ka muuqan awoodii diblomaasiyadeed ee ay kaga hortagi lahayd khataraha kaga iman kara isbedelada ka socda gobalka Geeska Afrika ee ay hormuudka u yihiin Itoobiya, Soomaaliya iyo Ereteriya. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Waxaanu cadadka maanta ee wargeyska Geeska Afrika idiinku soo gudbinaynaa baaq dardaaran oo ah oo uu Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin u jeediyay shacabka Somaliland, xilli ay xiisad adag oo siyaasadeed ka jirtay dalka oo u dhaxaysay xisbigii UDUB ee uu hoggaamin jiray iyo xisbiga KULMIYE oo uu Axmed-siilaanyo hoggaamiye u ahaa. Madaxweyne Rayaale, ayaa shacabka la hadlay, waxaanu ugu baaqay inay iska ilaaliyaan in loo kala abtiriyo si loo kala fogaado, isagoo ku guubaabiyay in la ilaaliyo nabadda iyo wada jirka oo uu ku tilmaamay mid dan u ah xataa qudhaanjada. Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu khudbadaas taariikhda gashay ku yidhi “Inaga oo wada jirna ayaan wax ku ahaanaynaa, inaga oo wada jirna ayaan himaladeedna aqoonsiga aynu ku raadinayno ayaynu ku gaadhi karnaa,inaga oo kala jirna waxba kuma gaadhayno, waxaan leeyahay shacbi weynaha ninka idin jecel ee dalkan jeceli waxa weeye ka wada jira idin yidhaahda, ninka idin necebi waa ka kala taga idin yidhaahda, waa ka isku kiin dira, waxaan u malaynayaa 2002 ayaan bari aan ka hadlaayay khayriyada ayaan idhi (Somaliland cid u talisa ayay u baahan tahay ee cid u abtirisa uma baahana), Somaliland cid u talisa ayay u baahan tahay maantana ee cid u abtirisa uma baahna, basashu waa ay qurux badan tahay laakiin haddii la dhilo dabaylaha ayaa kala qaada mar dambena layskuma soo celin karo, ayaan daro ayay noqonaysaa iyada oo aynu Soomaaliya kaga goosanay dhibaato ayaa naloo gaystay inaan madaxtinimada u marno waxaan loo joogin.” Madaxweyne Daahir Rayaale oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Madaxtinimada waxa loo maraa ayaan anigu aaminsanahay mar kasta oo aan joogana aan u mari doonaa umadda iyo wada jirkeeda, wado kale oo loo mari doonaa ma jirto, wadada aan jeclahay inay saaxiibaday u maraana waataas, xisbiyada qaranka dhamaan waxaan u soo jeedinayaa inaan shuruurd la’aan isugu nimaadno danteena iyo taladeednana aan qabsano, dan aynaan ku kala maarmayn ayaa inaga dhaxaysa, hadaanu si xun iyo si wanaagsanba u wada joogno halkan ayaan wada joogaynaa, dadka halkan jooga ee Somaliland wakhtiga alle u qabtay ee suurta la afuufo ayuunbay ka dhamaanayaan, inta kale halkan ayay ku wada noolaan doonaan, waxaan anigu door bidayaa inay wanaag ku wada joogaan, wanaag inaan ku wada noolaano, waxaan qabaa inaan ku tartano wanaaga ee aynaan xumaanta ku tartamin, waxaan u soo jeedinayaa shacbiga Somaliland wax badan ayaa inoo qabsoomay, waxaas inoo qabsoomay in ninkasta oo shacbiga Somaliland ah uu gaadh ka hayo,waxa inaga dhaxeeya cid gaar u ilaalin karaysaa ma jirto, waajibka na saaran inaanu umadda isku hayno weeye, waanu isku haynaynaa intaanu isku haynayno laakiin shacbiguna run ahaantii waa inay nagula shaqeeyaan.” Waxa uu Daahir Rayaale ugu danabyntii hadalkiisa ku soo gunaaday in nabada dhamaan shacbiga ay dan u tahay“waxaan leeyahay shacbigeenu waa dad wanaagsan laakiin shacbigeena waxaan uga digayaa wax kasta oo fidno inoo horseedi kara in aan dhag loo raaricin, nina aan laga maqlin waxii isku fidnaynaaya anigana yaan layga dhagaysan nin kalena aan laga dhagaysan, kalmada wada jir,wada noolaansho iyo midnimo uun ha noqoto dadaalka kaliyaata ee aynu ku gaadhayno himiladeenuna waa taas, waxii taas ka duwaniba waxay inoo keeni karaan burbur iyo khilaaf iyo wax aan dan ahayn, run ahaantii maslaxad inooma keeni doonaan. Umaddi wax kaliyaata ayay waxaas oo dhan kaga gudbi kartaa waa waxa ay wada aaminsantahay oo lama taabtaan ah waa qaranimada iyo nabada, cidna inay taabato maaha dhamaanteen ayaa ku nool ilaa qudhaanjada ayaa ku nool.” Source
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Guddida deegaanka iyo khayraadka ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), ayaa dhaliilo u soo jeediyey Wasiirka Horumarinta Wadooyinka iyo Gaadiidka, waxaanu tilmaamay inuu Wasiirku ka qaadayo Gadiidka kala duwan ee dalka lacag aan xeer iyo sharci lahayn. Guddoomiyaha Guddida deegaanka iyo khayraadka ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafka Wasiirka Maaliyadda iyo Xisbiyaha guud ee Qaranka, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Liisamadii iyo Buugtii ay Dawladdu la soo noqotay meel looma sameeynin, inkastoo wareegtadu lahayd waxaa lagu wareejinayaa oo daabacada yeelan doonta Madbacada Qaranka, waxaana Madbacada Qaranka loo aasaasay inay sirta iyo xogaha muhiimka ah ee dawladda inay ilaaliso iyo waxyaabaha kale ee aan loo baahnayn inay gacmaha kale galaan, laakiin lagama *****n oo waxaan arkaayey Wasiirkii haystay Dhulka iyo Gaadiidka, ayaa isagu hawlo iska qabsaday, balse Liisanka Gaadiidka iyo Buuga Gaadiidka, ee Waddo maristo, waa inuu Xeer sheegaa, oo Xeer tilmaama, nooca uu yahay, sida uu noqonayo cabirkiisa, calamadaha qarsoon, kuwa muuqda, oo Xeer qaran baa asteynaya oo sheegaya, laakiin haddii inan waliba uu wax soo malmaluuqdo, waa dhibaato, Wasiirka Gadiidka, waxaad mooda inuu isagu sharciga gacantiisa ku wato, Golahana muu soo marin, haddii tacriifad la bedelayo,waa inuu Barlamaanku gooya, qaabka uu u wado Wasiirka Horumarinta Waddooyinku Bilaydh Lambarka waa qaabkii uu Xeerku sheegay, laakiin dadkii hore u iibsaday Bilaydh Lambarka, mar labaad lagama iibin karo, waxaana loogu bedeli karaa bilaash, lambarka bilaydh lambarka iyo warbixinta Gaadiidku maaha wax ku filan qaranka, ee waxaa loo baahan yahay halka uu ku dambayn doono lambarkani, waana inay Dawladdu ogaata halka uu lambarkani ku dambaynayo, mana ah in la tuuro, Wasiirka Gaadiidku waxaan leeyahay adeer dadka hore u iibsaday Bilaydh Lambarka mar kale lagama iibin karo, lacag keenana waa xaaran, kuwa cusub waa sax, oo waa laga qaadayaa, inkasta oo ay muhiim tahay in tacriifada la isla ogaada, maxaa yeelay Miisaaniyadii Sannadkii hore, waa la ansixiyey, haddii wax ka bedel lagu sameeynayana waa in la soo celiyo, dadka qaar waxa la odhanayaa intaas boqolkiiba ka jara, ilbaxnimada tuuganimada ee Miisaaniyadda Xukuumaddii hore ayaa laga bartay ee Miisaaniyadda haddii ay wax iska dhimaan Dawladdu Golaha ha ku soo celiso”. Xildhibaan Siciid Gaane ayaa mar uu ka hadlaayey khilaafka Wasiirka Maaliyadda iyo Xisbaahiyaha qaranka ayaa yidhi“Waan arkaayey inay is haystaan Wasiirka Maaliyadda iyo Xisaabiyihii, is haysigooda iyo is qabsigooduna waa siyaasad xumo, kaligood maaha, ee Masuuliyiin badan oo Xukuumadda ah ayaa is qabsaday,wax loo baahan yahayna maaha, waxaana fiican in masuul kasta oo xil dawladeed hayaa inuu xilkiisa garto oo aanu hawl kale oo aan hawshiisi ahayn inuu galo maaha”. Xildhibaan Siciid Gaane ayaa dhinaca kale wuxuu talooyin u soo jeediyey Wasaaradda Deegaanka, oo uu ugu baaqay inay uga war hayso wixii qashin ah ee dalka lagu aasayo, si aanay dhib u keenin. Source
-
Beesha reer Xaaji ee Dishiishe oo ka mid ah beelaha daga Puntland ayaa u doortay Maxamed Faarax Mire in uu u matalo xubinta ay ku leeyihiin Baarlamaanka Puntland ee 2019 ka dib doorashada codka qarsoodida ah oo uu kaga guuleystay Maxamed Abshir Dharaar. Goobta ay doorashadu ka dhacday waxa goobjoog ka ahaa inta badan waxgardka beesha waxana dhamaantood ay ugu hambayn ugu hambalyeeyeen xubinta la siiyay Maxamed Faarax Mire . Maxamed Faarax Mire ayaa beeshiisa ka codsaday in ay la shaqeeyan waxana uu balan qaaday sida oo kale in xilkan uu bulshada ugu shaqan doono. The post Maxamed Faarax Mire oo ku guuleysta xubin Baarlamaanka Puntland appeared first on Puntland Post.