Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,953
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ugu horeyn waxaan salaamayaa ummada reer somaliland guud ahaan. Ka dib waxaan la wada soconaa xukumadii uu dhisay madaxweynaha somaliland ee muuse biixi cabdi anigu waxaan ka mid ahaa taageerayaashii madaxweynaha balse ilaa iyo intii uu dhisay golahan wasiirada anigu aad iyo aad ayaan u saluugsanaa. Sababtoo ah dadka uu u xushay mansabyadu inta badan maahan dad u qalma wasiirada sida weyn u dhaawacey xukumadiisa ee bulshada dhexdeeda ku fashilmey ee maanta la eegaaye in uu isbadal ku sameyo waxaa ka mid ahaa. 1 wasiirka warfaafinta fashil dir=”auto” style=”text-align: justify;”> 2 wasiirkan arrimaha dibada ooy aheyd in uu dibada ka dhigo xukumada maadaama uu in badan wasiir ahaa 3 wasiirka arrimaha gudaha oo ku fashilmay siyaasadii arrimaha gudaha Mareeyaha duulista hawada oo xilkaasi ku fashilmay 4 gudoomiyaha kaydka raashinka oon xilkaasi sinaba istaahil ugu aheyn 5 wasiirkan tacliinta eed hadana u badashey arrimaha dibada waxaa saaran calaamatul suaal? Waxa uu soo kordhin doono. Hadaba anigoo in badan taageersanaa siyaasadaad waxaan maanta kuu arkaa in aad guud ahaanba faashil ku tahey siyaasada dalka waxan kuu soo jeedinayaa hadaanad siyaasadan badalin in aad iska casisho xilkan ood ku baaqdo doorashooyin degdeg ah ood waliba. Furto xisbiyo cusub. Qore: Tahir hussein ETHIOPA -ADDIS ABABA. geesiga244@gmail.com Source
  2. Waxa Badanaa Muwaadinka U Muuqda Musuqa Ishu Qaban Karto Sida Dhul Dawladi Leedahay Oo Ganacsade Ku Iibsaday Lacag Yar Ama Kaalin Shidaal Oo Dawladu Leedahay Oo Dad Gaar Ahi Ku Ganacsadaan Ama Ganacsade Cashuur Dhaaf Loo Sameeyay Oo Intuba Wareegtooyin Madaxweyne Ku Soo Baxaan, Waxa Jira Awoodo “POWER” Si Qarsoon Oo Lagu Adeegsan Karo Iyadoon Miisaaniyadaha Dawlada Gelin Tusaale Musuqa Maaliyadeed Sida Lacag Looga Dhaliyo Awoodaha 1-Qandaraas Shirkado Caalamiyi U Tartami Lahaayeen Oo Hal Shirkad Si Gaar Ah Loogu Eexdo “Maalgashi Shisheeye” Shirkadaasi Waxay Bixisaa Lacag Dheeraad Ah Oo Ku Jirin Xaqal Qalinku Iyo Waxa Ku Dhacaaya Miisaaniyadda Dalka !!! 2-Shirkad Ganacsi Oo Weyn Oo Ku Waajibtay Inay Bixiso 35% Cashuur ah, Waxaanay Bixisaa 7.5% Damaca Shirkadaasi Waa In Aan Kor Loo Qaadin Cashuurtaa Sidaa Awgeed Waxay Bixisaa Lacag Gaar Ah Oo Loo Geeyo Cida Awoodaha Gacanta Ku Haysa 3-Liisan Ogalaanshe Oo Hore Loogu Diiday Shakhsi Oo Saxeex Keliya Ay Ka Xigto, Ganacsadahaasi Wuxu Ku Bixinayaa Lacago Aan Gelin Miisaaniyadda 4-Lacago Lasoo Geliyo Ganacsi Aad U Jaban Oo Hore U Iibsama Si Loo Helo Dollar Dibada Loo Saaro Waa Lacag La Maydhaayo “Money Laundry” Ganacsaduha Iyo Dawlada, Shicibka iyo Weliba Madaxdu Wey Ka Faa,iidaan Intuba …. Waa Lacago Xaaraan ah 5- Waxa Jira Ganacsi Laga Dhoofiyo Dalka Oo Khasaare ah Hadana La Wado, Waxa Lagu Qarinayaa Ganacsi Makaasib Xoog Leh Lagu Qabo Waxay Bixisaa Shirkadaasi Lacago Gaar ah Adeegsiga Awoodaha Dawladnimo Kuma Koobna Waxay Ishu Qaban Karto Ee Dadku Ka Mudaaharaadaan Waxa Se Ka Awood Badan Ka Qarsoon Ama Toos Aan U Socon Waxan Oo Dhami Waxay Kala Socod Siiyaan Ololaha Siyaasadeed Ee Xisbiyada Ka Dhaxeeya, Dhabarkana Waxay Ku Hayaan REERO Diyaar U Ah Kacdoon Joogta Ah Madaxweynaha HADII uu Sixi Karo In Miisaaniyada Dalka Ku Soo Xareeyo Lacagahaa Hadii Kale Denbi Kuma Laha Maxamed Xoosh mxoosh09@gmail.com Source
  3. (SLT-Muqdisho)1-dii November, 2018 waxaa garoonka diyaaradaha Garowe ka degtay diyaarad magaalada Muqdisho ka soo qaaday gaadhi nooca aan xabadu karin ee Bulletproof-ka loo yaqaano, kaas oo loo watay Maxamuud Khaliif Xasan Jabiye oo kamid ah musharaxiinta Puntland 2019. Hadal hayn badan ayaa ka dhalatay gaarigaas, iyadoo dadka qaar ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay ku taageertay musharaxa, balse musharaxa Jabiye oo wareysi gaara siiyay Deperani Media ayaa sheegay in gaariga uu ka soo gatay dalka Mareykanka, uuna haysto cadeymo, inkastoo aan cadeymahaas la soo bandhigin. Hadaba maxaa ka jira sheegashada musharaxa ee ah in uu gaarigaas ka soo gatay dalka Mareykanka iyo eedeynta ah in dowladda federaalku siisay? Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helay Villa Somalia ayaa sheegaya in gaadhigaas dowladda Soomaaliya siisay musharax Jabiye, uuna kamid ahaa gaadiid noocaas ah oo ilaa 2014, yiilay Madaxtooyada, labo kamid ah gaadiidkaas waxaa dhawaan laga dejiayay Baydhabo, halka midna laga dejiyay Garowe. Cadaymaha kale ee loo hayo arrintan ayaa ah in 5 June 2014 dowladda Imaaraadka Carabta 11 gaadhi ah nooca aan xabada karin ugu deeqday madaxda dowlada federaalka Soomaaliya, sawiradii xiligaas la soo bandhigay waxaa ka muuqda isu ekaansho ah labada gaari ee Baydhabo laga dejiayay iyo midka Garowe laga dejiyay. Dhanka kale marka la eego sheegashada musharax Jabiye ee ah in uu gaarigaas ka soo gatay dalka Mareykanka, waxay ka hor-imanaysaa xeerar caalami ah oo uu kamid yahay qaraarkii (Resolution 733) ee bishii January ee sanadkii 1992-dii Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ku soo rogtay dalka Soomaaliya, taas oo ahayd cunaqabateyn dhanka hubka ah, waxaana la ogyahay in gaadiidka aan xabadu karin ee Bulletproof-ka uu kamid yahay hubka cunaqabateyn laga saaray Soomaaliya. Sidaan ognahay cidii u baahata gaadiidka noocaan ah in ay Soomaaliya keento, waxay martaa geedi socod aan u dheer oo ay kamid tahay in Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya ay ka haysato ogolaansho, inta badan waxaa loo ogalaadaa hay’adda caalamaid ah ee ka howlgala Soomaaliya, waana adag tahay amaba ma dhicin in qof shacab ah ogolaansho la siiyo. Dowladda Soomaaliya xaq ayay u leedahay in ay dadka qaar u garato gaadhi noocaan ah, iyadoo u eegeysa duruufo amni ee qofkaas, balse maaahan in xaqiiqada laga fogaado oo shacbaka been loo sheego. Source
  4. (SLT-Nairobi)Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay AMISOM inteeda kale uga dambeyn doonaan Soomaaliya marka la gaaro 2020ka. Mr Uhuru oo ka hadlayay munaasibad ay gaaddo ka cayaar ku soo bandhigayeen Ciidan cusub oo ay dowladda Kenya qoratay ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay dooneyso in Ciidanka AMISOM aysan ka bixin Soomaaliya 2020ka. Waxaa uu sheegay in haddii AMISOM ay ku adkeysato qorshaheeda ka bixidda AMISOM ee Soomaaliya ay dowladda Kenya baaqi sii ahaaneyso inta ay Soomaaliya ka xasileyso. ‘Kenya waxaa ay dooneysaa in qorshaha dib loo dhigo,haddii ay dhiciweyso isma dhiibeyno , ilaa dalkeenna, deriskeenna iyo Gobolkeenna uu nabad iyo xasillooni ka hela waan sii wadeynaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada’ ayuu yidhi Mr Kenyatta oo Ciidanka cusub kula hadlay xero Milatari oo ku taalla Eldoret. Kenya waxaa ay Mushaarka Ciidankeeda Soomaaliya ka heshaa Qaramada Midoobey,waxaana mushaarkooda lawada bixinayaa Bisha july ee sanadka soo socda. Inkasta oo sida dowladda Kenya sheegtay Magdhowga Askarta uga wax yeellowda dagaalka Soomaaliya la dhimayo labada sano ee soo socota haddana Kenya waxaa ay door bideysaa in ay sii joogto Soomaaliya. Askarta AMISOM ayaa Bishii Mushaar ahaan u qaata $1,028,waxaana askarta toos koontadooda ugu dhacda $800 oo dollar halka inta kale dowladaha ku jira AMISOM sheegeen in miisaaniyadda dowladda lagu daro. Source
  5. Leaked - Eritrea, Ethiopia and Somalia will not have three presidents in the future Eritrea Press - "The New Horn" - 10 Nov 2018 – (EP) Ethiopian Prime Minister Dr. Abiy Ahmed indicated that the Horn of Africa will have one president instead of three in a speech after the inauguration of the Tibebe Ghion Specialized Hospital in the City of Bahir Dar with Eritrean and Somalia presidents today. Qaran News
  6. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacadda Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Bar____Qubanaha-Wararka-Shabeelle-10112018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu kaga soo qeyb galay magaalada Bahra Daar ee dalka Itoobiya shir ku saabsan xoojinta heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya. Shirkan oo ahaa kii labaad ee wada jir ay u yeelanayaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Dhiggiisa Dalka Ereteriya Mudane Asias Afwerki iyo Raiisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed, ayaa waxa ay isku raaceen in ay dadaalkooda iyo garab istaaggooda isugu geeyaan xallinta caqabadaha guud iyo kuwa gaarka ah ee ay wajahayaan dalalkan saddexda ah. Warmurtiyeedka wadajirka ah ayaa lagu adkeeyay muhiimaadda ay leedahay in la dhawro madaxbannaanida siyaasadeed iyo dhuleed ee Soomaaliya iyo taageeradooda xooggan ee ku aaddan dadka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxda dalalka Itoobiya iyo Ereteriya ayaa ku bogaadiyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo guulaha la taaban karo ee Dowladda Soomaaliya ay ka sameysay dhinacyada horumarka iyo xasilloonida. Madaxweynayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Raiisal Wasaare Abiy Axmed, shacabka iyo Dowladda Itoobiya soo dhawaynta diirran iyo martisoorka ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, soo dhawayntaas oo ka tarjumaysa xiriirka dhaw ee ka dhaxeeya labada dal. Wajiga saddexaad ee shirka iskaashiga saddex geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya ayaa la qorsheeyey in uu ku qabsoomo magaala Muqdisho. The post Madaxwayne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed ayaa ka sheegay magaalada Baahir Dar ee dalka Ethiopia in dalalka Bariga Africa ay yeelan doonaan hal madaxweyne halkii ay ka lahaan lahaayeen seddex madaxweyne, sida lagu daabacay warbaahinta Eritrean Press [EP]. Dr Abiy Axmed, ayaa hadalkaan ka sheegay xafladda daahfurka Tibebe Ghion Specialized Hospital ee magaalada Baahir Dar, iyada oo ay hareer taagnaayeen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea. Ra’isul wasaare Abiy Axmed wax faahfaahin ah kama uusan bixin goorta la mideynayo seddexda dal, Laakiin hadalkiisa ayaa u muuqday mid uu kaga hadlayay sida mustaqbalka ay qorsheynayaan. Dhinaca kale Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka hadlayey magaalada Gondar ayaa laga soo xigtay inuu dhahay” Waxaa isbadalay taariikhda geeska Afrika”, sida uu daabacay wargeyska. “Waxaan u soconnaa iskaashi gobol oo horumarka xagga dhaqaalaha ah, si loo hubiyo in aanu la dagaalno faqriga gobolka” ayuu Farmaajo raaciyey. Jimcihii ayey saddexdan mas’uul tageen Magaalada Gondar, Gobolka Baxar-daa, oo ah goobta uu ku aasan yahay awoowaha Isaisas. Shirkan oo maanta soo gebo-gaboobey, waxaa uu daba-socday heshiiskii Asmara ee ku saabsanaa saaxiibtinnimada iyo iskaashiga saddexda dal, waxaana lagu wadaa in shirka xiga lagu qabto Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qayb galay qalin-jebinta Jaamacdda ALPHA qaybta digree ga labaad ee Master-ta. xafladani oo si weyn looga soo qayb galay ayaa waxa halkaasi ardayda hadalo dhiiri gelina uga jeediyay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland. Gudoomiyaha Jaamacadda ALPHA ayaa sheegay in ardayda qalin-jebisay ay ka kooban tahay 50 arday, islamarkaana dadaal dheer soo sameeyay mudadii ay jaamacadda wadeen. Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo halkaasi ardayda qalin-jebisay uga jeediyay khudbad ayaa kula dar-daarmay ardayda inay dalkooda iyo dadkoodaba ugu adeegaan cilmiga ay barteen. Gebogebadii waxa halkaasi ardayda lagu gudoon siiyay shahaadooyin iyo abaal-marino kale Source
  10. Muqdisho ( Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-101118.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Baydhabo (Caasimada Online) – Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya David Concar ayaa magaalada Baydhabo kula kulmay musharixiinta Koofur Galbeed ee u taagan qabashada xilka madaxweynaha Koofur Galbeed. Musharixiinta ayaa safiirka u gudbiyay walaaca ay ka qabaan doorashada Koofur Galbeed, waxaana dhankiisa uu kala hadlay sida ugu wanaagsan ee ay ku dhici karto doorasho xor ah oo Musharixiinta ay ku wada qanacsan yihiin. Mukhtaar Roobow ayaa kamid ah musharixiinta kasoo muuqday kulanka dhexmaray Safiirka UK ee Soomaaliya iyo musharixiinta Koonfur Galbeed, waxaana kulanka maanta uu ka dhacay xarunta QM ee magaalada Baydhao. 7 Maalin ayaa ka harsan waqtiga loo balansanaa inay doorasho kaga dhacdo magaalada Baydhabo, waxaana doorashada sanadkaan ka qeyb galeynin Shariif Xasan Sheikh Aadan oo iska casilay xilka madaxweynaha kana tanaasulay Musharaxnimadiisa. Musharixiinta ayaa doonaya in dib loo dhigo doorashada, laakiin dowladda ayaa dooneysa inay waqtigeeda ku dhacdo doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed. Safiirka UK ee Musharixiinta la kulmay ayaa kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan sidii si nabad galyo leh doorashadaasi u dhici laheyd. 1998 Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. (SLT-Ankara)-Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay codad duuban oo caddey u ah dilka Khaashuqji loo geystay inuu la wadaagay Mareykanka, Ingiriiska, Sacuudiga iyo Waddama kale. Madaxweynah Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa markale ku celiyey hadalkii ahaa Sacuudi Carabiya iney ogtahay cidda dishay Jamaal Kaashuqji. Khaashuqji oo ahaa qoraa si weyn u dhaleeceeya hoggaanka sare ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaa 2-dii October lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Sacuudiga ayaa waxuu aqbalay in qunsuliyaddiisa lagu dhex dilay Khaashuqji, balse waxay diidday dilkiisa iney ku lug leedahay boqortooyada. Riyadh waxay horay u sheegtay isaga oo nabad qaba inuu qunsuliyadda uu ka daneystay uuna ka baxay inkasta oo ay marki dambe qiratay. Sacuudiga ayaa wuxuu sida oo kale uu ka gaabsaday inuu ka hadlo hadalki ka soo yeeray dhaxalsugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Amiir Maxammed Bin Salmaan ee ahaa Khaashuqji inuu ahaa muslin xag jir ah. Lahaanshaha sawirkaPAImage captionKhaashuqji wuxuu ahaa nin wax ku qora wargeyska Washington Post Dilka Jamaal Khaashuqji: arrimihii ugu waaweynaa ee dhacay 2 Oktoobar Saacaddu markii ay ahayd 03:28: Diyaarad khaas ah oo sidday dad lagu tuhunsan yahay iney ahaayeen mukhaabaraadka Sucuudiga ayaa tagtay garoonka magaalada Istambul. Diyaarad labaad ayaa halkaas gaartay goor dambe oo galabti ah. Saacaddu markii ay ahayd 12:13: gawaari dhowr ah oo ay leeyihiin Dublomaasiyiin ayaa muuqaallo laga soo duubay iyagoo tagaya xarunta qunsuliyadda, waxaana la aaminsanyahay iney sideen qaar ka mid ah xubnaha mukhaabaraadka Saacaddu markii ay ahayd 13:14: Mr Khaashuqji ayaa gudaha u galay xarunta Qunsuliyadda, halkaasoo uu ka doontay warqado sharci oo fududeynaya guurkiisa Saacaddu markii ay ahayd 15:08: Gawaari ayaa ka baxday Qunsuliyadda waxaana muuqaallo laga duubay iyagoo tagaya dhismaha deegaanka ah ee uu dagganyahay qunsulka, kaasoo u dhow qusuliyadda Saacaddu markii ay ahayd 21:00: labadii diyaaradood ee khaaska ahaaba way ka tageen dalka Turkiga 3 Oktoobar – Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday in la waayay Mr Khaashuqji, oo loo maleynayay inuu ku jiro qunsuliyadda gudaheeda 4 Oktoobar – Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay inuu ka baxay safaaradda 7 Oktoobar – Saraakiisha Turkiga ayaa BBC-da u sheegay iney aaminsanyihiin in Mr Khaashuqji lagu dilay Qunsuliyadda gudaheeda. Arrintan waxaa markii dambe si adag u beeniyay mas’uuliyiinta Sucuudiga Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionJamaal Khaashoqji 13 Oktoobar – Saraakiisha Turkiga ayaa laanta afcarabiga ee BBC-da u sheegay iney hayaan caddeymo codad iyo muuqaallo ah oo muujinaya dilka suxufigaas. Jiritaanka codadkaas iyo muuqaalladaas waxaa horay u sii shaaciyay warbaahinta maxalliga ah 15 iyo 17-18 Oktoobar – Baareyaasha dalka Turkiga ayaa ku mashquulsanaa baaritaanno ay ku sameynayeen xarunta qunsuliyadda 19 October – Telefishinka Dowladda Sucuudiga ayaa soo tabiyay in baaritaanno hordhac ah oo la sameeyay ay muujiyeen in Jamaal Khaashuqji uu ku dhintay gudaha qunsuliyadda. In labo sarkaal oo sar sare laga eryay shaqada islamarkaana boqor Salmaan uu ku dhawaaqay in la sameeyo guddi heer wasiirro ah oo dib u habeyn ku sameeya waaxda sirdoonka. 20 October – Saraakiisha Turkiga ayaa wacad ku maray iney shaaca ka qaadi doonaan caddeymo ku saabsan dilka 21 October – Wasiirka arrimaha dibadda ee Sucuudiga ayaa warbaahinta Fox News u sheegay in arrintu ay ahayd “howlgal khaldamay” wuxuuna beeniyay in amarka “dilka” uu bixiyay dhaxal sugaha boqortooyada Maxay dowladda Sucuudiga sameysay ilaa hadda? Waxay sheegeen in ay xireen 18 ruux, shaqadana ka eryeen labo sarkaal oo ka mid ahaa dadka u dhow Maxamed Bin Salmaan. Sidoo kale waxaa la dhisay guddi dhaxal sugaha ka hoos shaqeynaya oo dib u habeyn ku sameynaya maamulka waaxda sirdoonka ee dalka Sacuudiga. Boqor Salmaan iyo amiir Maxamed ayaa labaduba waxay taleefan ka waceen wiilka uu dhalay Jamaal Khaashuqji oo lagu magacaabo Salah, waxayna uga tacsiyeeyeen geerida aabihiis. Lahaanshaha sawirkaEPAImage captionBoqor Salmaan iyo Amiir Maxamed oo la kulmay Saalax bin Jamaal Khaashuqji Saalax Khashoqji ayaa daggan dalka Sucuudiga waxaana jariidadda Wall Street Journal ay sheegtay in horay looga mamnuucay ka bixitaanka waddanka, si uusan u soo booqanin aabihiis oo baxsad ku tagay dalka Mareykanka. Dhinaca kale, haweeneydii uu damacsanaa Khaashuqji inuu guursado, Hatice Cengiz, oo u dhalatay Turkiga isla markaana ahayd qofkii ugu horreeyay ee soo tabiya maqnaanshihiisa ka dib markii ay dhowr saacadood sugeysay, ayaa loo sameeyay ciidamo boolis ah oo 24 saacadood ilaaliya, sida ay soo tabisay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu. Hatice Cengiz: “xitaa isma macasalaameyn” Sidey dunidu uga fal celisay dhacdadan? Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo Sabtidii wareysi siiyay wargeyska Washington Post ayaa sheegay in been badan ay ku jirto sharraxaadda Sucuudiga. Trump ayaa xoojiyay suurtagalnimada in cunaqabateyn lagu soo rogo Sacuudiga. Hase ahaatee joojinta qandaraaska hubka ayuu ku tilmaamay “mid mareykanka gaarsiineysa qasaare ka badan midka ay gaarsiineyso Sucuudiga”. Dalalka Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa si wadajir ah u soo saaray bayaan ay ku muujinayaan naxdinta ay ka qaadeen dhimashada waxayna codsadeen in sharraxaad buuxda la siiyo. Hase ahaatee dalal dhowr ah oo Sacuudiga ay xulafo yihiin ayaa taageero u muujiyay boqortooyada khaliijka. Dowladda Kuwait ayaa boqor Salmaan ku ammaantay sida uu ula tacaalay kiiskan, halka dowladaha Masar, Baxreyn iyo Imaaraadka Carabta ay iyaguna sidaas oo kale u garab istaageen Sucuudiga. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in “run qaawan” uu shaaca uga qaadi doono khudbad uu maalinta Salaasada ah ka jeedin doono baarlamaanka. Xaggeey baadhitaannadu hadda marayaan ? Inkastoo ay dowladda Turkiga xoogaa hakisay eedeyntii tooska ahayd ee ay dilka ugu jeedineysay Sucuudiga, haddana baareyaasha ayaa sheegay iney hayaan cadeyn maqal iyo muuqaal ah oo la xiriirta in dilka Khaashuqji ay qunsuliyadda dhexdeeda ku fuliyeen koox Sucuudi ah oo loogu tala galay iney dilalka fuliyaan. Booliska ayaa baaritaan ka sameeyay keymaha u dhow goobtaas ee magaalada Istambul, waxayna aaminsanyihiin in meydkiisa lagu tuuray aagaas ayna heli doonaan “mar aan dheereyn”. Dhismeyaasha qunsuliyadda iyo hoyga qunsulka ayaa labadaba baaritaanno lagu sameeyay. Dacwad oogeyaasha Turkiga ayaa su’aalo weydiinayay shaqaalaha maxalliga ah ee Qunsuliyadda. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa Axadii ku warrantay in sarkaal Sacuudi ah uu u sheegay in Khaashuqji la dilay ka dib markii uu diiday isku day lagu doonayay in dib loogu celiyo dalkiisa. Meydkiisa oo la burburiyay ayaa markaas ka dib loo dhiibay shirkad maxalli ah oo la shaqeysa qunsuliyadda, si loo tuuro. Sarkaal Suciidi ah ayaa xirtay dharkii Khaashuqji wuxuuna ka baxay albaabka dambe ee Qunsuliyadda. Source
  13. Sid ay qortay Eritrean Press(EP), Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta sheegay in geeska Afrika uu lahaan-doono hal madaxweyne intii uu saddex madaxweyne lahaan lahaa, sidaasina wuxuu ka sheegay xafladda daahfurka Trbebe Ghion Specialized Hospital ee magaalada Baahir Dar, waxaa markaasi garab taagnaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweynaha Eritrea Isaisas Afwerk. Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in isla maanata ay booqdeen mashaariic badan oo beeraha iyo waraabka ah oo ka socda maamul goboleedkaas amxaarada. Ra’isul wasaare Abiy Axmed wax faahfaahin ah kama bixin goorta la mideynayo 3da dal, waxaa uu hadalkiisa kusoo koobay “Mustaqbalka”. Jimcihii ayey 3dan mas’uul tageen Magaalada Gondar, Gobolka Baxar-daa, oo ah goobta uu ku aasan yahay awoowaha Isaisas. Dhankiisa, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka hadlayey Gondar ayaa laga soo xigtay inuu dhahay” Waxaa isbadalay taariikhda geeska Afrika”. “Waxaan u soconnaa iskaashi gobol oo horumarka xagga dhaqaalaha ah, si loo hubiyo in aanu la dagaalno faqriga gobolka” ayuu Farmaajo raaciyey. Shirkan oo maanta soo gebo-gaboobey, waxaa uu daba-socday heshiiskii Asmara ee ku saabsanaa saaxiibtinnimada iyo iskaashiga saddexda dal, waxaana lagu wadaa in shirka xiga lagu qabto Muqdisho. Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa aqal weli lama hor keenin, kamana doodin heshiisyada Farmaajo uu la galayo Abiy Axmed iyo Isaisas Afwerk, shirarkan 3-geesoodka ah, dekadihii 4ta ahaa ee la siiyey Itoobiya iyo halka loo socda waa arrin ay sugayaan xildhibaannada baarlamaanka federaalka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Bahir Dar (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo khudbad ka jeediyay xaflad qalin-jabin ahayd, ayaa sheegay ardayda Itoobiya ee bartay caafimaadka ay hawlo caafimaad oo samafal ah kasoo sameyn doonaan Somalia iyo Ertirea. Abiy Ahmed ayaa ardayda qalin-jabiyay ku boorriyay inay si daacadnima ah ugu adeegaan shacabkooda, isgaoo xusay inay wax u soo barteen dadkooda iyo dalalkooda, isagoo xusay inay shacabka dalalka dariska ah si bilaash ah ugu shaqeeyaan. “Tallaabbadan waxay qayb ka tahay xoojinta is-dhexgalka seddexda dal ee dariska ah, si ay u gaaraan midnimo dhaqaale oo isku soo dhaweeynaya shucuubta dalalkaas,” ayuu si taxadar leh u yiri Ahmed. Sidoo kale, seddexda Hoggaamiye ee dalalka Itoobiya, Eritrea iyo Somalia ayaa si wadajira h xarigga uga jareen Isbitaalka Tibebe-Giyoon Specialized oo laga dhisay magaalada Bahir Dar. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo maamulka deegaanka Amxaarada sida ay u soo dhaweeyeen Madaxda Martida u ahayd ee Somalia iyo Eretrea, wuxuu kaloo xusay in Wabiga Tana aysan lahayn Itoobiya, Sudan iyo Masar oo keli, balse uu yahay hanti dalalka Afrika oo dhan ka dhexeeya. “Magaalada Dalxiiska ee hareeraha Wabiga laga dhisayo oo dhismaheedu aan innagu billaabayno ubadkeenana ay dhammeystiri doonaan wuxuu mustaqbalka noqon doonaa kheyraad dhinaca dalxiiska oo Dalka dakhli badan uga soo xaroodo,” ayuu Ahmed hadlakiisa ku daray. Ugu dambeyn, Madaxda saddexda Somalia, Itoobiya iyo Eritrea ayaa markii ugu horreysay kulan saddex geesood ah ku yeeshay deegaann ka baxsan caasimadaha dalalkooda. PUNTLAND POST The post RW Itoobiya oo sheegay in Adeegyo Caafimaad ay ka fulin doonaan Soomaaliya iyo Eritrea appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Miisaaniyadda 2019-ka oo haatan la geeyey golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah kadib markii ay ansixisay xukuumadda Xasan Kheyre ayaa faah-faahineysa qorshaha maaliyeed ee sanadka soo socda 2019-ka. Haddaba, waxaan idiin soo gudbineynaa faah-faahinta miisaaniyadd, innaga oo xoogga saareynta dakhliga, deeqaha debadda, mashariicda caalamiga ah, qooddad xafiisyada iyo arrimo badan. Faahfaahinta dakhliga guud dowladda ee miisaaniyada 2019-ka Dakhliga gudaha iyo deeqaha waa 340,066,501 Dakhliga gudaha: 189,850,000 Canshuuraha: 135,200,000, Canshuuraha dakhliga iyo faa’idooyinka: 9,100,000 Mushaarka shaqaalaha: 6,400,000, oo kala ah: Mushaarka shaqaalaha dowladda: 3,900,000 iyo Mushaarka shaqaalaha gaarkaa: 2,500,000 Canshuurta faa’idada ganacsiga: 2,200,000, Canshuurta faa’idada shirkadaha: 2,200,000 Canshuurta kale Dakhliga iyo faa’idooyinka: 500,000 Macaashka daaraha: 500.000 Canshuuraha adeedga iyo agabka: 22,000,000, Canshuurta guud ee agabka iyo adeegyada: 22,000,000, Canshuuraha gadiska-hoteelada: 200,000, Canshuuraha gadista-isgaarsiinta 6,500,000, Canshuurta gadista-shirkadaha korantada: 500,000, Canshuuraha gadista- waxyaabaha soo daga: 13,000,000, Canshuuraha gadista-tigidhada duulimaadka1,800,000 Canshuurta ganacsiga dibada: 97,000,000, Canshuurta furdooyinka iyo ganacsiga dibadda: 85,000,000, Canshuuraha kale ee ganacsiga dibadda: 12,000,000, Canshuurta soo dajinta khaadka: 12,000,000, Canshuuraha kale: 7,100,000 Canshuurta Moorka: 7,100,000, Moorka qaansheegadka iyo qandaraasyada notaayo: 2,600,000, Canshuurta socodka baabuurta: 2,000,000, Canshuuraha Moorka ee kale: 2,500,000 Deeqaha dibadda: 150,216,501, Deeqaha laba dhinaca 30,000.000 Deeqaha laba-geesoodka ah: 30,000,000, dalka keliya ee sanadkan laga filaayo inuu miisaaniyadda kabo waa Turkiga oo bixin-doon: 30,000,000 halka Sacuudiga, Qatar iyo Imaaraadka oo sanadihii hore miisaaniyadda kebi jiray aaney muuqan Deeq-dhinacyo badan: 120,216,501, Bangiga adduunka –sanduuqa Trusr oo badan: 6,557,675, Baanka adduunka –mashruuca-ka-qaadista awoda: 7,638,433, Baanka adduunka –maareynta maaliyada guud : 11,188,313, Baanka adduunka –taageerada qeybta ICT: 1,500,000, Baanka adduunka-SCORE: 6,025,200, Baanka adduunka-RCRF mushaharka: 39,000,000, Baanka adduunka-SOPTAP(shidaalka: 127,000, Baankiga hormarinta-Africa howlaha dhaqaalaha iyo maaliyada: 4,906,168, Qaramada midoobay-sanduuqeeda dhismaha nabada: 8773,592, United Nation mashruuca qorsheyta maalgalinta magaalada: 3,097,425, Qaramada midoobay –mashruuceeda dhaqan celinta degmada: 1,669,694, Midowga Yurub-Bileyska: 2,00,000, Midowga Yurub –Taageerada miisaaniyada: 34,600,000 Khidmadaha waa: 54,650,000 sida: Khidmadada maamulka: 2,200,000, Khidmadda dal-kugalka: 4,800,000, Khidmadda basaborka: 5,200,000, Ruqsada ganacsiga iyo warshadaha: 650,000, Ogolaanshiyaha shaqada-ajaanibta: 800,000, Khidmadda Dekeda- Alberak : 22,000,000, Khidmada garoonka diyaaradaha –Favori: 2,000,000, Khidmadda Rukhsada kaluumaysiga: 3,000,000, Khidmada haga isgaarsiinta: 2,000,00 iyo Khidmada duulimaadka hawada: 12,000,000 Qeybtan waxaa xoogga ku saareynaa qoondada hey’adaha ee miisaaniyadda 2019-ka: WADARTA MIISAANIYADA GUUD: 340.061.149, KHARASHAADKA JOOGTADA AH: 293.293.649 iyo HAY’ADAHA ADEEGA MAAMULKA: 135.204.188 Xafiiska madaxtooyada: 5,838,587, Xafiiska golaha shacabka: 5,338,481, Xafiiska aqalka sare: 14,449,312, Xafiiska Ra’iisal wasaaraha: 4,103,520, Wasaarada Arrimaha Dibadda: 5,777,630, Safaaradaha: 5,227,515, Wasaaradda Maaliyada: 8,654,585, Xisaabiyaha Guud: 1,594,345, Adeega Guud ee Dowladda : 44,434,690, Agaasinka Xurumaha Maaliyadda: 660,000, Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgalinta Dhaqaalaha: 2,673,791, Wasaaradda Arrimaha Guud iyo Federaalka : 9,780,116, Guddiga Qaxootiga iyo Barakacaayaasha :565,964, Wasaradda arrimaha Diinta iyo Awqaafta: 908,500, Wasaaradda Cadaalada :718,088, Ciidanka Asluubta : 5,777,224, Maxkamadda Sare : 952,744, Maxkamadda Gobalka Banaadir : 1,499,432, Maxkamadda Racfaanka : 270,284, Guddiga Adeedga Garsoorka: 188,792, Xeer-ilaaliyaha Guud : 1,081,488, Garyaqaanka Guud : 524,844, Hanta-dhowraha Guud : 1,786,104, Wasaaradda Gargaarka iyo Maareyta Musiibooyinka: 1,200,856, Wasaaradda Dastuurka : 1,927,848, guddiga M.Banaan ee Xuduudaha Qaranka : 644,928, Guddiga M. Banaan ee dibu Heshiisiinta: 501,132, Guddiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaranka : 3,000,000, Guddiga Madaxa Banan Ee Xuquulqul Aadanaha : 100,000, Guddiga Maxa Banaan Ee Dibu Eegista iyo Hirgalinta Dastuurka : 686,816, Guddiga Madaxa Banaan Ee Shaqaalaha Rayidka ah : 25,285.707 iyo Guddiga Madaxa Banaan Ee ladagaalanka Musuqmaasuqa : 100,000, waxaa xusid mudan guddiyadan qaarkood maba dhisna, qaarna sidii la rabay uma shaqeeyaan. HAY’ADAHA ADEEGA DIFAACA IYO AMNIGA : 110.767.024 Wasaaradda Gaashaandhiga: 2,632,780, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka: 62,193,336, Maxkamada ciidanka Xoogga: 1,456,000, Hay’ada Naafada iyo Agoonta ciidamada Qalabka sida: 115,000, Wasaaradda Amniga Qaranka: 2,007,452, Taliska Ciidanka Booliska: 25,789,856, Hay’ada Nabadsugidda Qaranka: 12,505,680 iyo Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha: 4,066,920 HAY’ADAHA ADEEGA DHAQAALAHA : 24.203.206 Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha: 1,304,927, Wasaaradda Macdanta: 929,552, Wasaaradda Beeraha: 1,558,891, Wasaaradda Xanaanada-Xoolaha-Dhirta iyo Daaqa: 1,018,348, Wasaaradda Kallumaysiga iyo khey’ Badda: 1,514,776, Hay’ada Cilmi Baadhista Badaha Soomaaliyeed: 508,164, Mashruuca Hormarinta Xeebaha iyo Kaluumeysiga: 105,976, Wasaaradda warfaafint: 4,954,856, Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta: 1,698,426, Hay’ada Isgaarsiinta Qaranka: 2,088,000, Wasaradda Howlaha guud iyo dib-u-dhiska: 1,156,072, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada: 1,907,440, Hay’ada Saadaashaiyo Duulista Hawada: 1,208,576, Wasaarada Dekedaha iyo Gaadiidka Badda : 1,232,608, Dekada Xamar: 1,021,300, Wasaarada Ganagsiga iyo Warshadaha: 1,995,304 HAY’ADAHA ADEEGGA BULSHDA: 23.119.231 Wasaaradda Caafimaadka : 7,260,440, Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare: 12,834,143, Wasaaradda isboortiga iyo dhalinyada: 1,453,540, Wasaaradda isboortiga iyo dhalinyada : 639,424, Wasaaradda Haweenka iyo Hor.Xuq. Adanaha: 931,684 MASHAARIICDA: 46.766.501 Mashruuca CIP : 7,638,433, Mashruuca SFF(MPTFand UN): 7,434,268, Mashruuca PFM: 11,188,313, Mashruuca EFG: 4,906,168, Mashruuca RCRF 2,150,000, Mashruuca Dhaqaalaha Ee Soomaliya Prg(SCORE) : 6,025,200, Mashruuca Taageerida Xasilinta (S2S) :1,699,694, Mashruuca SUIPP: 13,097,425, Mashruuca SOPTAP: 127,000 iyo Mashruuca ICT : 2,500,000 + Waxaan idiin soo wadnaa faah-faahin dheeraad iyo falanqeynno miisaaniyadda la xiriirta. Xigasho: Goobjoog News
  16. Ankara has given recordings on the killing of Saudi journalist Jamal Khashoggi to Saudi Arabia, the US, Germany, France and Britain, Turkey’s president Recep Tayyip Erdoğan has said. Turkish sources have said previously that authorities have an audio recording purportedly documenting the murder. Speaking before his departure for France to attend commemorations to mark the 100th anniversary of the end of the first world war, Erdoğan said Saudi Arabia knew that Khashoggi’s killer was among a group of 15 people who arrived in Turkey the day before the journalist’s death. Khashoggi’s body has still not been found a month after his disappearance when he entered the consulate to obtain marriage papers while his fiancee, Hatice Cengiz, waited outside. The guardian Qaran News
  17. Melbourne (Caasimada Online) – Booliska dalka Australia ayaa waxay faahfaahin ka bixiyeen ninkii Soomaaliga ee shalay lagu dilay magaaladda Melbourne, kadib markii uu tooreey ku dilay hal qof, kuna dhaawacay laba kale, weerarkaas oo lagu sheegay “mid argagixiso” Warbaahinta Australia waxay shaaciyeen in ninka Soomaaliga ee dilka geystay lagu magacaabi jirey Xasan Khaliif Shire Cali, oo 30 jir ahaa. Ninkaasi waxaa la sheegay inuu watay gaari dusha ka furan oo uu ka soo buuxiyey haamaha gaaska lagu kariyo cuntada, si uu weerar kale ugu fuliyo, sida ay booliska Australia ku doodeen. Boliska waxay ninkan ka toogteen laabta, kadib markii uu ayaga weerar ku qaaday xilli ay kusoo baxeen dadkii shacabka ahaa ee uu mindida ku weeraray markii hore, wuxuuna dhaawac ahaan ugu geeriyooday Isbitaalka. Xasan Khaliif oo sannadihii 1990-aadkii tegay dalkaasi waxaa la sheegay inay hay’adaha ammaanka ay isha ku hayeen, iyadoo baasaboorkiisa Australian-ka laga kansal gareeyey sannadkii 2015-kii, xilli uu u dhoofi lahaa dalka Syria, oo laga cabsi qabay inuu ku biiro koxoda Daacish Dhinaca kale, nin ay walaalo yihiin Xasan oo lagu magacaabo Cali Khaliif Shire Cali ayaa ku xiran dalka Australia, isagoo ah dacwad-suge ku eedeysan falal argagixisaimo. Qoyska Xasan ayaan wax war ah weli kasoo saaran dhacdadan cusub ee uu wiilkooda ku lug lahaa. Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka oo ay sheegtay inuu fuliyey mid ka mid ah dagaalyahanadeeda. Caasimada Online Xafiiska Melbourne Caasimada@live.com
  18. Abiy: Eritrea, Ethiopia and Somalia will not have three presidents in the future “The New Horn” 10 Nov 2018 – (EP) Ethiopian Prime Minister Dr. Abiy Ahmed indicated that the Horn of Africa will have one president instead of three in a speech after the inauguration of the Tibebe Ghion Specialized Hospital in the City of Bahir Dar with Eritrean and Somalia presidents today. They also visited a university and various development projects including irrigation projects and agro-industry park in the Amhara regional state. The Ethiopian PM hasn’t specified when the region will have a “united” president other than saying “in the future”. Yesterday, Eritrean President Isaias Afwerki and Somalia’s President Mohamed Abdullahi Mohamed “Farmajo” arrived in the northern Ethiopian city of Gondar – where Isaias’s grandfather is buried – for the summit with their Ethiopian counterpart to cement the Asmara Agreement of the economic and political integration of the Horn of Africa. The Somali president told officials during a speech in Gondar that “the history of the Horn of Africa has changed”. “Now we are moving for regional collaboration in economic development in order to be sure that we fight poverty in this region,” he added. Eritrean President Isaias Afwerki and President Mohamed Abdullahi Farmajo of Somalia have concluded their visit to Ethiopia today. Source
  19. SYDNEY (AP) — Australia police said Saturday a man who fatally stabbed another and injured two in what they described as an Islamic State-inspired terrorist attack in central Melbourne had also planned to set off an explosion. The attacker, Hassain Khalif Shire Ali, 30, had his passport canceled in 2015 after it was learned he planned to travel to Syria, police said. The attack occurred on Friday when Shire Ali got out of a pickup vehicle, which he then set on fire, and stabbed three men, one of whom died at the scene. The attack horrified hundreds of onlookers during the afternoon rush hour in Australia’s second-biggest city. Victoria state Police Commissioner Graham Ashton said Shire Ali, who was shot by police and died in a hospital, had also made an “unsophisticated” plan for his vehicle to explode to cause many more fatalities. He had placed several barbecue gas canisters in the back of his pickup, with the outlet valves open, but they had failed to ignite. “It looks like he’s attempted to ignite a fire in the car, we believe at this stage with a view to igniting those canisters with some sort of explosion, but that didn’t eventuate,” Ashton told reporters. Shire Ali, who moved to Australia with his family from Somalia in the 1990s, was known to police and the federal intelligence authority ASIO. He had a criminal history for cannabis use, theft and driving offences, Ashton said. Australian Federal Police Assistant Commissioner Ian McCartney told a media briefing on Saturday it was believed the attack was inspired by IS, though it was thought Shire Ali had no direct links to the organization. “It’s fair to say he was inspired. He was radicalized, with the rise of the caliphate and the propaganda that was put out on the internet. We’re not saying there was direct contact. We’re saying it was more from an inspirational perspective,” McCartney said. McCartney said the incident was a “reality check” for security agencies that “even with the fall of the (IS) caliphate … the threat continues to be real.” Prime Minister Scott Morrison said “radical, violent, extremist Islam” poses the greatest threat to Australia’s national security. “Here in Australia, we would be kidding ourselves if we did not call out the fact that the greatest threat of religious extremism in this country is the radical and dangerous ideology of extremist Islam,” he said. Morrison said he had long-standing relationships with the Muslim community and it was them who had raised with him concerns about radicalism in recent years. Shire Ali had family and associates who were also known to police. His brother Ali Khalif Shire Ali is currently on remand awaiting trial next year for allegedly planning an attack, Ashton said. The Islamic State group claimed responsibility for Friday’s attack but provided no evidence. It said the man was an Islamic State fighter and had responded to IS calls for attacks in countries that are part of the international coalition fighting the militants in Syria and Iraq. Police and civilians had tried unsuccessfully to subdue Shire Ali before he was shot in the chest by a police officer, who Ashton said only graduated from the police academy three months ago. A man aged 74, who had been stabbed in the face, died at the scene. Two other men, aged 26 and 58, are in a hospital with what police describe as non-life threatening injuries. Ashton also said police had searched two Melbourne properties on Saturday in relation to the attack, but that police did not believe there were any ongoing threats to the public. It’s the second time in four years Australia has witnessed militant violence. In December 2014, a 17-hour siege in which a gunman took 18 people hostage in a Sydney cafe ended with two hostages dead and the assailant killed by police. Though the erratic gunman demanded that police deliver him an Islamic State flag at the outset of the crisis, there was no evidence he had established contact with the militant group. However, at a later inquest, the coroner of New South Wales state said the gunman’s actions fell “within the accepted definition of terrorism.” Melbourne was also the scene of two fatal car-ramming incidents last year, but neither was linked by police to terrorism. Ashton says there is no suggestion Shire Ali was inspired by James “Dimitrious” Gargasoulas, who faced court this week on six charges of murder over the first ramming attack, in January 2017. Source: AP
  20. Turkey has condemned Friday’s terrorist attack in the Somalian capital. “We strongly condemn the terrorist attacks perpetrated in Mogadishu, causing death and injury of numerous persons,” said the Foreign Ministry in a statement. Earlier Friday, two bomb-laden vehicles targeted a hotel in the city, which government officials visited frequently. Minutes later another bomb went off. “We wish God’s mercy upon those who lost their lives, a speedy recovery to the wounded and convey our condolences to the friendly and brotherly Government and people of Somalia,” the statement added. At least 10 people were killed in the incident, according to Somali authorities. Al-Shabab claimed responsibility for the attacks on its website. Source: Anadolu
  21. Somaliland : Dawlada Ay Xilalkii Ugu Cuslaa Loo Magacaabey Masuulyiin Isku Hal Beel Ka Soo Jeeda Markii Ugu Horeysay Taariikh-da Somaliland waxaa isku hal beel noqdey masuulyiin sar sare oo xilal ka haya xukuumada talada dalka haysa , sidoo kale-na ay isku hal beel noqdaan madaxweynaha iyo wasiirka maaliyadu . Xukuumadan uu madaxweyne Muuse Biixi madaxweynaha ka noqdey waxaa isku beel kaliyaata noqdey masuulyiintii ugu badneyd uguna miisaanka cusleyd , kuwaas oo ku magacaaban digreetada madaxweyne Biixi iyo Digreeda madaxweynihii ka horeeyey oo aanu xilka ka qaadin , waxaana masuulyiintaas ka mid ah Madaxweynaha Somaliland Wasiirka Maaliyada Somaliland Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Taliyaha Ciidanka Dabdamiska Somaliland Wasiirka Warfaafinta Somaliland Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland Wasiirka Gadiidka Somaliland Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka Garyaqaanka Guud Ee Dalka Hanti Dhawraha Guud ee Somaliland Taliye Ku xigeenka Ciidanka Booliska Qaran News
  22. Following Friday’s bomb attacks and gunfire in the Somali capital, Mogadishu, UN Chief António Guterres on Friday expressed his faith that Somalis “will not be deterred” in their pursuit of lasting peace and political stability. In a statement attributable to his Deputy Spokesman Farhan Haq, the Secretary General reiterated “the support and solidarity of the United Nations with the people and Federal Government of Somalia in this endeavor.” The Secretary General “sends his profound condolences to the families of the victims and wishes a speedy recovery to those injured,” said the statement. The UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) reported that car bombs went off near the capital’s Sahafi Hotel on Friday afternoon. The initial explosions were followed by gunfire, all believed to be orchestrated by the jihadist terrorist group, Al-Shabab. In its years-long fight against the UN and internationally-backed Government, the extremist group has been targeting places where officials and security forces are likely to frequent, such as the Sahafi Hotel. So far, authorities have reported that at least 20 people have been killed, and 17 wounded. In a Friday statement denouncing the attack, UN Deputy Special Representative for Somalia, Raisedon Zenenga, said the agency has faith the terror attacks will not taint Somalia’s progress on the road to full economic and security reform. “We join the people and the Federal Government of Somalia in condemning this act of terror in no uncertain terms – such reprehensible acts of terrorism will not in any way undermine the determination of the Somali people to pursue their state-building, economic recovery and security priorities,” she said. “The United Nations and the wider international community stand with them.” UNSOM expresses its condolences to the families of the victims of the attack and wishes a speedy recovery for the injured.
  23. Muqdisho ( Sh. N. Network )-Ciidamada B ooliska Soomaaliya ayaa maanta gacanta ku dhigay Gaari looga shakiyay in ay saran yihiin walxaha qarxa. Gaarigan oo ahaa BL, gaar ahaan kan Soomaalida ay u taqaano Hoomeyda, ayaa waxaa Ciidamada amnigu duhurnimadii maanta ka qabteen Isgoyska Taleex ee M/ Muqdisho. Mid ka mid ah saraakiisha laamaha amniga oo qeyb ka ahaa howlgalka lagu qabtay Gaarigaasi ayaa Shabelle uga warramay arrintaasi. Waxaana uu xusay in la qabtay wadihii Gaariga, laguna wareejiyay Ciidanka nabad galayada Waddooyinka ee loo yaqaano Taraafikada, si loo hubiyo dukumintiyada Darawalka iyo Gaariga laga shakisanyahay. Sidoo kale sarkaalkan oo hadalka sii wata ayaa sheegay in heegan buuxa ay ku jiraan Ciidamada amniga ee DFS, si loo xaqiijiyo amniga M/ Muqdisho. Waxaana uu ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan laamaga amniga ee dowladda Soomaaliya. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli shalay qaraxyo is xig xigay ay ka dhaceen Hotel Saxafi iyo xarunta CID-da, kuwaas oo ay ku dhinteen dad rayid ahaa oo aan waxba galabsan. The post Ciidamada amniga Oo gacanta ku dhigay Gaari laga shakiyay appeared first on Shabelle. View the full article