-
Content Count
206,925 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Sid ay qortay Eritrean Press(EP), Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta sheegay in geeska Afrika uu lahaan-doono hal madaxweyne intii uu saddex madaxweyne lahaan lahaa, sidaasina wuxuu ka sheegay xafladda daahfurka Trbebe Ghion Specialized Hospital ee magaalada Baahir Dar, waxaa markaasi garab taagnaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweynaha Eritrea Isaisas Afwerk. Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in isla maanata ay booqdeen mashaariic badan oo beeraha iyo waraabka ah oo ka socda maamul goboleedkaas amxaarada. Ra’isul wasaare Abiy Axmed wax faahfaahin ah kama bixin goorta la mideynayo 3da dal, waxaa uu hadalkiisa kusoo koobay “Mustaqbalka”. Jimcihii ayey 3dan mas’uul tageen Magaalada Gondar, Gobolka Baxar-daa, oo ah goobta uu ku aasan yahay awoowaha Isaisas. Dhankiisa, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka hadlayey Gondar ayaa laga soo xigtay inuu dhahay” Waxaa isbadalay taariikhda geeska Afrika”. “Waxaan u soconnaa iskaashi gobol oo horumarka xagga dhaqaalaha ah, si loo hubiyo in aanu la dagaalno faqriga gobolka” ayuu Farmaajo raaciyey. Shirkan oo maanta soo gebo-gaboobey, waxaa uu daba-socday heshiiskii Asmara ee ku saabsanaa saaxiibtinnimada iyo iskaashiga saddexda dal, waxaana lagu wadaa in shirka xiga lagu qabto Muqdisho. Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa aqal weli lama hor keenin, kamana doodin heshiisyada Farmaajo uu la galayo Abiy Axmed iyo Isaisas Afwerk, shirarkan 3-geesoodka ah, dekadihii 4ta ahaa ee la siiyey Itoobiya iyo halka loo socda waa arrin ay sugayaan xildhibaannada baarlamaanka federaalka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Bahir Dar (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo khudbad ka jeediyay xaflad qalin-jabin ahayd, ayaa sheegay ardayda Itoobiya ee bartay caafimaadka ay hawlo caafimaad oo samafal ah kasoo sameyn doonaan Somalia iyo Ertirea. Abiy Ahmed ayaa ardayda qalin-jabiyay ku boorriyay inay si daacadnima ah ugu adeegaan shacabkooda, isgaoo xusay inay wax u soo barteen dadkooda iyo dalalkooda, isagoo xusay inay shacabka dalalka dariska ah si bilaash ah ugu shaqeeyaan. “Tallaabbadan waxay qayb ka tahay xoojinta is-dhexgalka seddexda dal ee dariska ah, si ay u gaaraan midnimo dhaqaale oo isku soo dhaweeynaya shucuubta dalalkaas,” ayuu si taxadar leh u yiri Ahmed. Sidoo kale, seddexda Hoggaamiye ee dalalka Itoobiya, Eritrea iyo Somalia ayaa si wadajira h xarigga uga jareen Isbitaalka Tibebe-Giyoon Specialized oo laga dhisay magaalada Bahir Dar. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo maamulka deegaanka Amxaarada sida ay u soo dhaweeyeen Madaxda Martida u ahayd ee Somalia iyo Eretrea, wuxuu kaloo xusay in Wabiga Tana aysan lahayn Itoobiya, Sudan iyo Masar oo keli, balse uu yahay hanti dalalka Afrika oo dhan ka dhexeeya. “Magaalada Dalxiiska ee hareeraha Wabiga laga dhisayo oo dhismaheedu aan innagu billaabayno ubadkeenana ay dhammeystiri doonaan wuxuu mustaqbalka noqon doonaa kheyraad dhinaca dalxiiska oo Dalka dakhli badan uga soo xaroodo,” ayuu Ahmed hadlakiisa ku daray. Ugu dambeyn, Madaxda saddexda Somalia, Itoobiya iyo Eritrea ayaa markii ugu horreysay kulan saddex geesood ah ku yeeshay deegaann ka baxsan caasimadaha dalalkooda. PUNTLAND POST The post RW Itoobiya oo sheegay in Adeegyo Caafimaad ay ka fulin doonaan Soomaaliya iyo Eritrea appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Miisaaniyadda 2019-ka oo haatan la geeyey golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah kadib markii ay ansixisay xukuumadda Xasan Kheyre ayaa faah-faahineysa qorshaha maaliyeed ee sanadka soo socda 2019-ka. Haddaba, waxaan idiin soo gudbineynaa faah-faahinta miisaaniyadd, innaga oo xoogga saareynta dakhliga, deeqaha debadda, mashariicda caalamiga ah, qooddad xafiisyada iyo arrimo badan. Faahfaahinta dakhliga guud dowladda ee miisaaniyada 2019-ka Dakhliga gudaha iyo deeqaha waa 340,066,501 Dakhliga gudaha: 189,850,000 Canshuuraha: 135,200,000, Canshuuraha dakhliga iyo faa’idooyinka: 9,100,000 Mushaarka shaqaalaha: 6,400,000, oo kala ah: Mushaarka shaqaalaha dowladda: 3,900,000 iyo Mushaarka shaqaalaha gaarkaa: 2,500,000 Canshuurta faa’idada ganacsiga: 2,200,000, Canshuurta faa’idada shirkadaha: 2,200,000 Canshuurta kale Dakhliga iyo faa’idooyinka: 500,000 Macaashka daaraha: 500.000 Canshuuraha adeedga iyo agabka: 22,000,000, Canshuurta guud ee agabka iyo adeegyada: 22,000,000, Canshuuraha gadiska-hoteelada: 200,000, Canshuuraha gadista-isgaarsiinta 6,500,000, Canshuurta gadista-shirkadaha korantada: 500,000, Canshuuraha gadista- waxyaabaha soo daga: 13,000,000, Canshuuraha gadista-tigidhada duulimaadka1,800,000 Canshuurta ganacsiga dibada: 97,000,000, Canshuurta furdooyinka iyo ganacsiga dibadda: 85,000,000, Canshuuraha kale ee ganacsiga dibadda: 12,000,000, Canshuurta soo dajinta khaadka: 12,000,000, Canshuuraha kale: 7,100,000 Canshuurta Moorka: 7,100,000, Moorka qaansheegadka iyo qandaraasyada notaayo: 2,600,000, Canshuurta socodka baabuurta: 2,000,000, Canshuuraha Moorka ee kale: 2,500,000 Deeqaha dibadda: 150,216,501, Deeqaha laba dhinaca 30,000.000 Deeqaha laba-geesoodka ah: 30,000,000, dalka keliya ee sanadkan laga filaayo inuu miisaaniyadda kabo waa Turkiga oo bixin-doon: 30,000,000 halka Sacuudiga, Qatar iyo Imaaraadka oo sanadihii hore miisaaniyadda kebi jiray aaney muuqan Deeq-dhinacyo badan: 120,216,501, Bangiga adduunka –sanduuqa Trusr oo badan: 6,557,675, Baanka adduunka –mashruuca-ka-qaadista awoda: 7,638,433, Baanka adduunka –maareynta maaliyada guud : 11,188,313, Baanka adduunka –taageerada qeybta ICT: 1,500,000, Baanka adduunka-SCORE: 6,025,200, Baanka adduunka-RCRF mushaharka: 39,000,000, Baanka adduunka-SOPTAP(shidaalka: 127,000, Baankiga hormarinta-Africa howlaha dhaqaalaha iyo maaliyada: 4,906,168, Qaramada midoobay-sanduuqeeda dhismaha nabada: 8773,592, United Nation mashruuca qorsheyta maalgalinta magaalada: 3,097,425, Qaramada midoobay –mashruuceeda dhaqan celinta degmada: 1,669,694, Midowga Yurub-Bileyska: 2,00,000, Midowga Yurub –Taageerada miisaaniyada: 34,600,000 Khidmadaha waa: 54,650,000 sida: Khidmadada maamulka: 2,200,000, Khidmadda dal-kugalka: 4,800,000, Khidmadda basaborka: 5,200,000, Ruqsada ganacsiga iyo warshadaha: 650,000, Ogolaanshiyaha shaqada-ajaanibta: 800,000, Khidmadda Dekeda- Alberak : 22,000,000, Khidmada garoonka diyaaradaha –Favori: 2,000,000, Khidmadda Rukhsada kaluumaysiga: 3,000,000, Khidmada haga isgaarsiinta: 2,000,00 iyo Khidmada duulimaadka hawada: 12,000,000 Qeybtan waxaa xoogga ku saareynaa qoondada hey’adaha ee miisaaniyadda 2019-ka: WADARTA MIISAANIYADA GUUD: 340.061.149, KHARASHAADKA JOOGTADA AH: 293.293.649 iyo HAY’ADAHA ADEEGA MAAMULKA: 135.204.188 Xafiiska madaxtooyada: 5,838,587, Xafiiska golaha shacabka: 5,338,481, Xafiiska aqalka sare: 14,449,312, Xafiiska Ra’iisal wasaaraha: 4,103,520, Wasaarada Arrimaha Dibadda: 5,777,630, Safaaradaha: 5,227,515, Wasaaradda Maaliyada: 8,654,585, Xisaabiyaha Guud: 1,594,345, Adeega Guud ee Dowladda : 44,434,690, Agaasinka Xurumaha Maaliyadda: 660,000, Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgalinta Dhaqaalaha: 2,673,791, Wasaaradda Arrimaha Guud iyo Federaalka : 9,780,116, Guddiga Qaxootiga iyo Barakacaayaasha :565,964, Wasaradda arrimaha Diinta iyo Awqaafta: 908,500, Wasaaradda Cadaalada :718,088, Ciidanka Asluubta : 5,777,224, Maxkamadda Sare : 952,744, Maxkamadda Gobalka Banaadir : 1,499,432, Maxkamadda Racfaanka : 270,284, Guddiga Adeedga Garsoorka: 188,792, Xeer-ilaaliyaha Guud : 1,081,488, Garyaqaanka Guud : 524,844, Hanta-dhowraha Guud : 1,786,104, Wasaaradda Gargaarka iyo Maareyta Musiibooyinka: 1,200,856, Wasaaradda Dastuurka : 1,927,848, guddiga M.Banaan ee Xuduudaha Qaranka : 644,928, Guddiga M. Banaan ee dibu Heshiisiinta: 501,132, Guddiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaranka : 3,000,000, Guddiga Madaxa Banan Ee Xuquulqul Aadanaha : 100,000, Guddiga Maxa Banaan Ee Dibu Eegista iyo Hirgalinta Dastuurka : 686,816, Guddiga Madaxa Banaan Ee Shaqaalaha Rayidka ah : 25,285.707 iyo Guddiga Madaxa Banaan Ee ladagaalanka Musuqmaasuqa : 100,000, waxaa xusid mudan guddiyadan qaarkood maba dhisna, qaarna sidii la rabay uma shaqeeyaan. HAY’ADAHA ADEEGA DIFAACA IYO AMNIGA : 110.767.024 Wasaaradda Gaashaandhiga: 2,632,780, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka: 62,193,336, Maxkamada ciidanka Xoogga: 1,456,000, Hay’ada Naafada iyo Agoonta ciidamada Qalabka sida: 115,000, Wasaaradda Amniga Qaranka: 2,007,452, Taliska Ciidanka Booliska: 25,789,856, Hay’ada Nabadsugidda Qaranka: 12,505,680 iyo Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha: 4,066,920 HAY’ADAHA ADEEGA DHAQAALAHA : 24.203.206 Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha: 1,304,927, Wasaaradda Macdanta: 929,552, Wasaaradda Beeraha: 1,558,891, Wasaaradda Xanaanada-Xoolaha-Dhirta iyo Daaqa: 1,018,348, Wasaaradda Kallumaysiga iyo khey’ Badda: 1,514,776, Hay’ada Cilmi Baadhista Badaha Soomaaliyeed: 508,164, Mashruuca Hormarinta Xeebaha iyo Kaluumeysiga: 105,976, Wasaaradda warfaafint: 4,954,856, Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta: 1,698,426, Hay’ada Isgaarsiinta Qaranka: 2,088,000, Wasaradda Howlaha guud iyo dib-u-dhiska: 1,156,072, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada: 1,907,440, Hay’ada Saadaashaiyo Duulista Hawada: 1,208,576, Wasaarada Dekedaha iyo Gaadiidka Badda : 1,232,608, Dekada Xamar: 1,021,300, Wasaarada Ganagsiga iyo Warshadaha: 1,995,304 HAY’ADAHA ADEEGGA BULSHDA: 23.119.231 Wasaaradda Caafimaadka : 7,260,440, Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare: 12,834,143, Wasaaradda isboortiga iyo dhalinyada: 1,453,540, Wasaaradda isboortiga iyo dhalinyada : 639,424, Wasaaradda Haweenka iyo Hor.Xuq. Adanaha: 931,684 MASHAARIICDA: 46.766.501 Mashruuca CIP : 7,638,433, Mashruuca SFF(MPTFand UN): 7,434,268, Mashruuca PFM: 11,188,313, Mashruuca EFG: 4,906,168, Mashruuca RCRF 2,150,000, Mashruuca Dhaqaalaha Ee Soomaliya Prg(SCORE) : 6,025,200, Mashruuca Taageerida Xasilinta (S2S) :1,699,694, Mashruuca SUIPP: 13,097,425, Mashruuca SOPTAP: 127,000 iyo Mashruuca ICT : 2,500,000 + Waxaan idiin soo wadnaa faah-faahin dheeraad iyo falanqeynno miisaaniyadda la xiriirta. Xigasho: Goobjoog News
-
Ankara has given recordings on the killing of Saudi journalist Jamal Khashoggi to Saudi Arabia, the US, Germany, France and Britain, Turkey’s president Recep Tayyip Erdoğan has said. Turkish sources have said previously that authorities have an audio recording purportedly documenting the murder. Speaking before his departure for France to attend commemorations to mark the 100th anniversary of the end of the first world war, Erdoğan said Saudi Arabia knew that Khashoggi’s killer was among a group of 15 people who arrived in Turkey the day before the journalist’s death. Khashoggi’s body has still not been found a month after his disappearance when he entered the consulate to obtain marriage papers while his fiancee, Hatice Cengiz, waited outside. The guardian Qaran News
-
Melbourne (Caasimada Online) – Booliska dalka Australia ayaa waxay faahfaahin ka bixiyeen ninkii Soomaaliga ee shalay lagu dilay magaaladda Melbourne, kadib markii uu tooreey ku dilay hal qof, kuna dhaawacay laba kale, weerarkaas oo lagu sheegay “mid argagixiso” Warbaahinta Australia waxay shaaciyeen in ninka Soomaaliga ee dilka geystay lagu magacaabi jirey Xasan Khaliif Shire Cali, oo 30 jir ahaa. Ninkaasi waxaa la sheegay inuu watay gaari dusha ka furan oo uu ka soo buuxiyey haamaha gaaska lagu kariyo cuntada, si uu weerar kale ugu fuliyo, sida ay booliska Australia ku doodeen. Boliska waxay ninkan ka toogteen laabta, kadib markii uu ayaga weerar ku qaaday xilli ay kusoo baxeen dadkii shacabka ahaa ee uu mindida ku weeraray markii hore, wuxuuna dhaawac ahaan ugu geeriyooday Isbitaalka. Xasan Khaliif oo sannadihii 1990-aadkii tegay dalkaasi waxaa la sheegay inay hay’adaha ammaanka ay isha ku hayeen, iyadoo baasaboorkiisa Australian-ka laga kansal gareeyey sannadkii 2015-kii, xilli uu u dhoofi lahaa dalka Syria, oo laga cabsi qabay inuu ku biiro koxoda Daacish Dhinaca kale, nin ay walaalo yihiin Xasan oo lagu magacaabo Cali Khaliif Shire Cali ayaa ku xiran dalka Australia, isagoo ah dacwad-suge ku eedeysan falal argagixisaimo. Qoyska Xasan ayaan wax war ah weli kasoo saaran dhacdadan cusub ee uu wiilkooda ku lug lahaa. Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka oo ay sheegtay inuu fuliyey mid ka mid ah dagaalyahanadeeda. Caasimada Online Xafiiska Melbourne Caasimada@live.com
-
Abiy: Eritrea, Ethiopia and Somalia will not have three presidents in the future “The New Horn” 10 Nov 2018 – (EP) Ethiopian Prime Minister Dr. Abiy Ahmed indicated that the Horn of Africa will have one president instead of three in a speech after the inauguration of the Tibebe Ghion Specialized Hospital in the City of Bahir Dar with Eritrean and Somalia presidents today. They also visited a university and various development projects including irrigation projects and agro-industry park in the Amhara regional state. The Ethiopian PM hasn’t specified when the region will have a “united” president other than saying “in the future”. Yesterday, Eritrean President Isaias Afwerki and Somalia’s President Mohamed Abdullahi Mohamed “Farmajo” arrived in the northern Ethiopian city of Gondar – where Isaias’s grandfather is buried – for the summit with their Ethiopian counterpart to cement the Asmara Agreement of the economic and political integration of the Horn of Africa. The Somali president told officials during a speech in Gondar that “the history of the Horn of Africa has changed”. “Now we are moving for regional collaboration in economic development in order to be sure that we fight poverty in this region,” he added. Eritrean President Isaias Afwerki and President Mohamed Abdullahi Farmajo of Somalia have concluded their visit to Ethiopia today. Source
-
SYDNEY (AP) — Australia police said Saturday a man who fatally stabbed another and injured two in what they described as an Islamic State-inspired terrorist attack in central Melbourne had also planned to set off an explosion. The attacker, Hassain Khalif Shire Ali, 30, had his passport canceled in 2015 after it was learned he planned to travel to Syria, police said. The attack occurred on Friday when Shire Ali got out of a pickup vehicle, which he then set on fire, and stabbed three men, one of whom died at the scene. The attack horrified hundreds of onlookers during the afternoon rush hour in Australia’s second-biggest city. Victoria state Police Commissioner Graham Ashton said Shire Ali, who was shot by police and died in a hospital, had also made an “unsophisticated” plan for his vehicle to explode to cause many more fatalities. He had placed several barbecue gas canisters in the back of his pickup, with the outlet valves open, but they had failed to ignite. “It looks like he’s attempted to ignite a fire in the car, we believe at this stage with a view to igniting those canisters with some sort of explosion, but that didn’t eventuate,” Ashton told reporters. Shire Ali, who moved to Australia with his family from Somalia in the 1990s, was known to police and the federal intelligence authority ASIO. He had a criminal history for cannabis use, theft and driving offences, Ashton said. Australian Federal Police Assistant Commissioner Ian McCartney told a media briefing on Saturday it was believed the attack was inspired by IS, though it was thought Shire Ali had no direct links to the organization. “It’s fair to say he was inspired. He was radicalized, with the rise of the caliphate and the propaganda that was put out on the internet. We’re not saying there was direct contact. We’re saying it was more from an inspirational perspective,” McCartney said. McCartney said the incident was a “reality check” for security agencies that “even with the fall of the (IS) caliphate … the threat continues to be real.” Prime Minister Scott Morrison said “radical, violent, extremist Islam” poses the greatest threat to Australia’s national security. “Here in Australia, we would be kidding ourselves if we did not call out the fact that the greatest threat of religious extremism in this country is the radical and dangerous ideology of extremist Islam,” he said. Morrison said he had long-standing relationships with the Muslim community and it was them who had raised with him concerns about radicalism in recent years. Shire Ali had family and associates who were also known to police. His brother Ali Khalif Shire Ali is currently on remand awaiting trial next year for allegedly planning an attack, Ashton said. The Islamic State group claimed responsibility for Friday’s attack but provided no evidence. It said the man was an Islamic State fighter and had responded to IS calls for attacks in countries that are part of the international coalition fighting the militants in Syria and Iraq. Police and civilians had tried unsuccessfully to subdue Shire Ali before he was shot in the chest by a police officer, who Ashton said only graduated from the police academy three months ago. A man aged 74, who had been stabbed in the face, died at the scene. Two other men, aged 26 and 58, are in a hospital with what police describe as non-life threatening injuries. Ashton also said police had searched two Melbourne properties on Saturday in relation to the attack, but that police did not believe there were any ongoing threats to the public. It’s the second time in four years Australia has witnessed militant violence. In December 2014, a 17-hour siege in which a gunman took 18 people hostage in a Sydney cafe ended with two hostages dead and the assailant killed by police. Though the erratic gunman demanded that police deliver him an Islamic State flag at the outset of the crisis, there was no evidence he had established contact with the militant group. However, at a later inquest, the coroner of New South Wales state said the gunman’s actions fell “within the accepted definition of terrorism.” Melbourne was also the scene of two fatal car-ramming incidents last year, but neither was linked by police to terrorism. Ashton says there is no suggestion Shire Ali was inspired by James “Dimitrious” Gargasoulas, who faced court this week on six charges of murder over the first ramming attack, in January 2017. Source: AP
-
Turkey has condemned Friday’s terrorist attack in the Somalian capital. “We strongly condemn the terrorist attacks perpetrated in Mogadishu, causing death and injury of numerous persons,” said the Foreign Ministry in a statement. Earlier Friday, two bomb-laden vehicles targeted a hotel in the city, which government officials visited frequently. Minutes later another bomb went off. “We wish God’s mercy upon those who lost their lives, a speedy recovery to the wounded and convey our condolences to the friendly and brotherly Government and people of Somalia,” the statement added. At least 10 people were killed in the incident, according to Somali authorities. Al-Shabab claimed responsibility for the attacks on its website. Source: Anadolu
-
Somaliland : Dawlada Ay Xilalkii Ugu Cuslaa Loo Magacaabey Masuulyiin Isku Hal Beel Ka Soo Jeeda Markii Ugu Horeysay Taariikh-da Somaliland waxaa isku hal beel noqdey masuulyiin sar sare oo xilal ka haya xukuumada talada dalka haysa , sidoo kale-na ay isku hal beel noqdaan madaxweynaha iyo wasiirka maaliyadu . Xukuumadan uu madaxweyne Muuse Biixi madaxweynaha ka noqdey waxaa isku beel kaliyaata noqdey masuulyiintii ugu badneyd uguna miisaanka cusleyd , kuwaas oo ku magacaaban digreetada madaxweyne Biixi iyo Digreeda madaxweynihii ka horeeyey oo aanu xilka ka qaadin , waxaana masuulyiintaas ka mid ah Madaxweynaha Somaliland Wasiirka Maaliyada Somaliland Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Taliyaha Ciidanka Dabdamiska Somaliland Wasiirka Warfaafinta Somaliland Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland Wasiirka Gadiidka Somaliland Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka Garyaqaanka Guud Ee Dalka Hanti Dhawraha Guud ee Somaliland Taliye Ku xigeenka Ciidanka Booliska Qaran News
-
Following Friday’s bomb attacks and gunfire in the Somali capital, Mogadishu, UN Chief António Guterres on Friday expressed his faith that Somalis “will not be deterred” in their pursuit of lasting peace and political stability. In a statement attributable to his Deputy Spokesman Farhan Haq, the Secretary General reiterated “the support and solidarity of the United Nations with the people and Federal Government of Somalia in this endeavor.” The Secretary General “sends his profound condolences to the families of the victims and wishes a speedy recovery to those injured,” said the statement. The UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) reported that car bombs went off near the capital’s Sahafi Hotel on Friday afternoon. The initial explosions were followed by gunfire, all believed to be orchestrated by the jihadist terrorist group, Al-Shabab. In its years-long fight against the UN and internationally-backed Government, the extremist group has been targeting places where officials and security forces are likely to frequent, such as the Sahafi Hotel. So far, authorities have reported that at least 20 people have been killed, and 17 wounded. In a Friday statement denouncing the attack, UN Deputy Special Representative for Somalia, Raisedon Zenenga, said the agency has faith the terror attacks will not taint Somalia’s progress on the road to full economic and security reform. “We join the people and the Federal Government of Somalia in condemning this act of terror in no uncertain terms – such reprehensible acts of terrorism will not in any way undermine the determination of the Somali people to pursue their state-building, economic recovery and security priorities,” she said. “The United Nations and the wider international community stand with them.” UNSOM expresses its condolences to the families of the victims of the attack and wishes a speedy recovery for the injured.
-
Muqdisho ( Sh. N. Network )-Ciidamada B ooliska Soomaaliya ayaa maanta gacanta ku dhigay Gaari looga shakiyay in ay saran yihiin walxaha qarxa. Gaarigan oo ahaa BL, gaar ahaan kan Soomaalida ay u taqaano Hoomeyda, ayaa waxaa Ciidamada amnigu duhurnimadii maanta ka qabteen Isgoyska Taleex ee M/ Muqdisho. Mid ka mid ah saraakiisha laamaha amniga oo qeyb ka ahaa howlgalka lagu qabtay Gaarigaasi ayaa Shabelle uga warramay arrintaasi. Waxaana uu xusay in la qabtay wadihii Gaariga, laguna wareejiyay Ciidanka nabad galayada Waddooyinka ee loo yaqaano Taraafikada, si loo hubiyo dukumintiyada Darawalka iyo Gaariga laga shakisanyahay. Sidoo kale sarkaalkan oo hadalka sii wata ayaa sheegay in heegan buuxa ay ku jiraan Ciidamada amniga ee DFS, si loo xaqiijiyo amniga M/ Muqdisho. Waxaana uu ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan laamaga amniga ee dowladda Soomaaliya. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli shalay qaraxyo is xig xigay ay ka dhaceen Hotel Saxafi iyo xarunta CID-da, kuwaas oo ay ku dhinteen dad rayid ahaa oo aan waxba galabsan. The post Ciidamada amniga Oo gacanta ku dhigay Gaari laga shakiyay appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa waxaa uu markii ugu horreysay uu shaaciyey sababta uu dacwada uga gudbiyey telefishanada Saab Tv Iyo Star Tv , waxaana uu sheegay in ay warar aan anshaxa saxafadeed aan ku jirin ay ka gudbiyeen jabhadda Taliye Caarre, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya rasaas lagu furay Gaari ay la socdeen dad soo duugay Meydadka qaar kamid ah dadkii ku geeriyooday Qaraxyadi lagu weeraray Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho. Dad Goobjoogayaal ah ayaa sheegay in Wadada loo galay Gaari ay saarnaayeen dad la socday Aaska dad ku geeriyooday Qaraxii shalay,waxaana ka dhashay weerarkaasi khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ugu yaraan Laba ruux ayaa ku geeriyooday kuwaas oo ahaa Laba Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda oo la socday meydka . Labada Ruux ee dhimatay ayaa ka tirsanaa Ciidamada Militariga Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana dilkaas sheegtay Kooxda Al-Shabaab sida ay baahisay Idaacadda Andalus. Meydadka la aasayey ayaa ahaa askartii Shalay Hotel Sahafi kaga dhimatay Qaraxyadii iyo is rasaaseyntii ka dhacday Hotelka, waxaana Askarta dhimatay kamid ah Taliyihii Ciidamada Hotel Sahafi Nuur Yare oo dagaal la galay Maleeshiyadii isku dayday inay gudaha u galaan Hotelka ee dhammaantood banaanka lagu toogtay. Laamaha amniga Soomaaliya weli kama hadlin dhacdadaas,mana jirto cid sheegatay mas’uuliyada gaariga lagu rasaaseeyay duleedka Magalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Shirkad lagu magacaabo Al-Nuur Oo ka ganacsata kalluunka ayaa Duleedka magaalada Hargaysa Ku Gubtay ku dhowaad saddex tan oo Kalluun ah oo lagasoo saaray xeebaha Laasqoray Ee Gobolka Sanaag. Gubidaan ayaa sabab u ahayd kadib markii maamulka Hargeysa uu diiday in kalluunkaan suuqyada loo iibgeeyo, waxayna taasi keentay inuu kalluunkii qurmo. Shirkadu waxay sheegtay in lagu haysto sababta xeebaha Punland kalluun uga keensadeen. Halkaan ka daawo. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa jawaab soo daahday ka bixiyey weerarkii aragagixiso ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, oo lagu dilay ku dhowaad 30 qof. Kheyre ayaa waxay ku qaadatay 15 saac inuu war kasoo saaro ficilkaas ay Shabaabka la beegsadeen shacabka, taasi oo dad badan ay ka carroodeen. Qoraal uu soo dhigay barta twitter ayuu ku yiri “ Waxaan tacsi u dirayaa ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxa ay argagixisadu la beegsadeen dadkeenna. Sidoo kale waxaan caafimaad u rajeynayaa dhwaacyada. Hay’adaha amniga waxaan farayaa dardargelinta fulinta qorshaha amniga caasimadda ee ku xusan Tubta Amniga iyo Caddaalada” Waxaan tacsi u dirayaa ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxa ay argagixisadu la beegsadeen dadkeenna. Sidoo kale waxaan caafimaad u rajeynayaa dhwaacyada. Hay’adaha amniga waxaan farayaa dardargelinta fulinta qorshaha amniga caasimadda ee ku xusan Tubta Amniga iyo Caddaalada. — SomaliPM (@SomaliPM) November 10, 2018 Daaha jawaabta ka sokow, ra’iisul wasaare Kheyre ayaan si shaqsiyan u ballan-qaadin inuu wax ka qabanayo weerarada noocan ah, maadaama isaga uu madax ka yahay golaha fulinta dowladda, wuxuuna taa beddelkeeda amar siiyey hay’adaha. Dadweynaha ku xiran barta twitter-ka Kheyre ayaa jawaabo kulul siiyey ra’iisul wasaaraha, oo xitaa qaarkood dalbaday inuu xilka isaga dego. Hoos ka aqriso qaar ka mid ah jawaabaha.
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kooxo hubeysan oo watay Gaari yar ayaa lagu soo warramayaa in barqanimadii maanta illaa 3 ruux ay ku dileen deegaanka Weydow ee duleedka magaalada Muqdisho. Saddexda ruux ee la dilay ayaa laba ka mid ah waxa ay ahaayeen Askar ka tirsanaa Ciidanka Milatariga Soomaaliya, halka ruuxa sadaxaad-na aan la’ogeyn waxa uu ahaa, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho Sidoo kale wararka ayaa intaasi kiu daraya in kooxihii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen dilka kadib. Dhinca ka kale warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dad kale oo isugu jiray Askar iyo shacab oo soo Aasayay Meydka ruux shalay ku geeriyooday qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho oo lagu rasaaseeyay waddada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose Gawaari ay la socdeen dadkani oo marayay aggaarka deegaanka Xaawa Cabdi ayaa la sheegay in Jidka loo galay, kadibna rasaas lagu furay. Lama oga illaa iyo hadda tirada saxda ah ee ku dhintay, kuna dhaawacamay dhadcdadaasi. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Waddada xiriirsa Muqdisho iyo Afgooye ka dhacayay falal ammaan dari oo isugu jira weeraro dhaba gal ah iyo dilal qorsheysan intaba. The post Koox hubeysan Oo askar ku dishay duleedka Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Dhallinyarada ku dhaqan magaalada Muqdisho qaarkood ayaa sheegay in uu caburiyey duqa Muqdisho kadib markii uu ammar ku bixiyey in wixii ka dambeeya 12-ka saqdhexe aan cidna lagu arki karin xeebta Liido. Ammarkii Injineer Yariisow ayaa saameyn weyn ku yeeshay ganacsigii xilliga habeena ka jiray Liido, waxaana sidoo kale halkaasi ay noqotay mid haawaneysa wixii ka dambeeya 10-ka fiidnimo. Dhallinyarada ayaa sheegay in ammarkaan uu yahay mid lagu degdegay, waxaana ay tilmaameen in xilli dambe oo magaalada lagu gaaro ay tahay mid lagu muujinayo nabadda. Halkaan hoose ka daawo: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xisbiga KULMIYE ayaa waxaa uu si adag uga jawaabey eedeymo ka soo yeedhay xoghayaha arrimaha gudaha xisbiga UCID siyaasi Ramaax Xisbiga KULMIYE ayaa waxaa uu sheegay in xukuumaddii hore ee Siilaanyo Ramaax ay xilka ku haysay marwadii Siilanyo Amina Waris oo ay sheegen in y inaabti ahayeen, Halkan Hoose Ka DAAWO Source
-
Qaraxyo xooggan ayaa shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan waxaa lagu weeraray Hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho. Qaraxyadan ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jirta dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed. Waxaa ku burburay xarumo badan oo ganacsi, iyadoo dadkii lahaa xarumahaas ay bilaabeen dib u dhis maadaama burbur xoogga soo gaarey. Halkaan hoose ka daawo: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxda Soomaaliya,Itoobiya iyo Ereteriya; Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Raysalwasaare Abiy Axmed iyo Madaxweyne Isaias Awerki ayaa 9-10 November, 2018 wadatashiyo xiriir ah ku yeeshay magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya. Saddexda dhinac waxay isla garteen in kulankoodan labaad uu astaan u yahay isbeddelka ku aaddan nabadda iyo isdhexgalka Geeska Afrika. Madaxdu waxay dib u eegeen guulihii heshiiskii Asmara ee ku saabsanaa saaxiibtinnimada iyo iskaashiga saddexda dal. Madaxdu waxay isla garteen natiijooyinka la taaban karo ee ilaa hadda la gaaray, waxayna isku raaceen inay dadaalkooda iyo garab istaaggooda isugu geeyaan xallinta caqabadaha ay si goonni ah iyo si wadajir ahba u waajahayaan. Sidaasi awgeed, madaxdu waxay adkeeyeen muhiimaadda ay leedahay in la dhawro madaxbannaanida siyaasadeed iyo dhuleed ee Soomaaliya, iyo taageeradooda xooggan ee ku aaddan dadka Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxay sidoo kale madaxdu bogaadisay horumarka ku aaddan nabadda iyo xasilloonida ee dowladda Soomaaliya. Madaxda dalalka Soomaaliya Itoobiya iyo Ereteriya waxay soo dhaweeyeen cunaqabaynta laga qaadayo Ereteriya iyaga oo xusay inay ku qanacsan yihiin in falkan caddaaladda ahi ka qayb qaadanayo sare u qaadidda nabadda, horumarka iyo iskaashiga gobolka. Waxay sidoo kale dib u sheegeen inay ka go’an tahay nabad iyo iskaashi gobolka ah oo loo dhan yahay. Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Ereteriya ayaa Raysalwasaare Abiy, shacabka iyo dowladda Itoobiya uga mahadceliyey soo dhawaynta diirran iyo martisoorka magaalada taariikhiga ah ee Bahr Dar loogu fidiyey iyaga iyo wufuuddooda, soo dhawayntaas oo ka tarjumaysa xiriirka dhaw isla markaana taariikhiga ah ee u dhexeeya saddexda waddan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Bahr Dar ( Sh. M. Network )-Madaxda Soomaaliya,Itoobiya iyo Ereteriya; Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Raysalwasaare Abiy Axmed iyo Madaxweyne Isaias Awerki ayaa 9-10 November, 2018 wadatashiyo xiriir ah ku yeeshay magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya. Saddexda dhinac waxay isla garteen in kulankoodan labaad uu astaan u yahay isbeddelka ku aaddan nabadda iyo isdhexgalka Geeska Afrika. Madaxdu waxay dib u eegeen guulihii heshiiskii Asmara ee ku saabsanaa saaxiibtinnimada iyo iskaashiga saddexda dal. Madaxdu waxay isla garteen natiijooyinka la taaban karo ee ilaa hadda la gaaray, waxayna isku raaceen inay dadaalkooda iyo garab istaaggooda isugu geeyaan xallinta caqabadaha ay si goonni ah iyo si wadajir ahba u waajahayaan. Sidaasi awgeed, madaxdu waxay adkeeyeen muhiimaadda ay leedahay in la dhawro madaxbannaanida siyaasadeed iyo dhuleed ee Soomaaliya, iyo taageeradooda xooggan ee ku aaddan dadka Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxay sidoo kale madaxdu bogaadisay horumarka ku aaddan nabadda iyo xasilloonida ee dowladda Soomaaliya. Madaxda dalalka Soomaaliya Itoobiya iyo Ereteriya waxay soo dhaweeyeen cunaqabaynta laga qaadayo Ereteriya iyaga oo xusay inay ku qanacsan yihiin in falkan caddaaladda ahi ka qayb qaadanayo sare u qaadidda nabadda, horumarka iyo iskaashiga gobolka. Waxay sidoo kale dib u sheegeen inay ka go’an tahay nabad iyo iskaashi gobolka ah oo loo dhan yahay. Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Ereteriya ayaa Raysalwasaare Abiy, shacabka iyo dowladda Itoobiya uga mahadceliyey soo dhawaynta diirran iyo martisoorka magaalada taariikhiga ah ee Bahr Dar loogu fidiyey iyaga iyo wufuuddooda, soo dhawayntaas oo ka tarjumaysa xiriirka dhaw isla markaana taariikhiga ah ee u dhexeeya saddexda waddan. The post War-murtiyeed laga soo saaray shirka Bahr Dar appeared first on Shabelle. View the full article