-
Content Count
206,925 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dr Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) MW Puntland Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa mar kale ka kadlay khilaafka u dhexeeya xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo golaha iskaashiga dowlad goboleedyada. Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in khilaafka labada dhinac uu salka ku hayo isfaham-darro ka jirta mabaa’diida laga aaminsanyahay nidaamka Federaalka iyo mas’uuliyadaha ay kala yeelanayan xukuumadda Federaalka iyo dowlad goboleedyada. “Issue-ga ugu weyn oo sida anigu aan qiyaasi karo la isku’ hayaa waxa weeye isfaham-darro ka jirta dhanka mabaa’diida laga aaminsanyahay Federaalismka oo ah dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadu awoodaha see loo qaybsanayaa? Resource see loo qaybsanayaa,dhismaha dowladnimo ee Federaalismka qofba wuxuu ka aaminsanyahay” ayuu yiri mudane Gaas. Sidoo kale madaxweynaha ayaa dowladda Federaalku ku eedeeyay,in ay mar walba ku celi-celiso in ay bixisay mushaharkii ciidamada iyo shaqaalaha dowladda ,balse taasi ay ku koobantahay magaalada Xamar oo keliyah ee uusan jirin mushahar ay siiso ciidamada iyo shaqaalaha dowlad goboleedyada. Mar la weydiiyay in dowlad goboleedyadu ay fara-marooqsanayaa awoodihii dowladda Federaalka ee arrimaha Debadda,maadaama ay heshiisyo la soo galaan dalal kale iyo shirkado kale? Ayuu sheegay in taasi uu qabo nidaamka Federaalismka,isagoo tusaale u soo qaatay in gobornatoorayaasha Maraykanku ay heshiisyo debadda ah soo galaan. Dhinaca kale wareysigan oo VOA-du la yeelatay madaxweyne Gaas ayaa lagu weydiiyay ra’yigiisa ku aaddan is-casilaaddii Shariif Xasaan iyo in la wiiqay awooddii golaha iskaashiga? Waxa uuna dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay hab musuq maasuq ah u fara-gelisay doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya,islamarkaana hantidii umadda loo isticmaalay fara-gelintaasi. Mudane Gaas wuxuu sheegay in Villa Somalia ay baraha bulshada ku qorto”musuq maasuq baan la dagaallanaa” balse sida uu sheegay muquq maasuq baahsan lagu sameeyay doorashadii Koonfur Galbeed,kadib markii xildhibaannadii maamulkaasi loo daabulay magaalada Muqdisho oo lagu laaluushay hantidii Qaranka,si ay u doortaan masharrax gaar ah. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Gaas oo ka hadlay is-casilaadi Shariif iyo Khilaafka Federaalka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxyadii maalintii jimcaha ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac dad badan oo rayid ah kasoo gaaray weerarka, masuuliyadiisa ay sheegteen Al Shabaab. Weerarka oo ku bilowday Qarax lagu dhuftay Albaabka xiga dhanka xarunta Dambi Baarista, ayaa sababay dhimashada dadka shacabka ah, balse waxaa dhibaatada ugu badan geystay gaariga Labaad ee lagu aadiyay albaabka dambe ee xiga dhanka wadada Aadan Garoonka diyaaradaha. Weerarkii shalay ayaa burburiyay dhismayaal badan oo ku yaala agagaara hotelka, waxaana durba ka bilowday halkaasi dayactir ay dadka sameynayeen. Waxyaabo badan ayaa laga bartay weerarkii seddexda qarax ee shalay kadhacay Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, waxaana ka mid ah:- 1 – Jawaab deg deg ah: Sida Deg dega ah ee loo toogtay dadkii isku dayay inay gudaha u galaan dhismaha Hotelka waxay muujisay horumar la sameeyey. Waxaa arintaan ay u muuqataa cashar horey looga bartay weeraradii kala duwanaa ee ka dhacay hoteelada magaalada Muqdisho. Weeraro badan oo ka dhacay Hoteelada magaalada Muqdisho ayaa ku bilowday weerar qarax gaari loo adeegsaday, waxaana kadib xigay rag hubeysan oo gudaha u gali jiray hoteelada, balse difaac adag oo la dhigay afaafka hotel-ka iyo ilaalada oo feejignaa ayaa sababay in la toogto kooxaha hubeysan. 2 – Dharka Ciidanka: Dareeska ay xirnaayeen kooxaha hubeysan ayaa abuuray shaki badan oo ahaa sida kooxaha hubeysan ay ku heleen dharkii ugu dambeeyay ee ciidamada amaanka ay isticmaalaan, waxaana laga bartay inay jiraan gacan seddexaad oo fududeysa helitaanka agabka dowladda. 3 – Qaraxyada xiga: Qaraxyada shalay dhacay waxaa dhibaatada ugu badan geystay labadii qarax ee u dambeeyay oo kooxaha hubeysan ay horey kaga fakareen goobta iyo goorta ay qarxeen, gaariga Labaad ayaa qaraxa koowaad kadib, waxaa ruuxii waday uu ula cararay albaabka Labaad ee Hotelka, isaga oo doonayay in halkaasi ay ku mashquulaan dadka ilaalada ah. Waxaase Gaariga seddexaad uu ahaa mid goobta lagu diyaariyay, si marka dadka isku yimaadaan loo qarxiyo, waxaana labada qarax ee dambe ay ahaayeen kuwo waxyeelada ugu badan geystay. 4 – Tacsiada Kheyre: Fariinta Tacsida ah ee uu soo dhigay Ra’iisul wasaare Kheyre Bartiisa Twitter oo shacab badan ay ka jawaabeen ayaa muujisay in dhibaatada ka dhacda Caalamka ay durba ka jawaabaan madaxda dowladda halka dhacdooyinka gudaha ka dhaca aysan u muuqan kuwa daneeya. Afhayeenka baarlamaanka ayaa kaliya tacsi ka diray weerarkii shalay, halka saraakiishii ciidamada qalabka siday seddex saac kadib weerarka ay barahooda Bulshada soo dhigeen inay ka qeyb galeen xafladda furitaanka Diyaaradda Ethiopia Airline, xitaa iyaga oo aan tacsi kasoo saarin weerarka, maadaama ay iyaga amaanka masuul ka ahaayeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dr Cabdicasiis Sheekh Yuusuf Ibraahim, oo horey ugab tirsanaa baarlamanka Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay dhisitaanka ciidanka badda oo dowladda Itoobiya ay si weyn u qorsheyneyso iminka. Itoobiya waxay wadaa dadaal ballaaran oo ku aadan sidii ay u dhisan lahayd ciidan badeed oo xoog badan awoodna u leh in badda ay ka howlgalaan gaar ahaan badda cas iyo badweynta hindiya oo u dhow. Cabdicasiis ayaa soo dhoweeyay kulanka seddex geesoodka ah ee madaxweyneyaasha Farmaajo, Afawerki iyo Raysal wasaare Abiy ay ku yeelanayaan Itoobiya, wuxuuna sheegay in dalalka deriska ah ay iska kaashadaan ganacsiga, nabadgalyada iyo arrimaha kale ee nolosha bulshada ku saleysan ay muhiim tahay balse walwal uu ka qabo ciidanka badeed. “Walwalka aan qabo waxaa weeye, in dalkeenna oo 15 Malyan lagu sheego dadkiisa ay si xoog ah oo siyaasadi ku jirto ay u qaadato Itoobiya oo 100 Malyan ah ciidan ahaan ama shacab ahaan waana sida ay hadda howsha ku socoto” ayuu yiri Dr Cabdicasiis Sheekh Yuusuf. Ugu dambeeyn, wuxuu soo jeediyay in Soomaalida ay ka feejignaato arrintaasi oo uu ku sifeeyay mid lagu degdegayo, dhowr arrimood buu u sababaynayaa. HOOS KA DHAGEYSO Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Qaraxyadii Maalintii Jimcaha ahaa lala beegsaday Hotel Sahafi ee Magaalada Muqdisho ayaa keenay cabsi cusub oo soo wajahday Hoteelada u yaalo Jidka Makka Al-Mukarama iyo Xeebta Liido. Hotelada ku yaallo xayndaabka wadada Maka Al-Mukarama ayaa lagu soo kordhiyay illaalo hor leh, taasi oo muujinaysa inay ku jiraan xaalad feejignaan dhanka ammaanka ku saabsan, maadaama ay ka cabsi qabaan inay weeraro kala kulmaan Shabaab. Wadada Maka Al-Mukarama iyo Xeebta Liido oo badi ay ku yaallaan Hotelo waqti nasiino lagu qaato oo masuuliyiinta dowladda ay tagaan, ayaa shalay lagu arkaayay ciidamo dheeraad ah oo aan aheyn kuwa dowladda, balse ah illaalada Hotelka oo la kordhiyay. Hotelada qaar ayaa durba bilaabay inay sii laba jibaaraan caro tuurka ku xayndaaban, si haddii weerar gaadiid loogu soo qaado ay u yaraato khasaaraha maaliyadeed ee ka soo gaari kara weerarkaasi. Halista ugu badan ee ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa hadda waxa ay ka jirtaa Hotelada ku yaallo Magaalada oo beegsi u noqday Al Shabaab, kadib markii Jimcihii saddex gaadiid oo qaraxyo ay ka buuxaan ay ku weerareen kaliya hal Hotel oo ku yaallo bartamaha Magaalada. Ilo wareedyo ayaa sheegaya Hotelada qaar ee aysan weerarin Al Shabaab inay bixiyaan qarash aad u badan, taasi oo u sahleysa inaysan weerar kala kulmin dhanka Ururka Al Shabaab. Ururka Al-Shabaab ayaa Hoteelada qaar ka qaadato lacag baad ah waxayna ku war geliyaan inaysan soo weerari doonin. Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa ah mid dayacan, waxaana Al-Shabaab u suurta gashay inay hal maalin seddex qarax ka fuliyaan Magaalada Muqdisho inkastoo uu fashilmay weerarkii ay ku qaadeen Hotelka kadib markii banaanka lagu toogtay dhammaan dadleydii weerarka soo qaaday. Dowladda Soomaaliya ayaa hakisay dadaaladii ay ku sugeysay Amniga Muqdisho kadib markii ay arrintaas cabasho kasoo gudbiyeen shacabka Muqdisho oo sheegay inay dhib ku qabaan baarista ay ciidamada ka sameenayeen Gudaha Magaalada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ayaa noqotay magaalo ay ka dhacaan qaraxyada ugu badan oo sababa dhimasho iyo dhaawac soo gaarta dadka la bartilmaameydsado iyo Shacab badan. Saraakiishii hore ee ciidamada Xooga dalka ayaa sheegay in Qaraxyada badan ee ka dhacaya magaalada Muqdisho inay sabab u tahay is dhigashada ay sameynayaan dadka masuulka ka ah laamaha amaanka. G/Sare Khaliif Idiris Cismaan, oo kamid ah saraakiishii hore ee ciidamada xooga dalka ayaa soo jeediyey qorshe cajiib oo ah in ammaanka Muqdisho uusan ku xirneyn gudaha magaalada, balse uu yahay banaankeeda. Waxa sheegay in amaanka magaalada Muqdisho kaliya aan laga xaqiijin karin gudaha magaalada balse loo baahan yahay in banaanka laga xaqiijiyo, oo marka hore laga xoreeyo Shabaab deegaanada Muqdisho duleedkeeda ku yaalla. Wuxuu sheegay in ciidamada amaanka waajib ka saaran yahay xaqiijinta amaanka Soomaaliya gaar ahaan difaaca dadka shacabka ah, isaga oo sheegay in kaliya ciidamada ay kusoo aruureen inay difaac noqdaan oo aysan weerar aheyn. G/ Sare Khaliif, wuxuu sheegat in muhiimada Koowaad ay tahay in su’aal la iska weydiiyo sida gaadiidka ay kusoo gaareen Isgoyska Km4 ee magaalada Muqdisho, kadibna ay soo baxeyso in qaraxyada lagu farsameeyay gudaha magaalada ama in banaanka uu ka yimid. Haddii taasi la ogaado, ayuu sheegay inay sahlanaan doonto helida xogaha kale ee la xiriira halka gaadiid lagu diyaariyo iyo sida ay kaga soo gudbaan goobaha ay joogaan ciidamada, kadibna amaanka la xaqiijin doono. Saraakiisha ciidamada iyo askarta joogto goobaha ilaalada ama halka lagu baaro gaadiidka ayuu soo jeediyay in wax badan laga weydiiyo sida gaari qarax wado kusoo dhaafo halka ay joogaan, kadibna la ogaan doono xaqiiqooyin badan. Ugu dambeyn wuxuu sheegay in loo baahan in ciidamada ay heystaan aalado casri ah oo lagu ogaan karo gaariga qaraxa wada iyo midka aanan wadin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Maanta markaan ku arkay sawirka kore bogga caasimada.com waan rumaysan waayay. Abuu Mansuur wuxuu la sawiran yahay safiirka dowladda Ingriiska u qaabilsan Soomaaliya. Sida sawirka ka muuqato, safiirka waxaa ka muuqdo cabsi wajigiisuna wax farxad ah ma saarna. Dhinaca kale, Abuu Mansuur, waxaa ka muuqdo farxad iyo dhoolla-caddayn lagu muujinayo raalli ahaansho iyo soo dhaweyn. Sawirka ayaan aad u eegay muddo, waan wayneeyay oo yareeyay, waan soo dhaweeyay oo aan fogeeyay. Waxaan isku dayay inaan akhriyo waxa sheekh Mukhtaar qosolkaan ka keenay. Waxaa i horyimid isagoo aaminsan qofki sidaasi gaal ugu qoslaa inuu murtad yahay xukunkiisuna qoor-goyn yahay. Waxaa isoo muuqday isagoo qori jeeniqaarsan oo leh “wax ka yar inaan Islaam Alaska geyno nama deeqaan”. Waxaa isoo baxay sawirkiisi isagoo qori horyaallo oo inta canug shan jir ah AK47 u dhiibay leh waa wiilkayga oo aan jihaadka u diyaariyay. Waxaa isoo baxay isagoo horkacayo caruur aan qaangaarin oo inta dagaal galiyay meydkoodi uu bannaan kaga yimid. Waxaan is iri, markuu intaas oo dhib ah gaysanayay muxuu rabay? ma kurisgaan, xukun iyo darajo iyo jako mise imaanka ayaa ka run ahaa? Haddii uu aminay inuu horay u khaldanaa muxuu uga xishoon waayay inuu wuxuu sanadka ka hor u arkayay gaalnimo uu isagu maanta u tafaxayto? Waxaa markiiba igu soo dhacay Hong Xiuquan oo ah tusaalaha ugu fiican ee aan ka baran karno sida ruux kursi doon ah aysan waxba u xirin iyo sida bulsho wayta hadba iyo jeer ay u hodaan. Hong wuxuu ku dhashay dalka Shiinaha kowdi Janaayo 1814’ki. Qoyskiisu wuxuu ahaa ree tuulo sabool ah oo beero tabcado. Hong wuxuu lasoo baxay firfircooni iyo ragganimo yaraantiisaba. Wuxuu jeclaaday waxbarashada waalidkiisna waxay u hureen waxay heli kareen oo dhan si inta wax u barto baladka u galo iyaguna gadaal oogu baxsadaan. Hadafkiisu wuxuu ahaa inuu marki uu iskoolka hoose dhammeeeyo uu ku baaso imtixaanka dowladda. Waqtigaas dhammaan shaqaalaha rayidka ah ee doonayo inay dowladda u shaqeeyaan waxaa laga qaadi jiray imtixaan aad u adag qof aan ku baasinna xil sare iyo mid hoose toona ma qaban jirin. Hong imtixaanki waa uu ku dhacay. Dhowr jeer ayuu ku noqday waase baasi waayay. Qoyskiisi waa sii wadi waayeen inay waxbarasho kusii hayaan ilaa uu ka baaso sidaa awgeed waxay ku yiraahdeen soo laabo aad beerta noo tabacdide taasoo Hong murjisay. Xariiftan ka dib meel ayuu ka helay deeq waxbarasho taasoo u suuragalisay inuu qaato shahaado uu macallin ku noqdo laakiinse imtixaanki dowladda waa uu hollin waayay. Hong qalbigiisa kama bixin inuu dalkiisa madax sare ka noqdo jid uu marana waa uu waayay. wayadaas waxaa aad u faafayay masiixiyadda oo guumaystihi ree Yurub furaha ay dadka ku qabsadaan u ahayd. Waayadaas waxaa Shiinaha gaaray wadaaddo ka socday kaniisado oo masiixiyadda faafinayay. Hong waxaa u muuqatay fursad qaali ah oo dadkiisa ku hoggaamin karo maqaam sarana uu ku gaari karo. Waxaa uu sheegtay inuu yahay NABI CIISE WALAALKI ka yar loona soo diray badbaadinta Shiinaha. Dabcan sheegashadiisa ree Yurub ma rumayn mana soo dhaweyn oo diintoodi ayay xadgudub ku ahayd laakiin malaayiin dadkiisi ah ayaa rumeeyay kaas ayuuna qasadkiisu ahaa. Hong wuxuu gobolkiisi ka yabyabtay boqortooyo uu ku hoggaamiyo dadka uu nabiga u noqday. Boqortooyadi Shiinaha ayaa arrintaas ka carootay dagaal ayaana sidaasi ku qarxay. Dagaalki maalintaas curtay wuxuu noqday dagaalki ugu dheeraa ee dhaco qarnigi 19aad. Wuxuu socday 14 sano oo xariir. Waxaa ku dhintay dad lagu qiyaaso 20 ilaa 70 milyan oo qof. Qiyaasaha qaar ayaa gaarsiiyo 100 milyan. Tiro intaas aad ooga badan ayaa ku barakacday. Dadka isaga u dirirayay waxay u dagaalamyeen faafinta diintoodi masiixiga ee cusub taasoo sida iyagu u arkayeen Nabi Ciise walaalki ula yimid isagoo noolna dhex joogo. Waxay hureen naf iyo maal waxayna goobaha dagaalka ka dhigeen wacdarooyin taariikhda galay. Laakiin isagu waa uu ogaa inuu Hong yahay oo uusan ahayn nabi iyo Ciise walaalkii toona. Hadafkiisu wuxuu ahaa inuu mansab iyo maqaam sare helo waa uuna gaaray taariikhdana waxaa loogu qoray mid ka mid ah labaatanki qof ee Shiinaha ugu saamaynta badnaa. Haa isagu waa uu gaaray hadafkiisi laakiin tobonnaanka milyan ee u dhintay maxay gaareen? ma ogaayeen hadafkiisa runta ah haddise ay ogaan lahaayeen maxay fali lahaayeen? Arrintaan Hong kuma eka ee wajigiisu waa kan dhabta ah ee ragga xukun doonka ah. Haddii imtixanki horaba uu ku baasi lahaa barasaab iyo guddomiye dagmo isagoo ku qanacsan inuu dhiman lahaa laga yaabo, ama si nabad ah ayuu ku gaari lahaa maqaam sare. Markise uu waayay sidii nabadda ahayd wuxuu isticmaalay siduu islahaa waxbaad ku heli kartaa. Inta badan dadka hoggaamiyo kacdoonnada waa un sidaas. Waxaase farxad ah in Abuu Mansuur ku hormaray xabbad wax ku dooniddi haddana uu go’aansaday inuu si nabad ah wax ku raadsado. Waxaanse ogayn haddii uu waayo meesha uu ka bus kicin doono! Taariikhu way soo noqnoqon Hong oo kalana dhammaan maayo. Waligeed koox iyo shaqsiyaad kursi doon ah oo daahirka daacad ooga ek waa jiri shacab dhaga la’ oo qayladi yeertaba u dhintana wuu jiri doona. W/Q: Ibrahim Aden Shire ishire86@gmail.com kala soco: ishire86@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda dalalka Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea ayaa markaan yeeshay xiriir wanaagsan, waxii ka dambeeyay isbadalkii ka dhashay geeska Africa oo Ethiopia ay hormuudka u aheyd. Masuuliyiinta seddexdaasi wadan ayaa kulamo looga hadlayo wanaajinta xiriirka ka dhaxeeya ku yeeshay dalalka Ethiopia, Eritrea iyo Soomaaliya oo wasiiro ay ka yimaadeen dalalkaasi. In madaxda Jabuuti ay ka maqnaadaan Shirirkaasi ayaa noqon karta Caqabad dowladda Soomaaliya ay kala kulanto heshiisyada qaar ee dhexmaraya madaxda Eritrea, Somalia iyo Ethiopia, maadaama Jabuuti xurguf ay kala dhaxeyso Eritrea. Jabuuti ayaa walaal koowaad ka dhiganeyso Dowladda Soomaaliya, waxaana horey ay kaga carootay Soomaaliya, ka hor inta aan dhedhexaadinta laga dhex bilaabin Eritrea iyo dowladda Jabuuti. Dadka Falanqeeya Siyaasadda Geeska Africa ayaa sheegaya in qalalaaso uu ka dhalan karo kulamada madaxda Seddex dal ay leeyihiin kuwaasi oo isdaba joog noqday, waxaana ka maqan dalal badan oo Bariga Africa ku yaala. Qorshaha ugu weyn ayaa ah in seddexda dowladood ay dadaal ugu jiraan in cunaqabateynta Hubka laga qaado Eritrea, waxayna taasi sii fogeyn kartaa dowladda Jabuuti oo muddo 10 sano dagaal kula jirtay Eritrea oo xuduud dhuleed ay isku heystaan. Ka maqnaanshaha dalalka Saaxiibada la ah seddexda dowladood ee shirarkooda ayaa noqon karta inay go’aano kale qaataan masuuliyiinta dalalka IGAD ay kawada tirsan yihiin seddexda dowladood. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Qoraxda iyo Dayaxuba waxey xisaabiyaan Sabanka iyo sanadaha,Habeenka iyo Maalinta ku dhaafeysaa waa Cimrigaaga aad aduunkan ku leedahay., Sidaas baa loo yiraahdaa wakhtigu waa waxa ugu qiimo badan ee uu qufku ilaaliyo,mar haduu ku seegana ma soo noqdo. Waxey aheyd Maalin Cabdiwali Maxamed Gaas aad ugu weyn xagiisa, waa maalintii ay ogolaatay in ay siiso gunno yar IOM si uu ula soo shaqeeyo Dowladii Cabdullahi yusuf. Iridaas uu ka soo galay Siyaasadda soomaaliyeed waxey dhaxal siisay in uu ku kaxeeyo Doon weyn oo aan shiraac la heyn Badweynta Hindiya. Mahatma Gandhi ayaa horey u yiri: *Qof aan mabda’a laheyn waa Doon aan shiraac laheyn* Bartamihii sanadkii 2011 ayey aheyd markii uu Shaashadaha Caalamka si fiican ugu soo wada muuqday Dr. Gaas ,Dadka soomaaliyeed oo ah dadka aduunka ugu caadifada badan, marka laga hadlayo Qabiilka waxey durba hawada isu mariyeen in uu yahay ninkii dhameystiri lahaa Mashruucii balaarnaa ee aan Maayiinta Doolar la siisan, ee ay u dhinteen dad Soomaaliyeed kaas oo uu hogaanka u hayey Maxmed Cabdullahi Farmaanjo,markuu ahaa Rasisulwaraaraha. Hadaba maxaa dhacay? Balan kabixii Dr.Gaas !! ma aheyn oo kaliye in uu dantiisa gaarka ah wato, balse wuxuu baabi’iyey Mashruucii macnaha ku fadhiyey oo ay dad badan oo soomaali ah u riyaaqeen kaas oo soo bilowday bishii 10aad ee sanadkii 2010 ilaa bishii lixaad ee sanadkii 2011, Mashruucaas oo ay dadka wax garadka ah ugu magacdareen *Rajo *,waxaa ku tuntay nin ay u cadahay haasaawaha hoteelada 5 starka Adiss ababa, Kenya,iyo waliba Dubai, waxaana u sahlay sacabkii ay u garaacayeen hogaamiyaashii aan isaga waxba dhaamin iyo shacabkii marinhaabsanaa oo la diigaalodhacayey noloshii ay gacmahooda ku kasbadeen. Aduunkan aan ku noolnahay waxa ugu qiimo badan uu qofku raadiyo waa MAGAC WANAAGSAN .ee ma aha dhaqaalo badan oo aad hesho,sumcadda iyo qiimeynta dadka ayaa halbeeg u ah hadba sida laguu soo dhaweeyo ama dadku ay kuu dhageystaan.Aqoonsiga aad rabto ee kuu furayo albaabada ,ma aha oo kaliye in aad malaayiin Doolar acounadda ay kuugu jiraan balse waa Hanashada qalbiyada baniaadamka iyo maskaxdooda, (Heart and Mind), Hogaamiyaha dhabta ahna waa kaas ku guuleysta hanashada qalbiyada. Karogoo Laba saar, Bishii koowaad ee sanadkii 2014 waxaa marlabaad shaahadaha ka soo muuqday Dr. Gaas oo ah madaxweynaha Maalmulka Puntuland, waa cajiib ! Puntuland oo la daalaadhaceysay daryeela’aan uu baday Faroole oo aan laheyn siyaasad xasiloon,horumar,kafaaiideysi khayraad iyo hoos u eegid danta guud ,ayaa waxaa Faraskii fuulay nin ku labo jibaarmay intii hore ee jirtay in le’eg ama ka badan. Wuxuu sameeyey Boqolaal fly oo mid wax soo kordhiyeyna uu san jirin, wuxuu baray shacabka reer puntuland wuxuu baday baa ka daran.inta uu xununka hayey waxaa Puntuland gacanteeda ka baxay dhul aad muhuum u ahaa oo aanan soo noqon doonin,waxaa dhacay sicir barar ilaa dadku ay gaaraan in ay hal xabo oo Qaro ah ku iibsadaan 17$,aydoo Ramadaan ah,.shaqo la’aan ,Biyo la’aan baahsan,Hantidii umadda laheyd in sidii doono loogu tagrifalo.Waxaan Marnaba la iloowi karin dhacdadii xanuunka badneyd ,ee Doorashadii 2017 ka dhaceysay Muqdishu, oo uu 4 Milyan oo Dolar ku qarashgareeyey, ayadoo Abaar ba’an ay Puntuland hayso dadkuna ay la’yihiin waxey cunaan. Heshiiskii aan laga fiirsan ee shilimaadka laga qaatay, DP WORLD ,Waxaa ku jiray qodob aad loola yaabay,oo ku tusinayo xaqiiqda dhabta ah ee Dr.Gaas,taas oo ah: **-Dalab Daganaansho Emaatka carabta ah Dubai iyo in hantida uu wato uu dhigan karo Bangiyada dubai, (perminent resident),isaga iyo qoyskiisa**. Cajaa’ib !!! Aaway umaddii gobta aheyd ee reer Puntuland . Cilmigu waa Furaha Aduunka ,waana midka ku dhaxalsiiyo ,qadarinta iyo qiimaha aad bulshada dhexdeeda ku yeedahay waase hadii uu aqligu shaqeeyo. Ma’aha cilmigu mid lagu faano oo kaliya, mana ahan mid kugu abuuro isla weyni iyo is cajabin, aan dadku kuu arkin.Oday hore ayaa yiri*Sidaad isu haysato ma’ahane waa sida ay dadku kuu haystaan* Puntuland waa dhul ilaahay ku maneystay kheyraad aan la soo koobi karin ,Ma’aha oo kaliya kheyraadkiisa badda iyo beeraha balse wuxuu lee yahay kaydka ugu balaaran ee shidaal geeska Afrika,waxaa laga helaa macdan fara badan oo aad qaali uga ah dunidan, Xeebta Garacad waxaa laga helaa Argoosatada ugu qaalisan Aduunkan oo aan laga helin caalamka intiisa kale, waxey leedahay Meelo badan oo dalxiiska ku haboon, waxey wada kulmisaa labada badood oo kala ah Indian Ocian iyo badda Cas.waa meel istaataji ah, shacabkeedu waa dad dowladnimda jecel , yaqaano qiimaha ay lee dahay Nabadda.waana dad is maqla oo leh marjic ay u noqdaan, mana gayaan in ay ilaa hadda la’yihiin qof daacad ah oo u hagar baxa kuna soo dabaalo barwaaqada ay dhex jiifaan oo ay ka faa’iideysi la ‘yihiin. Dad badan oo reer puntuland, waxey dareemayaan in ay ku jiraan Gudcur madow ,ayagoo tirinayo saacadaha u dhiman, qaarkood waxey uga badan tahay, Minid walba ee dhaafa sanado, .Mar uun na dhaaf, Wixii aad geysataa adiga ayey kugu soo noqonayaane, ayey dhamaantood hoos u lee yihiin (What is goe’s round Come’s round) Gabagabdii, wiil baa aabihiis weydiiyey su’aashan oo ah:Aabo Goormeen dhimanayaa? Aabihii baa ugu jawaabay Aabo—hee– TIME WILL TELL. W/Q: Bashir Hassan Farah bashkaxaji@hotmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muuse Biixi Madaxweyne Sannad Ku Waayay Kalsoinidi Shacabka
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT-Hargaysa) Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo sannad madaxa ka jarayaa intuu Xukunka hayay ayaa gabi ahaan kal soonidi shacabka gabi ahaanba lumiyay. In kasta oo uu ololihi ku galay inuu go’aan adag yeelan doono hadana ficilada uu qaaday intuu xilka haya ayaa noqday midba mid ku ilow, waxaanay shacabku baraha bulshada ku falaynayeen su’aasha Ugu badan oo ahayd “Yuu la tashadaa yaase la taliya “? Bilawgiiba waxay shacabka rer Somaliland qawad simay Mucaarid iyo muxaafid ka muujiyeen Xukuumaddii uu soo dhisay oo ahayd mid ka hosaysa filashadii laga nawilaayay, sidoo Kale Cadaaladda uu wax ku qaybiyay ayaa ahayd mid waali ah, oo ka kanaan ummaddu ka muujisay. Marka laysku daro Xilalka uu beeshiisa u magacaabay iyo kuwii magacawnaa ee uu daayay ayaa noqday wax aan la qaadan karin. Isku shaandhayntii uu sameeyay ayaa iyana fajac iyo dhabanahays wixii hore ilaw ah noqotay Kadib markii uu noqday Madaxweynihii Ugu horeeyay ee Wasaaradda Maaliyadana beeshiisa ugu dara dheeliga ka jiray Xilalkii hore. Geesta kale Madaxtooyada oo ahayd muraayada bulshadu ka dheehato wada lahaanshaha wuxuu ku koobay ilaa Shaqaale Hosaadkii dad ka soo jeeda jufadiisa taas oo dhalisay in siyaasad hoose (Local) ah Dalka lagu hago. Si kasta oo ay noqotayba wuxuy Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi hoos maray xitaa filashadii Dadka aan tageersanayn ka filayeen. Khadar Xasan Aadan Somalilandtoday/Hargaysa/Office contact@somalilandtoday.com Source -
Horta waxaan sii niyo u canbaareynayaa isku shaandhayntan Maanta Dr Sacad Ali Shire Maaliyadda u dhibay Isagoo Dr Sacad Cali Shire ku Guuldarraystay wasaaradda arrimaha dibedda. Shirkii Gacan Libaax aanu tix gelin. Cid kasta inuu fogeeyo mooyee soo dhaweyn gar-qaadasho Ma yaqaan ilaah Ma barin. Bal eega Heshiiskii Khaatuumo aanu dib u eegin. Hada sanad maalmo la’ laga jooga doorashadii madaxweyne Muuse Bixii Cabdi. Aqoonsii looma dudeyn deg-deg inuu ku yimaado laakiin Madaxweyne Muuse Bixii kamaynu filayn inay Somaliland furfuranto, dhawaac siyaasadeed dildilaac dalka ku yimaado kala qaybsanan. Madaxweynahu aanu weli dalka intiisa ugu deegaan balaadhan Gobolada Bari Sanaag Sool Togdheer aanu booqan. Shirarka nabadeynta aanu ka qayb gelin furin xidhin. Booqasho dibedeed hadalkeed da, Isku soo wada duubo Madaxweynaheenu Mudane, Muuse Bixii kalsoonidii shacabka tii Xisbigiisa Kulmiye iyo tii beesha calaamka lumi muddo yar siiba qabashada doorashooyinka. Weli Xisbiyada Mucaaridku awooda mucaaridnimo Sharcinimo ay u leeyihiin Xukuumada Muuse may tusin tudhallee badan shacabka dartii sumcada Somaliland ee calaamka. Bananaan bax joogto ah bilaabi karaan shacabku hogaaminayaan Xisbiyada Mucaaridku mamuus ka xayuubin Sharci Haddu Madaxweyne Muuse diido wada tashi doorasho… Iyo Talo qaadasho Bal aynu eegno tallaabsaday dambee Madaxweyne Muuse u qaaddo Gud: Ali Abdillaahi Dheeg Xisbiga Ucid Wales, UK Source
-
Magacaygu waa:maxamed bashiir xasan(Ayman) waxaan dhigtaa jaamacada burco gaar ahaan qaybta homumarinta bulshada (community development) Waxaa igu kaliifay inaan maqaalkan qore xasuustii sanadkii hore 13/NOV/2017 Maalinku wuxuu ahaa maalin allah khayrkiisa ku manaystay waxaan u diyaar garoobayaa sidii aan uga mid noqon lahaa komishanka doorashooyinka qaranka somaliland. Bishu waxay ahayd 20/October /2017 waxaan galay foomkii shaqda komishanka waxaan dhammaystiray dhammaan macluumaadkii la iga rabay. Bishu markay ahayd 02/NOV/2017 tababarka qayb tii hore kama mid ahayn ardaydii jaamcada Burco aniguse waxaan ku dhacay qaybta 2aad oo bilaabmaysay 05/NOV/2017 waxaan imi jaamacada 7:30AM tababarkuna waxa uu noobilaabmay 8:00AM waxaan helay shaqada ID CARD KII lagaga shaqaynaayey waxaan ku jirnay saddex maalmood tabarka subbaxdii ugu dambaysay dhaar ayaa naloogu dhaariyey (KITAABKA ALLAH EE QUR’AANKA) islamarkaaba waxaa nakoray culayska dhaarta. Waayo?! Qaranka waxaanu u hayndoona ayaamo xasaasi ah kana xun maalmaha madaxwaynayaashu joogaan waayo! maalmahaas waxaa la isu diyaarin doonaa doorasho qaran oo qofkasta iyo xisbikastaaba wuxuu halgan ugu jiridoonaa sidii uu u soo bixi lahaa hadaba shaqadaas ayaanu dhabarka u ridanay; allah waxa uu nuugu guuleyey horaanta shaqadadii aaanu haynay lakiinse! waxaan sugi doonaaba waa maalmaha ugu darantahay shaqadu. Waxaan subixii ugu danbeeyey ee aanu u kala baxaynay dhamman gobolada dalka ee aanu ku qornayn kadib waxaanu ka diyaar garownay jaamacada burco xilli hore 6:00AM aniga iyo dhamman ardaydii aanu kala shaqada ahayn hadana waxaan diyaar u wada ahayn cadaalad,hawl kar firfircooni iyo jabsanaan. shaqada la ii igmaday aniga waxay ahayd (XOGHAYE= GOOBTA 346-2-1-JARTA AIRPORT-1 ama masalaha hargaisa ). Allah mahadii waxaanu bilownay safarkii shaqada aniga iyo shaqaalihii kale oo u baxnay hargaisa xili duhur kii ay ahayd waxan gaarnay galabnimadii caaisamadda Somaliland . komishanka doorooshayinka qaranka ayaa nasoo dhaweeyey sifiican oo wanaagsan;iyagoo na horgalay oo nageeyey goobtii ay noogu talagaleen inaan seexanno(farah omar secondary school) mar haduu wakhtigu uu yahay habeen; aniga iyo shaqaalihii aanu wada soconay waxa aanu lakulanay wax anaan filanayn taas oo ah kala daad sanaan, habayacsanaan, ka muuqata goobta hurdada hadana u maanaan mayal taagin sababtoo oo ah?waxkastaa waxa ay ku suuroobaan sabir iyo dulqaad uu nafaraayey kitaabkii allah ee aanu ku soo dhaaranay. subaxnimadii shaqadii ayaa bilaaabmatay 10/NOV/2017 subaxaas waxaanu ka soo lugeynay aniga iyo shaqaalihii oo guclaynaaya waddooyinka caasimada 5:30am waxaanu nimi jaamacada (HARGAISA UNIVERSITY) aniga iyo shaqaalihii oo ay ka muuqato daal,boodh, iyo diifba hadana waxaan quluubtayada ka ifaayey shaqdaaanu ummadayada u hayno. Howshii ummudda aanu uhayney maaalintaas waxay ahayd maalin aanu ilaabi karin hadaaanu qorno waxaan ka qorilahayn buug. ; Waxaanu tegnay goobtii aanu ku qornayn kana shaqaynay oo ahayd masalaha ama magacaga gaarka ah ee komishanku uu labaxay oo ah (JARTA-AIRPORT-1) waxaan anigu ogaaday islamarkaana aan ku naxay inaanan wadan wax alaab ah (hu’ah) sababtoo ah shaqada kulaylkeeda iyo dedaalkeeda aan u sooo kalahay ayaan kuilaabay‘ waxa jirtay dhaxan badan mana seexan waxaan akhris bilaabay buugii doorasha 12:43PM kuna soo jeeday akhriskiisa. Shacab jecel nabada iyo wada noolaanshaha sifiican ayey noola shaqeeyeen intii aan ku jirnay shaqada waxaa soogalay masuul sare oo xil ka haya xukuumadii gogosheeda ka duubanaysay xukunka ; isagoo sameyey arin khaladan liddina ku ah shacabkii masaakiinta ahaa; intuu soo dhexjiiray kuna yidhi anigu waxaaan ahay komishineer kaadh been abuur ahna tusay(kaadhkaasoo ahaa kii uu kaga shaqaynjiray shaqadiisa) kadibna shacabkii runbay ka moodeen sidaa sileegna waxa uu ku yidhi ciidankii goobta joogay ‘anigu waxaa ahay kormeere caalimi ah kadib way soo daayeen gudaha ayuu nuugu soo galay wuxuuna nugu yidhi ii baadha isagoon fadhiisan kadib waaxaan ugu jawaabnay markaanu ogaanay inuu yahay mid soo jiidhay qawaaniinta isagoo masuul sare ah hadana jabinaaya qaynuunka caalimiga ah masaakiintana aanu u tudhayn: hadalkii na dhex maray; Heedadowgii xilka sare hayey wuxuu yidhi: Aar yaahee iga baadh buugga? Aniga oo xoghayihii ah ayaa ugu jawaabay: Adeer fadhiiso waad aragtaa dadkan daciifka ah ee noo fadhiya Heedadowgii xilka sare hayey wuxuu yidhi: Waa yeelkoodee adeer ii baadh?! Aniga oo xoghayihii ah ayaa ugu jawaabay: Baadhimaayo xeerkii meesha iyo kala danbaytiisii ayaad jabinaysaa waayo waxa anaga naloodhaariyey xil culus kadibna waxaan ku idhi gudoomiyihii goobta lahadal kadib wuxuu gudoomiyahii ugu jaawabay: adeer labo mid samee waata kowaad ee kabax gooobta kadibna laynka dabada kasoo qabso waata labaad ee dadwaynaha faraha badan soo waydiiso in aad danleedaay kadibna wuu baxay wuxuu yidhi waayahay waa uuna waydiistay wayna ka aqbaleen waayo waa masuul hadana sharaf sheeganaaya hadana jabinaaya xeerkasta; ‘allah haynoo soo hadeeyo masuuliyeenteena’ Allah mahadii waxaa noo soo dhammaatay doorashadii 6:00PM makhribnimo. Waxaanu bilownay tirintii codbixiyayaasha 6:30PM waxayna noosoo dhamaystirantay 11:24PM telephone ayaanu u dirnay xarunta qaybtayada laga maamulo ee (KDQ) dabina waxay noo soo direen gaadhi bas ah waana aanu raacnay waxaan tagnay goobta la isugu keenaayo degmooyinka hargaisa dhammantooda halkaasna waxaa ku diyaar ah shaqaale loo igmaday inay goobkasta qalabkooda laga tiriyo waxaanu sidoo kale isku aragnay gudoomiyaha (KDQ) (ABDIQADIR IIMAN) waaxanu u sheegnay inaanu si quruxbadan nuugu soo dhammaatay allah mahadii Gubaabadii waxaan usheegayaa ummada Somaliland utilmaamaya inay doorashadii inasoo dhaaftay si quruxbadan ay inuugu dhacday wax yar yar oo dhacay mooye bani aadamkana danbigu waa uu kadhacaa Allah haynaga dhaafo danbigeena (AMIIN) Halhaystaydu waa: Ka tallaabso seeraha, dhanka libinta soo aad QORE:Mohamed basher Hassan(AYMAN) Tell:063-6483645/065-9345261 Email: mobashiir23@gmail.com Source
-
Ugu horeyn waxaan salaamayaa ummada reer somaliland guud ahaan. Ka dib waxaan la wada soconaa xukumadii uu dhisay madaxweynaha somaliland ee muuse biixi cabdi anigu waxaan ka mid ahaa taageerayaashii madaxweynaha balse ilaa iyo intii uu dhisay golahan wasiirada anigu aad iyo aad ayaan u saluugsanaa. Sababtoo ah dadka uu u xushay mansabyadu inta badan maahan dad u qalma wasiirada sida weyn u dhaawacey xukumadiisa ee bulshada dhexdeeda ku fashilmey ee maanta la eegaaye in uu isbadal ku sameyo waxaa ka mid ahaa. 1 wasiirka warfaafinta fashil dir=”auto” style=”text-align: justify;”> 2 wasiirkan arrimaha dibada ooy aheyd in uu dibada ka dhigo xukumada maadaama uu in badan wasiir ahaa 3 wasiirka arrimaha gudaha oo ku fashilmay siyaasadii arrimaha gudaha Mareeyaha duulista hawada oo xilkaasi ku fashilmay 4 gudoomiyaha kaydka raashinka oon xilkaasi sinaba istaahil ugu aheyn 5 wasiirkan tacliinta eed hadana u badashey arrimaha dibada waxaa saaran calaamatul suaal? Waxa uu soo kordhin doono. Hadaba anigoo in badan taageersanaa siyaasadaad waxaan maanta kuu arkaa in aad guud ahaanba faashil ku tahey siyaasada dalka waxan kuu soo jeedinayaa hadaanad siyaasadan badalin in aad iska casisho xilkan ood ku baaqdo doorashooyin degdeg ah ood waliba. Furto xisbiyo cusub. Qore: Tahir hussein ETHIOPA -ADDIS ABABA. geesiga244@gmail.com Source
-
Waxa Badanaa Muwaadinka U Muuqda Musuqa Ishu Qaban Karto Sida Dhul Dawladi Leedahay Oo Ganacsade Ku Iibsaday Lacag Yar Ama Kaalin Shidaal Oo Dawladu Leedahay Oo Dad Gaar Ahi Ku Ganacsadaan Ama Ganacsade Cashuur Dhaaf Loo Sameeyay Oo Intuba Wareegtooyin Madaxweyne Ku Soo Baxaan, Waxa Jira Awoodo “POWER” Si Qarsoon Oo Lagu Adeegsan Karo Iyadoon Miisaaniyadaha Dawlada Gelin Tusaale Musuqa Maaliyadeed Sida Lacag Looga Dhaliyo Awoodaha 1-Qandaraas Shirkado Caalamiyi U Tartami Lahaayeen Oo Hal Shirkad Si Gaar Ah Loogu Eexdo “Maalgashi Shisheeye” Shirkadaasi Waxay Bixisaa Lacag Dheeraad Ah Oo Ku Jirin Xaqal Qalinku Iyo Waxa Ku Dhacaaya Miisaaniyadda Dalka !!! 2-Shirkad Ganacsi Oo Weyn Oo Ku Waajibtay Inay Bixiso 35% Cashuur ah, Waxaanay Bixisaa 7.5% Damaca Shirkadaasi Waa In Aan Kor Loo Qaadin Cashuurtaa Sidaa Awgeed Waxay Bixisaa Lacag Gaar Ah Oo Loo Geeyo Cida Awoodaha Gacanta Ku Haysa 3-Liisan Ogalaanshe Oo Hore Loogu Diiday Shakhsi Oo Saxeex Keliya Ay Ka Xigto, Ganacsadahaasi Wuxu Ku Bixinayaa Lacago Aan Gelin Miisaaniyadda 4-Lacago Lasoo Geliyo Ganacsi Aad U Jaban Oo Hore U Iibsama Si Loo Helo Dollar Dibada Loo Saaro Waa Lacag La Maydhaayo “Money Laundry” Ganacsaduha Iyo Dawlada, Shicibka iyo Weliba Madaxdu Wey Ka Faa,iidaan Intuba …. Waa Lacago Xaaraan ah 5- Waxa Jira Ganacsi Laga Dhoofiyo Dalka Oo Khasaare ah Hadana La Wado, Waxa Lagu Qarinayaa Ganacsi Makaasib Xoog Leh Lagu Qabo Waxay Bixisaa Shirkadaasi Lacago Gaar ah Adeegsiga Awoodaha Dawladnimo Kuma Koobna Waxay Ishu Qaban Karto Ee Dadku Ka Mudaaharaadaan Waxa Se Ka Awood Badan Ka Qarsoon Ama Toos Aan U Socon Waxan Oo Dhami Waxay Kala Socod Siiyaan Ololaha Siyaasadeed Ee Xisbiyada Ka Dhaxeeya, Dhabarkana Waxay Ku Hayaan REERO Diyaar U Ah Kacdoon Joogta Ah Madaxweynaha HADII uu Sixi Karo In Miisaaniyada Dalka Ku Soo Xareeyo Lacagahaa Hadii Kale Denbi Kuma Laha Maxamed Xoosh mxoosh09@gmail.com Source
-
(SLT-Muqdisho)1-dii November, 2018 waxaa garoonka diyaaradaha Garowe ka degtay diyaarad magaalada Muqdisho ka soo qaaday gaadhi nooca aan xabadu karin ee Bulletproof-ka loo yaqaano, kaas oo loo watay Maxamuud Khaliif Xasan Jabiye oo kamid ah musharaxiinta Puntland 2019. Hadal hayn badan ayaa ka dhalatay gaarigaas, iyadoo dadka qaar ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay ku taageertay musharaxa, balse musharaxa Jabiye oo wareysi gaara siiyay Deperani Media ayaa sheegay in gaariga uu ka soo gatay dalka Mareykanka, uuna haysto cadeymo, inkastoo aan cadeymahaas la soo bandhigin. Hadaba maxaa ka jira sheegashada musharaxa ee ah in uu gaarigaas ka soo gatay dalka Mareykanka iyo eedeynta ah in dowladda federaalku siisay? Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helay Villa Somalia ayaa sheegaya in gaadhigaas dowladda Soomaaliya siisay musharax Jabiye, uuna kamid ahaa gaadiid noocaas ah oo ilaa 2014, yiilay Madaxtooyada, labo kamid ah gaadiidkaas waxaa dhawaan laga dejiayay Baydhabo, halka midna laga dejiyay Garowe. Cadaymaha kale ee loo hayo arrintan ayaa ah in 5 June 2014 dowladda Imaaraadka Carabta 11 gaadhi ah nooca aan xabada karin ugu deeqday madaxda dowlada federaalka Soomaaliya, sawiradii xiligaas la soo bandhigay waxaa ka muuqda isu ekaansho ah labada gaari ee Baydhabo laga dejiayay iyo midka Garowe laga dejiyay. Dhanka kale marka la eego sheegashada musharax Jabiye ee ah in uu gaarigaas ka soo gatay dalka Mareykanka, waxay ka hor-imanaysaa xeerar caalami ah oo uu kamid yahay qaraarkii (Resolution 733) ee bishii January ee sanadkii 1992-dii Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ku soo rogtay dalka Soomaaliya, taas oo ahayd cunaqabateyn dhanka hubka ah, waxaana la ogyahay in gaadiidka aan xabadu karin ee Bulletproof-ka uu kamid yahay hubka cunaqabateyn laga saaray Soomaaliya. Sidaan ognahay cidii u baahata gaadiidka noocaan ah in ay Soomaaliya keento, waxay martaa geedi socod aan u dheer oo ay kamid tahay in Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya ay ka haysato ogolaansho, inta badan waxaa loo ogalaadaa hay’adda caalamaid ah ee ka howlgala Soomaaliya, waana adag tahay amaba ma dhicin in qof shacab ah ogolaansho la siiyo. Dowladda Soomaaliya xaq ayay u leedahay in ay dadka qaar u garato gaadhi noocaan ah, iyadoo u eegeysa duruufo amni ee qofkaas, balse maaahan in xaqiiqada laga fogaado oo shacbaka been loo sheego. Source
-
(SLT-Nairobi)Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay AMISOM inteeda kale uga dambeyn doonaan Soomaaliya marka la gaaro 2020ka. Mr Uhuru oo ka hadlayay munaasibad ay gaaddo ka cayaar ku soo bandhigayeen Ciidan cusub oo ay dowladda Kenya qoratay ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay dooneyso in Ciidanka AMISOM aysan ka bixin Soomaaliya 2020ka. Waxaa uu sheegay in haddii AMISOM ay ku adkeysato qorshaheeda ka bixidda AMISOM ee Soomaaliya ay dowladda Kenya baaqi sii ahaaneyso inta ay Soomaaliya ka xasileyso. ‘Kenya waxaa ay dooneysaa in qorshaha dib loo dhigo,haddii ay dhiciweyso isma dhiibeyno , ilaa dalkeenna, deriskeenna iyo Gobolkeenna uu nabad iyo xasillooni ka hela waan sii wadeynaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada’ ayuu yidhi Mr Kenyatta oo Ciidanka cusub kula hadlay xero Milatari oo ku taalla Eldoret. Kenya waxaa ay Mushaarka Ciidankeeda Soomaaliya ka heshaa Qaramada Midoobey,waxaana mushaarkooda lawada bixinayaa Bisha july ee sanadka soo socda. Inkasta oo sida dowladda Kenya sheegtay Magdhowga Askarta uga wax yeellowda dagaalka Soomaaliya la dhimayo labada sano ee soo socota haddana Kenya waxaa ay door bideysaa in ay sii joogto Soomaaliya. Askarta AMISOM ayaa Bishii Mushaar ahaan u qaata $1,028,waxaana askarta toos koontadooda ugu dhacda $800 oo dollar halka inta kale dowladaha ku jira AMISOM sheegeen in miisaaniyadda dowladda lagu daro. Source
-
Leaked - Eritrea, Ethiopia and Somalia will not have three presidents in the future Eritrea Press - "The New Horn" - 10 Nov 2018 – (EP) Ethiopian Prime Minister Dr. Abiy Ahmed indicated that the Horn of Africa will have one president instead of three in a speech after the inauguration of the Tibebe Ghion Specialized Hospital in the City of Bahir Dar with Eritrean and Somalia presidents today. Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacadda Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Bar____Qubanaha-Wararka-Shabeelle-10112018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu kaga soo qeyb galay magaalada Bahra Daar ee dalka Itoobiya shir ku saabsan xoojinta heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya. Shirkan oo ahaa kii labaad ee wada jir ay u yeelanayaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Dhiggiisa Dalka Ereteriya Mudane Asias Afwerki iyo Raiisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed, ayaa waxa ay isku raaceen in ay dadaalkooda iyo garab istaaggooda isugu geeyaan xallinta caqabadaha guud iyo kuwa gaarka ah ee ay wajahayaan dalalkan saddexda ah. Warmurtiyeedka wadajirka ah ayaa lagu adkeeyay muhiimaadda ay leedahay in la dhawro madaxbannaanida siyaasadeed iyo dhuleed ee Soomaaliya iyo taageeradooda xooggan ee ku aaddan dadka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxda dalalka Itoobiya iyo Ereteriya ayaa ku bogaadiyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo guulaha la taaban karo ee Dowladda Soomaaliya ay ka sameysay dhinacyada horumarka iyo xasilloonida. Madaxweynayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Raiisal Wasaare Abiy Axmed, shacabka iyo Dowladda Itoobiya soo dhawaynta diirran iyo martisoorka ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, soo dhawayntaas oo ka tarjumaysa xiriirka dhaw ee ka dhaxeeya labada dal. Wajiga saddexaad ee shirka iskaashiga saddex geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya ayaa la qorsheeyey in uu ku qabsoomo magaala Muqdisho. The post Madaxwayne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed ayaa ka sheegay magaalada Baahir Dar ee dalka Ethiopia in dalalka Bariga Africa ay yeelan doonaan hal madaxweyne halkii ay ka lahaan lahaayeen seddex madaxweyne, sida lagu daabacay warbaahinta Eritrean Press [EP]. Dr Abiy Axmed, ayaa hadalkaan ka sheegay xafladda daahfurka Tibebe Ghion Specialized Hospital ee magaalada Baahir Dar, iyada oo ay hareer taagnaayeen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea. Ra’isul wasaare Abiy Axmed wax faahfaahin ah kama uusan bixin goorta la mideynayo seddexda dal, Laakiin hadalkiisa ayaa u muuqday mid uu kaga hadlayay sida mustaqbalka ay qorsheynayaan. Dhinaca kale Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka hadlayey magaalada Gondar ayaa laga soo xigtay inuu dhahay” Waxaa isbadalay taariikhda geeska Afrika”, sida uu daabacay wargeyska. “Waxaan u soconnaa iskaashi gobol oo horumarka xagga dhaqaalaha ah, si loo hubiyo in aanu la dagaalno faqriga gobolka” ayuu Farmaajo raaciyey. Jimcihii ayey saddexdan mas’uul tageen Magaalada Gondar, Gobolka Baxar-daa, oo ah goobta uu ku aasan yahay awoowaha Isaisas. Shirkan oo maanta soo gebo-gaboobey, waxaa uu daba-socday heshiiskii Asmara ee ku saabsanaa saaxiibtinnimada iyo iskaashiga saddexda dal, waxaana lagu wadaa in shirka xiga lagu qabto Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qayb galay qalin-jebinta Jaamacdda ALPHA qaybta digree ga labaad ee Master-ta. xafladani oo si weyn looga soo qayb galay ayaa waxa halkaasi ardayda hadalo dhiiri gelina uga jeediyay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland. Gudoomiyaha Jaamacadda ALPHA ayaa sheegay in ardayda qalin-jebisay ay ka kooban tahay 50 arday, islamarkaana dadaal dheer soo sameeyay mudadii ay jaamacadda wadeen. Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo halkaasi ardayda qalin-jebisay uga jeediyay khudbad ayaa kula dar-daarmay ardayda inay dalkooda iyo dadkoodaba ugu adeegaan cilmiga ay barteen. Gebogebadii waxa halkaasi ardayda lagu gudoon siiyay shahaadooyin iyo abaal-marino kale Source
-
Muqdisho ( Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-101118.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya David Concar ayaa magaalada Baydhabo kula kulmay musharixiinta Koofur Galbeed ee u taagan qabashada xilka madaxweynaha Koofur Galbeed. Musharixiinta ayaa safiirka u gudbiyay walaaca ay ka qabaan doorashada Koofur Galbeed, waxaana dhankiisa uu kala hadlay sida ugu wanaagsan ee ay ku dhici karto doorasho xor ah oo Musharixiinta ay ku wada qanacsan yihiin. Mukhtaar Roobow ayaa kamid ah musharixiinta kasoo muuqday kulanka dhexmaray Safiirka UK ee Soomaaliya iyo musharixiinta Koonfur Galbeed, waxaana kulanka maanta uu ka dhacay xarunta QM ee magaalada Baydhao. 7 Maalin ayaa ka harsan waqtiga loo balansanaa inay doorasho kaga dhacdo magaalada Baydhabo, waxaana doorashada sanadkaan ka qeyb galeynin Shariif Xasan Sheikh Aadan oo iska casilay xilka madaxweynaha kana tanaasulay Musharaxnimadiisa. Musharixiinta ayaa doonaya in dib loo dhigo doorashada, laakiin dowladda ayaa dooneysa inay waqtigeeda ku dhacdo doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed. Safiirka UK ee Musharixiinta la kulmay ayaa kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan sidii si nabad galyo leh doorashadaasi u dhici laheyd. 1998 Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Ankara)-Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay codad duuban oo caddey u ah dilka Khaashuqji loo geystay inuu la wadaagay Mareykanka, Ingiriiska, Sacuudiga iyo Waddama kale. Madaxweynah Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa markale ku celiyey hadalkii ahaa Sacuudi Carabiya iney ogtahay cidda dishay Jamaal Kaashuqji. Khaashuqji oo ahaa qoraa si weyn u dhaleeceeya hoggaanka sare ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaa 2-dii October lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Sacuudiga ayaa waxuu aqbalay in qunsuliyaddiisa lagu dhex dilay Khaashuqji, balse waxay diidday dilkiisa iney ku lug leedahay boqortooyada. Riyadh waxay horay u sheegtay isaga oo nabad qaba inuu qunsuliyadda uu ka daneystay uuna ka baxay inkasta oo ay marki dambe qiratay. Sacuudiga ayaa wuxuu sida oo kale uu ka gaabsaday inuu ka hadlo hadalki ka soo yeeray dhaxalsugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Amiir Maxammed Bin Salmaan ee ahaa Khaashuqji inuu ahaa muslin xag jir ah. Lahaanshaha sawirkaPAImage captionKhaashuqji wuxuu ahaa nin wax ku qora wargeyska Washington Post Dilka Jamaal Khaashuqji: arrimihii ugu waaweynaa ee dhacay 2 Oktoobar Saacaddu markii ay ahayd 03:28: Diyaarad khaas ah oo sidday dad lagu tuhunsan yahay iney ahaayeen mukhaabaraadka Sucuudiga ayaa tagtay garoonka magaalada Istambul. Diyaarad labaad ayaa halkaas gaartay goor dambe oo galabti ah. Saacaddu markii ay ahayd 12:13: gawaari dhowr ah oo ay leeyihiin Dublomaasiyiin ayaa muuqaallo laga soo duubay iyagoo tagaya xarunta qunsuliyadda, waxaana la aaminsanyahay iney sideen qaar ka mid ah xubnaha mukhaabaraadka Saacaddu markii ay ahayd 13:14: Mr Khaashuqji ayaa gudaha u galay xarunta Qunsuliyadda, halkaasoo uu ka doontay warqado sharci oo fududeynaya guurkiisa Saacaddu markii ay ahayd 15:08: Gawaari ayaa ka baxday Qunsuliyadda waxaana muuqaallo laga duubay iyagoo tagaya dhismaha deegaanka ah ee uu dagganyahay qunsulka, kaasoo u dhow qusuliyadda Saacaddu markii ay ahayd 21:00: labadii diyaaradood ee khaaska ahaaba way ka tageen dalka Turkiga 3 Oktoobar – Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday in la waayay Mr Khaashuqji, oo loo maleynayay inuu ku jiro qunsuliyadda gudaheeda 4 Oktoobar – Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay inuu ka baxay safaaradda 7 Oktoobar – Saraakiisha Turkiga ayaa BBC-da u sheegay iney aaminsanyihiin in Mr Khaashuqji lagu dilay Qunsuliyadda gudaheeda. Arrintan waxaa markii dambe si adag u beeniyay mas’uuliyiinta Sucuudiga Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionJamaal Khaashoqji 13 Oktoobar – Saraakiisha Turkiga ayaa laanta afcarabiga ee BBC-da u sheegay iney hayaan caddeymo codad iyo muuqaallo ah oo muujinaya dilka suxufigaas. Jiritaanka codadkaas iyo muuqaalladaas waxaa horay u sii shaaciyay warbaahinta maxalliga ah 15 iyo 17-18 Oktoobar – Baareyaasha dalka Turkiga ayaa ku mashquulsanaa baaritaanno ay ku sameynayeen xarunta qunsuliyadda 19 October – Telefishinka Dowladda Sucuudiga ayaa soo tabiyay in baaritaanno hordhac ah oo la sameeyay ay muujiyeen in Jamaal Khaashuqji uu ku dhintay gudaha qunsuliyadda. In labo sarkaal oo sar sare laga eryay shaqada islamarkaana boqor Salmaan uu ku dhawaaqay in la sameeyo guddi heer wasiirro ah oo dib u habeyn ku sameeya waaxda sirdoonka. 20 October – Saraakiisha Turkiga ayaa wacad ku maray iney shaaca ka qaadi doonaan caddeymo ku saabsan dilka 21 October – Wasiirka arrimaha dibadda ee Sucuudiga ayaa warbaahinta Fox News u sheegay in arrintu ay ahayd “howlgal khaldamay” wuxuuna beeniyay in amarka “dilka” uu bixiyay dhaxal sugaha boqortooyada Maxay dowladda Sucuudiga sameysay ilaa hadda? Waxay sheegeen in ay xireen 18 ruux, shaqadana ka eryeen labo sarkaal oo ka mid ahaa dadka u dhow Maxamed Bin Salmaan. Sidoo kale waxaa la dhisay guddi dhaxal sugaha ka hoos shaqeynaya oo dib u habeyn ku sameynaya maamulka waaxda sirdoonka ee dalka Sacuudiga. Boqor Salmaan iyo amiir Maxamed ayaa labaduba waxay taleefan ka waceen wiilka uu dhalay Jamaal Khaashuqji oo lagu magacaabo Salah, waxayna uga tacsiyeeyeen geerida aabihiis. Lahaanshaha sawirkaEPAImage captionBoqor Salmaan iyo Amiir Maxamed oo la kulmay Saalax bin Jamaal Khaashuqji Saalax Khashoqji ayaa daggan dalka Sucuudiga waxaana jariidadda Wall Street Journal ay sheegtay in horay looga mamnuucay ka bixitaanka waddanka, si uusan u soo booqanin aabihiis oo baxsad ku tagay dalka Mareykanka. Dhinaca kale, haweeneydii uu damacsanaa Khaashuqji inuu guursado, Hatice Cengiz, oo u dhalatay Turkiga isla markaana ahayd qofkii ugu horreeyay ee soo tabiya maqnaanshihiisa ka dib markii ay dhowr saacadood sugeysay, ayaa loo sameeyay ciidamo boolis ah oo 24 saacadood ilaaliya, sida ay soo tabisay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu. Hatice Cengiz: “xitaa isma macasalaameyn” Sidey dunidu uga fal celisay dhacdadan? Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo Sabtidii wareysi siiyay wargeyska Washington Post ayaa sheegay in been badan ay ku jirto sharraxaadda Sucuudiga. Trump ayaa xoojiyay suurtagalnimada in cunaqabateyn lagu soo rogo Sacuudiga. Hase ahaatee joojinta qandaraaska hubka ayuu ku tilmaamay “mid mareykanka gaarsiineysa qasaare ka badan midka ay gaarsiineyso Sucuudiga”. Dalalka Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa si wadajir ah u soo saaray bayaan ay ku muujinayaan naxdinta ay ka qaadeen dhimashada waxayna codsadeen in sharraxaad buuxda la siiyo. Hase ahaatee dalal dhowr ah oo Sacuudiga ay xulafo yihiin ayaa taageero u muujiyay boqortooyada khaliijka. Dowladda Kuwait ayaa boqor Salmaan ku ammaantay sida uu ula tacaalay kiiskan, halka dowladaha Masar, Baxreyn iyo Imaaraadka Carabta ay iyaguna sidaas oo kale u garab istaageen Sucuudiga. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in “run qaawan” uu shaaca uga qaadi doono khudbad uu maalinta Salaasada ah ka jeedin doono baarlamaanka. Xaggeey baadhitaannadu hadda marayaan ? Inkastoo ay dowladda Turkiga xoogaa hakisay eedeyntii tooska ahayd ee ay dilka ugu jeedineysay Sucuudiga, haddana baareyaasha ayaa sheegay iney hayaan cadeyn maqal iyo muuqaal ah oo la xiriirta in dilka Khaashuqji ay qunsuliyadda dhexdeeda ku fuliyeen koox Sucuudi ah oo loogu tala galay iney dilalka fuliyaan. Booliska ayaa baaritaan ka sameeyay keymaha u dhow goobtaas ee magaalada Istambul, waxayna aaminsanyihiin in meydkiisa lagu tuuray aagaas ayna heli doonaan “mar aan dheereyn”. Dhismeyaasha qunsuliyadda iyo hoyga qunsulka ayaa labadaba baaritaanno lagu sameeyay. Dacwad oogeyaasha Turkiga ayaa su’aalo weydiinayay shaqaalaha maxalliga ah ee Qunsuliyadda. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa Axadii ku warrantay in sarkaal Sacuudi ah uu u sheegay in Khaashuqji la dilay ka dib markii uu diiday isku day lagu doonayay in dib loogu celiyo dalkiisa. Meydkiisa oo la burburiyay ayaa markaas ka dib loo dhiibay shirkad maxalli ah oo la shaqeysa qunsuliyadda, si loo tuuro. Sarkaal Suciidi ah ayaa xirtay dharkii Khaashuqji wuxuuna ka baxay albaabka dambe ee Qunsuliyadda. Source