-
Content Count
206,953 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Melbourne (Caasimada Online) – Booliska Dalka Australia ayaa sheegay in Xasan Khaliif Shire oo ahaa Soomaali saddex qof ku middiyeey magaalada Melbourne uu damacsanaa weerar kaas kasii halis badan oo ah inuu is-qarxiyo. Baaritaan ay booliska sameeyeen ayey shalay ku shaaciyeen magaca Ninkan Soomaaliga ah, kaas oo ay sheegeen in uu xiriir la lahaa Ururka Daacish ee Syria. Daacish ayaa waxyar kadib weerarkii uu geystay soo saartay qoraal ay ku sheegatay mas’uuliyadda. Saraakiisha baaritaanka waday ayaa sheegay in Xasan 2015-kii laga nasakhay baasaboorkiisa, markii looga shakiyay in uu damacsanaa in uu ku aado dalka Syria, si uu halkaas uga dagaalamo. Xilligaas wixii ka dambeeyay Booliska ayaa Ninkan dabagal ku hayay, waxaana uu Jimcihii la soo dhaafay middi ku dhuftay seddex qof oo uu afduub ku qabsaday, kuwaas oo uu midkood dhintay. Ninkan ayey Boolisku sheegeen in weerarkaas kaddib qorshihiisu ahaa in uu is qarxiyo markii uu dadka laayay kaddib laakiin dhaawac soo gaaray uu Isbitaalka ugu geeriyooday. Wuxuu watay baabuur ay ka buuxaan haamaha gaaska guryaha, si uu u qarxiyo. Ururka Daacish ayaa bartooda Internetka ku sheegtay in Xasan Khaliif Shire uu ka tirsanaa iyagam, islamarkaana weerarkaas iyaga u fuliyay,waxaase aysan soo bandhigin caddeyn muujineysa in uu ka tirsanaa. Caasimada Online Xafiiska Melbourne Caasimada@live.com
-
Laascaanood ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in maleeshiyaad hubeysan ay maanta weerareen wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somalilanad Maxamed Kaahin oo ku sii jeeday deegaanka Dhumay ee gobolkaasi. Wasiir Kaahin ayaa l sheegay in uu u socday ka qaybgalka kulamo nabadeed oo deegaankaasi ay ka wadaan Waxagarad ka kala yimid Somaliland, Puntland iyo dowlad deegaanka Soomaalida ee Ethiopia. Illaa iyo hadda lama oga cida waxa ay yihiin maleeshiyaadka hubeysan ee weeraray wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin. Xariiro aan la sameynay maamulka gobolka Sool ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan weerarkaasi. Balse waxaa haatan socda baaritaano dheeraad ah oo ay wadaan Ciidamada S/land oo lagu baadi goobayo Raggii ka dambeeyay dhacdadaasi. Muddooyinkii dambe waxaa gobolka Sool ka jiray xiisado u dhexeeyay maamullada Somaliland iyo Puntland. The post Wasiirka arrimaha gudaha S/land Oo lagu weeraray Sool appeared first on Shabelle. View the full article
-
Cadaado ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaaro geystay oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Dagaalkan oo haa mid xoogan ayaa waxa uu u dhexeeyay laba Maleeshiyo Beeleed oo wada daga deegaano hoosta degmada Balanbale ee gobolkaasi. Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay dagaalkan, halka ay ku dhaawacmeen 8 kale oo badnaa dhinacyadii ku dagaalamay halkaasi. Lama oga illaa oga illaa iyo hadda waxa uu salka ku hayo dagaalkaasi, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay madaxda Galmudug oo ku aadan dagaalkasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona labada dhinac ay dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. The post Dagaal Beeleed xoogan Oo ka dhacay G/ Galgaduud appeared first on Shabelle. View the full article
-
Prof-Abdi Ali Jama Ku: Siyaasiyiinta Garxajiska iyo Reeraha Kale Ee Somalilanad; (very informal letter) Og: Xubnaha Barlamaanka ee Daacadda Ah. Subject: Devide and Rule, Not In My Name (Iska Beri Yeelid) Qof Kasta Oo Iska Beri Yeelaya Siyaasadda Iska Hor-keenka Reeraha Walaalaha Ah, Waxan Ka Codsanayaa In Uu Taageero Soo Jeedintan. Anigoo ogsoon in uu M/weynhu sharci u leeyahay soo magacaabidda golaha wasiirada; haddana waxa laga dheehan karaa siyaasadda uu rabo in uu ku hogaamiyo waddanka in ay tahay nooca siyaasadda Gumaysigu ku maamulo dal cadaw ah oo uu xoog ku qabsaday; marna siyaasaddan oo kale kuma dhaqanto cid lexejeclo ka leh dadkieeda iyo dalkeeda, oo loo soo doortay si dimuqraadi ah oo xor ah. Markaan arkay Golaha uu soo dhisay M/weyne Biixi; markaan arkay dareenka diidmada ah ee ay ka bixiyeen dhammaan dadka Baraha Bulshada ku jiraa iyo kuwa suuqa jooga intuba, waxan qirayaa in ay xeeladdu tahay DEVIDE and RULE; haddaba waxan u soo jeedinayaa walaalaha in aynaan u nuglaan goljilicdaa layna qabanayo ee aynu meel uga soo wada jeesano la xisaabtanaka hoggaanka dalka iyo la dagaalanka siyaasadda gumaysiga sokeeyaha ah. Haddii isagu awood sharci u leeyahay in uu soo magacaabo wasiirada, innaguna waxaynu awood u leenahay in aynu dabagalo oo intaynu beddelo mawduucan wasiirada iyo sida loo qaybsanayo oo ah ka la rabo in la innagu mashquuliyo ee aynu ku kala fogaano, waxaynu innaguna awood u leenahay innaga oo kaashanayna Barlamaankeena inta aan la laaluushi karin in aynu bilawno in aynu bilawno la xisaabtan sida xagguu maray dhaqaalihii waddanku, immisa sharci baa la jabiyay; immisa maamul xumo ayaa la sameeyay; xorriyada saxaafadda, xuquuqal insaanka; taasina waa ta keenaysa inuu qasab lagu soo dhiso dawlad waafaqsan dhaqan siyaasadeedka hufan ee lagu yaqaanay Somaliland; taasina waxay suuragalaysaa innaga oo aan kala qaybsamin oo aan kala biiqbiiqin; haddii aynu qabysanno isma caawin karno, ee ogaada!!! Prof-Abdi Ali Jama Agaasimihii Guud ee Wasaarada Qorsheynta Somaliland Cabdo; u dhaq-dhaqaaqa isu soo jiidka iyo walaalaynta beelaha Somalialnd. Qaran News
-
Wax ka baro xubnaha reerkiisa ee Dowladda Madaxwayne Muuse Biixi #SUBEER AWAL EMPIRE 1.Wasiirka Maaliyadda 2.Wasirka Bosaha, Isgadhsiinta & Teknolojiyad 3.Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka 4.Wasiirka Gaadiidka&Hormarinta Wadooyinka 5.Wasiir Ku Xigeenka A/Gudaha iyo Amniga 6.Hanti Dhawraha Guud ee Qaranka 7.Mareeyaha Hawada iyo Madaarada 8.Mareyaha Kahortaga Abaraha & K/Rashinka 9.Gudoomiyaha gobalka gabiley 10.Gudoomiyaha Gobalka Salal 11.Gudoomiyaha Gobalka Saraar 12.Gud ku xigeenka Gobalka Maroodijeex 13.Safiir ku xigeenka Ethiopia 14.Aggasimaha guud ee Madaxtooyada 15.Aggasimaha guud Ee caafimadka 16.Aggasimaha guud ee Maaliyada 17.Aggasimaha Guud Maalgashiga 18.Agasimaha Guud e Shaqada & A/Bulshada 19.Aggasimaha Guud ee Qorshaynta Qaranka 20. Agaasimaha Guud ee Waxbarashada 21. Agaasimaha Guud ee Bangiga Dhexe 22. Agaasimaha Guud ee Gaadiidka/Q liisank 23. Agasimaha Gud e Mihnahada Cafimadka 24. 20.Gud ku xigeenka Haayada tayada 25. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare 26. La Taliyaha Madaxweynaha ee Amniga 27. La Taliyaha Madaxweynaha ee Sharciga 28. La Taliyaha Madaxweynaha e Dhaqaalah 29. La Taliyaha Madaxweynaha ee Somalia 30. Guddomiye kuXigeenka Maxkamada Sare 31. Maayarka Caasimadda Hargeisa 32. Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka 33. Taliye ku Xigeenka Booliska Somaliland 34. Taliyaha Ciidanka Dabdamiska Qaranka 35. Taliye ku xigeenka Sirdoonka Qaranka 36. Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud 37. Safiirka Somaliland ee Imaaraadka 38. Chief of Staff ka Xafiiska Madaxweynaha 39. Gudoomiyaha Mihnadlayasha Cafimadka 40. Garyaqaanka Guud ee Qaranka 41. Ku xigeenka xisaabiyaha Guue ee Qaranka 42. Safiirka Djibouti 43. Safiirka Sweden 44. Maarreeyaha Dekadda Berbera 45. Maarreeye ku xiggeenka Hay’adda tayada 46. Komishanka Qabdaraasyada Qaran ka (2 xubnood) 47. Konishabka Maamul wanaagga (3 xubnood) 48. Komishanka Aids-ka (4 xubnood) 49. Komishanka Tacliinta Sare. 50. Maarreeyaha wakaaladda Biyaha Hargaysa. 51. Maarreeyaha Cusbitaalka Guud ee Hargaysa 52. Guddoomiye xiggeenka Gob. Gebiley 54. Guddoomiye xiggeenka Gob. Saaxil 55. Maarreeyaha Dawan 56. Maarreeyaha Radio Hargaysa 57. Maarreeyaha Mashruuca PFM. 58. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE ayaa waxaa uu markii ugu horreysa uu ka hadley isku shaandheyntii uu shalay sameeyey madaxweyne Muuse Biixi. Cali Guray ayaa oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in uu ka naxay in wasiirka Maaliyada laga qaado Nin ka soo jeeda Beesha Garxaajis loona dhiibo Nin ka soo jeeda Beesha Madaxweynaha ee Gabiley Clan waxaana uu yidhi “Ilaahay Hortii markaan Eego xaalada Maanta , Wasiirka Maaliyada Ka qaad West Burco Clan oo Gabiley Clan sii in aanan ku farxin ee waan ka naxay , cadkaasina celis buu ku wanaagsanaa.” Ayuu yidhi Cali Guray Source
-
(SLT-Hargeysa)-Prof Cabdi Cali Jaamac ayaa si mug leh uga hadlay isku shaandhaynta wayda ah ee madaxweyne Muuse Biixi ku sameeyey xukuumadiisa. Proff Cabdi Cali Jaamac oo qoraal uu kaga hadlayo isku shaandhaynta ku baahiyey bogiisa Facebook ayaa sheegay inay tahay talaabo loogu dan leeyahay in cid gaar ah lagaga xanaajiyo, isaga oo si gaar ah fariin ugu diray beelaha West Burco Clan. Qoraalka Prof Cabdi Cali Jaamac ayaa u dhignaa sidan:- Ku: Siyaasiyiinta Garxajiska iyo Reeraha Kale Ee Somalilanad; (very informal letter) Og: Xubnaha Barlamaanka ee Daacadda Ah. Subject: Devide and Rule, Not In My Name (Iska Beri Yeelid) Qof Kasta Oo Iska Beri Yeelaya Siyaasadda Iska Hor-keenka Reeraha Walaalaha Ah, Ha Taageero Soo Jeedintan. Anigoo ogsoon in uu M/weynhu sharci u leeyahay soo magacaabidda golaha wasiirada; haddana waxa laga dheehan karaa siyaasadda uu rabo in uu ku hogaamiyo waddanka in ay tahay nooca siyaasadda Gumaysigu ku maamulo dal cadaw ah oo uu xoog ku qabsaday; marna siyaasaddan oo kale kuma dhaqmo nin lexejeclo ka leh dadkiisa iyo dalkiisa, oo loo soo doortay si dimuqraadi ah oo xor ah. Markaan arkay Golaha uu soo dhisay M/weyne Biixi; markaan arkay dareenka diidmada ah ee ay ka bixiyeen dhammaan dadka Baraha Bulshada ku jiraa, waxan qirayaa in ay xeeladdu tahay DEVIDE and RULE; haddaba waxan u soo jeedinayaa walaalaha in aynaan u nuglaan goljilicdaa layna qabanayo ee aynu meel uga soo wada jeesano la xisaabtanaka hoggaanka dalka iyo la dagaalanka siyaasadda gumaysiga sokeeyaha ah. Haddii isagu awood sharci u leeyahay in uu soo magacaabo wasiirada, innaguna waxaynu awood u leenahay in aynu dabagalo oo intaynu beddelo mawduucan wasiirada iyo sida loo qaybsanayo oo ah ka la rabo in la innagu mashquuliyo ee aynu ku kala fogaano, waxaynu innaguna awood u leenahay innaga oo kaashanayna Barlamaankeena inta aan la laaluushi karin in aynu bilawno in aynu bilawno la xisaabtan sida xagguu maray dhaqaalihii waddanku, immisa sharci baa la jabiyay; immisa maamul xumo ayaa la sameeyay; xorriyada saxaafadda, xuquuqal insaanka; taasina waxay suuragalaysaa innaga oo aan kala qaybsamin oo aan kala biiqbiiqin; haddii aynu qabysanno isma caawin karno, ee ogaada!!! Cabdo; u dhaq-dhaqaaqa isu soo jiidka iyo walaalaynta beelaha Somalialnd. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faaduma Dayib oo horey musharax madaxweyne uga soo noqotay Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday inay uga tagtay shaqadii ay u haysay QM cunurinimo ka dhan ah dadka Soomaaliyeed. Faadumo Dayib, oo haysata dhalashada dalka Finland, ayaa ahayd agaasimaha QM ee Soomaaliya ka hor intii aysan xilkaas ka tegin bishii tagtay, sida ay ku shaacisay qoiraalk ay twitter soo dhiugtay toddabadii bishan. Faaduma ayaa sheegtay in saraakiil sare oo ka tirsan QM ay u sheegeen in qof Soomaali ah uusan u qalmin inuu dalka Soomaaliya ka qabto xil la mid ah kii ay ayada haysay, hadalkaas oo ay sheegtay in muddo badan ay dhagaheeda lagu dhibcinayey. “Waxay ii sheegeen in sababta kaliya ee shaqada noocan ah la iigu ogolaaday ay tahay inaan ahay Soomaali haysta dhalashada mid ka mid ah dalalka reer Galbeedka, ee aan xilkan qaban lahayn haddii aan haysan” ayay ku tiri qoraalka ay soo dhigtay twitter. Waxa ay si gaar ah u eedeyey isu-duwaha gargaarka bani aadannimo ee QM ee Soomaaliya Peter de Clerq, oo ay ku sheegtay inuu yahay nin liida oo neceb asalka Soomaaliga. “Muddo sanad iyo bar ah ayaan kun jira handadaad, bah-dilaad iyoi cabsi gelin” ayey tiri. Hoos ka daawo warbixin ku saabsan arrintan oo muqaal ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Afhayeenka madaxweynaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac ayaa xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ku eedeeyay in uu taageero jabhadda Korneyl Caarre oo saldhiggeedu yahay magaalada Qardho ee maamulka Puntland. Afhayeenka madaxweynaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac ayaa sidoo kale waxa uu xukuumadda Madaxweyne Biixi ka difaacay eedaymo uga yimid xisbiga WADDANI Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Faduma Dayib oo ahayd maamulihii QM Arrimaha haweenka ee dalka Soomaaliya ayaa xilkii ay haysay iska casishay ,kadib markii ay sheegtay in tacadiyo dhanka isir nacaybka ah ay kala kulantay Ku-xigeenka Ergayga gaarka ah xoghayaha guud ee QM. “Waxa aan ahaa Soomaaligii ugu horreyay ee laga dhigo Agaasime wadanka oo dhan. Aniga oo gudanaya shaqadeydii Soomaaliya ayaa la ii sheegay in aan Soomaalida loo oggoleyn jagada ceynkaas ah. Af xumo, Argagixin iyo Naceyb ayaa la igu sameeyay. Sannad iyo lix bilood ayaan dhibtaas ku jiray iyadoo sidaas la iila dhaqmayo” ayey qoraalkeeda ku tiri, Fadumo Dayib. Waxa ay weerartay, Ku-xigeenka Ergayga gaarka ah xoghayaha guud ee QM, ahna isku duwaha Hawlaha Bani-aadamnimo ee Soomaaliya, iyadoo ku eedeysay in uu takoor ku sameeyay . “Iyadoo qarsoodi ah, ayuu De Clerq I aflagaadeyay, Ii goodiyay, Ina Argagixiyay. Iyadoo uu dhaqdhaqaaqa Hal ku dhigga metoo uu socdo caalami ahaan ayey si aan laga warqabin dumarka ka tirsan QM la kulmayaan Qarawgaas oo kale. Waxaa la gaaray waqtigii metoo UN-‘Anna sidoo kale QM dhexdeeda laga sameyn lahaa’. Ugu dambeyntiina wan qarxiyay shaqadana bishii la soo dhaafay ayan ka tegay” ayey qortay, Fadumo Dayib. “Tani waa Soomaaliya, si la mid Soomaalida kale ee heysta jagooyinka takhasuska ah ee caalamka ayaa sidoo kale loo sheegay inay si nidaamsan ku banneeyaan. Waxa aan leenahay dhalashooyin kala duwan, dambigeenna kaliya waxaa weeye Isirkeenna. Kolka yaa la cunsuriyeynayaa?” ayey raacisay. “Sida muuqata qofka Soomaaliga ah, dhowrsanaanta dhaqanka Isirkiisa ayaa ah Argagixiso, si dhuumaleysi ah ayuu dowladda ula shaqeeyaa , waa musuqle, dhanna u janjeera. Waxa ay sidoo kale dhigi lahaayeen astaan leh, “Soomaalida iyo Eeyaha looma ogola”. Tani waa Soomaaliya Jasuureyn” ayey qortay Fadumo Dayib. “Sidaas awgeed, waa maxay Cunsuriyad? Yaa Cunsuri ah? Marka Xoghayaha guud ee QM la weydiiyay haddii Soomaali jago caalami ah ka heli karto Soomaaliya , waxa uu yiri, HAA.. inkastoo aysan halkaas ku dhalan oo aysanna heysan dhalashada Soomaaliya. Sida iska cad De Clercq si kale ayuu u fakerayaa” ayey tiri Dayib. “Waxaa jira boqollaal kale oo sidan mudanaya, mana awoodaan inay ka hadlaan. Wey cadahay waxa aan ahaa kaas oo kale, Daciif Soomaalidii ayaad wax u qabatay intii aad la qaban lahayd. Waxa aan ahaa Adoonkaas u bareeray inuu miis la fariisto Mudanaha iyo qoyskiisa.” Ayey raacisay. Sida ay sheegtay Faddumo Dayib, isla shaqadi ay heysa oo kale ayaa looga bandhigay wadamo kale , sida; Uganda, New York ama Nairobi laakin wey ku gacan seyrtay. Soomaali badan ayaa Barta Twitter-ka toos u soo galay kadib shaacinta xogta. Sida hoose ayeyna wax uga qoreen:- “Geesiyad baad ku tahay in aad ka hadashay, waa arrin la daboolay. Waxa ay tahay in laguugu karaameeyo ayaa ah in aad waxbaratay, oo aad guryo-noqotay si aad ugu adeegto wadankaaga, taasoo ah waxa ay hay’aduhu ka shaqeynayaan inay ka hortagaan, ahna mid ka mid ah sababaha ay Soomaliya walina usoo kabsan” ayey tiri Anisa Xaaji Muumin, oo Horey u soo noqotay Wasiiradii Haweenka Puntland. Mohamed Ingiriis ayaa qoray, “Muqdisho, dhawaantan intii aan sameynayay cilmi-baaris goobaha shaqada ah, xildhibaanad ayaa ii sheegtay in de Clercq uu uga digay inaysan dooran murashax gaar ah doorashadii madaxtinimo ee 8 February 2017. Iyadoo laga duulayo caddeyntan cusub, waxa aan u jeedin lahaa madaxa QM ee fadhigiisu yahay New York inuu baaro faragelinnadan” “Kadib markii, Xafiisyada dhamaan hay’adaha aan dowliga ahayn ee caalamka loo soo wareejiyay Soomaaliya, tallaabada xigto ayaa ah in wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha iyo wasaaradda arrimaha shaqada,ay qaadaan tallaabada xigta oo lagu xaqiijinayo in shaqooyinka ay ka bixi karaan muwaadiniinta Soomaaliyeed inay buuxiyaan, Waxa ay la kulantay Fadumo Dayib waa inay noqdaan digniin” ayuu qoray Dalmar Hassan. Fadumo Dayib ayaa gashay tartanka doorashada Madaxtooyada Soomaliya 2016, balse goor dambe ayey isaga hartay, iyadoo sheegtay in doorashadu tahay mid aan caadi ahayn. Source
-
Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil saacadihii la soo dhaafay nin Xoolo Dhaqato ahaa loogu geystay waqooyiga G/ Mudug. Dilkan ayaa la sheegay in ay fuliyeen kooxo hubeysan oo aan la ogeyn illaa iyo hadda halka ay ka yimaadeen. Waxaana lagu soo warramayaa in ay goobta isaga baxsadeen dilka kadib, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen Ilo deegaanka ah. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha laamaha amniga Galmudug oo ku aadan dilkaasi. Waa dilkii labaad oo muddo 24 saac gudahood ka dhaca gobolka Mudug, iyadoona xalay magaalada Hobyo lagu dilay Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska maamulka Galmudug. The post Nin Xoolo dhaqato ahaa Oo lagu dilay gobolka Mudug appeared first on Shabelle. View the full article
-
Akhriste halkan kaga bogo Musharax Madaxweyne Muqtaar Roobo iyo waayihiisii Al-Shabaab iyo xasuustii uu reebay . Abuu Mansuur mamudan yahay in lagu abaal mariyo dhiigii uu ka daadshay umada Soomalaiyeed ,iyo Ardaydii Hotel Shaamow lagu xasuuqay ? waa su,aashaasi jawaabteeda waxay u taala shacabka Koonfur Galbeed iyo Xildhibaanada wax dooranaya . Halkan ka daawo. Source
-
Wargayska Dail Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa qoray warbixin xasaasi ah oo ku saabsan shirka sadex geesoodka ah ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya. Qoraaga warbixintan oo lagu magacaabo PETER KAGWANJA ayaa Lateliye Sare u ahaan jiray Dowladda Kenya, haatanna waxa uu madax ka yahay Machadka Siyaasadda Afrika. Peter ayaa warbixintiisa ku sheegay in isbadalka siyaasadeed ee ka socda Gobolka Geeska Afrika uu salka ku hayo qowmiyad iyo is-bahaysiyo taariikh hore, dadka Soomaaliyeedna ay udub dhexaad u yihiin isbahaysigaas. Qoraaga ayaa si qoto dheer u tilmaamay in isbahaysigii hore ee Gobolka ka jiray ee ku salaysnaa midowga qowmiyadaha Baantuuga iyo Amxaarada oo ay ku mideysnaayeen Maamulka hore Itoobiya, dowladdaha Kenya iyo Uganda uu gabbalkiisu sii dhacayo, tan iyo markii talada dalka Itoobiya uu la wareegay Raiisul Wasaare Abay Axmed. Warbixinta waxaa lagu sheegay in isbahaysiga cusub ee Gobolka uu yahay mid salka ku hayo Kooxaha asalkoodu yahay Kushite oo ah (Soomaalida, Oromada iyo Canfarta). Qoraaga Warbixinta ayaa dib u milicsaday dadaalkii ay Kenya ku bixisay isbahaysigii qadiimka ahaa ee Baantuuga iyo Amxaarada oo ka naqshadeeyey siyaasadda Geeska Afrika, waxa uuna tusaale u soo qaatay heshiiskii taariikhiga ahaa ee dhanka difaaca ee ay kala saxiixdeen Kenya iyo Itoobiya 27-kii Dice 1963dii. Heshiiskan oo dhigayey in Kenya iyo Itoobiya ay si wada jir ah ula dagaalamaan cid kasta oo midkood dagaal ku soo qaadda ayuu ku ku sheegay qoraagu in uu ahaa mid lagaga hortagayey “dhul ballaarsiga Soomaaliya.” PETER KAGWANJA ayaa ugu danbeyntii saadaaliyey in isbahaysiga noocaan oo kale ah uu yahay midka kaliya ee soo afjari kara dagaalka dabo dheeraaday ee lagula jiro Alshabaab, sidoo kalena xoojin kara maqaamka iyo dib u kabashada Soomaaliya.
-
Gabahaarey ( Sh. M. Network )-Dibadbaxani oo ay ka qeyb galeen boqolaal dadweyne ah ayaa waxa uu maanta ka dhacay magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo. Banaanbaxa oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa looga soo horjeeday Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la sheegay in uu ku wajahan yahay magaaladaasi. Dibadbaxayaasha ayaa ku qeylinayay erayo ka dhan ah Madaxweyne Axmed Madoobe, kuwaas oo ay kaga cabanayeen maamulkiisa. Mid ka mid ah dadkii ka qeyb galay banaanbaxaasi ayaa Shabelle u sheegay in u jeedada ugu weyn ay tahay in aysan ku qanacsaneen hoggaanka Jubbaland. Xaaladda Garbahaarey ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana jira kulamo siyaasadeed oo si gooni gooni ah uga socda gudaha magaaladaasi. The post Dibadbax ka dhan ah J/land Oo ka dhacay Garbahaarey appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garissa ( Sh. M. Network )-Hay’adda Laan Qeyrta Cas ee dalka Kenya ayaa sheegtay in qaar ka mid ah shaqaalaheeda ay ka badbaadeen weerar lagu khaarijin lahaa, kadib markii Rasaas lagu furay Gaari ay saarnayeen 4 ka mid ah howlwadeenada hay’adda oo marayay inta u dhaxaysa deegaanada Masalaani iyo Ijaara ee maamulka Garissa gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. Bisha Cas ayaa xaqiijisay in weerarkaasi uu dhaawca ka soo gaaray mid ka mid ah shaqalaheeda oo la socday Gaarigaasi. Shaqaalaha Hay’adda Laan Qeyrta Cas ayaa la sheegay in ay ku sii jeedeen deegaano ka tirsan Garissa, si ay u soo indha indheeyaan maashariicyo ay ka wadaan halkaasi. Ma jirto illaa iyo haatan cid sheegatay masuuliyadda weerarkaasi, balse inta badan Al Shabaab ayaa weeraro ku qaada Gawaarida isaga kala goosha deegaanadaasi. The post Rag hubeysan Oo weeraray shaqaale ka tirsan hay’adda Bisha Cas appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Waxaa Saaka Koonfurta gobolka Sool ka baxay Ergooyinka labadii dhinac ee Colaadu dhex-martay iyo Isimadii dhaqanka ee ku Jiray Howsha Nabada, kuwaasi oo Jig-jiga kaga Qayb gelaya Gogol nabadeed oo uu Fidiyey Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumud Cumar Cagjar. Dhowaan ayaa waxaa Labada Beelood Qaateen Xabad Joojin Shuruud la’aan Iyo Nabad, Waxaana Gogosha la dhigay magaalada Jigjiga, Waxay sidoo kale iska soo xuleen labada dhinac 42 Xubnood. Garaad Kulmiye oo dhowaan ka hadlayey Go’aanka Jigjiga lagu dhigay Gogosha Nabadda ayaa sheegay 12 jeer oo Hore lagu Qabtay dhinaca soomaaliya, Labada Beeloodna ay degaan Labada dhinacba, Markaana lagu eegayo Jigjiga. Madaxwaynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa sidoo kale waxaa lagu xasuustaa Gurmadkii uu deegaanka dadkii ay Colaadu ku samaaysay u fidiyey. Source
-
Somaliland-ta aynu rabnay iyo ta maanta joogta. Danbi kasta oo lagu wiiqmo Isaaq ayaa u aabe ah. Dood iyo Xal. Somaliland 80-sanno ayay xorriyad Ingiriis ka raadinaysay markay heshay Isaaq ayaa god ku tuuray oo guur bilaa meher ah Soomaaliya ugu aroosay, markaana laba ayaa is raacay oo midbaa Madaxweynihii Xaji Cumar Askar iyo Raysal Wasaarihii Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal Laanmulaaxo ku siisay iyadoo takale iyo Maykal ka cararaaya. Gaaraad Caligii yidhi “muddo inoo kaadiyana umulbaa la cadad bixiyaaye “Isaaqba Laa yaa Garaad yidhi . 30-sanno ayay hog ku jirtay, wuxuunba ka hadhi la haaye markale ayay xorriyad u rintay Isaaq oo ay israceen markii koobaad, Dawladdi Jamhuuriyadda Soomaliya ayuu Isaaq dagaal ku qaaday, cadaalad ayay noo sheegeen inay u halgamayeen. Iyagoo debadda jooga ayay laba xin isku raacday (East Burco Clan iyo West Burco Clan) tii kale ayay ka qaaden hadana heshiis kumay sii ahaane markay Soomali amma ha xumaato amma ha samaate Dawladdii ka dumiyeen ee ay Dalka soo galeen, waxay diirteen wixii uu dhisay kii ay la dagalamayeen ee Warshado la-ha ee hanti maguurto laha. Kumay joogine kii u madaxda ahaa ee Dalka Xorreeyay Muj: Cabdiraxmaan Axmed Cali ayay Dagaal ku qaadeen, way isu bahaysteen iyagoo is kala saaraya subax kaliya ayay 7-Wasiir oo isku degaan ahi is-casileen, kumay joogine Dagaalbay u raaciyeen. Muddo markay isku dhiigbaxeen Beelihii Dalka la laha ayaa gogol u dhigay Boorame. Waxa isku cod aha Harti (Sool clan iyo Warsangali) Arab iyo East Burco Clan. 60-cod ayay haysteen oo haldheeri ah. Sool clan ayaa soo jeeiyay in East Burco Clan Madaxweyne noqoto Hartina oo Cali KHALIIF GALAYDH siyaasiga ugu caansan ahaana Raysal Wasaare la siiyo. Sidaana Isaaq iyo Beelaha kale awoodu ugu qaybsanto Guddoomiyaha Guurtidana Awdal la siiyo iyo xilalka raaca. Iyagoo is xiniinyo taabanaya Isaaqu, ayay East Burco Clan soo jeedisay in Gabiley Clan loo dhiibo Madaxweynaha, dalabka hartina daaqada laga tuuro. Alle hawnariiste Cawil Xaji Nuur iyo Siyaasi Duqsi oo raggii Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal ee 1960-aha ayaa tallada ragga hormuudka ka ahaa kamid aha. Saleeban Gaalka Guuritda jooga ayaa kaligii ka rayi duwanaaday ficilka alle ayaa u sakhiray oo mel ayay isu raacane siday Baligubadle yeeleen si lamie ah ayay dhan u wada dulaameen . Alle hawnariiste isagoo Isaaq isku xumaynaaya ayay Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal oo aan halgankii dib u xoraynta waxba ku darsan uga yeedheen Shaariqa oo uu isaga qaxwaynaayay . Kii la soo halgamayna Dawladiisi way ka dumiyeen isagiina way ka qaadeen. Wali xinkii ayaa socde kii laga qaaday cadhadii ayuu Addis ababa dhawaaq looma fadhi ah kaga dhawaajiyay musanowgii kuwii laga ciideeyayna waa la cadhoodeen , mabay sugine Dagaal ayaa lagu wada qaaday. Muddo markii debadda loo saaray ee kumanaan Ruux ku halagmeen ayay iyana xinka xinkoodi u soo xaroodeen kii Dilaayay ayay ugu celiyeen iyagoo ka cararaaya kuwii shalay ximiyay.. Hadana murankii kamay dayn e markii kuwii baxay soo waydaarteen waxa markale xin ku mucaariday kuwii shalay iyagu Cigaal keenay ee Cabdiraxmaan Tuurna riday. Qir iyo qir iyadoo taagan oo ragg allow yaa ina kala badbaadinaya maraysa iyo “Siqaawan ayaa loo wada hadlin “, ayaa alle oofsaday, Nasiibka kale mid kamid aha beelihii ugu balaadhna ee Dalka la laha ee Daawanaayay ayaa Xukunkii yimi Daahir Rayaale Kaahin. Isagana dagaal ayay ku qaadeen kuwo difaacay iyo kuwo isu baahaystay. Markale ayay Isaaqnimo beena ku muusanaabeen, xinkii wali wuu socdaaye waxay wadaanba Isaaqi kursigii wuu yimi. Hadana way is ximiyeen oo kuwii is watay ayaa isugu qaylo badnaa Gabiley Clan iyo East Burco Clan. Kuwii Daahir Rayaale la dhacayna 7-sanno ayay is uruurinayeen oo is dhaheen hadaydaan u badnayn Isaaqi kursiga doonaayay oo codku dhan u badnaa ka eed la aada. Kuwii Xukunka qabtay 7-badii sanno may xasuuseen ee ay xilka hayeene xinkii ayay dabada hayeen, 2002-kii dhacniinkii Siilaanyo kuwii ka danbeeyay aynu maanta aasno ayay go’aansadeen. Si ay uga xanajiyaan kuw xinku ka dhaxeeyo Atoorayaashi jilaayay wixii soo dhacay Ninkii ugu hawsha badnaa ayay xisbigii u xidheen intaa kumay joogine awoodi dawladnimo iyo magacii Odaygana waa u adeegsadeen. Intaas kumay joogine mid kasta oo iyaga kamid ah caadifad iyo xoolo marba wixii u shaqeeya ayay kaga soo saareen. Mid hadhaw wax dhayaaba ha danbeeye haldookii ayaa dhan wada maray. Kii shalay la saaray ee isna Xinka nasiib saday Muuse Biixi Cabdi oo degaankiisa wixii ay Somaliland dhiiqday 27sanno dhankiisa loo tirinaayay kuwii Cigaalkii la dagaalamay ee ay Daahir Rayaale sida jinku qofka u galo uga hoosgaleen ee ay ka shideen ee legdeen ayay hadana u sii raciyeen waanu idinka adkaanay. Kii yimi Madaxweynaha isna xinkii ma ilaawine dabada ayuu sii qabtay oo waabu ku jees jeesay kuwii uu shalayna saaray maantana legday. Iyana umay kaadine kuwii la legday xinkii ayay meelo kale ka fadkudiyeen oo jabhadayn iyo dhawaaq aan damayn ah. Wali cidi isma waydiin Dadkii kale meeye. ?? Sool clan xinkoodi ayay la jidheen oo markay Raysal Wasaare u diideen Garaad Cabdiqani iyo Xaabsadana way raciyeen, iyana cadhadii Dawladoodi Isaaq ka dumiyay iyo Dulmiga Somaliland tii kale kaga dhacay ayay Puntland ku aasaaseen. Dastuurku Isaaq oo kaliya ayuu wax u ogolyahay oo waa qabyo, in la furo oo wax lawada yeeshana marbaabay soo dhawaatay oo bilihii u danbeeyay Siilaanyo u saxeexay isagoo nasiibku afka ugu soo galiyay Khaatumo iyo Galaydhkii oo islaha maruun Dhulbahnte meel ku hubso. Isagoo ku doodaya “Xamar Waqooyi oo wada socda ayaa wax lagaga helayaa midnimo iyo Ictiraad “aynu markale Isaaq ku quusano. Tiina Kii Xinka ku yimi ayaa ooda afka ka saaray oo Xinkii kuway is hayeen kaga mashquulay iyo waxa afka qalaad lagu yidhaaho (Local) Wali xinkii Isaaq iyo Riwaayadooda aan dhammaadka lahayn ayaynu ku jirna. Hadda Hargaysa oo kaliya ayaaba isku filan, oo isku qaadatay Madaxweyne, Taliye guud ee Ciidamadda Qalabka sida, Wasiir Maaliyadeedkii, Warfaafintii, Wadooyinkii cirka iyo dhulka, Duulistii, Kaydkii mucaawimooyinka, Safiiradii Imaraadka, Jabuuti, agaasimaayashi, Maaliyada, madaxtooyada, waxbarashada, Caafimaadka, Qorshaynta, maalgashigii, Baankii, shaqadii iyo arrimihii bulshada, Booliskii, Dabdamiska, hoggaanadii coidamadda iyo wax aanan halkan ku koobi Karin. Ma rabaan Isaaq inay iyagu wada nooladaan cidna la noolato, ma radinayaan Suldaan Siciid, Garaad Saleeban, Garaad Jaamac, Ugaaski Awdal iyo aqoontii AWDAL. Iyagaa isu xiniinyo wayn, kuwooda yar yari way ku dulmanyihiin Dadka kalena way ku dulmanyihiin ee Dalka la dega. Riwaayada Saddex rer oo marba laba israacdo ayaa jilaa. Kuwii 1992-kii iyo 1994-kii Riwaayada jilaayayee Atoorayaasha aha ayaa wali jilaaya, Muuse Biixi, Maxamed Kaahin, Axmed Mirre iyo Buubaa. Markay sidaa tahay anigu ka quusan maayo Somaliland ta aan rabo ee loo dhanyahay, walow xinka Isaaq dagaal iyo gacmo dabadeed oo khatar ku hayaa u dheeryihiin. Dastuurka in la furo ayaan ku dagaalami doona Insha allah , Xisbiga WADDANI ayaan kaga dhex dagaalamin maalintay noqotoba ee uu Guul gaadho waanay ku jirtaa barnaamijkiisa aanu ku heshiinay oo kow ayay ka tahay waaba haddii laysku simo.. Kuwa Xinka Isaaq aan ka ilbixin ee kala raacsana waxaan leyahay Wallee Nacasyo ayaad tihiin toban awoow soo khasaarayay walina habaaska fadhiya. Muniir Axmed Cigaal Muwaadin raba Somaliland bilaa xinka Isaaq ah. Source
-
Jabuuti ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa maanta ka qeyb galay shirka Maayarada magaalooyinka dalalka Islaamka oo sanadkan lagu qabtay magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti. Shirkan ayaa waxaa marti-galisay Duqa Jabuuti Marwo Faadumo Cawaale Cismaan, iyadoona ay ka qeyb galeen Maayaro ka kala socday magaalooyinka dalalka Islaamka. Guddoomiye Yariisow oo khubad ka jeediyay shirkan ayaa marka hore uga mahadceliyay dhiggiisa Jabuuti martiqaadka ay u fidisay. Waxaana uu tilmamay in shirkani ahmiyad gaar ah u leeyahay dalka, gaar ahaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. “Shirkani waa mid ahmiyad weyn ugu fadhiya dalalka ku mideysan oo dhaafsanaya khibradaha dhanka Maamulka, tababarrada iyo xoojinta wada shaqeyn lagu horumarinayo maamullada Dawladaha Hoose ee dalalka xubnaha ka ah.” Duqa Muqdisho waxaa socdaalkan ku weheliya Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Axmed iyo xubno kale. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ay weheliyaan Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Jabuuti iyo Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ayaa kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah madaxda caasimadaha ee ka soo qeyb galay shirkan, isagoona kala hadlay sidii la isku dhaafsan lahaa khibradaha, loona yeelan lahaa wadashaqeyn joogta ah. The post Yariisow ka qeyb galay shirka Maayarada dalalka Islmaamka appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan deg deg ah isugu yeeray Taliyeyaasha ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Dalka ayaa faray Taliyeyaasha Ciidamada in ay si dhakhso ah ula yimaadaan warbixin dhammeystiran oo ku saabsan amniga iyo qaraxyadii dhacay maalintii Jimcaha ee aynu soo dhaafnay. Taliyeyaasha uu isugu yeeray madaxweynaha dalka ayaa kala ah Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Saree Gaas Daahir Aadan Cilmi, Kan Booliska Sareeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Asluubta Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac. The post Madaxweyne Farmaajo Oo la kumay Taliyeyaasha Ciidamada appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Duhur-11112018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha dowladda Puntland C/wali Cali Gaas ayaa waxa uu magacaabay Taliyaha ciidamada xasilinta ee caasimada Puntland ee Garoowe . Madaxweyne Gaas ayaa xilkan umagacaabay G/sare Cabdixamiid Maxamed Dirir oo sidoo kale ah taliyaha ciidanka PSF ee gobolka Nugaal. Xilkan ayaa horay waxaa u hayay Gen Muxiyadiin Axmed Aw Muuse oo haatan ah Taliyaha guud ee ciidamada Booliska Puntland. Waa taliyihii labaad oo uu madaxweyne Gaas uu umagacaabo ciidamadan xasilinta ee Garoowe . Wareegtada Madaxweynaha ayaa ku taariikhaysneed 11 bishan . Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirkii hore ee wasaaradda Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa waxa uu ka hadlay xilka uu ka qaaday Madaxweynuhu iyo xilka cusub loo magacaabay. Halkan hoose ka akhriso hadalka wasiir Anigoo ah Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi Raage, Waxaan si waafi ah ugu soo bandhigayaa guud ahaan Shacab weynaha Somaliland gudo iyo dibadba gaar ahaan dhalinyaradda iyo Madaxda kala duwan ee Qaranka si gaar ahaaneed Madaxweynaha Qaranka JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi in aan si buuxda ugu qanacsanahay xilkii Wasiirnimo ee layga nasiyey, sidoo kalena, aan ku niyad samahay xilka Qaran ee kale ee uu Madaxweynuhu ii igmaday. Waxaan mar labaad iyo mar seddexaadba xasuusinayaa lana wadaagaya shacab weynahayga aan jecelahay ee reer Somaliland in Sunaha xilka Qaran ama Dawladnimo yahay Magacaabis, Bedel iyo Nasin, balse ay waajib qaran tahay in masuul kasta oo loo igmaday xil uu u guto hufnaan, hagarla’aan iyo daacadnimo; iyada oo la joogo xilligii aynu gamcaha is qabsan lahayn una adeegi lahayn inagoo wada jirna dalkeena, diinteena iyo dadkeena inagoo si wada jir ah ula shaqaynayna Madaxdeena Qaran. Waxaa Mahadnaq weyn iyo Sharaf weyn iga Mudan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi xil magacaabistaydii Wasaraadda Maaliyadda iyo mudadii 10-ka bilood ahayd iila shaqayeey si wanaagsan oo gobanimo leh, hawl gudashada Xilkaa Qaranka isla markaana waxaan balan qaadayaa in aan sii laban laabo u shaqaynta Qaranka Xil kasta oo uu ii garto, iyadoo la joogo xilligii Muwaadin kastaaba is weydiin lahaa waxa uu dalkiisa u qaban karo balse aanu ku foog nayn waxa uu dalku isaga u qabanaayo danta guudna la siinayo mudnaanta kowaad lagana horumariyo danta gaar ahaaneed, Dawladnimadda iyo Siyaasadduna waxay u baahantahay Samir, Dulqaad iyo Adkaysi. Waxaan hore u ahaa gacanta midig ee madaxweynaha waxaan balan qaadayaa in aan noqon doono gacantiisa midig iyo bidixba lana bar bar istaagayo hiil iyo hooba. Somaliland Guul iyo Gobonimo Allah Mahad leh Source