-
Content Count
206,953 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf oo dib maanta ugu soo laabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Gal-Mudug kadib socdaalo uu ku joogay magaalada Gaal-kacyo ayaa eedeeyn u jeediyay dowlada dhexe ee Soomaaliya. Xaaf ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyeey in ay hurineeyso colaado ka dhaca Gal-Mudug islamarkaasina maamulkiisa uu arintaasi la socdo. Waxaa uu ku eedeeyay dagaalo beeleedyo ka qarxay maanta duleedka Balan Bale in dowlada ay hurineeyso sidoo kalena xiisado ka jira Cadaado iyo Hobyo ay dowlada soo abaabushay sida uu hadalka u dhigay Madaxweyne Xaaf. Waxaa sii xoogeeeysanaya khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf iyo dowlada Soomaaliya iyadoo kale hore madaxweyne Xaaf uu diiday shir uu iclaamiyay madaxweyne Farmaajo oo lagu xalinayo xiisadaha Gal-Mudug. Hoos Codka ka dhageeyso https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/11/Cod-Xaaf-.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Xaaf ” Dowlada Soomaaliya ayaa dagaalo ka hurineeyso Gal-Mudug” appeared first on Puntland Post.
-
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxeeyso dagaalo qasaare geeystay oo ka dhacay gobolka Gal-Gaduud ee brtamaha dhulka Soomaaliya. Dagaaladaan ayaa waxaa ay ka dhaceen duleedka degmada Balan-Bale ee gobolka Gal-Gaduud ee maamulka Gal-mudug. Dagaaladaasi ayaa geeystay qasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac waxaana uu dhexmaray maleeshiyo beeleedyada halkaasi wada daga. Gudoomiyaha degmada Balanbale Xuseen Liibaan Warsame oo la hadlay Puntland Post ayaa faah faahin ka bixiyay dagaaladaasi iyo qasaaraha ay geeysteen isaga oo sheegay in ilaa iyo hadda 4 ruux dhimashooda la soo wariyay isaga oos heegay in laga yaabo in dhimashadu ay intaasi ka badato. Hoos ka Dhageeyso Wareeysiga Gudoomiyaha uu Wareeystay Xasan Maxamed Samatar Cowke oo PP katirsan https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/11/Wareeysi-Gudoomiyaha-Balan-Bale-Xuseen-Liibaan-Warsame-.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Dagaalo beeleedyo qasaare geeystay oo ka dhacay gobolka Gal-gaduud appeared first on Puntland Post.
-
Saraakiisha ciidamada XDS ee Baardheere ayaa sheegay in Garoonka Diyaaradaha aanay ka soo degi karin Mas,uuliyiinta ugu sareysa Jubbaland Xili maalmahii ugu dambeeyey ay soo kordhayeen Banaanbaxyo iyo kulamo looga soo horjeedo Mas,uuliyiinta Jubaland ayaa maanta banaanbax lagu hor istaagayo Booqasho uu madaxweynaha Jubbaland ku tagi lahaa Garbahaereey ayaa si weyn waxaa looga muujiyey diidmadaimaanshaha Axmed madoobe. Hadaba is hortaag midaasi la mid ah ayaa galabta waxaa ku dhaqaaqey Saraakiisha Ciidamada XDS ee degmada Bardheere ,Shir jaraa,id oo galabta ay ku qabteen Xarunta Taliska Ciidanka ayaa waxay sheegeen in aan la aqbali karin wafdi ka socda Dowlad goboleedka Jubaland in ayan ku imaan karin Baardheere. Faarax C/Nuur Turbac oo ah Taliyaha Ururka 49aad ,Guutada 10 aad ee Qeybta 43 aaad ee ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan in Baardheere ay soo gaaraan Axmed Madoobe iyo Maamulkiisa,ujeedada ay u socdaana ay tahay sidii DF ay dadka ugu horkeeni lahaayeen. “Ujeedada ay u socdaan xilligan waa qalqal gelinta Amniga,da iyo bur burinta Ciidamada dhibowga ah ee ku xareysan degmooyinka Garbahaarey iyo Baardheere,mana aqbali karno 4 sanno waxii laga waayey in ay maanta yiraahdaan waanu idiin imaaneynaa ayuu yiri G/lle Faarax . Hoos ka Dhageeyso Codka https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/11/Cod-Taliska-Gedo-.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Taliye Turbac” Axmed Madoobe Kama soo dagi karo garoomada gobolka Gedo” appeared first on Puntland Post.
-
Jalalaqsi (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa xukunkii ugu horeeyay ee noociisa ah ka fuliyay deegaanka Shaaw ee gobolka Hiiraan, kadib markii ay toogteen wiil 15 sano jir ah oo ku noolaa deegaanka. Cabdul Khaaliq Xasaney Xuseyn, oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa la sheegay inuu dacwad ka gudbiyay Cabdul-qaadir Doolaal Calay oo 15 sano jir ahaa, kaasi oo lagu eedeeyay inuu xoogay wiil yar oo lix sano jir ah, sida Al Shabaab ay sheegeen. Al-Shabaab waxay sheegeen in dacwad lagu qaaday maxkamada degmada Jalalaqsi islamarkaana C/qaadir Doolaal uu qirtay dambiga lagu eedeeyay sida ay sheegeen, walow aanan la heyn cadeymaha qirashada ruuxa la eedeeyay. Waxaay kaloo sheegeen Al Shabaab in maxkamada horteeda uu ka qirtay inuu caafimaad qabo C/qaadir Doolaar, uuna og yahay dambiga uu geystay iyo ciqaabta ka dhalaneysa. Dadka deegaanka ayaa loogu yeeray inay ka qeyb galaan daawashada toogashada C/qaadir oo lagu eedeeyay dambi ah inuu wiil lixsano jir ah u galmooday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Tan iyo markii la doortey Febuary 2017, Madaxweynaha dowladda federaalka mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u sameeyay shacabka ballanqaadyo dhanica ammaanka ah, oo ay kamid ahaayeen inuu ku dhawaaqay xaalado dagaal iyo guluf Xarakada Al-Shabaab dalka oo dhan looga saarayo, kuwaasoo hadda u muuqda inay noqdeen hal-bacaad lagu lisay. Mareegta Goobjoog News ayaa dib idiin xasuusinaysa qeyb kamid ah khudbad uu madaxweynaha qaranka jeediyay sanadkii hore isagoo xafiiska joogay laba bil iyo maalmo qudha. Madaxweyne Farmaajo khudbaddani wuxuu ku sameeyay ballanqaad weyn oo ahaa in Alshabaab dalka uu maamulkiisa kaga saarayo laba sano oo kaliya. Labadii sano ee Madaxweyne Farmaajo qabtay waxaa ka haray oo kaliya wax ka yar lix bil, iyadoo ay kordheen weerarrada Alshabaab oo xataa ay dhacdo mararka qaar in aqalka madaxtooyada iyo aaggiisa ay ku ekeeyaan. Muqdisho oo ah xarunta dowladda Federaalka ay ku shaqeyso haatan ayaa ah meesha uguu amniga xun xilliga Soomaaliya, waxaana Al-Shabaab wali awoodda inay weeraro culus ka fuliso meel kasta oo kamid ah magaalada, oo aqalka Madaxtooyada kamid tahay. Hadalkani wuxuu ka jeediyay xarunta wasaaaradda gaashaandhigga Muqdisho 12-04-2017-ka xuskii maalinta ciidanka xoogga dalka. Hoos Ka Dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/CODKA-FARMAAJO-APRIL-12-2017.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Siyaasi Cabdi Barre Jabriil oo horay u soo noqday xildhibaan baarlamaankii sagaalaad ayaa nala fallanqeeyay kulankii degdegga ahaa ee maadxweynaha Soomaaliya maantadan uu ugu yeeray taliyeyaasha ciidamada kale duwan ee dalka. Qaraxyo seddex ahaa oo galabkii khamiista ka dhacay magaaladani Muqdisho kuwaasoo gallaaftay nolosha dad fara badan ayaa sababta loo qabtay kulanka lagu sheegay. Xildhibaan hore Cabdi Barre Jabriil ayaa Goobjoog News ay wax ka weydiisay dadaalka hay’adaha amniga ay wadaan, hadallada madaxda dalka ay sheegaan oo ah in amni darrada wax laga qabanayo haddana ay weerarradii dhacayaan waxa qaldan. Wuxuu sheegay in sugidda amniga aynaan dowladda federaalka ah daacadi ka ahayn, islamarkaana wada shaqeyn shacabka iyo dowladda ah aynaan jirin. Siyaasi Cabdi Barre ayaa saraakiisha amniga qaabilsan ee xukuumadda federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho ku eedeeyay in ay ka gaabiyeen howlihii loo igmaday islamarkaana ay ku jeesteen howlo kale. Waxaa uu hoosta ka xariiqay in qaraxyada dhacaya dadka ku dhintay ay masuuliyaddooda cid lagu la xisaabtamo la helo. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/CABDI-BARRE-JABRIIL-11-11-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Siyaasi Cali Maxamuud Faarax(Cali Seeko) ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News ku sheegay in kulankii madaxweyne Maxamed Farmaajo uu taliyeyaasha isugu yeeray ay wax badan laga filan karo. Wuxuu sheegay in dowladnimada wax la iska warsanayay, gaar ahaan wuxuu farta ku fiiqay in wixii qalad ah oo jira xal loo helo siiba falalka amni darro ee magaalada ka dhaca. Waxaa adag buu yiri in la kala garto shacabka iyo kuwa dhibta wada sida uu hadalka u dhigay siyaasiga. Madaxweyne Farmaajo oo uu sheegay in ay tahay qofka la xisaabtanka uu ku dhacayo ay muhiim tahay inuu dedaallo. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/WAREYSI-CALI-SEEKO.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Musharrixiinta la magac baxay isbedal doonka Koonfur Galbeed oo xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyay in ay faragalin ku heeyso doorashada maamulkaasi. Musharrax Xasan Xaaji Ibraahim, oo kamid ah musharrixiintaas ayaa wareysi uu siiyay Masraxa Goobjoog News ku sheegay in doorashada madaxtinimada oo horay waqtigeeda loo shaaciyay in 17-ka bishani ay qabsoomayso aynaan suurtagal ahayn. Wuxuu sheegay in ay jirto faragallin aan qarsoonayn oo dowladda federaalku ku heyso arrinta doorashada, iyada oo wadata musharrixiin gaar ah ayuu yiri. Xildhibaan hore Xasan Xaaji Ibraahim ayaa sheegay in dacwadda ka dhanka ah faragallinta doorashada Villa Somalia safaaradda Britain ee Soomaaliya gaar ahaan safiir Devid Concar ay u wakiisheen kulan ay Baydhabo kula qaateen. Waxaa uu hoosta ka xariiqay in walaac ay ka qabaan arrinka faragellinta isagoo daboolka ka qaaday musharrax Xasan Xaaji Ibraahim in wasaaradda arrimaha gudaha ay si weyn howsha doorashada ugu lug yeelatay. Halkan Hoose Ka Dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/MUSHARRAX-XASAN-XAAJI-IBRAAHIM-11-11-2018.mp3 Source: goobjoog.com
-
Dibadbax ka dhan ah madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe booqasho la sheegay inuu ku tagayo magaalo madaxda gobolka Gedo, ee Garbahaareey ayaa maanta ka dhacay magaaladaasi. Guddoomiye xigeenka magaalada Garbahaareey Aadan Siraad oo u warramay Goobjoog News ayaa ka warbixiyay sababta keentay dibadbaxa maanta ka dhacay magaaladaasi. Wuxuu sheegay in ujeedka dibadbaxa uu ku saleysnaa cabasho bulshada magaaladaasi ay muddooyinkii dambeba ka tirsanayeen Jubbaland. Goobjoog News oo xiriirro kale duwan la sameeysay madaxtooyada Jubbaland ayaa xaqiijisay in aanu jirin safar madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe uu ku tegayo magaalada Garbahaareey. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/WAREYSI-GUD-XIGEENKA-GARBAHAAREEY.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Fadeexada ka taagan Mashruuca dhismaha jidka isku xidha Hargeisa Iyo Kala-Baydh ***************************************** Dhawaan ayuun bay ahayd markii guddida qandaraasyada qaranku ay iclaamisay in tartan loo galo mashruuca dhismaha waddada isku xidha Hargeisa-Kalabaydh oo dhererkeedu dhan yahay 60km, mashquucaas oo ay ku baxayso lacag gaadhaysa 4 million oo dollar ah oo ay bixinayso Hay’ada Jarmalka ah ee GIZ waxa tartankaas soo xareystay shirkado 11 kor u dhaafaya oo iskugu jira kuwa maxalli ah iyo kuwo caalami ah oo ka socda waddamada jaarka qaarkood, waxa ugu danbayntii liiska xulashada dhaw la iskugu soo reebay 4 shirkadood oo ay kamid yihiin shirkad ku diiwaan gashan qalabkii Dawlada hoose ee Magaalada Hargeisa iyo Shirkada Somaliland Hono Group ee loo yaqaan Cumaani-ga Shirkada ku diiwaan gashan magaca Dawlada Hoose ee Hargeisa Maxay damacsantahay? ********************************************** Qalabka ay leedahay dawlada hoose ee magaalada hargeisa waxa laga soo iibiyay dalka Ethiopia waxaana lacagta lagu soo iibiyay ay tahay hantidii shacabka masaakiinta ah ee reer Somaliland gaar ahaan Hargeisa, qalabkan oo ku rakiban goob ku taala duleedka galbeed ee magaalada hargeisa una dhaw deegaanka ABAAARSO ayaa tan iyo intii la keenayba waxa si sharciga baalmarsan ugu tagri fala maayarka Caasimada oo badanaa ku qabta shaqooyin ka baxsan kuwii wadooyinka ee ay ahayd looguna talo galay isagoo ku dhisa kaalmaha iyo goobaha shirkadaha gaarka loo leeyahay ee wadddada hareera-heeda ku yaala iyadoo dakhliga kaso baxana ay toos ugu dhacdo jeebka maayirka caasimada SOLTECO doorkan ayaa hadaba qalabkii ay lahayd dawlda hoose ee hargeisa ee ay ahayd in lagu dhiso wadooyinka cadilan ee magaalada Hargeisa waxa si qayru sharci ah qandaraaska dhismaha jidka isku xidha Magaalooyinka Hargeisa iyo Kala-baydh kaga qayb galiya nin lagu magacaabo AXMED BAASHE oo kasoo jeeda Jufada hoose ee beesha Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi yahay ee Reer Samatar waxaana si qarsoodi ah qalabkii dawlada hoose ee Hargeisa ee laga iibiyay cashuurta dadka danyarta ah ee reer hargeisa ugu tagri falaya Axmed baashe oo ay saxiib dhaw yihiin Maayar SOLTECO kuna diiwan gashaday magaca ah ENGINEERING AND MANAGEMENT CO waxaana sidoo kale ku wehelinaya hawshaa xubin isna ka tirsan golaha deegaanka ee Caasimada oo isna kasoo jeeda beesha madaxwaynaha Somaliland Dawlada hoose ee magaalada Hargeisa ee uu gudoomiyaha u yahay Maayir Cabdiraxman Maxamuud Caydiid ‘’Solteco’’ oo muddo xileedkiisu dhaafay muddadii sharciga ahayd ee ay golaha deegaanka joogi lahaayeen ayaa si wayn ugu guul daraystay inuu wax ka qabto baahiyaha aan tirada lahayn ee ka jira magaalada uu maayirka u yahay Burburka iyo dayca ka jira wadooyinka Hargiesa ee maayirka uu ka yahay SOLTECO waxay keentay in dadwaynuhu ay iskood ugu deeqaan lacago ay iska soo ururiyeen oo 40% ah si ay wadooyin fiican u helaan, dhawaan ayay ahayd markii Degmooyin kamida Magaalada Hargeisa lagaga dhawaaqay maayar cusub oo u gaar ah kadib markii wadooyinka Magaalada Hargeisa waxba laga qaban waayay Hadaba hadii qalabkii ay lahaayeen dadwaynuhu ee ay ahayd in iyaga wax loogu qabto dano gaar ah ay ku fushadaan cid gaar ahi waxay horseedi doontaa gadood dadwayne iyo cawaaqib xumo aan laga soo wiiqsan waxaanay sharaf dhac ku noqon doonta madaxwaynaha Somaliland Shirkada Somaliland Hono Group (Cumaaniga) **************************************** Shirkadan oo uu mulkiile ka yahay Cabdirisaaq CUMAANI ayaa hore loo siiyay mashruucii dhismaha madaarka Cigaal kaas oo lacag gaadhaysa 10 Million oo dollar ay ugu deeqday dawlada dalka Kuwayt, balse mashrucii dhismaha ee garoonka cigaal ee la lunsaday ayaa wali dadka reer Somaliland is waydiinayaan halka ay martay maadaama aanay muuqan haba yaraatee wax ka qabasho iyo dhisme lagu kordhiyay madaarka Cigaal oo lacag 10 Million oo dollar ahi ku baxday! Sidoo kale shirkadan ayaa si eex ah loo siiyay wakhtigii dawladii SiiLaanyo mashaariic waddo oo dhawr ah oo ay kamid yihiin biriijyada isku xidha Magalada Barbara iyo Hargeisa oo tiraba dhwar jeer wax ka qabashadiisa ay lacago malaayiin ah ku qaadatay shirkadan balse aan sidii ay ahayd loo fulin Sidoo kale waxa shirkadan hore loogu xidhay qandaraaska dhismaha madaarka magaalada Burco iyada oo aan guddi qandaraas marin tartana aan loo galin Waxa sidoo kale jira wadooyiin dhawr ah oo dalka gudihiisa ku yaala oo shirkadan hore loo siiyay oo dhamaantood lacago malaayiin ah lagu bixIyay dhamantoodna dayacan oo lacagahoodii la musuqay Doorkan ayaa sidii caadada ahayd shirkadan uu ganacsade Cumaani wataa ay damacsan tahay in la siiyo dhismaha wadada muhiimka u ah dhaqaalaha iyo isku socodka Somaliland ee Hargeisa ilaa Kala baydh oo isku xidha Somaliland iyo Ethiopia, waxaana marka loo eego mashaaricihii hore ee ay musuqeen khibaradii laga dhaxlayna la ogyahay waxa ay damacsan yihiin inay si caamo ah oo musuq ah hadana waddadaas oo 4 Million ku baxayso ay u qaadato Hadii ay dhacdo in doorkanna si xaglin ah shirkadan ku caan baxday musuqa iyo caamaynta umada reer Somaliland lagu siiyo mashruuca dhismahan muhiimka ah waxay iyana bar madaw oo taariikhda gasha ku noqon doontaa madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi La Soco Qaybaha Dambe Oo Aanu Ku Soo Gudbin Doono Magacyada Cid Kasta Oo Ku Lug Leh Musuqan, Haday Tahay Gudida Qandaraasyada, Xil Dhibaanada Golaha Deegaan iyo Masuuliyiin Kaleba. W/Q: Axmed Maxamed Cilmi (Catooshe) Master of Economic Policy and Planning Sent from Yahoo Mail on Android Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Diidmo xooggan ayaa lagala hor-yimid booqasho la qorsheynayo in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu ku tago magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo. Masuuliyiinta maamulka Gobolka Gedo ayaa kasoo horjeestayt safarka madaxweyne Axmed Madoobe uu doonayo dhawaan inuu ku tago degmada Garbahaareey, waxaana qaarkood ay sheegeen inuusan waxba u qaban magaalada. Guddoomiye ku xigeenka maamulka Gedo Cismaan Nuur Xaaji ayaa sheegay in Axmed Madoobe muddadii uu hayay xilka madaxweynaha Jubbaland uusan waxba u qaban magaalada, islamarkaana aysan habooneyn inuu hadda tago magaalada. Wuxuu sheegay inaysan marnaba aqbaleyn inuu tago magaalada Garbahaareey iyo deegaanada kale ee Gedo, maadaama waxqabadkiisa uu ku koobay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Xubnaha kale ee maamulka ayaa qaarkood ku qanacsan in Axmed Madoobe uu safar ku tago gobolka Gedo, iyadoo banaanbaxyo qorsheysan ay ka dhaceen degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya inay jiraan banaanbaxyo kale oo la qorsheynayo inay ka dhacaan gobolka Gedo maalmaha so socdo, waxaana looga soo horjeedaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Beelo walaalo ah ayaa duhurnimadda maanta oo Axad ah waxay ku dagaalameen tuulooyin hoos-yimaada gobolada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya xili ay ka dhasheen khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac. Suldan Cabdi Kariin Macalin Xasan oo kamid ah salaadiinta Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay dhinacyadda inay joojiyaan iska hor-imaadyadda, isaga oo xusay inay wax kasta ku xaliyaan wadahadal iyo is-afgarad. Colaada udhaxeysa Beelaha walaalaha ah ayaa salka ku haysa dilal siyaabo kala duwan uga dhacay magaalooyinka Hobyo iyo Cadaado ee goboladaasi, xili Gudoomiyaha xarunta Baarlamaanka uu faray in lasoo xiray cidii dalka fulisay. Suldaanka oo hadalkiisa sii wata wuxuu soo dhaweeyay amarka kasoo baxay Gudoomiyaha Degmada Cadaado mudane Tootow, isaga oo ku tartarsiiyay shacabka inay nabadda, oo uu ku adkeystay inay ubaahan yihiin, ay qaataan. Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo meesha ay wax ka dhaceen ayaa sheegaya in xaalado ay haatan degan tahay, inkasta oo dhaqdhaqaaqyo ciidan ay wadaan dhinacyadda dirirtu udhaxeyso. Hoos ka dhageyso codka Suldaanka http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Suldan.mp3 The post Baaq nabadeed oo loo diray Beelo dagaalamay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Daawadu waa shay asaasi ah oo ka mid ah waxyaabaha nolosha lagama maarmaanka u ah, nooluhuna uu aadka ugu baahanyahay, ugana dhigan xilliyada qeybtood geeri iyo nolol. daawadu waa hubka ugu badan ee dhakhaatiirtu u adeegsato la dagaalanka cudurada. Taariikhda daawadu waa dheertahay oo ilaa intii aadanuhu jiray, wax uun daawo ah baa jiray. Warshadaha daawadu waxa ay ku jiraan kuwa ugu saameynta badan dunida siiba dalalka reer galbeedka, daawadana waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah waxyaabaha dunida lacagta ugu badan laga sameeyo. Dunida sedexaad lafteeda waxaa jira wadamo ganacsigooda ay daawadu qeyb libaax leh ka ciyaarto. Xuquuqda asaasiga ah ee aadanaha waxaa ka mid ah in uu qof walba xaq u leeyahay in uu helo daawo wax ka qaban karta cudurka haya. Innaga soomaali ahaan daawadu waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu welwelka badan ee inta badan bulshada iyo bahda caafimaadkuba ka cawdaan, ha ahaato dhanka tayada, isticmaalka, dhibaatooyinka ay keento, qaababka khaldan ee looga ganacsado iyo dadka aan aqoonta u lahayn oo ganacsigeeda u badan. Hadaba qoraaladan taxanaha ah waxa aan isku dayayaa in aan bulshada la wadaago xog wacyigalin iyo aqoon kororsi ah, oo aan kaga qeyb qaadanayo dedaalada bahda caafimaadku ay bulshada ugu adeegayso haddii alle idmo. Qeexid Daawada waxaa la siiyaa labo qeexitaan oo kala ah: Walax kiimikaad oo loo adeegsado ka hortagga, daweynta ama baaritaanka cudurada. Walax kiimikaad oo doorisa maanka (maan-dooriye). Qeexitaanka hore waxa uu la xiriiraa daawada marka loo adeegsanayo daweynta cudurada, ka hortagga iyo baaritaankooda. Qeexitaanka labaad waxa uu la xiriiraa daawada marka loo adeegsado in laga helo farxad iyo xaalad degganaansho, waana marka ay daawadu noqonayso maandooriye. Dhib iyo Dheef Daawadu waa seef labo af leh, waxa ay leedahay waxtar iyo waxyeello labadaba. waxtarkeedu waa caan oo waa daweynta, ka hortagga iyo baaritaanka cudurrada, waxa ayse keeni kartaa in bukaanka dhib fudud oo uu kasoo kaban karo gaarto ama in dhib joogta ah ay gaarto sida kalyaha oo hawl-gab noqda,beerka oo waxyeelooba iyo in bukaanku dhinto. Daawada ugu dhibta yar ee la yaqaan waa barastamool (paracetamol) iyana qof waa dili kartaa haddii xadkeeda la dhaafiyo. Ilaha Daawada Laga Helo Daawada waxaa laga helaa ilo dhawr ah oo ay ka mid yihiin uguna caansanyihiin dhirta Noolaha waaweyn(Lo’da iwm) Noolaha ilma aragtayda ah(bakteeriyada,fanjiga iwm) Macaadinta(iron,zinc,magnesium) Iyo tan ugu badan oo ah daawada warshadaysan (synthetic). Sidee Loo Sameeyaa Daawo? Weydiintaan waxa ay innagu celinaysaa marka hore in aan fahamno daawo mucayin ah in ay daawo tahay sidee lagu ogaaday? Siyaabaha ugu badan oo daawo, in ay daawo tahay lagu ogaaday waxaa ka mid ah kuwaan soo socda: Ku day: in nooluhu tijaabiyo geed, xayawaan kale, IWM isagoo caafimaad ka raadinaya adeegsigiisa. Dhaxal laga dhaxlay ummadihii innaga horreeyey oo facba fac u soo gudbiyey, dhaxalkaasi waxa uu noqon karaa qoraal tijaabo la xiriira ama waxyi. Sida casriga ah hadda oo ah in aadanuhu bartay cudurada iyo sida ay u dhacaan iyo cilmiga kiimikada oo markaa isku dhisyada kiimaad ee la bartay iyo cudurka la isku eego sida ay isugu habboonyihiin ama sida kiimikadu cudurka ay wax uga tari karto. Hadaba, aadanuhu marka uu walax mucayin ah uga shakiyo in ay daawo ahaan wax u tari karto, waxa uu mariyaa tijaabooyin, ilaa la xaqiijiyo in ay waxtar leedahay iyo in kale, tijaabooyinkaasina waxa ay u dhacaan sidatan: Sheybaar iyada oo la adeegsanayo in la ogaado daawadu in ay wax ka tari karto cudurka, halkaan waxaa la adeegsadaa unugyada cudurku asiibo iyo daawada, waana meesha laga ogaado sida daawadu ugu xirmayso jirka iyo qaabka ay u shaqeynayso. Sidoo kale waa xiliga daawada loo sameeyo qaab daaweedka ugu haboon sida: kaniin, kaabsool,sharoobo;irbad iwm, kadib marka la diraaseeyo astaamaheeda muuqaaleed iyo kuweeda kiimikeed. Haddii daawadu marxaladaan inta ay ku jirto guuldaraysato halkaa ayaa lagu joojiyaa oo kharash iyo waqti danbe lama galiyo. Marxaldaan haddii ay daawadu ka soo gudubto inta aysan marxalada labaad u gudbin waa in laga helaa ogalaansho hay’adaha ay khuseyso sida hay’ada daawada iyo cuntada, wasaarada caafimaadka IWM inta aan noole lagu tijaabin, noolahaas noocuu doono ha ahaadee. Marka daawadu kasoo gudubto marxaladda koowaad, waxaa lagu tijaabiyaa noole, noolahaas oo ah marka hore xayawaanno yaryar sida jiir iwm, waana meesha lagu xaddido daawada dooskeeda( qiyaasta laga qaadanayo), wax yeeladeeda iyo in ay wax tar leedahay IWM. Haddii ay marxaladaan ku guuldarraysato halkaa ayaa looga tagayaa oo kharash iyo waqti danbe lama geliyo, haddiise ay ka gudubto marlaxaddaan waxaa lagu tijaabinayaa kooxo dad ah oo mar ba tirada la kordhinayo; si loo ogaado saameynta ay ku leedahay dadka sababtoo ah dadka iyo noolaha kale waa kala duwanaan karaan dhanka dhismaha jirka iyo jawaab ka bixinta daawada labadaba. Haddii dawaadu ay marxaladdaan ka gudubto waxaa la galiyaa suuqa, waxaana si joogta ah loo qiimeeyaa waxtarkeeda iyo waxyeeladeeda, haddii ay dhib ka badan faa’iidadeeda keentana suuqa waa laga saaraa waana la joojiyaa saameynteeda xun awgeed. Haddaba celcelis ahaan waxa ay qaadataa 7 sano ilaa 12 sano in daawadaasi suuqa kusoo gasho iyadoo waqti iyo maal fara badani ay ku baxeen. La soco qeybta labaad. W/Q Cabdiwaaxid Maxamed Ismaaciil, Daawo yaqaan, bare maadadda cilmiga daawada(pharmacology), Jaamacadaha culuumta caafimaadka iyo Badda Cas. Abdiwahidedu@gmail.com. Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-11112018-web1.mp3 https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-11112018-web1.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xilhibaan Warsame Maxamed Xasan (Joodax) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, marna xil ka soo qabtay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa eedeyn u jeediyay Maamulka Gobolka Banaadir, xilli amniga magaalada uu faraha kasii baxayo. Warsame Joodax ayaa sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow uu shaqooyinkii loo xil saaray iska hilmaamay, islamarkaana taasi ay dhalilsay amni darrada ka jirta magaalada Muqdisho. Waxa uu sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir laga doonayo in uu ka Shaqeeyo sidii uu isugu xiri lahaa laamaha kala duwan ee amniga, sida Booliska iyo Nabadsugida, si amniga magaalada loo sugo. “Haddii sida ay tahay uu u shaqeyn lahaa maamulka Gobolka Banaadir, waxaan oo dhan naguma dhaceyn, balse waxaan rabnaa in aan maalin walba tacsi ku jirin, duqa Muqdishana uusan ku jeesan howlo siyaasadeed balse uu ka shaqeeyo horumarinta amniga” ayuu yiri Xildhibaan Warsame Joodax. Hadalka Xildhibaan Warsame Joodax ayaa ku soo aadaya xilli maalin ka hor weerar ismiidaamin ku bilaawday lagu qaaday Hotelka Saxafi ee Magalada Muqdisho weerarkaas oo dhaliyay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah. Ayada oo ay dhibaatooyinka oo idil ku dhacayaan shacabka Muqdisho, ayaa Yarisow waxa uu ka qeyb-galayaa shirka Maayarada Magaalooyinka dalalka Islaamka oo sanadkan lagu qabtay Jamhuuriyadda Jabuuti, kaasi oo wax faa’iido ah oo la taaban karo aysan ku jirin, marka laga reebo sawirro qurxoon oo la galo. Hoos ka dhageyso Codka Xildhibaan Warsame Joodax https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/Xildhibaan-Warsame-Joodax-Qaraxyada-iyo-Amni-darrada-Muqdisho-Ka-Dhacaya.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxay khasaarihii ka dhshay Qaraxyadii Jimcihii ka dhacay Muqdisho oo si gaar ah looga beegasday Hotel Saxafi ayaa gaaray inta illaa hadda la og-yahay 53-qof, iyadoo dhaawacyaduna ay kor u dhaafeen 100-qof. Ilo-wareedyo ka kala tirsan isbitaallada Muqdisho iyo taliska Booliiska ayaa u sheegay warbaahinta in dhimashadu oo markii hore lagu sheegay 20-qof ay aad uga badan tahay, sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo halis ah oo aan wax looga qaban karin dalka gudihiisa. Sarkaal ka tirsan booliiska Somalia aya sheegay in dadka dhintay ay u badan yihiin shacab waddada marayay, isagoo xusay in qaraxyadan oo ahaa afar qarax oo is-xig-xigay ay ahaayeen kuwii ugu khasaaraha badnaa sannadkaan oo Xamar ka dhaca. “Dhismashadu waxay hadda maraysaa 53-qof, dhaawacyaduna waxay kor u dhaafayaan 100-qof. Waxaa jira dad dhaawacyo halis ah qaba,” ayuu yiri sarkaalka booliiska Somalia ka tirsan ee la hadlay warbaahinta. Sidoo kale, Axmed Yuusuf oo ka tirsan shaqaalaha isbitaalka Madiina oo ah midka la gaarsiiyay dhaawacyadii ugu badnaa ee Qaraxyadii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay ayaa sheegay in dhaawacyo lasoo gaarsiiyay dad badan oo dhaawacyo kala duwan qaba. “Dhaawacyada waxaa ku jira kuwo aad u daran oo aan dalka waxba looga qaban karin, qaarkood way gubteen, kuwo kalena xubno muhiim ah ayay dhaawacyo kasoo gaareen,” ayuu yiri Axmed Yuusuf. Hotel Suxufi oo ka mid ah hoteellada ku yaalla bartamaha Xamar ay daggan yihiin mas’uuliyiinta Dowladda Somalia qaarkood, ayaa wuxuu saddex sano ka hor sidan oo kale ula kulmay weerarro ay soo qaaday Al-shabaab, kuwaas oo lagu dilay milkilihii hoteelka, halka kuwan dambena lagu dlay wiilkiisa oo ahaa maamulaha hoteelka. Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa weerarradan oo ay sheegaetay Al-shabaab awgood, wuxuu kulammo ay alaabbadu u xiran yihiin la yeeshay taliyeyaasha qaybaha ciidamada qalabka sida, inkastoo aan la ogeyn go’aannadii kasoo baxay. Ugu dambeyn, Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ilaalada Hotel Suxufi ayaa ku guuleystay inay dilaan shan ruux oo ahaa kooxihii weeraray hoteelkaas, ka hor intii aysan gudaha u gelin xayn-daabka hoteelka. PUNTLAND POST The post Dadkii ku Naf-waayay Qaraxyadii Muqdisho ka dhacay Jimcihii oo kor u dhaafay Konton Ruux appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/Welli Maxamed Cali Gaas ayaa magacaabay taliyaha ciidamada Xasilinta Magaalada Garowe ee caasimada Puntland, kadib wareegto kasoo baxday xafiiskiisa. Wararka aan ka heleyno magaalada Garowe ayaa sheegaya in labo ujeedo uu ka damacsan yahay magacaabista taliyahaasi oo ah mid ku cusub ciidamada Puntland, sida ilo xog ogaal ah inoo sheegeen. Ujeedada Koowaad ayaa ah in lagu xaqiijiyo amaanka magaalada Garowe oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay kusoo kordhayeen tuugada dhaca ka geysta xaafadaha magaalada Garowe, iyadoo mararka qaar ay magaalada ka dhacaan dilal qorsheysan. Ujeedada labaad ayaa ah inuu kaga hortago dadka kasoo horjeeda qorshayaashiisa iyo banaanbaxyada ay sameynayaan dadka deegaanka xiliga doorashada, waxaana ciidamadan la sheegay inay dhawaan tababar gaar ah qaadan doonaan. Maadaama dhawaan doorashooyin ay ka dhacayaan deegaanada Puntland, waxaana ciidamadaasi la damacsan yahay inay ka hortagaan wax walbaa oo qalalaaso keeni kara, sida xogta aan ku heleyno. Ciidamada Xasilinta ayaa xaqiijin amaan ahaan kaga howlgalayay magaalada Muqdisho, waxaana ay lahaayeen tababar gaar ah oo ciidamada la siiyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta warbixin ku saabsan xoojinta dib-u-habeynta nidaamka maaliyadda dalka iyo horumarrada laga gaaray ka dhagaystay Golaha Dhaqaalaha Qaranka. Shirka Golaha Wasiirrada oo uu shir-guddominayay Ra’iisulwasaare Xasan Cali Khayre ayey Golaha Dhaqaalahu ku soo bandhigeen cilmi-baaris ay ka sameeyeen hannaanka maal-gashiga dalka, kobcinta dhaqaalaha, kordhinta dakhliga dawladda, iskaashi dhaqaale oo Somalia ay la yeelato wadamada Bariga Afrika iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa. Golaha dhaqaalaha qaranaka oo adeegsanaya cilmi baaris dheer iyo caddeymo ayaa dawladda kala taliya arrimaha dhaqaalaha dalka, iyaga oo sidoo kale dawladda talo ka siiya diyaarinta iyo dhaqan-galinta siyaasad dhaqaale oo tayo leh taas oo ka caawinaysa isku-dubaridka khayraadka dalka iyo dibadda iyo fulinta qorshayaasha dhaqaalaha iyo maaliyadda dalka. Madaxwaynaha Jamhuuriyadd Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa Dekareeto ku magacaabay golaha dhaqaalaha qaranka July 12, 2018, waxaana si rasmi ah loo daah-furay August 11, 2018. Golaha dhaqaalaha Qaranka; Guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha wasiirada, madaxda dawlad goboleedyada, guddoomiyaha bangiga dhexe iyo shan xubnood oo madax bannaan ayaa xubno ka ah golaha dhaqaaaha qaranka, waxaana sidoo kale la shaqeynaya afar dhaqaale-yahan oo aan Soomaali aheyn. Shanta Xubnood ee Soomaalida ah Dr. Ali Issa Abdi; Wuxuu PhD ka diyaariyay dhaqaalaha, master-kana waxa uu ku diyaariyay maaliyadda caalamiga ah. Waxa muda dhan 20 sano uu hey’adda lacagta aduunka kula shaqeeyay dhaqaala yahan sare Dr Aues Scek; Wuxuu in ka badan 25 sano oo khibrad u leeyahay dib u habaynta maamulka dawliga ah, horumarinta istaraatiijiyadda siyaasadda iyo siyaasadda maaliyadda, waxa uu PhD ku diyaariyay horumarinta dhaqaalaha, Waxa uuna la taliye dhaqaale kasoo noqday Barnaamijka GIZ ee wadamada Swaziland, Kenya, Malawi iyo Germany. UNDP ayuu kala shaqeeyay barnaamijka PFM, dib u qaabaynta siyaasadda dhaqaalaha iyo barnaamijka Kormeerka Iyo Qiimaynta. Dr. Hussein Warsame; Wuxuu Associate Professor ka yahay Iskuulka ganacsiga ee Haskayne, waxa agaasime ka yahay qaybta Master-ka ee siyaasadda Dawliga ah ee jaamacadda Calgary. Waxa uu PhD ku diyaariyay maamulka MBA ayuu ku diyaariyay Xisaabaadka. Waxa uu Bagiga aduunka talooyin ka siiyay canshuurta, daah-furnaanta dakhliga kasoo xarooda saliidda iyo shidaalka. Hussein M Siad; Wuxuu xirfad wanaagsn u leeyahay horumarinta dhaqaalaha. Waxa uu master ku diyaariyay dhaqaalaha iyo maamulka. Waxa uu in ka badan 30 sano oo khibrad ah u leeyahay nakhshadeynta iyo wada xaajoodka barnaamijyada gargaarka iyo dib u habaynta siyaasadda dhaqaalaha. Waxa uu kasoo shaqeeyay wadamada Kenya, Lebanon, Somalia, Zimbabwe iyo Mauritius. Waxa uu soo noqday wasiir ku-xigeenka maaliyadda ee dawladda Federaalka Soomaaliya. Waxa uu la shaqeeyay Bangiga aduunka, Bangiga horumarinta Islaamka, Hay’adda Lacagta Aduunka, hay’adda gargaarka ee Mareykanka, Bankiga horumarinta Afrika, Midawga Yurub iyo UNDP. Sakhawadin Mustafa Mohamed; Wuxuu Shahaadada PhD iyo master ku diyaariyay dhaqaalaha, waxa uu khibrad u leeyahay falanqaynta maamulka iyo siyaasada dhaqaaalaha dawladda. Waxa uu dhinacya badan kala soo shaqeeyay Minnesota State isaga oo noqday agaaasimaha cutubka dhaqaalaha, waxa uuna hogaan usoo noqday cutubka cilmi baaaritsa shaqaalaha iyo falanqaynta dhaqaalaha ee Waaxda shaqaalaha iyo warshadaha. Xubnaha aan Soomaalida ahayn ee la shaqeeya Golaha dhaqaalaha Qaranka Dr. Abdalla A. HAMDOK; Waa ku-xigeenka xoghayaha iyo madaxa dhaqaala yahannada guddiga dhaqaalaha qaramada midoobay u qaabishan Afrika, Wuxuu PhD ka diyaariyay dhaqaalaha. Waxa uu khibrad ka badan 30 sano u leeyahay dib u habaynta ha’aydaha dawliga ah, dawlad wanaagga iyo maamulka Khayraadka. Waxa uu hoggaan u noqday qayba xoog leh oo daraaseeya caqabadaha soo wajaha horumarada kala duwan ee siyaasadda Afrika. Waxaa uu hoggaan u noqday qorshayaal kala duwan oo ay fuliyeen guddiga dhaqaalaha Afrika (ECA) oo khuseeya horumarinta siyaasadda maamulka, dawlad wanaagga iyo maamulka dawliga ah. Dr. Peter J. Middlebrook; Waa dhaqaale-yahan lasoo shaqeeyay Bangiga aduunka, Midawga Yurub iyo dawladda Ingiriiska, waxa uu kasoo shaqeeyay in la badan 40 dal oo dunida daafaheeda ah. Waxa uu hormuud u noqday Hindisayaal muhiim ah oo ay kamid ahayd nakhshadaynta qorshaha xasilinta carabta ee ay ku bexeysay 100 bilyan oo doollar. Dr. Edward Sambili; Wuxuu shahaadaha PhD ku sameeyay dhaqaalaha; waxa uu master ku diyaariyay horumarinta iyo ganacsiga caalamiga ah. Dr. Edward Sambili waxa uu in ka badan 33 sano oo khibrada ah u leeyahay horumarinta dhaqaalaha. Waxa uu xubin ka yahay golaha dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee qaramada midoobay, waa la taliyaha dhaqaalaha ee UNDP Kenya. Dr Sambili waxa uu gudoomiye kasoo noqday guddiga sare ee dakhliga Kenya intii u dhexeysay 2016 iyo 2018. Dr Nehemiah Kipkoech Ngeno; Wuxuu shahaadaha PhD ku diyaariyay dhaqaalaha gaar ahaan dhaqaalaha caalamiga ah. Waxa uu si gaar ah khibrad ugu leeyahay siyaasadda ganacsiga, dhaqaalaha, dib u habaynta maamulka dawliga ah. Dr Nehemiah Kipkoech Ngeno waxa uu ka tirsanaa jaamacadda Nairobi laga soo billaabo 1983 isaga oo ka dhigayay dhaqaalaha caalamiga ah. PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Warbixin ka dhageystay Guddiga Dhaqaalaha Qaranka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixin ku saabsan xoojinta dib-u-habeynta nidaamka maaliyadda dalka iyo horumarrada laga gaaray ka dhagaystay Golaha Dhaqaalaha Qaranka. Shirka Golaha Wasiirrada oo uu shir-guddominayay Ra’iisulwasaare Xasan Cali Khayre ayey Golaha Dhaqaalahu ku soo bandhigeen cilmi baaris ay ka sameeyeen istaraatiijiyadda maalgashiga dalka, kobcinta dhaqaalaha, kordhinta dakhliga dawladda, iskaashi dhaqaale oo Soomaaliya ay la yeelato wadamada Bariga Afrika iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa. Golaha dhaqaalaha qaranaka oo adeegsanaya cilmi baaris dheer iyo cadaymo ayaa dawladda kala taliya arrimaha dhaqaalaha dalka, iyaga oo sidoo kale dawladda talo ka siiya diyaarinta iyo dhaqan-galinta siyaasad dhaqaale oo tayo leh taas oo ka caawinaysa isku-dubaridka khayraadka dalka iyo dibadda iyo fulinta qorshayaasha dhaqaalaha iyo maaliyadda dalka. Madaxwaynaha Jamhuuriyadd Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa Dekareeto ku magacaabay golaha dhaqaalaha qaranka July 12, 2018, waxaana si rasmi ah loo daah-furay August 11, 2018. Faahfaahin: Wax ka baro xubnaha golaha dhaqaalaha qaranka Guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha wasiirada, madaxda dawlad goboleedyada, guddoomiyaha bangiga dhexe iyo shan xubnood oo madax bannaan ayaa xubno ka ah golaha dhaqaaaha qaranka, waxaana sidoo kale la shaqeynaya afar dhaqaale-yahan oo aan Soomaali aheyn. Shanta Xubnood ee Soomaalida ah Dr. Ali Issa Abdi Waxa uu PhD ka diyaariyay dhaqaalaha, master-kana waxa uu ku diyaariyay maaliyadda caalamiga ah. Waxa muda dhan 20 sano uu hey’adda lacagta aduunka kula shaqeeyay dhaqaala yahan sare Dr Aues Scek waxa uu in ka badan 25 sano oo khibrad u leeyahay dib u habaynta maamulka dawliga ah, horumarinta istaraatiijiyadda siyaasadda iyo siyaasadda maaliyadda, waxa uu PhD ku diyaariyay horumarinta dhaqaalaha, Waxa uuna la taliye dhaqaale kasoo noqday Barnaamijka GIZ ee wadamada Swaziland, Kenya, Malawi iyo Germany. UNDP ayuu kala shaqeeyay barnaamijka PFM, dib u qaabaynta siyaasadda dhaqaalaha iyo barnaamijka Kormeerka Iyo Qiimaynta. Dr. Hussein Warsame waxa uu Associate Professor ka yahay Iskuulka ganacsiga ee Haskayne, waxa agaasime ka yahay qaybta Master-ka ee siyaasadda Dawliga ah ee jaamacadda Calgary. Waxa uu PhD ku diyaariyay maamulka MBA ayuu ku diyaariyay Xisaabaadka. Waxa uu Bagiga aduunka talooyin ka siiyay canshuurta, daah-furnaanta dakhliga kasoo xarooda saliidda iyo shidaalka. Hussein M Siad waxa uu xirfad wanaagsn u leeyahay horumarinta dhaqaalaha. Waxa uu master ku diyaariyay dhaqaalaha iyo maamulka. Waxa uu in ka badan 30 sano oo khibrad ah u leeyahay nakhshadeynta iyo wada xaajoodka barnaamijyada gargaarka iyo dib u habaynta siyaasadda dhaqaalaha. Waxa uu kasoo shaqeeyay wadamada Kenya, Lebanon, Somalia, Zimbabwe iyo Mauritius. Waxa uu soo noqday wasiir ku-xigeenka maaliyadda ee dawladda Federaalka Soomaaliya. Waxa uu la shaqeeyay Bangiga aduunka, Bangiga horumarinta Islaamka, Hay’adda Lacagta Aduunka, hay’adda gargaarka ee Mareykanka, Bankiga horumarinta Afrika, Midawga Yurub iyo UNDP. Sakhawadin Mustafa Mohamed waxa uu PhD iyo master ku diyaariyay dhaqaalaha, waxa uu khibrad u leeyahay falanqaynta maamulka iyo siyaasada dhaqaaalaha dawladda. Waxa uu dhinacya badan kala soo shaqeeyay Minnesota State isaga oo noqday agaaasimaha cutubka dhaqaalaha, waxa uuna hogaan usoo noqday cutubka cilmi baaaritsa shaqaalaha iyo falanqaynta dhaqaalaha ee Waaxda shaqaalaha iyo warshadaha. Xubnaha aan Soomaalida ahayn ee la shaqeeya Golaha dhaqaalaha Qaranka Dr. Abdalla A. HAMDOK waa ku-xigeenka xoghayaha iyo madaxa dhaqaala yahannada guddiga dhaqaalaha qaramada midoobay u qaabishan Afrika, waxa uu Ph.D. ku heestaa dhaqaalaha. Waxa uu khibrad ka badan 30 sano u leeyahay dib u habaynta ha’aydaha dawliga ah, dawlad wanaagga iyo maamulka Khayraadka. Waxa uu hoggaan u noqday qayba xoog leh oo daraaseeya caqabadaha soo wajaha horumarada kala duwan ee siyaasadda Afrika. Waxaa uu hoggaan u noqday qorshayaal kala duwan oo ay fuliyeen guddiga dhaqaalaha Afrika (ECA) oo khuseeya horumarinta siyaasadda maamulka, dawlad wanaagga iyo maamulka dawliga ah. Dr. Peter J. Middlebrook waa dhaqaale-yahan lasoo shaqeeyay Bangiga aduunka, Midawga Yurub iyo dawladda Ingiriiska, waxa uu kasoo shaqeeyay in la badan 40 dal oo dunida daafaheeda ah. Waxa uu hormuud u noqday Hindisayaal muhiim ah oo ay kamid ahayd nakhshadaynta qorshaha xasilinta carabta ee ay ku bexeysay 100 bilyan oo doollar. Dr. Edward Sambili waxa uu PhD ku sameeyay dhaqaalaha; waxa uu master ku diyaariyay horumarinta iyo ganacsiga caalamiga ah. Dr. Edward Sambili waxa uu in ka badan 33 sano oo khibrada ah u leeyahay horumarinta dhaqaalaha. Waxa uu xubin ka yahay golaha dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee qaramada midoobay, waa la taliyaha dhaqaalaha ee UNDP Kenya. Dr Sambili waxa uu gudoomiye kasoo noqday guddiga sare ee dakhliga Kenya intii u dhexeysay 2016 iyo 2018. Dr Nehemiah Kipkoech Ngeno waxa uu Ph.D. ku diyaariyay dhaqaalaha gaar ahaan dhaqaalaha caalamiga ah. Waxa uu si gaar ah khibrad ugu leeyahay siyaasadda ganacsiga, dhaqaalaha, dib u habaynta maamulka dawliga ah. Dr Nehemiah Kipkoech Ngeno waxa uu ka tirsanaa jaamacadda Nairobi laga soo billaabo 1983 isaga oo ka dhigayay dhaqaalaha caalamiga ah. Daawo kulankii maanta ee golaha wasiirada iyo golaha dhaqaalaha qaranka Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixin ku saabsan xoojinta dib-u-habeynta nidaamka maaliyadda dalka iyo horumarrada laga gaaray ka dhagaystay Golaha Dhaqaalaha Qaranka. Shirka Golaha Wasiirrada oo uu shir-guddominayay Ra’iisulwasaare Xasan Cali Khayre ayey Golaha Dhaqaalahu ku soo bandhigeen cilmi baaris ay ka sameeyeen istaraatiijiyadda maalgashiga dalka, kobcinta dhaqaalaha, kordhinta dakhliga dawladda, iskaashi dhaqaale oo Soomaaliya ay la yeelato wadamada Bariga Afrika iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa. Golaha dhaqaalaha qaranaka oo adeegsanaya cilmi baaris dheer iyo cadaymo ayaa dawladda kala taliya arrimaha dhaqaalaha dalka, iyaga oo sidoo kale dawladda talo ka siiya diyaarinta iyo dhaqan-galinta siyaasad dhaqaale oo tayo leh taas oo ka caawinaysa isku-dubaridka khayraadka dalka iyo dibadda iyo fulinta qorshayaasha dhaqaalaha iyo maaliyadda dalka. Madaxwaynaha Jamhuuriyadd Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa Dekareeto ku magacaabay golaha dhaqaalaha qaranka July 12, 2018, waxaana si rasmi ah loo daah-furay August 11, 2018. Faahfaahin Saxaaafadeed Guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha wasiirada, madaxda dawlad goboleedyada, guddoomiyaha bangiga dhexe iyo shan xubnood oo madax bannaan ayaa xubno ka ah golaha dhaqaaaha qaranka, waxaana sidoo kale la shaqeynaya afar dhaqaale-yahan oo aan Soomaali aheyn. Shanta Xubnood ee Soomaalida ah Dr. Ali Issa Abdi Waxa uu PhD ka diyaariyay dhaqaalaha, master-kana waxa uu ku diyaariyay maaliyadda caalamiga ah. Waxa muda dhan 20 sano uu hey’adda lacagta aduunka kula shaqeeyay dhaqaala yahan sare Dr Aues Scek waxa uu in ka badan 25 sano oo khibrad u leeyahay dib u habaynta maamulka dawliga ah, horumarinta istaraatiijiyadda siyaasadda iyo siyaasadda maaliyadda, waxa uu PhD ku diyaariyay horumarinta dhaqaalaha, Waxa uuna la taliye dhaqaale kasoo noqday Barnaamijka GIZ ee wadamada Swaziland, Kenya, Malawi iyo Germany. UNDP ayuu kala shaqeeyay barnaamijka PFM, dib u qaabaynta siyaasadda dhaqaalaha iyo barnaamijka Kormeerka Iyo Qiimaynta. Dr. Hussein Warsame waxa uu Associate Professor ka yahay Iskuulka ganacsiga ee Haskayne, waxa agaasime ka yahay qaybta Master-ka ee siyaasadda Dawliga ah ee jaamacadda Calgary. Waxa uu PhD ku diyaariyay maamulka MBA ayuu ku diyaariyay Xisaabaadka. Waxa uu Bagiga aduunka talooyin ka siiyay canshuurta, daah-furnaanta dakhliga kasoo xarooda saliidda iyo shidaalka. Hussein M Siad waxa uu xirfad wanaagsn u leeyahay horumarinta dhaqaalaha. Waxa uu master ku diyaariyay dhaqaalaha iyo maamulka. Waxa uu in ka badan 30 sano oo khibrad ah u leeyahay nakhshadeynta iyo wada xaajoodka barnaamijyada gargaarka iyo dib u habaynta siyaasadda dhaqaalaha. Waxa uu kasoo shaqeeyay wadamada Kenya, Lebanon, Somalia, Zimbabwe iyo Mauritius. Waxa uu soo noqday wasiir ku-xigeenka maaliyadda ee dawladda Federaalka Soomaaliya. Waxa uu la shaqeeyay Bangiga aduunka, Bangiga horumarinta Islaamka, Hay’adda Lacagta Aduunka, hay’adda gargaarka ee Mareykanka, Bankiga horumarinta Afrika, Midawga Yurub iyo UNDP. Sakhawadin Mustafa Mohamed waxa uu PhD iyo master ku diyaariyay dhaqaalaha, waxa uu khibrad u leeyahay falanqaynta maamulka iyo siyaasada dhaqaaalaha dawladda. Waxa uu dhinacya badan kala soo shaqeeyay Minnesota State isaga oo noqday agaaasimaha cutubka dhaqaalaha, waxa uuna hogaan usoo noqday cutubka cilmi baaaritsa shaqaalaha iyo falanqaynta dhaqaalaha ee Waaxda shaqaalaha iyo warshadaha. Xubnaha aan Soomaalida ahayn ee la shaqeeya Golaha dhaqaalaha Qaranka Dr. Abdalla A. HAMDOK waa ku-xigeenka xoghayaha iyo madaxa dhaqaala yahannada guddiga dhaqaalaha qaramada midoobay u qaabishan Afrika, waxa uu Ph.D. ku heestaa dhaqaalaha. Waxa uu khibrad ka badan 30 sano u leeyahay dib u habaynta ha’aydaha dawliga ah, dawlad wanaagga iyo maamulka Khayraadka. Waxa uu hoggaan u noqday qayba xoog leh oo daraaseeya caqabadaha soo wajaha horumarada kala duwan ee siyaasadda Afrika. Waxaa uu hoggaan u noqday qorshayaal kala duwan oo ay fuliyeen guddiga dhaqaalaha Afrika (ECA) oo khuseeya horumarinta siyaasadda maamulka, dawlad wanaagga iyo maamulka dawliga ah. Dr. Peter J. Middlebrook waa dhaqaale-yahan lasoo shaqeeyay Bangiga aduunka, Midawga Yurub iyo dawladda Ingiriiska, waxa uu kasoo shaqeeyay in la badan 40 dal oo dunida daafaheeda ah. Waxa uu hormuud u noqday Hindisayaal muhiim ah oo ay kamid ahayd nakhshadaynta qorshaha xasilinta carabta ee ay ku bexeysay 100 bilyan oo doollar. Dr. Edward Sambili waxa uu PhD ku sameeyay dhaqaalaha; waxa uu master ku diyaariyay horumarinta iyo ganacsiga caalamiga ah. Dr. Edward Sambili waxa uu in ka badan 33 sano oo khibrada ah u leeyahay horumarinta dhaqaalaha. Waxa uu xubin ka yahay golaha dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee qaramada midoobay, waa la taliyaha dhaqaalaha ee UNDP Kenya. Dr Sambili waxa uu gudoomiye kasoo noqday guddiga sare ee dakhliga Kenya intii u dhexeysay 2016 iyo 2018. Dr Nehemiah Kipkoech Ngeno waxa uu Ph.D. ku diyaariyay dhaqaalaha gaar ahaan dhaqaalaha caalamiga ah. Waxa uu si gaar ah khibrad ugu leeyahay siyaasadda ganacsiga, dhaqaalaha, dib u habaynta maamulka dawliga ah. Dr Nehemiah Kipkoech Ngeno waxa uu ka tirsanaa jaamacadda Nairobi laga soo billaabo 1983 isaga oo ka dhigayay dhaqaalaha caalamiga ah. The post Golaha dhaqaalaha Oo XFS u bandhigay cilmi baaris Cusub appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Puntland C/weli Mxamed Cali Gaas ayaa maanta magacaabay Taliyaha Ciidamada Xasilinta magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi. Xeer Madaxweyne Lr.171 11 November, 2018, kuna saabsan magacaabid Taliaya Ciidanka Xasilinta Caasimada Puntland. Madaxweynaha Maamulka Puntland. Markuu Arkay: Dastuurka Puntland Markuu arkay: Aqoontiisa iyo khibradiisa shaqo Wuxuu Xeeriyey: Waxaa G/Sare Cabdixamiid Maxamed Dirir loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Xasilinta caasimada Puntland ee Garoowe. Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu. The post Madaxweynaha Puntland Oo magacaabay Taliye cusub appeared first on Shabelle. View the full article