Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,963
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. “Faro-gelinta Xeerka Saxaafaddu, Waa Arrin ku Kooban 10 Shaqsi oo Madaxweynuhu Adeer u yahay”. Wariyaha Ruug-cadaaga ah Maxamed Cabdi Curad “..Hebelladii Weerka Cas madaxa ku xidhan jiray marka lasoo hadal-qaado Xeerka Saxaafadda ayaa Maanta Daahir-yaa-shamis kolkii adeerkood Madaxweyne noqday usoo biyeysteen sidii Xeerka looga dhigi lahaa shaadh Muuse Biixi xidho inta uu madaxweynaha yahay”. Suxufi Maxamed Cabdi Guuleed “Curad” Gudoomiye ku-xigeenkii hore Ururka Solja Maxamed Cabdi Guuleed “Curad” ayaa ka digay faro-gelin kasta oo ka dhan ah Xeerk Saxaafadda Somaliland, isla markaana ku tilmaamay olollaha lagu doonayo waxka bedelka iyo kaabista in lagu sameeyo hadda mid ay dabada ka riixayaan 10 shaqsi oo madaxweynaha isku hayb yihiin, kuwaasoo ujeedadoodu tahay inay ceebaha Xukuumada ku asturaan la dagaalanka Xoriyatul-qawlka iyo cabudhinta Saxaafadda. Gudoomiye Maxamed Cabdi Guuleed “Curad” oo hada ku sugan dalka Ingiriiska, waxa kaloo uu fariin adag u diray Barlamaanka Somaliland, Asxaabta Qaranka, Siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo guud ahaan Saxaafadda Somaliland. Gudoomiye Curad oo Xalay Shabakadda Xogreebnews.com, soo gaadhsiiyey qoraal, waxa bayaankiisa dooda Xeerka Saxaafaddu u dhignaa Sidan. “Mudooyinkan dambe waxa Warbaahinta Somaliland kusoo noq-noqonaayey, hadal-hayn ku saabsan Xeerka Saxaafadda Somaliland, kaasoo sheegayey ama tilmaamayey in waxka bedel iyo kaabis lagu sameynaayo Xeerka, loona gudbinaayo golaha Wasiiradda, si kolkaa kaddib madaxweynuhuu ugu gudbiyo golaha wakiiladda. Waxa kaloo intaa raaca dodo ku saabsan Xeerka Saxaafadda oo ay ku tiraabayeen dadkii ama shaqsiyaadkii gadh-wadeenka ka ah, mashruuca Xeerka Saxaafadda soo galay, kuwasoo sheegayey ama daliishanayey in Xeerka Saxaafadda Somaliland, Xeer nomb 27/2004, uu qabyo yahay, isla markaana aanu ka turjumayn baahida Waraahineed ee dalka, sidaas darteedna loo baahan yahay in Xeerka waxka bedel iyo kaabis lagu sameeyo. Haddaba, anigoo ka duulaya qodobka 32-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo si cad u kafaala-qaaday Xoritul-qawlka iyo qoraalka, sidoo kale anigoo maanka ku haya jiritaanka horumarinta iyo kobcinta Saxaafadda Xorta ah oo lagama maarmaan u ah tarjumaada dhabta ah ee xoriyatul-qawlka iyo dimuquraadiyadda curdinka ah ee Somaliland, waxan u arkaa oloolaha ku socda Xeerka Saxaafadda Somaliland ee Maanta midku kooban 10 shaqsi oo isku reer ah, kuwasoo shalay iyo doraadba qaybka ahaa, oloolihii Xukuumadihii Siilaanyo iyo Daahir Riyaale lagaga hor-joogsaday faro-gelinta Xeerka Saxaafadda. Waxa’se wax lala-yaabo oo laga xishoodo ah in hebelladii Weerka Cas madaxa ku xidhan jiray marka lasoo hadal-qaado Xeerka Saxaafadda ay Maanta Daahir-yaa-shamis kolkii adeerkood Madaxweyne noqday ay usoo biyeysteen sidii Xeerka looga dhigi lahaa shaadh Muuse Biixi xidho inta uu madaxweynaha yahay, kolkay arkeen duruufaha iyo xaaladaha cakiran ee warbaahintu subax walba soo tabinayso, waxay odayaasha la noqotay si ay ceebta Madaxweynaha adeerka u ah u asturaan inay warbaahinta ka xakameeyan. Teeda kale, waxa iyanna mucjiso noqotay goortay isku milmeen Ururkii Saxaafadda Madaxa-banaan ee SOLJA, Wasaaradda Warfaafinta iyo Sonsof, oo iyaggu hada ku hawlan mashruuca Saxaafadda lagu cabudhinayo. Waxa kaloo dooda kooxdan ku jiray inuu xeerka saxaafaddu uu qabyo yahay, balse horaa loo yidhi Hal-diidani Geeday ku xoqoto ma waydo, Xeerka Saxaafadda Xeer nomb 27/2004, ilaa Xukuumadii Madaxweyne Riyaale wixii ka dambeeyey maha Xeer shaqeeyey oo la tijaabiyey, xeerkana waxa la ogaan kara inay waxka dhiman yihiin ama uu kaabis u baahan yahay marka uu shaqeeyo ee la tijaabiyo, sidaas darteed maha Xeerka Saxaafaddu mid faafin galay oo lagaga shaqeeyey garsoorka, intii mudadaas ahayd ee Xeerkani jiray dhamaan Kisaaskii Saxaafadda ee dhacay, waxay Maxkamaduhuu u raaceen Xeerka Ciqaabta guud, halka Xeerka Saxaafaddu dhigayo in Kiisaska Saxaafadda lagu galo ay yihiin kuwo madanigi ah. Sidaas daraadeed Ragga ku doodaya Saxaafaddu cidbay ku gefta, kolka dambena way qayliyaan, waxay ilowsan yihiin ileyn waa rag Jibbo reernimo qaadee’ inaanay jirin dunida Baarlaman Xeer Ciqaabeed sameeya, hase-yeeshee Hay’addaha sharci dejintu waxay sameeyan habka ama nidaamka dambiga lagu galo ama keena kolka la raaco. Iyadoo aynu ognahay faro-gelinta qaawan ee joogtada ah ee Hayaddihii bulshada rayidka qaarkood, waxa cidkastoo arrimahani khuseeyan la gudboon inay u hiiliyaan Xoritul-qawlka iyo madax-banaanida Saxaafadda Somaliland, arrinkaasoo aanu ku koobnayn Warkiisu Saxaafadda oo keliya, hase-yeeshee taabanaya Xildhibaanada Barlamaanka, Siyaasiyiinta, asxaabta iyo aqoonyahanka ee jecel inay fikradahooda ka dhiibtaan Xaaladda Siyaasadeed iyo tan amniga ee dalka, arrintaas oo aan socon doonin beri, hadii kooxdan ujeedadooda guracani u meel-marto. Geesta kale, Golaha Wakiilada iyo shir-gudoonkooda sharafta badan, oo iyaggu 10-kii sanadood ee u dambeeyey si adag uga hawlgalay inaan la furin Xeerka Saxaafadda Somaliland, waxa Maanta oo aakhirul-cimrigii la joogo ka codsanaynaa inay ka hor-tagaan weerarkaa qaawan ee ku jihaysan Xoriyatul-qawlka iyo madax-banaanida Saxaafadda. Waxa kaloo, fariin Cod dheer ugu dirayaa Suxufiyiinta Somaliland ee jecel Xoriyatul-qawlka Saxaafadda inay Cod-dheer ku muujiyaan inay kasoo hor-jeedan faro-gelinta qaawan ee lagu hayo Xeerka Saxaafadda Somaliland. Guul iyo gobanimo..”. Maxamed Cabdi Guuleed “Curad”. Qaran News
  2. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo waresyi siinaya VOA-da aanteeda Af Soomaaliga ayaa isaga oo eedeynaya dowladda federaalka waxa uu ka hadlay xadka uu ka taliyo. Wareysigan, ayaa ahaa mid uu Gaas si weyn ugu dhaliilay dowladda dhexe oo in muddo ah khilaaf kala dhexeeyey maamulkiisa iyo kuwo kale oo uu isaga horjooge u noqday. Cabdiweli Gaas oo ka hadlaya awoodda uu leeyahay ama xadka uu maamulkiisa ku egyahay ayaa yiri “Waxaan maamulaa oo mas’uul ka ahay Gaalkacyo ilaa iyo Caluula”. Caluula waa gobolka bari. Hadalka Gaas ayaa u muuqday inuu ku qiray xaqiiqda ah in gobolada Sool, Sanaag iyo magaalada Buuhoodle oo uu mamaulkiisa sheegto hadda aanay ka mid ahayn. Sidoo kale waxa uu qishay in xuduudda maamulka Puntland ku kooban yahay laba gobol iyo bar, maadaama uu sheegay kaliya magaalada Gaalkacyo oo gobolka Mudug ka mid ah. Hase yeeshee, isla Gaas waxa uu laba sano kahor ku aflagaadeeyey Madaxweynihii hore ee Soomaliya Xassan Shiekh Maxamuud oo wareysi lala yeeshay ku sheegay in maamulka Puntland yahay laba gobol iyo bar. Gaas oo u jawaabayey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa yiri “Hadalkiisa waa sida sagaaradii badda ku kalleetiday!” Hoos ka dhageyso hadalka Gaas oo ka hadlaya xuduudda Puntland https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/Gaas-DF.mp3Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  3. Baydhabo (Caasimada Online) – Musharrixiinta la magac baxay isbedal doonka Koonfur Galbeed oo xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyay in ay faragalin ku heeyso doorashada maamulkaasi ee dhowaan dhici doonta. Musharrax Xasan Xaaji Ibraahim, oo kamid ah musharrixiintaas ayaa sheegay in doorashada madaxtinimada oo horay waqtigeeda loo shaaciyay in 17-ka bishani ay qabsoomayso aynaan suurtagal ahayn. Wuxuu sheegay in ay jirto faragallin aan qarsoonayn oo dowladda federaalku ku heyso arrinta doorashada, iyada oo wadata musharrixiin gaar ah ayuu yiri. Xildhibaan hore Xasan Xaaji Ibraahim ayaa sheegay in dacwadda ka dhanka ah faragallinta doorashada ee dowladda federaalka ay u gudbiteen safaaradda Britain ee Soomaaliya gaar ahaan safiir Devid Concar, kadib kulankii ka dhacay Baydhabo. Waxaa uu hoosta ka xariiqay in walaac ay ka qabaan arrinka faragellinta isagoo daboolka ka qaaday musharrax Xasan Xaaji Ibraahim in wasaaradda arrimaha gudaha ay si weyn howsha doorashada ugu lug yeelatay. Halkan Hoose Ka Dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/MUSHARRAX-XASAN-XAAJI-IBRAAHIM-11-11-2018.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) Dr. Cabdinaasir Xasan Faarax wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo xilliyo adag dalkaan wax ku soo bartay, wuxuu bartay cilmiga caafimaadka si uu ugu adeego shacabkiisa. Wuxuu ka baxay mid ka mid ah Jaamacadaha Muqdisho dhowaan, wuxuuna billaabay shaqadiisii ugu horaysay oo uu doonayay inuu ugu adeego dadkiisa iyo dalkiisa. Dr. Cabdinaasir wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo ku kalsoon Aqoontiisa, sidoo kalana doonayay inuu u adeego shacabkiisa. Dr. Cabdinaasir Xasan wuxuu ka shaqaynayay Isbitalka Martiini ee magaalada Muqdisho si ay dadkiisa caafimaad wanaagsan u helaan, oo ay ugu nacfiyaan cilmiga uu soo bartay, laakiin taasi waxaa soo gaba gabeeyay Argagixisada Al-Shabaab oo dad badan oo uu ka mid ahaa Dr. Cabdinaasir ku holciyay wadada Number Afar ee magaalada Muqdisho. Wuxuu ahaa bildhalatay oo qoyska reer Xasan Faarax u soo baxday, wuxuu si gaar ah gacanta ugu haayay Hooyadiis oo mudo dheer xanuunsan, taasoo haatan xaaladeeda caafimaad ay ka sii dartay markii ay maqashay geerida wiilkeeda Dr. Cabdinaasir. Marka laga soo tago Dr. Cabdinaasir waxaa kale oo jira dad badan oo isugu jira dhlinyaro iyo aqoonyahano oo Argagixisada Al-Shabaab ay ku laayeen qaraxyadii ay ka gaysteen wadada horumarta hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Kali Macaash (Relative gain) iyo Aan Wada Macaashno (Absolute gain) waa laba doodood oo liddi isku ah oo ay kala adeegsadaan labada figradood ee ugu faca weyn xiriirka caalamiga ah (Realism iyo Liberalism). Maqaalkan waxa uu nuxur ahaan ku fadhin doonaa labadaas aragtiyood iyada oo ujeedku yahay in lagu dabakho fahanka guud ee ay bulshada Soomaaliyeed ka qabaan, natiijada ay ka filayaan iyo wal walka ka haya dhaq dhaqaaqayada xawliga ku socda ee Geeska Africa siyaasaddiisa ku soo korartay. Hirarka iyo mawjadaha xawaareynaya ee Geeska Africa ka socda waxa ay la dhasheen sanadkan 2018 maadama bishii afraad is bedelkii ka dhacay Itoobiya uu laf dhabar u yahay. Itoobiya waxa ay dooratay Raisul Wasaare da’yar, tamar badan oo siyaasaddiisu aragti ahaan u jan jeerto dhex dhexaadnimo (Liberal). Tallaabooyinkii uu qaaday, cawaaqibyadii ka dhashay waa caam oo qormadan kama doodi doonto balse waxa ay xoogga saari doontaa dhaq dhaqaaqa ka socda gobolka iyo is diidooyinka siyaasadeed (Geo-politics-ka) gaar ahaan Soomaaliya waxa ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga dheefi karto (Immediate benefits). Si aan u fahanno faa’iidooyinka ay Soomaaliya ka soo hali karto is dhexgalka sii xoogeysanaya ee gobolka, marka horre aan eegno macnayaasha ereyadan hoos ku xusan. KALI MACAASH/RELATIVE GAIN Waa aragti ku qotonta kali daneysi/macaash waxaa sidaas qaba aragtida REALISM-ka ee xiriirka caalamiga ah. Tusaale, haddii dowladda ku shaqeysa aragtidaas ay heshiis dhaqaale la gasho dowlad kale, haddii ay iyadu hesho 90% faa’iidada oo 10% soo haray ay hesho midda kale, kuma qanceyso oo wey ka baxaysaa! AAN WADA MACAASHNO/ABSOLUTE GAIN Waa aragti liddi ku ah tii hore oo wax isu quurid ku dhisan oo ay qabaan Liberalism-ka.Tusaale, haddii dal uu heshiis dhaqaale la galo wadan kale oo uu isagu helo 5% macaash-ka, 95% soo haratay midda kale hesho, wuu ka qanacayaa heshiiskaas. Bulshada Soomaaliyeed waxa ay tuhun badan ka muujiyeen heshiisyada iyo isu soo dhawaanshaha gobolka ka socda ee soo xoogeysana, dabcan ma aha arrin weecsan taas waxa ay muujineysaa in ummaddu tahay kuwo feejigan oo aan ka kaftameyn masiirkooda. Hase ahaatee, marka lagu fiiriyo waxa gobolka ka socda il ah “AAN WADA MACAASHNO (ABSOLUTE GAIN)”, waxaa kuu soo baxaysa in saddexda wadan Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya mid walba hadda ama mustaqbalka ka dhaw ka macaashi doonto. Saddexdan qodob oo hoose ayey Soomaaliya ka faa’ideysaa dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee ka socda gobolka. 1.Ka dhex muuqaashada waxa meesha ka socda 2.Ilaalinta madax bannaanida siyaasadeed, dhuleed iyo sharafka qarannideeda 3.Amniga Ka dhex muuqashada waxa socda Soomaaliya waxaa guul u ah in ay door iyo go’aan ku leedahay waxa ka socda gobolkeeda iyada oo la wada ogyahay in dalalka qaar go’doon siyaasadeed ku galay dhaq dhaqaaqan. Madaxweyne Madaxmed Cabdullaahu Farmaajo in uu door weyn ka ciyaaro qaabeynta iyo aayo ka tallinta masiirka gobolka waxa ay sare u qaadeysaa meeqaamka iyo saameynta dalka, ogow Djibouti qeyb kama ah waxa socda halka Uhuru Kenyatta daawade ka yahay dhacdooyinkan. Ilaalinta madax bannaanida siyaasadeed, dhuleed iyo sharafka qarannideeda Soomaaliya sanado badan waxaa cudur aan daawo lahayn ku ahaa faraglin shisheeyo oo dhinac walba ah; siyaasad ahaan, dhaqaale, dhaqan iyo wali diinba. Itoobiya iyo Eritrea waxa ay ahaayeen kuwa ugu saameynta badan oo ay faragalintooda Soomaaliya ka soo kici weysay heer ay gaaraan in ay dagaalkoodii xuduudaha u soo raraan Soomaaliya. Sida ku cad heshiisyada la galay oo ay qaarkood durba dhaqan galeen, waxaa ku xusan in saddexda dal mid walba la ilaalinayo madax bannaanidiisa siyaasadeed, dhuleed iyo sharafkiisa qarrannimo. Saddexda dal maanta isku baahi ma aha oo mid walba dano gaar ah iyo faa’iidooyin deg deg ah oo kala duwan ayey rabaan. Tusaale, Itoobiya waxaa riixaya dano dhaqaale oo Abiy Axmed culeyska iyo kulka ka jira gudaha dalkiisa waxa uu u rabaa dhaqaale uu ku dabiyo, Eritrea waxa ay dooneysaa in ay go’doonka ka baxdo oo laga qaado cunaqabateenada saaran. Hadaba, Soomaaliya waa maxay baahideeda ugu soo horreysa? Maanta, Soomaaliya sida Itoobiya baahideeda kowaad dhaqaale ma aha, sida Eritrea go’doon ka bax kuma jirto balse waxaa ugu weyn xoojinta dowladnimadeeda iyo amniga. Ilaa iyo hadda Soomaaliya is bedelka gobolka wey ka faa’iiday oo waxaa meesha ka baxay hoggaamiyeyaashii dowlad gobolleedyada ee u kala dhuuman jiray dalalka jaarka ah, taas waxa ay sahli doontaa in Soomaaliya hesho dowlad dhexe oo dalka oo dhan ka Talisa si ay u mideyso qorsheyaasheeda dhaqaale, siyaasad iyo amni. Amniga Shaki kuma jiro in dowladaha gobolka door weyn ku lahaayeen amni xumada dalka; haddii ay ahaan lahayd hubeynta jabhadaha, kooxaha dowladda ku kacsan, kuwa iyaga is dilaya ee is diidan iyo arrimo badan oo kale. Soomaaliya dabcan, haddii la wada dhaqan galiyo qodobada lagu heshiiyo, waxa ay heli doontaa fursaddii ugu dahabi saneyd ee soo marta tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe si ay dib cageheeda isugu taagto. Dabcan, waxaa jira dodo badan oo ka dhalanaya heshiisyada la galayo saameynta dhaw iyo fog ee ay yeelan karaan, jiritaanka ajande siyaasad arrimo dibadeed oo qeexan dowladda hadda jirta ma leedahay, sidee ku dhici kartaa dal aan xuduudihiisa gacanta ku wada hayn in uu heshiiyo dhaqaale xor ah galo? dhammaan doodahaas iyo cabsidaas waa kuwa jira balse waxaa Iyana is weydiin mudan madaxdu intaas oo dhan ma garan waayi doonaan oo si fudud miyaa la qaldi doonaa? Gunaanad, iyada oo ay waajib tahay in go’aanada qaar si wadajir ah loo waajaho, hadana waxaa lagama maarmaan ah in bulshu ka soo kabaneysa burbur 30 sano ah in ay siyaasadeeda ku saleyso aan wada macaashno halkii ay ku jaan goyn lahayd kali macaash oo ay badan tahay waxa ay iyadu ku weyneyso. W/Q: Mohamed Musa Aden Email: Muhamedkaafi@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal kasoo yeeray xildhibaan Warsame Joodax. Joodax, ayaa ku eedeeyay Eng Yariisow inuu ku fashilmay wax badan oo ku saabsan gobolka Banaadir, gaar ahaan xaqiijinta amaanka, waxaase saacado kadib jawaab adag ka bixiyay Eng Yariisow. Eng Yariisow ayaa ku eedeeyay Warsame Joodax in hadalka eedeynta ah uu ka keenay dhul danguud ah oo uu xoog ku heystay oo laga qaaday, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Banaadir. Eng Yariisow ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay baraha bulshada kusoo daabacayay eedeymaha iyo jawaabaha uu siinayo madaxda dowladda iyo shaqsiyaadka kale, walow uu saacado kadib raali gelin ka bixiyo, taasi oo la micno ah inuusan ka fiirsan eedeymaha uu kusoo daabacayo baraheeda Bulshada. Xildhibaan Joodax, ayaa sheegay in amaanka magaalada Muqdisho lagu xaqiijin karo in laamaha amaanka iyo madaxda gobolka Banaadir si hoose uga wada shaqeeyaan amaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Kadib markii maanta uu madaxweyne Farmaajo kulan deg deg ahaa isugu yeeray talisyada ciidamada dowlada Soomaaliya oo looga arinsanayay amaanka Muqdisho islamarkaasina uu madaxweynuhu wax ka weeydiinayay sababaha ay qaraxyada u soo laa laabanay ayaa Taliska Boolisku caawa waxa uu sameeyay isbadal taliyaal. Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamad ayaa caawa kulan deg deg ah kula qaatay saraakiisha ciidamada Booliska xarunta Taliska Booliska. Kulankaasi ayaa isbadal lagula sameeyay Taliyaal waaxeedyadii gobolka Banaadir ee ciidamada Booliska iyada oo la magacaabay taliyaal cusub. Taliyaha qaybta Galbeed waxaa loo magacaabay Taliye Xundubey halka Taliyaha Wiloow cadde loo magacaabay Taliye Sonkor, Sidoo kale taliyaha qeeybta Bari ayaa loo magacaabay taliye Carabeey iyo ugu dambeeynta taliyaha Bartamaha oo loo magacaabay taliye Khaliif Ilka Casse. Faah Faahin dhameeytiran dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Isbadal lagu sameeyay Taliska Booliska Gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacadda Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Bar___-Qubanha-Shabelle-11112018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf oo dib maanta ugu soo laabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Gal-Mudug kadib socdaalo uu ku joogay magaalada Gaal-kacyo ayaa eedeeyn u jeediyay dowlada dhexe ee Soomaaliya. Xaaf ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyeey in ay hurineeyso colaado ka dhaca Gal-Mudug islamarkaasina maamulkiisa uu arintaasi la socdo. Waxaa uu ku eedeeyay dagaalo beeleedyo ka qarxay maanta duleedka Balan Bale in dowlada ay hurineeyso sidoo kalena xiisado ka jira Cadaado iyo Hobyo ay dowlada soo abaabushay sida uu hadalka u dhigay Madaxweyne Xaaf. Waxaa sii xoogeeeysanaya khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf iyo dowlada Soomaaliya iyadoo kale hore madaxweyne Xaaf uu diiday shir uu iclaamiyay madaxweyne Farmaajo oo lagu xalinayo xiisadaha Gal-Mudug. Hoos Codka ka dhageeyso https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/11/Cod-Xaaf-.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Xaaf ” Dowlada Soomaaliya ayaa dagaalo ka hurineeyso Gal-Mudug” appeared first on Puntland Post.
  10. Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxeeyso dagaalo qasaare geeystay oo ka dhacay gobolka Gal-Gaduud ee brtamaha dhulka Soomaaliya. Dagaaladaan ayaa waxaa ay ka dhaceen duleedka degmada Balan-Bale ee gobolka Gal-Gaduud ee maamulka Gal-mudug. Dagaaladaasi ayaa geeystay qasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac waxaana uu dhexmaray maleeshiyo beeleedyada halkaasi wada daga. Gudoomiyaha degmada Balanbale Xuseen Liibaan Warsame oo la hadlay Puntland Post ayaa faah faahin ka bixiyay dagaaladaasi iyo qasaaraha ay geeysteen isaga oo sheegay in ilaa iyo hadda 4 ruux dhimashooda la soo wariyay isaga oos heegay in laga yaabo in dhimashadu ay intaasi ka badato. Hoos ka Dhageeyso Wareeysiga Gudoomiyaha uu Wareeystay Xasan Maxamed Samatar Cowke oo PP katirsan https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/11/Wareeysi-Gudoomiyaha-Balan-Bale-Xuseen-Liibaan-Warsame-.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Dagaalo beeleedyo qasaare geeystay oo ka dhacay gobolka Gal-gaduud appeared first on Puntland Post.
  11. Saraakiisha ciidamada XDS ee Baardheere ayaa sheegay in Garoonka Diyaaradaha aanay ka soo degi karin Mas,uuliyiinta ugu sareysa Jubbaland Xili maalmahii ugu dambeeyey ay soo kordhayeen Banaanbaxyo iyo kulamo looga soo horjeedo Mas,uuliyiinta Jubaland ayaa maanta banaanbax lagu hor istaagayo Booqasho uu madaxweynaha Jubbaland ku tagi lahaa Garbahaereey ayaa si weyn waxaa looga muujiyey diidmadaimaanshaha Axmed madoobe. Hadaba is hortaag midaasi la mid ah ayaa galabta waxaa ku dhaqaaqey Saraakiisha Ciidamada XDS ee degmada Bardheere ,Shir jaraa,id oo galabta ay ku qabteen Xarunta Taliska Ciidanka ayaa waxay sheegeen in aan la aqbali karin wafdi ka socda Dowlad goboleedka Jubaland in ayan ku imaan karin Baardheere. Faarax C/Nuur Turbac oo ah Taliyaha Ururka 49aad ,Guutada 10 aad ee Qeybta 43 aaad ee ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan in Baardheere ay soo gaaraan Axmed Madoobe iyo Maamulkiisa,ujeedada ay u socdaana ay tahay sidii DF ay dadka ugu horkeeni lahaayeen. “Ujeedada ay u socdaan xilligan waa qalqal gelinta Amniga,da iyo bur burinta Ciidamada dhibowga ah ee ku xareysan degmooyinka Garbahaarey iyo Baardheere,mana aqbali karno 4 sanno waxii laga waayey in ay maanta yiraahdaan waanu idiin imaaneynaa ayuu yiri G/lle Faarax . Hoos ka Dhageeyso Codka https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/11/Cod-Taliska-Gedo-.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Taliye Turbac” Axmed Madoobe Kama soo dagi karo garoomada gobolka Gedo” appeared first on Puntland Post.
  12. Jalalaqsi (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa xukunkii ugu horeeyay ee noociisa ah ka fuliyay deegaanka Shaaw ee gobolka Hiiraan, kadib markii ay toogteen wiil 15 sano jir ah oo ku noolaa deegaanka. Cabdul Khaaliq Xasaney Xuseyn, oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa la sheegay inuu dacwad ka gudbiyay Cabdul-qaadir Doolaal Calay oo 15 sano jir ahaa, kaasi oo lagu eedeeyay inuu xoogay wiil yar oo lix sano jir ah, sida Al Shabaab ay sheegeen. Al-Shabaab waxay sheegeen in dacwad lagu qaaday maxkamada degmada Jalalaqsi islamarkaana C/qaadir Doolaal uu qirtay dambiga lagu eedeeyay sida ay sheegeen, walow aanan la heyn cadeymaha qirashada ruuxa la eedeeyay. Waxaay kaloo sheegeen Al Shabaab in maxkamada horteeda uu ka qirtay inuu caafimaad qabo C/qaadir Doolaar, uuna og yahay dambiga uu geystay iyo ciqaabta ka dhalaneysa. Dadka deegaanka ayaa loogu yeeray inay ka qeyb galaan daawashada toogashada C/qaadir oo lagu eedeeyay dambi ah inuu wiil lixsano jir ah u galmooday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Tan iyo markii la doortey Febuary 2017, Madaxweynaha dowladda federaalka mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u sameeyay shacabka ballanqaadyo dhanica ammaanka ah, oo ay kamid ahaayeen inuu ku dhawaaqay xaalado dagaal iyo guluf Xarakada Al-Shabaab dalka oo dhan looga saarayo, kuwaasoo hadda u muuqda inay noqdeen hal-bacaad lagu lisay. Mareegta Goobjoog News ayaa dib idiin xasuusinaysa qeyb kamid ah khudbad uu madaxweynaha qaranka jeediyay sanadkii hore isagoo xafiiska joogay laba bil iyo maalmo qudha. Madaxweyne Farmaajo khudbaddani wuxuu ku sameeyay ballanqaad weyn oo ahaa in Alshabaab dalka uu maamulkiisa kaga saarayo laba sano oo kaliya. Labadii sano ee Madaxweyne Farmaajo qabtay waxaa ka haray oo kaliya wax ka yar lix bil, iyadoo ay kordheen weerarrada Alshabaab oo xataa ay dhacdo mararka qaar in aqalka madaxtooyada iyo aaggiisa ay ku ekeeyaan. Muqdisho oo ah xarunta dowladda Federaalka ay ku shaqeyso haatan ayaa ah meesha uguu amniga xun xilliga Soomaaliya, waxaana Al-Shabaab wali awoodda inay weeraro culus ka fuliso meel kasta oo kamid ah magaalada, oo aqalka Madaxtooyada kamid tahay. Hadalkani wuxuu ka jeediyay xarunta wasaaaradda gaashaandhigga Muqdisho 12-04-2017-ka xuskii maalinta ciidanka xoogga dalka. Hoos Ka Dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/CODKA-FARMAAJO-APRIL-12-2017.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Siyaasi Cabdi Barre Jabriil oo horay u soo noqday xildhibaan baarlamaankii sagaalaad ayaa nala fallanqeeyay kulankii degdegga ahaa ee maadxweynaha Soomaaliya maantadan uu ugu yeeray taliyeyaasha ciidamada kale duwan ee dalka. Qaraxyo seddex ahaa oo galabkii khamiista ka dhacay magaaladani Muqdisho kuwaasoo gallaaftay nolosha dad fara badan ayaa sababta loo qabtay kulanka lagu sheegay. Xildhibaan hore Cabdi Barre Jabriil ayaa Goobjoog News ay wax ka weydiisay dadaalka hay’adaha amniga ay wadaan, hadallada madaxda dalka ay sheegaan oo ah in amni darrada wax laga qabanayo haddana ay weerarradii dhacayaan waxa qaldan. Wuxuu sheegay in sugidda amniga aynaan dowladda federaalka ah daacadi ka ahayn, islamarkaana wada shaqeyn shacabka iyo dowladda ah aynaan jirin. Siyaasi Cabdi Barre ayaa saraakiisha amniga qaabilsan ee xukuumadda federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho ku eedeeyay in ay ka gaabiyeen howlihii loo igmaday islamarkaana ay ku jeesteen howlo kale. Waxaa uu hoosta ka xariiqay in qaraxyada dhacaya dadka ku dhintay ay masuuliyaddooda cid lagu la xisaabtamo la helo. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/CABDI-BARRE-JABRIIL-11-11-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Siyaasi Cali Maxamuud Faarax(Cali Seeko) ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News ku sheegay in kulankii madaxweyne Maxamed Farmaajo uu taliyeyaasha isugu yeeray ay wax badan laga filan karo. Wuxuu sheegay in dowladnimada wax la iska warsanayay, gaar ahaan wuxuu farta ku fiiqay in wixii qalad ah oo jira xal loo helo siiba falalka amni darro ee magaalada ka dhaca. Waxaa adag buu yiri in la kala garto shacabka iyo kuwa dhibta wada sida uu hadalka u dhigay siyaasiga. Madaxweyne Farmaajo oo uu sheegay in ay tahay qofka la xisaabtanka uu ku dhacayo ay muhiim tahay inuu dedaallo. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/WAREYSI-CALI-SEEKO.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Musharrixiinta la magac baxay isbedal doonka Koonfur Galbeed oo xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyay in ay faragalin ku heeyso doorashada maamulkaasi. Musharrax Xasan Xaaji Ibraahim, oo kamid ah musharrixiintaas ayaa wareysi uu siiyay Masraxa Goobjoog News ku sheegay in doorashada madaxtinimada oo horay waqtigeeda loo shaaciyay in 17-ka bishani ay qabsoomayso aynaan suurtagal ahayn. Wuxuu sheegay in ay jirto faragallin aan qarsoonayn oo dowladda federaalku ku heyso arrinta doorashada, iyada oo wadata musharrixiin gaar ah ayuu yiri. Xildhibaan hore Xasan Xaaji Ibraahim ayaa sheegay in dacwadda ka dhanka ah faragallinta doorashada Villa Somalia safaaradda Britain ee Soomaaliya gaar ahaan safiir Devid Concar ay u wakiisheen kulan ay Baydhabo kula qaateen. Waxaa uu hoosta ka xariiqay in walaac ay ka qabaan arrinka faragellinta isagoo daboolka ka qaaday musharrax Xasan Xaaji Ibraahim in wasaaradda arrimaha gudaha ay si weyn howsha doorashada ugu lug yeelatay. Halkan Hoose Ka Dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/MUSHARRAX-XASAN-XAAJI-IBRAAHIM-11-11-2018.mp3 Source: goobjoog.com
  17. Dibadbax ka dhan ah madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe booqasho la sheegay inuu ku tagayo magaalo madaxda gobolka Gedo, ee Garbahaareey ayaa maanta ka dhacay magaaladaasi. Guddoomiye xigeenka magaalada Garbahaareey Aadan Siraad oo u warramay Goobjoog News ayaa ka warbixiyay sababta keentay dibadbaxa maanta ka dhacay magaaladaasi. Wuxuu sheegay in ujeedka dibadbaxa uu ku saleysnaa cabasho bulshada magaaladaasi ay muddooyinkii dambeba ka tirsanayeen Jubbaland. Goobjoog News oo xiriirro kale duwan la sameeysay madaxtooyada Jubbaland ayaa xaqiijisay in aanu jirin safar madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe uu ku tegayo magaalada Garbahaareey. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/WAREYSI-GUD-XIGEENKA-GARBAHAAREEY.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Fadeexada ka taagan Mashruuca dhismaha jidka isku xidha Hargeisa Iyo Kala-Baydh ***************************************** Dhawaan ayuun bay ahayd markii guddida qandaraasyada qaranku ay iclaamisay in tartan loo galo mashruuca dhismaha waddada isku xidha Hargeisa-Kalabaydh oo dhererkeedu dhan yahay 60km, mashquucaas oo ay ku baxayso lacag gaadhaysa 4 million oo dollar ah oo ay bixinayso Hay’ada Jarmalka ah ee GIZ waxa tartankaas soo xareystay shirkado 11 kor u dhaafaya oo iskugu jira kuwa maxalli ah iyo kuwo caalami ah oo ka socda waddamada jaarka qaarkood, waxa ugu danbayntii liiska xulashada dhaw la iskugu soo reebay 4 shirkadood oo ay kamid yihiin shirkad ku diiwaan gashan qalabkii Dawlada hoose ee Magaalada Hargeisa iyo Shirkada Somaliland Hono Group ee loo yaqaan Cumaani-ga Shirkada ku diiwaan gashan magaca Dawlada Hoose ee Hargeisa Maxay damacsantahay? ********************************************** Qalabka ay leedahay dawlada hoose ee magaalada hargeisa waxa laga soo iibiyay dalka Ethiopia waxaana lacagta lagu soo iibiyay ay tahay hantidii shacabka masaakiinta ah ee reer Somaliland gaar ahaan Hargeisa, qalabkan oo ku rakiban goob ku taala duleedka galbeed ee magaalada hargeisa una dhaw deegaanka ABAAARSO ayaa tan iyo intii la keenayba waxa si sharciga baalmarsan ugu tagri fala maayarka Caasimada oo badanaa ku qabta shaqooyin ka baxsan kuwii wadooyinka ee ay ahayd looguna talo galay isagoo ku dhisa kaalmaha iyo goobaha shirkadaha gaarka loo leeyahay ee wadddada hareera-heeda ku yaala iyadoo dakhliga kaso baxana ay toos ugu dhacdo jeebka maayirka caasimada SOLTECO doorkan ayaa hadaba qalabkii ay lahayd dawlda hoose ee hargeisa ee ay ahayd in lagu dhiso wadooyinka cadilan ee magaalada Hargeisa waxa si qayru sharci ah qandaraaska dhismaha jidka isku xidha Magaalooyinka Hargeisa iyo Kala-baydh kaga qayb galiya nin lagu magacaabo AXMED BAASHE oo kasoo jeeda Jufada hoose ee beesha Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi yahay ee Reer Samatar waxaana si qarsoodi ah qalabkii dawlada hoose ee Hargeisa ee laga iibiyay cashuurta dadka danyarta ah ee reer hargeisa ugu tagri falaya Axmed baashe oo ay saxiib dhaw yihiin Maayar SOLTECO kuna diiwan gashaday magaca ah ENGINEERING AND MANAGEMENT CO waxaana sidoo kale ku wehelinaya hawshaa xubin isna ka tirsan golaha deegaanka ee Caasimada oo isna kasoo jeeda beesha madaxwaynaha Somaliland Dawlada hoose ee magaalada Hargeisa ee uu gudoomiyaha u yahay Maayir Cabdiraxman Maxamuud Caydiid ‘’Solteco’’ oo muddo xileedkiisu dhaafay muddadii sharciga ahayd ee ay golaha deegaanka joogi lahaayeen ayaa si wayn ugu guul daraystay inuu wax ka qabto baahiyaha aan tirada lahayn ee ka jira magaalada uu maayirka u yahay Burburka iyo dayca ka jira wadooyinka Hargiesa ee maayirka uu ka yahay SOLTECO waxay keentay in dadwaynuhu ay iskood ugu deeqaan lacago ay iska soo ururiyeen oo 40% ah si ay wadooyin fiican u helaan, dhawaan ayay ahayd markii Degmooyin kamida Magaalada Hargeisa lagaga dhawaaqay maayar cusub oo u gaar ah kadib markii wadooyinka Magaalada Hargeisa waxba laga qaban waayay Hadaba hadii qalabkii ay lahaayeen dadwaynuhu ee ay ahayd in iyaga wax loogu qabto dano gaar ah ay ku fushadaan cid gaar ahi waxay horseedi doontaa gadood dadwayne iyo cawaaqib xumo aan laga soo wiiqsan waxaanay sharaf dhac ku noqon doonta madaxwaynaha Somaliland Shirkada Somaliland Hono Group (Cumaaniga) **************************************** Shirkadan oo uu mulkiile ka yahay Cabdirisaaq CUMAANI ayaa hore loo siiyay mashruucii dhismaha madaarka Cigaal kaas oo lacag gaadhaysa 10 Million oo dollar ay ugu deeqday dawlada dalka Kuwayt, balse mashrucii dhismaha ee garoonka cigaal ee la lunsaday ayaa wali dadka reer Somaliland is waydiinayaan halka ay martay maadaama aanay muuqan haba yaraatee wax ka qabasho iyo dhisme lagu kordhiyay madaarka Cigaal oo lacag 10 Million oo dollar ahi ku baxday! Sidoo kale shirkadan ayaa si eex ah loo siiyay wakhtigii dawladii SiiLaanyo mashaariic waddo oo dhawr ah oo ay kamid yihiin biriijyada isku xidha Magalada Barbara iyo Hargeisa oo tiraba dhwar jeer wax ka qabashadiisa ay lacago malaayiin ah ku qaadatay shirkadan balse aan sidii ay ahayd loo fulin Sidoo kale waxa shirkadan hore loogu xidhay qandaraaska dhismaha madaarka magaalada Burco iyada oo aan guddi qandaraas marin tartana aan loo galin Waxa sidoo kale jira wadooyiin dhawr ah oo dalka gudihiisa ku yaala oo shirkadan hore loo siiyay oo dhamaantood lacago malaayiin ah lagu bixIyay dhamantoodna dayacan oo lacagahoodii la musuqay Doorkan ayaa sidii caadada ahayd shirkadan uu ganacsade Cumaani wataa ay damacsan tahay in la siiyo dhismaha wadada muhiimka u ah dhaqaalaha iyo isku socodka Somaliland ee Hargeisa ilaa Kala baydh oo isku xidha Somaliland iyo Ethiopia, waxaana marka loo eego mashaaricihii hore ee ay musuqeen khibaradii laga dhaxlayna la ogyahay waxa ay damacsan yihiin inay si caamo ah oo musuq ah hadana waddadaas oo 4 Million ku baxayso ay u qaadato Hadii ay dhacdo in doorkanna si xaglin ah shirkadan ku caan baxday musuqa iyo caamaynta umada reer Somaliland lagu siiyo mashruuca dhismahan muhiimka ah waxay iyana bar madaw oo taariikhda gasha ku noqon doontaa madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi La Soco Qaybaha Dambe Oo Aanu Ku Soo Gudbin Doono Magacyada Cid Kasta Oo Ku Lug Leh Musuqan, Haday Tahay Gudida Qandaraasyada, Xil Dhibaanada Golaha Deegaan iyo Masuuliyiin Kaleba. W/Q: Axmed Maxamed Cilmi (Catooshe) Master of Economic Policy and Planning Sent from Yahoo Mail on Android Qaran News
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Diidmo xooggan ayaa lagala hor-yimid booqasho la qorsheynayo in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu ku tago magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo. Masuuliyiinta maamulka Gobolka Gedo ayaa kasoo horjeestayt safarka madaxweyne Axmed Madoobe uu doonayo dhawaan inuu ku tago degmada Garbahaareey, waxaana qaarkood ay sheegeen inuusan waxba u qaban magaalada. Guddoomiye ku xigeenka maamulka Gedo Cismaan Nuur Xaaji ayaa sheegay in Axmed Madoobe muddadii uu hayay xilka madaxweynaha Jubbaland uusan waxba u qaban magaalada, islamarkaana aysan habooneyn inuu hadda tago magaalada. Wuxuu sheegay inaysan marnaba aqbaleyn inuu tago magaalada Garbahaareey iyo deegaanada kale ee Gedo, maadaama waxqabadkiisa uu ku koobay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Xubnaha kale ee maamulka ayaa qaarkood ku qanacsan in Axmed Madoobe uu safar ku tago gobolka Gedo, iyadoo banaanbaxyo qorsheysan ay ka dhaceen degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya inay jiraan banaanbaxyo kale oo la qorsheynayo inay ka dhacaan gobolka Gedo maalmaha so socdo, waxaana looga soo horjeedaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Sh.M.Network) – Beelo walaalo ah ayaa duhurnimadda maanta oo Axad ah waxay ku dagaalameen tuulooyin hoos-yimaada gobolada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya xili ay ka dhasheen khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac. Suldan Cabdi Kariin Macalin Xasan oo kamid ah salaadiinta Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay dhinacyadda inay joojiyaan iska hor-imaadyadda, isaga oo xusay inay wax kasta ku xaliyaan wadahadal iyo is-afgarad. Colaada udhaxeysa Beelaha walaalaha ah ayaa salka ku haysa dilal siyaabo kala duwan uga dhacay magaalooyinka Hobyo iyo Cadaado ee goboladaasi, xili Gudoomiyaha xarunta Baarlamaanka uu faray in lasoo xiray cidii dalka fulisay. Suldaanka oo hadalkiisa sii wata wuxuu soo dhaweeyay amarka kasoo baxay Gudoomiyaha Degmada Cadaado mudane Tootow, isaga oo ku tartarsiiyay shacabka inay nabadda, oo uu ku adkeystay inay ubaahan yihiin, ay qaataan. Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo meesha ay wax ka dhaceen ayaa sheegaya in xaalado ay haatan degan tahay, inkasta oo dhaqdhaqaaqyo ciidan ay wadaan dhinacyadda dirirtu udhaxeyso. Hoos ka dhageyso codka Suldaanka http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Suldan.mp3 The post Baaq nabadeed oo loo diray Beelo dagaalamay appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Daawadu waa shay asaasi ah oo ka mid ah waxyaabaha nolosha lagama maarmaanka u ah, nooluhuna uu aadka ugu baahanyahay, ugana dhigan xilliyada qeybtood geeri iyo nolol. daawadu waa hubka ugu badan ee dhakhaatiirtu u adeegsato la dagaalanka cudurada. Taariikhda daawadu waa dheertahay oo ilaa intii aadanuhu jiray, wax uun daawo ah baa jiray. Warshadaha daawadu waxa ay ku jiraan kuwa ugu saameynta badan dunida siiba dalalka reer galbeedka, daawadana waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah waxyaabaha dunida lacagta ugu badan laga sameeyo. Dunida sedexaad lafteeda waxaa jira wadamo ganacsigooda ay daawadu qeyb libaax leh ka ciyaarto. Xuquuqda asaasiga ah ee aadanaha waxaa ka mid ah in uu qof walba xaq u leeyahay in uu helo daawo wax ka qaban karta cudurka haya. Innaga soomaali ahaan daawadu waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu welwelka badan ee inta badan bulshada iyo bahda caafimaadkuba ka cawdaan, ha ahaato dhanka tayada, isticmaalka, dhibaatooyinka ay keento, qaababka khaldan ee looga ganacsado iyo dadka aan aqoonta u lahayn oo ganacsigeeda u badan. Hadaba qoraaladan taxanaha ah waxa aan isku dayayaa in aan bulshada la wadaago xog wacyigalin iyo aqoon kororsi ah, oo aan kaga qeyb qaadanayo dedaalada bahda caafimaadku ay bulshada ugu adeegayso haddii alle idmo. Qeexid Daawada waxaa la siiyaa labo qeexitaan oo kala ah: Walax kiimikaad oo loo adeegsado ka hortagga, daweynta ama baaritaanka cudurada. Walax kiimikaad oo doorisa maanka (maan-dooriye). Qeexitaanka hore waxa uu la xiriiraa daawada marka loo adeegsanayo daweynta cudurada, ka hortagga iyo baaritaankooda. Qeexitaanka labaad waxa uu la xiriiraa daawada marka loo adeegsado in laga helo farxad iyo xaalad degganaansho, waana marka ay daawadu noqonayso maandooriye. Dhib iyo Dheef Daawadu waa seef labo af leh, waxa ay leedahay waxtar iyo waxyeello labadaba. waxtarkeedu waa caan oo waa daweynta, ka hortagga iyo baaritaanka cudurrada, waxa ayse keeni kartaa in bukaanka dhib fudud oo uu kasoo kaban karo gaarto ama in dhib joogta ah ay gaarto sida kalyaha oo hawl-gab noqda,beerka oo waxyeelooba iyo in bukaanku dhinto. Daawada ugu dhibta yar ee la yaqaan waa barastamool (paracetamol) iyana qof waa dili kartaa haddii xadkeeda la dhaafiyo. Ilaha Daawada Laga Helo Daawada waxaa laga helaa ilo dhawr ah oo ay ka mid yihiin uguna caansanyihiin dhirta Noolaha waaweyn(Lo’da iwm) Noolaha ilma aragtayda ah(bakteeriyada,fanjiga iwm) Macaadinta(iron,zinc,magnesium) Iyo tan ugu badan oo ah daawada warshadaysan (synthetic). Sidee Loo Sameeyaa Daawo? Weydiintaan waxa ay innagu celinaysaa marka hore in aan fahamno daawo mucayin ah in ay daawo tahay sidee lagu ogaaday? Siyaabaha ugu badan oo daawo, in ay daawo tahay lagu ogaaday waxaa ka mid ah kuwaan soo socda: Ku day: in nooluhu tijaabiyo geed, xayawaan kale, IWM isagoo caafimaad ka raadinaya adeegsigiisa. Dhaxal laga dhaxlay ummadihii innaga horreeyey oo facba fac u soo gudbiyey, dhaxalkaasi waxa uu noqon karaa qoraal tijaabo la xiriira ama waxyi. Sida casriga ah hadda oo ah in aadanuhu bartay cudurada iyo sida ay u dhacaan iyo cilmiga kiimikada oo markaa isku dhisyada kiimaad ee la bartay iyo cudurka la isku eego sida ay isugu habboonyihiin ama sida kiimikadu cudurka ay wax uga tari karto. Hadaba, aadanuhu marka uu walax mucayin ah uga shakiyo in ay daawo ahaan wax u tari karto, waxa uu mariyaa tijaabooyin, ilaa la xaqiijiyo in ay waxtar leedahay iyo in kale, tijaabooyinkaasina waxa ay u dhacaan sidatan: Sheybaar iyada oo la adeegsanayo in la ogaado daawadu in ay wax ka tari karto cudurka, halkaan waxaa la adeegsadaa unugyada cudurku asiibo iyo daawada, waana meesha laga ogaado sida daawadu ugu xirmayso jirka iyo qaabka ay u shaqeynayso. Sidoo kale waa xiliga daawada loo sameeyo qaab daaweedka ugu haboon sida: kaniin, kaabsool,sharoobo;irbad iwm, kadib marka la diraaseeyo astaamaheeda muuqaaleed iyo kuweeda kiimikeed. Haddii daawadu marxaladaan inta ay ku jirto guuldaraysato halkaa ayaa lagu joojiyaa oo kharash iyo waqti danbe lama galiyo. Marxaldaan haddii ay daawadu ka soo gudubto inta aysan marxalada labaad u gudbin waa in laga helaa ogalaansho hay’adaha ay khuseyso sida hay’ada daawada iyo cuntada, wasaarada caafimaadka IWM inta aan noole lagu tijaabin, noolahaas noocuu doono ha ahaadee. Marka daawadu kasoo gudubto marxaladda koowaad, waxaa lagu tijaabiyaa noole, noolahaas oo ah marka hore xayawaanno yaryar sida jiir iwm, waana meesha lagu xaddido daawada dooskeeda( qiyaasta laga qaadanayo), wax yeeladeeda iyo in ay wax tar leedahay IWM. Haddii ay marxaladaan ku guuldarraysato halkaa ayaa looga tagayaa oo kharash iyo waqti danbe lama geliyo, haddiise ay ka gudubto marlaxaddaan waxaa lagu tijaabinayaa kooxo dad ah oo mar ba tirada la kordhinayo; si loo ogaado saameynta ay ku leedahay dadka sababtoo ah dadka iyo noolaha kale waa kala duwanaan karaan dhanka dhismaha jirka iyo jawaab ka bixinta daawada labadaba. Haddii dawaadu ay marxaladdaan ka gudubto waxaa la galiyaa suuqa, waxaana si joogta ah loo qiimeeyaa waxtarkeeda iyo waxyeeladeeda, haddii ay dhib ka badan faa’iidadeeda keentana suuqa waa laga saaraa waana la joojiyaa saameynteeda xun awgeed. Haddaba celcelis ahaan waxa ay qaadataa 7 sano ilaa 12 sano in daawadaasi suuqa kusoo gasho iyadoo waqti iyo maal fara badani ay ku baxeen. La soco qeybta labaad. W/Q Cabdiwaaxid Maxamed Ismaaciil, Daawo yaqaan, bare maadadda cilmiga daawada(pharmacology), Jaamacadaha culuumta caafimaadka iyo Badda Cas. Abdiwahidedu@gmail.com. Source
  22. Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-11112018-web1.mp3 https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-11112018-web1.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Xilhibaan Warsame Maxamed Xasan (Joodax) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, marna xil ka soo qabtay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa eedeyn u jeediyay Maamulka Gobolka Banaadir, xilli amniga magaalada uu faraha kasii baxayo. Warsame Joodax ayaa sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow uu shaqooyinkii loo xil saaray iska hilmaamay, islamarkaana taasi ay dhalilsay amni darrada ka jirta magaalada Muqdisho. Waxa uu sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir laga doonayo in uu ka Shaqeeyo sidii uu isugu xiri lahaa laamaha kala duwan ee amniga, sida Booliska iyo Nabadsugida, si amniga magaalada loo sugo. “Haddii sida ay tahay uu u shaqeyn lahaa maamulka Gobolka Banaadir, waxaan oo dhan naguma dhaceyn, balse waxaan rabnaa in aan maalin walba tacsi ku jirin, duqa Muqdishana uusan ku jeesan howlo siyaasadeed balse uu ka shaqeeyo horumarinta amniga” ayuu yiri Xildhibaan Warsame Joodax. Hadalka Xildhibaan Warsame Joodax ayaa ku soo aadaya xilli maalin ka hor weerar ismiidaamin ku bilaawday lagu qaaday Hotelka Saxafi ee Magalada Muqdisho weerarkaas oo dhaliyay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah. Ayada oo ay dhibaatooyinka oo idil ku dhacayaan shacabka Muqdisho, ayaa Yarisow waxa uu ka qeyb-galayaa shirka Maayarada Magaalooyinka dalalka Islaamka oo sanadkan lagu qabtay Jamhuuriyadda Jabuuti, kaasi oo wax faa’iido ah oo la taaban karo aysan ku jirin, marka laga reebo sawirro qurxoon oo la galo. Hoos ka dhageyso Codka Xildhibaan Warsame Joodax https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/Xildhibaan-Warsame-Joodax-Qaraxyada-iyo-Amni-darrada-Muqdisho-Ka-Dhacaya.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (PP) ─ Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxay khasaarihii ka dhshay Qaraxyadii Jimcihii ka dhacay Muqdisho oo si gaar ah looga beegasday Hotel Saxafi ayaa gaaray inta illaa hadda la og-yahay 53-qof, iyadoo dhaawacyaduna ay kor u dhaafeen 100-qof. Ilo-wareedyo ka kala tirsan isbitaallada Muqdisho iyo taliska Booliiska ayaa u sheegay warbaahinta in dhimashadu oo markii hore lagu sheegay 20-qof ay aad uga badan tahay, sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo halis ah oo aan wax looga qaban karin dalka gudihiisa. Sarkaal ka tirsan booliiska Somalia aya sheegay in dadka dhintay ay u badan yihiin shacab waddada marayay, isagoo xusay in qaraxyadan oo ahaa afar qarax oo is-xig-xigay ay ahaayeen kuwii ugu khasaaraha badnaa sannadkaan oo Xamar ka dhaca. “Dhismashadu waxay hadda maraysaa 53-qof, dhaawacyaduna waxay kor u dhaafayaan 100-qof. Waxaa jira dad dhaawacyo halis ah qaba,” ayuu yiri sarkaalka booliiska Somalia ka tirsan ee la hadlay warbaahinta. Sidoo kale, Axmed Yuusuf oo ka tirsan shaqaalaha isbitaalka Madiina oo ah midka la gaarsiiyay dhaawacyadii ugu badnaa ee Qaraxyadii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay ayaa sheegay in dhaawacyo lasoo gaarsiiyay dad badan oo dhaawacyo kala duwan qaba. “Dhaawacyada waxaa ku jira kuwo aad u daran oo aan dalka waxba looga qaban karin, qaarkood way gubteen, kuwo kalena xubno muhiim ah ayay dhaawacyo kasoo gaareen,” ayuu yiri Axmed Yuusuf. Hotel Suxufi oo ka mid ah hoteellada ku yaalla bartamaha Xamar ay daggan yihiin mas’uuliyiinta Dowladda Somalia qaarkood, ayaa wuxuu saddex sano ka hor sidan oo kale ula kulmay weerarro ay soo qaaday Al-shabaab, kuwaas oo lagu dilay milkilihii hoteelka, halka kuwan dambena lagu dlay wiilkiisa oo ahaa maamulaha hoteelka. Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa weerarradan oo ay sheegaetay Al-shabaab awgood, wuxuu kulammo ay alaabbadu u xiran yihiin la yeeshay taliyeyaasha qaybaha ciidamada qalabka sida, inkastoo aan la ogeyn go’aannadii kasoo baxay. Ugu dambeyn, Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ilaalada Hotel Suxufi ayaa ku guuleystay inay dilaan shan ruux oo ahaa kooxihii weeraray hoteelkaas, ka hor intii aysan gudaha u gelin xayn-daabka hoteelka. PUNTLAND POST The post Dadkii ku Naf-waayay Qaraxyadii Muqdisho ka dhacay Jimcihii oo kor u dhaafay Konton Ruux appeared first on Puntland Post.