Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,953
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa isbedel ballaaran ku sameeyay qaar ka mid ah taliyeyaasha saldhigyada Booliska ee degmooyinka Gobolka Banaadir. Sidoo kale waxaa xilalkii laga qaaday taliyeyaasha illaa afar saldhig Boolis iyo talis qeybeedyo. Talisyada xilalka laga qaaday ayaa waxaa ka mid ah taliyeyaasha saldhigyada howlwadaag, Yaaqshiid, Heliwaa iyo Dharkenley, iyadoona loo magacaabay kuwa cusub. Wararka ayaa intaasi ku daraya in xilka laga qaaday taliyihii qeybta Galbeed ee Booliska Qaasim Axmed Rooble, waxaa xilkaasi loo magacaabay Yuusuf Xundubey oo horay u ahaa ku xigeenka qeybtaasi. Sidoo kale waxaa la magacaabay talisyada qeybaha gobolka Banaadir, iyadoo loo magacaabay rag dhalinyaro ah oo ka tirsan Taliska Booliska Soomaaliya. Tallaabadan ayaa ku soo aadeysa, xilli Jimcihii la soo dhaafay qaraxyo is xig xigay ay ka dhaceen gudaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. The post Isbedel ballaaran Oo lagu sameeyay talisyada degmooyinka G/ Banaadir appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Agaasimaha rugta ganacsiga iran ee Trade Promotion Organization (TPO) ee arrimaha Afrika iyo Carabta ayaa sheegay in waxyaabaha ay Iran u soo dhoofisay qaaradda Afrika ee March 21 to September 22 ay kor u kaceen sanadkan 17% marka la barbardhigo sanadkii hore. Farzad Piltan ayaa intaasi ku daray in waxyaabaha ay Iran dhoofiso sida Naftada iyo waxa aan naftada aheyn ay u dhoofiso dalal ay ka mid yihiin: Egypt, Kenya, Sudan, South Africa, Tunisia, Morocco, Mozambique, Tanzania, Djibouti iyo Somalia, iyada oo ka hesha lix bil kasta lacag dhan $397 million. Qiimaha waxyaabaha loo soo dhoofiyey Afrika ee sanadkii tagay waxaa lagu qiyaasay ilaa $752 million waxaa jirtay siyaado dhan $142 million oo ah sanadkii ka horeeyey. Waxyaabaha ay Iran u soo dhoofiso Afrika waxaa ka mid ah: birta, shubka, gaaska, shamiitada, biscuits, Shukulaatada, saliidda matoorka iyo kuwoo kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. (SLT-Muqdisho)-Wararka laga helayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu hakad ku jiro howlihii duulimaad ee garoonka, kaddib markii uu dab ka kacay. Dabka ayaa ka kacay makhaayad ku taal qeybta duulimaadyada caalamiga ka baxaan, waxaan taas keentay in saacado dib u dhacaan diyaaradihii saaka imaan lahaa. Wararka horudhaca ee la helayo ayaa sheegaya in dabka uu sababay cilad koronto, balse Maamulka Garoonka ayaa si rasmi ah uga hadlay waxa sababay dabka. Inkastoo aanu dabka khasaare nafadeed dhalin, hadana waxaa lagu guuleystay in la damiyo sida ay xaqiijiyeen saraakiisha garoonka. Waxaa la filayaa in howlaha garoonka uu caadi ku soo laabto, iyadoo muddo labo saacadood ay illaa hadda dib u dhaceen diyaaradihii saaka imaan lahaa. Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa mid mashquul ah oo maalin walba in ka badan 50 diyaaradood ay ka soo degaan, kana duulaan. Source
  4. (SLT-Gabon)-Madaxwaynaha dalka Gabon Cali Bongo ayaa si aad ah u xanuunsanaya,sida uu sheegay afhayeen u hadlay xafiiska madaxwaynaha. Waxaa muddooyiinkii ugu dambeeyay soo baxayay warar la isla dhex marayay oo ku saabsanaa xaaladda caafimaad ee madaxwaynaha 59 jirka ah. Wararka qaar ayaa sheegayay in Madaxwayne Cali Bongo uu madaxa dhiig kaga furmay. Madaxwaynaha ayaa waxa in muddo ah lagu daawaynayay dalka Sacuudiga,waxaana bishii aanu soo dhaafnay la shaaciyay in madaxwaynaha uu ka cabanayo daal badan. Afhayeenkiisa Ike Ngouoni ayaa sheegay in Mr Bongo “uu ka soo kabanayo dhammaan xanuunkii hayay “. Lama xusin in madaxwaynaha uu madaxa dhiig kaga furmay balse afhayeenkiisa Mr Ngouoni ayaa sheegay”in uu dhiigga uu u baahan yahay daryeel caafimaad”. Cali Bongo ayaa talada kala wareegay aabihii Cumar Bongo sanaddii 2009. Aabihii Cumar Bongo ayaa ka soo talinayay Gabon in ka badan 40 sano. Cali Bongo ayaa dirqi ah ugu guulaystay doorashadii 2016 ka dhacday dalkaasi taasi oo ay hareeyeen rabshado iyo eedeeymo ku saabsan wax isdabamarin. Horraantii bishan xilli uu madaxwayne Bongo ku maqnaa dalka Sacuudiga ayaa waxaa mar kale guul ka sheegtay doorashadaasi hogaamiyaha mucaaradka Gabon Jean Ping. Jimcihii waxaa shaqada laga joojiyay muddo saddex bilood ah wargays ka soo baxa dalka Gabon ka dib markii uu qoray in ay tahay in rai’sul wasaaraha dalkaasi loo magacaabo hogaamiyaha dalka. Source
  5. (SLT-Qaza)-Lix ruux oo Falastiiniyiin ah oo uu ku jiro sarkaal ururka Xamaas ka tirsan ayaa la dilay intii Israa’iil ay hawlgalka ka waday marinka Qaza, sida ay masuuliyiinta Falastiintu sheegeen. Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in hal askari laga dilay mid kalana laga dhaawacay intii ay hawlgalka wadeen ciidammada khaaska ah ee marinkaas. Isku dhaca ayaa ka dhacay bariga Khan Younis oo dhanka koonfurta ku yaalla. Qalabka gantaallada ka diga ayaa ka yeeray koonfurta Israa’iil gantaallo Qaza laga soo ganay ayaana la soo riday Ra’iisulwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa go’aansaday in uu soo gaabiyo booqashadii uu ku joogay magaalada Paris ee kaga qaybgalayay xuska 100 guuradii ka soo wareegtay Dagaalkii Koobaad ee Adduunka, fiidnimadii Axadda ayuuna laabtay, sida lagu shaaciyay war ka soo baxay xafiiskiisa. Afhayeen u hadlay Xamaas oo ah ururka hubaysan ee ku xoog badan Qaza ayaa dhacdadan ku tilmaamay “weerar arxan darro ah oo Israa’iil qaaday.” Salkaalka sare ee laga dilay Xamaas ayaa la dhahaa Sheikh Nur Barakeh kaas oo taliye u ahaa guutada Izzedine al-Qassam oo ururka u qaabilsan Khan Younis. Source
  6. (SLT-Australia)-Waxaa qaybo kamid ah caalamka ka socotaa munaasabadaha lagu xusayo 100 sanaguuradii kasoo wareegtay dagaalkii koowaad ee Adduunka. Waxaana lagu maamuusaya markii lasoo afjaray dagaalka oo ay ahayd sannadkii 1918-kii. Dalka Australia,kumananaan kamid ah dadkii soo dagaallamay dagaalka ayaa maanta ka qayb galay munaasabad lagu qabtay magaalada Canbera. Halka caasimadda dalka New Zealand ee Wellington lagu qabtay bandhig xabado rid ah. Dalka Hindiya, xus ayaa loo sameeyay 74,000 oo cidaan oo Hindiya uga dhintay dagaalkii Koowaad ee Adduunka, Munaasabadda ugu wayn ee xuska dagaalkii Koowaad ee adduunka waxaa maanta lagu qabanaya Yurub gaar ahaan degmada Arc de Triomphe oo ku taalla magaalada Paris ee dalka Faransiiska, waxaana ka qeyb galaya hoggaamiyeyaal ay kamid yihiin madaxweynaha Mareykanka Trump iyo dhiggiisa Ruushka Putin. Dalka Britain, waxaa lagu qabtay munaasabado gaar ah oo lagu xusayo dagaalkii Koowaad ee dhacay intii u dhexeeysay sannadihii 1914-kii iyo 1918-kii. Markii ugu horreysay, dadweynaha qaar ayaa loo ogolaaday inay tegaan xarunta ay ka socota munaasabadda Whitehall ee bartamaha magaalada London. Lahaanshaha sawirkaEPAImage captionDiyaaradaha ka qayb qaadanaya xuska dagaalkii Koowaad ee Adduunka magaalada Adelaide ee dalka Australia Lahaanshaha sawirkaPRESS ASSOCIATIONImage captionXuska 100 sanno guuradiii dagaalkii Koowaad ee Adduunka magaalada Wellington ee dalka New Zealand Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionXuska 100 sanno guuradiii dagaalkii Koowaad ee Adduunka magaalada Wellington ee dalka New Zealand Maxaa laga bartay dagaalkii Koowaad ee Adduunka Markii uu khudbadda ka jeedinayay magaalada Canbera, Ra’iisul wasaaraha Australia Scott Morrison wuxuu ku dheeraday muhiimadda xuska wuxuuna yiri ‘Dadka waxaa laga doonaya inay wax ka bartaan waxyaabihii lasoo maray, marka sii aan u qorsheyno sidii ay isbaddallo u gaari lahaayeen carruurteenna iyo jiilalka soo socda’. Ololahii lagu magacaabay Gallipoli ee sannadkii 1915-kii wuxuu jab ku reebay ciidammada Australia iyo New Zealand . Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi wuxuu bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraallo uu ku sheegayo in dalkiisa uusan si toos ah uga qeyb qaadan dagaalkii Koowaad balse ciidammada Hindiya ay kasoo dagaallameen waddamo badan si ay xoojiyaan ammaanka dunida. Lahaanshaha sawirkaEPAImage captionUbax la dhigay goob lagu xusayay munaasabadda magaalada Adelaide Hoggaamiyeyaasha oo ku kulmay Paris Diiradda waxaa la saaraya dalalka reer Yurub, halkaaso 70 hoggaamiyeyaal oo caalamka ka socda ay ku kulmayaan magaalad Paris si ay ugu qeyb galaan 100 sanno guuradii kasoo wareegtay dagaalkii Koowaad ee Adduunka. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa hoggaaminaya munaasabadda ugu wayn oo maanta ka dhaceysa qabuuro ay ku aasan yihiin ciidammadii Faransiiska ee ku dhintay dagaalka gaar ahaan degmada Arc de Triomphe ee magaalada Paris. Lahaanshaha sawirkaAFPImage captionAmmaanka degmada Arc de Triomphe oo si wayn loo xoojiyay Maanta gelinka dambe, kulan looga hadlayo arrimaha ammaanka ayaa ka dhacaya Paris, waxaana ka qeyb galaya hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo hoggaamiyeyaal kale. Sabtidii Macron iyo Merkel waxay booqdeen magaalada waqooyiga Faransiiska ku taalla ee Compiègne halkaas o ay ku saxiixeen buug xusuus ah. Madaxweyne Mareykanka Donald Trump ayaa baajiyay booqasho uu ku tegi lahaa qaaburo ku yaalla halkaasi oo ay ku aasan yihiin dadkii ku dhintay dagaalkii Koowaad. Ururrada bulshada rayidka oo gaarayo 50 urur ayaa qorsheynaya inay Paris ka dhigaan dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan booqashada Trump uu ku joogo Faransiiska. Source
  7. Xildhibaan Xasan Cabdi oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay amni darrada ka jirta magaalada Muqdisho. Waxa uu sheegay in dowladda aanay marnaba lahayn qorshe amni oo cad, isaga oo tusaalooyin badan usoo qaatay. Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in amni darrada qeyb ka tahay ciidankii NISA ee la kala direy iyo sidoo kale qorshe la’aantii loo dhisey ciidanka xasilinta ee iyaguna la kala direy. Halkaan hoose ka daawo muuqaalka: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Garbahaarey ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa lagu soo warramayaa in uu ka baaqday booqasho uu maanta ku tagi lahaa degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la xaqiijiyay in gabi ahaan uu baajiyay socdaalkaasi, kadib dibadbaxyo looga soo horjeeday oo shalay ka dhacay magaaladaasi. Dhinaca kale Faarax Nuur Turbac oo ah taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee ka howlgala gobolka Gedo, una warramay Shabelle ayaa sheegay in Madaxda Jubbaland aysan tagi karin degmooyinka Garbahaarey iyo Baardheere ee gobolkaasi. Taliyaha ayaa tilmaamay in Jubbaland aysan waxba u qaban shacabka ku dhaqan guud ahaan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/cod-gedo.mp3 The post Axmed Madoobe Oo ka baaqday booqashadii Gedo appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Diyaaradda Kenyan Airways ayaa duulimaadkeeda ku fidin doonta Geeska Afrika,waxayna howlgal duulimaad ah ka bilaabi doontaa Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho 15-ka bishan November 2018. Duulimaadyadu ayaa waxay u shaqeyn doonaan si maalinle ah,waxayna Kenya arrintaan kaga gol leedahay iney kor ugu qaado xiriirka hawada ee Afrika ee isku xira magaalooyinka iyo fududeynta dhaqdhaqaaqa dadka, si markaa loo xoojiyo xiriirka bulsho iyo dhaqaale ee ka dhaxeeya dalalka Geeska Afrika. Duulimaadyadu ay ayaa ka baxaya Maddaarka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA), Nairobi saacadda 07:40, sidoo kalena diyaarada waxay dib kaga soo ambabaxeysaa Garoonka Caalamiga Aden Adde, Muqdisho 10:45 si ay ugu soo laabato magaalada Nairobi 13:00. Madaxa shirkadda Kenya Airways, Sebastian Mikosz ayaa sheegay in duulimaadka maalinlaha ah la doonayo in lagu daboolo baahida sii kordheysa ee socdaalka Soomaaliya, saraakiisha dawladda iyo hay’adaha aan dawliga ahayn ee (NGO-yada) iyo tirada sii kordhaysa ee ganacsatada Kenya iyo gobalka oo doonaya iney ka faa’ideystaan fursadaha bannaan ee dalka. Mr. Sebastian Mikosz ayaa sheegay iney doonayaan muujinta sida ay shirkadooda duulimaad uga go’an tahay isku xirnaanta qaaradda Afrika, iyagoo abuuraya fursado cusub oo loogu talagalay maalgashadayaasha ganacsatada iyo dalxiisayaasha Soomaaliya. Ugu dambeyntii,diyaaradda Kenya Airways ayaa la rajeynayaa iney fududeyso socdaalka labada magaalo oo ah Nairobi iyo Muqdisho oo ah xarumaha ugu muhiimsan ee ganacsiga Kenya iyo Soomaaliya iyo in la helo howlo ganacsi oo dhaq dhaqaaq leh. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Balanbale ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in saaka xiisad dagaal ay ka taagan tahay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Xiisada oo ah mid xoogan, una dhexeysa laba Maleeshiyo Beeleed ayaa waxaa laga dareemayaa inta u dhexeysa degmooyinka Balanbale iyo Guriceel ee gobolka Galgaduud. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan in markale dagaallo ay ka dhacaan halkaasi. Labada dhinac ayaa lagu soo warramayaa in dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobolkaasi. Shalay ayey aheyd markii Maleeshiyaadkaasi uu dhexmaray dagaal xoogan oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac intaba. The post Xiisad dagaal Oo saaka ka taagan gobolka Galgaduud appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa caadi ku soo laabtay howlihii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo dib u bilowdeen duulimaadyadii diyaaradaha oo muddo labo saac hakad ku jireen, kaddib markii qeyb ka mid ah garoonka uu dab ka kacay. Qaar ka mid ah Saraakiisha Garoonka ayaa sheegaya in howlihii garoonka uu dib u bilowday, kaddib markii lagu guuleystay in la damiyo dabkii ka kacay maqaayada ku taalay qeybta duulimaadyada ee Terminalka weyn ee garoonka. Wararka qaar ayaa sheegaya in dabka uu sababay cilad koronto oo ka dhalatay makiinadihii kushiinka oo aan xalay la damin, sidaasna uu dabka ku kacay. Qeybta maqaayadda ayaa gebi ahaanba basbeeshay, waxaa dhamaan gubtay agabkii kushiinka yaallay. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Garoonka diyaaradaha oo ku aadan dabka kacay iyo saacadaha ay hakad geliyeen duulimaadyada. Inta badan diyaaradihii saaka imaan lahaa subax hore ayaa saacado dib u dhacay, waxaa goor dhow soo degay dhowr diyaaradood oo ay ka mid tahay diyaaradda Turkish Airlines. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Muqdisho ( Sh. M. Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-121118.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegayaa in uu saaka hakad ku yimid shaqadii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde,kadib markii uu dab qabsaday qayb kamid ah garoonka. Maqaaxi ku taalla qaybta ay ka baxaan duullimaadyada caalamiga ah ayaa la sheegayaa in uu ka kacay dabkan oo ka dashay cillad dhinaca korontada ah. Gaadiidka dab-demiska garoonka Aadan Cadde ayaa haatan bakhtiiyay dabkii halkaasi ka dhashay,lamana sheegin wax khasaare nafeed ah oo uu sababay. Hase yeeshee tiro kamid ah duullimaadyada caalamiga ah ee garoonka Aadan Cadde ayaa mudda saacado ah dib u dhacay,sida laga soo xigtay qaar kamid ah shaqaalaha haga diyaaradaha garoonka. PUNTLAND POST The post Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo dab qabsaday appeared first on Puntland Post.
  14. Kornayn Muuse siduu u yimi Kulmiye iyo Kacaankii isku kaan noqde. Waxa aan aad iyo aad uga xumahay in uu mujaahid usoo halgamay Siddii caddaalad iyo Sinaan loo heli lahaa uu isagii ku sifoobo wixii uu ka dhiidhiyey, waxa wax aan indhaha laga qarsankarin ah ficilka iyo talada maamul iyo maarayn ee caddaalada, sinaanta iyo wax wada lahaanshaha baal marsan ee madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, halka Isaga oo sanad joogin uu mutaystay in la barbar dhigo xisbigii kacaanka shuuciga ahaa ee Kaligii taliyihii kala irdheeyey Soomaali Una sabab ahaa xukunkiisu xasuuqii iyo burburkii somaliland kadhacay iyo kii ka dhacay soomaaliya ee welina ka socda soomaaliya illaahay haka saaree. Horaa loo yidhi ‘’ ruuxaan Waxa soosocda garanayn Waxa jooga ma garto!’’ siddaa awgeed idinkaa dhaadiye dhab u fiirsada oo dhugta kulmiye dhabadii Kacaankii ayuu afka saaraye. Haddii aan si kooban u saafo :- Kacaankii madaxweyne Waxa u ahaa askari Janan M Siyaad, Wasiiradiisana janano askar ah baa ku jiray, halka xukuumada Kulmiye uu madaxweyne u yahay askari , kornayl M Biixi, Wasiiradiisana kornaylo askar ah baa ku jira. Kacaankii caddaalad darada, cabudhinta iyo cago-juglaytu waxay ahayd habkuu dalka ku maareeye. Kulmiyena sidoo kale. Kacaankii cid dhag umuu jalaq siin jirin kulmiye sidoo kale, Kacaankii ciddii cabata waa la xidhi jiray, kulmiyena sidoo kale. Kacaankii dadkoon maxkamad la marin ayaa jeelka lagu tuuri jiray, sidoo kale xadhigii xukun markuu ka dhamaadana jeelkaa lagu hayn jiray wakhti Dheeraad ah. Kulmiyena siddoo kale. Kacaankii wadankoo Colaad iyo dagaal ka socdo oo baaba’aaya ayuu odhan jiray barwaaqo iyo Nabad baa dalka maasheeysay. Kulmiyena dalkoo Colaad iyo dagaal iyo macaluuli iyo sixirbarar ka jirto ayuu leeyey Dhulkeena nimcaa fadhida. Kacaankii kaaliyaha ayaa wasiirka u hanjabi jiray. Kulmiye sidoo kale ay u dheertay in wasiirka shaqada looga eeryo kaaliye iyo in agaasime iyo wasiir jaafaa jirqaan iyo sidoo kale in wasiir dhan shaqalihii amar diidaan. Kacaankii qaraabo kiil awgeed wadanka qoysbaa maamulaayey. Kulmiye sidoo kale 90ka xil ee ugu mudan dalka 67 waa qaraabo kii hal Qoys, 23ka soo hadhay waa cawri reeb iyo dadka intii kale. Kacaankii saraakiishii iyo ciidankii xooga dalka ayaa u adkaysan waayey cadaalad darada maamulka qalafsan ee macangaga ah, oo duurka u galay siday dadka uga xoreyn lahaayeen. Kulmiye siddoo kale saraakiil qaran baa ka dhiidhidey cadaalad darada dalka ku habsatay oo duurka u galay. Kacaankii may jirin xoryatal qowl lamana ogolayn fikir aragtiyeed in ciddi ku soo tabiso hab qoraal ama cod murtiyeysan. Kulmiye siddoo kale oo wuu gabyey ama maqaal buu qoray ayaa dad lagu xidhaa. Kacaankii Isaga oo kadeed dalka ku haya ayuu I amaana odhan jiray oo heeso amaan ah loo qaadi jiray. Kulmiye siddoo kale ayuu odhan ee bal ha labo ama Saddex jirsado!!. Isku eenkaashaha kulmiye iyo Kacaankii wax qoraal lagu soo koobi karo maaha, se hubaal kornayl muuse sidduu u yimid kulmiye iyo Kacaankii isku kaan noqde. Runta sheeg, Dacar Haday ka qadhaadhay. Fuad Fartaag Fartaagmuwaadin@gmail.com Dhamaan maqaalada ku soo baxa shabakadani ma aha kuwo matalaaya habsami u socdka shabakadani, waana fikrad ku kooban qoraha maqaalka Qaran News
  15. Ibrahim Mead Ottawa, Canada Date: November 11, 2018 in view of the situation Somaliland is in intervention is warranted Introduction: Intervention and Consultation and Conflict Resolutions are not dirty words. In consideration of the situation Somaliland is in intervention is the only option there is. I would like to say a small prayer first: Oh Lord, save us from our self Oh Lord, save a runaway leadership with no rudder Oh lord, we are lost in a long distance, lead us and set our feet on the right path. Oh Lord, they divided us as to manipulate us for their sinister end, save us from them Oh Lord, unite us again and bestow your mercy on us for we are sinners and you are most merciful. Oh Lord, we have wronged ourselves and if thou not forgive us, for certainty we are lost. “Whom Allah leaves straying, never will anybody else find for him the way” (Al nisaa) If we choose evil deliberately and double it down by corruption, fraud and deception we do not deceive Allah, we deceived our selves. We deprive our selves of the grace of Allah and are left straying away from the right path. In that condition who can guide us and show us the (right) way? Our true instincts become blunted. Our fraud makes (our leadership) us unstable in character. “For his mercy Allah especially chooses whom he pleaseth” (Al Omraan) Our government has an anemic standing in choosing the wrong people who do not possess the knowledge and the experiences to run a government and help the president. They keep in arms length the best and the brightest of the nation for reason the normal minds cannot understand! I am saddened, ashamed and embarrassed and many people are of what is happening and what is not happening in Somaliland where thousands and thousands died for founding! If not intervened and sooner rather than later, Somaliland as we know may will not be there! Intervention in this context means National dialogue and Consultation-“Talo Qaran” in which the government and none governmental civic groups intellectual, moral people and personalities meet and start a dialogue. We must correct what went wrong together. That is not a bad idea as I see it,-in my opinion. Intervention “Intervention is a conscious process by which change is introduced into peoples’ thoughts and behaviors. The overall objective of an intervention is to confront a person or entity in our case in danger to themselves and to others in a persuasive manner and allow him to see his self-destructive behavior, which affects him, the country and the people.” In this context it is to confront the leadership in K-2 and in all institutions in danger to our CAUSE, to our people and to our country. Many people believe that K-1 was in a similar situation as far as governing is concerned. We believe that they needed help for the sake of their legacy and for the sake of the nation even though K-1was in an absolute denial! Many people believe that K-1was in a total delusional state of mind. How many times K-1 did that and yet they insisted and continue insisting that they didn’t do it even if they did it!? There was precedence in intervening Mr.Siilanyo’s leadership during SNM An intervention act in Mr. Siilnyo’s administration happened in 1988when he was SNM chairman! We solved the problem he created in that said period by way of intervention. We were a committee of nine SNM Veterans, they were called “intervention committee of nine” the author was the vice chairman and the secretary of the designated interventionists who came to Ethiopia to save SNM from Siilanyo and save Siilanyo from Siilanyo! We saved the beleaguered (Chairman Siilanyo) leader and the troubled (SNM) Organization by means of intervention It was a win, win situation even though it was a short term remedy! We did not solve the real problem for we did not have the time to do that at the time. Siilanyo’s ineptness and disregard of the consequences of the problem in that (1987-1988) period led president Halo Maryam of Ethiopia to lose trust with SNM under Siilanyo and made a deal with Siyad Barre! As we all knew the two dictators reached an agreement of compromise. It was an exchange of disowning SNM by Ethiopian administration at the same time repudiating “Ogaden, Houd and Reserved Area- the Somali region of Ethiopia by Siyad Barre” in exchange with the expulsion of SNM from their bases in Ethiopia. That infamous agreement has been reached in Djibouti in 1988. That act happened because of Mr. Siilanyo’s disregard of the future of the Organization he was leading! Intentionally or otherwise Mr. Siilanyo and others created this new found relationship between two enemies Hailo Miriam and Siyad Barre. This new found friendship caused SNM Organization to engage with the well armed but demoralized Siyad Barre’s military prematurely head-on and entered the country earlier than planned to escape the effect of the agreement which would destroyed them. They gambled and chose for the “do-or-die “option. This situation was created as the result of the conflict between then chairman Siilanyo and the Central Committee of SNM which caused to bring together the two warring enemies, Hailo Miriam and Siyad Barre. As a result of this deal, between the two, over 80% of the original Mujahedeen lost their lives in this “no-other-options” adventure. With the grace of God they defeated the enemy in the end. The SNM Mujahedeen had liberated Somaliland without their chairman! The chairman, Mr. Siilanyo deserted them, jumped ship and fled to London-England when the day of reckoning came!! The would be interventionists here now, the wise moral men and women of Somaliland must clearly and unambiguously but respectfully, inform the affected government of Somaliland of today of the truthful information regarding the situation of the nation and how it already had affected the unity and harmony between the communities and between the ruler and the ruled. The immediate objective of an intervention is for the self-destructive entity to listen and to accept help before it is too late for them and for the country. The Market place of ideas must be welcomed thus intervention by way of national dialogue and Consultation (tallow Qaran) is warranted. That is why we need an urgent “taloo qaran”and it must happen I hope Mr.Musa will not see this intervention proposal as a challenge to his ego but appreciate the need of this proposed Consultation, he can participate this virtuous undertaking or even lead it. Somaliland government seems that they are in a bizarre dilution focused on wacky vision centered on matters that are destructive and incongruent to the principles and tenants of what Somaliland stands for, and what the Mujahedeen martyred for! The other day I happened to watch a young guy trying to defend the government against a critique from the opposition party-Wadani secretary by insulting him and the party using the street language without challenged him in facts! The young brother seemed he did not understand the rights, rolls and responsibilities of the oppositions parties what happened there was nothing but ignorance with a microphone and that is one of the many other reasons why intervention is warranted. Oh Allah save us from our selves! However peace and prayers Ibrahim _ Mead Meadgd@gmail.com Ottawa, Canada __________________________________________________________________ 1Note: The author was Vice Chairman of the SNM Congress in Harrar-Ethiopia in 1987 He was Vice chairman and Secretary of the Intervention committee of nine, in Aware-Ethiopia in 1988 conflict between Silanyo and the Central Committee of SNM. The said intervention committee of nine consisted notably of: Mohamed Ali Farah: chair person. Ibrahim Mead: Vice chairperson and Secretary. Mujahidin Ibrahim Maigage, Abdirahman Tuur, Osman Indooli, Ali Tuur, Ismail Boba who was also the chairperson of 1987 SNM congress in Harar, Ethiopia Hassan Duse and Mohamed Baregeel Qaran News
  16. Nairobi (Caasimada Online) – Faarax Macalin Dawaar oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida Kenya ayaa soo bandhigay hindise ay Great Britain ku dooneysay in ay dal mideysan uga abuurto Geeska Afrika, kaasi oo qeyb ka yihiin dhammaan dalalka hadda ku yaalla gobolka. Qoraal uu soo dhigay twitter ayuu Faarax Macalin ku sheegay in Britain ay dooneysay inay Soomaalida uga dhigto KABIIRKA mandiqadda Geeska Africa, hase ahaatee, ay Soomaalida xiligaas is hortaageen! Sida uu Faarax Macallin ku soo qoray Twitter-kiisa, Britain waxa ay soo bandhigtay hindise ay ku mideyneyso isirka la’isku yiraahdo Cushetics-ka ee ay ka midka yihiin; Soomaalida, Canfarta, Oromada, Burjida, Boranta, Rendiile iyo qaar kale. Qorshahan waxa ay Britain hindistay dagaalkii labaad ee aduunka kaddib, hase ahaatee waxaa ku gacan seyray Soomaalida oo iyagu noqon lahaa hoggaamiyeyaasha, halka dalka lagu magacaabi lahaa ‘Soomaaliya”. Waxaase ka sii yaab badan, in qowmiyadaha kale sida Oromada, Canfarta iyo Burjida ay ogolaadeen hindisahaas! “Dagaalkii labaad ee aduunka kaddib, Great Britain waxa ay hindistay aragti ah in ay abuuraan jabhuuriyad weyn oo Soomaaliya ah iyaga oo ka dhex sameenayey dhulalka Cushetic-ga ah ee Geeska Africa balse waxaa yaab ah in Oromada, Canfarta iyo IWM ay soo dhaweeyee, laakiin Talyaanigii ayaa hoggaamiyeyaashii hore ee Soomaalida ka dhaadhiciyey in ay doortaan inta Afsoomaliga ku hadasha oo kaliya.” Qoraalka Faarax Macallin ayaa ku soo aadaya xilli Geeska Africa siyaasaddiisu isu soo dhawaatay oo ay wadamada Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya u muuqdaan kuwo baal cusub oo nabadeed, iskaashi furay. Waxa uu sidoo kale hadalkiisa imanaya ayada oo sabtidii Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed uu ka sheegay magaalada Baahir Dar ee dalka Ethiopia in dalalka Bariga Africa ay yeelan doonaan hal madaxweyne halkii ay ka lahaan lahaayeen seddex madaxweyne. Hadalka Abiy ma la oran karaa waa qorshihii Soomaalida hore diideen oo dib loo soo cusbooneysiiyey. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  17. “Faro-gelinta Xeerka Saxaafaddu, Waa Arrin ku Kooban 10 Shaqsi oo Madaxweynuhu Adeer u yahay”. Wariyaha Ruug-cadaaga ah Maxamed Cabdi Curad “..Hebelladii Weerka Cas madaxa ku xidhan jiray marka lasoo hadal-qaado Xeerka Saxaafadda ayaa Maanta Daahir-yaa-shamis kolkii adeerkood Madaxweyne noqday usoo biyeysteen sidii Xeerka looga dhigi lahaa shaadh Muuse Biixi xidho inta uu madaxweynaha yahay”. Suxufi Maxamed Cabdi Guuleed “Curad” Gudoomiye ku-xigeenkii hore Ururka Solja Maxamed Cabdi Guuleed “Curad” ayaa ka digay faro-gelin kasta oo ka dhan ah Xeerk Saxaafadda Somaliland, isla markaana ku tilmaamay olollaha lagu doonayo waxka bedelka iyo kaabista in lagu sameeyo hadda mid ay dabada ka riixayaan 10 shaqsi oo madaxweynaha isku hayb yihiin, kuwaasoo ujeedadoodu tahay inay ceebaha Xukuumada ku asturaan la dagaalanka Xoriyatul-qawlka iyo cabudhinta Saxaafadda. Gudoomiye Maxamed Cabdi Guuleed “Curad” oo hada ku sugan dalka Ingiriiska, waxa kaloo uu fariin adag u diray Barlamaanka Somaliland, Asxaabta Qaranka, Siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo guud ahaan Saxaafadda Somaliland. Gudoomiye Curad oo Xalay Shabakadda Xogreebnews.com, soo gaadhsiiyey qoraal, waxa bayaankiisa dooda Xeerka Saxaafaddu u dhignaa Sidan. “Mudooyinkan dambe waxa Warbaahinta Somaliland kusoo noq-noqonaayey, hadal-hayn ku saabsan Xeerka Saxaafadda Somaliland, kaasoo sheegayey ama tilmaamayey in waxka bedel iyo kaabis lagu sameynaayo Xeerka, loona gudbinaayo golaha Wasiiradda, si kolkaa kaddib madaxweynuhuu ugu gudbiyo golaha wakiiladda. Waxa kaloo intaa raaca dodo ku saabsan Xeerka Saxaafadda oo ay ku tiraabayeen dadkii ama shaqsiyaadkii gadh-wadeenka ka ah, mashruuca Xeerka Saxaafadda soo galay, kuwasoo sheegayey ama daliishanayey in Xeerka Saxaafadda Somaliland, Xeer nomb 27/2004, uu qabyo yahay, isla markaana aanu ka turjumayn baahida Waraahineed ee dalka, sidaas darteedna loo baahan yahay in Xeerka waxka bedel iyo kaabis lagu sameeyo. Haddaba, anigoo ka duulaya qodobka 32-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo si cad u kafaala-qaaday Xoritul-qawlka iyo qoraalka, sidoo kale anigoo maanka ku haya jiritaanka horumarinta iyo kobcinta Saxaafadda Xorta ah oo lagama maarmaan u ah tarjumaada dhabta ah ee xoriyatul-qawlka iyo dimuquraadiyadda curdinka ah ee Somaliland, waxan u arkaa oloolaha ku socda Xeerka Saxaafadda Somaliland ee Maanta midku kooban 10 shaqsi oo isku reer ah, kuwasoo shalay iyo doraadba qaybka ahaa, oloolihii Xukuumadihii Siilaanyo iyo Daahir Riyaale lagaga hor-joogsaday faro-gelinta Xeerka Saxaafadda. Waxa’se wax lala-yaabo oo laga xishoodo ah in hebelladii Weerka Cas madaxa ku xidhan jiray marka lasoo hadal-qaado Xeerka Saxaafadda ay Maanta Daahir-yaa-shamis kolkii adeerkood Madaxweyne noqday ay usoo biyeysteen sidii Xeerka looga dhigi lahaa shaadh Muuse Biixi xidho inta uu madaxweynaha yahay, kolkay arkeen duruufaha iyo xaaladaha cakiran ee warbaahintu subax walba soo tabinayso, waxay odayaasha la noqotay si ay ceebta Madaxweynaha adeerka u ah u asturaan inay warbaahinta ka xakameeyan. Teeda kale, waxa iyanna mucjiso noqotay goortay isku milmeen Ururkii Saxaafadda Madaxa-banaan ee SOLJA, Wasaaradda Warfaafinta iyo Sonsof, oo iyaggu hada ku hawlan mashruuca Saxaafadda lagu cabudhinayo. Waxa kaloo dooda kooxdan ku jiray inuu xeerka saxaafaddu uu qabyo yahay, balse horaa loo yidhi Hal-diidani Geeday ku xoqoto ma waydo, Xeerka Saxaafadda Xeer nomb 27/2004, ilaa Xukuumadii Madaxweyne Riyaale wixii ka dambeeyey maha Xeer shaqeeyey oo la tijaabiyey, xeerkana waxa la ogaan kara inay waxka dhiman yihiin ama uu kaabis u baahan yahay marka uu shaqeeyo ee la tijaabiyo, sidaas darteed maha Xeerka Saxaafaddu mid faafin galay oo lagaga shaqeeyey garsoorka, intii mudadaas ahayd ee Xeerkani jiray dhamaan Kisaaskii Saxaafadda ee dhacay, waxay Maxkamaduhuu u raaceen Xeerka Ciqaabta guud, halka Xeerka Saxaafaddu dhigayo in Kiisaska Saxaafadda lagu galo ay yihiin kuwo madanigi ah. Sidaas daraadeed Ragga ku doodaya Saxaafaddu cidbay ku gefta, kolka dambena way qayliyaan, waxay ilowsan yihiin ileyn waa rag Jibbo reernimo qaadee’ inaanay jirin dunida Baarlaman Xeer Ciqaabeed sameeya, hase-yeeshee Hay’addaha sharci dejintu waxay sameeyan habka ama nidaamka dambiga lagu galo ama keena kolka la raaco. Iyadoo aynu ognahay faro-gelinta qaawan ee joogtada ah ee Hayaddihii bulshada rayidka qaarkood, waxa cidkastoo arrimahani khuseeyan la gudboon inay u hiiliyaan Xoritul-qawlka iyo madax-banaanida Saxaafadda Somaliland, arrinkaasoo aanu ku koobnayn Warkiisu Saxaafadda oo keliya, hase-yeeshee taabanaya Xildhibaanada Barlamaanka, Siyaasiyiinta, asxaabta iyo aqoonyahanka ee jecel inay fikradahooda ka dhiibtaan Xaaladda Siyaasadeed iyo tan amniga ee dalka, arrintaas oo aan socon doonin beri, hadii kooxdan ujeedadooda guracani u meel-marto. Geesta kale, Golaha Wakiilada iyo shir-gudoonkooda sharafta badan, oo iyaggu 10-kii sanadood ee u dambeeyey si adag uga hawlgalay inaan la furin Xeerka Saxaafadda Somaliland, waxa Maanta oo aakhirul-cimrigii la joogo ka codsanaynaa inay ka hor-tagaan weerarkaa qaawan ee ku jihaysan Xoriyatul-qawlka iyo madax-banaanida Saxaafadda. Waxa kaloo, fariin Cod dheer ugu dirayaa Suxufiyiinta Somaliland ee jecel Xoriyatul-qawlka Saxaafadda inay Cod-dheer ku muujiyaan inay kasoo hor-jeedan faro-gelinta qaawan ee lagu hayo Xeerka Saxaafadda Somaliland. Guul iyo gobanimo..”. Maxamed Cabdi Guuleed “Curad”. Qaran News
  18. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo waresyi siinaya VOA-da aanteeda Af Soomaaliga ayaa isaga oo eedeynaya dowladda federaalka waxa uu ka hadlay xadka uu ka taliyo. Wareysigan, ayaa ahaa mid uu Gaas si weyn ugu dhaliilay dowladda dhexe oo in muddo ah khilaaf kala dhexeeyey maamulkiisa iyo kuwo kale oo uu isaga horjooge u noqday. Cabdiweli Gaas oo ka hadlaya awoodda uu leeyahay ama xadka uu maamulkiisa ku egyahay ayaa yiri “Waxaan maamulaa oo mas’uul ka ahay Gaalkacyo ilaa iyo Caluula”. Caluula waa gobolka bari. Hadalka Gaas ayaa u muuqday inuu ku qiray xaqiiqda ah in gobolada Sool, Sanaag iyo magaalada Buuhoodle oo uu mamaulkiisa sheegto hadda aanay ka mid ahayn. Sidoo kale waxa uu qishay in xuduudda maamulka Puntland ku kooban yahay laba gobol iyo bar, maadaama uu sheegay kaliya magaalada Gaalkacyo oo gobolka Mudug ka mid ah. Hase yeeshee, isla Gaas waxa uu laba sano kahor ku aflagaadeeyey Madaxweynihii hore ee Soomaliya Xassan Shiekh Maxamuud oo wareysi lala yeeshay ku sheegay in maamulka Puntland yahay laba gobol iyo bar. Gaas oo u jawaabayey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa yiri “Hadalkiisa waa sida sagaaradii badda ku kalleetiday!” Hoos ka dhageyso hadalka Gaas oo ka hadlaya xuduudda Puntland https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/Gaas-DF.mp3Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  19. Baydhabo (Caasimada Online) – Musharrixiinta la magac baxay isbedal doonka Koonfur Galbeed oo xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyay in ay faragalin ku heeyso doorashada maamulkaasi ee dhowaan dhici doonta. Musharrax Xasan Xaaji Ibraahim, oo kamid ah musharrixiintaas ayaa sheegay in doorashada madaxtinimada oo horay waqtigeeda loo shaaciyay in 17-ka bishani ay qabsoomayso aynaan suurtagal ahayn. Wuxuu sheegay in ay jirto faragallin aan qarsoonayn oo dowladda federaalku ku heyso arrinta doorashada, iyada oo wadata musharrixiin gaar ah ayuu yiri. Xildhibaan hore Xasan Xaaji Ibraahim ayaa sheegay in dacwadda ka dhanka ah faragallinta doorashada ee dowladda federaalka ay u gudbiteen safaaradda Britain ee Soomaaliya gaar ahaan safiir Devid Concar, kadib kulankii ka dhacay Baydhabo. Waxaa uu hoosta ka xariiqay in walaac ay ka qabaan arrinka faragellinta isagoo daboolka ka qaaday musharrax Xasan Xaaji Ibraahim in wasaaradda arrimaha gudaha ay si weyn howsha doorashada ugu lug yeelatay. Halkan Hoose Ka Dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/MUSHARRAX-XASAN-XAAJI-IBRAAHIM-11-11-2018.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) Dr. Cabdinaasir Xasan Faarax wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo xilliyo adag dalkaan wax ku soo bartay, wuxuu bartay cilmiga caafimaadka si uu ugu adeego shacabkiisa. Wuxuu ka baxay mid ka mid ah Jaamacadaha Muqdisho dhowaan, wuxuuna billaabay shaqadiisii ugu horaysay oo uu doonayay inuu ugu adeego dadkiisa iyo dalkiisa. Dr. Cabdinaasir wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo ku kalsoon Aqoontiisa, sidoo kalana doonayay inuu u adeego shacabkiisa. Dr. Cabdinaasir Xasan wuxuu ka shaqaynayay Isbitalka Martiini ee magaalada Muqdisho si ay dadkiisa caafimaad wanaagsan u helaan, oo ay ugu nacfiyaan cilmiga uu soo bartay, laakiin taasi waxaa soo gaba gabeeyay Argagixisada Al-Shabaab oo dad badan oo uu ka mid ahaa Dr. Cabdinaasir ku holciyay wadada Number Afar ee magaalada Muqdisho. Wuxuu ahaa bildhalatay oo qoyska reer Xasan Faarax u soo baxday, wuxuu si gaar ah gacanta ugu haayay Hooyadiis oo mudo dheer xanuunsan, taasoo haatan xaaladeeda caafimaad ay ka sii dartay markii ay maqashay geerida wiilkeeda Dr. Cabdinaasir. Marka laga soo tago Dr. Cabdinaasir waxaa kale oo jira dad badan oo isugu jira dhlinyaro iyo aqoonyahano oo Argagixisada Al-Shabaab ay ku laayeen qaraxyadii ay ka gaysteen wadada horumarta hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Kali Macaash (Relative gain) iyo Aan Wada Macaashno (Absolute gain) waa laba doodood oo liddi isku ah oo ay kala adeegsadaan labada figradood ee ugu faca weyn xiriirka caalamiga ah (Realism iyo Liberalism). Maqaalkan waxa uu nuxur ahaan ku fadhin doonaa labadaas aragtiyood iyada oo ujeedku yahay in lagu dabakho fahanka guud ee ay bulshada Soomaaliyeed ka qabaan, natiijada ay ka filayaan iyo wal walka ka haya dhaq dhaqaaqayada xawliga ku socda ee Geeska Africa siyaasaddiisa ku soo korartay. Hirarka iyo mawjadaha xawaareynaya ee Geeska Africa ka socda waxa ay la dhasheen sanadkan 2018 maadama bishii afraad is bedelkii ka dhacay Itoobiya uu laf dhabar u yahay. Itoobiya waxa ay dooratay Raisul Wasaare da’yar, tamar badan oo siyaasaddiisu aragti ahaan u jan jeerto dhex dhexaadnimo (Liberal). Tallaabooyinkii uu qaaday, cawaaqibyadii ka dhashay waa caam oo qormadan kama doodi doonto balse waxa ay xoogga saari doontaa dhaq dhaqaaqa ka socda gobolka iyo is diidooyinka siyaasadeed (Geo-politics-ka) gaar ahaan Soomaaliya waxa ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga dheefi karto (Immediate benefits). Si aan u fahanno faa’iidooyinka ay Soomaaliya ka soo hali karto is dhexgalka sii xoogeysanaya ee gobolka, marka horre aan eegno macnayaasha ereyadan hoos ku xusan. KALI MACAASH/RELATIVE GAIN Waa aragti ku qotonta kali daneysi/macaash waxaa sidaas qaba aragtida REALISM-ka ee xiriirka caalamiga ah. Tusaale, haddii dowladda ku shaqeysa aragtidaas ay heshiis dhaqaale la gasho dowlad kale, haddii ay iyadu hesho 90% faa’iidada oo 10% soo haray ay hesho midda kale, kuma qanceyso oo wey ka baxaysaa! AAN WADA MACAASHNO/ABSOLUTE GAIN Waa aragti liddi ku ah tii hore oo wax isu quurid ku dhisan oo ay qabaan Liberalism-ka.Tusaale, haddii dal uu heshiis dhaqaale la galo wadan kale oo uu isagu helo 5% macaash-ka, 95% soo haratay midda kale hesho, wuu ka qanacayaa heshiiskaas. Bulshada Soomaaliyeed waxa ay tuhun badan ka muujiyeen heshiisyada iyo isu soo dhawaanshaha gobolka ka socda ee soo xoogeysana, dabcan ma aha arrin weecsan taas waxa ay muujineysaa in ummaddu tahay kuwo feejigan oo aan ka kaftameyn masiirkooda. Hase ahaatee, marka lagu fiiriyo waxa gobolka ka socda il ah “AAN WADA MACAASHNO (ABSOLUTE GAIN)”, waxaa kuu soo baxaysa in saddexda wadan Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya mid walba hadda ama mustaqbalka ka dhaw ka macaashi doonto. Saddexdan qodob oo hoose ayey Soomaaliya ka faa’ideysaa dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee ka socda gobolka. 1.Ka dhex muuqaashada waxa meesha ka socda 2.Ilaalinta madax bannaanida siyaasadeed, dhuleed iyo sharafka qarannideeda 3.Amniga Ka dhex muuqashada waxa socda Soomaaliya waxaa guul u ah in ay door iyo go’aan ku leedahay waxa ka socda gobolkeeda iyada oo la wada ogyahay in dalalka qaar go’doon siyaasadeed ku galay dhaq dhaqaaqan. Madaxweyne Madaxmed Cabdullaahu Farmaajo in uu door weyn ka ciyaaro qaabeynta iyo aayo ka tallinta masiirka gobolka waxa ay sare u qaadeysaa meeqaamka iyo saameynta dalka, ogow Djibouti qeyb kama ah waxa socda halka Uhuru Kenyatta daawade ka yahay dhacdooyinkan. Ilaalinta madax bannaanida siyaasadeed, dhuleed iyo sharafka qarannideeda Soomaaliya sanado badan waxaa cudur aan daawo lahayn ku ahaa faraglin shisheeyo oo dhinac walba ah; siyaasad ahaan, dhaqaale, dhaqan iyo wali diinba. Itoobiya iyo Eritrea waxa ay ahaayeen kuwa ugu saameynta badan oo ay faragalintooda Soomaaliya ka soo kici weysay heer ay gaaraan in ay dagaalkoodii xuduudaha u soo raraan Soomaaliya. Sida ku cad heshiisyada la galay oo ay qaarkood durba dhaqan galeen, waxaa ku xusan in saddexda dal mid walba la ilaalinayo madax bannaanidiisa siyaasadeed, dhuleed iyo sharafkiisa qarrannimo. Saddexda dal maanta isku baahi ma aha oo mid walba dano gaar ah iyo faa’iidooyin deg deg ah oo kala duwan ayey rabaan. Tusaale, Itoobiya waxaa riixaya dano dhaqaale oo Abiy Axmed culeyska iyo kulka ka jira gudaha dalkiisa waxa uu u rabaa dhaqaale uu ku dabiyo, Eritrea waxa ay dooneysaa in ay go’doonka ka baxdo oo laga qaado cunaqabateenada saaran. Hadaba, Soomaaliya waa maxay baahideeda ugu soo horreysa? Maanta, Soomaaliya sida Itoobiya baahideeda kowaad dhaqaale ma aha, sida Eritrea go’doon ka bax kuma jirto balse waxaa ugu weyn xoojinta dowladnimadeeda iyo amniga. Ilaa iyo hadda Soomaaliya is bedelka gobolka wey ka faa’iiday oo waxaa meesha ka baxay hoggaamiyeyaashii dowlad gobolleedyada ee u kala dhuuman jiray dalalka jaarka ah, taas waxa ay sahli doontaa in Soomaaliya hesho dowlad dhexe oo dalka oo dhan ka Talisa si ay u mideyso qorsheyaasheeda dhaqaale, siyaasad iyo amni. Amniga Shaki kuma jiro in dowladaha gobolka door weyn ku lahaayeen amni xumada dalka; haddii ay ahaan lahayd hubeynta jabhadaha, kooxaha dowladda ku kacsan, kuwa iyaga is dilaya ee is diidan iyo arrimo badan oo kale. Soomaaliya dabcan, haddii la wada dhaqan galiyo qodobada lagu heshiiyo, waxa ay heli doontaa fursaddii ugu dahabi saneyd ee soo marta tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe si ay dib cageheeda isugu taagto. Dabcan, waxaa jira dodo badan oo ka dhalanaya heshiisyada la galayo saameynta dhaw iyo fog ee ay yeelan karaan, jiritaanka ajande siyaasad arrimo dibadeed oo qeexan dowladda hadda jirta ma leedahay, sidee ku dhici kartaa dal aan xuduudihiisa gacanta ku wada hayn in uu heshiiyo dhaqaale xor ah galo? dhammaan doodahaas iyo cabsidaas waa kuwa jira balse waxaa Iyana is weydiin mudan madaxdu intaas oo dhan ma garan waayi doonaan oo si fudud miyaa la qaldi doonaa? Gunaanad, iyada oo ay waajib tahay in go’aanada qaar si wadajir ah loo waajaho, hadana waxaa lagama maarmaan ah in bulshu ka soo kabaneysa burbur 30 sano ah in ay siyaasadeeda ku saleyso aan wada macaashno halkii ay ku jaan goyn lahayd kali macaash oo ay badan tahay waxa ay iyadu ku weyneyso. W/Q: Mohamed Musa Aden Email: Muhamedkaafi@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal kasoo yeeray xildhibaan Warsame Joodax. Joodax, ayaa ku eedeeyay Eng Yariisow inuu ku fashilmay wax badan oo ku saabsan gobolka Banaadir, gaar ahaan xaqiijinta amaanka, waxaase saacado kadib jawaab adag ka bixiyay Eng Yariisow. Eng Yariisow ayaa ku eedeeyay Warsame Joodax in hadalka eedeynta ah uu ka keenay dhul danguud ah oo uu xoog ku heystay oo laga qaaday, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Banaadir. Eng Yariisow ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay baraha bulshada kusoo daabacayay eedeymaha iyo jawaabaha uu siinayo madaxda dowladda iyo shaqsiyaadka kale, walow uu saacado kadib raali gelin ka bixiyo, taasi oo la micno ah inuusan ka fiirsan eedeymaha uu kusoo daabacayo baraheeda Bulshada. Xildhibaan Joodax, ayaa sheegay in amaanka magaalada Muqdisho lagu xaqiijin karo in laamaha amaanka iyo madaxda gobolka Banaadir si hoose uga wada shaqeeyaan amaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Kadib markii maanta uu madaxweyne Farmaajo kulan deg deg ahaa isugu yeeray talisyada ciidamada dowlada Soomaaliya oo looga arinsanayay amaanka Muqdisho islamarkaasina uu madaxweynuhu wax ka weeydiinayay sababaha ay qaraxyada u soo laa laabanay ayaa Taliska Boolisku caawa waxa uu sameeyay isbadal taliyaal. Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamad ayaa caawa kulan deg deg ah kula qaatay saraakiisha ciidamada Booliska xarunta Taliska Booliska. Kulankaasi ayaa isbadal lagula sameeyay Taliyaal waaxeedyadii gobolka Banaadir ee ciidamada Booliska iyada oo la magacaabay taliyaal cusub. Taliyaha qaybta Galbeed waxaa loo magacaabay Taliye Xundubey halka Taliyaha Wiloow cadde loo magacaabay Taliye Sonkor, Sidoo kale taliyaha qeeybta Bari ayaa loo magacaabay taliye Carabeey iyo ugu dambeeynta taliyaha Bartamaha oo loo magacaabay taliye Khaliif Ilka Casse. Faah Faahin dhameeytiran dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Isbadal lagu sameeyay Taliska Booliska Gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacadda Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Bar___-Qubanha-Shabelle-11112018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article