Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,963
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa sheegaya in Shalay Galab Wasaarada Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya ay u yeertay qaar ka mid ah Maamulada Kaybilada TV-yada Muqdisho ayadoo aan loo sheegin waxa loogu yeeray, Madaxda loo yeeray waxa mid ah Maamulka Muqdisho Cable TV, Astaan TV, Asal 24 TV iyo iyo Qaar kale. Marka ay gaaren xafiiska wasaaradda Maaliyadda waxaa la weydiiyay lacag canshuur ah oo laga rabo Cable-lada TV-yadal, lacagta canshuurta laga ayaa la sheegay iney tahay labo sano oo kala ah 2017-2018, Waxaa kaloo la waydiiyay Lacag laga rabo Shaqaalaha ka Howlgala TV. Kaybilada qaar waxa kuso baxay lacag dhan 20,000$ labatan kun ilaa 30,000$ , Maamulada TVyada ayaa ku dooday in lacagtaas aysan awoodin, dood dheer ka dib wasaarada Maaliyasda ayaa ka cafisay sanadkii tagay ee 2017. Waxeysa ka codsatay in ay bixiyaan lacagta kusoo baxday sanadkaan lagu jiro ee 2018 mar kale ayay sheegen in aysan heysanin lacagta kusoo baxday sanadkaan balse ay lasoo tashanayaan maamulkoda guud. Wasaaradda maaliyadda xukuumada soomaalia ayaa ka biyo diiday iney kala baxaan xafiiska lacagta lagu leeyahay. Sida ay wararka sheegayaan Maamulada TV ayaa lagu Xanibay Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda ee Dekadda Muqdisho halkaas oo ay Xalay ku hoydeen. Wasaaradda ayaa Saaka amar cusub kasoo saartay waxaana Keebalada lagu amray inay damiyaan System-ka dhan inta ay ka bixinayaan lacagta, waxaana la filayaa inuu amarkaas hirgalo Saacadaha soo socdo. Cabelada ay ku dhagan tahay Wasaaradda Maaliyadda ayaa Magaalada Muqdisho siiyo Chanalo kala duwan oo laga fiirsado Wararka, Ciyaaraha iyo Aflaanta, waxayna qaarkood leeyihiin illaa 50 Kun oo Macaamiil ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. GAROOMADII MAGAALADA MARKUU LIQAY, GURYAHII DADKA USOO DHIGAY. W/Q: JAAMAC FAARAX ALAALE. “Ninbaa laga hayay waar Islaantii Hadaad Indho La, aan Ku Odayd Dad Cuna Way Ku Darsatay, Imika waxa sidaa ka dhigan Mayor Solteco hadaad boobka dhulka ku odayd …….” Inay dhalinyartu hesho Garoomo ay ku ciyaaraan waxay ka mid tahay masuuliyada iyo waajibaadkii loo doortay golaha deegaanka hargeysa, cida koowaad ee xilkaasi saran yahayna waa Mayorka Caasimada Solteco oo mudo 6 sano ku dhow Maayar ka ah Caasimada Hargeysa, mana jirto qodob kaliya oo farta lagu fiiqo karo oo uu wax ka qabtay. Indhaha lagama qarsan karo daranyada iyo diifta ka muuqata caasimada Hargeysa oo ah muraayada qaranka haday tahay Wadooyin, Garoomo, Caafimaad IWM. Waxqabadka ugu wayn ee Mayor Solteco lagu xasuusan doonaa waa Boobka Dhulka iyo Baloodhaysiga Dhulkii dantaguud ee Garoomada noqon lahaa ee Caafimaad ama Iskuulo laga dhisi lahaa gabi ahaanba wuu xaalufiyay, meel banana hadalkeeda daa. Xaalku wuxuu marayaa inuu ka nabadgaliwaayo dhulkii banaanaa ee dadku gaarka u lahaa sida Garoonka Dhurqaanta oo ah dhul banana oo Xaaji Baxsane, ilaahay danbigiisa ha dhaafee, dhalinyarta xaafadu ka codsatay inay ku ciyaaraan ilaa inta uu wax ka dhisayo, Xaajiguna u fasaxay dhalinyarta xaafada sidoo kalana Maalmaha Ciida salaadaha lagu tukan jiray. Mayor Solteco markuu liqay dhamaan dhulkii danta guud ee caasimadu lahayd ee Garoomada loogu talagalay wuxuu soo maleegay mu’aamaraad isagoo dhalinyartii xaafada ku yidhi Baxsane ayaa idin kaga noqday garoonkii uu hore u bixiyay een ugu talogalay inaan Roog idiin dhigo ee ku mudaharaada. Taariikh Kooban Garoonka Dhurqaanta ama (Baxsane)Wuxuu ahaa dhul banaan oo dhalinyarta xaafada sheedaha ama koodbuur ay muddo dheer si kulmeel-gaadh ah ugu ciyaarayeen dhulkan oo uu leeyahay Xaaji baxsane,oo imika loo yaqaan garoonka baxsane ama garoonka dhurqaanta. Ganacsadaha ayaa si ku meel gaadh ah u siiyey dadweynaha xaafadaasi inay dhulkaa u isticmaalaan tukashada salaadaha ciida iyo inay dhalinyaradu ka dhigtaan garoon ay ku ciyaaraan maadaama xaafadu aanay lahayn wax garoon ah ilaa inta loo samaynayo garoon ay xaafadu leedahay. Odayada iyo Dhalinyarada xaafadu way soo dhoweeyaan arintaas ilaa inta Xaajigu diyaar u noqonayo inuu dhulkiisa wax ka dhisto. Marka Xaqiiq laga hadlayana Qof kasta oo Kamid ah Dhalinyardda Xaafadaasi Waxa uu Aaminsanaa in aan Xaajiga dhulkiisu yahay Mulki uu isagu Leeyahey oo maalin maalinta uu doono dhisan karo. Sidaas darted waxa jirtay balanqaad jiitamay oo Mayorku u balanqaaday dhalinyarta xaafada inuu garoon u dhisi doono. Markii beentii maayarku badatay ayay dhalinyartu mudaharaad ay ku diidan yihiin Soltelco ka sameeyeen agagaarka guriga maayarka oo u dhaw dhulka banaan ee Xaaji baxsane sida ku meel gaadhka u bixiyay oo imika uu dhisme ka wado Xaajigu. Gadoodkii Dhalinyarta iyo Shirqoolkii Maayor SoltecoDhalinyaradan ayaa ka gadooday dayaca iyo been abuurku uu Mayor Solteco mar walba ku qancin jiray oo dhamaantood noqday hal bacaad lagu lisay. Arinta garoon la,aantu kuma koobna xaafadan oo kaliya ee mid saamaysay dhamaan Degmooyinka caasimada kadib markii si badheedh ah loogu takri falay dhulkii danta guud ee garoomada laga dhislahaa. Hadaba ceebta ugu way nee dhacday waxay ahayd Mayor Solteco oo soo abaabulay Mu’amaraad qaawan oo inta uu dhalinyaradii qaar lacago u qaybiyay ku yidhi Xaaji Baxsane waanu ka heshiinay inaanu dhul kale ugu badalno Garoonkana idin yeelataan lkn imika wuu idin kaga noqday oo waakaas dhisanaya, anigana wuu idiiday ee dareenkiina muujiyay. Qaar kamid ah dhalinyarada garoon la,aantu ku habsatay ee uu lacagta u qaybiyay waxay si anshax xumo ah u wareerareen hoyga ay dagan yihiin qoyska ganacsade baxsane kuwaas oo shiid iyo burbur xoog leh u gaystay guriga xuseen baxsane oo u dhow Garoonka, sidoo kale waxay waxyeelo soo gaadhay gaadiidkii ganacsade baxsane ee halkaas yaalay. = CAQLIGII MAAYOR SOLTECO WAAKAAS= Xaaji Axmed Daahir (Baxsane) oo ah Ganacsade sharaf iyo karaamo ku leh bulshada iyo qaranka Somaliland, shakhsi maalkiisa iyo hantidiisa ku bixiya goobaha khayrka leh, caawiya dadka danyarta ah, kaalin wayn kaga jira horumarka bulshada. Xaashe’e Xaaji Baxsane magayo mana galabsan in hantidiisa wax layeelo, waa nasiib daro inuu Solteco u dhaqmayo sida ciyaala Jirida aan dhaqan iyo akhlaaq midna kusoo korin, Ninbaa laga hayay waar Islaantii Hadaad Indho La, aan Ku Odayd Dad Cuna Way Ku Darsatay, Imika waxa sidaa ka dhigan Solteco hadaad boobka dhulka ku odayd ciyaalo suuqnimo iyo maafiyana wuu ku darsaday. Hargeysa Hiilbay u baahan tahay iyo in laga badbaadiyo Mayor Solteco. M/weynaha waxaan leeyahay hoos u eeg duruufaha ku xeeran Caasimada Mayorka iyo Golaha Deegaanka, Muraayada qaranka badbaadi M/weyne isbadalka xukuumadaada cid la jaanqaada ayaad u baahantahay ee cid fadhiida uma baahnid. Allaa mahad leh W/Q: JAAMAC FAARAX ALAALE.Alaale990@gmail.com Hargeysa/SomalilandAttachments area Qaran News
  3. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Mustafe Maxamed Yoonis ayaa caddeeyey in marwadii madaxweyne Siilaanyo ay door ku lahayd tallada dalka. Xoghaye Mustafe Maxamed Yoonis oo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu eedaymo ugu jeediyey xoghayaha arrimaha gudaha xisbiga UCID Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa sheegay in marwadii hore ay ku haysay xilalkii badnaa ee uu ka soo qabtay gobolada kala duwan ee dalka. Xoghaye Mustafe oo ka hadlaya sidii xisbiga Kulmiye loogu hayey Ramaax ayaa waxa uu yidhi “Markii Kulmiye guulaystay doorashadii 2010 , gudoomiye Saleebaan ayaa Ramaax gacanta qabtay oo siilaanyo u geeyey oo ku yidhi ka dhig badhasaab, sidaas ayaanu ku soo galay nidaamka xisbiga kulmiye iyo dawladiisa.” Xoghaye Mustafe Maxamed Yoonis ayaa intaas raaciyey “Markii dambe waxa uu helay cid ilaalisa mar kasta oo uu wax gaysto oo marwo Aamina Weris oo ay ilmaabti ahaayeen ayaa in badan taageertay.” Ayuu yidhi Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska Ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa Isbedel ku sameeyay qaar ka mid ah Saraakiisha Booliska Saldhigyada Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha qaabilsan qaybaha Ciidanka. Taliska ayaa xilka ka qaaday Taliyeyaasha saldhigyadda Degmooyinka Yaaqshiid, Dharkiinley, Hawlwadaag iyo Heliwaa , waxaana uu taliyeyaal cusub oo Boolis ah loo magacaabay degmooyinkaasi. Waxaa sidoo kale xilkii laga qaaday Taliyihii qaybta Galbeed ee Booliska Qaasim Axmed Rooble, waxaana xilkaasi loo dhiibay Sarkaal lagu magacaabo Xundubey oo ahaa Ku xigeenka Qaasim Axmed Rooble. Taliyihii Saldhiga Degmada Heliwaa Khaliif Ilka case oo xilkaasi laga qaaday ayaa loo dalacsiiyay inuu noqdo Taliye qayb ka tirsan Ciidamada Booliska. Tallaabadan is bedelka ah ee lagu sameeyay Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska degmooyinka iyo Talis qeybeedyada ayaa la ogeyn inay jawaab u tahay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho jimcihii la soo dhaafay, kaasoo dad badan ay ku dhinteen, waxaana Taliska Booliska uu sheegay inuu bilaabat baaritaan ku aadan qaraxyadaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Buuga Mii ilaa Madaxtooyo ee uu qoray Xirsi Cali Xaaji Xasan Xumaani kuma jirto laakiin Ragii uu Siyaasadda ku legday ayaa Cay miciinsaday. Qore: Xuseen Aadan Caraale (Xuseen Jiib) Ilaa Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, ilaa Daahir Riyaale, ilaa Siilaanyo dadku Buugaag uun bay qorayeen xaflado loo qabanaayay maxa loo qaylinayaa hadii Xirsi Buug qoray. “soo baxbaa la leeyahayo Sacabkay leefaysa” Wasiirkka warfaafinta Somaliland Guribarwaaqo isaga oo xil haya ayuu wax ka qoray hablaha Soomaaliyeed gaar ahaanna kuwa gaaroodi ee reer Somaliland waliba kuwa bir ma gaydada ah ee sidalagta ugu saraysa JSL waxa ka hadlay haween waynihii uu Guribarwaaqo ku ceeboobay,Salaadiin, Culima Awdiin,Abwaano, Baarlamaan (Guurti iyo Wakiillo) iyo Shacabwaynaha Somaliland, Foodh-foodh iyo is xayd xayd ayuu ka sii qaaday cidina kuma daba gelin kumana qaban markaas miyaanay Ragii Dhufaannaa ee Siyaasadda uu ku legday Iilka ka soo kicin. Takale Axmed Siilaanyo waa halyay Qaran wax badanna Qarankiisa u qabtay, Nafta u huray Aamina warisna waa marwo Qaran xumaana ma gaydo Xirsina waxa uu ahaa Baalashii Siilaanyo. wax qabadna kamuu danbaynin oo maalintii uu iscasilay waati hor iyo daba beeshay markaas raggii hadlaayow Xirsi Siilaanyo iyo Aamina waris waxba ma odhan ee adinka wax yidhi. Maalintii ay tartamayeen Xisbigii Udub iyo Kulmiye waxa Kaanbayn wada galay Axmed Yuusuf Yaasiin oo doonaayay Madaxwayne ku xigeen iyo Aamina waris oo doonaysay in Madaxwayne uu noqdo Saygeedu raga qaylinaaya maanta qaarkii 10 cod maysiin oo faramadhan ayay kala noqotay dhaqanna may ahaan jiin in la qadiyo hablaha. Hadaba markii ay dhacday doorashadii waxa helay Axmed Siilaanyo oo waxa uu noqday Madaxwayne qaran Aamina warisna waxa ay noqotay marwo Qaran, dadka ilaa maalintii la doortay iyo maalintii ay xilka ka degeen ku qaylinayay ee siyaasiyiintoodu caytamaysay waxa ay ahaayeen kuwii siinwaayay 10-ka cod ee Saaxil iyo Maroodi jeeex ee aan meela dhaafin wax kastana loo xanbaariyay mee Cali Guray, mee Siciid Cilmi Rooble, mee Boobe Yuusuf Ducaale mee Yuusuf Cabdi Gaboobe mee Muusanawgii Maxamuud Xaashi Cilmi, mee sheikh Aadan Siiro iyo Qudbadihiisi kimaha mee Xildhibaan Qabile mee Jamaal Cali xuseen iyo in kale oo aan qoraal lagu soo koobi karayn waxaan arkaayay 14/11/2018 oo hadal tiro farabadan shubayaan “Imikuunbaad dhaar xoogleh iyo Dhiiranaan barateen” Xirsina waa nin kii idin gardaadiyay. Eray kalena Baashaan idhiyo waxaan maqli jiray “nin reer abtigii la jooga gardaro laga bartay” laa kiin maan maqal inan la yaal ah ayaa gardaro laga bartay, makaas adeer xididka lama aflagaadeeye garawshiiyo bixi hana u noqonin. Maxamud Xaashiyowna waxa la yidhi Dacawo ayaa hoostimid geed wayn oo hilbo saaranyihiin intay gaadhiwayday ayay tidhi uf, mrkii Xirsi aad gaadhi wayday ee uu kaa fiicnaaday Xaga siyaasi, xag wax qabad, iyo xag kartiba ayaa caytantay adeer meel kaga waran 2-sano ee aad Madaxtooyadda joogtay ayaad dalka boobtay oo waata Guryihii aad isa siisay lagugu soo galaye. Qore Aqoonyahan Xuseen Aadan Caraale (Xuseen Jiib) Qaran News
  6. (SLT-Hargeysa)-Wargeyska Foore ayaa helay xog ku saabsan xidhiidh toos ah oo khadka Telefanka ah oo dhex maray Raysal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo Hogaamiyaha Jabhadda Somaliland ka goosatay ee Puntland Saldhiga ka samaysatay Kornayl Siciid Cabdi Jaamac Caare iyo arimaha ay ka wada hadleen. Warar lagu kalsoon yahay oo uu Wargeyska Foore soo gaadhsiiyay Masuul Xukuumadda Soomaaliya ka tirsan ayaa noo sheegay in maalinimadii Jimcihii ee Doraad uu gudaha Madaxtooyadda Soomaaliya kula kulmay koox uu sheegay inay la balansanaayeen Raysal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo ay hayb hoose isku ahaayeen Raysal Wasaare ku xigeenka, waxaana uu noo sheegay in kooxdaasi ay u sheegtay in kulankii ay Raysal Wasaare ku xigeenka la lahayeen uu dib uga dhacay islamarkaana uu Raysal Wasaaruhu kaga mashquulay arin uga timid dhinaca Kornaylka Jabhadda ku haysta Puntland ee Somaliland Ka goostay ee Caare kaasi oo sida ay sheegeen ay ka wada hadlayeen arimo gaar ah. Masuulkan Wargeyska Foore la soo xidhiidhay ayaa noo sheegay inay kooxdan uu Madaxtooyadda Dhexdeeda kula kulmay ay ku yidhaahdeen hadalkan “Anagoo Kujirna Xafiiska Raysal Wasaare ku Xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxa u soo dhacay Telefan, Marqudha ayuu nagala kacay telefankii, Dabadeed Xoghayntiisii ayaa nagu wargaliyay Inuu Ku Mashquulsan yahay arin ku saabsan Kornaylka Jabhadda Samaystay ee Somaliland ka goostay ee Saldhigga ka samaystay Puntland Kornayl Caare, waxaanu ka maqlaynay inay islahaayeen wixii aad noo balan qaadeen deg deg noo soo gaadhsiiya, iyo waxaanu hadda ku talo jirnaa inaanu Gudaha Somaliland u galno oo aanu hawlgalo ka fulino Goobo cayiman, intaasi ayaa nagaga soo duul duushay intaan xafiiska nalaga soo saarin ee aanaan dibada uga soo bixin, Kornayl Caare ayaa khadka telefanka kala hadlayay” ayay hadalkooda ku soo gaabiyeen. Masuulkan Wargeyska Foore uga waramay dhacdadan oo Golaha Wasiiradda Xukuumaddda Farmaajo ka tirsan ayaa noo xaqiijiyay in Raysal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed uu hadda u qaabilsan Xukuumadda Soomaaliya la xidhiidhista iyo ka warhaynta Jabhadda Somaliland diidka ah ee Somaliland ka goosatay ee Puntland u gashay,waxaanu noo sheegay inuu hadda ku guda jiro sidii jabhadaasi ugu soo guuri lahayd Gudaha Soomaaliya islamarkaana ay hawlgalo uga fulin lahayd. Waxa uu sidoo kale noo sheegay inuu hadda ku hawlan yahay soo gaadhsiinta Jahadda Caare agab iyo lacag ay Dawladda Soomaaliya ugu talo gashay taasi oo ay ujeedadeedu tahay sidii ay u xoojin lahayd jabhaddaasi iyo sidii ay u wiiqi lahaayeen Awooda dhinaca Amniga Somaliland. Xigasho: Wargeyska Foore Source
  7. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud saacadihii la soo dhaafay waxaa ka dhacay dilal oo qaarkood la sheegay in ay ahaayeen aanooyin qabiil,waxana dhacdooyinkaas dowladda Federaalka ku eedeeyay Madaxweynaha Maamulka Galmudug. Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in khilaafka ka dhex jira dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada uu yahay mid dib u dhac badan keenay,hadii uu sii jirana uu sababi karo burbur ku yimaada dalka. Axmed Ducaale Xaaf ayaa sheegay in waxa ka dhacaya Hobyo, Cadaado, Balanbale iyo deegaanka Afbarwaaqo uu sabab u yahay khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada “Waxa ka dhacaya Hobyo, Cadaado, Balanbale iyo Afbarwaaqo waxaa sabab u ah khilaafka dhowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, waa ukumihii ay meesha dhigeen baa marba maalin dilaaceysa, markaas baa bahal ka soo baxaya”ayuu yiri Axmed Ducaale Xaaf. Waxaa uu sheegay inuu aad uga xun yahay dilalka ka dhacaya deegaankaas, isagoo xusay inay ka war hayaan in dad lagu dilay. Xaaf ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay dalka iyo umadda u naxaan, khilaafkan la sii fogeynayo aan loo baahneyn sida uu hadalka u dhigay. “Anaga haddaan dowlad goboleedyada nahay arrinteena wax qabasho ayay laheyd, wey fogaatay, waa la fogeeyay, haddii arrintaas fogaatay la soo celin burbur baa dalka ku imaan kara Soomaali oo dhan ku imaan kara”ayuu yiri Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Degmooyinka Cadaado, Afbarwaaqo iyo Hobyo ayaa waxaa ka dhacay dilal loo geystay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dad rayid ah halka degmada Balanbale ay ka dhaceen dagaal beeleedyo sababay dhimasho iyo dhaawac. Halkaan hoose ka dhageyso: https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/Codka-xaaf-ee-maanta.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. (SLT-Ireland)-Michael D Higgins ayaa markii labaad loo dhaariyay madaxweynenimada Ireland iyadoo xaflad loogu qabtay magaalada Dublin Axaddii. Madaxweyne yaal hore oo ay ka mid yihiin Mary Robinson iyo Mary McAleese ayaa ka soo qayb galay xafladda. Ra’iisulwasaaraha Airland Leo Varadkar iyo Ra’iisulwasaare ku xigeenka Simon Coveney ayaa sidoo kale xafladda ka soo qaybgalay. Madaxweyne Higgins ayaa dib loo doortay bishii Oktoobar isaga oo helay 56% codadkii la dhiibtay. Shantii murashax ee la tartamay dhammaantoodna way ka soo qayb galeen xafladda. Source
  9. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa isbedel ballaaran ku sameeyay qaar ka mid ah taliyeyaasha saldhigyada Booliska ee degmooyinka Gobolka Banaadir. Sidoo kale waxaa xilalkii laga qaaday taliyeyaasha illaa afar saldhig Boolis iyo talis qeybeedyo. Talisyada xilalka laga qaaday ayaa waxaa ka mid ah taliyeyaasha saldhigyada howlwadaag, Yaaqshiid, Heliwaa iyo Dharkenley, iyadoona loo magacaabay kuwa cusub. Wararka ayaa intaasi ku daraya in xilka laga qaaday taliyihii qeybta Galbeed ee Booliska Qaasim Axmed Rooble, waxaa xilkaasi loo magacaabay Yuusuf Xundubey oo horay u ahaa ku xigeenka qeybtaasi. Sidoo kale waxaa la magacaabay talisyada qeybaha gobolka Banaadir, iyadoo loo magacaabay rag dhalinyaro ah oo ka tirsan Taliska Booliska Soomaaliya. Tallaabadan ayaa ku soo aadeysa, xilli Jimcihii la soo dhaafay qaraxyo is xig xigay ay ka dhaceen gudaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. The post Isbedel ballaaran Oo lagu sameeyay talisyada degmooyinka G/ Banaadir appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Agaasimaha rugta ganacsiga iran ee Trade Promotion Organization (TPO) ee arrimaha Afrika iyo Carabta ayaa sheegay in waxyaabaha ay Iran u soo dhoofisay qaaradda Afrika ee March 21 to September 22 ay kor u kaceen sanadkan 17% marka la barbardhigo sanadkii hore. Farzad Piltan ayaa intaasi ku daray in waxyaabaha ay Iran dhoofiso sida Naftada iyo waxa aan naftada aheyn ay u dhoofiso dalal ay ka mid yihiin: Egypt, Kenya, Sudan, South Africa, Tunisia, Morocco, Mozambique, Tanzania, Djibouti iyo Somalia, iyada oo ka hesha lix bil kasta lacag dhan $397 million. Qiimaha waxyaabaha loo soo dhoofiyey Afrika ee sanadkii tagay waxaa lagu qiyaasay ilaa $752 million waxaa jirtay siyaado dhan $142 million oo ah sanadkii ka horeeyey. Waxyaabaha ay Iran u soo dhoofiso Afrika waxaa ka mid ah: birta, shubka, gaaska, shamiitada, biscuits, Shukulaatada, saliidda matoorka iyo kuwoo kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. (SLT-Muqdisho)-Wararka laga helayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu hakad ku jiro howlihii duulimaad ee garoonka, kaddib markii uu dab ka kacay. Dabka ayaa ka kacay makhaayad ku taal qeybta duulimaadyada caalamiga ka baxaan, waxaan taas keentay in saacado dib u dhacaan diyaaradihii saaka imaan lahaa. Wararka horudhaca ee la helayo ayaa sheegaya in dabka uu sababay cilad koronto, balse Maamulka Garoonka ayaa si rasmi ah uga hadlay waxa sababay dabka. Inkastoo aanu dabka khasaare nafadeed dhalin, hadana waxaa lagu guuleystay in la damiyo sida ay xaqiijiyeen saraakiisha garoonka. Waxaa la filayaa in howlaha garoonka uu caadi ku soo laabto, iyadoo muddo labo saacadood ay illaa hadda dib u dhaceen diyaaradihii saaka imaan lahaa. Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa mid mashquul ah oo maalin walba in ka badan 50 diyaaradood ay ka soo degaan, kana duulaan. Source
  12. (SLT-Gabon)-Madaxwaynaha dalka Gabon Cali Bongo ayaa si aad ah u xanuunsanaya,sida uu sheegay afhayeen u hadlay xafiiska madaxwaynaha. Waxaa muddooyiinkii ugu dambeeyay soo baxayay warar la isla dhex marayay oo ku saabsanaa xaaladda caafimaad ee madaxwaynaha 59 jirka ah. Wararka qaar ayaa sheegayay in Madaxwayne Cali Bongo uu madaxa dhiig kaga furmay. Madaxwaynaha ayaa waxa in muddo ah lagu daawaynayay dalka Sacuudiga,waxaana bishii aanu soo dhaafnay la shaaciyay in madaxwaynaha uu ka cabanayo daal badan. Afhayeenkiisa Ike Ngouoni ayaa sheegay in Mr Bongo “uu ka soo kabanayo dhammaan xanuunkii hayay “. Lama xusin in madaxwaynaha uu madaxa dhiig kaga furmay balse afhayeenkiisa Mr Ngouoni ayaa sheegay”in uu dhiigga uu u baahan yahay daryeel caafimaad”. Cali Bongo ayaa talada kala wareegay aabihii Cumar Bongo sanaddii 2009. Aabihii Cumar Bongo ayaa ka soo talinayay Gabon in ka badan 40 sano. Cali Bongo ayaa dirqi ah ugu guulaystay doorashadii 2016 ka dhacday dalkaasi taasi oo ay hareeyeen rabshado iyo eedeeymo ku saabsan wax isdabamarin. Horraantii bishan xilli uu madaxwayne Bongo ku maqnaa dalka Sacuudiga ayaa waxaa mar kale guul ka sheegtay doorashadaasi hogaamiyaha mucaaradka Gabon Jean Ping. Jimcihii waxaa shaqada laga joojiyay muddo saddex bilood ah wargays ka soo baxa dalka Gabon ka dib markii uu qoray in ay tahay in rai’sul wasaaraha dalkaasi loo magacaabo hogaamiyaha dalka. Source
  13. (SLT-Qaza)-Lix ruux oo Falastiiniyiin ah oo uu ku jiro sarkaal ururka Xamaas ka tirsan ayaa la dilay intii Israa’iil ay hawlgalka ka waday marinka Qaza, sida ay masuuliyiinta Falastiintu sheegeen. Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in hal askari laga dilay mid kalana laga dhaawacay intii ay hawlgalka wadeen ciidammada khaaska ah ee marinkaas. Isku dhaca ayaa ka dhacay bariga Khan Younis oo dhanka koonfurta ku yaalla. Qalabka gantaallada ka diga ayaa ka yeeray koonfurta Israa’iil gantaallo Qaza laga soo ganay ayaana la soo riday Ra’iisulwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa go’aansaday in uu soo gaabiyo booqashadii uu ku joogay magaalada Paris ee kaga qaybgalayay xuska 100 guuradii ka soo wareegtay Dagaalkii Koobaad ee Adduunka, fiidnimadii Axadda ayuuna laabtay, sida lagu shaaciyay war ka soo baxay xafiiskiisa. Afhayeen u hadlay Xamaas oo ah ururka hubaysan ee ku xoog badan Qaza ayaa dhacdadan ku tilmaamay “weerar arxan darro ah oo Israa’iil qaaday.” Salkaalka sare ee laga dilay Xamaas ayaa la dhahaa Sheikh Nur Barakeh kaas oo taliye u ahaa guutada Izzedine al-Qassam oo ururka u qaabilsan Khan Younis. Source
  14. (SLT-Australia)-Waxaa qaybo kamid ah caalamka ka socotaa munaasabadaha lagu xusayo 100 sanaguuradii kasoo wareegtay dagaalkii koowaad ee Adduunka. Waxaana lagu maamuusaya markii lasoo afjaray dagaalka oo ay ahayd sannadkii 1918-kii. Dalka Australia,kumananaan kamid ah dadkii soo dagaallamay dagaalka ayaa maanta ka qayb galay munaasabad lagu qabtay magaalada Canbera. Halka caasimadda dalka New Zealand ee Wellington lagu qabtay bandhig xabado rid ah. Dalka Hindiya, xus ayaa loo sameeyay 74,000 oo cidaan oo Hindiya uga dhintay dagaalkii Koowaad ee Adduunka, Munaasabadda ugu wayn ee xuska dagaalkii Koowaad ee adduunka waxaa maanta lagu qabanaya Yurub gaar ahaan degmada Arc de Triomphe oo ku taalla magaalada Paris ee dalka Faransiiska, waxaana ka qeyb galaya hoggaamiyeyaal ay kamid yihiin madaxweynaha Mareykanka Trump iyo dhiggiisa Ruushka Putin. Dalka Britain, waxaa lagu qabtay munaasabado gaar ah oo lagu xusayo dagaalkii Koowaad ee dhacay intii u dhexeeysay sannadihii 1914-kii iyo 1918-kii. Markii ugu horreysay, dadweynaha qaar ayaa loo ogolaaday inay tegaan xarunta ay ka socota munaasabadda Whitehall ee bartamaha magaalada London. Lahaanshaha sawirkaEPAImage captionDiyaaradaha ka qayb qaadanaya xuska dagaalkii Koowaad ee Adduunka magaalada Adelaide ee dalka Australia Lahaanshaha sawirkaPRESS ASSOCIATIONImage captionXuska 100 sanno guuradiii dagaalkii Koowaad ee Adduunka magaalada Wellington ee dalka New Zealand Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionXuska 100 sanno guuradiii dagaalkii Koowaad ee Adduunka magaalada Wellington ee dalka New Zealand Maxaa laga bartay dagaalkii Koowaad ee Adduunka Markii uu khudbadda ka jeedinayay magaalada Canbera, Ra’iisul wasaaraha Australia Scott Morrison wuxuu ku dheeraday muhiimadda xuska wuxuuna yiri ‘Dadka waxaa laga doonaya inay wax ka bartaan waxyaabihii lasoo maray, marka sii aan u qorsheyno sidii ay isbaddallo u gaari lahaayeen carruurteenna iyo jiilalka soo socda’. Ololahii lagu magacaabay Gallipoli ee sannadkii 1915-kii wuxuu jab ku reebay ciidammada Australia iyo New Zealand . Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi wuxuu bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraallo uu ku sheegayo in dalkiisa uusan si toos ah uga qeyb qaadan dagaalkii Koowaad balse ciidammada Hindiya ay kasoo dagaallameen waddamo badan si ay xoojiyaan ammaanka dunida. Lahaanshaha sawirkaEPAImage captionUbax la dhigay goob lagu xusayay munaasabadda magaalada Adelaide Hoggaamiyeyaasha oo ku kulmay Paris Diiradda waxaa la saaraya dalalka reer Yurub, halkaaso 70 hoggaamiyeyaal oo caalamka ka socda ay ku kulmayaan magaalad Paris si ay ugu qeyb galaan 100 sanno guuradii kasoo wareegtay dagaalkii Koowaad ee Adduunka. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa hoggaaminaya munaasabadda ugu wayn oo maanta ka dhaceysa qabuuro ay ku aasan yihiin ciidammadii Faransiiska ee ku dhintay dagaalka gaar ahaan degmada Arc de Triomphe ee magaalada Paris. Lahaanshaha sawirkaAFPImage captionAmmaanka degmada Arc de Triomphe oo si wayn loo xoojiyay Maanta gelinka dambe, kulan looga hadlayo arrimaha ammaanka ayaa ka dhacaya Paris, waxaana ka qeyb galaya hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo hoggaamiyeyaal kale. Sabtidii Macron iyo Merkel waxay booqdeen magaalada waqooyiga Faransiiska ku taalla ee Compiègne halkaas o ay ku saxiixeen buug xusuus ah. Madaxweyne Mareykanka Donald Trump ayaa baajiyay booqasho uu ku tegi lahaa qaaburo ku yaalla halkaasi oo ay ku aasan yihiin dadkii ku dhintay dagaalkii Koowaad. Ururrada bulshada rayidka oo gaarayo 50 urur ayaa qorsheynaya inay Paris ka dhigaan dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan booqashada Trump uu ku joogo Faransiiska. Source
  15. Xildhibaan Xasan Cabdi oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay amni darrada ka jirta magaalada Muqdisho. Waxa uu sheegay in dowladda aanay marnaba lahayn qorshe amni oo cad, isaga oo tusaalooyin badan usoo qaatay. Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in amni darrada qeyb ka tahay ciidankii NISA ee la kala direy iyo sidoo kale qorshe la’aantii loo dhisey ciidanka xasilinta ee iyaguna la kala direy. Halkaan hoose ka daawo muuqaalka: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Garbahaarey ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa lagu soo warramayaa in uu ka baaqday booqasho uu maanta ku tagi lahaa degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la xaqiijiyay in gabi ahaan uu baajiyay socdaalkaasi, kadib dibadbaxyo looga soo horjeeday oo shalay ka dhacay magaaladaasi. Dhinaca kale Faarax Nuur Turbac oo ah taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee ka howlgala gobolka Gedo, una warramay Shabelle ayaa sheegay in Madaxda Jubbaland aysan tagi karin degmooyinka Garbahaarey iyo Baardheere ee gobolkaasi. Taliyaha ayaa tilmaamay in Jubbaland aysan waxba u qaban shacabka ku dhaqan guud ahaan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/cod-gedo.mp3 The post Axmed Madoobe Oo ka baaqday booqashadii Gedo appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Diyaaradda Kenyan Airways ayaa duulimaadkeeda ku fidin doonta Geeska Afrika,waxayna howlgal duulimaad ah ka bilaabi doontaa Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho 15-ka bishan November 2018. Duulimaadyadu ayaa waxay u shaqeyn doonaan si maalinle ah,waxayna Kenya arrintaan kaga gol leedahay iney kor ugu qaado xiriirka hawada ee Afrika ee isku xira magaalooyinka iyo fududeynta dhaqdhaqaaqa dadka, si markaa loo xoojiyo xiriirka bulsho iyo dhaqaale ee ka dhaxeeya dalalka Geeska Afrika. Duulimaadyadu ay ayaa ka baxaya Maddaarka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA), Nairobi saacadda 07:40, sidoo kalena diyaarada waxay dib kaga soo ambabaxeysaa Garoonka Caalamiga Aden Adde, Muqdisho 10:45 si ay ugu soo laabato magaalada Nairobi 13:00. Madaxa shirkadda Kenya Airways, Sebastian Mikosz ayaa sheegay in duulimaadka maalinlaha ah la doonayo in lagu daboolo baahida sii kordheysa ee socdaalka Soomaaliya, saraakiisha dawladda iyo hay’adaha aan dawliga ahayn ee (NGO-yada) iyo tirada sii kordhaysa ee ganacsatada Kenya iyo gobalka oo doonaya iney ka faa’ideystaan fursadaha bannaan ee dalka. Mr. Sebastian Mikosz ayaa sheegay iney doonayaan muujinta sida ay shirkadooda duulimaad uga go’an tahay isku xirnaanta qaaradda Afrika, iyagoo abuuraya fursado cusub oo loogu talagalay maalgashadayaasha ganacsatada iyo dalxiisayaasha Soomaaliya. Ugu dambeyntii,diyaaradda Kenya Airways ayaa la rajeynayaa iney fududeyso socdaalka labada magaalo oo ah Nairobi iyo Muqdisho oo ah xarumaha ugu muhiimsan ee ganacsiga Kenya iyo Soomaaliya iyo in la helo howlo ganacsi oo dhaq dhaqaaq leh. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Balanbale ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in saaka xiisad dagaal ay ka taagan tahay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Xiisada oo ah mid xoogan, una dhexeysa laba Maleeshiyo Beeleed ayaa waxaa laga dareemayaa inta u dhexeysa degmooyinka Balanbale iyo Guriceel ee gobolka Galgaduud. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan in markale dagaallo ay ka dhacaan halkaasi. Labada dhinac ayaa lagu soo warramayaa in dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobolkaasi. Shalay ayey aheyd markii Maleeshiyaadkaasi uu dhexmaray dagaal xoogan oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac intaba. The post Xiisad dagaal Oo saaka ka taagan gobolka Galgaduud appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa caadi ku soo laabtay howlihii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo dib u bilowdeen duulimaadyadii diyaaradaha oo muddo labo saac hakad ku jireen, kaddib markii qeyb ka mid ah garoonka uu dab ka kacay. Qaar ka mid ah Saraakiisha Garoonka ayaa sheegaya in howlihii garoonka uu dib u bilowday, kaddib markii lagu guuleystay in la damiyo dabkii ka kacay maqaayada ku taalay qeybta duulimaadyada ee Terminalka weyn ee garoonka. Wararka qaar ayaa sheegaya in dabka uu sababay cilad koronto oo ka dhalatay makiinadihii kushiinka oo aan xalay la damin, sidaasna uu dabka ku kacay. Qeybta maqaayadda ayaa gebi ahaanba basbeeshay, waxaa dhamaan gubtay agabkii kushiinka yaallay. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Garoonka diyaaradaha oo ku aadan dabka kacay iyo saacadaha ay hakad geliyeen duulimaadyada. Inta badan diyaaradihii saaka imaan lahaa subax hore ayaa saacado dib u dhacay, waxaa goor dhow soo degay dhowr diyaaradood oo ay ka mid tahay diyaaradda Turkish Airlines. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Muqdisho ( Sh. M. Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-121118.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegayaa in uu saaka hakad ku yimid shaqadii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde,kadib markii uu dab qabsaday qayb kamid ah garoonka. Maqaaxi ku taalla qaybta ay ka baxaan duullimaadyada caalamiga ah ayaa la sheegayaa in uu ka kacay dabkan oo ka dashay cillad dhinaca korontada ah. Gaadiidka dab-demiska garoonka Aadan Cadde ayaa haatan bakhtiiyay dabkii halkaasi ka dhashay,lamana sheegin wax khasaare nafeed ah oo uu sababay. Hase yeeshee tiro kamid ah duullimaadyada caalamiga ah ee garoonka Aadan Cadde ayaa mudda saacado ah dib u dhacay,sida laga soo xigtay qaar kamid ah shaqaalaha haga diyaaradaha garoonka. PUNTLAND POST The post Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo dab qabsaday appeared first on Puntland Post.
  22. Kornayn Muuse siduu u yimi Kulmiye iyo Kacaankii isku kaan noqde. Waxa aan aad iyo aad uga xumahay in uu mujaahid usoo halgamay Siddii caddaalad iyo Sinaan loo heli lahaa uu isagii ku sifoobo wixii uu ka dhiidhiyey, waxa wax aan indhaha laga qarsankarin ah ficilka iyo talada maamul iyo maarayn ee caddaalada, sinaanta iyo wax wada lahaanshaha baal marsan ee madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, halka Isaga oo sanad joogin uu mutaystay in la barbar dhigo xisbigii kacaanka shuuciga ahaa ee Kaligii taliyihii kala irdheeyey Soomaali Una sabab ahaa xukunkiisu xasuuqii iyo burburkii somaliland kadhacay iyo kii ka dhacay soomaaliya ee welina ka socda soomaaliya illaahay haka saaree. Horaa loo yidhi ‘’ ruuxaan Waxa soosocda garanayn Waxa jooga ma garto!’’ siddaa awgeed idinkaa dhaadiye dhab u fiirsada oo dhugta kulmiye dhabadii Kacaankii ayuu afka saaraye. Haddii aan si kooban u saafo :- Kacaankii madaxweyne Waxa u ahaa askari Janan M Siyaad, Wasiiradiisana janano askar ah baa ku jiray, halka xukuumada Kulmiye uu madaxweyne u yahay askari , kornayl M Biixi, Wasiiradiisana kornaylo askar ah baa ku jira. Kacaankii caddaalad darada, cabudhinta iyo cago-juglaytu waxay ahayd habkuu dalka ku maareeye. Kulmiyena sidoo kale. Kacaankii cid dhag umuu jalaq siin jirin kulmiye sidoo kale, Kacaankii ciddii cabata waa la xidhi jiray, kulmiyena sidoo kale. Kacaankii dadkoon maxkamad la marin ayaa jeelka lagu tuuri jiray, sidoo kale xadhigii xukun markuu ka dhamaadana jeelkaa lagu hayn jiray wakhti Dheeraad ah. Kulmiyena siddoo kale. Kacaankii wadankoo Colaad iyo dagaal ka socdo oo baaba’aaya ayuu odhan jiray barwaaqo iyo Nabad baa dalka maasheeysay. Kulmiyena dalkoo Colaad iyo dagaal iyo macaluuli iyo sixirbarar ka jirto ayuu leeyey Dhulkeena nimcaa fadhida. Kacaankii kaaliyaha ayaa wasiirka u hanjabi jiray. Kulmiye sidoo kale ay u dheertay in wasiirka shaqada looga eeryo kaaliye iyo in agaasime iyo wasiir jaafaa jirqaan iyo sidoo kale in wasiir dhan shaqalihii amar diidaan. Kacaankii qaraabo kiil awgeed wadanka qoysbaa maamulaayey. Kulmiye sidoo kale 90ka xil ee ugu mudan dalka 67 waa qaraabo kii hal Qoys, 23ka soo hadhay waa cawri reeb iyo dadka intii kale. Kacaankii saraakiishii iyo ciidankii xooga dalka ayaa u adkaysan waayey cadaalad darada maamulka qalafsan ee macangaga ah, oo duurka u galay siday dadka uga xoreyn lahaayeen. Kulmiye siddoo kale saraakiil qaran baa ka dhiidhidey cadaalad darada dalka ku habsatay oo duurka u galay. Kacaankii may jirin xoryatal qowl lamana ogolayn fikir aragtiyeed in ciddi ku soo tabiso hab qoraal ama cod murtiyeysan. Kulmiye siddoo kale oo wuu gabyey ama maqaal buu qoray ayaa dad lagu xidhaa. Kacaankii Isaga oo kadeed dalka ku haya ayuu I amaana odhan jiray oo heeso amaan ah loo qaadi jiray. Kulmiye siddoo kale ayuu odhan ee bal ha labo ama Saddex jirsado!!. Isku eenkaashaha kulmiye iyo Kacaankii wax qoraal lagu soo koobi karo maaha, se hubaal kornayl muuse sidduu u yimid kulmiye iyo Kacaankii isku kaan noqde. Runta sheeg, Dacar Haday ka qadhaadhay. Fuad Fartaag Fartaagmuwaadin@gmail.com Dhamaan maqaalada ku soo baxa shabakadani ma aha kuwo matalaaya habsami u socdka shabakadani, waana fikrad ku kooban qoraha maqaalka Qaran News
  23. Ibrahim Mead Ottawa, Canada Date: November 11, 2018 in view of the situation Somaliland is in intervention is warranted Introduction: Intervention and Consultation and Conflict Resolutions are not dirty words. In consideration of the situation Somaliland is in intervention is the only option there is. I would like to say a small prayer first: Oh Lord, save us from our self Oh Lord, save a runaway leadership with no rudder Oh lord, we are lost in a long distance, lead us and set our feet on the right path. Oh Lord, they divided us as to manipulate us for their sinister end, save us from them Oh Lord, unite us again and bestow your mercy on us for we are sinners and you are most merciful. Oh Lord, we have wronged ourselves and if thou not forgive us, for certainty we are lost. “Whom Allah leaves straying, never will anybody else find for him the way” (Al nisaa) If we choose evil deliberately and double it down by corruption, fraud and deception we do not deceive Allah, we deceived our selves. We deprive our selves of the grace of Allah and are left straying away from the right path. In that condition who can guide us and show us the (right) way? Our true instincts become blunted. Our fraud makes (our leadership) us unstable in character. “For his mercy Allah especially chooses whom he pleaseth” (Al Omraan) Our government has an anemic standing in choosing the wrong people who do not possess the knowledge and the experiences to run a government and help the president. They keep in arms length the best and the brightest of the nation for reason the normal minds cannot understand! I am saddened, ashamed and embarrassed and many people are of what is happening and what is not happening in Somaliland where thousands and thousands died for founding! If not intervened and sooner rather than later, Somaliland as we know may will not be there! Intervention in this context means National dialogue and Consultation-“Talo Qaran” in which the government and none governmental civic groups intellectual, moral people and personalities meet and start a dialogue. We must correct what went wrong together. That is not a bad idea as I see it,-in my opinion. Intervention “Intervention is a conscious process by which change is introduced into peoples’ thoughts and behaviors. The overall objective of an intervention is to confront a person or entity in our case in danger to themselves and to others in a persuasive manner and allow him to see his self-destructive behavior, which affects him, the country and the people.” In this context it is to confront the leadership in K-2 and in all institutions in danger to our CAUSE, to our people and to our country. Many people believe that K-1 was in a similar situation as far as governing is concerned. We believe that they needed help for the sake of their legacy and for the sake of the nation even though K-1was in an absolute denial! Many people believe that K-1was in a total delusional state of mind. How many times K-1 did that and yet they insisted and continue insisting that they didn’t do it even if they did it!? There was precedence in intervening Mr.Siilanyo’s leadership during SNM An intervention act in Mr. Siilnyo’s administration happened in 1988when he was SNM chairman! We solved the problem he created in that said period by way of intervention. We were a committee of nine SNM Veterans, they were called “intervention committee of nine” the author was the vice chairman and the secretary of the designated interventionists who came to Ethiopia to save SNM from Siilanyo and save Siilanyo from Siilanyo! We saved the beleaguered (Chairman Siilanyo) leader and the troubled (SNM) Organization by means of intervention It was a win, win situation even though it was a short term remedy! We did not solve the real problem for we did not have the time to do that at the time. Siilanyo’s ineptness and disregard of the consequences of the problem in that (1987-1988) period led president Halo Maryam of Ethiopia to lose trust with SNM under Siilanyo and made a deal with Siyad Barre! As we all knew the two dictators reached an agreement of compromise. It was an exchange of disowning SNM by Ethiopian administration at the same time repudiating “Ogaden, Houd and Reserved Area- the Somali region of Ethiopia by Siyad Barre” in exchange with the expulsion of SNM from their bases in Ethiopia. That infamous agreement has been reached in Djibouti in 1988. That act happened because of Mr. Siilanyo’s disregard of the future of the Organization he was leading! Intentionally or otherwise Mr. Siilanyo and others created this new found relationship between two enemies Hailo Miriam and Siyad Barre. This new found friendship caused SNM Organization to engage with the well armed but demoralized Siyad Barre’s military prematurely head-on and entered the country earlier than planned to escape the effect of the agreement which would destroyed them. They gambled and chose for the “do-or-die “option. This situation was created as the result of the conflict between then chairman Siilanyo and the Central Committee of SNM which caused to bring together the two warring enemies, Hailo Miriam and Siyad Barre. As a result of this deal, between the two, over 80% of the original Mujahedeen lost their lives in this “no-other-options” adventure. With the grace of God they defeated the enemy in the end. The SNM Mujahedeen had liberated Somaliland without their chairman! The chairman, Mr. Siilanyo deserted them, jumped ship and fled to London-England when the day of reckoning came!! The would be interventionists here now, the wise moral men and women of Somaliland must clearly and unambiguously but respectfully, inform the affected government of Somaliland of today of the truthful information regarding the situation of the nation and how it already had affected the unity and harmony between the communities and between the ruler and the ruled. The immediate objective of an intervention is for the self-destructive entity to listen and to accept help before it is too late for them and for the country. The Market place of ideas must be welcomed thus intervention by way of national dialogue and Consultation (tallow Qaran) is warranted. That is why we need an urgent “taloo qaran”and it must happen I hope Mr.Musa will not see this intervention proposal as a challenge to his ego but appreciate the need of this proposed Consultation, he can participate this virtuous undertaking or even lead it. Somaliland government seems that they are in a bizarre dilution focused on wacky vision centered on matters that are destructive and incongruent to the principles and tenants of what Somaliland stands for, and what the Mujahedeen martyred for! The other day I happened to watch a young guy trying to defend the government against a critique from the opposition party-Wadani secretary by insulting him and the party using the street language without challenged him in facts! The young brother seemed he did not understand the rights, rolls and responsibilities of the oppositions parties what happened there was nothing but ignorance with a microphone and that is one of the many other reasons why intervention is warranted. Oh Allah save us from our selves! However peace and prayers Ibrahim _ Mead Meadgd@gmail.com Ottawa, Canada __________________________________________________________________ 1Note: The author was Vice Chairman of the SNM Congress in Harrar-Ethiopia in 1987 He was Vice chairman and Secretary of the Intervention committee of nine, in Aware-Ethiopia in 1988 conflict between Silanyo and the Central Committee of SNM. The said intervention committee of nine consisted notably of: Mohamed Ali Farah: chair person. Ibrahim Mead: Vice chairperson and Secretary. Mujahidin Ibrahim Maigage, Abdirahman Tuur, Osman Indooli, Ali Tuur, Ismail Boba who was also the chairperson of 1987 SNM congress in Harar, Ethiopia Hassan Duse and Mohamed Baregeel Qaran News
  24. Nairobi (Caasimada Online) – Faarax Macalin Dawaar oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida Kenya ayaa soo bandhigay hindise ay Great Britain ku dooneysay in ay dal mideysan uga abuurto Geeska Afrika, kaasi oo qeyb ka yihiin dhammaan dalalka hadda ku yaalla gobolka. Qoraal uu soo dhigay twitter ayuu Faarax Macalin ku sheegay in Britain ay dooneysay inay Soomaalida uga dhigto KABIIRKA mandiqadda Geeska Africa, hase ahaatee, ay Soomaalida xiligaas is hortaageen! Sida uu Faarax Macallin ku soo qoray Twitter-kiisa, Britain waxa ay soo bandhigtay hindise ay ku mideyneyso isirka la’isku yiraahdo Cushetics-ka ee ay ka midka yihiin; Soomaalida, Canfarta, Oromada, Burjida, Boranta, Rendiile iyo qaar kale. Qorshahan waxa ay Britain hindistay dagaalkii labaad ee aduunka kaddib, hase ahaatee waxaa ku gacan seyray Soomaalida oo iyagu noqon lahaa hoggaamiyeyaasha, halka dalka lagu magacaabi lahaa ‘Soomaaliya”. Waxaase ka sii yaab badan, in qowmiyadaha kale sida Oromada, Canfarta iyo Burjida ay ogolaadeen hindisahaas! “Dagaalkii labaad ee aduunka kaddib, Great Britain waxa ay hindistay aragti ah in ay abuuraan jabhuuriyad weyn oo Soomaaliya ah iyaga oo ka dhex sameenayey dhulalka Cushetic-ga ah ee Geeska Africa balse waxaa yaab ah in Oromada, Canfarta iyo IWM ay soo dhaweeyee, laakiin Talyaanigii ayaa hoggaamiyeyaashii hore ee Soomaalida ka dhaadhiciyey in ay doortaan inta Afsoomaliga ku hadasha oo kaliya.” Qoraalka Faarax Macallin ayaa ku soo aadaya xilli Geeska Africa siyaasaddiisu isu soo dhawaatay oo ay wadamada Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya u muuqdaan kuwo baal cusub oo nabadeed, iskaashi furay. Waxa uu sidoo kale hadalkiisa imanaya ayada oo sabtidii Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed uu ka sheegay magaalada Baahir Dar ee dalka Ethiopia in dalalka Bariga Africa ay yeelan doonaan hal madaxweyne halkii ay ka lahaan lahaayeen seddex madaxweyne. Hadalka Abiy ma la oran karaa waa qorshihii Soomaalida hore diideen oo dib loo soo cusbooneysiiyey. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com