-
Content Count
206,963 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa helay Meydka gabar da’deeda lagu sheegay 28-sano jir, taasi oo laga helay mid ka mid ah xaafadaha magaaladaasi. Saraakiisha caafimaadka isbitaalka Baraawe ayaa xaqiijiyey in gabadhan la kufsaday kadibna la diley. C/fitaax Sandheere oo ah guddoomiyaha Baraawe ayaa u sheegay Goobjoog News, iney wadaan baaritaanno, islamarkaana wixii kasoo baxa ay warbaahinta la wadaagi doonaan. Dhanka kale, ciidanka dowladda ayaa wada howlgallo ay ku baarayaan dadkii dilkaasi ka dambeeyey. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/War-Muuse-Cabaas-Cusmaan-gabar-lagu-kufsaday-baraawe-sax.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
C/salaan Xirsi oo ah guddoomiyaha gobolka Nugaal ayaa isaga oo saxaafadda kula hadlay magaalada garoowe wuxuu sheegay in ra’iisul wasaare Kheyre uusan weli fulin ballanqaadyo uu u sameeyey shacabka gobolkaasi. Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa ka hadlay faraggelin uu sheegay in DFS ku hayso Puntland, islamarkaana ay xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale usoo dirtay magaalada Garoowe. Waxa uu sheegay in dowladda dhexe looga baahan yahay in ay joojiso faraggelinta, islamarkaana wixii ay uga baahan yihiin Nugaal usoo maraan nidaamka dowliga ah. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/War-Cawil.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Iyadoo weli xarunta golaha murtida iyo madadaalada ee National Teatre uu ka socdo ololaha Isxilqaan ee lagu dhisayo xaruntaasi ayaa waxaa maanta ka qeyb galay wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, ku xigeenkiisa, iyo qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaraddaasi. Xamsa Saciid Xasmsa wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XFS ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre uga mahadceliyay ololahan dib loogu dhisayo xarumaha danta guud ee dalka. Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in laga wada qeyb qaato dib u dhiska dalka. Dhankiisa wasiir ku xigeenka wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka C/rashiid Xasan Maxamed ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed iyo Madaxda dowladda ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dardar galinta Ololahan dib u dhiska loogu sameynayo xarumihii muhiimka ahaa ee ku burburay dagaalladii sokeeye ee dalka. C/rashiid Xasan Maxamed ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in mas’uuliyad la’iska saaro bilic soo celinta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Ololaha isxilqaan ee uu horay ugu dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo ayaa si dar dar leh uga socda dalka isago oo ku sii fidiya meelo ka baxsan M/ Muqdisho. The post W/ Gargaarka Oo ka qeyb gashay Ololaha lagu dhisayo Tiyaatarka appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon ayaa wax laga waydiiyay xanta suuqa ugu jirta ah in aanu aqoon u lahayn xilka loo magacaabay, waxaanu qiray in arrintaasi jirto isaga oo sheegay in dadaali doono balse aqoonteedii lahayn hore aanu uga soo shaqaynin, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen golaha wasiirada ee maamulka K/galbeed. Kulankaan waxaa shir guddoominayey sii hayaha xilka madaxweynaha ee maamulkaasi ahna guddoomiyaha baarlamaanka K/galbeed C/qaadir Shariif Sheekhunaa. Ugu horreyn waxaa looga hadlay sidii loo sii wadi lahaa howlaha shaqo ee maamulkaasi maadaama dhowaan uu is casilay madaxweynihii K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan. Waxaa sidoo kale la isku soo qaaday sidii loo xafidi lahaa hantida ay hayaan wasiirada maadaama lagu jiro marxalad kala guur ah. Mudane C/qaadir Shariif ayaa ka dalbaday wasiirada iney u keenaan iyadoo qoraal ahaan ah dhammaan hantida ay wasaarad walbo hayso. Dhanka kale, magaalada Baydhabo waxaa ka dhacay kulan sidoo kale looga hadlayey ammaanka mudada loo diyaar garoobayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The Members of Somali Parliament today debated on the country’s civil aviation bill less than a year after the country regained the control its airspace. The bill which was drafted by the Ministry of Aviation was approved by the cabinet in May this year before it was submitted to the federal parliament. The bill is expected to help the country manage the aviation which could lead to economic growth. Late last year, Somali government retook the control of its airspace after more than two decades. Air traffic over the Horn of African nation was under the control of the United Nations since 1992, a year after the Somali civil war broke out following the collapse of the collapse of the Central government. Prior to the collapse of Somalia’s central government led by late Mohamed Siyad Barre in 1991, the country effectively and efficiently managed and controlled its airspace and was able to collect overfly charges. When the country plunged into civil war, Somalia lost millions of dollars as there was no credible oversight organization despite ICAO operations to control the air traffic over Somalia. The post Somali Parliament debated on Aviation and Airspace Bill appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM ayaa ka codsaday dowladda Ghana Ciidamo dheeraad oo Booliska ah in ay u soo diraan dalka Soomaaliya, si ay ugu qeyb qaataan dadaalada lagu nabdaynayo Soomaaliya. Ku simaha taliyaha Booliska AMISOM Mrs.Christine Alalo oo Muqdisho kula hadashay 13 Saxafi oo ka soo kala jeeda dalalka Nigeria iyo Ghana oo casuumad ay u fidisay AMISOM ku yimid Soomaaliya ayey kaga dalbatay dowladda Ghana in ay AMISOM ugu deeqdo cutubtyo Booliis ah, kuwaasi oo qeyb ka noqon doona Booliska AMISOM. Taliyaha ayaa intaasi ku dartay in Ciidamadaasi ay dowr muhiim ah ka ciyaari doonaan nabadaynta deegaanada lagala wareego Xarakada Al Shabaab, islamarkaana ay ka qeyb qaadan doonaan xaqiijinta ammaanka deegaanadaasi, sida ay hadalka u dhigtay. Dalka Ghana ayaa waxa haatan ka jooga Soomaaliya 37 saraakiil Boolis ah, kuwaasi oo AMISOM u qaabilsan dhanka tababarada ee Ciidamada dowladda ferederaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka. Hadalkan ka soo baxay AMISOM ayaaa imaanaya, xilli in ka badan 22 kun oo Askari oo ka tirsan howlgalka Midowga Africa ay joogaan Soomaaliya, kuwaas oo dagaal kula jira Al Shabaab. The post Taliska AMISOM Oo dalbaday Ciidamo dheeraad ah appeared first on Shabelle. View the full article
-
The Flight operations at Somalia’s biggest International Airport have returned to normal after cancellation on Monday morning. The operations were affected by an inferno that gutted one of the restaurants at new Adden Abdulle Terminal. The cause of the fire is said to be a result of an electric fault. The flights were delayed for two hours because the area was cordoned off and passengers could not access the terminal. According to airport officials, international flights en route to the airport were directed to elsewhere for hours but later arrived. No injuries were reported as the result of the airport blaze. Aden Abdulle International Airport is becoming busy as resumption flights by international carriers including Ethiopian airlines and Kenyan airways have started. The post Flight Operations Return To Normal Mogadishu airport After Fire appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Oomaar oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay dab xoogan oo saaka aroortii hore ka kacay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Wasiir Oomaar ayaa sheegay in dabka uu ka dhashay Koronto, kaas oo qabsaday Maqaayad ku taalla gudaha Garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho. Waxaana uu tilmaamay in wax khasaare ah uusan geysan dabkaasi, marka laga reebo jiko yar oo ay korontadu wax gaarsiisay “Maanta subaxii saacaduna aheyd 05:30 ayaa koronto sababtay qaac inuu galo gudaha dhismaha garoonka muqdisho, haba yaraatee wax gaaray garoonka, qalabka iyo naf ma jiraan marka laga reebo jiko yar oo ay korantada wax gaarsiisay” ayuu yiri Wasiir Omaar. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya in shaqaddii Garoonka ay socoto, islamarkaana uu wax saameyn ah ku yeelan dabkaasi. “Garoonka waa uu shaqaynayaa si caadi ah Duulimaadyaduna si habsami leh ayey u socdaan” ayuu yiri mar kale Wasiir Omaar. Dhinaca kale waxaa lagu guuleystay in la demiyo dab qabsaday qeyb ka mid keydka hadalka Radio Muqdisho (Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya) oo ku yaala xarunta Wasaaradda Warfaafinta, iyadoo dabkaasina uu ka dhashay koronto saacadu marka ay aheyd 10-kii barqanimo. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa qeyb weyn ka qaatay daminta dabka oo soo diray Gaadiidka iyo Kooxda dab damiska,kuwaasi oo suurtagal ka dhigay in si deg deg ah dabka loo damiyo. Khasaaraha ka dashay dabka ma badna, waxaana Maamulka iyo Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta ay ku howlan yihiin tirakoobka cajaladaha gubtay. Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa u mahad celiyay shaqaallaha dab damiska gobolka Benaadir iyo shaqaallaha Wasaaradda Warfaafinta oo iyagu aan ukala harin daminta dabka iyo daad gureynta cajaladaha ku keydsan keydka hadalka Radio Muqdisho. The post XFS Oo ka warbixisay dab ka kacay Garoonka Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Duhur-12112018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah dhismayaasha Laamiyadda cusub ee laga hergeliyay magaalada Muqdisho ayaa halis ugu jira inay burburaan, iyadoo qaarkood ay ka sameysmeen gododo waayeen oo sii weynaan kara. Maamulka gobolka Banaadir ayaa u muuqda mid indhaha ka eeganaya halista ay ku jiraan laamiyada qaar oo qaarkood u dhow madaxtooyada Soomaaliya. Laamiga ugu daran ee laga hergeliyay magaalada Muqdisho islamarkaana meelo badan ka burbureen ayaa ah laamiga Mara Isgoyska Ceelgaabta, waxaana burburkiisa uu kasoo bilowdaa Suuqa Beerta ee degmada Waaberi ilaa uu ka yimaada beerta Nabadda. Gabi ahaanba Laamigaasi ayaa qarka u saaran inuu burburo, waxaana goobta ugu daran ay tahay isgoyska Ceelgaabta oo xitaa madaxda dalka ay maraan marka ay kasoo baxaan madaxtooyada iyo marka ay galayaan. Sababta keeneysa burburka ayaa ah wasaq badan oo laamiga iska taalo, iyadoo biyaha wasaqda ay madoobaadeen, waxaana jirin cid iska xilsaartay inay hagaajiyaan wasaqda tirada badan ee halkaasi taala. Halista kale ee halkaasi ka jirta ayaa ah in wasaqdaasi ay ka dhalan karto caafimaad daro, iyadoo dadka ay biyaha Laamiga iska raacsiiyaan oo kaliya. Maamulka Gobolka ee uu hogaamiyo Yariisow ayaan sidoo kale wax ka qaban biyaha madowga Noqday ee dhexyaala degmooyinka Xamar Jajab, Xamarweyne iyo Waaberi, waxaana badalkiisa lagu mashquulay arimo kale oo aan muhiim aheyn. Waxaa jiro canshuur badan oo laga qaado dadweynaha Muqdisho, waana dadka ugu badan ee bixiya canshuurta, balse waxaan la ogeyn halka la geeyo lacagtaasi, iyadoo ay iska cadahay inay shaqsiyaad jeebkooda ku dhacdo. Eng Yariisow ayaa hagaajinta nadaafadda Muqdisho oo Bishiiba Mar la qaban jiray ku badalay soo saarista Amaro aan dhaqan galeynin iyo shirar aan dani ugu jirin shacabka Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa xadhiga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta SHAQO-DOON oo ah urur waddani ah kana shaqaysa sidii dhalinyarada reer Somaliland loogu tababari lahaa xirfad ay ku shaqaystaan sidoo kalena loola raadin lahaa shaqo. Xaflad loo qabtay ururkani iyo dhismahiisa cusub ayaa waxa ka qayb galay masuuliyiin ka socoto xukuumadda, dhalin yaro iyo ganacsato tirro badan. Agaasimaha Shaqo-doon oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in xaruntan cusubi ka qayb qaadan doonto sidii dhalinyarada reer Somaliland looga caawin lahaa sidii ay shaqo u abuuran lahaayeen layskuna waydaarsan lahaa doodo la xidhiidha shaqo-abuurka iyo isku-filnaanshaha shakhsiga ah. Wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha Mudane Boos Mire Maxamed ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland u samaysay dhalinyarada sanduuq dhaqaale oo lagu taageeraayo, waxaana uu xusay wasiirku in xukuumadda Somaliland si weyn ugu guulaysatay inay isu dheeli tirto fursadaha shaqo ee haweenka iyo ragga. Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo halkaasi khudbad dheer ka jeediyay ayaa sheegay in sanduuqa dhaqaale ee dhalinyarada loo sameeyay in sanad kasta lagu rido lacagtii loogu talo galay, islamarkaana ay baahi badan ka dabooli doonto dhalinyarada Somalilad waxa kamid ahaa hadaladii Madaxweyne ku-xigeenka “Waa run oo shaqo yari ayaa wadankeena ka jirta, hase-yeeshee annagu waxaanu samaynay dadaal kasta, waxaanu abuurnay sanduuq dhaqaale oo lagu horumarinayo dhalinyarada, annagu ma maamulno ee dhalinyarada ayaa maamulata sanduuqeeda guddi ayay leeyihiin, waxaanu ku rajo weyn nahay in aanu laban laabno taageerada aanu siino dhalinyarada”ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Jmahuuriyadda Somaliland Wa Bilaahi Tawfiiq Source
-
(SLT-Hargeysa)-Guri jiingad ah oo ka koobnaa afar qol oo ku yaalla gudaha magaalada Hargeysa, gaar ahaan xaafadda Hindiya Line-ka ayaa habeen hore 12: 30-kii uu dab qabsadday, kadib markii uu shoodh ka dhashay korontaddii guriga. Hantidii ugu weyneyd ee reerkani lahaa oo aheyd tukaan ay kala soo bixi jireen quutal daruurigooda iyo hoygii ay gali jireen ayay ku waayeen dabkan qabsadday gurigani. Hase ahaate ma jirto cid wax ku noqotay amase ku naf wayday dabkan khasaaraha ka geystay goobtani. Ciidamadda dabdamiska ayaa gacan weyn ka geystay bakhtiinta dabkani si aanu ugu gudbin guryaha kale ee la jaarka ahaa. Fu’aad Ibraahim Yuusuf oo ka mid ah qoyskan hantidoodii ku waayay isaga iyo shan qof oo kalena ay nasiib u heleen in ay ka badbaadaan dabka gurigani baabi’iyay ayaa wargeyska Dawan oo goobta ku booqday uga waramay sidii ay wax u dhaceen waxaanu yidhi “Guriga shoodh baa qabsaday in uu gubtana taasi ayaa sabab u aheyd, aniguna waxaan hurday maqsin ku xigay tukaankan aan imika dhex joogno ee aan waxba laga bakhtiin, waxaan dareemay kuleylkii faraha badnaa ee dabka, markii aanu soo baxnay gurigii oo ololaya, markiiba waxaanu isku daynay in aanu la hadalo ciidanka dabdamiska laakiin telefoonkooda oo aanu hore u weynay ayaa keentay in guriga iyo meheradahayaguba ay basbeelaan, gurigan kale ee ku xiga isaga oo markaasi dabku gaadhay ayay noo yimaadeen oo ay bakhtiiyeen” “Guriga shan qof ayaa hurday aniguna qolkan tukaanka ku xiga ayaan hurday, kuleylkii dabka ayaan ku kacay oo aan anigu ku baraarugay” ayuu yidhi Fu’aad Ibraahim Yuusuf oo ka mid ah shan qof oo ka badbaaday dabkan. Xasan Ciise Cabdi oo isna ka mid ah gaadhka xaafadda ilaaliya oo aannu goobta kula kulanay ayaa yidhi “Anigu waxaan ahey gaadhka xaafadda waxaan la kulmey meeshan oo markaasi la bakhtiiyay inta uu dab qabsaday iyo reerkii oo meesha lagaga raray, markaa shirkadaha leydhka waxaan leeyahay waar leydhka dadka ka hagaajiya oo dayactira, oo si hagar la’aana dadka ugu adeega mar walbana hubiya.” Source
-
Reports reaching us from Galgadud region in central Somalia indicate that an escalating tension is brewing in parts of Galgadud region of central Somalia on Monday. Local residents in Balanbal village say two armed rival clan militiamen are mobilizing in for battle over the ownership of grazing land and boreholes on the outskirts of Guri’el town. The tension has forced many families to flee their houses in fear of war that could break out at any time due to the building up of hostility between the two opposing sides who have been battling in the area for the past years. The traditional elders and authorities in the area are making efforts to put out the tension and bring the warring clans into the negotiating table to end their dispute through peaceful dialogue. The post Tense of fighting mounting high in central Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Al-Shabaab ayaa bedashay farsamooyinka ay u adeegsato marka ay miineyneyso baabuurta, sida laga soo xigtay xubno horey uga tirsanaa kooxda, kuwaasi oo sheegaya in kooxda ay soo kordhisay xeelado cusub. Maxamed Aadan Xasan [Sandheere] oo horey uga tirsanaa Al-Shabaab, kaasi oo wareysi siiyay Barnaamijka Galka Baarista ee Idaacada VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa ka sheekeeyay naqshada cusub. Sandheere ayaa daboolka ka qaaday in Shabaab marka hore ay ka taxadiraan Darawalka gaariga iyo inuu gayn karo meesha loogu talagalay, si taasi loo helo waxay uga sameeyaan difaac afka hore ee gaariga. Dagaalamahaan hore, waxa uu carabka ku dhuftay in Al-Shabaab ay gaariga ka miineyso qaybta hoose ee Gaariga iyo dhinacyadiisa, halkaasi oo aysan inta badan arkin ciidamada joogta baraha kontarooladda. “Aniga ayaa soo tijaabiyay oo qayb ka ahaa dadkii soo hindisay qorshahaashi,” ayuu yiri Maxamed Sandheere. – Sida looga hortegi karo – Sida laga soo xigtay agaasimihii hore ee hay’adda nabad-sugida Soomaaliya, Sanbaloolshe oo isla barnaamijkaan la hadlay wuxuu sheegay in qaabka ugu wanagasan ee looga hortegi karo ay tahay kordhinta Kontaroolada. Sanbaloolshe ayaa qaba fekerada ah in loo baahan yahay qalab casri ah oo soo bandhigaya waxa ku dhexjira baabuurta, isaga oo hadalkiisa raaciyay inay muhiim tahay in loo tababaro ciidamo gaar ah oo wata Eeyaha wax uriya. Taliyihii hore ee sirdoonka Soomaaliya ayaa si lamid ah wuxuu soo jeediyay in sarre loo qaaday islaxisaabta iyo howlgallada ciidamada ee gudaha magaalada. “Dadka wax qabtay in la abaalmariyo,” ayuu ku daray Sanbaloolshe, oo hadalkiisa raaciyay in degmooyinka caasimada ku yaala ay tahay in la geeyo ciidamo abaabulan oo gawaarida lagu soo xiray walxaha qarxa halkaasi uga hortaga. – Qaladaad wali ka jira Koontaroolada – Muqdisho waxay leedahay labo Koontarool oo kala ah Siinka Dheer iyo midka Balcad, kuwaasi oo ku kala yaala Koonfur Bari iyo Koonfur Galbeed, waxaana wali ka jira qaladaad keenay dhimashada dad badan. Qaladaadkaasi waxaa kamid ah inaanu yaalin qalab casri ah oo sheegtay in gaariga uu miineysan yahay iyo Gadiidka qaarkood kagu sii daayo Damiin, sida uu qiray Gudoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil Cabdullaahi. “Dowladda waa ay ka baaqsan wayday Damiinta,” ayuu ku dooday Gudoomiye Cabdullaahi oo rumeysan in hay’addaha amniga Soomaaliya ay korayaan, islamarkaana qaladaadkooda ka baranayaan cashar. Gaarigii fuliyay weerarkii Zoobe oo ay ku dhinteen in ka badan 500 ruux oo shacab ah, ayna ku dhaawacmeen ku dhawaad Kun qof, waxaa lagu soo daayey Damiin, xili ay jiraan kuwa kale oo aan soo shaac-bixin. – Qalabka casriga ah – Barnaamijka Galka Baarista wuxuu ku waramayaa in Kontaroolka ugu wayn ee Muqdisho dhinaca Koonfur Galbeed kasoo gala oo ah Siinka Dheer ay yaaliin qalab, balse aanu ahayn midkii loo baahnaa. Maxamed Ismaaciil Cabdullaahi, waa gudoomiyaha degmada Kaxda, oo ay ku taalo Siinka Dheer, waxa uu qiray in Kontaroolka aysan yaalin qalab ku filan, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay in lasoo dhameystiro. Xukuumada haatan jirta waxay mar kasta ku cel-celisaa inay amniga wax badan ay ka qabaneyso xili miisaaniyadda dowladda sanad kasta ay safka horey kaga jiro mawduucaasi, laakiin ma aysan ku guuleysan inay soo iibso qalabkaasi. Cadad ahaan ma ahan mid lacag badan jooga qalabkaasi oo ay ku badbaadin karto dowladda shacabka, waxaana khuburada ku xeel-dheer ay sheegayaan in lagu iibiyo suuqyadda Tobanaan kun oo Dollar. – Balan-qaad – Maalmo kadib markii la doortay Madaxwayne Farmaajo bishii Febraayo qarax ka dhacay xaafada Kaawa-goday ee Muqdisho, kaasi oo dhimasho badan keenay, isaga oo booqday Isbitaal wuxuu sameeyay balanqaad aanan la ogayn in la fuliya. “Cidii soo sheegta gaariga walxo qarxa lagu soo xiray dowladda waxay siin doontaa 100-kun oo Dollar,” ayuu yiri Farmaajo, oo waqtigiisa xafiiska joogay maalmo, balse ay haatan kasoo wareegtay ku dhawaad labo sano. Xigasho: GAROWE ONLINE Caasimada Online Xafiiska Garbahaarey Caasimada@live.com
-
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) has appealed to the government of Ghana and the Ghana Police Administration to consider deploying a Formed Police Unit (FPU) contingent to Somalia to advance peace and security efforts in the country. The appeal was made by the acting Police Commissioner of the AMISOM, Mrs. Christine Alalo, when she interacted with 13 journalists from Ghana and Nigeria on a field visit to Somalia at the invitation of AMISOM. Ghana presently has a continent of 37 Individual Police Officers (IPOs) serving with AMISOM but has no FPU contingent in Somalia. Mrs. Alalo said the AMISOM Police was currently made up of three Formed Police Units (FPU) deployed from Uganda, Nigeria, and Sierra Leone. The FPUs, Mrs. Alalo said, played a crucial role in ensuring improved security in the liberated areas of Somalia which were occupied by members of Al-Shabab and other insurgent groups. She said AMISOM, with 718 police personnel, needed 322 more to reach its 1,040 targets, saying that such target could be reached with the deployment of two more FPUs from police-contributing countries, including Ghana. “We need five FPUs but at the moment we have only three and we will be very grateful if Ghana will give us one FPU. The post AMISOM appeals to Ghana to deploy police to Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), Guddoomiyaha gobolka Nugaal, sawir hore Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garowe ayaa codsi iyo digniin u diray dowladda federaalka Soomaaliya. Guddoomiye Gu’jir ayaa ka codsay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre in uu fuliyo balan-qaad uu horey u sameeyay oo ahaa in Xukuumadiisu ay ka qeyb qaadanayso dhismaha garoonka kubadda cagta ee caasimada Puntland oo isku tashi lagu dhisayo. “Ra’iisul wasaare Kheyre markii uu yimi Garowe 1-da Agoosto 2018 wuxuu balan-qaad u sameeyay bahda isboortiga gaar ahaan garoonka Mirre Awaare, oo uu yiri waxaan idin dhigayaa Roog, ilaa hadda balan-qaadkaas wax ka fulay ma jiraan, Ra’iisul wasaaraha waxaan ka codsanaynaa balan-qaadkii uu shacabka reer Nugaaleed gaar ahaan bahda isboortiga u balan-qaaday in uu ka dhabeeyo” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir). Garoomadda kubadda cagta Puntland waxaa ka jira dayac aad u baahsan oo ay dhibaato ku qabaan bahda ciyaaraha, mana jiraan wax ay ka qabteen xukuumadihii soo maray Puntland, (halkan ka akhriso qoraal ay horey uga qortay PUNTLAND POST). Balan-qaadkiis Ra’iisul waasaare Kheyre ee garoonka Mirre Awaare Garowe Dhanka kale Guddoomiye Gu’jir ayaa dowladda Federaalka u jeediyay in ay ka waan-towdo dad uu sheegay in siyaasad khaldan loogu soo diro gobolka Nugaal, kuwaas oo uu sheegay in ay iska horkeenaan shacabka iyo dowladda Federaalka. “Waxaa dowladda Federaalka, khaasatan Ra’iisul wasaare Kheyre u soo jeedinayaa, dadka ay arrimaha siyaasada u soo dirsanayaan oo gobolka Nugaal ka socda in ay ka waan-toobaan in dadkaas in khaldan iyo siyaasad khaldan loo soo dirsado, ayna iska horkeenaan shacabka iyo dowladda Federaalka, wax walba nidaam iyo waddo loo soo maro ayay leeyihiin, waa in loo soo maraa, Wasiirada iyo Xildhibaanada la soo dirayo iyo dadkan isku xirnaasho shaqo maleh” sidaas waxaa yiri Guddoomiye Gu’jir. https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/11/46008235_189027001978573_3790487.mp3 Tan iyo markii dowlad goboleedyadu hakiyeen xiriirkii wada shaqeyneed ee dowladda Federaalka shirkii Kismaayo waxaa marba marka ka dambeysa sii xumaanayay wada shaqeynta labada dhinac. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha gobolka Nugaal oo codsi iyo digniin u diray Ra’iisul wasaare Kheyre appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka duulista hawada Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar ayaa faah faahin ka bixiyay dab saaka subixii hore ka kacay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho. Wasiir Oomaar ayaa sheegay in dab ka dhashay koronto uu saaka ka kacay maqaaxi lagu cunteeyo oo ku taala garoonka Muqdisho. Waxaa uu sheegay in lagu guuleeystay daminta dabkaasi oo shaqaalaha dab damisku dadaal ay sameeyeen ay ku guuleeysteen in ay dabkaasi damiyaan. Waxaa uu sheegay in aanay jirin wax qasaare nafeed ah oo ka dhashay dabkaasi marka laga reebo maqaaxida oo qeeyb kamid ah gubatay. “Maanta subaxii sacaduna aheyd 05:30 ayaa koronto sababtay qaac inuu galo gudaha dhismaha garoonka muqdisho. Haba yaraatee wax gaaray garoonka, qalabka iyo naf ma jiraan marka laga reebo jiko yar oo ay korantada wax gaarsiisay” ayuu yiri Wasiir Oomaar. Dab ayaa waabarigii hore ee saakay ka kacay maqaaxi ku taalo gudaha garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho. Xasan Maxamed Samatar Cowke Putland Post Muqdisho The post Wasiir Oomaar oo ka hadlay dab ka kacay Garoonka Aadan Cadde appeared first on Puntland Post.
-
Garbahaarey (Caasimadda Online) – Dibadbax ka dhan ah Madaxweynaha Mamaulka Jubbaland ayaa shalay ka dhacay Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in uu ku wajahan yahay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland. Maamulka Gobolka Gedo iyo kan Degmada Garbahaarey ayaa sheegay in Safarka madaxweynaha aan ku qanacsaneen shacabka Degmada, sidaasne uu ku dhashay isku soo baxooda. Sababo dhowr ah oo isbiirsaday ayay ku sheegay in loo diidan yahay socdaalka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) . Aadan Bare Dhageey Gudoomiye ku xigeenka Degmada Garbahaarey oo ayaa sheegay in 7-sano uu xilka hayo aan Madaxweynaha Jubbaland tagin Gobolka Gedo. Mudadaas ayuu tilmaamay in ay ka dhaceen Tacadiyo ay geysteen Ciidamada Kenya, Dagaal Beeleedyo iyo Fatahaad saameeyay Dadka Gobolka. Ciidamada Kenya waxa uu sheegay in Degmooyinka Gobolka ay duqeymo ku waxyeeloobeen shacab ka geysteen, sidoo kalena ay kufsadeen Haween, madaxweyne Axmed Madoobane aan ka hadlin sida uu hadalka u dhigay. Khilaafka ka dhex jira Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ayuu sabab ugu dhigay in ay qayb ka tahay waxyaabaha keenay in ay kacaan Dadka Gobolka Gedo. Wasiirada Amniga iyo Arrimaha Gudaha Jubbaland ayaa wado isku dayo ay ku doonayaan in ay ku dajiyaan Shacabka Gedo si aanu u baaqan Safarka Madaxweynaha uu u qorsheeyay Gobolka. Lama ogo in Madaxweynaha Jubbaland uu dib ugu laabtay go’aankiisii ahaa in uu tago Gobolka Gedo iyo in kale. Caasimada Online Xafiiska Garbahaarey Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Marka laga hadlayo nidaamka beelaysan ee Somaliland iyo in beeluhu mar walba miqyaaska saaraan hadba sida ay isaga dhex arkaan awoodda qaranka ee la xidhiidha mansabyada Muhiimka ah ee dawladda oo ah arrin soo taagnayd tan iyo wakhtigii Somaliland dib ula soo noqotay qaranimada ayaa isku shaan-dhayntii ugu dambaysay ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa ay dhalisay doodo culus oo la xidhiidha xilalka Madaxweynuhu wax ka badalka ku sameeyey oo markiiba la saaray fuudhka. Isku shaandhayntii dorraad ee ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha hadal haynteeda ugu badani waxa ay ka dhalatay xil-ka qaadistii Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Md. Yuusuf Maxamed Cabdi laguna baddalay Wasiirkii Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire. Dad badan ayaa ku doodaya in dheelligii marka horeba ku jiray Miisaanka awood qaybsigu uu u sii ciiray xagga Beesha Madaxweynaha. Waxa aynu halkan ku eegi doonaa Liiska dhammaan Wasiirradii Maaliyadda soo maray iyo sida Madaxweynayaashii dalka isaga kala dambeeyey ay ugu soo xusheen. Marka laga soo bilaabo xukuumaddii Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali oo waddanku xaalad adag isaga jiray. Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay soo martay heerar kala duwan oo kolba meel taagnaa. Sannadihii u dhexeeyey 1993-kii ilaa 1995-kii wasaaradda Maaliyaddu waxa ay u qaybsami jirtay laba Wasaaradood oo la kala odhan jiray, Wasaaradda Khasnadda iyo Wasaaradda Maaliyadda, balse markii dambe waa la isku daray oo waxa loo bixiyey Wasaaradda Maaliyadda. Liiskan oo uu soo ururiyey Wargeyska FOORE waxa uu u dhigan yahay sidan: Yuu Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali (IHU) u cugtay Maaliyadda? Ismaaciil Hurre Buubaa….1991 illaa 1993 C/laahi Maxamed Ducaale….1993 illaa 1994 Ibraahin Cabdi Muuse…1994 Wasiirradii Madaxweyne Cigaal u doortay Maaliyadda: Maxamed Axmed Samatar “Ildab” – 1994 Maxamed Dhimbiil Galbeedi…1995 illaa 1995 Cawil Xaaji Cumar 1994 Illaa 1995 “Wasiirka Khasnadda” Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) 1996 illaa 1996 Eng. Yuusuf Caynab Muuse…1996 illaa 1997 Axmed Maxamed Maxamuud ‘Siillanyo’- 1997illaa 1999 Prof. Maxamed Siciid Gees…1999 illaa 2001 Xuseen Faarax Dooddi….2001 illaa 2003 Wasiirradii Madaxweyne Daahir Rayaale u doortay Maaliyadda: Amb. Xuseen Cali Ducaale (Cawil)……2003 illaa 2010 Eng. Maxamed Xaashi Cilmi…2010 illaa 2012 C/casiis Maxamed Samaale… 2012 illaa 2015 Samsam Cabdi Aadan…..2015 illaa 2017 Wasiirrada Madaxweyne Muuse Biixi u doortay Maaliyadda: Yuusuf Maxamed Cabdi……2017 illaa 2018 Dr. Sacad Cali Shire – Imika Source
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa si adag u dhaliilay siyaasadda dawladda ee maanta iyo xaaladda guud ee dalka isaga oo sheegay in is-qabqabsiga iyo kala qaybsanaanta siyaasadeed ee dalka ka jirtaa ay keentay sida uu hadalka u dhigay in Farmaajo waddankii Itoobiya innaga soo xidhay isaga oo dhinaca kalena sheegay in ay is khilaafeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo aanay imika wax wada hadal ah yeelan. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayay Shir-weynaha Sannad-laha ah ee Warbaahinta Somaliland iyo Xuska maalinta Saxaafadda Somaliland oo ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ku qabtay Huteel Ambassador ayaa waxa uu sheegay in xaaladda maanta dalku marayaa ku jirto meel halis ah oo ay keentay kala qaybsanaanta siyaasiyiinta oo uu sheegay in ay iyaga dhexdoodu is haystaan oo aanay wax wada shaqayn ah iyo talo wadaag ah toona lahayn taasina qaranka halis weyn ku tahay isaga oo Saxafiyiinta iyo guud ahaan shacabka ugu baaqay in ay kala saaraan dawlad xumada iyo qaranimada, oo marka maamulka talada hayaa xumaado in aan qaranka la caayin oo aan dalka la nicin. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo arrimahaasi iyo kuwo kaleba ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Heerkii Somaliland ku lahayd Caalamka waa la innaga qaaday oo waxa taasi kuugu daliil ah idaacaddii BBC-da ee aynu innagu aasaasnay ee halkan laga qaadi jiray wariyayaasheeda ayaa maanta innoogu daran oo idaacad Xamar innagu noqotay. Riciyad baynu noqonay oo waad aragtaan maanta Wallo-weyntii baa maanta adduunka dhex gashay. Taasi waxa keentay dawladnimada aynu iska dhiibnay Lixdankii weeyi. Ilbaxnimadii ayaa innaga raacday, Arsaaqaddii baa innaga raacday. Quruxdii baa innaga raacday. Waxaasi oo dhanna innaga ayaa isugu wacnayn. Qaarbaa moodaya in Xamar Soomaali weynimo inna gaysay. Innama gayn ee waxa inna geeyey waxa ay ahayd xinka dhexdeena iyo ku xumeeda ninba nin uu xin ku hayay”. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: “Anigu berigii Qolada Ururka Saxaafadda waan la hadloo waxaan idinku idhi haddii aan soo baxo Miisaaniyad gaar ah ayaan idiin samayn doonaa marka aad soo dalbataan. Waxyaabahaasi waxaan ku arkay reer Galbeedka oo xisbiyada marka ay talada qabtaan way kabana Warbaahinta. Muusena annaga oo aan wali arrintiisii isla gaadhin baanu is laynay oo imika ma wada hadalno. Markaa cid kale ayaad u diran doontaan haddii Alle Yidhaa. Muddo dhawayd waxaan doonayay in aan Warbaahinta iyo xukuumadda wada hadashiiyo si qolo walba loo ilaaliyo oo aan xuquuqdooda loogu xad-gudbin. Iyada oo aan tifaftirayaasha la kulmay ayaa wasiirkii Warfaafinta waxa isla laalaadiyey Hablihii Ciida-gale oo waatii aad ogaydeen. Halkaasi ayay nagaga xumaatay oo ay hawshaasi ku joogsatay. Dhibaatada inna haysataa waxa weeyi wax walba waa la iska odhanayaa. Shalay inkasta oo aanan dhagaysan warbaahinta haddana waxa la ii soo diray muuqaal yar (Clip) ninbaa iska caayaya Xoghayahayaga Arrimaha Gudaha Ramaax. Ninkaasi si shakhsi ah ayuu u caayayaa Ramaax. Haddii aanu maxkamad gayno waanu ciqaabi karnaa. Waxaa inaad faafisaan maaha. Caydu waa arrin aan loo baahnayn iyo shakhsi weerarku. Ramaax waxa uu ka hadlay dhibaatooyinka maanta taagan oo si xisbinimo ayuu u hadlay. Ninkaasi kamuu hadal waxa uu Ramaax ka hadlay ee isaga oo qabyaaladi ka buuxdo ayuu si shakhsi u caayay Ramaax”. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo sidoo kale xaaladda dalka iyo sida dalku duruufo adag u wajahayo ka hadlayaa ayaa waxa uu yidhi: “Maanta dhibaatada dhexdeena taallaa waa ta keentay in Innamadaa yaryar ee Xamar qabsaday ay innaga dhammaan waayaan. Waa innamo yaryar. Farmaajo markii uu Maraykanka u qaxay waxa uu ahaa 15 Jir buu ahaa. Waa Innamo yaryar kaasaa maanta Itoobiya Innaga soo xidhay oo uu isku dayayo in uu gabigeenaba inna baabi’iyo waa inan yar. Afar yaryar oo ay isku reer yihiina waxa ay u fadhiyaan madaxtooyada. Waa innamadaa yaryar ayaa innaga xoog waynaaday. Waayo, raggayagaa waaweyni annaga ayaa isku jeedna oo isku muuqana. Dad aan wada tashanayn, dad aan wada qorshaysanayn oo aan lahayn maxaa innaga xumaaday oo maxaa innoo hagaagay oo iyagu isku jeeda waa laga adkaan doonaa. Waar Maamul xumaaday oo shaqadiisa ka soo bixi waayay qarankiina oo dhan ha u nicina. Dalkiina oo dhan nidaam (Administration) ah oo hawshiisa qabsan waayay ha u nicina. Qaranka iyo qofka xun hala kala saaro. Qofka xuni wuu iska tagayaa oo cod baynu kaga qaadaynaa kursiga laakiin in aan dalkeenii iyo dawladnimadeenii magacyo u bixbixino waa innagu ceeb” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe. Source
-
Waxa ay si wanaagsan iskugu diyaariyeen ka qeybgaka is reebreebka ciyaaraha Olimkada qaarada Afrika ee 23-jirada ah, waxaana laga kala soo xulay dhamaan kooxaha kubbadda cagta heerarkooda kala gedisan ee gudaha Waxa ay qaateyn tababaro kala duwan oo saddex waqti ah kuwaas oo isku jira tababaradii ugu danbeeyay ee xiligan waxayna aragtidooda kawada siman tahay in ay guul ka gaaraan ka qeyb galka ciyaaraha 23-jirada Waxaa ku jira 6 ciyaaryahan kuwaas oo dalkeena markii ugu horeesay gaarsiiyay fiinalaha tartanka da’yarta Bariga iyo Bartamaha Afrika oo ka dhacay dalka Burundi bartamahii sanadan 2018 waxayna tusaale iyo haldoor u yihiin xidigaha iyaga ku wehliya safarkooda Waxaa laylinaya Maxamed Cabulle Farayare oo ka mid ahaa xirfadlayaashii kasoo aflaxay ciyaarihii Goboladda dhowr jeern soo maamulay xulka dalkeena waxaa la shaqeenaya tababare Salaad Faarax Xasan oo ahaa macalinkii wadankeena tusay aduunka ee kaalinta 2-aad ka galay tartankii da’yarta Afrika talooyinkooda oo la isku diray iyo fikirado kala duwan oo ka imaanayay tababaryaasha gudaha iyo ajaanibta maamula kooxaha kubbadda cagta gudaha ayaa keeni karta guul kale oo tariikh sida ay qabaan hogaamiyaasha xulka qaranka Feysal Axmed Xasan oo ka mid ahaa kooxda qurbajoogta oo bishii lasoo dhaafay October ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho ka sameeyay caasimada Muqdisho ayaa ka mid ah xidigaha xirfada wanagsan ee xulka,macalimiinta ciyaartooyda iyo taageerayaasha ayaa si wanaagsan ugu helay tayada laacibkan,iyagoo si wadajir u sheegay in laacibkan uu la qabsaday cimilada iyo tababarka xulka qaranka Taageerayaasha xulka ayaa qab yidideelo wanaagsan oo xaga guulaha maadama ay da’yarteena muujiyeen ifaaflo wanaagsan waxaana tabarayaasha iyo ciyaaryahanada ay shacabka ka dalbadeyn guul iyo guul daro la’aanba in ay muujiyaan doorkooda taageernimo Si kastaba 23-jirada Soomaaliya ayaa iminka ku sugan dalka Ethopia,iyagoo garoonka Aadan Cadde ka dhoofay 10-November 2018 waxayna kulankooda 1-aad ee ciyaaraha Olimikada la ciyaaridoonaan dhigooda Ethopia waxaana laga sugayaa natiijo wanaagsan Halkaan Ka Daawo Qaabka Ay U Diyaar Garoobeyn Ka Hor Inta Aysan Bixin W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com