-
Content Count
206,953 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) oo talaadada maanta ah ka qayb galay kulan lagu taageerayey haweenka ayaa ku baaqay in la hirgeliyo qoondada haweenka 30% ee xulista golaha wakiilada Puntland ee 2019. Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland ayaa waxaa Madaxweynaha munaasibaddaasi ku weheliyey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda Puntland, odoyaal dhaqameed, haween, dhalinyaro, qaar ka mid ah ururada bulshada rayidka ah iyo masuuliyiin kale. Madaxweyne Gaas ayaa madasha ka jeediyey hadal ku aaddan ka qeyb gelinta haweenka baarlamaanka soo socda iyo in ay saami muuqda ku yeeshaan siyaasadda dalka,waxaana uu ku tilmaamay in ay yihiin laf-dhabarta bulshada. ” runtii arinta maanta meesha looga hadlayo arin muhiim ah weeye oo mudan in si dhab ah looga doodo sababtuna waxay tahay waxa laga hadlayaa wax cid laga baryayo maahan waa xuquuq haweenku leeyihiin, waxaa lagu soo celceliyey nabadoonoow waxa lagaa rabo lacag jeebkaaga ku jirta ma’ahan waa xuquuq dumarku leeyihiin, waa xuquuq maqan, waxaan rabnaa marka in sidaas loo fahmo, haddii marka nabadoonoow la idin xurmeeyey micnaheedu maahan in aan la idinla xisaabtami karin, dumarku waa laf dhabarta bulshada waana dhab ee ma ahan hadal la iska yiri, haweenku suuqay idinka soo shaqeeyan cunaday idiin kariyaan waxaa la rabaa marka, maanta maxay u istaahilaan xilka?” ayuu yiri Gaas. Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “arkii Soomaaliya burburtay 1991 oo la qaxay oo la iskugu yimid geedaha hoostooda oo dhibaatadu dhacday markii kii ladnaa iyo baahanihii meel iskugu yimaadeen, yaa isku hayey bulshada?, yaa suuqa fadhiyey oo yaanyada iibinayey?, yaa ilmaha masruufayey?, shalay markii dhibtaas looga soo gudbay ma waxaan ugu abaal gudnay fariista oo waxba ma tihiin?!, sax ma ahan taasi, dhibtay idinla qayb sadeen waxay ahaayeen kuwii idin dhiirigalinayey oo idiin mashxaradayey markaa guulaysanayseen”. Dhinaca kale madaxweynaha ayaa isimada Puntland ka codsaday in ay haweenka il gaara ku eegaan tixgaliyaanna, qoondadooda siyaasadeed,islamarkaana baaq ujeediyey odoyaasha iyo dhammaan cid walba oo ay ka go’odo danta bulshada Puntland, Sidoo kalena tilmaamay in ay qiimeeyaan qoondada haweenka Puntland ee 30% ee soo xulista baarlamaanka Puntland 2019. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Gaas oo ku baaqay in haweenku qoondo fiican ka helaan Baarlaamnka appeared first on Puntland Post.
-
Istanbul (Caasimada Online) – Sida lagu daabacay Wargeyska Sabah Newspaper oo kasoo baxa dalka Turkey waxaa la helay hadaladii u dambeeyay ee uu ku dhawaaqay Jamaal Khaashoqji, ka hor inta uusan dhiman Wariyaha 2 September ee sanadkan. Cod la helay ayaa muujinaya in Jamal uu ku dhawaaqayay hadalo ay adag tahay in la fahmo, balse waxaa la dareemay inuu cabursanaa, Waxayna ahaayeen hadaladii u dambeeyay ee la maqlay “Waan Cabursanahay, Bacdaan ka bixiya madaxeyga, Neef ayaan qabaa”. Waxaa muuqata in Mr Khaashoqji uu ka doodayay dilka ay u geysanayeen kooxaha horey loo diyaariyay ee kusugnaa gudaha Qunsuliyadda Sacuudiga ee dalka Tureky. Sida laga dheehan karay Codka la duubay waxaa Jamaal ay ku qaadatay 7 daqiiqo inuu dhinto, waxaana codka uu muujinayaa inuu ka dooday dilkiisa. Kooxda Dilka ka dambeysay ayaa dabaqa Afaraad ee Dhismaha ku diyaariyay bacda halkaasi oo lagu googooyay Jirka Wariyaha, waxaana ka dambeeyay falkaasi madaxa golaha Seynisyahanada Sacuudiga Salax Al Tubaigy, iyadoo ay ku qaadatay 15 daqiiqo. Waxaa loo malaynayaa in jirka Wariyaha kadib lagu qariyay bacda kadibna la geliyay boorsooyin, iyadoo laga fogeeyay goobta falka lagu geystay oo aheyd gudaha Qunsuliyadda, waxaana lagu qaaday gaari Qunsuliyadda leedahay. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa markale jeediyay hadal xiisad cusub ka dhex abuuri kara Soomaalida, kadib markii uu shaaciyay in dalalka Soomaaliya , Ethiopia iyo Eritrea ay yeelanayaan hal madaxweyne. Shacabka Soomaaliyeed ayaa hadalkaan u arki kara fulinta qorshaha Ethiopia waligeed lagu xaman jiray oo ah inay damacsan tahay la wareegida Dalka Soomaaliya, iyadoo ujeedada ugu weyn ay tahay xeebta dheer ee Soomaaliya. Dr Abbiy Axmed, ayaa horey u jeediyay khudbad hadal heyn badan ka dhex abuuray Soomaalida, taasi oo aheyd in la isku furayo xuduudaha dalalka Ethiopia iyo Soomaaliya, waxaana looga fal celiyay siyaabooyin kala duwan. Waxaa la isweydiinayaa sax ahaanshaha hadalada is furfuraya ee ka soo baxaya ra’iisul wasaare Abby Axmed iyo saaxiibtinimada dhow ee kala dhaxeysa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Horey waxaa shaki badan looga qabay heshiiskii dekadaha ee ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Ethiopia, waxaa ku xigay isku furitaanka Soomaaliya iyo Ethiopia, iyadoo ay u dambeysay damaca hal madaxweyne loogu sameynayo seddexda dal. Ciidamada Badda ee ay dhisaneyso Ethiopia iyo magacaabida wasiirka Dekadaha ee Ethiopia waxay ahaayeen kuwo shakiyo badan sii dhaliyay, waxaana ka dhashay su’aalo ah, halkey ilaalinayaan ciidamada Badda Ethiopia?, muxuuna ka shaqeyn doonaa Wasiirka dekadaha. Waxaa kaloo shakiga kordhin kara mar walbaa oo ay kulmaan madaxda Soomaaliya iyo Ethiopia Waxaa Abby uu ka shanqariyaa hadal xanaf hor leh abuuri kara. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa la gudboon inay ka jawaabto hadalada kasoo yeeraya ra’iisul wasaaraha Ethiopia haddii aysan waxba kala socon, haddii kale waxay sii kordhin karaan dhab ahaanshaha warbixinada xanafta leh ee ka imaanaya Ethiopia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
-
“.Madaxweyne Biixi oo si Xirfadaysan uga Jawaabay Go’aankii Gacan-libaax, kadib markii dhan uu isu raacshay cabashadda Beeshii halkaa ku shirtay, taasoo kolkii hore wax ka dhinaayeen, balse hadda kamilan ama dhamaystiran. Sidaana Madaxweynuhu waxa uu ku sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska maanta, kaasoo uu xilkii Wasaaradda Maaliyadda uu kaga qaaday Wasiirkii hore ee Maaliyadda oo kasoo jeeday deegaan ahaan beeshii halkaa ku shirtay. Waxaan ku xasuusinayaa M/weyne Mar hadaad Madaxtooyadiina Galbeedka u Rartay Wasiiradii Maqnaana soo celisay Magaca jamhuuriyadana badal. Waanad Asiibtay baanu ku leenahay”. Siyaasi Axmed Cali yare (Axmed Like). Source
-
kaftanka maanta, bamtina miyey inoo hadhsan tahay ,, . Sheekaba sheeko ayay keentaaye , beiribaa nin aan dareewal xariifa ahayni kaxeeyay baabuur wayn oo siisooya , dabeeto intaani istaadhin ayaa geer kaga dhacay,gaadhigii oo geerki Ku jiro markuu istaadhay buu booday , markaasuu nin meel halkana tn Ku dhuftay ,ninkiina sidii shilin la giraangiriyey meel halkana Ku duulay . Baabuurki markiiba wuu bakhtiyay ilayn saani uma istaadhminoo geerka ayuun buu la boodaye , markaasaa ninkii gaadhigu jiidhay lagu soo uruuray , dareewalkii shilka galayna intuu soo degey ninkii isa soo dultaagay. Ninkii hadii laggu qayliyay oo la yidhi ninka maxaad u jidhayna , wuxuu Ku jawaabay isagoo sakatisan ,waar ninka taayarka horre ayuun baan Ku dhuftaye , dhamalkiiba saw uma hadhsana , imika waa halka ninkaase hunu hunuu baynu la yaabanqhaye , bamtiina tolow miyey inoo hadhsan tahay Source
-
Muddadii koobnayd ee Muuse xilka hayay, Somaliland wax usoo kordha mooyee ,wax ka dhacay lama sheegi karo.. Madaxwaynuhu si xikmadi ku jiro, ayuu u soo celiyay dhulkii iyo hantidii dawladda – Haamihii Berbera, Shaybaadhkii, Adegyadii Airportka , Diiwaan-galinta Hantida Dawladda. Musuqmaasuqii HANDRAAB ayuu sudhay. Qaylada aad maqlaysaa waa tuugtii oo nonqottay Haad Geed Waayay. Dhaqaalihii iyo dakhilgii dawladdu kor ayay u kaceen. Shilinkii Somaliland waa la dajiyay – Marka loo eego dawlado gobolka aad ayaynu u wanaagsannahay. Odoroskii Miisaaniyadda ee lagu talo-galay 2018 oo dhan, bishii 8aad ayaa la soo xareeyay . Sidaa awgeed waxa la filayaa in Mushaharka shaqaalaha 100% illaa 200% la kordhiyo Beerihii, Biyihii, Degaankiii , ingaadhsiintii hawlo balladhan ayaa ka socoda. Tukaraq : Waa goob Istratiji ah oo Somaliland gacanteeda soo gashay. Puntland 10 bilood ayaa garba-duub loo hayaa, waxay leedahay waan dagaalmayaa. Illa hadda ri’gees kamay ridin. Sheekadu waxa noqottay SHAAGLE LAGA BAQAY IYO JAMAL CABDUNAASIR – 1956 Badhan: Waa mashruuc Ina Gaas ku doonayo in doorashada Puntland dib loogu dhigo. Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin looga warrami maaayo goorta iyo goobta lagu dagaalammo. Sheikh Cirro oo loo dhiibo ayaad garan lahayd – oo sheikh Ismailna la tallinayo. Dekadda Berbera iyo Ganacsiga Ethiopia: Ballaadhintii Dekadda dhawaan ayaa la bilaabayaa . DP World oo Djibouti dhulka la dhacaday ayaa goáan ku gaadhay inay Bebera cirka gayso . Berbera Waxay ku socotaa halkii uu sheegay Richard Burton 1853 (165 sano ka hor) markuu lahaa “Äwrka Berbera iyo Awrka Herer way isu Muuqdaan”. Waxaa la filayaa oo weelka loo culayaa inay soo noqdaan Abbaanadii iyo Kabaadhe Somalilanders. Pertolka iyo Gaasta : Ceelkii petrolka ee ugu horieeyay ayaa la qodayaa badhtamaha 2019. Wadahadalba haadkaasa ka Hadhay. Saami qaybsiga: Waa Mashruuc Baad iyo sadbursi lagu raadsanayo. Dhawannna waxa ku soo biiray mashuuc Xamaraysan oo ku doodaya: “Amma baad keena ama Farmaajaan u tagiyaa” . Somaliland runta ha isu sheegto. Waa halkii MD Igaale: “Qaawanida ayaynnu ku wada hadli ”:. Cidda saami ka maqanyaha dadka ha ka dhaadhciso siday u xisaabtantay. Awdal ayaa ugu qaylo dheer . Maxaa ka maqan oo tifiq-tiran ummadda ha u sheegaan. Gobolka Awdal 5tii doorasho ee la qabtay, Somaliland waxay ka noqdeen 14% ilaa 15% . Parlimankana reer Awdal waxay manta ku fidhiyaan 13 xubnood oo u dhigma 16% tirada Parlamaanka. Adeer, iyagaaba dheeraad la socdaa ee qaylada ha joojiyaan. Runta ha lagu wada hadlo oo khayaalka iyo abhinta ha laga baxo. Haddii kale “Wuxuu Idhi Aw Gaas: Wallee in Meel Dheer Laga Dooni”. Somaliland ninna laga laaluushi mayo . Danbaa isu keen keenttay ee waddanka aynu wada illaashanno. In badan ayaan dhagaystay doodad reer Awdal. Reer Awdal waxay ka badin waayeen “”Bari hore ayaa ballan naloo qaaday” : Hadii ballankii bari hore la idiin qaaday khalad ku dhisnaa oo dhibaato iyo burbur keenayo, waa laga noqonayaa ee la fulinmaayo. Doorashooyinka : Waxaan qabaa in doorashooyinka la qabto xilligoodii . Arrinkaas Madaxwaynaha Xil gaar ah ayaa ka saaran. Guddida Doorashooyinka 2 xubnaad waa lagu dari . Haseyeeshe UCID iyo Wadani soo magacaabi maayaan . Waxaan odhan lahaaa, labada xubnood Mid ha soo doortaan Golaha Parlamaanku , midna Golaha Maayardu. Shaqo-qarran: Shalay oo u dammbaysay waxaa lagu dhawaaqay inay xukuumadda Somaliland 1,500 oo ardayda oo jaamacadaha ka baxay u qaadanayso Shaqo-qaran (National Service Program). Waxxaa barnaamj ballaadhan oo qotto-dheer ( omprehensive ) oo loogi talo galay: Tababar & Jarayn, u diraayin Shaqo iyo Nolol, Waddaninmo & Dal iyo Dad Barasho , Isdhex-gal bulsho, Rajo-galin & shaqo Garantee ah. Allahumma Zidna, Wa Baarik Lanaa Xasan Cabi Yousuf Riyadh Saudi Arabia Hassan_ayousuf@hotmail.com Source
-
Wax Ka Baro Reer Ala Sucuudka Somaliland. Mareexaanaytii Oo Xadhkaha Goosatey iyo Shacabkii oo Yaaban. Tariikhdu Way Is Qorta War iyo Sheeko Ayaa Ka Hadha, Ninka Maanta Isleh Adiga Ayaa Wax Walba Iska Leh, Tollow Barri Maxuu Samayn? Ninka Manta Sidan Cadaalad U Arkaaya Tollow Cadaalad Darrada Maxuu U Yaqaan? Somaliland Ma Meel Yar Oo Kooban Oon Dadka Wada Qaadahayn-baa? Beelaha Somaliand Siiba Kuwa Darafyadda Waxaan leeyahay Xaal Qaata Oo Waad Arkaysaan Boqortooyadda Saamaysmaysa, Beelaha Kale Ee Isaaqna Waxaan Leeyahay SNM Tacabkii Galay Waa Lagu Khasaaray Kolayba Hadii Reer Meesha Xukumayo Maxaa Loo Dumiyey Dawladii Somalia Markaas Ayeynu Ictiraaf Iyo Aqoonsiba Haysane. Ilaahii Oofsadey Mujahidiintii Xalaasha Ahayd Ayaa Mahad Iska Leh Kuwaas oo Aan Maanta Noolayn Soona Gaadhin Somaliland-ta Maanta Waxan Hubaa In ay Farta Dhexda Ka Qaniini Lahaayeen Hadii Ay Manta Nool Yihiin. Lixle, Dayib Gurey, Maxamed Cali, Koodbuur,Xassan Yonis, Ina Mooge iyo Qaar Kaloo Badan. Ilaahay Wa Idin Asturey Waanu Idin Jecla Madaamo oo Idin Oofsadey. *Adigoon Waaya Arag Noqon *Cirka Haysku Waabine *Naftan Waalaneysaa *Waano Kaama Maqashee *Hadaad Maanta Wacan Tahay *Maku Waari Doontaa? Barasho Wanaagsan Boqortooyadda Cusub 1.Wasiirka Maaliyadda 2.Wasirka Bosaha, Isgadhsiinta & Teknolojiyad 3.Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka 4.Wasiirka Gaadiidka&Hormarinta Wadooyinka 5.Wasiir Ku Xigeenka A/Gudaha iyo Amniga 6.Hanti Dhawraha Guud ee Qaranka 7.Mareeyaha Hawada iyo Madaarada (Wasaaradii Hawada) 8.Mareyaha Kahortaga Abaraha & K/Rashinka 9.Gudoomiyaha gobalka gabiley 10.Gudoomiyaha Gobalka Salal 11.Gudoomiyaha Gobalka Saraar 12.Gud ku xigeenka Gobalka Maroodijeex 13.Safiir ku xigeenka Ethiopia 14.Aggasimaha guud ee Madaxtooyada (Wasaraddi Madaxtooyadda) 15.Aggasimaha guud Ee caafimadka 16.Aggasimaha guud ee Maaliyada 17.Aggasimaha Guud Maalgashiga 18.Agasimaha Guud e Shaqada & A/Bulshada 19.Aggasimaha Guud ee Qorshaynta Qaranka Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Agaasimaha Guud ee Bangiga Dhexe Agaasimaha Guud ee Gaadiidka/Q liisank Agasimaha Gud e Mihnahada Cafimadka 20.Gud ku xigeenka Haayada tayada Guddoomiyaha Maxkamadda Sare La Taliyaha Madaxweynaha ee Amniga La Taliyaha Madaxweynaha ee Sharciga La Taliyaha Madaxweynaha e Dhaqaalah La Taliyaha Madaxweynaha ee Somalia Guddomiye kuXigeenka Maxkamada Sare Maayarka Caasimadda Hargeisa Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka Taliye ku Xigeenka Booliska Somaliland Taliyaha Ciidanka Dabdamiska Qaranka Taliye ku xigeenka Sirdoonka Qaranka Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud Safiirka Somaliland ee Imaaraadka Chief of Staff ka Xafiiska Madaxweynaha Gudoomiyaha Mihnadlayasha Cafimadka Garyaqaanka Guud ee Qaranka Ku xigeenka xisaabiyaha Guue ee Qaranka Safiirka Djibouti Safiirka Sweden Maarreeyaha Dekadda Berbera Maarreeye ku xiggeenka Hay’adda tayada Komishanka Qabdaraasyada Qaran ka (2 xubnood) Komishabka Maamul wanaagga (3 xubnood) Komishanka Aids-ka (4 xubnood) Komishanka Tacliinta Sare. Maarreeyaha wakaaladda Biyaha Hargaysa. Maarreeyaha Cusbitaalka Guud ee Hargaysa Guddoomiye xiggeenka Gob. Gebiley Guddoomiye xiggeenka Gob. Saaxil Maarreeyaha Dawan Maarreeyaha Radio Hargaysa Maarreeyaha Mashruuca PFM. Qaran News
-
Waxa aan aad iyo aad uga xumahay in uu mujaahid usoo halgamay Siddii caddaalad iyo Sinaan loo heli lahaa uu isagii ku sifoobo wixii uu ka dhiidhiyey, waxa wax aan indhaha laga qarsankarin ah ficilka iyo talada maamul iyo maarayn ee caddaalada, sinaanta iyo wax wada lahaanshaha baal marsan ee madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, halka Isaga oo sanad joogin uu mutaystay in la barbar dhigo xisbigii kacaanka shuuciga ahaa ee Kaligii taliyihii kala irdheeyey Soomaali Una sabab ahaa xukunkiisu xasuuqii iyo burburkii somaliland kadhacay iyo kii ka dhacay soomaaliya ee welina ka socda soomaaliya illaahay haka saaree. Horaa loo yidhi ‘’ ruuxaan Waxa soosocda garanayn Waxa jooga ma garto!’’ siddaa awgeed idinkaa dhaadiye dhab u fiirsada oo dhugta kulmiye dhabadii Kacaankii ayuu afka saaraye. Haddii aan si kooban u saafo :- Kacaankii madaxweyne Waxa u ahaa askari Janan M Siyaad, Wasiiradiisana janano askar ah baa ku jiray, halka xukuumada Kulmiye uu madaxweyne u yahay askari , kornayl M Biixi, Wasiiradiisana kornaylo askar ah baa ku jira. Kacaankii caddaalad darada, cabudhinta iyo cago-juglaytu waxay ahayd habkuu dalka ku maareeye. Kulmiyena sidoo kale. Kacaankii cid dhag umuu jalaq siin jirin kulmiye sidoo kale, Kacaankii ciddii cabata waa la xidhi jiray, kulmiyena sidoo kale. Kacaankii dadkoon maxkamad la marin ayaa jeelka lagu tuuri jiray, sidoo kale xadhigii xukun markuu ka dhamaadana jeelkaa lagu hayn jiray wakhti Dheeraad ah. Kulmiyena siddoo kale. Kacaankii wadankoo Colaad iyo dagaal ka socdo oo baaba’aaya ayuu odhan jiray barwaaqo iyo Nabad baa dalka maasheeysay. Kulmiyena dalkoo Colaad iyo dagaal iyo macaluuli iyo sixirbarar ka jirto ayuu leeyey Dhulkeena nimcaa fadhida. Kacaankii kaaliyaha ayaa wasiirka u hanjabi jiray. Kulmiye sidoo kale ay u dheertay in wasiirka shaqada looga eeryo kaaliye iyo in agaasime iyo wasiir jaafaa jirqaan iyo sidoo kale in wasiir dhan shaqalihii amar diidaan. Kacaankii qaraabo kiil awgeed wadanka qoysbaa maamulaayey. Kulmiye sidoo kale 90ka xil ee ugu mudan dalka 67 waa qaraabo kii hal Qoys, 23ka soo hadhay waa cawri reeb iyo dadka intii kale. Kacaankii saraakiishii iyo ciidankii xooga dalka ayaa u adkaysan waayey cadaalad darada maamulka qalafsan ee macangaga ah, oo duurka u galay siday dadka uga xoreyn lahaayeen. Kulmiye siddoo kale saraakiil qaran baa ka dhiidhidey cadaalad darada dalka ku habsatay oo duurka u galay. Kacaankii may jirin xoryatal qowl lamana ogolayn fikir aragtiyeed in ciddi ku soo tabiso hab qoraal ama cod murtiyeysan. Kulmiye siddoo kale oo wuu gabyey ama maqaal buu qoray ayaa dad lagu xidhaa. Kacaankii Isaga oo kadeed dalka ku haya ayuu I amaana odhan jiray oo heeso amaan ah loo qaadi jiray. Kulmiye siddoo kale ayuu odhan ee bal ha labo ama Saddex jirsado!!. Isku eenkaashaha kulmiye iyo Kacaankii wax qoraal lagu soo koobi karo maaha, se hubaal kornayl muuse sidduu u yimid kulmiye iyo Kacaankii isku kaan noqde. Runta sheeg, Dacar Haday ka qadhaadhay. Fuad Fartaag Fartaagmuwaadin@gmail.com Source
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe oo ka qeybgalay xus loo sameeyey Warihii hore ee BBC Axmed Xasan Cawke oo sanooyin ka hor geeriyooday ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Feysal Cali Waraabe ayaa Farmaajo ku eedeeyey inuu hor taagan yahay aqoonsiga Maamulka Somaliland oo aan weli ku guuleysan inuu helo hal wadan oo Ictiraaf siiyo. Waraabe ayaa si weyn uga deyriyey halka ay ku socoto Somaliland, isagoo sheegay sababo dhowr ah oo keenay in 27 sano ay ictiraaf heli waayaan. “Waa tan maanta keenay in inamo yaryar – Farmaajo wuxuu ahaa 15 sano jir markii uu Mareykanka tegayey- inuu naga soo xiro Itoobiya.. waayo anagaa isu jeedna..” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe/. Haddaba halkaan hoose ka daawo Muuqaalka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/46027026_619286168469802_5144197942348873728_n.mp4 .Caasimada Online Xafiiska Garheysa Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Nugaal ee Puntland Cabdisalaan Xassan (Gu’jir), ayaa eedeyn kulul u jeediyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo xildhibaano ka tirsan golaha shacabka. Gu’jir ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu siyaasiyiin iyo xildhibaaano usoo diray gobolka Nugaal, kuwaas oo uu sheegay in ay faragelin ku hayaan arrimaha maamulka. Waxa uu sheegay in tallaaba kasta oo la doonayo in xildhibaanada iyo Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ay ka sameeyaan gobolka Nugaal ay soo maraan madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, haddii aysan taas dhicinna aan la aqbali doonin. Puntland ayaa horey wasiiro ka tirsan xukuumadda Kheyre uga horistaagtay inay shirk u qabsadaan magaalada Garoowe, xilli khilaafka labada dhinac uu sii xoogeysanayo. Wareysi uu siiyey idaacadda VOA, ayaa madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Gaas waxa uu dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay ka fakarto oo ay dhaqaale siiso kaliya shaqaalaha dowladda ee ku sugan Xamar. Dhinaca kale, Guddoomiye Cabdisalaan Xassan (Gu’jir) ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uusan fulin balan qaad uu horey ugu sameeyay bahda ciyaaraha gobolka Nugaal, gaar ahaan garoonka Mire Awaare ee magalada Garoowe. Hoos ka dhageyso shirka jaraa’id ee guddoomiyaha gobolka Nugaal https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/Guddoomiyaha-Gobolka-Nugaal.mp3Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta baaq nabadeed ka soo saaray colaada ka taagan gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Balanbale. Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad oo ku hadlaayay magaca Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay ka xun yihiin colaada ka soo cusboonaatay gobolka Galgaduud. “Waxaan magaca golaha shacabka baaq ugu soo jeedinayaa shacabka ku dhaqanka gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Balanbale oo ay colaad ka soo cusboonaatay oo dhex martay beelo walaalo ah, waxaan beelahaas usoo jeedineynaa in si deg deg ah nabadda ku qaataan oo ay heshiiyaan”. ayuu yiri guddoomiye Mahad. Guddoomiye Mahad ayaa xukuumadda Soomaaliya ka codsaday iney xoogga saarto joojinta colaadaas iyo in beelaha walaalaha la heshiisiiyo. “Waxaan usoo jeedineynaa xukuumadda iyo maamulada kale ee degaankaas ka jira in beelaha dirirtu ka dhaxeyso gurmad deg deg ah loo diro, colaadana la joojiyo”. ayuu mar kale yiri guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad. The post BFS Oo baaq nabadeed ka soo saaray colaada Gobolka Galgaduud appeared first on Shabelle. View the full article
-
Uhuru Kenyatta said : Kenya’s soldiers will stay in Somalia if, by 2021, the Somali government will not have built its own military to fight the enemy In October, the President affirmed that Kenyan soldiers will maintain their presence in Somalia until the troubled country achieves peace, stability, and security. The President said Kenya Defence Forces under Amisom will not be withdrawn until all terror networks are fully neutralised. “We went to Somalia in 2011. We shall continue our presence in the country until the restoration of full security in Somalia,” the President said. Source
-
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa helay Meydka gabar da’deeda lagu sheegay 28-sano jir, taasi oo laga helay mid ka mid ah xaafadaha magaaladaasi. Saraakiisha caafimaadka isbitaalka Baraawe ayaa xaqiijiyey in gabadhan la kufsaday kadibna la diley. C/fitaax Sandheere oo ah guddoomiyaha Baraawe ayaa u sheegay Goobjoog News, iney wadaan baaritaanno, islamarkaana wixii kasoo baxa ay warbaahinta la wadaagi doonaan. Dhanka kale, ciidanka dowladda ayaa wada howlgallo ay ku baarayaan dadkii dilkaasi ka dambeeyey. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/War-Muuse-Cabaas-Cusmaan-gabar-lagu-kufsaday-baraawe-sax.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
C/salaan Xirsi oo ah guddoomiyaha gobolka Nugaal ayaa isaga oo saxaafadda kula hadlay magaalada garoowe wuxuu sheegay in ra’iisul wasaare Kheyre uusan weli fulin ballanqaadyo uu u sameeyey shacabka gobolkaasi. Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa ka hadlay faraggelin uu sheegay in DFS ku hayso Puntland, islamarkaana ay xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale usoo dirtay magaalada Garoowe. Waxa uu sheegay in dowladda dhexe looga baahan yahay in ay joojiso faraggelinta, islamarkaana wixii ay uga baahan yihiin Nugaal usoo maraan nidaamka dowliga ah. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/War-Cawil.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Iyadoo weli xarunta golaha murtida iyo madadaalada ee National Teatre uu ka socdo ololaha Isxilqaan ee lagu dhisayo xaruntaasi ayaa waxaa maanta ka qeyb galay wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, ku xigeenkiisa, iyo qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaraddaasi. Xamsa Saciid Xasmsa wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XFS ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre uga mahadceliyay ololahan dib loogu dhisayo xarumaha danta guud ee dalka. Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in laga wada qeyb qaato dib u dhiska dalka. Dhankiisa wasiir ku xigeenka wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka C/rashiid Xasan Maxamed ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed iyo Madaxda dowladda ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dardar galinta Ololahan dib u dhiska loogu sameynayo xarumihii muhiimka ahaa ee ku burburay dagaalladii sokeeye ee dalka. C/rashiid Xasan Maxamed ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in mas’uuliyad la’iska saaro bilic soo celinta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Ololaha isxilqaan ee uu horay ugu dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo ayaa si dar dar leh uga socda dalka isago oo ku sii fidiya meelo ka baxsan M/ Muqdisho. The post W/ Gargaarka Oo ka qeyb gashay Ololaha lagu dhisayo Tiyaatarka appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon ayaa wax laga waydiiyay xanta suuqa ugu jirta ah in aanu aqoon u lahayn xilka loo magacaabay, waxaanu qiray in arrintaasi jirto isaga oo sheegay in dadaali doono balse aqoonteedii lahayn hore aanu uga soo shaqaynin, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen golaha wasiirada ee maamulka K/galbeed. Kulankaan waxaa shir guddoominayey sii hayaha xilka madaxweynaha ee maamulkaasi ahna guddoomiyaha baarlamaanka K/galbeed C/qaadir Shariif Sheekhunaa. Ugu horreyn waxaa looga hadlay sidii loo sii wadi lahaa howlaha shaqo ee maamulkaasi maadaama dhowaan uu is casilay madaxweynihii K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan. Waxaa sidoo kale la isku soo qaaday sidii loo xafidi lahaa hantida ay hayaan wasiirada maadaama lagu jiro marxalad kala guur ah. Mudane C/qaadir Shariif ayaa ka dalbaday wasiirada iney u keenaan iyadoo qoraal ahaan ah dhammaan hantida ay wasaarad walbo hayso. Dhanka kale, magaalada Baydhabo waxaa ka dhacay kulan sidoo kale looga hadlayey ammaanka mudada loo diyaar garoobayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The Members of Somali Parliament today debated on the country’s civil aviation bill less than a year after the country regained the control its airspace. The bill which was drafted by the Ministry of Aviation was approved by the cabinet in May this year before it was submitted to the federal parliament. The bill is expected to help the country manage the aviation which could lead to economic growth. Late last year, Somali government retook the control of its airspace after more than two decades. Air traffic over the Horn of African nation was under the control of the United Nations since 1992, a year after the Somali civil war broke out following the collapse of the collapse of the Central government. Prior to the collapse of Somalia’s central government led by late Mohamed Siyad Barre in 1991, the country effectively and efficiently managed and controlled its airspace and was able to collect overfly charges. When the country plunged into civil war, Somalia lost millions of dollars as there was no credible oversight organization despite ICAO operations to control the air traffic over Somalia. The post Somali Parliament debated on Aviation and Airspace Bill appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM ayaa ka codsaday dowladda Ghana Ciidamo dheeraad oo Booliska ah in ay u soo diraan dalka Soomaaliya, si ay ugu qeyb qaataan dadaalada lagu nabdaynayo Soomaaliya. Ku simaha taliyaha Booliska AMISOM Mrs.Christine Alalo oo Muqdisho kula hadashay 13 Saxafi oo ka soo kala jeeda dalalka Nigeria iyo Ghana oo casuumad ay u fidisay AMISOM ku yimid Soomaaliya ayey kaga dalbatay dowladda Ghana in ay AMISOM ugu deeqdo cutubtyo Booliis ah, kuwaasi oo qeyb ka noqon doona Booliska AMISOM. Taliyaha ayaa intaasi ku dartay in Ciidamadaasi ay dowr muhiim ah ka ciyaari doonaan nabadaynta deegaanada lagala wareego Xarakada Al Shabaab, islamarkaana ay ka qeyb qaadan doonaan xaqiijinta ammaanka deegaanadaasi, sida ay hadalka u dhigtay. Dalka Ghana ayaa waxa haatan ka jooga Soomaaliya 37 saraakiil Boolis ah, kuwaasi oo AMISOM u qaabilsan dhanka tababarada ee Ciidamada dowladda ferederaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka. Hadalkan ka soo baxay AMISOM ayaaa imaanaya, xilli in ka badan 22 kun oo Askari oo ka tirsan howlgalka Midowga Africa ay joogaan Soomaaliya, kuwaas oo dagaal kula jira Al Shabaab. The post Taliska AMISOM Oo dalbaday Ciidamo dheeraad ah appeared first on Shabelle. View the full article