-
Content Count
206,963 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland,Axmed Maxamed Islaan(Axmed Madoobe) ayaa isku-shaandheyn kooban ku sameeyay golihiisa wasiirada,sida ku cad digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha. Digreetada oo ku taariikhaysan 13 November 2018 ee talaadada maanta ah ku beegan ayaa lagu magacaabay wasiir,wasiir-kuxigeenno iyo wasiiru-dowlayaal,iyadoo qaarkood la isku’beddelay. Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Jubaland ayaa sida digreetada ku xusan loo magacaabay,Maxamed Cali Axmed,halka wasiiru-dowlaha madaxtooyada loo magacaabay Xirsi Jaamac Gani. Sidoo kale Maxamed Ibraahim Amiin,Axmed Cabdiraxmaan Xassan iyo Isaaq Maxamed Xassan ayaa loo kala magacaabay wasiiru-dowlayaasha wasaaradaha;Maaliyadda,Dastuurka iyo Amniga,sida ay u kala horreeyaan. Digreetada waxaa kale oo lagu magacaabay laba wasiir ku xigeen oo kala ah;Saleebaan Maxamed Maxamuud(wasiir ku xigeenka wasaaradda Maaliyadda) iyo Maxamed Cabdinuur Beerxaani(wasiir ku xigeenka wasaaradda Degaanka iyo Dalxiiska. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo isku’shaandheyn ku sameeyay xukuumaddiisa appeared first on Puntland Post.
-
Taliska qeybta 21 aad militariga Soomaaliya ee ka hawlgala dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta ku baxay degaanka Hardis oo qiyaastii 25KM galbeed kaga beegan degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud,halkaasoo uu dagaal ku dhexmaray laba malayshiya-beeleed. Taliyaha hawlgallada militariga Soomaaliya qeybtiisa 21 aad ee Galmudug, G/sare Cabdulqaadir Maxamed Cartan ayaa xaqiijiyay in ciidamadu ay ku baxeen degaannada labada malayshiya-beeleed ku dagaallameen,sida ay ka soo xigatay wakaaladda Wararka SONNA. G/sare Cartan wuxuu intaasi ku daray taliska ciidanka xoogga dalku uu amar ku bixiyay in la kala dhex galo malayshiyaadka,si dagaal dambe uusan halkaasi uga dhicin. Dhulka lagu dagaallamay waa miyi ay ku sugan yihiin dad reer guura ah,waxaana dagaalku salka ku hayaa muran ku saabsan dhul-daaqsin iyo aanooyin qabiil,sida ay SONNA sheegtay. PUNTLAND POST The post Ciidamo ku baxay malayshiyaad ku dagaallamay Galgaduud appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Muqdisho)-Dabley hubeysan ayaa Magaalada Muqdisho waxa ay dhaawac iyo dil ugu geysteen labo qof oo ka tirsanaa Shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud. Dad goobjoogayaal ayaa Dalsan u sheegay in dilka iyo dhaawaca uu ka dhacay Isgoyska Baar-Ubax ee Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, isla markaana loo gestay lab qof oo ka tirsanaa Shirkadda Hormuud. Sidoo kale waxaa la sheegay in falkan uu dhacay xilli ay kusii jeedeen Masjid ku yaalla Isgoyska Baar Ubax si halkaasi ay ugu soo dukadaan Salaada Duhur,waxaana rasaasta lagu furay ragaan ku dhaawacmay Haweeney goobta ka agdhaweyd. Ruuxa la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Daahir Nuur Karaane halka midka la dhaawacay isna magaciisa lagu soo gaabiyay Gurey,waxaana uu ahaa mid kamid ah ilaaladda Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud. Kooxii hubeysnaa ee falkaan geystay ayaa la sheegay in ay durbo goobta ka baxsadeen. Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa goobta gaadhay, kuwaas la filayo inay Warbaahinta la hadlaan. Source
-
Waxaan Itoobiya booqday sanadihii ugu horeeyey ee ay talada dalka la wareegeen ururka Tigray People’s Liberation Front (TPLF). Maadaama ay Jabhadu doonaysay in ay gacanta si buuxda ugu dhigaan talada iyo awoodd dalka waxay soo dhowaysteen qowmiyadaha ay is lahaayeen waad garabsan kartaan, Soomaalida si wayn ayey u soo dhoweeyeen. Waxaan xusuustaa Meles Zenawi oo Soomaalida ka difaaca qowmiyadaha kale gaar ahaan Amxaarada ka yureeya, baasaboorka Soomaaliga la soo baxa. Hadal haynta ugu badan ee xilligaa socotay waxay ahayd Itoobiyada cusub. Waa laga xoroobay kaligii taliskii nidaamkii Dergiga ee Mingiste. Meles kuma ekayn oo keli ah in uu kasbado shacabka Soomaali Galbeed ee wuxuu isku deyey in uu shirar dib u heshiisiin u qabto Soomaaliya. Shirkii 1993 lagu qabtay Addis Ababa ayuu isku keenay dib u heshiisiinna u qabtay koooxaha Soomaalida. Waxaan xusuustaa Dr C/majiid Xuseen oo leh hoteelka ay ku shirayaan ka sii dayn mayno ilaa ay ka heshiiyaan. Jabhaddii TPLF markii ay talada dalka Itoobiya gacanta si buuxda ugu dhigtay waxaa gebi ahaanba is beddelay siyaasaddii soo jiidashada ee furfurnaanta iyo dabacsanaanta ku dhisnayd. Abiy Ahmed Abiy Ahmed iyo qowmiyadda Oromada ee uu ka soo jeedo waxay ku cusub yihiin hoggaanka talada dalka. Waxay ku jiraan xilligii furfurnaanta iyo soo-jiidashada qowmiyadaha kale. Xilligii uu Zenawi iyo qowmiyadda Tigreegu talada dalka qabteen waxay maquuniyeen oo awooddii ay lahaayeen wiiqeen Amxaarada oo ahayd qoladii uu Mengistu Haile Mariam ka dhashay. Waxay ku guuleysteen in dhammaan qowmiyadihii kale ay ku abaabulaan Amxaarada, una tusaan in ay yihiin cadawga koowaad ee mudan in Itoobiya laga qabto. Amxaaradii waxay noqdeen Tuke caanbaar leh oo cid walba il xun ku eegto ilaa ay magaca qowmiyaddooda la gabbadaan. Hataan qowmiyadda uu Abiy Axmed u arko in caqabad wayn ku yihiin xukunkiisa waa qoladii 28-kii sano ee tegey talinaysay waa qowmiyadda Tigreega. Oromo waxay isbahaysi galeen Amxaarada oo ay haatan isku cadaw yihiin. Wuxuu kaloo Abiy soo dhowaystay Asias Afawerki oo qowmiyad ahaan Tigree ah laakiin hoggaankii TPLF ay cadaawad xooggani u dhaxaysay. Wuxuu kaloo dabacsanaan iyo furfurnaan kula dhaqmayaa Soomaalida oo hataan dawlad u dhisan tahay haba taagdarnaatee Abiy Axmed waxaa haysta Caqabado badan oo hataan ka mashquulinaya in uu dibadda soo dhigo siyaasadda dhabta ah ee uu Soomaalida Galbeed iyo Soomaaliya-ba kula dhaqmayo. Xukun Xajin Abiy weli uma suuragelin in aawoodda dalka gacantiisa soo wada gasho. Weli gacanta kuma hayo hoggaanka qowmiyaddiisa Oromada iyo guud ahaan ururka EPRDF oo ah xisbiga talada dalka haya oo ay ku midaysan yihiin qomiyadaha Amxaarada, Tigreega, Oromada iyo Iskutaga qowmiyadda Koonfureed. Qowmiyadda Oromo waa qawmiyad aad u qaybsan. Waxay leedahay kooxo kala aragti iyo hoggaan duwan. Shan koox ayaa ugu wayn . Kooxda uu hoggaamiyo Merera Gudina oo ah Oromo Federalist Congress (OFC). Waxaa kaloo jira Oromo Democratic Front, (ODF) oo uu hoggaamiyo Lencho Letta. Waxaa kaloo jira Oromo Liberation Front (OLF) oo uu hoggaamiyo Dawud Ibsa. Waxaa kaloo jira kacdoonka dhallinyarada oo la yaqaan Qeerroo oo uu hoggaamiyo Jawar Mohammed. Iyo kooxda uu Abiy hogaamiye oo horay loo oran jiray Oromo Peoples’ Democratic Organization (OPDO), laakiin haatan la baxay Oromo Democratic Party, (ODP). Markii uu Hailemariam Desalegn is casilay ayaa si uu Abiy ugu tartamo hoggaanka ururka EPRDF, waxaa xilka OPDO uga tanaasulay Lemma Megersa oo ah Madaxweynaha Kilinka Oromada. Shantaas koox ee Qowmiyadda Oromada ka soo wada jeeda weli ma midaysna mana laha hal aragti oo Itoobiya lagu hoggaamiyo, laakiin waxay ka midaysan yihiin in fursadda taariikhiiga ah ee qowmiyada Oromada soo martay lagu mitido oo aysan faraha ka bixin. Amxaarada Qowmiyadda Amxaarada waxay isku arkaan in sanado badan la siliciyey oo cadaadis iyo ciribta lagula taagnaa. Waxay la isbahaysi ku meel gaar ah la samaysteen Oromada si looga takhaluso Tigreega. Ururka Amhara Democratic Party (ADP) oo horay loo aran jiray Amhara National Democratic Movement (ANDM) wuxuu ka mid yahay xisbiga talada haya ee EPRDF. Sida Oromada oo kale ayuusan awood badan ku dhex lahay Xisbiga, balse ANDM iyo OPDO Waxaa fursad siiyey kacdoonadii ay dhallinyarada labada qowmiyadood hormuudka ka ahaayeen, kuwaasoo sababay in Hailemariam Desalegn is casilo, Abiy Axmed na la doorto. Ururka ANDM qudhiisa waxaa ka hoos kacay oo dhowaan abuurmay urur kale la baxay National Movement of Amhara (NaMA). NAMA waa dhadhaqaaq xooggan oo laga yaabo In uu dhowaan daaqadda ka saaro ANDM oo loo arko urur ka hoos shaqayn jiray Tigreega, maadaama ay EPRDF ka tirsanaayeen. Amxaaradu waxay kaloo halis u arkaan awooda Oromada oo sii xoogaysanaysa. Dhinaca kale, maadaama ay bartanka kaga jiraan Tigreega iyo Oromada dad iyo deegaana isku hayaan, Tigreega ma doonayaan in dhexda la gashado oo ay labadan qolo u heshiiyaan. Waxay ku jiraan feegijnaan dheellitiran. Kuwooda xag jirka waxay aaminsanyihiin in ay dhul ka haystaan qowmiyadaha Tigreega, Cafarta, Baniishangool ka iyo Oromada. Qowmiyadaha Koonfureed Ururka Southern Ethiopian People’s Democratic Movement (SEPDM) waa isku isbahaysi ay ku midoobeen qowmiyado kala duwan, maadaama ay Isbahaysi yihiin dhexdooda ayaa ishaya. Qowmiyadaha qaar ayaa doonaya In ay maamul gobolleed noqdaan. Waa tii uu Abiy Ahmed ku lahaa wiilka Uraagada ah maxaad ku falaysaa dawlad goboleed, Soomaaliya ayaadba u shaqa tagaysaa, isagoo ka wada waxaan balaarinaynaa Itoobiya. Loolanka aragtiyeed iyo masiirka Itoobiya Tigreegu markii ay talada dalka la wareegeen 1991-kii oo ay meesha ka saareen nidaamkii Dergiga ahaa waxay la yimaadeen federaal qomiyado ku salaysan iyo nidaam dhaqaale ee ay u bixiyeen Developmental State, taasoo ah in dawladdu ay hoggaamiso horumarka dhaqaalaha gaar ahaan dhinaca qorshaynta maalgelinta, sharciga suuqa dhaqaalaha xukumaya, faragelinta dhaqaale iyadoo xoogga la saarayo warshadaynta. Waa nidaamkii Bariga Asiya ku soo caana maaleen oo nidaamka siyaasiga oo kali talis ah, laakiin dhaqalaaha uu Capitalism yahay. Tigreega haatan uma xiisa qabaan federaal ay dawladda dhexe awood badan leedahay sidii markii ay talada dalka hayeen ah. Waxay ka door bidayaan hannaanka Konfederaalka ah oo dawlada dhexe aysan faraha la gelin dawlad gobolleedyada, loona reebo awood aan sidaas u buurnayn. Waxaa sidaas la qaba Amxaarada iyo qaar ka mid ah qowmiyadda Oromada. Abiy Axmed qudhiisa markii uu ahaa Madaxweyne ku xigeenka Kilinka Oromada sidaas ayuu aaminsanaa, laakiin hataan Waxaa la macaanaaday in dawlada dhexe ay awood badan yeelato. Tigreegu waa qowmiyadda keli ah ee aruursan, hoggaan iyo shacab isla socdaan, dhufays adag kaga jirta in la isugu tago. Qowmiyadaha kale khilaaf xooggan ayaa siyaasiyiintooda u dhexeeya. Amxaarada oo markii hore isbahaysi ahaayeen Oromada si meesha looga saaro Tigreega, haatan sidii hore maaha oo waxay doonayaan in haddii aysan boqor noqon karin ay Boqor sameeyaha noqdaan. EPRDF Ururka EPRDF shirkii ugu danbeeyey ee uu yeeshay Waxaa la isku raacay in dib u habayn lagu sameeyo ururka. Waxaa kaloo ka isku raacay in ururka la balaariyo oo lagu soo daro qowmiyadaha kale sida: Soomaalida, Banishangoolka, Cafarta, Harariyiinya iyo Gambellaha. Abiy markii uu xukunka qabsaday wuxuu qaaday tallaabooyin wax ku ool ah oo furfurnaan xooggan ka muuqato, laakiin waxaan weli laga wada hadal hawlaha lafdhabarka u ah xilliga kala guurka sida, dib u habaynta dastuurka, dimoqoraadiyeynta, hannaanka doorashooyinka iyo dib u habaynta garsoorka. Doodaha caynkaan ah waxaa ka soo dhex baxaya halka loo jihaynayo Itoobiya. Sida muuqata Abiy gacanta kuma wada hayo xooggaga siyaasadeed ee Oromada. Sidoo kale gacanta kuma wada hayo dawladaha gobollada, qolo kasta ama koox siyaasadeed kasta ajende iyaga u gaar ah ayey wadataa. Waxaa intaa dheer shaki la kala qabo. Ma jirto qowmiyad doonaysaa in dib loogu noqdo sidii Derg ahaan jiray oo ay Amxaarada awooda xogeeda magaca dawlada dhexe ku haysatay, ama sidii federaalka magaca ahaa, laakiin Tigreega ay xukunka dhabta ah iyagu haysteen. Ma sahlana in nidaam Dimoqoraadi ah oo tartan daah furan doorasho lagu kala helo uu haatan Itoobiya ka hirgalo, mana sahlana in sidii ay ahaan jirtay dib loogu celiyo. Ma muuqato In EPRDF sii jiri karto welina ma cada sida isbahaysiga siyaasadeed ee cusub u samaysi doonaan. Soomaalida fursad wayn ayaa halkan uga furan. Waase hadii talo wadaag iyo iskutashi dhexdeeda ah uu jiro. Afwerki Hoggaamiyaha Eritrea wuxuu guul u arkaa in TPLF oo ay isaga is hayeen talada laga tuuray . Inta badan Jabhadaha hubaysan ee Itoobiya la dagaala Waxaa xarun u ahaa dalkiisa sida OLF, ONLF, Ginbot 7 iyo kuwa kale. Afawerki qayb kama ahayn kacdoonka shacbiga ah ee ay dhallinyarada, sababtoo ah ma jecla kacdoonka caynkaas. Afwerki marna ma doonayo in Itoobiya ay sideedii hore ku soo noqoto taasoo uu u arko in ay halis ku noqoto jiritaanka Eritrea. Dhinaca kale, waxaa culays siyaasadeed ka haystaa gudaha dalkiisa oo ku dhowaad 300 oo kun oo askari oo qafaal iyo askariyeyn qasab ah lagu qoray ayaa furumaha dagaalka iyo kaydka ciidanka ahaa. Dhalinyaradaas waxaa lagu dagaal gelinayey cadawga Itoobiya oo doonaya In ay Eritrea laqaan. Su’aasha ugu wayn ee haatan hortaala Isaias Afwerki waa mar haddii cadawgii lagu cabsiinayey shacabka Eritrea meesha ka baxay, Itoobiyana ay isbeddashay xaggee lagu jihaynaynaa shacabka. Isbeddelka ka dhacay Itoobiya oo kale ayaa looga fadhiyaa in uu dalkiisa ka sameeyo oo siyaasada furfuro. Afwerki iyo Abiy way isku baahan yihiin, laakiin nin walba tiisa ayaa haysata. Abiy wuxuu u baahan yahay in Jabhadaha hubaysan ee Eritrea saldhiga u ah uu la heshiiyo, lana kala ilaaliyo Tigreega iyo Eritrea oo heshiiya, sababtoo ah waxay noqon karaan awood ama dawlad xooggan oo isaga iyo qowmiyada Oromada wiiqda. Afwerki wuxuu rabaa in Abiy u ololeeyo in cunaqabataynta laga qaado. Cunaqabatayn qaadista waxaan marka looga maarmin Soomaaliya oo ahayd sababta u Meles Zenawi ugu marmarsiyooday in Eritrea cunaqabataynta la saaro. Taas ayaana keentay in Farmaajo arrinkaas laga saxiixo oo marba dhinac loo wado. Isbahaysiga Sedex Geesoodka ah Waxaa muuqda in maalmahan durbaanka loo tumayo isbahaysi seddex geesood ah oo ay Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya ku midaysan yihiin. Abiy Axmed oo dalkiisa marxalad kala guur ah oo adag ku jiro wuxuu doonayaa in uu hogaamiyaha Eritrea gacanta ku hayo si uusan carqalad ugu noqon ama caqabad u dhigin. Afwerki qudhiisa wuxuu doonayaa in uu marxaladdaan ka faa’iido oo cunaqabataynta laga qaado, hubiyana Itoobiya oo xooggan oo halis ku ah Eritrea aysan soo noqon. Waxaa kaloo dan wayn u ah in Dekedaha Casab iyo Musawac la maalgeliyo, daaqanadan ka saaraan Dekadaha Jabuuti, Berbera iyo Boosaaso. Waa nin Itoobiya aad u kala yaqaan, garan karana halka ay ka jilcantahay iyo halka ay halista kaga keeni karto. Wuxuu kaloo doonayaa in uu geeska geliyo il gaar ah ku eego Jabuuti iyo Suudaan oo ay si wayn isku hayaan. Waxaan la ogayn waxa uu Madaxweyne Farmaajo ka doonayo Isbahaysigan oo aan ka ahayn waxa ay taageerayaashiisa Facebook ku soo qoraan oo ah in maamul gobolleeyadii iyo Somaliland meel laga saarayo. Waan dood garawshiyo leh aa in shacabka uu dhibsaday habdhaqanka madaxda maamul goboleedyada oo Itoobiya ka dhex bixi jirin iyagoo dalwadda dhexe la xafiiltamaya. Runtii waa dood sharci ah. Dhinaca kale, waa in aan garawsanaa in aysan jirin cid kaaga sama falaysa waxay u aragto in uu yahay taagdaro istiraatiijiyadeed (strategic weakness) uu dalkaadu leeyahay. Waa laga yaabaa in si ku meel gaar ah lagaaga khafiifiyo, laakiin way adag tahay in abid lagaa joojiyo. Mar haddii arrinku sidaas yahay waxaa haboon in aad xalliso sababta keentay mushkiladda intii aad baryi lahayd hoggaamiye dal kale. Waa in aad soo celiso kalsoonidii iyo is aaminaddii kuna qanciso kuwa talada kaala dhaxayso in in ay dhaqankaas ka waantoobaan. Tan kale waa in meesha laga saaro baahida loo qabo joogitaanka ciidanka Itoobiya oo haatan ammaanka Soomaaliya marti looga yahay. Waa laga yaabaa in taaktikada iyo farsamada isbedasho, laakiin waa hubaal in aysan Istiraatiijiyadu marna isbedelaynin. Ma la yaabayo in aan aragno Abiy oo Muuse Biixi ama madaxda maamul Goboleedyada qaabilaya, sababtoo ah ma jirto culays siyaasadeed uu fal celiskaada kaga baqo ama kaarar gacanta kuugu jira oo fal u dhigma ku samaayn karto. Waxay ka dhigan tahay in aad naxariistiisa magan u tahaya Gobolka Dawladaha Gobolka gaar ahaan, Suudaan, Jabuuti, Kenya iyo Uganda waxay isha ku hayaan dhaqdhaqaaqa Isbahaysiga seddex geesoodka ah. Sababtuna waxay tahay in aan la ogayn ujeedka dhabta ah ee Isbahaysiga ka danbeeya. Seddexda dawladood waxay kuwada jiraan IGAD. Waxaa kaloo la is waydiinayaa ma waxaa jira duul kale ee Gobolka ka baxsan oo gadaal ka riixaya Isbahaysigan? Haddii ay su’aasho HAA tahay maxaa dowladaha Jabuuti, Suudaan iyo Kenya looga reebay. Mise Isbahaysigu waa mid jilid ah oo caqabadaha hoggaamiye walba gudaha dalkiisa ka haysta kaga dhuumanayo? Mise waa mid dano ku meel gaar ah lagu xallinayey? sida cunaqabatayn qaadista Eritrea oo Abiy iyo Afwerki ayaa dano ku kala beddelanayey?. Taasina waxaa xoojinaya in aanu Isbahaysiga qaabdhismeed iyo xoghayn maamul toona lahayn, wax dukumiinti ahna kama soo baxaan, hab-raac shaqo, iyo hannaan dabagalna ma laha. Maqaal uu daily Nation ku qoray 11-kii November Peter Kagwanja oo ah ninka ay u dhaxdo haweenayda wasiirka arrimaha debedda Kenya Monica Juma ayuu shaki wayn ka muujiyey ujeedka Isbahaysiga . Maqaalka uu cinwaan uga dhigay “Resurgent ethnic nationalism shaping geopolitics in the horn” ayuu Peter ku doodayaa in ujeedka Abiy Ahmed uu yahay in uu dhiso (Cushitic Alliance) Isbahaysi Kuushitik ah oo ay sal u yihiin Oromada iyo Soomaalida. Laakiin dadka wax ka qora ama u kuurgala arrimaha Geeska Afrika uma arkaan Isbahaysi sii tilaabsan kara marka la eego caqabadaha ku hor gudban gudaha iyo bannaankaba. Itoobiya waxay ku jirtaa xili gala guur oo caqabado badani haystaan, sidoo kale Eriteria waxaa soo wajahaya caqabado isbedel doon iyo nidaam beddelid ah oo gudaha kaga imaanaya, Soomaaliyana kaba sii daran. Wax wayn kama beddelna isbahaysigii dhicisoobay oo sanadkii 2002-dii lagu dhisay madasha Sanca (Sana’a Forum) oo ay isku bahaysteen Itoobiya, Yaman iyo Suudaan, markii danbana Jabuuti iyo Soomaaliya gadaal kaga biireen. Sanca Forum ujeedooyinka la mid ah kan haatan la sameeyey ayuu lahaa oo ahaa Iskaashi amni, dhaqaale iyo mid siyaasadeed, keliya waxaa la doonayey in Eritrea lagu takoore oo geeska lagu geliyo. Waa laga yaabaa in kana la doonayo in Jabuuti lagu gacan bidxaynayo. W/Q: Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Koox hubeysan ayaa maanta waxaa ay weerar ku qaadeen Shaqaale ka tirsanaa Shirkada Hormuud, xili ay marayeen Isgooska Baar-ubax ee magaalada Muqdisho. Inta la ogyahay 2 Qof ayaa ku geeryootay, halka hal qofna uu ku dhaawacmay. Qofka dhaawaca ayaa waxaa loo qaadday mid ka mid ah isbitaalada ku yaala Muqdisho, iyadoona halkaasi lagu dabiibayo. Kooxda weerarka fulisay ayaa waxaa la sheegay in ay goobta ka baxsadee. Ruuxa la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Daahir Nuur Karaane halka midka la dhaawacay isna magaciisa lagu soo gaabiyay Gurey,waxaana uu ahaa mid kamid ah ilaaladda Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud. Shaqaalhaan ayaa ka shaqeenayey Xarunta ay Hormuud ku leedahay Isgoyska Baar Ubax, waxayna xilligaas u socdaan Salaadda Duhurka. Kooxii hubeysnaa ee falkaan geystay ayaa la sheegay in ay durbo goobta ka baxsadeen. Ciidamo boolis ah ayaa goobta gaaray iyagoona halkaasi baaritaano ka sameeyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
New York (Caasimada Online) – Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay Arbacada beri isugu yimaadaan kulan gaar ah oo la filayo inay cunaqabtaynata dhinaca hubka ah kaga khafiifiyaan Soomaaliya, sidoo kale ay cunaqabataynta saaran dalka Ereteriya ka qaadaan. Qaraar ay soo diyaariyeen dalalka Soomaaliya la saaxiibka ah ee Qatar iyo kuwo kale oo Afrikaan ah, ayaa waxay kaga dalbanayaan golaha ammaanka in Soomaaliya loo ogolaado inay la soo degto hubka noocyadiisa kala duwan si ay u dhisato ciidan milatari oo awood leh. Qaraarkan, ayaa waxa ku jira noocyo kala duwan oo ah hubka noocyadiisa oo ay dawladda Soomaaliya dunida ka soo iibsan doonto, haddii ay golaha ammaanku ansixiyaan qaraarkan arbacad beri la horgaynayo. Qaraarkan ayaa haddii la ansixiyo wuxuu dawladda Soomaaliya siinayaa awood ah inay dawladoodu hesho hub iyo qalab ciidan oo kala duwan, waxaana la filayaa inay ku caawiyaan dawladaha la saaxiibka ah oo ay hadda dabar ku tahay cunaqabtaynta hubka ee saaran. Waxase jira dalal kale oo ka soo horjeeda in la khafiifiyo cunaqabatayntan hubka ee Soomaaliya, iyagoo aaminsan inaanay weli dalka Soomaaliya ka jirin dawlad masuul ah oo lagu aamini karo hubka noocyadiisa kala duwan, waxaanay diblomaasiyiin badani aaminsanyihiin in hubkaasi si fudud gacanta ugu geli karo kooxaha ka dagaalama Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska New York Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS Mudane Mahadi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray shirka Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka. Shirkan oo ah mid muhiim ah ayaa waxaa ka qeyb galaya Golaha Dhaqaalaha Qaranka, Ururada Bulshada rayidka ah iyo xubno ka socda Beesha Caalamka. Muddada oo uu socdo shirkani ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa arrimaha Dhaqaalaha Soomaaliya iyo sidii loo kobcin lahaa. R/wasaare ku xigeenka dalka oo furitaankii shirka ka hadlay ayaa sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in waxyaabo muhiim ah ay ka soo bixi doonaan kulankani. “Waxaanan madasha wadatashiga ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka u rajaynayaa guul iyo horumar iyo in ay xalaal miro dhal ahi ka soo baxaan oo dhaqaalaha wax looga qabto” ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed Khadar. Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo dadaal ugu jira siidii loo horumarin lahaa Dhaqaalaha dalka ayaa Axadii la soo dhaafay Golaha Wasiirada Xukuumadda u bandhigay cilmi baaris ay ka sameeyeen hannaanka horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya The post R/wasaare ku xigeenka dalka Oo shir ka daahfuray Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Dibadbaxani oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa uu maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Banaanbaxa oo ay dhigayeen boqolaal dadweyne ah oou badan Dhalinyaro iyo Haween ayaa ku qeylinayay erayo ka dhan ah maamulka Puntland. Dibadbaxaayasha ayaa cabasho ka ahaa xukun dil ah oo lagu riday C/risaaq Xuseen Tahliil oo ka mid ah Ganacsatada gobolka Mudug. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/warka-cali-gaab-dibad-bax.mp3 The post Dibadbax ballaaran Oo ka dhacay M/ Gaalkacyo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Balcad ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay kooxo hubeysan ay Afduubteen dad shacab ahaa, kadib markii ay waddada u galeen Gaadiid ay la socdeen dadkaasi oo marayay duleedka degmada Balcad ee gobolkaasi. Gawaaridan oo lagu afduubtay inta u dhexeysa deegaanada Ceel-Geeolow iyo Gololey ayaa gaarayay illaa 5 Gaadiid ah, gaar ahaan kuwa Xamuulka Qaada, iyadoona dhac baahsan iyo Jirdil loo geystay rakaabkii sarnaa Gawaaridaasi. Ilo dadka deegaanka ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in Gaadiidkan ay ku wajahnaayeen gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in markii dambe la sii daayay Gaadiidkaasi iyo dadkii la socday oo la sheegay in laga furtay agabkii ay wateen. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka HirShabelle oo ku aadan dhacdadaasi. Muddooyinkii dambe waxaa sii xumaanayay ammaanka waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe. The post Kooxo hubeysan Oo dhac ka geystay duleedka Balcad appeared first on Shabelle. View the full article
-
Mooyaale (Caasimadda Online) – Ugu yaraan 7 qof ayaa inta la og yahay ku dhintay dagaal ka dhacay degmada Mooyaale ee ku taalla xudduudda Kenya iyo Itoobiya. Khasaare nafeed ayaa soo kala gaaray labada dhinac ee Dagaallamaya,waxaana la sheegayaa in dagaalka oo wali socda ay ilaa hadda ku dhinteen Labada dhinaca ayaa dab qabadsiiyay Guryo iyo Xafiisyo,sida uu sheegay C/Fitaax Maxamed oo ka mid ah Soomaalida Mooyaale. Meelaha la wax yeelleeyay waxaa ka mid ah Iskuullo, Xafiisyo Dowladeed iyo Xarumo kale mana jirto ilaa hadda cid ka hadashay,waxaana ku barakacay Boqolaal qof oo labada dhinac ka tirsan. Dhowrkii Sano ee la soo dhaafay ayey labada dhinac ku dagaallamayeen degaankaas,waxaana ay isku heystaan dhul ballaarsi . Tan iyo shalay ayuu dagaalku socday, waxaana la sheegayaa in ay jiraan guryo iyo xafiisyo weli gubanaya. Ma jirto cid weli kala dhex gashay, wararkuna waxay sheegayaan inuu dagaalku weli socdo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Wafdi uu hoggaaminayo ku xigeenka wakiilka QM ee arrimaha Soomaaliya Mr Rey Senenga ayaa maanta waxa ay gaareen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Mas’uuliyiin uu ka mid yahay ku simaha Madaxweynaha K/ Galbeed, ahna guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi C/qaadir Shariif Shukunaa Maye ayaa ku soo dhaweeyay gagida diyaaradaha magaaladaasi. Intaasi kadib wafdiga ka socda Qaramada Midoobay ayaa kulan gaar ah la qaatay ku simaha Madaxweynaha, waxa ayna ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka Koonfur Galbeed iyo sida ugu macquulsan oo ay ugu dhici karto doorasho xalaal ah waqtigii loogu tala galay. Sidoo kale ku xigeenka wakiilka QM ee Soomaaliya ayaa kulamo la qaatay xubno ka mid ah Murashaxiinta maamulkaasi. Doorashada Koonfur Galbeed oo ay inaga xigto muddo 4 Cisho ah ayaa laga yaabaa in ay dib u dhacdo, sababo la xariira xubnihii guddiga doorashooyinka oo aan weli la dhameystirin, si ay u qaban qaabiyaan hanaanka doorashadaasi. The post Wafdi ka socda QM Oo gaaray magaalada Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Mandera ( Sh. M. Network )-Ciidamada Booliska maamulka Mandera gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa maanta toogtay Haweeney Soomaali ah oo ka mid aheyd dadka deegaanka Rhamo ee maamulkasi, xilli ay howlgallo roondo ah ka wdaaeen halkaasi. Haweeneydani ayaa lagu Magacaabi jiray Cabdiya Cumar , Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale dadka deegaanka Rhamo ayaa durbo bilaabay rabshado, kadib toogashadaasi, taas oo keentay in ay soo dhexgaalaan Saraakiisha sar sare ee Ciidamada Kenya, kuwaasi oo sheegay in ay ka xun yihiin dhacdadaasi. Taliyaha Booliska Mandera oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in haatan xaaladdu at caadi ku soo laabatay, islamarkaana ay tallaabo ka qaadaayaan cid alaale iyo cidii lagu helo in ay dhibaato u gaysaneyso shacabka, sida uu hadalka u dhigay. Inta badan Ciidamada Kenya ayaa lagu eedeeyaa in ay dhibaatooyin u geystaan dadka rayid ka ah, xilliyada ay sameynayaan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab. The post Ciidanka Kenya Oo Haweeney Somali ah ku toogtay Mandera appeared first on Shabelle. View the full article
-
Jabuuti ( Sh. M. Network )-Magaalada Jabuuti ayaa lagu soo gaba gabeeyey shirka 32-aad ee Maayaradda Casimadaha dalalka Islaamka, kaas oo looga hadlayey iskaashiga magaalooyinka iyo mashaariicda horumarineed ee bilicda caasimadaha sare loogu qaadayo. Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo shirkaas ka qaybgalay ayaa xusay in ay ka dhaxleen wax badan oo khibrad wadaag ah iyo in sare loo qaado iskaashiga caasimadaha dalalka Islaamka. Wasiirka Difaaca Mudane Cali Xasan Bahdon iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Djibouti Sakariye Sheikh Ibrahim ayaan maanta xafiisyadooda ku booqday iyadoo ay ila socotay Maayeerada Djibouti Marwo Fatouma Awaleh Osman Golaha Iskaashiga caasimadaha dalalka Islaamka ayaa xoghayaha guud ee ururka u doortay Faadumo Cawaale Cismaan Maayarka caasimadda Jabuti oo shirkan martigalisay, taas oo ururka hogaamin doonta 2-da sano ee soo socota. The post Shirka Maayarada Dalalka Islaamka Oo lagu soo gabagabeeyay Jabuuti appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay Arbacada beri isugu yimaadaan kulan gaar ah oo la filayo inay cunaqabtaynata dhinaca hubka ah kaga khafiifiyaan Soomaaliya, sidoo kale ay cunaqabataynta saaran dalka Ereteriya ka qaadaan. Qaraar ay soo diyaariyeen dalalka Soomaaliya la saaxiibka ah ee Qatar iyo kuwo kale oo Afrikaan ah, ayaa waxay kaga dalbanayaan golaha ammaanka in Soomaaliya loo ogolaado inay la soo degto hubka noocyadiisa kala duwan si ay u dhisato ciidan milatari oo awood leh. Qaraarkan oo uu Geeska Afrika arkay, ayaa waxa ku jira noocyo kala duwan oo ah hubka noocyadiisa oo ay dawladda Soomaaliya dunida ka soo iibsan doonto, haddii ay golaha ammaanku ansixiyaan qaraarkan arbacad beri la horgaynayo. Qaraarkan ayaa haddii la ansixiyo wuxuu dawladda Madaxweyne Farmaajo siinayaa awood ah inay dawladoodu hesho hub iyo qalab ciidan oo kala duwan, waxaana la filayaa inay ku caawiyaan dawladaha la saaxiibka ah oo ay hadda dabar ku tahay cunaqabtaynta hubka ee saaran. Waxase jira dalal kale oo ka soo horjeeda in la khafiifiyo cunaqabatayntan hubka ee Soomaaliya, iyagoo aaminsan inaanay weli dalka Soomaaliya ka jirin dawlad masuul ah oo lagu aamini karo hubka noocyadiisa kala duwan, waxaanay diblomaasiyiin badani aaminsanyihiin in hubkaasi si fudud gacanta ugu geli karo kooxaha ka dagaalama Soomaaliya. Geesta kale, dawladda Somaliland ayaan ilaa hadda ka hadal qaraarkan la horgaynayo golaha ammaanka Qaramada Midoobay oo haddii la ansixiyo saamayn guud ku yeelanaya ammaanka guud ee qaranka Somaliland. Xukuumadihii hore ee dalka soo maray ayaa dhawr goor oo la isku dayay in Soomaaliya laga khafiifiyo cuno qabatayntan hubka ah ee saaran, waxa ay dunida u direen dhambaalo kala duwan oo ay kaga dalbanayaan inaan lagu degdegin in cunaqabtaynta hubka laga qaado dawlada Soomaaliya, maadaama oo uu hubkaasi waxyeelo u gaysan karo ammaanka guud ee Somaliland. Xukuumaddan maanta oo ay la gudboonayd inay qaado olole diblomaasiyadeed oo ay kaga hortagayso qaraarkan maadaama oo uu hub ay soo iibsato ama lagu caawiyo dawladda Soomaaliya waxyeelo u gaysan karo ammaanka Somaliland, ayaa u muuqata inaanay laba socon, waxaanay dad badan oo diblomaasiyadda iyo xidhiidhka caalamka aqoon durugsan u lihi aaminsanyihiin inuu gaabis ka muuqdo siyaasdda arirmaha dibadda ee Somaliland, xilli ay gobalka iyo caalamka ka socdaan isbedelo maalin maalin u soo kordhiyaa. Madaxweyne Biixi, ayaa isku shaandhayn uu toddobaadkan sameeyay wuxuu wasaarada khaarajiga ka bedelay wasiirkii Dr. Sacad Cali Shire, oo noqday hadda wasiirka maaliyadda, waxaanu wasiirka arrimaha dibada u magacaabay Yaasiin Xaaji Faratoon oo ahaa wasiirka waxbarashada. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile,oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada,ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan isku shandhaynta uu Madaxweynuhu ku sameeyey xubnaha ka tirsan Xukuumaddiisa. Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayas ugu horeyn isagoo ka hadlaya isku shaandhaynta ayaa yidhi “Isku shandhayntu maaha qabiil ee waxaa loo baahan yahay aqoon dheeli tiran,isku shandhayntana maaha mid qaan-gaadha,ee Madaxweyne waxaa lagaga baahnaa isku shandhayn qaan-gaadha oo leh baaxad intan ka balaadhan iyo isku shandhayn tayo leh,Madaxweyne waxaa lagaaga baahna isku shandhayn ay umaddu ku diirsato iyo inaad magacwdo rajada ay umaddu qabto ciddii ku hagi lahayd ,xaaladda dalku ku jirana ka saari lahayd,laakiin Madaxweyne hilaac haraad ma biiyo, ee isku shandhayn qaan-gaadha oo umaddu ku diirsato ayaa lagaga fadhiyaa”. Xildhibaan Qabile mar uu ka hadlaayey khilaafaadka dhulka ee Berbera ku soo badanaya ayaa yidhi “Xeerka 17aad ee ,dhulka isagoo kooban ayaa Golaha Wakiiladu kaabis iyo wax ka bedel uu ku sameeyey,arintaasi waxay keentay arin Golahana ceeb ku ah shaqadii qarankana isku murgisay,iyagoo Goluhu waxtar ula jeeday,ayaa la sameeyey Xeerkan iyo Guddida khilaafaadka Dhulka,saddexdii dhadhaar ee Dawladnimada ee kala ah Garsoorka,Fulinta iyo Sharcidejinta wey isku dhex shandhaysay,muwaadinka xuquuqdiisana meel bay kaga dhacday,xeer wuxuu xeer noqdaa marka uu Gobolada dalka oo dhan ka dhaqangalo, Gobolada Sool,Sanaag,Awdal iyo Togdheer wey iska diideen,balse meelaha uu ragaadiyey xeerkani waa Saaxil jyo Maroodijeex,laakiin markii dambe Hargeysi xeerkan wey iska fayday,ee meesha uu laxadka dhigtay ee Berbera,anagoo ah Xildhibaano badan oo Wakiilada ah waxaanu diyaarin doonaa mooshin ka dhan ah Xeerkan,Qareenada,Sharci yaqaanada iyo guud ahaan wax garadka Somaloland waxaan ka codsanayaa in wax kasta oo dabar iyo caqabad ku Dastuurka iyo xeerarkiisu in laga hawl galo wax kasta oo Dastuurkeena dhib ku ah”. Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in barqanimadii maanta dil iyo dhaawac ay ka geysteen Isgoyska Baar-Ubax ee magaalada Muqdisho. Kooxdan oo ku hubeysneyd Bastoolado ayaa la sheegay in ay weerareen 2 nin oo sii galayay Masjid ku yaalla agagaarka Isgoyskaasi, iyadoona mid ka mid ahaa uu ku dhintay weerarka, halka kan kalena uu ku dhawaacmay. Sidoo kale waxaa weerarkaasi ku dhaawacantay Haweeney qaad ku iibineysay halkaasi, sida ay xaqiijiyeen Ilo wareedyo ku sugan halkaasi. Raggii ka dambeeyay falkani ayaa lagu soo warramayaa in ay goobta isaga baxsadeen, kadib dhacdadaasi. Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay, sida ay wax u dhaceen. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/cod-goobjooge.mp3 The post Rag hubeysan Oo dil iyo dhaawac ka geystay Baar-Ubax appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Duhur-13112018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Hormoodka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska iyo Hay’adda Shaqaalaha dawladda, ayaa kulan ballaadhan oo ay la yeesheen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweyne-ku-xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa ay kaga dhawaaqeen shaqaalaysiinta ugu yaraan 954 (sagaal boqol iyo afar iyo konton) macallin oo muddo dheer mushahar la’aan ugu shaqaynayey umaddooda. Macallimiinta la shaqaalaysiiyey oo ka hawlgasha 1,081-ka Dugsi ee ay dawladdu leedahay ee ku yaalla guud ahaanba dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa la hawlgeliyey kaddib Kormeer ay sameeyeen 15-kooxood oo ka kala socda Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska iyo Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu, waxana ay macallimiintaasi si rasmi ah uga mid noqon doonaan shaqaalaha rasmiga ah ee qaranka, kuwaas oo heli doona mushahar joogto ah. Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda, Mudane Sharma’arke Axmed Muxumed Geelle oo kulanka ay la qaateen madaxweynaha kaddib warbaahinta la hadlay, ayaa u bushaareeyey dhammaanba macallimiintii mushahar la’aanta muddada kala duwan ugu soo shaqaysay qarankooda, kuwaas shaqaale rasmi ah noqday, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Saaka waa u bushaaro iyo barkhad guud ahaanba macallimiinta Jamhuuriyadda Somaliland ee ku kala sugnaa guud ahaan dugsiyada dalka in ku dhawaad kun qof, saaka kulankii madaxweynaha kaddib wasaaradda waxbarashada iyo Hay’addaa shaqaaluhu ay shaqaalaysiinayaan.” Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda, ahna sii hayaha xilka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane, Yaasiin Xaaji Maxamuud (Faro-toon) oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa isaguna hoosta ka xarriiqay in hay’adda shaqaalaha dawladda iyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku ay waqti badan geliyeen hubinta iyo kala hufidda macallimiinta, natiijadiina noqotay shaqaalaysiinta macallimiinta muddada tabarruca kusoo shaqaynaysay, waxana uu yidhi, “Saaka madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka qaranku waxa ay shir weyn oo ujeeddadiisu tahay shaacinta natiijadii kasoo baxday kormeer ballaadhan oo wasaaradda waxbarashada iyo hay’adda shaqaaluhu wada qaadeen oo ku saabsan sidii loo sugi lahaa arrimo badan oo la xidhiidha waxbarashada, gaar ahaan macallimiinta iyo shaqaalaha wasaaradda waxbarashada, kuwaas oo duruufo kala duwan ku jira oo lasoo tiro koobay, waxana halkan loo joogaa in lagu dhawaaqo in Kun ku dhawi inay maanta noqoto shaqaale rasmi ah.” Wa-bilaahi tawfiiq Source
-
Several people from two clans in Galgaduud region were killed and dozens injured in clan clashes. The parliament leadership urged the sides to end the fighting which displaced hundreds of families from their homes. Deputy speaker of federal parliament, Mahad Awad has termed the clashes as unfortunate saying it is unacceptable to see two brotherly clans shading their blood. “On behalf of the federal parliament, I call upon the warring sides in Balanbale town to end the hostilities,” he said. Mr. Mahad called on the elders in the region affected to resolve their differences for a common good of the country, saying the people in the region should unite and ensure that their reconciliation meetings become fruitful for the benefit of their region and the entire country. The call comes a day after Somali government deployed hundreds of soldiers in the area to intervene clashes between two clan militias. The post Warring sides in central Somalia urged to end the hostility through dialogue appeared first on Shabelle. View the full article