-
Content Count
206,963 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo ( Sh. M. Network )-Wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda Aminga Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle ayaa eedeyn kulul u jeediyay madaxda sare ee maamulkaasi. Mr Kaliil ayaa sheegay in Madaxda Jubbaland ay ku howlan yihiin iska hor keenida Beelaha wada daga gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee K/ Soomaaliya. Waxaana uu ugu baaqay DFS in ay il gaar ah ku heyso dhibaatooyinka lagu hayo shacabka ku dhaqan deegaanada maamulka Jubbaland. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/cod-jaamac.mp3 The post Wasiiru dowlihii Amniga Jubbaland Oo eedeeyay madaxda maamulkaasi appeared first on Shabelle. View the full article
-
Askari ka tirsan ciidamada badda ee (PMPF) ayaa toogasho ku dilay laba askari oo kale,kuwaasoo kala tirsanaa ciidamada, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha PMPF. Shakhsiga dilka u gaystay labada askari ayaa sida wararku sheegayaan ka carooday hadal ay kula kaftameen, xilli ay ku sugnaayeen goob maqaaxi ah, waxaana dilkaasi ka dhacay magaalada Boosaaso. Ilaaa iyo haatan ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay taliska ciidanka badda Puntland ee(PMPF) oo faahfaahin looga bixiyay dhacdadaasi. Wixii ka soo kordha kala soco: Puntland Post The post Laba askari oo ka tirsan ciidanka badda Puntland oo toogasho lagu dilay appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Thailand)-Geerida wiilkan 13 sano jirka ah ayaa sababtay jug ka soo gartay cayaar dhanka feerka ah. Wiilkaan oo lagu magacaabo Anucha Kochana ayaa la sheegay in jug maskaxda ka soo gaartay uu dhintay laba maalmood kadib cayaartaasi. Dhacdadaan ayaa horseedday cadaadis cusub oo ku aaddan in cayaarta feerka ee caruurta laga joojiyo dalka Thailand. Waxa uu ka qeeyb qaatay 170 dagaal oo dhanka feerka ah tan iyo dideed jirkiisii, taas oo qooyskiia ka caawisay in uu dhaqaalohooda kordho. Baarlamaanka Thailand ayaa dib u eegis ku sameeynaya sharci cruurta da’doodu ka yartahay 12 sano ka mamnuucaya in ay ka qeeyb qaataan cayaaraha feerka. Cayaarta feerka ee Thailand oo loo yaqaano Muay ayaa aad caan uga ah dalkaasi. waxa ayna kumaanaan dhalinyarada feerka cayaara ah iyo qoosaskooduba u arkaan in feerka uu yahay fursad lacag lagu sameeyo. Balse waxaa jira shuruuc yar oo lagu hago cayaaraha, qaar ka mid ah dadkana waxa ay ka soo horjeedaan hindise sharciyeedka caruurta ka mamnuucaya cayaaraha feerka, waxa ayna ku doodayaan in cayaaraha feerka ee da’yarta ay mid yihiin dhaqanka qadiimiga ah ee waddanka. Lahaanshaha sawirkaAFP Shacabka reer Thai ayaa ka naxay geerida Anucha, dhanka kalana qaar ka mid ah feeryahanada caanka ah ayaa tacsiyeeyay dhacdadaan. Muuqaal la duubay intii ay cayaarta socotay ayaa muujinaya labada wiil ee ka qeeyb qaadanayay cayaarta feerka oo aan madaxa ku xirnayn qalab difaaca jugta. Anucha ayaa la sheegay in madaxa feer looga dhuftay ka hor inta uusan dhulka ku dhicin. Thailand waxaa ka diiwaan gashan 10,000 oo feeryahan, kuwaasi oo ay da’doodu ka yartahay 15 sano jir. Source
-
Mooyaale ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo u dhexeeyay Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida oo saaka aroortii hore dib uga qaraxay degmada Mooyaale oo dhacda xadka ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Ethiopia. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu ku sii fiday deegaano hoostaga degmadaasi Mooyaale. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee labada dhinac ka soo gaaray dagaalkaasi. Waxgaradka deegaanka ayaa lagu soo warramayaa in durbo ay bilaabeen dadaallo lagu qaboojinayo xiisadaasi. Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo deegaanadii lagu diriray ee xadka Kenya iyo Ethiopia. The post Oromada iyo Soomaalida Oo ku dagaalamay Mooyaale appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Paris)-Ciidammada Faransiiska ayaa u muuqda in ay ku jeesjeeseen madaxweyne Trump shalay iyaga oo Twitterka adeegsanaya, arrintaas ayaa timid ka dib markii madaxweynaha Maraykanku uu baajiyay booqasho uu ku tagi lahaa qubuur ay ku aasan yihiin dadkii ku dhintay Dagaalkii Koobaad ee Adduunka, isaga oo arrintaas ku micneeyay cimilada oo xumayd awgeed. “Roob baa da’aya dhibse ma jiro” ayaa lagu soo qoray ciwaanka ay ciidammadu ku leeyihiin Twitterka. Waxayna soo raaciyeen #MondayMotivation oo macnaheedu yahay dhiirigalinta Isniinta. Trump ayaa aad loogu dhaliilay in uusan booqanin qubuuraha Aisne-Marne American ka hor xuskii boqol guuradii ka soo wareegtay markii uu dhammaaday Dagaalkii Koobaad ee Adduunka. Ciidammada Faransiiska ayaa intaas ka dibna sheegay in ay Twitterka ula jeedeen tababarkooda. “Way mahadsan yihiin taageerayaashanada qoraalkan sii faafiyay” ayay soo qoreen ciidammada oo dabo socda qoraalkoodii hore waxayna intaas sii raaciyeen “waan ka xunnahay kuwa sida khaladka ah u fahmay, wax kale oo looga gollahaa ma jiro oon ka ahayn hawlihii caadiga ahaa ee ciidammada u yaallay taas oo maanta uu roob ku soo aaday!” Af-hayeenka Aqalka Cad, Sarah Sanders, ayaa difaacday go’aanka uu madaxweynuhu uga baaqday munaasabadda qubuuraha ee Sabtidii, waxayna sheegtay in cimiladdu ay aad u xumayd oo aragga uu saameeyay isla markaasna uu ka baaqsaday in uu kolonyo baabuur ah ku dhex maro Paris isaga oo diidaya in waddooyinka loo xiro ka dibna arrintaasi dadka saamayn ku yeelato. Isla Isniintiina Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimiyo ayaa xaqiijiyay in madaxweynuhu uusan ka qaybgalayn xuska lagu qabanayo qubuuraha Arlington National Cemetery. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ee kusugan inta u dhaxeyso Degmada Afgooye ilaa deegaanka Carbiska ayaa lagu eedeeyay inay xanibeen gaadiidkii ugu badnaa oo u socday Koofur Galbeed. Inka badan 200 oo Gaadiidka xamuulka qaada ayaa ciidamadan waxay ku xanibeen agagaarka deegaanka Carbiska, waxaana maamulka Shabeelaha Hoose ay sheegeen in gaadiidkaan ciidamada ka doonayaan dhaqaalo aad u badan. Guddoomiye ku xigeenka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ciidamadan ay ku amreen gaari kastaa inuu bixiyo dhaqaalo gaaraya 5 kun oo doolar, sida uu hadalka u dhigay, taasina ay caqabad weyn ku tahay dadka uu rarka u saaran yahay gaadiidka. Bagaash badan oo laga bixiyay dekada magaalada Muqdisho ayaa saaran gaadiidka, waxaana leh ganacsatada Gobolada Baay, Bakool iyo Gedo, iyadoo taasi ay caqabad kale noqon doonto haddii aan la xalin. Ma jirto wax jawaab ah oo kasoo baxday saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee eedeynta loo jeedinayo, iyadoo horey madaxweynaha Soomaaliya uu ka digay in gaadiidka lagu dhibaateeyo gobolka Shabeelaha Hoose. Mid kamid ah wadayaasha gaadiidka ayaa sheegay in muddo lix maalin ay ku xayiran yihiin agagaarka degmada Afgooye, “Baabuurta wey xayiran yihiin, ilaa Carbiska ayay safan yihiin, waxay u socdeen Gedo, Baay iyo Bakool, Ciidan labisan ayaa heysta Gaadiidkaasi oo raashiin wada”ayuu yiri Mid kamid ah wadayaasha Gaadiidka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa maanta kulan ka yeelanayo u codeynta ku noqoshada miisaaniyadda 2018, taas oo ay wasaaradda maaliyadda u soo gudbisay xubnaha Golaha Shacabka. Ajandaha kulanka ayaa ah u codeynta ku noqoshada miisaaniyadda 2018 iyo aqrinta saddexaad ee hindise sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka. Xildhibaanada golaha shacabka ayaa Isniintii la soo dhaafay dood dheer ka yeeshay ku noqoshada miisaaniyadda,iyadoo ay soo bandhigeen talooyin ku saabsan ku noqoshada miisaaniyadda oo ay ku jiraan xuquuqda iyo mushaarka ciidamada Qaranka ee Bilaha kala ah October, November iyo December ee Sanadkan. The post Golaha Shacabka Oo Cod u qaadayo ku noqoshada Miisaaniyadda Dowladda 2018 appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-141118.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Maxamed Cabdi Kaliil, wasiiru dowlihii hore ee amniga maamulka Jubbaland ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog Nerws, waxa uu kaga hadlay arrimo ku aadan xil ka qaadis uu shalay ku sameeyey madaxweyne Axmed Madoobe. Kaliil ayaa sheegay in markii horeba uu damacsanaa in xilkaasi uu iska casilo, islamarkaana waxa uu tilmaamay iney jiraan sababo badan oo aan looga sii mid ahaan karin Jubbaland. Waxa uu ku dhaliilay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe inuu yahay shaqsi doonaya inuu kaligiis taliyo, islamarkaana uu isku dirayo qabiillada waa sida uu hadalka u dhigaye. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Wasiiru-Dowlahii-Amniga-Jubbaland-oo-is-Casiley.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta lagu wadaa inuu cod u qaado cunaqabateynta saaran dalka Eritrea, arrintan oo timid kadib markii xiriirkooda caadi ku soo noqday dalka Itoobiya ayna iso soo dhowaadeen Djibouti. Wararka waxaa ay sheegayaan in isniintii la isku afgartay qaar ay Ingiriiska soo geliyeen oo ku aadan qaadista cunaqabateynta, taas oo saarneyd ilaa 2009-kii. Qaraarka si uu ansax u noqdo waa loo baahanyahay 9 cod iyo in aanu codka vetoes adeegsan mid ka mid ah dalalka Mareykanka, Shiinaha, Ruushka, Ingiriiska iyo Faransiiska. Cunaqabateynta la qaadayo waxaa ay kulmi-doontaa hubka, cunaqabateynta safarada, hantida la xayiray iyo arrimo kale. Waxaa kale oo lagu baaqi-doonaa in la dhameeyo muranka waqti-dheer soo-jiitamayey ee Eritrea iyo Djibouti, kana wada shaqeeyaan is afgarad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa maanta dunida laga xusayaa maalinta cudurka Macaanka, maanta oo kale waxaa dadka laga wacyigeliyaa khatarta cudurka macaanka iyo sida looga hortago. Waa maxay cudurka macaanka (diabetes)? Cudurka macaanka ama sokorowga waa cudur leh sababa kala duwan dadka qabaahina ay dhiigoodu ku badantahay sokorta waxaana loo yaqaanaa ‘’hyperglycemia’’. Cudurka macaanka waxa uu ku imaan karaa : In jirku uusan helin insulin ‘hormone’ kufilan Iyo in jirka uu san ka jawaabin insulinta. Insulin waxaa sameeya xameetiga oo ah xubin kutaala caloosha gadaasheeda , xameetiga waxaa ku jira unugyo ‘‘islets’’ kuwaasi oo sameeya insulinta kadibna ku dara dhiiga si ay u yareeso sokorta badan eek u jirta dhiiga. Waqti dheer hadii cudurkan uu sii raago waxa uu keeni karaa caqabado ay kamid yihiin: cudurada wadnaha, sida wadnaha oo istaaga, kilyaha oo shaqa gaba, indha la’an dhibaatooyin dhanka ilkaha ah farxd darro iyo dhibatoyin dhanka uurka ah hadii mamada xaamilada ah uu kudhaco sokorta. Noocyada cudurka macaanka: Cudurkan waxa uu leeyahay seddex nooc oo kala ah : Nooca 1aad: waxaa sababa in jirku uusan helin insulin kufilan taas oo katimid burbur kuyimid unugyadi soo saari lahaa waxa uuna inta badan ku dhacaa caruurta iyo dadka da’da yar. Sababaha ugu badan ee qofka uu kugu dhici karo cudurka waxa ay noqon karaan kuwa dhaxal ah oo kaga yimid waalidkiisa oo horay uqabay cudurka macaanka, sababa la xiriira degaanka sida cunada uu qofku cunayo iyo in burbur uu kuyimado unugyadii soo saari lahaa insulin. Nooca 2aad: noocan waxaa keena sababa ay kamid yihiin jirka oo ka jawaabin insulin ama in uusan helin insulin ku filan ama unugyada beerka oo aan si wanaagsan u isticmaalin insuinta lasoo saaray. Nooca 2aad ee cudurka macaanka waxa uu ku dhacaa dadka da’ dhaxaadka ah , dadka duqoobay iyo sidoo kae dadka aadka u cayilan, uma badna in uu ku dhaco dadka yar yar haddii aysan ahayn kuwa ciyilkoodu xad dhaaf yahay. Sababaha ugu badan ee noocan lala xiriiriyo waxaa kamid ah , cayilka saa ‘idka ah , jimicsi la’aanta , jirka oo insulinta si haboon u adeegsan , iyo beerka oo soo saaro sokor aad u badan taa oo keenta in dhiiga ay sokor badan ka buuxsanto. Dadka halista ugu jira nooca 2aad: Da’da 45sano iyo wixii kabadan. Dadka cayilka xad dhaafka ah. Dadka aan jimicsiga sameyn. Dadka cadaadiska dhiigoodu uu ka sareeyo 140/90. Dadka qaba cudurada wadnaha. Nooca 3aad: noocan waxa uu ku dhacaa haweenka uurka leh oo kaliya (gestational diabetes) waxaana sababa isbadalo kuyimaada hormonada. Doorka insulintu ay jirka ku leedahay: Waxa ay caawisaa murqaha beerka iyo xeerta iyada oo soo nuugta sokorta dhiiga ku jirta si ay hoos ugu dhigto heerka sokorta ee dhiiga. Waxa ay kicisaa murqaha iyo beerka si ay u keediyaan sokorta dheeraadka ah ee uusan jirku u baahnayn. Waxa ay yareesaa sokorta uu beerka soo saarayo. Calaamadaha lagu garto kaadi macaanka: Oon badan. Kaadi badan. Gaajo badan. Daal badan. Meelaha dhawaca soo gaaro oo aan dhaqsa reysan. Araga oo daciifo. Miisaanka qofka oo yaraado. Caabuq soo noq noqda. Dawooyinka loo adeegsado cudurka macaanka Dawooyinkan ujeedada ugu weyn ee loo adeegsanayo waxa ay tahay in lagu daweeyo calamadaha ay kamid kayihiin kaadida badan , gaajada, miisaanka yaraanaya iyo caqabadaha ka iman kara hadii cudurkan uu sii daba dheeraado. Dawooyinka afka laga qaato ee cudurkan lagu daweeyo waxaa loo qeybiyaa shan qeybood oo kala ah: Sulfonylureas oo kicisa xameetiga si uu u soo saaro insulin Meglitinides waxa ay kicisaa xameetiga si uu usoo daayo insulinta. Biguanides sida Glucophage waxa ay yareesaa sokorta badan ee beerka. Thiazolidinediones sida Actos waxa ay hagaajisaa shaqada insulinta. Alpha-glucosidase inhibitors sida Glucobay waxa ay yareeysaa sokorta laga soo nuugayo mindhicirada yaryar. Source: goobjoog.com
-
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa maanta kulan ka yeelanayo u codeynta ku noqoshada miisaaniyadda 2018, taas oo ay wasaaradda maaliyadda u soo gudbisay xubnaha Golaha Shacabka. Ajandaha kulanka ayaa ah u codeynta ku noqoshada miisaaniyadda 2018 iyo aqrinta saddexaad ee hindise sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka. Xildhibaanada golaha shacabka ayaa Isniintii la soo dhaafay dood dheer ka yeeshay ku noqoshada miisaaniyadda,iyadoo ay soo bandhigeen talooyin ku saabsan ku noqoshada miisaaniyadda oo ay ku jiraan xuquuqda iyo mushaarka ciidamada Qaranka ee Bilaha kala ah October, November iyo December ee Sanadkan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha Sacuudiag Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay in unug argagixiso oo qorsheeyey inay isaga khaarijiyaan lagu xiray waqooyiga jasiirad u yaalka Siinaay ee dalka Masar. Wargeyska Jerusalem Post ayaa qoray in Maxamed Bin Salmaan uu xogtan shaaca ka qaaday markii uu la kulmay koox haysata madhabta Evangelical ee Kirishtanka oo magaalada Riyadh booqday kowdii November, ayaga oo ka tegay Mareykanka. Bin Salmaan ayaa sheegay in unugan ay ku jireen dad u dhashay Sacuudiga. “Cadowgeyga waxay qorsheynayaan inay i khaarijiyaan” ayuu Bin Salmaan u sheegay wafdiga Mareykanka, sida laga soo xigtay ,adaxa waftiga Mareykanka Joel Rosenberg, oo ah Israeli-Mareykan, kaasi oo horey ula shaqeeyay ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu. Ilaa iyo hadda wax faahfaahin buuxda ah lagama bixin kooxda uu Maxamed Bin Salmaan sheegay inay doonayeen inay dilaan, balse sida laga soo xigtay Rosenberg, waxa uu cadowgiisa ku sheegay madaxweyne Erdogan, Iraaniyiinta iyo Ruushka. Rosenberg ayaa dhinaca kale sheegay in Bin Salmaan uu u sheegay in dilkii suxufi Jamaal Khaashuqji uu ahaa qalad, islamarkaana la ciqaabi doono dadkii fuliyey. Caasimada Online Xafiiska Jedaah Caasimada@live.com
-
Degmada Hobyo ee gobolka Mudug waxaa xalay kulan ku yeeshay waxgaradka degmadaasi, iyadoo shirkaasi looga hadlayey dilal dhowaan ka dhacay Hobyo, kuwaasi oo salka ku haya aanooyin qabiil. Wariyaheena Cali Cayn ayaa soo sheegaya in waxgaradkan ay si hordhac ah heshiis u gaareen, islamarkaana isla fahmeen sidii loo sii amba qaadi lahaa wadahadallada kala ee dhanka nabadda ah. Odoyaashan kulmay ayaa sidoo kale isugu imaan doono kulamo kale oo ku aadan sidii loo gaari lahaa heshiis kama dambeys ah, mar kalena aanay usoo noqon wixii dhacay. Waxyaabaha hadda ay isla garteen waxaa ka mid ah in aanay dhib kale dhicin, islamarkaana cid walbo oo dhibaato geysata la mariyo waxa uu sharciga ka qabo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/WAR-CALI-CEYN-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dagaal xoogan oo u dhaxeeya Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ayaa dib kaga biloday saaka Degmada Mooyaale ku taala xuduuda u dhaxeya labada dal. Ku dhawaad 10 ruux ayaa wararka la helayo saaka ay sheegayaan inay ku dhinteen dagaalka, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan, sida ay sheegeen dadka deegaanka lagu dul dagaalamayo. Qaar kamid ah waxgaradka deegaanka ee Soomaalida ah ayaa sheegaya in dagaalka ay qeyb ka yihiin ciidamo Ethiopian ah oo halkaasi u tagay inay kala dhex galeen labada Qowmiyadood, laakiin ma aysan sheegin cidda ay la safteen. Dadka deegaanka ayaa sheegay in Cabsi xoogan ay ka jirto taasi oo soo foodsaartay Soomaalida ku nool deegaanka Mooyaale, waxaana ay sheegeen in dagaalka uu intaasi kasii xoogeysan karo. Xaaladda deegaanka ayaa saaka kacsan, waxaana fashilmay wadahadalo maalmihii ugu dambeeyay ee la doonayay in lagu dhameeyo dagaal beeleedka u dhaxeeya labada qowmiyadood. Gelinkii dambe ee shalay ayuu dagaal sidaan oo kale ah uu dhexmaray labada Qowmiyadood, waxaana madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida laga dalbaday inuu arintaan xal ka gaaro. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
WAFDIGII UU HOGAMINAAYAY GUDDOOMIYAHA BAANK DHEXE EE SOMALILAND OO KULAMO LA YEESHAY SHIRKADO MAALIYADEED IYO CALANKII SOMALILAND OO LAGA TAAGAY XARUMAHOODA. Wafdagii uu hogaaminaayay Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland ee u anbabaxay dalka Ingriiska aya kulamadoodii ugu horeeyay la qaatay qaar ka mid ah shirkadaha waawayn ee Maaliyadeed ee ka hawl gala dalka Ingriiska. Wafdiga ka socday Somaliland waxa si diiraan usoo dhaweeyay Madaxdii shirkadaha ay la kulmeen waxaana calanka Somaliland ee towxeedku ku xardhanyahay laga barbartaagay Calanka dawladda Ingriiska , taaso muujinaysa meeqaamka iyo ixtiraamka ay Somaliland ku leedahay fagaarayaasha caalamka , inkasta oo aanay weli ictiraaf buuxa helin. Ujeedooyinka ugu waawayn ee Wafdigu ugu baxeen dalka Ingriiska waxa ka mid ah inay cilaaqaad lasoo sameeyaan baananka caalamka , aqoon korodhsi iyo inay la kulmaan Baanka Dhexe ee Ingriiska. Wafdiga oo saddex cisho ku sugnaa Magaaladda London, waxay u sii gudbi doonaan magaalooyinka Manchester iyo New Castle halkaaso oo ay kulamo muhiim ah kula yeelan doonaan shirkado Maaliyadeed oo xaruntoodu tahay magaalooyinkaas . Halkan ka Daawo Muqaalka Warkaas:- Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in shirar kala duwan kadib dib loo dhigay doorashada Koofur Galbeed oo la filayay in 17 bishaan ay ka dhacdo magaalada Baydhabo. Qaar kamid ah xubnaha guddiga doorashada Koofur Galbeed ayaa sheegay in muddo 10 maalin ah ay ku darsadeen guddiga si loo dhameystiro dhamaan shaqooyinka ka harsan doorashada Koofur Galbeed. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ujeedada ugu weyn ee waqtigaasi loogu daray doorashada ayaa ah in lasoo dhameystiro xubnihii dhawaan iska casilay xubinimada guddiga doorashada. Sidoo kale waxaa la filayaa in dhamaan xildhibaanada baarlamaanka ay dib ugu laabtaan magaalada Baydhabo si ay u dhageystaan khudbadaha musharixiinta Koofur Galbeed, iyadoo ay ka horeyso diiwaan gelinta dhamaan musharixiinta Koofur Galbeed. Maanta ayaa la filayaa in xubnaha guddiga doorashada ay ku dhawaaqaan muddo kordhinta 10-ka maalin ah, waxaana arinta ay ka dambeysay kadib kulan saacado qaatay oo dhex maray sii haya xilka guddoomiyaha baarlamaanka iyo xubnaha ka haray guddiga doorashada. Xaaladda siyaasadeed ee doorashada Koofur Galbeed ayaa isbadashay waxii ka dambeeyay markii uu iscasilay Shariif Xasan Sheikh Aadan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Mudanayaasha Aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Arbacada maanta kulan ka yeelanaya u codeynta ku noqoshada miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2018. Ajendaha kulanka ayaa ah u codeynta ku noqoshada miisaaniyadda 2018 oo ay soo diyaarisay wasaaradda Maaliyadda iyo aqrinta saddexaad ee hindise sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka. Dood dheer oo xildhibaannada Golaha shacabku ay Isniintii ka yeesheen ku noqoshada miisaaniyadda 2018 ayay ku soo bandhigeen talooyin kala duwan oo ku saabsan ku noqoshada qodoba ay kamid yihiin xuquuqda iyo mushaharka ciidamada dowladda ee saddexda bilood ee u dambeeya sannadkan 2018. PUNTLAND POST The post Golaha shacabka oo mar kale u codaynaya miisaaniyadii 2018 appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Dowladda Soomaaliya ayaa Su’aalo adag weydiiyay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle. Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa weydiiyay wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Sababaha keenay in wasaarado muhiim ah laga jaro dhaqaalo badan kuwo kalana lagu siyaadiyo, waxaana uu Tusaale usoo qaatay wasaaradaha Gaashaandhiga, Caafimaadka iyo Dastuurka oo laga jaray ku dhawaan 4 Milyan oo doolar. Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sidoo kale Su’aal Muhiim aheyd weydiiyay wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya taasi oo ku saabsan halka la marsiiyay 50 Milyan oo doolar oo Sacuudiga ugu deeqay Soomaaliya. Wasiir Beyle ayuu sheegay inay horey qoraal ahaan u weydiiyay halka dhaqaalahaasi la geeyay, uuna kusoo jawaabay in 30 Milyan lagu daray Miisaaniyadii Sanadkii 2017, 20 ka Hartayna ay ku jirto Banka Dhexe ee dalka, balse hadda lacagta uu baarlamaanka u gudbiyay inay ku cadahay in 10 Milyan lagu daray Miisaaniyadda 2018, 10 Ka kalana ay maqan tahay. Hadalkaasina uu yahay mid is Khilaafaya, maadaama uu horey u sheegay wasiirka in 20 Milyan Bangiga Dhexe ee dalka ku jirto, haddana uu sheegayo in 10 Milyan wali aan Sacuudiga laga helin, waxaana xildhibaanka uu sheegay in loo baahan in la cadeeyo halka ay wax ka qaldan yihiin. Ugu dambeyn Xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaa sheegay in loo baahan yahay in la cadeeyo halka laga keenay dhaqaalaha badan ee loo qeybiyay xildhibaanada baarlamaanka Koofur Galbeed oo muddo lagu hayo magaalada Muqdisho. Xildhibaanka oo ka hadlayay Kulanka Baarlamaanka ayaa sheegay in loo baahan in waqti badan la siiyo hagaajinta hanaanka maaliyadda, islamarkaana horey xildhibaanada aysan ka ansixin sharciyadda loo keeno. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Manama (Caasimada Online) – Xubin ka tirsan qoyska boqortooyada Baxreyn ayaa dacwad looga gudbiyey inuu bixin waayey $33 million; lacag lagu sheegay in ay ahayd heshiis lala galay ganacsade reer Masar ah, si uu ugu diyaariyo kulammo uu la yeesho jilaayaasha filimada hindiga ee loo yaqaan Bollywood. Sheikh Hamad Isa Ali Al Khalifa, oo ah ina adeerka boqorka Baxteyn ahna mid aad u xiiseeya filimada Bollywood-ka ayaa lagu eedeeyey in uu dib uga gurtay heshiis uu la galay ganacsade si uu ula kulansiiyo 26 jilaayaal Bollywood ah, sidaas waxaa qortay jariiradda Financial Times. Waxaa la sheegay in Al Khalifi uu ogolaaday in uu ku bixiyo kulan walba uu la qaato jilaa $1.5 million iyada oo uu ku darayo $500,000 oo gunno ah kulan walba oo saddexaad. Ganacsadaha reer Masar, Ahmed Adel Abdallah Ahmed waxa uu sheegay in uu heshiis 26 Jilaa oo uu magacyadooda Khalifa hayey la galay, sida laga soo xiganayo gal dacwadeed loo gudbiyey Maxkamadda Sare ee London, labada shaqsi waxa ay galeen heshiis laakiin Ahmed waxa uu sheegay in uu $3 million ka helay, $33-kii million loo ballan qaaday. Al Khalifa waxa uu yiri: “Aad ayaan uga niyad jabsannahay in qof aan saaxiib mooday uu sheegashadan la yimaado. Waan aaminay markii uu Ahmed igu yiri waxaan ku barayaa Jilaayaasha Bollywood-ka ee aan ku daydo. Wixii intaa ka dambeeyey Ahmed waxa uu iga raadiyey lacag badan. Marka laga yimaado in aan waaggii hore deeqsi u ahaa. Ma aqabalayo in uu jiro qandaraas labadeena u dhexeeyey, kaba saar meesha mid gaar ahaa oo la hakiyey. Waxaan aaminsanahay in sheekashadan aysan sal iyo baar lahayn, waan iska difaaci doonaa.” Kiiskan meeqamka sare leh waxa uu bilaaban doonaa arbacada, halka Shiekh-kha toddobaadka dambe isaga iyo caawiyihiisa ka soo muuqan doonaan maxkamadda. Sida laga soo xiganayo Financial Times, ma jiro Xiddig Bollywood ah oo marqaati furi doonaa kiiskan madaniga ah oo la filayo in uu shan toddobaad qaato. Ahmed waxa uu sheegay in uu dhawr kulan u diyaariyey kalantigiisa iyo Jilaasha Bollywood-ka gaar ahaan kuwooda ugu caansan sida Shah Rukh Khan iyo Salman Khan oo ka dhacay Mumbai bilowgii 2016. Hase ahaatee, Ahmed waxa uu sheegay in Shikeh-kha ka baxay heshiiskii oo uu dalbaday wakil kale in uu u diyaariyo la kulanka 13 kale oo xiddigaha Bollywood-ka ah. Al Khalifa waxa uu beeniyey in uu siiyey Ahmed liis 26 magacyo ah balse waxa uu ogolaaday in uu ganacsadaha u diyaariyey shan kulan oo xiddigaha Bollywood-ka ah. Maxkamadda Sare waxaa la sheegay in ay sanadkii hore ay xukuntay in kiiska lagu qaado London halkii la tegi lahaa Baxreyn maxaa yeelay Ahmed waxa uu Caasimadda ku lahaa xiriiro ganacsi. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Turkish Airlines waa in ay ka wal washaa soo laabashada diyaaradda Africa ugu dhakhliga iyo faa’idada badan ee dooneysa in ay kordhiso saameynta ay ku leedahay qaaradda. Ethiopian Airlines waxa ay dib u bilowday duullimaadyaddii Muqdisho kaddib afartan sano in ka badan oo ay ka maqneyd. Diyaaradda Ethiopia waxa ay joojisay duullimaadkeedii Muqdisho, Somalia 41 sano ka hor kaddib makii uu dagaal ka dhex qarxay labada dal toddobaatanaadkii. Dagaalka taariikhiga ah ee Ogaden oo dhacay Luulyo 1977 ilaa iyo Maarso 1978 waxa uu ahaa mid ku saleysnaa xuduud iyo ol’ole siyaasadeed waxa uuna labada dal dhex dhigay cadaawad kala jaray iskaashigoodii dhaqaale. Sidaas oo kale waxa ay kala qabsatay Eritrea iyo Itoobiya, waxa ay curyaamisay xiriir walba oo dhexmari lahaa labada wadan muddo dheer. Khilaafka siyaasadeed ee noocaas ah waxa uu saameeyey qaar ka mid ah wadamada Africa koritaankooda iyo horumarkooda halka uu dhaqaalahooda xaalad xun gaadhsiiyey oo ay sabab u tahay is fahan waagga. Hase ahaatee, wadamada Africa is bedel ayey wadaan iyaga oo doonaya in ay mustaqbal wanaagsan u dhisaan muwaadiniintooda. Maadama Turkish Airline ahayd midda qura ee caalami ah ee ka shaqeysa Muqdisho, dib u bilowga Addis Ababa iyo Muqdisho duullimaadjooda ee diyaaradda Ethiopia waxa ay tartan adag ka dhex abuuri doontaa qeybta socdaalka. Ethiopian Airlines waxa ay caddeysay in aysan jirin diyaarad kale oo Africa ah oo kula loolanta xuduudaha iyo qaaradda. Sida ay soo xigatay barta African Exponent, maareeyaha Ethiopian Airlines Tewolde Gebremariam waxa uu yiri: “Duullimaadka Muqdisho waa keennii 117-aad kaddib muddo ka badan 40 sano…taas waxaa lagu gaaray nabadda iyo saaxiibtinimada ka dhalatay Geeska Africa. “Duullimaadka tooska ah ee Somalia waxa ay xoojineysaa dalxiiska, ganacsiga iyo maalgashiga, waxaan qorsheeneynaa in aan bilowno diyaaradaha xamuulka oo aan gaarsiinno duullimaadka maalin walba ama laba jeer maalintii. “Hore ayaan u qiimeynay in Muqdisho nabad tahay oo hadda ammaan tahay. “Duullimaadyadeenu sida dhaqso leh ayey ku laba jibbaarmi doonaan marka loo eegoo isu socoda labada dal ee walaalaha ah iyo isu socdodka Somalia iyo inta kale ee dunida.” Ka hor Ethiopian Airlines, Turkish Airlines waxa ay macaash badan ka sameyn jirtay duulimaadka Muqdisho, oo ahaa midkeeda ugu qaalisanna kuna kici jiray ku dhowaad 2,500, maadaama hadda tartan soo wajahay waxay ku qasbanaan doontaa inay macaashkeeda yareyso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Halkan ka aqriso qeybihii hore ee qormadan. Fakhri iyo Shaqo la’aan Dhalinyarada Dalka soomaaliya wuxuu ka mid yahay dalalka caalamku ugu faqiirsan. Qiyaastii ay baxsheen 2017kii hay’adda caalamiga ee dhaqaalaha qaabilsan ayaa tilmaameysa in 65.6% bulshada soomaaliyeed ay noolyihiin xaalad dhaqaale oo faqri lagu tilmaami karo. Hay’adda qaramada midoobey u qaabilka isku xirka gargaarka ayaa sheegaysa sanadkaan 6.5 milyan oo ku nool soomaaliya ay u baahan yihiin gargaar bani’aadaminimo. Waxaa kale oo la qisayaa in 70% dadka soomaaliyeed ka yar yihiin da’da sodon (30) sano jir, iyadoo 67% dhalinyarada soomaaliyeed ay yihiin shaqo la’aan islama markaan ay haystaan dhibaatooyin dhaqaale iyo waxbarasho la’aan. Xaaladdaan murugada leh ee ay ku noolyihiin dhalinyarada soomaaliyeed, ma keenin oo keliya duruufo qalafsan oo soo wajahay dhalinyarada, laakiin waxay sidoo kale caqabad weyn ku noqotay soo celinta nabadda, amniga iyo dowladnimada soomaaliyeed. Dhibaatooyinka ay keentay shaqo la’aan dhalinyarada iyo faqriga bulshada wey badan yihiin, laakiin kuwa ugu dardaran waxaa ka mid ah: Dhalinyarada oo lagu adeegto: faqriga iyo shaqo la’aanta baahansan ayaa waxay dhalinyarada u nugleeysay in kooxdaha dambiileyaasha ay sideey doonaan ka yeelaan dhalinyarada. Kooxdaha hubeysan iyo kuwa ku ka shaqeeya danaha dowladaha iyo ururada doonaayey inaan dalku degin ayaa waxay qortaan ama hawlgashadaan dhalinyarada shaqo la’aanta ee la jahowareersan dhaqaale iyo rajo xumo. Colaad iyo Dhimasho: dhalinyarada soomaaliyeed ayaa waxay noqotay buriska ama dubaha ugu weyn ee loo adeegsado burburinta dalka. Waxaan dhalinyarada loo balanqaadaa mustaqbal ifaaya iyo nolol ka wanaag mid ay ku jiraan, laakiin marka hore ay tahay inay ka qeyb-qaataan dagaalo ay in badan naftooda ku waayeen ama ka dhaxlaan curyaanimo/naafonimo joogta. Dagaaladdaan dhalinyarada loo adeegsado, ayaa waxaa inta badan laga leeyahay dano shaqsi ama kooxeedna, mana jirto wax faa’iido ah oo ay dhalinyaradu ka helaan. Tahbriib iyo naf-halignimo: duruufaha nololeed iyo shaqo la’aanta haysata dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa ku kaliftay in badan inay qaadaan go’aan halis ku noloshaada iyo mustaqbalkooda. Rajo la’aan iyo faqrigu wuxuu dhalinyarada ku khasbaa inay dalkooda ka tahriibaan oo u badheedhaan khataro aad u badan oo ay ku jiro jirdil, xabsi, madax furasho iyo dhimasho. Arrintaan ay dhibaato ku ah nabadda dowladnimada soomaaliya maadaama dalku waayayo xoog iyo maskax badan oo uu baahi weyn u qabay. Dambeelanimo: dhalinyarada shaqo la’aanta ah ayaa waxay si fudud gacanta ugu galaan kooxo dambiileyaal ah oo aan naxariis lahayn. Kooxahaan ayaa waxay dhalinyarada u adeegsadaan fal dambiyeedyo ay ka mid yihiin burcadnimo hubeysan, kala gudbinta iyo ka ganacsiga maandooriyaasha iyo argagixisanimada. Arrintaa yaa keentay in badan oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah manta ku jiraan xabsiyo dalal shisheeye, iyadoo qaar badan oo ka mid ahaa dhalinyaradaas la dilay halka tirada dhabta ah ee ku jirta xabsiyada shisheeye aan cidina ogeyn. la soco qeybta xigta oo ku saabsan Fakhri iyo Shaqo la’aan Dhalinyarada, insha allah. W/Q: Dr Cabdullaahi Maxamed Xersi (Qorax). Dr. Qorax, waa aqoonyahan ku takhasusay cilmiga nabadda iyo xalinta khilaafyada haystana shahaada PhD da. Wuxuu ku noolyahay magaaladda Nairobi, dalka KenyaEmail: abdullahi.qorah@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Maxamed Amiin Cali Xaaji uu ku geeriyooday Wabiga kadib Sharad “Isxujeysi” uu la galay wiil kale. Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in labada wiil oo dhalinyaro ah ay Sharad ku galeen in dabaal ay uga gudbi doonaan dhinaca kale ee Wabiga, Ruuxii gudbi waayana uu weyn doono Mobeyl Smartphone ah. Maxamed Amiin wuxuu deganaa Xaafadda Waaberi Irdoole ee degmada Balcad, waxaana uu ahaa 18 sano jir, sida dadka deegaanka ay sheegeen. Maxamed Amiin ayaa ku geeriyooday Wadiga kadib markii Biyaha ay qaadeen, waxaana la waayay meydkiisa, walow la sheegay in markii dambe la helay. Ciidamada amaanka degmada Balcad ayaa xabsiga dhigay wiilkii kale ee la tartamayay Maxamed Amiin, iyadoo dadweyne badan ay iskuugu soo baxeen goobta ay joogeen wiilasha dhalinyarada ah. Waa dhacdadii ugu horeysay oo degmada Balcad ka dhacda Sanadkaan, Wabiga ayaa aad u buuxay, iyadoo xiliyadaasi oo kale ay jiraan halis kale oo wabiga ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com