-
Content Count
206,963 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Stories of bandits arrested after attempting to contact their former victims are by no means uncommon, but for American journalist Michael Scott Moore, it was a terrible flashback of the two and a half years he was held hostage by Somali pirates. One of the kidnappers, Mohamed Tahlil, was arrested in New York in the United States After Adding Ex-Hostage to Facebook. The story appears in criminal documents related to the arrest of the pirate, which happened in recent months, at a date also unspecified. Many snippets of the report were suppressed, but it is known that the conversation lasted for months and involved the exchange of images and information not only about the criminal but also about other pirates involved in the abduction and the days that the reporter passed under the yoke their. Tahlil approached the victim identifying himself as a “friend” and claiming to want to talk to him. The journalist acknowledged the former guard for the only available view image in the profile and described the conversation as kind and humorous, sometimes written in poor English and sometimes in Somali, with Moore using an online translator to communicate. Moore was kidnapped in January 2012 in the town of Galkayo, more than 600 km from the capital of Somalia, Mogadishu. He was working on a report on piracy when he was captured, spending the next two years under the captivity of the kidnappers, having been transferred between different locations and spent some time offshore on a pirate ship with other hostages. Souvenirs of the captivity are part of the official document, such as Moore’s comments about breaking his wrist during capture, and handing over items such as pens, books, medicines and cookies by the guard, acts seen as a sign of good faith. It is not known, however, what the kidnapper was doing in New York or how the conversations contributed to its location. According to the chat, still, much of the original pirate group killed each other because of disputes over dividing the $ 1.2 million paid as a ransom to Moore. According to the investigation, the report coincides with the information of the death of some pirates in a dispute for money soon after the release of the journalist. As part of the conditions, the criminals also demanded a letter signed by then-US President Barack Obama that they would be acquitted of any consequence of the abduction. Tahlil is being held without bail and has been indicted for crimes such as kidnapping, hostage-taking, conspiracy, and others, and may face life in prison. Moore said he was not as happy as he could imagine with the kidnapper’s arrest and the news of the deaths of other criminals involved in his two and a half years in Somalia. His book on the case, The Desert and the Sea: 977 Days Arrested on the Pirate Coast Somali, a free translation, was released in the United States in July and is not yet available in Brazil. The publication, as well as Moore’s own testimony to the FBI after his release, are cited as providential investigations into pirates and crimes committed by them against American citizens, common targets of kidnapping because of the high dollar value in the country. The post Somali Pirate Arrested After Adding Ex-Hostage to Facebook appeared first on Shabelle. View the full article
-
Mudanayaasha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay ku noqoshada miisaaniyadda dowladda sannadkan 2018. Ku noqoshada miisaaniyadda 2018 ayaa waxaa si wadajir ah usoo diyaariyay wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya iyo guddiga maaliyadda ee Golaha shacabka. 153 mudane ayaa ogolaaday ku noqoshada miisaaniyadda, 2 xildhibaan ayaa diiday, waxaana ka aamusay 3 xubnood oo kale. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle oo kulanka ka hadlay ayaa golaha shacabka ugu mahad celiyay sida wanaagsan oo ay u ansixiyeen. PUNTLAND POST The post Golaha shacabka oo ansixiyay ku noqoshada miisaaniyadda 2018 appeared first on Puntland Post.
-
Magacaabista Dr.Yassiin Faraton ee wasaaradda arrimaha Dibeddu waxay buuxinaysa waax wayn oo dawlad Wanaagga Somaliland ka maqna intii ka dambaysey Madaxwyne Cigaal ka iyo Rayaale. Aragtida Somaliland State ma aha in loo arko mid ku kooban beesha dhexe. Waxaa loo baahanyahay in loo arko mid ka kooban dhamman beelihii Somaliland ka koobnaan jirtey muddadii Gumaysiga Ingiriiska. Maanta haddii la xasuustay taas maanta waa ilaahay mahaddii. Waxana loo baahan yahay in la ogaado oo si buuxda loogu dhaqmo u sinaanshaha dhamman wasaaraddaha hal-bowlaha ah (ee dunida ilbaxa ah) looga Yaqaan : “Sovereign Ministerial Posts”, sida wasaaradda Arrimaha Dibadda, tan Gudaha, tan Maaliyada, iyo sida Guddoomyiha Maxkamada Sare, Xeer ilaaliyaha guud, taliyayaasha ciidamada iyo dhamman madaxda Hay’adaha loo yaqaan “Sovereign State institutions’’, af Somaliga lagu odhan karo Manaasibta ‘’Siyaadada dawladnimada’’. Arrinka oqoonsi raadintu waxuu ku xidhan yahay oo sharddi u ah in beelaha Somaliland laga wada dhex arko dhamman maamul qaybsiga iyo dhuuni qaybsiga. Aqoonsiga Somaliland halkaas bu ku xidhan yahay ee yaan meelo kale laga raadin lagana doonin. By Adam Muse Jibril adamjibril@gmail.com Source
-
(SLT-Jabuuti)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Geele iyo xukuumadiisa, ayaa u qaadan la’ sida ay dawladda Soomaaliya ee Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uga hoos dustay islamarkaana ay xidhiidh siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed ula bilowday dalka Ereteriya oo ay Djibouti ka dhaxayso colaad guun ah oo aan weli xal loo helin. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, ayaan qayb ka ahayn siyaasadda ay wadaan Madaxweynaha Ereteriya Issias Afawerki, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo iyo Raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed. Madaxweyne Geele, waxa Soomaaliya ka jooga ciidamo kala duwan oo loo yaqaano Hiil walaal, waxaana intaas dheer taageero dhinacyo kala duwan ah oo ay Djibouti la soo garab taagnayd Soomaaliya tan iyo sannadkii 1991. Laakiin Madaxweyne Farmaajo wuxuu hadda soo dhawaystay Madaxweyne Afawerkiga Ereteriya oo uu weliba dalbaday in cunaqabtaynta tobanka sannadood saarnayd laga qaado. Sida ay laanta Afka Soomaaliga ee BBC shalay baahisay dawladda Djibouti waxay filaysay in arrimaha Soomaaliya lagu tixgelin doono, waxna laga weydiino doono. Waxay kaloo ka filaysay Soomaaliya in ay kala tashato wixii go’aan ah ee ay ka qaadanayso arrimaha mandaqadda iyo isbeddellada socda. Labadaba waxay u muuqdaan in aanay dhicin, oo uu Madaxweyne Farmaajo jid cusub jeexday. “Gaar ahaan tan dambe waxay ka cadhaysiisay Jabuuti oo cadhadeeda si ficil ah u muujisay ka dib markii ay safiirkeeda Soomaaliya ka fadhiya u yeedhatay.” Sidaas ayay BBC ku tidhi warbixinteeda. Safiirka dawladda Djibouti u jooga Muqdisho Dr. Aadan Xasan Aadan ayaa wakhtigaas BBC u sheegay dareenka Djibouti “Annagu waxaan ka sugaynay Soomaaliya inay annaga iskaaya barbar taagto, oo ay tiraahdo, haddii ay oranaysaba, ‘Jabuuti dhulkeeda Eritrea ha ka kacdo, maxaabiista walaalaheen ah ee reer Jabuutina ha la sii daayo’, laakin inay tiraahdo Eritrea cunaqabataynta ha laga qaado, waxaan u aragnaa walaalahayo is barbartaag ay isbarbar taageen ciddii naga gardarnayd, taana ma ahayn mid aan filanaynay” ayuu yidhi safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan Xasan Aadan oo BBC u warramay. BBC, waxay sheegay Inkastoo Madaxweynaha Soomaaliya uu booqday Jabuuti, waddooyin diblomaasiyadeedna loo maray in la dhayo dhaawaca soo gaadhay xidhiidhka labada dawladood, misna weli ma cadda heerka lagu tilmaami karo inuu maanta joogo xidhiidhkaasi. Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu booqday dalka Djibouti, waxa ay madaxda Djibouti diideen inay shirjaraa’id u qabtaan wada jir Madaxweyne Geele iyo Madaxweyen Farmaajo oo ay rayul caamka u bandhigaan in la dhayay khilaafkii diblomaasiyadeed ee labada dhinac. Mid ka mid ah baraha bulshada ee laga maamulo Muqdisho oo sanduuq twitter ah ayaa si weyn loogu weeraray toddobaadkan Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, iyadoo ay ku eedaynayaan inuu ka soo horjeedo isfahamka wadamada gobalka Geeska Afrika oo ay sheegeen inay madaxda Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya barwaaqo gaadhsiinayaan shucuubta bariga Afrika. Source
-
Dunida Umad iyo dal waliba waxa ay leeyihiin qaab dhismeed nololeed oo ka midho rogta tiirarka mabaadiida’ dhaqan kooda, diintooda iyo siyaasadooda gaarka ah; isla 3dan ayey badankoodu waafajiyeen nidaamyadooda dimuqraadiyada ama hanta goosadka ku dhisan , tanina waa ta keenta kala duwanaashaha danaha iyo qaab xisaabtanka umadaha dunida. Somaliland waxa ay u baahantahay dimuqraadiyad ku dhisan dhaqankeena, diinteena iyo siyaasadeena gaarka ah oo dhamaantood u baahan faham fog oo qoto dheer si hanashada dalka iyo dadkuba u habsami u hanaqaadaan. Tallo siinta Dadweynaha iyo wasiir abgaal: Malahayga xaqiiqda dhabta ee magacaabistii madaxweynaha ee u dambeysay ku dhisnayd waxa ay tahay sida tan : Waxa aan arkaa in booskasta oo uu madaxweynuhu magacaabo , xilka -kaqaado ama uu u badalo meelkale ay ku dhisantahay isku darka 3 arimood : 1) xikmad siyaasadeed oo mudeysan 2) dhaqan u eegid haboon 3) muhiimada iyo mudnaanta xilkaasi , goobtaasi iyo qofkaasiba leeyahay iyadoo loo eegayo xil-doone kasta cuudka, cududka , baaxada beesha iyo muhiimada deegaanka iyo meesha ay degaani leedahay. Magacaabistii madaxweyha ee u dambeysay waxa ay ku dhisnayd sabab dhaqan iyo dan siyaasadeed oo hada taagan darteed oo kala ah sidan: 1).Magacaabista wasiirka maaliyada hada iyo horeyba waxa ay ku dhisnayd sabab dhaqan oo ah : dhaqan ahaan waxa maaliyada iyo hantida loo dhiiban jiray 3 dumar ah mid kood, oo kala mudnaa, ku waasi oo kala ahaa 1. Sodohdaa, hadaaney jirin 2. hooyadaa, hadaaney jirin 3. gabadhaada; kaalintaa waxa ku jirey wasiirkii hore ee maaliyada oo ka soo jeeday beesha guud madaxweynaha hooyadii , imikana kaalintaa waxa ku jira wasiir sacad oo ka soo jeeda beesha xaaska weyn ee madaxweynaha; waxase ka sii wanaagsaneyd in wasiiradani ahaan la haayeen qof dumar ah oo kaalintaa buuxin kara halka rag ay ka yihiin hada iyo horey intaba. 2).Magacaabista Wasiirka arimaha Dibada: waxa ay ku dhisantahay xikmad siyaasadeed iyo dan wakhtigeedu ooganyahay sabankan la marayo, siyaasada arimaha dibada si qolof rid iyo jilid fiican loogu sameeyo ayey muhiim u noqotay in loo magacaabo masuul sare oo ka soo jeeda Gobolka Sool, maadaama uu xaalku yahay ( Hawl Nin kaa xigo iyo arin Nin kaa xigo midna laguma degdego ) arimaha geeska afrika maanta ka socda ee isirka soomaali ninka u ciyaarayaa noqday Farmaajo, Ninka ugu yaraan Xan la xogsado ka keeni kara waxa uu noqday Wasiir Faratoon , waayo Faratoon ayuun baa Farmaajo shax ahaan maanta inagaga aadmi kara !! haday noqoto waxa socda iyo hadey noqoto wada-hadalada Somaliland iyo Somalia dhexmari karaya intaba. Tallo siinta Khadar Sh.C/Laahi : Gudoomiye khadar Sheekh C/laahi waxa aan leeyahay sxb waan kula dareemi karaa xanuunka hayeeshee , Hadal aamus baa u dawo ah, xilka qaadistaada sharafteedu waa aamusnaan, aniga oo aan difaac kaa xigsaneynin madaxweynaha waxa aan filayaa in madaxweynuhu ka xishooday in magaca aabbahaa Sh.C/Laahi Sh.Cali Jawhar qiimaha iyo qaayaha uu leeyahay qoyska reer sheikh Cali Joohar iyo tixgalin gaara oo ay u hayaan madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ay u quudhi kari waayeen ku qorista warqad xilka-qaadis ah magacyadani karaamada leh; adiga ayaana lagaa rabaa in aad sirtaasi fahanto wallaal. Arinta tacabka aad sheegtay ee ku jirtay hadalkaagii wallaal qofkasta oo muwaadin ah oo aad ku jirto adigu tacab ayuu dalka galiyey haba lagu kala badnaadee, balse qoys ahaan reer Sh.Cali Jawahar tacabkooda dalkoo dhan baale, gaar ahaan Awdal gaar ahaan Ba’ Doobiro , gaar ahaan Bahaber Cabdale , waxa aan aad u rajeynayaa in qof kale oo Bahaber Cabdale ah badal lagaaga dhigo adigana waxkale oo ka sii wanaagsan ayaan kuu rajeynayaa insha’allah. Dr.khadar -Libaaxley dr.khadar05@gmail.com gargorey4@gmail.com Regional political analysts 11/14/2018 Source
-
Abwaan gabyey baa yidhi; aduunyadu waa silsilad socotoo wareegta subaxba waa ceeyne, waa qoraal aan doonayo inaan dadka somaliland u iftiimiye cadeemo buuxa, oo ku kaceen muuse biixi inta racsan , isla markaana dadka tuseysa siyaasada qalfsan ama guracan ee muuse biixi. WAA GABEY GABEY KA HADLAYA SOO GUDBINTA XOGTA DHABTA AH IYO XALADA DHABTA AH EE KA JIRTA DALKA SOMALILAND. Waa maanso hadii aad dhagutid ama dhageystid ku iftimiseya dulmiga iyo xogta dhabta ah ee ka jirta dalka somaliland, waad og tihiin dalka somaliland iney xidhmeen, 378 dukaan oo ahaa kuwii asaaska nolosha , hadey tahey , bakhaaro ama gacansto bagaashaka iibiya iyo tukamada iibiya waxayabaha asaasak ah ee lagu nool yahey, dallkiiba wuu hadaraban yahey wale, markaa si aan taas dadka u tuso waxaan soo qaatey gabey la yidhaado garacwatdii domaliland, gaawracato waa gabey gowracya dadka dalka dhacaya, waxeyna u hiilineysaa dadka laga gardaran yahey ee lagu hayo dulmiga. Gar ilaahey nimankey bulshadu garabka moodeeyso. waa sida gamuusha iyo xagaag geed cidlaa yaalee guumanaha iney naga jareen garaba meeysaane. garaad la wayasheey dhibey noo guntimanaayne iilaheene iney guranyaaba garabameey saaane waa ganacsi iyo gooxo aanu gilibku saarneyne caqligoo la gooyiyoo dulmiga gacan la siinaaayo diintoo la gaasiraayoo googa laga doortey. garsoorkoo intuu geed tagey xaajo guruufeeyey gudiga oo gaanka iyo riyaga oo ganacsaduhu eebshey oo geela ninkii dhab u lahaa gabi banaan taaga. god dhibaato iney qodayaaan garabeeysaane. godobtiyo rafaadkiyo fidmada garabka u saran. goowrashada dhamaadiyo rabashada guusha fileeynsa. Guurtida badhkeed baa nadey guurdarada taale. haduunbaan garwaaq siin ninkii gibi ka sarnaaye. colaadaha nakala gaabiyeey ee wali gowwda heeyne Gashiga iyo eedaha gudbane laga gardiidaaayo. CIDA nagu garqaatiye na galisa guurtida iyo baarlmaka au badane. Waa guruub guumasigii ka daran gallaada ahaaye. waa guruub go,aan koodu yahey maal uun soo gura ee waa guruub geesiga ka jaceyl kii la goowracaye. iney goows wax kale goobayaan garabeysaane. WALAAL gabeygan waxuu ka ahdlaya iney muuse iyo inta haya,adood ee dalka kira hadey tahey, parmalka aama guurtida, iyo dhamaan yahada dalka dohan sida policeka iyo dawoladaha hosoe aay wada yihiin tuug. SUaashu waxey tahey somaliland halkaad u soctaa? goormaad dantaada garan. waxa qorey fuaad maxamed qawdhan arimaha bulshada london mr_qawdhan@hotmail.co.uk facebook fuaad qawdhan tel 00447383135563 thanks ilaaheybaa mahadleh. Source
-
Two prominent U.S. senators expressed alarm on Tuesday about the military and political consequences if China gains control of a port terminal in Djibouti, and said they were concerned it could further boost Beijing’s influence in East Africa. In a letter to Secretary of State Mike Pompeo and Secretary of Defense Jim Mattis, Republican Senator Marco Rubio and Democratic Senator Chris Coons said they were concerned about Djibouti’s termination of a contract for the Doraleh Container Terminal with United Arab Emirates-based DP World in February and the nationalization of the port in September. Reports that Djibouti, heavily indebted to Beijing, would likely cede the port’s operations to a Chinese state-owned enterprise were “even more alarming,” they said. The letter was the latest in a series of efforts by members of Congress who want to counter China’s growing international influence, which they see as a threat to U.S. economic and security interests. Trump has been focusing on the economic threat from China and has brought the two countries to the brink of a trade war, but many lawmakers want to ensure the administration also treats the country as a security threat. A tiny nation strategically located at the entrance to the Red Sea on the route to the Suez Canal, Djibouti became home to China’s first overseas military base last year. A U.S. base located just miles away stages operations against Islamic State, al Qaeda and other militant groups. Rubio and Coons sent Tuesday’s letter as lawmakers returned to the Capitol for the first time in several weeks after congressional elections on Nov. 6. Asked for comment, a Pentagon spokesman said the Defense Department welcomed infrastructure and other investment that could benefit the region, but added “countries should be wary of piling on monumental debt.” A State Department spokesman had no immediate response. The Senate last month passed legislation overhauling the way the federal government lends money for foreign development, in a shift meant largely as a response to Chinese influence. U.S. officials say they worry about what they call China’s “debt trap” diplomacy, in which countries end up giving up control of major assets such as ports or roadways when they fund infrastructure projects with Chinese loans that they cannot pay back. Marine General Thomas Waldhauser, the top U.S. military officer for Africa, told a Congressional hearing earlier this year the U.S. military could face “significant” consequences if China took the port in Djibouti. The post U.S. senators alarmed if China gets control of Djibouti port appeared first on Shabelle. View the full article
-
Ahead of the upcoming presidential election in Somalia’s South West State, a senior United Nations official today urged all stakeholders in the poll to act in accordance with established rules for the balloting in order to promote a free, fair and transparent vote in the state’s regional assembly. “We have a stake in the election in the sense that we want to see a credible one, (but) we don’t support any particular candidate,” the UN Secretary General’s Deputy Special Representative for Somalia, Raisedon Zenenga, said in Baidoa, the interim capital of the South West State. “We are there to support the process and make it more transparent and more credible so that the result is not contentious and is accepted widely,” he added. While in Baidoa, the UN official met with senior federal and state government officials, as well as a dozen presidential candidates. Mr. Zenenga began his visit by meeting Abdulkadir Sharif Shekhuna, the Speaker of the South West State regional assembly who was named interim president following the resignation of Sharif Hassan Sheikh Aden last week. He emphasized the world body’s stance of impartiality in his discussions with Mr. Shekhuna, who will oversee the voting in the state legislature, and other key officials and stakeholders. Members of Mr. Zenenga’s delegation also met with six clan elders from the Federal Member State. The balloting is scheduled to take place in the state’s 149-seat regional assembly on Saturday, 17 November, but the resignation of most of the members of the election’s organizing committee earlier this month has cast doubt on the timing of the vote. “The date is not a priority for us – the priority is to ensure that a proper process is followed and that all stakeholders are consulted.” Mr. Zenenga emphasized. “Our role is to support the Somalis, who own and lead this process, to ensure that the election is free, fair and devoid of violence.” The state’s former president Sharif Hassan resigned on 7 November and withdrew from the upcoming election, citing widespread interference in the poll. The UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) has previously called on all parties and stakeholders in the federal member state’s presidential contest to work together and avoid any actions that could spawn conflict or undermine the integrity of the electoral process. UNSOM also recently accepted an invitation from the South West State government to assign election observers who will monitor the voting for possible irregularities. During his meetings today, Mr. Zenenga offered the resources of the UN to conduct capacity-building workshops for members of the election organizing committee, with a focus on their duties and responsibilities. The post UN deputy envoy calls for free and fair election in Southwest state appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada Amniga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku soo dhigay Xubin ka tirsan Argagixisada Daacish, sida uu sheegay Taliska NISA. War kooban oo kasoo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in qabashada Dhagar qabahan ka tirsan Daacish ay dhantaaleyso marinada dhaqaale ee ISIS maadaama uu u qaabilsanaa kala gudbinta Dhaqaalaha. “Ciidamada Amniga ayaa fiidnimadii xalay oo ku beegan 13-ka Nofembar 2018, Magaalada Muqdisho kasoo qabtay shakhsi Ururka ISIS ee Soomaaliya iyo Xagjirka wadamada kale ka jira u kala gudbin jiray dhaqaalaha, Qabashada shakhsigan ayaa dhantaalaysa marinada dhaqaale ee ISIS”.ayaa lagu yiri war kooban oo lasoo dhigay Twitterka NISA. Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka waxaa ka socda Howgalo ay wadaan Ciidamadda Hay’adda nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka iyagoona gacanta kusoo dhigay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad qorsheynayay inay waxyeelo u geystaan Shacabka Soomaaliyeed. Caasimadda Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
-
Warbixin dheer oo ay soo saareen Somali and Eritrea Monitoring Group (SEMG) ayaa lagu sheegay in hubka soo gala Soomaaliya loo adeegsado qaab siyaasadeed, waxaana laga digay in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey uu Muqdisho ka qaado cunaqabateynta hubka mustaqbalka dhow. Warbixintan waxaa ku jirta in dowladda Soomaaliya ay ku guul-dareysatay inay hubka ka xakameyso gacanta ganacsatada iyo kooxaha kale. Qoraalkan, waxaa kale oo lagu sheegay in Soomaaliya aaney u hoggaansamin cunaqabateynta hubka ee saaran, waxaa intaas dheer in laga waayey xogta rasmiga ah ee la xiriira hubka iyo rasaasta ay dowladda keensato, waxaa ay diiday Villa Somalia inay Qaramada Midoobey arkaan meelaha hubka yaalaan, iyada oo la ogaaday in hubka ay dowladuu leedahay suuqyada u iib-geeyaan saraakiil ciidamada ah(kuwoo hoose iyo kowoo sare), mas’uulyiin xukuumadda ka tirsan. Hubka oo lala baxo, iibintiisa gaar ahaan kuwa keydan sida nooca RPG-7, waxaa ay caqabad ku tahay xasiloonida siyaasadeed, taasi oo sii adkeyneysa qeybinta iyo dusinta hubka ay aad ugu sareyso gudaha Soomaaliya. Hubka Ay Dowladdu Heshay: 20,000 Sida ku qoran warbixinta SEMG, dowladda Soomaaliya waxaa ay heshay ilaa 20,000 oo qori iyo 75 million oo rasaas ah, oo ay ku jiraan 70,000 oo ah RPG-7, waxaa kale oo warbixinta ay su’aal ka keentay inay kala badan yihiin hubka loo ogolyahay dowladda Soomaaliya inay hesho kadib markii laga qafiifiyey cunaqatabeynta hubka iyo midka rasmiga ah ee ay heystaan ciidamada xoogga dalka. Kooxdan waxaa ay sheegeen in 21 Konteenar oo hub ah oo ay ku jiraan nooca Soomaalida u taqaanno “Baasuukaha 7” la geeyey gudaha Villa Somalia bishii May 2018, waxaa sidoo kale loo diiday SEMG inay soo arkaan. Warbixinta Qaramada Midoobey waxaa ku jirta in hub ay lahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya ay gacanta u galeen ganacsato iyo kooxo hubka ka ganacsada oo jooga magaalooyinka Mogadishu, Baydhabo iyo Dhuusamareeb. Qoraalka UN-ka waxaa ku jirtay oo kale, in hub lagu qabtay kooxo ka tirsan Al-shabaab oo joogay gudaha Kenya ay ahaayeen hub ay lahaayeen ama ay aheyd inay yaalaan bakhaarada ciidamada dowladda. Ugu dambeyntii, Qoraalkan UN-ka, waxaa lagu sheegay in hubka dowladda Soomaaliya ay halis ugu jiraan in la qaato ama la xado, oo aaney xakameyn Karin, waxaa ay tusaale usoo qaateen wixii ka dhacay xerada Gordon, oo markii la jabsaday oo qoriga AK-47 lagu iibsanayey $1,000. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay ku noqoshada miisaaniyadda dowladda 2018. Ku noqoshada miisaaniyadda 2018 waxaa si wadajir ah usoo diyaariyay wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya iyo guddiga maaliyadda iyo miisaaniyadda ee Golaha Shacabka. 153 xildhibaan ayaa ogolaaday, 2 xildhibaan ayaa diiday, waxaana ka aamusay 3 xildhibaan. Wasiirka Wasaaradda Malaiyadda ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle oo kulanka ka hadlay ayaa golaha shacabka ugu mahad celiyay sida wanaagsan oo ay u ansixiyeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Xasan Cali Kheyre ayaa guul u rajeeyay ciyaaryahanada 23-jirada dalkeena Soomaaliya oo maanta la dheelidoona dhigooda Ethiopia kulan ka tirsan is reeb reebka ciyaaraha olimikada aduunka oo lagu qabandoono wadanka Jaban “Waxa aan guul u rajaynayaa xulkeena kubbadda cagta kulanka ay la yeelanayaan dhigooda Ethiopia,dhamaan shacabka,mas’uuliyeenta iyo qarankaba way idin garab taaganyihiin”waxaa sidaas lagu soo qoray barta twitter-ka ee xafiiska Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre Wasiirka Arimaha Dibada iyo iskaashiga Iskaashiga Caalamiga dowlada Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa isna xalay kulan dhiiri gelin ah magaalada Addis Abba ee Ethiopia kula qaatay ciyaaryahanada iyo tabarayaasha matalaya Soomaaliya,isagoo sheegay in laga sugay natiijo wanaagsan madaxda dowladana ay garab taaganyihiin xulka Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada xukuumada Khadiija Maxamed Diiriye ayaa iyadana barteeda twitter-ka kusoo qortay qoraalkan “Xulka Qaranka 23-Jirada ka yar guul baan u rajeynayaa ciyaarta manta Inshaa Alla” Dowlada ayaa garab istaag iyo soo dhaweyn u samaysay xidigaha 17-jirada ee kaalinta labaad ka galay tartankii Bariga iyo Bartamaha Afrika ee ka dhacay dalka Burundi Bishii April 2018 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Warbaahinta kooxda Al-shabaab ayaa baahisay warbixin ku saabsan mid ka mida raggii fuliyey qaraxyadii ka dhacay Hotelka Saxafi Jimcihii 9-ka Novembar 2018. Ninkan oo wareysi lala yeeshay markii uu isu diyaariyey weerarka ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Aadan Mursal oo ku magac dheeraa (Axmed Guduud), wuxuuna kasoo jeedaa beesha Hadamo gaar ahaan jufada Liksi ee degta gobolka Bakool, isagoo ku dhashay degmada Rabdhuurre ee Bakool. Ninakn ayey Alshabaab baahisay taariikhdiisa iyo sida uu kooxda ug biiray, isagoo ka hadlay sababaha keenay inuu is-miidaamiyo, waxaana caado u ah Alshabaab inay baahiso magacyada iyo dardaraaranka is-miidaamiyeyaasha fuliyo qaraxyada waaweyn. Weerarkii Hotel Saxafi ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 52 ruux, waxaana ku dhaawacmay 106 ruux oo dhamaantood ahaa dad shacab masaakiin ah, waxaana loo adeegsaday saddex gaari oo qaraxyo sida. Caasimadda Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa codsi rasmi ah u gudbisay Urur Goboleedka Ganacsiga ee Bariga Afrika oo ay dooneyso in ay xubin ka noqoto. Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Tanzania Mohamed H. Abdi , ayaa waxaa uu dalkaas kula kulmay Xoghayaha Guud ee Ururka Ganacsiga Bariga Afrika Liberat Mfumukeko. Kulanka ayaa lagu soo bandhigay codsiga Soomaaliya ee ah ku biirista Ururka Ganacsiga ee ay ku wada jiraan inta badan Waddamada Bariga Afrika. Liberat Mfumukeko, ayaa sheegay in dhamaadka Bishan Novermber ay khubarro qiimeyn ku sameeya xaaladda Soomaaliya ee xubin ka noqoshada ururkan iman doonaan Soomaaliya. Xeerarka ururkan waxaa ka mid ah in dalka xubin ka noqonaya ay ka jirto dimuqraadiyad,dowlad Wanaag,u hoggaansanka sharciga, dhowridda xuquuqda aadanaha, iyo qodobo kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Warbixin dheer oo ay soo saareen Somali and Eritrea Monitoring Group (SEMG) ayaa lagu sheegay in hubka soo gala Soomaaliya loo adeegsado qaab siyaasadeed, waxaana laga digay in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey uu Muqdisho ka qaado cunaqabateynta hubka mustaqbalka dhow. Warbixintan waxaa ku jirta in dowladda Soomaaliya ay ku guul-dareysatay inay hubka ka xakameyso gacanta ganacsatada iyo kooxaha kale. Qoraalkan, waxaa kale oo lagu sheegay in Soomaaliya aaney u hoggaansamin cunaqabateynta hubka ee saaran, waxaa intaas dheer in laga waayey xogta rasmiga ah ee la xiriira hubka iyo rasaasta ay dowladda keensato, waxaa ay diiday Villa Somalia inay Qaramada Midoobey arkaan meelaha hubka yaalaan, iyada oo la ogaaday in hubka ay dowladuu leedahay suuqyada u iib-geeyaan saraakiil ciidamada ah(kuwoo hoose iyo kowoo sare), mas’uulyiin xukuumadda ka tirsan. Hubka oo lala baxo, iibintiisa gaar ahaan kuwa keydan sida nooca RPG-7, waxaa ay caqabad ku tahay xasiloonida siyaasadeed, taasi oo sii adkeyneysa qeybinta iyo dusinta hubka ay aad ugu sareyso gudaha Soomaaliya. Hubka Ay Dowladdu Heshay: 20,000 Sida ku qoran warbixinta SEMG, dowladda Soomaaliya waxaa ay heshay ilaa 20,000 oo qori iyo 75 million oo rasaas ah, oo ay ku jiraan 70,000 oo ah RPG-7, waxaa kale oo warbixinta ay su’aal ka keentay inay kala badan yihiin hubka loo ogolyahay dowladda Soomaaliya inay hesho kadib markii laga qafiifiyey cunaqatabeynta hubka iyo midka rasmiga ah ee ay heystaan ciidamada xoogga dalka. Kooxdan waxaa ay sheegeen in 21 Konteenar oo hub ah oo ay ku jiraan nooca Soomaalida u taqaanno “Baasuukaha 7” la geeyey gudaha Villa Somalia bishii May 2018, waxaa sidoo kale loo diiday SEMG inay soo arkaan. Warbixinta Qaramada Midoobey waxaa ku jirta in hub ay lahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya ay gacanta u galeen ganacsato iyo kooxo hubka ka ganacsada oo jooga magaalooyinka Mogadishu, Baydhabo iyo Dhuusamareeb. Qoraalka UN-ka waxaa ku jirtay oo kale, in hub lagu qabtay kooxo ka tirsan Al-shabaab oo joogay gudaha Kenya ay ahaayeen hub ay lahaayeen ama ay aheyd inay yaalaan bakhaarada ciidamada dowladda. Ugu dambeyntii, Qoraalkan UN-ka, waxaa lagu sheegay in hubka dowladda Soomaaliya ay halis ugu jiraan in la qaato ama la xado, oo aaney xakameyn Karin, waxaa ay tusaale usoo qaateen wixii ka dhacay xerada Gordon, oo markii la jabsaday oo qoriga AK-47 lagu iibsanayey $1,000. Caasimadda Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
-
In Xukuumadu Xaddidaa Xilliga Waa Xalka Tir-tiraya Tumashadii Ka Taaba Gashay Dalka’ Gaar ahaan Hargeisa. • Go-Gol Xaadhka Qormada: Adolf Hitler Ayaa Dagaalkii Labaad ee Dunida Duullaan Ku qabsaday Dalka Faransiiska. Intaa Kadib Ayuu Dadkii Dhamaan uu Isugu yeedhay oo isugu keenay barxada paris waxaanu U jeediyey Qudbad Saameyn weyn ku yeelatay Dalkaasi faransiiska oo Taariikhda Gashay wuxuu aad u canaantay Faransiiska Tumashadii badnayd ee ay ku jireen awgeed, Hadalkii Uu halkaa ka yidhi Ayaa hal-ku dhigan Dhiganta taariikhda galay Ee dalkaas ilaa haatan ka Damqado ee uu ku yidhi ahaa Sidan ( Reer Faransiisow intaad ku mashquulsanaydeen Cabbirka Naaska Hablaha anaguna cabbirka Dhuunta Qoriga ayaanu ku mashquulsanayn Waana Sababta Aan idiinka Guulaysanay) Sideedaba Dhalinyaro ama Dad Haday tumasho iyo Tiyaayax ku Foogan yihiin Ma Horu maraan mana Hana Qaadaan. 1886-dii Waxaa la Asaasay Goobtii Ugu horeysay Ee Night Club kaasoo lagu magacaabo Webster Hall waxaana Laga Hir geliyey Gudaha maraykanka’ Sanado kadib waxaa la dhisay Meelo badan oo habeenkii lagay caweeyo’ Markii uu maraykanku Dareemay Inay tahay Wax aan faa’iido u lahayn anshaxa Bulshada Waxaa La mamnuucay Goobaha habeenkii lagu caweeyo’ kadib markii dadkii Hawshan ku fooganaa Dhulka hoostiisa ka sameeyeen Goobo lagu caweeyo waxay Dawladu Gacan adag ku qabatay Maamulidii goobahaasi Iyadoo Xadiday Wakhtiga Waxaanay Ka qaaday cashuuro xoogan Keliya ilaa maanta waxaa taga dhulkaas dad xun-xun Oo Cambaarysan, Waanay sii dabar-go’ayaan goobahaasi, Guud ahaan Dunida. Hadaba maxaa inoo diiday inagoo bulsho 100% muslima Inaynu Xadidno oo xakamayno Xumaanteena, Maxay dadka Qaar Arinkaa u taageersanyihiin uguna Dhaliilayaan xukuumada’ Mise talow waxay Hog-seegsan yihiin Dareenkan U damqashada Dalkeena ee Xakamihii Xayada ka Xaydaya Xayntan Tumanaysaa iyo u Damiir bislaanta Diinteena. • Gudo-Gal Hargeisa Waxaa Beryahan Dambe Laga Bineeyey Hotelo Bilayaal ah oo Boqolaal Gaadhaya’ Kuwaasoo Bilic iyo Bidhaan Wanaagsan Kusoo Kordhiyey Muuqaalka Iyo Mitaawada Dalka, Se Waxaan Been ahayn In Hotelada Qaarkood Ku duuganyihiin Kuna Dahaadhanyihiin Arrimo Xumaan Iyo Xubeero ah’ Waana Goobo Tumasho, Faxsho iyo Fisqi badani Ka jiro, Waxaanay Si dadban U huwanyihiin Magaca Fool-xumada badan ee ( Night Club) ee Koobsanaya Meel-Lagu Tunto Oo Lagu Taqwo-iyo Toobad seegay. Waxaa Jira Goobo Si Cad oo Aan Caad saarnayn Loogu tunto Anigoon Si Gaara Cid u beegsanayn una Bartilmaameedsanayn, Hadana Bulshadu Aad bay ugu Baraarugsanyihiin Goobahaasi. Hoteladan Waxaa lagu isticmaalaa Qaybaha kala duwan ee Maan-dooriyayaasha, Rag iyo Dumarba iyadoo Laysku Dhex jiro, Laguna Tigaadayey Tiirarkii Diinteena ee Tilmaamayey Kala Taganaanta Dumarka iyo Raga, Hadaba Waxaa Hoteladaas Xumuhu Ka Tis-qaaday ee Caadiga iyo Caadada ka Noqday Ku Curdin dha-dhay Oo Ku Caar-Caaray Hablo Badan oo ahaa Cawlkeenii iyo Cisigeenii, Waxay Galeen Xabaasha Belwad-bariisinka Iyagoo Jiifsaday Iilka Xayo, xurmo, iyo Xeerin, La’aanshaha. Waxayna Ku mabeen Maal-qabeenada iyo Madax Badan Iyagoo Noqday shaxaadayaal Shilimaysato ah’ oo Sharaftoodii U Tolay Shaadhka Xishood-la’aanta. • Fariinta Uu Xambaarsanyahay Qoraalku. Waxay Xambaarsantahay Qormadani Taageere Xukuumadeed Oo Aan Shuruud Iyo Shaki lahayn. Hadaba Caqliga Saliimka ah’ ee sida Salmiga ah u fekerayaa Waa Ka Taageeraya Muslima ahaan, Muxaafad ahaan, Mucaarad ahaan, iyo Muwaadin ahaanba. Mawqifkan Milgaha leh ee Xukuumadu Ka Dhawaajisay, Ee Xilli Xaddidka iyo Xumo-Xayiraada ah’ Isla markaana Lagu Bad-baadinayo Magoolka iyo Muraayada Qaranka Ee Maan-dooriyaasha Qabatimay ee Haatana Mugdiga Nololeed Fooda Daray. Waxaan qabaa dadka Fikradan Kasoo Hor jeestaa inay yihiin Xumo kal-kaal Ceeb-Dugaashato ah’ Oo aan Dalka iyo Diintaba Lexo jeclo Ka Qabin isl markaan Damiirkoodu Qaydhinyahay W/Q: Fadxi Garaad Ciise. Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Waxaa saacadaha soo socda la filayaa in xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey u codeeyaan qaraar cunaqabateynta lagaga qaadayo Eritrea, iyadoo warbixin laga dhageysan doono Guddiga la socodka cunaqabateynta saaran Soomaaliya iyo Eritrea. Xubnaha 15-ka dal ee Golaha Ammaanka ayaa loo soo jeedin doonaa qaraarka cunaqabateynta lagaga qaadayo Eritrea, waxaana kaliya u baahan tahay 9 cod. Qaraarka cunaqabateynta hubka lagaga qaadayo Eritrea ayaa waxaa soo gudbisay dowladda Ingiriiska oo ka mid ah xubnaha joogtada ee 15-ka dal ee Golaha Ammaanka, isla markaana ah 5-ta dal ee codka qayaxan ee VETO ku leh Golaha. Eritrea ayaa rajo weyn ka qabto in laga qaado cunaqabateynta saaran ee dhinaca hubka, socdaalka, hantida iyo kuwa kale, waxaana Eritrea ka bixi doontaa go’doonka ay ku jirtay sagaalkii sano ee la soo dhaafay. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sanadkii 2009 cunaqabateyn ku soo rogay Eritrea, kaddib markii lagu eedeeyay inay hub siiso ayna taageerto Al-Shabaab, isla markaana diiday xal u helidii muranka xuduuda ee u dhaxeeyay iyaga iyo Jabuuti. Is bedelka ka dhacay Gobolka iyo Itoobiya ayaa albaabada u furay inuu caadi ku soo laabto xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee Itoobiya iyo Eritrea, kaddib 20 sano oo colaad u dhaxeysay. Dhinaca kale Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobeya ayaa sanad kale ku kordhin doona cunaqabateynta saaran Soomaaliya, waxaa la filayaa in la gaarsiiyo 15 November sanadka 2019. Source
-
Qaran News
-
Xulka Ethiopia ayaa ciyaar xiiso badan la leh xidigaha 23-jirada ee dalkeena Soomaaliya waxayna ciyaartan ka dhacaysa magaalada Addis Abba oo ay xulkeena gaareyn 10-kii bishan November Labada xul waxa ay wada ciyaaridoonaan kulan ka tirsan is reerbka ciyaaraha olimikada aduunka oo 220 lagu qabandoono magaalada Tokoyo ee dalka Japan waxayna xulkeena sameeyeen tababaro kala duwan tan iyo bishii October,iyagoo garoonka Jaamacadaha saddex waqti ku qaatay tababaro adag Ethiopia iyo Soomaliya ma ahan markii ugu horeesay oo ay wada ciyaarayaan kulamo ka tirsan qaarada Afrika,balse waxaa labada dhinac kawada dhaxeeyo xifaaltan adag maadaam labada wadan ay daris yihiin “Si wanaagsan ayaan iskugu diyaarinay kulankan xiisaha badan waxaa inaga go’an in aan guul usoo hooyno taageerayaasheena oo marlaba jecel wada guulaha,balse kubbaddu waxa ay lee dahay saddex heer anagana waxaan diyaar u nahay in aan qaadno midii ina soo gaarta”waxaa sidaas Goobjoog Sports uga waramay Ciise C/qaadir Ibraahim oo ah kabtanka xulka 23-jirada Soomaaliya Da’yarada Soomaliya iyon Ethiopia ayaa bishii April ee sanadkan kuwada hardamay ciyaarayaha 17-jirada Bariga iyo Bartamaha Afrika ee ka dhacay Burundi inkastoo Soomaaliya ciyaartaas laga adkaatay hadana Ethiopia waxaa laga qaaday dhibicii iyo goolashii ay dhalisay sababo ku aadan in ay soo safatay ciyaaryahan ka da’weyn 17-sano waxaana xulka Ethiopia lagu ganaaxay Lacag dana 15-kun oo dollar “Xulka Ethiopia waxa uu caan ku yahay qayaanada da’da ama (Age Cheating),balase aniga ma qabo in sidaas samaynaynaa kulankan sababtoo ah ciyaartii u danbeesay ee labad wadan dhax martay waxaa ogtahay in Ethiopia lacago faro badan laga ganaaxay aniga ahaa waxaa ii muuqda diyaar xoogan oo ay labada dhinac sameeyeen waxaa Goobjoog Sports u sheegay C/Wali Colaad Qanyare (Gaatamow) oo ugu ciyaaray xulka qaranka iyo kooxda Banaadir SC Ogeysiiska Kulanka Tartanka:-Is Reeb Reebka Olimkada Dalalka-Ethiopia VS Somalia Taariikhda:-14-11-2018 Maalinta:-Arbaco Xiliga Ciyaarta:-3:30pm Daawashada Kulanka: – azamtv Tanzania Garoonka:-Addis International Stadium Halkaan Ka Daawo Falanqeyn Ku Saabsan Ciyaarta Adag Ee Soomaaliya Iyo Ethiopia W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ay kala direen kooxdii Dabagalka Cunaqabateynta hubka ee saaran dalalka Soomaaliya iyo Eritrea. Wararka ayaa intaasi ku daraya in golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay inay go’aamiyeen kala dirista guddiga oo 10 kii sano ee u dambeeyay arimahaan ka shaqeynayay, waxaana la go’aamiyay in Dalka Eritrea Cunaqabateynta laga qaado. Eritrea ayaa u baahan Sagaal cod oo kamid ah 15 cod ee xubnaha golaha amaanka, iyadoo kadib laga qaadi doono Cunaqabateynta hubka ee Saaran Eritrea, waxaana loo codeynayaa maanta. Eritrea ayaa cunaqabateyntan la saaray sanadkii 2009kii,markaas oo lagu eedeeyay in ay faragelin ku heysay dalalka deriska la ah sida Jabuuti iyo Soomaaliya oo lagu eedeeyay in ay AL-shabaab taageerto. Eritrea ayaa diiday dhamaan eedahaas,waxaana Qaraar Qabyo ah oo ay soo gudbisay Dowladda Ingiriiska la isku raacay in maanta cunaqabateynta Hubka,Socdaalka iyo dhaqaale laga qaado Eritrea. Guddiga la kala diray ee Monitoring Group loo aqoon jiray ayey Golaha amaanka ku beddeleen Guddiga Khubarrada Soomaaliya oo kali ah (Panel of Experts on Somalia). Guddiga SEMG ee la kala diray ayaa la socon jiray dhaq dhaqaaqa cunaqabateynnada Saaran Soomaaliya iyo Eritrea,waxaa sidoo kale ay wax ka qori jireen dowladaha sida dadban ama tooska ah ugu lug lahaa maalgelinta Al-shabab. Guddiga cusub ee u gaarka ah Soomaaliya ayaa shaqeyn doona ilaa 15ka December 2019,waxaana uu heystaa muddo xileed Hal Sano ah. Xubnahaan ayaa dowladda Ruushka waxay soo jeedisay in Shan xubnood laga dhigo, halka dalalka kale ay so jeediyeen in lix xubnood la gaarsiiyo, taasi oo dhalisay in tirada guddigan cusub uu noqonayo la isku khilaafo. Caasimadda Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
-
Afgooye ( Sh. M. Network )-Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Maaliyadda ee maamulka gobolka Shabeelaha Hoose C/fitaax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in Isbaarooyin hor leh la soo dhigay deegaano ka tirsan gobolkaasi. C/fitaax Xaaji Cabdulle oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee M/ Muqdisho ayaa xusay in Jidgooyooyinkan Ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya ay soo dhigteen inta u dhexeysa degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Sidoo kale waxaa uu intaasi ku daray guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda ee Sh/ Hoose in ku dhawaad 300 oo Gawaari ah ay ku xaniban yihiin degmada Afgooye ee gobolkaasi. Waxaana uu ugu baaqay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/cod-1-sh-hoose.mp3 The post Isbaarooyin hore leh Oo la soo dhigay Shabeelaha Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Maxkamada Guud ee dalka Itoobiya ayaa shalay booqatey xarumaha Booliska ee ku yaala magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kuwaas oo lagu hayo maxabiis danbiyo kala duwan lagu soo eedeyey Xabsiyada ay booqatey Gabadha madaxweynaha ka ah maxamada guud ee dalka Itoobiya ayaa waxaa ka mid ah Saldhiga uu ku xidhan yahay Madaxweynihii hore ee Somalida Itoobiya Md Cabdi Maxamuud Cumar waxaana uu u sheegay in gobta uu hada ku xidhan yahay ay tahay goob aad u fiican, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Riyadh)-Dhaxal-sugaha Sacuudiag Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay in unug argagixiso oo qorsheeyey inay isaga khaarijiyaan lagu xidhay waqooyiga jasiirad u yaalka Siinaay ee dalka Masar. Wargeyska Jerusalem Post ayaa qoray in Maxamed Bin Salmaan uu xogtan shaaca ka qaaday markii uu la kulmay koox haysata madhabta Evangelical ee Kirishtanka oo magaalada Riyadh booqday kowdii November, ayaga oo ka tegay Mareykanka. Bin Salmaan ayaa sheegay in unugan ay ku jireen dad u dhashay Sacuudiga. “Cadowgeyga waxay qorsheynayaan inay i khaarijiyaan” ayuu Bin Salmaan u sheegay wafdiga Mareykanka, sida laga soo xigtay ,adaxa waftiga Mareykanka Joel Rosenberg, oo ah Israeli-Mareykan, kaasi oo horey ula shaqeeyay ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu. Ilaa iyo hadda wax faahfaahin buuxda ah lagama bixin kooxda uu Maxamed Bin Salmaan sheegay inay doonayeen inay dilaan, balse sida laga soo xigtay Rosenberg, waxa uu cadowgiisa ku sheegay madaxweyne Erdogan, Iraaniyiinta iyo Ruushka. Rosenberg ayaa dhinaca kale sheegay in Bin Salmaan uu u sheegay in dilkii suxufi Jamaal Khaashuqji uu ahaa qalad, islamarkaana la ciqaabi doono dadkii fuliyey. Source
-
Kumannaan ka mid ah shaqaalaha dabdamiska Mareykanka ayaa la tacaalaya dab xoog leh oo ka ololaya qeybo ka mid ah koofurta iyo waqooyiga gobolka California. Ugu yaraan 44 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dabkaan oo lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee soo mara gobolka Califronia. Bulshooyin badan ayaa barakacay, guryo badanna dhulka ayay la sinmeen dhinaca koofureed ee California gaar ahaan deegaannada u dhaw dhaw magaalada Los Angeles. Dabeeylo xawaarahoodu sarreeyo iyo huur aanan sidaasi u badneyn ayaa la sheegay in ay sii hurinayaan dabkan. Source