-
Content Count
208,731 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar__Qubanaha-011218.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Senetor Xuseen Sheikh Maxamuud oo kamid ah xildhibaanada aqalka sare ee kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa si adag kaga hadlay ciidamada la geeyay magaalada Baydhabo iyo arimaha ka taagan magaalada Baydhabo, oo uu sheegay in qorshe halis ah laga leeyahay, si xukunka loogu gacan galiyo shaqsi Xamar laga soo magacaabo Senetor Xuseen ayaa sheegay inay jiraan meelo badan oo u baahnaa ciidamadaasi in la geeyo, isaga oo tilmaamay in wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye looga baahan yahay ciidamadaasi oo aan Baydhabo looga baahneyn. “Waxaa socday waxyaabo badan oo daliil u ah qorshaha xukuumadda ay ku carqaladeyneyso doorashada Koonfur Galbeed, waxaa tusaale u ah ciidamada la geeyay magaalada Baydhabo, ciidamadaasi wadada Afgooye iyo Muqdisho ayaa u baahan”ayuu yiri Xuseen. Wuxuu sidoo kale sheegay in cadaadiska saaran guddiga doorashada Koonfur Galbeed uu sababi karo inay is casilaan, taa badalkeedana dowladda ay dooneyso inay shaqsi ay magacowday geyso magaalada Baydhabo oo doorasho aysan ka dhicin. “Guddiga culees badan ayaa lagu hayaa, waxaa laga yaabaa inay iscasilaan, waxaan aragnaa in halkaasi doorasho xalaal ah aysan kasoo soconin, xukuumadda waxay rabtaa qof ay magacaabatay inay meesha Geyso, waxaana ku baaqeynaa in arintaasi laga waantoobo”ayuu yiri Xildhibaanka ka tirsan golaha aqalka sare. Sidoo kale waxa uu tilmaamay Sanoter-ka in Doorashada Baydhabo ka dhaceysa aysan u muuqan mid wanaagsan,wuxuuna dadka reer Koonfur Galbeed u rajeeyay inay u Midoobaan sidii Doorasho xalaal ah ay u dhici laheyd. Xukuumadda Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay joojiso faragelinta ay ku heyso doorashada Koofur Galbeed, iyadoo 19 Bishan December lagu balansan yahay inay doorasho ka dhacdo magaalada Baydhabo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Jeneral Asad Cismaan Cabdulaahi ayaa maanta oo sabti ah taariikhduna tahay 1da December 2018ka magaaladda Bosaso kaga dhawaaqay inuu u tartamayo doorashada Madaxtinimada Puntland ee 8da janaayo 2019ka . Xaflada si heer sare ah loo soo agaasimay ayuu Gen Asad ku shaaciyay musharaxnimadiisa, xafladda waxaa ka soo qaybgalay Siyaasiyiin, Culuma’udiin, Ganacsato, Aqoonyahano, Abawaano, Haween, dhalinyaro iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Puntland oo isaga yimid dhammaan goboladda Puntland. Jeneraal Asad oo ah nin dadka reer Puntland inta badan maqalkiisa hayeen hase ahaatee ayan arag ayaa saxaafadda iyo Shacabka ka soo hor muuqday. Waxay ahayd wax muddo la dhowrayay oo shacab badan xiiso gaar ah u hayeen araggiisa Khudbad Dheer oo dhinacyo badan taabanaysay ayuu soo bandhigay oo uu kaga hadlay sababaha ku kulifay inuu isu soo sharaxo Madaxtinimada Puntland, Khibradiisa Ciidan iyo Waayo-aragnimadiisa, Xaaladaha kala duwan ee ka jira dalka iyo qayb kooban oo uu ku soo bandhigay barnaamijkiisa Siyaasadeed Jeneraalka ayaa hadalkiisa ku billaabay : “Farriimo badan oo dadwaynaha iiga imanaysay oo ay igaga codsanayaan inaan jagadaan isu soo taago ayaa isoo gaarayay bilihii u dambeeyay ee la soo dhaafay. Waxaad ogtihiin in aanan ahayn qof jecel sawir iyo ha lagaa sheego, ama u xiiqsan xil iyo jago raadin, oo runtii ah mid aan u arko amaano culays badan, xisaab adduun iyo mid aakhirona wadata. Ha yeeshee waxaan ka fursan waayay tixgalinta codsiga bulshadeenna sharafta leh, mar haddii ay kalsoonidaas iyo taageeradaas baaxadda leh ii muujiyeen; waxaana leeyahay codsigiinna waan aqbalnay, mahadsanidiin….. Guulaysta” ayuu yiri, wuxuuna sii raaciyay Musharax Asad, khudbadiisa wuxuu kaloo kaga hadlay dhibaatooyinka bulshada ragaadiyay sida Musuqmaasuqa iyo Faqriga, waxaana uu yiri “Waxaan aaminsanahay la-dagaalanka musuqa, argagixisada,faqriga iyo wixii la midka ah, waxaa kaliya ee aan uga guulaysan karnana wa markaan samaysanno garsoor cadaalad ah oo kan maskiinka ah xaqiisa u dhiciya, kan dulmiga wadana gacan bir ah ku qabta; waa taas wadada aan ku gaari karno horumarka iyo baraaraha, waana nuxurka xadiiskii nabiga NNKH ee ahaa u hiilli walaalkaa hadduu wax dulmiyay iyo haddii isaga la dulmiyayba. (انصرأخاك ظالما اومظلوما).”. Jeneraalka wuxuu farriin adag u diray kooxaha argagixisada isaga oo yiri: “Labada qolo oo ay ii saarantahay calaamadda cas oo aan marnaba heshiin karin waa: muqsuqa ragaadiyay hay’adaha dowladda oo aan u aqaan cadowga aan muuqan iyo cadowga dhul-boobka ah iyo argagixisada” “Haddii alle igu guuleeyo argagixiso heli mayso geed qariya ama god ay ku dhuumato; ganacsato caga juglayn iyo cabsigalin ay baad lacag uga aruursan doonaanna jiri mayso; taako Puntland dhulkeeda ah oo gacan cadow Somaali-diid ah ku sii jiri doontana ma jiri doonto, taasna waa sababta qaybta hore ee halku dhiggeenna uu u yahay (Difaac)”. “Haddii alle ii garto hoggaanka Puntland, talada dalka noqon mayso mid aniga oo madaxwayne ah iga bilaabata iguna dhamaata, waxaan dhidibbada u adkayn doonnaa hay’adaha dowladda annagoo shaqadooda u fududayn doonna, hawl gudashadoodana u madax bannanayn doonno; taasina waa sababta qaybta dambe ee hal ku dhiggayaga aan uga dhigannay (Dowladnimo)”. Gabagabadii Musharax Asad Cismaan Diyaano wuxuu ballanqaaday in barnaamijkiisa siyaasadeed oo dhamaystiran oo faahfaasan la wadaagi doono bulshada reer Puntland maalmaha soo socda, hase yeeshee wuxuu tilmaamay inuu diirada ku saari doono Amniga iyo dib u dhiska ciidanka, horumarinta dhaqaalaha, kobcinta wax soo saarka iyo dhiirigalinta maalgashiga “ waxaan kaloo faahfaahin doonaa Qorshayaashayda ku aadan xoojinta dowlad wadaaga iyo garsoorka, waxaan kaloo ka shaqayn doonaa arrimaha bulshada sida caafimaad, waxbarashada, biyaha iyo korontada, sidoo kale waxaan shaqo abuur u samayn doonaa dhalinayrada, Qorshaha haweenka ayaa ka mid ah barnaamijkayga siyaasadeed” ayuuy yiri Cismaan Cabdullaahi waxaa khudbado ka jeediyay masuuliyiin isugu jiray Siyaasiyiin u tartamayo doorashada, Generaalo ka tirsanaa ciidamada Soomaaliya, aqoonyahano, Culuma’udiin, Madaxda Ururo bulsho, Haween, nabadoono, cuqaal iyo dad kale oo bulshada hormuudkeeda ah, waxay dhammaantood soo dhaweeyeen musharaxnimada Jeneral Asad Cismaan. Asad Cismaan Cabdullaahi wuxuu 14kii sanno la soo dhaafay Madax iyo howldeen ba ka ahaa Ciidamada Xooga Puntland ee PSF, Waa aqoonyahan dhinaca ciidamada iyo maamulka , wuxuuna wax ku soo bartay dalka dibadiisa, waa Daljoog ah oo aan qurbo joog ahayn. PUNTLAND POST The post Jeneral Asad oo ku Dhawaaqay Inuu u Tartamayo Doorashada Madaxtinimada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Somali people are very sensitive and suspicios about all activities of Ethiopia. They see Ethiopia as the number one enemy of Somali people and country. The animosity towards Ethiopia did not result from previous wars only but it is the consequence of Ethiopia’s constant aggression, invasion and political interferences in Somalia. Somali people feel that their country is occupied by land-locked Ethiopia and the aim of this occupation is to takeover Somalia’s territory to gain access to their sea. Every step that Ethiopia takes, no matter how good it seems, is looked with suspicious eyes and branded as ill-intended conspiracy. However, a very small number of Somali people noticed the soft power that Ethiopia has been exercising to influence Somali policies, culture and even the feeling of Somali people feeling towards it. In this short article, I will highlight one of the soft powers that Ethiopia uses as an instrument to change our views towards it and the possible outcome: Higher education. Soft power is the opposite of hard power which is using military power or coercion to change the behavior of a state. The term soft power was coined by the political theorist and Harvard University professor Joseph Nye in 1990. He defined soft power as “to get what you want through attraction rather than through coercion or payments”. According to this theory, it is within the ability of a state to influence other states to behave in ways that fit well with its interests without using force. In line with this, many governments turned this strategy and use education, among other things, as an instrument to reach their foreign policy agendas and Ethiopia has become of them. In recent years Ethiopia has been offering a large number of scholarships to Somali students. In 2018, for instance, Ethiopia offered 306 scholarships to students from Somaliland. Of these 200 are pursuing undergraduate, 100 will continue post-graduate while six will study doctoral programs. Similar number departed from Mogadishu to Addis Ababa for the same reasons which mean nearly 700 Somali students have been awarded scholarships in Ethiopia this year only. Although these scholarship awards are not new, they have increased since 2014 and most likely will continue to rise as the so-called East Africa integration process continues. Sponsorships for individuals for higher education are costly as governments spend tens of thousands of dollars per sponsored student. For example, China announced in this year (2018) that it allocated US$469 million for foreign student scholarships. This sum encompasses tuition fee, monthly stipend and monthly allowance for travel and materials. However, the benefits to the sponsor outweigh the cost as students provide a valuable cohort of alumni who are believed to be asset to the sponsoring country. Governments have several aims for offering scholarships to foreign students including attracting talented students who will contribute to the development of the sponsoring country after graduation as well as the internationalization of their education systems. But the most important aim and common denominator that all sponsoring governments share, is to promote their global image and build a lasting and close relationship with the intended countries. For this reason, many of the emerging and developing countries such as China, Brazil and Turkey paid a significant attention in the internationalization of their education systems through scholarships in recent years. Turkey, for instance, adopted this strategy and invested heavily in sponsoring foreign students and succeeded in its primary goals.Bulent Aras & Zulkarnain Mohammed (2018) who examined the success of Turkish scholarship programs write “Educational exchange plays a significant role in diffusing the state’s cultural values and developing a pool of intellectuals who the state can, to some extent, rely on as it moves to build and strengthen relationships with governments across the globe.” They further asserted that the majority of the students reported that they were satisfied with the Turkish education system thus recommending others to study in Turkey. Some scholarship programs are designed for training future leaders of other countries by recruiting only those who have already shown high quality of professionalism and outstanding leadership talents. For example, the aim of Chevening scholarship programs which are run by UK’s foreign office is, in their words, “to support foreign policy priorities and achieve FCO objectives by creating lasting positive relationships with future leaders, influencers, and decision-makers.” Other Western countries run similar programs which they are reaping its fruits today. In 2018, 155 of the serving presidents, prime ministers and monarchs in the world were educated in the USA, (58), UK (57) and France (40). Furthermore, over 95% of the awards are in the fields of humanity such as history, philosophy and anthropology. These subjects are prepared in the light of the sponsoring government’s aims. In addition to the language, students are familiarized with the culture of the sponsoring country thus, developing loyalty and profound love in that country. In some cases, students are exposed to certain ideologies or they may even be deliberately indoctrinated. For example, young Somalis who were sent to Eastern or Western countries with either capitalist or socialist ideologies embraced these conflicting ideologies. Similarly, those who had an opportunity to further their studies in Saudi Arabia and Egypt in the 1970s embraced two opposing Islamic creeds and schools of thought. Therefore, when they return home with the acquired knowledge and personal relations, they started transmitting the language and the cultures of the countries they had studied. They built groups and sub-subgroups of alumni based on commonalties for example. With the help of the countries they studied, each group promoted their newly embraced ideology and sometimes resorted to using force to reach their aims as happened to those indoctrinated in the Arab countries whose effects are still lingering. Nothing wrong with studying in foreign countries. Students, in addition to the acquired knowledge, gain social capital which they bring back and add valuable contribution to the development of the country when they study in other countries. Also, it is not a bad thing for countries to use soft power to seek closer cooperation and lasting relationship with others. In deed that is what our world needs today and possibly it would make our world a safer place to live. However, there are hidden and dangerous elements coupled with these free scholarships. Governments, in addition to the indoctrination mentioned above, instill spy agents in universities to recruit foreign students who study in their countries. This practice is old and well known among the universities, academics and secret services. Secret agents mostly target young one who have no previous experiences and developing their views. “People are most pliable in their late teens and early twenties, when they’re young and inexperienced. It’s easy for someone trained in the art of manipulation to steer them in a direction they’re already inclined, or help convince them it’s what they intended all along.” says Chris Simmons, a former counterintelligence officer at the U.S. Defense Intelligence Agency, the Pentagon’s intelligence arm. He adds “Most if not all spy services view universities as a prime recruiting ground.” There is no question that Ethiopia will attempt to recruit some of these students as spy agents. It may even support them to get jobs in the defense, finance or other important government institutions to gain access to Somalia’s main institutions and influence its policies and relations with other countries. The view that some Ethiopian paid agents work in Somali government institutions is common among the Somalis and many high-ranking government officials are accused of being Ethiopia’s pay role. Although unproven, these are visible people whose relationships with Ethiopia were known before they joined the government. It would be different when a thousand young graduates who all studied in Ethiopia and speak Amharic return home and start working in our institutions every year. Imagine if a thousand Ethiopian educated Somali youth come to the country every year over the next two decades! What culture will they bring back? What their views towards Ethiopia will be. At best they unknowingly transmit Ethiopian culture and language to the younger generation thus passing positive image of Ethiopia to them and eventually produce a generation who are Somalis in blood and appearance but Ethiopian in test, opinion and intellect. This will eliminate the fear and the suspicion that Somalis have against foreigners in general and Ethiopia, in particular, which have allowed them to protect their borders against Ethiopia’s invasion and fulfil its expansionistic strategy. At worst, some will be recruited as agents and work for Ethiopia’s interest and undermine Somalia’s efforts to achieve its development goals. My aim is not to advocate stopping Somali students going to Ethiopia for higher education. Somalia desperately needs skilled and educated workforce. There is a huge skill gap in every sector and the country has no capacity to educate and train the people it needs. Therefore, any support from any country should be appreciated. However, government and those in positions of offering jobs in sensitive areas should be aware of the dangers posed by foreign countries educated students. In addition, the public should understand that their perceived enemy employs different strategies to win their hearts and minds. Hence Ethiopia’s scholarships should be seen as another strategy that Ethiopia is using to dominate Somalia and achieve its expansionistic ambitions. W/Q: Ibrahim Aden Shire Ishire86@gmail.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markale weerar afka ah ku qaaday, oo aflagaadeeyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo shaaciyay hal arin oo Soomaalida ay u kala duwan tahay. Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay inuu dhaliilayo siyaasadda madaxweynaha Soomaaliya ee arimaha Somaliland, isaga oo eedeyn u jeediyay madaxweynaha dalka Farmaajo, oo uu ku sheegay “nin aan caqli lahayn” Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inaysan jirin mideysnaan la’aan Soomaalida dhexdeeda balse ay jiraan kaliya in lagu kala duwan yahay dhanka hogaanka iyo dowladnimada. “Soomaali wey mideysan tahay, dhaqanka ayay ka mideysan tahay, Diinta, Ganacsiga Afka iyo Walaalnimada ayay kamideysan yihiin, kaliya waxaan ku kala duwan nahay xagga xukunka, maxay tahay midnimada kale ee uu raadinayo Farmaajo”ayuu yiri Muuse. Isaga oo sii hadlaya ayuu soo hadal qaaday goorta ay rasmi ahaan wadahadal dhab ah la yeelan doonaan dowladda Federaalka Soomaaliya. “Waxaan la hadleynaa dowladda Farmaajo markuu mideeyo, Xamar, Kismaayo, Garowe, Jowhar iyo Baydhabo, isagoo intaa soo mideyn, ma jirto sabab uu ku yiraa Soomaali ayaan mideynayaa”ayuu hadalkiisii kusii daray Muuse Biixi. Tan iyo markii xiriir wanaagsan uu dhex maray madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha Ethiopia iyo madaxweynaha Eritrea, waxaa qeylo dhaan badan ay kasoo yeertay madaxda maamul goboleedyada oo la moodo in albaabo badan laga soo xiray. Daawo Muuse Biixi Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@Live.com
-
Kuwait (Caasimada Online) – Diblumaasiyiin xog ogaal ah ayaa u sheegay wargeys kasoo baxa dalka Kuwait in xoghayaha Guud ee Golaha iskaashiga Khaliijka uu booqan doono magaalada Doha ee dalka Qatar, isaga oo ka wakiil ah Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan. Ujeedada Booqashada Xoghayaha uu ku tagayo magaalada Doha ayaa ah in Amiirka Dalka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad inuu ku casuumo ka qeyb galka Shirka golaha iskaashiga Khaliijka. Shirka ayaa la qorsheynayay in 9 December uu ka furmo magaalada Damaam ee bariga dalka Sacuudi Carabiga, laakiin xogaha ayaa sheegaya in hadda lagu qaban doono Dalka Cuman, oo tariiq wanaagsan ku leh dhexdhexaadinta khilaafka wadamada Khaliijka. Ujeedada shirka looga badalay magaalada Damaam ayaa ah in lagu dajiyo xiisadda soo bilaabatay sanadkii 2017 islamarkaana la xaqiijiyo guulaha iyo ujeedooyinka shirka laga leeyahay. Dowladda Kuwait, ayaa dadaal badan ku bixisay in shirkaasi la qabto iyadoo ay xaadir yihiin madaxda dalka Qatar, waxaana hadda la doonayaa in xoghayaha guud ee Golaha iskaashiga Khaliijka uu ku qanciyo boqorka dalka Qatar in shirkaasi uu ka qeyb galo. Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Qatar Khaalid Al Jarallah ayaa sheegay in shirka la qaban doono waqtigiisa iyada oo ay ka qeyb galayaan dhamaan wadamada ku bahoobay golaha iskaashiga Khaliijka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynehii hore e Mareykanka George HW Bush ayaa ku geeriyooday gurigiisa ku yaalla magaalada Houston ee gobolka Texas, isaga oo 94 jir ah. Busha waa madaxweynaha kaliya ee Mareykan ah ee taariikhda booqday Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale ahaa madaxweynihii amray in ciidamada Mareykanka ay galaan Soomaaliya December 5, 1992-kii. Bush Sr ayaa ahaa madaxweynehii 41-aad ee Mareykana intii u dhaxeysa 1989-kii ilaa 1993-kii, waxaana waqtigiisa lagu xasuustaa dhammaadka Dagaalkii Qaboobaa, dagaalkii koowaad ee Iraq ee ka dhanka ahaa Sadaam Xuseen iyo faro-gelintii uu ka sameeyey Soomaaliya. Maxay ahayd faro-gelintii Soomaaliya? Hawlgalkii ciidamada Militariga Mareykanka ee Soomaaliya (1992-93) ee qeybta ka aha dadaaladii bili’aadannimo iyo nabad ilaalnta ee ay caalamka Soomaaliya ka bilaabeen xagaagii 1992 waxa uu soo gabagaboobay 1005. Farogalintaas waxaa xigay dagaalkii loo yaqaanay dagaalkii Muqdisho ee dhacay 3-4 October 1993, waxaa ku dhintay 18 ka mid ahaa ciidamadii Mareykanka halka sidoo kale boqolaal maleeshiyo Soomaali ah iyo shacab ay ku dhinteen. Dhacdooyinka horseeday farogalinta sanadkii 1992 waxa ay ahaayeen afgambigii lagu sameeyey kalitaliye Maxamed Siyad Barre oo ay rideen isbahaysi jabhado ah. Waxaa kaddib dagaalamay labadii qab qable ee ugu awoodda badnaa Cali Mahdi Maxamed iyo Maxamed Faarax Caydiid. Bishii Abriil 1992 waxaa Soomaaliya soo gaaray hawlgalkii gargaarka. Hase ahaatee, fulinteeda waxa ay noqotay mid adag taas oo ay sabab u ahayd in maleeshiyaadkii Soomaalida ay tixgalin waayeen xabad joojinta halka ay si ballaaran u dhacayeen una afduubayeen kolonyooyinkii cunta gargaarka ah waday. Madaxweynihii Mareykanka George H.W. Bush (Ee maanta geeriyooday) ayaa u soo jeediyey Qaramada Midoobe in Mareykanka u diro Soomaaliya ciidamadiisa dagaalka si ay u difaacaan shaqaalaha gargaarka. Qaramada Midobe wey aqbashay soo jeedintii Bish, bishii Diseembar 9-keedii 1992, ciidamo gaaraya 25000 oo Mareykan ah ayaa bilaabay in ay soo gaaraan Soomaaliya. Hawlgalkii Ciidamada waxa ay bilowgiiba la kulmeen caqabado. Maqnaanshihii hoggaan qaran oo Soomaali ah iyo dhibaatooyinkii jidadka Muqdisho ka dhacayey maalin walba waxa ay curyaamiyeen hawlgaladdii amniga. Isaga oo aan ku qancin natiijadii hawlgalka, Madaxweynihii cusbaa ee Mareykanka Bill Clinton waxa uu amray in la dhimo tirada ciidamada Mareykanka. Juun 1993 markii la gaaray, 1,200 oo ciidamo Mareykan ah ayaa ku haray Soomaaliya oo gacan ka helayey ciidamo ka kala yimi 28 dal oo kale oo ku shaqeenayey amarka UN-ta. Xaaladdii markii horeba ahayd mid aan xasillooneyn ayaa waji kale yeelatay markii la dilau 24 askarta Pakistan ah oo baaritaan ku waday goobo hubka la dhigo. UN-ta waxa ay si aan rasmi ahayd ugu eedeysay maleeshiyadii Caydiid iyaga oo meelmariyey qaraar dhigayey in la cabsi galiyo kuwii lahaa mas’uuliyadda xasuuqaas. Labadii toddobaad ee xigay, ciidamada Mareykanka iyo UN-ta waxa ay weerarro lagu bartilmaameedsanayo xoogagga Caydiid sameeyeen laakiin kuma guuleysan in ay soo qaabtaan Jananka. Dabayaaqadii Agoosto waxaa Soomaaliya soo gaaray 400 oo ka mid ah ciidamada Raanjariska Mareykanka si ay u soo qabtaan Caydiid. Ciidamada gaarka waxa ay sameeyeen lix hawlgal ilaa iyo bishii Sebteembar waxa ayna ku guuleysteen in ay soo qabtaan qaar ka mid ah xulufadii Caydiid. Oktoobar markii ay 3 ahayd 1993, Mareykanka waxa ay isku aadiyeen isku daygii toddobaad si ay u soo qabtaan Caydiid iyo saraakiishiisii sar sareyd. Hadafka waxa uu ahaa Hotel-ka Olympic ee Muqdisho halkaas oo la qabay in ay ku shirsanaayeen. Hawlgalka oo lagu rabay in lagu soo qabto Caydiid ayaa loogu talagalay dagaal yar oo ay qaadaan ciidamada Commandos-ta Mareykanka halka Ciidamada Mareykanka ee Delta Force ilaaliyaan soonka balse uma dhicin sidii qorshaha ahaa. Mashaqada waxa ay bilaabatay markii la soo riday diyaaradda Black Hawl Down oo hawlgalka qeyb ka ahayd lagu soo riday meel u dhaw Hotel-ka. Ciidamada Mareykanka waxa ay la kulmeen dagaal ba’an. Waxaa la soo riday diyaarad labaad oo Black Hawk Down ah saacad kaddib. Boqolaal dagaalyahanada Soomaalida ayaa soo buux dhaafiyey jidadka sidaasna waxaa go’doon ku galay ciidamada Mareykanka. Kaddib 17 saacadood oo dagaal ah xiriir ah, ciidamadii Mareykanka ee is badbaadinayey waxaa soo badbaadiyey ciidamadii Caalamiga ahaa. Dagaalkaas waxaa ku dhintay 18 askari oo Mareykan ah waxaana ku dhaawacmay 84 kale. Dhinaca Soomaalida, ugu yaraan 300 ayaa dhaawacmay oo ay u badnaayeen shacab dagaalka qabsaday. Walow la qab qabtay Caydiid saaxiibadiis,hadana hawlgalka khasaarihii shacabka ee uu geystay awgeed waxaa lagu tilmaamay mid guuldarreystay. Muddo yar kaddib dhacdadaas Muqdisho, Clinton waxa uu dhammaan ciidamadiisa Mareykanka ka saaray Soomaaliya. Sanad kaddib, Ciidamadii UN-ta xataa waa la saaray, iyaga oo dalka ku dhaafay dagaal sokeeye. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
JOINT PRESS RELEASE Sustained Water Supply for Children and Women of Somaliland European Union and UNICEF Inaugurates Urban Water Project Tog Wajaale, 2 December 2018 – Safe, affordable water is now being delivered to hundreds of thousands of families in areas of Somaliland thanks to a sustainable water system inaugurated today by the Government of Somaliland, the European Union, UNICEF and partners. The Improving Urban Water Service Delivery in Somaliland Project brought together government, private water companies and communities through a Public-Private Partnership (PPP) model to address the water scarcity endured by generations of Somaliland communities. Water systems in four towns – Borama, Burao, Erigavo and Tog Wajaale – were rehabilitated or rebuilt with the generous funding provided by the EU and technical support from UNICEF and partners. Some 800,000 people now have sustainable access to safe drinking water thanks to the concerted efforts. ”Water is a basic right. It plays a crucial role in our lives. We are glad that the people of Somaliland and in particular Tog Wajaale now have access to clean and affordable water. It is a far better alternative to the unhygienic and expensive water previously supplied from the earth dam at the border with Ethiopia,” said Mr Fulgencio Garrido Ruiz, EU Chargé d’Affaires to Somalia. ”We are extremely proud to be here, witnessing this important milestone and the realization of the prayers of so many communities to have access to safe and clean water for the first time,” he concluded. Overall, in Somaliland, 68 per cent of the population have access to a reliable water source. However, the disparity between urban and rural areas is significant. In rural areas, only 28 per cent of households can access an improved water source. For many Somaliland communities, their struggle to get clean water is compounded by poor infrastructure and intensifies in periods of crisis such as the 2017 drought. “Access to safe, affordable and sustainable water was a dream for so many people in Somaliland,” said Jesper Moller, UNICEF Acting Representative. “Today, that dream has finally been realised for many children, women and their families in Somaliland. We are grateful for the government’s strong leadership and the EU’s generous funding in making this huge undertaking a success. This achievement is a true testament to the commitment and hard work of all partners involved, and the courage, resourcefulness and resilience of the people of Somaliland.” Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa sheegay in weerar dhinaca cirka ah oo uu ka fuliyay gobolka Bay uu ku dilay Sagaal [9] kamid ah dagaalamayaasha hubeysan ee Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan ciidanka xooga Soomaaliyeed oo dhankooda ka ka hadlay weerarkaan dhinaca cirka ah oo ka dhacay Jimcadii tuulada buuraleyda ah ee Geelway, ayaa sheegtay in xubnaha lagu dilay ay ku jiraan taliyaal iyo saraakiil tababar. Waa duqayntii 37aad oo uu Mareykanku ka fuliyo Soomaaliya kaliya sanadkaan 2018, kaasi oo ay kaliya bishaan naag xigto inuu dhamaado. Diyaaradaha dagaalka ee wadanka Mareykanka oo weeraro dhinaca cirka ah ka fuliya Koonfurta iyo Bartamaha dalka ayaa inta badan beegsada Saldhigyada iyo xubnaha sarre ee xoogaga Al-Shabaab. The post Mareykanka oo ka warbixiyay duqayn uu ka fuliyay G/Bay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Waxgrad Soomaaliyeed oo kasoo jeeda dhulka Soomaalidu degto ee dalka Itoobiya ayaa baaq nabadeed waxay kasoo saareen colaada udhaxaysa qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada. Caaqil Maxamed Cali Cumar, oo ah caaqilka guud ee beesha Bari oo kamid ah beelaha ugu tunka weyn degaanada lagu dirirayo oo ugu horeyn sharaxaad ka bixiyay sida uu dagaalku ku bilowday ayaa tilmaamay inuu salka ku hayo is-qabqabsi dhuleed. Cumar ayaa ugu baaqay hogaanka dowlad degaanka inay ku baxaan colaada, islamarkaana ay qaboojiyaan dagaaladda, kusoo noqnoqday halkaasi, loona gurmado dadka guryahooda colaadu ka barakicisay. Beesha caalamka ayuu si lamid ah ku tartarsiiyay inay soo farageliyaan xiisadda oo baryihii dambe kasoo cusboonaatay, taasi oo galaafatay nolasha dad badan oo Soomaaliyeed iyo Oromadda dhinacooda. Sikastaba ha ahaatee, colaada Soomaalida iyo Oromadda oo khasaaro kala duwan geysatay ayaa la xiriirta dhulka ay wada degan yihiin labadaan qowmiyadood, kaasi oo uu mid kasta sheeganayo lahaanshiyahiisa. Hoos ka dhageyso codka http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Caaqil.mp3 The post Waxgarad baaq kasoo saarey colaada Oromada iyo Soomaalida appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-011218.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (PP) ─ Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa si rasmi ah u daah-furtay hannaanka wada-tashiga xeer-nidaamiyeyaasha isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya , iyadoo munaasabaddaasi ay ka soo qeyb galeen dhammaan dhinacyada ay khuseyso. Maareeyaha HIQ, Cabdi Sheekh Axmed ayaa sheegay in hannaanka wada-tashiyadu ay yihiin nidaamka ay Hay’addu u mari doonto marka ay soo saareyso xeerar lagu nidaamiyo adeegyada noocyada kala duwan ee isgaarsiinta iyo teknolojiyada, dadweynaha iyo daneeyeyaasha kalena looga dalbanayo inay talooyinkooda ku biiriyaan ka hor intaanan la dhaqan-gelinin. Maareeyaha ayaa intaasi ku daray in Hay’addu soo diyaarisay xeer-nidaamiyeyaal iyo dokomintiyo kale oo ay ka mid yihiin Habraaca Sharciyada (Rules of Procedures) oo qeexaya sida loo soo gudbin karo talooyinka la xiriira xeer-nidaamiyeyaasha, Xeer-nidaamiyaha Lambarrada (Numbering Regulation), Xeer-nidaamiyaha Isku-xirka (Interconnection Regulation), iyo Ogeysiiska Dadweynaha ee Xeer-nidaamiyaha Isku-xirka (Public Notice), Waajibaadka iyo Qaabka ay u ekaaneysoo rukhsadda shirkadaha Isgaarsiinta (License Template – Telecom Company), Jaantuska Qoondeynta Hirarka Qaranka (National Frequency Allocation Table), iyo Tilmaamaha Fasaxa Qalabka electronic ee dalka lagu adeegsanayo (Type Approval Guidelines) oo loogu talo galay in lagu kontoroolo tayada qalabka electroniga ah ee dalka lagu adeegsanayo. “Waxaan dareensanahay in fekerka hay’ad suuqa nidaamisa (regulator) ay dalkeena ku cusub tahay. Waxaa sidoo kale wax cusub ah in hay’addaas ay soo saarto xeer-nidaamiyeyaal dadweynuhu talo ka dhiiban karaan. Sidaasi darteed, waxaan ka codsaneynaa in daneeyeyaasha oo dhan ay soo gudbiyaan talooyinkooda, qaab waafaqsan Habraaca Sharciyada, mana aha oo kaliya inaan dhageysaneyno shirkadaha isgaarsiinta oo kaliya,” ayuu yiri Maareeyuhu. Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Cusmaan Guuleed iyo Guddoomiyaha Guddiga Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka, ayaa labaduba ku bogaadiyay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka inay billowday dhaqan-gelinta Sharciga Isgaarsiinta Qaranka, iyadoo u mareysa xeer-nidaamiyeyaal. Sidoo kale, waxaa halkaasi ka hadlay Wasiiru-dawlaha Maaliyadda, Md. Maxamuud Xayir iyo Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, Md. Daahir Maxamuud Geelle, oo sheegay in wasaaradahoodu ay si dhow ula shaqeeyaan Wasaaradda Boostada iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka maadaama ay jiraan dhinacyo badan oo ay iska kaashan doonaan sida canshuuraha iyo maareynta hirarka, sida uu qabo Sharciga Saxaafadda Soomaaliya oo sheegaya in marka Wasaaradda Warfaafintu rukhsadda siiso shirkad warbaahineed in Wasaaradda Boostadu ay siin doonto shirkaddaas hirarkii ay ku shaqeyn lahayd. Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & iyo Teknolojiyada oo si rasmi ah u furay wada-tashiyadan ayaa ku ammaanay hoggaanka, Guddiga iyo shaqaalaha HIQ sidii ay ugu guuleysteen inay dhisaan hay’ad awood u leh inay gudato waajibka ka saaran nidaaminta suuqa isgaarsiinta. Wasiirka ayaa intaasi ku daray in isgaarsiinta ay ahmiyad gaar ah u leedahay Xukuumaddan maadaama ay tahay mid saameyn ku leh dhammaan qeybaha kala duwan ee dhaqaalaha iyo nolosha dalka. Wasiirka oo arrintaas tusaale ka bixinaya ayaa yiri “shirkadaha waxay ka faa’iidayaan in ay ka baxaan fowdadii suuqa ka jirtay; macaamiisha waxay ka faa’iidayaan inay helaan adeeg wanaagsan sida in shirkaduhu isku xirmaan oo hal taleefoon aad kula hadli karto dalka oo dhan, dawladduna waxay ka faa’iidi doontaa in dakhligeedu uu kordho, kaasoo qeyb ka mid ah dib loogu celinayo suuqa si loogu dhiso kaabayaasha isgaarsiinta,” ayuu yiri wasiirku. Ugu dambeyn, Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee ay saameyn karaan xeer-nidaamiyeyaasha isgaarsiinta iyo teknolojiyada, sida shirkadaha isgaarsiinta dalka oo ay ka mid yihiin: Hormud, SomTel, NationLink, Golis, SomNet, iyo SomLink; Ururka Bankiyada Soomaaliyeed iyo xubnahooda; shirkadaha diiwaangeliya dotSO, shirkadaha telefishinada, ururrada jaamacadaha, iyo wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ee xiriirka la leh xeerarkan. PUNTLAND POST The post Shir looga Tashanayo Hanaanka Xeerarka Is-gaarsiinta iyo Tiknolojiyadda oo Furmay appeared first on Puntland Post.
-
Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni oo ah Musharax u taagan Xilka Madaxweynaha Dowladda Puntland 8-da Janaayo 2019 ayaa maanta lagu soo dhaweeyey Degmada Dhahar ee Gobolka Heyland, waxaana soodhaweyntiisa ka qeybgalay Bulshada Magaalada Dhahar oo si weyn u muujiyey taageerada iyo garab is taaga ay u hayaan Musharax Siciid Deni. Nabadoon Maxamuud Maxamed Saalax oo ka yimid Degmada Xiingalool ayaa sheegay in uu soo dhaweenayo Musharrax Siciid Deni “Marka hore si niyad leh ayaa kuu soo dhaweynay, waxaa Alla kaaga baryeenaa in uu Xilkaan kuugu guuleeyo, si fiican ayaa loo yaqaanaa waxqabadkaaga, maanta waxaad joogtaa waqtigii ku haboonaa oo aad Puntland Hogaamin laheyd”…… Faadumo Maxamuud Yuusuf oo ah Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Heyland oo ka hadashay soo dhaweynta Musharax Siciid Deni ayaa Sheegtay…. “Mudane ku soo dhawoow Gobolka Heyland Magaalada Dhahar, dareen Shacabnimo ayaa kuugu soo dhaweenay, Taageeero buuxdo ayaa ku siinay, Waxaa dooneynaa Albaabka Madaxtooyada in aan cid ku yeelano, dadka wey garanayaan in aad tahay Musharaxa ugu roon, Xildhibaanada waxaa leenahay Codkiina siiya” Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u mahad celiyay dadweynihii kusoo dhoweeyay degmada Dhahar “Marka hore waxaa u Mahadcelinayaa Maamulka Gobolka, kan Degmada,iyo dhammaan qeybaha Bulshada si wacan oo ay ii soo dhaweeyseen, Heylaand waxa ay mudantahay waan garanayaa waxbadan oo aad tabeysaan nin yaqaano ayaa ahay”…. “Aniga Dhagax been ah ma dhigayo laakiin Dalkaan waxbaan ka qabanayaa aniga oo ku talagaleyno waxa aan heysano, Fariinta aad ii dhiibteen sida ay tahay ayaa u qaatay waxaana noqon doonaa mid ka soo baxa”… Musharax Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan iskugu jiray Salaaan iyo Xog wareysi la yeeshay Suldaan Maxamed Cabdullaahi Cartan oo ay ka wada hadleen marxaladaha Puntland iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa Doorashada. Musharaxa iyo Suldaanka oo yeeshay wada hadalada ka dib ayaa Musharaxu wuxuu kulamo layeeshay Cuqaasha dhaqanka,Dhalinyaradda iyo Haweenka oo ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka nagu soo wajahan. Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni waa Musharraxa ugu sameynta badan waxaana taasi keenay Jiilka ka aflaxay Himilooyinka uu dajiyey ayaa jooga meel walbo oo tago. Cabdiqani Boos The post Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni oo lagu soo dhaweeyey Magaalada Dhahar (Sawirro) appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha Puntland ayaa ka jawaabay qoraalkii madaxweyne Gaas uu shalay soo saaray, waxayna soo saareen war-saxaafadeed ka kooban dhowr qodob. Hoos ka aqriso. War saxaafadeed: Annaga oo ah Musharrixiinta madaxweyne ee Puntland doorashada 2019 isuguna jira ku dalka jooga iyo kuwo maqanba, waxaannu kulamo gaar ah ka yeelaney xaaladda Puntland, Doorashada 2019, iyo dhismaha guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadka. Markaan aragnay warqadda ka soo baxday madaxweynaha xilku ka dhammaanaayo ee ku saabsan soo xulidda Xildhibaannada golaha wakiillada. Guddiga Xalinta Khilaafadka iyo Ansixinta Xildhibaanada. Waxaa marag ma doonta ah in soo xulidda xildhaibaannada beelaha sanadkan la gashey khilaaf aan waligii ka dhacin Puntland, taas oo si ku talagal ah uu madaxweynaha talada hayaa u maleegaayo waana wax aan taariikhda Puntland hore u soo marin. Wuxuuna si ku talaggal ah Musharax-Madaxweyne Cabdi-weli Mohamed Ali Gaas u dejiyey in ay xubno badan oo wata liisas is-khilaafsan iyo saxiixyo isimmo/nabadoono kala duwan ka yimaadaan beelo kala duwan, si uu madaxweynuhu ugala dhex baxo kuwa isagu uu rabo. Waxaana u meel marinaaya guddi keligiis uu soo xulanaayo kuna magacaabay: Guddiga Xalinta Khilaafadka iyo Ansixinta Xildhibaanada. Waxaa wax aad looga xumaado ah oo aan sina loo aqbali Karin in qabiil kala sooc ba’an uu madax weynuhu kula dhex jiro beelaha xildhibaannada iska soo xulaya qaarka uu u arko in uu qabiil ahaan uga xoog roon yahay, uu xubnohooda cidduu rabo ku qorto si cadna isaga indha tiro saxiixyada nabadoonnada iyo isimmada beelahaas. Waxaa kale oo jirta in qabiillada uu madaxweynuhu u arko in aysan xoog badan lahayn ama isimmadoodu meelo fog jiraan oo aan Garowe imaan karin uu si toos ah qofkuu rabo u marsado guddiga khilaafaadka. Hadaba waa in la helaa guddi dhex-dhexaad ah oo ay isku waafaqsan yihiin dhammaan musharrixiinta oo ku jiro madaxweynaha oo isna musharraxnimo ku dhawaaqay. Haddii Gudigaasi (Vetting committee) uusan ahayn mid dhexdhexaad ah, ama tayo fiican, ama aqoon iyo waayo aragnimo wayn aanu lahayn xaalada dhaqan iyo midda siyaasadeed ee Puntland Waxaa ka dhalankara dhibaatooyinkasoosocda; 1. Madax banaanid iyo kalsoonida guddiga lagu qabo oo la waayo. Mar haddii aan laga tala galin mushaxariinta oo uu ku tagrifalo soo magacaabiddooda Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday oo kaliya. 2. In ay noqdaan kuwo ku shaqeeya rabitaanka Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday oo kaliya. 3. In ay soo saaraan liiska xildhibaanada uu rabo Musharrax Gaas oo kali ah. 4. In la liiskana laga saaro xildhibaano badan oo si sax ah beelahodu u soo gudbiyeen. Haddii madaxwaynaha sii degaayaa dantiisa ka arki waayo. 5. In ay meel ka dhac weyn ku tahay issimada dhaqanka Puntland, taas oo cadaawad iyo khilaaf xooggan horseedi karta sidoo kalana abuuri karta khal khal,amni xumo iyo dhaawac soo gaara wadajirka dadka Puntland. Talo soo jeedin; 1. Waa in shuruudaha gudiga iyo awoodahooda la isku waafaqo oo Musharaxiinta, Issimada, Dowladda iyo ay iisku raacaan. 2. In laga wada tashado magacaabista guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo kala Saaridda Xildhibaanada, si looga hortago is qabqabsi iyo ku tagri fal masiirka umadda. 3. In xubnahaguddigunoqdaankuwoisudheelitiran Kana kooban gobolada Puntland. 4. In guddiga aysan ka mid noqon Karin shaqalaha dowladda, la taliyayaasha iyo kuwa ka shaqeeya xaafiisyada madaxda sare ee dowladda si loo ilaaliyo madaxbanaanidda guddiga. 5. In xubnaha guddiga aysan ka mid noqon Karin qofku cad ama u ololeeya musharax gaar ah. 6. In xubnaha guddiga aysan ka mid noqon qof ay maxkamadi dembi ku xukuntay. Dhinaca kale; I. Laga bilaabo markii uu madaxweynaha Puntland si toos ah ugu dhawaaqay in uu yahay musharrax madaxweyne oo mar kale u tartamaayo 2019ka, (November 29, 2018 Dhahar), in uusan samayn Karin xaqna u lahayn arrimahaan hoos ku qoran: a. In aan musharrax Cabdi-weliMaxamad Cali Gaas uusan xoolaha/hantida guud ee ummadda uusan doorasho u isticmaali Karin si toos iyo si dadban midna b. Waxaannu wasaaradda maaliyadda Puntland iyo dhammaan ciddii ay khusayso u sheegeynaa in Musharax Cabdi-weli M C Gaas uusan wax maaliyad ah saxiixi Karin, isaga iyo ciddii arrintaas khilaaftaana uu sharcigu qabandoono. c. In Musharax A/weli Gaas laga bilaabo maalintuu iclaamieyey musharaxnimadiisa uusan xil magacaabi Karin ama xil ka qaadi Karin qof. d. Waxaannu wasaaradda maaliyadda Puntland iyo dhammaanciddii ay khusayso u sheegeynaa in madaxweyne Cabdi-weli M C Gaas uusan wax maaliyad ah saxiixi Karin, isaga iyo ciddii arrintaas khilaaftaana uu sharcigu qabandoono. e.In Musharax A/weli Gaas laga bilaabo maalintuu iclaamieyey musharaxnimadiisa uusan xil magacaabi karin ama xil ka qaadi karin qof. Ugu danbayn waxaan Isimmada, Culumaauddiinka, ciidamada, ganacsatada, siyaasiyiinta iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee shacabka Puntland ugu baaqaynaa in xilligaan kala guurka ahay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii awalba looga bartay adkaynta amnigooda, wadajirkooda iyo horumarkooda sigaar ahna u garab istaagaan ciidamada amniga, waana taas midda aan guusha kugaari karno. Alle idanki guul shacabka Puntland. Murashaxiinta soo saaray war-saxaafadeedkaan: 1. Dr. AadanMaxamadCiise(Gaadaale) 2. Eng. CabdirizaaqCabdullahiJaamac(Jannagale) 3. General KhaliifCiiseMudan 4. Eng. MaxamuudKhaliifXasan (Jabiye) 5. Eng. MaxamadCabdullahiXuseen (Shortaaye) 6. Siciid Cabdullahi (Deni) 7. Gen. Saciid Mohamed Hirsi (Saciid Dheere)
-
(SLT-London)-Mudane ka tirsan aqalka hoose ee baarlamaanka dalka Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday inuu qabo cudurka HIV-ga, xilli uu aqalka ka doodayay arrin ku saabsan caafimaadka dadweynaha. Lloyd Russell-Moyle, oo ah xildhibaanka xisbiga shaqaalaha ee laga soo doortay degmada Brighton Kemptown, ayaa noqday mudanihii ugu horreeyay ee xaaladdiisa ku saabsan cudurka HIV-ga uga dhawaaqa gudaha baarlamaanka hoose, wuxuuna noqday xildhibaankii labaad ee sheega inuu la nool yahay xanuunkaas. Wuxuu sheegay inuu dareemay sidii inuu ku khasbanaa ka hadalka arrin isaga shakhsi ahaan u saameysay. Mr Russell-Moyle ayaa ku boorriyay wasiirrada iney dib u eegis ku sameeyaan go’aanka wax looga dhimayo miisaaniyadda loogu tala galay caafimaadka dhinaca galmada. Wuxuu xildhibaannada aqalka hoose u sheegay in sannadka soo socda uu u noqon doono sannadkiisii 10-aad ee uu la noolyahay cudurka HIV-ga. “Marki aan ogaanayay inaan xanuunkaas qabo waxay igu ahayd “argagax dhab ah” laakiin ma aysan ahayn dhammaadkii dunida, inkastoo dhowr ilbiriqsi ay sidaas kula noqoneyso” ayuu yiri Mr Russell-Moyle, oo 32 sano jir ah. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku daray: “Wuxuu ahaa safar dheer, laga soo billaabo markii aan niyad ahaan u aqbali waayay ilaa maanta oo aan ahay qof u dooda dadka xanuunkaas qaba, anigoo og in daaweynta la ii sameeyo ay gacan weyn ka geysato xaaladdeyda caafimaad, taasoo sidoo kale ilaalisa qof walba oo lamaane ila noqda”. Xildhibaanka ayaa sidoo kale la hadlay dadka xanuunkiisa oo kale qaba: “Ugu dambeyn waxaan rabay iney ii suurta gasho inaan halkan soo istaago una sheego dadka kale ee la nool HIV-ga in cudurkooda uusan astaan u ahayn”. “Waxaan gaari karnaa heer walba oo aan dooneyno, dadka ka cabsanaya iney cudurka iska baaraan iyagana waxaan leeyahay, waxaa habboon inaad la noolaato wax aad ogtahay intii aad la dhiman lahayd cabsi”. Xildhibaankan ayaa sheegay in ku dhawaaqista arrintiisa uu doortay inuu ku soo beego maalinta Aids-ka adduunka oo ku asteysan Sabtida. Sannadkii 2005-tii ayuu xildhibaan ka tirsanaa xisbiga shaqaalaha oo lagu magacaabo Chris Smith ku shaaciyay wargeys inuu muddo 17 sano ah qabay cudurka HIV-Adids-ka. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Difaaca-yaasha xaquuqda Aadanaha Somaliland ayaa xildhibaanada golaha Wakiilada ku eedeeyey in xeerka Booliska ka saareen in booliska laga dacween karo maxkamad shacabka, isla markaana ka dhigeen in qofkii ka cawda dhibaato boolisku u gaysteen isla iyaga uun looga dacwooddo. Xeerkan booliska oo muddo badan horyaallay golaha Wakiilada ayaa wax ka bedel iyo kaabis ay ku sameeyeen u gudbiyeen golaha Guurtida, haseyeeshee waxa difaacayaasha xuquuqda aadanaha Somaliland ku tilmaameen xeerkaasi mid ka hor imanaya xuquuqda shacabka hadii dhibaato ka soo gaadho booliska,isla markaana qofka shacabka ee ka cabanaya ay wakhti ku qaadanayso dacwadooda marka booliskii laga cabanayey loo soo dacwoodo. “Golaha wakiilada maaha kuwo dadka u naxay meesha way ku raageen oo waxay joogaan 13 sanno, waxaanay arrintani cadaynaysaa in shacabkiiyo iyo golihii wakiiladu isku xidhnayn, waa nimanka ansixinaya in boolisku yahay sida militariga oo maxkamada militariga lagaga caban karo wixii ay dhibaato sameeyaan.”ayuu yidhi gudoomiyaha xuquuqda aadanaha Somaliland GUuleed Dafac. Waxaanu intaas ku daray “Xeerkan waxa loo ansixyey sida xukuumadda iyo booblisku doonayeen, xeerkan waxa la saxeexay 2017 ilaa maantana lama dhaqan galin sababtuna waxa weeyi haddii islaanta khudra banaanka ku iibinaysaa nin boolis ahi miiska ka laago si aanay u helin meel ay ka dacwooto ayaa sidan loo sameeyey, waxaanu doonaynaa in hooyadaasi hesho meel looga caban karo booliska hadii dhibaato u gaystaan”. Difaacayaasha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa si weyn uga soo horjeestay meel marinta xeerkaasi booliska oo ay ku sheegeen in aanay shacabku haysan meel ay uga dacwoodan hadii boolisku dhibaato ka soo gaadho, waxaanay sheegeen inay golaha Guurtida uga caban doonaan xeerkaasi in dib loo soo celiyo. Source
-
London (Caasimadda Online) – Waxaa hadal naxdin leh ka hor sheegay Baarlamaanka dalka Ingiriiska xildhibaan ka tirsan xilli ay socotay dood ku saabsan Caafimaadka. Xildhibaankaan oo lagu magacaabo Lloyd Russell-Moyle oo ka tirsan aqalka hoose ee Baarlamaanka dalka Ingiriiska ayaa sheegay inuu qabo cudurka HIV AID. Xildhibaankaan oo khudbad ka jeedinayey kulankii ay xubnaha aqalka Sare kaga doodayeen Caafimaadka dadweynaha ayaa si toos ah u qiray inuu la nool yahay cudurkaas. Lloyd Russell-Moyle, oo ah xildhibaanka xisbiga shaqaalaha ee laga soo doortay degmada Brighton Kemptown, ayaa noqday mudanihii ugu horreeyay ee xaaladdiisa ku saabsan cudurka HIV-ga uga dhawaaqa gudaha baarlamaanka hoose, wuxuuna noqday xildhibaankii labaad ee sheega inuu la nool yahay xanuunkaas. Wuxuu sheegay inuu dareemay sidii inuu ku khasbanaa ka hadalka arrin isaga shakhsi ahaan u saameysay. Mr Russell-Moyle ayaa ku boorriyay wasiirrada iney dib u eegis ku sameeyaan go’aanka wax looga dhimayo miisaaniyadda loogu tala galay caafimaadka dhinaca galmada. Wuxuu xildhibaannada aqalka hoose u sheegay in sannadka soo socda uu u noqon doono sannadkiisii 10-aad ee uu la noolyahay cudurka HIV-ga. Sannadkii 2005-tii ayuu xildhibaan ka tirsanaa xisbiga shaqaalaha oo lagu magacaabo Chris Smith ku shaaciyay wargeys inuu muddo 17 sano ah qabay cudurka HIV-Adids-ka. Caasimada Online Xafiiska-London Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Jaamacadda Indiana University ee waddanka Maraykanka ayaa wada dood la xidhiidha in la gaadhay wakhtigii shiidaalka Somaliland la soo saari lahaa oo dalku ka faa’iidaysan lahaa dhaqaalaha ka soo baxa iibka shiidaalka. Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin uu shalay diyaariyey khabiir Mr SCOTT PEGG oo ka tirsan jaamacadda Indiana University oo saadaal wanaagsan ka muujiyey in shiidaal laga soo saaro Somaliland sannadka 2019ka, warkaasina wuxuu u qornaa sidan:- “Sannadihii u danbeeyey waxa Somaliland ka socday sahan dhinaca shiidaal soo saarista ah oo Shirkado kala duwani ka sahminayeen Somaliland, waxaana la baadhay dhulka iyo deegaannada xeebta ku teedsan, waxaana rejo weyn laga qabaa bilowga sannadka 2019ka in la bilaabo wax-soo-saarkii siday hore u shaacisay Shirkadda Genel Energy. Wakhtigan waxa laga hadlayaa haddii la soo saaro dhib iyo dheef waxa uu u yeellan karo Somaliland. Dood ay samaysay Jaamacada Indiana University ee waddanka Maraykanka waxay is weydiinaysaa in la gaadhay wakhtigii la soo saari lahaa shiidaalka Somaliland iyo in kale?. Khabiir SCOTT PEGG oo siyaasadda dhaqaalaha u qaabilsan Jaamacadda Indiana University, ayaa xusay in iibka shiidaalku uu kordhin doono dhaqaalaha Somaliland ee xaddidan. Warbixin uu diyaariyey wuxuu ku soo bandhigay in Somaliland nabadgelyo ku naaloonaysay labaatankii sanno ee ugu dambeeyey, isla markaana madaxweynihii shanaad oo ku yimid doorasho dimuqraadi ah oo uu xilka kula wareegay, waxaanu aaminsan yahay in Somaliland looga baahan yahay inay u sii weel-tolato iibka shiidaalkeeda. Waraysiyo laga qaaday dad siyaasiyiin ah waxay soo jeediyeen in laga faa’iidayto waddamada Afrika ee ku guulaystay maaraynta dakhliga Saliida. Baadhitaanka Shidaalka waxa Somaliland laga daahfuray sannadkii 1912kii, hase ahaatee xilligan waxa bilowday sannadkii 2012kii shiidaal baadhista shirkadda Genel Energy, waxaa lagu wadaa haddii hindisaha shiidaal qodista lagu guulaysto in Somaliland laga soo saari doono in ka badan laba bilyan oo foosto sannadkii. Source