Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,963
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xulalka 23-jiarada Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa wada dheelay kulankooda kowaad ee is reer reebka ciyaaraha olimikada aduunka ooo lagu qabandoono magaalada Tokoyo ee dalka Japan Kulanka ayaa ku bilaawday dar daro xoogan waxaana qeybta hore lagu kala maray 2-0 oo ay hogaanka ku hayaan wiilasha dalka Ethopia waxaana goolasha u dhaliyay daqiiqadihii 28, 38-aad Canaan Israel eshetu. Qeybta labaad kulanka xulkeena ayaa soo bandhigay ciyaar ku dheehan farsamo,balse gool ku laad loo dhigay xidigaha Ethiopia ayay dhaliyeen waxaana caalamada casaanka ka qaatay mid ka mid ah ciyaaryahanadooda waxayna ciyaarta kusoo idlaatay 4-0 oo ay guusha ku qaatay wiilasha 23-jirada ee Ethiopia “Waxaan taageerayaasheena ka raali gelinaynaa guul darada ina soo gaartay waxa aan soo bandhigay ciyaar wanaagsan,balse wixii qornaa ayaa dhacay waxaana xooga saaraynaa kulanka labaad ee aan Ethiopia kula ciyaarayno dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti” waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay Maxamed Cabdulle Faryare oo macalinka xulka qaranka 23-jirada Soomaaliya. Si kastaba lugta labaad ayay labada wadan kuwada dheelidoonaa Khamiista soo aadan wadanka Jabuuti oo guri ahaan u ah xulkeena sanadihii laga soo gudbayna tartamo kala gedisan ku ciyaaray Dhawaan Filo warbixin dheeraad ah iyo sawirro ku saabsan ciyaarta Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in soddonkii sano ee lasoo dhaafay ay dowladaha dariska ah faragalin qaawan iyo mid dadban ay ku hayeen arrimaha Soomaaliya, Muuqaal dhawr daqiiqo ah oo la faafiyay ayaa Madaxweynuhu kaga warbixiyay tallaabooyinkii ugu horreeyay ee uu kusoo afjaray faragalintii joogtada ahayd ee Itoobiya ay ku heysay Soomaaliya, isagoo sheegay in kulankii ugu horreeyay ee uu la qaatay Ra’iisul Wsaarihii Itoobiya Hailemariam Desalegn uu kala hadlay in Itoobiya ay joojiso faragelinta, lana tixgeliyo madaxbannaanida iyo dowladnimada Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in isbedelka ka socda Gobolka Geeska Afrika uu ku saleysan yahay iskaashi iyo wax wada qabsi, meelna looga soo wada jeesto waxkasta oo caqabad ku ah horumarka iyo xasiloonida Gobolka, taas oo ay ka midesysan yihiin Madaxda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretereya. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in la ballaarin doono shirka seddax-geesoodka ah ee socda iyadoo laga qeybgelin doono dalalka Gobolka ee aan qeybta ka ahayn sida dalka aan waalalaha nahay ee Jabuuti. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in shirkii Bahra Daar la isku afgaraty qodobbo hor u socod u ah horumarka Gobolka, sidoo kalena la isla qaatay in magaalada Muqdisho ay marti geliso shirka xiga. Halkan ka dhageyso codka madaxweynaha https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/Farmaajocod.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiye ku-xigeenkii hay’adda qaxoontiga iyo barakacaayasha Somaliland Khadar Sheekh Cali Jawhar ayaa jawaab adag ka bixiyay eedaymo ugu yimid guddoomiye Cabdikariin Xinif. Khadar Sheekh Cali Jawhar ayaa sidoo kale waxa uu eedaymo musuq-maasuq u soo jeediyay guddoomiye Cabdikariin Xinif. Halkan hoose ka akhriso qoraal kooban soo dhigay barta uu ku leeyahay facebooka oo kaga hadlay arrimahaasi: “Gudoomiye xinif wuxuu saxaafada lasoo waa caadadii lamana yaabayo waayo somalidu waxay tidhaa bahal qaydhin madaayo laba wajiilenimaduna waa dhawankiisa 9 bilood een xilka hayay isku xafiis maanu fadhiisan jirin anigu waxan fadhiisanayay xafiiskii hore ee wasaarada dib udajinta isaguna wuxuu fadhiisanay fooqan imigiration ka agtiisa shaqada aan iman waayay ee sheegayo ma wuxuu doonayay xafiiskiisa inaa iska soo xaadiriyo shaqada uu leehay qaybaan udhiibay ilaahay been usheegay shaqo iska daaye shaanbadii ku xigeenka in la sameeyo daalbuu ka galay. Lacagaha mushaarka midna waa mushaarkii dawlada midana lacagaha UN iyo UK- AID ay nasiiyaan isagaa account gooniya usamaystay lacaga IOM isla isagaa jeebkiisa ku soo dhacdaa. Takale tan uu leeyahay warqada waa lasiiyay ma diidani balse anigu waxan diiday sobobta magacayga loo qariyay Insha allah musuqmaasuqa oo ku kacay xinif iyo qabyaalada uudhaqan ka dhigtay saxaafada ayaan soo bandhigayaa” Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka difaaca ee Israa’iil ayaa xilka iska casilay kaddib markii golaha wasiirada dalkaasi ay gaadheen go’aan ah inay aqbalaan heshiis xabad joojin ah oo lagu soo afjarayo dagaalka laba maalmood socday ee u dhexeeyo Israa’iil iyo ururka Xamaas. Avigdor Lieberman ayaa xabad jooojinta ku tilmaamay in laisku dhiibay argagixisada. Wasiirka wuxuu sheegay in xisbigiisa uu ka bixi doono dowladda. Siddeed qof ayaa lagu dilay Qaza labadii maalmood ee lasoo dhaafay, diyaaradaha Israa’iil ayaa duqayn ka waday halkaasi halka ururka Xamaas ay gantaallo ka badan 400 ay u rideen dhinaca Israa’iil. Source
  5. (SLT-Boosaaso)-Askari ka tirsan ciidamada badda maamul goboleedka Puntland ayaa habeenimdii xalay magaalada Boosaaso ku dilay laba askari oo ciidamada Badda maamulka Puntland ay ka wada tirsanaayeen. Askariga ayaa la sheegay in askarta geeriyootay uu raas ku furay iyaga oo kuwada jira hawlga ay amaanka ku sugayaan. Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Badda Puntland oo ay VOA la xidhiidhay ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan askarigii dilka gaystay, islamaraana ay ku hawlan yihiin baritaanka sababta ku kaliftay in askarigaani toogasho ku dilo labadan askari ee ay hawlgalka kuwada jireen. Source
  6. Baardheere ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo Ismaaciil Sheekh Cabdi Qorax oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hor yimid xilka qaadis la sheegay in lagu sameeyay . Ismaaciil Sheekh Cabdi Qorax ayaa xusay in uu isagu uu yahay guddoomiyaha saxda ah ee degmada Baardheere, sida uu hadalka u dhigay. Waxaana uu tilmaamay in warqadaha is daba jooga ah ee ka soo baxaya Jubbaland aysan wax ka bedali doonin maamulka uu ka hayo degmadaasi. Sidoo kale Guddoomiyaha Baardheere Ismaaciil Sheekh Cabdi Qorax ayaa ku baaqay in aan qal qal siysaasaded la galin shacabka ku dhaqan degmadaasi. Waxaana uu DFS ka codsaday in ay soo faragaliso xiisada ka taagan gudaha degmadaasi Baardheere. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Qor.mp3 The post Guddoomiyaha Baardheere Oo ka horyimid Xilka qaadis lagu sameeyay appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Warbixinta kooxda QM oo shaacisay xog xasaasi ah oo ku saabsan hubka Dawlada Somalia+Cadadka & Noocyada Hubka so gaadhay Sanadkan Warbixin dheer oo ay soo saareen Somali and Eritrea Monitoring Group (SEMG) ayaa lagu sheegay in hubka soo gala Soomaaliya loo adeegsado qaab siyaasadeed, waxaana laga digay in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey uu Muqdisho ka qaado cunaqabateynta hubka mustaqbalka dhow. Warbixintan waxaa ku jirta in dowladda Soomaaliya ay ku guul-dareysatay inay hubka ka xakameyso gacanta ganacsatada iyo kooxaha kale. Qoraalkan, waxaa kale oo lagu sheegay in Soomaaliya aaney u hoggaansamin cunaqabateynta hubka ee saaran, waxaa intaas dheer in laga waayey xogta rasmiga ah ee la xiriira hubka iyo rasaasta ay dowladda keensato, waxaa ay diiday Villa Somalia inay Qaramada Midoobey arkaan meelaha hubka yaalaan, iyada oo la ogaaday in hubka ay dowladuu leedahay suuqyada u iib-geeyaan saraakiil ciidamada ah(kuwoo hoose iyo kowoo sare), mas’uulyiin xukuumadda ka tirsan. Hubka oo lala baxo, iibintiisa gaar ahaan kuwa keydan sida nooca RPG-7, waxaa ay caqabad ku tahay xasiloonida siyaasadeed, taasi oo sii adkeyneysa qeybinta iyo dusinta hubka ay aad ugu sareyso gudaha Soomaaliya. Hubka Ay Dowlada Somalia Heshay: 20,000 Sida ku qoran warbixinta SEMG, dowladda Soomaaliya waxaa ay heshay ilaa 20,000 oo qori iyo 75 million oo rasaas ah, oo ay ku jiraan 70,000 oo ah RPG-7, waxaa kale oo warbixinta ay su’aal ka keentay inay kala badan yihiin hubka loo ogolyahay dowladda Soomaaliya inay hesho kadib markii laga qafiifiyey cunaqatabeynta hubka iyo midka rasmiga ah ee ay heystaan ciidamada xoogga dalka. Kooxdan waxaa ay sheegeen in 21 Konteenar oo hub ah oo ay ku jiraan nooca Soomaalida u taqaanno “Baasuukaha 7” la geeyey gudaha Villa Somalia bishii May 2018, waxaa sidoo kale loo diiday SEMG inay soo arkaan. Warbixinta Qaramada Midoobey waxaa ku jirta in hub ay lahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya ay gacanta u galeen ganacsato iyo kooxo hubka ka ganacsada oo jooga magaalooyinka Mogadishu, Baydhabo iyo Dhuusamareeb. Qoraalka UN-ka waxaa ku jirtay oo kale, in hub lagu qabtay kooxo ka tirsan Al-shabaab oo joogay gudaha Kenya ay ahaayeen hub ay lahaayeen ama ay aheyd inay yaalaan bakhaarada ciidamada dowladda. Ugu dambeyntii, Qoraalkan UN-ka, waxaa lagu sheegay in hubka dowladda Soomaaliya ay halis ugu jiraan in la qaato ama la xado, oo aaney xakameyn Karin, waxaa ay tusaale usoo qaateen wixii ka dhacay xerada Gordon, oo markii la jabsaday oo qoriga AK-47 lagu iibsanayey $1,000. Qaran News
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa ku eedeeyay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka C/Weli Muudey inuu sameeyay xadgudub ka baxsan xeer hoosaadka Baarlamaanka, isagoo sheegay inuu afduubtay Baarlamaanka. Xildhibaan Cosoble oo la hadlayay telefishinka Dalsan TV, kaddib markii uu soo dhamaaday kulankii Baarlamaanka ayaa sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay maanta si aqlabiyad leh ku ansixiyeen qaraarkii ay soo jeediyeen Guddiga Maaliyadda ee ku aadanaa dib u eegista Miisaaniyadda sanadka 2018. Hase ahaatee waxaa uu xusay in qalad aad u weyn sameeyay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad C/Weli Muudey oo shir guddoominayay kulankii maanta. “Maanta qalad weyn ayuu sameyay Guddoomiye Muudeey wax auu xildhibaanada u diiday waxyaabo ay xaq u leeyihiin oo uu xeer hoosaadka u ogolaanayo taas ah ra’yigooda soo jedineed ama diidmeed ayuu yiri Xildhibaan Cabduqaadi Cosoble. Sidoo kale waxaa uu sheegay in Guddoomiye C/weli Muudey uu diiday inay Xildhibaanada hadlaan, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay afduub aad u weyn. “Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka waa afduubtay, Xildhibaanada inay hadlaan waa diiday Xildhibaanka dalbaday inuu hadlo oo wax saxo waa ka diiday, taasna waa arrin khilaafsan xeer hoosaadka, waa dhaqan aad u liitay oo xun oo aan loo baahneyn inuu Baarlamaanka ku sii socdo, anaga uma dooran Guddoomiye C/weli Muudey inuu Baarlamaanka ka dhigo dugsi qur’aan asiga leeyahay wixii uu doono marsiiyo”ayuu si kulul u yiri Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka. Halkana hoose ka daawo https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/kalsan-46125254_337449600366653_219738159020244992_n.mp4 Caasimadda Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
  9. Siyaasi Xilal Muhiima hore uga soo qabtay Somaliland oo in Aqoonisga Somaliland ku Xidhan yahay Saamiqeybsiga Xilalka & Manasiibta Dalka oo loo sinaado balse aanay Beel keliya urursan. Magacaabista Dr.Yassiin Faraton ee wasaaradda arrimaha Dibeddu waxay buuxinaysa waax wayn oo dawlad Wanaagga Somaliland ka maqna intii ka dambaysey Madaxwyne Cigaal ka iyo Rayaale. Aragtida Somaliland State ma aha in loo arko mid ku kooban beesha dhexe. Waxaa loo baahanyahay in loo arko mid ka kooban dhamman beelihii Somaliland ka koobnaan jirtey muddadii Gumaysiga Ingiriiska. Maanta haddii la xasuustay taas maanta waa ilaahay mahaddii. Waxana loo baahan yahay in la ogaado oo si buuxda loogu dhaqmo u sinaanshaha dhamman wasaaraddaha hal-bowlaha ah (ee dunida ilbaxa ah) looga Yaqaan : “Sovereign Ministerial Posts”, sida wasaaradda Arrimaha Dibadda, tan Gudaha, tan Maaliyada, iyo sida Guddoomyiha Maxkamada Sare, Xeer ilaaliyaha guud, taliyayaasha ciidamada iyo dhamman madaxda Hay’adaha loo yaqaan “Sovereign State institutions’’, af Somaliga lagu odhan karo Manaasibta ‘’Siyaadada dawladnimada’’. Arrinka oqoonsi raadintu waxuu ku xidhan yahay oo sharddi u ah in beelaha Somaliland laga wada dhex arko dhamman maamul qaybsiga iyo dhuuni qaybsiga. Aqoonsiga Somaliland halkaas bu ku xidhan yahay ee yaan meelo kale laga raadin lagana doonin. By Adam Muse Jibril adamjibril@gmail.com Qaran News
  10. (SLT-Hargeysa)-Wasiirkii hore ee wasaaradda waxbarashada Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon ayaa la wareegay xilka cusub ee loo magaacay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. Nairobi (Caasimada Online) – Warbixin ay soo saartay kooxda QM ee la socodka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ee UN Monitoring Group, ayaa shaaca looga qaaday shirqool Imaaraadka Carabta Carabta ay u maleegeen dowladda federaalka Soomaaliya, oo ay ku lug lahaayeen siyaasiyiin Soomaali ah. Kulankan ayaa toddobadii April 2018 ka dhacay maqaayad ku taalla magaalada Nairobi ee dalka kenya. Sida warbixinta ay sheegtay, waxaa kulanka yeeshay diblomaasiyiin kasoo jeeda dalka Imaaraadka Carabta iyo sarkaal sare oo horey uga tirsanaa hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA. UN Monitoring Group ma shaacin sarkaalka Soomaaliga ah ee kulanka ka qeyb-galay, waxaase magaciisa loo gudbiyey golaha ammaanka ee QM. Xubinihii kulanka ka qeyb galay ayaa dejiyey qorshe lagu fashilnayo dowladda federaalka Soomaaliya. Waa qorshaha qeyb ka ahaa in la sameeyo isbaheysi ka kooban madaxda dowlada goboleedyada Soomaaliya, xubnaha baarlamanka Soomaaliya ee mucaaradka ah iyo taliyeyaasha ciidamada qaranka. Dhinacyadaas ayaa marka la mideeyo waxaa qorshuhu ahaa in la qaado dagaal siyaasadeed iyo mid amni oo lagu fashilanayo dowladda Soomaaliya. Sida warbixinta kooxda QM ay sheegtay, Imaaraadka Carabta ayaa dhammaan xubnaha la isku keenayey u adeegsanayo in la siiyo lacag lalauush ah, si ay uga qeyb qaataan qorshaha Imaaraadka. Ma cadda halka uu ka dambeeyey qorshahaas iyo in dagaalka ay hadda maamul goboleedyada ku hayaan dowladda iyo xildhibaanada mucaaradka ee aadka u weerara dowladda ay qeyb ka yihiin qorshahaas. Maalin kadib markii kulankaas uu dhacay, ayaa sideedii bishii April 2018 waxa ay dowladda federaalka garoonak Aadan Cadde ku qabatay lacag dhan 9.6 milyan oo dollar oo kaash ah, oo Imaaraadka Carabta uu lahaa. Ma cadda haddii kulankii Nairobi iyo qorshaha lagu laaluushayey mucaaradka Soomaalida iyo qabashada lacagta ay xiriir leeyihiin, balse sidaas ayay u muuqataa. Warbixinta kooxda QM ee Soomaaliya ayaa waxaa ku jira sir badan oo xasaasi ah, waxaana idiin soo gudbin doonaa kuwa ugu xiisaha badan, Insha Allah. Ku xirnow Caasimada Online. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. (SLT-Hargeysa)-Somaliland Oo Markii Ugu Horraysay Ka Hadashay Heshiisyada Dalalka Itoobiya, Eritrea Iyo Soomaaliya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Bisha Nofeembar 14-keeda, sannad kasta waxaa la xusaa maalinta cudurka macaanka ama sokorowga ee adduunka, waxaana sannadkan haldhidhigga munaasabaddaas laga dhigay “Qoys macaan qaba”, BBC Somali ayaana la kulantay qoys qaba Macaan. Macaanka waa xanuun qofka nolosha la qeybsada oo sababa in heerka sokorta ee dhiigga uu aad sare ugu kaco. Wuxuu cudurkan leeyahay labo qeybood oo waaweyn, kuwaasoo kala ah: Qeybta 1aad ee macaanka – oo ah marka uu difaaca jirka weerar ku qaado isla markaana burburiyo unugyada dhiigga ee soo saara sokorta. Qeybta 2aad ee macaanka – oo ah marka uusan jirka si buuxda u soo saari karin sokorta, ama unugyada qaabilsan soo saarista sokorta aysan awood lahayn. Waa cudur dilaa ah oo ka jira guud ahaan dunida, waxaana maanta oo kale, oo ay taariikhda ku beegantahay 14-ka bisha kow iyo tobanaad loo asteeyay in la xuso, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah cudurkaas iyo caawinta dadka la ildaran. Inta badan dadku waxay aaminsanyihiin in xanuunkan uu bartilmaameedsado dadka waaweyn iyo kuwa jirkooda uu cayilka ka batay, laakiin dhakhaatiirta caalamka ayaa walaac xoogan ka muujinaya in Sokorowga uu hadda faro ba’an ku hayo carruurta. BBC Somali ayaa xuska sannadkan ku soo beegtay war bixin ay ku faahfaahineyso sida ugu haboon ee loo xannaaneyn karo dhallaanka la nool cudurkaas, maadaama ay jiraan carruur Soomaaliyeed oo la daalaa dhacaya Macaanka. Waxaan la kulannay qoys Soomaaliyeed oo uu ka mid yahay wiil yar oo qaba Macaanka, si aan wax badan uga ogaanno sida loo xannaaneeyo ilmaha ay dhibaatadaas heysato. Hooyada qoyskaas oo lagu magacaabo Farxiyo Maxamed Cali ayaa BBC-da u sheegtay in wiilkeeda curadka u ah saddex carruur ah oo ay dhashay uu soo ritay xanuunka macaanka ama sokorowga, isagoo 4 sano jir ah. Waxay aad uga taxadartaa xannaannada wiilkeeda xanuunsan iyo raashinka uu cuno, waxayna nooga sheekeysay sida ay markii ugu horreysay ku ogaadeen nooca uu cudurkiisa yahay. “Waxaan aad ula yaabnay waxa ku dhacay, waayo anigu waligey ma arkin qof qaba Sokoroow. Muddo 15 maalmood ah ayuu ku caatoobay, tabarti oo dhan ayaana ka dhammaatay. Ka dib gabar dariskeenna ah ayaa nagu tiri cunugan amuu qabaa sokorow, waxaan geynay isbitaalka dhakhaatiirtiina waxay noo sheegeen inuu qabo qeybta koowaad ee cudurka sokorta, cimrigiisa inta ka dhimanna uu cirbad qaadan doono”. Sidee loo xannaaneeyaa ilmaha qaba cudurka macaanka? Farxiyo ayaa noo sheegtay in wixii ka dambeeyay xilliga ay wiilkeeda ku aragtay cudurka Sokorowga ay nolosheeda wax badan iska baddaleen. “Aniga waan shaqeysan jiray laakiin waan iska dhaafay shaqadii, asaga dartiis ayaan guriga u fadhiyaa. Marka ay sokortiisa kacsantahay wax yar oo khalad ah hadduu ilmaha ku arko wuu xanaaqayaa, ma u dul qaadan karo, wuu oynayaa, balse marka ay sokortiisa daggantahay waa iska caadi”. Waxay sheegtay in ay ka ilaaliso wax kasta oo ay carruurta isticmaalaan, oo uu macaan ku jiro sida: Nacnaca, Buskutka noociisa sokorta leh, doolshada iyo Jallaatada. Lahaanshaha sawirkaTHINKSTOCK Farxiyo waxay maalintii ilaa saddex jeer wiilkeeda ka cabirtaa heerka sokorta, sidoo kalena habeenkii ayay kacdaa si ay u hubiso. “Habeenki hadduu jiifo xitaa waxaan taabtaa wadnihiisa waana ka cabiraa sokorta. Haddii ay hoos u dhacsantahay waxaan siiyaa malab” ayay tiri. Maxamed Cabdullaahi, oo ah wiilka ay Farxiyo dhashay ee qaba sokorta ayaa isaga qudhiisa la qabsaday xanuunkan wuxuuna iska ilaaliyaa wax walba oo dhibaato u keeni kara. Wuxuu mararka qaar gacantiisa iskula duraa cirbadda uu joogtada u qaato. Hase ahaatee carruurta aysan da’doodu gaarin heer ay is xannaaneeyaan ayaa waalidkooda looga baahanyahay iney ku dadaalaan xannaaneyntooda. Dr. Cabdisalaan Maxamed Macalin oo ah dhakhtar ku takhasusay cudurrada carruurta ayaa BBC-da uga warramay saameynta uu cudurkan ku leeyahay carruurta. “Nooca 1aad ee cudurka macaanka marka uu carruurta ku dhaco intooda badan waxay ku dhiman jireen guriga, laakiin hadda dadka way fahmeen waxayna si deg deg ah ula xiriiraan isbitaallada, si wakhti hore loo ogaado” ayuu yidhi. Wuxuu Dr Cabdisalaan sidoo kale sheegay in cudurka Sokorta uu 10% ku dhaco carruurta, loona baahanyahay in si aad ah loogu dadaalo xannaaneyntooda. Source
  14. R’isilwasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa guul u rajeeyay xulka qarankeena Soomaaliya galabta ay la leeyihiin dhigooda dalka Itoobiya. Ra’isilwasaare Kheyre ayaa qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ku sheegay in uu guul u rajeeynayo Ciyaartooyda dalkeena Soomaaliya. Ciyaar xiiso badan ayaa goordhow ka dhici doonto dalka Itoobiya oo u dhaxeeysa Soomaaliya iyo Itoobiya oo ah kulan katirsan isreeb reeb-ka Olombikada aduunka oo sanadkan lagu qabanayo dalka japan. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ra’isilwasaare Kheyre oo guul u rajeeyay Xulka Soomaaliya oo la Ciyaaraya Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  15. Balad Xaawo (Caasimadda Online) – Maamulka magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa ku amray xaasaska u dhaxay ragga Al-Shabaab iyo carruurtooda inay isaga baxaan magaalada ka dib markii ay ku eedeeyeen Al-Shabaab inay afduubtaan dadka samafalka ka shaqeeya ee taga nawaaxiga magaalada. Gudoomiyaha magaalada Maxamuud Xayd Cusmaan ayaa BBC-da u xaqiijiyay amarka lagu musaafirinayo xaasaska iyo carruurta Al-Shabaab ee ku nool Balad Xaawo, wuxuuse ka gaabsday faahfaahin intaa ka badan inuu bixiyo. Amarkan ayaa markii uu soo baxay waxay Al-Shabaab kaga jawaabeen inay la soo hadlaan ganacsatada iyo waxgaradka deegaanka kana dalbadaan inay maamulka ku qanciyaan inuu ka laabto go’aankiisa haddii kale ay qaadi doonaan talaabo aargudasho ah. Ganacsatada iyo Odayaasha deegaanka ayaa kala hadlay maamulka codsiga Al-Shabaab balse waa uu ku gacan seyray inuu ka laabto go’aankiisa maamulka Balad Xaawo. Al-Shabaab iyana waxay soo saareen go’aan ay ku sheegeen inay ku go’doomiyeen magaalada Balad Xaawo sida ay ka sameeyeen magaalooyin kale oo ku yaala Koonfurta Soomaaliya taas oo warwar iyo walaac ku beertay dadka deegaanka. Haddii uu dhaqangalo go’aanka Al-Shabaab waxay ka dhigantahay in marinada kaliya ee hadda kadib Balad Xaawo wax uga imaan karaan ay tahay magaalada xadka Kenya ku taala ee Mandheera iyo dhinaca dalka Itoobiya. Caasimadda Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
  16. Jabuuti ( Sh. M. Network )-Sanataro ka tirsan Xildhibaanada Mareykanka ayaa dowladda Shiinaha uga digay in ay qabsato Dakedda Dorale ee Dalka Jabuuti. Sanataradani oo kala ah Marco Rubio iyo Chris Coons, kana kala tirsan Xisbiyada Jammuuriga iyo Demuqoraadiga ayaa warqad u diray wasiirka arriamha dibadda Mareykanka Mike Pompeo iyo wasiirka gaanshaadhigga Jim Mattis, taas oo ay kaga dalbanayaan wasaaradahaasi in tallaabo milatari iyo mid siyaasadeed ay ka qaadaan xukuumadda Beijing, haddii ay isku daydo in ay la wareegto Dekedda Jabuuti. Sidoo kale Xidhibaanadani ayaa hoosta ka xariiiqay isbalaarinta gacansiga Shiinaha ee Africa ay tahay mid ka hor imaaneysa danaha Dhaqaale iyo tan Ammaanka ee Mareykanka, islamarkaana aysan u dul qaadan karin la wareegitaanka Dekeddaasi. Dowladda Jabuuti ayaa dhawaan ruqsadii kala noqotay dalka Imaaraadka Carabta oo horay u maamulayay Dakedda Dorale ee dalkaasi ,islamarkana la sheegay in haatan Dekeddaasi ay lawareegi doonto Dowladda Shiinaha. Arrintani oo salka ku heysa dagaalka Ganacsiga ee u dhexeeya Mareykanka iyo Shiinaha ayaa laga cabsi qabaa in xiisaddu ay isku bedasho mid Militari oo dhexmarta labada dal. The post Mareykanka iyo Shiinaha Oo isku haya Dekedda Jabuuti appeared first on Shabelle. View the full article
  17. (SLT-Hargeysa)-Cabdillahi Maxamed Ducaale Wasiirkii wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadii Madaxweyne Daahir Riyaale ayaa ka digay in cunaqabataynta hubka laga qaado Soomaaliya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. Ciyartoyda xulka qaranka dalka Soomaaliya ee 23-jirada ayaa manta ciyaraya kulan katirsan isreeb reeb-ka Olombikada aduunka oo sanadkan lagu qabanayo dalka japan. Soomaaliya ay galabta wajihi doonto dhigoda Ethiopia kulan Xiiso badan oo isla Itoobiya ka dhici doono galabta oo Arbaco ah. Kulankani ayaa ah mid aad u xiiso badan waxana labada dal ee sida wayn u xifaaltama ee Soomaaliya iyo Itoobiya kulankooda uu ka dhaca doonaa garonka kubada cagta ee Adisababa ee loo yaqaano IS oo kuyala maglda Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya. Kulankaasi ayaa waxa uu soo dhici doonaa 3:30 PM xiliga geeska Africa. Wiilasha qaranka Soomaaliya ayaa sanadkaan waxaa ay qaban rajo kawayn kuwii hore iyadoo taasi lo sababeeynayo tababaro dheeriya oo ay helen ciyartoyda qaranka Soomaaliya. Waxaa la xusuustaa ee sanadkii hore ciyaartooyda 17-jirada ay gaareen kulanka kama danbesta finalka ee CECafa. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Soomaaliya Iyo Itoobiya oo Ciyaara Galabta kulan Xiiso Badan leh appeared first on Puntland Post.
  19. Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi iyo xubno la socda ayaa maanta tegay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland. Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay ra’iisul wasaarihii hore ee dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya xiligii madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf Axmed. Safarka Cali Maxamed Geedi, oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin ayaa, xog aan helnay ay sheegeysaa inuu la xiriiro sidii wada-hadal uu u dhex mari lahaa maamulka Jubaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Ilaa hadda ma cadda in Cali Maxamed Geedi uu iskiis isku xilqaamay iyo inay dirtay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Cali Maxamed Geedi ayaa ka mid ah siyaasiyiinta aadka ugu dhow islamarkaana la dhacsan siyaasada ay hadda dalka ku maamusho dowladda federaalka Soomaaliya. Waxaa la filayaa inuu la kulmo oo uu wada-hadal la yeeshay madaxwenaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  20. New York ( Sh. M. Network )-Maxamed Tahliil oo ka mid ahaa Burcadbadeed Soomaali ah oo Afduubtay Wariye Michael Scott Moore oo ka soo jeeda Mareykanka ayaa lagu xiray magaaladda New York ee dalkaasi. Maxamed Tahliil oo la sheegay in uu Mareykanka ku tagay qeybtii kaga soo aaday Lacag madax furasho ah oo ay ka qaateen Burcadbadeedu Wariyahaasi ayaa la qabtay, kadib markii uu aaladda Facebooka kala xiriiray Wariye Moore oo muuq iyo magac ahaan uu garanayay, maadaama uu ka mid ahaa koox Burcadbadeed ah muddo 2 sano iyo bar ku heysatay meel u dhow magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Lahaystihii hore iyo eedeysane Maxamed Tahliil oo ahaa saaxibo aad ugu dhow ayaa la wadaagay sheeko ku saabsan taariikhdooda inta aan la xirin ka hor, waxaana uu u sheegay Maxamed Saaxibkiis Wariye Michael Scott Moore in inta badan dhexdoodu ay is dileen Burcadbadeedii ay saaxibada ahaayeen, kadib markii ay isku maan-dhaafeen qeybsashada Lacagtii Madax Furashada ay kaga qaateen Wariye Moore, taas o dhameyd 1.2 Million oo Dollarka Mareykanka ah. Sidoo kale waxa uu la wadaagay Wariyaha Sawirradiisa iyo kuwii Saaxibiidiisi kale, balse ugu dambeyntii Maxamed Tahliil ayaa xasbiga la dhigay xilli aan la shaacin taariikh ahaan balse ku aadan bil ka hor. Gaalkacyo ayaa ka mid aheyd Magaalooyinkii ay ku xooganaayeen Burcadbadeeda Soomaalida 10-kii sano ee la soo dhaafay, iyagoo ka afduubtay Muwaadiniin shisheeye oo ay ka heleen Malaayiin Dollar oo Madax fuarsho ah. The post Shaqsi ka tirsanaa Burcadbadeeda Soomaalida Oo lagu xiray dalka Mareykanka appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFS ayaa maanta cod Aqlabiyad leh ku Ansixiyay ku noqoshada Miisaaniyadda dowladda ee 2018-ka, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho. Ugu horreyn Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya waxaa qaraarka lagu Ansixinayay Miisaaniyaddani ka hor akhiriyay Xildhibaan C/laahi Maxamed Nuur oo xubin ah guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyada ee Golaha Shacabka. Intaasi ka dib Xildhibaanada ayaa Cod gacan taag ah u qaaday ku noqoshada Miisaanadda dowladda ee 2018-ka. 153 Xildhibaan ayaa ogolaaday, 2 xildhibaan ayaa diiday, waxaana ka aamusay 3 Mudane, sida uu ku dhawaaqay guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya. Ugu dambeyn wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaabe Beyle oo goob joog ahaa kulanka Golaha Shacabka ayaa kaga mahadceliy meelmarinta ku noqoshada Miisaaniyadda 2018-ka. Sidoo kale wasiir Beyle ayaa xusay in uu diyaar u yahay in uu Golaha Shacabka la wadaago arrimaha ku aadan Maaliyadda dalka. Waa kulankii 25-aad oo qeyb ka ah Kalfadhiga afaraad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. The post BFS Oo Ansixiyay ku noqoshada Miisaaniyadda 2018-ka appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamada Amniga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku soo dhigay xubin ka tirsan kooxda Daacish, sida uu sheegay Taliska NISA. War kooban oo ka soo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in qabashada sarkaalkan ka tirsan Daacish ay dhantaaleyso marinada dhaqaale ee ISIS, maadaama uu u qaabilsanaa kala gudbinta Dhaqaalaha. “Ciidamada Amniga ayaa fiidnimadii xalay oo ku beegan 13-ka Nofembar 2018, Magaalada Muqdisho kasoo qabtay shakhsi Ururka ISIS ee Soomaaliya iyo Xagjirka wadamada kale ka jira u kala gudbin jiray dhaqaalaha, Qabashada shakhsigan ayaa dhantaalaysa marinada dhaqaale ee ISIS”.ayaa lagu yiri war kooban oo lasoo dhigay Twitterka NISA. Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobollada dalka waxaa ka socda Howgalo ay wadaan Ciidamadda Hay’adda nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka, iyagoona ku soo qabtay xubno ka tirsan Xarakada Al Shabaab. The post NISA Oo gacanta ku dhigtay Xubin ka tirsan Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
  23. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiye Hay’adda Barakacayasha Somaliland Cabdikariin Xinif ayaa waxa uu jJawaabay Ku Xigeenkiisa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  24. Muqdisho ( Sh. M. Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Duhur-141118.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  25. Mundane madaxwayne bulshadeena reer somaliland waxa weeye bulsho dhaqaale ahaan u badan sabool , Aqoon ahaan u badan dad aan waxna akhriyin waxna qorin , dhaqan ahaan reer guraa ah , isgaadhsiintooduna tahay maxaa la yidhi, markaynu intaa ka nimaadno , waxay aaminsanyiin in uu shakhsi beeshooda ah uu wax uga keeni karo maamulka iyo dawlada markaa jirta , waxan ku matali karaa joharad iftiimaysa oo ay nuurka ka qaataan, Waxa hubaal ah shaqsiyaadkaasi inaanay waxtar ulahayn gaar ah dadkaas lkn waa aaminaad bulsho, inuu hebel kasoo jeeda beeshoodu haduu ka muuqdo maamulka ay ugu dhantay iyaga . Guntii iyo gunaanadkii , mudane madaxwayne dadwaynaha ku kasbo qodabadan soo socda, 1. Daacadnimo, waxad qabanayso iyo waxaad magacaabaysaba. 2. Cadaalad, inaad ku maamusho dadka iyo dalkaba , oo aad dadka tusto in aad madaxwayne uwada tahay kuuna simanyiin, 3, inaanad cidna ka ogolaan ku tagrifal hantiyeed , awoodeed iyo mid maamul , xataa ka dad kuugu xiga ha ahaadee. 4. Jihayn , inaad dadka ka jihayso siyaasada una jihayso barnaamijyo waxqabadleh , sida waxbarashada, nadaafada deegaanka iyo fanka iyo suugaanta iyo waxii lamida 5. Ladagaalnka sixirbararka , inaad jaangoyso sixirka iyo dhaqaalaha wadanka, ood abuurto ilo dhaqaale si loo badiyo shaqo abuurka. 6. Tayaynta waxbarashada, in kor loo qaado tayada jaamacadaha lana yareeyo kuwii aan u qalmin. 7. Siyaasada dibada . Inaynu raadsano asxaab ka duwan kuwii hore inagoo ka iibinayna waxaynu khayraad iyo istraatiijiyad leenay. Todobadaa qodab hala share gareeyo si at u gaadho madaxwaynaha ama maamulka ka agdhaw ay u gaadhsiiyaan . Dr . Mohamoud cabdi qiyaas . Source