Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,963
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hordhac Waa tii muddooyinkii ugu danbeeyey isbeddello baaxad weyni ka socdeen gobolka Geeska Afrika. Isbeddelladaasi waxay bilawdeen kolkii xukuumaddii Tigreega (TPLF) ee Itoobiya wakhtigeedii soo idlaaday, ka dib markii ay kala joogsan waayeen dibadbaxyadii ay Oromadu hormuudka ka ahayd. Waa tii Raysalwasaarihii dalkaas ee ay Tigreegu ku adeegan jireen iscasiley, ugu danbayntiina Abiy Axmed loo doortay Raysalwasaaraha cusub ee Itoobiya. Abiy waxa uu noqday hoggaamiyihii ugu horreeyey ee Oromo ah oo xil sidaas u sarreeya ka qabta dalka Itoobiya, waxa uuna isla markiiba bilaabay inuu isbeddelo waaweyn ka sameeyo gudaha dalka Itoobiya, talada sare ee dalkana ka sifeeyo kooxda TPLF ee hagardaamada iyo dibindaabyada ku haysey qowmiyadaha Itoobiya iyo idil ahaan waddamada Geeska Afrika. Ereteriya Ereteriya oo kamid ah dalalka Geeska ku yaalla ee ay cadaawaddu kala dhexaysey xukuumaddii TPLF ee Itoobiya ayaa markiiba waxa saameeyey isbeddelka Itoobiya ka dhacay. Si degdeg ah ayaa Abiy Axmed waxa uu ugu safray Ereteriya isaga oo heshiis nabadeed la saxiixday Madaxweynaha dalkaas, mudane Afwerki. Afwerki ayaa isna booqday Itoobiya iyada oo halkaas si diirran loogu soo dhaweeyey. Xukuumaddii TPLF maaddaama oo ay ka shaqaysay in Ereteriya la cunaqabateeyo, lana go’doomiyo, Abiy waxa uu beesha caalamka ka dalbaday in cunaqabataynta laga qaado Ereteriya. Madaxweyne Farmaajo ayaa isna u duulay dalka Ereteriya, waxana dib u soo laabtay xiriirkii dibloomaasiyadeed ee labada dal. Soomaali Galbeed Dadka ku dhaqan Maamulka Soomaalida ee Itoobiya waxa ay muddo ku dhibbanaayeen xukuumaddii TPFL. Tigreegu waxay ku dadaaleen inay gumeeyaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan dhulka Soomaali Galbeed. Cabdi Iley oo ahaa dhiig-yacab lagu soo carbiyey gacanta Tigreega ayaa maamulka dhulkaas loo dhiibey. Cabdi Iley, isaga oo adeecaya amarrada madaxdiisa TPFL, waxa uu ku dadaalay inuu gumeeyo dadkiisa, isaga oo geystey gumaad iyo dulmi tiro badan. Ka dib isbeddelkii Itoobiya ka dhacay, waxa talada Soomaali Galbeed la wareegey nin kamid ah dadkii ka cararay dulmiga Cabdi Iley oo lagu magcaabo Mustafe Cagjar. Mustafe waxa uu markiiba bilaabay isbeddello waaweyn, isaga oo soo celiyey magicii rasmiga ahaa ee maamulka “Somali State”, iyo heestii calanka ee Soomaaliyeey Toosoo. Si kale kuma garatid e, Mustafe waxa uu xoreeyey dadkii Soomaaliyeed ee uu gumeeyey dabadhilifkii TPFL ee Cabdi Iley! Soomaaliya Soomaaliya waxay kow ka ahayd dalalkii ka nasan waayey dibindaabyada iyo faragelinta xukuumaddii TPFL ee Itoobiya. Muddadii burburku Soomaaliya ka jirey, Tigreegu waxay ku dadaaleen inay ka shaqeeyaan sidii Soomaaliya xaaladdaas ugu jiri lahayd, waxayna dhaqan-geliyeen siyaasaddii gumeystaha ee “qaybi oo xukun”. Waxay la tacaamuli jireen maamullada dalka, iyaga oo dhinac maraya xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Ka dib isbeddelkii dhacay, Soomaaliya waxay ku guuleysatey inay xukuumadda Abiy ku qanciso in la joojiyo faragelinta Soomaaliya ka dib imaanshihii Abiy Axmed ee Muqdisho. Abiy iyo Farmaajo ayaa sidoo kale ku heshiiyey inay ka shaqeeyaan sidii gobolka isbeddel uga dhici lahaa, waddamada gobolkuna u wada shaqayn lahaayeen. Taas ayaa dabadeed keentay in Madaxweynaha Soomaaliya, Raysalwasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Ereteriya ay iska kaashadaan isdhexgalka gobolka iyo isu soo dhawaynta shucuubta gobolka, iyaga oo toddobaadkii la soo dhaafay markii labaad ku kulmay magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya. Maamul Goboleedyada Madaxda Maamullada Soomaaliya ka jira oo markii hore toos ula tacaamuli jirey xukuumadda Itoobiya, isla markaana had iyo jeer u duuli jirey Addis Ababa ayaa gabbalkoodii dhacay. Madaxweyne Farmaajo waxa uu Abiy Axmed kala hadlay faragelinta Itoobiya iyo la tacaamulka maamullada oo sharci ahaan khalad ah. Abiy waxa uu Farmaajo u ballan qaaday in xukuumaddiisu arrintaas joojin doonto, ayna ixtiraami doonto midnimada Soomaaliya iyo madaxbannaanideeda. Arrintaas ayaa fajac iyo amakaag ku noqotay madaxdii maamullada ee hoos ordi jirey xukuumaddii TPLF. Akhriste, meel kale haka deyin sababta ka danbaysa khilaafka hadda ka dhex taagan xukuumadda Federaalka iyo maamul goboleedyada, arrintaas ayaa sal u ah! Somaliland Somaliland oo sida caadiga ah gobol ka tirsan Soomaaliya ase doonaysa inay Soomaaliya ka go’do ayaa sidoo kale isbeddelka gobolku saameeyey. Somaliland waxay soo dhawayn fiican ka heli jirtey xukuumaddii Tigreega oo jeclaa kala qaybinta iyo kala qoqobka Soomaaliya. Waxay ula dhaqmi jireen sidii waddan madaxbannaan, wadashaqayn fiicanna waa la lahaayeen. Hase yeeshee, xukuumadda Muuse Biixi ee talada Somaliland la wareegtey waxay la kowsatey isbeddelka ka dhacay guud ahaan gobolka, gaar ahaanna Itoobiya. Abiy, isaga oo ixtiraamaya midnimada Soomaaliya, waxa uu marar badan diidey inuu la kulmo Muuse Biixi Cabdi, arrintaas oo werwer ku abuurtay Muuse iyo kooxda la shaqaysa. Sidaasi darteed, Somaliland waxa hortaalla inay ka faa’idaysato isbeddelka geeska ka socda. Ereteriya iyo Itoobiyaba heshiiye e, maxaa diidaya in maamulka Somaliland la heshiiso Xukuumadda Federaalka? Jabuuti Dowladda Jabuuti waxay qayb ka tahay dalalka uu saameeyey isbeddelka Geesku. Madaxweyne Farmaajo iyo Abiy Axmed ayaa ka shaqeeyey sidii loo heshiisiin lahaa Jabuuti iyo Ereteriya. Wasiirrada arrimaha dibedda Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya ayaa ka degey caasimadda Jabuuti, iyaga oo la kulmay dhiggooda dalkaas. Jabuuti iyo Ereteriyana waxay ku guulaysteen inay ka heshiiyaan khilaafkii muddada dhex yaalley, waxayna soo ceshadeen xiriirkii ka dhexeeyey. Hase yeeshee, waxa muuqata in Jabuuti ka maqan tahay kulamada u dhexeeya madaxda dalalka Geeska sida Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya. Sidaas awgeed, Jabuuti waxa la gudboon inay la jaanqaaddo isbeddelka Geeska ka socda oo ay walaalaheeda Soomaaliya miiska la fariisato codna ku biiriso. Jabuuti waxba ka faa’idi mayso inay iska indhatirto isbeddelka ka socda hareereheeda oo dabcan saamayn ku yeellan doona masiirkeeda. Maxaa Soomaalida la gudboon? Ugu danbayntii, Ummadda Soomaaliyeed waxa la gudboon inay fursadda ka faa’idaystaan oo ay si fiican ula jaanqaadaan isbeddelka Geeska ka socda. Soomaalidu maaddaama oo ay ka mid tahay qowmiyadaha ugu ballaaran Geeska, saamayn weyn ayay ku yeellan karaan arrimaha masiiriga ah ee Geeska. Soomaaliya waxay dhacdaa goob istaraatiji ah, waxayna leedahay badda ugu dheer Afrika. Itoobiyana waxa ku nool ku dhawaad 100 milyan oo qof. Itoobiya ma haysato bad ay wax kala soo degto, sidaasi awgeed, Soomaaliya waa inay ka faa’idaysataa baahida Itoobiya oo ay dekedaheeda u furtaa Itoobiya, halkaas oo uu dhaqaale badan ka soo geli doono. Taas micneheeduse maaha, dekedaha Itoobiya ayaa la siinayaa sida dadka qaar u fahmaan! Sidoo kale, suuqa Mallaayga/kalluunka ee Itoobiya waa in laga faa’idaystaa oo mallaay loo dhoofiyaa Itoobiya. Ugu danbayntii, Soomaalidu waa inay ka shaqayso sidii ay isu garabsan lahaayeen qowmiyadda Oromada oo haatan gacanta ku haysa dalka Itoobiya. Oromada iyo Soomaalidu waa isku Kushitik, dhaqan iyo dhulna waa wadaagaan. Sidaasi awgeed, ha laga shaqeeyo sidii labada qowmiyad uga heshiin lahaayeen xurgufta ka dhex taagan. Iskaashiga Oromada iyo Soomaalidu waxa uu noqon doonaa mid saamayn ku yeesha gobolka oo labada dhinacba dan u noqon doona. W/Q: Ilyaas Xaaji Xuseen
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiiru dowlaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Koofur Galbeed Abba Awoow Suufi, ayaa markii ugu horeysay si cad u sheegay in xildhibaanada Koofur Galbeed ay dhaqaalo kasoo doonteen magaalada Muqdisho. Abba Awoow, ayaa waxaa xilka ka qaaday Shariif Xasan Sheikh Aadan ka hor inta uusan iscasilin, balse Abba ayaa kasoo horjeestay xil ka qaadista, isaga oo sheegay in madaxweyne waqtigiisa dhamaaday uusan xil ka qaadi karin. Wareysi uu bixiyay Wasiiru dowlaha Dhalinyarada Koofur Galbeed ayuu ku sheegay inay magaalada Muqdisho usoo Qaraab doonteen, sidii maamul goboleedyada ay ugu qaraab doonan jireen dalalka Caalamka. Ma uusan cadeyn cadadka dhaqaalaha la siiyay xildhibaanada Koofur Galbeed oo wali qaarkood ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, balse wuxuu cadeeyay in dhaqaalo ay kasoo doonteen magaalada Muqdisho. Cadaadis uu dareemay Shariif Xasan ayaa sababay in iscasilaad uu ku dhawaaqo, waxaana xildhibaanada ugu badan ay yimaadeen magaalada Muqdisho si ay u sameeyaan olole ka dhan ahaa. Doorashada Koofur Galbeed ayaa dib kaga dhaceysa waqtiga lagu balamay oo ah 17 bishaan, waxaana guddiga doorashada ay ku dari doonaan 10 maalin oo dheeri ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimad@live.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay safarada madaxweynaha Soomaaliya uu ku aado dalalka Deriska oo saaxiibo dhow ay yihiin. Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in Xogaha la xiriira socdaalka madaxweyne Farmaajo ee gobolka ay ka helaan ra’iisul wasaaraha Ethiopia, maadaama madaxweynaha uusan faahfaahin kulamada iyo natiijada kasoo baxdo. Wuxuu ka dalbaday madaxweyne Farmaajo uu xogaha Safarada uu aado la wadaago Shacabka Soomaaliyeed iyo xildhibaanada baarlamaanka. “Socdaalada madaxweyne Farmaajo ee Xalaal Itoobiya waxaa lagama maarmaan ah in xogta iyo xaqiiqda ku saabsan safaradaas uu banaanka soo dhigo, jawaab lagu qanci karana uu dadkiisa ka siiyo shakiyada waaweyn ee ku hareeraysan socdaaladiisa muuqda ee shibta ku soo gabagabooba” “Xalaal Itoobiya (sida wadaniyiinta 8-da Febraayo ay noo barayaan) hogaamiyahooda Abiy Ahmed wuxuu kulan walba gadaashiisa dadkiisa la wadaagaa goojooyin hadallo yaryar oo ku saabsan wixii lagu wada hadlayama meesha uu dalkiisa u wado, laakin madaxweynaheena shar iyo khayr wuxuu noo soo qaadayba weli waa la hullaaban yahay, macquulna maahan in Abiy Ahmed uu noqdo halka kulamada madaxweynaheenu uu ka qeybgalo xogtooada aan ka qaadanno”ayuu yiri xildhibaan Fiqi. Wuxuu hadalkiisa kusii daray “Haddii wadahadal ay wadamo galayaan waxaa xaq loogu leeyahay madaxweynaha in umadda uu madaxda u yahay uu la wadaago xogta iyo xaqiiqda, haddii shakhsiyaad sheekaysanaya oo fadhi ku diriraya ay yihiinna waa wax loo qaateen ah aamusnaantu”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Dhagar Qabaha yaa idhi ? Dhalashaad wadaagaan ? Yaa Masuul ka dhigay Nink shilinka dhaafsaday (Abwaan Laabsaalax) Hordhac Qormadan waxaan ku falanqayn doonaa Caqabadaha hortaagan amniga magaalada muqdisho iyo isku dayada aan qorsheysnaan ee dawlada fadaralka soomaaliya ku rabto iney ku soo celiso amniga iyo xasiloonida magaalada muqdisho . Inta aynu ku gudo jirno falanqaynta waxaan soo qaadan doonaa caqabadaha hortaagan amniga magaalada muqdisho kuwaas oo ah kuwa ugu weyn ee curyaamiyay isku dayadii amniga ee xukuumadihii kala danbeeyay ee soo maray dalka soomaaliya . Caqabadahaas waxaa ka mid ah :- Xarakada Alshabaab Hogaan-xumada iyo siyaasad xumada haysata hay,addaha amniga Wada-shaqeyn la,aan laamaha amniga iyo shacabka magaalada Muqdisho Xarakada Alshabaab Xarakada Alshabaab ayaa ah Caqabada koowaad ee hortaagan amniga magaalad muqdisho waana Urur Diimeed ka dagaalama Koonfurta iyo bartamaha soomaaliya. Alshabaab waa xooga kaliya ee halista iyo hagar-daamada ku haya guud ahaan shacabka soomaaliyeed gaar ahaan shacabka magaalada muqdisho, Waxay fuliyeen qaraxyo lagu hoobtoy iyo dilal qorshaysan oo lagu beegsanayo haldoorka iyo hormoodka shacabka soomaaliyeed. Inkasta oo ayna xoog muuqda ku lahayn gudaha gobolka banaadir laakiin waa xoog dahsoon oo ka jira gudaha magaalada. Fulinta qaraxyada iyo dilalku waa kuwo leh qorshe heer sare ah kuwaas oo ka kor maray qorshaha hay,addaha amniga ee dawlada fadaralka soomaliya . Waxay leeyihiin hawl wadeeno amni oo ka xirfad iyo qorshe sareeya kuwa u shaqeeya laamaha amniga ee dawlada fadaralka soomaaliya. Qorshe Xumadi haysata Hay,addaha sirdoonka Caqabada labaad ee hortaagan amniga magaalada muqdisho ayaa ah fahan yari haysata madaxda dawlada ugu sareeya . Madaxweynuhu wuxuu sameeyay wareegtooyin is xigxiga kuwaas oo ku saabsan amniga magaalada muqdisho sidoo kalana qaraxyada Alshabab ee dhacaa waxay galaaftaan saraakiil iyo madaxda amniga laakiin dhamaan isbadaladaasi oo dhami waxba kuma soo kordhin amniga magaalada muqdisho. Sidoo kale hay,addaha amnigu waa kuwo aan u muuqan inay guteen hawlihii loo igmaday Hay,adda Nabad Sugidu (NISA) waa hay,adda u qaabilsan dawlada fadaralka soomaaliya arimaha sirdoonka waana hay,add laga rabo inay raadiso xogaha ku saabsan arimaha amniga sidoo kale waxay tahay inay ka hortagto falalka amni daro ee abaabul ee wax lagu yeelaynayo amniga guud ee dalka laakiin taasi habayaraatee ma muuqato oo muqdisho gudaheeda waxaaba kaga gacan sareeya sirdoonka Alshabaab ( Amniyaad). Qorshe xumada hay,addaha amnigu waxay horseeday maamul daadajin la,aan laamaha amniga iyo isku dhacyada ciidamada qalabka sida . Wada-shaqeyn la,aanta Hay,addaha Amniga iyo Bulshada Caqabada Saddexaad ayaa ah wada-shaqayn la,aanta laamaha amniga iyo bulshada ee magaalada muqdisho . Wada shaqaynta bulshada iyo booliskuna wuxuu meesha ka baxay markii shacabku ay kalsoonida kala laabteen markii uu dhacay burburkii dawladii dhexe Dawladihii is xigay midna kuma guulaysan soo celinta iyo soo nooleynta kalsoonida shacabka laakiin waxay xal moodeen abuurista qorshe amni oo ah kantaroolo lagu baadho wixii laga shikiyo . W/Q: :Abdirahman Yakub Hassam Security Analyzer Jacobhassam@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  5. Halkan ka aqriso qeybihii hore ee qormadan Musuqmaasuq Soomaaliya ayaa marar badan kaalinta kowaad ama labaad ka gashay dalal aduunka ugu musuqmaasuq badan. Waxaan wax aad looga galiilyoodo in musuqmaasuqa iyo wax is dabamarintu ay noqotay wax lagu faano. Waa xusid mudan in qabiilka iyo musuqmaasuqu yahay labo aan kala maarmin. Waxaan aad loo jecelyahay qofka xoolo aanu lahayn si talax tag ah ugu fagrifala ama u bixiyo si xad-dhaaf ah. Dhibaatooyinka musuqmaasuq u geysta dalka iyo dowladnimada waxaa ka mid ah: Cadaalad daro: Musuqmaasuqu wuxuu keenay in la waayo cadaalad iyo sinnaan sharciga hortiisa ah. Waxaana markasta dhacda in dad badan ay laaluush ku bixiyaan sidii ay u heli lahayeen wax aaney xaq u lahayd. Maxkamadaha dalka ayaa waxaa ka jira musuqmaasuq xidideeystay, kaasoo qofna aan kalsooni ku qabin in cadaalad uu helaayo haddii aanu bixin laalush ama aanu helin hiil iyo iyo garab. Cadaalad darada ka jirta ha’addaha dowladda gaar ahaan laanta garsoor ayaa waxay keentay in dad badani ay dowladda ka niyad jabaan oo ay taageeraan kooxaha seef la boodka ee dagaalka kula jira dowlad. Waxaa hubenti ah haddii aan la helin cadaalad bulsho, inaan la helayn dowlad tayo iyo karti leh oo si siman ugu adeegta shacabka soomaaliyeed. Qabyaalad iyo Qaraabo kiil: musuqmaasuq wuxuu cayiliyaa qabyaaladda, eexda iyo qaraabo kiilka. Qofka tuugaa wuxuu markasta jecel yahay in aan la qaban oo ku badbaado dhibaatada uu geysanaayo, qabiilkuna wuxuu riyaaqa ruuxa xoolo badan mudo yar gudaheed ku sameysta, qaraanka bixiyo, tolka qofkii u taga lacag badan siiya, dadka tolkaa shaqo siiyo, waxayna lahayn u soo dhaca. Beelaha soomaalidu haddii qofka dhaqankaas leh la damac in lagu ciqaabo dambiga uu galay, waxaa inta badan ka dhashay falcelin ka timaado qabiilka oo lagu doonaayo in ruuxa ama qofka musuqmaasuq-laha ah la badbaadiyo laguna sii dalacsiiyo. Musuqmaasuqu maaha keliya lacag la qaato ama laaluush la bixiyo, ee waa hab dhaqan uu qof ama koox ay ku fagrifalaan awooddii xaafiiska si ay u fushadaan dano gaara. U hiilinta qof loogu hiiliyo wax aanu xaq u lahayn, aqoon u lahayn ama karti lahayn ayaa dhaqan ka noqotay xaafiisyada dowladda, hay’addaha iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay. Waxaa xusid mudan in nidaam awood qeybsiga ee 4.5 uu sii xoojiyey qabyaaladda iyo eexda, maadama qofkii mas’uulka ahaa qabiil soo doortay, waxaa laga filayaa inuu u adeego danaha iyo rabitaanka tolkii soo doortay. Tani waa falaar wadnaha ugu taagan dowladnimada iyo maamul wanaagga cidkasta ay u habuun qabto. Maamul Xumo: Maamulxumada iyo wax is dabamarintu waxay curyaamisay hanaankii dowliga ahaa, kan hay’addaha iyo shirkadaha. Waxaana xaafiisyadii dowladda loo isticmaalay in lagu gaaro dano gaar ah. Hay’addaha samofalka ayaa noqday meel laga sameeyo dhaqaale xad-dhaaf ah taasoo curyaamisya hufnaanta iyo daahfurnaanta shaqooyinka ay bulshada u hayeen. In badan oo ka mid ah hay’addaha NGOs loo yiqaan ee maxaliga iyo shirkadaha ayaa u burburtay musuqmaasuq iyo daldalasho lagu sameeyo dhaqaalihii yaraa ee loogu talo galay dadka baahan ama hantidii shirkadaha lagu aaminey. Sidaas darteed musuqmaasuqu wuxuu keenaa maamul xumo, isqab-qabsi iyo burbur soo gaara hay’adda dowliga ahaa, kuwa aan dowliga ahayn iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay. Maamul xumadu waxay curyaamisa shaqadii loo baahnaa in la qabto waxayna dhaawac weyn u geystay anshaxa iyo sharafta hay’addaha iyo shirkadaha kala duwan. Amni Darro: musuqmaasuqu wuxuu qeyb u weyn ka yahay dhibaatooyin amni iyo dilalka dalka halakeeyey. Cid kasta oo dooneysa inay geysato falal amniga iyo kala dembeynt lagu khalkhaliyaano, waxay laaluushtaa kuwii shaqadaas lagu aaminay. Haddii ciidanka amniga ilaalinaayo ama shaqaalaha aan la siin ama la musuqmaasuqo mushaarkoodii ama xuquudii asaasiga ahayd ee ay lahaayeen, marna la filan karo in dowladdu amnigii iyo nabaddii soo celiso. Sumcad Xumo: Hoos u dhaca kuyimid hanaankii shaqada ee hay’adahaas wuxuu sharafta ka qaaday dadka madaxda ee lagu sheego iney iibsadaan awooda xaafiiska ama hay’adda ay u shaqeeyaan. Tusaale ahaan waxaan u soo qaadan karnaa in badan oo ka mid xildhibaanadda ayaa waxaa lagu eedeeyaa inay keenaan Moshino/soo jeedin ku saabsan in la rido xukuumadda. Arrintaan waxay dhibaato weyn u geysatay sumcadda iyo sharafka golaha baarlamaanka iyadoo dadku aaminsan yihiin in qofkasta oo baarlamaanka ka mid noqday uu yahay musuqmaasuq. Hay’addaha gaar ahaan kuwa maxaligaa ayaa sidoo kale ayaa waxaa lagu sheegaa inay aad wax isu dabamariyaan, taasoo keenta in aaney qaban shaqadii laga rabay ama loo soo idmaday. Tayo Xumo waxbarasho: musuqmaasuq baahan ayaa aafeeyey xarumaha biyo waxbarashada heerarkeeda kala duwan ee ka jira dalka gudihiisa. Maadaama ay burbureen nidaamyadii ilaalinta iyo hubinta tayada waxbarashada waxaa caadi iska noqotay qishka iyo musuqmaasuqa lagu sameeyo imtaxaanadka dugsiyada dhexe, sare iyo jaamacadaha. Inkastoo ay dad badani furteen xarumo wax lagu baro dhalinyarada iyo dadka raba inay aqoontooda kororsadaan, haddana ilaa waqtigaan dowladdu ma aaney sameyn hay’adda si gaar ah ugu xilsaaran hubinta iyo xaqiijinta tayada heerarka kala duwan ee waxbarashada. Sidaas darteed, waxaa aad u badatay dugsiyada iyo jaamacadaha aan wax xil ha iska saareyn tayada aqoonta ay bixiyeen. Arrintaa waxay dhibaato weyn ku tahay dalka iyo dadkaba maadaama dhaliyarada/dadka ka soo baxa dugsiyada iyo jaamacadaha bixiya waxbarashada tayo la’aanta ah aaney la tartami Karin kuwa tayadooda laga taxadaro ama dhowro. Dadka wata shahaadooyin waaweyn laakiin aan lahayn aqoonta u lahayn waxa ay sheeganayaan iney soo barteen, waxay keeni karaan halis weyn bulsho. Waxaa jirta oraah tiraahda haddii aad rabti inaad dal burburisid waxaa la baabi’iyaa ama la wiiqaa tayada waxbarashadiisa, maxaa yeelay waxaa u soo baxa dhakhaatiir aan wax daaweeyn Karin, injineero aan wax dhisi Karin IWM, taasina waxa keeneysaa in dalkaasi uu kala socon waayey, ugu damebyna uu burburo. Khilaaf iyo Dagaal: musuqmuusuqu wuxuu sababaa khilaaf iyo dagaalo ka dhex dilaaca dadka wax ka dhaxeeyaan. Musuqmaasuq wuxuu keenaa in dadka loogu eexdo qabiilkooda,/koox, gobol ama deegaan gaar ay ka soo jeeda, isla markaana loo sameeyo sadbursi taasna ay ka careysiiso kuwii laga eexday ama lagacan-bidixeeyey, kadibna halkaas uu ka bilowda kala aamin bax iyo khilaaf. Musuqmaasuqu wuxuu ka mid yahay caqabadaha ugu waa weyn ee hortaagan dowladnimada iyo nabadda soomaaliya, maadaama qabiilku aanu ka dhexbixi Karin musuqmaasuq, eex iyo qaraabo-kiil, siyaasaddii iyo dowladnimadii laga dhigay qabiil, qofkastaa wuxuu shaki ka qabaa in la musuqmaasuqi doona oo aanu cadaalad heleyn. Faqri iyo gaajo: Musuqmaasuqu wuxuu keenaa in dad yar hantidii iyo dhaqalihii gacanta ku dhigaan taasoo keenta intabadan bulshadu ay wajahdo fakhri iyo dar-xumo. Musuqmaasuqu wuxuu abuuraa in dadka ay ka dhexsameysanto dabaqado kala sareeya ee xagga nolosha , iyadoo dabaqadu ugu dhaqaalaha badan uguna tirada yar bulshada ay gacanta ku dhigaan awoodihii dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalka. Sida la wada og yahay bani-aadamku kama daalo xoolo tabac iyo wax hanti aruursi xitaa haddii la siiyo malaayiin hanti oo koonka taala. , sidaas awgreed dadka dhaqaalaha musuqmaasuqa ku hela marna kama daffaan kama caajisaan, kamana xishoodaan iney dheeraad iyo kororsi sii doonaan. Mudadii dalku ku jiray dagaalada, ayaa waxaa jira dad tira oo hodmay halka inta badan ay ku nool yihiin nolol aad dhaqaale ahaan aad u hooseeysa. Inta badan dadka dhaqaalaha ku helay musuqmaasuqa ayaan ka daali doonin inay raadiyaan wixii ay barteen, taasi waxay caqabad ku tahay dowladnimada iyo in la helo cadaalad bulsho. Burburinta Anshaxa iyo Qiyamka bulshada: musuqmaasuq wuxuu wiiqaa ugu dambeyna burburiyaa anshaxa iyo qiyamka bulshada, maadaama uu abuuro dhaqan xun oo xatooyo iyo qaataye-qaado ku saleysan. Dhaca iyo wax isdabamarintu waxay gaartay inaan lays kula yaabin oo loo qaado arrinta caadi. In la caadeysto xatooyo iyo khiyaano oo ah wax dhaqan suuban iyo diinteena islaamka ku xun, ayaa waxay muujineysaa heerka aan ka gaarnay musuqmaasuq iyo sida aan laysula yaabeen. Inta bulshada u dulqaadaneyso musuqmaasuq oo ay qabiil ku difaacayso shaqsi dhacay xoolihii dadka masaakiinta ah, in la helo nidaam cadaalad iyo horumar noo keenaa waa aan dhici Karin. Sidaas darteed, musuqmaasuqu maaha caqabad keli ku ah dowlad laakiin wuxuu dhibaatada ugu weyn ku hayaa bulshada. Adeeg bulsho iyo horumar la’aan: dhibaatooyinka musuqmaasuqu keeno waxaa ka mid ah in dhaqaalihii loogu talo galay adeegyada bulshada ee asaasiga ah sida caafimaadka, biyaha, waxbarashada, wadooyinka iyo korontada ay ku dhacdaan jeeb iyo akoon qof ama koox gaar ah ay leedahay. Marka dhaqaalihii lagu fulin lahaa adeegyada asaasiga ee bulshada waxaa dadku soo wajahda dhibaatooyinka keena dhimasho, aqoon daro iyo horumar la’aan. Musuqmaasuqa iyo daciifnimo hay’addaha dowladda ayaa waxay keentaa in bulshadu aaney wax adeeg bulsho la taaban karo….la soco qeybta xigta oo ku saabsan arrimaha diinta, insha allahAfeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com MahadsanidW/Q: Dr Cabdullaahi Maxamed Xersi (Qorax). Dr. Qorax, waa aqoonyahan ku takhasusay cilmiga nabadda iyo xalinta khilaafyada haystana shahaada PhD da. Wuxuu ku noolyahay magaaladda Nairobi, dalka KenyaEmail: abdullahi.qorah@gmail.com
  6. Odoyaal Qaxoontiga soomaalida dalka yaman oo UNHCR xidhay Kadib banaan bax ugu danbayntii ay isku hortaageen xafiiska wayn Ee UNHCR ay ku leedahay caasimada dalka ee sanca iyagoo wata qoraalo ay ku sheegayeen baahidooda iyo dhibaatooyinka oo kusii badanaya qaxootiga soomaalida dhibaatooyinkaa oo horseed koodu yahay dagaalka aadka u balaadhan ee sanidkii afraad galay Hadaba in kastoo qaxootiga soomaalidu uu aad uga yaraaday yaman iyagoo xoog ugu noqda dalka hooyo ee soomaaliya .. ayaa inta hadhay aad uga walwalsan yihiin dagaalka sii daba dheeraaday iyo dhibaatadoo sii badanaysa Odoyaasha ay UNHCR xidhay oo dhan toban ayaa ku xidhan saldhig boolis oon ka dheerayn xafiiska wayn Ee UNHCR.. Hadaba waxa layaaba maxaa lagu xidhay? Bahdilaada soomaalida haysata ayay kamid tahay in odoyaasha loo xidhay inay ku kaceen falkan aad sawirka ka arkaysaan Waxaan ugu tagay odayaasha laxidhay saldhiga booliska waxaanay ii sheegeen inaanay intaa sawirka idiinka muuqata wax kabadan aanay samayn sawirkana mid tilifoonadooda kamida ayaan kasoo qaatay Xuquuqal insaanka ay ka sheekeeyaan UN muxuuyahay.. !! ?? Ilaahay umma soomaaliyeed duliga hakasaaro Qaran News
  7. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ugu baaqaysaa Golaha Wakiilada inuu diido wax ka bedelka Xeerka Booliiska Xarunta Xuquuqal Insaanka ee Somaliland waxaay ugu baaqaysaa Golaha Wakiiladu inuu diido soo jeedinta wax-ka-bedelka Xeerka Booliiska. Gudida Arimaha Gudaha ee Golaha Wakiiladu waxaay 13kii November 2018 u soo gudbiyeen Golaha wax ka bedel lagu sameeyey xeerkii booliiska ee dhowaan madaxwaynuhu saxeexay. Waxa la filayaa in Goluhu u codayn doono maalinta sabtida ah ee 17ka November. Xeerka Booliiska waxa Golaha Wakiiladu cod aqlabiyad wayn oo sadex meelood oo laba ah uu ku ansixiyay 3d December 2017 isaga oo laalay soo jeedin hore oo madaxayne xigeenkii hore dib ugu soo celiyay Golaha. Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayaa xeerka saxeexay 26 December 2017. Ansixinta xeerku waxaay ahayd talaabo dhinaca horumarka loo qaaday sababata oo ah Xeerku wuxuu abuurayaa gudi madax banaan oo looga caban karo Booliiska, islamarkaana wuxuu awood u siiyay maxkamadaha caadiga ah inay qaadaan dacwadaha ka dhanka ah Booliiska. Sidoo kale Xeerku wuxuu mamnuucay in Boolilisku u adeegsado xabad nool dad aan hubaysnayn. Tan iyo markii la saxeexay, xeerka lama dhaqangelin. Wax ka bedelka cusubi wuxuu hoos keenayaa booliiska maxkamadda militariga, wuxuuna baabiinayaa gudida madaxa banaan ee looga caban karo booliiska, isago oo ogolaanaya in booliisku xabad nool isticmaali karo, xidhi karona dadka isaga oo aan haysan amar garsoore. Wax ka badelka cusub ee ay dawladdu hada soo jeedisay waa mid jebinaya dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo halbeegyada caalamiga ah. Difaacayaasha xuquuqal insaanku waxaay u arkaan wax ka bedelka cusub inuu yahay isku day la doonayo in looga dhigo Booliiska hay’ad sharciga ka saraysa oo aan cidina xisaabin. Booliisku maaha hay’ad militari mana aha in la ogolaado in laga dhigo militari. Sanado badan ayaa loo halgamayay sidii loo heli lahaa xeer u noqda aasaas dib u habayn haboon oo lagu sameeyo booliiska. Markii Xeerkii la ansixiyay, dawladdu waxaay diiday inay dhaqangeliso xeerkii, hadana waxaay soo gudbisay wax ka bedel kakan. Xaruntu waxaay ka codsanaysaa xubnaha Golaha Wakiilada inay diidan wax ka bedelka Xeerka oo ay la saftaan dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, isku xukunka sharciga iyo xuquuqal shacabka reer Somaliland ee soo doortay. Guleid Ahmed Jama Agaasimaha Xarunta Xuquuqal Insaanka, Somaliland Email: hrcsomaliland@gmail.com Twitter: @hrcsomaliland @GuleidJ Human Rights Centre: the government proposes iron-fisted amendments of the Police Act Human Rights Centre calls on the House of Representatives of Somaliland to reject a government proposed amendments of the Police Act. The Internal Affairs Committee of the House of Representative submitted the amendments to the House on 13th November 2018. The House is expected to vote for the changes on Saturday, 17th November. On 26th December 2017, the President signed the Police Act into a law. The Act was approved by the House of Representatives on 3rd December 2017, overriding a veto of the then President who returned the Bill to the House on 3rd February 2014. The approval of the Act was a positive step forward. It creates an oversight body independent from the Police and subjects the police to the jurisdiction of civilian courts. It expressly bans the Police from using live ammunition against unarmed civilians. Since its signature into a law, the Act has not been implemented. The amendments subject the police under the military courts, removes the independent oversight body, and allows the police to use fire ammunition and conduct arrests without court warrants. These changes contradict article 25 and article 104 of the constitution of Somaliland. Article 104(2) of the Constitution says: “the courts of the Armed Forces shall have special jurisdiction in hearing criminal charges brought against the members of the armed forces in peace or war.” Article 25(2) states “no person may be arrested, searched, or detained, except when caught in flagrante delicto, or on the issue of a reasoned arrest warrant by a competent judge.” “The amendments suggested by the government violate the Constitution of Somaliland and are contrary to the international standards. The human rights defenders view the changes as an attempt to make the police an institution that is above the law and has no accountability at all,” says Guleid Ahmed Jama, the director of Human Rights Centre. “The Police is not a military organ and cannot be permitted to be militarized. In years we have been struggling a law that can become a basis for proper police reform. When the Act was finally adopted, the government rejected it and is now proposing a draconian version. The law was not even allowed to work. It is now nearly a year since it was enacted. It was left at the shelves and deliberately refused to be applied because of the accountability framework the law provides,” he added. The Human Rights Centre requests the members of the House of Representatives to reject the proposal of the government and side with the constitution of the Republic of Somaliland, rule of law and human rights. Guleid Ahmed Jama Director of Human Rights Centre Somaliland Email: hrcsomaliland@gmail.com Twitter: @hrcsomaliland @GuleidJ — Guleid Ahmed Jama Director of Human Rights Centre, Hargeisa Somaliland Phone: +252634468227 Email: hrcsomaliland@gmail.com Home Human Rights Centre (HRC) is the only local human rights watchdog based in Somaliland. It is registered with the Somaliland government as a non-profit-making, non-governmental organization with its own legal personality. Connect wit us: https://www.facebook.com/HumanRightsCenterHargeisaSomaliland Qaran News
  8. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacadda Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Bar_____Qubanaha-Wararka-shabeelle-14112018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  9. (SLT-Hargaysa) Wariyayaal caan ka ah Somaliland ayaa qoraal ay ku saxeexan yihiin oo ay soo sareen wuxuu u dhignaa sidan. “Waxa aanu nahay wariyeyaal ka soo horjeeda ururka suxufiyiinta ee SOLJA , oo u arka in aanu na matalin ee uu isagau is matalo, sidaa awgeed waxa aanu shaacinaynaa islamarkaana ugu baaqaynaa wariyeyaasha Somalilnd ee nala aragtida ah in ay nagu soo biiraan si aanu aayahayaga uga wada tashano ,annaga oo kala ah wariyeyaasha magacyadoodu hoosta ku xusanyihiin : 1- Cali Aadan Daahir 2- C/Sataar Cabdilaahi( Sabri ) 3- Nuuradiin Colujoog 4- C/Maalik Sh.Muuse Coldoon 5- Mawliid Digeed 6- Nuux kadiye 7- Ibraahin Faarax Macaaneeye 8- C/Risaaq Faarax ( Nakruuma) 9- Cali-Daahir Maxamed Boos 10- Maslax Sidde 11- Cabdirisaaq-Teerra 12- Xabiib Cige 13- Maxamed-Jookar 14- Sakariye-Jaakarta 15-C/Risaaq Qaasin Jaamac 16-Mahad-Soomane 17-C/Fataax Xasan Xuseen ( Xareed) 18-C/Qaadir Cismaan Dubad 19- Maxamed Dirir 20- Mahad Cali Goodir 21- C/fataax Ismaaciil Caarshe 22 -Axamed Muuse Sh.Xasan ( Buudhi) 22- Cali Aadan Dirir 23- Faarax Dubad 24- Jaamac Boodacadde . 25- Axmed Maxamed Nadiif. 26-Cabdillaahi Abu Xaniifa . 27-Maxamed Bashiir Nuur-Giriig 28- Siciid Cagjar. Source
  10. Somaliland waxay dib mar kale u hantiday madax bannaanidii iyo xorriyaddii ay lumisay 1960, waxay se ugu kacday qiime aad u sareeya iyo nabarro saamayn ku yeelan doona noloshooda sanado badan, sidaas oo ay tahay Somaliland wali lagama hadhin. Xukumadda Soomaaliya, Ururo iyo dawlado la xulufo ah dhammaantood waxay ku foogan yihiin sidii loo mijo xaabin lahaa JSL iyaga oo adeegsanaya xeelado iyo midabo badan. Madaxda Soomaaliya halkii ay ku mashquuli lahaayeen dhismaha nidaam dawladeed oo shaqaynaya iyo sidii ay uga xoroobi lahaayeen ciidamada shisheeyaha ah ee dusha ka haysta wuxu wakhtigu kaga lumay la dagaallanka Somaliland, maalmahan waxay xoogga saareen kala qaybinta bulshada reer Somaliland waxay ku soo abaabuleen colaado la soo dhex mariyay Puntland waxay dhinac wadaan olole diblamaasiyadeed oo ka dhan ah danaha Somaliland iyo in laga faquuqo beesha caalamka laakiin, waa wax aan dhici Karin in Somaliland lagu muquuniyo midnimo iyo fikradda Soomaali weyn oo bari hore dhimatay oo ah riyo laga soo toosay dibna loo arki doonin. Si kastaba ha ahaatee Somaliland oo boqolaal sanadood la soo dhisayay waxa lagu dumiyay maalmo yar gudahood si dib loogu dhisana waxay qaadan doonta wakhti aad u dheer iyo hawl adag oo u baahan in loo dhibar adaygo, sidaa daraadeed marba marka ka dambeeya waxa sii yaraanaya samirka, waxa hoos u dhaca ‘momentum-ka bulshadu wax ku wadday, waxa bata in hawsha la isku hiifo iyo in dhalliisha la isku riixriixo, canaanta xooggeeda waxa dusha loo saara hadba kuwa talada haya. Runtii duruufaha dalka soo maray iyo kuwa haddaba jira qaarkood way ka awood badan yihiin dhammaantood xukumaddii dalka ka soo taliyay laakiin, shicibku wuxuu dareemaya in arrimaha qaarkood madaxdoodu hagratay oo wax badan oo la qaban karayay lahaa laga gaabiyay, sidaas awgeed bulshadu waxay u siman tahay wixii inaga baaqday ama dib u dhacay sababtoo ah dhammaanteen waxaynu wada saaran nahay dooni qudha. Saluugga iyo cabashada dadweynuhu ma aha wax la soo koobi karo hadddana dadka qaar kama rajo xuma mustaqbalka iyo in wax kastaba hagaagi doono barrito ka maalin, hase ahaatee waxa jira qaybo kale oo u nuglaaday ama xammili kari waayay dhibaatada nolosha ka haysata iyo markii ay hore u arki waayeen guulihii ay filayeen in si degdeg ah loo gaadhi doono oo ku xallila in ay sameeyaan dhibaato ka culus wixii ay ka cabanayeen, niyad xumida shicibka iyo in ay mustaqbalka ka werweraan waxa ku sii shida siyaasiyiin aan bislayn (immature or second class politicians) oo siyaasadda u yaqaana kala qaybinta bulshada. Akhrista bal dhugo sheekadan oo dadka qaar ku dhacaan marka caqligu ka lumo: Xayn jiir ah(Tiro) ayaa waxay ku noolaayeen aqal, ninkii aqalka lahaa markii uu habeenkii ka seexan kari waayay sanqadhii ama u adkaysan waayay dhibaatooyinkiisii kale ayuu gurigii dab qabad siiyay si uu jiirka u laayo, dabcan jiirkii wuu dhintay laakiin, gurigii sidii uu u dhammaa wuu gubtay iyo waliba wixii hoos yaallay (We must not burn down the house to kill the rats). Sheekadu waxay inagu baraarujinaysa haddii aad neceb tahay ama aanad ku qanacsanayn hoggaaminta madaxweynaha marka talada haya mucaaradadaadu yaanay kula gaadhin heer dhaawici kara Qarannimada iyo dawladnimadii aad ku soo tacabtay ee aad naftaada iyo maalkagaba u soo hurtay. Dalkan waxa lagu xoreeyay wada jir, Qarankan waxa lagu yabyabay oo lagu dhisay wada jir, waxa lagu difaaci kara wada jir, xooggeenu waa midnimadeena sina uma kala maarantan sidaas daraadeed waa in laga ilaaliya tafaraaruqa iyo wax kasta oo wiiqi kara wada jirka umadda. Isma Hurtooy isu hambee. W/Q Cabdiraxmaan Cadami Abdirahmanadami22@gmail.com Source
  11. (SLT-New York)Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa isku raacay in cunaqabateynta saarneyd dalka Eritrea laga qaado. Eritrea ayaa xayiraadahani lagu soo rogay sagaal sano ka hor, xilligaasi oo lagu eedeeyay in ay taageerto mintidiinta Soomaaliya ee Al-Shabaab. Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo calaaqaadka gobolku uu soo hagaagayo, heshiis taariikhi ahna ay la galeen dalka ay dariska yihiin ee Itoobiya. Qaraar qabyo ah oo ay Britain hor dhigtay Qaramada Midoobay ayaa sheegayay in kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socoshada arrintaas ay ku guul darraysteen in ay keenaan caddaymo lagu xoojiyo eedaymaha Eritrea loo soo jeediyay. Tallaabadan golaha ammaanka ee Qaraamda Midoobey ayaa meesha ka saaraya cunaqabatayntii Eritrea ka saarnayd soo iibsashada hubka, shaqsiyaad dhaqaalahooda la xannibay iyo xayiraaddii dhanka socdaalka. Dhawaan ahay ahayd markii hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ay kulan ku yeesheen magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya, halkaasi oo ay kaga wada hadleen heeshisyadii ay ku kala saxiixdeen Asmara. Waxyaabihii inta badan kulanka ka dib laga hadlayay waxaa ka mid ah arrinta la xiriirta suuragalnimada ah inay midoobaan dalalkan mustaqbalka. Isbadalka maamul ee ka dahcay dalka Itoobiya oo ay coalad 20 sano kala dhaxeysay Eritrea ayaa sahlay in hadda xayiraadihii laga qaado xukuumadda Asmara. Source
  12. WASHINGTON--Two prominent U.S. senators expressed alarm on Tuesday about the military and political consequences if China gains control of a port terminal in Djibouti, and said they were concerned it could further boost Beijing's influence in East Africa. In a letter to Secretary of State Mike Pompeo and Secretary of Defense Jim Mattis, Republican Senator Marco Rubio and Democratic Senator Chris Coons said they were concerned about Djibouti's termination of a contract for the Doraleh Container Terminal with United Arab Emirates-based DP World in February and the nationalization of the port in September. Reports that Djibouti, heavily indebted to Beijing, would likely cede the port's operations to a Chinese state-owned enterprise were "even more alarming," they said. The letter was the latest in a series of efforts by members of Congress who want to counter China's growing international influence, which they see as a threat to U.S. economic and security interests. Trump has been focusing on the economic threat from China and has brought the two countries to the brink of a trade war, but many lawmakers want to ensure the administration also treats the country as a security threat. A tiny nation strategically located at the entrance to the Red Sea on the route to the Suez Canal, Djibouti became home to China's first overseas military base last year. A U.S. base located just miles away stages operations against Islamic State, al Qaeda and other militant groups. Rubio and Coons sent Tuesday's letter as lawmakers returned to the Capitol for the first time in several weeks after congressional elections on Nov. 6. Asked for comment, a Pentagon spokesman said the Defense Department welcomed infrastructure and other investment that could benefit the region, but added "countries should be wary of piling on monumental debt." A State Department spokesman had no immediate response. The Senate last month passed legislation overhauling the way the federal government lends money for foreign development, in a shift meant largely as a response to Chinese influence. U.S. officials say they worry about what they call China's "debt trap" diplomacy, in which countries end up giving up control of major assets such as ports or roadways when they fund infrastructure projects with Chinese loans that they cannot pay back. Marine General Thomas Waldhauser, the top U.S. military officer for Africa, told a Congressional hearing earlier this year the U.S. military could face "significant" consequences if China took the port in Djibouti.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka jawaabay go’aankii maanta ay golaha ammaanka QM ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen in dalka Eritrea laga qaado cunaqabateynta Qoraal uu soo dhigay twitter, ayuu Farmaajo ku sheegay inay soo dhoweynayaan in xayiraaddii Eritrea lagu qaaday codsi ay Soomaaliya qeyb ka ahayd. “Waxaan uga mahad-celinayaa Golaha Ammaanka QM farogelinta waqtigeeda kusoo aadday ee wax ku oolka ah. Gobolka Geeska Afrika wuxuu sameynayaa horumar ku aadan wada-shaqeyn iyo is-dhexgal dhaqaale” ayuu yiri Farmaajo. Qaraarka cunaqabateynta looga qaaday Eritrea, ayaa waxaa soo diyaariyey dowladda Britain, waxaana taageerayey dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya, inkasta oo aysan xubin ka ahayn glaha ammaanka, iyo Ethiopia. Jabuuti oo Eritrea ay ka haysato dhul ayaa aad uga soo horjeeday in xayiraadda laga qaado. Eritrea ayaa cunaqabateynta la saaray sanaddii 2009 markii lagu eedeeyey inay taageerto kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya. Eritrea ayaaa dhowr mar beenisay eedeymahaas. Qaraarka ayaa lagu sheegay in kooxda QM ee kormeerka xayiraadda hubka ee saaran ee Soomaaliya iyo Eritrea “Aysan helin wax caddeymo ah oo muujinaya in Eritrea ay taageerto Al-Shabaab” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Afgooye (Sh.M.Network) – Wararka laga helayo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay Nabadoon caan ka ahaa degmadaasi, sida idaacadda Shabelle ay uxaqiijiyeen dadka degaanka. Dilka marxuum Xuseen “Suuqa Xoolaha” ayaa waxaa la sheegay inuu fuliyay Askari inuu ka tirsan yahay ciidamada dowlad ee ku sugan degmadda, kaasi oo goobta uu dilka ku geystay isaga baxsaday. Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa dilka Oday dhaqameedka uu ugeystay Askariga ka tirsan ciidanka dowladda, kaasi oo ay masuuliyiintu sheegeen inay ku raadjoogaan. Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo kan gobolka oo ku aadan faalkan lagu khaarijiyay Nabadoonka, kaasi oo qayb ka ah dhacdooyinka nabad-gelyadda lidiga ku ah ee soo laab-laabtay. The post Nabadoon caan ah oo lagu dilay degmada Afgooye appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Shirka seddexaad ee Dalalka Eritrea, Ethiopia iyo Soomaaliya uu ka dhacayo magaalada Muqdisho. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sharaxaad ka bixinayay isbadalka Geeska Africa ayaa sheegay in shirka seddexaad ee madaxda seddexda dal uu ka dhici doono magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Farmaajo wuxuu sheegay in shirkaasi la filayo inay balaariyaan oo ay kusoo daraan dowladda Jabuuti oo hadda xiriir soo wanaagsanaanaya kala dhaxeeya Dowladda Eritrea oo horey ay u dagaalsanaayeen. Madaxweyne Farmaajo, Wuxuu sheegay in shirkaasi ay mustaqbalka qorsheynayaan inay balaariyaan oo ay kasoo qeyb galaan dalalka Deriska la ah Soomaaliya, waxaana uu sheegay in faa’idada ugu badan Soomaalida inay heli doonaan, maadaama ganacsigooda uu gaaray wadamo badan oo ilaa Galbeedka Africa ah. Labadii Shir ee lasoo dhaafay waxaa ka maqnaa Jabuuti, waxaana hadda qorshaha uu yahay in dalka ugu horeeya ee shirka Afar geesood ka dhigaya in Jabuuti ay noqoto si xal waara looga sii gaaro xiisada kala dhaxeya Eritrea. Lama oga sida Jabuuti ay kaga qeyb gali karto shirkan, iyadoo aan xal waara laga gaarin xiisadda kala dhaxeysa dowladda Eritrea, Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ma sheegin waqtiga uu shirkaasi ka dhacayo magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa wuxuu ka warbixiyay shirkii saddex geesoodka ahaa ee uu la yeeshay hogamiyaasha Itoobiya iyo Eritrea, kaasi lasoo gabgabeeyay horaantii bishaan. Farmaajo ayaa shaaciyay in ugu horeyntii uu kala hadlay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed faragelinta uu dalkiisa ku hayo Soomaaliya, isaga oo daboolka ka qaaday inuu soo dhaweeyay qodobadda uu miiska u saaray. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu Madaxwaynaha daboolka ka qaaday in sidoo kale ay isla soo qaadeen Abiy Axmed is-dhexgal ay ka yeeshaan Soomaaliya iyo Itoobiya dhinaca amniga iyo dhaqaalaha. Hoos ka dhageyso warka oo Cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Nuuradiin.mp3 The post MD Farmaajo oo fahfaahiyay shirkii lagu soo gabagabeeyay Itoobiya appeared first on Shabelle. View the full article
  17. New York (PP) ─ Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay in dalka Eritrea laga qaado cunna-qabateynta hubka ee saarnayd, kaddib heshiis dhex-maray waddankaas iyo Itoobiya oo ay daris yihiin, isla markaana uu soo wanagsanaanayo xiriirka Eritrea kala dhaxeeya dalak kale ee ay dariska yihiin ee Jabuuti. Warbixinta xayiraadda looga qaaday Eritrea ayaa ku boorisay Xukuumadda Asmara iyo Jabuuti inay ka shaqeeyaan sidii ay xiriirkooda dib ugu soo celin lahaayeen, ayna heshiis ka gaaraan muranka xuduudeed ee u dhexeeya. Dalka Eritrea ayaa cuna-qabateynta la saaray Sannaddii 2009-kii markii lagu eedeeyey inay taageerto kooxda Al-shabaab ee Somalia. Laakiinse Dowladda Eritrea ayaa dhawr jeer beenisay eedeyntaas. Go’aanka uu qaatay Golaha Ammaanka ayaa lagu sheegay in kooxda QM ee kormeerka xayiraadda hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea aysan helin wax caddeymo ah oo muujinaya in Eritrea ay taageerto Al-shabaab. Sidoo kale, Qaraarka ayaa waxaa soo diyaariyay Dowladda Britain, Waxaana taageerayay dalal ay ka mid yihiin Somalia, inkastoo aysan xubin ka ahayn golaha ammaanka ee QM iyo Ethiopia. Xukuumadda Jabuuti oo dhul ballaaran ay ka haysato Eritrea ayaa aad uga soo hor-jeesatay in xayiraadda hubka ee saaran laga qaado, iyadoo Eritrea ku eedeysay inay weli khatar ku tahay ammaankeeda, maadaama aysan ka bixin dhulkii ay ka qabsatay. Dhanka kale, Go’aanka xayiraadda looga Qaaday Eritrea ayaa badankiis loo sababaynayaa xiriirka wanaagsan ee dalkaas kala dhaxeeya dalka ay dariska yihiin ee Itoobiya, ayna dhex-mareen dagaalo ay ku naf-waayeen kumanaan kun oo qof oo isugu jiray askar iyo shacab kasoo kala jeeda labada waddan. Ugu dambeyn, Xukuumadda Washington oo aad uga soo hor-jeeday in dalka Eritrea laga qaado xayiraadda hubka ayaa ka tanaasushay dhawr toddobaad ka hor, taasoo dhabaha u xaartay go’aanka maanta. PUNTLAND POST The post Golaha Amaanka ee QM oo Xayiraadii mudada dheer saarnayd ka qaaday Waddanka Eritrea appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-141118.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Muqdisho (PP) ─ Warbixin ay soo saareen guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan cunna-qabteynta hubka ee Somalia iyo Eritrea ayaa sheegtay in hubka soo gala Dowladda Soomaaliya loo adeegsado qaab-siyaasadeed, waxaana laga digay in golaha Ammaanka ee QM uu Muqdisho ka qaado cunna-qabateynta hubka mustaqbalka dhow. Guddigan ayaa qoraalkooda ku sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku guul-dareysatay inay hubka ka xakameyso gacanta ganacsatada iyo kooxaha kale ee hubeysan. Sidoo kale, Warbixinta ayaa lagu sheegay in Somalia aanay u hoggaansamin cunna-qabateynta hubka ee saaran, waxaa intaas dheer in laga waayay xogta rasmiga ah ee la xiriira hubka iyo rasaasta ay Dowladdu keensato, iyadoo Villa Somalia ay u diiday guddiga Qaramada Midoobey inay arkaan meelaha hubku yaallo. Waxaa kaloo qoraalka lagu xusay in la ogaaday in hubka ay dowladdu leedahay lagu iibiyo suuqyada, iyadoo ay iib-geeyaan saraakiil ciidanka DF ka tirsan, kuwaasoo isugu jira kuwo sare iyo kuwo hoose iyo weliba xubno mas’uulyiin ah oo ka tirsan xukuumadda Khayre. “Hubka lagala baxo xarumaha Dowladda ayaa waxay u badan yihiin kuwa loo yaqaanno RPG-7, iyadoo ay tani caqabad weyn ku tahay xasiloonida siyaasadeed ee dalka, waxayna tani xaqiijinaysaa in hub oo la xado ay ka tahay Somalia arrin aad ugu badan,” ayaa lagu yiri warbixinta Guddiga QM. Guddiga ayaa waxay qoraalkooda ku sheegeen in illaa 20,000 oo Qori iyo 75 milyan oo rasaas ah ay heshay Dowladda Somalia, kuwaasoo ay ku jiraan 70,000 oo rasaasta qoriga RPG-7 ah. Waxaa kaloo warbixinta ay su’aal ka keentay inay kala badan yihiin hubka loo ogolyahay Dowladda Somalia inay keensato kaddib markii laga qafiifiyey cuna-qatabeynta hubka iyo kan rasmiga ah ee ay heystaan ciidanka xoogga dalka. Dhanka kale, Kooxdan waxaa ay sheegeen in 21 Konteenar oo hub ah oo ay ku jiraan nooca Soomaalida u taqaanno Baasuukaha la geeyey gudaha Villa Somalia bishii May ee sannadkan 2018-ka, waxaa loo diiday SEMG inay soo arkaan hubkaas. “Inta badan hubka dowladdu ay haysato waxay si qarsoodi ah gacanta ugu galaan ganacsato iyo kooxo hubka ka ganacsada oo jooga Magaalooyinka Mogadishu, Baydhabo iyo Dhuusa-mareeb,” ayaa lagu yiri warbixinta SEMG. Warbixinta Guddiga Qaramada Midoobay waxaa kaloo lagu xusay in hub lagu qabtay kooxo ka tirsan Al-shabaab oo joogay Gudaha Waddanka Kenya ay ahaayeen hub ay lahaayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya. Ugu dambeyn, Qoraalkan Guddiga SEMG ayaa lagu xusay in hubka Dowladda Somalia ay halis ugu jiraan in la qaato ama la xado oo aanay xakameyn karin, iyagoo tusaale u soo qaatay wixii ka dhacay xerada Gordon oo markii la jabsaday oo qoriga AK-47 lagu iibsanayey $1,000 oo keliya. PUNTLAND POST The post Dowladda Somalia oo lagu eedeeyay inaysan Xakameyn karin hubka ay ka hesho Caalamka appeared first on Puntland Post.
  20. (SLT-Hargeysa)-Haweenka Beesha Ciidagale oo mudooyinkii ugu danbeeyey cabasho ka muujinaayey buug uu Qoray wasiir Guribarwaaqo ayaa waxaa ay fariin u direen golaha Guurtida Somaliland oo arintaasi hore guddi ugu saarey , waxaana ay ku baaqeen in arintaasi si deg deg ah jawaabteeda loo soo dadajiyo. Sidoo kale haweenkani waxaa ay sheegen in hadii cabashadooda waxba laga qaban waayo in ay Haaya’dda ha xuquuqul iinsanka ay arintooda u gudbin doonan, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cali Cantar oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxaa uu ka Hadley xaalada Gobalada Bariga Somaliland gaar ahaan gobolka Sool , waxaana uu si gaar ah uga Hadley dhex dhexaadinta beelahii ku dagaalmay konfurta gobalka Sool oo loo raray magaalada Jig jiga . Siyaasi Cali Cantar waxaa uu sheegay in habaradey gobalada Sool iyo Sanaag isla markaana hadii ay gobaladaasi ay meesha ka baxaan gobalka Togdheer-na uu ku xigi doono, Halkan hoose ka DAAWO Source
  22. New York (Caasimada Online) – Golaha ammaanka QM ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey maanta in dalka Eritrea laga qaado cunaqabateynta kadib heshiis dhex maray dalkzas iyo Ethiopia, islamarkaana uu soo wanagsanaanayo xiriirka kala dhaxeeya Jabuuti. Qaraarka cunaqabateynta looga qaaday Eritrea, ayaa ku booriyey ayaga iyo Jabuuti inay ka shaqeeyaan sidii ay caadi uga dhigi lahayeen xiriirkooda ayna heshiis uga gaari lahaayeen muranka dhanka xuduudda. Eritrea ayaa cunaqabateynta la saaray sanaddii 2009 markii lagu eedeeyey inay taageerto kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya. Eritrea ayaaa dhowr mar beenisay eedeymahaas. Qaraarka ayaa lagu sheegay in kooxda QM ee kormeerka xayiraadda hubka ee saaran ee Soomaaliya iyo Eritrea “Aysan helin wax caddeymo ah oo muujinaya in Eritrea ay taageerto Al-Shabaab” Qaraarka ayaa waxaa soo diyaariyey dowladda Britain, waxaana taageerayey dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya, inkasta oo aysan xubin ka ahayn glaha ammaanka, iyo Ethiopia. Jabuuti oo Eritrea ay ka haysato dhul ayaa aad uga soo horjeeday in xayiraadda laga qaado. Go’aanka xayiraadda looga qaaday Eritrea ayaa badankiis loo sababaynayaa xiriirka wanaagsanaaday ee dalkaas kala dhaxeeya Ethiopia. Dowladda Mareykanka oo aad uga soo horjeeday in Eritrea laga qaado xayiraadda ayaa ka tanaasushay dhowr toddobaad ka hor, taasi oo dhabaha u xaartay go’aanka maanta. Caasimada Online Xafiiska New York Caasimada@live.com