-
Content Count
206,963 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Telesom ayaa ku guulaystay agaasimaha ugu saamaynta badan Qaaradda Afrika dhinaca teknoolajiyadda iyo isgaadhsiinta sannadka 2018. Munaasabad ay ka Qayb Galeen 14000 oo qof oo ka dhacday Magaalada Capetown, ee Dalka Koonfur Afrika ayaa Gudoomiyaha Shirkadda Telesom, Cabdikariim Maxamed Iid, loogu Aqoonsaday inuu Yahay Hoggaamiyaha ugu Wanaagsanaa uguna Saamaynta Badnaa hoggaamiyeyaasha Shirkadaha Tiknoolojiyadda iyo isgaadhsiinta Qaarada Africa, qiimayntii u dambaysay ee la sameeyay sannadkan 2018 “CXO of the year 2018”. Warkan oo faah-faahsan goor dhaw kala soco Somalilandtoday.com Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muddo sanad ah ku kordhiyay Cunaqabateynta hubka iyo dhoofinta Dhuxusha ee saaran Dalka Soomaaliya. 15 xubnood ee golaha amaanka ayaa sheegay in Al Shabaab ay dhaqaalo badan wali ka helaan dhoofinta dhuxusha oo mamnuuc ka ah dalka Soomaaliya, waxaana taasi ay qasabtay in muddo sanad ah lagu kordhiyo cunaqabateynta. Arinta ayaa kusoo aadeysa iyadoo golaha ay cunaqabateynta ka qaadeen dalka Eritrea oo xiriir wanaagsan uu hadda kala dhaxeeyo dalalka Soomaaliya iyo Ethiopia oo ah dalalka arintaan u ololeeyay. Warbixin ay gudbiyeen guddiga dabagalka Cunaqabateynta hubka ee Saaran Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wali Soomaaliya ay kamid tahay dalalka Suuqyada lagu kala iibsado hubka. Waxii ka dambeeyay burburkii dowladdii Dhexe waxaa Soomaaliya saarnaa cunaqabateynta hubka, iyadoo hadda laga qaaday Dowladda Eritrea, waxaana muddada sanadka ah Somalia ku socon doono qiimeyn kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Suldaanka guud ee beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ka Hadley munaasibad lagu caleemo saraayey suldaan ka mid noqon doona madax dhaqameedka Arab ayaa waxaa uu ka Hadley isbdel uu sheegay in uu ku yimid guud ahaan dhaqankii Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Hargeysa)-Maalinimadii Dorraad oo kale 13-kii Bishan November sannadkii 2017, maalin Isniin ah ayay shacabka Somaliland u dareereen doorashadii Madaxtooyada Somaliland oo ay ku tartameen Xisbiyada KULMIYE, WADDANI iyo UCID oo ay Musharraxiin u kala ahaayeen Muj. Muuse Biixi Cabdi, Ambassador Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi iyo Eng. Faysal Cali Waraabe taasi oo ahayd doorashadii saddexaad ee Si dimuquraadi ah shacabka Somaliland codkooda uga dhiibtaan marka aynu ka hadlayno ta gaar ahaan Madaxtooyada, waxaana laga joogaa muddo sannad iyo laba maalmood ah. Shacabka Somaliland oo doorasho walba oo ay u dareeraan xisaabaad gaar ah u leedahay, mar walbana rajo ka qaba in ay kaga baxaan dawlad xumada, Musuqmaasuqa iyo duruufaha adag ee dhinaca nolosha ee ay la deriska ahaayeen tan iyo markii dalka lagu soo laabtay ayaa waxa shacabku mudadaasi sannadka ah ee durba ka soo wareegtay maalintii ay codkooda dhiibteen waxa ay is waydiinayaan waxa ay doorashadaasi ka badashay noloshooda, waxa dalka u kordhay, waxa ka dhacay iyo halka ay ku dambaysay rajadii ay ka qabeen in ay arkaan is baddalka ay u oomanaayeen. Muddo Bil ah kadib maalintaasi ay shacabku codkooda dhiibteen waxa hannaan dastuuri ah xilka Madaxtinimo ula wareegay Muuse Biixi Cabdi oo ahaa Musharaxiii isagu doorashada ku guulaystay, Wargeyska Foore waxa uu haddaba faallo qoto dheer oo taxane ah ku milicsan doonaa waxa mudadaasi sannadka ah Madaxweyne Muuse Biixi uga qabsoomay ballan qaadyadii uu ololaha doorashada ku galay iyo dareenka shacabku ka qabo ee wakhtigan taagan. Buuggii ololaha siyaasadeed ee uu xisbiga KULMIYE ku galay Doorashadii 2017 oo Halku-dheggiisu ahaa “Berri Maanta Ka Fiican….Horaa Loo Soconayaa” waxa uu ka koobnaa 7 Tiir oo waaweyn oo kala ah: Tiirka 1aad: Arrimaha Bulshada Tiirka2aad: Amniga Iyo Nabadda Tiirka 3aad: Dhaqaalaha Tiirka 4aad: Garsoorka Iyo Caddaaladda Tiirka 5aad Siyaasadda Arrimaha Dibadda Tiirka 6aad Horumarinta Maamul Wanaagga Tiirka 7aad Deegaanka Iyo Is-Baddalka Cimilada Inkasta oo haddaba Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumaddiisu Gu’ Jirsadeen haddana waxa lagama maarmaan ah in fuudhka la saaro mudadaasi sannadka ah waxa u qabsoomay iyo sida xaaladda dalku maanta tahay, inkasta oo qiimaynta wax-qabadka xukuumaddu ku dhamays tirmi doonto haddii Alle innagu simo dhammaadka muddo xileedkiisa, haddana waxa aan isku dayi doonaa maadaama Hal dalool durba u dhammaaday shantii dalool ee la doortay waxa aan qormadeena koowaad ku eegi doonaa Tiirka koowaad ee Ballanqaadkii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo wadciga dalka maanta yaalla iyo sida wax uga qabsoomeen. Xisbiga KULMIYE qodobka koowaad ee ballan qaadkiisa waxa uu kaga hadlay waxa uu ka qaban doono qoodbo ay ka mid yihiin waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha iyo Warbaahinta. Waxbarashada: Inkasta oo Madaxweyne Biixi ballan qaadkiisa waxbarashada ku sheegay in uu tayayn doono heererka kala duwan ee waxbarashada sidoo kalena uu samayn doono sanduuq cilmi-baadhista iyo hal-abuurnimada lagu kobciyo, waxa is waydiin leh waxa uga qabsoomay mudadaasi sannadka ah ballan qaadkaasi. Xaqiiqadu waxa ay tahay in tayadii waxbarashada dawladda ee sii wiiqmaysay tan iyo xukuumaddii hore, in mudadaasi sannadka ah ee uu talada joogay wax ka sii dhaca mooyee aanay waxba u kordhin illaa maanta dadkii danyarta ahaa iyo kuwii kaleba ay dugsiyadii dawladda gabi ahaanba ka amba baxeen oo ay ubadkoodii dugsiyada gaarka ah ula miciinsadeen iyada oo aanay xukuumadda cusubi la iman wax alla wax qorshe ah oo ay wax kaga qabanayso hoos u dhaca weyn ee ku habsaday tacliintii dawliga ahayd. Dhinaca Hal-abuurnimada iyo sanduuqa Madaxweynuhu sheegay waxba wali ugama aanay qabsoomin marka laga reebo 14 dhallinyaro ah oo hablo iyo wiilal isugu jira oo la yimid hal-abuur iyo hindise wax soo saar kuwaasi oo uu Bishii April kula kulmay xafiiskiisa. Wax-qabad ha joogee Nuxurka kulankaasi waxa uu kaliya ahaa kulan dhiirri gelin afka ah iyo bogaadin aan dhaafsiisnayn in xukuumaddu dhallinyaradaasi barbar taagan sidaana ay guryahoodii ugu laabteen kadib sawiro ay Madaxweynaha la galeen iyo qasriga Madaxtooyada oo ay soo arkeen. Caafimaadka: Dhinaca Caafimaadka tiirkan koowaad ee ballan qaadkii Madaxweynaha waxa ku jira in uu dalka ka dhisi doono 5 Cisbitaal sidoo kalena uu dardar galin doono adeegyada caafimaad ee dalka. Mudadaasi sannadka ah waxba ugama qabsoomin Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa arrinkan waxaanu caafimaadku dalku marayaa meeshii ugu hoosaysay. Dhismaha shantaa cisbitaal oo aanay xataa xukuumaddu hadal hayn waxa ka sii daran kuwii dhisnaa oo qaarkood albaabada loo laabay, daawada iyo adeegyada ay bixiyaana intooda badan gabaabsi yihiin. shacabka danyarta ahi waxa ay lacago ku bixiyaan adeegyada caafimaadka ee goobaha dawladda haddana ma helaan adeeg ay ku hagar baxaan meelaha dalku maanta ugu liitana waxa ka mid ah caafimaadka oo inta ladan ee wax haystaa kaliya ay heli karaan adeeg caafimaad oo qaali ah oo ay bixiyaan Cisbitaallada gaarka loo leeyahay ama qaarkood dibadaha u tagaan sida dalalka Turkiga iyo Hindiya. Warbixinadii caafimaad ee ugu dambeeyey waxa ay muujinayaan dhiillada adeeg-xumada caafimad ee dalka, daawooyinka tayada xun iyo xaaladaha hooyada iyo dhallaanka oo ah cidina uma maqna ceelna uma qodna. Gabo-gabada qodobka Caafimaadka ee Tiirka koowaad ee Ballan-qaadka madaxweynaha waxa ku xusan in gabogabada sannadka 2022 in muwaadin kasta oo reer Somaliland ahi heli doono adeeg caafimaad oo casri ah. Akhriste hal sano oo sidan ku dhaafay Madaxweynuhu Afarta dambe maku gaadhi doonaa qorshahaasi olole ee u muuqday laab la kaca iyo malo awaalka. Biyaha: Tiirkan koowaad iyo dhinaca Biyaha, waxa ballan qaadka Madaxweynuhu ahaa in uu wax ka qaban doono Biyo la’aanta baahsan ee dalka Miyi iyo Magaaloga isaga oo sheegay in uu muddo xileedkiisa dalka ka qodi doono 350 ceel Biyood isaga oo sheegay in uu muhiimadda siin doono gobolada Biyo la’aantu ka jirto. Haddii taasi ahayd ballan qaadkii Madaxweynaha iyo xisbigiisa KULMIYE maxaa mudadii sannadka ahayd dhinaca Biyaha laga qabtay? Waxa xaqiiqo ah in aanay xukuumaddu iska daa hal ceele, hal tallaabo aanay hore uga qaadin halkii hore. Haddii 350-ka Ceel ee uu ballan qaaday loo qaybiyo muddo xileedka Madaxweynaha oo dhan 5 sano waxa sannadkiiba Madaxweynaha laga rabay in uu qodo 70 Ceel. Maxaa haddaba 2018-ka kaqabsoomay 70-kii ceel ee laga rabay Madaxweynaha. Iska daa in Madaxweynuhu Biyo la’aantii dalka ka jirtay wax ka qabtee intii hore ayaa sii xumaatay. Tusaale waxa kuugu filan Caasimadda Hargeysa oo muddo dheer harraad culus qabtay in maalintii Madaxweynuhu xilka la wareegay qiimaha foostada ay Biyoolayaashu siinayeen 12-kun oo shilin oo xukuumaddii ka horraysay ku soo rogtay in ay maanta marayso 25-kun oo shilin Somaliland ah oo u dhiganta $2.5. halka intii yarayd ee biyaha suququlka ku heli jirtay saacadihii loo sii dayn jiray biyuhu ay sii yaraadeen. Qiimihii Halka Miter-Cubic ooh ore u ahaa 9500 oo shilin laga dhigay maanta 14,500 oo SH/SL. Ma waxbaa sii xumaaday mise waxbaa hagaagay mudadaasi Madaxweynaha iyo xukuumaddiisu talada haysay halkeese ballan qaadkaasi ku dambeeyey. Warbaahinta: Sidoo kale Tiirkan koowaad waxa uu ballan qaadkiisa xisbiga KULMIYE ku xusay in uu awoodayn doono warbaahinta dalka kana shaqayn doono xorriyadda saxaafadda sidoo kalena uu hir gelin doono kulliyad lagu barto saxaafadda. Muddadaasi haddaba sannadka ah ee Madaxweyne Muuse Biixi joogay talada dalka waxa si weyn hoos ugu sii dhacayay xidhiidhkii warbaahinta iyo dawladda ka dhaxeeyey. Xukuumadda KULMIYE waxa ay sii wadday tacadiyadii warbaahinta qaarkeed, iyada oo ay maanta hawada ka baxeen in ku dhaw 5 Wargeys oo maalinle uga soo bixi jiray Caasimaddu, sababo ay xukuumaddu doorkeeda ku lahaydna hawada uga maqan kadib markii ay xataa wargeysyadaasi waayeen biilashii yaraa ee ay ku tiirsanaayeen. Waxa toddobaadadii ugu dambeeyey oo kali ah hadal hayntoodu taagnayd hanjabaddii iyo cago-juglayntii wasiirka Warfaafintu kula kacay Telefishanada STAR iyo SAAB. Iska daa in xukuumadda Muuse Biixi sida ballan qaadkeeda ka muuqata dhisto kulliyad saxaafadeede waxa qarka u saaran in ay dhaqaale la’aan u xidhanto dadaalkii ay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Jaamacadda Hargeysa kaga hir-geliyeen kulliyad saxaafadda ah oo sannadkii labaad imika ardaydu galeen taasi oo dhaqaalaha ku baxaya sannadka koowaad ay bixisay dawladda Ingiriisku wixii intaa ka dambeeyana aan loo hayn wax ay ku shaqayso illaa imikana aanay xukuumaddu waxba ku darsan. Dhinaca kale Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo waxa ay ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA u ballan qaaday in ay dhul siiso si looga dhiso Xarun waxbarasho oo saxaafadda loo dhiso. Guddoomiyaha SOLJA oo toddobaadkan ka hadlayay shirweynihii Warbaahinta Somaliland waxa uu sheegay in wax uga qabsoomay arrintaasi ha joogtee ay Madaxweynaha maanta xilka haya ka waayeen ballan ay kula kulmaan si ay arrinkaasi wax uga waydiiyaan. La Soco Tiirka 2aad Source
-
“Wasaaraddan Hadda Laguu Badelay Sacadow Baryahanba Way isku….., Waliba Waad Garanaysaa Oo Dhawr Jeer Ayaan Iskugu Nimid Iyadoo Aad Loogu Buuqsan Yahay Ganacsato, Wasiiro..” Wasiir Saajin. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Somaliland Maxamuud Xasan Sacad Iidle Saajin ayaa daboolka ka qaaday sabibihii galaaftay ee uu xilkiisa ku waayay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi kaasi oo uu dhawaan Madaxweyne Muuse Biixi xil Wareejin ku sameeyay, Waxa uu Wasiir Saajin sheegay in maalmihii u dambeeyay uu Wasaaraddaasi Maaliyadda Buuq ka taagnaa islamarkaana ay maalmaha qaar ceeryoomi jirtay oo ay wasiiraddu waayi jireen meel ay kala joogsadaan. Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad Saajin ayaa sidan ka sheegay Khudbad uu Shalay ka jeediyay Munaasibad ay Shalay xilka Wasaaradda Arimaha Dibada kula kala wareegeen Wasiirkii hore ee Wasaaradaasi Sacad Cali Shire iyo Wasiirka dhawaan loo soo wareejiyay Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Fartoon),waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Prof. Yaasiin Fartoon waxaanu isnaqaanay Muddo toban bilood ah, intii hore maan aqoon, laakiinse waxaan ku bartay rag aad u karti badan, kartidana waxaa keenaysa, mid loo dhashayna way jirtaa laakiin mid khibrad badan oo ay Wadanka ku leeyihiin, Meelo badanna ay Hawlo qaranka uga soo qabteen, ayaa keenaysa Kartida, waxaan rajaynaa Prof.Yaasiin Fartoon oo aan Illaahayn ka baryayaa in Wakhtiga u isagu meesha qabtay, inkasta oo rag badan soo dadaalay, Himiladii uu wadanku raadinayay ay rumawdo” Waxa kale oo uu yidhi“Dr Sacad Hawlo badan ayuu qabtay, Waa nin Karti badan, waa nin dadaal badan, waa nin aan buuq iyo meelahaasi kujirin, waxa weeyi hawsha uu halkan ka hayay Hawl kale oo qaranka uga sii wayn oo aad u culus ayaa loo dhiibay, waxa weeyaan Dhaqaalaha wadankeenu waa mihiim, Waxa weeyaan Laba Ictiraaf ayaa jira, Ictiraaf siyaasadeed, haddii dalkaagu liito, dadkaagu liito oo shaqo la’aantu faro badato, iyada lafteedu waa Ictiraaf la’aan, aad u fog, aad iyo aad ayuu usoo dadaalay, kama fadhiisan, wuu wareegay, Muu nasan Habeen iyo Maalin wuu wareegayay, Wasaaraddo badan ayaa soo qabatay, tan imika aad tagaysana waa mid aad u mihiim ah” Ugu dambayn waxa uu yidhi “Waliba waad garanaysaa oo Dhawr goor ayaan iskugu nimid Wasaaradda Maaliyadda iyadoo la buuqayo, Ganacsato, Wasaaraddo, Wixii oo dhan ayaa isku jaajayay halkaasi Gudaha Wasaaradda Maaliyadda, Waxaan umalaynayaa Qun yar socodnimadaada Sacadow inay Aad u degi doonto Wasaaraddu, way iska Buuqsanayd Waayadanba Iyo Indhawaydba, Illaahayna hakula garab galo, Faratoona waan u ducanaynaa oo arin wayn ayaa meesha kuu taala,laakiin waayo aragnimadeedii waad leedahay”. Source
-
“Bari Waynu Ognahay Burco Iyo Laascaanood Halka Ay Marayso, Ma Hargeysa Oo Qudha Ayaa Dawlad Noqonaysa Oo Waliba Dhinac Ah, Mataasi Ayaynu Dawlad Ku Noqnaynaa Dhab Ah?”. Muuse Biixi. (SLT-Hargeysa)-Waxaanu halkan dinku soo gudbinayaa Mid ka mid ah hadalladii ugu adkaa ee uu wakhti hore Madaxweynaha Hadda Talada Dalka hayaa Muuse Biixi Cabdi Ku Weeraray Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal (IHU) isagoo markan ku dhaliilaya inuu taladii dalka keligii isku koobay oo aanu ciddna u joojinayn, Waxa uu sidoo kale ugu hanjabayaa in Haddii uu doorasho loo balansanaa uu qaban waayo aanu dalka jirayn ee ay xaaladi faraha ka haadi doonto, waxa kale oo uu ku dhaliilayaa in Goboladdii Bari Gacanta Somaliland kasii baxayaan, Marxuum Cigaalna talaadii dalka ku soo koobay Hargeysa oo waliba qayb kasii ah, waa sida uu u dhigay hadaladiisan hoos ku qoran oo aanu ka qornay Khudbad uu wakhtigaasi jeediyay. Akhriste bal waxa aad isla akhridaa Qaabka uu Madaxweyne Muuse Biixi oo wakhtigaa ahaa nin Mucaarad ahi ku dhaliilayay Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo qaabka ay hadda wax ujiraan ee ay Mucaaridku ku dhaliilayaan Muuse. Akhriste u fiirso oo isku macnayso kala duwanaanshiyaha Qaabka Hogaamineed ee uu Muuse hadda Dalka ku hagayo iyo inuu ka leexday wixii uu Shalay ku dhaliilayay Marxuum Cigaal ee uu ugu bootaynayay inaanay Somaliland jirayn haddii sidaa uu yeeli waayo. Waxa uu Cigaal ku dhaliilayaa markan in taladii dalku Hargeysa ku soo ururtay islamarkaana uu taladii dalka isagu isku koobay oo uu ka baxay wadatashi iyo talo wadaaggii, balse maanta oo uu Muuse Biixi hogaanka dalka hayo Sidee ayay wax yihiin, waxaasi uu Cigaal wakhtigaasi ku dhaliili jiray cashar ma ka bartay mise Waxay u egtahay “Maroodigu takarta Fuushan ma arkee, ta kale ayuu arkaa”. Muuse Biixi Cabdi oo saxaafadda kula hadlayay Magaalada Hargeysa Wakhti uu si adag uga soo horjeeday Hanaankii Hogaamineed Ee Marxuum Cigaal ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Maanta dadku waxay ku doodayaan laba arimood, shir qaran hala qabto iyo Dastuur ayaynu qaadanay,Distoor ayaynu qaadanay,inaynu doorasho galaabaa wanaagsan, iyada ayaa danteena ah, laakiin halbaa yaala, haddii ninkii Distoorka lagu aaminay uu yidhi aniga oo qudha ayaa wax ku fushanaya, haddii uu yidhi Distoor aniga dantayda oo qudha mooyee dan kale ma raacayo, dee ninka yidhaahda taasi ma soconayso maxaa lagu qabsan, Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal Xisbigii UDUB ayuu abuuray, talaabadii u horaysay ee UDUB ku dhaqaaqday Ciidan ayuu kaxaystay, isagoo Ciidan reer Hargaysa ah wata ayuu Burco tagay, Xoghaya Guud ee UDUB Waxa uu yidhi, ragga aan reer Burco ahaynin haka baxeen Burco, Maandeeq oo ah Jariiradii Dawladda ayaa soo qortay”. Waxa kale oo ka mid ahaa hadaladiisa“Midda kale Bari waynu ognahay Burco iyo Laascaanood halka ay marayso maantanna Burco ayaynu tan ku samaynaynaa, Ma Hargeysa Oo Qudha ayaa dawlad noqonaysa oo waliba dhinac ah, mataasi ayaynu Dawlad ku noqnaynaa dhab ah. Nabaddu waxay ku imanaysaa marka la isqadariyo, Marka la ismaamuuso, Marka taladu meerto noqoto, “Rag waxaan ku maamuli aqaan ama ku maamuusi, Mase inaanu nahay oo talanna meerto noo tahay”, Suldaankaaga ayaan xidhayaa, oo siyaasigaaga ayaan xidhayaa,oo ninka illa hadla Taangi ayaan ku dalbanayaa oo Burco ninka aan xukumin haka baxo oo Dastuurbaan ku dhaqmayaa oo talo ayaan wadaagaynaa Somaliland kuma jirayso, yaan been la isku sheegin,Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaalow cidda aad isku halaynayso anigu magaranayo”., Isagoo kale waxa ka mid ahaa“Waxaan hadalkayga ku soo gunaanadayaa Somaliland ku dhismimayso Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo Yidhaahda Gar iyo gardaro ayaan ku soo baxayaa, Ciidanka aad dalbanayso iyo Tiknikada Xagee ayaad ka keentay, Ma ciidan ayaad Kenya iyo Raashiya kasoo iibsatay, Miyaanu ahay kii Faqash laga qabtay, Ciidanku Amar ayuu qabaa oo Halkii loo diro ayuu galaa ma noqonayso, Radio Hargeysa miyaanay Ceeb ku ahayn inay ka baxdo Heesta la yidhaa oo Waliba la iigu celceliyo “Toobiyaheena kii is hortaaga aan tooganee”, Maxamed Siyaad Barre ayaa lahaa, rag ayuu ku laayay, Wargeyska Maandeeq miyaanay Ceeb ku ahayn inay maalin walba caydo Goleyaasha Qaranka, Inna Cigaal Shalay ayaa la doortay Baritana wuu dhacayaa, Ninka Xukunka loo dhiibay ee Madaxweynaha ahi isagu waa inuu isagu xeerka iskaga bilaabaa ilaalintiisa, Meeshan waxaa muuqata awoodii la yidhi Dalka ku maamul ayaa u muuqata ninkii iga horyimaada ee Ray’yigaya diida waan cabudhinayaa oo xoog ayaan ku dhaqaajinayaa, taan diidayaa waa taas,waa in dawladda la ixtiraamaa, waa in Sharciyadda la dhawraa, waa in Dastuurka la illaaliyaa”. Ugu dambayn waxa ka mid ahaa“Ha istaago ninka leh waan kaaga lexejeclo badanahay, Xagay joogeen ragga maanta waxaasi ku hadlayaa,ee Afkii Hanti wadaagga nagula wareegaalaysanaya,ee Islaamaha iyo Odayaasha ku leh Dal ayaa la burburinayaa, waa Tuug doonaysa inay Awoodda dalka ku haystaan, Ina Cigaalna ku jahawareeriyaan, kumana fadhiyayaan, runta ayaa la iskugu imanayaa”. Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-151118-1.mp3 The post Dhageyso: Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle November 14, 20180 appeared first on Shabelle. View the full article
-
“Waa halkii sheekadii Ba-xawaadle (Ogaadeen) ka dhex dhacdaye, Illaahay Hal diid, Ba-xawaadlena hal diidday, anniguna hal diiday….. Immika WADDANI hal diid, KULMIYE hal diiday; Guddigii Doorashooyinkuna Qaranka hal diid” Bishii February ee sannadkii1986-kii, ayaan xoolo ka saaray doon ka baxday tuulada Ceelaayo oo qiyaas dhan 27 kiilomitir u jirta magaalada weyn ee Boosaaso. Sida la ogyahay meesha la yidhaahdo Qaw oo u dhaw Ceelaayo ayaa ah xadka u dhexeeya dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, halkaas ayuunna Talyaanigu ka fadhiyi jiray dhinac, halka Ingiriiskuna joogi jiray dhinaca kale, sida xadka Lowyacado oo kale. Carabta ka ganacsata xeebaha Somaliland waxay odhan jirtay; “Ceelaayo walaaya, laakin ahluhaa belaaya.” Waxa kaloo ay odhan jireen; “Law tishti kadib mujamac roox Xiise wa Maydh wa tasamac!” Ceelaayo, Xiis, Maydh, Berbera iyo Saylac waxay ka mid ahaayeen magaalooyin waa hore (taariikh hore) la degay, sida lagu sheegay khariidadda Badda Cas oo lagu magacaabo Khariidadda Greek Periplus ee la qoray qarnigii labaad (200 AD). Sida ku cad ama ku muujisan khariidaddan Badda Cas, meesha ay hadda ku taalo magaalada Berbera waxa ku xusan magaalo la yidhaahdo; “Mallo ama Malbo.” Halka magaalo la odhan jiray “Mudno” ay ku xusan tahay meesha ay hadda ku yaalaan magaalooyinka Maydh iyo Xiis, meeshaas oo ay Soomaalidu u taqaanay magac “Maduuna.” Meesha ay hadda tahay Ceelaayo, waxa iyadana ahaan jiray Musellayn ama Mosylon. Haddaba, aan ku soo noqonnee waqtigii aan xeebta Ceelaayo ka dhoofinayey xoolaha, waxa jirta in tuulada Ceelaayo ay caan ku tahay, kuna wareegsan yihiin dhismayaal taalooyin kala waaweyn, kana dhismo ah, waana meesha ugu taalooyinka badan arladda/dhulka Soomaalidu degto. Taalooyinku waa xabbaalo-wadareedyo, waxaanna loo malaynayaa in meeshu degaan weyn ahayd waqtiyo hore. Magaalooyinka xeebaha ee hadda laga guuray waxa ka dhisan fooqyo iyo daaro hadda dumay, dadka hadda degan xeebahaasi waxay ku nool yihiin cariishyo ama guryo waabab yaryar ka samaysan. Dalxiise reer Yurub ah oo mar tegay degaanka Laas-qoray ayaa dadkii degnaa weydiiyay cidda dhistay fooqyadan dumay, kadibna waxay u sheegeen, in awoowayaashood dhiseen. Dalxiisihii reer Yurub waxa uu ku yidhi; “Oo hadda maxaa idinka waababka iyo buulashan idin dejiyey, dunidu hore ayey u socotaa ee idinku ma dib ayaad u socotaan?!” Tuulada Ceelaayo ee aan markaas joogay waxa qudha ee daaraha ka bed-qabay masaajid weyn oo la dayactiro oo aad u fiican. Haddaba, waddaad aroorta hore dadka salaadda u kicin jiray ayaa ku dhawaaqi jiray tiraabta aan madaxa uga dhigay qoraalkan; “La kala dheeree, orodse maaha.” Khayrkii loo kala dheeree, haseyeeshee oradkii olomibaga ee Mo Farah billadaha ku qaatay maaha. Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa soo bogaadisay dhowaan wax lagu tilmaamay Guddiga Doorashada Madaxweynaha Maamulka Baydhabo ee Koonfurta Galbeed Soomaaliya. Cajab! Beenaw tii shan-u-roon ahayd xaggee ayey ku dambeysay Doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiilladu ee muddo dhaafay. Sheekadu ma awoowayaashayada ayaa qaban jiray doorashooyinka miyaa, oo dib ayey u socotaa? Doorashoooyinku waa balaayo xijaabka Somaliland ama waa (Fire wall) xaafaddan odaya-xunta ah ee lagu mashaqeeyey keli-taliyeyaasha ee IGAD ayey innaga hor joogsataa, haddii la waayo doorasho iyaga oo ciidammadoodu oorinayaan ayey shaqo innaga dhigan doonaan sida Soomaaliya oo kale. Waar ha loo tudho dalka iyo dadkaba oo sagaal xubnood (9) waa laga heshiin karaa oo toddobadan (7) qof ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka, haddii aan arrintu ka sii daba dheerayn. Alla maxaa laga digay cidhib-xummaanta ka iman doonta qodobka dastuurka ee xakameeyey axsaabta ee saddex xisbi ku soo koobay. Nuqulkii loo gudbiyey labada Gole ee Baarlamanka (Guurtida iyo Wakiillada) in wax-ka-beddel lagu sameeyo qodobkaas xisbiyada oo xakamayntii laga saaray oo xukuumaddu wadatay aniga oo Guddoomiye ka ahaa Guddiga soo-jeedinta wax-ka-beddelka dastuurka intaan aftida la qaban. Waxa si badheedh ugu hor yimi xubno ugu tunweynaa Golayaasha oo ka ololeeyey wax-ka-beddelkaas, taasi waxay oggolaatay in xisbi qudhi uu daadafayn karo qabsoomidda doorashada, haddii aan soo-jeedintiisa la yeelin. Maanta WADDANI, shalay KULMIYE, berri UCID. Waxa ka daran saddexda xisbi ee markaas joogaa midna ma oggola in qodobkaas la taabto. Qoraalo hore ayaan kaga hadlay dhibaatada saddex xisbi ee kootaha loogu xidhay ka-qaybgalka siyaasadda iyo dimuqraadiyadda reer Somaliland ay u keeneen dalka oo ay ragaadiyeen geeddi-socodkii dimuqraadiyadda oo qoorta isaga duubeen isbeddelkii siyaasadda. Haddaba, inta aan wax-ka-beddel loogu samayn qodobkaas dastuurka, oo u baahan 2/3 codka mudanayaasha labada Gole ee Baarlamanku (Guurtida iyo Wakiilladu) inay ansixiyaan, si aanay doorashadu cid ugu deldelnaan ama xeerka doorashada lagu darin in murrashaxyo madaxbannaaani ay ka qaybgeli karaan doorashooyinka, taasoo hawl yar oo hal cod dheeri ah u baahan oo Golaha Wakiilladu keligood ku kooban, iyada oo Qodobka 9-aad ee dastuurka la beddelin, kaas oo sidan u dhigan. Qodobka 9aad: Nidaamka Siyaasadeed Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa saldhig u ah nabad iyo talo-wadaag, dimuqraadiyad iyo hannaanka xisbiyada badan. Tirada xisbiyada siyaasiga ah ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland kama badan karaan saddex (3) xisbi. Faqradda labaad muran badan ayaa ku jira. Hadda halkan kuma soo qaadi karno dib-u-habaynta dastuurka iyo xeerka doorashada ee waxa loo baahan yahay xaaladda taagan sidii xal loogu heli lahaa ee doorasho u dhici lahayd oo reerkan daalay loo dejin lahaa. Mindi-mindi ku-taag ayaa xaaladdii maraysaa iyo car iyo wir. Xisbiga WADDANI hal diid; oo wuu diiday inuu doorasho ka qaybgalo haddii aan la kala dareerin Guddigan Doorashooyinka Qaranka ee hadda jira oo mid cusubi aannu iman. Xukuumadda xisbiga KULMIYE ka soo jeedaa hal diiday; in aan la kala dirin Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo aannu xilligoodii dhammaan, isla markaana aan qof walba gooni loo soo eedayn oo habka sharciga la marin. Guddigii Doorashooyinku Qaranka hal diid, inay bisinka iska qabsadaan oo istiqaalad iskood u keenaan oo xilka banneeyaan lagu kari waa oo diid. Waa sheekadii Bah Xawaadle (Ogaadeen) ee qarnigii 19naad ka dhex dacday, Haddii nabadda ceelkaan ku rido ciddi ka soo saarto Abwaan Nuur Ibraahim (Nuur-Jiir) Ilaahay hal diid, inuu walaalkay soo nooleeyo diid. Bah Xawaadle hal diiday inay walaalkay laba maggood iga siiso diiday. Anna hal diiday, inaan walaalkay laba maggood waxaan hayn ka qaato diiday. Waar qarnigii 21aad ayaan joognaa oo kasiweynay, Waxu waa qabaal, waadna kabataan’eh. Abwaan Ismaaciil Mirre Cilmi Haddaba, bal sidiriq sida arrinkani u suurtagal yahay: dhaqanka Soomaalida waxa uu ahaa ka hor inta aannu Khawaajuhu (reer Galbeedku) nashuushadayn in labadii qof ee isku qabta arrin; loo kala gooyo arrinka ay isku hayaan, si cid kastaa u guulaysato oo weji-gabax u dhicin (win-win solution). Soo jeedinta arrintan lagu furdaaminayaa waxay tahay sidan: Guddiga Doorashooyinka qaybtood ha la kala diro oo kuwa cusub ha lagu beddlo ,qaybina ha sii joogto. Xubinta dumarka ah iyo labada xubnood ee beelaha darafyada ka soo jeedaa ha sii joogeen. Afarta xubnood ee kale ee beelaha dhexe ka soo jeedaa ha la beddelo. Hadalka duulay daayoo, Reerka daalay dejaay, dejiyaay dejiyaay Abwaan Maxamed Cumar Xuseen (Huryo) Arrinta kale ee aan doonayo in aan ka hadlo waa dhibaato lale oo haysata dalka iyo dadka Somaliland, taasoo saldhig u ah sicir-bararka, waana arrinta galaafan karta dhaqaalaha dalka, haddii aan laga hortegin, arrintaasina waa labada sarif ee khuseeya lacagta doollarka. Midi waa sarifka dowladda ama sarifka cashuurta doollarka oo ah toddoba kun oo Somaliland shillin ah (7,000 SLSH) Iyo Sarifka labaad oo ah sarifka suuqa ee xukuumadda iyo shicibkaba wax lagaga iibiyo oo halka doollar ah lacag dhan toban kun oo Somaliland shillin ah ($1 la mid yahay 10,000 SLSH) Arrintaasi waxay jaha-wareer ku samaysay sarifka oo waxay keentay hoos-u-dhaca joogtada ah ee shillinka Somaliland, taas macnaheedu waxa weeye waxa la kabaa baddceedda la soo waarido boqolkiiba 40 ama (40%). Badeecaddaas oo uu ku jiro sigaarku, qaadka, cadarka, baabuurta raaxaada oo haddii quutal-darrooriga ay ku koobnaan lahayd cawo ayey noqon lahayd. Arrintaas labada sarif ah qoraalo hore ayaan ku soo qaaday. Ganacsatada qiimaha doolarka goysaa, illeyn Baanka Dhexe lacag adag ma haysto uu ku xakamayn karo qiime-barrarka doolarka, waxay had iyo goor ku dedaalaan faraq weyni u dhexeeyo sarifka ay wax ku cashuurtaan iyo ka ay wax ku iibshaan, si ay macaash badan u helaan, waa arrin caadi ah oo aan lagula yaabi karin. Qofku waa ka faa’iidaystaa daldaloolada sharciga isaga oo aan jebinayn. Hadda dawladda Federalka ah ee la aqoonsaday ee intaas jalaafadda u dhigaysa Somaliland, waxa loo soo daabacayaa lacag cusub Baanka Adduunka ayaa lacag siiyey, waxanna lagala talinayaa lacagta, oo lala dhisaya habka maamulka. Haddaba, waxa iman doonta in lacagtaas ka xoog badato Somaliland shilinka oo sida birta Itoobiya inuu qabsatay ay iyana innagu soo faafto. Haddii inta goori goor tahay aan la adkayn lacagta Somaliland oo xukuumaddu ku qaadan cashuurteed sarifka suuqu hadba inta uu joogo, haddii kale sheekadu waa, “La kala dheeree, orodse maaha.” Bal adba! Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Maxamed Ibraahim Barre Gudoomiyaha Gobolka Sh Hoose ee Maamulaka Koonfur Galbeed ee Somaaliya ayaa sheegay in Maamulaka G Sh Hoose uu ku guuleystay qaadista isbaarooyin hor leh oo la soo dhigay inta u dhaxeysa Degmooyinka Afgooye iyo Walaweyn ee Gobolkaasi. Gudoomiyaha Gobolka Sh Hoose ayaa tilmaamay in isbaarooyinkaasi ay xanibeen isku socodkii gadiidka gobolkaasi isagoona tilmaamay in lagu guuleystay in la sii daayo gadiid ku xayirnaa Dulleedka Degmada Afgooye ee Gobolkaasi. Gudoomiye Maxamed ibraahim ayaa ugu danbeyntii sheegay in xubno ka tiran Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya ay la gaashadeen qaadista isbaarooyin la soo dhigay Deegaano aka tirsan Gobolkaasi. The post Isbaarooyin hor leh oo laga soo dhigay sh/hoose oo la qaaday appeared first on Shabelle. View the full article
-
Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay howlgallo ballaaran ka wadaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. Howlgalladan ayaa ah kuwo ay ciidanka ku raadinayaan rag xalay magaaladaasi ku diley mid ka mid ah nabadoonada sida weyn looga yaqaanay B/weyne. Nabadoonka la diley ayaa lagu magacaabayey Cismaan Yuusuf Ciiley, waxaana diley rag hubeysan oo goobta isaga baxay. Saraakiisha ammaanka B/weyne qaarkood oo aynu xiriir la sameennay si aan wax uga weydiinno howlgalladan ayeey ka gaabsadeen. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baladweyne (Sh.M.Network) –Wararaka laga helayo Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay xaafada howwadaag ee Magaaladaasi lagu dilay Nabadoon caan ahaa kaasi oo lagu Magacaabi jiray Marxuum Cusmaan Xuseen Ciileey oo ka mid ahaa odiyaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan. Dabley hubeysan ayaa Nabdoonka dishay iyadoona halkaasi ay ka baxsadeen sida ay xaqiijiyeen Dadka Deegaanaka. Ciidamo ka tirsan Maamulaka hir shabelle ayaa goobta gaaray iyadoona halkaasi ka sameeyey baaritaano ay ku baadi goobayaan kooxdii falkaasi ka danbeysay. Wararkii ugu danbeeyey ee saakay ayaa sheegaya in howgallo ay ka socdaan Magaalada Baladweyne kaasi oo lagu baadi goobayo kooxdii dilka ka geysatay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan. The post Howgallo Saakay Socda Baladweyne Ka Dib Dil xalay ka dhacay Magaaladaasi appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay si faahfaahsan ugaga hadlay xidhiidhka cusub ee wadamada Soomaaliya,Ethiopia iyo Eritrea. Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyay xidhiidhka dalalka Gobolka, Iskaashiga Dhaqaale ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya iyo mustaqbalka waxa uu Soomaaliya uga dhiganyahay heshiiska saddex geesoodka ah. Madaxweynaha ayaa sheegay in tobanaankii sano ee ugu dambeeyay Soomaaliya lagu hayay faragelin toos ah balse waxaa uu xusay in madaxda dhiggiisa uu kala hadlay in Soomaaliya laga daayo faragelinta, taasi oo keentay in la helo iskaashi balaaran oo dhex mara dalalka Geeska Afrika. “Shirkii ugu horeeyay ee saddex geesoodka ahaa waxa uu ka dhacay Asmara, Eretriya, kii labaad waxa uu ahaa isbuucii la soo dhaafay Bhar Dar Ethiopia, kan saddexaadna waxa uu ka dhici doonaa Soomaaliya, haddii uu Alle yiraahdo”. ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo oo shacabka u rajeeyay in iskaashigan ay wax badan ka faa’iideysan doonaan. Warkan ka soo baxay Madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo beegmay xilli maanta Golaha Ammaanka uu isku raacay in cunoqabataynta laga qaado dalka Eritrea. Source
-
Meenakshi Valand waxa ay ka mid tahay dadka aadka u yar ee ku nool dunida ee ilmo ku dhala habka tallaalka ama ku abuuridda minka. Aaad ayeyna arrinkan ugu faraxday. “Oohinta ayaan joojin waayey markii ay gabadhayda dhalatay. Waxaa iga dhintay lix ka mid ah carruurtayda sanadihii la soo dhaafay,” Haweeneydan oo 28 sano jir ah ayaa waxa ay ku dhashay dalka Hindiya bishii la soo dhaafay kaddib markii ay hooyadeed min ugu deeqday. Muddadii 9ka sano ahayd ee ay xaaska ahayd, Meenakshi waxa ka dhintay laba ilmood kaddib markii ay waqtikeeda dhamaysatay, afar mar oo kalana ilma ayaa ka dilmay taa oo dhaawac u keentay ilma galeenka. Lahaanshaha sawirkaGALAXY CARE HOSPITALImage captionRadha Waxa ay booqatay dhakhtar lagu magacaaba Dr Shailesh Putambekar, kaasoo madax u ah qaybta samaysa talaalka minka dumarka ee isbitaalka Galaxy Care Hospital oo ku yaala magaalada Pune. Hooyadeed oo lagu magacaabo Sushila Ben ayaa ugu deeqday minkeeda si ay gabadheeda carruur u dhasho. Tallaalka makaanka ayaa waxaa sameeyey koox ka kooban 12 dhakhtar bishii Meey ee sannadkii 2017kii. Dr Putambekar ayaa sheegay in dhiigga uu sare u kacay ayna go’aansadeen inay qaliin ku sameeyaan . Cunuga ayaa ku dhashay dhicisnimo, balse waa ay wanaagsantahay xaaladdooda caafimaad.” Waa markii ugu horreysay ee dhalma noocan ay ka dhacdo dalka Hindiya, waana markii 12 aad ee ay adduunka ka dhacdo. Taariikhda tallaalidda makaanka: Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES Dumarka lagu tallaalo makaanka ayaa waxa laga sameeyey 12 dal oo kala ah Sweden, Sucuudiga, Turkey, Mareykanka, Shiinaha, Jamhuuriyadda Czech, Brazil, Jarmalka, Serbia iyo Hindiya. Sida uu qaliinkan u shaqeeyo? Xilligii uu socdo qaliinka, xubnaha ayaanan la talaalin kaddib dumarka ma dareeman xanuun xilliga foosha. Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES Sidda ay kooxdan ka howlgala isbitaalka Galaxy Care sheegeen , lacagta ku baxaysa habkan ayaa gaaraysa 11 kun oo doolar. Balse qaliinka lagu sameeyay ee loogu tallaalay makaanka Meenakshi Wayanad ayaa ah madkii ugu horreeyay ee lagu sameeyo dalka Hindiya wax lacagna kuma aysan bixin. Sanad kaddib markii tallaalkan la sameeyey, dhakhaatiirta ayaa go’aansaday inay ku talaalan ugxaan. Dalka Hindiya oo kaliya, ku dhawaad 600 oo dumar ah ayaa isu diwaangeliyay in lagu sameeyo. Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES Baaritaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in nidaamkan uu yahay “mid hormar weyn laga gaaray” balse uu ubaahanyahay in si aad ay u xakameeyaan dhakhaatiirta si taxatar lehna loogu howlgalo. Waxa kaliye ee ay Meenakshi niyada ku hayso ayaa ah rajadii ay ka lahayd tillaabadan: “wax badan ayaan dhibaatooday, balse farxadayda hadda malahan wax lala barbar dhigo. Source
-
(SLT-London)-Wasiirada dowladda Britain ayaa ansixiyay heshiiska qabya qoraalka ee ay UK kaga baxayso Midowgga Yurub. Wasiirada ayaa ansixintan sameeyay ka dib markii ay yeesheen 5 sacadood oo dood ah oo ay arrintan uga wadaxaajoonayeen. Waxa ay sidoo kale golaha wasiirada Britain ay ansixiyeen qorsha qeexaya xiriirka ay mustaqbalka yeelan doonaan UK iyo midowga Yurub. Rai’sul wasaaraha Britain Theresa May ayaa ku dhawaaqday qorshahan cusub ee ay ansixiyeen golaha wasiirada. Waxa ay Mrs May arrintani ku tilmaamtay tallaabo muhim ah oo ay si adag u rumaysan tahay in ay ku jirto danta qaranka. Rai’sul wasaaraha Britain Theresa May ayaa inta ku dartay in heshiskan uu difaacayo shaqooyiinka,ammaanka iyo sharafta dastuurka UK islamarkana uu dib u soo celinayo in Britain ay kontaroosho sharciyadeed iyo xudduudaheeda. Waxay xustay in go’aankan uu yahay khiyar adag gaar ahaan marka ay timado arrinta xuduuda waqooyiga Ireland. Madaxa gudiga baarlamaanka Yurub u qaabilsan ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub Guy Verhofstadt ayaa sheegay in heshiiskan “uu suragal ka dhigayo ka bixitaan UK ee Midowga Yurub. Mrs May ayaa lagu wadaa in maanta oo khamiis ah ay hadal ka jeediso baarlamaanka dalka Britain. Heshiikan qabyada ah ee ka bixitaanka UK ee midowga Yurub oo ka koobna 585 bog ayaa imika la daabacay. Ra’sul wasaaraha ayaa cadaadis adag oo ku saabsan heshiiska kala kulmaysa mucaaradka. Waxaa sidoo kale jiray dhaliil uga imanaysay xubno xisbigeeda ka tirsan oo iyagu tageera ka bixitaan Britain ee Midowga Yurub. Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka warbixiyay xiriirka dalalka Gobolka, Iskaashiga Dhaqaale ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya iyo mustaqbalka waxa uu Soomaaliya uga dhiganyahay heshiiska saddex geesoodka ah. Madaxweynaha ayaa sheegay in 30-kii sano ee ugu dambeeyay Soomaaliya lagu hayay fara gelin toos ah, balse waxaa uu xusay in Madaxda dhiggiisa uu kala hadlay in Soomaaliya laga daayo fara gelinta, taasi oo keentay in la helo iskaashi balaaran oo dhex mara dalalka Geeska Afrika. “Shirkii ugu horeeyay ee saddex geesoodka ahaa waxaan ku qabsanay Asmara, Eretria, kii labaad waxa uu ahaa isbuucii la soo dhaafay Bhar Dar Ethiopia, kan saddexaadna waxa uu ka dhici doonaa Soomaaliya, haddii uu Alle yiraahdo”. ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo shacabka u rajeeyay in iskaashigan ay wax badan ka faa’iideysan doonaan. The post Shirka Seddexaad ee Wadamada Geeska Afrika oo lagu qabanayo Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya,Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay go’aanka Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ee cunaqabateyntii saarneyd looga qaaday Eriteriya. Madaxweynaha ayaa sheegay in cunaqabateynta hubka ee saarneyd Eriteriya looga qaaday dadaal wadajir ah oo ay sameeyeen,isagoona u mahad celiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. “Waxaan soo dhaweyneynaa hubka iyo bartilmaameedyada kale ee cunaqabateynta ee Eriteriya codsigeena wadajirka ah looga qaaday,Waanu uga mahad celineynaa golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC),dadaalkooda waxtarka leh,Geeska Afrika ayaa si dhaqso ah u u sameynaya horumar iskaashi iyo mid dhaqaale,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo calaaqaadka gobolku uu soo hagaagayo, heshiis taariikhi ahna ay la galeen dalalka dariska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Tallaabadan golaha ammaanka ee Qaraamda Midoobey ayaa meesha ka saaraya cunaqabatayntii Eritrea ka saarnayd soo iibsashada hubka, shaqsiyaad dhaqaalahooda la xannibay iyo xayiraaddii dhanka socdaalka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo soo dhoweeyay xayiraadda hubka ee laga qaaday Ereteeriya appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Washington)-Michael Avenatti oo ah qareenka gabadha caanka ku ah jilitaanka filimada galmada ah ee dacwada ku soo oogtay madaxweyne Donald Trump ayaa la xidhay isaga oo looga shakisan yahay rabshad qoys, sida uu shaaciyay booliiska Los Angeles. Barta TMZ ayaa markii hore ku warrantay in qofka dhibka loo gaystay ay tahay Lisa Storie-Avenatti oo ah xaaska Avenatti oo ka irdhawday. Balse qareenkeeda ayaa sheegay in aysan ku lug lahayn eedayntaas, sida ay ku warrantay barta BuzzFeed News. Barta TMZ ayaa iyaduna markii dambe sheegtay in dhacdadaas ay la xiriirtay haweenay kale. Lamaanahan kala irdhoobay ayaa is guursaday 2011 balse waxaa la sheegay in Avenatti uu xareeyay waraaqihii furitaanka sannadkii 2017. Gar yaqaankan ayaa caan noqday markii uu qareen u noqday Daniels. Daniels oo jilaa ah ayaa sheegtay in xiriir muddo kooban ah ay yeesheen iyada iyo madaxweyne Trump – eedaymahaas oo uu diiday – waxayna go’aansatay in ay isaga baxdo heshiis ay saxiixday doorshadii Maraykanka ee 2016 ka hor, kaas oo ku saabsanaa in arrimahaas aysan ka hadlin. Avenatti oo barnaamijyada telefeshinnada aad uga soo muuqda ayaa noqday mid aad u dhaliila madaxweyne Trump, sida uu sheegayo David Willis oo ah weriye BBC ka tirsan oo ku sugan Los Angeles. Avenatti ayaa mar tilmaamay in uu rabo in uu rabo in uu isu soo sharaxo madaxweynenimo marka la gaaro doorashada 2020, sida uu saxafigaasi sheegay. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Taliyaha ciidamada Xooga dalka Gen Daahir Aadan Cilmi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay waxay yihiin ciidamada gaadiidka tirada badan ku xanibay inta u dhaxeysa Afgooye iyo Wanlaweyn. Indha-Qarshe, ayaa eedeyn u jeediyay hogaanka Saadka ee ciidamada xooga dalka, kuwaasi oo uu ku eedeeyay inay bixiyaan dharka ay xiran yihiin ciidamada gaadiidka isbaarada u dhigtay. Taliyaha ciidamada xooga, wuxuu sheegay in ciidamada gaadiidka heysta inaysan ka tirsan ciidamada meletariga Soomaaliya, balse ay heleen dareeska ciidamada meletariga Soomaaliya, sida uu sheegay. Taliska Saadka ayuu ku eedeeyay Indha-Qarshe inay si qalad ah ku bixiyaan Tuutaha ciidamada meletariga, taasina ay sharaf dhac ku tahay ciidamada xooga dalka, sida uu sheegay. Ciidamo wata dareeska ciidanka Meletariga ayaa xaniban inka badan 200 oo gaadiidka Xamuulka qaada, oo ay ka doonayaan dhaqaalo badan sida maamulka Shabeelaha Hoose ay sheegeen. Shan kun doolar ayaa la sheegay inay gaari walbaa ka doonayaan ciidamadan oo ka careysan mushaar xumo heysta, sida maamulka Shabeelaha Hoose uu sheegay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay go’aanka Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ee cunaqabateyntii saarneyd looga qaaday Eriteriya. Madaxweynaha ayaa sheegay in cunaqabateynta hubka ee saarneyd Eriteriya looga qaaday dadaal wadajir ah oo ay sameeyeen,isagoona u mahad celiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. “Waxaan soo dhaweyneynaa hubka iyo bartilmaameedyada kale ee cunaqabateynta ee Eriteriya codsigeena wadajirka ah looga qaaday,Waanu uga mahad celineynaa golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC),dadaalkooda waxtarka leh,Geeska Afrika ayaa si dhaqso ah u u sameynaya horumar iskaashi iyo mid dhaqaale,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo oo jeediyey khudbad gaaban ayaa ka hadlay heshiiska 3-geesoodka ah ee Soomaaliya ay la gashay Eriteriya iyo Itoobiya, isaga oo sheegay in uu Itoobiya mar walbo kala hadli jiray sidii fara-gelinta uga deyn lahaayeen Soomaaliya, taasi oo dhabowday isbadalkii kadib iyo doorashadii Abiy Axmed “Ra’isul wasaara cusub oo hadda yimidna uu ka shaqeynayo in wejiga geeska Afrika isbadal ka dhaco, Haddii ay noqoto dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha, annagana aan uga faa’ideysaneyno in Soomaaliya faragelinta laga dhaafo”. Farmaajo waxaa uu sheegay in shirka soo socda ka dhici-doono Muqdisho isaga oo rajeeyey ka soo qeyb galka Djibouti“Shirkii ugu horeeyay ee saddex geesoodka ahaa waxa uu ka dhacay Asmara, Eretriya, kii labaad waxa uu ahaa isbuucii la soo dhaafay Bhar Dar Ethiopia, kan saddexaadna waxa uu ka dhici doonaa Soomaaliya, haddii uu Alle yiraahdo”. ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo shacabka u rajeeyay in iskaashigan ay wax badan ka faa’iideysan doonaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
JJJamaal <nageyeabdifatah@gmail.com Qaran News
-
“Isagaa Account Gooniya Usamaystay Lacaga IOM, Isla Isagaa Jeebkiisa Ku Soo Dhacdaa…” Khadar Sheekh Cali Jawhar Oo U Jawaabay Cabdikariin Xinif Guddoomiye ku-xigeenkii hay’adda qaxoontiga iyo barakacaayasha Somaliland Khadar Sheekh Cali Jawhar ayaa jawaab adag ka bixiyay eedaymo ugu yimid guddoomiye Cabdikariin Xinif. Khadar Sheekh Cali Jawhar ayaa sidoo kale waxa uu eedaymo musuq-maasuq u soo jeediyay guddoomiye Cabdikariin Xinif. Halkan hoose ka akhriso qoraal kooban soo dhigay barta uu ku leeyahay facebooka oo kaga hadlay arrimahaasi: “Gudoomiye xinif wuxuu saxaafada lasoo waa caadadii lamana yaabayo waayo somalidu waxay tidhaa bahal qaydhin madaayo laba wajiilenimaduna waa dhawankiisa 9 bilood een xilka hayay isku xafiis maanu fadhiisan jirin anigu waxan fadhiisanayay xafiiskii hore ee wasaarada dib udajinta isaguna wuxuu fadhiisanay fooqan imigiration ka agtiisa shaqada aan iman waayay ee sheegayo ma wuxuu doonayay xafiiskiisa inaa iska soo xaadiriyo shaqada uu leehay qaybaan udhiibay ilaahay been usheegay shaqo iska daaye shaanbadii ku xigeenka in la sameeyo daalbuu ka galay. Lacagaha mushaarka midna waa mushaarkii dawlada midana lacagaha UN iyo UK- AID ay nasiiyaan isagaa account gooniya usamaystay lacaga IOM isla isagaa jeebkiisa ku soo dhacdaa. Takale tan uu leeyahay warqada waa lasiiyay ma diidani balse anigu waxan diiday sobobta magacayga loo qariyay Insha allah musuqmaasuqa oo ku kacay xinif iyo qabyaalada uudhaqan ka dhigtay saxaafada ayaan soo bandhigayaa” Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixinta Kooxda QM ee la socodka xayiradda hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ayaa lagu sheegay in musuq-maasuq xooggan lagu sameeyo mushaharka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya. Warbixinta kooxdan ayaa sheegtay in toddobadii bisha August 2018, ay aragtay dokumentiyo muujinaya in saxiixa ciidamada la been abuuro, si loo muujiyo inay mushaharkooda qaateen, balse xaqiiqda aysan sidaas ahayn. Warbixinta ayaa sheegtay in dadka mushaarka bixiya ama madaxda ciidanka ay inta badan ayaga saxiixaan waraaqo been abuur ah, oo lagu muujinayo in ciidamada mushaarkooda la siiyey. “Dokumentiyada qaar ayaa muujinaya faraha hal qof oo la dhinac dhigay dhammaan magacyada askarta, halka qaarna ay muujinya saxiixa hal qof oo la dhinac dhigaya magacyo badan, si looga dhigo dhowr qof oo kala duwan” ayaa lagu yiri warbixinta kooxda QM. Sida warbixinta ay sheegtay, dukumentiyada ayaa muujinaya heerka uu gaarsiisan yahay musuq-maasuqa mushaharka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya. Kooxda QM ayaa dhinaca sheegtay inay hayso caddeymo badan oo muujinaya in qaar badan oo ka mid ah ciidamada aysan helin wax mushaar ah, islamarkaana tirada ciidanka laga badiyo inta ay yihiin dhab ahaan, si lacag badan looga soo qaado bankiga mushahar ahaan, kadibna loo xado. Hoos ka arag dokumentiyada
-
Sheekada maanta Diyaarad ay saaraayeen shan qof oo reer Somaliland ah ayaa hawada ku xumaatay , waxa kaliya diyaarada saarnaa afar baarshuud (Four Parachutes). Waxa markiiba soo kacay xirisi cali xaaji xasan oo yidhi waxaan ahay 40 jir 40 milyan haysta , markaa anigu xiligii la dhiman lahaa ma joogee nabadeey inta xabad baarashuuda qaatay. Waxa ku xigay faysal cali waraabe oo yidhi waxaan ahay ninka kaliya ee 3 jeer dhacay 3 danbana inuu tartamo diyaar u ah markaa hawl culus baa ii taalee labada xabee hadhay ku heshiiya intiina hadhay . waxa ku xigay Madaxwayne Muuse Biixi oo yidhi ku dhawaad 50 sano ayaan jabhaydayn ku jiree , hada ayuun baan yara nastoo aan janadii cagaha galiyee nabad galyo, intii isna midh baarashuuda qaatay . waxa isku soo hadhay C/raxman Cirro iyo iyo inan yar oo 6 jir ah oo uu awaw u yahay Maxamed Xaaji Ibrahin Cigaal iyo hal baarashuud , Cirro ayaa inantii yarayd ku yidhi adeero anaa naftayda kuu huraaye adoo soo korayee iska qaado xabada hadhay . tii yarayd baa tidhi maya maya adeero , laba baarashuud ayaa hadhay , Cirro yaab oo adeer ka kale xaguu ka yimi , Markaasay tidhi Muuse Biixi ayaa Shandaydii Buugaagta Baarashuud mooday oo qaatay kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk. Qaran News
-
Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa isku dayeye inuu ka dhaadhiciyo ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Natenyahu inuu dagaal ku qaado magaalada Gaza ee Falastiin, si dareenka caalamaka looga weeciyo dilkii Sacuudiga ee Suxufi Jamaal Khaashuqji. Sida ilo-wareedyo ay u sheegeen warbaahinta Middle East Eye, dagaal laga billaabo Gaza ayaa ka mid ahaa tallaabooyin dhowr ah oo Maxamed Bin Salmaan uu ku fakaray. Bin Salmaan, ayaa sida wabixinta ay sheegtay, waxa uu kadib dilkii Khaashuqji sameeyey guddi la tacaala warbixinadii sirta ahaa ee sida xun u waxyeeleeyey sumcaddiisa, kuwaas oo Turkiga ay sii daynayeen maalmihii xigay dilka Khaashuqji. Guddigan ayaa ka koobnaa saraakiil ka kala socota maxkamadaha, wasaaradaha arrimaha dibedda iyo difaaca iyo sirdoonka, waxayna la kulmayeen Bin Salmaan muddo lix saac ah, maalin kasta. Waxaayibihii ay guddigan soo jeediyaan ayaa waxaa ka mid aha in dagaal lagu qaado Gaza ay dareenka Trump ka weecin lahayd kiiska Khaahuqji una wareejin lahayd kaalinta Sacuudiga ay ka cayaari karto xiriir muhiim ah oo lala yeesho Israel iyo nabadda Beriga Dhexe. Waxa ay sidoo kale soo jeediyeen in Maxamed Bin Salmaan uu si ay ahaataba u xaliyo Turkiga – oo ay ku jirtay in lalauush la siiyo Erdogan sida in hubka Turkiga lasoo iibsado. Sacuudiga iyo Turkiga ayaa dhowaanahan si hosoe xiriir wanaagsan u lahaa, waxaana ay wadaagaan naceybka ay labaduba u qabaan Iran. Bin Salmaan ayaa sidoo kale qeyb ka ah qorshaha “heshiiska qarniga” ee Trump uu wado, kaasi oo magaalada Jerusalem ku wareejinaya Yahuudda. Caasimada Online Xafiiska Jeddah Caasimada@live.com