-
Content Count
206,963 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Philippines)-War ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dalka Philippines Rodrigo Duterte ayaa lagu sheegay inuu shirar dhowr ah madaxweynuhu ka qeyb gali waayay, maadaama uu “nasiino ka qaadanayay xukunka”. Af hayeen u hadlay dowladda ayaa sheegay in Duterte uu maalintii Arbacada baajiyay afar munaasabadood oo lagu waday inuu ka qeyb galo, isagoo ka door biday “inuu seexdo oo uu nasto”. Duterte iyo hoggaamiyeyaal kale oo caalamka ka kala socda ayaa ku sugan waddanka Singapore, iyagoo ka qeyb galaya shirka golaha ay ku bahoobeen waddamada Koonfur-bari Aasiya. Madaxweynaha 73 jirka ah ayaa difaacay ficilladiisa, isagoo yiri: “Maxaa ka khaldan hurdayeda?”. Duterte ayaa horay uga baaqday shirar kale oo caalami ah iyo kuwo ka dhacayay gudaha Philippines. Sannadkan oo dhan waxaa socday hadallo la isla dhex marayay oo ku saabsan shaki la galinayo caafimaadkiisa, bishii Oktoobar ayuuna shaaca ka qaaday inuu ka cabsi qabay cudurka Kansarka. Af hayeenka madaxtooyada ayaa sheegay in ka baaqashada madaxweynaha ee shirarka aysan wax xiriir ah la lahayn xaaladdiisa caafimaad, haddana uu nasiino fiican helay. Duterte ma aha madaxweynaha kaliya ee sannadkan lagu arkay isagoo hurda xilli ay socdaan shirarka qaaradda Aasiya. Saxafi ka tirsan wargeyska Washington Post ayaa dhawaan sawir ka qaaday madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in oo u muuqday inuu hurdayo, xilli uu ku jiray shir. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Dawlada Jabuuti ayaa waxaa ay qaraar ka soo saartey Go,ankii xalay golaha amaanka ee Qaramada Midoobey uu xayiraada hubka kaga qaadey Dawlada Eretria Dawlada Jabuuti waxaa ay sheegtay inay soo dhaweynayso cuna qabteynta hubka ee laga qaadey Eretria isla markaana ay dalbaneyso in la soo daayo maxabiista Jabuuti ee uu xidhan Eretria, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Jabuuti ( Sh. M. Network )-Shaley aye aheyd markii Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay cod aqlabiyad leh ku ansixiyay soo jeedin ku saabsaneyd in Eritrea laga qaado cunaqabateynta dhinacyada, taas oo ay horgeysay dowladda Ingiriiska, Mareykankana uu ku taageeray. Wuxuu dhanka kale goluhu ku baaqay in labada dal ay sii wadaan wada xaajoodyada ay ku xallinayaan khilaafaadkooda. War murtiyeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Jabuuti oo uu ku saxiixan yahay wasiirka arrimaha dibadda, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa lagu yiri “dowladda Jabuuti waxa ay soo dhaweyneysaa qaraarka Qaramada Midoobay ee uu tirsigiisu yahay 244 ee xallinta khilaafaadkii u dhexeeyay dowladaha Jabuuti iyo Eritrea”. Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu qeexay sida ay Jabuuti diyaar ugu tahay xalka “waxaan aqbaleynaa go’aanka lagu fududeynayo wax kasta oo lagu wada hadlayo oo ku aaddan dowladaha Eritrea iyo Jabuuti”. Lama oga sababta ku dhalisay Jabuuti in ay taageerto cunuqabateen in laga qaado Eritrea Horraantii bishii Agoosto ayay dowladda Jabuuti si weyn uga carootay baaq uu madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ugu jeediyay Qaramada Midoobay inay cunaqabateynta ka qaaddo dalka Eritrea. Arrintaas ayay Jabuuti qaarkood u aragtay in Somalia ay “la safatay Eritrea”, xilli labada dal ay is hayaan, horayna uu gacan ka hadal u dhex maray. Sidaas awgeed, hadda iyadoo wali uu taagan yahay khilaafka u dhexeeya labada waddan ee Jabuuti iyo Eritrea, ee salka ku haya muranka xadka ayaa su’aalo badan la iska weydiinayaa waxa keenay in xukuumadda Jabuuti ay soo dhaweyso go’aanka Qaramada Midoobay ay hubka ugu fasaxday waddanka ay is hayaan. The post Dowladda Jabuuti Oo soo dhaweysay Cunaqabateyntii laga qaaday Eritrea appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa kulan ku yeeshay Guddiga joogtada ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed,iyaga oo ku iclaamiyay waqtiga ay dhaceyso doorashada. Xubnaha Guddiga doorashada oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhaba ayaa sheegay in 20 Xubnood oo ka joogta Guddiga ay 15 ka mid ah isla garteen in doorashada dib loo dhigo muddo labo todobaad ah. Guddigu ma sheegin maalinta ay dhaceyso doorashada waxaana ay sheegeen in labo todobaad kaddib go’aan laga gaarayo. Doorashada Madaxtinimada Koofur Galbeed ayaa lagu waday in ay dhacdo Sabtiga soo socda ee 17ka Bishan laakiin maanta ayaa lagu dhawaaqay dib u dhigiddeeda. Arrintan ayaa salka ku heysa khilaaf Guddiga doorashada kala dhexgalay oo sababay in ay qaarkood is casilaan,waxaana hakad galay jadwalka iyo habraacii doorashada. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Shirkadda Telesom Oo Ictiraaf Teknoolajiyadeed U Soo Hoysay Somaliland Guddoomiyaha Telesom ayaa ku guulaystay agaasimaha ugu saamaynta badan Qaaradda Afrika dhinaca teknoolajiyadda iyo isgaadhsiinta sannadka 2018. Munaasabad ay ka Qayb Galeen 14000 oo qof oo ka dhacday Magaalada Capetown, ee Dalka Koonfur Afrika ayaa Gudoomiyaha Shirkadda Telesom, Cabdikariim Maxamed Iid, loogu Aqoonsaday inuu Yahay Hoggaamiyaha ugu Wanaagsanaa uguna Saamaynta Badnaa hoggaamiyeyaasha Shirkadaha Tiknoolojiyadda iyo isgaadhsiinta Qaarada Africa, qiimayntii u dambaysay ee la sameeyay sannadkan 2018 “CXO of the year 2018”. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa isaga oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho wuxuu kaga hadlay weerarkii 9-kii bishan lagu qaaday Hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho. Waxa uu sheegay in Hoteelkaasi ay deganaayeen xildhibaanno Labada aqal ah oo ka badan 50, wuxuuna tilmaamay in xukuumadda federaalka ay illaa iyo hadda wax baaritaan ah sameyn. Xildhibaanka ayaa tilmaamay in waxyaabaha ay ka shakiyeen ay tahay in raggii weerarka soo qaaday ay wateen dareeska ciidanka xoogga dalka, waliba kuwii ugu dambeeyey ee loo qeybiyey iyo sidoo kale hub dhowaan la siiyey dowladda. Dhanka kale, xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in weerarkii Saxafi ay u arkeen shirqool iyaga lagu dili rabay. Waxa uu ku baaqay in guddi loo saaro arrintan, islamarkaana baaritaan dhab ah lagu sameeyo sida Al-shabaab u heleen hubka iyo dareeska ciidanka dowladda. Ma jiraan wax caddeymo ah oo si madax banaan u xaqiijin kara sheegashada xildhibaan Fiqi. dhinaca kale, kooxda Al-Shabaab ayaa si buuxda u sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas. Halkaan hoose ka dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/fiqi-2.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Muuqaalo lagu baahiyey internet-ka ayaa muujinaya duqa magaalada Muqdisho Injineer Yariisow, oo ka heesaya kana cayaaraya xaflad dhowr habeen ka hor lagu qabtay magaalada Jabuuti. Yariisow ayaa la arkayey isaga oo ku cayaaraya kuna luuqeeynaya heesta Doon baa mareyso, ee uu horey u qaadi jira Cabdullaahi Sulfa. Heesta ayaa waxaa marka hore billaabaya fanaan kale, hase yeeshee markii ay cabaar socotay ayaa waxaa kala wareegaya Yariisow oo heesta qaaday. Yariisow ayaa dhowr maalmood u joogay dalka Jabuuti ka qeyb-galka shirka duq magaalooyinka Islaamka, oo halkaas ka dhacay. Heestan ayaa la rumeysan yahay inuu Yariisow qaaday laba ama saddex maalin kadib weerarkii Jimcihii lagu qaaday hotel-ka Saxafi ee magaalada Muqdisho, oo lagu dilay ku dhowaad 40 qof oo shacab ah. Inta badan madaxda dunida ayaa markii ay dhibaato ka dhacdo goobaha ay ka taliyaan lagu yaqaan inay soo gaabiyaan safarkooda oo ay deg deg usoo laabtaan. Dad badan ayaa arrin aan wanaagsaneyn ku tilmaamay in duqa Muqdisho uu hees iyo baashaal ku jiro, intii uu muujin laha damqasho oo murugada iyo tacsida la qeybsan lahaa dadka lagu xasuuqa magaalada uu ka taliyo ee Muqdisho.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kaddib kulan ay shalay ku yeesheen magaalada Muqdisho Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya David Concer iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war qoraal ah oo safiirku uu soo dhigay Twitterka waxa uu uga warbixiyay qoddobada ay ka wada hadleen Madaxweynaha. Ambaasaddoor Concer ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo oo ku qaabilay Xarunta Madaxtooyada ay ka wada hadleen horumarka arrimaha siyaasadda iyo amniga ee Soomaaliya. Safiirka ayaa tilmaamay in uu Madaxweynaha Soomaaliya ugu hambalyeeyay dadaalka uu ku bixinayo nabadda iyo isdhexgalka Gobolka iyada oo loo marayo heshiiska seddax geesoodka ah ee uu la sixiixday madaxda Itoobiya iyo Eretereya. “waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo igu casuumay Villa Somalia. Waxaan ka wada hadlnay horumarka arrimaha siyaasadda iyo amniga ee Soomaaliya. Waxaan ugu hambalyeeyay dadaallada uu ku bixinayo nabadda iyo is dhexgalka Gobolka ee loo marayo heshiiska iskaashi ee uu la yeeshay Itoobiya iyo Eritrea” Ayuu yiri safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Amb David Concer. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa shalay sheegay in dalal kale lagu soo dari doono iskaashiga Gobolka iyada oo kulanka seddaxaad ee arrimaha Geeska Afrika looga hadlayo uu ka dhici doono magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil kooxo hubeysan barqanimadii maanta ay ka geysteen degmada Wardhiigley ee G/ Banaadir. Dilkan ayaa la sheegay in loo geystay Wiil dhalinyaro ahaa oo ku sugnaa xaafadda laba Dhagax ee degmadaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Raggii ka dambeeyay dilkan oo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa lagu soo warramayaa in ay goobta isaga baxsadeen dilka kadib. Illaa iyo had lama oga waxa uu aha shaqsiga la dilay, iyadoona Meydka Marxuumka ay goobta ka qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo gaaray halkaasi. Sidoo kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dilkaasi. Dhacdadan ayaa ku soo aadeysa, xilli maalmihii dambe Ciidamada DFS ay wadeen howlgallo lagu xaqiijinayo amniga, kadib qaraxyadii ka dhacay Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho. The post Wiil dhalinyaro ahaa Oo lagu dilay Wardhiigley appeared first on Shabelle. View the full article
-
Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa isaga oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho wuxuu kaga hadlay weerarkii 9-kii bishan lagu qaaday Hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho. Waxa uu sheegay in Hoteelkaasi ay deganaayeen xildhibaanno Labada aqal ah oo ka badan 50, wuxuuna tilmaamay in xukuumadda federaalka ay illaa iyo hadda wax baaritaan ah sameyn. Xildhibaanka ayaa tilmaamay in waxyaabaha ay ka shakiyeen ay tahay in raggii weerarka soo qaaday ay wateen dareeska ciidanka xoogga dalka, waliba kuwii ugu dambeeyey ee loo qeybiyey iyo sidoo kale hub dhowaan la siiyey dowladda. Dhanka kale, xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in weerarkii Saxafi ay u arkeen shirqool iyaga lagu dili rabay. Waxa uu ku baaqay in guddi loo saaro arrintan, islamarkaana baaritaan dhab ah lagu sameeyo sida Al-shabaab u heleen hubka iyo dareeska ciidanka dowladda. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/fiqi-2.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Cadale ( Sh. M. Netwotk )-Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku warramaya in maanta xiisad dagaal ay ka taagan tahay deegaano ka tirsan gobolkaasi. Xiisada oo ah mid xoogan ayaa waxaa laga dareemayaa deegaanka Laba-Garas oo hoos yimaada degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Waxaana la sheegay in ay xiisadu u dhexeyso laba Maleeshiyo Beeleed oo wada daga halkaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ay wal wal ka qabaan in markale dagaal uu ka qarxo deegaankaasi. Waxaana ay tilmaameen in labada dhinac ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan agagaarka degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka maamulka HirShabelle oo ku aadan xiisadaasi. Hase’ahaatee waxgaradka deegaanka ayaa durbo bilaabay dadaallo nabadeed oo looga hortagayo colaadaasi. Dagaalkii xalay ee dhexmaray labadaasi Beeleed ayaa waxaa ku dhintay 2 Qof, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale, oo isugu jiray dhinacyadii dagaalamay. The post Xiisad xoogan Oo ka taagan duleedka degmada Cadale appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu markii labaad Muddo sannad ah oo isku shaandhayn ku sameeyo xukuumaddiisa. Madaxweynaha ayaa la sheegay in isku shaandheyntaas Maanta oo Khamiis ah ku jiro diyaarinteedii ugu dambeysay isla markaana uu fasaxay shirkii Golaha Wasiirada oo maanta ka qabsoomi lahaa xarunta Madaxtooyadda. Sidoo kale warbaahintu helayso ayaa waxa ay sheegaya in sababta shirkii golaha wasiirada loo fasaxay inay tahay diyaarinta iyo ku mashquulkan isku shaandheyntan oo bulshadu si weyn u hadal hayso kadib markii bulshadu si adag uga biyo diiday isku shaandheyn kooban oo madaxweyne Biixi samaayey Xogaha ayaa sidoo kale sheegay in isku shaandheyntan ay xilalkooda ku waayo doona wasiiro Badan oo gaadhaya ilaa 10 Wasiir iyo sidoo kale Taliyayaal ciidan, halka masuulyiin kale na xilalkooda la isku bedeli doono, balse xogan si rasmi ah umay kala cadeyn magacyada wasiiradan iyo taliyayaashan xilalooda waayi doona Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa maanta shir ay ku qabteen Magaalada Muqdisho waxa ay kaga hadleen amaanka dalka, khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada. Sheekh Nuur Baaruud oo ka mid ah hay’adda ayaa sheegay in dowladda ay guulo muhiim ah ka gaartay siyaasadda arrimaha dibadda, la dagaallanka musuqa iyo dhismaha heykalka dowladnimo. Mar uu ka hadlayay arrinta amaanka ayuu dowladda ku dhaliilay in aysan waxbadan ka qaban amaanka,waxaana uu su’aal ka keenay sida saddex gaari oo wada walxaha qarxa ay ku soo galeen Muqdisho kuna weerareen Hotelka Saxafi. Waxaa uu dhaliilay isbeddellada ciidamada, xilka qaadista Taliyayaasha Ciidamada iyo sida ay dowladda ku ogaan weysay qaraxyada ka dhaca Muqdisho. Dowladda Federaalka ah ayuu sheegay in lagula xisaabtamayo dhibaatada haysata shacabka isaga oo xusay in aysan cudur daar u heleyn in maalin kasta shacabka Soomaaliyeed la laayo. Sheekh Nuur Baaruud ayaa soo jeediyay in Al-shabaab laga saaro labada Shabeelle si amaanka Muqdisho loo sugo,waxaana uu sheegay in ay dowladda Cambaareyn ku muteysan karto in aysan Gobolladaas ka saarin Al-shabaab. Sheekh Nuur Baaruud ayaa ku baaqay in Xaasaska iyo Carruurta Xubnaha ka tirsan Al-shabaab laga saaro Magaalada Muqdisho sida ay sameeyeen Magaalooyinka Kismaayo iyo Beledxaawo. Khilaadka dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada ayuu sheegay in dhibaatadaba ka dhalatay markii Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada loo bixiyay madaxweyne islamarkaana ay isu maleeyeen in ay isku awoodyihiin dowladda dhexe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxwayne muuse biixi cabdi wuxuu wasiirka arimaha dibadda u magacaabay wasiirkii hore ee waxbarashada, una magacaabay wasiirka arimaha dibadda, iyadoo si deg deg ah xilkii loogu wareejiyay. Waxaa geeska Africa ka socda siyaasad sedex gesood ah tasoo ay daadihinayaan sedexda hogaamiye ee kala ah ra’iisal wasaaraha Ethiopia, madaxwaynaha Eretria iyo madaxwaynaha Somalia. Madaxwayne muuse isagoo ka xun arimaha ka dhacaya geeska, waxaa kusoo xidhantay siyaasadii arimaha dibadda ee jamahuuriyada Somaliland, wuxuuna miciin saday inuu magacaba wasiir kazoo jeeda darafyada Somaliland. Dowlada Ethiopia waxay ahayd mid gacanta ku haysa mas’uuliyinta ka madaxda ah Somalia iyo Somaliland, kuna kharash garayn jirtay dhaqaale xoogan, maamul walba oo jirana ay ku lahayd qunsul ka hawl gala, ula jeedada ugu wayna waxay ahayd sidii ay mustaqbalka Somalia gacanta ugu dhigi lahayd, Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Mr abiy wuxuu xidhiidhka u jaray maamuladii ka jiray Somalia iyo Somaliland wuxuuna kala baxay qunsuladii u fadhiyay, wuxuuna xooga sarayaa sidii Somalia iyo Ethiopia ay u midoobi lahayeen, qorshaha ugu wayna wuxuu yahay inuu helo saxiix laba degmo badeed oo kala ah degmada marka somalia iyo degmada saylac oo ka tirsan Somaliland. Wuxuuna sheegay Mr Abiy deked la kiraystaa inaysan macna wayn samaynaynin balse loo baahan yahay dekedo ay wada leeyihin Somalia iyo Ethiopia, Iyadoo aynu ogsoonahay in dekada berbera Ethiopia laga siiyay share dhan 19%, halkaana waxaa ka cad sidii uu u saxiixay maxamaed siyaad bare safer eriya inuu farmaajana saxiixay laba degmo badeed oo kamid ah wixii la isku oran jiray Somalia, waxaana marqaati ma doon u ah in diradhaba gudaheeda calanka Somalia uu ka dhex lulanaya gidaarada iyo meheradahana lagu buufiyay, halka wixii la isku oran jiray somaliyana calanka Ethiopia magaala kasta ka lusho, ayna muujinayso inuu xoogaysanayo is dhex gal siyaasadeed oo ka dhex socda labada dal. Ra’iisal wasaaraha Ethiopia xidhiidhkii qotada dheraa ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Ethiopia si diplumaasiyadaysan ayuu u jaray, balse madaxwayne muuse arinka wuu u qadan waayay, isku dayo badan oo ay Somaliland samaysay siday kusoo celin lahayd xidhiidhkii Somaliland iyo Ethiopia umay suurta galin. Madaxwayne muuse isagoo ka duulaya arimaha, dhaliila badana ay uga yimadeen bulshada qaybaheeda kala duwan wuxuu magacaabay wasiir faratoon oo ah wasiir ay ku adagtahay inuu la jaan qaado arimaha ka socda geeska. Guntii iyo gunaanadka ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan u arkaa inay Somaliland u baahan tahay siyaasiyin fur furan kuwasoo aqoon dheraad ah u leh siyaasada Somaliland. awaadan5@gmail.com Source
-
Waxa inta badan goobaha la isugu yimaaddo magaalada Hargeisa laga hadal hayaa magacaabis isku shaandhayn reer hebel booskee ayaa loo dhiibay.halkaas oo reero ama bulsho aan ogayn la hafrayo magacoodii oo laga dhigayo sidii ay masaariif ka qaadan jireen xilka ama wasaarad uu qof uga masuul ahaa qaranka taas oo gef ku noqonaysa umadd dhan sharafteed. Inta badan qofka xil loo magacaabo waxa laga dareemaa farxad iyo rayn rayn wuxuu jecel yahay in hambalyo la yidhaahdo wuxuu u qaattaa in magaciisii sare u kacay ama uu yahay qof aad muhiim u ah oo aan laga maarmayn waxana suurto gal ah inuu xaflado ay lacag badani ku baxdo qabsado sidii dhacday sannadihii ina dhaafay halkaas waxa laga fahmayaa inuu qofkani ku haliilayo xoolaha umadda una arkayo jaaniskii uu ka faaiidaysan lahaa Hantida umadda ka dhaxaysa halkii ay ka ahayd inuu dareemo in Culays ku soo kordhay oo war war muujiyo oo ku ducaysan lahaa in xilka ilaahay ku asturo. Waxa wacnaan lahayd in isla xisaabtan adag uu la kulmo hadhow marka uu xilka ka tagayo. Waxa kaloo dhacda in qofka xil laga qaadaa isu arko qof lagu xad gudbay ama dukaan uu lahaa laga qaaday ama gabal baas u dumay oo wajigu madoobaanayo halkii ay ahayd inuu u arko in xil laga furtay ama shaqadu meertoba tahay oo aanu kaligii lahayn ee isaguna uu wakhti hayay maantana qof kaloo walaalkii ahi ku wareegayo. Waxa iyaduna jirta in qofka naawilayay xil haddii uu waayo uu miijyo niyad xumo uu rajada guud ku cabbirayo dareenkiisa hoose ee isaga u gaarka ah. Waxa iyaduna aan meesha ka maqnaan Karin haddii qofka kal jeclaysi xil loogu dhiibo ama hebel ayaa waday la yidhaahdo isagoo aan u qalmin meesha loo magacaabay waa Musuq waa (Corruption) oo magacaabista lafteeda ayaa musuq ah inuu hadhow isaguna wax musuqo la yaab ma leh waana waxyabaha keena Cawaaqib xumada ama ay ku lunto kalsoonida lagu qabo dowladnimadaba. Waxa kaloo xusid mudan iyadoo hab farsamo loo eegayo oo qofkii meesha ku haboonaa la tixgelinayo ayaa haddana waxa khasab ah in la xeeriyo qaab dhismeedka Bulshada (Social context)illayn geed qallooc ku baxay maalin keliya lama toosin karo waxay u baahantahay process waana in la muujiyo inuu jiro hab awood qaybsi oo cid kastaaba iska dhex arkayso muraayadda dowladnimo. Waxyaabahan oo surma-seegto keena iyo qaar kaloo badan waxay muujinayaan inaan inta badan la fahamsanayn xikmaddii dowladnimada loo samaystay oo ay dadkii war war ku abuurtay waxa la yidhaa dadku ma haysto nabad ama ma deggana inta uu war war ku furanyahay ee uu leeyahay dowladnimo kuma maqna qalloca Dowladnimada galay ayaa soo bilaabmay tan iyo intii ay Somalia xornimada qaadatay 1960kii oo aan la helin dowlad ama xukun la mahadiyo. Hase ahaattee ay ahaayen xukuumadihii kala danbeyay qaar faraha lagaga gubtay. Si kastaba ha ahaatee waxa lagu maarayn karaa arrin kastaba is qancin iyo daah furnaan ay xukuumaddu muujiso inay mar kasta qancin diyaar u ahaato dadkna isku waddo dadweynaha waxa la gudboon inay beddelaan qaabka fikirka (Attitude) waa inay aragtidooda ku ifiyaan xagga wax qabadka oo ay xukuumadda kula xisaabtamaan wax qabad xagga Waddooyinka bur buray.Caafimadka.Sidii loo heli lahaa biyo nadiif ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha waxa dhacda had iyo jeer in sawirka gudaha dalka ka jiraa yahay muraayadda laga daalacan karo Siyasadda arrimaha dibadda ee waddan kasta leeyahay. Wa billaahi towfiiq Rashiid Odowaa khadarsalaan@gmail.com Source
-
Anigoo Ku Hadlaya Magaca Dhalin Yata Beesha East Burco Clan Waxaan Leeyahay Xukuumaddu Inay Cariigsato, Cadhada Umaddana Kiciso Oo Nacayb Ku Abuurto Dadka Muwaadinka Ah Ma Aha,Waar Arrintan Oo Kale Halis Teeday Leedahay Ee Hablaha Arrintooda Wax Ha Laga Qabto. Haddii Xukuumadii U Dhegoolaysay Dadka Lagu Gabbood Falay, Dee Xeer Dhaqan Oo Beelaha Kala Xidhaa Jira’e, In Waxgaradkii,Madaxdii Dhaqanka,Abwaanadii,Dhalin Yaradii,Aqoon Yahankii Beesha Ninka Aflagaadada Geystay,Sidii Xukuumadii Oo Kale Iyana Geestooda U Aamusaan Ma Ahayn. Sidani Gobanimo Ma Aha…Walaahay Reer Somalind Dhaqan Xumada Aan Ku Arkay Khaasatan Beelaha Isaaqa Ismaan Odhan Jirin Dabci Noocaasi Ah Bay Leeyihiin.. Bal Fiiri Beel Kastaa Marka Iyada Wax Lagu Sameeyo Ee Ay Gef Tabanayso Ayuunbay Danteeda Ka Hadashaa Oo Qanjaha Karisaa. Haddii Cid Kale Gardarro La Wada Arkayo Oo Badheedh Ah Lagula Kaco,Mafrashyada Waa Lagaga Hadli,Oo Waa La Odhan Walahay Arrinkaasi Waa Qalad, Laakiin Sheekh Iyo Shariif Iyo Mid Aqoon Yahan Sheegta,Qof Si Caddaan Ah Uga Badheedhaya Oo Mediaha Ku Caddaynaya Ciddii Xaq Darada Waday,Weligaa Arki Maysid, Beel Heblaayo Waxaanu U Aragnaa In Arrinkaa Lagaga Khaldan Yahay Ee Halooga Garaabo,Gefkana Ha Laga Daw Mariyo,Ma Arkaysid.. Sheedda Kore Ayaa Laga Daawadaa Tiiyoo Laysku Jabayo Taasina Inama Dhaqayso, Waa Munaafaqnimo. kolkaan Intaa ka imaado. Xukuumadu Ma Waxay Rabtaa In Fadeexada Iyo Cayda Buugga Lagu Qoray,Ee Haweenka Lagu Bahdilay Ay Weligeedba Mediaha Ku Dhex Wareegto Taariikh Xumadaasina Cid Walba Gurigeeda Ugu Tagto. Haa Dabcan Sidaasay Rabtaa, Taasina Waa Gardaro Cadaan Ah,Waa Edeb Darro,Waa Fal Dhaqan Xumo Ah. Haddii Aan Qorshaheedu Kaas Ahayn, Maxay Tahay Sababta Hoggaanka Dalku Dhegaha Uga Furaystay, Ee Hablaha Iyo Hooyooyinka Ka Cawday Aflagaadada Loo Geystay Loo Daw Marin Waayay, 6-Da Bilood Ee Arrinkaasi Taagnaa. Dadku Xaq Bay Ugu Leeyihiin Inay Xukuumadda Inay Cabashadooda Dhegaysato Oo Wixii Daw Loogu Leeyahay Aqbasho, Wixii Aan Loogu Lahayna Daliil Qanciya U Sheegto. Dhalinyaro,Waayeel,Aqoon Yahan,Haween,Madaxdii Dhaqanka Dal Iyo Debed Arrimaha La Dhibsaday Ee Cid Waliba Ka Qaylisay. Ma Waxay Leedahay Xukuumaddu Sax Ma Aha Ee Dadkaa Waalan Oo Ninka Cayda Diiwaanka Ku Qoray Baa Saxan. Haday Sidaa Xukuumada Muuse Biixi Iyo Golihii Dhaqanka Ee Guurtidu Qabaan,Dee Waa Inay Dadka Ka Qanciyaan Oo Lagu yidhaa Waa Khaldan Tihiin Oo Sidaas Baa Ku Khaldan Tihiin. Hadii Kalena,Diiwaan Cay Iyo Fadeexad Lagu Qoray Haweenku Ma Geyaane Buuggaa Waa In Laga Cidhib Tiara Dhulka Oo Dab La Qabadsiiyo. Xasan Cilmi Cawaale………Hargysa abdinacfi2013@gmail.com Source
-
Siciid Maxamuud Xirsi(Diraac) oo kamid ahaa xubnaha muhiimka ah ee guddiga doorashooyinka ku-meel gaarka ah ee dowladda Puntland ayaa Khamiista maanta ah xilkii iska’casilay. Warqadda is-casilaadda oo lagu wargeliyay madaxweynaha Puntland,guddoomiyaha Baarlamanka iyo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ku-meel gaarka ah ee Puntland ayuu Mr Diraac ku sheegay arrimaha uu isu’casilay. “Anigoo ah Mr, Saciid Maxamuud Xirsi Diraac,, kana mid ahaa guddiga doorashooyinka Puntland ee TPEC waxaan taariikhda kor ku xusan iska casilay xubnimadi guddiga doorashooyinka Puntland duruufo iyo arrimo aniga uu gaar ah. waxaan u mahadcelinayaa guddigii iyo shaqaalihii aan soo wada shaqaynayay” ayuu yidhi Diraac Guddiga doorashooyinka ku meel-gaarka ah ee Puntland oo mudda laba sano ah shaqeynayay ayaa ku fashilmay in ay Puntland gaarsiiyaan doorasho qof iyo cod ah sannadka 2019,waxaase mar kale Baarlamanku wakhtiga u kordhiyay 14 bishii Agoosto ee sannadkan,si ay uga sii shaqeeyan doorashooyinka Golayaasha degaanka. Dhinaca kale Baarlamanku wuxuu xilligaasi go’aamiyay in doorashada madaxtinimada Puntland ee sannadka 2019 ay ku dhacdo hab-beeleedka 66 xildhibaan. PUNTLAND POST The post Xubin ka tirsanaa guddiga doodashooyinka Puntland oo is-casilay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiqani Saciid Carab oo ahaa guddoomiyihii xiriirka kubbadda dalka Soomaaliyeed ayaa iminka mar kale loo doortay in uu sii ahaado afarta sano soo socota ka dib markii uu helay 33 cod oo gacantaanka ah. Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) oo isna ahaa gudoomiye ku xigeynka 2-aad ayaa loo doortay afarta sano soo socota in noqod guddoomiye ku xigeynka Koowaad ,isagoo helay 33-cod gacan taag ah. Cabdullahi Sheikh oo horay u ahaa guddoomiye ku xigeynka 1-aad ayaa isna loo doortay guddoomiye ku xigeynka labaad ka dib markii uu helay 33 cod. Waxaa hoolka doorashada ku sugan ergo ka socota maamul Goboleedyada Hirshabeele, Jubaland, Galmudug, Puntland, Gobolka Banaadir, madaxa ka socota FIFa, CAF iyo maamulada kooxaha kubbadda cagta dalka Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Gorfaynta Buugga “Miyi Ilaa Madaxtooyada” Socdaalkaygii guusha Qoraaga Buugga: Xirsi Cali Xaaji Xasan Hordhac Ilaa iyo intii buugga Miyiga ilaa Madaxtooyada lasoo bandhigay wuxuu bulshada ka dhax abuur doodo iyo hadal hayn aad u balaadhan, dadkuna siyaabo kala duwan ayay oga falceliyeen. Dadka badankoodu meelo lasoo gooyooyay ayay baahinayeen, kadib waxaan go’aansaday in aan buuggaa akhriyo kadibna wixii aan ku arko aan fikirkayga ka dhiibto, waxay iga qaadatay muddo 5 cisho ah in aan bilow ilaa dhammaad ku akhriyo buuggan. Qoraaga buuggu, mar waraysi laga qaaday, wuxuu soo dhaweeyay qorayaasha, isaga oo sheegay in ay yihiiin cidda ugu habboon in ay dhaliili karto ama wax ka sheegi karto. Waxaan ka cudur daaranayaa in aanan caddeyn Karin taariikhaha iyo dhacdooyinka uu qoraagu inala wadaagay sida uu u sheegay in ay tahay si ka duwan sidii ay u dhaceen, taana waxay u furantahay cidkasta oo ay qoraaga shaqo ka dhaxaysay laakiin kaliya waxaan dul istaagi doonaa meelaha aan isleeyahay in wax laga yidhaahdo ayay u baahan yihiin. Waxaa iyaduna xusid mudan in ay aad u adag tahay in qoraal kooban laga sameeyo buug sidan u qaraweyn. Inta aan falanqaynta buugga Miyiga ilaa Madaxtooyada ku jiro waxaan ku koobnaan doonaa wixii uu qoraagu inala wadaagay oo kaliya, waxa buugga ku qoran iyo shakhsiyadda qoraagu waa kala laba, dad badan waxaa iskaga khaldan shakhsiyada qofka iyo fikirkiisa, in badanna xaggii ay fikirkiisa ama ficilkiisa dhaliili lahaayeen qofka ayay wax ka sheegaan. Maalintii koowaad ee aan bilaabay akhrinta buugga aniga oo meel shaah laga cabbo buugga ku akhriyaya ayuu nin aanu is garanaynay ila soo fadhiistay, kadib wuxuu igu yidhi “ ma inankii fashilmay ayaad buuggiisa sidataa”, waxaan waydiiyay muxuu ku fashilmay ?! kadib wuxuu iigu jawaabay “ ma ninka buuggiisa waxaa iyo waxaa ku qoray”, waxaan waydiiyay buugga maad akhriday?, kadibna wuxuu iigu jawaabay “ maya”…… waxaad dareemaysaa sida dadkeenu ku-tiri ku-teenka iskaga qaataan ee ay dadka ugu xukumaan. In aan ku idhaahdo hebeloow/heblaayooy shalay been ayaad ii sheegtay iyo in aan ku idhaahdo beenaale/beenalay ayaad tahay aad ayay u kala duwan tahay, haddaad qof ku tidhaa been ayaad ii sheegtay ficilkiisa ayaad sheegtay laakiin beenaale ama beenalay ayaad tahay waa shakhsiyada qofka ama ahaantiisa oo aad ku gaftay. Sidaa darteed Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ah qoraaga buuggan shakhsiyadiisa iyo buuggani waa kala laba, wixii uu inala wadaagay ayaan xoogga saari doonaa aniga oo xusi doona meelaha aan u bogay, meelaha faahfaahin u baahan iyo meelaha aan dhaliilay. Ugu horreyn waxaan bogaadin u dirayaa qoraaga buugga oo ku dhiirraday in uu furo baab cusub oo taariikhda Soomaalida ku yar ama aan horeba u dhicin, taasi oo ah in uu inooga warramo khayr iyo shar intii uu siyaasada ku jiray wixii uu u soo joogay iyo wixii cid kale uga warrantay. Sidoo kale wuxuu ku dhiirraday in uu noloshiisa intii ugu badnayn uu inooga warramo taasi oo aan inta badan dhaqankeena ka dhicin. Waxa kale oo aan ku bogaadinayaa qoraaga buugga wakhtiga intaa leeg ee uu galiyay buuggan. Waa xu Waxaan aad u cambaareynayaa oo aan waliba dhaliilayaa xatooyadii lagu sameeyay buugga ee isaga oo Softi ah baraha bulshada la wareejiyay, waa dhaqan aad u liita in wax-soosaarka dadaalka, maskaxda, soojeedka iyo aduunka intaa leeg ee la galiyay aayar cidi dadka u qaybiso, xatooyada qoraalka ama xuquuqda lahaanshaha oo lagu xadgudbaa waa dambi weyn oo maxkamado la isla tiigsado laakiin innagu heerkaa maynu gaadhin. Qofka qoraalkaa qaybiyay waxaanu dareemin culayska uu leeyahay buug la qoro iyo inta qofka ka gasha, mar waad ururinaysaa, mar waad qoraysaa, mar tifaftir iyo hagaajin ayaad ku hawllan tahay, marna adduunkii lagu daabici lahaa ayaad ka warwaraysaa. Tognaanta Buugga iyo Qoraaga Qoraaga buuggu wuxuu furfuridda hore ee buugga ku xusay in ay ku dhalatay in uu buug qoro sanadkii 1999 wakhtigaasi oo uu ku hawllanaa nolol maalmeedkiisa, laakiin hamigaasi wuxuu u rumoobay 2018 markii uu soo saaray buugga Miyiga ilaa Madaxtooyada. Buuggani waxa uu u badan yahay dhiirrigalin iyo in akhristaha da’da yar uu dareemayo in inta meel aan waxba oollin laga dhaqaaqo meel fog la gaadhi karo, Xirsi Cali Xaaji Xasan wuxuu ku dhashay Miyi, isaga oo markii uu sannaddo yar jirayna hawshii Miyiga ee xoolo raacidda bilaabay, markii uu garaadsaday taariikhduna marayso 1974 waxa ku habsaday deegaanka Somaliland gaar ahaan gobollada bariga abaar dad iyo duunyaba saameysay oo Dabadheer la odhan jiray, dadkii waxaa loo guray koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Jubbooyinka, qoraaga buugga qoyskiisii waxaa la dajiyay meel Dujuuma la yidhaahdo, qoraaga buuggu muddo dheer ayuu ciyaalnimo iyo waxbarashada hoose ku qaatay halkaa. Qoraaga buuggu sifiican ayuu qeexay abaartii Dabadheer iyo sidii ay Somaliland dadkii ku noolaa u saameysay, dadka uu aadka uga mahad sheegay inkasta oo uu yaraa wakhtigaa waxaa ka mid ahaa Ismaaciil Cali Abokor oo dawladdii Kacaanka ku jiray ahaana nin kasoo jeeda deegaannada, waxa uu qoraagu ku dheeraaday in uu sabab u ahaa gurmadkii dadkaa loo fidiyay, Milatarigii Soomaaliya ayaa uu sidoo kale ku tilmaamay in ay si naf-hur leh dadka ugu gurmadeen inkasta oo markii dambe kuwii barigaa dadka u gurmanayay ay xasuuq u gaysteen shicibkii ay ahayd in ay ilaaliyaan. Qoraaga buuggu waxa uu sidoo kale cutubka 5aad ku faahfaahiyay guuldaraddii Soomaaliya isaga oo tilmaamay in ay sabab u ahayd dagaalkii 1977kii iyo wadaadadii la laayay, dagaalka ayaa uu qoraagu ku tilmaayay dagaal jibbo ku dhisnaa oo aan laga fiirsan, isaga oo xusay in khasaarihii ugu weynaa uu gaadhay dadkii kasoo jeeday waqooyi iyo gobollada dhexe ee Soomaaliya . Qoraaga buuggu wuxuu si faahfaahsan uga hadlay halgankii hubaysaa ee xaq u dirirka ahaa ee SNM, wuxuu sheegay in uu isagu kusoo biiray 1987 isaga iyo nin la odhan jiray Cabdiraxmaan Cismaan Xaaji Axmed –Ifiso- ayaa Itoobiya dhuumasho ugu tallaabay, qoraaga buuggu wakhtigaa wuxuu ahaa nin gaaban oo caato ah laakiin jecel in uu dadkiisa iyo dalkiisa u halgamo, waxaa caqabad ku noqotay in la aqlabo maadaama oo loo arkayay in uu yahay nin da’yar , nasiib wanaag dhawr cisho ka dib Dhibbooga ayaa la qoray, waxa uu muujiyay firfircooni iyo karti uu ciidankii jabhada kula qabsado taasi oo meesha ka saartay “waa nin yar”. Halkaa waxaa ka muuqata in ay SNM ahaayeen urur aan ku shaqaysan dhallaanka sida Jabhadaha aduunka qaarkood ka dhacday in ay ciyaalka Askar u qortaan. Qoraaga buuggu waxa uu ka qayb qaatay dagaallo lagu qaaday ciidamadii Siyaad Barre waxaanu buugga ku xusay dhacdooyin ay ugu muhiimsanayd maalin naftiisu halis gashay oo Kaare jiidhay. Markii wadanka la xoreeyay qoraaga buuggu wuxuu qaatay go’aan raganimo leh isaga oo kala doortay in uu noqdo dayday qoriga ku xoogsada oo balwadaha dhax jibaaxa iyo in uu noqdo qof jira oo shaqaysta/ waxbarta oo qayrkii dhaafa. Go’aankaa uu maalintaa qaatay waa ka sababay ama horseedka u ahaa Xirsiga ilaa Madaxtooyada maamulay, qoraaga buuggu ugu horreyntii waxa uu bilaabay waxbarasho mid maaddi ah iyo mid diini ahba, wuxuu bilaabay Quraanka iyo tafsiirka isaga oo culimadii ugu waaweynayd Burco hoos fadhiistay. Qoraaga buuggu wuxuu doorbiday in uu xammaasho, wuxuu ka shaqeeyay dukaan uu isagu lahaa iyo Caawiye-Mudalab. Meelaha guushiisa horseedday ayay ahayd in uu ku qanci waayay meel iska fadhiisasho wuxuuna doorbiday in uu xammaasho. Kadib wuxuu ka shaqeeyay Fooniye kaasi oo sababay in uu Dahabshiil u wareego, marka aad akhrido buuggan waxaad garwaaqsanaysaa in uu Xirsi ahaa nin aad u firfricoon oo shaqadiisa ka adag, markii uu Hargeysa iyo shaqada Dahabshiil u soo wareegay caqabado ay ka mid ahaayeen in uu aqoonsado macmiilkiisa ayaa waajahday; markii dalka lagu soo noqday haba yaraatee may jirin wax aqoonsi ah oo dadku siteen, Xirsi wuxuu muujiyay in uu la yimaado hab uu arrinkaa ku xaliyo waxaanu bartay madaxda/salaadiinta/ganacsatada reeraha dega Hargeysa si uu macmiilkiisa u hubiyo. Shaqooyinka ugu badan ee uu qoraaga Buuggu qabtay waxaa ku lamaan Dahabshiil, meel hoose ayuu ka bilaabay, laakiin muddo dheer oo uu u shaqaynayay waxaa muuqata in uu muujiyay dadaal, Samir, hawlkarnimo iyo sumcad, wuxuu shaqada Dahabshiil ka bilaabay Fooniye, Karraani Xafiiska Hargeysa, Maamulaha Hargeysa B, Khasnajiga guud, Kaaliyaha IT ga, Maamulaha IT ga, Project Manager, la Taliyaha CEO, Xubin Boardka iyo maamulaha guud ee Somtel, dhammaan xilalkaa wuxuu qoraaga buuggu muujiryay hawlkarnimo, hindise iyo hal-abuur. Markii uu qoraaga buuggu ku biiray Komishanka qaranka wuxuu xusay in uu ahaa qof dhiirran oo jecel in dhex laga ahaado hawsha la qabanayo, wuxuu xusay in laysku dayay In la laaluusho laakiin uu si dadban uga cudur daartay madaxweynihii wakhtigaa Daahir Rayaale Kaahin una sheegay in ay shaqadiisu tahay in uu dhex u ahaado xisbiyada, ugu dambeyntiina markii uu arkay in Komishanku yihiin dad jilicsan oo la laaluushi karo hawshoodana aan sidii loogu talo galay u gudanayn uu go’aan saday in uu iska casilo, go’aankaasi wuxuu ahaa mid wanaagsan waayo haddii aad ummad u shaqaynayso oo aad dareento in hawshii laguu igmaday aanad sideedii u gudan karin in aad isberi yeesho oo aad meesha ka tagto intii aad la walaaqan lahayd. Qoraaga buugga tani fursad uu mucaarid adag ku noqdo ayay u sahashay wuxuu la saftay xisbiga Kulmiye oo uu u arkayay in uu yahay mid siyaasadiisa iyo barnaamijkiisa uu la jaanqaadi karayo. Markii xisbiga Kulmiye uu ku guuleystay doorashadadii madaxtooyada ee sanadkii 2010 qoraaga buuggu fursad fiican ayuu helay, waxa uu nasiib u yeeshay in uu la shaqeeyo Madaxweyne siilaanyo, waxaa xusid mudan in Siilaanyo u ahaa qoraaga buuggan macalin siyaasideed iyo hage uu ku daydo, sheeko kaste oo siyaasadda ku saabsan qoraaga buuggu siilaanyo ayuu ka hubinayay waayo-aragnimo iyo taariikh dheerna wuu ka guntay, tiro malaha meelaha uu ku xusayo qoraagu shakhsiyadda iyo wanaagga uu u hayay Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), intuu Jabhada, Mucaaridka iyo madaxweynaha ahaaba. Qoraaga oo xusaya Siilaanyo waxaa uu yidhi “ … arrinta saddexaad ee ii xaqiiqowday waxay ahayd: in Axmed Siilaanyo uu yahay nin hoggaamiye soo saari kara mustaqbalka! Waxaa ii caddaatay inuu yahay hoggaamiye i gacan qaban kara. Waxaa ii xaqiiqowday in Siilaanyo uu yahay hoggaamiye aan eegayn heballada ay bulshada magacooda iyo muuqadaba taqaanno, balse eegaya oo ku xulanaya tayada kartida, aragtida iyo afkaarta uu qofku la yimaaddo, da’da uu doonaba ha ahaadee…” Qoraaga buuggu wuxuu ahaa nin aad ugu dhega-nugul, wakhti badan galiya sidii uu Madaxweynaha uga caawin lahaa hawl-maalmeedkiisa, ballamaha iyo macluumaadka soo gaadhayaba. Intii uu hayay xilka “Chief of Cabinet” iyo Wasiirka madaxtooyada wuxuu muujiyay hoggaaamin uu dadaal galiyay, waxaa warbaahinta ku batay magaciisa iyada oo lagu tuhmaayay awood dheeraad ah ama in uu dalkaba xukumo. Sida muuqata wuxuu ahaa nin shaqadiisa yaqaan oo waliba ballamaha ilaaliya shaqadiisana u daacad ah, guulaha muuqday ee uu qoraaga buuggu ku dhiirraday waxaa ka mid ahaa dib u qaabeynta Haayadda waddooyinka oo dhistay waddada isku xidha Kalabaydh ilaa Boorama, Kala baydh Ilaa wajaale oo ku-dhac iyo dhiirranaan lagu galay iyada oo aan wakhtigaa loo haynin adduun lagu dhiso. Guusha ugu weyn ee qoraaga buugga Miyiga ilaa madaxtooyadu uu gaadhay waxa ay ahayd in uu Madaxweynaha ku qanciyo fulinta ballantii ahayd waddada isku xidha Burco ilaa Ceerigaabo. Dad badan waxay la ahayd dad riyoonaya laakiin riyadaasi dhab ayay noqotay markii la dhagax dhigay ka dib. Bogga 309-310 wuxuu qoraagu ku xusay sheeko ku saabsan in iyaga oo bariga Hargeysa waddo laga dayactirayay jooga uu gaadhi qaad wadaa jiidhay meeshii la sameynayay isaga oo xawaare dheer ku socda maqlina waayay ciidankii waddada ilaalinayay, ka dib inta ay istaageen isku dayay in ay laba askari oo qoryo sita budud ku eryadaan, qoraaga buugga oo wakhtigaa ahaa wasiirka madaxtooyadu wuxuu isku dayay in uu nimankii qaadka waday maslaxo laakiin way maqli waayeen, askartii oo dib uga siqaya isla markaana habranaya ayuu wasiirku ku dhiirrigaliyay hadday mar dambe idinku soo durkaan tuugtu, ka dib askartii ayaa ku dhiirratay in ay istaagaan isla markaana qoraaga buuggan ayaa ciidan degdeg ah dalbaday, nimankiina markay dareemeen in xaaladu ku adag tahay ayay bilaabeen in ay sasabaad iyo is dhul-dhig bilaabaan. Dawladnimo aan haykalkeeda lahayn oo inan yar oo ciyaal xaafad ahi askari qori sita dhagax ku eryado meel ma gaadhi karto, waxaan aaminsanahay in uu go’aankaa iyo dhiirrigalintaa ku saxsanaa. Qoraaga buuggu waxa uu fursado u helay in uu la safro madaxweynaha, waxa uu la kulmay madax sarsare oo adduunka caan ka ah sida Madaxweynaha Turkiga, raysal wasaarihiii Ingiriiska ee David Cameron, Raysal wasaarihii Ethiopia, Madaxweynaha Jabuuti, madaxda carabta, sida Imaaraadka, Sucuudiga iyo Kuwayt. Waxaa xusid mudan in marar badan ay go’aamo adag qaateen oo ku diideen arrimo la doonayay in Somaliland lagu muquuniyo. Qoraaga buuggu wuxuu horseed ama hormood u ahaa wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya isaga oo markii ugu horaysay waxay qoraaga buugga gurigiisa ku kulmeen nin la yidhaa Faarax Giindhe oo dhalasho ahaan kasoo jeeday Muqdisho, waxayna isla qaateen in uu ukala dab qaado Soomaliya iyo Somalland sidii ay u wada hadli lahaayeen. Dhammaan dadaaladii, shirarkii iyo kulamadii u dhaxeeyay Somalia iyo Somaliland qoraaga buuggu wuxuu ka ahaa udub dhaxaad ah. Qoraaga buugga waxyaalaha aan aadka ugu bogay waxaa ka mid ah in uu yahay nin dhaqanka Soomaaliga iyo Suugaanta sifiican u qayaan, wuxuu meelo badan kusoo xiganaa abwaan iyo sugaan badan, isaga laftiisuna waa Hal-abuur Suugaanta tiriya, waxaa buugga ku jira tixo fara badan oo uu ku sawirayo ama ku sheegayo xaalado markaa jiray. Tabnaanta iyo Dhaliisha Buugga Cutubka koowaad ee buugga waxa uu qoraagu magac oga dhigay: “Heshiishkii Ilaalinta Somaliland iyo hagardaamadii gumaysiga”, wuxuu qoraagu ka hadlayaa taariikho aad u fog laga bilaabo 1839 ilaa 1900, waa taariikhda aanu usoo joogin, waxayna u baahan yihiin xigasho iyo tixraac, qoraaga buuggu muu xusan meesha uu ka keenay, inta oo kaliya maahee meelo badan ayuu qoraagu xusayaa odhaahyo dhiirigalin u badan oo uu kasoo xigano qoraayo iyo dad hore, dhammaan waxkasta oo lasoo xigtaana kama maarmaan in la xuso magaca qoraha, taariikhdii la daabacay, ciwaanka buugga, meesha lagu daabacay iyo cida daabacday iyo IWM, sidaad buugga u akhriyayso ayuunbuu dhammaanayaa, buug taariikh ka sheekaynaya oo aan lahayn wax tixraaca aniga wuxuu iila muuqdaa dhaliil wayn oo uu qoraagu u baahan yahay in uu saxo. Qoraaga buuggu wuxuu xusay xiligii ay dhacday abaartii Dabadheer in loo daabulay koonfurta, markay taariikhdu ahayd 1987 ayuu sheegay in uu Somaliland kusoo laabtay kuna biiray SNM, waxaa u dhaxaysa muddo dhan 13 sano, qoraagu ma cadayn mudada intaa leeg ma Kaamkii la dajiyay ayuunbay joogeen mise meelo kale ayuu ku noolaa se intaa muxuu qaban jiray?. Qoraaga buuggu wuxuu sheegay in uu waxbarashadiisii ugu horaysay ka bilaabay iskuul la odhan jiray Ganaane oo ku yaalay meesha la yidhaa Dujuuma, isaga oo xusay in uu kusoo dhammaystay marxalad adag inta badan aasaasiyaadka waxbarashada. Qoraagu muu cadayn xalkee ayuu ka gaadhay. Markale qoraaga oo sii wada waxbarashadiisii wuxuu yidhi “ inkasta oo ay jireen dagaaladdii sokeeye oo inta badan saamayn xun ku lahaa dalka guud ahaan, gaar ahaan degaannadyadii, haddana iskuul gaar loo leeyahay oo ku yaalay magaalada Burco oo la odhan jiray Universal waxaan ka bilaabay inaaan barto luuqada Ingiriisida, teebka iyo maaraynta xafiiska, maadama oo marba marka ka dambaysa dalku sii wanaagsanaanayay xagga nabadgelyada iyo degganaanshaha, waxay ii saamaxday in aa sii wato waxbarashadaydii dalka gudihiisa iyo debaddiisaba oo aa waxbarasho ugu baxay dalka Hindiya iyo UK ilaa aan ka gaadhay Derajada labaad ee Jaamacadda Master, walina aan wado oo aanan joojin waxbarashadii”. Waxaa iswaydiin mudan qoraaga buuggu sababta aanu taariikhdiisa waxbarasho u faahfaahin, Ganaane oo dugsi hoose ahaa ayuu inooga bilaabay, muu xusin meesha uu dugsi sare ku qaatay, kadib Universal ayuu galay oo uu ka bartay luuqada, teebka iyo maaraynta xafiiska. Wuxuu aaday Hindiya; hindiya ma degree ayuu ka qaatay?,intee inleeg ayuu joogay?, ilaa London iyo Master ayuu haddana inaga geeyay, masterta London waa noocmaa, kuliyadee ayay ahayd?, Jaamacadu se tee ayay ahayd?, qoraaga buuga waxaa looga baahan yahay in uu halkaa faahfaahiyo si akhristaha ay macno buuxa ugu samayso. Bogga 153 qoraagu wuxuu ku xusay in intii u dhaxaysay 1991-2007 aanu xelin jaanis iyo fursad uu siyaasada ku galo, isaga oo ku sababeeyay in uu wakthi dadkuba fawdo ku jiro, ama isagu aanu da’ahaan buuxinin shardigii ku xidhnaa. Waxaa iswaydiin leh ilaa 2007 fawdada qoraagu sheegay ee lagu jiray maxay ahayd?. Bogga 181, qoraaga buuggu wuxu ku sheeg 30 august 2010 in subaxnimadii hore ay la soo hadashay marwada madaxweynuhu iyadoo naxdini ka muuqato hadalkeeda, waxayna u sheegtay in arrini soo korodhay oo uu uyimaado, kadib isaga oo naxsan ayuu baxay, markii uu gaadhay gurigii madaxweynaha marwadu waxay u sheegtay in madaxweynaha ay xaaladi kusoo korodhay oo uu yidhi waan iscasilayaa, sababta oo ah in madaxweynuhu wuxuu ka werwersanaa xasuustiisa oo hoos u dhacday, balse ugu dambayntii uu madaxweynuhu uu go’aankii ka noqday markii ay qoys ahaan gaar u wada hadleen. Qodobkani oo ahaa kii ugu hadalnaynta badnaa waxaa iswaydiin leh, ma inta aayar uun lala soo hadlay qoraaga buugga iyo Maxamuud Xaashi oo ku wehelinayay ayaan waxba la weydiin?, qoyska aan marwada ahayn ee markii la joogtay qoyska madaxweynu yay ahaayeen?… inkasta oo aanu macluumaadkani aanu u muuqan wax sir ah qoraaguna xusay uun in xasuusta madaxweynuhu hoos u yara dhacday haddana fikirkayga markaan eego dhaqankeena qoraaga buuggu may ahayn in uu dhacdadaa ku daro waayo wakhtigii ku haboonaa may ahayn, sababtuna waa qoraalka iyo hufnaanta oo aynaan baran, sidoo kale waxay saamayn taban ku yeelan kartaa mustaqbalka qoraaga ee dhinaca siyaasadda. Qoraagu wuxuu buugga ku xusay in ay kulan kula qaateen William Hague Addis Abeba, kulankaa watfiga Somaliland waxay kala hadleen xoghayaha arrimaha dibada Ingiriiska laba qodob oo kala ahaa in Ictiraafka Somalialand Ingiriisku gacan ka siiyo iyo in kaabayaasha dhaqaalaha laga caawiyo Somaliland gaar ahaan shidaal qodista. William Hague labadii arrimood ee ay kala hadleen wuxuu ka waydiiyay laba su’aalood; 1. Haddii ay Somaliland ictiraaf hesho ma caqabad ayuu ku noqonayaa mise xal ayuu u noqonayaa arrimaha murugsan ee Soomaliya? 2. Haddii aad shidaal lasoo baxdaan ma horumar ayuu idiin keeni karaa mise dib u dhac?. Su’aasha hore waftigu way ka jawaabeen waxayn sheegeen in ictiraafka Somaliland hesho marnaba aanu caqabad ku noqon doonin Somalia laakiin ay dhici karto inay xal u noqoto. Hadda su’aashaa labaad wixii ay kaga jawaabeen qoraaga buuggu muu ilaaway? Waayo buugga kuma taal wixii ay kaga jawaabeen. Bogga 321 qoraagu wuxuu sheegay in ay caqabad ahayd qisaasta uu sharciga Illahay iyo sharciga Somaliland ba dhigayeen, dad tiro badan oo uu ku qiyaasay 100-150 oo dil u xidhnaa waxaa adkaatay in la qisaaso, qoraaguna wuxuu ku sababeeyay in ay u muuqan karto xasuuq… waxaa iswaydiin leh dad dil lagu xukumay haddii qisaasta lagu fuliyo ma xasuuqbaa?, mayna ahayn wixii Illahay iyo sharciga Somaliland ba ina fareen?. Inkasta oo dadaal la galiyay tifaftirka iyo higaada buugga haddana meelaha qaar waxaad ku arkaysaa khalalaad aan u malaynayo in ay tahay wax u dhuuntay sida: Qoraagu markuu ka hadlaayo ooryaha Eebe ku galaday iyo caruurta wuxuu sheegay in uu guursaday 3 dumar ah, gabadha koowaad oo koos la yidhaa waxay u dhashay 12 caruur ah oo kala 5 wiil iyo 7 gabdhood, gabadha labaad oo la yidhaa Saynab waxay u dhasahay 6 caruur ah oo kala ah 2 wiil iyo 4 gabdhood, gabdha saddexaad oo la yidhaa faadumo waxay u dhashay 4 caruur ah oo kala ah 4 wiil iyo 1 gabadh. Gabadhaa u dambaysa xisaabtin caruurta wax ayaa ka khaldan, waayo faadumo 4 caruur ah ayay dhashay haddan waxaa qoran ( 4 wiil iyo 1 gabadh) isku gaynta caruurta qoraagu dhalay waa 22 sida uu qoraaga buuggu sheegay, laakiin haddii inta sare la isku geeyo waa 23, markaa waxaa suuragal ah in xaaska ugu damabysa ee faadumo la khalday caruurteeda. Meelaha erayada khaldan waxaa ka mid ah;Harumar, awwodaha(bogga 263), BBc( bogga 279), (Siilaanyo Sheekh Shariif, bogga 254 ) iyo qaar kale oo badan oo aanan qorin. Gunaanad Buuggan oo aan wakthi galiyay waxaan u arkay hogaamin dabiici ah oo uu leeyahay qoraaga buuggu,karti iyo dadaal fara badan, wuxuu sidoo kale dhiirigalin u noqon karaa dhallinyaro fara badan oo niyad jab iyo shaqo la’aan isku dhiibay, sidoo kale siyaasiyiinta waxay noqon karaa tusaale in ay bulshada la wadaagaan go’aamada iyo waayo aragnimada siyaasadeed ee ay dhaxleen. Waxaan meesha ka maqnayn in uu buuggu leeyahay dhaliilo aan xusay iyo kuwa kale oo laga soo heli karaba, haddii dib loo daabaco buuggani ka maarmi maayo xigashooyin iyo tixraacyo buugga tayadiisa kordhiya. Waxaa dib u eegis u baahan taarikhaha iyo kala horaynta cutubyada qaar ama isku xidhka dhacdooyinka iyo sheekooyinka buugga si uu u xiiso galiyo akhristaha. Ugu dambayna qoraaga buugga waxaan u soo jeedin lahaa in buugaagta dambe ee uu balan qaaday aad u faahfaahiyo dhacdooyinka cida ku wehelinaysay waayo buuggan qoraaga ayaa u badan go’aan gaadhida badanaaba dhacdooyinka ku jira. Guuleed Axmed Xaashi Gaaxnuug2013@gmail.com Qaran News
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo xalay ka hadlayey xiriirka dalalka geeska Afrika ayaa sheegay in isaga iyo Abiy Axmed ay ka wada hadleen sidii ay labada dal u yeelan lahaayeen iskaashi dhaqaale, mid siyaasadeed iyo mid amni. Haddaba, aqoonyahanno la hadlay Goobjoog News ayaa baa’biyey hadalka madaxweyne Farmaajo iyaga oo sheegay in aaney jirin cid isaga wakiilatay, isla markaana aanu awood dastuuri ah u laheyn inuu galo wax heshiis siyaasadeed ah, arrintaasina ay u taalo shacabka Soomaaliyeed iyo cidda ay doortaan. Guddoomiyaha machadka Hiraal Institute Xuseen Macalin Maxamuud oo arrinkan ka hadlay wuxuu sheegay in siyaasadda ay tahay mid gudaha ah, oo ku saabsan madaxbannaani , oo aan laga geli karin heshiis “Dalalka waxaa ka dhaxeeyo oo ay ka wada hadli karaan xiriir diblomaasiyadeed, oo ah xiriirka arrimaha dibadda, Laakin siyaasadda waa local arrimaha gudaha ah, taasi oo ku dhisan madaxbannaani, lagama galo wadahadal”. Xuseen Macalin Maxamuud waxaa uu intaas ku daray in haddii loo raaco hadalka madaxweyne Farmaajo ay ka dhigantahay labo arrin oo khatar ah “Marka hadalkan Farmaajo ee ah iskaashi siyaasadeed waa labo arrin midkood uun: Waa wax isku darsigii uu horay u sheegay Abiy Axmed inay run tahay ama inay tahay siyaasaddeena soo farageli, oo dadka ii caburi, oo fasax la siinaayo”. Dhinca kale, Mursal Saney, Agaasime ku-xigeenka machadka Heritage ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo aanu ku imanin doorasho shacab, isla markaana aanu geli karin heshiisyo siyaasadeed “Shacabka masoo dooran 3-dan mas’uul, mid waa kaligii-taliye, labada kalana doorasho kuma iman, midowga siyaasadeed inta aan la sameyn, waa inay khubaro fariistaan, oo la darso, siyaasadda go’aan uma gaari qof siyaasasi ah, waa mid shacabka u taalo, marka ka hadalka iskaashi siyaasadeed, mid meesha ku jirto ma aha”. Agaasime ku-xigeenka machadka Heritage, Mursal Saney, waxuu qabaa inay shacabka ay leeyihiin go’aanka kadib marka ay ogaadaan waxa lagu shuraakoobayo “Marka laga hadlaayo iskaashi siyaasadeed waa Shuraako, siyaasad shirko ma gasho, waa in shacabka ogaadaan waxa lagu shuraakoobayo”. Guddoomiyaha machadka Hiraal Institute Xuseen Macalin Maxamuud iyo Mursal Saney, Agaasime ku-xigeenka machadka Heritage waxaa ay labadaba soo qaateen midowga Yurub oo ay sheegeen in si loo midoobo wada hadal badan laga galay, shucuubtana raalika ahaayeen, lana ogaa wax la isku darsanayo iyo wax kale. Goobjoog News, Source: goobjoog.com
-
Cabdiqani Saciid Carab oo ahaa guddoomiyihii xiriirka kubbadda dalka Soomaaliyeed ayaa iminka mar kale loo doortay in uu sii ahaado afarta sano soo socota ka dib markii uu helay 33 cod oo gacantaanka ah. Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) oo isna ahaa gudoomiye ku xigeynka 2-aad ayaa loo doortay afarta sano soo socota in noqod guddoomiye ku xigeynka labaad,isagoo helay 33-cod gacan taag ah. Cabdullahi Sheikh oo horay u ahaa guddoomiye ku xigeynka 1-aad ayaa isna loo doortay guddoomiye ku xigeynka labaad ka dib markii uu ahaa helay 33 cod. Waxaa hoolka doorashada ku sugan ergo ka socota maamul Goboleedyada Hirshabeele, Jubaland, Galmudug, Puntland, Gobolka Banaadir, madaxa ka socota FIFa, CAF iyo maamulada kooxaha kubbadda cagta dalka La soco, Warbixin Dhameystiran Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa xog dheeraad ah ka bixiyay shaqsiyaadkii ka dambeeyay weerarkii hotel saxafi ee magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay dhimashada inka badan 30 ruux. Al Shabaab ayaa maanta markale baahiyay wareysi ay ka qaadeen sidey sheegeen ruuxii labaad ee ka dambeeyay weerarkii Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho, waxaana ruuxaasi Al Shabaab uu ku biiray sanadkii 2011. Magaca ruuxa labaad ayay Al Shabaab ku sheegeen Mukhtaar Maxamed Ibraahim Salagle, waxaana uu ka dhashay Beesha Ogaadeen, sida lagu baahiyay baraha Al Shabaab u faafiya Wararka. Da’diisa, ayaa lagu sheegay 47 sano jir, waxaana uu kamid ahaa ragii weeraray hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho maalmo ka hor. Al Shabaab ayaa inta badan baahiya wareysi ay sheegaan inay ka qaadaan ragga weerarada ismiidaaminta ka geysta magaalada Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka Soomaaliya. Mr Salagle ayaa Degmada Salagle ku dhashay sanadkii 1969, waxaana uu kamid noqonaya dadka da’da ah ee fuliya weerada Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com