Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,963
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargaysa) Bulshada ayaa qaylo dhaan ka mujinaysa Cisbitaalka Ugu Wayn Dalka Ee Hargaysa Hoos ka DAAWO. Source
  2. (SLT-Hargaysa) Akhristayaal waxaynu dib u milicsan doonaa mid ka mid ah hadaladii mahadhooyinka reebay ee laga hayo madaxweynihii 3aad ee somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin. Daahir Rayaale oo sanad ka dib markii uu talada dalka ku wareejiyey Axmed Siilaanyo ka soo dagay Hargeysa ayaa la waydiiyey su,aalo ku saabsan sababta uu dib u dhis ugu samayn waayey xarunta madaxtooyada. Gudoomdiyaha ururka suxufiyiinta somaliland Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto ayaa soo bandhigay su,aalaha la waydiiyey Daahir Rayaale iyo jawaabaha uu ka bixiyey, waxaanu qoraal uu soo saaray ku yidhi :- Daahir Riyaale ayaa sanad ka dib markii uu Siilaanyo talada hayey isaguna uu ka soo noqday Paris la weydiiyey maxaad u malaynaysaa ee uu Siilaanyo qabtay. wuxuu ku jawaabay Madaxtooyadda oo uu qurxiyey. waxay weydiiyeen odayaashii su’aasha weydiiyey oo adigu maxaad u hagaajin la’ayd waa kuwii Kulmiye lahaa markay madaxtooyadda la wareegayeen gali mayno illaa Siilaanyo laga hagaajiyo mooyee. wuxuu Madaxweyna Riyaale ku jawaabay sanad kasta dhis baan is odhan jiray, hase yeeshee markaan in yar u ururiyaba meel baa balaayo laga soo sheegi jiray, dabadeed na waxaan is odhan jiray ma Madaxtooyada ad Qurxin isagoo dalkii Qasan yahay. intaan qasnada yar ku noqdaan Guurti iyo ciddii wax ka qaban kartaba ku faaruqin jiray sidaas na ku damin jiray khilaaaf kasta oo dalka waxyeeli Kari lahaa. Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay ayaa ka dhawaajiyey in weerarkii dhawaan lala eegtay Hotel Saxafi la doonayey in lagu khaarajiyey siyaasiyiin uu ka mid yahay. Dhawaaqa ka soo yeeray Fiqi waa mid aan la dhayalsan karin oo uu dhaliyey shaki badan, saddexdan qodob oo hoose ayaa laga dhadhansan karaa hadaladdiisa- 1 – In dowladda ay ka dambeeysay weerarka Sida laga fahmi karay hadalka Fiqi ee uu ku soo celceliyey ‘Shirqool’ waa mid uu si bareer ah ugu sheegay in dowladda ay weerarka soo abaabushay. Xilidhibaan Axmed Macallin Fiqi waxa uu sidoo kale qishay in Hotel Saxafi yahay xarun ay dagan yihiin xubnaha dowladda mucaaradsan ee uu isagu ka mid yahay. 2 – Wixi lagu eedeyn jiray Xassan Shikeh oo dib u soo laabtay Sida la wada ogyahay dowladdii Madaxweyne Xassan Shikeh waxaa weerarro lala beegsaday oo la laayey xubno badan oo dowladda ka tirsanaa. 29 xildhibaan oo xilligaas la dilay iyo siyaasiyiin kale waxaa jirtay sheegasooshin ahaa in dowladdii hore ka dambeeysay si ay isaga aamusiiso mucaaradka. Walowsan aysan jirin cid caddeysay eedemahaas, hadana, hadalka Fiqi waxaa laga dareemi karaa in eedehaas soo laba kacleeyeen, oo dowladda hadda ay iyana beegsaneyso mucaaradka. 3 – Xubnaha mucaaradka oo cabsanaya Ciidamo ka tirsan nabad-sugidda ayaa hadda ka hor weeraray guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, taasi oo dhalisay cambaareyn xooggan. Sidoo kale wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Cabdrisaaq Cumar oo dhowaan NISA ay hakisay qandaraasyo uu bixiyey ayaa sheegay in eedaha loo jeediyey ay yihiin kua la doonayo in qiil looga dhigo in isaga la beegsado. Marka labaad qodob lagu daro hadalka Fiqi, waxaa soo baxaya in mucaaradka dowladda ay aad uga cabsi qabaan in la beegsado. Si kastaba ma jiraan caddeymo muujinaya in dowladda ay ku lug leedahay ficillada la tuhmayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Sh.M.Network) – Saacadihii aynu kasoo gudubnay waxaa degmooyinka Hodan, Hiliwaa iyo War-dhiigle siyaabo kala duwan uga dhacay dilal qorsheysan oo ay geysteen kooxo ku hubeysan Bastooladdo. Duhurnimadii maanta waxaa degmada War-dhiigle gaar ahaan nawaaxiga Labo-dhagax waxaa lagu khaarijiay wiil dhalinyaro ah, kaasi oo wali aysan Shabelle helin magaciisa, balse la sheegay inuu ka shaqayneyay mid kamid ah shirkadaha isgaarsiinta. Degmada Hodan, gaar ahaan xaafada Saybiyaano waxaa Maqribnimadii lagu toogtay Garaad Yaasiin, oo la sheegay inuu ahaa wiil dhalinyaro ah, kaasi oo ka shaqaynayay mid kamid ah Shirkadaha daabacaadda. Xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hiliwaa waxaa gabal-dhicii lagu naf-gooyay wiil dhalinyaro ahaa, kaasi oo halkaasi si wayn looga yaqiinay, waxaana dilay sida la sheegay dably bastoolada wadatay. Dhamaan raggii fuliyay dilalkaan siyaabaha kala duwan uga dhacay degmooyinkaan oo goobta ka baxsaday waxaa ku dabajira hay’addaha amniga oo meesha ay wax ka dhaceen tegay. Ma jirto cid sheegatay falalkaan lidiga ku ah nabad-gelyadda, kaasi oo kusoo aadaya xili Isgoysyadda waawayn ee magaalada ay ku sugan yihiin ciidamo Boolis ah, kuwaasi oo nabad-gelyada sugaya. The post Wararkii ugu dambeeyay toogasho ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Muqdisho (Sh.M.Network) – Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maanta oo Khamiis ah wuxuu shir gudoomiyay kulanka todobaadlaha ee Gollaha Wasiiradda xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya, kaasi oo qabsoomay. Shirkaan oo ay soo xaadireen inta badan Wasiiradda ayaa waxaa looga hadlay qodobo kala duwan, waxaana kamid ah; Tirakoobka Shaqaalaha, Geeddi Socodka Dayn Cafinta Soomaaliya iyo qodobo kale oo muhiim ah. Wasiiru dowladaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cabdullaahi Xaamud Maxamed oo saxaafadda uga warbixiyay nuxurka kulanka ayaa sheegay inuu ahaa mid diirada lagu saarey arrimo muhiim u ah wadanka. Hoos ka dhageyso codka http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Qodobo-xasaasi-oo-looga-dooday-shirka-Wasiirada-Soomaaliya-online-audio-converter.com_.mp3 The post Qodobo muhiim ah oo looga hadlay shirka Gollaha Wasiirada XFS appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Muqdisho (Sh.M.Network) – Wararka laga helayo inta udhaxeysa Isgoysyadda Dabka iyo Bakaaraha ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho waxay sheegayaan in halkaasi Qarax lagula eegtay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda. Qaraxa oo aad ucuslaa, kaasi oo lagu soo xiray Gaariga ayaa lagu waramayaa inay ku dhinteen saddex Askari, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan, oo isbitaal loola cararay. Ma jirto koox dhabarka saaratay masuuliyadda Qaraxani, kaasi oo aanu illaa iyo haatan jirin masuul ka tirsan dowladda oo ka hadlay si uu fahfaahin dheeri ah oo ku saabsan ula wadaago warfidiyeenka. Qaraxyadda miinooyinka ee lagu rakibayo gawaarida ay leeyihiin ciidamada dowlada iyo shaqsiyaadka kale ayaa mudooyinkii udambeeyay kusoo badanayey Muqdisho, inkasta oo hay’addaha amniga ay ku howlan yihiin sidii ay wax uga qaban lahaayeen. The post Qarax xoogan oo khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-15112018-web.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Shirkii Golaha wasiirada dowladda Puntland ee Khamiista maanta ah ayaa lagu ansixiyay 2 degmo oo cusub,kuwaasoo kala ah Yubbe oo ka tirsan gobolka Sabaag iyo Ceegaag oo ka gobolka Cayn. Sidoo kale shirka ayaa warbixin looga dhegaystay guddiga Nabadeynta colaaddii Dhummay ay u xil-saartay dowladda Puntland,waxaana ay sheegeen in ay meel fiican marayso Nabadeyntii beelaha,sida ku cad war-murtiyeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland. Shirka golaha wasiirada Puntland ayaa dhinaca kale lagu taageeray barnaamij lagu yag-leelayo sanduuqa horumarinta Puntland oo ay soo diyaarisay wasaaradda Qorshqynta iyo Xidhiidhka caalamiga ah ee Puntland,sida war-murtiyeedka ku xusan. Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka oo dhammaystiran PUNTLAND POST The post Shirkii Golaha wasiirada Puntland oo degmooyin cusub lagu ansixiyay appeared first on Puntland Post.
  9. Riyadh (Caasimada Online) – Dacwad oogaha guud ee Sacuudiga ayaa codsaday in ciqaab dil lagu xukumo shan qof oo la sheegay in lagu tuhmayo dilka suxufi Jamaal Khaashuqji. Khaashuqji oo ahaa weriye si weyn u dhaliila dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, kaasi oo wax ku qori jiray wargeyska Washington Post, ayaa la dilay labadii October markii uu booqday qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Afhayeen u hadlay xafiiska dacwad oogaha Sacuudiga ayaa maanta sheegay in Khaashuqji la duray sunta dadka disha kadibna jirkiisa cad cad loo jaray. Dowladda Sacuudiga ayaa sharaxaado kala duwan bixineysay tan iyo markii Khaashuqji la waayey, oo ay ka mid ahaayeen inay mar sheegtay inuu qunsuliyadda si nabdoon uga baxay, inuu ku dhintay gacan ka hada,l iyo in lagu dilay howlgal ay fuliyene koox fallaago ah. Dacwad oogaha ayaa sheegay in ciqaabta dil loo codsaday shan ka mid ah eedeysanayaasha oo lagu soo oogay dacwado ku saabsan inay amreen oo ay fuliyeen dilka, halka lix kale oo lagu eedeeey inay kaalin ku lahaayeen dilka ay helaan xukunka ku haboon. Sacuudi Carabiya ayaa dhinaca kale weydiisatay Turkey inay gacan ka geysato soo gudbinta akhbaaraadka lagu ogaaday baaritaankii ay ku sameeyeen dilka. Tallaabadan ayaa dad badan u arkaan maaweelo Sacuudiga ku muujinayo in madaxda sare ee dalkaas aysan kaalin ku lahayn dilka Jamaal Khaashuqji, ayada oo xaqiiqda ay tahay in Maxamed Bin Salmaan uu dilka amray. Caasimada Online Xafiiska Jeddah Caasimada@live.com
  10. Jabuuti (Caasimadda Online) – Dowladda Jabuuti ayaa soo dhaweysay go’aanka ay Qaramada Midoobay cunaqabateyntii hubka iyo xayiraadaha kaleba uga qaadday dalka Eritrea, tallaabadan ayaana dadka qaar ku noqotay mid lama filaan ah, maadaama horay ay Jabuuti mowqif adag uga taagneyd arrintaas, kuna talineysay inaan Eritrea laga qaadin cunaqabateyntaas. Labada dal ee Jabuuti iyo Eritrea oo daris ah ayaa in muddo ahba isku mari la’aa muran salka ku haya xuduudda, iyagoo ciidamadooda uu dagaal culus ku dhex maray xudduudda. Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shalay cod aqlabiyad leh ku ansixiyay soo jeedin ku saabsaneyd in Eritrea laga qaado cunaqabateynta dhinacyada, taasoo ay horgeysay dowladda ingiriiska, Mareykankana uu ku taageeray. Wuxuu dhanka kale goluhu ku baaqay in labada dal ay sii wadaan wada xaajoodyada ay ku xallinayaan khilaafaadkooda. War murtiyeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Jabuuti oo uu ku saxiixan yahay wasiirka arrimaha dibadda, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa lagu yiri “dowladda Jabuuti waxa ay soo dhaweyneysaa qaraarka Qaramada Midoobay ee uu tirsigiisu yahay 244 ee xallinta khilaafaadkii u dhexeeyay dowladaha Jabuuti iyo Eritrea”. Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu qeexay sida ay Jabuuti diyaar ugu tahay xalka “waxaan aqbaleynaa go’aanka lagu fududeynayo wax kasta oo lagu wada hadlayo oo ku aaddan dowladaha Eritrea iyo Jabuuti”. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
  11. Garaad Yaasiin, oo ah wiil dhalinyaro ah ayaa goordhow lagu dilay agagaarka xaafadda Seybiyaano degmada Hodon ee magaalada Muqdisho. Marxuum Garaad Yaasiin ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa shaqaalaha shirkadda Signjet ee daabacaadda. Wararka waxaa ay intaas ku darayaan inay raggii dilka geystay ay ka qaateen Mobil uu watay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Guddiga joogtada ah ee baarlamaanka Koonfur galbeed ayaa maanta dib u dhigay doorashadii maamulkaasi oo lagu waday inay dhacdo 17-ka bishan. Guddiga ayaa sheegay inay doorashada madaxtinnimada ay dhici-doonto 28-ka November 2018-ka, iyaga oo u sababeeyey si loo dhameystiro guddiga doorashada. In ka badan 15 murashax ayaa u taagan tartanka doorashada, inkasta uu ka haray madaxweynihii maamulkaasi Sharif Xasan Sheekh Aadan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa si weyn ula dhacay isbadalka geeska Africa oo ay hormuudka u yihiin dalalka Soomaaliya, Eritrea iyo Ethiopia, waxaana ay sheegeen inay fursad wanaagsan u tahay dadka ku nool gobolka. Kulamadii ugu dambeeyay ee u dhaxeeyay madaxda Ethiopia, Somalia iyo Eritrea oo ay ka dambeysay ka qaadistii Cunuqabateynta ee Eritrea ayaa la sheegay inay tahay fursad aan horey loo arag oo dadka Bariga Africa ay heleen. Arintan ayaa la sheegay inay horseedi doonto dib u heshiisiin iyo isdhexgal dhaqaale oo ay sameeyaan dhamaan dalalka Bariga Africa, sida lagu sheegay warbixin Midowga Yurub ay soo saareen. Hogaamiyaasha ayaa ka gudbay xiisadii hore iyo kala xerxernaantii dhexdooda aheyd, waxaana ay abuureen jawi cusub oo ay ku wada shaqeyn karaan dhamaan wadamada gobolka, ayaa lagu yiri qoraalka Midowga Yurub. Guulahaasi ayaa la sheegay inay barwaaqo u noqon doonaan wadamada gobolka, sida isdhexgal dhaqaale iyo in la abuuro kalsooni lagu keeni karo nabadgalyo u dhaxeyso bulshada gobolka. “Midowga Yurub wuu og yahay faa’idooyinka iyo caqabadaha imaan kara, waxaana garab taaganahay inaan idinka taageerno qibrada xaaladan oo kale, waxaan ka fileynaa dhamaan dhinacyada inay taageeraan maalgashiga fursadan taariiqiga ah ee laga heli doono nabad galyo iyo barwaaqo gobolka Geeska africa ah”ayaa lagu yiri qoraalka midowga Yurub. Dowladaha Somalia, Eritrea iyo Ethiopia ayaa horseeday hanaan isfaham oo caalamka dhan ay indhaha ku hayaan fursadaha ka imaan kara, haddii nabad galyo laga dareemo dalalka bariga Africa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. (SLT-Hargeysa)-Macallimiin wax ka dhiga dugsiyada dawladda ayaa cadaalad-darro iyo been abuur ku eedeeyay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle waxaanay baaq u direen Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir gudoomiyay kulanka caadiga ah ee golaha wasiirada Jubbaland. Ugu horayn Madaxweynaha ayaa ka warbixiyay xaaladahii u danbeeyay ee dalka gaar ahaan Jubbaland iyadoo wasaarada Amnigana laga dhagaystay xaaladaha amniga,sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha. Wasaarada Arimaha gudaha ayaa ka warbixisay qaybinta xeerka lagu dhisayo gudiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbalana xeerkan ayaa dhawaan la guda gali doona akhrintiisa koobad iyadoo kadibna uu golahu ansixin doono. Dhinaca kale Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa ka warbixisay u diyaar garoowga tartanka Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada dalka iyo sida loo diyaarinayo xulka Jubbaland ee tartankaas ka qaybgalaya. Waxaa kale oo wasaaradu ay sharaxaad ka bixisay hanaanka lagu dhisayo ururada dhalinyarada ee guud ahaan deegaanka oo wasaarada ay dardar galin doonto sidii qaab habsame leh ay ugu qabsoomi lahayeen. The post Maxaa looga hadlay shirka Golaha wasiirada Jubaland? appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho-[Puntland Post]-Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed ayaa baaq ka soo saartay Xaaladda Soomaaliya Xilli ay jiraan maalmihii Khilaaf u dhaxeeyay dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadda. Hay’adda ayaa soo saartay dhowr qodob oo ku saabsan Xaaladda dalka, iyo khilaafyada ka dhex jira Madaxda Maamulada iyo dawlada dhexe. 1: Dhammaan Mas’uuliyiinta dalka,sida Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada,waxaa waajib ku ah in ay ku dhaqmaan waxa alle uu faray oo ah inay sameeyaan wadatashi ku saabsan samatabixinta dadka Soomaaliyeed iyo in ay sidegan wax isku-dhaafsadaan. 2: Waa inay fuliyaan kana dhabeyaan dhaartii ay ku dhaarteen inay u Shaqeeyaan,Diintooda Dalkooda,dadkooda oo ay dadka hortooda ka balan qaadeen. 3:Waxaa Waajib ku ah dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo in ay dadaal dheeri ah ku bixiso mideynta dhinacyada Siyaasadeed ee dalka ka jira,sida xukuumadda iyo Dowlad goboleedyada. Sheekh Nuur Baaruud oo ka mid ah Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed ayaa soo jeediyay in Dowladda Federaalka ah ay dalka amankiisa ka shaqeyso islamrkaana lagula xisaabtamayo dhibaatada haysata shacabka isaga oo xusay in aysan cudur daar u heleyn in maalin kasta shacabka Soomaaliyeed la laayo. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed oo baaq kasoo saartay Xaaladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  17. (SLT-Burco)-Suldaan Maxamed Muuse Cune oo ka mid ah madax-dhaqameedka Galbeedka Burco ayaa dhaliilihii ugu cuslaa u jeediyey madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumadiisa. Suldaanka ayaa sheegay in xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi diyaarineyso dagaal sokeeye oo dalka ka dhaca, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. Baydhabo ( Sh. M. Netwotk )-Guddiga qaban qaabada doorashada K/ Galbeed Soomaaliya ayaa goor dhow ku dhawaaqay in dib loo dhigay doorashada Hoggaanka maamulkaasi. Xubnaha ka haray guddigan oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo ayaa shaaciyay in doorashada la qaban doono 28-ka bishani Novermber ee 2018-ka. Sidoo kale waxa ay sheegeen in waqtigaasi lagu soo dhameystiri doono xubnaha guddiga, islamarkaana la qaban doono doorashada, si loo doorto Madaxweyne cusub. Doorashada K/ Galbeed ayaa la filayay in ay dhacdo 17 bishan, balse waxaa saameyn ku yeeshay is casilaadii ay sameeyeen xubno ka mid ah guddiga doorashada maamulkaasi. The post Doorashada maamulka K/ Galbeed Oo dib loo dhigay appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Maxkamadda Ciidamada Qalabks Sida ayaa maanta xukun ku riday illaa labo eedeysane oo la horgeeyay Maxkamaddaasi. Xuseen Daa’uud Cali Hafow iyo C/laahi Maxamed Axmed ayaa waxa ay Maxkamaddu ku eedeysay in ay tirsanaayeen Xarakada Al Shabaab. Eedeysanaha koowaad Xuseen Daa’uud Cali Hafow ayey Maxakamadda Ciidanku sheegtay in Al Shabaab uu u qaabilsanaa dhanka Miina tuurista, halka C/laahi Maxamed Axmed Maxkamaddu ay ku eedeysay in Al Shabaab uu u qaabilsnaa u kireynta Guryaha. Sidaas daraateed Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun xabsi Ciidan ah oo gaaraya 15 sano iyo 1 sano ku kala xukuntay Raggaasi, sida uu ku dhawaaqay Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamaddaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Maxkamada-Ciidanka-Qalabka-Sida-Ayaa-Xukun-Kuriday-Eedeysanayaal-Lagusoo-Eede....mp3 The post Maxkamadda CQS Oo xukun ku riday labo Eedeysane appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Golaha Ammaanka ee QM oo go’aan cusub ka gaaray cunaqabateynta Somalia Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muddo sanad ah ku kordhiyay Cunaqabateynta hubka iyo dhoofinta Dhuxusha ee saaran Dalka Soomaaliya. 15 xubnood ee golaha amaanka ayaa sheegay in Al Shabaab ay dhaqaalo badan wali ka helaan dhoofinta dhuxusha oo mamnuuc ka ah dalka Soomaaliya, waxaana taasi ay qasabtay in muddo sanad ah lagu kordhiyo cunaqabateynta. Arinta ayaa kusoo aadeysa iyadoo golaha ay cunaqabateynta ka qaadeen dalka Eritrea oo xiriir wanaagsan uu hadda kala dhaxeeyo dalalka Soomaaliya iyo Ethiopia oo ah dalalka arintaan u ololeeyay. Warbixin ay gudbiyeen guddiga dabagalka Cunaqabateynta hubka ee Saaran Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wali Soomaaliya ay kamid tahay dalalka Suuqyada lagu kala iibsado hubka. Waxii ka dambeeyay burburkii dowladdii Dhexe waxaa Soomaaliya saarnaa cunaqabateynta hubka, iyadoo hadda laga qaaday Dowladda Eritrea, waxaana muddada sanadka ah Somalia ku socon doono qiimeyn kale. Qaran News
  21. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Doorasho aysan soo xaadirin wax Musharraxiin ah ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in madashaasi lagu doortay Hoggaanka cusub ee xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya. Doorashadan oo aheyd mid laga soo hormariyay Jadwalkii loo qorsheeyay ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno ka tirsan xiriirka kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo saraakiil ka socotay CAF oo kor joogto maqaar saar ah ka ahaa doorashadani. C/qani Saciid Carab ayaa la sheegay in loo doortay in uu sii maamulo xiriirka kubadd Cagta Soomaaliyeed. Balse arinta la yaabka leh ayaa noqotay in guddoomiyaha uusan joogin kulanka lagu doortay iyadoona sidoo kale uusan jirin Musharrax kale oo la tartamay. Qeybaha kala duwan ee Warbaahinta ayaa kulanka banaanka looga saaray markii ay bilaabatay doorashada oo aheyd gacan taag. Kooxaha heerarka kala duwan ee Soomaaliya ayaa marar badan dhaliilay hanaanka loo qorsheeyo doorashooyinka xiriirka kubadda Cagta Soomaaliyeed ,maadaama doorashooyinkaasi loo qabtay, si musuq-musuq ah oo ka hor imaanaya xeerarka u degsan ha’yadda xiriirka Kubadda Cagta Aduunka ee FIFA. Ku dhawaad toban Sano oo uu C/qani Saciid Carab ahaa guddoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaan muddadaasi la kulmin wax loolan ah, waxaana xafiiska xiriirka uu noqday mid uusan marnaba ka dhicin gudddoomiyaha la sheegay in markale la doortay ee C/qani Saciid Carab. Sidoo kale muddada uu ahaa guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa waxaa jiray dayacaado fara badan oo ay la kulmeen ciyaartoyda soo matalay Astaanta Qaranka, kuwaas oo aan helin xuquuqdoodii caafimaad marka ay ku soo dhaawacmaan kulamo ay ku matalayeen xulka Soomaaliya. Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa ka qeyb galay tartamo caalami ah inta uu hoggaanka xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta hayo C/qani Saciid Carab,taas oo rajo ay ka muujiyeen shacab weynaha Soomaaliyeed,maadaama xul walba oo safra ay la soo laabtaan guul-darooyin iyo natiijooyin liita. Maalin ka hor ayey aheyd markii xulka ka yar 23-ka Sano ee Soomaaliya ay khasaaro 4-0 kala kulantay xulka Ethiopia kulan ka dhacay magaalada Adis-Ababa ee caasimadda dalkaasi oo ka tirsanaa is ree-reebka ciyaaraha Olompikada Adduunka ee lagu qaban doono dalka Japan. Inta badan guddoomiyeyaasha xiriirada Kubadda Cagta Qaaradda Africa ayaa wax badan ku raaga Kursigaasi, taas oo FIFA ay aaminsan tahay in ay ku timaado doorashooyin la gacan bidixeeyay sida ka jirta Soomaaliya. The post C/qani Saciid Carab Oo ku soo baxay doorasho aan cidina kula tartamin appeared first on Shabelle. View the full article
  22. (SLT-Addis Ababa)-Ciidamada Booliska ee Dalka Itoobiya ayaa Maanta xabsiga u taxaabay Taliyihii hore ee Ciidamada Booliska, ahna Taliye Ku Xigeenka Ciidamada Sirdoonka ee Wadankaasi Yared Zerihun. War kooban oo ka soo baxay Xeer ilaaliyaha Guud ee Wadanka Ethiopia oo lagu baahiyay Fana ayaa lagu sheegay in maanta ay ciidamadu xabsiga u taxaabeen Mr, Yared. Sarkaalkan ayaa laga soo qabtay Magaaladda Duken Oo 30 km Dhinaca Koonfureed kaga beegan Magaaladda Addis Ababa. Sidoo kale waxa isna la soo xidhay Colonel Gudeta Olana, oo dhinaca amaanka u qaabilsanaa shirkadda Isgaadhsiinta ee Ethio-telecom, Dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay ciidamada Booliska ee Dalka Ethiopia ayaa gacanta ku soo dhigay ku dhawaad lixdan sarkaal oo xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii kala danbeeyay ee Ethiopia, kuwaas oo lagu soo eedeeyay in ay galeen musuqmaasuq iyo gabood falo ka dhan ah xuquuqda aadamaha. Source
  23. Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye, ayaa maanta magaalada Boosaaso kulan qado-sharafeed ahaa kula qaatay nabadoonnada gobollada Bari, Karkaar iyo Gardafuu. Kulanka ayaa ahaa mid musharraxa iyo nabadoonnadu isaga xog waraysanayeen xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan baahiyaha ka jira gobolka iyo waliba dadaalka odayaasha dhaqanku ugu jiraan soo xulista xildhibaannada cusub ee baarlammaanka. Qaar kamid ah nobadoonnada oo goobta ka hadlay ayaa soo dhoweeyey taageero mug lehna u muujiyey ololaha Karti iyo Hufnaan ee Musharrax Maxamuud Khaliif hormuudka u yahay, iyagoo sheegay inay garab istaagi doonaan cid kasta oo la timaada qorshe wanaagsan oo horumar u horseedi kara bulshada reer Puntland. Injineer Jebiye oo ugu dambayntii hadalka qaatay, wuxuu bogaadiyey kaalinta ay nabadoonnadu kaga jiraan bulshada, isagoo xusay in odayaasha dhaqanku yihiin salka ay Puntalnd ku taagan tahay, sidaas oo ay tahayna aysan weli helin tixgelintii ay mudnaayeen. Musharrax Maxamuud Khaliif ayaa ballan qaaday haddii uu ku guulaysto xilka Madaxwaynaha Puntland, in uu mudnaan gaar ah siin doono saaxiib dhowna ka dhigan doono odayaasha dhaqanka, maadaama ay yihiin labeentii bulshada talooyinkooduna lagama maarmaan u yihiin taabbogelinta hannaanka dowladnimada. Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye ayaa weli ku guda jira socdaalkii uu ugu magac daray ‘Tashi iyo Tabasho’, kaasoo uu ku marayo qaybo kamid ah gobollada Puntland, si uu ugu kuurgalo xaaladda dhabta ah ee dalku ku jiro, islamarkaana ula tashado qaybaha kala duwan ee bulshada. Cabdiqani Boos Puntland Post-Bosaso The post Musharraxa Jebiye oo kulan qado ah la qaatay nabadoonnada gobollada Bari, Karkaar iyo Gardafuu. appeared first on Puntland Post.