-
Content Count
206,964 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Booliska Soomaaliya ayaa tan iyo xalay waxay dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo howlgalo baaris ah ay kawadaan xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Howlgaladaan oo meelaha ay ka socdaan kamid tahay xaafado ka tirsan degmooyinka Yaqshid, Hodan iyo Kaaraan ayaa ka dambeeyay markii dilal qorsheysan ay siyaabo kala duwan magaalo madaxda dalka. Lama ogga hadii baaritaanka ay wadaan ciidamada lagu soo qab-qabtay Rag lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen falalkaasi khaarijinta, mana jirto masuul ka tirsan laamaha amniga oo illaa iyo haatan ka hadlay. Horaantii todobaadkan ayay ahayd markii taliska Booliska Soomaaliyeed iyo maamulka Gobolka Banaadir ay ka codsadeen Rayidka inay kusoo war-geliyaan hadii ay arkaan kooxaha dilalka iyo falalka amniga lidiga ku ah geysta. The post Dhaqdhaqaaqyo ciidan ka socda xaafado ka tirsan Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Soomaaliya waa dalka 7aad ee ugu barakacayaasha badan dunida, waxaana la sheegayaa inay gudaha dalka ku barakaceen dad lagu qiyaasay 1.1 million. Si dadkaas baahidooda loo daboolo, waxaa ay wararka sheegayaan in hey’adaha gargaarka ay heleen 65% lacagtii ay rabeen in arrimahaas wax looga qabto. Waxaa laga codsaday hey’adaha caalamiga iyo NGO-ska inay ka shaqeeyaan hagaajinta nolosha dadkaas iyo inay ka hortagaan inay qasab looga raro goobaha ay deggan yihiin. Arrimaha Banii’aadnimada waa meelaha ay ugu nugushahay Soomaaliya, waxaana socdo barakac joogta ah, oo u badan dadka ku nool bartamaha iyo koonfurta dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen gaari qarax ah iyo ruuxii waday. Saraakiisha ciidamada ee degmada Caabudwaaq ayaa sheegaya in gaariga ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa, iyadoo ay durba bilaabeen baaritaan la xiriirka gaarigaasi, halka lagu diyaariyay iyo qorshaha laga damacsanaa. Ciidamada Galmudug ayaa sheegay in shaqsiyaadkii waday gaarigaasi oo aysan shaacin tiradooda inay gacanta ku dhigeen, baaritaan kadibna ay warbaahinta xog dhameystiran la wadaagi doonaan. Waxay sheegeen in saacaha soo socdo ay soo bandhigi doonaan gaarigaasi iyo dadkii la socday iyo sidoo kale ujeedada laga lahaa gaariga ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa. Warar hordhac ah oo aan heleyno ayaa sheegaya in labo ruux ay la socdeen gaariga waxyaabaha qarxa ay ka buuxeen, iyadoo lagu qabtay koontaroolka magaalada Caabudwaaq. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Jowhar (Sh.M.Network) – Wasaarada amniga dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegtay in uu socdo qorshe lagu doonayo in lagu hubeeyo maleeshiyaad ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe. Wararka idaacadda Shabelle ay ka heleyso gobolka gaar ahaan xarunta madaxtooyada maamulkaan ayaa ku waramaya in ay wada kulmeen masuuliyiin ka tirsan maamulka iyo sidoo kale hogaanka Maleeshiyaadka. Maleeshiyaadka oo la magac baxay Macawiisley ayaa dagaal ka dhan ah xoogaga Al-Shabaab kawada deegaano dhac Gobolka Shabeellaha Dhexe ee koonfurta dalka Soomaaliya. Masuul ka tirsan wasaarada Amniga Hirshabelle ayaa shaaca ka qaaday in Maleeshiyaadka Macawiisleey lagu biirin doono Ciidamada maamul goboleedkan islamarkaana la siin doono qalab melatari oo ay ku howlgalaan. Ugu dambeyntii, isaga oo sii hadlaya ayuu tibaaxay masuulka uu ka go’an yahay sida uu hadalka udhigay derdergelinta howlgalada ka dhanka ah AlShaabab ee ka socda deegaanada hoos-yimaada maamul goboleedkaan. The post HirShabelle oo xoojineysa dagaalka ka dhanka ah AlShabaab appeared first on Shabelle. View the full article
-
Cadaado (Sh.M.Network) – Wasiiru dowlaha Wasaarada amniga ee maamulka Galmudug, Mahad Xassan Maxamed oo la hadlay idaacada Shabelle ayaa shaaciyay in ciidamada amniga maamulkaan ay qabteen shabakad maleegeysay weeraro ay ka fuliyaan degmadda Caabuqwaaq ee gobolka Galgaduud. Masuulkan oo hadalkiisa sii wata ayaa daboolka ka qaaday in ragga hubeysan oo ay qabtaan uu bartilmaameedkooda uu ahaa goob lagu hayey digriga Alle oo ay ku sugnaayeen Culimaa’udiin Soomaaliyeed. Wasii Mahad ayaa sheegay in shakabada oo ka kooban labo ruux ay wateen gawaari ay ka buuxaan walxaha qarxa, kuwaasi oo uu xusay inay doonayeen inay ku beegsadaan meesha uu digriga ka socday. Ciidamada fuliyay howlgalkaan lagu soo qabtay ragaasi iyo walxaha ay siteen ayuu Wasiiru dowlaha ku amaanay ka hortega ay sameeyeen, kaasi oo uu ugu baaqay inay joogteeyaan si amniga loo sugo. Ciidamadda amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxay inta badan howlgalo lagu xaqiijinayo nabad-gelyadda ka sameeya degaanada iyo degmooyinka hoos-yimaada maamulkaan. The post Galmudug oo qabatay Rag hubeysan oo qorsheynayey Qaraxyo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Sida la filayay maalintii shalay ayay aheyd waqtigii loo balansanaa in shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ay bilowdo duulimaadyo toos ah oo ay isaga kala goosheyso Muqdisho iyo Nairobi. Maamulka Diyaaradda Kenya Airways, ayaa qoraal ay soo saareen waxay ku sheegeen inay duulimaadyada ay si toos ah u bilaaban doonaan 5 December, laakiin ma aysan sheegin waxyaabaha keenay inay shalay “15 November” ka baaqdaan imaanshahooda Muqdisho. Warar aan heleyno ayaa sheegay inay jiraan dhowr arimood oo ay kamid yihiin qiimeynta wali ay sameynayaan maamulka Shirkadda Kenya Airways, iyadoo sidoo kale ay qiimeynayaan rakaabka ay heli karaan, maadaama duulimaadkooda la filayo inuu joogto noqdo. Shirkadaha Turkish Airline, Ethiopia Airline iyo Jabuuti Airways ayaa hadda duulimaad toos ah ku yimaada magaalada Muqdisho, waxaana hadda furmaya Suuqa Diyaaradaha Soomaaliya, maadaama isbadal amaan uu jiro. Dhinaca dowladda Burundi ayaa hakisay qorshe ay u adeegsan lahaayeen duulimaadyada Tooska ee Kenya Airways, oo isaga kala gudbi laheyd Nairobi iyo Bujambuura, sida maamulka diyaarada ay sheegeen. Sababo la xiriira Diyaaradaasi oo aan lahayn qeyb u gaar ah Madaxda iyo Ganacsatada ku safri lahaa Diyaaradda nooceedu yahay Jumbo Jet, Bombardier Dash 8 Q400 ayaa dowladda Burundi ay u joojisay adeegsiga diyaaradaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh. M. Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-16112018.mp3 The post Dhageyso: Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Gen Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde oo kamida h saraakiisha ciidamada dowladda, ayaa markii ugu horeysay shaaciyay arin tuhun badan dhalisay marka Al Shabaab ay weerar ka geystaan magaalada Muqdisho. Gen Indha-cadde ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba suurtagal aheyn inay hub iyo dareen ciidan siiso Al Shabaab, waxaana uu fogeeyay tuhunada la xiriira in shaqsiyaad dowladda ka tirsan ay dareeska iyo hubka bixiyaan. Wuxuu sheegay inay Al Shabaab meelo kale ka heli karaan hubka iyo dareenka, balse si cad uma sheegin halka ay ka helaan, isaga oo tusaale usoo qaatay inay furan yihiin xuduudaha Soomaaliya oo aysan jirin cid xakameyn karta waxa ka imaanaya. “Dareeska ciidamada meelo badan ayuu wadanka kasoo geli karaa, meelo badan ayuuna ka imaan karaa, dalka xuduudahiisa ma ahan mid dowladda ay gacanta ku wada heyso, dowladda Dadaal ayay ugu jirtaa sidii arintaasi wax looga qaban lahaa, dowladana wey ka madax banaan tahay arintaasi”. “Meelo kale ayaa laga keeni dareeska ciidamada waana lagu wareejin karaa, laakiin dowladda Soomaali barri ayay ka tahay arintaan”ayuu hadalkiisa kusii daray Gen Indhacadde. Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka oo shalay saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in shaki badan ay ka qabaan halka dareeskii iyo hubkii ugu dambeeyay ka heleen xubnaha Al Shabaab. Sidoo kale wuxuu sheegay inay shaki ka qabaan xubnaha weerarkii ugu dambeeyay fuliyay inay wateen hubkii ugu dambeeyay iyo dareeskii loo qeybiyay ciidamada xooga dalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Buuhoodle (Caasimada Online) – Nabadeynta beelihii ku diriray Koonfurta Gobolka Sool ee Soomaaliya ayaa la dhigay magaalada Jigjiga ee gobolka Somali State ee dalka Itoobiya. Arrintan ayaa la yaab ku noqotay bulshada Soomaaliyeed maadama ay ahayd in gogosha nabadeed la dhigo isla Gobolka Sool ama meel kale oo isla Soomaaliya gudeheeda ah. Hase ahaatee, ilo ku dhaw waxgaradka nabadeynta ka qeybgalaya oo Caasimadda Online u warramay ayaa sheegay in dhaqanka garteen in Jigjiga la dhigo maadama ay tahay goob dhex dhexaad ah oo aan dhinacna la safneyn. Mas’uulka noo warramaya oo codsaday in ana magaciisa la sheegin ayaa caddeeyey in faragalinta Puntland iyo Somaliland oo aan nabadeynta dhex dhexaad ka ahayn darteed gogosha looga qaaday gobolka Sool. Gogosha la dhigay Jigjiga ayaa ku soo aadeysa xilli bulshada Sool, Sanaag iyo Cayn ay hore tuhun uga qabeen in Somaliland iyo Puntland ka dambeeyaan collaada beelaha isku haysta Dhumay. Caasimada Online Xafiiska Buuhoodle Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Mooyaale wararka aan saaka ka heleyno ayaa sheegaya in wali halkaasi ay ka taagan tahay xiisadda u dhaxeysa Soomaalida iyo Oromada, waxaana kordhay tirada dadka ku dhintay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Halkaasi. Inka badan 20 ruux ayaa ku dhimatay dagaalka labada Qowmiyadooda, waxaana dhaawaca uu ka badan yahay 100 ruux sida dadka deegaanka ay saxaafadda u sheegeen. Ma jiro Xal wali laga gaaray dagaalka u dhaxeeya labada dhinac, iyadoo laga baqay in dagaalka uu ku faafo deegaano cusub oo Mooyaale hoostaga. Madaxa xisbiga Oromada ee degmada Mooyaale Cali Tache ayaa sheegay iney dagaaladu ay a dambeeyeen markii Soomaalida ay sameeyeen Dhul balaarsi deegaanka ah. Wuxuuna intaa ku daray Soomaalida dagaalka soo qaadday iney dooneyso magaalada iney xarun gobol ka dhigtaan, cabashadoodana ka maamul oroma ahaan ay deegaanka iyo dowladda dhexe gaarsiiyeen balse ay weli jawaab ka helin. Dagaallada qowmiyadda Soomaalida iyo oromada ku dhex mara magaalada Mooyaale oo soo noqnoqda xagga dowladda Itoobiya wax xal ah oo waara kama aysan gaarin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kala Duwnaanshaha Daahir Rayaale Kaahin Iyo Muuse Biixi Oo Xilli Dadkii Bakhtiyayaan Qasri Ka Dhisanaaya Xafaadooda Xaraf. Akhristayaal waxaynu dib u milicsan doonaa mid ka mid ah hadaladii mahadhooyinka reebay ee laga hayo madaxweynihii 3aad ee somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin. Daahir Rayaale oo sanad ka dib markii uu talada dalka ku wareejiyey Axmed Siilaanyo ka soo dagay Hargeysa ayaa la waydiiyey su,aalo ku saabsan sababta uu dib u dhis ugu samayn waayey xarunta madaxtooyada. Gudoomdiyaha ururka suxufiyiinta somaliland Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto ayaa soo bandhigay su,aalaha la waydiiyey Daahir Rayaale iyo jawaabaha uu ka bixiyey, waxaanu qoraal uu soo saaray ku yidhi :- Daahir Riyaale ayaa sanad ka dib markii uu Siilaanyo talada hayey isaguna uu ka soo noqday Paris la weydiiyey maxaad u malaynaysaa ee uu Siilaanyo qabtay. wuxuu ku jawaabay Madaxtooyadda oo uu qurxiyey. waxay weydiiyeen odayaashii su’aasha weydiiyey oo adigu maxaad u hagaajin la’ayd waa kuwii Kulmiye lahaa markay madaxtooyadda la wareegayeen gali mayno illaa Siilaanyo laga hagaajiyo mooyee. wuxuu Madaxweyna Riyaale ku jawaabay sanad kasta dhis baan is odhan jiray, hase yeeshee markaan in yar u ururiyaba meel baa balaayo laga soo sheegi jiray, dabadeed na waxaan is odhan jiray ma Madaxtooyada ad Qurxin isagoo dalkii Qasan yahay. intaan qasnada yar ku noqdaan Guurti iyo ciddii wax ka qaban kartaba ku faaruqin jiray sidaas na ku damin jiray khilaaaf kasta oo dalka waxyeeli Kari lahaa. Qaran News
-
Moscow (Caasimada Online) – Edward Snowden oo ah ruux ka shifa Siraha qarsoon ayaa sheegay in dowladda Sacuudiga ay u adeegsatay dilka Wariye Jamaal Khashoggi aalad wax basaasta oo lagu farsameeyay Israel, sida uu warbaahinta u sheegay Snowden. Isaga oo kasoo muuqday Muuqaal kuna hadlayay magaalada Tel Aviv ayuu shegay Snowden in Software ay sameeyeen Sirdoonka Yahuuda loo adeegsaday in dowladda Sacuudiga ay kula socoto dhaqdhaqaaqa Jamaal iyo bartilmaameydkiisa, taasi oo horseeday in 2 October lagu dilay Qusnuliyadda ay ku lahaayeen magaalada Istanbul. Snowden ayaa yiri “Sidey Sacuudiga ku ogaadeen waxaa Jamaal qorsheynayay halka ay ku wajahnaa, iyo sida ay ula dhaqmeen, Aqoontaasi waxay ka timid aalad ay hormariyeen Israel” Wuxuu sheegay in Qalabka lagu basaasay Jamaal ay farsameeyeen ciidamada Israel, islamarkaana in qalabkaasi loogu talo galay in lagu qabto argagixisada oo aan loogu talo galin in dad lagu dhibaateeyo. “Hadda uma aysan adeegsan inay ku qabtaan dambiilayaasha iyo inay ku joojiyaan weerarada argagixisada, uma aysan adeegsan inay nolol ku badbaadiyaan, waxay u adeegsadeen inay ku jaraan nolosha aadane”ayuu u sheegay Wargeys kasoo baxa Jerusalaam. Shirkadda NSO oo ah shirkadda sameysay Aaladan, ayaa ka jawaabtay hadalka Snowden waxaana ay sheegeen in Software-kooda uu sharciyeysan yahay, waana aalad sahleyso in xogta teleefonka ku jirto la helo isaga oo qofka uu adeegsanayo. “Wax soo saarkeen wuxuu ka sharciyeysan yahay hay’addaha Dowladda, waxaana ujeeada tahay in lagu baaro loogana hortago dambiyada iyo argagixisada” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Shirkada NSO oo soos aartay Soft Ware-ka Pegasus. Mr Snowden, ayaa ugu dambeyn wuxuu sheegay in Sacuudiga aysan aheyn markii ugu horeysay oo ay adeegsato Software-kaan si ay shaqsiyaad u weeraraan. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Hirshabeelle ayaa yeeshay muddooyinkii ugu dambeeyay Hanaan shaqo oo joogto ah iyo meel marinta sharciyo badan oo horumar u ah wasaaradaha maamulka Hirshabeelle. Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo ah saaxiibka koowaad ee Golaha wasiirada iyo xildhibaanada ayaa muddooyinka koowaad shir guddoominayay kulamada golaha wasiirada Hirshabeelle. Heshiiskii dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo madaxweyne Waare ayaa abuuray isbadal weyn oo ku yimid hanaanka shaqo ee madaxda Hirshabeelle, iyaga oo ka faa’ideysanaya taageerada dhaqaale ee dowladda Soomaaliya. Heshiiskaasi ayaa horseeday in si dhow ay saaxiibo u noqdaan madaxweynaha, ku xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamaanka oo markii hore sii kala jeeday, iyadoo xildhibaanada iyo golaha wasiirada uu gacanta ku hayay Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe. Arinta kale ee dardar gelisay shaqada golaha wasiirada Hirshabeelle ayaa ah inay heleen dhaqaalo ay ku dhaqaajin karaan shaqooyinka horyaala, iyadoo markii hore afar wasaaradood kaliya ay dhaqaalaha heli jireen. Wasiirka Maaliyadda oo dhaqaalaha ka yimaada Hiiraan kusoo shubayay Account saxiixyadiisa ay hayaan seddex masuul ee ugu sareyso Hirshabeelle, wasiirka Amniga iyo wasiirka arimaha gudaha oo saaxiib dhow la ah Cali Guudlaawe ayaa kaliya heli jiray dhaqaalaha ay ku dhaqaajin karaan wasaaradahooda. Balse hadda waxaa wasaarado badan ay helaan dhaqaalo ay shaqada ku wadaan, iyadoo loo sameeyay goob ay ku shiraan oo aysan horey u laheyn, taasina waxay door ka ciyaartay dhaqdhaqaaqa shaqo ee wasiirada Hirshabeelle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Culimada Soomaaliyeed ee fadhigoodu yahay Muqdiho oo shir jaraa’id qabtay ayaa si toos ah u caddeeyey in dowladda ku fashilantay amniga dalka, gaar ahaan Caasimadda. Hadalkan waxa uu nabar ku noqday xukumadda oo u arkeysay wadaaddada gaashaan ka difaaca mucaraadka. Marka si qotodheer loo qiimeeyo hadalka culimada, waxaa kuu soo baxaya in dowladda si weyn ugu guuldarreystay amniga maadama ay ku caddeeyeen culimaddii lagu xaman jiray in ay iyagu biilaan ama dhaqaalaha ka bixiyaan. Amniga magaalada Muqdisho ayaa faraha ka baxayey dhawaantan iyada oo weerada Al-Shabaab ay inta badan geystaan khasaaro lixaad leh. Waxaa sidoo kale liita habka maamul ee gobolka Banaadir, oo maamulka iminka jira lagu sheegay mid daciif ah, oo ana lahayn awood uu dadka ku bad-baadiyo, ayada oo hay’adaha amnigana ay kasii daran yihiin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dad badan oo ka falceliyey maqaalkii aan ka qoray Isbahaysiga Seddax Geesoodka ah ayaa isoo waydiiyey waxa Soomaaliya la gudboon. Waxaan qirsanahay in aan jawaabta su’aashaas lagu degdegin karin, sababtuna waa in aysan ii dhamaystirnay aqoontii, xogtii iyo maqaamkii aan taladaa ku dhiibi lahaa. Ruuxa bani’aadamka ah wax u dhaama malaha in tawaaduco oo uu tabartiisa ogyahay. Horaa loo yiri ma garanayo waa cilmiga barkii. Laakiin waa suuragal in aan wax bidhaamin ama iftiimin karo. Way ka duwan tahay haddii aad joogto mowqic go’aan gaaris oo aad heli karto xog xasaasi ah, aadna xeerinayso xil iyo masuuliyad. Waxaanse lagama maarmaan in dood caqli gal ah oo danta guud taabanaysa laga yeesho arrimaha masiiriga iyadoon cidna lagu xumaynin ama laga xasdin sababtoo ah John F Kennedy; madaxweynihii hore ee Maraykanka ayaa laga sheegay in uu yiri “Khaladka siyaasadda arrimaha gudaha jab ayeg inoo gaysan kartaa, balse tan arrimaha debedda waa loo dhimanayaa ” Richard N. Haass oo ah madaxa xarunta adduunka ugu wayn ee siyaasadda arrimaha Dibadda lagu derso ayaa ayaa laga hayaa in uu yiri “In aad guul ka gaarto siyaasadda arrimaha dibadda waa sida fuundiga oo kale, waxay ku xiran tahay qalabka aad haysato inta uu la egyahay” Qalabka waxaa loola jeedaa hay’adaha (Institutions), samaaynta ku leh hannaanka dejinta, go’aaminta iyo ilaalinta danaha amniga qaranka. Waa in aan ogaanaa markii laga hadlayo siyaasad arrimo dibadeed ee dal leeyahay kama hadlayno shakhsi ama koox ee waxaan ka hadlaynaa hay’adaha soo diyaariya siyaasadda arrimaha dibaddda, kuwa go’aamiya iyo kuwa guulaheeda Amniga Qaranka ku suntan ilaaliya. Ka sokow hay’adaha siyaasadeed ee fulin oo u xilsaaran go’aan gaarista iyo sharci dejin oo u xilsaaran korjoogtaynta, waxaa laga maarmaan in ay jiraan hay’adaha laf-dhabarka u ah danaha amniga qaran ee siyaasadda arrimaha debeda sida; sirdooon qaran, ciidan qalab sida, kaadir diblomaasiyadeed, xarumo cilmi baaris iyo Akadeemiyo istiraatiijiyadeed. Afrtaa hay’adood kuma xirna madaxda siyaasadda ee xilka xilligaa haya. 1- Sirdoon Qaran Sirdoonka, gaar ahaan kiisa arrimaha dibadda iyo milateriga wuxuu laf-dhabar u yahay go’aanka siyaasadda arrimaha dibadda, waana halka lagu soo ururiyo xogta dhab ah ee la xariirta damaca dawladaha kale, gaar ahaan kuwa ood-wadaagga aa tihiin ama dariska. Diblomaasiyadda xiriirka dawladuhu wuxuu ku dhisan yahay af-macaani iyo in aan dhabta loo wada hadal, balse sirdoonku wuxuu ku siin karaa qiimayn, saadaal iyo dareenka runta ah ee dhinaca kale. Sanadkii 2009-kii markii la doortay Madaxweyne Shariif ayaan maalintii labaad waxaan shir madaxeedka Midowga Afrika uga qayb galnay Addis Abbaba, maadaama aan weli Raysal-wasaare la magacaabin, xukuumadna la dhisin wafdiga waxaa laga dhigay isku dhaf labadii dhinac ee Ururkii Dib U Xoraynta (ARS) iyo Dawladdii Kumeel-gaarka ahayd ee TFG. Markii uu shirkii dhammaaday ayaa waxaa kulan gaar ah kooxdeenii ARS naga codsaday Meles Zenawi; Raysal-wasaarihii hore ee Itoobiya. Meles wuxuu noola hadlay si qiiro leh oo ay daacadnimo ka muuqato, wayna igu adagtahay inaan dareenkiisa soo gudbiyo maadaama aan hadalkiisa turjumayo. Meles wuxuu yiri “Soomaaliya markii ay burburtay waxaan isku daynay inaan shirar dib u heshiisiin u qabanno, waan ku guul daraysannay arrinkaas, waxaan ku qasbanaanay in hoggaamiye kooxeedyada wakiilinimo kula macaamilno, maadaama kooxda Al-itixaad ay halis ku noqotay amnigeena qaranka. Waxaa taas nagu qasbay In la waayey dawlad Soomaaliyeed oo aan danaheena amniga qaranka kala hadalno. Madaxweyne waa markii ugu horreysay ee ay Soomaaliya hesho hoggaamiye taageero buuxda dadkiisa ka haysta. Isfaham darradii innaga dhex dhacday xilligii aad maxkamadaha hoggaaminaysay waxaa sababay kooxda xagjirka ah ee Al-shaab, hadda waxaan diyaar u nahay in aan dhab u wada shaqayno. Waan ogahay Soomalidu waxay dhihi doonaan magaca Raysal-wasaaraha iyo Golaha Wasiirrada ayaa loo soo dhiibayaa. Dalka adigaa Madaxweyne ka ah, ma jirto cid aan Raysal-wasaare u rabno, walaa wasiir xitaa agaasime, hawshaas waa mid adiga aad go’aankeeda leedahay, Beesha Caalamka waa luggooyo badan yihiin, ha ku sirmin balanqaadkooda afka baarkiisa ah, taleefan ii soo dir wixii aad gacan uga baahan tahay ee aan kaala shaqayn karo ama kuugu loobin garayn karo.” Markii shirkii soo dhammaaday ayaan kooxdeenii qiimayn ku samaynay hadalkii Meles. Si togan oo niyad wanaag leh ayaa inta badan loo fasiray, laakiin waxaan ku dooday muxuu kale ee uu Meles ina oran lahaa, sababtoo ah dhaqanka diblomaasiyadeed ayaa sidaa ah, laakiin aan ficilkiisa dhowrno. Nin ragga ka mid ah ayaa igula kaftamay “Awalba jini arag ayaad ahaydeen”. Waxaa muddadii xil haynta Shiikh Shariif ay dhamaatay isaga iyo Meles oo aad isugu xun. Doodaydu waxay tahay waa laga maarmaan sirdoon xog dhab ah kaa siiya kuuna keena wax dhaafsiisan hadalka macaan ee diblomaasiyadda afka baarkiisa ah. 2- Kaadirka Diplomaasi ah Kaadirka diblomaasiga ah oo u carbisan waxna ka goyn ama garan kara xiriir diblomaasiyadeed ee dagaalka iyo nabadba leh, dhaqaale iyo dhaqan leh, xirfad wada xaajood leh, oo heshiisyada iyo mucaahadooyinka dawliga ah ka soo jilcin kara, talana ka soo siin kara madaxda go’aanka kama danbaysta ah gaaraysa. Waxaa kaloo laga rabaa in uu leeyahay karti uu ku soo ururin karo xogta saamaynta ku leh danaha amniga qaranka, talana ka bixin karo sida ugu habboon ee ay dawladdu uga falcelin karto, dhisi karo xiriir wanaagsan beddelana sawirka dalkiisa, saamayn toganna ku yeesho dalka uu ka hawlgelayo. Christopher Meyer oo dawladda Ingiriiska safiir uga ahaa Washignton ayaa laga soo xigtay mar uu sifooyinka Diblomaasiga naajixa ah ka hadlayey in uu yiri “ Diblomaasiga wanaagsani waa in uu leeyahay maskax degdeg u fekerta, madax adag, calool aan dabacsanayn, dhoolacadayn diiran iyo indho qabow.” Haddaba, Kaadirka Diblomaasiga ah wuxuu lafdhabar u yahay talada jaangoynta siyaasadda arrimaha dibadda, la’aantii taladii la gooyo waa waa mid aan aqoon ku dhisnayn. 3- Ciidan Qalabsida Ciidanku waxay daafacaan danaha amniga qaranka. Waa muruqa lagu tixgelinayo miisaankaaga iyo maqaamkaaga inta uu la egahay, waxay kaloo u diyaarsan yihiin soo dhicinta danaha amniga qaranka marka ay waddooyinka diblomaasiyadeed xirmaan. Waaa cududda ilaalisa madax bannaanida dalka iyo midnimada dhulka, Waana awoodda laguugu ixtiraamayo in aan lagu soo faragelin. Cid walba oo faragelin la’aan kuu ballan qaada waxay noqonaysaa afka baarkiisa haddii aysan jirin awood ciidan oo ay kugu ixtiraamto. 4- Xarumo Cilmi Baaris Xarumaha cilmi baarista waxay qayb ka yihiin fahamka xiriirka caalamiga ah iyo xiriirka dibadda. Waxay kaloo laga maarmaan u yihiin in aad faham qoto dheer u yeelato dawladaha danta kaala dhaxayso ama iyagu danta kaa leh, waxaa xarumahaas loo yaqaan Think Tank. Sidoo kale ayaa Akadeemiyadaha Istiraatiijiyada waxaay tababaraan saraakiisha sarsare ee ka shaqeysa sirdoonka , milateriga iyo diblomaasiyadda waxay kaloo qayb ka yihiin ilaha xogta laga helo. Warbaahinta ayaa iyaduna ah ilaha laga helo xogaha Xiriirka Caalamiaga ah, maadamaa ay ka waramaan dhacdooyinka dunida, lafa guraan danaha dhaqaale, siyaasad iyo ciidan ee xiiriirka dawladig ah. 5- Wadashiga Bahwadaagta Siyaasada arrimaha dibadda iyo dawladaha ay la macalaamalayso sedax ayey isugu jiraan. Kuwo aad Bahwadaag Isiraatiiji ah tihiin oo xiriir sokeeye oo walaaltinimo, dhaqan iyo Diin idinka dhexeeyo. Kuwo aad saaxiib Istiraatiiji ah tihiin oo dano gaar ah isku kiin xiraan, halis isku mid ahna ka wada hortegaysaan iyo kuwo xulufaysi guud iyo dano aan joogta ahayn oo xaaladha isla bedelaya idinka dhexeeyaan . Dawlad Soomaaliya maadaama ay taag iyo tabarba daran tahay waxay ku qasbantahay in wadashi la leedahay Bahwadaagta sokeeye. Maadaama uu isbedelka Geeska Afrika ka dhacay uu saamayn wayn ku yeelanayo Soomaalida Geeska Afrika oo idil waxaa habboonayd in uu talo wadaag jiro. Laakiin haddii aad damacdo in aad xulufaysi ku maquuniso kuwii dad kuugu xigay ama aad geeska ku geliso bahwadaagtii sokeeye, waxaa hubaal ah in aad noqonayso laacibka ugu faa’iidada yar Isbahaysi kasta oo aad ka mid noqoto 6- Fariin Shacabka Markii ay hay’adaha ku shaqada leh jaangoynta siyaasadda arrimaha dibadda ay soo diyaariyaan , la tashiyo la sameeyaan kuwa talada ka go’do, loona xilsaaro hay’ado meelmariya, kuwii ilaalin lahaa danahana ay diyaar yihiin, ayaa waxaa lagama maarmaan ah in madaxda qaranka ay shacabka la xariiraan una soo gudbiyaan ujeedka, istaraatiijiyadda iyo danta ku jirta meel marinta Isbahaysiga si la iskula jaanqaado. Haddii kale sidii uu yiri khabiiirkii Diblomaasiyadda Henry Kissinger ayey kugu dhacaysa. Kissinger wuxuu yiri “ Siyaasad kasta oo arrimaha dibadda si walba oo ay cabqariyad ugu muuqato meel ma gaari karto haddii ay ka socoto maskaxda koox yar ayna ka maran tahay qalbiga shacanka intiisa kale.” Maadaama uusan dalkeenu lahayn sirdoon qaran, kaadir diblomaasiyadeed, ciidan qalabsida iyo xarumo cilmi baaris, maadaama ciidan ajnabi ah uu ilaalinayo madaxbannaanida dalkeena, qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobayna lagu dhowro midnimada dhulka Soomaaliya, oo aysan dawladda Soomaaliyeed ilaashan karin, Waxaa habboon in mudnaanta lasiiyo dhismaha hay’dihii ilaalin lahaa ama raadin lahaa danaha amniga qarankeena intii aan danihii laga hadal. Laakiin hadii aan faraska ka horaysiino gaariga, waxaan u e kaanaysaa nin waalan oo ku xadgubaya caqliga iyo garaad muwaadinka, kuma sii jirto hadii aad damacdo in aad sedax daqiiqo ku sharaxdo isdhexgal dhaqaale iyo mid Siyaasadeed, lana soo shir tagno in aan dano waawayn ku maqan tahay, guulo taariikhi ahna aad soo dhicisay. W/Q: Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Isu dhawaanshaha kasoo muuqday waddamada Geeska Afrika wuxuu dhaliyay su’aalo badan. Sababaha riixayo ayaa siyaabo kala duwan looga faallooday ruux walbana meel la aaday. Dadka arrintaas wax ka yiri waxaa ka mid ahaa aqoonyahan sare oo Kiinyaan ah lagu mgacaabo Peter Kagwanja kasoo aragtidiisa lagu daabacay wargayska afka dheer ee Daily Nation ee kasoo baxo Kiinyo. Aragtidi Peter waxaa soo guuriyay wargaysyada Soomaalida. Qaar waa turjumeen qaarna iyadoo sideedi u qoran ayay soo rareen. Waxaan jeclaystay inaan wax ka iraahdo qormadaas oo si laablakac ah loo faafiyay dad badanna u riyaaqeen. Waxaan doortay inaan Afsoomaali ku qoro waayo cidda aan rabo inay farriintaan gaarto maahan qoraaga ee waa dadka soomaaliyeed ee farriinta liqay. Iskuma dheerarinayo aqoonyahaankaas waxaana qirayaa inaan khibrad iyo aqoon midna ku gaarin. Laakiin taasi ii diidi mayso inta aan aqaan iyo meelaha aan leeyahay ma uusan asiibin inaan wax ka iraahdo. Peter wuxuu ku dooday in kacdoonka socda uu yahay mid ku salaysan isir wadaag. Qabaa’illada Soomaalida iyo Oromoda iyo kuwa yaryar ee iyaga soo raaco ee la isku yiraahdo Kushiti ayuu sheegay inay isu bahaysanayaan hoggaaminta Geeska Afrika. wuxuu intaas ku daray inuu horay u jiray isbahaysi u dhaxeeyay Amxaarada iyo Bantuuga kaasoo geeska lagu galiyay kushutiga. Bantuugu waa Afrikaanka sanka weyn halka Kushitugu yahay midka sanka dhuuban. Farqi kale oo u dhexeeyo ma jiro oo waa wada afrikaan isku qaarad daggan. Waxaan qabaa inuusan dhici karin is bahaysi noocaas oo dhexmari karo Oromo iyo Soomaali. Sidoo kale heshiishki u dhexeeyay Kiinya iyo Itoobiya ee aqoonyahaanku uu ku fasiray inuu ahaa isbahaysi Amxaaro iyo Baantuu isna sax maahan ayaan qabaa. Marki ummadi uu dhex marayo isbahaysi waa inuu jiraa codow muuqda iyo dano mideeyo oo isu keeno kuwaasoo ilowsiiya khilaafka dhexdoodah. Marki la helo cadowgaas dhextaalka ah ayaa la isuu yimaada lagana tashadaa sidii loo wajihi lagaa cadowgaas inta mugdiyadii soo jireenka ahaa meel la iska dhigo. Tusaale, isbahaysiga Nato loo yaqaan ee ay midaysanyihiin waddamada ree Galbeedku wuxuu ku dhisanyahay wada-ilaashiga mabda’a hantigoosadka iyo hoggaaminta dunida. Dalalki cadowga isu ahaa sida Faransiiska iyo Jarmal ayaa ku wada jira. Wixii u dhaxeeyay meel ayaa la dhigay waxaana loo midoobay iska caabbinta shuuciyadda faafaysay. Mar walba oo cadowgaas meesha ka baxo waa in la helaa mid kale oo loo jeesto si la isugu hayo isbahaysiga. Tusaale, marki uu dhammaaday dagaalki qaboobaa ee looga adkaaday isbahaysigi Warsaw waxaa la abuubulay midki lagu qaaday islaamka ee loo bixiyay ‘la dagaallanka argagixisada’. Hal ku dhigga dagaalkaan wuxuu ahaa in kooxaha islaamiyiintu duullaan ku yihiin mabaadida iyo qiyamka ree Galbeedka. Hadda oo uu kaas sii dhammaanayo waxaa la shidayaa mid ku jihaysan Shiine. Ujeedku waa oraahdi Cali Shirwac. Hoggamiye noolaa qiyaasti qarnigii 18aad oo lagu magacaabi jiray Cali Shirwac Ugaas Sharmaake ayaa beshiisa aad u dagaal galin jiray. Marki nabad la helo oo ayaan reeruhu nastaanba beel nabad lala ahaa ayuu guluf ku qaadi jiray. Waxaa lagu yiri dadki waa go’aye maxaad dagaal aan loo baahnayn u abaabushaa? Wuxuu ku jawaabay “tolkay waa ari xagaa joogo, ari xagaa joogana qulux ayaa lagu raacaa haddii kale wuu kala lumi”. Cali hadalkaas wuxuu ula jeeday in haddii beesha uu hoggamiyo codow ay u midowdo ay waydo inay iyaduy isku soo jeesanayso. Falsafaddaas odaga ree yimiga ah ee soomaaliyeed waa hore yiri waa mid waa hore iyo mid danbaba lagu dhaqmo. Siyaasiyiin iyo aqoonyahanno ayaa soo jeediyay in la helo cadow ka bannaanka ah aadanaha si aadanaha oo dhan hal dhinac u maro oo uu cadowgaas ugu midoobo taaso joojinta karto colaadaha aan dhammaadka lahayn ee aadanaha u dhaxeeyo. Tusaale, madaxweynihii hore ee Maraykanka Ronald Reagan ayaa ka yiri khudbadii uu ka jeediyay xarunta Qaramada Midoobay sanadki 1987’di “waxaa marmar igu soo dhaco sida dhaqsaha ah ee aan isku dhinac u mari lahayn haddii cirfiid nasoo weeraro”. Sidaas darteed maadaama uusan jirin dano ku dhisan mamd’a oo ka dhaxeeyo Soomaali iyo Oromo sida uu qiray petr ba, mahici karto in la yagleelo isbahaysi Oromo-Somali. Sidoo kale, ma jiro cadow u dhaxeeyo oo labaduba ay tahay inay iska ilaaliyaan kasoo ay hal dhinac ooga soo wada jeestaan sidii ay sameeyeen Amxaaro-Baantuugu. Heshiiska Amxaaro-Baantuuga waxaa saldhig u ahaa iska caabinta Soomaalida doonaysay inay ka xowordo guumaysigooda. Baantuugu waxay haysteen goballada Waamo oo ilaa maanta ku maqan halka Amxaardu haysatay Soomaali-galbeed. Mid walba goonidiisa inuu u difaacdo dhulka uu haysto way ku adkayd sidaa darteed iskaashi ayay galeen ay isugu gurmadaan haddii Soomaali kusoo duusho. Dadka qaar aya ku dooday inay Soomaali iyo Oromo horay isbahaysi u samaysteen 70aadki iyo 80aadki iyagoo ula jeedo jamhadihi lagu aasaasy Soomaaliya ee Oromo iyo Soomaali kuwaaso dowladdi kacaanku u dhistay xoraynta Soomali-galbeed iyo wiiqidda maamulka Mangiiste. Waa jiraa isbahaysigaas laakiin kaasu kani la nooc maahan. Marka hore Oromo waxay ahayd dad dulman oo la haystay waxayna doonayeen xaq ka maqan. waqtigaas waxay magan u ahaayeen Soomaalida oo ay kaamlmo ka rabeen. Saldhigoodu wuxuu ahaa Soomaliya, agab iyo saanadba waxay ka sugayeen Soomaaliya. Sidaa dareteed waxay ahaayeen dad gacanta Soomaalida ku jira ee maahayn isbahaysi siman oo wax isku darsaday. Saas oo at tahay waxaa diiwaan gashan in lagu heshiin waayay magaci loo bixin lahaa isbahaysiga. Oromo waxay u arkaysay magac walba oo Soomaali laga dhex argo inuu xaqooda meesha ka saarayo khatarna ku yahay Itoobiya. Waqtigi ugu badnaa shirki lagu qabtay dagmada Afgooye (haddii aysan xasuustaydu i qiyaamin) waxaa uu ku baxay in la helo magac lagu wada qanacsan yahay oo dhexdhexaad ah marki danbana waxaa lala yimid Soomali-Abow. Sidoo kale markaas waxaa jiray cadow u dhaxeeyay. Labaduba waxay ku jireen gacan arxan daran. Waxaa laga haystay dhul waxaana laga ilaaliyay xukunka. Mid walba ujeeddo ha u qarsoonaato laakiin waxay ka middaysnaayeen tuuridda xukunki markaas Itoobiya ka jiray. Maanta Oromo iyadaa fadhido booski Mangiiste. Iyadaa ah cadowga Soomaalida ee dhulka haysto, iyadaa ah midda la iska ilalinayo ee dhul ballaarsiga waddo. Awal hadduu jiray cadow ay isu bahaysteen hadda iyagaa isu ah cadowga koowaad sidaas darteed ma dhici karto inay meel dhexe isugu yimaadaan. Waxaa sidoo kale dhici karin in isir la wadaago kaliya uu abuuro isbahaysi. Balse waxa abuuri karo isbahaysi waa wada-dhalaso la hubo ka sinnaasho af, dhaqan iyo dhalasho. Tusaale, dad caddaan ah oo dhan wuxuu kasoo jeedaa qaaradda Yurub. Yurubta Galbeed waxay isa sii xigtaa oo Nato ayay ku wada jirtaa haddana wax badan ayaa u dhaxeeyo inay kala tagaanna ma foga. Maraykanka, Ingirriska, kanada, Ustaraaliya iyo Niyusiilaand waxay sii leeyihiin isbahaysi hoose oo aan marnaba kala go’i karin. Si walba oo isu khilaafaan daahir, ma dhici karto inay kala tagaan ama furin isaga baxaan. sababta ayaa ah inay yihiin hal qoys, af iyo dhaqanna wadaag ah yihiin Ingriisna wada dhalay. Waxaa la mid ah dadka Carbeed. Iyadoo Carab la wada yahay dowladana la wada leeyahay af dhaqan iyo dhalashana la wada wadaago ayaa Khaliijku mid hoose sii leeyahay sababtu waa inay hal qoys yihiin dadka daggan Khaliijka. Go’doominta Qatar ha u qaadan cadaawad ee waa edbin iyo in loo arkay wiil walaalihiis ku caasiyboobay. Ka soo qaad shanta soomaaliyeed oo ah shan dal oo kala madaxbannaan. Isbahaysigoodu siduu noqon lahaa inay kuu caddahay baan filayaa. Waxwalba oo manta la tuhmayo ma dhici karto in Jabbuuti iyo Soomaaliya kala tagaan. Isirka ka dhaxeeyo Oromo iyo Soomaali waa kan ka dhexeeyo Afrikaan kale oo badan oo dago ilaa Jaad iyo Gaambiya. Isirkaas maahan mid dad isu soo dhaweeyo maadaama uusan ahayn dhalasho cad oo la hubo iyo dhaqan iyo af kulmiyo. Sidaa awgeed arrinta isirkana halkaas ha kugu dayso. Haddaba maxaa sabab u ah dardarta Ibay Ahmed? Bilo ka hor ayaan wax ka iriye halkaan ka Akhri. Wax isku darsasho iyo dhaqaale wadaag ma na dhexmari karaa innaga iyo Itoobiya? Hadda ka hor baan iyadana wax ka iriye halkaan ka akhri. Aan ku xiro inaan iraahdo hadalkaygu kama dhigna Soomaaliya iyo Itoobiya ma heshiin karaan, iskaashi ma dhexmari karo waligoodna cadow ayay isu ahaan. Waxa aan ka hadlay waa kaliya in waqtigaan aysan Oromo iyo Soomaali samaysan karin iskaashi ku qotomo isir. W/Q: Ibrahim Aden Shire ishire86@gmail.com kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/ Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Muddooyinkan dambe waxaa aad u xoogeystay hadal haynta dhaq dhaqaaqa Geeska Africa ka socda ee ay isugu soo dhawaanayaan dalalka mandiqadda, gaar ahaan Soomaaliya, Itoobiya iyo Eitrea. Hase ahaatee, taas waxa ay walaac ku beertay Soomaalida oo ilaa iyo hadda u muuqda kuwo jiha lunsan, oo aan si dhab ah u fahamsaneyn wax socda. Hadal haynta ugu weyn ee bulshada waxaa noqotay sida madaxda Soomaaliya ee ay ugu horreeyaan Madaxweynaha iyo xukumadda aysan bulshada ula wadaageyn waxa socda iyo natiijada ay rabaan in ay u soo baxdo. Dhinaca kale, waxa ay bulshada is weydiineysaa halka uu ka baxay baarlamaankii iyaga matalayey ee ay madaxda uga keeni lahaa jawaabaha su’aalaha ay qabaan. Waxaa intaas dheer, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya waxaa dhaqan iyo caado u noqotay in uu dadkiisa la wadaago kulan walba oo dhaca iyo tallaabo kasta oo uu qaado waxa uu daarnaa iyo faa’iidooyinka ugu jira. Inkasta oo waxa socda ay noqon karaan wax u wanaagsan dhammaan dalalka Geeska, oo madax dalkuna aysan wax aan wanaagsaneyn u horseedeyn dalkooda, haddana in sharaxaad dheeri ah la bixiyo waa lama huraan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Taariikhdu waa dhacdooyin is qora, Xukuumad walibana waxay gashato ayaa taariikhda u gala shacabkuna midhaheeda ayuu gurtaa. Xukuumada Muse Biixi waxay la curatay humaaq qabyaaladeed, Colaado degaan iyo cadaawe Siyaasadeed oo degamsan.Dawladnimaduna waa dad iyo dal dhis ( Nation Building ) Hadaba Xukuumadda oo hada Sanadkii hore u dhamaaday bal aynu Miisaanka Saarno maxaa u qabsoomay ? Maxayse ku ribatay ? Waxaa u qabsoomay mudo xileedkii Sanadka ahaa dhawr qodob: 1- Tiro koobkii shaqaalaha dawlada oo ay ku guuleysatay taa soo caagleyaal badan meesha ka saartay 2- Shaqaaqadii Ceel-Afweyn oo ay soo afjartay, Taa soo demisay Colaadihii labada beelood ee is diriray. 3- Mashruucii shaqo qaran ( National Services ) oo ay ku dhawaaqday laakiin laga dayriyey sifaha loo shaaciyey 4- Dhiiri gelinta wax-soo saarka beeraha dalka oo ay kor u qaaday, taa soo dalag badan la rajeynaayo inuu soo go’ sanadkan. 5- Gurmadkii Duufaandii ku habsaday gobolada Xeebaha qaarkood oo ay dadaal badan muujisay. 6- Kaabeyaashii dhaqaalaha oo qaar laga soo celiyey shirkadaha kala ah : GTS, SICP, GOP, Sahal Global, Somaliland ID Card, Moon light, Global Tech Solution and Horn Africa Facility.laakiin weli faanoole fari kama qodna oo hadaan dhamaan illihii dhaqaalaha ee la boobay aan qaranka loo soo celin waxaa loo qaadanayaa qowda maqashii waxna how qaban. Waxay ku fashilantay Xukuumadu oo aanay weli waxba ka qaban qodabadan tirada badan ee hoose: 1- Sicir bararkii iyo qiimihii Shilinka Somalilaan oo sidiisii ah oo weli baaxaa degaaya 2-Rojooyinkii Doorashooyiinkii isbarkanaa oo dib u dhacay farsamo xumo xukuumadeed awgeed 3- Xeerarkii Saami qeybsiga oo ilaa hada aan xal loo helin,taa soo xukuumadu iska dhego martay baaqyadii beelaha darafyada 4- Dalkii oo yeeshay Jabhado hubeysan oo cadowgii Somalilaan babada soo geliyey 5-Goleyaashii qaranka oo wada mudo dhaafay taa soo wiiqday dimuqraadiyadii yareyd ee aduunka laga iibin jiray 6- Albaabkii keli ahaa ee itoobiya oo ahaa albaabkii Somalilaan Caalamka ka geli jirtay oo hada Somalilaan ku soo xidhmay 7- Kala qaybsanaantii shacabka ee ay reebtay haraatidii doorashadii madaxtooyada oo sii maqaarsiibatay. ilaa hada xukumadu waxba kama qaban mideynta shacabka. 8- Qorsheyaashii Horumarinta Higsiga qaranka ee NDP2 oo aan dhudhun lagu cabirin meersina la tolin 9- Mashaariicdii Dawladaha hoose ee JPLG ( Joint programme ) oo aan la falkin oo Fadhiid wada noqday 10- Dhamaan Mashaariicdii horumarineed ee shirkada DPWorld ku balan qaaday oo been iyo afka baarkiisa wada noqda 11- Caqabado badan oo xaga sharciga ah oo Xukuumada soo wajahay taasoo keliftay in ay adkaato in lafuro Dastuurka dalka si saami qaybsiga laysugu afgarto. 12- Hab macaamilaadkii gaar ka ahaa ee Somalilaan loola dhaqmi jirey ( Somaliland especial arrangements ) oo meesha ka baxay muddadaa sanadka ah 13- Khilaaf cakiran oo debeda u soo baxay oo ragaadiyey wasaaradihii muga lahaa iyo haydihii dawlada qaarkood sida Wasaarada Maaliyada V Xisaabiyaha guud ee qaranka..Gudoomiyaha Baanka dhexe V Agaasimaha guud ee Baanka. Wasiirka Gaadiidka V Maareeyaha Hayada Wadooyinka. Wasiirka Beeraha V Hayada ka hortaga Afooyinka iyo Gudoomiyaha Hayada Barakacayaasha V Gudoomiye ku xigeenka isla hayadaa oo isaga oo aan xilkiiba laga qaadin Gudoomiye kale la dul keenay. Waxaa Xukuumada Muse biixi ka muuqata in aany laheyn aragti Siyaasadeed oo dheer iyo biseyl Siyaasadeed oo ka mudh bixi kara dabeylaha Siyaasadeed ee dalka iyo mandaqadaba ka jira. Sidaa daraadeed hadii aanay dib u eegid iyo dib u qiimeyn mug leh ku sameyn Caqiidadeeda Siyaasadeed ee ku wajahan duruufaha dalka ka taagan waxaa sii kordhaaya cabsida shacabka Somaalilaan ay ka qabaan waayaha cakiran iyo daruufaha colaadeed ee maanta dalka dul hoganaayaa in ay u horseedi karaan dalka colaad beeleedyo hor leh iyo burbur dhaqaale oo saameyn taban ku yeelan kara dawladnimada Somaalilaan. Waxaa Xukuumada Muse Biixi looga fadhiyaa: Xaq-dhowrida wada lahaanshaha dawladnimada, Cadaalad uqaybinta midhaha dawladnimo iyo in ay soo celiso yuhuuntii iyo wax wada lahaanshihii qaranimo. Waxaa looga fadhiyaa balan fulin iyo daahfurnaantii ay ku balan qaaday ( accountability and transparency ). Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD PA United Kingdom London Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay xabsiga dhigeen Shan Ruux oo ka tirsanaa Ciidanka booliska Soomaaliyeed,kuwaasoo sidoo kalena ka diwaangashaan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay in shaqsiyaadkaasi Muddo badan ay ku daba jireen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Taliyaha ayaa sheegay in Magacyo kala duwan ay ku qaadan jireen labo mushaar,iyaga oo aan qaban mid ka mid ah shaqooyinkii loo idmaday. Waxaa uu sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in labo magac oo ka duwan in dowladda looga qaato labo Mushaar si dalka loo galiyo dhibaato dhaqaalle iyo Musuqmaasuq. Taliye Bashiir ayaa sheegay in dhammaan baaris guud lagu sameyn doono Ciidanka Booliska Soomaliyeed si loo helo Ciidan nadiif ah oo dalka Amnigeediisa hanankara. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Militia men convicted of bomb plot try to bar Somali videos
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Attorneys for three Kansas militia members convicted of plotting to bomb a mosque and apartment complex housing Somali immigrants in a western Kansas meatpacking town have asked the court to bar at sentencing any victim impact statements, arguing no one was actually hurt in the plot. Federal prosecutors have countered that the men are trying to “minimize their actions and de-personalize their crimes.” They say that “runs directly afoul” of the Crime Victims’ Rights Act. “Despite the overwhelming evidence that led a jury to find beyond a reasonable doubt that the defendants conspired to commit a hate-motived mass murder, the defendants now make the extraordinary claim that the targets of their plot — the defendants’ would-be murder victims — are not in fact ‘victims’ and should not be heard at sentencing,” prosecutors said Tuesday in a filing. The dispute has derailed the two-day sentencing hearing that had been scheduled to begin Monday, with the judge now instead planning to hear oral arguments Monday about whether to consider victim statements. U.S. District Judge Eric Melgren is expected to set a new sentencing date after conferring with attorneys Thursday. A federal jury convicted Patrick Stein, Gavin Wright and Curtis Allen of one count of conspiracy to use a weapon of mass destruction and one count of conspiracy against civil rights in April. Wright was also found guilty of lying to the FBI. The attack, planned for the day after the 2016 general election in Garden City, was thwarted by another member of the group who tipped off authorities about escalating threats of violence. Garden City is 220 miles (354 kilometers) west of Wichita. The government has argued that the men formed a splinter group of the rightwing, anti-immigrant militia Kansas Security Force that came to be known as “the Crusaders.” The testimony and recordings at trial indicated the men tried to recruit other members of the Kansas Security Force to join them. Conspiracy to use a weapon of mass destruction carries a possible maximum sentence of life imprisonment, while the sentence for the civil rights violation carries no more than 10 years. Prosecutors are seeking life terms for all three, while defense attorneys are variously pleading for shorter terms of 15 years, 10 years or e The issue arose after the government informed the men that it planned to present at the sentencing hearing 20 videos, each about five to seven minutes, from Somali residents of the Garden City apartment complex targeted in the plot. Defense attorneys balked and asked Melgren to not even look at those videos until the victim impact issue is resolved and he rules on whether to consider them, arguing the videos’ content will have no bearing on whether they should be shown. The defense said prosecutors are seeking the opinions of the Somali residents about a crime even though they have no firsthand knowledge, without giving the defense an opportunity to cross-examine them. They also argued that the government’s desire to play multiple videos is “burdensome and unfairly prejudicial and unnecessarily and unfairly lengthens the sentencing hearing.” Prosecutors pushed back on the defense notion the victims are not “reliable” and should be subject to cross-examination. “To allow cross-examination of the victims would serve only to traumatize and re-victimize people whom the defendants have already harmed through the conspiracy to kill them in their homes and in their place of worship,” the government said. Prosecutors also argued federal law guarantees every victim the right to be reasonably heard at sentencing, including their views on what punishment would be fair. Melgren prohibited prosecutors from presenting testimony from the Somali residents during the trial itself because anything they could have said would have been based solely on what the government told them about the evidence. Prosecutors argued in a court filing that things are different for sentencing because the “voluminous evidence” is now part of the public record and the victim statements are based on their reactions to the men’s proven criminal efforts to murder them.ven time served. Source: AP -
Somalia has hosted its first high level National Economic Policy Forum this week in Mogadishu, which saw participants discuss a national investment strategy, financial governance, tackling corruption and how to enhance regional economic cooperation with other East African countries. The day-long forum was hosted by the Deputy Prime Minister of Somalia, Mr. Mahdi Mohamed Guled, and by the Chairman of a newly established National Economic Council (NEC) for Somalia, Dr. Ali Issa Abdi. It was attended by Federal and Members State Government representatives, UN officials, and private sector, academia and civil society members. The Federal Minister of Finance, Dr. Abdirahman Dualeh Beileh, and the Federal Minister of Planning, Mr. Gamal Hassan, also attended the event. The forum was supported by the United Nations Development Programme (UNDP). In his key remarks at the opening session, Deputy Prime Minister Guled said the Federal Government had made tangible progress on public financial management reforms and in increasing domestic revenue to deliver services to the Somali people, adding: “The government is committed to enacting policies and developing strategies to revive the economy, and the National Economic Council, and this Forum, plays a key role in these efforts,” he said. During the event, a team of economic experts presented initial findings from research on tackling corruption, domestic revenue mobilization, resource sharing, and economic governance and cooperation. The legal frameworks required for an investment strategy were also presented at the meeting. George Conway, UNDP Country Director, and acting Resident Coordinator for the UN in Somalia, congratulated the Government and the NEC in hosting the forum, but added that it was important that the most vulnerable and often marginalized groups, including women headed households, young people and IDP communities, should be included in financial and economic opportunities, and in strategies produced by the Government. “These groups will require specific strategies to ensure a dignified and safe integration into local economies and service delivery systems. But it’s also important that women, that youth, and that IDPs be engaged not as passive beneficiaries in the system, but as active agents and drivers of positive change in the economy,” Mr. Conway said. The next National Economic Council forum is due to be held in January 2019, and will discuss the final version of the resource mobilisation, corruption and financial governance reports presented at the meeting.
-
Somalia, Libya top list of World’s most dangerous countries
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Libya, Afghanistan and Somalia are the most dangerous places on earth, according to a new map designed for travellers that alerts them to risks abroad. The interactive ‘Travel Risk Map’ for 2019 reveals the countries where travellers are most likely to have trouble when it comes to road safety, security and medical matters. Nordic countries Finland, Norway and Iceland have been labelled the safest places on the map. The map has been launched by medical and security specialists International SOS and Control Risks. Libya, Afghanistan, Somalia and Syria all ranked lowly in each of the three categories, meaning they are the most dangerous. At the opposite end of the ranking, Norway, Finland and Iceland all were deemed to have a low risk of medical problems, security and road safety issues, meaning they are the safest. When looking at health, countries with a highest risk of contracting medical issues or disease included the African countries South Sudan, Niger, Ivory Coast and Sierra Leone. Iraq was also labelled a high risk country when it came to health along with Lebanon, Venezuela and North Korea. In contrast, places with a low risk of disease were deemed to be the vast majority of those in Europe as well as Canada, the US, New Zealand and Japan. Brazil, China and Russia are all deemed to have ‘rapidly developing variable risk’ when it comes to health. In terms of security, countries with an extreme risk to safety are Afghanistan, Syria, Yemen, Libya, Somalia, South Sudan and Mali. Popular holiday destinations including Mexico, parts of the Caribbean and parts of India were labelled as having a high risk to safety. But places where security risks are deemed insignificant are Denmark, Switzerland, Slovenia, Iceland, Greenland and Finland. When it comes to road safety, the countries beside those in Africa that pose the greatest risk include Brazil, Bolivia, Saudi Arabia, Iran and Kazakhstan. In this category the U.S scores a ‘moderate’ ranking. Most of Europe is ranked as ‘very low’ or ‘low’, along with Japan, Australia and New Zealand. Alongside the Travel Risk Map, the Ipsos MORI ‘Business Resilience Trends Watch 2019’, also found that 43 per cent of business travellers expect travel risks to increase in 2019. This is down from 52 per cent predicting risk increase in 2018 and 57 per cent in 2017. Sally Napper, security specialist at International SOS and Control Risks commented: ‘While almost half of decision makers believe that travel risks will increase next year, our research reveals that the evolving travel habits of the modern workforce are being overlooked by many organisations. “Ensuring your policies stay relevant to the needs of a modern workforce helps to keep your people safer and better informed, and also demonstrates the continuing importance of adaptive risk management programmes – and could help win board approval and support for other initiatives.” Source: TheStar -
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacadda Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-15112018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article