-
Content Count
206,965 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Nairobi)Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Dalalka KENYA iyo Soomaliya ayaa kulan yeeshay. Kulankan oo ahaa mid dhinac socda Shirka gaarka ah ee 20aad ee Golaha Fulinta ee Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa. Intii kulanku socday oo ahaa mid soo dhaweyn diirran uu Wasiir Cawad kala kulmay dhiggiisa Kenya ayaa labada dhinacba waxa ay muujiyeen rajo wanaagga wadahadalka dhexmaray. Labada dhinac waxay carabka ku adkeeyeen muhiimadda uu leeyahay kulankooda oo diirrada lagu saarray xoojinta xidhiidhka laba geesoodka iyo horumarinta iskaashiga oo dhinac kastaba leh, iyada oo loo sii marayo Guddiga Iskaashiga Wadaagga ah ee Soomaaliya iyo Kenya, si la mid ah waxaa fadhiggaasi lagu faaqiday arrimaha ammaanka iyo nabadgelyada Geeska Afrika iyo howlgalada AMISOM. Kenya ayaa kamid ah waddamada ay ciidamadu ka joogaan Dalkaasi Soomaliya. Source
-
Madaxweynuhu marka uu cusub yahay waa inuu sanadkiisa u horeeya dardar cusub iyo wax qabad badan sameeya, isla markaana goboladii uu markii uu codka u baahna marayey ee uu wax qabadka u ballan qaaday ku noqdaa isagoo waxna qabtay waxna ugu bushaaraynaya inuu qabanayo, isagoo dadkii doortay u mahad celinaya soona ogaanaya nolosha dhabta ah ee ay ku nool yihiin si uu qorshaha dambe ugu darsado waxa loo qabanayo. Sanad ka bacdi waa inuu ku faanni kara gobolkasta oo uu marayo waxa uu ka hirgaliyey, tusaale hadii aan usoo qaato madaxweyne Siilaanyo safarkii ugu horeysay wuxuu baxay bishii Octobar,2011-kii 16 bilood ka dib markii arkay inuu dadkii hor tagi karo oo waxna xadhiga ka jari karo waxna dhagax dhigi karo. Waxaanu lugtiisii u horeysay ku tagay Jiida hore ee ciidanka qaranka ka dibna wuxuu soo maray gobolada bariga oo mashruucii ugu balaadhnaa ka fulinayey jidka dheer ee Burco iyo Sanaag isku xidha, halka galbeedkana uu ka fuliyey jidka Gabilay iyo Boorama isku xidha. Madaxweyne Silaanyo sanadkiisii kowaad ayuu qabtay wixii uu todobadda sanadood ee kale la qaban lahaa amaba KULMIYE ku faaanyey wakhtigiii ololaha,waxaana shaqadaasi adag u hirgaliyey rag calculus oo hore loo soo tijaabiyey oo uu ku kalsoon yahay ayuu shaqada u dhiibay, taas ayaa keentay in mar kaliya gobol walba shacab iyo dawlad wada socdaa hirgaliyaan wadooyin badan, iyadoo deegaan walba u balan qaadaysa hadii shan KM oo waddo ah dhistaan iyaguna ugu darayaan shan kale, taasina waxay keentay inay bulshaddu ku tartamaan wax qabad xaga wadooyinka ah. Hadabba, madaxweyne Biixi waxa u dhamaaday hal sanno walina shacabku may dareemin wax qabad la taaban karo, sababta ugu weyn ee uu uga maagayaa inuu booqdo goboladana waxaan jirin wax uu shacabkii doortay la hortago. marka laga reebo jidka Ceerigaabo oo meel fiican maraya oo in badan ku dareen iyo wasaarada Beeraha oo wax soo saarkii dalka si wanaagsan u wadda. Madaxweynuhu sanadkiisii kowaad wuu ogaaday wasiirka uu u baahan yahay ee wax qabanaya iyo ka aan waxba qaban, hadda loo baahan yahay inuu seefta la dhex qaado oo mid walba ku amaal marayo waxa uu shacabkiisa u qabtay. Source
-
Taariikhdu waa dhacdooyin is qora, Xukuumad walibana waxay gashato ayaa taariikhda u gala shacabkuna midhaheeda ayuu gurtaa. Xukuumada Muse Biixi waxay la curatay humaaq qabyaaladeed, Colaado degaan iyo cadaawe Siyaasadeed oo degamsan.Dawladnimaduna waa dad iyo dal dhis ( Nation Building ) Hadaba Xukuumadda oo hada Sanadkii hore u dhamaaday bal aynu Miisaanka Saarno maxaa u qabsoomay ? Maxayse ku ribatay ? Waxaa u qabsoomay mudo xileedkii Sanadka ahaa dhawr qodob: 1- Tiro koobkii shaqaalaha dawlada oo ay ku guuleysatay taa soo caagleyaal badan meesha ka saartay 2- Shaqaaqadii Ceel-Afweyn oo ay soo afjartay, Taa soo demisay Colaadihii labada beelood ee is diriray. 3- Mashruucii shaqo qaran ( National Services ) oo ay ku dhawaaqday laakiin laga dayriyey sifaha loo shaaciyey 4- Dhiiri gelinta wax-soo saarka beeraha dalka oo ay kor u qaaday, taa soo dalag badan la rajeynaayo inuu soo go’ sanadkan. 5- Gurmadkii Duufaandii ku habsaday gobolada Xeebaha qaarkood oo ay dadaal badan muujisay. 6- Kaabeyaashii dhaqaalaha oo qaar laga soo celiyey shirkadaha kala ah : GTS, SICP, GOP, Sahal Global, Somaliland ID Card, Moon light, Global Tech Solution and Horn Africa Facility.laakiin weli faanoole fari kama qodna oo hadaan dhamaan illihii dhaqaalaha ee la boobay aan qaranka loo soo celin waxaa loo qaadanayaa qowda maqashii waxna how qaban. Waxay ku fashilantay Xukuumadu oo aanay weli waxba ka qaban qodabadan tirada badan ee hoose: 1- Sicir bararkii iyo qiimihii Shilinka Somalilaan oo sidiisii ah oo weli baaxaa degaaya 2-Rojooyinkii Doorashooyiinkii isbarkanaa oo dib u dhacay farsamo xumo xukuumadeed awgeed 3- Xeerarkii Saami qeybsiga oo ilaa hada aan xal loo helin,taa soo xukuumadu iska dhego martay baaqyadii beelaha darafyada 4- Dalkii oo yeeshay Jabhado hubeysan oo cadowgii Somalilaan babada soo geliyey 5-Goleyaashii qaranka oo wada mudo dhaafay taa soo wiiqday dimuqraadiyadii yareyd ee aduunka laga iibin jiray 6- Albaabkii keli ahaa ee itoobiya oo ahaa albaabkii Somalilaan Caalamka ka geli jirtay oo hada Somalilaan ku soo xidhmay 7- Kala qaybsanaantii shacabka ee ay reebtay haraatidii doorashadii madaxtooyada oo sii maqaarsiibatay. ilaa hada xukumadu waxba kama qaban mideynta shacabka. 8- Qorsheyaashii Horumarinta Higsiga qaranka ee NDP2 oo aan dhudhun lagu cabirin meersina la tolin 9- Mashaariicdii Dawladaha hoose ee JPLG ( Joint programme ) oo aan la falkin oo Fadhiid wada noqday 10- Dhamaan Mashaariicdii horumarineed ee shirkada DPWorld ku balan qaaday oo been iyo afka baarkiisa wada noqda 11- Caqabado badan oo xaga sharciga ah oo Xukuumada soo wajahay taasoo keliftay in ay adkaato in lafuro Dastuurka dalka si saami qaybsiga laysugu afgarto. 12- Hab macaamilaadkii gaar ka ahaa ee Somalilaan loola dhaqmi jirey ( Somaliland especial arrangements ) oo meesha ka baxay muddadaa sanadka ah 13- Khilaaf cakiran oo debeda u soo baxay oo ragaadiyey wasaaradihii muga lahaa iyo haydihii dawlada qaarkood sida Wasaarada Maaliyada V Xisaabiyaha guud ee qaranka..Gudoomiyaha Baanka dhexe V Agaasimaha guud ee Baanka. Wasiirka Gaadiidka V Maareeyaha Hayada Wadooyinka. Wasiirka Beeraha V Hayada ka hortaga Afooyinka iyo Gudoomiyaha Hayada Barakacayaasha V Gudoomiye ku xigeenka isla hayadaa oo isaga oo aan xilkiiba laga qaadin Gudoomiye kale la dul keenay. Waxaa Xukuumada Muse biixi ka muuqata in aany laheyn aragti Siyaasadeed oo dheer iyo biseyl Siyaasadeed oo ka mudh bixi kara dabeylaha Siyaasadeed ee dalka iyo mandaqadaba ka jira. Sidaa daraadeed hadii aanay dib u eegid iyo dib u qiimeyn mug leh ku sameyn Caqiidadeeda Siyaasadeed ee ku wajahan duruufaha dalka ka taagan waxaa sii kordhaaya cabsida shacabka Somaalilaan ay ka qabaan waayaha cakiran iyo daruufaha colaadeed ee maanta dalka dul hoganaayaa in ay u horseedi karaan dalka colaad beeleedyo hor leh iyo burbur dhaqaale oo saameyn taban ku yeelan kara dawladnimada Somaalilaan. Waxaa Xukuumada Muse Biixi looga fadhiyaa: Xaq-dhowrida wada lahaanshaha dawladnimada, Cadaalad uqaybinta midhaha dawladnimo iyo in ay soo celiso yuhuuntii iyo wax wada lahaanshihii qaranimo. Waxaa looga fadhiyaa balan fulin iyo daahfurnaantii ay ku balan qaaday ( accountability and transparency ). Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD PA United Kingdom London inafidhinle@gmail.com Source
-
Gabadhu jeerkasta oo ay u diyaar garoobayso ama ka fikirto in ay uur-qaado ama ay doonayso in ay dhasho ilmo maskax ahaan, jidh ahaan iyo guud ahaan ba caafimaad qaba: waxa ku waajiba in ay ka fogaato qaadashada daawooyinka(drugs) aanu dakhtar u qorin. Daawooyinka sida marujuwaana, kokaayiin iyo methamphetamine maaha oo kaliya daawooyin ee waa maandooriyayaal khatar ku ah uur-jiifka. Sababta hooyooyinka berri looga xarrimay daawooyinku waa in loo tudho ilamaha oo mustaqbalkiisu noqonaayo “uur ku soo bukood ifka ku silic”. Daawooyinka la qaata waxay si toosa u saameeyaan uur-jiifka korriinkiisa (WHO). Haddii hooyadu sigaarka nuugto, alkoolada cabto, ama ay qaadato daawooyinka lagu sarkhaamo sida kaaffiin, marujuwaana ama kookaaayiin waxa khatar ku jira ilmaha makaanka ku jira oo ay saamayn ku yeelanayaan korriinkiisa. Sidoo kale, waxay hooyada ku keenaysaa wadna xanuun, hawa-mareenka oo xidhma, faalig iyo suuxdin joogto ah. Daawooyinka hooyadu qaadato dakhtar la’aan waxay ku keenaysaa ilamaha in uu ku qaangaadhi waayo makaanka, miisaankiisa oo isaga oo hooseeya soo dhasha, iyo hooyada oo dhicisa. Sidoo kale, daawooyinkani waxay ilmaha ku sababaan marka uu soo dhasho in xusuusta iyo feejignaantu ka yaraato. Sigaarku waa maandooriyaha ugu horreeya ee ku keena carruurtu in ay ku wafaadaan makaanka hooyada. Sidoo kale, hooyada sigaarka qiijisaa waxay ilmaha u gudbinaysaa walxo kiimikaad oo uur-jiifka ku keenta kansar iyo walxaha kansarka dhaliya ee loo yaqaanno “carcinogens”. Marka la eego warbixinta ay daabacday CDC dumarka cabba sigaarku waxay umulaan carruur qaba wadna xanuun “heart defects”, sida wadnaha oo daloola iyo haniyayaasha dhiiga wadnaha kale xidha aan si fiican isku xidhayn ama isku furayn oo looyaqaanno “regurgitation and stenosis” iyaga oo ku geeriyooda shanta sano ee ugu horraysa noloshooda. Gabadha sigaarka qiijisa waxay la kulantaa dhibaatooyin jidheed sida mandheerta oo ku dhegta iyo kancarka sambabada iyo kansarka naasaha ku dhaca. Daawo kastaa waxay khatar ku tahay gabadha uurka leh, marka laga reebo xoogaa daawooyin ah sida vitamins iyo daawooyinka dhiiga kordhiya. Gunta iyo geba gebada ilmaha uurka ku jiraa waxa uu xaq u leeyahay in uu helo degaan nabdoon, oo naxariis iyo koolkoolin leh. Hooyada uurka lihina sida ay ugu dadaalayso marka uu soo dhasho akhlaaqdiisa, marriinkiisa iyo anfacadiis ba, waxa uu xaq u leeyahay in loogu dadaalo ilmaha uurka ku jiraa in uu helo nolol wanaaagsan. Hooyaduna waa in ay la socotaa saamaynta nooca daawo ah ee ay qaadanayso si aanay gacanteeda ugu samaysan uur sagaal bilood oo rafaad ah iyo sanado kadeed ah oo nolosheeda saameeya. Sadam Osman Kaabash Biomedical scientist Hargeisa, Somaliland Degmada: Mohamed Mooge. Source
-
Baardheere (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in maanta halkaasi ay ka dhaceen rabasho ay ku dhinteen dad Shacab ah oo Banaanbax sameynaayay. Nabadoon Cali Yacquub Nuur oo ka mid ah waxgaradka degmada Baardheere ayaa Risaala u sheegay in ugu yaraan 4 qof ay dhinteen 6 kalena uu dhaawac soo gaaray ka dib markii ciidanka Itoobiya ay rasaas ku fureen dad kasoo horjeeday Gudoomiye cusub oo loo soo Magacaabay degmada Baardheere. Waxaa uu sheegay in ninka cusub ee lasoo Magacaabay Ciidanka Itoobiyaan ay taageerayaan, islamarkaana dadkii kasoo horjeeday la laayay. Nabaddoonka ayaa dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland ugu baaqay in wax laga qabto dhibaatada heysta ee ka timid Ciidanka dowaldda Itoobiya qeybtooda ku sugan degmada Baardheere. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/Wareysi-baardhere-.mp3Caasimada Online Xafiiska Garbahaarey Caasimada@live.com
-
(SLT-Jabuuti)Muranka dhulka ah ee u dhexeeya dalalka Jabuuti iyo Eritrea ayaa isu bedelaya in la isla aado Maxkamada caalamiga ah ee ICJ kadib markii dowlada Jabuuti ay ka codsatay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey inay ka taageeraan sidii loo xallin lahaa muran xuduudeedka kala dhaxeeya dalka Eritrea iyo inay dacwo ka furtaan maxkamadda cadliga ee International Court of Justice. Ambassador Maxamed Saciid Ducaale, oo ah safiirka Dowlada Jabuuti ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in dalkiisa uu doonayo in xal kama dambeys ah loo helo khilaafka xadka ee kala dhaxeeyo Eritrea iyo in lagu kala baxo qaanuunka dowliga ah. “Djibouti waxaa ay golahu ugu yeertay iyada oo kaashaneysa taageerada xogheyaha guud in labada dhinac ay muranka ku xaliyaan si nabad ah, oo cid kale ay dhex-dhexaadiso sida maxkamadda cadilga adduunka ee ICJ” ayuu yiri Ambassador Ducaale. Sida uu qorayo qodobka 33 ee dastuurka UN-ka, waxaa uu ogalaanayaa in dalalka muranka ka dhaxeeyo ay xal iyo qaab nabadeed u raadin karaan xuquuqdooda. Arrimaha Djibouti ku doodeyso waxaa ka mid ahaa milkiyadda Jasiiradda Doumeira iyo 13 askari oo weli lagu la’yahay gacanta Eritrea. Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ka qaaday cunoqabataynta hubka dowlada Eritrea isla markaana dalalka Soomaaliya,Itoobiya iyo Eritrea ay isbahaysi gaar ah ka sameynayaan geeska Afrika. Source
-
(SLT-Kampala) Madaxweynaha Uganda ayaa amray hawlgal ay milatarigu hoggaaminayaan oo lagu ilaalinayo ganacsiyada Shiinaha. Arrintan ayaa dabo socota kulan lala yeeshay 120 maalgashade oo Shiinays ah oo sheegay in budhcad hubaysan ay dhacaan shirkadahooda arrintaasina ay aad u soo badanayso, lagana qaatay lacago aad u badan. Tallaabooyinka uu madaxweyne Yoweri Museveni soo jeediyay waxaa ka mid ah in sare loo qaado ciidammada roondada ku sameeya xarumaha shirkadaha iyo in lagu dhajiyo kameerooyinka ammaanka. Dalka waxaa si guud ugu soo batay falal dambiyeedyada rabshadaha wata toddobaad yadii u dambeeyayna milatariga ayaa bilaabay in ay ku gaaf wareegaan agagaarka caasimadda, iyadoo ay dawladdu arrintaas ku garab wado samaynta ciidammo deegaanka ah oo cusub. Dhowaan ayaa koox baangado ku hubeysan waxa ay ka dhaceen xarun ganacsi oo ay dad shiinees ah leeyihiin iyagoo dhaawacay shan ruux oo saddex kamid ah ay ahaayeen dad ka soo jeeda dalka Shiinaha. Ganacsatada ka soo jeeda dalka Shiinaha ayaa waxa ay ku hanjabeen inay isaga bixi doonaan dalka Uganda. Source
-
(SLT-Riyadh)Dacwad oogaha sacuudiga ayaa shaaca ka qaaday in la ogaaday in sarkaal ka tirsan sirdoonka uu amray in la dilo Jamaal Khaashuqji ee uusan jirin amar ka soo baxay dhaxal sugaha boqornimada Amiir Maxamed Bin Salmaan. Sarkaalka ayaa lagula ballamay inuu saxafiga ka dhaadhiciyo in uu dalkiisa dib ugu soo laabto sida uu afhayeen sheegay. Dacwad oogaha ayaa sheegay in Khaashuqi cirbad sun ah lagu durey ka dib markii uu gacan ka hadal ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, 2dii Oktoobar. Wuxuu eedeymo ku soo oogay 11 qof oo uu ku eedeyey dilka, wuxuuna weydiistay in 5 ka mid ah dil lagu xukumo. Kiiska ayaa loo wareejiyey maxkamad, halka baaritaanka 10 kale oo la tuhunsanayaal ahna la sii wado. Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Riyaad ayuu ku sheegay ku xigeenka dacwad oogaha, Shalaan bin Rajih Shalaan, in Meydka Khaashuqji lagu dhex jarjaray qunsuliyadda markii uu dhintay. Hilbihii ayaa looga dhiibay qof “shaqaale” maxalli ah, meel dibadda ah. Sawir gacmeedka qofka shaqaalaha ah ayaa la sameeyey, waxaana socda baadigoob lagu hayo halka hilbihiisa laga heli karo.Mr Shalaan ma uusan sheegin magacyada shanta ruux ee lagu eedeeyey dilka Khashuuqi. Hase yeeshee wuxuu sheegay in baaritaanku uu “dibadda soo dhigay in qofka amarka dilka baxshay uu ahaa madaxa kooxda wada xaajoodka” ee uu u diray Istanbul ku xigeenka taliyaha sirdoonka, Jeneraal Axmed al Casiiri, si loogu khasbo Khaashuqji in dib loogu celiyo Sacuudiga. “Amiirka dhaxal sugaha ah waxba kalama socon” ayuu ku sii daray dacwad oogaha iyadoo ay soo baxayeen eedeymo lala xiriirinayay in Amiirka Dhaxal sugaha ah. Amir Maxamed, wiilka boqor Salmaanka Sacuudiga, ahna ninka la aaminsan yahay inuu Sacuudiga xukumo, ayaa beeniyey inuu wax lug ah ku lahaa waxana uu ku tilmaamay dilka saxafiga dambi naxariis darro ah oo aan sinnaba qiil loogu samayn karin. Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in “amarka dilka Khaashuqji uu ka yimid darajada ugu sarraysa xukuumadda Sacuudiga”, laakinse uusan rumaysnayn in uu boqor Salmaan bixiyey. Source
-
(SLT-Addis-ababa) Madaxweynaha dowlad degaanka soomaalida Itoobiya ayaa waxaa uu magaalada Addis Ababa kulamo kula yeelan doonaa madax ka tirsan dowlada degaanka Oromia iyo dowlada dhexe ee Fedaraalka Itoobiya. Kulankaan ayaa waxaa looga hadli doonaa sidii xal waara looga gaari lahaa isku dhacyada u dhaxeeya soomaalida Iyo Oromada ee ka taagan xadka labada gobol ay wadaagaan oo bilihii la soo dhaafay dad badan lagu dilay. Saraakiil ka tirsan madaxtooyada magaalada Jigjiga ayaa xaqiijiyay in madaxweyne Mustafe Muxumad Cumar uu wado dadaalo loogu gurmanayo dadka ka barakacay magaalada Moyale colaadii ka dhacday. Dowlada dhexe ee Itoobiya ayaa bilihii la soo dhaafay dhankeeda baaqyo is daba joog ah ka soo saareysay arintaan waxaana la ogeyn waxa ay ka badali doonto kulamada uu madaxweynaha dowlad degaanka soomaalida Itoobiya uu la yeelan doono hogaamiye yaasha gobolka Oromia. Source
-
Bosaso-[Puntland Post] Magaalada Bosaso ayaa maanta lagu soo dhaweeyey musharax Madaxweyne Puntland Khaliif Ciise Mudan oo kamid ah musharixiinta u taagan xilka madaxtinimda Puntland 2019. Boqallaal dadwayne ah oo ruuxayay calamo iyo boorar ay ku xardhanyihiin hal ku dhigyada musharax Khaliif Ciise Mudan ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Bosaso. Waxaana sida oo kale soo dhaweyntiisa ka qeyb galay maamulka degmada Bosaso ,iyo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamadda dawlada . Musharax Khaliif Ciise Mudan oo goob fagaara ah kala hadlay boqolaal shacab ah oo soo dhaweyntiisa ka qeybgalay waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay soo dhaweynta uu kala kulmay bulshada Bosaso islamarkan uu kulamo la yeelan doono qeybohooda kala duwan. Musharax Khaliif Ciise Mudan ayaa soo dhaweyntiisa si,aad ah looga dareemayay malmihii la soo dhaafay magaaladda Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Musharax Khaliif Ciise Mudan oo Bosaso lagu soo dhaweeyey appeared first on Puntland Post.
-
Jabuuti (PP) ─ Safiirka dalka Jabuuti u fadhiya ee Qaramada Midoobay, Maxamed Saciid Ducaale ayaa sheegay in muranka dhulka ah ee u dhexeeya Dowladaha Jabuuti iyo Eritrea lagu ballamay in la isla aado Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ, kaddib markii Jabuuti ay ka codsatay Golaha Ammaanka inay ka taageeraan sidii loo xallin lahaa muran xuduudeedka kala dhaxeeya dalka Eritrea. Danjiraha ayaa sheeay n dalkiisu doonayo in xal kama dambeys ah loo helo khilaafka soohdinta ee kala dhaxeeyo dalka Eritrea iyo in lagu kala baxo qaanuunka dowliga ah. “Xukuumadda Jabuuti waxay Golaha Ammaanka ee QM ugu yeertay iyadoo kaashaneysa taageerada Xoghayaha Guud in labada dhinac ay muranka ku xaliyaan si nabad ah oo cid kale ay dhex-dhexaadiso sida maxkamadda ICJ,” ayuu yiri danjire Ducaale. Sidoo kale, Dowladda Jabuuti ayaa horay u sheegtay in arritna murankaan dhalisay ay qayb ka tahay lahaanshaha Jasiiradda Doumeira iyo 13-Askari oo Jabuutiyaan ah oo weli lagu la’yahay gacanta Xukuumadda Asmara. Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Golaha Ammaanka ee QM ayaa ku dhawaaqeen dhawaan inay cunna-qabateyntii hubka ay ka qaadeen Eritrea, kaddib markii dowladdaha Somalia iyo Itoobiya ay codsadeen in laga qaado. Ugu dambeyn, Isbedelka ka dhacay Geeska Afrika ayaa waxaan weli si rasmi ah uga soo muuqan Dowladda Jabuuti oo dagaal culus ay isla galeen Eritrea oo ay ku murmeen lahaanshaha dhul ballaaran oo xuduudda labada waddan ku yaalla. PUNTLAND POST The post Jabuuti oo sheegtay inay Dowlada Eritrea ka Dacweynayso Maxkamadda Caalamiga ee ICJ appeared first on Puntland Post.
-
Guriceel (Sh.M.Network) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in shil gaari oo khasaaro geystay uu ka dhacay inta udhaxeysa degmooyinka Guriceel iyo Balanbale. Gaariga shilka galay oo rog-maday ayay wararku intaas ku darayaan inay saarnaayeen Odayaal dhaqameedyo, kuwaasi oo kusii jeeda degmada Balanbale si ay ugu biiraan waan-waan lagu xalinayo xiisad beeleed halkaasi ka taagan. Lama soo warin hadii ay jirto dhimasho, balse, inta la xaqiijiyay afar Odayaal ayaa ku dhaawacantay, kuwaasi loo qaaday Isbitaalo ku yaala magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel, si loogu soo daaweeyo. Ma cadda sababta keentay shilkaan gaari, hasa yeeshee, dhacdooyinka noocaan ah ee laga soo wariyo gobolkada dalka Soomaaliya waxaa keena gawaarida oo si xowli ah loo kaxeeyo iyo burburka wadooyinka. Hoos ka dhageyso warka oo Cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Cali.mp3 The post Shil khasaaro geystay oo ka dhacay bartamaha Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Guriceel (PP) ─ Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhintay, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal culus oo saakay deegaan ka tirsan gobolka Galguduud ku dhexmaray ciidammo ka kala tirsan Ahlu-sunna iyo Al-shabaab. Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaalkan oo ka dhacay deegaan lagu magacabao Galangole oo 80-km u jira degmada Guriceel uu billowday markii ciidammo ka tirsan kuwa Ahlusunna ay weerareen xoogag ka tirsan Kooxda Al-shabaab oo deegaankaas ku sugnaa. Sidoo Kale, Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in ciidamadii Kooxda Al-shabaab ay deegaanka isaga baxeen markii hore, basle ay dagaal rogaal-celin ah kusoo qaadeen deegaankaas, ayna la wareegeen deegaanka. Dadka ku nool deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa sheegay in dagaalku uu socday muddo kooban, ayna deegaanka haatan ku sugan yihiin xoogag ka tirsan Al-shabaab oo horay u joogay, ciidamadii Ahlu-sunna ay goobta ka tageen. Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug ayaan weli ka hadlin dagaalka Gobolkaas ku dhexmaray ciidammo ka kala tirsan Ahlusunna iyo Al-shabaab, waxaana tani ay qayb ka tahay is-ugaarsiga u dhexeeya xoogagga labadan dhinac ka kala tirsan oo muddo fog dagaalamayay. Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa waxay weli gacanta ku haysaa deegaanno ka tirsan gobolka Galguduud, kuwaasoo qaarkood ay culus ay ku dhexmareen ciidamada Ahlusunna oo ay isku hayaan gacanta ku haynta Gobolkaas. PUNTLAND POST The post Dagaal ciidamo ka tisran Ahlu-sunna iyo Al-shabaab ku dhex-maray Gobolka Galguduud appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Wafuud kala duwan oo isugu jirta Odayaal dhaqameed, Siyaasiyiin iyo madaxda maamulka Galmudug ayaa gaarey degaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya. Ujeedka ayaa lagu sheegay si ay uga qaybgalayaan kulamo la doonayo in xal loogu raadiyo xiisad beeleed ka oloolsan tuulooyin ku dhow degmada Balanbale ee gobolka, taasi oo udhaxaysa Beelo walaalo ah. Xiisada ayaa waxay sababtay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah, waxaana loogu baaqay inay joojiyaan dagaalada, xili ay socdaan dadaalo la doonayo in gabi ahaanba lagu soo afjaro. Waan-waanta haatan socoto ayaa waxaa la rajaynayaa inay kasoo baxaan qodobo miradhal ah oo soo gabagabayn kara xiisadda taagan taasi oo ay ku baxeen daminteeda dhinacyo kala duwan, oo madaxda Galmudug ay ku jiraan. The post Kulamo lagu xalinayo xiisad beeleed oo ka socda Galgaduud appeared first on Shabelle. View the full article
-
Bosaso[Puntland Post]-Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye ayaa $50,000 (konton kun oo doollar) ugu deeqay guddiga loo xil saaray dayactirka waddada laamiga ah dhex marta magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Musharraxa ayaa sheegay inay waajib tahay in laga qayb qaato mashaariicda danta guud gaar ahaan dhismaha waddooyinka, isagoo xusay in jidkani aad muhiim ugu yahay isu socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada Boosaaso. Injineerku wuxuu dhinaca kale ballan qaaday haddii loo doorto xilka Madaxwaynaha Puntland in uu dayactir ku samayn doono dhammaan jidadka halbowlaha u ah isku xirka iyo ganacsiga deegaannada Puntland. Sheekh Maxamad Macallin oo ku hadlayey afka Guddiga Dayactirka Jidka Boosaaso ayaa uga mahadceliyey musharraxa gacanta uu ka gaystay mashruucan, isagoo Ilaah uga baryey in deeqdan beddelkeeda uu miisaanka xasanaadka ugu kordhiyo. Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye ayaa weli ku guda jira socdaalka uu ugu magac daray ‘Tashi iyo Tabasho’. Socdaalkan ayaa ah mid musharraxu ugu kuur gelayo xaaladda guud ee dalka islamarkaana uu kula tashanayo qaybaha kala duwan ee bulshada. Cabdiqani Boos Puntland Post-Bosaso The post Musharrax Jebiye oo $50,000 ugu deeqay Dayactirka Wadada halbowlaha u ah ee Bosaso appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Saraakiil ka tirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliya iyo taliyaal ciidan gaar ahaan Ururka 48aad, guutada 10aad, qaybta 43aad ayaa kulan waxay ku yeesheen magaalada Buurdhuubo ee gobolka Gedo. Kulanka ayaa waxay kaga hadleen arrimo la xiriira in masuuliyiinta maamulka Jubbaland aanu imaan karin degaanada iyo degmooyinka gobolkaasi, oo hoos-yimaada dowlad goboleedkaan. Cabdiraxmaan Muxumad oo kamid ah saraakiisha oo u waramay warbaahinta ayaa sababta ku sheegay in masuuliyiinta Jubbaland ay caadeysteen inay u udiidaan garoonka Kismaayo kasoo degista masuuliyiinta iyo taliyaasha ay dowladdu soo dirto. Hoos ka dhageyso warka oo Cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Qani.mp3 The post Masuuliyiinta Jubbaland oo laga mamnuucay gobolka Gedo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal culus oo saacado qaatay kaasi oo ciidamo ka tirsan dowlada oo ay wehliyaan kuwa Galmudug iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ku dhex-maray degaanka Goolagoole oo qiyaastii 80 KM ujira degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Dadka degaanka ayaa sheegay in dagaalka uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaarey dhinacyadda dagaalamay xili dhimashada ay gaarsiiyeen saddex, iyaga oo dhaawaca ku tilmaamay inay gaareyso afar kale. Wararka ayaa intaas u daraya in ciidanka dowladda ay dagaalka ku qabsadeen tuulooyin horleh oo gobolka ka tirsan, kuwaasi oo ay horey sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab oo dhankooda lasoo warinayo inay haatan wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay Aagaasi ka sameynayaan. Dagaalkaan ayaa wuxuu kusoo aadaya xili mudooyinka dambe ay saraakiisha ciidamada xooga dalka ee ku sugan degaanka maamul goboleedka Galmudug ay ku cel-celinayaan inay qaadi doonan guluf balaaran, kaasi oo ay Al-Shabaab kaga saarayaan tuulooyinka ay joogaan gobolka. The post Dagaal culus oo dhex-maray ciidanka DFS iyo AlShabaab appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/warka-Duhur-16112018.mp3 The post Dhageyso: Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Washington (Caasimada Online) – Golaha Senate-ka Mareykanka ayaa u codeyn doono sharci lagu ciqaabayo Dowladda Sacuudiga kaasi oo la xiriira dagaalka Yemen iyo dilkii Wariye Jamaal Khaashuqji oo ka dhacay magaalada Istanbul, sida uu sheegay xildhibaan ka tirsan Golaha. “Goluhu waxay u codeyn doonaa ka hor dhamaadka sanadkan, sharci lagu raadinayo in lagu joojiyo dhamaan taageerada Sacuudiga ee dagaalka Yemen” waxaa sidaasi yiri Senator Bob Corker, oo ah guddoomiyaha guddiga xiriirka dibadda ee Senate-ka. Wuxuu sidoo ka sheegay inay suuro gal tahay in mooshin laga keeno u codeynta hanaanka looga hortagayo hubka ay iibiso xukuumadda Riyaad, sida uu xildhibaanka cadeeyay. “Aqalka sare waxay raadinayaan hanaan lagu tusayo Sacuudiga, waxa ku dhacay Wariye Jamaal iyo arinta la xiriira hanaanka ay Yemen la doonayaan”sidaasi ayuu hadalkiisa kusii daray Mr Bob. Dilkii Wariye Jamaal oo dhacay labadii bishii lasoo dhaafay ayaa sare u qaaday walwalka Golaha Senate-ka , sidoo kale waxaa walwalka aqalka kor u qaaday dagaalka Yemen, gaar ahaan dilka dadka rayidka ee ka dhashay weerarada Sacuudiga. Lindsey Graham oo aqalka sare ku matala xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegay in golaha ay ka doodayeen cunaqabateyn ka dhan ah Sacuudiga, taasi oo ka dhalatay dilkii Jamaal Kashoqji “Maxamed Bin Salmaan waa ruux aan lagu kalsoonaan karin oo aan degeneyn”ayuu hadalkiisa kusii daray Mr Graham. Caasimada Online Xafiiska Washington Caasimada@live.com
-
Waxa ay aheyd doorashadii 7-aad ee xiriirka kubbadda cagta dalka waxaan markale ku guulaystay C/qani Saciid carab oo horay u ahaa gudoomiyaha ,isagoo iminka sii hogaamindoona afarta sano ee soo aadan Waxaa kasoo qeyb galay madax ka socotay FIFA,CAF,maamulka Goboleedyada,Hirshabeele,Koonfur Galbeed,Jubaland,Puntland,Galmudug,Gobolka Banaadir wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada iyo gudooomiyaasha kooxaha kubbadda cagta heerka 1-aad,2-aad iyo 3-aad C/qani Saciid carab ayaa helay 33-cod oo gacantaaga ah wuxuuna sheegay afartan soo aadan in uu wax badan ka badali doono heerka kubbadda cagta dalka iyo in uu dhameystiridoono howlihii u qorshaynaa Suleymaan Waaberi oo ah gudoomiyaha xiriirka kubbadda cagta dalka Jabuuti kana socday xiriirka kubbadda cagta qaarada Afrika ee CAF ayaa sheegay in Soomaaliya ay gaarto horomar wanaagsan iyagana ay taageeridoonaan is badalka iyo geedi socodka wanaagsan ee xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Gudoomiyaasha xiiirada kubbadda cagta Maamul-Goboleedyada oo lagu casuumay doorshadan ayaa sheegay in maanta meesha laga joogo laga anbaqaado sanadaha soo aadan ay iyaga door wacan ku yeelandoonaa doorashooyinka ceeynka oo kale si gobolada ay u gaarto horomarinta kubbadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) oo horay u ahaa gudoomiye ku xigeynka labaad ayaa afarta ee soo aadan loo doortay gudoomiye ku xigeynka 1-aad,halka C/llahi Sheekh Nuur Axmed oo isna ahaa sanadihii laga soo gudbay gudoomiye ku xigeynka 1-aad loo doortay gudoomiyaha xigeynka 2-aad waxayna labadooda heleyn min 33-cod,iyagoo si wadajir sheegay in ay ka shaqeyndoonaan horomarinta ciyaaraha wax badan ay soo kordhin doonaan afarta sano ee soo aadan Waxaaa xubanaha Fullinta loo doortay oo la shaqeyndoona gudoomiyaha iyo ku xigeynadiisa Abuukar Isloow Xuseen,Cabdisamad Shiikh Qaasim,Yaxye Maxamed Abuukar (Aayoow),Cumar Maxamuud Nuur (Mugaambe)iyo C/laahi Cusmaan Daami horay waxa ay ugu soo qeyb qaateyn horomarinta isboortiga Bahda ciyaaraha dalka ayaa maamulka cusub ee xiriirka kubbadda cagta ka warsugaya horomaro kala gedisan oo xaga gudaha iyo dibada si dalkeena uu ula jaanqaandoono wadamada ku hormay ciyaaraha Halkaan Ka Daawo Qaabka Ay U Dhacday Doorashadii 7-aad Ee Xiriirka Kubbadda Cagta W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Barnaamijka maxaa ka run ah wixii la sheegay? Hoos riix si aad u Dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Bar___-Maxaa-Ka-Run-Ah-Wixii-La-Shegay-16112018-web.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka maxaa ka run ah wixii la sheegay? appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo saacado badan socday uu ka dhacay gobolka Galgaduud, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al Shabaab. Dagaalka ayaa bilowday xalay Saq dhexe, waxaana la isla gaaray waaberigii saaka, iyadoo ugu dambeyn ciidamada dowladda ay deegaano cusub ka saareen ciidamada Al Shabaab, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen. Ciidamada Meletariga iyo kuwa Galmudug oo iskaashanaya ayaa deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Guriceel kula dagaalamay ciidamada Al Shabaab, waxayna ka saareen tuulooyin dhowr ah. Deegaanka Goola Goole oo kamid ah deegaanada hoostaga degmada Guriceel ayaa waxaa la wareegay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug oo isbaheysanaya. Xiisad dagaal iyo dhaqdhaqaaq ciidan ayaa laga dareemayaa gobolka, gaar ahaan deegaanadii xalay ilaa saaka lagu dagaalamayay, iyadoo ciidamada dowladda ay doonayaan inay isku balaariyaan deegaanada Al Shabaab ka joogaan Duleedka Guriceel. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Jabuuti ayaa golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ka dalbatay inay taageeraan sidii loo xalin lahaa murun xuduudeedka kala dhaxeeya dowladda Eritrea, haddii lagu guul dareystana ka taageeraan sidii maxkamada ICJ dacwad kaga furan lahaayeen. Safiirka Jabuuti ee Qaramada Midoobay Amb Maxamed Saciid Ducaale, ayaa sheegay in dowladda Jabuuti ay dooneyso in xal kama dambeys ah laga gaaro murun xuduudeedka u dhaxeeya dalalka Eritrea iyo Jabuuti. “Djibouti waxaa ay golahu ugu yeertay iyada oo kaashaneysa taageerada xogheyaha guud in labada dhinac ay muranka ku xaliyaan si nabad ah, oo cid kale ay dhex-dhexaadiso sida maxkamadda cadliga adduunka ee ICJ” sidaasi waxaa sheegay Ducaale. Wuxuu sheegay Safiirka inay marka doonayaan in xalka lagu raadiyo qaab wadahadal ah, haddii ay suuro gal noqon weysana ay maxkamada ICJ dacwad ka furun doonaan si xal arimahaasi looga gaaro. Sida uu qorayo qodobka 33 ee dastuurka UN-ka, waxaa uu ogalaanayaa in dalalka muranka ka dhaxeeyo ay xal iyo qaab nabadeed u raadin karaan xuquuqdooda. Arrimaha Djibouti ku doodeyso waxaa ka mid ahaa milkiyadda Jasiiradda Doumeira iyo 13 maxbuus oo weli lagu la’yahay gacanta Eritrea. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Addis Ababa (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida, Mustafa Maxamed Cumar [Cagjar] ayaa utegay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya xal uhelista colaad kasoo cusboonaatey degaanka Mooyaalle. Cagjar ayaa lagu wadaa inuu kulan la yeesho masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka isaga oo kala hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee sababay dhimashada in ka badan 30 ruux, iyo dhaawac tiro kale ee Mooyaalle laga soo wariyay. Mr Cali oo ah kamid ah masuuliyiinta Oromada ee tuulada ku taala xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku eedeeyay Soomaalida inay doonayan dhul-balaarsi, isaga oo ku baaqay nabad iyo sidii loosoo afjari lahaa xiisada. Safarka uu Mustafa Cagjar ku tegay Addis Ababa ayaa yimid markii shir deg deg ah ay Khamiistii yeesheen Gollaha Wasiirada ee degaanka, kaasi oo qodobada looga hadlay ay kamid tahay dagaalada Mooyaale iyo sidii loo qaboojin lahaa. The post Mustafa Cagjar oo kulan la leh madaxda ugu sareysa D/Itoobiya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Taliyaha ciidanka Booliska Soomaliyeed, Bashiir Cabdi Maxamed [Ameeriko] ayaa sheegay in xabsi la digay saraakiil iyo askar ka tirsan Milatariga iyo Booliska dalka. Ameeriko ayaa shaaciyay in xariga xubnahaani ay ka dambeysay markii lagu helay dambi ah inay mushaar kaga qaadan jireen dowladda darajoooyin been-abuur ah, taasi oo baaris qoto dheer lagu sameeyay. Saraakiisha iyo Askarta lasoo xiray ayuu taliye Bashiir cod dheer ku tilmaamay in lasoo taagi doono maxkamad si ay uwajahaan cadaaladda, isaga oo xusay inay kordhin doonan howlgalada noocaan ah. Shaqaalaha dowladda ee sidaan oo kale uga qaatay mushaarka ayuu taliyaha Booliska ku goodiyay inay iyagana ka dabategi doonan, islamarkaana cidii lagu heli ay gacanta kusoo dhigi doonan kadibna ay sharciga horgaynayaan. Talaabadda ayaan waxay sahleysaa in gacanta lagu soo dhigi ciidan fara badan, kuwaasi oo ka diiwaan-gishan meelo kala duwan, xili damacoodu yahay inay labo mushaar ka qaataan dowladda Soomaaliya. The post Saraakiil iyo Askar ka tirsan ciidanka DFS oo la xiray appeared first on Shabelle. View the full article