Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,963
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay sababta ka dambeysay in kooxda Dabagalka Cunaqabateynta Hubka ee Somalia loogu diiday inay ogaadaan keydka hubka ee dowladda Soomaaliya. Lataliyaha Amniga ee madaxweynaha Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse ayaa ku daabacay bartiisa Twitter-ka in aysan jirin dad dibadda ka yimaada inay siday doonaan ka yeelaan goobaha xasaasiga ah ee dowladda. Hadalkaasi ayaana Jawaab u ahaa warbixinta kooxda ay u gudbisay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay oo aheyd in marar badan laga hortaagay ogaanshaha keydka hubka si ay warbixin kaga sameeyaan. Keydka hubka ee dowladda ee ku yaala xerada Xalane ayay sheegeen in loo diiday inay sawiro ka qaataan ama ay la galeen kaamirooyinka wax duuba, sida warbixinta lagu sheegay. Warbixinta ayaa waxaa ay ku sheegeen in xafiiska lataliyaha Madaxweynha uu saddex jeer u oggolaaday in ay galaan Bakhaarrada keydka Hubka ee Soomaaliya laakiin uu labo jeer oo kale u diiday. Intii u dhaxeysay February ilaa May 2018 Kooxda dabagalka waxaa ay sheegeen in Keydka Hubka ee Soomaaliya ku soo arkeen 27,000 oo Qoryaha RPG7 ah,kuwaas oo yaallay Bakhaar saqafkiisa sare la dacaytiray, sidoo kalena darbiyada Bakhaarka la xoojiyay,waxaana howshaas dayactirka ah qabatay Hay’adda Miina Baarista ee Main Action. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Jubbaland ayaa digniin u diray dadka baraha bulshada ku faafiya warar ay u arkaan inay yihiin kuwo looga been abuurayo Jubbaland. Taliyaha ciidamada booliska ee Gobolka Jubbada Hoose Gaashaanle Sare Maxamed Naasir Guuleed, oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay inaysan marnaba aqbaleyn dadka baraha bulshada ku qora wararka la xiriira Jubbaland. Taliyaha ayaa intaasi ku daray inay jiraan dad badan oo warar beena buur ah ku qora baraha Bulshada gaar ahaan Barta Facebook, waxaana uu sheegay inay garbaashi doonaan cid walbaa oo arimahaasi ay ku qabtaan. “Waxaan rabaa inaan u sheego cid kasta oo wadada Sharciga ah la leexato in tallaabo laga qaadi doono, kuwa xun xun ee Facebook wax ku qora waxan u sheegayaa in aanan ka yeeli doonin oo karbaash baa u yaalla” ayuu yiri Taliyaha. Jubbaland ayaa maalmihii ugu dambeeyay digniino kala duwan u jeedineysay dadka mucaaradi kara maamulka Axmed Madoobe ee Jubbaland. Ciidamadda Amaanka Jubbaland ayuu sheegay inay la xisaabtami donaan qof kasta oo faafiya Warar been Abuur ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Sida lawada filayo in ay dalka kadhacdo doorasho 2020-ka ayaa ah qorshaha ugu weyn ee dowladda federaalka horyaalla, guddiga doorashooyinka qaranka ayaa loo igmaday in ay fuliyaan qabashada doorashada 2020-ka, iyadoo lawada ogsoon yahay duruufaha kala duwan ee dalka kajira iyo heerka wacyiga siyaasadda dalka gaarsiisan yahay, waxaa kaloo xusid mudan in si durugsan loo fahmo awoodda fulineed ee guddiga doorashooyinka qaranka uu leeyahay iyo baahiyaha ay qabaan. Caqadaha ku hor dadban guddiga doorashooyinka qaranka ayaa ah mid ka baxsan itaalka guddigu leeyahay, filashada natiijo siyaasayadeed ee umadda soomaaliyeed ku qanci karaan ayaanan la-jaan-qaadi karin baahiyaha baaxadda leh ee guddiga doorashooyinka qaranka ku gadaamman, duruufaha dhaqaale ee guud ahaan dalka kajirta iyo khibrad yarida qabashada doorashooyinka qof iyo cod dalka ka qabsoonta, waxaa sii wehliya saan barashada hay’adaha dowliga curdanka ah ee dalka ka dhisan gaar ahaan guddiga doorashooyinka qaranka. Caqabaha hortaagan qabsoomidda doorashada 2020-ka, waxay u qaybsantahay shan qaybood oo kala ah, awoodaha guddiga doorfashooyinka leeyahay, fahamka shuruucda doorashooyinka, dhismaha xisbiyada billawga ah, wacyigalinta bulshada colaadaha kasoo baxaysa, iyo amni xumada dalka kajirta, waxaa qasab ah in la dul- istaago shantan mushkiladood ee u baahan xal u helid kahor inta aysan qabsoomin doorashooyinka 2020-ka. Guddiga madaxa bannaan ee dooraahooyinka. Haqab-tirka baahiyaha horyaalla GMDQ ayaa ah u dub-dhexaadka gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday, oo ay ugu horreyso helidda dhaqaale ku fillan oo ay ku fuliyaan howlaha doorashooyinka, duruufaha haysta GMDQ waxaa kamid ah helista qubaro iyo aqoonyahanno ku xeel dheer howlaha doorashooyinka ee wadamada dagaallada sokeeye soo mareen ama weli kudhexjira, islamarkaan khibrad mug weyn u leh geeddi- socodka qaran-dhiska wadamada bulshooyinkiisa kala irdheysan yihiin. Caqabadaha GMDQ haysta waxaa ka mid ah, ballaarinta xarumaha, qorista shaqaalle kufillan iyo tababaridda howl-wadeennada GMDQ, qabashada doorashooyinka waxaa aasaas u ah in maamulada dalka kajira raali ka yihiin in GMDQ ay ka howlgalaan dhammaan goobaha ay ka taliyaan maamul goboleedyada, iyo in ay helaan dammaanad-qaad buuxa, islamarkaana GMDQ u madax bannaan yihiin qabasashada howlahooda. Sharciga doorashooyinka. Fahamka shuruucda doorashooyinka iyo sharciga axsaabta siyaasadda ayaa ah sharciyo ku adag in xisbiyadu fahmaan ama ay u hoggaansamaan si xisbiyadu uga qeyb galaan tartanka doorashada 2020-ka, qodobada ugu adag sharciga doorashada ayaa liddi ku ah heerka awoodda dhaqaale oo ay xisbiyadu gaarsiisan yihiin, sida bixinta qidmadda(Shan boqol iyo konton kun oo doolar) $550,000 ee ah diiwaangalinta musharaxiinta 275-ta xisbiyada iyagoo isu dheellitiraya beelaha soomaaliyeed si ay u helaan matalaad simman, qodobadan ayaa ah shuruud caqabad weyn ku noqon kara xisbiyada. Axsaabta siyaasadda waxaa waajib ku ah in ay buuxiyaan shuruudaha sharciga axsaabta kahor inta aysan ka qaybgalin tartanka doorashada, oo ay ugu muhiimsan tahay in Xisbi walbaa uu la yimaado ugu yaraan 10,000 oo ruux kana kala imaanaya 9 gobol oo ka mid ah 18 gobol oo uu waddanku ka kooban yahay, sharciga doorashooyinka 2020-ka oo aan Dimuqraaddiyadeysnayn iyo buuxinta shuruudaha sharciga axsaabta oo ay ku adagtahay in xisbiyadu dhammeystiraan ayaa ah shuruuc adag oo aanan ku habbooneyn wacyiga siyaasiga ah ee dalka kajira. Dhismaha Xisbiyada. Xisbiyada siyaasadda waxaa aas-aasaya dad ku midoobay aragti siyaasadeed iyo mid maamul oo ay doonayaan in ay ku dabbaqaan dalka marka ay ku guuleystaan tartanka doorashada, dhismaha xisbiyada waxaa ugu horreeya isu imaatinka siyaasiyiinta doonaya in ay dhaqan galiyaan afkaartooda siyaasadeed si ay ugu heshiiyaan qaab-dhismeedka xisbiga iyo shuruucda tiirarka xisbiga dhexdiisa ah, waxaa kaloo kamid ah tiirarka dhismaha axsaabta biseylka iyo heerka aqoonta siyaasiyiinta askumaysa xisbiyada, islamarkaana awood dhaqaale u leh suuq-gaynta aragtida xisbiyada iyo qarashaadka ku baxa xafiisyada xisbiyada, xisbiyada hanaqaadka ah ee dalka ka abuurmaya ayaa u nugul u hoggaansanaanta hanaanka dimoqraafdiga ee xisbiyadu lagu dhisayo, koboca xisbiyada ayaa ah mid u baahan muddo ay uga qaangaaraan murannada xisbiyada socod-baradka ah ay la kulmaan, si ay u xambaaraan masuuliyadaha qaranka. Wacyi-galinta bulshada. Heerka wacyiga siyaasadda ee bulshada ayaa ah mid saamayn badan ku leh dagaalladii sokeeye ee dalka soo maray, islamarkaana ka dhex abuuray shaki iyo is aaminaad la’aan daahisay geeddi socodka qaran-dhiska mudada dheer soi jiitamayay, damqashada xanuunka dhaawaca gaaray ruuxda qaranka ayaa ku xayn-daabay bogsiinta nabarrada gaaray damiirka iyo garaadka umadda soomaaliyeed, maamuladii dalka soo marayna marnaba iskuma howlin burcad-isu-marinta laabta walaalaha soomaaliyeed ee kala irdhoobay mudada fog. Wacyi-galin siyaasadeed kaliya laguma abuuri karo kalsoonida umadda laga doonayo in ay aqbasho xalaalnimada tubta qaran-dhisidda lagu howlanaa 18 sanno ee lasoo dhaafay, waxaana daliil u ah sida bulshada u saluugsanayd cadaaladda maamulada dalka soo maray ama kajira, sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah in wacyi-galinta siyaasadda lagu billaabo baridda dhammaan shruucda doorashooyinka, iyo kan axsaabta si ay ufahmaan wadiiqadda loo marayo ka qaybgalka siyaasadda, waxaa ay bud-dhig u tahay wacyi-galinta siyaasadeed ee lagu yag-leelayo qarannimada. Xaaladda amni. Xaaladda amni xumo ee dalka ka taagan ayaa ah mid marag-madoonto ah, dagaallada argagaxida ay ka wadaan dalka wuxuu hor istaagay dhammaan horumarka nololeed iyo kan dowladeed, islamarkaana shacabka ka quusiyay suurtagalnimda in laga gaaro guul dhammaystiran ururada argagaxisada wadanka jooga. Ciidamada qalabka sida ee JFS ayaa hareeyay caqabado gaarsiisan heerka ugu hooseeya, mushaar yari, qalab yari, iyo tayada la’aanta maamul ee ciidanka, duruufahan oo sabab u noqday in aysan kufilnaan dagaallada lagaga hortagayo argagaxisada iyo sugidda amniga qaranka guud ahaan. Dhowridda nadab galyada xilliyada doorashooyinka ay dhacayso ayaa u baahan cudud amni oo la,isku halayn karo iyo ciidan u carbisan ilaalinta habsami u socodka hannaanka doorashada iyo dhowridda hab-dhaqanka dimoqraaddiga ah ku sallaysan isla markaana ciidamadu ixtiraamaan aragtiyaha kala duwan ee xisbiyadu leeyihiin, masuuliyadaha amni iyo tan xaq-dhowrka ee kuxeeran qabsoomidda doorashada ka dhacaya dalka 2020-ka ayaa kabaxsan khibradda iyo awoodda ciidamada qalabka. Gunaanad. Xal uhelidda caqabadah iyo duruufaha kor ku xusan ayaa u baahan muddo ku filan si loo gutto waajibka dastuuriga ah ee ah in doorasho qof iyo cod ah dalka kadhacdo, sidaas darteed waxaa habboon in dib loo dhigo qabashada doorashada 2020-ka muddo labo sanno ah, si dalku dib ugu noqonin ismari-waayadii siyaasadeed ee ku horgudbanaa dhismaha qaranka Soomaaliyeed sannadihii nadhaafay. Mahadsanid. W/Q: Abdirahim Ahmed dhageey C.a.dhagey@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  4. Arar kooban Bishii lixaad ee sanadkaan 2018 ayaa madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada waxay ku heshiiyeen in dalka ay ka dhacdo doorasho u qof kasta oo soomaaliya codkiisa u dhiiban karo si xor , xaal ah iyo cabsi la’aan. Madaxda soomaaliyeed waxay go’aamiyeen in la qaatay hanaanka doorasho ee saami-qeybsiga ku dhisan. Qormadaan waxaan si kooban ugu soo bandheynaa suurgalnimada doorasho hal iyo cod ku dhisan oo ka dhacada dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka iyo habka awood qeybsiga ee 4.5 loo yiqaano. Waxaan sidoo kale qormadaani ifineysaa fursadaha iyo ciladaha uu leeyahay nooca doorasho ee la qaatay. Doorasho hal cod iyo qof ah. Marka la eego dhibaatooyinka amni, dhaqaale iyo siyaasadeed, waxaa muuqeynaysa in sanadka 2020 aaney dalka dhici karin doorasho fursad siiney qofkasta oo muwaadin qaangaadh ah. Waxaa dhici kara waa dhoorasho ka wanaagsan tii dadbaneyd ee dhacday sanadkii 2016 laguna soo doortay xubnaha baarlamaanka 10aad ee hadda shaqeynaya. Waxaa jira waxyaabo asaas ama lagama maarmaan u ah iney dhacdo doorasho guud oo fursad u siineysa qofkasta oo muwaadin ah, isla markaana buuxiyey shuruudihii codbixiyenimada. Waxyaabaha lagama maarmaanka u ah dhicitaanka doorasho dadweynuhu miyi iyo magaalaba ka qayb geli karaan waxaa ka mid ah: Tirakoob Qaran: si doorasho xor iyo xalaal ah u dhacdo waan in dadka dalka ku dhaqan iyo qurba joogtaba la tiriyaa/tirakoobaa. Ogaansha tirada muwaadiniinta dalka waxay laga lagama maarmaan u tahay qorsheynta iyo jaangoynta doorashada iyo kuraasta baarlamaanka dowladda federalka. Markaad xaaladda dalku ku jira eegtid waxaa kuu soo baxaysa inaaney suurgal ahayn in la qabto doorasho hal qof iyo hal cod ku dhisan. Xaaladaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ayaan ogalaaneyn in dadweynaha soomaaliyeed xiligaan la tirakoobo, taasi waxay na garansiineysaa in doorasha la sugayaa aaney noqon doonin mid qofkasta siineysa fursad uu codkiisa/codkeeda si xor ugu dhiibato. Haddii uu hirgalo nooca doorashada saami- qeybsi xubnaha baarlamaanka , waxaa doorashada ka qeyb-geli doona tira kooban oo dadka magaalooyinka ku nool ah. Degaan Doorasho La’aan: markaa la sameeyo tirakoob qaran (National Census ) ee mudiniinta, waxaa la jaangooyaa tirada xildhibaanada ay yeelaneyso degmo iyo gobol kasta oo dalka ka mid ah. Maadaama deegaano badan oo dlaka ma mid ah ay ku jiraan gacanta ururka Alshahab iyo maamulka Somalilandna oo sheegtay inuu gooni u go’ay, suuragal maahan in deegan (Constinuency) xildhibaan kasta laga soo doorto la saameeyo, waayo dalku waa kala xirxiran yahay. Diiwaan Gelinta Codbixiyeyaasha: si doorasho xor iyo xaal ah ay u dhacdo waxaa lagama maarmaan ah in la diiwaangeliyo codbiyeyaasha ku dhaqan dalka gudihiisa iyo dibadiisa. Diiwaangelin ka dib qof kasta wuxuu xaq u yeelanayaa in la siiyo aqoon muujinayo inuu diiwaangashan yahay uuna awood u leeyahay inuu codeeyo. Shaqada diiwaangelinta doorteyaashu waa mid aad u dhib badan oo u baahan waqti iyo dhaqaale badan. Marka loo fiirsada duruufaha ka jira Soomaaliya, waxaa lagu doodi karaa in dhamaan dadka jecel ama diyaarka u ah iney codkooda dhibtaan aaney heli doonin karaka aqoonsiga ee codbixinta. Waxaa keliya la yeeli karaa in tiro shacabka ka mid laga diiwaangeliyo meelaha la tegi karo. Awood qeybsiga Beelaha: Maadaama aan la tirakoobin dadka soomaaliyeed, waxaa khasab noqoneysa inaan laga guurin habka hadda lagu dhaqmo ee 4.5 kaasoo beeluhu waxa ku qeybsadaan. Tirinta dadweynuhu waxay lagama maarmaan ka dhigi lahayd in kuraasta baarlamaanka loo qeybiyo tirada dadweynaha ku nool degmooyinka iyo goboladda dalka. Maadaama doorashadu aaney bedelayn habkii beelaha ku dhisnaa, ma noqon karto mid buuxineysa shuruudaha tartanka furan ee demoqaraadiyadda. Doorashada Saami Qeybsiga Metalaada Noocan doorasho waxaa isticmaala dalal badan oo reer Yurub ah iyo wadamo kale oo badan, waana mid ku dhisan saami qeybsi (Proportional Representation) iyo tartanka xisbiyada badan (muliti party system). Noocaan doorasho waxay qeexaysaa: Qaacida doorasheedka dalka: waxaa jira qaacidooyin badan oo loo adeegsado sida loo tiriyaana codadka dadweynihii doorashada ka qeyb galay iyo sida kuraasta baarlaanka ay u kala helayaan xisbiyada tartanka ka qeybgalay. Qeybinta kuraasta: Sida kuraasta loogu qeybinaayo degmooyinka iyo deegaanada ay doorashadu ka dhacday, waa haddii doorashadu ay ku saleysan tahay Deegano, tusaale haddii degmadiiba loo qoondeeyo saddex (3) kursi, xisbiyadu waxay ku tartamayaan kuraasta xildhibaannada degmo kasta. Arrintaan in la hirgaliyo ma sahlana, waayo haddii la yiraahdo dowladda goboleed kasta ha laga dhigo degmo doorasho xildhibaanadii hore looga soo doortayna halaga soo doorto, xisbiyaduna ha u tartamaan, maxaa laga yeelayaa gobolada waqooyin ee doorashado aaney ka dhicin Karin? Codbixinta iyo tirinta: Sida codbiyeyaashu ay u dhiibanaayaan codkooda una dooranayaan xisbiga iyo murashaxa ay doonayaan iyo dahfurnaanta habka codadkii la dhiibtay loo tirinaayo ayaa u baahan in si wanaagsan loo qeexo, haddii kale waxaa imaan karta muran horseeda qalalaase iyo degenaansho la’aan hor leh Cabirka saamiga qeybsiga: waxaa lama huraan ah in la jaangooyo tirada ugu yar (Threshold) ee codadka uu xisbi ku heli karo kuraas/ xubno uga qeyb gala ama ku metela baarlamaanka. Haddii aan sidaan la yeelin waxaa soo bixi kara xisbiyo yaryar oo aad u fara badan kuwaas oo aan isku hadaf ahayn abuurina kara degenaansho la’aan siyaasadeed. Habka liiska Xiran ee Saami qeybsiga baarlamaanka Habkaani wuxuu fursada u siinyaa in xisbi kasta inuu soo bandhigga 275 murashax oo ku dhisan habka awood qeybsiga ee beelaha soomaaliyeed waayadan dambe wax ku qeybsanaayeen ama 4.5. Dadweynuhu waxay kala dooranayaan xisbiyada, iyagoo tixgelinaayo ajendaha, barnaamijka iyo sumcadda/magaca dadka ku jira liiska murashaxiinta xildhibaannadda golaha shacabka. Waxaa xusid mudan in sida Liiska ay ugu kala horeeyaan ay xisbiyadda mudnaanta u kala siiyaan murashaxiinta. Tusaale ahaan haddii xisbi uu helo tiro codad saami ahaan u dhiganta 10 xildhibaan waxaa la siiyan toban qof ee ugu sareysa liiska xisbiga. Fursadaha Liiska Xiran. Habka metelaadda qeybsiga ee liiska xiran waxay leedahay faa’iidooyin badan, laakiin waxaan ka soo qaadaneynaa kuwo ugu waa weyn: Korinta Awoodda Xisbigga: habka liiska xiran wuxu awood siinayaa Xisbiyada, wuxuuna xisbi kasta codbixiyeyaashu u soo bandhigayaa barnaamijkiisa uu wax kaga qabanayo dhibaatooyinka dhaqaale, bulsho iy siyaasadeed ee dalka ka jira. Doorasho Dadweyne: Habka liiska xiran wuxuu sahlayaa in dalka inta la gaadhi karo laga qabto doorasho cod dadweyne. Waxaan tirada codka la helay loo qeybinayaa tirada guud ee baarlamaanka. Sidaas darted wuxuu yareynaa baahida loo qabi lahaa in laga codeeyo meelaha ay dowladdu talin sida goobaha ay Alshabab xukunto iyo deeganada ay soomaaliland ka maamusho. Shaxdaan hoose ku qoran ayaa muujineysa sida ay u dhici karaan Tira codbixiyeshaa Goobta deeganka codbixinta Xisbi 1 Xisbi 2 Xsibi 3 Xisbi 4 250,000 PSS 12, 500 50,000 165,000 22,500 250,000 KGS 65,720 38,480 45,000 100,800 250,000 JSS 84,000 72,000 25,000 69,000 250,000 GSS 29,000 130,000 42,000 49,000 250,000 HSS 19500 100,200 75,300 55,000 500,000 Benadir 125,000 183,000 144,000 48,000 1,750,0000 6 323,220 573,680 496,300 344,300 % Kursi 18% 51 33% 90 28% 78 20% 54 Marka 275 loo qabiyo tira guud ee codadka la dhibtay oo ah 1,750,000 waxaa xildhibaankiiba dooraneysa qiyaastii 6364 qof. Marka aad eegto shaxdan muujineysa sida xisbiyadu cod u heli karaan, waxaa kuu soo baxaysa in haddii sidaan oo kale dhacdo aan xisbina keligiis guuleysan Karin. Si loo helo in ka badan 50% waxaa lama huraan ah in xisbiyadda qaarkood dhistaan gaashaan buur. Shaxda sare ku xusan kuma saleysna dasaarad la sameeyey iyo qiyaas xog-agaalnimo, lakiin waxaan u soo qaadanay keliya tusaale iyo inaan muujino nooca doorasho la qaatay natiijada ka soo bixi karta. Xisbi weyn ama Isbahaysi: Liiska xiran wuxuu keenaa in dalka hogaamintiisa aaney u gacan gelin koox yar ama xisbi yar oo aan heli Karin taageerada shacabka. Liiska xiran wuxuu suurgalinayaa in xildhibaannada lagu doorta xisbiga ay ka tirsan yihiin. Qabyaalad Yaraan: Habkaani wuxuu yareynayaa saameynta qabiilku ku leeyahay doorashada xildhibaanka, maadama ay codbixiyaasha taageereen xisbiga iyo liiska uu soo gudbiyey keliya ee aaney dooran xildhibaankii meteli lahaa. Musuqmaasuq Yaraan: Waxaa yaraanayo musuqmaasuqa loo adeegsado doorashada xildhibaannada baarlamaanka. Maadaama aan xildhibaanka loo codeyn waxaa yaraaneysa lacagtii lagu bixin jiray odaayasha iyo ergadii wax dooran jirtay. Tartan: Habkaani wuxuu abuurayaa siyaasad xisbi oo ku saleysan tartan iyo waxqabad. Fursadda dadka awood badan yahay: Habkaan Waxaa uu fursad siinayaa dadka ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay, haweenka iyo naafadda, maadama xisbi loo codeynaayo ee aan qof loo codeyneyn Fursad Xisbiyadda Yaryar: Wuxuu fursad siinayaa xisbiyada yar-yar ay ku heli karaan xubno metela barnaamijkooda siyaasadeed. Ciladaha Liiska xiran Liiska xiran wuxuu leeyahay cilado badan oo ka badan fursadihiisa. Waxaan ku soo koobi karnaa Ciladaha liiska xiran: Awoooda xisbiyadda: hanaankaani wuxu xoojinayaa awoodaha xisbiyadu ay ku magacaaban karaan qofka doonaan, kaas oo laga yaabo inaanu cod heleen haddii murashaxiinta xisbigu soo bandhigay Xiriir liita: wuxuu daciifinayaa xiriirka ka dhexeeya xildhibaanka iyo codbixiyaasha, waayo doorteyaashu codkooda ma siinayaan xildhibaanka ku qoran liiska xisbiga Awoodda hogaamiyaha xisbiga: wuxuu kor u qaadayaa awoodda hogaamiyaasha xisbiyadda,wuxuuna fursad u siinayaa inay xildhibaan ka dhigaan qofka ay doonayaan Dhaqan nacamleyn ah: waxaa aad badaneysa nacamleeya iyo u dhago nuglaanta hogaamiyaha xisbiga iyo eexda loo sameeyo kuwo muujiya inay xisbiga iyo hogaamiyaha Xisbiyo tiro badan: wuxuu soo baxaya xisbiyo fara badan oo midkoodna aanu haysan tirade laga rabay ee uu ku heli lahaa aqlabiyad. Gorgortan degenaasho la’aan siyaasadeed: Maadaama ay jiraan xisbiyo yar yar oo fara waxaa adkaaneysa in dowladda si sahlan loo dhiso, waxaan lagu mashquulaa sidii isbahaysi loo dhisilahaa, taasi waqti badan ayey dowladda ka lumisaa. Dowladda Isbahaysi : Waxaa sameys ma xisbiyo isbahaystay oo sidaa dowlad ku dhisan. Haddii xisbiyaddii isbahaysiga ahaa midkood ka baxo heshiiskii ay hore u wada galeen xisbiyaddu waxaa laga in dowladdu weydo aqlabiyadda baarlamaanka kadibna ay halkaa ku dhacdo. Dalka Talyaaniga ayaa ah tusaalaha ugu fiican ee ishahaysiga xisbiyada iyo degenaasho la’aanta siyaaseed ee ay keenaan. Daryeel la’aan bulsho: maadaama xildhibaanka aan cod lagu soo dooran ee xisbi uun loo codeeyey, xildhibaanku kama shaqeeyo danaha iyo mudnaanta bulshada deegaankii ku metelaayey. Xisbiyo Xagjir ah: waxaa dhici karta in xisbiyo aaminsan aragti siyaasadeed khatar ah ay codad badan helaan sidaasna ay xubno ku yeeshaan baarlamaanka, markaa ka dib ay helaan fursado ay ku abuuri karaan qalalaaso siyaasadeed. Gunaanad Nooca doorasho ee saami-qeysbiga metelaada baarlaanku waxaa lagu tilmaami karaan kan ugu haboon ee looga gudbi karo xiligaan iyo duruufaha dalka ka jira. Waa muhiim in la ogaado in nooca doorasho laga wanaagsan yahay haddii dalka duruufaha ka jira maanta laga gudbo. Nooca doorashadaan waxay fursad kooban siineysaa dadweynaha soomaaliyeed oo intooda badan aan weligood codkooda dhiiban, waxayna dalka abuuraysaa jawi horseedi ka tartan xisbiyo iyo demoqaraadiyad ka hirgasho Soomaaliya. W/Q: Dr Cabdullahi Maxamed Xersi (Qorax) Dr Cabdullaahi Maxamed Xersi (Qorax) waa aqoonyahan ku takhasusay cilmiga nabadda iyo xalinta khilaafyada haystana shahaada PhD da. Wuxuu ku noolyahay magaaladda Nairobi, dalka Kenya Email: abdullahi.qorah@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  5. CIA finds Saudi crown prince ordered Khashoggi killing – report Washington Post says Mohammad bin Salman’s brother, the Saudi ambassador to the US, advised journalist to attend Istanbul consulate The CIA has concluded that Saudi Crown Prince Mohammed bin Salman ordered the assassination of journalist Jamal Khashoggi in Istanbul, the Washington Post has reported. The Post said US officials expressed high confidence in the CIA assessment, which contradicts Saudi government assertions that he was not involved. It is the strongest assessment to date linking Saudi Arabia’s de facto ruler to the killing, and complicates Donald Trump’s efforts to safeguard US ties with one of the closest American allies in the region. The crown prince has denied any involvement or knowledge of the murder of Khashoggi, a contributing columnist for the Washington Post, on 2 October this year at the Saudi consulate in Istanbul, which he visited to get a document for his upcoming marriage to his Turkish fiancee. The White House declined to comment on the Post report, saying it was an intelligence matter. The State Department also declined to comment. The Post, citing people familiar with the matter, said the CIA reached its conclusions after examining multiple sources of intelligence, including a phone call that the prince’s brother – Khalid bin Salman, the Saudi ambassador to the United States – had with Khashoggi. Khalid told Khashoggi he should go to the Saudi consulate in Istanbul to retrieve the documents and gave him assurances that it would be safe to do so, the Post said. The newspaper, citing people familiar with the call, said it was not clear if Khalid knew Khashoggi would be killed, but he made the call at his brother’s direction. After the Post published its story, Khalid bin Salman denied telling Khashoggi to go to Turkey. He tweeted that the last contact he had with Khashoggi was via text on 26 October 2017, nearly a year before the journalist’s death. “I never talked to him by phone and certainly never suggested he go to Turkey for any reason. I ask the US government to release any information regarding this claim,” he said in his Twitter message. In a second tweet, he published what he said was his full response to the newspaper. Earlier this week Saudi Arabia said it would pursue the death penalty for five suspects charged with ordering and carrying out the killing. The Saudi public prosecutor claimed Saudi agents – including the head of forensics at the national intelligence service and members of Mohammed bin Salman security detail – had orders to abduct Khashoggi but decided to kill him when he resisted. The claim had been contradicted by an earlier Saudi finding that the murder was premeditated. Mohammed bin Salman was not implicated in the murder, a spokesman for the prosecutor said Source The guardian Qaran News
  6. Washington DC (Caasimada Online) – Hay’adda sirdoonka dhexe ee Mareykanka ee CIA, ayaa go’aamisay in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu amray dilka suxufi Jamaal Khaashuqji, taasi oo burineysa doodda Sacuudiga ee ah in Bin Salmaan uusan waxba ka ogeyn dilka, waxaa sidaas werisay Washington Post. Qiimeynta ay sameysay CIA-da, ayaa ah tii ugu xoogganeyd ee Bin Salmaan si toos ah ula xiriirineysa dilka Jamaal Khaashuqji, oo labadii October ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Ayada oo go’aanka gaareysa, ayaa CIA-da waxa ay darastay ilo-sirdoon oo dhowr ah, oo ay ku jiraan taleefon uu Khaalid Bin Salmaan, oo la dhashay Maxamed Bin Salmaan, islamarkaana ah safiirka Sacuudiga ee Mareykanka u diray Khaashuqji.’ Khaalid ayaa u sheegay Khaashuqji inuu tago qunduliyadda oo uu kasoo qaato waraaqahiisa furiinka, si uu u guursado gabadha u calmaneyd ee reer Turkey, isaga oo u damaanad qaaday inaan wax dhib ah la gaarsiin doonin. Ma cadda haddii Khaalid ogaa in Khaashuqji la dili doono, hase yeeshee waxa uu taleefonka ku diray codsiga walaalkiis Maxamed Bin Salmaan, sida ay leedahay Washington Post. Wada sheekeysiga ayaa waxaa dhageystay CIA-da. Fatimah Baeshen, oo ah afhayeenka safaaradda Sacuudiga ee Washington ayaa sheegtay in Khaalid iyo Khaashuqji aysan ka hadlin wax ku saabsan inuu Turkiga aado. Khaashuqji ayaa deganaa Mareykanka. Waxa ay intaas ku dartay “qiimeynta CIA-da waa been abuur. Waxaan maqleynay oo weli maqalnaa sheekooyin kala duwan, ayada oo weli aan la hayn caddeymo sal leh.” Qiimeynta CIA-da ee ku lug lahaanshaha dilka, ayaa waxaa sidoo kale saldhig looga dhigay in Maxamed Bin Salmaan oo ah ninka sida dadban u xukuma dalka, uu wax kasta la socdo, xitaa waxyaabaha yaryar. “Go’aanka la isku raacsan yahay ayaa ah inaysan arrintan dhacdeen ayada oo aanu Maxamed Bin Salmaan ka war-hayn” ayuu yiri sarkaal la hadkay Washington Post. Go’aanka CIA-da ay gaartay ee ku lug lahaanshaha Maxamed ee dilka Khaashuqji ayaa sidoo kale waxaa waafaqsan akhbaaraadka ay hayaan dowlado kale oo u badan kuwa Yurub, kuwaas oo go’aamiyey in howl-galka uusan dhici kareen la’aanta Maxamed Bin Salmaan. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
  7. In xeer loo sameeyo hay’adda duulimaadka rayidka ah ee Soomaaliya waxa ay uga dhigan tahay:- A – Wuxuu xaqiijinayaa lahaanshaha adeegan in uu gooni u ahaado kaliya dowladda Soomaaliyeed. B – Wuxuu ka hortagayaa in hawada Soomaaliyeed shirkado ama dalal shisheeye la hoos geeyo. C – Wuuxuu saldhig u yahay hanashada iyo ilaalinta xuduudaha hawada Soomaaliyeed. D – Wuxuu fure u yahay la soo wareegida maamulka hawada Soomaaliya ee maanta ay gacanta ku hayso hay’adda ICAO iyo shirkado kale oo laga leeyahay dalal kale. Ayadoo oo sharcigan uu leeyahay muhiimaddaas oo dhan, ayaa hadaba waxaa ayaandarro ah in sharcigii intaas oo himilo ah laga sugayey in uu hirgaliyo muddo dheer in wasiirka gaadiidka uu maanta baarlamaanka horgeeyo wax sharci la mood ah, oo mugdi galinaaya dhamaan himilooyinka kor ku xusan, keeni karana hadduu hirgalo in hawadeena ay gobol gobol u kala go’do ama shisheeye loo gacan geliyo. Sharci la moodkan wuxuu ka kooban yahay 1- Qayb laga soo xaday sharciyada duulimaad ee dalal kale. 2 – Qayb laga soo minguuriyay xeer ciqaabeed(Criminal low), iyo 3 – Qayb sahlaysa in aviation-ka dalkeena loo gacan galiyo ama ay la wareegaan shirkado shisheeye. Waxaa kale oo ayaandarro in wasiiradii soo maray wasaarada gaadiidka ay afduubteen adeegaan oo ay ku ganacsadaan, kuna faanaan amaba ka been sheegaan la soo wareegidda hawada Somalia. Sidoo kale, waxaa ayaandarro ah in ay iska indho tiraan in adeegan uu yahay astaan qaran (Somali Civil Aviation Authority), uuna yahay ilaaliyaha xuduudaha hawo ee dalkeenu leeyahay, sidoo kale uu yahay adeeg la falgalo dhammaan adeegyada qaran ee dal uu leeyahay sida ganacsiga, socdaalka, caafimaadka, ciidamada (Cirka iyo dhulkaba). Hadaba waxaa muhiim ah in labada aqal ee dowlada, ay xeer ku sheegaan loo soo gudbiyay hoos u eegaan oo ay bar bar digaaan 1- Xeerkii tirsigiisu ahaa Lam XASH/42/184/90 oo ay hore u ansaxiyeen baarlamaankii dowladii AUN Maxamed Siyaad Barre ee la ansaxiyay 25/9/1990-kii, 2 – Sharcigii ay diyaariyeen khubaradii aviation-ka, iyo 3-kii ICAO u diyaarisay baarlamaanka Somalia in ay mas’uuliyadeeda kula wareegto. Dhamaan xeerarkaan kor ku xusan waxay fure u noqon karaan badbaadada adeegaan iyo u diyaariinta sharci ka turjumi kara dhammaan himilooyinka aan kor ku soo xusnay, Sharcigaasi, oo keeni karo in dowladeenu kula soo wareegto mas’uuliyadda hawada dalkeena oo qaybta ugu muhiimsan maanta ay ICAO gacanta ku hayso, qaybta kalena gacanta ugu jiro shirkado dalal shisheeye. Haddaba sharcigan qaldan iyo midka saxda ah, waxaa sharxaya aqoonyahan Maxamed Abuukar Nuur, oo ah khabiir dhinaca duulimaadka ah.
  8. Maanta waxay saxaafadaha Soomaalodu sheegayeen in Xabsi la dhigay Gebregziab Alemseged Abraha oo Soomaalidu ugu yeeri jireen Janaraal Gabre. Warbaahinta Puntlandi.com oo u kuur gashay Wararkaan baaritaana ku sameysay ayaa waxaan ogaaney in Warkaan wax xaqiija la wasyey. Saraakiil ka tirsan Dowlada Itoobiya oo ka warheyn lahaa hadii la xiray Jendraal Gabre oo aan wax ka waydiiney warkaan waxay sheegeen ineysan maqal xariga Jeneraal Gabre. Jenaral Gabre oo ahaan jiray Sargaalkii watay Ciidanka Itoobiya Markay koonfurtaSoomaaliya ay Soo galeen ayaa Soomaalida qaar ku eedeeyaan inuu faraha kula jiray Siyaasada Soomaalia. Puntlandi.com Adis ababa Source
  9. Dunnida aan ku noolnahay Damac-shisheeye kama dhamaado. Aadanaha wuxuu isdheer yahay garashada iyo dadaalka. Adduunka maanta waa sidii maqsin quraa oo kale; wixii galbeedka ka dhaco, Bariga durbadiiba waa gaaraa! Maanta ma ahan maalinkii dhag kaliya shacabka wax ka maqli jireen, maanta ma ahan maalinkii garashada dhami shaqsi gaar ah loo nisbeyn jiray “ Aabihii Garashada” “Guulwadoow”! Waxaa xaqiiq ah in Gobolkeena uu isbedel ka dhacay, laakiin in badan oo inaga mid ah aywaaga la-noolyihiin riyooyinkii qayaaliga ahaa. Kuwaa waxaba ka daran kuwa doonayo inay maanta soo jeedka ku riyoodaan. Riyooyinkaas waxaa ugu qosolka badan; Adigoo gabay mas’uuliyadii gaarka kuu aheyd inaad ka guul sheegato hoolaan laguu idman. “ Nabbadgalyada Geeska Afrika”! Aduunka qorshaa lagu meel maraa. Culumada Bulshada waxeey yiraahdiin” hadaad bilaa qorsha tahay ogoow qorsho Duul kale dejistay ayaad ku hoos jirtaa” sida muuqato Damacii Ethiopia isma bedelin ee hogaankii uunbaa isbedelay. Abiy Ahmed wuxuu ku shaqeeya qorsho qoran, wuxuu miisaan wax ku saara; Danta Dalkiisa. Wanaagiisa waa mid u gaar ah Dalkiisa. Inuu hogaankeen u dhoola cadeeyo kama tarjumeyso ineey dhagartii suushay. Waxaa ii muuqato maanta In Ethiopia ee ku jirto casri dahabi ah, sababtoo ah hamigii ahaa dhul iyo Dadba boob ayaa u rumoobi rabo. Waxeey maanta heesataa kuwa shaarka ka Soomaali ah, laakiin quluubta ka Ethiopian ah. Maanta waxaa Dalkeena ka jirto; Waddaniyad afka baarkeed ah. Duufaanta socoto waa mida inaga qaaday garashadii aheyd; Xigto iyo xigaal. Masalan, Eritrea iyo Djibouti yaa xigto ah? Iskusoo wada xeeri; Dalkeena maanta hiilo ayuu rabbaa. Ogoow damaca shisheeyaha ma yaqaan xigto iyo xigaal. Waxaan kusoo koobayaa biyo inteysan kusoo gaarin ayaa leyska moosaa! W/Q:Abdullahi Mahdi #MadashaKulmiye #OgaalAragFog Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  10. Isbahaysiga xukuumadaha Muqdisho, Addisababa Iyo Asmara ayaa bilihii la soo dhaafay si xowli ah ku socday, arrintaas oo siyaabo kale duwan lagaga hadlay dhowr jeer oo hore. Dhowaan waxaa jiray siyaasado isdiidan iyo kuwa wada socda oo ku saabsan wadamo kamid ah geeska Afrika sida Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti iyo Eratariya ayaa arrintaas waxaa nala fallanqeeyay siyaasiyiin iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed. Dooddani waxaa naga la qeyb galaya Garyaqaan Cabdiwaaxid Cabdullaahi Warsame iyo Danjire Maxamed Maxamuud Caalim oo ka faallooda siyaasadda arrimaha Soomaaliya iyo tan gobolka. Qodobada lagu lafa guray doodda waxaa kamid ah arrinta cunaqabataynta laga qaaday Eratariya iyo falcelinta Jabuuti. Waxaa sidoo kale doodda lagu dul istaagay, hadalkii RW Itoobiya Abiy oo ahaa in mustaqbalka dhow Soomaaliya, Eratariya iyo Itoobiya ay yeelanayaan hal madaxweyne. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/DOOOD.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Buurdhuubo (Caasimada Online) – Taliska ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa u diiday madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe inuu tago degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo. Taliyaha ururka 4, qeybta 43 ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, Cabdi Raxmaan Ibraahim Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Axmed Madoobe uusan soo caga-dhigi karin Buurdhuubo. Waxaa uu sheegay taliyaha in garoonka diyaaradaha Buurdhuubo ay joogaan ciidamada militariga Soomaaliya, islamaraaana deegaankaasi aysan imaan karin mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka Jubaland. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Axmed Madoobe uu dhibaato ku wado dowladda federaalka Soomaaliya, islamarkaana arrintaasi aysan u dulqaadan karin. Ciidamadii ugu badnaa ayaa la sheegay in la geeyay garoonka diyaaradaha ee degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo, si looga hor-tago in Axmed Madoobe uu halkaas yimaado. Arrintan ayaa waxaa ay ku soo beegmaysa xilli khilaaf siyaasadeed uu u dhexeeyo dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, inkasta oo aysan caddeyn in madaxda sare ee dowladda ay arrintan ku lug leeyihiin. Dhowaan ayaa sidoo kale Axmed Madoobe loo diiday inuu tago degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  12. (SLT-Nairobi)Waajibaadka aanu u xilsaaran nahay ayey ka mid tahay horumarinta xidhiidhka Ganacsi ee JSL la wadaagto dalka iyo shacabka Kenya, si aanu uga *****no bartilmaameedkii Madaxweynaha JSL.” ayaa lagu bilaabay. Qoraal bartiisa Facebook uu ku baahiyey shalay Safiir-Xigeenka xafiiska JSL ee Kenya Md Ayaanle Salaad Diiriye iyo xogo dheeraad ah oo u siiyey weriye Maxamuud Walaaleye ayaa dhignaa sidan: Wasiirka Ganacsiga dalka Kenya Md Peter Munya oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Md Baashe Cawil Cumar iyo hawlwadeeno ka tirsan xafiiska Safaarada JSL ee Kenya ayaa lagaga hadlay dardargelinta xidhiidhka Ganacsi ee labada wadan iyo labada shacab wadaagaan. Kulanka oo labada dhinac arrimo kala duwan ku falanqeeyeen, isla markaana is-afgar wanaagsan ku gaadheen ayaa qeyb ka ah kulamo guud ahaan madaxda safaaradu mudooyinkii u dambeeyey la yeelanaysay madax kala duwan oo xukuumada Kenya, wakiilada Wadamada Qaadhaan-bixiyeyaasha, Saaxiibada Somaliland iyo kuwa jecel horumarkeena. Dalka Kenya oo ka mid ah dalalka caalamka ee xidhiidho taariikhi ah & saaxiibtinnimada la wadaagi jiray muddo dheer Somaliland iyo shacabkeeda ayaan isla qaadanay sidii loo sii horumarin lahaa. Gebagebadii qoraalka safaarada JSL ee dalka Kenya ka soo baxay ayaa lagu sheegay, Waxaan sii wadi doonnaa in aan la shaqeyno oo aan wax badan wada qabsano, sababoo ah, Waajibaadka aanu u xilsaaran nahay ayey ka mid tahay horumarinta xidhiidhka Ganacsi ee JSL la wadaagto dalka iyo shacabka Kenya, si aanu uga *****no bartilmaameedkii Madaxweynaha JSL. Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa kulan saacado qaatay la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Kenya Haweeneyda lagu magacaabo Monica Juma. Kulanka ayaa yimid kadib markii masuuliyiintaan ay isku arkeen magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, halkaasi oo uu ka socdo Shirka gaarka ah ee 20-aad ee Golaha Fulinta ee Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa. Labada wasiir arrimo dibadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa isla soo hadal qaaday dadaalada nabadeed ee ka socdo dalka Soomaaliya iyo sidii Kenya u labo jibaari laheyd taageerada nabadeed ee dalka Soomaaliya. Waxay sidoo kale ka wada hadleen wanaajinta xiriirka labo geesoodka ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, sidoo kale horumarinta iskaashiga labada dal ayay isla soo hadal qaadeen. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa dhigiisa Kenya kaga mahadceliyay doorta dowladda Kenya ay ku leedahay howlaha nabadeynta ee ka socdo dalka Soomaaliya. Arrimaha amaanka iyo nabad galyada Geeska Africa ayaa lagu soo hadal qaaday shirka gaarka ahaa ee u dhaxeeyay labada wasiir, waxaana wasiirada ay balanqaadeen inay si wanaagsan iskaaga kaashan doonaan la dagaalanka argagixisada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Col. Gebregziabher Alemseged Abraha, oo ay Soomaalida ay u baqaan Jeneral Gebre ayaa lagu warramaya in xabsiga loo diray, sida ay baahisay qaar ka mid ah warbaahinta dalka Itoobiya. Taleefishinka ESAT ee dalka Itoobiya ayaa shalay baahiyey in Gebre laga qabtay oo lagu xiray duleedka magaalada caasimadda ee dalka Ethiopia. Sida taleefishinka uu baahiyey, Gebre ayaa loo haystaa eedeymo ay ka mid yihiin inuu ku lug lahaa rabshado ka dhacay gobolka Soomaalida Itoobiya iyo inuu hub ka iibiyey kooxo ku sugan gudaha dalka Soomaaliya. Dowladda Ethiopia weli si rasmi ah uma xaqiijin warkan. Sidoo kale, Caasimada Online si madax banaan uma xaqiijin karto. Si kstaba, madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Gebre la xiray, waxaana qoraal arrintaas ku saabsan bartiisa twitter-ka soo dhigay agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdinuur Maxamed. “Waa war wanaagsan in kolonaylkii caanka ahaa ee Gebre lagu xiray Itoobiya. Waa nin muddo fog ku lug lahaa faro-gelinta iyo arbashaadda Soomaaliya. Xarigiisa waxa uu muujinayaa in Itoobiya ay ka go’an tahay xasiloonida Geeska Afrika” ayuu yiri Cabdinuur. Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli uu dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sheegay inay Dowladda Itoobiya joojisay faragelinta ay ku heysay dalka Soomaaliya Col. Gebregziabher Alemseged Abraha, ayaa dabayaaqadii June laga ceyriyey xilkii uu ka hayey urur goboleedka IGAD, ee ahaa la-taliyaha sare ee arrimaha siyaasadd ee xoghayaha fulinta IGAD. Gebre oo mar ahaa sarkaalka ugu sarreeya ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, ayaa mas’uul ka ahaa dilka iyo xasuuqa kumanaan Soomaali ah, iyo inuu iska horkeeno kooxaha Soomaalida ee siyaasadda isku diidan Halkan ka daawo warka ESAT ee xariga Gebre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waddamada Soomaaliya, Liibiya iyo Afqaanistaan ayaa noqday meelaha ugu halista badan caalamka, sida lagu sheegay daraasad cusub oo khariidad loogu sameynayay dadka dunida u socdaala. Warbixintan oo ay si wada jir ah u soo saareen hay’adda caalamiga ah ee caafimaadka iyo nabad galyada ee SOS iyo hay’adda la socodka khataraha adduunka ayaa musaafuriinta loogu sheegayay xaaladaha ka jira meelaha ay safarada ku tagayaan sannadka foodda nagu soo haya ee 2019-ka. Dalalka ku yaalla qaaradda Yurub ee kala ah Finland, Norway iyo Iceland ayaa loo aqoonsaday iney yihiin meelaha ugu nabdoon ee loo safri karo. Liibiya, Afqaanistaan, Soomaaliya iyo Suuriya ayaa dhammaantood safka hore ka galay meelaha uu khatarta dhimashada iyo waxyeellooyin kaleba kala kulmo karo qofka. Liiska dalalka ayaa la isugu xijinayay sida ay u kala halista badanyihiin, iyadoo dalalka ugu hooseeyana ay yihiin kuwa ugu khatarta yar. Waxyaabaha ugu badan ee diiradda la saarayay ayaa ah xaaladaha caafimaadka, amniga iyo nabadgalyada waddooyinka. Marka laga soo tago qaaradda Africa, waddamada kale ee halista ugu badan ee waddooyinka iyo shilalka gaadiidka ay ka jiraan ayey warbixintan ku sheegtay iney yihiin Brazil, Bolivia, Sucuudiga, Iiran iyo Kazakhstan. Qeybtan, dalka Mareykanka ayaa ka galay meel dhex dhexaad ah. Inta badan dalalka Yurub ayaa lagu qeexay iney aad ugu yartahay khatarta dhinaca waddooyinka waxaana la mid ah waddamada Japan, Australia iyo Zew Zealand. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. shirka la joojiyay Ciidamada amaanka gobolka Nugaal ayaa galabta joojiyay shir ka socday Hotelka New Rays ee magaalada Garowe. Shirka la joojiyay waxaa soo qaban-qaabiyay Golaha Runta iyo Cadaaladda, waxaana ka qeyb galay masuulyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, odoyaal dhaqan iyo waxgarad kale. Warqada casuumadda shirka waxaa markii hore lagu soo qoray “Qado sharaf odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka kale ee reer Puntland”, balse sida ay dad ka qeyb galay oo codsaday in aan magacooda la xigan u sheegeen PUNTLAND POST looga hadlay arrimo siyaasadeed oo aan markii hore loo sheegin, sidoo kale waxay sheegeen in xiliga shirka la joojiyay uu ahaa gabo-gabo. Dhanka kale saraakiil ka tirsan ciidamada amniga gobolka Nugaal ayaa u sheegay PUNTLAND POST in ujeedada shirkan loo joojiyay ahayd in uusan ogolaansho ka haysan Guddiga amniga gobolka. Bishii Octoober ee sanadkan ayaa war ka soo baxay maamulka gobolka Nugaal lagu sheegay in Garowe lagu qaban karin shir aan ogolaansho looga haysan Guddiga amniga gobolka. Maahan markii ugu horeysay oo shir ay ku lug leedahay federaalku la joojiyo, dhawaan ahay ahayd markii Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas oo dalka ka maqan uu amar ku bixiyay in la joojiyo, kulan uu soo agaasimay wasiirka Qorshaynta iyo Xidhiidhka caalamiga ah ee Soomaaliya oo lagu qaban lahaa Garowe. Golaha Runta iyo Cadaaladda ayaa ah Gole ay dhawaan magaalada Garowe ka asaaseen siyaasiyiin reer Puntland ah. PUNTLAND POST The post Puntland: Ciidamada amniga oo joojiyay shir ka socday Garowe appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (PP) ─ Dalalka Soomaaliya, Libya iyo Afghanistan ayaa noqday dalalka ugu khatarta badan Dunida oo dhan, sida lagu shaaciyay daraasad cusub oo ku aaddan waddamada loo safro dunida. Daraasadda oo ay si wadajir ah u soo saareen hay’adda caafimaadka iyo nabad-galyada ee SOS iyo hay’adda la socodka khataraha adduunka ayaa musaafuriinta loogu sheegayay xaaladaha ka jira meelaha ay safarada ku tagayaan sannadka foodda nagu soo haya ee 2019-ka. Waddamada Yurub ee kala ah; Finland, Norway iyo Iceland ayaa iyagana loo aqoonsaday inay yihiin dalalka ugu nabdoon Dunida ee loo safri karo, halka Waddamada Somalia, Libya, Afghanistan iyo Syria ayaa safka hore ka galay meelaha uu khatarta dhimashada iyo waxyeellooyin kaleba kala kulmo karo qofka. Sidoo kale, Liiska waddamadan ayaa la isugu xijinayay sida ay u kala halista badan yihiin, iyadoo dalalka ugu hooseeyana ay yihiin kuwa ugu khatarta yar caalamka oo dhan. Waxyaabaha ugu badan ee sida gaarka ah diiradda loo saaray ayaa waxaa ka mid ah; xaaladaha caafimaadka, amniga iyo nabad-galyada waddooyinka iyo kuwo kale oo muhiim ah. Dalalka Afrika ee sida gaarka ah ay caafimaad darradoodu aad ugu sarreyso ayaa lagu sheegay inay yihiin; South Sudan, Ivory Coast, Sierra Leone iyo Niger. Waxaa kaloo liiskan ku jira dalalka; Ciraaq, Lubnaan, Venezuela iyo North Korea. Waddamada kale ee xaaladooda caafimaad ay aad u wanaagsan tahay ayaa lagu sheegay inay kala yihiin dalalka; Canada, Mareykanka, New Zealand iyo Japan. Halka Waddamada Brazil, Shiinaha iyo Ruushka ayaa loo tix-galiyay in khatartooda caafimaad ay sii kordheyso. Dhanka kale, Marka la eego dhinacyada Amniga, Waddamada ay khatarta xad-dhaafka ahi ka jirto ayaa lagu tilmaamay inay yihiin Afghanistan, Syria, Yemen, Libya, Somalia, South Sudan iyo Mali, kuwaasoo u sii kala halis badan sida ay u kala horreeyaan. Goobaha ugu caansan ee Dalxiiska loo tago sida; Mexico, Qaar ka mid ah dalalka la isku yiraahdo Caribbean-ka iyo qaybo ka mid ah Hindiya ayaa lagu tilmaamay inay khatarta ku badan tahay. Balse meelaha uu amnigooda aad u wanaagsan yahay ayaa lagu sheegay; Denmark, Switzerland, Slovenia, Iceland, Greenland iyo Finland oo dhammaantood ku yaalla Yurub. Qaaradda Afrika marka laga tago, Waddamada kale ee halista ugu badan ee waddooyinka iyo shilalka gaadiidka ay ka jiraan ayaa lagu sheegtay Brazil, Bolivia, Sucuudiga, Iiran iyo Kazakhstan. Iyadoo qaybtan uu Mareykanku ka galay meel dhexe. Ugu dabeyn, Inta badan waddamada Yurub ayaa lagu qeexay inay aad ugu yar tahay khatarta dhinaca Waddooyinka, waxaana la mid ah dalalka Japan, Australia iyo Zew Zealand. PUNTLAND POST The post Somalia oo ka mid noqotay saddexda waddan ee ugu halista badan caalamka oo dhan appeared first on Puntland Post.
  18. (SLT-Nairobi)Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Dalalka KENYA iyo Soomaliya ayaa kulan yeeshay. Kulankan oo ahaa mid dhinac socda Shirka gaarka ah ee 20aad ee Golaha Fulinta ee Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa. Intii kulanku socday oo ahaa mid soo dhaweyn diirran uu Wasiir Cawad kala kulmay dhiggiisa Kenya ayaa labada dhinacba waxa ay muujiyeen rajo wanaagga wadahadalka dhexmaray. Labada dhinac waxay carabka ku adkeeyeen muhiimadda uu leeyahay kulankooda oo diirrada lagu saarray xoojinta xidhiidhka laba geesoodka iyo horumarinta iskaashiga oo dhinac kastaba leh, iyada oo loo sii marayo Guddiga Iskaashiga Wadaagga ah ee Soomaaliya iyo Kenya, si la mid ah waxaa fadhiggaasi lagu faaqiday arrimaha ammaanka iyo nabadgelyada Geeska Afrika iyo howlgalada AMISOM. Kenya ayaa kamid ah waddamada ay ciidamadu ka joogaan Dalkaasi Soomaliya. Source
  19. Madaxweynuhu marka uu cusub yahay waa inuu sanadkiisa u horeeya dardar cusub iyo wax qabad badan sameeya, isla markaana goboladii uu markii uu codka u baahna marayey ee uu wax qabadka u ballan qaaday ku noqdaa isagoo waxna qabtay waxna ugu bushaaraynaya inuu qabanayo, isagoo dadkii doortay u mahad celinaya soona ogaanaya nolosha dhabta ah ee ay ku nool yihiin si uu qorshaha dambe ugu darsado waxa loo qabanayo. Sanad ka bacdi waa inuu ku faanni kara gobolkasta oo uu marayo waxa uu ka hirgaliyey, tusaale hadii aan usoo qaato madaxweyne Siilaanyo safarkii ugu horeysay wuxuu baxay bishii Octobar,2011-kii 16 bilood ka dib markii arkay inuu dadkii hor tagi karo oo waxna xadhiga ka jari karo waxna dhagax dhigi karo. Waxaanu lugtiisii u horeysay ku tagay Jiida hore ee ciidanka qaranka ka dibna wuxuu soo maray gobolada bariga oo mashruucii ugu balaadhnaa ka fulinayey jidka dheer ee Burco iyo Sanaag isku xidha, halka galbeedkana uu ka fuliyey jidka Gabilay iyo Boorama isku xidha. Madaxweyne Silaanyo sanadkiisii kowaad ayuu qabtay wixii uu todobadda sanadood ee kale la qaban lahaa amaba KULMIYE ku faaanyey wakhtigiii ololaha,waxaana shaqadaasi adag u hirgaliyey rag calculus oo hore loo soo tijaabiyey oo uu ku kalsoon yahay ayuu shaqada u dhiibay, taas ayaa keentay in mar kaliya gobol walba shacab iyo dawlad wada socdaa hirgaliyaan wadooyin badan, iyadoo deegaan walba u balan qaadaysa hadii shan KM oo waddo ah dhistaan iyaguna ugu darayaan shan kale, taasina waxay keentay inay bulshaddu ku tartamaan wax qabad xaga wadooyinka ah. Hadabba, madaxweyne Biixi waxa u dhamaaday hal sanno walina shacabku may dareemin wax qabad la taaban karo, sababta ugu weyn ee uu uga maagayaa inuu booqdo goboladana waxaan jirin wax uu shacabkii doortay la hortago. marka laga reebo jidka Ceerigaabo oo meel fiican maraya oo in badan ku dareen iyo wasaarada Beeraha oo wax soo saarkii dalka si wanaagsan u wadda. Madaxweynuhu sanadkiisii kowaad wuu ogaaday wasiirka uu u baahan yahay ee wax qabanaya iyo ka aan waxba qaban, hadda loo baahan yahay inuu seefta la dhex qaado oo mid walba ku amaal marayo waxa uu shacabkiisa u qabtay. Source