Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,965
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in markii ugu horreysay muddo sannad ah oo uu tallada dalka hayey inuu toddobaadkan safar ugu baxo gobalada bariga Somaliland gaar ahaan gobalka Togdheer. Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu xadhiga ka soo jari doono mashaariic gobalkaas laga hir galiyey kaas oo uu ka mid yahay dhismaha jeel Wey ee magaalada Burco. Madaxweyne Biixi ayaa tan iyo markii la doortay oo laga joogo muddo sannad ah aan wax safar ah ugu bixin gobalada Bariga Somaliland balse safar ugu baxay magaalada Borama oo uu xaflada qalin-jabinta ardey Jaamacada Camuud uu kala qeyb galay. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa hore uga baaqday in uu ka qayb-galo xafladii qalin-jabinta ee Jaamacadda Burco iyo sidoo kale xaflad lagu dhagax dhigayay ballaadhinta dekedda Berbera oo ay shirkadda DP World ku qabatay Magaalada Berber taasi oo markii hore la qorsheeyay in uu ka qayb-galo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi balse markii dambe la sheegay in uu ka baaqday. Illaa hada ma cadda In uu madaxweynuhu sii dhaafi doono magaalada Burco iyo inuu dib ugu soo laaban doona Magaalada Hargeysa. Source
  2. (SLT-Istanbul)-Hay’adda Sirdoonka dalka Mareykanka ee CIA da ayaa sheegtay in Amiir Maxamed Bin Salmaan uu ka dambeeyay dilkii Wariye Jamaal Khashoggi oo 2dii bishii October ee sannadkan lagu dhax dilay gudaha Qunsuliyada Sacuudiga uu ku leeyahay dalka Turkiga magaalada Istanbul. CIA ayaa si toos ah u sheegtay in Amir Maxamed Bin Salmaan uu bixiyay amarka lagu qaarijiyay wariye Jamal, hadalkaasi oo noqonayaao mid kasoo horjeeda sheegashada Dowladda Sacuudiga ay sheegatay in Amiirka iyo gebi ahaan Dowladda Boqortooyada Sacuudiga uusan wax lug ah aysan ku laheyn dilka Wariyaha. Warka ka soo baxay hay’adda CIA da ayaa sidoo kale lagu sheegay in dilkan ay fuliyeen 15 Nin oo markii danbe ka raacay magaalada Istanbul diyaarad ay leedahay Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo warkan uu meesha ka saarayo hadalkii uu soo saaray ku-xigeeenka xeer ilaaliyaha dalka Sacuudi Arabia oo dilka Khashoggi ka fogeeyay Amiir Suldaan. Saraakiil u hadlay CIA ayaa sheegay in natiijada baaritaankooda ay u gudbin doonaan Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalkaasi si tilaabada ku habooon ay kaga qaadaan dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan. Source
  3. Shirka 66aad ee aan caadiga aheyn ee urur goboleedka IGAD, kaas oo shalay November 16, 2018-kii lagu qabtay Adis Ababa, waxaa laga soo saaray 20 qodob oo la xiriiray hirgelinta hannaanka dib u heshiisiinta Koonfurta Suudaan iyo xaaladda Soomaaliya. Haddaba, Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasheeda u tarjuntay dhammaan qodobadii laga soo saaray war-murtiyeedkaas. Arrimaha Koonfurta Suudaan: Waxaa uu dib u jaleecday war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii aan caadiga aheyn ee 33aad ee madaxda IGAD ay ku yeesheen Adis Ababa 12th September 2018, laguna saxiixay heshiiska the R-ARCSS. Waxaa uu soo dhoweeyey warbixinnada ergeyga IGAD ee South Sudan iyo madaxa KMG ah ee JMEC ay ka soo saareen hirgelinta heshiiska Koonfur Suudaan ee R-ARCSS, iyada oo la dhiirigeliyey inay sii wadaan dadaallada iyo taageerada ay siiyaan hannaankaas. Waxaa uu sidoo kale, soo dhoweeyey horumarka laga gaaray hirgelinta heshiiska R-ARCSS tan iyo markii la saxiixay 2 bil ka hor iyo sida loo dhisay hey’ado arrimahan ka shaqeeya, waxaa kale oo Secretariat-ka IGAD iyo ergeyga gaarka ah loogu baaqay inay dhameystiraan dhaqan-gelinta howlaha, wax walbana lagu qabto waqtihii loogu talo-galay, sida heshiiska ku qoran. Waxaa la ammaanay dabaal-deggii maalinta nabadda uu marti-geliyey madaxweyne Salva Kiir 31-kii October 2018, ayna ka soo qeyb-galeen kooxaha R-ARCSS iyo madaxda IGAD iyo kullamada hirgelinta ee ka dhacay Juba. Waxa la is tusay baahi loo qabo in hiil iyo hooba lagu kabo hirgelinta R-ARCSS iyo inay hoggaanka ka faa’ideystaan taageero siyaasadeed, midda dadka iyo xataa dhaqaale si loo hirgeliyo heshiiska iyo inay nabad iyo horumar ka dhalato Koonfurta Suudaan. Waxaa la soo dhoweeyey gacanta dhaqale ee dowladda Koonfurta Suudaan fidisay, waxana loogu baaqay inay lacag kale ku bixiso hirgelinta heshiiska RARCSS; Waxaa la ammaanay taageerada ururrada iyo dalalka AU, UN, EU, China, Japan, the Troika (USA, UK and Norway) iyo dhammaan kooxaha kale ee taageera nabadda Koonfurta Suudaan, waxaana loogu baaqay inay gacan ka geystaan hirgelinta heshiiska RARCSS; Waxaa loogu baaqay kooxaha inay ilaaliyaan Kootada dumarka ee 35% ah, oo dhinac walbo lagu dabaqo, si loo helo lahaanshiyo, loona hubiyo in guul laga gaaro hannaanka dhismaha dowladda Koonfurta Suudaan. Waxaa loogu baaqay Midowga Afrika iyo kooxda Troika inay magacabaan hey’adaa kala ah Independent Boundaries Commission (IBC) iyo Technical Boundaries Committee (TBC, si ay u bilaaban howlihii loo igmaday. Waxaa la faray ergeyga IGAD inuu baadi-goobo kooxaha Koonfurta Suudaan ee aan weli saxiixin R-ARCSS, sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen hirgelinta iyo kor-joogteynta, ciddii diidana loo aqoonsado kuwoo caqabad ku ah hannaanka. Waxaa la faray Secretariat-ka IGAD inay war-muriyeedkan ku tarjumaan luqdaha looga hadlo Koonfurta Suudaan si dad badan u dareemaan lahaanshiyo, bulshada gudaha joogtana ay uga qeyb-qaataan hirgelinta. Arrimaha Soomaaliya; Waxaa si fiican loo ammaanay warbixinta ergeyga IGAD ee Soomaaliya, waxaana la xoojiyey kalsoonida lagu qabo dowladda Soomaliya ee la xiriirta xaqiiqinta degenaanshiyaha dalka. Waxaa la qiray dib u soo kabashada dhaqaalaha iyo warbixintii dhowwaan soo saartay hey’adda International Monetary Fund (IMF)-ta iyo kalsoonida ay muujiyeen ganacsatada iyo qeybaha kale. Waxaa la is tusay baahida loo qabo in hiil iyo hooba lala garab istaago dib u dhiska hey’adaha dowliga ah, waxaaba beesha caalamka loogu baaqay inay taageeraan dadaallada arrimahaas loogu jiro. Waxaa naga go’an in aan sii wadno, qeybna ka sii ahaanno dadaallada hannaanka nabadeynta gobolka guud ahaan, gaar ahaanna Koonfurta Suudaan iyo Soomaaliya. Dib-u-habeynta IGAD: Waxaa loo dib dhigay shir ka dhici-doona Djibouti December 2018, waxaana la faray Secretariat-ka IGAD inay ka shaqeeyaan howlaha loo baahanyahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan xasaasi ah maanta ku yeelanaya xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho. Kulankaasi ayaa xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya lagu horgeynayaa miisaaniyada Dowlada Soomaaliya. Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wargaliyay in uu jiro kulanka Baarlamaanka ee maanta oo Sabti ah islaamrkaasina Xildhibaanada lagu horgeeynayo miisaaniyada dowlada ee Sanadka 2019-ka. Wasiirka maaliyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ayaa hortagaya Baarlamaanka isaga oo ka codsanaya in ay ansixiyaan miisaaniyada Dowlada. Koror miisaaniyada ah ayeey sameeyay xukuumada uu hogaamiyo Ra’isilwasaare Xasan Cali Kheyre iyada oo miisaaniyadaasi ay dowlada ku shaqeeyneeyso uu yahay $340,060149 oo ay horay u ansixiyeen Golaha wasiirada. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Baalamaanka Soomaaliya oo la horgeynayo miisaaniyada Dowlada appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Eng Faysal Cali Waraabe oo si weyn kaga hadla arimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa ka hadlay xiriirka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Ethiopia iyo heshiisyada ay labada dowladood wada saxiixdeen. Isaga oo la hadlayay dhalinyaro badan ayuu sheegay in Somalia hadda aysan awood buuxda u laheyn inay wax ku darsato dalka Ethiopia oo dowlad adag leh, islamarkaana shacabkiisu badan yahay. Arinta ugu adag ee aan suurogal ka dhigeyn in Somalia ay Ethiopia wax ku darsato ayuu ku sheegay inay tahay in hadda Soomaalida kala daadsan yihiin oo awood buuxda aysan laheyn, sida uu hadalka u dhigay. “Waa isaga leh Soomaaliya ayaan ku darayaa Ethiopia, ma maanta Soomaali meeleey wadan wax kula darsato miyay jirtaaba, Markaad awood leedahay ee aad dhisan tahay ayaa wadahadal la galaa, oo dal wax lagu darsadaa”. “Markaad kala daadsan tahay oo aad afar madaxweyne iyo ka badan leedahay, dal waxba laguma darsado, waxaa waxa u geynayaa waxa weeye Somaliland aan soo aaso”ayuu yiri Faysal Cali Waraabe. Wuxuu sheegay in arintaasi ay dhibaato ku tahay Soomaaliya, islamarkaana Somaliland aysan cidna aasi karin sida uu hadalka u dhigay. Dad badan oo siyaasiyiin ah iyo dadka falanqeeya arrimaha geeska Africa ayaa siyaabooyin kala duwan u dhaliilay xiriirka u dhaxeeya madaxda Ethiopia iyo Somalia iyo heshiisyada qaar oo labada dhinac ay kala saxiixanayaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Kismaayo ( Sh. M. Network )-Ciidamada difaaca dalka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa lagu eedeeyay in weli kaalin lixaad leh ay ka qaadanayaan dhoofka sharci darrada ee Dhuxusha Soomaaliya. Warbixin cusub oo ay soo saaray guddiga la socodka xayiraada arrimaha Soomaaliya ee UN Monitoring Group ayaa lagu sheegay in deegaanada ay ku sugan yihiin Ciidanka Kenya ay yihiin kuwa ugu badan ee looga dhoofiyo Dhuxusha si qarsoodi ah. UN Monitoring Group ayaa shaacisay in Dekedda magaalada Kismaayo iyo degmooyin kale oo ku yaalla gobolka Jubbada Hoose oo ay maamulaan Ciidamada Kenya laga qaado Dhuxusha, taas oo loo iib geeyo dalalka Khaliijka Carabta. Golaha Ammaanka ee QM ayaa manuucay 2012-kii dhoofinta Dhuxusha Soomaaliya, iyagoo sheegay in dhaqaale uu ka soo galo Al Shabaab,oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya. Sidoo kale maamulka Jubbaland ee uu horkacayo Axmed Madoobe ayaa waxay QM ku eedeysay in uu qeyb ka yahay ka ganacsiga Dhuxusha, maadaama laga dhoofiyo xeebaha magaalada Kismaayo. Jarida iyo gubista Dhirta ayaa ka qeyb qaata abaaraha ku soo noq noqda dalka, maadaama nabaad-guur ay ka dhashaan, taas oo hay’adaha dhinac deegaanku ay ka digeen. The post Ciidamada Kenya Oo lagu eedeeyay in ay qeyb ka yihiin dhoofinta dhuxusha Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  7. (SLT-London)-Xubnaha hormuudka u ah in Ingiriisku ka baxo Midowga Yurub ee ku jira golaha wasiirada ayaa taageero la garab joogsaday Theresa May, iyada oo ay socdaan isku dayo lagu doonayo in xilka lagaga qaado. Micheal Gove ayaa sheegay in uu kalsooni “buuxda” ku qabo May, waxaanu xaqiijiyey in aanu yeeli doonin sida dhawr wasiir oo hore iska casili dooni xukuumadeeda. Liam Fox oo isna ka tirsan xukuumadda May, ayaa xildhibaannada [xisbigeeda] ee baarlamanka ku boorriyey in ay taageeraan qorshaha heshiiska ka bixitaanka Midowga Yurub ee Ra’isal wasaaraha, waxaanu yidhi “heshiiska haatan la soo badhigay wuxu dhaamaa heshiis la’aan”. Is casilaadii Dominic Raab ka dib, waxa ay Ra’isal Wasaaruhu wasiirkeeda wada xaajoodka ka bixitaanka Midowga Yurub u magacawday wasiirkii caafimaadka Steve Barclay. Ninkaas oo ahaan jiray sarkaal sare oo bakiyada ka soo shaqeeyey ayaa taagersanaa ka bixitaanka Midowga Yurub markii aftida la qaadayey 2016-kii, welina sideedii sanadood ee uu ka midka ahaa xildhibaannada xisbiga muxaafidka ah baarlamanka ugu jira kama uu hor iman qorshayaasha dawladda. Isku shaandhaynta kooban ee ay Ra’isal Wasaaruhu samaysay waxa kale oo ay ku magacawday Amber Rudd oo haatan noqon doonta wasiirka shaqada iyo daryeelka hawlgabka, waxaana xilkaa iska casishay Esther McVey Khamiistii. BBC-da ayaa ogaatay in gudoomiyaha xildhibaannada xisbiga ugu jira baarlamanku ay suurto gal tahay in uu qabto shir ay iskugu iman doonaan wasiirada taageersan ka bixitaanka Midowga Yurub hase yeeshee heshiiska ay Ra’isal Wasaaruhu doonayso in ay saxeexdo ka webaya. Rai’sul wasaaraha Britain Theresa May ayaa ku dhawaaqday qorshahan cusub ee ay ansixiyeen golaha wasiirada. Waxa ay Mrs May arrintani ku tilmaamtay tallaabo muhim ah oo ay si adag u rumaysan tahay in ay ku jirto danta qaranka. Rai’sul wasaaraha Britain Theresa May ayaa inta ku dartay in heshiskan uu difaacayo shaqooyiinka,ammaanka iyo sharafta dastuurka UK islamarkana uu dib u soo celinayo in Britain ay kontaroosho sharciyadeed iyo xudduudaheeda. Waxay xustay in go’aankan uu yahay khiyaar adag gaar ahaan marka ay timado arrinta xuduuda waqooyiga Ireland. Madaxa gudiga baarlamaanka Yurub u qaabilsan ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub Guy Verhofstadt ayaa sheegay in heshiiskan “uu suragal ka dhigayo ka bixitaan UK ee Midowga Yurub. Heshiikan qabyada ah ee ka bixitaanka UK ee midowga Yurub oo ka koobna 585 bog ayaa imika la daabacay. Ra’sul wasaaraha ayaa cadaadis adag oo ku saabsan heshiiska kala kulmaysa mucaaradka. Waxaa sidoo kale jiray dhaliil uga imanaysay xubno xisbigeeda ka tirsan oo iyagu tageera ka bixitaan Britain ee Midowga Yurub. Source
  8. (SLT-Washington)-Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday cunaqabateyn ka dhan ah 17 qof oo u dhashay dalka Sacuudiga, kuwaasi oo lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen dilka suxufi Jamaal Khaashuqji. Dadka cunqabateynta la saarayo waxaa ku jira Saud al-Qahtani, oo kaaliye sare u ahaan jiray dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, iyo qunsulkii Sacuudiga ee Istanbul Mohammed Alotaibi. “Shaqsiyaadkan bartilmaameedsaday ee sida xun u dilay Jamaal Khaashuqji waa inay wajahaan cawaaqibka ficilladooda” waxaa sidaas bayaan ku yiri xoghayaha maaliyadda Mareykanka Steve Mnuchin. Cunaqabateynta ayaa waxaa la fulinayaa ayada oo la eegayo xeerka caalamiga ah ee la-xisabtanka xuquuqda aadanaha ee Magnitsky, kaasi oo lagu beegsado dadka geysta xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo ficillada musuq-maasuq. Warkan ayaa ahaa mid yaab leh, sababtoo ah Mareykanka inta badan sooma rogo xayiraad ka dhan ah Scauudiga. Source
  9. Guriceel ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in saaka dhaq dhaqaaqyo Ciidan laga dareemayo deegaano ka tirsan gobolkaasi. Dhaq dhaqaaqyada oo ah kuwa xoogan ayaa ka socda nawaaxiga degmada Guriceel ee gobolkaasi. Waxaana la sheegay in dhaq dhaqaaqyadu ay yihiin kuwa iska soo horjeeda, una dhexeeya Ciidamada dowladda iyo Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab. Dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinayo in dagaallo ay ka qarxaan halkaasi, kuwaas oo durbo bilaabay barakac xoogan. Muddooyinkii dambe Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka waday gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. The post Dhaq dhaqaaqyo Ciidan Oo ka socda gobolka Galgaduud appeared first on Shabelle. View the full article
  10. (SLT-Addis Ababa)-Colonel Gebregziabher Alemseged oo ku magac dheeraa (Gebre Dilla) balse Soomaalidu ay u taqaan Colenel Gabre ayaa xabsiga loo taxaabay shalay iyadoo loo haysto dambiyo kala duwan. Gabre oo hore u ahaa taliyihii ciidamada Ethiopia ee dalka Soomaaliya kadibna noqday lataliyaha dhinaca siyaasada ee urur goboleedka IGAD balse laga ceydhiyay bishi June ee sannadkan ayaa loo haystaa dambiyo la xidhiidha ku xad gudub xuquuqda aadanaha ee gobolka ay Soomalidu degto ee dalka Ethiopia iyo inuu ku lug lahaa banaanbaxyadii rabshadaha watay ee dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay magaalada Jigjiga. Sidoo kale Colonel Gabre oo sanado badan xaruntiisu ahayd magaalada Muqdisho ayaa loo haystaa inuu ka iibiyay hub qeybaha kala duwan ee isku haysta siyaasada Soomaaliya. Dowlada Ethiopia ayaa dhowaan bilowday inay sharciga horgeyso saraakiishii ciidamada iyo kuwa rayid ah ee ee gabood falada ka geystey dalka Ethiopia sanadihii la soo dhaafay iyadoo xabsiga la dhigey saraakiil hore xilal uga soo qabatay ciidamada Ethiopia halka kuwa kalana weli la raadinayo. Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay xariga Colenel Gabre waxaana bartiisa Twitterka ku sheegay agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Cabdi Nuur Maxamed in xariga Col Gabre uu yahay mid muujineysa sida ay dowlada Ethiopia uga go’an tahay in ay ka shaqeyso xasiloonida Geeska Afrika. Source
  11. (SLT-Tanzania)-Midowga Yurub ayaa dib u eegis ballaaran ku samaynaya siyaasadihiisa ku aaddan dalka Tanzania sababo la xiriira wax uu Midowgaasi ku tilmaantay “Xuquuqda aadanaha iyo sarraysta Sharciga oo sii xumaanaya”. Bilihii u dambeeyey, waxaa hoggaanka madaxweyne John Magufuli soo foodsaaray eedaymo gudaha ah iyo kuwo caalami ah oo la xiriira cabburinta mucaaradka iyo afqabashada xorriyadda hadalka. Tallaabadan ugu dambaysay ee ay qaadeen deeq bixiyeyaasha reer galbeedku ee ay uga golleeyihiin inay si qoto dheer u qiimeeyaan xiriirka ay la leeyihiin Tanzania la yaab kuma noqoneyso madaxweyne Magufuli. Horaantii bishan, Midowga Yurub ayaa u yeertay ergaygeeda Tanzania, taas oo ay uga jawaabayso ugaarsiga lagu hayo dadka isku jinsiga ah ee is guursada. Isniintii, Baanka Adduunka ayaa ka laabtay dayn waxbarasho oo gaaraysa $300 oo milyan oo Tanzania la siin lahaa, sababo la xiriira siyaasadda lagu muransan yahay ee ay Tanzania gabdhaha da`da yar ugu diidday inay iskuulka ku laabtaan marka ay dhalaan kaddib. Maalintii shalay ahayd, Denmark, oo ka mid ah dayn bixiyeyaasha ugu waaweyn ee Tanzania daymaha siiya ayaa ku dhawaaqday inay joojisay $9.8m oo gargaar ah oo ay siin lahayd Tanzania. Xiriirka gurracan ee u dhaxeeya Tanzania iyo diblumaasiyiinta ayaa u muuqda inuu meel xun gaaray, kaddib markii Paul Makonda oo saaxiib dhow la ah madaxweyne Magufuli, isla markaana ah duqa magaalada caasimadda ah ee Dar es Salam uu sheegay inuu u xil saari doono koox ugaarsata dadka isku jinsiga ah ee is guursada. Dowladda ayaa sheegtay in Makonda uu fekerkiisa cabirayay, taas oo aan ku salaysnayn siyaasadda dowladda. Tallaabooyinkii adkaa ee uu Magufuli uga hortagayay musuqmaasuqa sanadkii 2015 markuu talada dalkaas qabtay ayaa soo jiidatay indhaha caalamka, balse dadka wax falanqeeya ayaa ku doodaya in dulqaad la`aanta uu u hayo mucaaradka iyo warbaahinta ay carqaladayn karto kalsoonida ay reer galbeedku ku qabaan maamulkiisa. Dagaalkan u dhaxeeya Magufuli iyo beesha caalamka ayaa dharbaaxo kulul ku ah dhaqaalaha Tanzania, iyadoo ku dhowaad kala bar qorshe maaliyadeedka dalkaas uu ka yimaado gargaar dibadda uga yimaada. Source
  12. Muqdisho ( Sh. M. Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-171118.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  13. (SLT-Muqdisho)-Waddamada Soomaaliya, Liibiya iyo Afqaanistaan ayaa noqday meelaha ugu halista badan caalamka, sida lagu sheegay daraasad cusub oo khariidad loogu sameynayay dadka dunida u socdaala. War bixintan oo ay si wada jir ah u soo saareen hay’adda caalamiga ah ee caafimaadka iyo nabad galyada ee SOS iyo hay’adda la socodka khataraha adduunka ayaa musaafuriinta loogu sheegayay xaaladaha ka jira meelaha ay safarrada ku tagayaan sannadka foodda nagu soo haya ee 2019-ka. Dalalka ku yaalla qaaradda Yurub ee kala ah Finland, Norway iyo Iceland ayaa loo aqoonsaday iney yihiin meelaha ugu nabdoon ee loo safri karo. Liibiya, Afqaanistaan, Soomaaliya iyo Suuriya ayaa dhammaantood safka hore ka galay meelaha uu khatarta dhimashada iyo waxyeellooyin kaleba kala kulmo karo qofka. Liiska dalalka ayaa la isugu xijinayay sida ay u kala halista badanyihiin, iyadoo dalalka ugu hooseeyana ay yihiin kuwa ugu khatarta yar. Waxyaabaha ugu badan ee diiradda la saarayay ayaa ah xaaladaha caafimaadka, amniga iyo nabadgalyada waddooyinka. Dhinaca Caafimaadka Dalalka Africa ee sida gaarka ah ay caafimaad darradoodu aad ugu sarreyso ayaa lagu sheegay iney yihiin Suudaanta Koonfureed, Niger, Ivory Coast iyo Sierra Leone. Dalalka kale ee caafimaad darradooda laga deyriyay ayaa waxaa ka mid ah Ciraaq, Lubnaan, Venezuela iyo Kurriyada Waqooyi. Dhanka kale waddamada ay xaaladdooda caafimaad aadka u wanaagsantahay ayaa lagu sheegay iney kala yihiin kuwa qaaradda Yurub iyo waddamada kale ee kala ah Canada, Mareykanka, New Zealand iyo Japan. Dalalka Brazil, Shiinaha iyo ruushka ayaa loo tix galiyay in khatartooda caafimaad ay sii kordheyso. Dhinaca Amniga Marki la eego dhinaca amniga, waddamada ay khatarta xad dhaafka ah ka jirto ayaa lagu tilmaamay iney yihiin Afqaanistaan, Suuriya, Yemen, Liibiya, Soomaaliya Suudaanta Koonfureed iyo Mali, kuwaasoo usii kala halis badan sida ay u kala horreeyaan. Meelaha ugu caansan ee dalxiiska loo tago sida Mexico, qaar ka mid ah dalalka la isku yiraahdo Caribbean-ka iyo qeybo ka mid ah Hindiya ayaa lagu tilmaamay iney khatarta ku badantahay. Hase ahaatee meelaha uu amnigooda aad u wanaagsanyahay ayaa lagu sheegay dalalka Denmark, Switzerland, Slovenia, Iceland, Greenland iyo Finland. Nabadgalyada waddooyinka Marka laga soo tago qaaradda Africa, waddamada kale ee halista ugu badan ee waddooyinka iyo shilalka gaadiidka ay ka jiraan ayey warbixintan ku sheegtay iney yihiin Brazil, Bolivia, Sucuudiga, Iiran iyo Kazakhstan. Qeybtan, dalka Mareykanka ayaa ka galay meel dhex dhexaad ah. Inta badan dalalka Yurub ayaa lagu qeexay iney aad ugu yartahay khatarta dhinaca waddooyinka waxaana la mid ah waddamada Japan, Australia iyo Zew Zealand. Source
  14. (SLT-Washington)-Wararka ka imaanaya dalka Maraykanka ayaa sheegaya in Waaxda Cadaaladda ee dalkaas ay diyaarinayso dacwado kadhan ah aas aasaha barta internet-ka ee WikiLeaks, Julian Assange. Mr Assange ayaa sanadkii 2012-kii u cararay safaaradda Ecuador ay ku leedahay London si uu uga baxsado eedaymo waqti dheer loo haystay oo la xiriira xad gudub dhanka galmada ah halkaas ayuuna joogay asagoo cabsi ka qaba in loo gacan galiyo Maraykanka. Ma cadda waxa ay noqon doonaan dacwadaha uu wajihi doono Mr Assange. Si kastaba ha ahaatee, baadhitaanka Maraykanka uu wado ee ku aaddan faragalinta Ruushka ee la sheegay in uu ku sameeyey doorashooyinkii Maraykanka ayaa soo jeediyey in WikiLeaks ay sirdoonka Ruushku u adeegsadeen in ay ku faafiyaan macluumaad la jabsaday. Hay’adaha sirdoonka Maraykanka ayaa sheegaya in Ruushku uu uga gollahaa faragalinta doorashada in Donald Trump uu ka caawiyo sidii uu ugu guulaysan lahaa doorashadii 2016-kii. Ruushka ayaase beeniyey dhammaan eedaymahaas. WikiLeaks ayaa daabacday kumanaan farriimood oo dhanka internet-ka ah oo laga jabsaday xisbiga Dimuquraadiga intii uu socday tartankii madaxtinimada ee u dhexeeyey Mr Trump iyo Hillary Clinton. Ma cadda in ay jiraan wax dacwado ah oo kadhan ah Mr Assange oo la gudbiyey. Mid kamid ah qareenada Mr Assange ayaa u sheegay wargayska the Guardian in qof lagu dacweeyo xog sax ah oo uu daabacay ay tahay” waddo halis ah oo kadhan ah dimuquraadiyadda” ” Warka sheegaya in dacwado fal dambiyeed laga gudbiyey Mr Assange waa mid walaac leh oo hawtul hamag ah” ayuu yiri Barry Pollack Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegaysa in saraakiisha Maraykanku ay aad ugu kalsoon yihiin in Mr Assange la xiro oo lagu maxkamadeeyo Maraykanka. Horraantii sanadkan xukuumadda Britain ayaa sheegtay in Ecuador ay kala hadlayso waxa uu mudan doono Mr Assange. Madaxweynaha Ecuador Lenin Moreno ayaa sheegay in aanu u “garaabayn” hawlaha uu wado Mr Assange wuxuuna ku tilmaamay in uu yahay “dhagax kabahooda galay” Source
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Degmada Beledxaawo ayaa dhawaan amar kusoo rogay xaasaska Al Shabaab ee ku nool degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, iyaga oo lagu amray inay maalmo gudahood isaga baxaan degmada. Wararka aan ka heleyno degmada Beledxaawo ayaa sheegaya in Al Shabaab oo arintaasi ka jawaabaya ay go’doomiyeen degmada Beledxaawo, sida ay baahisay Idaacadda Dalsan oo dadka deegaanka soo xiganeysa. Al Shabaab ayaa dhawaan la sheegay inay ku hanjabeen inay go’doomin doonaan degmada, maadaama ay ku sugan yihiin tuulooyin hoostaga degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, iyadoo taasi hadda ay u muuqato inay ka dhabeeyeen. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Al SHabaab go’doomintooda la dareemay kadib markii ay diideen in waxyaabaha muhiimka u ah shacabka la geliyo degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in culeeskaasi ay wajaheen gaadiidleyda alaabta Bagaashka ah geyn jirey degmada Beledxaawo, waxaana taasi ka dhalatay sara u dhac laga dareemayo qiimaha raashiinka la iibiyo. Al Shabaab ayaa degmooyin Dhowr ah oo ku yaala Bakool, Baay iyo Hiiraan go’doomiyay, waxaana arintaan ku cusub degmada Beledxaawo ay dhibaato ku noqon doontaa dadka deegaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Warkeeyska ku hadla afka kooxda Daacish ee lagu magacaabo Al-Naba ayaa lagu qoray fariin digniin ah oo loo dirayo saraakiisha Al-shabaab ee Soomaaliya. Afhayeen u hadlay kooxda Daacish ee uu soo xiganayo warkeeygska ayaa waxa uu sheegay in ay la socdaan dhibaatooyin ay Al-shabaab ku hayaan Ciidamadooda. Waxa uu sheegay in ay qaadayaan tilaabo kasta oo ay isaga difaacayaan dhibaatooyinka kaga imaanaya Al-shabaab. ” Tani micnaheedu ma ahan in aan ka baqaneeyno Al-Shabaab Ama ay Daciifnimadeena Tahay laakiin waxaan war galineeynaa dadka Soomaaliyeed jawaabta Daacishna waa ay soo socotaa” ayuu yiri afhayeen u hadlay Daacish. Sidoo kale warkeeyska ayaa sheegay in Al-shabaab ay doonayaan in ay ka hor istaagaan Daacish in dhaq dhaqaaqyo ay ka sameeyaan Soomaaliya. Puntland Post The post Kooxda Daacish oo u digtay Al-Shabaab appeared first on Puntland Post.
  17. In ka badan 10 kun oo qoys kana barakacay colaadaha weli ka jira gobalka Sool ayaa ka cabanaya cunno la’aan iyo caafimaad darri. Qoysaskaas ayaa Goobjoog u sheegay in qeyb yar oo iyaga kamid ah gargaar aan badneyn la gaarsiiyay,balse dadka intooda badan aan waxba aysan helin. 17 goobood oo kala duwan ayey ku kala nool yihiin qoysaskan, waxaana gargaar la gaarsiiyay Lix ka mid ah meelaha ay ku barakaceen qoysaskan, iyagoo dalbanaya in la caawiyo si noloshooda loo badbaadiyo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/FAARAX-DUBBAD.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Ethiopian police arrested a notorious army general on Friday on a warrant from the new government which wants him to face charges of war crimes committed in Ethiopia’s Somali state, police said. Col. Gebregziabher Alemseged has been accused of having been involved in atrocities by the army in Ethiopia’s Somali state during the former regime’s reign. Alemseged also faces separate charges including inciting the recent deadly uprising against the government in the Somali region’s capital Jigjiga following the arrest of the former regional leader Abdi Mohammed Omar in August that killed dozens of people. According to Ethiopian officials, the infamous colonel had maintained a closer relationship with Omar who is currently facing war crime charges and appeared in court sessions several times in recent months. During Omar’s reign, human rights groups have documents hundreds of people were killed by state terrorism, including many who are still registered as disappeared. Col. Gebregziabher Alemseged had also led the Ethiopian army sent into Somalia to topple an Islamist administration in Mogadishu and rescue the Western-backed transitional government at the end of 2006. He has since become a powerful figure in Somalia’s political circles despite subsequent complaints by Somali leaders who have accused him of meddling in the country’s internal affairs and that he maintained closer secret relationships with regional leaders locked in a bitter political challenge with the central government. The complaints by Somali leaders have led to the sacking of Alemseged by Intergovernmental Authority on Development for which he was its political advisor and Addis Ababa’s point man under the former regime in Somalia in June. The London-based Amnesty International accused Alemseged’s troops in Somalia of killing civilians and committing atrocities, including slitting people’s throats, gouging out eyes and gang-raping women in violence that rights groups said killed over 10,000 people across the country. His arrest comes just days after the Ethiopian police discovered a mass grave containing at least 200 bodies along the border between the strife-torn Oromiya and Somali regions, as parts of investigations into crimes allegedly committed by the former Somali region’s leader. According to officials, the recent discovery of the mass grave and follow-up investigations by police had allegedly incriminated Col. Alemseged, in a case that has reportedly prompted his arrest. He is among dozens of senior army generals and mid-rank commanders arrested in connection with war crimes and corruption by Ethiopia’s new government under the reformist prime minister Abiy Ahmed in recent weeks. Source: HOL The post Ethiopia arrests General Gabre over suspicion of war crimes appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Degmada B/xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxaa si rasmi ah uga dhaqan galay ammar uu soo rogay maamulka degmadaasi, kaas oo ahaa xaasaska iyo carruurta ay dhaleen Al-shabaab in ay degmadaasi isaga baxaan, inkasto odoyaal iyo waxgaradka deegaanka maamulka uu ka diidey aamarkaasi in laga laabto. Al-shabaab oo ka jawaabaya ammarka uu dul dhigay maamulka Baladxaawo xasaskooda iyo carruurtooda ayaa iyagana waxay xayiraad adag kusoo rogeen gaadiidka xamuulka ah ee soo galaya degmada iyo midka baxaya. Mid ka mid ah haweenka deggan Baladxaawo oo la hadashay goobjoog ayaa sheegtay ammarka kasoo yeeray maamulka B/xaawo in uu cabsi iyo walwal uu ku abuurayo dadka deegaanka, iyadoo sheegtay in durbaba deegaanka laga dareemayo culeysyo ka imaanaya dhanka Al-shabaab. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Amarkii-uu-soo-saarey-Maamulka-Baladxaawo-oo-ka-dhaqan-galay-degmadaasi.mp3 Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, isaga oo ka shaqeynayay isku soo dhawaanshaha Jubbaland iyo dowladda Dhexe. Kulamo kala duwan oo uu la qaatay masuuliyiinta Jubbaland ayaa waxaa kadib xubno maamulka kamid ah ay ku dhawaaqeen inay diyaar u yihiin wadahadal ay la galaan dowladda Soomaaliya. Wasiirka Waxbarashada Jubbaland Maxamed Ibraahim Maxamuud, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ogolaadaan in Soomaaliya ay horey u socoto oo aan dib loo laaban sida uu sheegayna aqbalayaan wadahadalka dowladda Dhexe. Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Jubbaland Cabdi Baaleey Xuseen ayaa dhankiisa isagana sheegay in muhiim ay tahay in laga wada shaqeeyo horumarka dalka Soomaaliya. Waxay sheegeen in marnaba aysan diyaar u aheyn in dhibaato la abuuro,hayeeshee ay diyaar u yihiin in Jubbaland ay qaadato tabasha kasta oo ay qabto dowladda Federaalka Soomaaliya. Hadalkan ka soo yeeray Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland ayaa ku soo aadaya xilli weli uu jiro khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Qaar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Kenyan troops in Southern Somalia have been accused of laxity to block Al-Shabaab from gaining millions of USD of revenues from charcoal smuggling in Somalia. The UN Monitoring Group on Somalia and Eritrea said Al-Shabaab continues to reap substantial revenues from charcoal smuggling in southern Somalia. A new report by UN points out that UN monitors were “not assisted by Amisom” when they attempted to inspect charcoal stockpiles and port facilities at Kismayo in July. Those installations at the ports of Kismayo and Buur Gabo are maintained by Kenyan Defense Forces (KDF) soldiers operating under the auspices of the African Union Mission in Somalia (AMISOM). The group said Al-Shabaab makes at least $7.5m from “taxation” at checkpoints in the Middle Juba and Lower Juba regions. “Due in part to these charcoal-related profits, Shabaab “generates more than enough revenue to sustain its insurgency,” the monitors say. The regional administration of Jubbaland is also said to get profit from the charcoal trade, which is prohibited by UN Security Council resolutions. “Investigations by the Group have determined that these illicit charcoal exports have been taxed by the Jubbaland administration at an average rate of more than $5 per bag, generating more than $15m in annual revenue for Jubbaland,” states the report reviewed by the Security Council on Wednesday. The post Charcoal still smuggled from KDF-controlled Somalia zones appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay waxa ay howlgal ballaaran ka sameeyeen qaar ka mid ah xaafadaha magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan. Goob jooge la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidanka ay galayeen qaar ka mid ah guryaha ku yaalla magaaladaasi. Waxaa jirta dad badan oo ay ciidanka kusoo qabteen howlgalkaan, kuwaa oo la geeyey saldhigga magaalada B/weyne. “Ciidamada waxay howlgalladan ka sameeyeen xaafado dhowr ah, waxaa la soo qabtay dad u badan dhallinyaro oo la geeyey saldhigga” sidaasi waxaa inoo sheegay goob joogaha. Saraakiisha ammaanka magaalada B/weyne weli kama aanay hadal howlgalka ay ka sameeyeen magaalada B/weyne. Waxa uu howlgalkaan daba socdaa kadib markii maalmihii lasoo dhaafay ay magaalada B/weyne ka dhaceen falal wax u dhimaya amniga guud ee magaaladaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Washington DC (Caasimada Online) – Hay’adda sirdoonka dhexe ee Mareykanka ee CIA, ayaa go’aamisay in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu amray dilka suxufi Jamaal Khaashuqji, taasi oo burineysa doodda Sacuudiga ee ah in Bin Salmaan uusan waxba ka ogeyn dilka, waxaa sidaas werisay Washington Post. Qiimeynta ay sameysay CIA-da, ayaa ah tii ugu xoogganeyd ee Bin Salmaan si toos ah ula xiriirineysa dilka Jamaal Khaashuqji, oo labadii October ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Ayada oo go’aanka gaareysa, ayaa CIA-da waxa ay darastay ilo-sirdoon oo dhowr ah, oo ay ku jiraan taleefon uu Khaalid Bin Salmaan, oo la dhashay Maxamed Bin Salmaan, islamarkaana ah safiirka Sacuudiga ee Mareykanka u diray Khaashuqji.’ Khaalid ayaa u sheegay Khaashuqji inuu tago qunduliyadda oo uu kasoo qaato waraaqahiisa furiinka, si uu u guursado gabadha u calmaneyd ee reer Turkey, isaga oo u damaanad qaaday inaan wax dhib ah la gaarsiin doonin. Ma cadda haddii Khaalid ogaa in Khaashuqji la dili doono, hase yeeshee waxa uu taleefonka ku diray codsiga walaalkiis Maxamed Bin Salmaan, sida ay leedahay Washington Post. Wada sheekeysiga ayaa waxaa dhageystay CIA-da. Fatimah Baeshen, oo ah afhayeenka safaaradda Sacuudiga ee Washington ayaa sheegtay in Khaalid iyo Khaashuqji aysan ka hadlin wax ku saabsan inuu Turkiga aado. Khaashuqji ayaa deganaa Mareykanka. Waxa ay intaas ku dartay “qiimeynta CIA-da waa been abuur. Waxaan maqleynay oo weli maqalnaa sheekooyin kala duwan, ayada oo weli aan la hayn caddeymo sal leh.” Qiimeynta CIA-da ee ku lug lahaanshaha dilka, ayaa waxaa sidoo kale saldhig looga dhigay in Maxamed Bin Salmaan oo ah ninka sida dadban u xukuma dalka, uu wax kasta la socdo, xitaa waxyaabaha yaryar. “Go’aanka la isku raacsan yahay ayaa ah inaysan arrintan dhacdeen ayada oo aanu Maxamed Bin Salmaan ka war-hayn” ayuu yiri sarkaal la hadkay Washington Post. Go’aanka CIA-da ay gaartay ee ku lug lahaanshaha Maxamed ee dilka Khaashuqji ayaa sidoo kale waxaa waafaqsan akhbaaraadka ay hayaan dowlado kale oo u badan kuwa Yurub, kuwaas oo go’aamiyey in howl-galka uusan dhici kareen la’aanta Maxamed Bin Salmaan. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
  24. Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in dib ay u dhacday doorashada madaxtinimo ee maamulka Koonfur Galbeed oo lagu waday in halkaasi maanta ay ka dhacdo. Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in doorashada aanay qabsoomeeynin maanta oo Sabti ah oo ku beegan 17-November oo aheyd xiligii loo balansanaa in ay dhacdo. Sababaha ugu weeyn ee doorashada ay dib ugu dhacday ayaa lagu sheegay in ay tahay is casilaada xubnihii guddiga doorashooyinka ee is casilay. Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in maanta lagu wado in dib la magacaabo guddiga doorashooyinka maamulkaasi islamarkaasina ay ansixiyaan xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed. Dib u dhaca doorashada maanta ku timid wali kama hadlin sii hayaha madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ahna gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa Maye. Dib u dhaca doorashada Koonfur galbeed ayaa aheyd mid horay loo sii saadaalinayay. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Doorashada Koonfur Galbeed oo dib u dhacday appeared first on Puntland Post.