-
Content Count
206,964 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf iyo wetfi uu hoggaaminayay oo safar ugu maqnaa dalka Mosambik ayaa khamiistii dib ugu soo laabtay caasimadda Hargeysa. Xubnaha uu horkacayay Wasiirka caafimaadku ayaa dalka Mosambik kaga qaybgalay shir caalamiya oo lagaga arrinsanayay sidii dalalka Afrika isaga kaashan lahaayeen cudurada faaha. Wasiirka horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf oo ka hadlaya ujeedada safarkooda ayaa yidhi; “shirka aannu ka qaybgalnay waxa uu ahaa shir sanadkiiba ama labadii sanaba mar la qabto. Waxa lagaga wadahadlay xanuunada faaha ama dilaaca ee isaga gudba waddamada iyo sidii looga hortagi lahaa ama hadday dhacaanba wax looga qaban lahaa si degega.” Ayuu yidhi wasiirku Wasiir Xasan Ismaaciil Yuusuf waxa uu sheegay in Somaliland si rasmiya loogu soo casuumay shirkaasi, isla markaana loogu soo dhaweeyay isaga iyo weftigiisaba sida uu sheegay meqaam sare oo xataa ay jireen waxyaabo uu kaga duwanaa wufuudii kale ee dalalka kale ka soctay, oo uu gaar u xusay, wasiirku isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi; “Innaga ka Somaliland ahaan, si rasmiya ayaa la innoogu soo casuumay, in ka badan Afartan waddan baa yimid, hay’addo badan oo caalamiya baa yimid, wasiirradana waxa joogay ilaa soddon wasiir oo wasiirradii caafimaadka ah. Weftigaygan aan hoggaaminayay anigoo wasiirkii caafimaadka ah, si heer sare ah baa la noo soo dhaweeyay. Waxa jirtay in goobtii aan shirka ka fadhiyay la sudhay calanka Somaliland iyo magacaba, halka wasiirrada kale ama madaxda dalalka kale uu horyaalay magaca dalalkooda, oo aannu calan lahayn.” Waxa uu wasiirku sheegay in ka wasaarad caafimaad ahaan ay Somaliland dhinaceeda u soo saxeexeen heshiis ku aadan iskaashiga qaarada Afrika ee cudurada dilaaca, waxaana isagoo ka hadlaya uu yidhi; “dhinaca caafimaadka waxa aannu soo saxeexnay heshiis ah in Afrika iska kaashato xanuunada dilaaca.” Waxyaabaha aannu la kulnay intii aannu joognay waxa ka mid ahaa, waddan yar oo Lezota la yidhaahdo oo South Afrika ku dhex jira oo wasiirka caafimaadka oo gabadh yar ahi ay ka socotay iyo gabadh iyaduna ah wasiirka caafimaadka dalka Muzambik, dhammaantoodna waannu casuunay waanay naga aqbaleen, iyagoo leh ma sugi karayno intaanu Somaliland tagayno, waxa aannu sidanay dastuurka Somaliland luuqada Ingiriisiga ku qoran, oo aannu tusnay una qaybinay madaxda, annagoo in badana wada sheekaysanay, ugana warannay dalka Somaliland.” Geesta kale Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf waxa uu ka hadlay sida loogu socdaalo, isla markaana meel kasta loogu tagi karo baassaboorka Somaliland iyo sida qaarada Afrika u xiisanayso la macaamilka jamhuuriyadda Somaliland. “Waxa aan ku tegay baassaboorka Somaliland ee dublamaasiga ahaa, fiisihii Muzambik ayaa madaarka la iigaga dhuftay. Waxaan ku boorin lahaa dhammaan wasiirrada saaxiibbaday ah, si baasaboorkeenna loo barto inay qaataan, oo kolay baassaboorro kale ayaa hoosta lagu wada haystaa oo aniguba mid Ingiriis ah baan haystaa, laakiin bari hore ayaa iigu dambaysay, keygaa Somaliland-ta ayaan ku baxaa meelksatana ku tagaa.” Ayuu yidhi Wasiirka horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf Source
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Kullan ay Magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ku yeesheen Xildhibaanada maamulkaasi ayey cod gacan taag ah ku ansixyeen xubnaha lagu dhameystiraayey Gudiga Doorashada Madaxweynaha maamulkaasi. Fadhiga Xildhibaanada ayaa waxaa xaadir ku ahaa Xildhibaano gaaraya 138, Xildhibaan, waxaana u codeeyay 134 Xildhibaan oo cod gacan taag ah ugu codeeyay, waxaa diiday laba Xildhibaan, halka laba kalena ay ka aamuseen. Gudiga Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo ay maanta ansixiyeen Xildhibaanada maamulkaasi xunbaha lagu soo kordhiyay ayaa laga dhursugayaa darder gelinta doorashadaasi xiligeeda ka dib martay ka dib markii xubno dhowr ah oo guydigaasi ka mid ahaa ay is casileen. Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa isha ku haaya Badi Soomaalida meel kasto oo ay joogaan iyo beesha caalamka. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa hadda ansixiyey 15 xubin oo ka tirsan guddiga doorashada maamulkaas. 136 mudane ayaa la sheegayaa in kulanka soo xaadirtay, codeyntii la qaaday 132 ayaa ogolaatay, 2 xubin ayaa diiday halka 2 kale ay ka aamuseen. Dhinaca kale, habraaca doorashada iyo araajidii la qabtay waxba iskama badalin, waxaa loo balammay doorashada 28-ka bishan. Gooboog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa goordhow Baydhabo ku ansixiyay Guddiga doorashooyinka maamulkaas. Guddiga la ansixiyay ayaa tiradooda waxa ay ay gaareeysaa 15 xubnood oo ah guddiga doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya oo dhowaan doorashadeeda ay qabsoomeyso. 138 Mudane Oo soo xaadirtey fadhigii maanta ee Baarlamaanka 134 Wey ogalaadeen in Gudiga Uu shaqeyo 2 mudane ayaa diiday halka 2 kalena ay ka aamuseen. Doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta dib u dhacday oo lagu balansanaa in ay dhacdo. Hoos Ka aqriso Magacyada Guddiga Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed oo la ansixiyay appeared first on Puntland Post.
-
JAMHUURYADDA SOMALILAND WAA LAMA HURAAN INAY TALLAABO ADAG KA QAADDO CADAAWDDA AAN KALA GO’A LAHAYN EE MAAMULKOLAYGA FARMAAJO IYO CAADAQAATAYAASHA U ADEEGA KU HAYAAN QARANIMADA SOMALILAND. Waxaynu ognahay in aan maamul kolayga Farmaajo ee Xamar ka dhisani ka waantoobin mijaxaabinta iyo hagardaamada Jamhuuriyadda Somaliland. Waxay geed dheer iyo geed gaabanba u fuulaan sidii ay u waxyeelayn lahaayeen jiritaanka iyo Qaranimada Somaliland. Waxaa meesha ka maqan ficil qaadasho ka timaadda Somaliland. Waxay ka gaabisay inay ka hortagto dhibaatadaa iyo colaaddaa hadhbeeshay ee aan kala go’a lahayn, ee maamulkaa Xamar ee awood u waayay inuu amaankiisa sugo. Halka ay ilaaliyaan ciidamo calooshooda ushaqaystayaal, oo Afrika looga soo yaboohay. Somaliland waxaa la gudboon inay tallaabooyin lama huraan ka qaaddo cadaawaddaa joogsan la’ , xadna u yeesho siday ula dhaqmi lahayd maamulkaa itaalka daran ee xaafad Xamar ah awood u waayay inuu sugo amaankeeda. Xeer ilaalinta iyo laanta amaanku waxay ka gaabiyeen inay daba galaan hagardaamada ay gaystaan dadka sheegta inay Somaliland ka soo jeedaan ee ka qaybqaata waxyeelada maamulka Xamar u maleego jiritaanka Qaranimada Somaliland. Dadkaasi waa caadaqaatayaasha ku jira maamulka Xamar, ee ah wasiirrada, Golaha Sare ee Odayaasha, iyo Golaha Baarlamaanka Federaalka. Dhammaantood waa dambiilayaal Qaran, oo Farmaajo maamulkiisa kala qaybqaata la dagaalanka jiritaanka Somaliland. Dadka noocaasa waa waajib in lagusoo oogo Dembiyada ah Khiyaamo Qaran inay ka galeen Dalka Somaliland ee ay sheegteen inay kasoo jeedaan. Waxaa la yaab ah in dadkaasi si baxan adduunka ugu doodaan inaanay Somaliland xaq u lahayn inay aayaheeda ka tashato, iyaguna ay yihiin dad ka soo jeeda Somaliland. Arrintaasi waxay laanta ammaanka iyo xeerilaalinta Somaliland u banaynaysaa inay Dembigooda soo habayso, oo horkeento maxamadda Qaran. Haddii aan tallaabo adag laga qaadin caadaqaatayaashaa dhuuniga dhaafsanaya dalkooda, iyo sharafta ummaddooda waxay dhalaysaa, in cid waliba dhayalsato Dastuurka Qaranimada Somaliland. Waa in dunida loo muujiyaa in dambiilayaasha qaran, ay la kulmi doonaan ciqaab adag oo aanay mahadin. Waynu aragnaa iyaga oo idaacadaha ka doodaya,, oo weliba duraya in Somaliland aan ahayn Dal madaxbanaan. Ayna ka qaybqaataan cid kasta oo colaadda iyo cadaawadda Somaliland ka shaqaysa. Waxaa iyaduna lama huraan ah in Somaliland sugto xuduudda jamhuuriyadda, maadaama ay keenayso in lagu soo dhiirrado, in la carqaladeeyo dagganaasha Somaliland. Wax kasta oo kubaxaya cidna laga yeeli maayo. In dawladaha Afrika ee xuduuddii gulmaysigu jeexay sheegta, isla markaana Somaliland oo xornimada ka horqaadatay ay ku boorriyaan inay xuduuddeeda goggortan geliso. Maamulada Afrikaanka ah ee mid walba sheegto xuduuddii gumaysigu jeexay, xaq uma laha inay Somaliland kala hadlaan inay ka gaabsato inay xuduuddeeda amaankiisa sugto. Waa inay ka waantoobaan kuwa sidaa ula yimaadda Somaliland. Somaliland waa inay ka dalbataa dawladda Imaaraadka iinay Aqoonsato, maadaama ay u oggolaatay inay Saldhig Milatari ka dhisato Somaliland. Suuragal ma noqonayso in dawladda Imaaraadku Saldhig Milatari ku yeelato Somaliland, oo amaankeeda, iyo dhibaatooyin kaleba ay u keenayso, iyo cadaawad kaga timaadda aano dawladda Imaaraadku gaysatay. Xukuumadda Somaliland waa inay tallaabada ku habboon ka qaaddaa. Mar haddii ay arrimahaasi oo dhammi Qaranimadeeda dhaawacayaan. Golayaasha Baarlamanka iyo Guurtidu waajibkooda ha maraan, inta ay xukuumadda ku hallaynayaan, halka ay iska dhigayaan qaar aan danbiga qayb ku lahayn. Waa in lala xisaabtamaa caadaqaatayaasha xamar iyo Farmaajo adeegsado, ee wasiirada iyo baarlamanka xamar ku jira. Waa in hal hal dembigooda loo iclaamiyaa, ciqaabtoodana maxkamad la geeyaa, xataa hadday dalka ka maqan yihiin. Dembiile qaran waa dembiile qaran meel kasta oo uu ku sugan yahay. Waa inay ogaadaan inaan Qaranku ka hadhaynin ciqaabtooduna sugayso, maalinta gacanta lagusoo dhigo. Rabbi ayaa Mahad leh. Eng. Youssuf Ahmed jicsin@hotmail.com London U. K. Qaran News
-
Ururka u Dooda Xuquuqda Beelaha la Hayb-sooco oo Ku Eedeeyey Masuuliyiinta Barnaamijka Shaqo Qaran Inay ka Takooreen Saamigoodii iyo Madaxweyne Muuse Biixi oo ay Baaq Qaylo dhaan ah u Direen War-saxaafadeed Ururka Vosomwo ee u Dooda Xuquuqda Bulshada la Takooro ee Gabooye, waxa uu Cod dheer ku Cambaaraynaya Barnaamijka shaqo qaran, ee Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ku dhawaaqday, kaasoo ay sheegeen inay 1500 Qof oo Loo Samaynayo Shaqo Qaran. Masuuliyiinta uu Barnaamijkan Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi u wakiishay, waxay dhowaan qudh iyo Maan u qaybiyeen 1500, ee Muwaadin, kuwasoo ku saleeyey hab-saamiyeed Gobolaysan, isla markaana waxay usii Kala qaybiyeen oo ay gaar u qoondeeyeen xuquuqda dadka Naafada ah iyo sidoo kale tan Haweenka oo ay gobol-gobol isu dul-taageen tirada ay ku yeelanayaan. Tallaabada kootada Haweenka iyo naafada ee looga qoondeeyey Barnaamijka shaqo qaran, ugu horeyn wuu soo dhoweynayaa Ururka Vosomwo ee u dooda xuquuqda Beelaha la duudsiyey. Hase-yeeshee Wuxuu Ururku Cod-dheer ku Cambaareynaya halkay ku ilaaween kooxdan masuuliyiinta looga dhigay Barnaamijkani la mareen xuquuqdii Beelaha Gabooye, iyagoo masuuliyiinta Barnaamijkani bulshada Gabooye kula kaceen Gabood-fal ka baxsan Bini-aadanimada iyo xuquuqal insaanka, waxanu ururku ugu baaqayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi iyo masuuliyiinta hawlahani khuseeyan inay degdeg Bulshada gabooye saamigoodii gobol-gobol usoo siiyaan, isla markaana si cad u ummadda ugu sheegan. Sidoo kale, Ururka Vosomwo, waxa uu Xukuumada Madaxweyne Muuse ugu baaqayaa inay ka badho jidkii cunsuyadda ee Xukuumadihii ka horeeyey ku hayeen bulshada gabooye, oo laga Takooray Xuquuqahoodii aas-aasiga ahaa ee ay Kala sinnaayeen muwaadiniinta kale ee Somalilanderka ah. Kuwasoo ku takooray qalinka Madaxweynenimo in Xukuumada laga siiyo saamiyadoodii iyo in golayaasha qaranka ka madhnaadan, sidoo kale waxa iyanna cajaa’ibba ah in xataa shaqaale hoosaadka dawlada laga takooray Bulshada Gabooye. Iyadoo ay jiraan dad aqoonyahano ah oo kasoo jeeda bulshadan la isir Takooray, ayaa haddana waxa marar badan dhacday in iyagoo kusoo baxay Imtixaanaad laga saaro dadka helay shaqooyinka dawlada ama waxbarashada deeqaha dibada. Sidaas daraadeed mudane Madaxweyne waxanu kugu baaqaynayaa inaad hormuud tusaale ah ka noqoto, sidii Bulshadan Gabooye ee sidii loo Takooraayey nuglaatay aad ka saarto, isla markaana meel cad iska dhigto xuquuqdooda shaqo qaran, Masuuliyiinta dawlada, shaqaalaha kale Xukuumada iyo mashruuc kastoo muddo xileedkaaga aad fuliso, waxanu kaa Codsanaynaa inaad Kooto Tiro go’an ugu xidho Bulshada Gabooye. Waxa kaloo mudane Madaxweyne Ururku kaa Codsanayaa inaad daba-gasho oo aad sii xoojiso Kootadii hore aad u saxeexday ee qoondada golaha Wakiilada, walow tiradu yarayd, hadana urur ahaan waanu kugu ayidsanayn. Mudane Madaxweyne Addaamuhuu ka meel kastoo uu dunida kaga sugan yihiin, waxa laga baxay gumaysigii, jinsi iyo midooda midab takoor noocu doono ha noqdee, marka laga reebo dadka soomaliyeed oo iyaggu leh caado xun oo ay ku faquuqan bulshada kamid ah, kuwasoo ah umaddaha Gabooye, ayaa haddana waxa la filaayey in laga koro dhaqanka noocaas ah oo casrigan aynu joogno lala talaabsado, oo xukuumadduhuu gadh-wadeen ka noqdaan adiguna ay haboon tahay inaad tusaalaha Taarikhda gala noqoto, taasoo Ilahayna kugu gargaari doono hadaad dumiso darbi umadd lagu Dulmiyey xuquuqdoodii. Ugu Dambayn, waxanu Mudane Madaxweyne adiga iyo masuuliyiintaada Barnaamijka shaqo qaran gacanta ku haysa, waxanu idinka Codsanaynaa inaad tiro go’an gobol walba ka siisan Bulshada Beelaha Gabooye. Filasho wacan baanay idinka eegayaan Beelaha Gabooye iyo jawaab Deg-deg ah. Halkan hoose waxa uu Ururku bulshada Diinta, cadaalada iyo xuquuqda Bini-aadanimada taqaan kula wadaagaysa shaxda aanu ka cabanayno ee Takoorka ah, ee Barnaamijka Shaqo qaran, annagoo filayna inaydun ka garaabi-doontan Insha Alla. 1. Saamiga Gobalka Maroodi-jeex 253 wiil, 117 gabdhod, 20 nafo ah = 390 2. Saamiga Gobolka Togdheer 136 wiil, 63 gabdhood, 11 naafo ah = 210 3. Saamiga Gobolka saaxil 71 wiil, 33 gabdhood, 6 nafo ah = 110 4. Saamiga Gobolka Sanaag 214 wiil, 99 gabdhood, 17 nafo ah = 330 5. Saamiga Gobolka Sool 156 wiil, 72 gabdhood, 12 nafo ah = 240 6. Saamiga Gobolka Awdal 154 wiil, 50 gabdhood, 14 naafo ah= 220 Email: vosomwo@hotmail.com, vosomwomonitors@gmail.com, VOSOMWO’s Head Office, located 1st Floor Dalwanaaje Building, Hargeisa Somalilan Qaran News
-
The two nations hope to achieve this by encouraging cross border investments. At a meeting in Nairobi on Thursday, Trade and Industrialisation Cabinet Secretary Peter Munya and Somaliland envoy to Kenya Bashe Awil Omar discussed the investment opportunities that can be explored for the benefit of the two nations. The two said that plans are underway to have direct flights from Nairobi to Hargeisa, Somaliland. They said that there are plans to link the port of Mombasa and that of Barbera in Somaliland. Mr Munya is expected to meet Somaliland Trade minister to work on how the two countries can work together. “There is so much Kenya and Somaliland can gain from each other,” Mr Munya said after his meeting Mr Bashe on Thursday. MIRAA TRADE “Kenya is a big economy in the region, but we cannot live and operate in isolation. We need our neighbours and Somaliland offers more opportunities for Kenyan investors,” said Mr Munya. Trade between Kenya and Somaliland is low due to lack of direct flights between the two countries. Mr Munya said Kenya stands to gain from miraa trade. Somaliland spends over Sh54 billion annually on Ethiopian miraa. The sector is a key source of employment in Somaliland. In 2016, while sitting as Meru Governor, Mr Munya visited Somaliland capital Hargeisa to look for miraa market. Mr Munya said Kenyan miraa is charged 300 per cent duty while the Ethiopian khat is charged 100 per cent duty, making it impossible to compete. “The miraa market in Somaliland is worth about Sh40 billion which Meru farmers should have a share,” Munya said. Mr Munya said he will persuade the government of Somaliland to remove the obstacles that have hindered the export of miraa to Hargeisa. “If we strengthen stronger economic and trade ties, we will be able to export khat without problems,” said the minister. Somaliland also imports dairy products from Kenya. Somaliland broke away from the Federal Republic of Somalia in 1991. The country, which has claimed autonomy from the main Somalia government, is on a mission to initiate relationships with regional states as it prepares to campaign for recognition by the African Union and United Nations. LIVESTOCK TRADE Mr Bashe said Kenya and his country stand to gain from the expansion of the Berbera Port which, he said, would work in collaboration with the port of Mombasa. “We (Somaliland) have offered to share areas we are strong in especially in livestock trade and we invite traders at the Mombasa port too to explore their areas of strength and work with Berbera port,” said Mr Bashe. “During our meeting with Mr Munya, we discussed how to promote trade between Kenya and Somaliland and foster relationship that is mutually beneficial to both countries, “said Mr Bashe. He added: “We want to work closely with businessmen from Kenya. There are so many investment opportunities in Somaliland. We already have business and trade links with the United Arab Emirates and Ethiopia and we want to open doors for Kenyan business community.” Source
-
Xildhibaanaza Koonfur Galbeed oo maanta isugu yimid iney ansixiyaan Gudiga Doorashada Ayaa dagaal gacan ka hadal ah uu dhexmaray. Xildhibaanada qaarkood ayaa ku doodaya in Faragalin xoogan ay ku hayso Dowlada Federaalku oo iyadu xitaa saameyn ku leedahay Xulista Gudiga Doorashada. Wasiir ka tirsan Federaalka ayaa dhex fadhiyey Xildhibaanada xiliga uu buuqu bilowday. Waxaa maanta qorshuhu ahaa in la meel mariyo Gudiga cusub ee Doorashada si loo gudo galo howlihii doorashada laakiin taasi wali ma aysan dhicin oo wali buuq ayaa ka dhex taagan Baarlamaanka. Puntlandi.com Baydhabo Source
-
Waabaa saddex arday Isku fasal ahaayeen, oo isku dugsina dhigan jireen. Maalintii dambe ayaa mid ka mid ah isaga oo iskuulkii usoo socda ayaa waxaa ka lumay shillinkii uu nusu saaca ah u watay, mid ka mid ah saaxibadii ayaa soo gaadhay oo weydiiyey wuxuu raadinayo? Wuxuu u sheegay in shilling ka lumay oo uu shillinkaas raadinayo. Ninkii ardayga ahaa saaxiibkiisii kale kama tegine shillinkii ayuu la baadi goobay, aad bay labadii arday shillinkii u baadi goobeen, hasa yeeshee waa waayeen. Markii ay quus ka istaageen ayey iska tageen, oo dugsigii iska aadeen. Maanta oo dhan markii ay shillinka raadinayeen waa arkayeen mid ardaydooda ka mid ah, oo sida sanamka wadada dhexdiisa taagan oo aan juuq jaaq toona lahayn. Hasa yeeshee kuma aysan darsan oo marba dhinac ayey ka dhaafeen. Markii ay dugsigii aadeen, ayaa kii meesha taaganaa isna ka daba tagay oo dugsigii aaday. Markii ay dugsigii tageen ayuu macalinkii yidhi war xaggee ku Habsaanteen oo aad xiisada kaga soo daahdeen, ayuu mid kasta gaarkiisa u weydiiyey. Kii shillinku ka lumay ayaa hadalkii bilaabay oo yidhi; “Macalin shilinkii aan u soo qaatay nusa saacaha ayaa iga lumay, kaas ayaan raadintiisa ku habsaamay”, Kii labaad ayaa isna hadalkii qaatay oo yidhi “Ana macalin waxaan ku habsaamay ninkan saaxiibkay ee shillinku ka lumay ayaan shillinka la baadi goobayey oo aan la raadinayey”, Kii saddexaad ayaa la weydiiyey war adna xaggaa ku habsaantay? Wxuu ku jawaabay “macalin waxaan ku habsaamay aniguna, ninkan saaxiibkay Shillinkii ka lumay ayaan ku taagnaa oo aan ka qarinayey”. Haatan arrinta icitraafka Soomaaliland Isaaq wuu ka lumay oo wuu raadinayaa, Geda-buursina waa la baadi-goobayaa saaxiibkii, Hartina waa ku taagan yahay oo wuu qarinayaa. W/Q: Maxamed Cabdicasiis Cali Jiidaal “Maan-Quudiye” (KAFTAN BILAA TURXAAN AH) jidaal2016@gmail.com Source
-
salaan kadib waxaan halkan idin ku soo gudbinayaa maqaalkii labaad ee aan ka qoro nolosheena iyo samaynta xanuunada aynu gacmaheena ku abuurano. waxaa igu kaliifay inaan qoro maqaalkan cabashada aynu ka cabayno xanuuno badan sida;(gaastari,dhiikar,macaan,sanboor,hargab,faalig,iwm) xanuunadan ayaan aaminsanahay inaan gacmaheena ku abuurano sababtoo ah markaad aragto meelaha aan ku cuntayno(restraunts ) ama cunatada aynu cunno intaba waxaa ka muuqata tayo la’aan,nadaafad darro. hadaba waxaan tilmaami doonaa oo aan fasiridonaa qodobo badan oo aan ka qaadi karno xanuunada gacmaheena aan ku abuuranay (allah haynaga badbaadiyo ); 1: Isnadiifin la’aan jirta:inbadan waxaaad aragteen dadkeena oo la daalaadhacaya xanuuno badan oo halis ah iyo kuwa kale oo ayla noolyihiin waxaad sidoo kale aad ku aragteen indhihiina meherada aynu ka cuntayno in ay tahay meelo aan aad loo nadiifin, waxaan ogsoonahay inay dadkeenu iska indhatiraan waxa saxda ah ee udaran nafteena ,nadaafadeena,caafimaadkeena iyo iwm. nadaafaduna waa qayb kamid ah iimaanka; nabigeenu (scw) inbadan ayuu inooga waramay nafteena iyo wanaageeda sidoo kale waxa uu inoo tilmaaamay nadaafada,jidhkeena cuntadeena guryaheena iyo meesha marba aynu ku suganahay. hadaba waxaa halkaa ka caadaanaysa inlaga qaadikaro xanuuno badan kuwaas oo u muuqda inaan gacmaheena ku abuuranay . 2:Mudalab iyo Kariye;(waiter and cooker) waa meel kalo oo astaaan cad u ah in laga qaadikaro xanuuno badan waaayo?! Agabka iyo labiskooduba waxaaad ka dheehan kartaa uskag ka muuqda dharkiisa jirkiisa,iyo qaabka shaqadiisa oo aan nadiif kusalaysnayn. hadaba akhristow ma ila aragtay dhacdan (Haa/Maya) qofka bani aadamka ah waxaa waajib ku ah in uu isnadiifiyo iskana nadifiyo dhammaan wasakh kasta oo saamayn ku yeelan karta nolosheena. sharcigeenuna waa sharci dhamays tiran oo Allah inooga waramay waxkasta oo nafteena badbaado iyo khasaaraba u ah sidoo kale nabigeenu(scw)waa inooga waramay diinteeena iyo wanaagyada nadaafadu leedahay. 3:Hudheelada hortooda iyo guryaha hortooda: Hudheelku waa meesha laga cunteynaayo waxaana waajib ah inuu cuntada iyo alaabta lagu cuntaynaayo iska nadiifiyo iyo dhamman degaanka uu kufadhiyo huteelku hadba waxaad aragteen in laga dheehan karo wasakh badan oo kamuuqata meesha uu hudheelku degenyahay oo haday ahaato meesha lugu faraxasho, kuraasida, meelaha la istaagayo,iyo jikada wax lugu karinaayo.(waxaana laga qaadikaraa xanuuno aynu gacmaheena ku abuuranay). Guryaheena waxaan aragna inaynu ku horqubno uskagyada iyo wasakh kasta oo aan kasoo qufno hadhowna waxaa ay kaqaadi karnaa xanuuno aan ku abuuranay gacmaheena. haweenkeena,caruurteena,dadka dariiqa maraaya intaba saamayn ayuu ku yeelan karaa oo waxaa sifud looga qaadikaraa xanuuno ay kamid yihiina (hargab,sanboor iwm , allah haynaga badbaadiyo ) 4:Biraha isgaadhsiinta shirkadaha (Towers) Waxaa jirta halis weyn oo baaxadeeda leh oo aan bulshadu ka warqabin Lana odhan karo waa dilaaga qarsoon .Waxaa jira cuduro aan daawo lahayn oo bulshadeenu maalin kasta U dhimanayso. dawlad iyo shicibtoona cidi ka hadlayn, waana biraha dhaadheer ee isgaadhsiinta oo xaafad walba laga dhex taagay, shirkaduhuna ma daneeyaan wixii bulshada dhibaataynaaya waxa kaliya ee ay eegaan waa lacagta yar oo kasoogalaysa. Cudurka ay aadka U sababeen biraha isgaadhsiintu waxaa ka mida ilmaha oo dhinta isagoongaadhin xiligii dhalmada ama noqda ( DHICIS), waana mid aad iyo aad ugu badan bulshadeena, qoyskasta ood waraysato waxay kuu sheegayaan inuu jiro qof ilmihii ka dhintay intuuna gaadhin xiligii dhalmada.Aduunka waxa mamnuuc ah in biraha isgaadhsiintu laga taago meel bulshadu dagantahay ama udhawdahay, waxa laga fogeeyaa in ku dhawaad ‘1KM’ iyadoo lagu lifaaqo bir layidhaahdo (LED) tasoo yaraysa dhibaatada fidida (radio active) ka. Bal u fiirsoo shirkada isgaadhsiintu waa kuwa ugu badan ee ka faa’iida bulshada xaga lacagta.Waxa bulshada kasoo gala lacag gaadhaysa malaayiin dolar bishii, kamanay fikirin Inay bulshadooda danyarta ah ee bilaa cilmiga ah ka qabtaan ama ka badbaadiyaan dhibaa tadooda balaaran. ALLAH mooyee cid ka badbaadisa bulshada danyarta ah dhibaatadan MA jirto. Maqaal kani ma soo koobikaro dhamman xanuunada aan gacmaheena ku abuuranay lakiinse waxa uu tuse iyo dhiirigaliye u yahay aqoonyahanka fadhiidka noqday ee gabay shaqadoodii (dhakhaatiirteena ah) waxaa loo baah naa bahda dhakhaatiirta in ay ka soo saaraan cilbaadhis balaaran oo faaido u leh diinta dadka iyo dalkaba. Waa billaahi towfiiq Halhaystaydu waa: Ka tallaabso seeraha, dhanka libinta soo aad QORE:Mohamed basher Hassan(AYMAN) Tell:063-6483645/065-9345261 Email:mo#bashiir23@gmail.com Source
-
Sheekaba sheeko ayay keentaaye, Waxaa bari deganaa goob barwaaqo iyo nabad maasheysay koox jiir ah, waxa mar danbe ku soo biiray koox kale oo nabada goobtu soo jiidatay. Way ku tarmeen nabad iyo caano ku maaleen, hase yeeshee waxa xaalkii is badalay markii bisadi soo ag degtay, ee ay midho midhaysatay, dhawr bay ku quraacatay dhawr kale oo jiirka ka mid ahna way ku qadaysay, intii kalana way ku cashaysay. Mid kasta oo ka mida jiirka deegaanku wuu dareemay halista la soo daristay, Odayaashii, haweenkii iyo dhalinyaradii baa iclaamiyey shir ballaadhan oo lagaga tashanayo arrintan ku soo korodhay. Markii lagaadhay maalintii loo ballan sanaa shirka waxa gudoomiyay odaygii ugu da,da waynaa jiirka, wuxuu yidhi “waad ogtihiin oo ma lihin awood aynu iskaga celino bisada waxaase loo baahan yahay in la fikiro, maskaxda la tuujiyo oo lala yimaado xeelad inaga bed baadisa baladan laynoo soo diray, shirkiina wuu furan yahay”. Waxaa markiiba farta taagey mid ka mid ah aqoon yahankii oo hadalkii la wareegay. Waxaanu yidhi guddoomiye, “Bisadu intay soo dhabacato bay mar qudha daf ina soo tidhaahdaa inagoo baraad la, bay mid inaga mida latagtaa, haddii aynu si uun ku garan lahayn markay soosocoto waynu ka carari lahayn oo godkeena baynu isku shubi lahayn”. Midka mid ah dhallin yaradii baa hadalkii la wareegay wuxuu yidhi aniga oo tixraacaya hadalka saaxiibkay waxaan soo jeedinayaa gudoomiye in bisada aan goorta u gelino koor, sidaas baan ku ogaanaynaa markay xageena u soo dhaqaaqdo oo aan ka tabaabushaysan karnaa, mar qudha baa sacab, mashxarad iyo sawaxanku is qabsaday, sax sax allelehe waad heshay loo noqon maayo bay ku dhawaaqeen iyaga oo jibbaysan. Iyada oo sidii la tuban farxad iyo riyaaq oo gudoomiyihii ku dhawaaqay in u shirku xidhan yahay baa waxa albaabka ka soo galey jiir shirka ka habsaamay oo hurdo latagtey hadda uun socda, markaas buu waydiiyey waar maxa dhacay mee shirkii?. Markii loo waramay wuxuu ku yidhi waar fikirku ma xumee yaa fulinaaya, yaa bisada koorta qoorta u galinaaya?!!. Hadaba shirkan jiirku wuxu I xasuusiyay balan-qaadyo tiro badan oo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Iyo xisbigiisa KULMIYE ay u sameeyeen shacab waynaha ku dhaqan jamhuuriyada Somaliland wakhtigii lagu jiray olalaha doorashada madaxtinimo, muuse biixi mar walba oo uu fagaarayaasha ka hadlayo wuxu inoo sheegayaa waxa loo baahan yahay in dalkeena laga qabto dhinac kaste oo ay ahaataba, hada odaygu waxqabad isaga looga fadhiyay oo loo baahnaa inuu qabto ayuu shacabka ku canaananayaa maxaa loo odhan jiray muuse go’aan qaadasho ayuu leeyahay. Arinta lala amakaagsan yahay ayaa ah markii dhawaan madaxweynuhu sameeyay isku shaan-dheyn hadal badan dhalisay oo uu wasiirkii maaliyada u dhiibay inaaderkii Sacad Cali shire oo aan ogayn siduu ugu fashilmay siyaasadii arrimaha dibada halka uu Odaygii Faratoona u dhiibay wasaaradii arrimaha dibada, somaalidu qofka ay maqasha kala quusato ayay geela u dirtaa? Gobolkii balaadhnaa ee sanaag jabhado ayaa ka dilaacay, badhan puntland ayaa fara-baas ku haysa, farmaajo ayaa siyaasadii arrimaha dibada weerar aan gabasho lahayn inagag haya, sicir-bararkii ayaa xadhkaha goostaay, xilalkii ugu mihiimsanaa waxaa haysta beesha madaxweynaha, shaqo la’aan, wax-qabad la’aan, wasiiradii ayaa laba laba isku haysta oo maalin walba aan warbaahinta ka aragnaa laba masuul oo madaxa iskula jira oo is haysta IWM, alle ha sahlee Xaaladuhu waa wax soo yucan !!! Gunaanadkii madaxweynahuhu balankii uu inagaga baxay wax badan oo uu inoo balan-qaadayna waxba kama socon, waxan kula talin lahaa laba mid uun, inuu madaxweynuhu imika sidan wax ka badalo iyo inuu sida ugu degdega badan isu casilo, hadii odaygu uu xaladahan indhaha ka daawado waxa dhici kacdoon dadweyne isagana ceeb iyo fool-xumo ayaa ka raaci. Waxaa Qoray: Axmed-kaafi Saleebaan Carab Axmedsalo123@gmail.com Burco/somaliland Source
-
(SLT-Hargaysa)Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi oo ka mid ah Madax-dhaqameedka waaweyn ee Somaliland gaar ahaan kuwa Gobolka Maroodi-jeex ayaa si culus oo adag uga hadlay xaaladda dalku maanta marayo isaga oo dhaliilo culus u soo jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumaddiisa kana hadlay arrimo badan oo uu Boqorku baaq ka diray. Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo Caasimadda Hargeysa ugu warramay Telefishanka SAAB TV waxa uu yidhi: “Umadda Somaliland waxaanu sheegayaa in maanta sida wax loo wadaa aanay si munaasab ah aanay ahayn. Wixii dhacay waad og tihiin. Waxa taagan waad aragtaan iyo sida wax u socdaan. Waxaad ogtihiin in aanu dalkii gacanta innoogu jirin ee tababarro ka socdaan oo cido kale wax waddo. Kutladdii meesha qabsatay in ay xaafadland ka dhigeen waddankii. Waxaan leenahay Xaafad-land haloo sheego dadka. Dadka intiisa kale waxaanu ku baraarujinaynaa in ay tashadaan oo ay dalkooda u taliyaan. In ay sida imika wax yihiin ay ka baddalaan wax oo aanay macquul ahayn Madaxtooyada ayaan raranayaa. Maaliyadda waxaan keensanayaa inaadeerkay. Maxkamadda waxaan keensanayaa inaadeerkay. Ciidankana waxaan u dhiibanayaa inaadeerkay. Ku socon maayo dalku wax walba waxaan u dhiibanayaa inaadeerkay. Meel walba ilmaadeeraday baan u dhiibanayaa, xaafadda ilmaadeeraday baa leh magaalada ilmaadeeraday baan leh madaxtooyadana waxaan u raranayaa xaafadayadii adeer waxaasi socon mayso. Dadka iyo umadda reer Somaliland waxaan u sheegaynaa in aanay waxaasi ahayn wax soconaya marnaba. Hargeysa waxa ay leedahay Madaxtooyo. Waxa ay leedahay Gurigii State House ka la odhan jiray iyo Hargeysaba cidda baloodhaysatay waanu naqaanaa oo dibbaanu ka soo sheegi doonaa sida ay uga kala qaataan kirada iyo cidda la dejiyey. cid kasta oo hantida umadda maydhaantay waxaanu u sheegaynaa intii Siilaanyo hayay iyo inta imikaba in laga daba tagi doono oo ay dhamaantood xaaraan tahay waxa lagu bixiyay. Umadda waxaasi uma cuntamayaan oo ma soconayaan. Berbera in labada xaafadood qaybsadaan waxaanu ka yeelayno maaha. Dalkeenii maanta sida uu u socdaa si la aqbali karo ma aha. Umaddana waxaanu u sheegaynaa in ay ku baraarugaan in dalkoodii ay hoos u eegaan maanta. Nabad-galyadooda ilaashadaan. Wada jirkooda ilaashadaan oo nooca wax loo wado aanay aqbalin. Inta uu halka isa soo taago in uu yidhaa inaadeerkay baa wax walba ii fulinaya. Inanka yar ee sida gofahana u naaxay ee halka isa soo taagay ee lahaa haddii aanu wadada madaarka samayno gurigooda ayaa qaaliyoobi doona oo 30-kun noqon doona imika tobanka kun ah. Waxaasi ma wax la qaataa. Dadka reer Somaliland ee danaynaya ee aan waxaa shuraako la ahayn in ay tashadaan oo ay aqbalaan xisbiyadu waxa ay soo jeediyeen”. Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: “Xaafaddan Maxamed Mooge dadkii u kacay ee cashuurtoodii la cunay oo cashuurtoodii guryaha lagu dhisanayo ee yidhi waxaanu samaysanaynaa maamul oo jeelasha ku jira oo durba lagu ilaaway. Waxaanu leenahay bilaa shuruud halagu soo daayo. Dadka kale ee toban tobanka sano lagu xukumay ee reernimada loo xukumay ee cadaawadda loo xukumay ha helaan xorriyadooda. Waxa la ii sheegayay saxaafadda in la bartilmaameedsaday waxaanu leenahay wax la aqbali karo ma aha. Waxaan maqlayay dhibaatada lagu hayo SAAB TV iyo Wargeyska FOORE waxaanu leenahay waar saxaafaddu waa xor oo ma jirto cid cabudhin kartaa. Dhulka wixii baxay waxaanu ku soo samayn doonaa qoraal. Haddii ay dhulka madaarka tahay iyo ay meelo kale tahayba. Waxa la ii soo sheegayay Madaarka inankii yaraa ee joogay in isagana laga eryey oo loogu sheekeeyey wax aan caruurta loogu sheekayn. Madaarka dadkii laga qaaday dhulkooda bannaan oo ahaa dhawr iyo toddobaatan qof. Waxaan leeyahay dhulkoodii haloo celiyo. Dadku xaq bay u leeyihiin in ay dhulkoodii helaan. Waanan ku garab taaganahay annaga ayaana hor galayna”. Ayuu yidhi Boqor Raabi. Source
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegayo inuu buuq ka taagan yahay howlka Shirarka ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo Maanta la filayey in lagu ansixiyo Guddiga Doorashada Maamulkaas. Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa isku khilaafay ansixinta Guddiga Doorashada maamulkaas oo Maanta la filayey in lasoo dhameystiro. Sida aaan wararka ku heleyno Xildhibaanada ayaa gacanta iskula tagay waxayna isku garaageyn Kuraasta kadib muran ka dhashay ansixinta Guddigaas oo lasoo sheegayo in Xubnaha intooda badan ay wadato Dowladda Federaalka. Xarunta uu Shirka ka socdo ayaa waxaa goobjoog ka ah Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Dowladda Soomaaliya. Waxaa la arkayey Xildhibaanada oo feertamayo iyo kuwa isla dhacayo Kuraas, waxaana Xildhibaanada dagaalka ku jiro kamid ahaa kuwa haweenka ah oo la arkayey iyagoo kuraas la dhacayo kuwa ragga ah. Maanta ayaa loo ballansanaa in la dhameystiro Guddiga Doorashada oo 11 xubin oo kamid ah ay dhawaan is casileen, waxaana muuqato inay arrintaas ka taagan tahay muran aad u badan lamana qiyaasi karo sida ay kusoo dhamamaan doonto. Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idiin soo gudbin doonaa Inshaa Allah. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Adis Ababa (Caasimadda Online) – Shirka 66aad ee aan caadiga aheyn ee urur goboleedka IGAD, kaas oo shalay November 16, 2018-kii lagu qabtay Adis Ababa, waxaa laga soo saaray 20 qodob oo la xiriiray hirgelinta hannaanka dib u heshiisiinta Koonfurta Suudaan iyo xaaladda Soomaaliya. Haddaba, waxaan idiin soo turjunay dhammaan qodobadii laga soo saaray war-murtiyeedkaas. Arrimaha Koonfurta Suudaan: Waxaa uu dib u jaleecday war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii aan caadiga aheyn ee 33aad ee madaxda IGAD ay ku yeesheen Adis Ababa 12th September 2018, laguna saxiixay heshiiska the R-ARCSS. Waxaa uu soo dhoweeyey warbixinnada ergeyga IGAD ee South Sudan iyo madaxa KMG ah ee JMEC ay ka soo saareen hirgelinta heshiiska Koonfur Suudaan ee R-ARCSS, iyada oo la dhiirigeliyey inay sii wadaan dadaallada iyo taageerada ay siiyaan hannaankaas. Waxaa uu sidoo kale, soo dhoweeyey horumarka laga gaaray hirgelinta heshiiska R-ARCSS tan iyo markii la saxiixay 2 bil ka hor iyo sida loo dhisay hey’ado arrimahan ka shaqeeya, waxaa kale oo Secretariat-ka IGAD iyo ergeyga gaarka ah loogu baaqay inay dhameystiraan dhaqan-gelinta howlaha, wax walbana lagu qabto waqtihii loogu talo-galay, sida heshiiska ku qoran. Waxaa la ammaanay dabaal-deggii maalinta nabadda uu marti-geliyey madaxweyne Salva Kiir 31-kii October 2018, ayna ka soo qeyb-galeen kooxaha R-ARCSS iyo madaxda IGAD iyo kullamada hirgelinta ee ka dhacay Juba. Waxa la is tusay baahi loo qabo in hiil iyo hooba lagu kabo hirgelinta R-ARCSS iyo inay hoggaanka ka faa’ideystaan taageero siyaasadeed, midda dadka iyo xataa dhaqaale si loo hirgeliyo heshiiska iyo inay nabad iyo horumar ka dhalato Koonfurta Suudaan. Waxaa la soo dhoweeyey gacanta dhaqale ee dowladda Koonfurta Suudaan fidisay, waxana loogu baaqay inay lacag kale ku bixiso hirgelinta heshiiska RARCSS; Waxaa la ammaanay taageerada ururrada iyo dalalka AU, UN, EU, China, Japan, the Troika (USA, UK and Norway) iyo dhammaan kooxaha kale ee taageera nabadda Koonfurta Suudaan, waxaana loogu baaqay inay gacan ka geystaan hirgelinta heshiiska RARCSS; Waxaa loogu baaqay kooxaha inay ilaaliyaan Kootada dumarka ee 35% ah, oo dhinac walbo lagu dabaqo, si loo helo lahaanshiyo, loona hubiyo in guul laga gaaro hannaanka dhismaha dowladda Koonfurta Suudaan. Waxaa loogu baaqay Midowga Afrika iyo kooxda Troika inay magacabaan hey’adaa kala ah Independent Boundaries Commission (IBC) iyo Technical Boundaries Committee (TBC, si ay u bilaaban howlihii loo igmaday. Waxaa la faray ergeyga IGAD inuu baadi-goobo kooxaha Koonfurta Suudaan ee aan weli saxiixin R-ARCSS, sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen hirgelinta iyo kor-joogteynta, ciddii diidana loo aqoonsado kuwoo caqabad ku ah hannaanka. Waxaa la faray Secretariat-ka IGAD inay war-muriyeedkan ku tarjumaan luqdaha looga hadlo Koonfurta Suudaan si dad badan u dareemaan lahaanshiyo, bulshada gudaha joogtana ay uga qeyb-qaataan hirgelinta. Arrimaha Soomaaliya; Waxaa si fiican loo ammaanay warbixinta ergeyga IGAD ee Soomaaliya, waxaana la xoojiyey kalsoonida lagu qabo dowladda Soomaliya ee la xiriirta xaqiiqinta degenaanshiyaha dalka. Waxaa la qiray dib u soo kabashada dhaqaalaha iyo warbixintii dhowwaan soo saartay hey’adda International Monetary Fund (IMF)-ta iyo kalsoonida ay muujiyeen ganacsatada iyo qeybaha kale. Waxaa la is tusay baahida loo qabo in hiil iyo hooba lala garab istaago dib u dhiska hey’adaha dowliga ah, waxaaba beesha caalamka loogu baaqay inay taageeraan dadaallada arrimahaas loogu jiro. Waxaa naga go’an in aan sii wadno, qeybna ka sii ahaanno dadaallada hannaanka nabadeynta gobolka guud ahaan, gaar ahaanna Koonfurta Suudaan iyo Soomaaliya. Dib-u-habeynta IGAD: Waxaa loo dib dhigay shir ka dhici-doona Djibouti December 2018, waxaana la faray Secretariat-ka IGAD inay ka shaqeeyaan howlaha loo baahanyahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Addis Ababa ( Sh. M. Network )-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Marwo Danjirad Monica Juma, kulan doceed dhinac socda Shirka gaarka ah ee 20aad ee Golaha Fulinta ee Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa. Intii kulanku socday oo ahaa mid soo dhoweyn diirran uu Wasiir Cawad kala kulmay dhiggiisa Kenya ayaa labada dhinacba waxa ay muujiyeen rajo wanaagga wadahadalka dhexmaray. Labada dhinac waxay carabka ku adkeeyeen muhiimadda uu leeyahay kulankooda oo diirrada lagu saarray xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo horumarinta iskaashiga oo dhinac kastaba leh, iyada oo loo sii marayo Guddiga Iskaashiga Wadaagga ah ee Soomaaliya iyo Kenya, si la mid ah waxaa fadhiggaasi lagu faaqiday arrimaha ammaanka iyo nabadgelyada Geeska Afrika iyo howlgalada AMISOM. The post Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Oo kulan la yeeshay Dhiggiisa Kenya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Addis Ababa ( Sh. M. Network ) – Jeneraal Gabre oo ah Taliyihii hogaaminayay ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya kusoo duulay 2006 ayaa lagu xiray Addis Ababa. Booliska ayaa xabsiga dhigay Gabre, iyadoo amarka lagu xiray uu kasoo baxay sida la sheegay Xukuumadda Abiy Axmed, waxaana lagu wadaa in maxkamad lasoo taago. Gabre ayaa loo haystaa dembiyo ka dhan ah bini’aadanimda oo uu ka geystay gobolka Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya xilligii uu Cabdi Illey Madaxweynaha ka ahaa. Gabre ayaa waxay hay’adda Amnesty ku eedeysay inuu ka dambeeyo dilal iyoo tacadiyo kala duwan oo ciidanka Itoobiya ka geysteen dalka Soomaaliya. The post Gabre oo lagu xiray dalka Itoobiya appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay isbedelka siyaasadda geeska afrika iyo saamaynta uu ku yeelan karo Somaliland. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xilka laga qaadi doono Madaxweyne Muuse Biixi haddii uu wadi karo waayo Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay waxaa wali ka socdo kulamo kala duwan oo ay yeelanayaan sii hayaha xilka madaxweynaha Koofur Galbeed iyo xildhibaanada Maamulkaasi. Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo la qaatay masuuliyiin ka tirsan Beesha caalamka iyo xildhibaanada Koofur Galbeed, waxaana dhamaan kulamadaasi looga hadlay sidii loo dardar gelin lahaa qorshaha doorashada Koofur Galbeed. Maanta oo ay ku beegan tahay 17 Novembar ayaa horey loo qorsheeyay inay dhacdo doorashada Koofur Galbeed, balse waxaa dib loo dhigay ilaa dhamaadka bishaan, si loo dhameystiro xubnaha guddiga doorashada. Maanta gelinka dambe ayaa sida qorshaha uu yahay la filayaa in la dhameystiro kuraasta ka banaan guddiga doorashada Koofur Galbeed, si loosii qabto dhamaan howlaha ka horeeya doorashada. Wararka qaar oo soo baxaya ayaa sheegaya in la isku khilaafsan yahay dadka ka mid noqonaya guddiga doorashada, maadaama xubnaha qaar ay doonayaan in dib loosoo celiyo kuwii horey isku casilay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The 11th Extraordinary Session of the Assembly of Heads of State and Government of the African Union (AU) opened today at the AU headquarters in Addis Ababa, Ethiopia. Among the issues to be discussed at the two day-the summits include the AU institutional reform process including reform of the AU Commission, the mandate of the AU Development Agency (AUDA) and financing the Union. The 20th Extraordinary Session of the Executive Council of AU was held 14th – 15th November 2018. Leaders from 45 countries are expected to attend the summit. The post AU meeting opens in Addis Ababa, Ethiopia appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa joojisay deegaameyn cusub oo laga yagleelayay deegaanka Laasa Dacawo ee gobolka Saaxil. Wasiir Shukri waxay sheegtay in masuuliyiin xukuumadda ka tirsani ay hawshani deegaameynta cusub gacanta ku hayaan, waxaanay uga digtay in aanay wax hawla ka qaban karinn halkaasi. Wasiirku waxa ay tilmaantay in goobtaasi laga samaynayay deegaamaynta oo keyn aheyd laga jaray dhirtii, islamarkaana geed weyntii ku taalay xididda loo siibay, taasina ay tahay ayaandarro. Wasiirka wasaaradda deegaanku marwo Shukri Xaaji Ismaaciil waxay sidan ka sheegtay mar ay hawlo shaqo u tagtay deegaanka Laasa Dacawo ee gobolka Saaxil. Iyadda oo arrimahaasi ka hadleysayna waxay tidhi “Waad aragtaan halkani waa dhul cusub oo dhirtii ku taalay la xasuuqay, dhirtii waa weyneyd oo dhan waa laga wada dhammeeyay, deegaameyn cusub ayaa ka socota aniga maskaxdeyda maba galeyso, maayirka oo arkay, badhasaabkii degmadda oo arkay haddana waxba kama qaban karno, haddii sida la sheegayo la leeyahay masuuliyiintii dawladda ayaa deegaanmeyntan cusub sameysanaya maxaa dadka masaakiinta ah loo sheeganayaa, halagu kala tago weeyaan, suuragelimeyso inta nin madax ahi yimaado inuu yidhaaho waxaasi oo dhira ayaan xasuuqay. Lo’ daaqaysa ayaannu ugu tagney goobtan, dhul badan oo bannaan oo wax beerashada ku hanboon ayaa jira, maxaa buurtan Garba-diir hoosteeda laga soo dooney, waxani wax shaqeynaya maaha, waana laga guurayaa.” Sidoo kale marwo Shukri waxaa ay xustay in 7 milyan oo lacag ah lagu ganaaxo qofkii geed qoyan jara waxaanay tidhi “Halka geed ee la gooyay ayaanu todoba milyan dadka aanu ka qaadnaa, talaabo sharciga waafaqsan oo arrintooda la xidhiidha ayaa laga qaadaya. Halka geed 7 milyan ayaa magaalada Hargeysa lagaga qaada, wadanka dawladd ayaa ka talisa oo loo sheegayaa” Source
-
Cyprus ( Sh. M. Network )-Gudoomiyaha Golaha Shacabka Amb Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Oo Maalmahanba Booqasho Ku Jooga Isaga Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Jamhuuriyadda Turkiga Ee Waqooyiga Cyprus ayaa la kulmaya madaxda Cyprus. Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Ayaa La kulmey Madaxweyne Mustafa Akinci, Ra’isulwasaare Mudane Erhurman, iyo Ra’isulwasaare ku-Xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibada Mudane Kudret Özersay ee dalkaan. Kulankoodi ayaa waxaa ay diiradda ku saareen xiriirka ka dhaxeeya Cyprus iyo Soomaaliya,iyo sidii loo adkeyn lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya. Sidoo kale Wuxuu Ka qeyb galay Munaasabadda 35-Sano guurada aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga Ee Waqooyiga Cyrprus. Waxaa ku wehliya socdaalkiisa xubno ka tirsan Golaha SHacabka ee Baarlamaaka Federaalka Soomaaliya. The post Guddoomiye Mursal Oo la kulmay madaxda Cyprus appeared first on Shabelle. View the full article
-
Addis Ababa ( Sh. M. Network )-Hoggaamiyeyaasha wadamada Qaaradda AFrika ayaa shir muhiim ah uga furmayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya,waxaana Soomaaliya uga qeybgalaya wafdi ka socda dowladda Soomaaliya. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed raiisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Itoobiya Soomaaliya u matalaya shirka madaxda Afrika ay leeyihiin. Ajandayaasha diiradda lagu saarayo shirkani waxaa kamid ah isbedel iyo dib u habayn lagu sameeyo Ururka,si loo horumariyo hoalaha horyaala,sidoo kale waxaa laga hadlaya arrimaah aamniga,siyaasadd aiyo dhaqalaha Ururka Midowga Afrika. Dalka masar ayaa lafilayaa in dhawaam uu qabto hoggaanka,waxaana haatan haaya madaxweynaha Ruwanda Paul Kagame,kaasi oo gadaal ka riixaya isbedelo in la sameeyo. Madaxweynayaasha wadamada Afrika qaarkood ayaa imaanaya,halka kuwa kalena ay soo dirsanayaan wasiiradood aarrimaha dibadda. Wadamada madaxweynayaashooda imaanaya waxaa kamid ah South Africa, Zimbabwe, Botswana, Comoros, Togo and Ghana iyo kuwo kale,halka Nigeria iyo Mozambique ay kamid yihiin wadamada Wasiiradooda arriamaha dibadda u matalidoona shirkaasi. The post Hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika Oo shir ku leh Itoobiya appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Iimaamka Masaajidka Cali Mataan ee badhtamaha magaalada Hargeysa, Sheekh Maxamed Aadan ayaa soo dhaweeyay go’aankii xukuumaddu ku xaddiday wakhtiga Cawayska ee Hotelada Dalka , waxaanu dadka kasoo horjeeda ugu baaqay inay sidiidsa u fuliyaan go’aankaas. Sheekh Maxamed Aadan ayaa khudbadiisi Jimcaha ee shalay kusoo qaatay muhiimada ay leedahay in la xaddido wakhtiga cawayska ee hotel iyo munaasibadaha xafladah ah ee lagu qabto, waxaanu xukuumadda ugu baaqay in xilliyada xafladaha la kala saaro ragga iyo dumarka islamarkaana la mamnuuco adeegsiga muusiga. “Waan taageeraynaa go’aanka Xukuumadda weliba in hore looga sii socdo oo lasii wanaajiyo ayaan runtii ku talin lahayn” ayuu yidhi Iimaamka Masaajidka Cali Mataan, Sheekh Maxamed Aadan ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaa in xaflado aroos la qabto balse ay muhiim tahay in diinta lagu dhaqmo oo la kala saaro wiilasha iyo hablaha , isla markaana la joojiya adeegsiga Muusiga isaga oo arrintaa ka hadlaya , waxaa uu yidhi “Xaflada hala qabto qiimo badan ayey leedahay in hablaha iyo ragga la kala saaro , isdhexgalka iyo muusiga xaaraanta ah la joojiyo , hablaha inoo ilaaliya , wax IILAHAY raalli gelinaya oo ka farxinaya halla sameeyo “ Sheekh Maxamed Aadan ayaa sheegay sharaf dhac ka soo gaadhaysa haweenka marka ay kusoo lebistaan dhar aad u qurxoon oo soo jiidanaya indhaha ragga, taasina ay sababi karto in wiil caqliga ka xaddo oo meesha ay sagaal bilood ka dib ay ka dhalato in ay inantii Ilmo xaaraan ah oo habeenka caloosha u galay ay dhasho, waxaanu sheegay in muhiimadu ay tahay in hablaha la ilaaliyo. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka degmada Balcad ayaa eedeyn culus u jeediyay dowladda Soomaaliya, iyaga oo sheegay in Shacabka degmada sida Al Shabaab ay ula dhaqanto. Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur Furdug, ayaa sheegay in ciidamada dowladda ee kusugan degmada Balcad ay dhibaatooyin badan ku hayaan shacabka doonaya inay gudaha u galaan magaalada. Sidoo kale wuxuu guddoomiyaha eedeyn u jeediyay ciidamada kusugan xerada Maslax oo ah Koontaroolka Koofureed ee Muqdisho laga soo galo marka laga yimaado dhanka degmada Balcad. Wuxuu sheegay in Gaadiidka ka taga degmada Balcad ee doonaya magaalada Muqdisho loo cadaadiyo sida inay ka yimaadeen dhul Al Shabaab ay maamulaan, iyaga oo qaarkood aanba loo ogolaan inay gudaha u galaan Muqdisho. Wuxuu talo ahaan usoo jeediyay saraakiisha amaanka in degmada Balcad iyo degmada Afgooye buundooyinka ku yaalo laga bilaabo xaqiijinta amaanka magaalada Muqdisho, oo kaliya xerada Maslax aan laga bilaabin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in markii ugu horreysay muddo sannad ah oo uu tallada dalka hayey inuu toddobaadkan safar ugu baxo gobalada bariga Somaliland gaar ahaan gobalka Togdheer. Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu xadhiga ka soo jari doono mashaariic gobalkaas laga hir galiyey kaas oo uu ka mid yahay dhismaha jeel Wey ee magaalada Burco. Madaxweyne Biixi ayaa tan iyo markii la doortay oo laga joogo muddo sannad ah aan wax safar ah ugu bixin gobalada Bariga Somaliland balse safar ugu baxay magaalada Borama oo uu xaflada qalin-jabinta ardey Jaamacada Camuud uu kala qeyb galay. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa hore uga baaqday in uu ka qayb-galo xafladii qalin-jabinta ee Jaamacadda Burco iyo sidoo kale xaflad lagu dhagax dhigayay ballaadhinta dekedda Berbera oo ay shirkadda DP World ku qabatay Magaalada Berber taasi oo markii hore la qorsheeyay in uu ka qayb-galo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi balse markii dambe la sheegay in uu ka baaqday. Illaa hada ma cadda In uu madaxweynuhu sii dhaafi doono magaalada Burco iyo inuu dib ugu soo laaban doona Magaalada Hargeysa. Source