Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,965
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Shirweynihii sannadlaha ahaa ee Jaaliyada Guud ee Puntland ee Dalka Denmark ayaa lagu qabtay magaalada Århus, kaas oo lagu doortay Gudida iyo Gudoomiyaha Cusub ee hogaamin doona Jaaliyada Puntland ee Denmark mudada 2 sano ee soo socda Mudane Abshir Xasan Sheekhdoon Shirkaas oo looga hadlay laguna soo bandhigay hawlihii iyo qorshayaashi gudiga Jaaliyadu ay soo qabteen mudo xilyeedkii ay gacanta ku hayeen gudoonka Jaaliyada. Gudoomiyihii hore ee Jaaliyada Puntland ee Denmark Mudane Siciid Dhimbiil ayaa hadal uu ka jeediyey madashii shirka ku dheeraaday hawlihii shaqo, samafal, isku xir bulsho ee Gudida iyo dhamaan xubnaha Jaaliyadu soo qabteen, iskana kaashadeen mudadii ay xilka hayeen. Gudoomiye Siciid Dhinbil ayaa sheegay in xilku yahay meerto, dimuqraadiyaduna ina bareyso in shaqada bulshada loo hayaa ku hormari karto, iskaashi, wada-yashi iyo in dhiig cusub iyo xoog cusub oo fresh ah mar walba talada iyo waxqabada lagu kabo. Gudoomiye Siciid Dhimbiil ayaa xusay in mudadii ay xilka hayeen isaga iyo gudigii la shaqeynaayey ay ku guuleysteen in ay Jaaliyada Puntland ee Denmark ku caan baxdo in ay noqto Jaaliyad Samfal, oo mar walba safka hore uga jirta hawlaha isku xirka bulshada iyo Tabarucaadka shacbiga tabaaleysan ee ku dhaqan Puntland iyo guud ahaan Somaaliya. Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay ku guuleysteen in maamulka Jaaliyada ka leexiyaan dhaqan xumadii Jaaliyadaha Somaalida kuwo Puntlandba lagu yaqaano ee ah in ay noqdeen ” ONE MEN SHOW ” oo ah in Jaaliyadaha shaqsiyaadka maamulaa ka dhigtaan hanti ay iyagu si gaar ah u leeyihiin, oo jeebka ay ku wataan, ama NGO ay ku shaqeystaan, isla markaan kaga tuugsadaan dawladaha loo martida yahay. Gudoomiyaha ayaa sheegay in dhaqan xumadaasi ay keentay in Jaaliyaduhu noqdaan meel laga xoogsado, oo hal qof ama koox gaara ah gacanta ugu jirta mudo aad u dheer,isla markaana Bulshooyinka ka dhex abuura dagaal, Qabyaalad iyo isqabqabsi joogta ah, iyadoo aad arkayso hal magaalo oo yar oo 300 urur ama Jaaliyadood ka dhisan yihiin, oo dhamaantood ku tuugsanaayaa in ay Somalia ka wadaan boqolaal mashruuc oo wada been ah, dhamaantoodana waxay ay tartan ugu jiraan, waxay dhacaan, waxay xadaan, iyo in ay Telefishinada ka soo muuqdaan, si ay xilal uga helaan Dalkii Hooyo. Gudoomiyahihii Hore ee Jaaliyada ayaa soo jeediyey in Bulshooyinka Somaaliyeed ee Qurbuhu u kacaan oo la dagalmaan dhaqan xumadaa iyo ceebta ay magaca Somaaliyeed ku soo kordhiyeen Jaaliyaha daneysiga loo furtay, isagoo xusay in ay muhiim tahay in xitaa xogtooda lala wadaago hayadaha tuugsiga loo tago iyo warbaahinta wadamada loo martida yahay. Sidoo kale wax garadka Jaaliyada oo rag iyo dumarba lahaa ayaa hadalo mahadnaq iyo soo dhaweynba leh uga soo jeediyey munaasibada Gudidii hore ee Jaaliyada iyo Gudida Cusub ee loo dooryay Gudoonka Jaaliyada Puntland, iyadoo goobtaas Shahaado sharaf lagu gudoonsiiyey Gudoomiyihii hore ee Jaaliyada Siciid Dhimbiil iyo dhamaan xubnihii hore ee Gudida Jaaliyada. Gabogabadii waxaa shirka soo xiray oo xilkii lagu wareejiyey Gudoomiyaha Cusub ee Jaaliyada Puntland Mudane Abshir Xasan Sheekh Doon iyo Gudiga Cusub ee Jaaliyada, iyagoo u mahadnaqay Bulshada Jaaliyada ee codkooda kalsoonida ah siiyey, iyagoo balan qaaday in ay hore u sii wadi donaan hawlihii shaqo,isku xir bulsho iyo samfal ee Jaaliyadu ay caanka ku aheyd mudada dheer. Xafladii Doorasha Gudoomiyaha Cusub Jaliyada puntland Denmark Source
  2. Golaha shacabka oo kulankooda maanta ay soo xaadireen ilaa 155 xildhibaan ayuu wasiirka maaliyadda ee JFS Cabdiraxmaan Beyle hor-dhigay miisaaniyadda 2019-ka. Wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle ayaa ugu horeyntii waxaa uu xildhibaannada golaha shacabka u sharaxay miisaaniyadda 2019-ka, isaga sheegay inay noqon-doono $340 Milyan halkii sanadkii hore ka aheyd $274.6. “Miisaaniyadda waa mid isku jaan go’an, waxa na soo gala waxaa ay u qeybsamaan 3 qeybood: Waxaa weeye Canshuuro iyo dakhli kale oo waddankeenna gudahiisa aan ka soo uruurinno,…qeybta xigta waa kabidda oo caawimaad dunida iyo qeybta 3aad oo ah mashaariicda ay hey’adaha caalamiga nagu caawiyaan, marka laga reebo mashaariicda waa wax Xamar laga soo uruuriyey, miisaaniyadda kuma jiraan kuwa dowlad goboleedyada”. Waxaa sheegay Beyle. Mr. Beyle waxaa uu difaacay qoondada ku korortay caafimaadka iyo waxbarashada, oo tan hore ay ku korartay 6 Milyan halka waxbarashada oo lagu kordhiyey 4 Milyan oo iskuullo iyo Macalimiin ku bixi-doonta. Xildhibaan C/rashiid Xidig oo ka mid ahaa xildhibannadii hadlay waxuu soo-jeediyey in la hubiyo mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha kale ee dowladda “2019-ka, miisaaniyaddan Xogta aan heyno, waxaa naloo sheegay ayna ku jirin sidii sanadkii hore oo kale, wax shaqaale cusub ah oo la qorayo”. Guddoomiye ku xigeenka koowaad mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) oo shir guddoominayey ayaa sheegay in guddiga maaliyadda iyo miiisaaniyadda ee Golaha Shacabka laga doonayo in ay ka soo shaqeeyaan miisaaniyaddan ka dibna aqrinta labaad ay soo diyaariyaan. ” Arrintaan waxaa ka soo shaqeynaya guddiga inoogu xil saaran arrimaha maaliyadda iyo miisaaniyadda oo aan ka sugeyno iney noo keenaan xisaab xirka 2017 iyo meelaha dhaliilaha laga jeediyay ka dib ayaa xildhibaan walbo fursad loo siinaya inuu ka doodo maadaama maanta aqrin koowaad ay tahay”. ayuu yiri guddoomiye Muudeey. Dhanka kale, xildhibaanada golaha Shacabka ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda dadka naafada ah oo maray aqrinta saddexaad. Haddaba, Goobjoog News, Waxaa Horay Ugu Soo Gudbisay Akhristayaasheeda Faah-faahinta Miisaaniyadda Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa soo saartay qoaraal kale oo la xiriira dilka suxufiga Sacuudiga ee Jamaal Khaashuqji, kaasi oo ay ku taageereyso boqortooyada Qoraalka oo Carabi lagu qoray, islamarkaana lasoo dhigay barta twitter-ka ee wasaaradda ayaa lagu yiri “Dowladda federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweeneysaa baaritaanka dacwad oogaha guud ee Sacuudiga, kaasi oo dad loogu xiray kiiska dilka suxufi Jamaal Khaashuqji” Qoraalka ayaa intaas ku daray “Soomaaliya waxay tani u aragtaa tallaabo jihada saxan loo qaaday oo lagu raadinayo xaqiiqda kiiskan”. Qoraalkan ayaa ah kii labaad ee Soomaaliya ay ku taageerto Sacuudiga, marka ay timaado kiiska dilka Jamaal Khaashuqji, ayada oo Soomaaliya qoraaal midkan la mid ah bil ka hor uga digtay waxa ay ugu yeertay handaadda ka dhanka ah Sacuudiga. Sida la ogyahay qoraalka dowladda Soomaaliya ayaa u dhacaya mid boqortooyada Sacuudiga iyo xubnaha xukunka haya loogu dhigayo inaysan wax shaqo ah ku lahayn kiiska. Si kastaba Hay’adda sirdoonka dhexe ee Mareykanka ee CIA, ayaa go’aamisay in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu amray dilka suxufi Jamaal Khaashuqji, taasi oo burineysa doodda Sacuudiga ee ah in Bin Salmaan uusan waxba ka ogeyn dilka, waxaa sidaas werisay Washington Post. Qiimeynta ay sameysay CIA-da, ayaa ah tii ugu xoogganeyd ee Bin Salmaan si toos ah ula xiriirineysa dilka Jamaal Khaashuqji, oo labadii October ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Halkan ka aqri warkaas. Hoos ka arag warqadda maanta kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta waxaa uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee dowladda Maraykanku u soo magcawday Soomaaliya Donald Yukio Yamamoto. Danjiraha Yamamoto ayaa madaxweyne Farmaajo uga mahadceliyey ka guddoomidda waraaqaha aqoonsiga, isaga oo sheegay in dowladda Maraykanku ay Soomaaliya ka caawin doonto dhinacyada horumarka, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa danjiraha cusub u mahadceliyey, isaga oo ku soo dhaweeyey Soomaaliya, una ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay la shaqayn doonto. Haddaba, Waa Kuma Donald Yukio Yamamoto? Donald Yukio Yamamoto waxaa uu ku dhashay Seattle, Washington 1953-dii, isaga oo ka qalin-jabiyey Columbia University. Shaqo badan ayuu ka soo qabtay arrimaha dibadda waxaa ka mid ahaa: Kaaliyaha xogheyaha arrimaha dibadda September 3, 2017-July 23, 2018 iyo sarkaal sare oo howl-galay Kabul, Afgaanistaan, 2014–2015. Yamamoto, waxaa uu aqoon fiican u leeyahay gobolkan geeska Afrika, waxaa uu horay u ahaa Madaxa howgalka Soomaaliya(2016) , Safiirka Mareykanka ee Itoobiya (2006–2009), Safiirka Mareykanka ee Djibouti (2000–2003), iyo sidoo kae Safiirkooda Eritrea (1997–1998). Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Somaliland Ciise Axmed Xawar ayaa ku margaday in uu jawaab waafi ah ka bixiyo warbixin qaramada midoobay soo saartay. Warbixintan qaramada midoobay soo saartay ayaa Somaliland ku eedaysay inay jidh-dil u gaystay maxaabiis reer Puntland ah oo lagu soo qabtay dagaalkii Tuke-raq, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa maanta si qarsoodi ah u fureysa dhisme la ballaariyey oo dib loo habeeyey, kaasi oo noqon doona waxa dadka qaar ay ugu yeereen safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Xaruntan ayaa ka dhigi doonta howlgalka diblomaasiyeed ee Mareykanka ee Soomaaliya mid ku sugan Muqdisho, waxaana ka shaqeyn doono shaqaale kooban. Howl-galka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa iminka dhex degan safaaradda Mareykanka ee Nairobi. Saraakiisha Mareykanka waa ay diidan yihiin in ka hadlaan ujeedada dhismahan, waxaana ay sidoo kale u muuqdaan kuwa aan ugu yeereen safaarad ama qunsuliyad. Si kastaba, astaan muujineysa muhiimadda dhismahan, ayaa ah imaanshaha safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto, oo fadhigiisu yahay Nairobi, kaasi oo la filayo inuu maanta xariga ka jaro dhismahan. Saacado ka hor, ayaa madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxa uu waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Donald Yamamoto. Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa diiday inay weriyayaasha u ogolaato munaasabadda furitaanka. Mareykanka wax safaarad ah kuma lahayn Soomaaliya, tan iyo sanaddii 1991-kii markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya. Dhismaha Mareykankan ayaa ku dhex-yaalla xarunta Xalane, ee garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde, oo amnigeeda sida aadka ah loo sugo. Mareykanka waa ay diidan yihiin inay dhismahan cusub ugu yeeraan safaarad ama qunsuliyad hase yeeshee waxaa loo dhisay in loo adeegsado hab diblomaasiyeed. Mareykanka, Shisheeyaha iyo Soomaalida ka shaqeysa garoonka Muqdisho iyo Xalane ayaa ugu yeera “safaaradda”. Ma cadda haddii calanka Mareykanka maanta laga taagi doono dibedda dhismahan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee dowladda Maraykanku u soo magcawday Soomaaliya Donald Yukio Yamamoto. Danjiraha sucub mudane Yamamoto ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey ka guddoomidda waraaqaha aqoonsiga, isaga oo sheegay in dowladda Maraykanku ay Soomaaliya ka caawin doonto dhinacyada horumarka, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa danjiraha cusub u mahadceliyey, isaga oo ku soo dhaweeyey Soomaaliya, una ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay la shaqayn doonto. Madaxweynaha iyo Yamamoto ayaa ku kulmay xarunta Xalane. Inta badan Diblomaasiyiinta Mareykanka ayaa loo ogoleyn inay soo dhaafaan garoonka diyaaradaha Muqdisho, sababo amni awgeed. Kadib la kulanka madaxweyne Farmaajo, Yamamoto ayaa xariga ka jari doono dhisme la ballaariyey oo dib loo habeeyey, kaasi oo noqon doona waxa dadka qaar ay ugu yeereen safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Halkan ka aqri warkaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee dowladda Maraykanku u soo magcawday Soomaaliya Mudane Donald Yukio Yamamoto. Danjiraha sucub mudane Yamamoto ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uga mahadceliyey ka guddoomidda waraaqaha aqoonsiga, isaga oo sheegay in dowladda Maraykanku ay Soomaaliya ka caawin doonto dhinacyada horumarka, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa danjiraha cusub u mahadceliyey, isaga oo ku soo dhaweeyey Soomaaliya, una ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay la shaqayn doonto. The post Madaxweynaha JFS Oo warqadaha ka guddoomay danjiraha Maraykanka appeared first on Shabelle. View the full article
  9. (SLT-Laascaanood)-Wasiirka Arrimaha Gudaha JSl Maxamed Kaahin Axmed oo ay Weheliyaan Wafti Wasiiro ah iyo Gudida Nabadaynta golaha guurtida , Maamulka Heer Gobol iyo Heer degmo ee Gobolka Sool ayaa saaka Si rasmiya u Dhagax dhigay Dhismaha Waddo laamay ay oo isku xidhi doonta Madaarka iyo Magaalada Laascaanood. Dhismaha Jidkan Laamayga Ah oo dherer ahaan Dhan 5KM ayaa loogu magac daray Garaad Ismaaciil Ducaale Road. mashruuca dhismaha wadadan ayaa waxaa maalgalintiisa iska kaashaday sanduuqa horumarinta midawga yurub iyo Xukuumada Somaliland kaasi oo dhismihiisa fulin doonto shirkada dhismaha ee shire construction company. Source
  10. Boosaaso ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Bari ayaa ku warramaya in maanta Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland Qarax lagul eegtay inta u dhexeysa degmada Boosaaso iyo Buuraha Galgala ee gobolkaasi. Qaraxa oo ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsay Gaadiid ay la socdeen Ciidamadaasi. Inta la ogyahay illaa 3 Askari ayaa ku dhaawacantay qaraxaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan halkaasi. Ciidamada Qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay in ay ka soo ambabaxeen dhanka Buuraha Galgala, kuna soo jeedeen magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland. Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxan, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in qaraxaasi ay ku dileen Askar iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada maamulkaasi, sida ay hadalka u dhigeen. Inta badan Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro gaadma ah iyo qaraxyo la beegsada Ciidanka Puntland ee ka howlgallo buuraleyda G/ Bari ee Puntland. The post Faah faahinno ka soo baxaya qarax ka dhacay Gobolka Bari appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Addis Ababa ( Sh. M. Network )-Ra”iisul wasaaraha dalka Itoobiya Dr.Aby Ahmed ayaa maanta si rasmi ah u furay kulan ay ka qeybgaleen Madaxda dalalka Midowga Afrika oo ka dhacay magaalada Adis-ababa ee dalkaasi. Dr.Aby Ahmed oo halkaasi ka jeediyay khudbaddii furitaanka ,waxa uu soo dhoweeyay madaxdii ka qeybgashay shirkaasi , isagoo ka warbixiyay in la sii ambaqaado qodobada muhiimka ah ee loo baahan yahay in Qaaradda Afrika ay ku tallaabsato . Ra”iisul wasaaraha Itoobiya, waxa uu caddeeyay in ay lagama maarmaan tahay wada shaqeyn laga yeesho aayaha Qaaradda, gaar ahaan sidii loo abuuri lahaa jewi nabadeed iyo kor u qaadidda dhaqaalaha. Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame ahna guddoomiyaha Midowga Afrika ee sanadkaan ayaa sheegay in hadafka isbadalka loo baahan yahay uu yahay in la helo Afrika oo xoogan, isla markaana dadkeedu ay helaan mustaqbal wanaagsan . Kulankaasi waxaa kaloo ka hadlay Moussa Faki Mahamat, oo ka mid ah la guddoomiyaasha guddogga midowga Afrika, isagoo faahfaahiyay dhaqdhaqaaqyada isbadalada loo baahan yahay. The post Shirka Midowga Africa Oo ka Furmay magaalada Addis Ababa appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho,iyadoo uu shir guddoominaayay kusimaha guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) waxaa soo xaadiray 155 xildhibaan. Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda dadka naafada ah oo maray aqrinta saddexaad. Hindise sharciyeedkan ayaa waxaa soo diyaariyay wasaarada Haweenka iyo xuquuql insaanka ee Xukuumada Soomaaliya, waxaa wax ka bedel iyo ku daris ku sameeyay guddiga xuquuqul insaanka ee Golaha Shacabka. 155 oo madasha fadhiyay ayaa cod wada ogol ah ugu codeeyay, ma jirin xildhibaan diiday ama xildhibaan ka aamusay. Guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Xaawa Yuusuf Axmed ayaa xildhibaanada kaga mahad celisay ansixinta iyo go’aanka wada ogolka ah oo ay qaateen. Dhanka kale Wasiirka Wasaarada Maaliyadda ee Xukuumada Soomaaliya mudane C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa xildhibaanada Golaha Shacabka sharaxaad ka siiyay miisaaniyadda dowladda 2019 oo ay wasaaradiisu soo diyaarisay. Wasiirka ayaa sheegay in isbadal weyn uu ka muuqdo sanadkan miisaaniyadda, waxa uu soo bandhigay meelaha ay u qorsheeyeen in lagu taageero miisaaniyaddaan. Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo kulanka ka hadlay ayaa soo jeediyay in miisaaniyaddaan lagu cadeeyo shaqaaleysiinta shaqaale cusub, keenista xisaab xirka 2017 iyo wasaaradda maaliyadda ee golaha horkeento kororka dhaqaale ee la sameeyay. Kusimaha guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) ayaa sheegay in guddiga maaliyadda iyo miiisaaniyadda ee Golaha Shacabka laga doonayo in ay ka soo shaqeeyaan miisaaniyaddan ka dibna aqrinta labaad ay soo diyaariyaan. ” Arrintaan waxaa ka soo shaqeynaya guddiga inoogu xil saaran arrimaha maaliyadda iyo miisaaniyadda oo aan ka sugeyno iney noo keenaan xisaab xirka 2017 iyo meelaha dhaliilaha laga jeediyay ka dib ayaa xildhibaan walbo fursad loo siinaya inuu ka doodo maadaama maanta aqrin koowaad ay tahay”. ayuu yiri guddoomiye Muudeey. The post Golaha Shacabka Oo ansixiyay hindise sharciyeed muhiim ah appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa shaacisay magacyada saddex ka mid ah Al-Shabaab oo ay sheegtay in ay hubeysan yihiin qatarna ku yihiin Muwaaddiniinta Kenyaanka ah. Magacyada raggan ayaa lagu kala sheegay Abdalla Omar Masudi, Ismael John Otieno iyo John Muasya oo ku magac dheer Yahya Muasya. Raggan ayey dowladda Kenya sheegtay in ay ka soo kala jeedaan Gobollada Mombasa iyo Kwale ee dalka Kenya. Booliska waxa ay sheegeen in Guriga Cabdalla ay weerareen 12-kii Bishan, kana soo heleen Qori AK47 ah, iyo 30 Xabbo oo rasaas ah. Ismael iyo Yahya ayey Boolisku sheegeen in markii ugu dambeysay lagu arkay degaanka Bombolulu, ee Magaalada Mombasa, Bishii October ee la soo dhaafay. Sanadkii 2016-kii ayaa lagu xiray Lamu, waxaana la siidaayay muddo kaddib markii lagu waayay caddeymo ku filan, markaas oo lagu helay in ay u safreen Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  14. Caabudwaaq ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee maamulka Galmudug ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ballaaran ka sameeyay gudaga degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa la lagu soo qab qabtay Hub iyo Darees Ciidan, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulkaasi. Sidoo kale saraakiishu waxa ay sheegeen in howlgallada u jeedkoodu uu ahaa, sidii loo xaqjiiyeen amniga degmadaasi. Ammaanka Caabudwaaq ayaa maalmihii dambe ahaa mid aan xasilooneen, waxaana ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka magaaladaasi. The post Howlgallo ballaaran Oo laga sameeyay Caabudwaaq appeared first on Shabelle. View the full article
  15. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo ka mid ah mudenayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa si weyn uga dayriyay xaaladda Somaliland ay maanta marayso, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. Baydgabo ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Baarlamaanka K/ Galbeed Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay 15 xubnood oo loo soo xulay in ay noqdaan guddiga cusub ee qaban qaabada ee doorashada maamulkaasi. Xubnahan ayaa waxaa ku jira Haween, waxaana kulanka maanta ay Baarlamaanku ku ogolaadeen ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed iyo qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee deegaanada maamulkaasi. Maxamed Xaaji Xasan Liibaan oo ka mid ah waxgradkii ka qeyb galay kulanka ayaa Shabelle uga warbixiyay magacaabista guddigan cusub oo dardar galin doona qabsoomida doorashada maamulkaasi. Dhawaan ayey aheyd markii ay is casileen xubno ka mid ahaa Guddigii doorashada K/ Galbeed, sababo la xariira fargalin ay sheegeen in lagu hayo. The post Guddiga doorashada Koonfur Galbeed Oo la magacaabay appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda Dagaal ee u dhaxeysa Al-Shabaab iyo Daacish ayaa dhibaatada ugu badan waxay kasoo gaartaa dadka shacabka ah, iyadoo labada dhinac ay dhaqalo shacabka ka doonayaan. Wargeyska Al Naba oo ah todobaadle ku hadla Afka Daacishta Syria ayaa warbixin uu ka qoray Al-Shabaabka Soomaaliya, waxaana ay sheegeen inay digniin ugu dirayaan Al-Shabaab. Digniinta ayaa aheyd in Al-Shabaab aysan ishor istaag ku sameyn howlgalada ay ka wadaan dalka Soomaaliya kooxda Daacish, waxaana muuqata in waxyaabaha la isku qabtay ay yihiin dhanka dhaqaalaha. Wargeyska oo soo xiganayay Afhayeen u hadlay Daacish, ayaa sheegay in Al-Shabaab aysan ku qanacsaneyn dhaqdhaqaaqa Daacish ee Soomaaliya, balse ay sameyn doonaan wax walbaa oo ay isaga difaacayaan weerarada Al-Shabaab. Waxa kale oo uu sheegay in Shabaab ay weeeraro ay ku qaarijiyeen Saraakiil sar sare oo Sooomaaliya wakiil ugu ahaa Hogaamiyaha Daacish Abu Bakar Al Baqdaadi ay kusoo qaadeen balse sida uu sheegay iminka la joogo xiligii ay Daacish ka aargudsan laheyd. Hadalada Daacish ee Digniinta Al-Shabaab ayaa u muuqda mid fursad u ah dowladda Soomaaliya, maadaama haddii dhexdooda isku mashquulaan ay ka faaideysan karto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxa Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM barqanimadii maanta lagula eegtay qeybo ka mid ah degmada Heliwaa ee G/ Banaadir. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday kolonyo ay la socdeen Ciidamadaasi, xilli ay marayeen xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmadaasi. Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo warramayaa in qaraxaasi uu ka soo gaaray Ciidanka AMISOM. Balse ma cadda inta uu la egyahay, iyadoona sidoo kale qaraxu uu waxyeelo gaarsiiyay mid ka mid ah Gawaarida ay wateen Ciidamadaasi. Askarta AMISOM ee qaraxa lala eegtay ayaa ku sii jeeday dhanka gobolka Shabeelaha Hoose, sida ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah. Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxan, waxaana ay sheegeen in ay ku dileen 1 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada AMISOM, sida ay hadalka u dhigeen. Dhawaan ayey aheyd qarax Miino Ciidamada AMISOM lagula eegtay agagaarka Isgoyska Ex Koontarool Balcad, halkaas oo ay ku dileen dad Rayid ahaa oo aan waxba galabsan. The post Kolonyo ka tirsan AMISOM Oo qarax lagula eegtay Heliwaa appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Duhur-17112018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  20. (SLT-Laascaanood)-Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa maanta soo gaadhey gobolka Sool. Waxaana boqorka meel 10 km u jirta degaanka Tuko-raq kusoo dhoweeyey wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore ,Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Ka Hortaga Afooyinka Dabiiciga ah iyo Kaydka Raashinka Qaranka iyo Garaadka guud ee gobolka Sool Garaad Jaamac garaad Ismaaciil. Waxa kale oo soo dhoweyntaasi qayb ka ahaa Maayirka degmadda laascaanood iyo saraakiisha ciidamada Qaranka ee degaankaasi ku sugan. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland oo socdaalka boqorka ka hadlay ayaa sheegay in ay ka xukumad ahaan kusoo dhoweynayaan boqorka dalka Somaliland ayna la qaban doonaan hawlaha uu u socdo ee Nabadaynta beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay dhowaan Koonfurta gobolka Sool. Source
  21. Sannad ayaa u dhammaaday Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi. 21-November 2017-kii ayuu Koomiishanku ugu dhawaaqay Murashaxiintii KULMIYE. 14 December ayuu soo dhisay Madaxweyne Muuse Biixi Golaha Wasiirada ee sawiradooda aragtaan. Maxa dib u socday dhacay sannad gudihii ? 1. Markii kobaad tariikhda Jamhuuriyadda Somaliland waxa sannad Xileedkii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi dhacay in Dawlad dhan intay soo guurto ilaa Wasiiradeedi ay ku shiraan gudaha dhulka Somaliland, Gobolka Sanaag ayay Xukuumadda Puntland shirkoodi Wasiirada ilaa Madaxweynahoodi ku shireen, hore Somaliland umay soo marin hadana Gurigii Baarlamaanka ayaabay ka dhisanayaan. 2. Sannad xileedkii koobaad ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa Dalka ka dhacay iska hor imadaadi ugu dhimashada badnaa muddo tobanaan sanno ah, ammarka alle ka sokow dabac ayaa ku yimi hay’adihii ammaanka iyo xil gudashadoodi kadib markay si fudud u jabeen heshiisyada nabadeed ee Beelaha la dhex dhigo. Sababtuna waa mid qudha oo ah in aan ammarkii Xukuumadda ciddii heshiiska ka baxda lagu fulin laha ay meesha ka baxaan, taas oo baqdintii Xukuumadda laga cabsan laha aan waxba layskaga tirinayn markii fulinteeda la ogaaday. 3. Sannadkii kobaad ee xil haynta Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa beenoobay oo hal-bacaad lagu lisay noqday ballamihii ummadda lagu shubaayay sannadihii u danbeeyay iyo ololihii doorashada ee lagu wareejiyay Dekadii Berbera iyo Garoonkii Afrika ugu dheera ee Berbera. Xaqul qalin uu Madaxweynuhu badh ka aha markii Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE uu aha oo uu qaybtiisi qaatay wax ka badan ummadda ilaa hadda kama hayso mana soo gaadhin. Lama arkin Garoonkii cusbaa ee Diyaaradaha ee Berbera ee ummadda loo Sheegay in la dhisaayo. Lama hayo waddadii Wajaale ilaa Berbera ee la magacbaxday (Berbera Corridor) Dhismihii Dekeda cusub oo ballantu ahayd inta ka horaysa sannadka Madaxweynaha u dhammaaday ha sheegin. 4. Sicir-bararka silciyay ee sameeyay guud ahaan shacbiga Somaliland oo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi war-baahinta shirkiisi jaraaid ee ugu horreeyay uu ku sheegay in saddex casho la siiyo wax ka qabashadiisa sannad ayaa dhammaaday halkii u saraysayna wuu marayaa, ammaradii sherkadaha isgaadhsiinta la duldhigayna aqoon la’aan iyo mad madow badane allaa ku yaqaan ayay ku soo uruurtay. Guud ahaan dhaqaalihii waddanku sannad kadib wuu soo handaraabmay, ma jiro isu socodkii Caasimadda Hargaysa iyo Dalku la wadaagi jiray waddamada Geeska Afrika, Yuhuuntii ganacsi ee Dalka ku wareegi jirtay ayaa gudhay, inta Dawladi hayso amma Dadka ka soo gasha way koobantahaye waxa meesha ka baxay maalgashigii hoose ee bulshada. 5- Ku dhaqankii sharciga iyo ololihii MBC ee aha “Saraynta sharciga” ayaa gabi ahaanba meesha ka baxay sannadka xil hayntiisa u dhammaaday, tariikhda markii kobaad wuxuu Madaxweyne Muuse Biixi saxeexay xeerkii Kufsiga oo sharciga waddanka ugu sareeya ka hor imanaaya, sharciga Dalka ugu sareeya waa Dastuurka, kaas oo dhigaaya “In wax kasta oo Diinta Islaamka ka hor-imanaaya aanay waxba ka jirin “ Madaxweynahu sannadkiisi u horeeyay ayuu sharci jabin galay. Waxa la kordhiyay cashuuro aan Golaha sharci dajintu ansixinin markii kobaad Somaliland intii Xukuumaddo soo maray, xitaa kuwii hore waxay kordhinayaan cashuur Golaha sharci dajinta ayay ka ansaxsan jireen itaalka, Xukuumadda Muuse Biixi way garab martay, cashuuraha sannadka xil haynta Madaxweyne Muuse Biixi la kordhiyay waxa ugu xoogan shidaalka oo wax kasta ku xidhan yihiin nolosha Somaliland. 6- 21-sanno kadib ilaa 1997-kii shacbiga Somaliland sannadka u dhammaaday Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi wuxuu u aha miday kala qaybsanaanta ay quluubtoodu kala durugtay gaadhay halkii u saraysay , taas oo wiiqday wadajirkii ummadda waxaanu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi muddo sannad ah oo uu xilka hayay ku guul daraystay inuu shacbiga mideeyo isu dhigo Madaxweynihii mid doortay iyo mid aan dooranba, kala fogaanshaha bulshada waxa dabka ku sii shiday hanaanka wax qaybinta Madaxweynaha oo badhkii Libaaxa uu Beeshiisa siisay bulshada intii kalena uu wixii soo hadhay u korka xaadiyay. Doorashooyinkii ayaa sannadkii koobaad ee Madaxweynaha soo oodmay mana muuqato rajo heshiis ilaa hadda. Lixda qodob ayaynu ku soo koobayna dib u dhaca sannadka ku yimi Somaliland, wixii ay guul sheeganayaan dhanka Xukuumadda Madaxweyne Biixi way u furantahay anigu docdii kale ayaan Iska taagay. Tusan .. Muniir Axmed Cigaal Sweden Source