Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,964
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dilkii loo geystay saxafiga Washington Post ee Jamaal Khashoggi oo hadda loo heysto inuuba amray dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, ma aheyn oo keliya mid waxashnimmo ah balse waxaa ay cabsi gelisay dhammaan saxafiyiinta caalamka. Iyada oo taasi laga ambaqaadayo, weriyeyaasha Goobjoog Media Group ayaa maanta waxaa ay dhigeen isu soo bax lagu dalbanayo inuu cadaalad helo Jamaal Khashoggi. Dilka Khashoggi wuxuu ahaa mid arxan-darro ah, oo aan horay dunida uga dhicin, waana dhambaal ka dhan saxaafadda, xuriyadda hadalka, runta, xaqa, xaqiiqda iyo inta u doodda xuquuqda inta dulman. Goobjoog ahaan, isu soo baxa aan maanta sameynay, keliya ma aheyn in aanu u doodeyno jiritaanka warbaahin xor ah, madaxbannaan iyo dhiirigelinta inay saxafiyiinta gutaan shaqadooda cabsi la’aan balse waa mas’uuliyad akhlaaqi ah, oo naga saaran in aan cambaareyno dilkii foosha xummaa. Dilka siyaasadeysan ee Jamaal Khashoggi waxaa ay daliil u tahay awoodda maamullada qaar oo ilaalinta maslaxadooda gaar ah u sameyn kara dambi midkan oo kale ah. Maanta, Jamaal Khashoggi, laakin berri waxaa ay arrintan ku dhici kartaa warbaahin iyo Saxafi Soomaaliyeed ama meel kalaba joogo, waa in aan mar walbo xaqa difaacno, waayo aamusnaanteenna waa nagula xisaabtami-doonnaa. Waatii uu horay u yiri Martin Luther King “Ma xusuusan-doonno oraahda cadawgeenna, balse aamusnaanta saaxiibadeen”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. (SLT-Hargeysa)-Wafti ballaadhan oo uu hoggaamiyo Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo saaka ka anbabaxay magaalada Hargeysa ayaa gaadhay Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. Dadweyne kala duwan ayaa kala duwan ayaa waftiga madaxweynaha ku soo dhaweeyay magaalooyinka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo waftiga uu hoggaaminayo ayaa magaalada Berbera u sii dhaafi doona magaalada Burco. Source
  3. SOMALILAND KUDLADA MAAMULKA HAYSA VIA AXSAABTA SALUUGSAN MAJARAHA MAAMUL DAADIHINTA QARANKA. Waxa hubaal ah in bulsha weyenta Somaliland min LAWYACADO ilaa xadka GAROWE in ay u heelantahay nolol hufan oo hagaagsan hogaan hufan oo horsed fiican geyiga ku hayaamiya, taas oo ay ka dhalato nolol bilan ,waxbarasho tayo leh, iyo wadan somali(Somaliland) oo beesha aduunka kaa mid noqota oo hesha aqoonsi buuxda. taasi waxay ku imaanaysaa in la galo hayaan badan oo loo habeen dhaxo sidii UDUB ee shirarka AFRICA ay webiyada doonyaha ka ga gudbayeen kii oo roobab mahiigaani dayaan taas oo keentay in AFRICA oo dhan laga aqoonsado dalku galka DALKA SOMALIYA afka qalaad ee gumaystihii INGRIIS u bixiyey Somaliland. in wasiirkii arimaha dibada ee Ameerika MISS JENDEE FIREYSAR ka soo degto dhabaha diyaaraduhu ka haadaan ee CIGAAL INTERNAATIONAL AIPORT. kulamio la yeesheen qaranka Somaliland madaxdeedii Ex president RAYAALLE laguna heshiiyey in maraykanku diyaar u yahay ictiraafka Somaliland bal se uu ka codsaday hal shardi oo ahaa in DAWLADAHA SAFKA HORE LABO ILAA SADEX ku dhawaaqaan ictiraafka Somaliland ETHIOPIA diyarbay ahayed mila siinaawi shirwal oo ADISABABA LAGU QABANAYO GOOBJOOG BUU INOO OGOLAADAY Observers 33 DAWLADOOD OO ADUUNKAA ogolaaday xafiiso metela danjire SOMALILAND ( Somaliland political mission office). midnimada SHANTA GOBOL EE SOMALILLAND waxay ahaayeen UL IYO DIIRKEED. taas waxay suuro geliyey ALLAHA WEYEN OGOLAASHIISA KA DIB. daacadnimo, dadaal mug iyo miisaan lahaa oo xawaare miisaaman ku socday( FAIRNESS, HARD WORK, AND BALANCED POLITICAL SPEED). MAANTA IYO GEYIGEENII HALKUU MARAYO IYO SIDA LOO DABA QABATEYEN KARO XAALLADAHA MURUGSANA LOO MAARAYEN KARO. 1 GOBOLADA GALBADAY EE FARAHA KA SII BAXAYA SIDA SANAAG, SOOL IYO BURCO in tab iyo xeel cuud iyo caqliba loo adeegsado sidii SOMALILAND loogu soo dabaali laha oo maamulku hormood ka yahay iyo salaadiinta dhaqanka. 2.in Axsaabta QARANKA tabashadooda la tixgeliyo oo heeshiis degdeg ah laga gaadho. 3.in la suuro geliyo doorashada golayaasha iyo degmooyinka tii oon laga talaabsan saami qayebsiga gobollada iyo beelaha dulman. 4.IN COLONEL CAARE ,PRO CALI KHHALI, IYO SULDAN WABAR heshiis deg deg ah laga curiyaa tii oo loo marayo saladiinta, cuqaasha iyo indheer gaadka Somaliland. 5. in PUNTLAND faragelinteeda si cilmiyeysan meel loo saaro colaad iyo nabadba tay ka fursan weydo. HAWLAAHAAS FULINTEEDAA WAXA LAGA RABAA KULMIYE TWO dawlad ahaan iyo xuusbul xaakim ahaan in uu hormood ka noqdo Axsaab ahaan oo shacabkuna hiil iyo hoob siiyo wixii dalka iyo dadka u dana. manta ma taagna cambaarayen iyo canaan u jawaab iyo far far ku taag ee waxay taagantaha BADBAADO QARAN. MAADAXTOOYADA KA BIXI MAAYO, MADAXTOOYAAN DHISAYENAA, DOORASHADU DIBAY U DHACAYSAA, HABAR BAA HAW HAWLEHE HEELADA INOO TUMA WAXA QARANKU XAALADA UU KU JIRO WAX KA SAARI KARA MAAHA. GEBA GEBO IYO MURTO. AMA ARINKEEN NOQO AMA AQBAL KEEN NOQO. DALKU DABA QABATUU U BAAHANYAHAY, KUWA KU DIFAACAYA DALKU QARAN BUU LEEYAHAY , GOLE QARAN, GUURTI , MAXKAMAD, AXDI QARAMEED, DAL IYO DADWEYENE, XAD IYO XUDUDO, BAD ,BERI, IYO HAWO. jawaabteedu waa sax ee adiga anku waydiiye maxaa bad qaba? MA BADII, BERERA PORT OO GACANTEENA KA BAXDAY, MA HAWAADII OO MOGADISHO LAGAA MAAMULO, MA DHULKII OO INTII SOMALILAND U BADNAYED PUNTLAND , KILINKA SHANAAD IYO JUBA LAND MAAMULAYAAN IYO GOLAYAASHII IYO GUURTIDII OO MUDO DHAAFAY MARAYA 13 SANO OON DIYAARNA LOO HAYEN IN LA QABTO. WASIIRKII GUDUHU TALO KU CASAATAY LOO DIID DHUUMAY WUXU GODOON KU YAHAY LAASCAANOOD AWOODI HADALKEED DAA WUXU DHAGAXDHIGAY AFAR KIILOMITIR WADO AH OO AIRPORTKA LAASCAANOOD AH TAASI WXAY MUUJISAY TALADA SOOL IN AYNA GAACANTA UGU JIRIN MARTINA KU YAAHAY. QOLADA MDAXTOOYADA TALLO DEG DEG AH AMA DALKU SIDAN KU JIRI MAAYO EE WA LA DABAQABATEYEN TALLO QARAN OO BULSHADA SOMALILAND OO U DHAN TAHAY BAA HOYGA WAXBARASHA NABADDA IYO BADBAADA QARANKA SOMALILAND BORAMA AWDAL MAANIFESTO TWO SI DEG DEG AH QURBA JOOG IYO QOL QOL JOOG LOOGU QABAN DOONAA. SI MAROODI JEEX IYO AWDAL AANAY GAACANTEENA KA BIXIN GOBOLLADDA SOOL SANAAG IYO TOGDHEERA KACANTEENA SI BUUXDA DIB LOOGU SOO CESHO. WALLAAHU WELIYU TAWFIIQ HA NOOLAATO SOMALILAND DAL IYO DADBA KHAYER BAAN U RAJEYNAYAA WAKHTIGA DHAW GUL IYO GOBANIMO. XAQA KU ADIN. MUS AW HASSAN LODOON AWDLII DUBAI. Qaran News
  4. Waxaan u muuqanaa bulsho waaqicii ka lumay oo aan cabiri karin maxaa dhaliil ah maxaase dan ah, waxaan sidaa u iri waxaan arkay shalay dad madaxweyne Farmaajo ku eedeynaa sababta uu safiir ajinabi ah ugu qaabilay xarunta Xalane oo ku taala Muqdisho. Qofka sidaas hadalka u dhigaya wuxuu Xalane ka jaray dhulkii Soomaaliya laakiin isma oga. Waa badan yihiin dadka isku dayaya iney Xalane ka dhigaan wadan kale oo aaney Soomaali laheyn ama ka talin balse ma fahmin danta arrintaas ugu jirta. Soomaali ahaan waxaa noqonay dad ay ajaanibtu micno gooni ah ugu fadhiyaan waxaana had iyo jeer buun buuninaa meesha la fariisiyay, cuntada la siiyay, sida loo salaamay ,dharka la xirtay markii la qaabilayay iwm. Farmaajo waa madaxweynaha Soomaaliya ,isaga ayaana ka taliya Xalane iyo Villa Soomaaliya labadaba waxaana uu qaabilaad ku sameyn karaa meel walba oo wadanka ka mid ah, anigu waxaanba kula talin laha inuu bilaabo inuu dadka ku qaabilo Balcad ,Afgooye iyo xitaa KM4 guri kuyaala. Xalane kama amni badna Villa Soomaaliya, waxaase ii muuqata inuu madaxweynuhu sharfaayo safiirka cusub ee USA. Qofkii aad rabto inaad xushmad u muujiso adiga ayaa yaqaana waxa aad u sameyneyso. Waxaan u baahanahay bulsho ahaan inaan la qabsano baahinta doodaha dhaxal galka ah, tusaale intii aan waqti ku bixin laheyn meesha safiirka lagu qaabilay waxaa ka muhiimsan inaan ka doodno muxuu safiirkan cusub ee USA kusoo kordhin karaa geedi socodka Soomaaliya iyo muxuu kaga duwan yahay safiirkii hore. Bulshadeenu waxey u baahan tahay wacyi galin badan. W/Q: Mohamed Osman Falanqeeye Siyaasadeed London-UK
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, ayaa si adag kaga hadlay warqadaha isdaba jooga ah ee kasoo baxaya wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ee looga hadlayo kiiska dilkii Wariye Jamaal Kashoqji. Xildhibaanka ayaa sheegay in warqadaha isdaba jooga ah ee kasoo baxaya wasaaradda arrimaha dibadda ay dalka u ekeysiinayaan wadan aan jirin, maadaama sida uu sheegay laga hordhacayo mararka qaar go’aano aan la gaarin. “Waraaqaha Af-Carabiga iyo Af-Ingiiriska ku qoran ee isku midka ah, halka marna la soo wada saaray, ahna markii labaad oo ay xukuumadu warqad wiifto ah ka soo saarto arrinta dilka wariyihii Sucuudiga ahaa Khaasuqji ee raqdiisa iyo ruuxdiisa la la’yahay, wasaaradeena arimaha dibaddu ma waxey nagu matalaysaa in ay ayido “dilka 5 ruux oo loo maquuniyey in loo dilo arrintaas”. “Siyaasaddii arrimaha dibadda dalku ma halkaas ayey maraysaa in xukunnada go’aanada garsoorka dal kale oo aan weli dhamaan aan qoorataysanno, lana soo dhoweeyo dad la yiri waa la dilayaa, ayadoo ay muuqato in laga caaajisay in laga hadlo dhibaatooyinka badan ee dalka ka jira ee ka hadalka u baahan. “Warqad kasta oo noocaan loo soo saaro, waxey dalkeena u ekeysiinaysaa waraaqihii Cabdalla Shideeye laga soo saari jiray, hana laga dhabeeyo oraahdii caan baxdey ee xilligii qiirada jaban ay jirtay la dhihi jiray “Gaajo gobonimo leh ayaan ka haboon dhereg gunnimo wadata” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.
  6. Xildhibaanada Iyo Siyaasoyiinta Koonfur Galbeed ayaa walaac ka muujiyey qaabka ay ku socoto Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed. Ka dib iscasilaadii Madaxweyne Shariif waxaa si xoogan Magaalada Baydhabo looga dareemayaa Culeyska Siyaasadeed ee deegaanka iyo Saameynta ay Villa Soomaaliya ku yeelatay. Waxaa Magaalada ku sugan Xubno ka tirsan Labada Gole ee Xukuumada Fedderaalka, joogitaanka xubnahaan waxay tahay hal arin oo qura arintasoo ah in kursiga lagu fariisiyo Shaqsi ay Villa Soomaaliya wadati qaabkii ay u saamaxdaba ha u mareene, taasna waa tan walaaca laga qabo. Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada Koonfur Galbeed ee kasoo hor jeeda Kooxda ay Villa Soomaaliya dabada kasoo riixayaan ayay ku eedeeyeen kuwo aan wax dan ah ka lahayn Amaanka iyo horumarka deegaanka, waxay kaloo ku eedeynayaan iney khal khal galinayaan Magaalada Baydhabo. Mukhtaar Roobow oo horey u ahaa Hpgaamiye Argagixiso oo hogaamiye sare kasoo noqday Al–shabaab ayaa isna garabka sadexaad ah, ilaa hadana ai rasmi ah oo hoose ma jirto cid u og meesha uu doonayo inuu reerka u raro haduu ku geeleysto ololihiisa Doorashada. Roobow wuxuu ka mid yahay raga ugu cadcad Doorashada wuxuuna si weyn ugasoo horjeedaa Kooxda ay Villa Soomaaliya wadato. Mushariinta badankoodu waxay hada cabsi ka qabaan in Doorashada ay gaarto sanadka soo socda waayo wali waxaa muran ka taagan yahay ansixinta Gudiga Doorashada, sababta gudiga deg dega loogu ansixiyey ayaa keeni karta in Doorasho ay dhici wayso dhamaadka bishaan oo ah marka la iclaamiyey Dporashada. Maxaa Sababay in Gudiga Doorashada aa n la ansixin. Musharixiinta inta badan iyo Xildhibaanada Koonfur Galbeed waxay aamin san yihiin in Gudigaan muranku ka taagan yahay ay yihiin shaqsiyaad ay Villa Soomaaæiya ka dambeeyaan. Kalsoonida lagu qabana aad ayay u yartahay taasaana keentay in la ansixin waayo ilaa hada. Where is Madaxweynihii hore Shariif Shiikh Xasan Madaxweyne Shariif oo todobaad ka hor xilka oska casilay wuxuu wali saameyn weyn ku leeyahay Doorashada, wuxuu joogaa hada Nairobi laakiin teleefoon ma uu dhigo oo haækaasuu oæoæaha kaga jiraa, wuxuuna geed dheer u fuulay inuu ka taqaluso musharixiinta ay Vimla Soomaaliya wataan. Puntlandi.com Baydhabo Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa ka hadlay dagaalka Dublamaasiyasadeed ee Somaliya kula jirto Somaliland, is-bedelka siyaasadeed ee Geeska Afrika, heshiiska iskaashi ee Wadamada Elatariya, Somaliya iyo Itoobiya,qaraarkii ay Somaliya ku doonaysay in cuna-qabadaynta hubka laga qaado ee u suurtagali weyday iyo waxaa la gudboon Somaliland. Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige iyo Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo wuxuu yidhi “Hore waxaa loo yidhi tiisaba daryeele ayaa tu kale ku dara, waxaana cad in Dawladda Somaliya deg degayso,isla markaana aanay waxba ka fiirsan, iyada oo amaanka Somaliya aanay si fiican u wada sugin, oo waliba aynu ka war hayno in aanay ka wada talin Muqdisho, ayey haddana isku qaaday wax aanay ka baxayn, oo ah in cuna qabadaynta hubka laga qaado, oo waxay isku dhararinaysaa Dawladdo dhinac kasta ugu awood badan, balse cuna qabadayntii hubka ee ay Dawladda Somaliya damacsanayd in laga qaado, suurtagal may noqon, waxaana xaqiiqo ah in haddii laga qaadi lahaa cuna qabadaynta hubka inay ka sii dari lahayd, waxaan se Qaramada Midoobay ugu mahadnaqaynaa talaabadaas ay kaga hor istaageen”. Xildhibaan Nacnac mar uu ka hadlaayey Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Somaliland waa dal aan looga talin Somaliya, waa dal aan hoos iman Somaliya, waa dal madax banaan, oo horena u ahaa dal jira, imikana jira, Dawlad kasta oo timaada Somaliya, xasidnimo iyo xumaan bay Somaliland ku haysaa, balse taas waxba inagaga qaadi mayaan, ee inaga waxa la inooga baahan yahay inaynu isku tashano,Beesha Caalamkuna wey ka dharagsan tahay in Somaliland iyo Somaliya ay kala madax banaan yihiin, oo ay kala yihiin laba dal oo kala duwan, ee waxaa la gudboon in aanay Ictiraaf buuxa na siiyaan” Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige ayaa isna wuxuu yidhi “Somaliya xasilooni iyo amaan buuxa kama jiraan, haddii hubka loo fasixi lahaana amaankeedu faraha ayuu ka sii bixi lahaa, diidmadaas la diiday dalabkeedana waan soo dhaweeynayaa, balse Elatariya in cunaqabadaynta laga qaado aad baan u soo dhaweeynayaa”. Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige mar uu ka hadlaayey iskaashiga wadamada Itoobiya, Somaliya iyo Elatariya ayaa yidhi “Weynu aragnaa in isbahaysi iyo iskaashi dhexmaray Somaliya, Elatariya iyo Itoobiya, waxaana cad in is bedelo siyaasadeed uu ka dhacay Wadamada Geeska Afrika, laakiin is bedeladaasi waa mid ay ka hurudo Dawladda Somaliland, waxaana cad in Dawladda Somaliya ay dagaal dublamaasiyaseed ay kula jirto Somaliland, balse ay Xukuumadda taladda dalka hayso ay ka hurudaa, taas oo u muuqata in aanay ilaa hadda dagaalkaas dublamaasiyadeed ee Somaliya inagu wado in aanay ka hor tagin, waxaana cad in Dawladda Somaliya rabto inay godoon ku rido Somaliland, oo albaab kasta ka soo xidho, waxaa kale oo iyana wax aad loola yaabo iyo fashilaad siyaasadeed ah in dad reer Somaliland ah, oo dalkoodii dagaal ku dhexmaray, meel ka baxsan Somaliland in lagu heshiisinayo,ceeb ka weynina ma jirto, Xukuumadda Muuse Biixina haddii aanay siyaasadeeda arimaha Guddah iyo Dibaddaba aanay wax badan ka bedelin culays intan ka sii badan iyo fashilaad intan ka sii badan baa inagu dhacaya, waxaana xaqiiqo ah in Xukuumadduna aanay si siman ugu cadaalad sameeynin Shacab weynaha reer Somaliland, waxaana dhab ah in ilaa hadda sicir bararkii waxba laga qaban, waxaa dhab ah in Xukuumaddani qabyaaladii sii kordhisay, markaas Madaxweyne Muuse Biixi waxaa la gudboon inuu dib u saxo waxyaabaha khaldan ee dalka ka taagan”. Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi, ayaa muddo 11 maalin kadib ka hadlay iscasilaadii Shariif Xasan Sheikh Aadan, madaxweynihii Koofur Galbeed oo gabi ahaanba tartanka doorashada isaga haray. Mr Xirsi, ayaa marka hore soo dhaweeyay iscasilaada Shariif Xasan Sheikh Aadan isaga oo ku tilmaamay inuu yahay Geesi wax badan soo shaqeeyay, ugu dambeyntiina qaatay go’aan dad badan aysan fileyn. Wuxuu wasiirka sheegay in Shariif Xasan uu qiimeeyay marxaladda ka jirta deegaanada Koofur Galbeed iyo culeesyadii heystay, taasina ay dhalisay inuu ka tanaasulo xilka madaxweynaha iyo musharaxnimada Koofur Galbeed. Mar uu kahadlayay arintaasi iyo fursadda ka dhalan karta, ayuu sheegay in dadka Koofur Galbeed oo muddo ku doodi jiray inay hogaamiye cusub doonayaan ay hadda heystaan fursadii ay muddo raadin jireen. Musharixiinta Koofur Galbeed ee isbadalka doonaya ayuu kula dardaarmay inay ka faa’ideystaan fursadda hortaala, islamarkaana ay u tanaasulaan ruuxa caasimada Koofur Galbeed ku shaqeyn kara. Wuxuu ugu dambeyn sheegay in loo baahan yahay in Koofur Galbeed lagala shaqeeyo horumarinta deegaanka iyo xaqiijinta amaanka deegaanada ay ka qabsadeen ciidamada Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa gaadhay California si uu u soo indha indheeyo khasaaraha ka dhashay dabka ka kacay gobolkaasi oo ay ku dhinteen 71 qof. Wararku waxaa kale oo ay sheegayaan 1,000 qof oo kale in la la’yahay iyada oo mas’uuliyiinta gobolkaasi ay sheegeen tirada dadka dhintay iyo kuwa la la’yahayba ay isbedbeddeli karto. Madaxweyne Trump oo magaalada Paradise uu dabka khasaaraha badan u geystay ka hadlay ayaa wuxuu ammaanay maamulka gobolka iyo shaqaalaha ku howlan baadi goobka dadka la la’yahay. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Madaxweyne Trump Oo booqday gobalka California oo dhawaan dab xoogani ka kacay appeared first on Puntland Post.
  10. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si rasmi ah u aqbalay xabad joojin iyo inaanu dagaal dambe ka dhicin jiidda Tukaraq ee gobalka Sool. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala. Madaxweyne Gaas, ayaa soo jeedintan ka aqbalay ergayga Qaramada Midoobay danjire Nicholas Haysom oo dhawaan isaga dab qaaday magaalooyinka Hargeysa iyo Garowe. Mr. Gaas ayuu warku sheegay inuu ergayga u cadeeyay inuu si rasmi ah u aqbalay soo jeedin dhawr goor oo hore uu ka diiday ergaygii hore ee Qaramada Midoobay danjire Micheal Keating iyo IGAD oo ahayd in Somaliland iyo Puntland aqbalaan soo jeedin ah in la sameeyo xabad joojin. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa isagu dhawr goor oo hore cadeeyay inuu aqbalay soo jeedinta Qaramada Midoobay, IGAD iyo Maraykanka oo ka koobnayd saddex qodob oo uu ugu muhiimsanaa xabad joojin rasmi ah. Laakiin Madaxweyne Gaas ayaa wakhtigaas soo jeedintaas xabad joojinta ku xidhay shuruud ah in ciidamada qaranka Somaliland ka baxaan tukoraq. Sida ay wararkani sheegeen Madaxweyne Gaas, ayaa hadda si rasmi ah u aqbalay soo jeedintaas uu hore u diiday. Lama hubo laakiin in telefoon lagu wada hadashiiyay Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Gaas. Dagaalo kala duwan oo deegaanka Tukoraq ku dhex maray Somaliland iyo Puntland, ayaa waxa ku dhintay ciidamo labada dhinac ah, waxaana ku baro-kacay qaar ka mid ah dadweynaha deegaankaas ku nool. Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in aqbalaadda xabad joojinta ee Cabdiweli Gaas ay sabab u tahay xaaladda siyaasadeed ee maamulkiisa haysata, waxaana la ogyahay in ciidamo ka tirsan kuwa uu ugu tallo galay tuko-raq ay iyagoo ka gadoodsan mushahar la’aan dhawr goor sameeyeen gadood ciidan oo ay mar kula wareegeen madaarka Garowe. Source
  11. Wariyihii Sacuudiga ee la dilay Jamaal Khashoggi oo xaas qarsoodi ah ku qabay Wargeyska The Washington Post ayaa maanta daabacay wareysi ay la yeesheen haweeney u dhalatay dalka Masar, taasi oo sheegtay in uu si qarsoodi ah u guursaday Jamal Khashogji, dhowr bilood ka hor inta aan lagu dilin qunsulliyadda Sacuudiga ee magaalladda Istanbul ee dalka Turkiga. Haweeneyda waxay magaceeda ku soo koobtay H. Atr, iyadoo codsatay inaan magaceeda oo dhamaystiran la shaacinin sababo Ammaankeeda iyo Shaqadeeda. Waxay tilmaamtay inay munaasabadda nikaaxa si qarsoodi ah loogu qabtay magaalada Washington, iyadoo aysan ka war qabin xaaskiisa Turkishka ee Khadiija Cengiz iyo xubnaha qoyska Jamaal Khashoogi, waa sida ay hadalka u dhigtay. Waxay Wargeyska Washington u soo bandhigtay caddaymaha Nikaaxa iyo Sawiro ay la gashay Jamaal Khashoggi. Haweeneyda Masaarida waxay codsatay ka xaas haan in la siiyo xuquuqdeeda oo buuxda iyo in loo ictiraafo inay tahay xaaskii saxafigaasi. Dhinaca kale, mid ka mid ahaa saaxiibada khaaska ee Saxafigaas oo codsaday inaan magaciisa la shaacinin waxa uu u sheegay Waregeyska The Washington Post inuu goobjoog ka ahaa Munaasabaddii uu Jamaal khashoggi ku mehersaday Haweeneyda Masaarida ee haatan isa soo bandhigtay inay tahay Xaaskii Jamaal Khashoggi. Baraha Twitter-ka ayaa la soo dhigay Sawiradda iyo magaca haweeneydaas, oo lagu sheegay Xannaan. Qaran News
  12. Komishanka Doorashooyinka Oo Dhammaadka Bishan Ku Dhawaaqaya In Aanay Doorasho Dalka Ka Dhacayn, Walaacii Xisbiyada Mucaaridka Oo Sii Xoogaystay Iyo Somaliland Oo Waajihi Doonta Culaysyo Caalamiya Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa la xaqiijiyey in ay Bishan dabayaaqadeeda ku dhawaaqayaan dib u dhac rasmi ah oo ku yimid Doorashooyinkii Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanka oo qorshuhu ahaa in ay dalka ka qabsoomaan Bisha March ee sannadka soo socda 2019 oo ay innaga xigaan wax ka yar Afar Bilood, taasi oo gabi ahaanba meesha ka saaraysa rajadii aadka u yarayd ee marka horeba laga qabay in doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto. Ilo-wareedyo u dhuun daloola arrinkan oo aannu ka helnay Xisbiyada sqaranka ayaa Wargeyska FOORE u xaqiijiyey in ay xubnaha Komishanka Doorashooyinku diyaariyeen baaq ay ku shaacinayaan in gabi ahaanba doorashooyinkii qorshaysnaa Bisha March ee Golayaasha Wakiilada iyo Deegaamadu mar kale dib u dhacayaan taasina god ku sii ridayso hanaankii geeddi-socodka Dimuquraadiyadda Somaliland, mar kalena sidii caadada ahayd doorashooyinkaasi dib u dhacayaan wakhti aan la ogayn iyo duruuf ay ku dhici karaan toona oo aan la ogayn. Toddobaadka ugu dambeeya Bishan November ayaa la xaqiijiyey in ay Komishanka Doorashooyinku ku dhawaaqaan Go’aankooda oo ay isugu yeedhi doonaan dhammaanba Madaxda Saddexda Xisbi qaran kaasi oo ay ku shaacin doonaan xaqiijinta dib u dhaca Doorashooyinka. Dib u dhaca doorashada ee mar kale la shaacinayo ayaa la aaminsan yahay in ay halkii ugu hoosaysay dhigi doonto dhaawac weyna u gaysan doonto saaxiibtinimadii iyo wada shaqayntii beesha Caalamka iyo Somaliland taasi oo la ogsoon yahay in ay muddoba ka niyad jabsanaayeen sida ay xaaladda Somaliland ku socoto waxaana ay dadaalo iyo awood culus galin doonaan doorashooyinka dalka Soomaaliya laga filayo in ay ka qabsoomaan sannadda 2020. Tallaabadan Komishanku ku dhaqaaqayo wiigagga soo socda ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa wakhti ay kala fadhiyaan khilaaf culusna ku kala maqan yihiin Axsaabta qaranku kadib markii ay xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI ay gabi ahaanba gaashaanka ku dhufteen kulamadii ay la lahaayeen Madaxweynaha iyo xisbigiisa KULMIYE. Waxaana halkaasi ku soo gudhaysa rajadii dalkani ka qabay in ay ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ahi oo ay kuraasta ku banneeyaan Golayaasha Muddo dhaafay ee qaranku. Golaha Wakiilada ayaa fadhiya muddo ka badan 13 sano halka Golaha Deegaankuna isaga laftiisu muddo dhaafay dhawr sano. Qaran News
  13. Akhri Faashilka Ku Gadaaman Ballanqaadkii Uu Ololaha Ku Soo Galay Madaxweyne Muuse Sannad Kadib- Maanta Iyo Falanqaynta Tiirkii 2aad ee Buuga KULMIYE Intiinii la socotay cadadkeenii ugu dambeeyey ee Sabtidii waxa aanu akhristayasha sharafta mudan halkan kula wadaagnay tiirka koowaad ee qorshihii Buugga Xisbiga KULMIYE ku galay tartankii Ololaha doorashada Madaxtooyada ee Bishan oo kale, maalmahan oo kale sannadkii hore ee 2017 ka qabsoontay guud ahaan dalka, taasi oo aan lafa-gur kooban ku samaynay sida aanay xukuumadda Muuse Biixi Cabdi waxba uga qaban sannadkeedii koowaad dhammaan wixii ay ballan qaaday marka laga tago nidaamka dawliga ah oo sidiisii isaga sii socday inkasta oo duruufo adagi ku hareeraysan yihiin oo qaarkood la kowsadeen muddo xileedka Madaxweynaha. Tiirka labaad ee Maanafeestihii Xisbiga KULMIYE waxa uu dhigayay ‘Amniga iyo Nabadda’ isaga oo Madaxweyne Muuse Biixi tartankii Ololaha qorshihiisa wax-qabad ku buunbuuniyey sida uu arrintan wax uga qaban doono. Waxa aynu haddaba qormadan maanta ku eegi doonaa waxa uga qabsoomay illaa hadda mudadii sannadka ahayd ee uu Madaxtooyada fadhiyay iyo ballan qaadkiisaasi la xidhiidha qodobkan, waxa uga hir galay innaga oo eegi doonaa marka hore sida uu u dhignaa ballan qaadkaasi oo ah in Xisbiga KULMIYE uu sheegay in muddo xileedkiisa 2017 illaa 2022 uu horumarin ballaadhan ku samayn doono ciidamada qalabka sida ee kala duwan oo ah kuwa suga Amniga qaranka. Xisbiga KULMIYE waxa uu ballan qaaday in uu awoodda saari doono xoojinta iyo casriyeynta ciidamada Booliska Somaliland iyo dhammaan hay’adaha amniga ku tacaluqa. Waxa uu KULMIYE ballan qaaday muddo xileedkiisa Madaxweyne Muuse Biixi in uu muhiimadda koowaad siin doono ilaalinta amniga qofeed iyo hantiyeed ee Mujtamaca reer Somaliland. Waxa uu ballan qaaday in uu kor u qaadi doono tayada iyo waxqabadka Cuqaasha dalka isaga oo sheegay in ay dib u eegis ku samayn doonaan Mushaharaadka ay qaataan. Waxa uu ballan qaaday in uu kordhin doono Mushaharka ciidamada kala duwan isaga sidoo kalena loo dhisi doono dhismayaal iyo dugsiyo tababar oo kale oo casri ah iyo waliba cisbitaallo casri ah oo u gaar ah ciidamada qaranka ee kala duwan. Aan haddaba is waydiinee Akhriste maxaa ka qabsoomay ballan qaadyadaasi mudadii sannadka ahayd ee Madaxweyne Muuse Biixi xilka qaranka hayay? Mudadii uu kursiga fadhiyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa kala qaybsanaan weyni ku timid shacabka reer Somaliland oo ay saamayn weyn ku yeelatay doorashadii dalka ka qabsoontay. Tani waxa ay saamayn toos ah iyo mid dadbanba ku yeelatay colaado iyo nabad-galyo darro dalka ka dhacday mudadaasi sannadka ahayd. Waxa dagaalo xumi ka dhaceen deegaanada Sanaag Galbeed oo ay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeedba ka soo kala gaadhay beelo walaalo ah oo wada daga gobolka. Markii colaaddaasi ay waxba xukuumaddu ka qaban kari wayday waxa gurmad ugu tagay wadaado iyo wax-garad reer Somaliland ah oo heshiis ku soo afmeeray xaaladdaasi. Dhinaca Gobolka Sool gaar ahaan Koonfurta Gobolka Sool tiraba dhawr jeer waxa ka dhacay dagaalo culus iyo xasuuq ay isu gasteen beelo walaalo ahi, waxaana markii ugu horraysay taariikhda Somaliland beelaha Gobolka Sool lagu heshiisiinayaa meel ka baxsan Somaliland iyada oo toddobaadkan loo fadhiyo Magaalada Jigjiga ee caasimadda dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Dadka u kuur gala Arrimaha Ammaanka qaranku waxa ay sheegeen kala qaybsanaanta shacabka Somaliland ee doorashadu saamaysay oo keentay in markii ugu horraysay ay Askar ka tirsan ciidamada qaranku ka goostaan oo ay wakhtigan ku sugan yihiin Puntland iyaga oo duulimaad ku ah dalkana ay halkaasi ka abuureen Jabhad hubaysan, colaadda soo noqnoqota ee beelaha oo aanay xukuumaddu xalal waara u helin ay keentay in doorkii xukuumadda dhaliilo culus looga soo jeediyo arrintan. Sidoo kale dadka u kuur gala dhinaca amnigu waxa ay sheegeen in ay Somaliland halis kale ugu jirto dhallinyarada aan la jihayn ee shaqo la’aanta iyo rajo xumadu barriinsatay oo ah kuwo halis weyn ku ah amniga qaranka. Tani waa ta keentay ina ay kor u kacaan dambiyada abaabulan ee tuugada, boobka, iyo kufsiga ah ee habeen walba ka dhaca magaalooyinka waaweyn ee dalka oo ay ku kacaan dhallinyaro koox koox u abaabulani. Dhammaan arrimahaasi, mudadaasi sannadka ah ee ay xilka haysay waxba kama aanay qaban lamana aanay iman istaraatiijiyad wax lagaga qabto. Ballan qaadka uu Muuse Biixi Cabdi ku sheegay Buuggiisii cagaarnaa in uu kobcinayo cuqaasha iyo madax dhaqameedka, wax uga qabsoomaa ha joogtee waxaa kaaga filan in toddobaadkii ugu dambeeyey oo kali ah ay bannaan bax magaalada Burco ku muujiyeen cuqaasha Gobolka Togdheer oo sheegay in aanay ku shaqayn Karin $25 oo kali ah oo ay Bishii xukuumadda ka qaataan hawsha ay hayaana aad u culus tahay. Isku soo wada duuboo muddada sannadka ah ee durba u dhammaanaysa maalmaha soo socda mudadii uu xilka joogay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, haba yaraatee wax u kordhay ama uu ka qabtay dhinaca Amnigu ma jirto. Inkasta oo aanay jirin dhibaato weyn oo amni oo qaranka ku dhacday oo xaaladdu iska sidii uun tahay marka laga yimaad dhibaatooyinka Gobolada Bari ka dhacay sannadkan haddana marka laga hadlayo wax qabad iyo wax la taaban karo wax alla wax cusub oo uu sannadkaasi ka qabtay dhinaca amnigu ma jirto. Waxaanan odhan karnaa marka la barbar dhigo tirada dadka innagaga dhintay dagaalada beelaysan waxa ay aad uga badan yihiin sannadihii xukuumaddii Axmed Siilaanyo ee isla xisbiga KULMIYE. …..La Soco Tiirka Saddexaad Qaran News
  14. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa saaka u baqoolay Gobolada Bariga Somaliland Siiba Gobollada Saaxil,Togdheer & Degaano Oodweyne ka tirsan Sida Xaaji Saalax & Tuulooyin kale,Ma cadda Ujeedada safarkiisu waxay daaran tahay Marka laga reebo Jeel la sheegay inuu xadhiga ka jaraayo. Tabashooyin,cabashooyin iyo cadaaladaro isbiirsaday ayaa Bulshoweynta ku Dhaqan Gobolka Togdheer badhkood tirsanayaa,Halka badhka kalena ku hungobeen codkii ay siiyeen xilligii doorashada uu Madaxweynenimada u ordaayey ka dib markii ay ka waayeen wixii ay ka filayeen. Wararka qaarkood ayaa tibaaxaya inuu caynaba u sii gudbi doono,halkaasna ka soo noqon doono,Ceerigaabo& Soolna…….. Qaran News
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa walaac xoogan ka muujinaya inay waqtiga loo qabtay ay ku dhacdo doorashada Koofur Galbeed. Mushariixinta ayaa qaarkood waxay sheegeen inay ka walaacsan yihiin in dib u dhac uu ku yimaado doorashada madaxtinimada oo 28-ka bishaan loo balansan yahay inay ka dhacdo magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Isqabqabsiga iyo Khilaafka guddiga doorashada ayaa Walaaca ugu badan geliyay Musharixiinta Koofur Galbeed, waxaana ay sheegeen inay ka baqayaan in arimahaasi dartood dib u dhac ku yimaado markale doorashada. Musharax Xasan Ibraahim ayaa sheegay in aysan socon shaqooyinka saxda ahaa ee laga doonayay guddiga doorashada Koofur Galbeed, taasina ay sii kordhisay walaaca ay ka qabaan in doorashada ay dib u dhacdo. Ilaa iyo hadda lama bilaabin diiwaan gelinta Musharixiinta Koofur Galbeed, sidoo kalana lama soo saarin jadwalka rasmiga ah ee doorashada, iyadoo taa badalkeeda arimo kale lagu mashquulsan yahay, sida uu sheegay Musharaxa. Walaaca musharixiinta ay qabaan ayuu ku sheegay inay qeyb ka tahay in doorashada ay kaga shaki qabaan in laga dhigo Sanadka cusub ee 2019, taasina ay caqabad ku tahay horumarka Koofur Galbeed. Dowladda federaalka Soomaaliya ayuu ku dhaliilay iney kaalin ka qaadatay dib u dhaca doorashadan, sidoo kalena ay waddo ineysan doorashada si xalaal ah u dhicin, waa sida uu hadalka u dhigaye. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Xukuumadda Somaliland waxay xaqiijisay inay aaminsan tahay in hub kasta oo la siiyo Soomaaliya uu halis ku yahay JSL. Somaliland waxay ku guubaabisay QM, IGAD iyo Midowga Afrika in ay taageeraan sidii dib loogu bilaabi lahaa wada-hadalkii u Somaliland iyo Soomaaliya. Hubka la siiyo Soomaaliya wuxuu ku dambaynayaa gacanta argagixisada. Hargeysa(Somalilandtoday)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku bogaadisey xubnaha Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay qaraarkii ay ku cusboonaysiiyeen cuno-qabatayntii hubka ee saarnayd Soomaaliya 14kii Bishan November. Sidaasna waxa lagu bayaamiyey war-murtiyeed maanta ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah JSL oo soo gaadhay Xafiiska Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanay dowladda JSL eedaysay Soomaaliya in aanay siyaasad ahaan iyo amni ahaan awood u lahayn inay xafido Hubka iyo Rasaasta, sida ku cad Warbixin Golaha Ammaanka la horgeeyey 9kii bishan November oo qiraysa in aanay Soomaaliya tahli karin inay hanato hubka iyo saanada ciidammada. Xukuumadda JSL waxay ku ammaantay Golaha Ammaanka Qarammada Midoobay tallaabada ay ku sii adkeeyeen cunaqabatayntii hubka ee saarnayd Soomaaliya. Xukuumadda Somaliland waxay xaqiijisay inay aaminsan tahay in hub kasta oo la siiyo Soomaaliya uu halis ku yahay JSL, dalalka jaarka iyo ammniga adduunkaba. Xukuumadda Somaliland waxay intaas ku dartay inay si xoog leh u cambaareynayso dalalka hubka siiya Soomaaliya, Iyadoo hubka la siiyaa uu aakhirka ku dambeeyo gacanta kooxaha argagixisada iyo maleeshiyo beeleedyada Soomaaliya. Dowladda Somaliland waxay ku boorisay beesha caalamka, gaar ahaan Golaha Ammaanka Qarammada midoobay inay sii wadaan cunaqabataynta hubka Soomaaliya oo xoojinaysa wadajirka nabadgelyada mandaqada iyo ammaanka caalamkaba. Xukuumadda Somaliland waxa kaloo ay soo dhaweysay heshiiska nabadeed ee dalalka Itoobiya iyo Ereteriya iyo murankii dhinaca xudduudaha ee u dhexeeyay labadaas dal iyo furdaaminta khilaafka soohdimaha ee ka dhex oognaa illaa 2008dii Jabuuti iyo Ereteriya, waxaanay JSL ku baaqday in waanwaantaasi noqoto mid iskaashi u horseeda gobolka. Xukuumadda Somaliland waxay ku guubaabisay Golaha Ammaanka Qarammada midoobay, urur-goboleedka IGAD, Midowga Afrika iyo xubnaha dalalka Qarammada midoobay in ay taageeraan sidii dib loogu bilaabi lahaa wada-hadalkii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya, oo ah mid faa’iido ugu jirto mandaqada iyo nabadgelyada caalamka. Waxa kaloo warsaxaafadeedka wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland lagu sheegay in gobolka Geeska Afrika ay soo mareen heshiisyo la mid ah kuwa Somaliland iyo Soomaaliya; sida Itoobiya iyo Ereteriya iyo Suudaan iyo Koonfurta Suudaan. Ugu dambayn, waxa war-murtiyeedka lagu sheegay in Somaliland kaalin ka geysatay xasiloonida mandaqada 27kii sannadood ee la soo dhaafay, waxaanay ku dooday inay wali la tacaalayso kooxaha argagixisada, kuwa dadka tahriibiya, waxaanay mudnaanta siinaysaa sidii gobolku iskaashi dhaqaale u gaadhi lahaa. KA Akhri Lifaaqan War-murtiyeedka Xukuumadda Somaliland press release on security council 02 (1) Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka subaxii hore safar ugu baxay gobolada bariga Somaliland. Ujeedada socdaalka Madaxwaynaha iyo waftiga uu hogaaminayo ayaa waxaa sheegayaan in ay tahay in uu kormeer indho indhayn ah ku soo sameeyo goboladaasi, ka dib markii dhaliil badani ugu timid shacabka taas oo ah in aanu marna gobolada bariga tagin . Dhinaca kale wararka qaar ayaa sheegaya in uu xadhiga ka soo jarayo Jeel cusub oo loo sameeyay Magaalada Burco. Madaxwayne Biixi ayaa la filayaa in uu ku sii nasto Magaalo Xeebeedka Barbara uguna gudbo Burco Xogtu ma sheegin in uu dhaafayo Burco iyo in kale. Waa safarkii ugu horreeyay ee magaalada Hargeysa uga baxo dhinaca bariga muddo sannad ah ka dib tan iyo markii la doortay. Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa la xaqiijiyey in ay Bishan dabayaaqadeeda ku dhawaaqayaan dib u dhac rasmi ah oo ku yimid Doorashooyinkii Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanka oo qorshuhu ahaa in ay dalka ka qabsoomaan Bisha March ee sannadka soo socda 2019 oo ay innaga xigaan wax ka yar Afar Bilood, taasi oo gabi ahaanba meesha ka saaraysa rajadii aadka u yarayd ee marka horeba laga qabay in doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto. Ilo-wareedyo u dhuun daloola arrinkan oo aannu ka helnay Xisbiyada sqaranka ayaa Wargeyska FOORE u xaqiijiyey in ay xubnaha Komishanka Doorashooyinku diyaariyeen baaq ay ku shaacinayaan in gabi ahaanba doorashooyinkii qorshaysnaa Bisha March ee Golayaasha Wakiilada iyo Deegaamadu mar kale dib u dhacayaan taasina god ku sii ridayso hanaankii geeddi-socodka Dimuquraadiyadda Somaliland, mar kalena sidii caadada ahayd doorashooyinkaasi dib u dhacayaan wakhti aan la ogayn iyo duruuf ay ku dhici karaan toona oo aan la ogayn. Toddobaadka ugu dambeeya Bishan November ayaa la xaqiijiyey in ay Komishanka Doorashooyinku ku dhawaaqaan Go’aankooda oo ay isugu yeedhi doonaan dhammaanba Madaxda Saddexda Xisbi qaran kaasi oo ay ku shaacin doonaan xaqiijinta dib u dhaca Doorashooyinka. Dib u dhaca doorashada ee mar kale la shaacinayo ayaa la aaminsan yahay in ay halkii ugu hoosaysay dhigi doonto dhaawac weyna u gaysan doonto saaxiibtinimadii iyo wada shaqayntii beesha Caalamka iyo Somaliland taasi oo la ogsoon yahay in ay muddoba ka niyad jabsanaayeen sida ay xaaladda Somaliland ku socoto waxaana ay dadaalo iyo awood culus galin doonaan doorashooyinka dalka Soomaaliya laga filayo in ay ka qabsoomaan sannadda 2020. Tallaabadan Komishanku ku dhaqaaqayo wiigagga soo socda ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa wakhti ay kala fadhiyaan khilaaf culusna ku kala maqan yihiin Axsaabta qaranku kadib markii ay xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI ay gabi ahaanba gaashaanka ku dhufteen kulamadii ay la lahaayeen Madaxweynaha iyo xisbigiisa KULMIYE. Waxaana halkaasi ku soo gudhaysa rajadii dalkani ka qabay in ay ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ahi oo ay kuraasta ku banneeyaan Golayaasha Muddo dhaafay ee qaranku. Golaha Wakiilada ayaa fadhiya muddo ka badan 13 sano halka Golaha Deegaankuna isaga laftiisu muddo dhaafay dhawr sano. Source
  19. (SLT-Washington)-War ka soo baxay Aqalka Cad ee Mareykanka ee maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa lagu beeniyay warbixintii CIA da Mareykanka ee la xiriirtay dilkii Wariyihiin u dhashay dalka Boqortooyada Saudi Arabia ee Jamaal Khashoggi. Hay’adda sirdoonka Mareykanka ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in baaritaan kaddib ay ogaadeen in amarka lagu dilay Wariye Khashoggi uu bixiyay dhaxal sugaha Boqotooyada Amiir Maxamed Bin Salmaan. Laakiin Wasaarradda arrimaha dibedda dalka Mareykanka ayaa sheegay in wali aan la gaarin gabagabada baaritaanka lagu hayo sida uu dilku u dhacay iyo cidda ka danbeysay, taasoo macnaheedu noqonayo in warka ka soo yeeray hay’adda Sirdoonka uusan aheyn mid quseeya dowladda Mareykanka. Waxay u muuqataa in Aqalka Cad iyo hay’adda sirdoonka Dalkaasi Mareykanka ay kala hadlayaan oo ay isku si u arkin baaritaankaasi. Mareykanka ayaa u muuqda mid sameynaya dib u gurasho siyaasadeed, isaga oo ka soo horjeeda in markiiba dilka wariyaha dusha laga saaro Boqortooyada, gaar ahaan Amir Maxamed Bin Salmaan. Source
  20. (SLT-Badhan)-Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland ee sannadka 2019 Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye iyo wafti ballaadhan oo uu horkacayo ayaa si diirran loogu soo dhoweeyey degmada Badhan ee gobolka Sanaag. Boqollaal dadwayne ah oo soo dhoweyntiisa uusoo baxay ayuu Musharrax Jebiye kula hadlay goob fagaare ah, wuxuuna sheegay in abidkiis aanu la kulmin soo dhoweyn ka ballaadhan midda ay reer Badhan isaga iyo wafdigiisa ku qaabileen. Injineer Maxamuud Khaliif wuxuu ballan qaaday haddii loo doorto xilka Madaxwaynaha Puntland in uu dhammaystiri doono mashaariicda horumarinta ee ka socda gobolka Sanaag, gaar ahaan mashruuca laamiga lagu saarayo jidka isku xira magaalooyinka Ceel-daahir iyo Ceerigaabo. Musharraxu wuxuu sidoo kale ballan qaaday in uu degmada Badhan ka dhisi doono qasri madaxtooyo, kaas oo xilliyada qaar noqon doona xafiiska rasmiga ah ee Madaxwaynaha Puntland ku shaqeeyo. Musharraxa iyo wafdigiisa oo kasoo ambabaxay magaalada Boosaaso. Source
  21. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa gaaray California si uu u soo indha indheeyo qasaaraha ka dhashay dabka ka kacay gobolkaasi oo ay ku dhinteen 71 qof. Wararku waxaa kale oo ay sheegayaan 1,000 qof oo kale in la la’yahay iyada oo mas’uuliyiinta gobolkaasi ay sheegeen tirada dadka dhintay iyo kuwa la la’yahayba ay isbedbeddeli karto. Madaxweyne Trump oo magaalada Paradise uu dabka qasaaraha badan u geystay ka hadlay ayaa wuxuu ammaanay maamulka gobolka iyo shaqaalaha ku howlan baadi goobka dadka la la’yahay. Wuxuuna Trump intaa ku daray “iney cidna ku fikirin iney sidan wax u dhacayaan, waana wax laga naxo waxaanna ku dadaaleynaa dadka ay masiibada ku habsatay sidi aan u caawin lahayn”. Lahaanshaha sawirkaAFPImage captionTrump oo booqday magaalada Paradise “Waxaanna rajeeynayaa ayuu yiri masiibo noocani iney markale na soo marin, maadaamaa uu dabkan uu yahay kii ugu qasaaraha badnaa ee abid na soo mara”. Dab kan la mid ah oo ka dhacay Los Angeles oo ay seddex qof ku dhinteen waxaa lagu guuleystay in mudda gaaban lagu xakameeyo. Toddobaadka soo socdana waxaa la saadaaliyey ayuu yiri roobab xooggan iney ka di’i karaan deegaannada uu dabku ku dhuftay marka maadaamaa ay daadad ka dhalan karaan waa in taxaddar weyn la sameeyaa maadaamaa ay dhirta inteeda badneyd ay gubatay. Howlaha gurmadka waxaa ka qayb qaadan hayo ciidamo tira badan oo shaqaalaha gurmadka ka barbar shaqeeynaya. Dadka dabka ku dhintay oo ay tiradoodu mareyso 71 qof ayaa waxaa Jimcihi seddex qof oo kale oo meyd ah oo dabka ku gubtay laga soo saaray dhismayaal ku gubtay magaalada Paradise. Lahaanshaha sawirkaAFPImage captionEeyda oo loo adeegsanayo baadi goobka dadka la la’yahay dadka marka hore la sheegay in la la’yahay oo lagu sheegay 631 qof 24 saac gudaheed waxay tirada dadka la la’yahay gaartay 1,011. Inkasta oo tirada dadka la la’yahay iyo kuwa dhintayba ay isbed beddeli karto. Image captionKhariidad Muujineyso Goobaha uu dabku ku dhuftay Shaqaalaha dagaalka kula jira xakameynta dabka ayaa waxay sheegeen in si buuxda loo xakameyn karo dabka gabi ahaanti ay socon karto ilaa iyo dabayaaqada bishan. Madaxweynaha wuxuu la kulmay dadka dabka ka badbaaday iyo shaqaalaha dab damiska ku howlan. Telefishiinka Fox News oo madaxweynaha weydiiyey dabka inuu degdeg uu ku faafo iney ka qayb qaadatay isbeddelka cimilada ayaa wuxuu ku jawaabay “waa laga yaabaa inuu saameyn yar uu ku lahaa balse dhibka ugu weyn wuxuu ka yimid sida loo maareeyey”. Maamulaha California Jerry Brown, oo dhaleeceeyey hadalka madaxweynaha ka soo yeeray oo madaxweynaha soo dhaweeyey ayaa wuxuu sheegay “hadda waxaa loo baahan yahay iney tahay inaan iska kaashanno sidii aan u badbaadin laheen shacabka California ee ay masiibada ku habsatay”. Roslyn Roberts, oo ka mid ah dadka guri uu kaga gubtay dabka California ka kacay ayaa waxay wakaaladda wararka Reuters ayaa waxay sheegtay “hadalka madaxaweynaha ee sheegaya iney maamul xumo dhinaca deegaanka ay ka timid ay tahay mid aan la qaadan karin kumannaan iyo kumannaan guri ayaa ku burburay dabkaasi dadka guriyahaa ku noolaa ee lafahooda u badbaaday ee ku sugan teendhooyinka waxqabad ayey u baahan yihiine hadal raqiis ah ah uma baahna” Source
  22. (SLT-Hague)-Xubin ka tirsan baarlamanka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe horena u ahaan jiray hogaamiye maleeshio ayaa loo diray Hague. Waxaa lagu soo oogi doonaa dacwado ah dambiyo aadamenimada laga galay iyo kuwo dagaal marka la hor geeyo Maxkamadda Dambiyada ee Caalamiga ah. (ICC). Alfred Yekatom oo loo yaqaanay “Rambo” ayaa hogaaminayey maleeshiyo Masiixiyiin ah markii ay socotay colaadii diimaha ku salaysnayd ee aloonsantay markii fallaagadii Muslimiinta ahaa talada dalkaa la wareegeen 2013-kii. Weli qalalaasihii wuu ka socdaa dalkaas oo ku dhawaad 40 qof ayaa ku dhintay dagaalo ka dhacay Jimcihii. Askari ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ayaa isna ku dhaacwamay weerar lagu qaaday saldhig ay ku leeyihiin galbeedka dalkaas, waxa kale oo nolol lagu gubay wadaad Masiixi ah magaalo ku taal badhtamaha dalkaas, waxaanay Qaramada Midoobay sheegtay in kumanaan qof ka qaxeen qulqulatooyinkaa taagan. Dambiyada lagu eedeeyey Yekatom waxay dhaceen dabayaaqadii 2013-kii iyo horraantii 2014-kii. Waxa uu hogaaminayey maleeshiyo Masiixiyiin ah oo ka dagaalamayey dhanka koonfureed ee dalka oo ka soo horjeeday Muslimiinta laga tirada badanyahay ee dalkaas oo talada la wareegay. Maxkamadda ICC waxay sheegtay in Yekatom ka masuul ahaa dil, jidh dil iyo weerarro lagu qaaday dad rayid ah oo loo adeegsaday caruur la hubeeyey. Waa qof kii ugu horreeyey ee loo gudbiyo maxmadda ee u dhashay Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe. Ururka caalamiga ah ee xidhiidhka qareenada xuquuqda aadanaha ee magaciisa loo soo gaabiyo marka uu Af-Faransiiska yahay FIDH, ayaa sheegay in tallaabadaasi tahay mid muujinaysa in ay xukuumaddaa ka go’antahay in ay wax ka qabato dadka dambiyada ay geystaan aan loo raacin. Yekatom waxa xildhibaan baarlamanka ah loo doortay sanadkii 2016-kii in kasta oo ay saarrayd xayiraad ay Qaramada Midoobay ku soo rogtay. Waxaana la xidhay bishii hore mar ay is af-dhaafeen xildhibaan kale oo uu rasaas ku riday baarlamanka dhexdiisa ka dibna cagaha wax ka day is yidhi. Source
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa si cajiib ah kaga hadlay cunaqabateynta hubka ee muddada sanadka ah lagu kordhiyay dowladda Soomaaliya, kadib qoraal kasoo baxay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay. War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay inay taageersan yihiin cunaqabateynta hubka ee mudada sanadka ah loo kordhiyay, sida qoraalka lagu sheegay. Waxay qoraalka ku taageereen warbixintii laga gudbiyay dowladda Soomaliya, waxaana ay sheegeen in Soomaaliya awood iyo xirfad aysan laheyn inay xakameyso hubka gacanta u gala. Sidoo kale Somaliland ayaa sheegtay in hubka loo gacan geliyo dowladda Soomaaliya uu qatar weyn ku tahay Somaliland iyo dalalka deriska la ah Soomaaliya, sida qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda lagu sheegay. Somaliland ayaa walaac ka muujisay dowladaha hubka Siiya dowladda Soomaaliya, waxaana ay sheegeen inay qatar tahay in kooxaha argagixisada ay gacanta ku dhigaan, taasina halis kale ay ka imaan karto. Ugu dambeyn waxay sheegeen in cunaqabateynta hubka uu u wanaagsan yahay amaanka gobolka loona baahan yahay in lasii kordhiyo ilaa dowlad awood badan ay ka imaaneyso. Waxay IGAD iyo caalamka ka dalbadeen inay ka shaqeeyaan dib usoo celinta wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland, taasi oo ay sheegeen in amaanka gobolka wax weyn uu ka tari doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa booqasho dhiiri-gelin ah ugu tagey Ciidamo ka tirsan Booliska, kuwaa oo loo diyaarinayo qorshaha sugidda Amniga Caasimadda. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa mid mid u weydiiyay Ciidamada Xaaladdooda Nolaleed iyo mid Tabar intaba, isagoo warbixinno ka dhageystay macalimiinta tabarka siinaya ciidankan loo diyaarinayo sugidda Amniga. Xoghayaha Gobolka Banaadir Cumar Cabdirisaaq Xuseen oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre uu u kuur-galayay Xaaladaha Ciidamada iyo tababarada ay qaadanayaan. “Ra’iisul wasaaraha JFS waxuu kormeer ku tagay xarumo kala duwan oo ay ku tababaranayaan Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo ku yaalla Gobolka Banaadir, waxuuna kormeer ku soo maray xarunta Dugsiga tababarka Janaraal Kaahiye, isagoo u mahad-celiyay Macalimiintii tababarka bixinayay”ayuu yiri Xoghayaha Gobolka Banaadir Cumar Cabdirisaaq Xuseen Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen ayaa sheegay in ay jiraan Ciidamo u xareysan sugidda Amniga Caasimadda oo dhawaan lagu wado in ay soo qalin-jabiyaan kuwaa soo la wareegaya Amniga. “Sidaad ka warqabtaan waxaa jira Ciidammo u xaraysan sugidda Amniga Caasimadda oo dhawaan soo qalin-jibin doona, kuwaas oo aan rajeyneyno in ay la wareegaan Amniga guud ee Caasimadda oo aan rajeyneyno in wax weyn uu iska badalo”ayuu raaciyay Xoghayaha Gobolka Banaadir Mudane Xasan Cali khayre oo ay wehliyaan Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Calaamiga ah ee Soomaaliya Xildhibaan Jamaal Maxamed Xasan, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed (AMERICO), Xoghayaha Gobolka Banaadir Cumar Cabdirisaaq Xuseen iyo Saraakiil kale ayaa sidoo kale kormeer ku tagay qaar kamid ah Isgoysyada Gobolka Banaadir. The post R/w Kheyre Oo kormeeray Ciidamo loo diyaarinayo amniga Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  25. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFS oo u warramamayay Shabelle ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliyeed. Xildhibaan Dalxa ayaa ugu baaqay madaxda sare ee Koonfur Galbeed in ay si cadaalad ah uga shaqeeyaan doorashada maamulkaasi. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in giddiga qaban qaabada doorashada looga baahan yahay in ay dardar galiyaan howlaha shaqo ee loo igmaday, si uusan markale dib u dhac ugu imaan waqtiga loo qoondeeyay doorashadaasi. Doorashada Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in ay qabsoonto 28-ka bishan Novmber, taas oo ay u taagan yihiin musharraxiin dhowr ah. The post Xildhibaan Dalxa Oo ka hadlay doorashada K/ Galbeed appeared first on Shabelle. View the full article