Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,965
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Jigjiga)-Shir Lagu Gorfaynayey Taariikhda Sayid Maxamed Cabdule Xasan Oo Lagu Qabtay Jigjiga Iyo Wasiir Guri Barwaaqo Buugiisii Oo Lagu Bah-Diley, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dhaawac maanta degmada Jariiban loogu geystay Farxaan Faarax Cabdi oo ka mid ah Wariyeyaasha ka howlgala gobolka Mudug. Dhaawac Wariyaha ayaa yimid, kadib markii ay murmeen nin la sheegay in uu ka mid yahay dadka deegaanka, kaas oo Mindi ku soo weeraray. Wariye Farxaan Faarax Cabdi ayaa ka howlgala Radio Jariiban oo uu ka mid ahaa Aas Aasayaashii Idaacaddaasi. Ninka ka dambeeyay falkani ayaa lagu soo warramayaa in uu baxsaday, balse waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo howlgallo ka wada halkaasi. Xaaladda caafimaad ee Wariyaha ayaa laga deyrinayaa, kaas oo haatan lagu dabiibayo mid ka mid ah isbitaallada ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. The post Nin hubeysan Oo Wariye ku dhaawacay gobolka Mudug appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Afhayeenkii Ciidanka Xoogga dalka ee gobolka Gedo Korneyl Aadan Rufle oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle ayaa ka hadlay dhibaatooyin badan oo ka jira gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya. Korneyl Rufle ayaa eedeyn u jeediyay maamulka Jubbaland oo uu tilmaamay in ay gabood falo iyo caburin uu ku hayo shacabka ku dhaqan gobolkaasi. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in in shacabka Gedo aysan raali ka noqon doonin curyaaminta dowladda dhexe iyo rajada iyo Ummada Soomaaliyeed. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Rufle.mp3 The post Jubbaland Oo lagu eedeeyay tacadiyo ka dhan ah shacabka appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka ayaa la filayaa in uu berry billaabo safaro uu ku tagayo qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya. Gelinka dambe ee maanta ayaa waxaa magalada Kismaayo tegi doona wafdi horudhac u ah safarkiisa oo isugu jira xildhibaano ka tirsan labada aqal kana mid ah xisbigiisa UPD. Safarka madaxweyne Xasan Sheekh uu beri ku tagayo Kismaayo ayaa la sheegay in uu bilaaw u yahay safari kale uu ku tegi doono xarumaha maamul goboleedyada dalka ka jira. Booqashadaan ayaa ku soo aadeysa xilli khilaaf xoogan uu ka dhaxeeyo dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, waxaana maamulka jubbaland uu yahay maamulkii ugu horeeyay ee dhisma xilligii madaxweyne uu dalka ka ahaa Xasan Sheekh. Sida aan xogta ku heleyno safarka Xasan Sheekh ayaa qeyb ka ah ololihiisa dib u doorasho, waxaana uu raadinayaa taageerada madax maamul goboleedyada, oo qaarkood kaalin ku lahaan doona soo xulista xildhibaanada cusub, haddii ay xukunka sii hayaan. Xasan Sheekh oo dhowaan dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, ayaa aas-aasay xisbi uu guddoomiye ka yahay oo lagu magacaabo UPD, isaga oo doonaya inuu xukunka kusoo noqdo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu maanta safar ku gaadhay magaalada Berbera ee xarunta gobalka Saaxil halkaas oo la filaayo in uu u sii dhaafo dhinaca magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. Muuse Biixi Oo Cutubyo Ciidamo saanad adag ku gaasham U Sii Kaxaystay Safarkiisa Gobollada Bariga . Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo safar ugu baxay inta la ogyahay magaalada Burco, ayaa socdalkiisa wuxuu sii kaxaystay cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka. Markii uu Madaxweynuhu gaadhay magaaladda Berbera waxa muqaalada war-baahinta ka soo muuqday Ciidan xad dhaaf ah oo tiro ahaan ka badan intii caadiyan loogu tallo galay sugida ammaanka Madaxweynaha. Lama oga sababta dhabta ah ee uu Madaxweyne Muuse Biixi u ka xaystay ciidanka intaas leeg. Balse dad badan ayaa arrintan kaga faloonaayay baraha bulshada Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Km-13 ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in halkaasi qarax Miino uu ka dhacay. Gaari nooca loo yaqaan SURF ayaa la sheegay in Miinadan lala eegtay, waxaana halkaasi ku dhintey Hal qof iyadoo dhaawacna uu jiro, balse tirada rasmiga ah weli lama hayo. Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in goobta qaraxa uu ka dhacay ay gaareen ciidamo ka tirsan dowladda federaalka, welina lama oga dadka qaraxan lala eegtay waxa ay ahaayeen. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale, Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha arrimaha gudaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa waraysi adag oo lala yeeshay waxa uu kaga hadlay arrimo xasaasi ah, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. Wararka naga soo gaaraya deegaanka Km-13 ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in halkaasi qarax Miino uu ka dhacay. Gaari nooca loo yaqaan SURF ayaa la sheegay in Miinadan lala eegtay, waxaana halkaasi ku dhintey Hal qof iyadoo dhaawacna uu jiro, balse tirada rasmiga ah weli lama hayo. Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in goobta qaraxa uu ka dhacay ay gaareen ciidamo ka tirsan dowladda federaalka, welina lama oga dadka qaraxan lala eegtay waxa ay ahaayeen. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Cadale ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo Sh/ Dhexe ayaa ku warramaya in maanta kooxo Burcad ah Gaari Rakaab ah ay ku rasaaseeyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi. Gaarigan oo ku soo jeeday magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in waddada loo galay, kadibna lagu rasaaseeyay agagaarka degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Ugu yaraan illaa 2 Qof oo ka mid ah Rakaabkii saarnaa Gaariga ayaa dhaawacantay, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale waxaa rogmaday Gaarigii ay la socdeen dadkaasi, kadib markii la huwiyay rasaas xoogan. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Cadale oo ku aadan dhacdadaasi. Inta badan waxaa Shabeelaha Dhexe ka dhaca weeraro ay dadka shacabka ah kala kulmaan kooxo Burcad ah oo ku sugan Waddooyinka gobolkaasi. The post Rag hubeysan Oo Gaari rakaab ah ku rasaaseeyay Sh/ Dhexe appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Taliska ciidanka Booliiska Puntland ayaa sheegay in wixii ka dambeeya 11-ka habeennimo aanay shaqeyn karin Mootooyinka Bajaajta. Taliyaha Booliiska Puntland Jeneraal Muxudiin Axmed ayaa sheegay in guud ahaan deegaannada Puntland wixii waqtigaasi ka dambeeya haddii ay arkaan Bajaaj socota ay la wareegi doonaan. Waxa uu tilmaamay in Bajaajta qaar lagu qaado waxyaabaha maanka dooriya, sidoo kalena lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Taliyaha-Ciidanka-boliska-Puntland-Gen-Muxiyadiin-Axmed-Aw-Muuse-oo-Awaamiir.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Shirkan oo looga hadlayo arrimaha Ganacsiga Soomaaliya iyo horumarrada Dhaqaale ee dalka ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana shirkaasi ka qeyb galay oo daahfuray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Sidoo kale waxaa shirka ka qeyb galay masuuliyiinta Shirkadaha Ganacsiga Caalamiga ah, kuwa Maxaliga iyo Madax ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Ugu horreyn R/wasaare Kheyre oo ka hadlay shirkani ayaa sheegay in Ganacsatadu ay yihiin kuwa kaliya ee uu dalka ku badbaaday jiritaankiisa, taasina ay ku timid amaanada. Ra’iisul wasaaraha oo soo hadal qaaday kobaca Dhaqaale ee dalka ayaa xusay in sanadkan Dakhliga soo xarooday uu ka wanaagsan yahay sanadihii hore. Soomaaliya oo haatan ka soo kabaneysa burburkii soo maray ayaa sanadihii la soo dhaafay horumaro ka sameyneysay Ganacsiga gudaha iyo kan dibadda intaba. The post Shir looga hadlayo Ganacsiga dalka Oo ka furmay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Afhayeenka Madaxweynaha oo Saxaafadda Gobolka Saaxil kula hadlay Qasriga Madaxtooyada Berbera, kana warbixiyey ujeedka Safarka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Africa’s leaders applauded Ethiopia’s Prime Minister Abiy Ahmed for making substantial reforms in his country as they met to consider improvements to the continent-wide body at the start of a summit Saturday. Abiy, 42, outlined the reforms that he has made since coming to power in April, including releasing thousands of prisoners, lifting bans on political parties and media outlets and unblocking websites. He said his government is cracking down on corruption, winning enthusiastic applause from African leaders at the meeting. Abiy spoke as African Union leaders, led by Rwanda’s President Paul Kagame, convened an extraordinary summit at its headquarters in Addis Ababa to consider reforms to encourage peace and development in Africa. Ethiopia’s leader, who came to power in April, urged the African leaders to make significant changes. The post AU leaders applaud Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed for reforms appeared first on Shabelle. View the full article
  15. The Somali government has welcomed Saudi Arabia’s public prosecutor efforts to prosecute the perpetrators of journalist Jamal Khashoggi murder. Khashoggi, a columnist for the Washington Post who had been living in the United States, has been missing since he entered a Saudi consulate in Istanbul, Turkey on October 2nd. The journalist was confirmed to have been killed in the country’s Istanbul consulate by a lethal injection after a struggle, and his body was dismembered. In a statement, the Somali government said it considers the move to be a step in the right direction to clarify the full truth about the circumstances of the case. “The federal government of Somali welcomes the investigation announced by the public prosecution in the Kingdom of Saudi Arabia, which took place the detainees in the case of the killing of the Saudi Citizen Jamal Khashoggi,” the statement reads in part. The statement comes hours after the CIA linked Saudi Crown Prince Mohammed bin Salman to the operation that claimed the life of the journalist. The CIA concluded that Mohamed bin Salman ordered the assassination of the journalist, Jamal Khashoggi in Istanbul last month, contradicting the Saudi government’s claims that he was not involved in the killing, according to people familiar with the matter. A team of 15 Saudi agents flew to Istanbul on government aircraft in October and killed Khashoggi inside the Saudi consulate, where he had come to pick up documents that he needed for his planned marriage to a Turkish woman. In reaching its conclusions, the CIA examined multiple sources of intelligence, including a phone call that the prince’s brother Khalid bin Salman, the Saudi ambassador to the United States, had with Khashoggi, according to the people familiar with the matter who spoke on the condition of anonymity to discuss the intelligence. Khalid told Khashoggi that he should go to the Saudi consulate in Istanbul to retrieve the documents and gave him assurances that it would be safe to do so. The post Somalia welcomes Saudi investigation into Khashoggi murder appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Xalane waxaa Maanta ka furmay shir looga hadlayo Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya,waxaana furay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre. Shirkaas,waxaa ka qeyb galaya Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, ganacsato iyo wakiilo caalami ah,waxaana soo qaban qaabisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in shirkan uu muhiim u yahay Ummadda Soomaaliyeed,waxana uu bogaadiyay Dowladda Turkiga oo ka mid ah wadamada maalgashiga ka sameeyay Soomaaliya. R/Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo shirka ka hadlayey ayaa sheegay in Ganacsadatada Soomaaliyeed ay door muuqda ka qaateyn kobaca dhaqaalaha dalka. Waxa uu sheegay R/wasaare Kheyre in Ganacsatada Soomaaliyeed ay xukuumadiisa kasoo aruuriyeen canshuurtii ugu badneyd muddo 30 sano ah Waxa uuna ku bogaadiyay garab istaaga xukuumadiisa. Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in sanadkii ina dhaafay ee 2017 ay ganacsatada Soomaaliyeed ay canshuur ahaan dowladda Federaalka u siiyeen lacag farabadn oo ay ku kabeyn miisaaniyada Dowladda sidaas si lamid ahna ay sanadka 2018 ay ka rajeynayaan dhaqaalo intaas ka badan sida uu sheegay. Hadalka R/wasaare Kheyre ayaa imaanyo iyadoo Soomaaliyo dhaqaallo ahaan kasoo reyneyso sanadihii lasoo dhaafay. Halkaan hoose ka dhageyso: https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/cod-Khayre.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Duhur-18112018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Kormeer shaqo iyo kala shaadhayn lagu qaado cid shaqo ku guda jirtaa waxay bar bilow u tahay qorshe dejisan iyo hawl-qabad horey loo sii qaabeeyey oo ku qotoma qayd maamul iyo qaanuun sharci oo la aqbalay. Qormadan waxay dabo joogtaa dhawaaqa maalmahan taagan ee mihnadlayaasha caafimaadku ku kala gurayaan aqoonta iyo xirfadlayaasha caafimaadka ee ajaanibta ah ee dalka ka shaqeeya, kuwaasi oo la qiimanayo inay yihiin dadkii saxda ahaa ee lagu aamini lahaa adeega caafimaadka bulshada. Hadaba intaynaan qiimayn qofka ajaanibka ah, qiimeeyuhu ma yahay qofkii saxda ahaa ee wax qiimayan karayey? Isaga laftiisa ma la qiimeeyey? Ma haystaa agabkii/aqoontii uu ku qiyaasi lahaa ama ku cabirilahaa waxa uu qiimaynayo ” Assessment tool” , su’ aalahan iyo kuwa kaleba waxay bud-dhig u yihiin in qorshahani iyo hawl- qabadkaniba uu noqon karo mid lagu kalsoonaan karo, islamarkaana muujinaya mid waadax ah oo fuliyaha iyo lagu fuliyahaba dhex iyo dhexaad u noqon kara. Jawaabaha Su’aalahan jawaabahooda rasmiga waxaan u dhaafaynaa cida awooda gacanta ugu jirto iyo dadweynaha, balse hadaynu is dul-taagno faaqidaad ahaan caafimaadka dadweynuhu waa qayb weyn oo nolosha dadku ay ku xidhan tahay, daryeelkiisa iyo dabogalka dadka gacanta ku hayaana waa halbowle loo baahan yahay in si joogta ah isha loogu hayo. Waxaana kale oo aan laga diimoonayan in kaabayaasha caafimaadka iyo adeegayaasha hada gacanta kula jiraaba ay jirto dayac iyo duruufo baahsan oo ooda jabsaday kuwaasi oo isu bedalay goobo gànacsi. Caqabadaha jira Dhibaatooyinka ugu badan ee haatan taagani waxa ugu weyn inaanay xiligan jirin xirfad iyo aqoon xadidan oo lagu ilaalinayo daryeelka nafta bini’aadamka, balse ay inta badan tahay xeelad lagu xoogsanayo, taasi oo lagu fasiri karo in dhakhaatiirta shaqaynaya intooda badan aan la hubin aqoonta ay ku shaqaynayaan ” Certified Doctor” kuwa gudaha iyo kuwa dibada; inaanay jirin sharci xakamayna ama xadidaya hanaanka shaqo ee uu ku hawlgalayo dhakhtarku ” Setting Policy”; inaanay jirin min-qiyaaskii iyo halbeegii lagu qeexi lahaa takhasuska ama aqoonta xirfadlaha iyo qalabka lagu shaqaynayo; inay weli curdin yihiin siyaasadii iyo xeerarkii maxaliga ahaa lagu dabogeli lahaa xirfadlayaasha iyo weliba inay weli qabyo tahay la xisaabtankii guud. Dulucda Sheekada Hadaba hadaynu u soo noqono kormeerka mihnadlayaasha caafimaadka waxa xusid mudan in shaqooyinkii maanta loo qabanyo bulshada ay ku salaysan tahay xeelado farsamaysan oo baayac-mushtar oo ay meesha ka maqan tahay xirfadii iyo anshaxii caafimaad. Tusaal ahaan waxa jira in dhakhaatiir badan oo shaqaynaysa aanay maanta la xaqiijin aqoonta ay ku shaqaynayaan haday tahay mid daweeye (Doctors); mid baadhitaan (Labrotorist); mid dawada yaqaanba ( Pharmacologist) iyo qaybaha xirfadeed ee kale; inay jiraan xarumo caafimaad oo loo furtay inay lacag uun soo saaraan oo lagu hayato dhakhaatiir sheeganaya takhasusyo badan ama ka badan; in hab-raaca bukaanka loola dhaqmayaa ama loo geedi-galinayo bukaankiisa ay tahay hab lacag lagu abuurayo keliya halka la ixtiraami lahaa anshaxa caafimaadka iyo cilada bukaha. Kuwan iyo kuwa kaleba way shaqaynayaan, waxaanay haystaan intooda badani liisanka mihnadlayaasha caafimaadka. Dhibaatooyinka kale waxa ka mida qaybaha daweynta dhaqanka iyo Cilaajyada oo iyaga sidan si la mida loogu shaqaysto; Xayeysiisyada ka soo butaacaya warbaahinta ee lagu xayeysiinayo dhakhtar, xarun caafimaad iyo weliba dawooyin gaara oo la fahmi karo hadafka loo xayeysiinaaa inay ganacsi tahay iyo weliba dhakhaatiirta da’yarta ee ka soo burqanaysa jaamacada gudaha iyo dibada ee aan tayada xambaarsanayn, kuwaasi oo dhamaantood ka mida halista aan ka werwerayno. Gebegabada Hadaba, inta aan lagu boodin xaga qiimeynta iyo dabogalka ajaanibta waxaan laga maarmayn in xarumaha mihnadlayaasha iyo maamulka mihnadlayaashu ay sharci ahaan iyo aqoon ahaanba u dhisan yihiin kuwa shaqadan balaadhan gudan kara, taasi oo difaac u ah inaydaan xalilin dhibaato aad abuurteen sida liisan aad horey u bixisay, balse ay kuu dejisan yihiin shuruucdii iyo shardiyadii aad wax ku qiimeyn lahayd qorshe, qof iyo qalabba.Iyada oo qiimeynta iyo dabogalku ( M&E)- Monitoring and Evaluation uu daba soconayo qorshe cad oo hore loo jeexay oo ku sar-go’an shaqo, waqti iyo fuliye wada jaan-qaadaya. Hadii kale sheekadu waxay u dhadhamaysaa kala kacsi iyo dhacdadii Dr. Macow ee horey u dhacday!. Qalinkii: Yuusuf Ibrahim Warsame- Yuusuf Ilka-case. media.oop@plstate.so Source
  19. Marka Laga Hadlaayo Hogaamiye Siyaasi Ah Waa Eray Macno Yaal Farabadan Oo Culus Xambaarsan Waxa Jira Aqoon La`aan Siyaasadeed Oo Shacabka Ka Haysta Qofka Xalka Haya Qolo Waxay U Haystaa Aqoon Yahayn Dibad Jooga Professor Ninkan Waxa Ku Adkaada Sheegida Cudurada Bulshada Haya Dawadu Ha Danbaysee Dadka Qaar Waxay U Haystaan In Wadaad Dadka Kale Oo Dhan Caaya Uu Hayo Xal, Waxa Ugu Badan Uu Sheegaa Waa Siyaasigu Wuu Xun Yahay Iyo Amarro Kaasi Waa Xalaal Iyo Xaraan Isagoo Xadiiskii Ka Boodaaya” Indinkaa Og Arimaha Ku Saabsan Dunyadiina Oo Mance Fasiraad Badan Xambaarsan … style=”font-size:16px;”>Dadka Badhkii Jabhad SNM Ah Ninka Mujaahidka Ahi Waa Run Wuu Uga Lexajeclo Badan Yahay Dalka Inta Kale Oo Dhan Balse Xalku Maaha Abaal Gaar Ah Ayaan Ku Leeyahay Dalkan Iidaaya Talada Dalka Waa Inuu La Yimaadaa Fagaaraha Wax Ka Iibsama Sida Madaxweynaha Oo Kale …. Dadka Qaar Oday Dhaqameed Guurti Ah Waxa Hubaa In Uu Inta Kale Ku Dhaami Lahaa Talada Dalka Oo Hogaamiyenida Ugu Dhawyahay Balse Kuma Filna Aqoon Siyaasadeed Ayaa Ka Maqan Qolo Ganacsade Ayay Jeclaystaan Iyagoo Leh Ninkani Ma Baahna Aragtidayda Waa Ninka Ugu Jaahilsan Xaga Talada Maanta Ninka Ganacsadaha ahi Xalkiisu Waa “Kala Danaysi”!!! Qolqol Joog Dalka Aan Dhinac U Dhaafin Waa Qolooyinka Ugu Horeeya Ee Fashilma Kama Xishoodaan Musuqa Xiniya Una Dhiga Jalaafooyin Cidaha Kale Waa Kuwa Ugu Aragtida Gaaban Ee Tartan Gali Kara Hogaamiyaha Xalka Hayaa Sifooyinka Aanu Soo Taxnay Oo Dhan Qoloba Qayb Ayuu Ka Shabahaa Waanu Ka Aragti Dheeryahay Ugana NAXARIIS Badan Dalka Iyo Dadka Aqoon Dheeraad Ah Ayuu U Leeyahay Dhaqanka , Arimaha Bulshada , Diinta , Ilbaxnimooyinka Wakhtigan Dunida Xukuma Sida Reer Galbeedka, Nafsi Ahaan Miisaaman “Baahi Iyo Cuqdado Ku Soo Korin” Waa MUHIIM Waxa Ragaa Ka Mid Ah AHN Hogaamiyaha Keliya Soo Maray Somaliland Maxamed Ibraahim Cigaal Oo Siyaasada Dalka Iyo Gudahaba Aqoon Dheeraad ah U Lahaa Madaxweyne Muuse Biixi Intaanan Xukumin Waxaynu Eegi Doonaa Sawirka Weyn Oo Dusha Ka Muuqan Doona Oo Si Fiican U Soo Bixi Doona Dhawaan Allaa Mahad Leh Maxamed Xoosh mxoosh09@gmail.com Source
  20. Magaca Beesha 1. Xaadsan Dhoorre Xasan……………………………………………………………………… Majeerteen 2. Faadumo Islaan Aadan……………………………………………………………………….. Majeerteen 3. Bullo Cali Shire…………………………………………………………………………………….. East Sanaag Clan 4. Shacni Cali Ibraahin……………………………………………………………………………… East Sanaag Clan 5. Wardiyo Dayid……………………………………………………………………………………. Gareen 6. Maryan Sh. Cusmaan……………………………………………………………………………. Gareen 7. Udgoon Maxamed Diini…………………………………………………………………………. Mareexaan 8. Barni Xerse………………………………………………………………………………………….. Mareexaan 9. Dhiimo Ciise Faarax……………………………………………………………………………….Sool clan 10. Baar Xuseen Xandulle………………………………………………………………………….Sool clan 11. Barni Maxamed Sugulle……………………………………………………………………………….Sool clan 11. Faadumo Ciise Aadan………………………………………………………………………….Dhulbahane 12. Bullo Nuur Xiddig…………………………………………………………………………………Sool clan 13. Kaaha Abyan Maxamuud……………………………………………………………………..Sool clan 14. Xaadsan Xasan Cali………………………………………………………………………………Sool clan 15. Udgoon Jaamac Barre………………………………………………………………………….Sool clan 16. Mulaaxo Malow………………………………………………………………………………… Ogaadeen 17. Bood Malow……………………………………………………………………………………. ‘’ ‘’ 18. Cadar Ciid Jihaad……………………………………………………………………………… ‘’ ‘’ 19. Asli Xaaji Cusmaan………………………………………………………………………….. ‘’ ‘’ 20. Jawaahir Sh. Cusmaan……………………………………………………………………… ‘’ ‘’ 21. Naado Indhasersar Buraale……………………………………………………………… ‘’ ‘’ style=”font-size:16px;”>22. Maryan Rooble……………………………………………………………………………… ‘’ ‘’ 23. Cambaro Qamaan Bulxan……………………………………………………………….. . ‘’ ‘’ 24. Haweeya Xasan Ribaax…………………………………………………………………….. ‘’ ‘’ 25. Caasha Yusuf Xayle…………………………………………………………………………… ‘’ ‘’ 26. Ordo Cumar Ugaas………………………………………………………………………….. ‘’ ‘’ 27. Faadumo Ugaas Xaashi……………………………………………………………………… ‘’ ‘’ 28. Salaado Cumar Ugaas………………………………………………………………………. ‘’ ‘’ 29. Cadar Cabdi Guhaad…………………………………………………………………………. ‘’ ‘’ 30. Salaado Rooble Guuleed………………………………………………………………….. ‘’ ‘’ 31. Cambaro Magan Khalaf…………………………………………………………………….. ‘’ ‘’ 32. Saado nuur Cageeye…………………………………………………………………………. ‘’ ‘’ 33. Risaala Adan Baar……………………………………………………………………………. ‘’ ‘’ 35. Caasha Gooni Ducaale………………………………………………………………………………..Ogaadeen. Waa kii Cali Jaamac Haabiil lahaa” = Toddobuu qabaa naagaha tiraba waxbaa dheer ‘e = Tacabkii ba ‘ waa sidii fircoon tab iyo xeeshiiye = Taag niman lahayn iyo agoon buu ka taajiraye = Kun wada towxiidsanayuu sidii tays u gowracaye = Ma talyaanigaasa mahdiya tanina waa yaabe.” Cali Cabdi Coomay Suxufi, qoraa ah. Haragaysa, Soomaalilaan Calicoomay@hotmail.com Tix-Raac: Tiirka Colaadda (2005)………………… Cabdiqadir Aroma (AUN) Source
  21. (SLT-Washington)Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu sheegay inuu filayo in Talaadada nagu soo aadan lasoo saari doono warbixin dhameystiran oo ku saleysan ciddii ka dambeeysay dilkii loo gaystay weriyaha Sucuudiga u dhashay ee Jamaal Kaashuqji. Trump oo warbaahinta kula hadlayay gobolka California wuxuu ku tilmaamay warbixinta kasoo baxday laanta sirddoonka Mareykanka mid horudhac ah. Laanta CIA-da Mareykanka ayaa shalay sheegtay in amarka lagu dilay Jamaal uu kasoo baxay dhaxal sugahaa Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan. Mas’uuliyiinta Sucuudiga waxay beeniyeen in dhaxal sugaha uu wax ka ogaa dilka Khaashuqji. Afahayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, Heather Nauert ayaa sheegtay in weli ay jiraan su’aalo badan oo aanan jawaab loo helin oo ku saabsan dilka. Waxay sheegtay in wasaaradda arrimaha dibadda ay sii wadeyso raadinta macluumaadka dhabta ah iyo sidii caddaalladda loo horkeeni lahaa dambiilayaashii ku lugta lahaa dilka Jamaal Khaashuqji. Mareykanka wuxuu sheegay in weli aanan lasoo saarin baaritannada kama dambeysta ah inkastoo warbixinno ay sheegayaan in waaxda sirddoonka ay rumeysan tahay in dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan uu wax ka ogaa dilka Kaashuqji. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kal hore sheegay jawaabta Sacuudi Carabiya ay ka bixisay dilka wariye Jamal Khaashuqji ay tahay “qarinti abid ugu xumeyd oo lagu qariyo fal dil oo dhacay.” Wuxuuna intaa ku daray cid walba oo falkaasi foosha xun soo maleegtay kana dambeeysay “cawaaqib xun la kulmi doonto” Source
  22. (SLT-Hargeysa)-Cabasho ka dhan ah Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa loo gudbiyay xildhibaanada golaha wakiillada Somaliland, Hore waxa golaha guurtida loogu gudbiyay cabasho ka dhan ah Cabdiraxmaan Cabdilaahi Guri Barwaaqo wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  23. (SLT-Berbera) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo safar ugu baxay inta la ogyahay magaalada Burco, ayaa socdalkiisa wuxuu sii kaxaystay cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka. Markii uu Madaxweynuhu gaadhay magaaladda Berbera waxa muqaalada war-baahinta ka soo muuqday Ciidan xad dhaaf ah oo tiro ahaan ka badan intii caadiyan loogu tallo galay sugida ammaanka Madaxweynaha. Lama oga sababta dhabta ah ee uu Madaxweyne Muuse Biixi u ka xaystay ciidanka intaas leeg. Balse dad badan ayaa arrintan kaga faloonaayay baraha bulshada. Somalilandtoday/Berbera /Office Source
  24. California (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu sheegay inuu filayo in Talaadada nagu soo aadan lasoo saari doono warbixin dhameystiran oo ku saleysan ciddii ka dambeeysay dilkii loo gaystay weriyaha Sucuudiga u dhashay ee Jamaal Kaashuqji. Trump oo warbaahinta kula hadlayay gobolka California wuxuu ku tilmaamay warbixinta kasoo baxday laanta sirddoonka Mareykanka mid horudhac ah. Laanta CIA-da Mareykanka ayaa shalay sheegtay in amarka lagu dilay Jamaal uu kasoo baxay dhaxal sugahaa Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan. Mas’uuliyiinta Sucuudiga waxay beeniyeen in dhaxal sugaha uu wax ka ogaa dilka Khaashuqji. Afahayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, Heather Nauert ayaa sheegtay in weli ay jiraan su’aalo badan oo aanan jawaab loo helin oo ku saabsan dilka. Waxay sheegtay in wasaaradda arrimaha dibadda ay sii wadeyso raadinta macluumaadka dhabta ah iyo sidii caddaalladda loo horkeeni lahaa dambiilayaashii ku lugta lahaa dilka Jamaal Khaashuqji. Mareykanka wuxuu sheegay in weli aanan lasoo saarin baaritannada kama dambeysta ah inkastoo warbixinno ay sheegayaan in waaxda sirddoonka ay rumeysan tahay in dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan uu wax ka ogaa dilka Kaashuqji. Caasimada Online Xafiiska California Caasimada@live.com