Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,975
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Axmed Yusuuf Dirir Hanti dhawraha guud ee Somaliland ayaa waxaa uu sheegay inuu baadhitaan ku waddo wasaaradaga Maaliyada iyo arrimaha Dibadda oo dhawaan madaxweynuhu ka bedelay wasiiradii wasaaradaha ka ahaa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre ayaa shirka looga hadlayo ganacsiga Somalia ee Muqdisho ka furmay maanta ka sheegay in ganacsadatada Soomaaliyeed ay door muuqda ka qaateyn kobaca dhaqaalaha dalka. Khayre ayaa sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay xukuumadiisa kasoo ururiyeen canshuurtii ugu badnayd muddo 30-sanadood ah wuxuuna ku bogaadiyay garab istaaga xukuumadiisa. Sidoo kale, Xasan Kheyre ayaa sheegay in sannadkii aanu kasoo gudubnay ee 2017-ka ay ganacsatada Soomaaliyeed ay canshuur ahaan Dowladda FS u siiyeen lacag farabadn oo ay ku kabeen miisaaniyadda Dowladda, sidaas si la mid ahna ay sanadka 2018-ka ay ka rajeynayaan dhaqaale ka badan intaa sida uu sheegay. “Tani waxay ku timid waa ilaalinta ammaanada, waayo ammaanada ayaa ah dowladnimada dhabta ah, waana tan keenta dal mustaqbal leh,” ayuu ku yiri hadal uu Khayre ka jeediyay shirkan, isagoo ammaanay ganacaada oo uu ku sheegay inay bixiyeen canshuurihii loo baahnaa. Dhanka kale, Hadalka Ra’iisul Wasaarha Somalia ayaa wuxuu imaanayaa xilli ay shacabka Soomaaliyeed qaarkodo ka cabanayaan inaanay jirin wax-qabad muuqda oo loogu qabtay canshuurihii ay Dowladda dhexe siiyeen. Ugu dambeyn, Shacabka Muqdisho oo ah canshuur bixiyeyaasha ugu badan ee Dowladda Federaalka ah ayaa waxay sheegeen inaysan haysan ammaan ay isku halleyn karaan, xilli dhawaanahan Muqdisho ay ka dhacayeen dilal ay geysanayaan kooxo hubeysan. DHAGEYSO: Hadalka Ra’iisul Wasaaruhu uu kaga hadlay Canshuuraha; https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/11/RW_Khayre_Canshuurta_Dalka.mp3 PUNTLAND POST The post RW Xasan Khayre oo sheegay inay ururiyeen canshuurtii ugu badnayd muddo 30-sano ah appeared first on Puntland Post.
  3. Fadeexada ka taagan dhsimaha jidka Hargaysa ilaa Kala-baydh: Part 2 Sidii aan kusoo sheegnay Maqaalkii hore waxa musuq wayni uu ka dhacay Mashruuca dhismaha ee Jidka isku xidha Hargaysa iyo Kala-baydh oo lacag malaayiin dollar ah ay ku bixinayso Dawlada Jarmalku, Mashruucan ayaa waxa lasoo mariyay oo naadiyay Guddida Qandaraasyada Qaranka, waxaana soo xareeyay shirkado kala duwan oo si niyaad wanaag ah uga soo qayb galay tartankii Mashruucan waxase arin layaab leh noqotay in xubno kamida Guddida Qandaraasyada ee Qaranku ay dhabarka taabteen ama ay si cadaalada ka fog u xusheen shirakado ay dano gaar ah oo lacageed ku qabaan Gudoomiyaha Guddida Qandaraasyada qaranka ee uu magacaabay Madaxwayne Biixi, Nuux Maxamed Xuseen oo kasoo jeeda beesha Madaxwaynihi hore ee Somaliland ayaa mudadii uu Gudidda Qandaraasyada gudoomiyaha u ahaa waxa si sharciga baal marsan qandaraasyo malaayiin Dollar ah uu u siiyay shirkado ay gacan saar hoose leeyihiin oo dane dhaqaale uu ku qabo iyo kuwo uu hab reernimo ah ku xushay, waxaana laga wada war hayaa in Mashaariic kasta oo soo marta Guddida Qandaraasyada oo la naadiyo ay ku guulaystaan shirkado kasoo jeeda beesha uu ka tirsan yahay Gudoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranku Shirkadahan habka reernimada ah uu u xusho Gudoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka ayaa ah kuwo gacan saar la leh kuwaas oo hadhawto u qoondeeya ama siiya Gudoomiyaha xaddi cayiman oo kamida lacagaha Qanadaarsyada ee uu shirkadahaas ku naas nuujiyay Gudoomiyaha Guddida qandaraasyada oo caan ku noqday eex iyo reernimo ayaa Mashruuca dhismaha jidka isku xidha Hargaysa ilaa Kala-baydh oo lacag badan ay ku bixinayso Dawlada Jarmalku, wuxu damacsan yahay inuu si gaar ah doorkan u siiyo ganacsadaha lagu magacaabo Cabdirisaaq (Cumaani) oo ah mulkiilaha shirkada Somaliland Hono Group oo hore ugu fashilantay dhismaha Madaarka Hargaysa oo Lacag 10 Million ka badan lagu lunsday, Dhismaha Madaarka Hargaysa oo ilaa hada dayacan isla markaana ay cabasho xoogan ka muujiyeen shirkadihii waawaynaa ee duulimaadyada ee caalamiga ahaa maadaama dhismaha Madaarka aan waxba laga qaban, dhabada diyaaraduhu ka haadaan ayaa waxa wali ka muuqata burbur laxaad leh oo sababi kara in dhaawacyo uu soo gaadho diyaaradaha isticmaala, Dhismaha madaarka ee cabashada xoogan ka timid ayaa hore dhismihiisa si reer nimo ah iyo hab naas nuujin ah loogu siiyay shirkadan uu iska leeyahay Ganacsade Cabdirisaaq (Cumaani) Markale ayuu ganacsadahan oo hore caan ugu ahaa Mashaariicdii boobka ahaa ee ay fulisay dawladii Axmed Siiraanyo maadaama oo uu kasoo jeeday jufada hoose ee Madaxwaynahaasi hore uu ku qaadan jiray mashaariic naas nuujin ah, taas oo dhaxal siisay in uu wali quudareeyo in hab sidii hore oo kale ah uu mashaariicda Qaranka Somaliland loogu deeqo afka ugu dhigto isaga oo hadba adeegsanaya cidii qabiilkiisa ah ee xil haysa si mashaariicdaas uu u qasaariyo isago dantiisa gaarka ah ka eegay Dhan kale waxa iyaguna jira xubno uu kamid yahay xubinta guddida Qandaraasyada Qaranka ugu jirta beesha madaxwaynaha Somaliland, uu kamid yahay xubnaha guddida qandaraasyada qaranka ku jira ee xidhiidhka dhaw la leh gudoomiyaha guddida qandaraasyada Xubinta kasoo jeeda beesha madaxwaynaha Somaliland ee Guddida Qandaraasyada ku jira ayaa isna ku sifoobay xubin musuqmaasuq oo dhexda u fadhiista qandaraasyadii Qaranka ee la baahiyay isla markaana sida niyad samida ah ay usoo xaraysteen muwaadiniinta reer Somaliland Dubintan ayaa isna waxa uu xidhiidh toos ah la leeyahay Maayarka Caasimada Hargaysa SOLTECO iyo xidhibaan lagu magacaabo Cabdicasiis (SIISTO) oo ka tirsan golaha deegaanka oo ah labada qof ee sida gaarka ah u kireeyay qalabkii dhismaha ee Dawlada Hoose ee Hargeysa kaas oo loogu talo galay in lagu dhiso jidadka dayacan ee Magaalada hargeisa Mr Maal iyo xildhibaan (SIISTO) ayaa waxay heshiis ku yihiin in qalabka dhismaha eeDawlada Hoose ee hargaysa si qarsoodi ah uu tartanka dhismaha ee jidka Hargaysa ilaa Kala-baydh uu ugu shaqaysto nin lagu magacaabo Axmed Baashe kaas oo isticmaalaya shirkad aan jirin oo leh magac qarsoodi ah oo la idhaa (Engineering and Management) Axmed Baashe ayaa isna kasoo jeeda jufada hooose ee Madaxwayne Biixi Xidhibaan (SISTO) ayaa isagu ah maskaxdii ka danbaysay ee Maayarka Hargeysa ku dhaaliyay in qalabkii dhismaha wadooyinka ee Dawlada hoose loo soo ibiyay oo ah warshad laga soo iibiyay Dawlada Ethiopia in qalabkaas oo dadka Caasimadu wada leeyihiin lagu rakibo Deegaanka Galbeedka Hargeysa gaar ahaan u dhaw tuulada Abaarso si dadwaynaha deegaankaasi ugu maleeyaan inay tahay hanti ay iyagu gaar u leeyihiin Sidoo kale siisto ayaa wuxu si sharciga baalmarsan u qaatay guri hanti dawladeed ah oo ay leedahay dawladu oo ku yaala xaafada shacabka ee magaalada Hargeysa Labadan ujeedo ee is barkan ee ay kala wataan xubnaha aan kor kusoo sheegnay ayaa dhamaantood waxay u tafaxayteen inay lunsadaan isla markaana ay musuqaan hantidii iyo deeqihii loogu yaboohay umada reer Somaliland waxana xubnahani ay weelal u toshen sidii ay u lunsan lahaayeen Mashaariicdaas hadii hab cadaalada ku salaysan loogu hawl gali lahaa wax wayn kuso kordhin lahayd horumarka bulshada iyo mustaqbaka danbe ee Qarankan curdinka ah Lasoco qaybta danbe oo aynu kuso qadan doono shirkadaha kale ee iyana kamida shirkadaha sida aadka ah ugu hawlan inay musuqaan mashruuca dhismaha jidka hargaysa ilaa kalabaydh iyo cidda dabada ka riixaysa oo aanu xogta danbe kuso gudbin doono. …………………. Axmed Maxamed cilmi Master of economic and policy planning Kampala, Uganda Ahmedmxd01@gmail.com Axmedatoshe@gmail.com Qaran News
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta dowladda federaalka ah gaar ahaan Radio Muqdisho ayaa daabacay in magaalada Jilib ee Gobalka Jubbada dhexe lagu burburiyey raadiyaha Al-shabaab ee Andolus, ka dib duqayn xoog leh oo xalay ka dhacday magaaladaasi. Sida Radio Muqdisho ay sheegtay, duqayntaan ayaa ahayd mid bartilmaameed ah oo xarumo dhowr ah oo Al-Shabaab ay ku dhuumaalaystaan hal mar lagu wada rusheeyay. Goobaha sida gaarka ah loola beegsaday Raadiyaha Andalus. Warbixinta Radio Muqdisho waxaa lagu xusay in shaqaale ka tirsan Raadiyaha Andolus ay ku jireen gudaha xilliga la bartilmaameedsaday, Jibril ayaa ka mid aha dadka halkaasi ku dhaawacmay. Dhowaan ayay ahayd markii magaalada Jilib ay ku dagaalameen maleeshiyada Al-Shabaab ka dib markii uu soo kala dhexgalay shaki ah in qayb ayaga ka mid ah ay doonayaan inay ku biiraan Daacish, taasi oo keentay in gabar ka mid ah laga saaro magaalada Jilib. Caasimada Online uma suuro-gelin inay si madaxbannaan u xaqiijiso warkan ku saabsan duqeynta ka dhacday magaalada Jilib ee lagu burburiyey Radio Andalus. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Hargeysa (Caasimada Online) – Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka cunaqabataynta hubka ee Ereteriya iyo Soomaaliya ee UN Monitoring Group, ayaa toddobaadkan soo bandhigay warbixintoodii sannadlaha ahayd, oo arrimo badan looga hadlay. Waxa warbixintan ka muuqata inuu maamulka Puntland kaga dheereeyay dawladda Somaliland faafinta dacaayadka ka dhanka ah Somaliland, halka ay kooxdu Somaliland ka weyday wax jawaab ah oo ku saabsan dacaayada Puntland. UN Monitoring Group, waxa qayb ka mid ah warbixinteeda ay kaga hadleen dagaaladii ka dhacay Tuko-raq, waxaanay sheegeen in Somaliland ay qabatay 14 ka mid ah maleeshiyaadka Puntland, halka ay Puntland qabatay 3 askari oo Somaliland ah. “7 ka mid ah askartaas Puntland waxa lagu daweeyay Hargeysa, halka toddobada soo hadhayna loo dhaadhiciyay xabsiga Hargeysa, sida uu sheegay Madaxweynaha Somaliland, qoyaskooda ayaa loo ogolaaday inay arkaan.” Ayay tiri warbixintu. Laakiin waxay kooxdu sheegtay inay heshay warbixino sheegaya in la jir dilay askar Puntland ah oo ay dileen ciidamad Somaliland 24 May 2018, “Iyagoo kaga aarsanaya dilka taliye Somaliland ah.” Ayay tidhi warbixintu. Koxoda ayaa iyadoo sheegaysa inay ka weyday Somaliland wax jawaab ah oo ku saabsan eedayntan waxay tiri, “Markii aanu qoraynay, UN Monitoring wax jawaab ah kamay helin taar ay u dirtay Somaliland 6 September 2018,”, taarka ayaa ku saabsanaa inay Somaliland ka jawaabto eeddaas Puntland. Ayada oo ay jirtay in askarta Somaliland ka qabatay Puntland ay ka badneyd midda laga qabtay, ayaa haddana waxaa warbaahinta ku badnaa in Puntland mar walba sheegeysa inay askar badan ka qabatay Somaliland, waxaana warbixinta QM muujineysaa sida Puntland ay dagaalka dacaayadda kaga adkaaday Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  6. Warbaahinta dowladda federaalka ah gaar ahaan Radio Muqdisho ayaa daabacay in magaalada Jilib ee Gobalka Jubbada dhexe lagu burburiyey raadiyaha Al-shabaab ee Andolus, ka dib duqayn xoog leh oo xalay ka dhacday magaaladaasi. Duqayntan ayey sheegtay in lagu bartilmaameedsaday xarumo dhowr ah oo Al-Shabaab ah, iyada oo si gaar ah loo duqeeyey Raadiyaha Andolus. Warbixinta Radio Muqdisho waxaa lagu xusay in shaqaale ka tirsan Raadiyaha Andolus ay ku jireen gudaha xilliga la bartilmaameedsaday, Jibril ayaa ka mid aha dadka halkaasi ku dhaawacmay. Goobjoog News uma suuro-gelin inay si madaxbannaan u xaqiijiso warkan ku saabsan duqeynta ka dhacday magaalada Jilib. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo duhurnimadii maanta ka dhacay degmada Kaxda, gaar ahaan halka loo yaqaano Cumar Fiyaasko ee duleedka magaalada Muqdisho. Waxaana lala eegtay qaraxaasi Gaari uu watay mid ka mid ah saraakiisha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, sida uu Shabelle u xaqiijiyay Qof Goobjooge ah. Sidoo kale Goobjoogahan ayaa sheegay in qaraxa uu ku dhintay sarkaalkaasi, sidoo kalena uu ku dhaawacmay qof kale oo la saarnaa Gaariga. Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga oo ku aadan qaraxaasi. Balse waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya oo baaritaano ka sameeyay halkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Cod-goob-jooge-.mp3 The post Qarax kkhasaaro geystay Oo ka dhacay duleedka Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  8. (SLT-Jigjiga)-Shir Lagu Gorfaynayey Taariikhda Sayid Maxamed Cabdule Xasan Oo Lagu Qabtay Jigjiga Iyo Wasiir Guri Barwaaqo Buugiisii Oo Lagu Bah-Diley, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dhaawac maanta degmada Jariiban loogu geystay Farxaan Faarax Cabdi oo ka mid ah Wariyeyaasha ka howlgala gobolka Mudug. Dhaawac Wariyaha ayaa yimid, kadib markii ay murmeen nin la sheegay in uu ka mid yahay dadka deegaanka, kaas oo Mindi ku soo weeraray. Wariye Farxaan Faarax Cabdi ayaa ka howlgala Radio Jariiban oo uu ka mid ahaa Aas Aasayaashii Idaacaddaasi. Ninka ka dambeeyay falkani ayaa lagu soo warramayaa in uu baxsaday, balse waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo howlgallo ka wada halkaasi. Xaaladda caafimaad ee Wariyaha ayaa laga deyrinayaa, kaas oo haatan lagu dabiibayo mid ka mid ah isbitaallada ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. The post Nin hubeysan Oo Wariye ku dhaawacay gobolka Mudug appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Afhayeenkii Ciidanka Xoogga dalka ee gobolka Gedo Korneyl Aadan Rufle oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle ayaa ka hadlay dhibaatooyin badan oo ka jira gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya. Korneyl Rufle ayaa eedeyn u jeediyay maamulka Jubbaland oo uu tilmaamay in ay gabood falo iyo caburin uu ku hayo shacabka ku dhaqan gobolkaasi. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in in shacabka Gedo aysan raali ka noqon doonin curyaaminta dowladda dhexe iyo rajada iyo Ummada Soomaaliyeed. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Rufle.mp3 The post Jubbaland Oo lagu eedeeyay tacadiyo ka dhan ah shacabka appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka ayaa la filayaa in uu berry billaabo safaro uu ku tagayo qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya. Gelinka dambe ee maanta ayaa waxaa magalada Kismaayo tegi doona wafdi horudhac u ah safarkiisa oo isugu jira xildhibaano ka tirsan labada aqal kana mid ah xisbigiisa UPD. Safarka madaxweyne Xasan Sheekh uu beri ku tagayo Kismaayo ayaa la sheegay in uu bilaaw u yahay safari kale uu ku tegi doono xarumaha maamul goboleedyada dalka ka jira. Booqashadaan ayaa ku soo aadeysa xilli khilaaf xoogan uu ka dhaxeeyo dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, waxaana maamulka jubbaland uu yahay maamulkii ugu horeeyay ee dhisma xilligii madaxweyne uu dalka ka ahaa Xasan Sheekh. Sida aan xogta ku heleyno safarka Xasan Sheekh ayaa qeyb ka ah ololihiisa dib u doorasho, waxaana uu raadinayaa taageerada madax maamul goboleedyada, oo qaarkood kaalin ku lahaan doona soo xulista xildhibaanada cusub, haddii ay xukunka sii hayaan. Xasan Sheekh oo dhowaan dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, ayaa aas-aasay xisbi uu guddoomiye ka yahay oo lagu magacaabo UPD, isaga oo doonaya inuu xukunka kusoo noqdo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu maanta safar ku gaadhay magaalada Berbera ee xarunta gobalka Saaxil halkaas oo la filaayo in uu u sii dhaafo dhinaca magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. Muuse Biixi Oo Cutubyo Ciidamo saanad adag ku gaasham U Sii Kaxaystay Safarkiisa Gobollada Bariga . Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo safar ugu baxay inta la ogyahay magaalada Burco, ayaa socdalkiisa wuxuu sii kaxaystay cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka. Markii uu Madaxweynuhu gaadhay magaaladda Berbera waxa muqaalada war-baahinta ka soo muuqday Ciidan xad dhaaf ah oo tiro ahaan ka badan intii caadiyan loogu tallo galay sugida ammaanka Madaxweynaha. Lama oga sababta dhabta ah ee uu Madaxweyne Muuse Biixi u ka xaystay ciidanka intaas leeg. Balse dad badan ayaa arrintan kaga faloonaayay baraha bulshada Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Km-13 ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in halkaasi qarax Miino uu ka dhacay. Gaari nooca loo yaqaan SURF ayaa la sheegay in Miinadan lala eegtay, waxaana halkaasi ku dhintey Hal qof iyadoo dhaawacna uu jiro, balse tirada rasmiga ah weli lama hayo. Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in goobta qaraxa uu ka dhacay ay gaareen ciidamo ka tirsan dowladda federaalka, welina lama oga dadka qaraxan lala eegtay waxa ay ahaayeen. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale, Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha arrimaha gudaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa waraysi adag oo lala yeeshay waxa uu kaga hadlay arrimo xasaasi ah, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. Wararka naga soo gaaraya deegaanka Km-13 ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in halkaasi qarax Miino uu ka dhacay. Gaari nooca loo yaqaan SURF ayaa la sheegay in Miinadan lala eegtay, waxaana halkaasi ku dhintey Hal qof iyadoo dhaawacna uu jiro, balse tirada rasmiga ah weli lama hayo. Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in goobta qaraxa uu ka dhacay ay gaareen ciidamo ka tirsan dowladda federaalka, welina lama oga dadka qaraxan lala eegtay waxa ay ahaayeen. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Cadale ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo Sh/ Dhexe ayaa ku warramaya in maanta kooxo Burcad ah Gaari Rakaab ah ay ku rasaaseeyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi. Gaarigan oo ku soo jeeday magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in waddada loo galay, kadibna lagu rasaaseeyay agagaarka degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Ugu yaraan illaa 2 Qof oo ka mid ah Rakaabkii saarnaa Gaariga ayaa dhaawacantay, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale waxaa rogmaday Gaarigii ay la socdeen dadkaasi, kadib markii la huwiyay rasaas xoogan. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Cadale oo ku aadan dhacdadaasi. Inta badan waxaa Shabeelaha Dhexe ka dhaca weeraro ay dadka shacabka ah kala kulmaan kooxo Burcad ah oo ku sugan Waddooyinka gobolkaasi. The post Rag hubeysan Oo Gaari rakaab ah ku rasaaseeyay Sh/ Dhexe appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Taliska ciidanka Booliiska Puntland ayaa sheegay in wixii ka dambeeya 11-ka habeennimo aanay shaqeyn karin Mootooyinka Bajaajta. Taliyaha Booliiska Puntland Jeneraal Muxudiin Axmed ayaa sheegay in guud ahaan deegaannada Puntland wixii waqtigaasi ka dambeeya haddii ay arkaan Bajaaj socota ay la wareegi doonaan. Waxa uu tilmaamay in Bajaajta qaar lagu qaado waxyaabaha maanka dooriya, sidoo kalena lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Taliyaha-Ciidanka-boliska-Puntland-Gen-Muxiyadiin-Axmed-Aw-Muuse-oo-Awaamiir.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Shirkan oo looga hadlayo arrimaha Ganacsiga Soomaaliya iyo horumarrada Dhaqaale ee dalka ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana shirkaasi ka qeyb galay oo daahfuray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Sidoo kale waxaa shirka ka qeyb galay masuuliyiinta Shirkadaha Ganacsiga Caalamiga ah, kuwa Maxaliga iyo Madax ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Ugu horreyn R/wasaare Kheyre oo ka hadlay shirkani ayaa sheegay in Ganacsatadu ay yihiin kuwa kaliya ee uu dalka ku badbaaday jiritaankiisa, taasina ay ku timid amaanada. Ra’iisul wasaaraha oo soo hadal qaaday kobaca Dhaqaale ee dalka ayaa xusay in sanadkan Dakhliga soo xarooday uu ka wanaagsan yahay sanadihii hore. Soomaaliya oo haatan ka soo kabaneysa burburkii soo maray ayaa sanadihii la soo dhaafay horumaro ka sameyneysay Ganacsiga gudaha iyo kan dibadda intaba. The post Shir looga hadlayo Ganacsiga dalka Oo ka furmay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Afhayeenka Madaxweynaha oo Saxaafadda Gobolka Saaxil kula hadlay Qasriga Madaxtooyada Berbera, kana warbixiyey ujeedka Safarka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. Africa’s leaders applauded Ethiopia’s Prime Minister Abiy Ahmed for making substantial reforms in his country as they met to consider improvements to the continent-wide body at the start of a summit Saturday. Abiy, 42, outlined the reforms that he has made since coming to power in April, including releasing thousands of prisoners, lifting bans on political parties and media outlets and unblocking websites. He said his government is cracking down on corruption, winning enthusiastic applause from African leaders at the meeting. Abiy spoke as African Union leaders, led by Rwanda’s President Paul Kagame, convened an extraordinary summit at its headquarters in Addis Ababa to consider reforms to encourage peace and development in Africa. Ethiopia’s leader, who came to power in April, urged the African leaders to make significant changes. The post AU leaders applaud Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed for reforms appeared first on Shabelle. View the full article