-
Content Count
206,978 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka ONLF ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in ciidamo ka tirsan Jabhadda oo saldhigooda ahaa dalka Eritrea inay dib ugu laaban doonaan dalka Ethiopia. Afhayeenka Ururka ONLF C/qaadir Xasan Hirmooge, ayaa shaaciyay in todobaadkaan ciidamadan oo saldhig ku lahaa dalka Eritrea inay dib ugu laaban doonaan Ethiopia, kadib heshiiskii dhexmaray iyaga iyo dowladda. Wuxuu Afhayeenka sheegay in ciidamadaasi ay ku laaban doonaan magaalada Jigjiga ee Dhulka Soomaalida, iyaga oo halkaasi fariisin ka sameysan doono, sida qorshaha uu yahay. Afhayeenka ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in colaadii dhawaan ka dhacday magaalada Mooyaale inay kala hadleen dowladda Ethiopia iyo maamulka Oromada ee ka arimiya magaalada. Isfahamka Dowladdaha Eritrea iyo Ethiopia, iyo heshiisyadii ONLF iyo Ethiopia ayaa fududeeyay inay ONLF laga saaro liixka ururada Argagixisada, waxaana arintaasi ka shaqeeyay ra’iisul wasaaraha cusub ee Ethiopia Dr Abiy Axmed. Ciidamo badan oo ONLF ka tirsan ayaa wali ku jira deegaanada miyiga fog ee dhulka Soomaalida, waxaana iyagana la filayaa inay heshiisyada qeyb ka noqdaan oo dadkooda ay la noolaadaan. Hoos ka dhageyso Hirmooge https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/ONLF.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu ku weerarayo ganacsatada Soomaaliyeed. Qoraalka Cabdiraxmaan ayaa ahaa mid is barbardhig ah oo uu ku sameeyey ganacsadaha weyn ee Mareykanka, Michael Bloomberg kaas oo deeq lacageed siiyey Jaamacaddii uu dhigan jiray isaga oo sabool ah. Hoos Ka Aqri Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur “Ganacsadaha Reer Maraykan Michael Bloomberg ayaa saakay deeq lacageed oo $1.8b ( Hal Bilyan iyo Sideen Boqol oo kun oo doolar) ugu deeqay Jaamacadii uu ardayga ka ahaan jiray ee Johns Hopkins. Bloomberg wuxuu sababta uu intaa oo lacag ah u bixiyey ku sheegay maqaal uu ku daabacay Wargaysa the New York Times. Wuxuu yiri ma doonayo in dhalinta dakhligoodu hooseeyo ay dhaqaale la’aan waxbarashada uga haraan. Wuxuu sheegay in Aabihii uu dakhligiisa hooseeyey uu awoodi waayey in uu Jaamacada ka bixiyo, laakiin fursad loo siiyey in uu dayn ku dhigto, kana shaqeeyo hoyga ardayda. Wuxuu kaloo sheegay in deeqdii ugu horaysay ee uu Jaamacada siiyo uu bixiyey sanad ka dib qalin jebentiisii, taasoo dhanayd $5 (shan doolar). Waxaan is waydiiyey maxay Ganacsata Soomaaliyeed u ogol yihiin in ay danta guud ku bixiyaan, gaar ahaan kobcinta cilmiga iyo aqoonta? Mise in ay dadka ka macaashaan oo aysan dib wax ugu celin ayey doonayaan. Waxaan ka warqabaa in Jaamacadaha dalka ugu waawayn qaarkood ay ku tiirsan yihiin deeq dad ajnabi ah laga soo ururiyey.” Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu ku xusay in ganacsata tahay kuwo macaash uun raadiya balse aan ka fekerin danaha dadweynaha. Taas, waxaa mar loo fasiran karaa in uu meel uga wada dhacay ganacsatada oo la’ogyahay in qaar ka mid ah in ay door weyn ka qaataan caawinta iyo wax u qabashada bulshada Soomaaliyeed. Hase ahaatee, waxaa dhinaca kale qoraalka siyaasiga loo fasiri karaa mid waano dadban ah oo uu ugu hogo tusaaleenayo tallaabada ganacsadaha Michael Bloomberg ee dareemay in ay jiraan arday ku sugan xaaladdiisii oo kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gobolka Banaadir ayaa marar badan dalbaday in lagu wareejiyo xaqiijinta amanka magaalada Muqdisho, iyadoo markii dambe la sheegay in amaanka la hoos geeyay maamulka degmooyinka Gobolka Banaadir. Waxaa kordhay dilalka Al-Shabaab ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho iyadoo aysan jirin wali guddoomiye degmo oo wax laga weydiiyay dilka degmadiisa ka dhacday, waxaana jira mashaariic gobolka Banaadir uu ku bixiyo xaqiijinta amaanka. Maamulka Gobolka Banaadir ee uu hogaamiyo Yariisow waxay ku doodeen in dilalka qorsheysan kaliya aysan ka dhicin magaalada Muqdisho oo caalamka oo dhan ay ka dhacdo, taasina aysan aheyn mid niyad jibin doonta. Waxaa muuqata is dhigasho badan oo maamulka degmooyinka gobolka Banaadir ah, tan iyo markii la sheegay in guddoomiyaasha degmooyinka lagala xisaabtami doono amaanka magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa ku mashquulsan ka qeyb galka xaflado ka dhacaya dalka dibadiisa iyo qancinta xildhibanada iyo madaxda shaqaalaha u keensada, isaga oo aan si dhab ah ula xisaabtamin guddoomiyaasha gobolka. Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa sheegaya inuusan laheyn awood buuxda, taasina ay keeneyso inuu ka aamuso falalka qaar ee ka dhaca magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
INAA LILAAHU WA INAA ILEYHI RAAJICIIN GEERIDU WAA XAQ Allaah ha u naxariistee waxaa maanta oo ah Isniin 19.11.2019 ku geeriyootay magaalada Nairobi ee Dalka Kenya Marxuumad Hilaalo Cabdi Adan – Dareefe. Geeridaa naxdinta leh ee ku timid marxuumada awgeed,waxaa halkan tacsi ka diraya. Aabe Cabdulaahi Xaashi Lugey Hooyo Aamino Cali Guure iyo dhamaan Qoyska reer Cabdullaahi Xaashi, sidoo kale Aabe Xuseen Sheekh Maxamed-Bashiir iyo dhamaan Qoyska reer Xuseen Daaniye waxay tacsi tiiraanyo xambaarsan u dirayaan dhamaan Qoyska Reer Cabdi Adan Dareefe,Awlaadi marxuumada ee ilma Aden Cabdalle,Ehelkii iyo Asxaabtii ay marxuumadu ka baxday in Ilaahay Samir iyo Iimaan ku siiyo. Marxuumadana waxay Allaah uga baryayaan inuu Rabi naxariis iyo Dembi dhaaf siiyo. Source
-
Isma Hurtooy Isu Hambee: Cabdiraxmaan Cadami Somaliland waxay dib mar kale u hantiday madax bannaanidii iyo xorriyaddii ay lumisay 1960, waxay se ugu kacday qiime aad u sareeya iyo nabarro saamayn ku yeelan doona noloshooda sanado badan, sidaas oo ay tahay Somaliland wali lagama hadhin. Xukumadda Soomaaliya, Ururo iyo dawlado la xulufo ah dhammaantood waxay ku foogan yihiin sidii loo mijo xaabin lahaa JSL iyaga oo adeegsanaya xeelado iyo midabo badan. Madaxda Soomaaliya halkii ay ku mashquuli lahaayeen dhismaha nidaam dawladeed oo shaqaynaya iyo sidii ay uga xoroobi lahaayeen ciidamada shisheeyaha ah ee dusha ka haysta wuxu wakhtigu kaga lumay la dagaallanka Somaliland, maalmahan waxay xoogga saareen kala qaybinta bulshada reer Somaliland waxay ku soo abaabuleen colaado la soo dhex mariyay Puntland waxay dhinac wadaan olole diblamaasiyadeed oo ka dhan ah danaha Somaliland iyo in laga faquuqo beesha caalamka laakiin, waa wax aan dhici Karin in Somaliland lagu muquuniyo midnimo iyo fikradda Soomaali weyn oo bari hore dhimatay oo ah riyo laga soo toosay dibna loo arki doonin. Si kastaba ha ahaatee Somaliland oo boqolaal sanadood la soo dhisayay waxa lagu dumiyay maalmo yar gudahood si dib loogu dhisana waxay qaadan doonta wakhti aad u dheer iyo hawl adag oo u baahan in loo dhibar adaygo, sidaa daraadeed marba marka ka dambeeya waxa sii yaraanaya samirka, waxa hoos u dhaca ‘momentum-ka bulshadu wax ku wadday, waxa bata in hawsha la isku hiifo iyo in dhalliisha la isku riixriixo, canaanta xooggeeda waxa dusha loo saara hadba kuwa talada haya. Runtii duruufaha dalka soo maray iyo kuwa haddaba jira qaarkood way ka awood badan yihiin dhammaantood xukumaddii dalka ka soo taliyay laakiin, shicibku wuxuu dareemaya in arrimaha qaarkood madaxdoodu hagratay oo wax badan oo la qaban karayay lahaa laga gaabiyay, sidaas awgeed bulshadu waxay u siman tahay wixii inaga baaqday ama dib u dhacay sababtoo ah dhammaanteen waxaynu wada saaran nahay dooni qudha. Saluugga iyo cabashada dadweynuhu ma aha wax la soo koobi karo hadddana dadka qaar kama rajo xuma mustaqbalka iyo in wax kastaba hagaagi doono barrito ka maalin, hase ahaatee waxa jira qaybo kale oo u nuglaaday ama xammili kari waayay dhibaatada nolosha ka haysata iyo markii ay hore u arki waayeen guulihii ay filayeen in si degdeg ah loo gaadhi doono oo ku xallila in ay sameeyaan dhibaato ka culus wixii ay ka cabanayeen, niyad xumida shicibka iyo in ay mustaqbalka ka werweraan waxa ku sii shida siyaasiyiin aan bislayn (immature or second class politicians) oo siyaasadda u yaqaana kala qaybinta bulshada. Akhrista bal dhugo sheekadan oo dadka qaar ku dhacaan marka caqligu ka lumo: Xayn jiir ah(Tiro) ayaa waxay ku noolaayeen aqal, ninkii aqalka lahaa markii uu habeenkii ka seexan kari waayay sanqadhii ama u adkaysan waayay dhibaatooyinkiisii kale ayuu gurigii dab qabad siiyay si uu jiirka u laayo, dabcan jiirkii wuu dhintay laakiin, gurigii sidii uu u dhammaa wuu gubtay iyo waliba wixii hoos yaallay (We must not burn down the house to kill the rats). Sheekadu waxay inagu baraarujinaysa haddii aad neceb tahay ama aanad ku qanacsanayn hoggaaminta madaxweynaha marka talada haya mucaaradadaadu yaanay kula gaadhin heer dhaawici kara Qarannimada iyo dawladnimadii aad ku soo tacabtay ee aad naftaada iyo maalkagaba u soo hurtay. Dalkan waxa lagu xoreeyay wada jir, Qarankan waxa lagu yabyabay oo lagu dhisay wada jir, waxa lagu difaaci kara wada jir, xooggeenu waa midnimadeena sina uma kala maarantan sidaas daraadeed waa in laga ilaaliya tafaraaruqa iyo wax kasta oo wiiqi kara wada jirka umadda. Isma Hurtooy isu hambee. W/Q Cabdiraxmaan Cadami Abdirahmanadami22@gmail.com Qaran News
-
Wafti ka socda wasaaradda qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Puntland oo maalmahan shirar aqoon kororsi ah oo ku saabsan kor u qaadista hannaanka qiimaynta iyo kormeerrada uga socdeen waddanka kenya ayaa socdaalkoodi soo gunaanadey. Waftiga ayaa magaaalda Mombasa ee waddanka Kenya uga qayb galay kulan loogu magacdaray toddobaadka Qiimaynta iyo Kormeerada ee waddamada Afrika, iyadoona shirka laysku weydaarsadey aqoon kororsi la xiriira hannaanada qiimaynta iyo kormeerrada ee ay ku shaqeeyaan waddamada Afrika. Waftiga ka socdey Wasaarada qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Puntland ayaa xoogga saarayey sidii ay cilmi iyo aqoon dheeraad ah uga kororsan lahaayeen muddada uu socdo kulankaani maadaama ay shirarka kasoo qayb galay waddamo badan oo horumar iyo dawladnimo xoogli kajirto. Wasaaradda qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Puntland ayaa ku hawlan sidii ay shaqaaleheeda uga dhigi lahayd kuwo ay sarrayso tayada aqoontooda iyo waayo aragnimadooduba maadama oy wasaaraddu mas’uul ka tahay hannaanka jaangoynta qorsheyaasha guud ee Puntland. The post Wafti ka socda Wasaaradda Qorshaynta Puntland oo Kenya Shir ugu soo xirmay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Miisaaniyada, Maaliyada Qorsheynta iyo La xisaabtanka dowladda ee Golaha Shacabka ayaa maanta soo saaray warbixin xasaasi ah oo musuq-maasuq xooggan ku eedeysay maamulka Gobolka Banaadir, oo lagu la’yahay malaayiin dollar. Warbixinta guddiga soo saaray ayaa looga hadlay wax is daba marin iyo in si qaldan loo maamulay miisaaniyadda maamulka gobolka bilihii Janaayo ilaa Juun ee sanadkan, ayada lacag badan oo baxday aan la ogeyn halka ay aaday. Warbixinta ayaa xustay inaysan maamulka gobolka Banaadir ee uu hogaamiye Yariisow aan laga hayn wax caddeymo ah oo muujinaya halka ay ku baxday malaayiin dollar oo dakhligii soo galay ka mid ah Waxaa kale oo cajiib ah in warbixinta ay xustay in ay jiraan ha’yado iyo shakhsiyaad ka baxsan dowlada hoose oo si joogta ah lacag uga qaata dowladda hoose, ayada oo aynan jirin wax heshiis qoran ama shaqo ah, oo ay u hayaan maamulka gobalka ama dowladda hoose. Hoos ka aqriso qoraalka baarlamanka.
-
Germany has imposed European travel bans on 18 Saudi nationals believed to be connected to the killing of the Saudi journalist Jamal Khashoggi, the country’s foreign minister said on Monday. Heiko Maas told reporters in Brussels the ban was for the 26-nation Schengen zone and was issued in close coordination with France, which is part of the Schengen area, and the UK, which is not. “As before, there are more questions than answers in this case, with the crime itself and who is behind it,” Maas said. The 18 Saudis were “allegedly connected to this crime”, Maas added, but he gave no further information. In Berlin his office said it could not release the names due to German privacy protections. Khashoggi, a columnist for the Washington Post who had been critical of the Saudi royal family, disappeared after entering the Saudi consulate in Istanbul on 2 October. Riyadh had offered contradictory explanations for his disappearance, before saying Khashoggi was killed after “negotiations” to convince him to return to Saudi Arabia failed. In an address to an advisory body on Monday – his first public comment since Khashoggi’s murder – King Salman made no direct mention of the crisis, though he lauded the country’s judiciary and public prosecutors for carrying out their duty in the service of justice. US intelligence agencies have concluded that Salman’s son, the powerful Saudi crown prince, Mohammed bin Salman, ordered the killing, which has put the Trump administration – close allies of the Saudis – in a difficult situation. On Saturday, Trump said his administration would “be having a very full report [on Khashoggi’s death] over the next two days, probably Monday or Tuesday”. He said the report would include “who did it”. It was unclear whether the report would be made public. In an interview with Fox News broadcast on Sunday, Trump noted that Prince Mohammed had repeatedly denied being involved in the killing. “Will anybody really know?” Trump asked. “At the same time, we do have an ally, and I want to stick with an ally that in many ways has been very good.” Senator Roy Blunt of Missouri, a Republican member of the Senate intelligence committee, said that so far, there was no “smoking gun” linking the crown prince to the killing. Blunt, who has received a confidential intelligence briefing on the matter, told ABC it was “hard to imagine” that the crown prince did not know about the killing, but he said: “I don’t know that we absolutely know that yet.” He said that Congress would await the Trump administration’s report in the next two days and that the US would need to be clear about the ramifications of sanctions, given Saudi Arabia’s strategic role in the Middle East. The guardian Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacadda Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Bar__Qubanaha-Wararka-191118.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muuse Biixi wuxuu madaxweyne yahay sannad, muddadaa uu dalka hoggaaminaayay horumar iyo waxqabad la xisaabsho oo kordhay ma jiraan. Waxa weli taagan xanaftii kala fogaanshihii doorashada laga dhaxlay oo aan laga soo noqon. Sannadkaasi wuxuu innagaga lumay macno la’aan waxaanu ka go’anyahay dalkeenna. Waxa weli taagan car iyo wir loo baahnaa in laga gudbo oo ay ahayd in laga kabto kol hore. Hoggaaminta Muuse mid cusub maaha, muuse waa muusaha aynu naqaannay oo soo dhalan maayo, adkaanta, talo qaadasho la’aanta iyo hoggaaminta liidataa waatiisi dabiciga ahayd. Ma aha nin ku habboon in uu hoggaamiyo dalkan yar ee faqiirka ah ee u baahan horumarka iyo kabashada dawladnimo. Sida uu wax u wadanaa waa dabciga jabhadnimada. Mucaaridka xanuujinkara waxana hagaajin kara ee Muuse la xisaabtami karaa waa mid Xisbi oo xooggan, mid qabiil ama qolo maaha. Markasta oo ay xooganaato diidmada reereed ee Muuse Biixi wuxuu helayaa fursad uu wax kusii walaaqo is kagana hor keeno ummadda. Markase mucaaridadda xisbiyada la awoodeeyo ee la abaabulaa waa marka uu runta xaqiiqsan doono Muuse Biixi. Dalka deegaankasta xilbaa ka saaran, waxa jira wax ka weyn doorashada oo dadkan mideeya ahna dal iyo deegaan aan guurahayn. Waxa lama huraan ah in loo guntado walaalaynta ummadda oo lasoo cesho Somaliland-nimadii dhuuxa lahayd ee jirtay sannado ka hor. Isnacaa jira sababtiisu waa hoggaamin xumada Kulmiye talada ku hagaayay sannadada. Muuse Biixi waa qabiili reernimada ku macaashayay sannado badan, madaxweyne ilbaxa oo duni iyo dumqraadiyad ku indho furtayna maaha waa nin weli aaminsan dhaqankii miyiga. Fursadda keliya ee uu haystaa waa taa reernimada ee maanta taagan, markasta oo reernimo lagaga horyimaadana waa marka ay ugu wacantahay Xisaabtu, marka ayse ku jiq tahay waa marka Xisbiyo mucaarid ka hor yimaadan! Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Soomaaliyeed Faarax Macallin ayaa barta Twitter-ka si adag isaga difaacay eed in muddo ah loo haystay oo ahayd “Kismaayo Xamar laga xukumi maayo!” Hadalkaas Faarax Macallin suuqa u galay ayaa yimi xilligii ay dowladdii Xassan Shikeh Maxamuud dagaalka siyaasadeed kula jirtay hoggaamiyaha maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe oo isagu ugu dambeystii guuleystay. Lix sano kaddib, Faarax Macallin oo dowladdiisa ku eedeynaya qaladaad diblomaasiyadeed oo ay gobolka Geeska Africa ka gashay ayaa waxaa inta qoraalkiisa Twitter-ka ee arrintaas bulshada la wadaay si carro leh dhacdii “Kismaayo lagama Xukumi doono Xamar” ku karbaashay adeegsade Twitter oo uu akoonkiisa yahay Fouwzi A. Osman. Muxuu ahaa qoraalkii Twitter-ka ee uu eeday Faarax Macallin kahor inta uusan is difaacin? “Tobankii sano ee tegay waxaan ka baryayey dowladeyda in ay dhex dhexaad ka ahaato arrimaha u dhexeeya Itoobiya, Eritrea iyo Somalia. Waxaan in badan adkeeyey in niyad wanaagga Eritrea laga abaal naqo. Muruge se, Kenya iyo Somalia waxaa loo adeegsaday in lagu cambaareeyo Eritrea iyo cunaqabateyno la saaro! Hadda ciyaar ka daba tag ah ayaan dheeleynaa! Adeegsade Twitter Fouwzi A. Osman oo Share gareyey qoraalka siyaasi Faarax Macallin muxuu ku sii dul qoray? Baro waxa aad ku wacdiso. Miyaadan la maqsuudsaneyn Farah Macalinow waxa aad sida ceebta ah u tiri “Kismaayo Xamar laga xukumi mayo” markii ay soo weerareen Raaskambooni oo taageerada ka heleysay dowladda aad jeceshay ee Kenya oo aad kor iyo hoosba faraxad ula bood boodeysay? Faarax Macallin Oo Jawaabay eeddaas ayaa yiri? “Taas dhabtii waa been cad. Soo qaado codkii saxda ahaa haddii aad runta dooneyso. Kuwiina aad runta xiiseeneyn orda oo abuura muuqaaladeena la jar jaray ee codadka la saaray ee qashinka ah. Ugu dambeyn Mar walba runta ayaa ka guuleysata beenta.” Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wasaaradda shaqo gelinta, Arrimaha bulshada iyo Qoyska Somaliland ayaa shaacisay in maalinta berri ay shaqaalaha rayidka ahi shaqada fasax ka noqon doonaan xuska maalinta dhalashadda nebiga awgeed. Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda shaqo-galinta, Arrimaha bulshada iyo Qoyska Md. Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase), waxaanu u qornaa sidan:- “Dhammaan shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha rayidka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa lagu wargalinayaa in ay berri oo taariikhdu tahay 20-11-2018 oo ku beegan 12.Rabiicul awal 1440 ay tahay fasax qaran, taas oo ah dhalashada Nabiga Awgeed(NNKA) sida uu dhigayo xeerka shaqaalaha rayidka ah xeer NO31/2004 ee Somaliland. Sidaas awgeed, waxaaNnu shaqaalaha rayidka ah Ilaahay uga baryeynaa in sannadka sannadkiisa bash-bash, barwaaqo, caafimaad iyo horumar Ilaahay ku gaadhsiiy Source
-
(SLT-Hargeysa)-Guddigii culimada ahaa ee nabadaynta Ceel-afweyn ayaa waxa ay goor dhawayd gaadheen magaalada Ceel-afweyn, sidoo kale ergooyinka beelaha ayaa iyaga la filayaan inay soo gaadhaan deegaanka. Guddiga nabadaynta Ceel-afweyn ayaa in muddo ah u xanibnaa dhaqaale la’aan sida uu sheegay Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland. Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo dhawaan ka qayb-qaatay Dood Mudanayaasha Golaha Guurtidu ka yeesheen Xaaladda Somaliland ku sugan tahay ayaa waxa uu yidhi “illaa maanta guddigii culimada waxa ay la bixi laadahay dhaqaale la’aan, balaayo afka laga dhawro, in ummad dhan nabad-galyadooda dadkii ka shaqaynayay ay dhaqaale la’aan u bixi waayaan waa ayaan-darro meesha taalla” ayuu yidhi Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan. Guddigan ayaa galabta gaadhay degmada Ceel-afweyn ayaa la filayaa inay toos u bilaabaan hawlihii qabyada ahaa iyo inay dadkii u kala xaqaan Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco halkan Source
-
Mudug (Sh.M.Network) – Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqaymo culus ka fuliyeen tuulada Cadaley oo udhaxeysa degmooyinka Camaara iyo Ceel-huur. Dadka degaanka ayaa kusoo waramaya in weerarka cirka ah lala beegsaday Gawaari ay la socdeen xubno ka tirsan xakarada Al-Shabaab, inkasta oo aanan la xaqiijin karin nooca ay ahaayeen Gaadiidka oo la tilmaamay inay gubteen. Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa inuu jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ay geysatay duqaynta, wallow aanan la hubin tiradda saxda ah ee ku waxyeelowday duqaynta oo jugteeda meelo fog-fog laga maqlay. Shalay oo Axad ah ayay ahayd markii saraakiisha ciidanka xooga dalka Soomaaliya ay sheegeen in duqayn laga fuliyay degmada Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe lagu beegsaday idaacada AlShabaab ee Andulus, xubna kalena lagu dilay. The post Duqayn xoogan oo ka dhacday gobolka Mudug appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug ee dhawaan lagu doortay Degmadda Cadaado, Axmed Maxamed Xasan [Axmed Baasto] iyo wafuud balaaran oo uu hogaamianayo ayaa galabta kasoo dagey garoonka caalamiga ah ee Magaladda Muqdisho Aadan Cadde. Axmed Baasto ayaa xubnaha ku wehlinaya safarkiisan uu Muqdisho kusoo gaarey waxa kamid ah xildhibaano iyo wasiiro uu kamid yahay Xassan Keynaan, wasiirka biyaha iyo koronta ee xukuumadii uu soo dhisay madaxweyne Axmed Baasto. Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade waxaa kusoo dhaweeyay madaxweynaha iyo wafdigiisa shacab, waxgarad iyo masuuliyiin kale Intaasi kadib, wasiirka Madaxtooyadda Galmudug, Cumar maxamed Guureeye la hadlay saxaafada ayaa soo dhaweeyay madaxweyanaha. Madaxweynaha Maamulka Galmudug ee dhawaan Lagu Doortay Degmadda Cadaado Axmed Maxamed Xasan [Axmed Baasto] ayaa sheegay in safarkan uu yahay mid shaqo oo uu ku matalayo bulshada reer Galmudug. Dhanka kale, wuxuu shaaciyay in uu kulamo la qaadan doono Madaxda Qaranka iyo Bulshada kasoo jeeda deegaanada Galmudug, arimaha uu kala hadli doono ayuu xusay ay tahay sidii looga wada shaqayn lahaa xasiloonida iyo Hormarka Galmudug islamarkaana meesha looga saari lahaa madmadowga Siyaasadeed ee Jira. Axmed Maxamed Xassan [Axmed Baasto] oo dhawaan loogu doortay Degmadda Cadaado Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in uu la fariisan doono dhinac-yadda kasoo horjeeda ee garabka Dhuusamareeb, si meesha looga saaro qilaafyadda jira. The post MD Galmudug garabka Cadaado oo booqasho ku yimid Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Galgaduud (Sh.M.Network) – Fahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxay dagaal khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay degaanka Dhagax-yaale oo udhaxeeya degmooyinka Guriceel iyo Ceelbuur, ee bartamaha Soomaaliya. Dagaalka oo ahaa mid xoogan, kaasi oo udhaxeeyay dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa yimid markii ciidanka ay gudaha u galeen tuulada Dhagax-yaale oo 50 KM ujirta Guriceel. Gudoomiye ku xigeenka degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, Maxamed Sheekh Maxmuud oo la hadlay idaacadda Shabelle wuxuu sheegay in dagaalka ay Al-Shabaab kaga dileen afar, xili dhinacooda uu qiray geerida labo Askari. Ma jiro illaa iyo haatan war kasoo baxay Al-Shabaab oo ku saabsan dagaalka maanta oo Isniin ah ka dhacay degaankaasi, kaasi oo dadku deegaanu tilmaameen in laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Xaalada meesha ay wax ka dhaceen ayaa haatan ah mid degan, inkasta oo dadka degaanka ay soo warinayaan in laga cabsi qabo inuu mar kale qarxo, maadaama ciidamada iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab aysan kala fogeen. The post Khasaaro ka dhashay dagaal ka dhacay Galgaduud appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finland, Samuli Virtanen oo Muqdisho soo gaaray. Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finland, Samuli Virtanen, ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dawladood, fududaynta isu socodka, kor-u-qaadidda taageerada Finland ay siiso Soomaaliya, horumarinta ganacsiga iyo dar-dar gelinta mashaariicda dawladda Finland ay ka fuliso Soomaaliya. Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finland ayaa Ra’iisul wasaare Khayre u sheegay dawladda Finland in ay aqoonsanayso baasaboorka Soomaaliya iyo in si toos ah ay dawladda dhaqaale ugu taageerayso ayna joojinayso dhaqaalihii ay usoo marsiin jirtay hay’adaha kale. Wasiir dawlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdulqaadir Axmed Khayr oo kulanka kadib ka war bixiyay ayaa tibaaxay in Dowladda Finland ay maalgashi ku samaynayso Soomaaliya, isagoo xusay in ay wafdi ganac-sato ah oo ka socda shirkadaha dalka Finland qaarkood ay imaanayaan Muqdisho horraanta sannadka 2019. Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finland, Samuli Virtanen ayaa inta uu joogo Muqdisho waxa uu kulamo la qaadanayaa qaar kamid ah wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ay ka wada hadlayaan arrimo muhiim u ah horumarka dalka. The post RW Khayre oo la kulmay wafdi ka socda Finland appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug ee lagu doortay magaalada Cadaado Axmed Maxamuud Baasto oo soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay ujeedada ay u yimaadeen magaalada Muqdisho. Madaxweynaha oo saxaafadda kula hadlayay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa sheegay in ujeedadooda safarka Muqdisho ay tahay danaha deegaanada Galmudug, sida uu sheegay. Wuxuu sheegay inay la kulmayaan madaxda ugu sareyso dalka iyo dadka kasoo jeeda deegaanada Galmudug, waxaana ay ka wada hadli doonaan arrimaha Galmudug. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xafiiska ra’iisul wasaaraha looga yeeray Axmed Baasto oo dhawaan lagu doortay magaalada Cadaado, waxaana uyeeritaankiisa uu qeyb ka yahay dhameynta xiisadda Galmudug. “Waxaan Safar shaqo ku nimid magaalada Madaxda dalka, waxaan kulan la sameyneynaa masuuliyiinta dalka dhamaan iyo dadka kasoo jeeda Galmudug, waxaana kala hadli doonaa baahiyahooda anagoo iyaga matalayna”ayuu yiri Axmed Baasto Axmed Baasto ayaa lagu doortay magaalada Cadaado, kadib khilaaf soo kala dhex galay madaxweyne Xaaf iyo ku xigeenkiisa oo taageero ka helayay guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargaysa) Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Xadhiga Ka Jaray Dhsime Cusub Oo Lagu Kordhiyay Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka Somaliland. Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay weheliyaan masuuliyiinta hay’adaasi ayaa xadhiga Ka Jaray dhismahaas. Somalilandtoday/Hargaysa/Office Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha Idaacadda Shabelle ee ku xiran website-keena waxaan halkaan hoose aan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos ka dhageyso http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-191118.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Muqdisho) Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Dalkaasi Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finland, Samuli Virtanen oo Muqdisho soo gaaray. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finland, Samuli Virtanen, ayaa ka wada hadlay xoojinta xidhiidhka labada dawladood, fududaynta isu socodka, kor-u-qaadidda taageerada Finland ay siiso Soomaaliya, horumarinta ganacsiga iyo dar-dar gelinta mashaariicda dawladda Finland ay ka fuliso Soomaaliya. Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finland ayaa Ra’iisul wasaare Khayre u sheegay dawladda Finland in ay aqoonsanayso baasaboorka Soomaaliya iyo in si toos ah ay dawladda dhaqaale ugu taageerayso ayna joojinayso dhaqaalihii ay usoo marsiin jirtay hay’adaha kale. Wasiir dawlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdulqaadir Axmed Khayr oo kulanka kadib ka war bixiyay ayaa sheegay in Dowladda Finland ay maalgashi ku samaynayso Soomaaliya, isagoo xusay in ay wafdi gancsato ah oo ka socda shirkadaha dalka Finland qaarkood ay imaanayaan Muqdisho horraanta sannadka 2019. Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finlan Samuli Virtanen ayaa inta uu joogo Muqdisho waxa uu kulamo la qaadanayaa qaar kamid ah wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ay ka wada hadlayaan arrimo muhiim u ah horumarka dalka. Source