Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,978
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dadka degan xaafad ku taal London ayaa sheegay in ay lama filaan ku noqotay in xaafadooda laga taago qoraal xusuus ah oo lagu xusayo madaxweynihii hore ee Ciraaq, Sadaam Xuseen. Qoraalkaas xuska ah oo ku xardhan bir naxaas ah ayaa laga taagay mid ka mid ah wadooyinka ugu mashquulka badan ee xaafadda Winstead ee duleedka London. Waana “qoraal lagu muujinayo kalgacal loo qabo Sadaam Xuseen” kaas oo lagu muujiyey taariikhdii uu dhashay ee 1937 iyo taariikhdii la dilay ee 2006. Qoraalkaa xuska ah ee halkaa laga taagay ee lagu muunaynayo keligii taliyihii hore ee Ciraaq waxa uu ka cadhaysiiyey dad badan oo ka mid ah kuwa xaafadaa degan. Wargeyska The Independent ayaa soo xigtay haweenay 38 jir ah oo halkaa ku nool in ay tidhi “run ahaantii aad baan u argagaxay. Hooyaday oo na soo booqatay baan la socday markaas uun baan isha ku dhuftay qoraalkaas, run ahaantii aad baan u dhibsaday, waxaanan isku dayey bal inaan hubsado in waxaan arkayaa dhab yahay iyo in kale”. Waxaanay hadalka ku dartay “waxaan is idhi malaha maaha waxaad mooday laakiin waxa aan aad uga cadhooday waa markaan hubsaday inuu yahay xaqiiq. Waxaan aaminsanahay in noloshii qof waxaas oo dhibaato ah baday dadka kalgacal loo muujiyaa in ay tahay arin fool xun. Hadii se ay maadaysi tahay xataa maaha wax lagu qosli karo”. Wargeyska The Sun ayaa isaguna af-hayeen u hadlay degmada Redbridge ka soo xigatay in uu yidhi “cidna ruqsad umaanu siinin in ay qoraalkaa taagaan, imikana waaba la fujiyey”. Sadaam Xuseen oo Ciraaq xukumayey in ka badan 30 sanadood waxa xukunka laga tuuray markii Maraykanku ku duulay dalkaas sanadkii 2003. Waxaana la dilay 2006 ka dib markii maamulka Ciraaq ku helay in uu geystay “dambiyo aadamaha laga galay”. Ilaa haatan lama oga in qoraalkaa goobta laga taagay ahaa mid loogu talo galay in dadka lagaga qosliyo iyo in ay ahayd mid uu si badheedha u taagay qof ka mid ah dadkii jeclaa madaxweynihii hore ee Ciraaq. Source
  2. (SLT-Israa’iil)-Xukuumadda Israa’iil ayaa u muuqata iney ka badbaadday burbur ku imaan lahaa, ka dib markii dhinac ka mid ah xulafada dowladda uu ka noqday hanjabaad ku saabsaneyd inuu ka baxayo isbahaysiga, taasoo kallifi lahayd in la qabto doorasho wakhtigeeda laga soo hormariyay. Naftali Bennett oo ka socda xisbiga Yuhuudda ee Jewish Home party ayaa horay u bidhaamiyay inuu ka bixi doono isbahaysiga, balse maanta oo isniin ah ayuu ku dhawaaqay inuu sii joogi doono. Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa maalmihii ugu dambeeyay wada hadallo la yeeshay wasiirrada xukuuumaddiisa, isagoo isku dayayay in isbahaysigiisu uu sii mideysnaado. Xasaradda siyaasadeed ayaa billaabatay ka dib markii uu xilka iska casilay wasiirkii gaashaan dhigga ee Israa’iil, isagoo ka careysan xabbad joojin ay Israa’iil la gaartay mintidiinta ku sugan magaalada Qasa, go’aankaasoo isaga iyo siyaasiyiin kale ay ku tilmaameen “isdhiibitaan”. Mr Bennett ayaa sheegay in uu xisbigiisa kala bixi lahaa isbahaysiga haddii aan loo magacaabi lahayn wasiirka gaashaan dhigga. Mr Netanyahu ayaa xilkaas si ku meel gaar ah usii hayay tan iyo markii uu wasiirkii hore iscasilay. Tallaabada uu wasiirkii difaaca uga baxay dowladda xisbigiisana uga saaray isbahaysiga ayaa sababtay in xukuumadda Netanyahu ay hal kursi oo qura aqlabiyadda uga heysato baarlamaanka ka kooban 120-ka xubnood. Muxuu xisbiga muhiimka u ah isbahaysiga u baddalay ra’yigiisi hore? Wasiirka waxbarashada Naftali Bennett, oo hoggaamiya xisbiga saddexaad ee ugu weyn isbahaysiga ayaa maanta oo Isniin ah sheegay in isaga iyo wasiirka caddaaladda Ayelet Shaked ay sii joogi doonaan haddii uu ra’iisul wasaaraha wax ka qabanayo xaaladda “amaan darrada ee heerka xun gaartay”. “Haddii uu Ra’iisul wasaaruhu si dhab ah u wajaho waxyaabaha uu qorsheynayo, anigoo raba inaan rumeysto hadalladiisii xalay, waxaan halkan ka caddeynayaa inaan la noqon doonno dalabaadkeennii siyaasadeed isla markaana aan ku garab istaagi doonno howlgalka ku aaddan in Israa’iil ay mar kale guuleysato” ayuu yiri mar uu la hadlayay war fidiyeenka. Xiisadaha siyaasadeed ee soo food saaray Benjamin Netanyahu ayaa yimid xilli ay muddooyinkii lasoo dhaafay socdeen rabshado soo cusboonaaday oo u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo Israa’iil. Maalintii Talaadada ahayd ayey heshiis xabbad joojin ah isku waafaqeen Israa’iil iyo ururka xamaas, kadib markii ay dadaal dhexdhexaadin ah sameysay dowladda Masar. Source
  3. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Golaha Midowga Yurub ayaa waqtiga u kordhiyay howlgalkooda dhanka tababarada ee Ciidamada dowladda Soomaliya, kaas oo la gaarsiiyay 31 December ee sanadka 2020-ka. Sidoo kale, Midowga Yurub ayaa meel mariyay Miisaaniyada howlgalkaasi oo oo gaareysa 22.9 Million oo Euro, taas oo loogu talagalay howlgalka laga bilaabo 1 bisha January ee sanadka 2019-ka illaa 31 December ee 2020-ka oo uu ku egyahay waqtiga howlgalkooda. Howlgalka dhanka tababarada ee Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa tababaro iyo latalin joogta ah siiya saraakiisha iyo Ciidamada dowladda, gaar ahaan Ciidanka Milatariga oo dagaal kula jira Xarakada Al Shabaab. Midowga Yurub ayaa ka mid ah Ururada caalamiga ah ee sida weyn u taageero dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. The post Midowga Yurub Oo Waqtiga u kordhiyay Howlgalkiisa Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay isbadalada lagu sameeyo golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ee deg dega ah. Xildhibaan Daahir Jeesow, ayaa soo jeediyay inay muhiim tahay in xubnaha golaha wasiirada ay la shaqeeyaan xukuumadda inta taladda madaxweynaha uu hayo, si ay u fahmaan hanaanka shaqo wax badanna ay u qabtaan. Xildhibaanka ayaa sheegay inay dhacday marar badan in wasiiro xafiiska Fadhiyay muddo seddex bil ah xilka laga qaaday, taasi oo dhalin karto niyad jabka wasiirada kale ee shaqada haya, islamarkaana aysan halkaasi shaqo wanaagsan ka qabsoomi karin. “Waxaan soo jeedinayaa in golaha wasiirrada ay afarta sano la dhameystaan madaxweynaha, si shaqo wanaagsan ay u qabtaan, waxaad arkeysaa wasiir seddex bil xafiiska joogay oo xilka laga qaaday, taasi niyad jab wasiirada kale ah ayay keeneysaa”ayuu yiri Xildhibaan Jeesow. Daahir Amiin Jeesow, oo mucaarad ahaa ayaa hadda saaxiib dhow la ah xafiisyada seddexda masuul ee ugu sareyso dalka, waxaana hadalkaan uu jeediyay xilli uu ka hadlayay shirka golaha baarlamaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. (SLT-Cadaley)-Wararka laga helayo deegaanka Cadaley oo u dhaw degmada Xaradheere ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqaymo ka gaystayn halkaasi. Waxaa lasoo warinayaa in duqeynmahaas lagu bartilmaansaday maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Dadka deegaanka ayaa VOA u xaqiijiyey in duqeyntan ay dhacday. Wararka ayaa intaa sku daraya in duqayntan ay bartilmaameedsatay laba baabuur oo ay leeyihiin maleeshiyada Al-Shabaab. Malayshiyada Al-Shabaab ayaa dhaq-dhaqaaqyo ka waday deegano hoostaga Xaradheere, waxaana muddooyinkii dambe jiray iska hor imaadyo u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo Al-Shabaab kadib markii dadka deegaanka ay ka biyo diideen ammaro ay kooxda kusoo rogtay Ilaa ahadda lama xaqiijin dadka la bartilmaameedsaday iyo khasaaraha ka dhashay duqayntan. Duqayntan waxaa kale oo tebiyey warbaahinta dawladda Soomaaliya oo sheegtay in la bartilmaameedsaday baabuur ay leedahay Al-Shabaab. Source
  6. (SLT-Yemen)-Maleeshiyaadka shiicada ah ee dalka Yemen ayaa ku dhawaaqay inay diyaar u yihiin xabad joojin isla markaana balanqaaday inay joojiyeen gantaaladii iyo duqeyntii kale oo ay la beegsan jireen Sacuudiga iyo Xulafadiisa. Go’aanka xabad joojinta ah ee Xuuthiyiinta ayaa lagu dhawaaqay xili uu dagaal culus ka socdo magaalada Xudeydah oo maalmihii lasoo dhaafay ku dhinteen boqolaal dad ah. Xuuthiyiinta ayaa sheegay in tilaabadan ay doonayaan inay Beesha Caalamka ugu muujiyaan inay dhankooda kasoo horjeedin waan waanta nabada, waxayna sheegeen in Sacuudiga uu yahay kan weli sii wada dagaalka iyo duqeynta. “…Maadaama Sacuudiga uu mudooyinkii danbe mar-marsiinyo ka dhigtay in duqeynta iyo gantaalada Xuuthiyiinta ay sabab u tahay duulaanka uu ku hayo wadanka Yemen ayaan waxaan go’aansanay inaan dhankeena joojino duqeynta aan ku wadnay Sacuudiga si ay u cadaato cida duulaanka wada….” ayuu yiri Maxamed Al Xuuthi oo kamid ah hogaamiyayaasha xuuthiyiinta oo xiligan cadaadis militari kala kulmaya xulafada Sacuudiga oo la wareegay qeybo kamid ah nawaaxiga magaalada Xudeydah. Boqortooyada Sacuudiga ayaa todobaadkii hore sheegtay inay aqbashay mid kamid ah sharuuda Xuuthiyiinta horey ugu xireen wadahadalka nabadeed oo ay Qaramada Midoobay wado, sharuudaasi oo ahayd in maleeshiyaadka dhaawaca ah ee Xuuthiyiinta dibada loogu qaado, gaar ahaan dalka Cumaan. Waxaanse weli cadeyn in Sacuudiga uu xiligan Aqbali doono xabad joojintan iyagoo dadaal ugu jira inay la wareegaan magaalada Xudeydah iyo dekkada weyn ee ku taal kahor intaan la gaarin shirka ay Qaramada Midoobay qaban-qaabineyso dhamaadka sanadkan. Source
  7. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waxaa maanta dhamaan la fasaxay shaqaalaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Munaasabadda dhalashada Nabigeena Muxumed (SCW) ayaa maanta ku beegan, taas oo la xuso sanad weliba 12-ka bishani Mowliid ee aynu ku guda jirno. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Akhriso:-Shaqaalaha Dowladda Oo maanta la fasaxay appeared first on Shabelle. View the full article
  8. (SLT-Nairobi)-Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa uu yeeshay ciidammo cusub gaar ah oo ilaalin doono badda isla markaasna la socon doono dhaqdhaqaaqyada howlaha ammaanka badda. Waxaa la filaya in ciidammadan cusub uu sannadka kasta ku baxo qarash gaarayo 10Milyan doolaar. Ciidammadan ilaalada badda ee Kenya yeelatay ayaa ka hortaggi doonaa badeecadaha sharci darrada ah,daroogada iyo kalluumaysiga sharci darrada ah. Madaxweynaha Kenya oo ku sugnaa munaasabad ka dhacday agagaarka badda Mombasa wuxuu ku amray ciidammada inay soo qabtaan doomaha shisheeye ee sida sharci darrada uga kalluumaysanayo badda Kenya. Kalluumaysatada Kenya ayaa in muddo ah ka cabanayay tacaddiyo ay kala kulmaan ciidammada Uganda ee ku sugan harada Victoria gaar ahaan dhul lagu muransan yahay. Ammaanka xeebaha Kenya waxaa inta badan ilaaliya ciidammada militariga ee loo tabbabaray ilaalinta halkaasi balse hadda waxay diiradda saari doonaan arrimaha ammaanka iyo militariga maadama dalkaasi uu yeeshay ciidammo u gaar ah ilaalinta biyaha. Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Xogo aan ka heleyno magaalada Jowhar ayaa sheegaya in shirkii golaha wasiirada Hirshabeelle ee shalay uu ka dhashay Buuq iyo isfaham waa dhexmaray qaar ka mid ah golaha wasiirada HirShabeelle. Lataliyaha madaxweynaha Hirshabeelle ee dhanka Warfaafinta Xasan C/qaadir Muudeey, ayaa isku dayay in golaha wasiirada uu horgeeyo Barnaamijka Socdaalka Hirshabeelle oo ah barnaamij uu dhaqaalo badan ku baxayo isagana uu diyaariyay. Barnaamijkaasi ayaa sida qorshaha uu yahay waxaa la doonayaa in Fanaaniin iyo Wariyaal aan deegaanka kasoo jeedin la geeyo deegaanada Hirshabeelle si ay dhaqaalo badan ugu cunaan mashruuca Nabadeynta oo Muudeey soo abaabulay. Arintaasi ayaa buuq ka dhex dhalisay shirka golaha wasiirada, waxaana wasiirada qaar ay sheegeen in xeer hoosaadkooda uu dhigayo in shaqsi aan wasiirada kamid aheyn uusan barnaamij horgeyn karin golaha wasiirada si loo ansixiyo.. Kadib wasiirada ayaa diiday in mashruucaasi uu golaha horgeeyo shaqsi aan wasiir, wasiir kuxigeen ama wasiiru dowle aheyn, taasi oo keentay in wasiirada qaar ay ku doodaan in xeer hoosaadka ay jibayaan oo mashruucaasi la ansixiyo. Lataliyaha madaxweynaha ee dhanka saxaafadda oo markiisii hore mucaarad ku ahaa Hirshabeelle ayaa xilkaasi loo dhiibay iyadoo lagu aamusinayo, waxaana kadib uu bilaabay inuu cadaadis saaro warbaahinta deegaanada Hirshabeelle. Qaar kamid ah xildhibaanada kamid ah guddiga warfaafinta baarlamaanka ayaa ka dhiidhiyay in wariyaasha deegaanada Hirshabeelle iyo fanaaniinta deegaanka aysan ka mid ah qorshaha socdaalka ee uu diyaariyay Lataliyaha madaxweynaha ee dhanka warfaafinta oo doonayo in shaqsiyaad uu yaqaano kamid noqdaan qorshahaan, kuwaasi oo Muqdisho ku sugan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Roma ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Rooma ee dalka Talyaaniga. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay madax ka tirsan dowladda Talyaaniga iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi. Maxamed C/laahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya oo si kooban ula hadlay Jaaliyadda ayaa sheegay in muddo 2 maalin ah uu joogi doono Talyaaniga. Waxaana uu tilmaamay in kulamo gaar gaar ah uu la qadan mas’uuliyiinta sar sare ee Wadankaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/cod-madaxweynaha.mp3 The post Madaxweyne Farmaajo Oo loogu soo dhaweeyay Roma appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Garbahaarey ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa ku warramaya in xalay dagaal culus uu ka dhacay deegaanka Faxfaxdhuun ee gobolkaasi. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana uu u dhexeeyay Ciidamada Kenya iyo Xarakada Al Shabaab. Sida la sheegay dagaalka ayaa yimid kadib markii Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin Ciidamadaasi ay ku leeyihiin deegaanka Faxfaxdhuun ee gobolka Gedo. Wararka ayaa intaasi ku daraya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay dagaalkaasi, walow aan la xaqiijin karin inta uu la’egyahay. Welina ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay intaba. Xaaladda ayaa saaka dagan, hayeeshee Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ayaa dhaq dhaqaaqyo ka wada qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya. The post Al Shabaab iyo Ciidamada Kenya Oo ku dagaalamay Gedo appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Xiisad dagaal oo u dhaxeysa ciidamada maamulka Galmudug iyo Al Shabaab ayaa ka taagan deegaano hoosta degmada Guriceel ee gobolka Galgadiuud. Sida dadka deegaanka ay saxaafadda u sheegeen waxaa saaka deegaanada Goole Goole iyo Dhagaxyaale ka taagan xiisad dagaal oo u dhaxeysa Al Shabaab iyo ciidamada maamulka Galmudug. Arinta ayaa ka dambeysay kadib dagaal xoogan oo dhexmaray ciidamada maamulka Galmudug iyo Al Shabaab, gelinkii dambe ee shalay waxaana Al Shabaab ay bilaabeen inay dib isku soo abaabulaan. Ciidamada Galmudug ayaa dagaal saacado qaatay kadib waxay la wareegeen deegaanadii lagu dagaalamay, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan inay jiraan qasaaro xoogan oo labada dhinac kala gaaray. Saraakiisha ciidamada Galmudug ayaa sheegay in ciidamadooda ay isku balaarin doonaan deegaanada hoostaga degmada Guriceel oo Al Shabaab ay ku sugan yihiin. Al Shabaab dhankooda Guulo ayay ka sheegteen dagaalkii shalay ka dhacay deegaanada Goola Goole iyo Dhagaxyaale oo hoostaga degmada Guriceel. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil iyo dhaawac ay kooxo hubeysan xalay ka geysteen qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid ee gobolkan Banaadir. Dhacdadani ayaa yimid, kadib markii rag hubeysan ay weerar ku soo qaadeen Askari ka tirsan Ciidamada dowladda oo ku sugnaa Maqaaxi ku taalla agagaarka Hotel Lafweyn ee degmadaasi. Askariga la weeraray ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay halkaasi, kaas oo lagu magacaabi jiray Axmed Nuux. Sidoo kale waxaa weerarkaasi ku dhintay 1 Qof oo shacab ahaa iyadoona uu ku dhaawacmay mid kale oo ku sugnaa isla goobtaasi. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Raggii ka dambeeyay falkani ay goobta isaga baxsadeen dhacdada kadib. Mid ka mid ah Ehellada dadkaasi oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay, sida ay wax u dhaceen. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/dil.mp3 The post Saddex Qof Oo dil iyo dhaawac loogu geystay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Muqdisho ( Sh. M. Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato: http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-201118.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Muqisho (Caasimada Online) – Xukumadda Ra’isul Wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa lagu eedeeyey musuq maasuq baahsan kaddib warbixin dheer oo ay daabaceen Guddiga Miisaaniyada, Maaliyada Qorsheynta iyo La xisaabtanka dowladda ee Golaha Shacabka. Sida ay sheegeen guddiga waxaa maqan ama si wax isdaba marin ah loo maareeyey 50 Milyan oo laga helay Sucuudiga, taasi 20 milyan oo ka mid ah aanay ku jirin xisaab xirkii ay xukuumadda soo gudbisay. Haddii ay dhacdo in xukumadda Kheyre ka jawaabi weyso musuq maasuqa lagu soo eedeeyey, waxaa ka dhalan kara go’aan bulshada Soomaaliyeed hadda ugu muuqda mid aan dhici karin. Go’aankaas waxa uu horseedi karaa in xubnaha baarlamaanka ay codka kalsoonida isku raacaan in ay u qaadaan xukumadda Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre oo hadda sanadkeedii labaad ku dhaw. Xildhibaano la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in arrintan ay noqon karto waddo u furanta xildhibaanada mucaaradka, oo ay mooshin xil ka qaadis uga keenaan Kheyre. Dhacdan ma aha markii kowaad oo waxyaabo musuq maasuq la xiriira lagu soo eedeeyo xukumadda Kheyre, waxaana hore u jiray xogo badan oo si toos ah iyo si dadban ah u caddeeyey in Xukumadda ay Musuq Maasuq ka dhammaan la’dahay. Warbixinta dheer ee Guddiga Miisaaniyada, Maaliyada Qorsheynta iyo La xisaabtanka dowladda ee Golaha Shacabka ayaa ku soo aadeysa xilli Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ku cel celiyo in ay la dagaalamaan musuqa oo waliba loo xiray shaqsiyaad hoose oo dowladda ka tirsan. Dad badan ayaa aaminsan in shaqsiyaadka darajada hoose ee loo xiro musuq maasuq ay qeyb ka tahay isku day shacabka lagu qaldayo, oo magaca xukuumadda lagu wanaajinayo, ayada oo mas’uuliyiinta sare ay xatooyo aanay shacabka ogeyn ku lug leeyihiin. Arrintan waxay horseedi kartaa in Kheyre ama wasiiro sare ay ku baxaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Kenya ayaa guulo ka sheegatay howlgal ciidamadooda ay ka sameeyeen Keynta Booni oo Al Shabaabka ka dagaalamaya dalka Kenya ay ku dhuumaaleystaan. Hay’addaha amaanka ee dalka Kenya ayaa sheegay in weerar ciidamadooda ka fuliyeen halkaasi ay ku dileen afar kamid ah dagaalyahanada Al Shabaab, islamarkaana ay ku qabsadeen lix qori oo AK-47 ah. Saraakiisha waxay sheegeen in howlgalkaasi ay ka fuliyeen gobolada Gaarisa iyo Laamu, waxaana ciidamada ay sidoo kale ku raad joogaan shaqsiyaad ka baxsaday gacanta ciidamada, sida saraakiisha ay sheegeen. Agaasimaha howlgalka Keynta Booni oo Weerarka ay ka fuliyeen ciidamada dowladda Kenya Joseph Kanyiri, ayaa sidoo kale sheegay in ay rasaas badan ka furteen Al-shabaabkii la dagaalamay ciidamadooda. Wuxuu sheegay in howlgalka uu billowday markii Ciidamada AL-shabaab ay isku dayeen in ay weeraraan anteeno Isgaarsiineed oo ay leedahay Sharikadda Safaricom kaddibna Ciidamada ay ku baxeen sidaasna dagaalka ku dhexmaray. Dilka afarta qof ee ka tirsan AL-shabaab ayuu sheegay in ay ku soo aadday saddex bilood kaddib markii toban ka mid ah Al-shabaab lagu dilay degaanka Taksile ee ka tirsan Lamu. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Koongo-[Puntland Post]-Saddex qof oo mid kamid yahay askari ayaa ku geeryooday dalka Koongo kadib markii askari kale uu toogtay dadkaasi oo joogay goob aas ka dhacaayey , sida ay sheegeen ciidamada Booliska ee dalkaasi . Askarigan ayaa sida oo kale dhaawacay ilaa toban qof, kuwaas oo kamid ahaa dadka Aaskaasi kasoo qayb galay magaaladda Jikaaba ee gobolka Kasaay ee dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo. Ilaa hadda lama oga sababta keentay in askarigani rasaaseeyo dadkan aaska ka qayb gelaayey , iyada oo gobolka Kasaay ay qul qulatooyin ka socdeen laga soo bilaabo 2016 ilaa 2017-kii , iyada oo ay isku dhacyo ka dhacay ka dhacay gobolkaasi ay ku dhinteen saraakiil , saraakiil ciidamada amaanka ka tirsan iyo dad ay ku jiraan khubaro ajaanib ah. Cabdiqani Boos Puntland Post The post dalka Koongo Oo Askar Iyo Shacab Lagu Laayey appeared first on Puntland Post.
  18. Berbera-[Puntland Post]-Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo maalintii labaad ku sugan magaalada Berbera ayaa saaka Booqdey bilowga dekedda cusub ee shirkadda DP World dhisayso oo cabbirkeedu dhan yahay 400 mitir, isaga oo awaamiir faray maamulka dekedda Berbera amray in hannaan caddaalad ah loo maro wax kasta oo lagama maarmaan u ah taabbo-gelinta dhismahaas, islamarkaana ay bulshada reer Somaliland mar walba mudnaanta koowaad leedahay. Qoladiinna dekedda maamusha waxa la idinka rabaa halkaas wixii shaqo iyo qandaraas ka baxayaa inay caddaalad ku baxaan oo aanay cabasho kasoo noqonin, qoladanna (DP World ) waa in sidaa lagu kaantaroolaa oo ay sharciga lagu heshiiyo ku socdaan, ta labaadna wax Somaliland karayso oo qalab ama aqoon ah waa inaan cid kale keenin, waqtigana waa inaad ilaalisaan..” Ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. hoos ka daawo Muuqaalka. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Muuse Biixi Oo Amar Faray Masuulyiinta Dekada Berbera Iyo Shirkada Dp World appeared first on Puntland Post.
  19. USA: Soomaali Sakaaro qalan oo dhiig ka daayo loo saaray Kawarka gawaadhidooda Aabe iyo cunug 14 jir ah oo uu dhalay ayay booliska gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka wax ka weydiinayaan sagaaro qalan oo dhiigeysa taas oo ay dul saareen labo ka mid ah gawaari parking gareysneyd kuwaas oo ay lahaayeen dad soomaali ah. Labadan eedeysane ee is-dhalay ayaa gaarogooda kasoo dajiyay labada sagaaro, waxaana ay dulsaareen labo gaari oo sida la rumeysan yahay bar-tilmaameed u ahaa, walow ay sheegeen in ay iska dul-saareen islamarkaana eysan ogeyn cida iskalaheyd. Waxa ay ku andocoodeen in ay doonayeen in ay “iska fogeeyaan” sagaarooyinkaasi, sidaasna ay u dul saareen gawaarida dushooda. Booliska ayaanan rumeysan sheegashada labada eedeysane, waxaana ay aaminsan yihiin in arrintan ay xiriir la leedahay “fal cunsurinimo”. Baarista ay wadaan booliska ayaa wali socota, waxaana ay dulmarayaan video muujinaya qaabka ay u fuliyeen fal-dambiyeedka. Qaran News
  20. Qorshe Cusub oo Abiy Ahmed Jabuuti La damacsan yahay Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed ayaa wadda qorshe cusub oo uu doonayo in dalalka Jabuuti iyo Suudaan uu kaga mid dhigo isbadalka geeska Africa ka socdo oo Ethiopia ay hormuudka u tahay. Kulamadaasi ayaa waxaa wasiirada arrimaha dibadda ee Ethiopia iyo Jabuuti ay saxaafadda u sheegeen in Jabuuti ay la dhacsan tahay sida ay hadda wax u socdaan, waxaana horey su’aal looga keenay ka maqnaanshahooda isbaheysiga gobolka. Arrinta koowaad ee keentay inay ka maqnaadaan Shirarkii ugu dambeeyay ee seddex geesoodka ahaa ayaa waxay tahay in Jabuuti iyo Suudaan aysan isku wanaagsaneyn dalalka Imaaraatka iyo Sacuudiga oo la aamisan yahay inay door ku leeyihiin isbadalka Geeska. Siyaasadda uu doonayo Abiy Axmed ayaa ah in labada dal ee Sudan iyo Jabuuti lagu soo daro isbadalka geeska Africa ka socdo ee Ethiopia garwadeenka ka tahay, waxaana labada dowladood ay isku dhaceen dalka Imaaraatka Bishii June ee sanadkaan. Jabuuti oo ku taalla goob istiraatiiji ah ayaa su’aalo badan laga keenay sababtii ay uga maqneyd kulankii Baxar Daar ku dhex maray Hoggaamiyayaasha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea, sidoo kale qubarrada siyaasadda geeska la socda ayaa su’aal geliyay sababta aysan shirkan iyo isbahaysiga cusub ugu jirin Suudan. Haddii Abiy Axmed uu ku guuleysto in labada masuul ay kamid noqdaan shirka ka dhacaya magaalada Muqdisho waxay noqon doontaa guul ay gaareen dalalka Bariga Africa, waxaana ay fariin u noqon doontaa wadamada Reer Galbeedka, Carabta iyo Shiinaha oo dano isdiidan ka leh dalalkaan isbaheysiga sameysanaya. Waxaa soo dhawaan doonto in xal laga gaaro khilaafka Jabuuti iyo Imaaraatka oo isku qabtay maalgashiga dekada Dooraale ee dalka Jabuuti. Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha Joogtada ee wasaaradda Batroolka Jamaal Mursal ayaa shaaciyay in Soomaaliya aysan laheyn awood iyo Sharuucdii caalamiga ee shirkadaha Shidaalka baaritaan uga sameyn lahaayeen dalka Soomaaliya. Wuxuu Jamaal Mursal dhaliilay hanaanka Shaqaalaha wasaaradda ay ku shaqeeyaan isaga oo sheegay inaysan laheyn tababar iyo aqoon ay gorgortan ku galaan islamarkaana ku galaan saxiixyada caalamiga iyaga oo ilaalinaya maslaxadda dalka. “Soomaaliya, ma lahan awood iyo shuruucdii ay shirkadaha caalamiga ahi shidaal uga qodan lahaayeen dhulkeeda, heshiis baratan ama laysan bixin ah oo Febraayo sanadka dambe la galaa, waxaa uu keenni karaa dhaawac masaalixda dalka, isla markaana ay cararaan maal-geshedayaasha” ayuu yiri xoghayaha Joogtada ee wasaaradda Batroolka. Xoghayaha ayaa soo jeediyay inay wanaagsan tahay in si wanaagsan looga hadlo sharciga batroolka iyo macdanta lana turxaan bixiyo oo aan lagu dagdagin ansixinta sharcigaasi iyada oo aan dhinacyo badan laga eegin. “Iyada oo aaney jirin sharciga Canshuuraha, waa adagtahay inay shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka (IOCs), ay heshiis dheer la galaan Soomaaliya” waxaa yiri Mursal. Waxyaabaha uu jeediyey Jamaal Mursal waxaa ka mid ah “ In dhammaan sharciyadii hore dib loogu noqdo, loona qabto khubaro aqoon leh oo Soomaali iyo Ajaanib ah, in la sameeyo hey’adda Somali Petroleum Authority(SPA), oo welina hey’addan (SPA) la waafajiyo sharciga canshuurka iyo midka Batroolka iyo Macdanta. Wuxuu soo jeediyay in la dhiso golaha maamulka Kheyraadka dalka, taasi oo wax badan oo wanaagsan ka shaqeyn doonto. “7bada Febraayo, waxaan London ku qaban-doonnaa xaflad laysanka lagu siinayo shirkadaha caalamiga ah, waxaana la bixin-doonaa 206 Baloog”, isaga oo intaasi raaciyey in inta xilligaas wixii ka horeeya ay diyaarin-doonaan wixii sharci ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimad@live.com
  22. London oo lagu arkay taallo lagu muunaynayo Sadaam Xuseen Sadaam Xuseen Dadka degan xaafad ku taal London ayaa sheegay in ay lama filaan ku noqotay in xaafadooda laga taago qoraal xusuus ah oo lagu xusayo madaxweynihii hore ee Ciraaq, Sadaam Xuseen. Qoraalkaas xuska ah oo ku xardhan bir naxaas ah ayaa laga taagay mid ka mid ah wadooyinka ugu mashquulka badan ee xaafadda Winstead ee duleedka London. Waana “qoraal lagu muujinayo kalgacal loo qabo Sadaam Xuseen” kaas oo lagu muujiyey taariikhdii uu dhashay ee 1937 iyo taariikhdii la dilay ee 2006. Qoraalkaa xuska ah ee halkaa laga taagay ee lagu muunaynayo keligii taliyihii hore ee Ciraaq waxa uu ka cadhaysiiyey dad badan oo ka mid ah kuwa xaafadaa degan. Wargeyska The Independent ayaa soo xigtay haweenay 38 jir ah oo halkaa ku nool in ay tidhi “run ahaantii aad baan u argagaxay. Hooyaday oo na soo booqatay baan la socday markaas uun baan isha ku dhuftay qoraalkaas, run ahaantii aad baan u dhibsaday, waxaanan isku dayey bal inaan hubsado in waxaan arkayaa dhab yahay iyo in kale”. Waxaanay hadalka ku dartay “waxaan is idhi malaha maaha waxaad mooday laakiin waxa aan aad uga cadhooday waa markaan hubsaday inuu yahay xaqiiq. Waxaan aaminsanahay in noloshii qof waxaas oo dhibaato ah baday dadka kalgacal loo muujiyaa in ay tahay arin fool xun. Hadii se ay maadaysi tahay xataa maaha wax lagu qosli karo”. Wargeyska The Sun ayaa isaguna af-hayeen u hadlay degmada Redbridge ka soo xigatay in uu yidhi “cidna ruqsad umaanu siinin in ay qoraalkaa taagaan, imikana waaba la fujiyey”. Sadaam Xuseen oo Ciraaq xukumayey in ka badan 30 sanadood waxa xukunka laga tuuray markii Maraykanku ku duulay dalkaas sanadkii 2003. Waxaana la dilay 2006 ka dib markii maamulka Ciraaq ku helay in uu geystay “dambiyo aadamaha laga galay”. Ilaa haatan lama oga in qoraalkaa goobta laga taagay ahaa mid loogu talo galay in dadka lagaga qosliyo iyo in ay ahayd mid uu si badheedha u taagay qof ka mid ah dadkii jeclaa madaxweynihii hore ee Ciraaq. Qaran News
  23. Somaliland: Any Postponement of Parliamentary & Local Elections Is Unacceptable The Somaliland National Elections Commission (NEC) has no justification whatsoever in postponing the upcoming parliamentary and local elections scheduled for March 2019. These elections has already been postponed and the current parliament which has sat for more a decade has no mandate to keep sitting. There is no reason to postpone these elections. The NEC has had more than one year since the last presidential elections to get ready. They have been given funds and technical resources. Unless, the members of the NEC wish to continue to earn their salary and continue to try and enrich themselves, then they have no other reason for any postponement. There is no drought to be used as an excuse. The issues in Sool can and will be resolved. So, what other reason is there for any postponement? If the NEC postpones the forthcoming elections, then they should be disbanded and a new commission elected. Somalilanders are sick and tired of delays and attempts to stifle the democratic process. One would imagine, a commission already stained with a failure to conduct a presidential contest that was free for ambiguity and accusations of malfeasance cannot afford to bring more doubts upon itself. There are countless talented Somalilanders willing and able to do the work of the a new commission. No more delays. Hold elections and may be best platform prevail. Qaran News
  24. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa qaaday tallaabo tuhun badan dhalisay kaddib markii ay sameysatay ciidamo boolis ah oo ilaaliya xeebeheeda. Kenya hore uma lahayn boolis badeed, hase ahaatee waxa ay hadda tallabadaas u qaaday sidii ay fursad ugu heli lahayd ciidamadeena badda ee Militariga ah si ay uga difaacaan weeraro iyo qatar badda ka soo wajahda mustaqbalka. Rashiid Cabdi ayaa ku qoray boggiisa Twitter-ka sidan “Kenya tallaabo muhiim ah ayey u qaaday in ay xududeheeda biyaha ilaaliso kaddib markii ay sameysatay ilaalo cusub oo badda ah. Meelaha ay diiradda saareyso waxaa ka mid ah kalluumeysiga sharci daradda ah iyo wasakhda badda lagu soo shubo. “Tani waxa ay u fasaxeysaa ciidamadda Badda ee Kenya in ay diiradda saaraan ammaanka iyo cabsi mustaqlka Militari ahaan ku soo wajahda, sidaas waxaa ii sheegay ilo wareed.” Tallaabadan Kenya qaaday ayaa imaaneysa iyada oo ay jirto muran dhinac badda ah oo dalkeena Soomaaliya kala dhaxeeya. Kiiskaan waxa uu yaal maxkmadda cadaaladda ee aduunka walina go’aan kama dambeys ah lagama gaarin. Kiiska badda ee muran dhaliyey waxaa hore u saxiixay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka tirsanaa xukumaddii uu Ra’iisul Wasaaraha ka ahaa Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed ayaa wadda qorshe cusub oo uu doonayo in dalalka Jabuuti iyo Suudaan uu kaga mid dhigo isbadalka geeska Africa ka socdo oo Ethiopia ay hormuudka u tahay. Kulamadaasi ayaa waxaa wasiirada arrimaha dibadda ee Ethiopia iyo Jabuuti ay saxaafadda u sheegeen in Jabuuti ay la dhacsan tahay sida ay hadda wax u socdaan, waxaana horey su’aal looga keenay ka maqnaanshahooda isbaheysiga gobolka. Arrinta koowaad ee keentay inay ka maqnaadaan Shirarkii ugu dambeeyay ee seddex geesoodka ahaa ayaa waxay tahay in Jabuuti iyo Suudaan aysan isku wanaagsaneyn dalalka Imaaraatka iyo Sacuudiga oo la aamisan yahay inay door ku leeyihiin isbadalka Geeska. Siyaasadda uu doonayo Abiy Axmed ayaa ah in labada dal ee Sudan iyo Jabuuti lagu soo daro isbadalka geeska Africa ka socdo ee Ethiopia garwadeenka ka tahay, waxaana labada dowladood ay isku dhaceen dalka Imaaraatka Bishii June ee sanadkaan. Jabuuti oo ku taalla goob istiraatiiji ah ayaa su’aalo badan laga keenay sababtii ay uga maqneyd kulankii Baxar Daar ku dhex maray Hoggaamiyayaasha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea, sidoo kale qubarrada siyaasadda geeska la socda ayaa su’aal geliyay sababta aysan shirkan iyo isbahaysiga cusub ugu jirin Suudan. Haddii Abiy Axmed uu ku guuleysto in labada masuul ay kamid noqdaan shirka ka dhacaya magaalada Muqdisho waxay noqon doontaa guul ay gaareen dalalka Bariga Africa, waxaana ay fariin u noqon doontaa wadamada Reer Galbeedka, Carabta iyo Shiinaha oo dano isdiidan ka leh dalalkaan isbaheysiga sameysanaya. Waxaa soo dhawaan doonto in xal laga gaaro khilaafka Jabuuti iyo Imaaraatka oo isku qabtay maalgashiga dekada Dooraale ee dalka Jabuuti. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com