-
Content Count
208,899 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Cali Suldaan Maxamed Sheekh Ismaaciil oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 09/12/2018, Magaalada Gabiley. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey rukun ka baxay madaxdhaqameedka dalka, isagoo ka soo shaqeeyey arrimaha nabadgalyada, dib u dhiska dalka iyo wada jirka bulshada Somaliland, kana soo jeeday saldanad soo jireen ah oo facweyn. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL Md. Cismaan Jaamac Aadan ayaa soo saaray wareegto uu ku joojinayo bixinta ruqsadaha dugsiyada gaarka ah, isla markaana uu xakamaynayo furitaanka laamo cusub oo ay yeeshaan dugsiyada gaarka ah ee hore u haystay ruqsadda. Wareegtadan iyada oo dhammaystiranina waxa ay u dhignayd sidan: “Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku waxa ay qaranka masuul uga tahay hirgalinta adeeg Waxbarasho oo tayo leh si waafaqsan siyaasadaha Waxbarashada Qaranka, Xeerka Waxbarashada Qaranka (Xeer Lr. 77/2018), Xeer-nidaamiyaha Waxbarashada Gaarka ah ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Haddaba, iyada oo Wasaaraddu ka duulayso duruufaha waxbarasho ee dalka gaar ahaan tayada waxbarashada iyo hubinta halbeegyada goobaha waxbarashada ee dalka, waxa laga bilaabo taariikhda ay warqaddani soo baxday (2/12/2018) aan go’aamiyay, ilaa amar danbe, in la joojiyo in ruqsad cusub la siiyo dugsiyada gaarka ah(Private Schools). Waxa kale oo la joojiyay in dugsiyada gaarka ah ee Ruqsadda haystaa ay furtaan laamo cusub (New branches). Waxa la farayaa dhammaan Guddoomiyayaasha Waxbarashadu in ay fuliyaan amarkan, cid kasta oo ku xadgudubtana ay Agaasimaha Guud u soo gudbiyaan, si tallaabo sharciga waafaqsan looga qaado. Masuuliyiinta Laamaha kale ee Dawladda waxa aannu ka rejaynaynaa in ay nala hirgaliyaan go’aankan, si loo hubiyo tayada Waxbarashada ubadkeenna.” Source
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga Danjiranimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee waddaka Norwey u fadhin doonta Somalia, Elin Bargithe Rognlie. Danjire Elin Bargithe Rognlie oo si kooban u hadlay ayaa sheegtay inay laba-jibaari doonaan adkeynta xiriirka u dhaxeeya Somalia iyo Norway uu ku tilmaamay inuu yahay mid meel wanaagsan maraya. Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, Axmed Ciise Cawad oo isna ka hadlay munaasabada ayaa yiri. “Madaxweynaha Somalia wuxuu maanta xafiiskiisa waraaqaha aqoonsiga danjiranimo uga guddoomay safiirka cusub ee Norwey, Elin Bargithe Rognlie. Madaxweynaha iyo safiiraddu waxay ka wada-hadleen sidii xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya iyo Norwey loo xoojin lahaa,” ayuu Wasiir Cawad. Dhanka kale, Wasiir Cawad ayaa sheegay in dalka Norwey uu yahay dalalka ugu taageerada badan saaxiib dhowna la ah Somalia, Waxayna Dowladda Norway madaxweynaha iyo shacabka Somalia ku ammaaneen horumarka dhan kasta ah ee uu dalka gaaray. Ma ahana markii ugu horreysay oo Madaxweyne Farmaajo uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomo danjirayaal ka socda dalalka Galbdeedka oo ay Somalia gacan weyn ka siiya dhanka dhaqaalaha iyo millateriga. Ugu dambeyn, Xafladdan Danijraha Norway looga guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo ayaa waxay imaanaysaa iyadoo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia ay mooshin ka gudbiyeen Madaxweyne Farmaajo. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Danjire Cusub appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – 92 xildhibaan oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta mooshin xil ka qaadis ka gudbiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Hindisaha Xilka-qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu gudbiyey si waafaqsan qodobka 92aad, faqradiisa 1aad iyo 2aad ee dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya. Hindisaha xilka-qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa madaxweynaha ku eedeeyey “inuu ku kacay qiyaano-qaran, kuna xadgudbay dastuurka qaranka iyo sharciyada kale ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya. Hindisaha ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka waxa uu ku xadgudbay qodobkaan isagoo heshiisyo iyo is-afgarad qarsoodi ah lasoo galay dowlado shisheeye oo sheegay in ay la saxiixdeen Soomaaliya heshiisyo lagula wareejinayo dekadaha Soomaaliya” Xildhibaanada ayaa sidoo kale madaxweynaha ku eedeeyey inuu galay hgeshiis lagu midaynayo wadamada Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretereeya, si mustaqbalka ay u yeeshaan hal Madaxweyne sida Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu sheegay. Hoos ka aqriso hindisaha oo dhamaystiran.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta mooshin xil ka qaadis ka gudbiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Ilaa hadda lama sheegin tirada rasmiga ah ee xildhibaanada gudbiyey mooshinka iyo sababta ay u cuskanayaan xil ka qaadista ay doonayaan inay ku sameeyaan madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa waxaa mooshin ka keeni kara 92 Xildhibaan oo ah saddex meel hal meel tirada guud ee xubnaha baarlamanka. Si kastaba, mooshinka ayaa waxaa aqbalay guddoonla baarlamanka, sida ku cad warqad uu saxiixay xogahayaha hoogtada ee baarlamanka Cabdikariim Buux, oo la saaray shaabadda Xafiiska Guddoomiyaha Golaha shacabka ee galka Xafiiska Arrintan ayaa ka dhigeysa in sharci ahaan Mooshinka inuu maray habraaciisa. Dhinaca kale, xog ana helnay ayaa sheegeysa in hadda shir arrintan ku saabsan uu u socdo madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.
-
Mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa goordhow qabtay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal. Mooshinkan ayaa la sheegay inuu yahay hindisaha xilka qaadista madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Weli ma hadda qodobada lagu heysto, laakin wixii war ah oo ku soo kordha kala soco, Goobjoog News Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Warar lagu kalsoonaan karo oo aan heleeyno ayaa waxa ay sheegayaan in xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay mooshin ka gudbiyeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Warka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in xildhibaanada Baarlamaanka ay mooshinkooda ay u gudbiyeen gudoomiyaha Baarlamaanka Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Xog-ta aan heleeyno ayaa waxa ay sheegayaan in gudoomiyaha Baarlamaanka uu aqbalay mooshinkaasi ay u soo gudbiyeen xildhibaanada Baarlamaanka. 94 Xildhibaan ayaa la sheegay in ay soo gudbiyeen mooshinkaasi ka dhanka ah madaxweyne Farmaajo. Goordhow oo caawa ah ayaa lagu wadaa in ay warbaahinta la hadlaan xildhibaanadaasi mooshinka ka gudbiyay madaxweyne Farmaajo. Arintaasi ayaa waxaa ay sii hurineeysaa qilaafkii ka dhex jiray madaxda sare ee dowlada Soomaaliya. Faah faahinta dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaano Gudoonka Baarlamaanka u gudbiyay Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Mid ka mid ah askartii dowladda Federalka Somaliya ay u dirtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu dilay Magaaladaasi. Dilka askarigaan Booliska ka tirsan ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii muran uu soo kala dhex galay askari kale oo ka mid ahaa kuwii Muqdisho laga keenay. Dilka oo dhacay duhurnimadan maanta ayaa Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Somaliya waxa ay sheegeen in muran dhexmaray labada askari dilka uu ka dambeeyay. Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in la qabtay askarigii falka falka dilka ah gaystay, kaasi oo lagu xiray Magaalada Baydhabo. Ciidamada Booliska ee dowladda ay u dirtay Magaalada Baydhabo ayaa ku sugan Madaxtooyadda Maamulka Koonfur Galbeed. Shacabka Magaalada Baydhabo ayaa hadal haayo dilka askarigaan uu u gaystay askariga kale ee ka tirsan Booliska, ayna ka wada yimaadeen Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Soomaaliya, ayaa ka hadlay musuq maasuqa ka jira dalkan iyo dadaalada uu xafiiskiisa ee ka dhanka ah ciribtirkiisa. Dr Axmed Cali Daahir, ayaa sheegay in musuq maasuqa dalkan hareeyay aaney eheyn oo kaliya lacagaha la dhoco, balse ay qeyb ka tahay in la sameeyo eex iyo sidoo kale hantida Soomaaliyeed oo la lunsado. Dagaalka ka dhanka ah musuqa, ayuu sheegay ineysan ku koobneyn Muqdisho oo kaliya balse Muqdisho ay tahay meesha haatan ka bilaabatay oo kaliya dagaalka guud ee ka dhanka ah wax is daba marinta. Axmed Cali Daahir, ayaa sheegay inaan si sahlan loo cirbtiri karin musuqa, isagoo sabab uga dhigay in madaxda dowladda iyo xubnaha hay’adaha fulinta iyo sharci dejinta ay caqabad kala kulmayaan shaqooyinkooda. Afar kiis oo musuq maasuq ah, ayuu sheegay iney wajaheen maalmahan, balse ay uga dhigneyd iney dhinbil dab ah gacanta ku dhigeen oo kale, maadaama ay dhalleeceyn kala kulmayeen dhinacyada ay ehelka yihiin dadla eedaha musuqa loo soo qabto. “Waa madaxda qaranka, waa xildhibaanada, waa shacabka dadka aan kala dagaalami la’nahay musuqa, sababtoo ah waxey difaacayaan dadka eedaha musuqa loo soo qabto” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha. Axmed Cali Daahir, waxa uu hadalkan ka sheegay munaasabad maanta lagu xusayay maalinta la dagaalanka musuqa oo lagu qabtay xerada Xalane ee aadka loo ilaaliyo. Dadkii ka qeyb galay xuska maalinta ee hadallada ka jeediyay waxaa ka mid ahaa; wasiirka cadaalada Soomaaliya, hanti-dhowraha guud ee qaranka iyo safiirada waddamada UK iyo Mareykanka ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Soo dhoweyntii Asad loogu sameeyay barxadd Garoowe Musharaxa madaxweynaha Puntland Mudane Asad Cismaan Cabdullaahi oo socdaalka uu ugu magac daray Difaac iyo dowladnimo ku maraya goboladda Puntland ayaa maanta si ballaaran loogu soo dhaweeyay isaga iyo wafti uu hoggaaminayay Caasimadda Puntland ee Garoowe. Kumaanaan kun oo Dadweynaha Garoowe ayaa isugu soo baxay banaanka magaaladda iyagoo sitay sawirada musharaxa, waxayna ku dhawaaqayeen heeso iyo halkudhigyo ay ku taageerayaan musharaxa madaxweyne Asad Cismaan Cabdullaahi Musharax Asad oo Khudbad kooban ka jeediyay Barxada caasimada Garowe Waxaa uu uga mahadceliyay shacabka Caasimada Garoowe sida ballaaran ee ay ugu soo dhaweeyeen banaanka iyo gudaha magaalada “ Reer Garoowe waa la idiinku yaqaanay soo dhaweynta qiimaha leh iyo dowlad jacaylka, aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin, aad baan u faraxsanahay idiinma abaal gudi karo laakiin ilaahay baa idiin abaal gudi” ayuu yiri Musharax Asad Cismaan Xilligii kululaa ee musharuxu ku soo beegmay magaalada Garoowe ma noqon mid shacabka ka hakisa qabashada isu soo bixidii ugu waynaa ee abid soo mara barxadda magaalada Garoowe oo dadwaynahu soo buux dhaafiyeen taasoo sababtay in ka soo qaybgalayaashii maqli kari waayeen khudbaddii uu musharraxa madaxwayne goobtaas ka jeedinayay. Waxaase la yaab lahayd in dadwaynaha qaar ka mid ah u sii raaceen hoygiisa ilaa markii dambe uu kula hadlay hoyga uu ka degi laha magaalada, halkaas oo uu ugu mahad celiyay shacabka magaalada Garoowe taageerada ballaadhan ee ay u muujiyeen. Musharax Asad oo subaxnimadii hore ee saaka ka soo ruqaansaday magaalada Qardho wuxuu soo maray tuulooyinka qaar oo uu salaan iyo gacan qaad la dhex maray taageerayaasha ku teedsanaa wadada dheer ee laamiga ah ka hor inta uu san gaarin degmada Dangoroyo, halkaasi oo khudbad gaaban uu u jeediyay dad waynihii sida wayn ugu soo baxay soo dhowayntiisa. Musharax Asad Cismaan Cabdullaahi oo 1-dii bishan December 2018 kaga dhawaaqay Magaalada Bosaso inuu u tartamayo xilka madaxweynaha Puntland ayaa socdaal ku soo maray degmooyinka Baran, Ufayn, Carmo,Waaciye, Dhahar, Qardho iyo magaalooyin kale oo ku teedsan wadada laamiga PUNTLAND POST The post Musharax Asad Cismaan Oo Garoowe Lagu Soo Dhaweeyay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka baaqday kulan muhiim ah oo ku saabsanaa la dagaalanka musuq-maasuqa oo maanta ka dhacay Muqdisho. Maanta waxay ku aaddanayd 9 ka December oo ah maalinta caalamiga ah ee la dagaallanka musuqmaasuqa, waxaana Xarunta Xalane lagu qabtay shir weyn oo loogu tala galay in madaxda dowladda federaalka ah iyo safiirada beesha caalamka ay ka soo wada qaybgalaan. Xubnaha shirka lagu casuumay ayaa waxaa ka mid ahaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo la filayey inuu hoggaaminayo wafdiga dowladda Soomaaliya ee kulanka maanta, halka beesha caalamkana ay ka imanayeen safiirada Maraykanka, Britain iyo Midowga Yurub, Midowga Afrkia iyo Qaranada midoobay. Si kastaba, Khayre ayaa ka baaqday kulankaas xilli guddiga maaliyadda baarlamanka Soomaaliya ay xukuumadda ku eedeeyeen inay sameysay musuq maasuq lagu lunsaday lacag dhan 42 milyan oo dollar. Si kastaba xubno ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha oo Caasimada Online la hadlay ayaa sheegay in baaqashada kulanka aysan wax xiriir ah la lahayn warbixinta guddiga maaliyadda. Waxay ay sheegeen in Kheyre u baaqday inuu ka qeyb galo kulanka uu maanta madaxweynaha Soomaaliya ku saxiixayo sharciga la-dagaalanka musuq maasuqa. Hoos ka arag caddeymo ku saabsan in Kheyre uu ka baaqday kulanka.
-
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax khasaare geystay, kaasi oo ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel ku dhow deegaanka Garasbaaley. Gaari ay la socdeen ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qarax miino waxaa lagula eegtay halkaasi, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintey Saddex qof oo ay ka mid yihiin askar ka tirsan DFS, iyadoo Labo kale ay ku dhaawacmeen. Ciidamada dowladda ayaa gaaray halka qaraxan uu ka dhacay, iyaga oo sameeyey howlgallo aan weli wax faah faahin ah laga bixin. Goobjoog News Source: goobjoog.com