-
Content Count
206,978 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Washington (PP) ─ Gabadha uu dhalay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ee lagu magacaabo Ivanka Trump ayaa taageertay Ilhan Omar oo ka soo jeedda Somalia, dhawaannaha ku biirtay Congaress-ka Mareykanka. Tallaabadan ayaa salka ku haysa isbedel ay doonayso in lagu sameeyo sharci muddo dheer u yallay Aqalka Wakiillada Mareykanka oo ah inaan madaxa lagu daboolan karin gudaha aqalkaas. Ilhan Omar oo dhawaan noqotay Gabadhii u horeysay ee Muslim ah oo ka xijaaban madaxa oo loo doortay xubinnimada Koongareeska Mareyaknka ayaa wadda olole uu wado xisbigeeda Dimuqraaddiga oo ay ku doonayaan in wax looga beddelo xeerkan oo lagu soo dhaqmayay 181 sanadood. Sidoo kale, Arrintaan ayay siyaasiyiinta xisbigaas ku damacsan yihiin in golaha wakiillada loogu fasaxo Qodobbada la xiriira diimaha ee daboolidda madaxa, sida xijaabka muslimiinta, koofida Yuhuudda iyo duubabka kale. Dhanka kale, Sannadka soo socda ayaa la filayaa in la ansixiyo qodobbadaas marka ay Dimuqraaddigu si rasmi ah ula wareegaan Aqlbiyadda Congress-ka Mareykanka, inkastoo aan la ogeyn tallaabada uu qaadi doono Trump marka la ansixiyo qodobbadan. “Ma jirto cid igu qasbaysa inaan madaxeyga xijaab ku daboolo, balse aniga ayaa doortay. Waa dookheyga, waana arrinta u horreysa ee isbedelka lagu sameynayo. Arrintan ma aha wixii ugu dambeeyay ee aan doonayo inaan xayiraadda ka qaado,” ayay tiri Ilhan Omar. Ivanka Trump ayaa taageertay arrinta isbedelka ay dooneyso Ilhan Omar in lagu sameeyo Congress-ka, waxayna qoraal ay soo dhigtay Twitter-keeda ku tiri “Isbadel sharci oo muhiim ah ayaa lagu sameyn doonaa aqalka Koongareska.” Ugu dambeyn, Madaxweynaha Mareykanka ee dhalay Ivanka ayaa waxaa lagu yaqaanaa hadallo muslim nacayb ah, iyadoo aan la ogeyn sida ay iskula jaan-qaadi karaan go’aannadiisa iyo taageerada gabadhiisa ay siinayso Ilhan Omar. PUNTLAND POST The post Gabadh uu dhalay Madaxweyne D. Trump oo Tageertay Ololaha ay Waddo Ilhaan Cumar appeared first on Puntland Post.
-
script async src=”//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js”> Qaab noocee ah ayaa loo sameeyey Gudigii Khilaafaadka Doorashadii tan ka horaysay ee 2014. Madaxweynihii hore ee Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa wuxuu 3 Decembar 2013 uu magacaabey Gudiga khilaafaadka Doorashadii 2014 kaasoo koobnaa 8 xubnood, Waxaa Gudigaas durba ka horyimid Musharixiintii u tartami lahaa Madaxweynanimada, Xubnahaas waxaa kamid ahaa oo hogaaminayay Madaxweynaha Xilka hada haya oo markaas Musharax ahaa Iyo Cali Xaaji Warsame oo isna Musharax ahaa isla markaasna ahaa Afhayeenka Musharixiinta. Muran xoogan ayaa wuxuu xiligaas ka dhashay Gudigii uu Madaxweyne Faroole uu Magacaabay, Madaxweyne Faroole wuxuu ku adkeysanayay inuu isagu sharci u leeyahay inuu Magacaabo Gudiga Khilaafaadka Doorashada halka ay Musharixiintii oo uu hogaaminayay Prof. Cabdiwali Maxamed Caligaas ay iyana ku adkeysteen in iyaga laga talo galiyo magacaabista Gudigaan , Khilaafku wuxuu gaaray in Isimada Puntland iyo Ergaygii gaarka ahaa ee QM u qaabilsanaa Soomaaliya ay Garowe yimaadaan si ay uga qaybqaataan xalinta khilaafka Madaxweynaha iyo Musharixiintii. Aakhirkii is jiijiid,Muran Siyaasadeed iyo Shirar wada tashi kadib waxay Musharixiintii soo jeediyeen in ay aqbalaan gudiga iyagoo hal sharuud ku xiray Madaxweyne Faroole Sharuudaasoo ahayd in Gudiga Khilaafku ay hoos yimadaan Marjacna ay u noqdaan Isimada Soo jireenka ah ee Puntland, Sidaas ayay ku howl galeen Gudigii uu Magacaabay Madaxweyne Faroole. Gudigaas waxay ku guuleysteen in si muran la’aan ah ay ku xaliyaan ddacwadaha la xiriira Beelaha Xildhibaanada isku haystay. Madaxweyne Gaas oo xiligaas kamid ahaa Musharixiintii 2014, Ma wuxuu mari doonaa wadadii Faroole oo wuxuu iskii usoo magacaabayaa Gudi Khilaafaad mise wuxuu kala tashanayaa Musharixiinta Puntlandi.com Source
-
Iyadoo wali wakhti ka harsan yahay xiliga kama dambeysta ah lagu diyaarinayo 66 Xildhabaana cusub ee Puntland ayaa waxaa hada si dardar ah uga socda Gobolada soo xulista Xildhibaanada. Beelaha qaarkood waxay durba soo diyaariyeen Shaqsiyaadka ay usoo dirsanayaan Garowe, Beelaha qaar ayA iyana waxay ku mashquulsan yihii beesha xiligaan kursiga qaadaneysa halka qaarna uu muran ka jiro. Mana ahan markii u horaysay oo muran noocaan ah uu ka dhaco soo xulida kuraasta xildhibaanada, Doorashadii hore ee 2014 muran noocaan ah ayaa jiray kasoo gaaray in kuraasta qaar ay kala saaraan Gudigii Xalinta Khilaafaadka ee Madaxweynihii xiligaas Mudane Sanatar Cabdiraxmaan Faroole uu xiligaas Magacaabay. Inta u dhaxaysa 25 ilaa 30 December waxaa lagu wadaa sidii caadada ahayd in 66-da kursi ay diyaar yihiin, Sanadka cusubna intaan la gaarin 4 janasyo waxaa dhacaysa Doorashada Gudoomiye iyo ku xigeenadiisa, Kadibna waxaa laguda galayaa Doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa. Gufiggii Doorashada ayaa la filayaa in uu Madaxweynuhu ku dhawaaqo ugu dambeyn bilowga Diseembar. Puntlandi.com Garowe Source
-
Xarardheere (Caasimada Online) – Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM, ayaa sheegay in 37 ka mid ah dagaalyahannada Al-Shabaab lagu dilay duqeymo ka dhacay gobolka Mudug. Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeymahan ay dhaceen 19-kii bishan oo ahayd maalintii isniinta. Mid ka mid ah duqeymaha ayaa waxaa lagu dilay 27 ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana sida AFRICOM uu sheegay uu ahaa weerar qorsheysan oo sidii la rabay u dhacay. Weerarka labaad ayaa isna lagu dilay 10 ka mid ah Shabaab. Labada weerarba waxay ka dhaceen deegaanno u dhow magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug. Ciidamada Mareykanka waxay sheegeen in weeraradan la fuliyey ayada oo gacan la siinayo dowladda federaalka Soomaaliya, oo wadda dagaal lagu wiiqayo Al-Shabaab. “Duqeymaha waxay yareeyaan awoodda Al-Shabaab ay u lahaan karto mustaqbalka inay qorsheyso weeraro, islamarkaana la burburiyo hoggaanka shabakadan iyo xoriyadda dhaqdhaqaaqooda” ayaa lagu yiri qoraalka Mareykanka. AFRICOM ayaa sheegtay inay ka go’an tahay in Al-Shabaab laga hor-istaago inay hesho gabaad ay ku dhisto cudud islamarkaana ku qorsheyso weeraro. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Gaashandhiga Somalia, Xasan Cali Maxamed ayaa maanta sheegay in Wasaaradda Gaashaandhiga ay xooga saareyso sidii ay uga hor-tegi lahayd in carruurta la askareeyo. Wasiirka ayaa sheegay in askareynta carruurta ay tahay dambi heer caalami ah, wasaaradiisana aysan aqbali doonin oo ay sharciga la tiigsan doonaan ciddii lagu helo inay askareyso carruur. “Maanta waa maalin muhiim ah, maadama ay tahay maalinta xuska caruurta adduunka waxaan rabaa inaan kaga faa’iideysto inaan sii xoojiyo sharciga Dowladda Somalia iyo sharcig caalamiga ah ee QM uga yaalla in carruur aan la askareyn karin, innaguna waxaan ku baaqaynaa inaan carruurta aan qaan-gaarin loo adkeegsan karin askar ahaan,” ayuu yiri wasiirka Xasan oo la hadlay warbaahinta. Dhanka kale, Dowladda Somalia ayaa lagu eedeeyaa in wax sidaa u sii weyn aysan ka qaban askareynta carruurta, laakiinse hadda waxay u muuqataa in ay xooga saarayaan sidii ay wax kaga qaban lahaayeen arrintan. Kooxda Al-shabaab oo dagaal kula jirta Dowladda Somalia ayaa iyaduna dhankeeda lagu eedeeyaa inay askar ka dhigayo carruur aan qaan-gaarin, iyadoo kooxda aysan weli ka hadlin eedeyaha ku aaddan inay carruur aad u da’ yar ay ka dhigtaan askar ay ku dagaalamaan. Ugu dambeyn, Hadalka wasiirka ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo gaadiidka ay isticmaalaan Ciidanka Dowladda Federaalka, gaar ahaan Millateriga lagu arko mararka qaarkood carruur yar-yar oo ku labisan dharka ciidamada, isla mar ahaantaana haysta qoryaha daran-doorriga u dhaca. PUNTLAND POST The post Wasiir ka tirsan Xukuumadda Federaalka oo ka digay in Carruurta laga dhigto Askar appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha xisbiga midowga nabadda iyo horumarka(UPD) Xasan Sheekh Maxamuud oo isniintii gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland ayaa maanta kulan la qaatay wasiirrada iyo xildhibaannada dowlad goboleedka Jubbaland. Qodobada ay ka hadleen waxaa ka mid ahaa xaaladda dalka, daadejinta maamulka ilaa heer degmo, howlaha dowlad goboleedka Jubbaland, wasiirrada dhankooda ayaa sheegay in sharciga deegaanka uu diyaar yahay, isla markaana, marka la ansixiyo la bilaabi-doono in la hirgeliyo iyada oo laga bilaabi-doono Gedo. Xasan Sheekh waxuu booqasho ku tagay dekedda magaalada Kismaayo oo ay ka socotay shaqo aad u badan, isaga oo sidoo kale soo kormeernay dhismooyin cusub oo loo diyaarinayo qaar ka mid ah wasaaradaha dowlad goboleedla Jubbaland. Guddoomiyaha UPD waxaa uu galabta la fadhiyaa odoyaasha dhaqanka ee Jubbland isaga oo caawa si toos ay dadweynaha reer Jubbaland su’aalo u weydiin-doonaan, lana yeelan-doono kulan xog isweydaarsi ah. Mudane Xasan Sheekh waxaa socdaalkiisa ku wehliya Xildhibaanno golaha shacabka ah sida Axmed Macalin Fiqi iyo Xasan Yare iyo Senatorro ay ka mid yihiin: Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag iyo Senator Iftin Xasan Baasto. Ujeedka safarka ayaa lagu sheegay sidii uu guddoomiyaha isbaheysiga UPD ula kulmi lahaa mas’uuliyiinta iyo bulshada ku dhaqan Jubbaland, waxaana laga yaabaa inay qaadato wax ka badan 4 maalin. Xisbiga UDP, waxaa lagu dhawaaqay October 4, 2018, Xisbiga midowga nabadda iyo horumarka, waa xisbi qaran oo ay ku bahoobeen in ka badan 80 xildhibaan oo ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xulalka kubbadda cagta 23-jirada Soomaaliya iyo Ethopia ayaa Kulankii labaad ee is reeb reebka ciyaaraha olomikada kuwada dheelay garoonka AL-Haji Guulleed ee magaalada Jabuuti Taageeryaasha xulkeena kuma faraxsaneen ka hor kulanka maadaam ciyaartii kowaad ay wiilasheena guul daro 4-0 kala soo kulmey dhigooda Ethopia ciyaar ka dhacday caasimadooda Addis Abba Kulanka oo ku bilaawday dar daro xoogan ayna soo daawasho tageyn taageerayaal badan oo dhiiri gelinayay xirfadlayaasha qarankeena ayaa gool ku laad toos ama (Free Kick) waxaa u dhaliyay Feysal Xasan Axmed oo ka mid kooxdii kubbadda cagta qurbajoogta ee magaalada Muqdisho soo gaartay 17-October kuna sugneyd ilaa 30-October “Waxa ay inoo tahay sharaf iyo guul in xidiga aan anaga keenay dalka uu maanta qaranka gool u dhaliyo safaradeena kale ee sanadaha soo aadan waxaan rajaynaynaa guul iyo horomar” waxaa sidaas Goobjoog Sports uga waramay Nuur Xaaji Cabdi Wali oo ahaa macalinkii kooxda qurbajoogta Markii laysku soo laabtay qeybta labaad kulanka labada dal waxa ay soo bandhigey ciyaar ku dheehan xirfad,balse natiijada ayaa noqotay 1-0 oo ay guusha ku qaateyn xidigaha dalkeena Soomaaliya “Ma aanan filanaynin in gaarayo heerkan waxaa ku mahadsan cid walbo oo kaalin ka qaadatay in aan qaranka dalkayga gool u dhaliyo anigoo aan ugu imaaday in aan matalo wadanka Norway ma iloobidoono kolkii aan xertay maaliyada xulkayga waana ka sheekeendoonaan waligayga”waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay Feysal Xasan Axmed oo ahaa dhaliyihii guul ay ku badiyeen xidigaha 23-jirada kana mid ahaa kooxda qurbaha Dhawaan filo warbixino dheeri ah iyo sawiradda ciyaarta Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmadda Heliwaa ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in xalay halkaas lagu dilay nin iyo xaaskiisa. Falkaan ayaa ka dhacay xaafadda Cali Turcaaye ee dhanka wadada jayga aada. Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dadka xaafadda degan, rag hubeysnaa ayaa guri ay dagnaayeen ninka iyo xaaskiisa kala baxay saqdii dhexe ee xalay, waxayna kusoo celiyaan iyagoo meyd ah oo si arxandarro ah loo dilay. Saakay markii ay dadka hurdada kasoo tooseen ayay arkeyn meydka ninka iyo xaaskiisa oo guriga kor loogu xiray. Dhacdadan ayaa maanta si aad ah looga hadal hayaa degmada Heliwaa. “Wuxuu ahaa shirqool abaabulan oo loo soo diyaariyey lamaanaha, balse ma naqaan waxa ay tahay” ayuu yiri qof ka mid ah dadka xaafadda oo codsaday inaan la magacaabin. Ninka iyo naagta la dilay ayaa ifka kaga tagay caruur, sida naloo xaqiijiyay. Ninka la dilay ayaa ka shaqeynayey kala wareejinta dhulalka (Dalaal), balse ma cadda haddii dilkan uu la xiriiro arrimo dhl iyo in kale. Degmooyinka Heliwaa iyo Yaaqshid ee gobolka Banaadir, ayaa waxaa mudooyinkii dambe kusoo batay dilalka argagaxa leh ee loo geysto dadka shacabka xiliyada habeenkii. Labada degmo ayaa ka mid ah meelaha ay ku xoogan yihiin Shabaab, balse lama oga in falkana ay ka dambeysay Al-Shabaab iyo in kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Gedo)Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Fafax-dhuun. Sida lagu qoray baraha Internet-ka ee Al-Shabaab wararka ku faafiso madaafiic ayaa lagu garaacay saldhigga Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM. Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarka madaafiicda kaddib uu xigay dagaal xooggan oo labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan. Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo ayaa sheegay in la iska difaacay weerarka Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka Fafax-dhuun, isla markaana tiro dagaalamayaal ka dileen. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka uu ahaa mid socday saacado, isla markaana labada dhinac isku adeegsadeen madaafiic. Deegaanka Fafax Dhuun ayaa hoostagta degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, waxaa gacanta ku haya ciidanka dowladda iyo kuwa Kenya oo saldhig milateri ku leh. Source
-
Itoobiya oo Wakiilkii u Fadhiyey Hargeisa la baxday+Sababta
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Itoobiya oo Wakiilkii u Fadhiyey Hargeisa la baxday+Sababta Qaar ka mid ah Warbaahinta Geeska Afrika ayaa Saacaddihii lasoo dhaafay qoraayay in Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya Qunsulkii u joogay Somaliland dib ugu yeertay. Warbaahinta dalka Itoobiya ayaa sidoo kale sheegtay in sababta loogu yeeray Qunsulka in ay tahay Isbadelka ka socda Geeska Afrika,islamarkaana Itoobiya ay guud ahaan joojisay xiriirkii kala dhaxeeyay Somaliland,taas badalkeena Arrimaha Somaliland ay kala tacaamuli doonto Soomaaliya. Qunsulka oo lagu Magacaabo Bereha Tesfay ayaa shalay gelinkii dambey gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ka dib markii uu diyaarad ka raacay Magaalada Hargeysa. Ismaaciil Suldaan C/raxmaan oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliland ayaa Warbaahinta u sheegay in Bereha Tesfay, uu saraakiisha Somaliland shalay ku wargeliyay in ay u yeertay dowladdiisa isaga oo aan sheegin wax intaas dhaafsiisan. Sababta ugu weyn ayaa lagu sheegay in tahay in dowladda Itoobiya ay kala noqotay Somaliland xiriirkii dublomaasiyadeed ka dib markii Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ,Eritrea iyo Itoobiya ay isku raaceen ilaalinta Midnimadda iyo Madaxbaanida Saddexda dal. Somaliland ayaa 20 kii sano ee lasoo dhaafay xiriir wanaagsan kala dhaxeeyay dowladda Ityoobiya, waxaana soo maray dhowr Qunsul oo Somaliland si gaar ah ula tacaamuli jiray. Xiriirka Jabuuti iyo maamulka Somaliland ayaan isaguna fiicneyn kaddib markii ay Somaliland heshiis la gashay Sharikadda DPWorld ee lagu wareejiyay Berbera taas oo ay Jabuuti u aragtay tartan dhinaca dekadaha ah,waxaana ay ruqsaddii kala noqotay DPWorl oo maamuleysay Dekadda Dooraale ee Jabuuti. Somaliland ayaa dhawaan xafiis ka shaqeeya horumarinta Xiriirka Ganacsiga ka furatay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya,wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa isna dhawaan sheegay in Dowlado badan ay weydiisteen dowladda dhexe in ay qunsuliyado ka furtaan Magaalada Hargeysa kana oggolaadeen. Isbadellada ka socda Geeska Afrika ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa u muuqda in uu meesha ka saaray Qulqulkii siyaasadeed ee dowladda Itoobiya ay ku heysay Soomaaliya. Qaran News -
Isniintii shalay aheyd, dalka Talyaaniga waxaa booqasho rasmi ah ay uga wada bilaabatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Amiirka Qatar Tamiim Bin Xamad. Booqashadan oo ah markii ugu horeysay oo mid weliba uu Talyaaniga tago ayaa wararka qaar waxaa ay sheegayaan in qorsha iyo barnaamijka labada mas’uul uu ku jiro inay is arkaan. Villa Somalia ayaa isniintii sheegtay in madaxweyne Farmaajo uu Talyaaniga ku tagayo booqasho 3 maalin ah halka isla isniintii ay Amiir Tamiim Roma uga bilaabatay booqasho 2 maalin ah. Amiir Tamiim oo ka yimid Croatia ayaa ilo halkaasi ku sugan waxaa ay sheegayaan in lagu wado inay is arkaan madaxweyne Farmaajo, taasi oo ah is-arag dadban, oo ka duwan midkii indhaha Soomaalida, gobolka iyo Caalamka arki jireen ee ka dhici jiray caasimadda Doxa. Madaxweyne Farmaajo waxaa uu Qatar u booqday 2 jeer, May 2017 iyo May 2018, isaga oo xiriir fiican la leh Doxa, go’aan dhex-dhexaadnimo ahna ka qaatay xiisaddii Khaliijka. Wixii wararkan, ka soo baxa, Kala soco, Goobjoog News Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo ka bad baaday qarax gaarigiisa loogu xiray ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka uu qaraxaasi u dhacay. Xildhibaan Jeesoow ayaa sheegay in qaraxa uu dhacay xili uu ka dagay gaariga xili uu galay mid kamid ah Hoteelada Muqdisho. Xildhibaanka ayaa sheegay in qaraxaasi in uu dhaawac culus ka soo gaaray darawalkiisa oo doonayay in uu gudaha u galay gaariga xiliga qaraxa uu dhacayay. Waxa uu sheegay in ha’adaha amaanku ay hadda wadaan baaritaano ku aadan qaabka uu qaraxaasi u dhacay. Hoos ka dhageeyso Codka https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/11/Cod-Xildhibaan-Jeesoow-PP-.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo faah faahiyay qarax uu ka bad baaday appeared first on Puntland Post.
-
Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Diyaarado dagaal ayaa lagu soo warramayaa in markale maanta ay duqeyn ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Mudug. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in lagu garaacay Tuulooyin hoos yimaada deegaanka Caad ee gobolkaasi. Waxaana la sheegay goobaha la duqeeyay in ay ku sugan yihiin Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab. Ma cadda khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi, lamana oga halka laga leeyahay diyaaradaha fuliyay. Shalay gelinkii dambe ayey aheyd markii duqeyn culus ay ka dhacday inta u dhexeysa deegaanada Camaara iyo Ceel-Huur ee gobolka Mudug. The post Duqeyn xoogan Oo markale ka dhacday gobolka Mudug appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacbaka ayaa ka hadlay qarax uu ka badbaaday oo Maanta loogu xiray Gaarigiisa. Xildhibaanka ayaa qoraal uu soo dhigay Barta Bulshada ee Facebook ayaa waxa uu ku sheegay in qaraxaasi uu ahaa mid ay ka dambeeyaan dad cadaw ah,isla markaana uu ahaa mid loo fududeeyay. “Waxaan nafteyda u huray qaranka, qarax iyo weerar laygu soo qaado marna ima baqdin galinayaan lakiin waxaan bulshada u shegayaa in qaraxa maanta lagu xiray gaarigeyga oo la rabay in la igu dilo ay suurta gal tahay in qorsheynta iu cadowgu yeesho hasayeeshee waa lagala qeyb qaatay ciddey doontaba ha noqotee oo waa loo fududeeyay, kamana hordhacayo baaritaanka.” Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in mar walba isaga uusan ka tanaasuli doonin u Shaqeynta Qaranka Soomaaliyeed. Qaraxii lagu xiray Gaariga Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa waxaa ku dhaawacmay Darawalka Gaariga iyo Qof la socday,mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ka Jawaabay Warbixin ay soo saareen Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka, taasi oo eedeyn loogu jeediyay Wasaaradda Maaliyadda. Wasiirka ayaa sheegay in Hay’adda Maaliyadda ee Golaha Shacabka ay xaq u leedahay inay Warbixin soo saaraan oo ay ku kor joogteynayaan Wasaaradda Maaliyadda laakiin wuxuu soo jeediyay inay ku wanaagsaneyd in Labada dhinac marka hore ay isla hubiyaan waxa Bulshada loo gudbinayo. “Hay’adda Maaliyadda ee Golaha Shacabka waa Hay’adda ugu sareysa Dalka Kor jeegteyna way nagu leeyihiin xaq ayay u leeyihiin inay Report soo saaraan laakiin waxaa wacnaan laheyd arrimaha qaarkood anagaa Hawsha ku jirnee inaan isla hubsano waxa Bulshada aan u gudbineyno, diyaar ayaan u ahay inaan hortago Golaha oo aan si fiican u balbalaariyo si tifaftirana uga jawaabo Is afgaran waaga jira”.ayuu yiri Wasiirka. Wasiir Beyle ayaa tilmaamay in Dakhliga Dalka uu kordhay iyadoo ay cadeyn u tahay sida ay Soomaaliya kaga soo baxday Heshiisyadii ay la gashay IMF oo ku aadanaa Kororka Dhaqaalaha. “IMF waxyaabaha ay nagula heshiiyeen waxaa ka mid ah in Dakhliga la Kordhiyo dhamaan Bilihii naloo qabtay halkii la rabay waan dhaafnay, annaga iyo Dowlada Hoose si fiican ayaan u wada shaqeynaa wax kastana way cad yihiin, Guddiga sharafta leh wax ay arkeen inay jiraan ayaa laga yaabaa wixii khaldan waan saxeynaa laakiin guulo badan ayaan ka gaarnay Kordhinta Dakhliga”. Wasiirka Maaliyadda Beyle ayaa sidoo kale sheegay inuu diyaar u yahay inuu hortago Guddiga Maaliyadda iyo Golaha Shacabka si uu kaga jawaabo dhamaan Su’aalaha ay qabaan, isagoo xusay in haatan isbadal wayn uu ka jiro Maamulka Maaliyadda Soomaaliya isla markaana taasi ay keentay in caalamku uu aamino dalkeena. The post Wasiir Beyle Oo ka jawaabay eedeyn uga timid Golaha Shacabka appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garissa ( Sh. M. Network )-Saraakiisha Booliska Kenya ayaa sheegay in ay dileen illaa iyo 4 Dagaalyahan oo ka tirsanaa Al Shabaab, kadib howlgallo ay ka sameeyeen Keymaha xadka maamullada Lamu iyo Gariisa ee dalkaasi. Taliyaha howlgalka la daagaalanka Al Shabaab ee Keymaha Boni Joseph Kanyiri ayaa xusay in ay dileen xubnahaasi, islamarkaana ay ka furteen 6 Qoray oo Nuuca AK47 ah iyo rasaastii ay wateen, sida uu hadlka u dhigay. Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in Al Shabaab ay weerar ku soo qaadeen xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Safaricom ee deegaanka Ijara, ayna hortageen weerarkaasi. Waxaana uu intaasi ku daray in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhexeeya Ciidamadooda iyo Dagaalyahannadii weerarka soo qaaday. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Xarakada Al Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi. Inta badan Al Shabab ayaa weeraro ku qaada fariisimaha Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanada dhaca xadka Soomaaliya. The post Ciidamada Kenya Oo dilay xubno ka tirsan Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
-
Byadhabo ( Sh. M. Network )-Maxkamadda Ciidamada Qalabka qeybta 60-aad ee gobollada Baay iyo Bakool ayaa maanta xukun dil ah ku riday Askari ka tirsan Ciidamada Milatariga Soomaaliya, kaas oo lagu magacaabo Dable Maxamed Nuur Macalin Aadan Askarigani ayaa lagu eedeeyay in uu dilay Marxuum Maxamed Nuur Janow Aadan oo ka mid ahaa shacabka ku dhaqan M/ Baydhabo ee gobolka Baay. Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida 60-aad ee Baay iyo Bakool Gaashaanle Dhexe Aadan Abuukar ayaa ku dhaawaqay go’aanka Maxkamadda. Sidoo kale Gaashaanle Dhexe Aadan Abuukar ayaa uga digay Ciidamada dowladdu in ay waxyeeleeyaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobolladaasi. Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida ay horay xukuno kala duwan ugu riday Askar ka tirsan Ciidamada DFS oo lagu soo eedeeyay dambiyo kala duwan. The post Maxkamadda CQS Oo xukuntay Askari dilay Qof Rayid ah appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargaysa)Qaar ka mid ah Warbaahinta Geeska Afrika ayaa Saacaddihii lasoo dhaafay qoraayay in Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya Qunsulkii u joogay Somaliland dib ugu yeertay. Warbaahinta dalka Itoobiya ayaa sidoo kale sheegtay in sababta loogu yeeray Qunsulka in ay tahay Isbadelka ka socda Geeska Afrika,islamarkaana Itoobiya ay guud ahaan joojisay xidhiidhka kala dhaxeeyay Somaliland,taas badalkeena Arrimaha Somaliland ay kala tacaamuli doonto Soomaaliya. Qunsulka oo lagu Magacaabo Bereha Tesfay ayaa shalay gelinkii dambey gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ka dib markii uu diyaarad ka raacay Magaalada Hargeysa. Ismaaciil Suldaan C/raxmaan oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliland ayaa Warbaahinta u sheegay in Bereha Tesfay, uu saraakiisha Somaliland shalay ku wargeliyay in ay u yeertay dowladdiisa isaga oo aan sheegin wax intaas dhaafsiisan. Sababta ugu weyn ayaa lagu sheegay in tahay in dowladda Itoobiya ay kala noqotay Somaliland xiriirkii dublomaasiyadeed ka dib markii Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ,Eritrea iyo Itoobiya ay isku raaceen ilaalinta Midnimadda iyo Madaxbaanida Saddexda dal. Somaliland ayaa 20 kii sano ee lasoo dhaafay xiriir wanaagsan kala dhaxeeyay dowladda Itoobiya, waxaana soo maray dhowr Qunsul oo Somaliland si gaar ah ula tacaamuli jiray. Isbadellada ka socda Geeska Afrika ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa u muuqda in uu meesha ka saaray Qulqulkii siyaasadeed ee dowladda Itoobiya ay ku heysay Soomaaliya. Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah Waddada Makka Al Mukarrama ee M/ Muqdisho. Qaraxa ayaa ka dhashay Gaari Hilux ah oo la sheegay in lagu soo xiray qaraxa, kaas oo ku qarxay inta u dhaxeysa Isgoysyada Shaqaalaha iyo Dabka ee magaalada Muqdisho. Gaariga Qarxay ayaa waxaa lahaa Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka BFS, inkastoo uu ka badbaaday qaraxaasi. Sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah waxaa qaraxa ku dhaawacmay Darawalka Xildhibaankaasi, iyo Qof kale oo la socday Gaariga. Xildhibaan Daahir Amiin jiisow oo qoraal kooban soo dhigay Bartiisa Facebooka ayaa waxa uu uga hadlay qaraxa lagu xiray Gaarigiisa. ”Waxaan nafteyda u huray Qaranka, qarax iyo weerar laygu soo qaado waa waxaan u soo bareeray oo marna baqdin iguma beereyso” ayuu yiri Jeesow. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in cida qaraxa ku xirtay Gaarigiisa loo fudeeyay, balse uu ka war sugi doono baaritaanka socda. Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin oo ay saraakiisha laamaha amnigu ka bixiyeen qaraxaasi. Xaaladda ayaa haatan caadi ku soo noqotay, maadaama goobta qaraxu uu ka dhacay ay tahay meel Mashquul badan. The post Xildhibaan ka tirsan BFS Oo ka badbaaday qarax Gaari appeared first on Shabelle. View the full article