-
Content Count
206,978 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dad badan ayaa ku wareersan su’aalana iska weydiinaya go’aamada kasoo baxay dowladda Somaliya ee lagu teegeerayay dowladda Sacuudiga kaasoo la xiriiray dilki weriye Jamaal Khashaqji oo lagu khaarijiyay 2-Oct. qunsuliyadda uu sucuudiga ku leeyahay waddanka Turkiga. Dowladda Turkiga ayaa si weyn u dhaleeceysay dilka, iyagoo ku tilmaamay in dilka Jamal Khashoqji ahaa mid lasoo qorsheeyay, wallow Sacuudiga hadalo isburinaya kasoo baxay ay ku difireen dilka weriyaha. Inta badan dowladaha caalamaka ayaa si weyn u dhaliiyay dilka weriyaha kuna tilmaamay fal wuxuushnimo kana baxsan sharciga ilaalinta xuquuqda bini-aadamka. Waddamo tiro yar oo ay Somaliya ka mid tahay ayaa la saftay Sacuudiga. Inta badan shacabka Soomaaliyeed ayaa la yaabay go’aanka dowladda Soomaaliya ee la safashada Sacuudiga, iyadoo la filayay taas bedlkeed in dowladdu garab istaagto Turkiga oo ah waqtigan la joogo walaal saameyn weyn ku leh umadda Soomaaliyeed xilliga ay ugu baahi badneydna usoo gurmaday illaa iyo imikana garab taagan. Haddaba maxay ka dhigantahay teegeerada dowladda Somaaliya ee Sacuudiga? Inkastoo siyaasadda caalamka waqtigan la joogo ay ku dhisantahay hadba meesha ay danta ku jirto, hadana waan baahanahay baqtiga looma cuno. Waxaa la filayay dowladda Somaliya ugu yaraan inay ka aamusto xasarradaha noocaan oo kale ah marka ay jiraan, oo aysan dhinacna la safan maadaama ay labada dowladood ay saameyn togan ku leeyihiin dalka, si looga fogaado khilaaf iyo sumcad darro. Laakin, dowladda somaliya ayaa si aan ganabasho laheyn u qaadatay go’aanka lagu taageerayay Sacuudiga, wallow uusan jirin mas’uul ku saxiixnaa warqadihii lasoo saaray, waxayse kasoo baxday wasaardda arrimaha dibadda ee dalka. Dad badan ayaa aaminsan in dowladda Somaliya teegeerada Sacuudiga ku bedelatay dhaqaallo. Ma xuma haddii halka warqad ay u dhiganto hal jawaano lacag ah! Laakin, illaa goormee Soomaaliya sharafkeeda iyo masiirkeeda lagu bedelanayaa dhaqaallo?! Waxaa sidoo kale lagu mala weynyahay, in ay tahay qorsho siyaasadeed ay dowladda Soomaliya xiriirka Sacuudiga ku wanaajinayso oo balanqaadyo aan weli fulintoodu la ogeyn u sameeyay, maadaama uu horay madmadow usoo kala dhex galay kaasoo la xiriiray go’doomintii Qadar ee Somaliya dhexdhexaadka ka noqotay. Waxeyse runta lagama reystaanka ahi tahay, in arrinti Qadar ay tani ka muhiimsaneyd in dhexdhexaad laga noqdo ama Turkiga lala safto. Si kastaba ha ahaatee, si muran iyo sumcad darro looga aamin noqdo, maxaa u diidaya dowladda inay ka fogaato teegeerada aa micnaha laheyn?! Turkiga Sidee u saameeyay go’aamada dowladda Soomaaliya? Kadib go’aankii dowladda ee la safashada Sacuudiga, waxaa soo baxayay oo ay warbaahinta qaar qoreysay in xiriiriki Soomaaliya iyo Turkiga madmadow soo kala dhexgalay, iyadoo xaalka cirka kusii shareeray kadib markii Soomaliya laga waayay xafladdi 29.Oct. ee furitaanki Gegeda diyaaradaha magaalada Istanbuul oo lagu cusuumay 18 dal oo saaxiibo la ah Turkiga. Ka dib maxaa dhacay? Hulusi Akar oo ah wasiirka gashaandhiga Turkiga, Taliyaha Ciidamada Turkiga, Saraakiil sare oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee Ciidamada Turkiga iyo Madaxa Hay’adda TIKA ayaa7-November yimid Muqdisho, waxeyna kulama la qaateen madaxda dowladda federaalka. Dadka ay la kulmeen waxaa ka mid ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda, iyada oo loo sameeyey casho sharaf soo dhoweyn ah. Ujeedka safarka wafdigan ayaa ahaa sidii dowladda Turkigu u sii dardargelin lahayd taageerada ay u fidiso Soomaaliya iyo inay qiimeeyaan siyaabaha ay ku sii horumarin karaan taageerada Ciidamada Qalabka sida ee dhinacyada tabobarka iyo qalabaynta. Haddaba imaatinka wafdigan balaaran ee Turkiga ayaa meesha ka saaray wararki leysla dhexmarayay ee ku saabsanaa xumaanshiyaha xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga. Waa su’aale Turkiga miyuusan ka warheyn go’aamada dowladda? Mise u jeedada Turkiga ee Soomaaliya waa mid ka fog go’aamada madaxda dowladda? Marka aad eegto siyaasadda Turkiga waa mid jiho leh oo aan ku xirneyn shaqsiyaad, taasna waxaa kaaga filan cadeyn xilliga ay soo bilaabatay garab-istaaga Turkiga ee soomaliya iyo inta madax ee soomaaliya isku bedeshay, welina halkeedii kasii socota. Waxaana hubaal ah in madaxda hadda joogta ay tagayaan halka garab-istaaga Turkigana uu baaqi sii ahaan doonno. Arrinkan ayaa loo arki karaa in Turkiga uusan saameyn ku yeelan go’aamada madaxda dowladda, ayna ujeedadiisa tahay keliya inuu garab-taagnaado umadda Soomaaliyeeda kana caawiyo howlaha horumarineed ee dalka sida dhisidda ciidanka xoogga iyo sidii ay dib ugu soo noqon laheyd Soomaliya oo awood leh. Aan soo gunaanadee, dowladda waxa ay meteshaa shacabka Soomaaliyeed. Inta badan shacabka Soomaaliyeed ayaa u arka dowladda Turkiga inay tahay walaal dhab oo xilli kasta garab taagan. Waxaana habbooneyd in dowladda tixgeliso dareenka shacabka iyo midka Turkiga, waxaase muuqata in taas aan wax dan iyo heello laga laheyn. Maxaase xigi doona, bal dhowr. W/Q: Abdinasir Safaana Email: Safaanahaji@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Burco (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland ayaa magaalada Burco uga soo hanjabay dowladda federaalka, isagoo ka hadlayay xaaladda geeska Afrika. Muuse Biixi Cabdi oo dhawaan safar ugu baxay goballada dhaca Bariga Somaliland ayaa waxa uu shalay gaaray magaalada Burco ee Xarunta gobalka Togdheer. Isagoo dadweyne kula hadlayay magaaladaasi Burco waxa uu soo hadal qaaday xaaladda wadamada gobolka iyo isbahaysiga dowladda federaalka, xukuumadda Itoobiya iyo maamulka Eratariya. Wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka aynaan waxba yeeli karaynin, isagoo tilmaamay in gollaha ammaanka ee Qaramada Madoobe ay geeysay bayaan sheegaya in lala maquuniyo Somaliland sida uu Biixi Cabdi hadalka u dhigay. Waxaa uu sidoo kale Biixi kaga hadlay arrimaha doorashooyinka golayaasha Somaliland oo dhowaan buuq badani uu hareeyay. Madaxweynaha Somaliland Biixi ayaa sheegay in doorashooyinkii Somaliland ka dhici lahaa horaanta sanadkan uu dib u dhac ku yimid balse xisbiyada mucaaridka uu ku rajo weyn yahay inay xal ka gaadhan marka la gaadho sanadka 2019. Sidoo kale colaad beeleedyo ka taagan Somaliland ayuu soo hadal qaaday, isagoo ku baaqay in laga shaqeeyo nabadgalyada. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/CODKA-MW-BIIXI-20-11-2018.mp3 Caasimada Online Xafiiska Burco Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaranka ay ku baahisay barteeda Twitter-ka ayaa lagu sheegay in 19-ka November 2018 ciidamada amniga magaalada Muqdisho ay ka soo qabteen xubno ka tirsan kooxda ISIS. Xubnahan ka tirsan kooxda Argagixisada ah ee Daacish ayaa lagu soo qabtay hawlgal gaar ah oo ciidanka Hay’adda NISA ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah Muqdisho. Hawlgalkan qorsheysan ayaa si taxadar leh oo cidna aysan wax ku noqon u fulay sida lagu sheegay qoraalka Hay’adda NISA ay soo saartay. “Abaare 11-ka fiidnimo ee 19-ka November 2018, ciidamada amniga ayaa magaalada Muqdisho ka soo qabtay xubno ISIS ah, hawlgalkan ayaa si taxadar leh oo cidi wax ku noqon u fulay, soo qabashada xubnahan ayaa dhantaalaysa dhagarta ay ISIS u maleegayeen shacabkeena”. sidaasi ayaa lagu yiri qoraalka Hay’adda NISA ay ku baahisay Twitter-ka. Ciidanka ammaanka ayaa kordhiyay hawlgalada ka dhanka ah Shabaab iyo Daacish, kadib markii dhawr mar sidan oo kale hawlgal ka dhacay Muqdisho lagu soo qabtay xubno ka tirsan kooxahan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dhulka Somaliyeed waxaa awoowayaasha Somalida oo tiro yar ku difaacijireen warmo iyo amley sababta oo ah waxay ahaayeen dad wadaniyiin ah oo dhulkooda iyo sharaftooda jecel kalana yaqaan nacabkooda iyo nasteexooda. Ummad waxaa loo yaabaa in la qabsado marka ay dhacaan arrimahan soo socda: 1. Marka wadaninimada loo loogu ama loo shidheeyo difaac xukun-qabiil oo la garanwaayo in haddii dhulku galo gacanta cadowga aan cidina ka badbaadeyn. 2. Marka dad kula diir ah oo Somaliyeed ay ummadda u macaaneeyaan heshiisyo ah khatar ku soo socota iyaga oo u adeegaya danaha cadowga san-dareerto awgeed. 3. Marka madaxdu u xilato danahooda gaarka ah iyo dhisid xukun qabiil. Xukun dal oo qabiil isa siiyo iyo ciidan qabiil oo lagu difaaco waxaa laga dhaxlaa dagaal sokeeye iyo burbur, horena Somalidu waa u soo aragtay oo waa ku burburtay. 4. Marka ummadda Somaliyeeed ee ka soo horjeeda heshiisyada dhagarta huwan ee loo maleegayo ay madaxda Somalia iyo taageerayaashoodu ku eedeeyaan dad ka soo horjeeda dawladnimada iyo horumarka si aan looga hadlin, looga doodin, loogana hortegin halis qaran oo soo fool leh. Taasu waxay keentaa sii kala fogaansho iyo iska-horimaad aan la mahadin. Waxaa kuwaas ka mid ah dadka maanta u ololaynaya midnimo dhexmarta Somalia iyo Itoobiya oo aan ahayn suurtogal. 5. Marka Somalinimo-xumada, wadaninimo-xumada iyo damiir la’aantu ay gayaysiiso in cadowga jiritaanka Somaliyeed lagu soo hoggaamiyo gobollo gaar ah oo dadka degan loo arko qabiil cadow ah si loo muquuuniyo, looga aargoosto loona xukumo sidaas awgeedna dalka iyo dadku u wada galaan gacanta cadowga oo wada qabsado. MIDNIMO HUWAN DHAGAR QABSASHO Iyada oo awelba Itoobiya si xun u gumaysata dhul iyo dad Somaliyeed ayaa haddana ay maanta rabtaa inay midnimo been ah oo dhagar gumaysi huwan ku qabsato inta xorta ah Somalida oo aan weli si habboon looga gilgilan. Sida taariikhda Itoobiya ku cad, Boqoradii la kala odhan jiray Mililik iyo Xayla Salaase waxay dafirijireen dal la yidhaahdo Somalia waxayna ku andacoonjireen in dhulka iyo badda Somalia ay tahay qayb ka tirsan Itoobiya dadka Somaliduna yihiin dad xoolo dhaqato ah oo ka tirsan dadka Itoobiya. Midnimada laab-la-kaca ku salaysan Abiye Axmed waxaa ka weyn cadaawadda guunka ah ee Itoobiya u hayso Somalida si loo abuuro waxa lagu magacaabo “Itoobiyada Weyn ee Geeska Afrika.” Cadaawad guun ah oo jirta 500 oo sannadood oo aan weli laga wada hadlin lagana heshiin laguma xallinkaro dhawr saacadood. Itoobiya waxay sheeganaysay dhulka Somalida muddo 500 oo sannadood ah waxayna mudadaas ku riyoonjirtay inay xoog ku qabsato dhulka Somaliyeed waase suurtoobiweyday, maantase waxay rabtaa inay siyaasad ku qabsato (iyada oo shacabka Somaliyeed laga dhaadhicinayo in Somalia iyo Itoobiya ay yihiin laba ummadood oo wada dhashay, walaalo ah oo is-jecel si dhagarta loo qariyo) oo si tartiib-tartiib ah ku soo geliso malaayiin Oromo ah, ku hubayso dabadeedna si fudud u liqdo Somalida oo dhan kuna muquuniso xoog ay kula wareegto; Somalidana laga dhigo wax la laayo iyo wax la qaxiyo sida Falastiin si dalka loo hantiyo. Ujeedadu Midnimo Maaha ee Waa Qabsasho. Sanadahan ugu dambeeya waxay Ooramadu si weyn ugu soo qulqulaysaa dhulka Somalida xorta ah waxaynu si cad u sheegtaan in iyagu leeyihiin dhulka Somaliyeed oo dhan bed iyo berriba. Waxaa hadda dagaal ba’an lagu hayaa Somall Galbeed si dhulkooda looga barakiciyo dabadeedna loogu soo duulo dhulka Somaliyeed ee xorta. Somalidu waa inay si wadajir ah fadhiga uga kacdaa kuna khasabtaa Ooramada inay ku ekaadaan degaankooda. Waxaa kale oo muhiim in Ooramada laga saaro si dhakhso Somalia iyo Somalilandba. Qawaaniintii caalamka maanta way burburtay oo dad iyo dalna laguma ixtiraamo xaqa madaxbanaanida haddii aan ummadda lahi heegan joogto ah ugelin difaaciisa iyo badbaadintiisa. Maanta adduunyadu waxa weeye kii xoog lahoo, reerka u hadh (qabso cidda aad ka xoog-roontahay). Eebbe (S.W.T) waxa uu siiyo ummad waxaa ugu qiimo badan dhul hooyo ee ay leedahay oo ku faanto kuna noolaato si xor ah. Maanta Falastiin ayaa og qiimaha uu dhulku leeyahay oo muddo 70 sano ah maalinkasta dhiig u daadinaysa si ay u xoroowdo. Markii uu Abiye Ahmed oggolaaday inuu Eratariya uga hadho dhulkii ay isku baaba’sheen muddo 30 sano ah, waxaa muuqata inuu rabo inuu awoodda Itoobiya isugu geeyo ku qabsashada Somalia siyaasad marka hore dabadeedna xoog loo adeegsado taas oo Itoobiya ku taamaysay ama ku riyoonaysay muddo 500 sano ah si ay u dhaxasho dhulka iyo badaha Somaliyeed. Abiye Axmed waxaa uu yidhi seddexdan arrimood: “Waxaa Itoobiya dhisanaysaa ciidan bad oo xoog leh (iyada oo aan lahayn wax bad ah), waxaanu la wareegaynaa afar dekadood oo Somalidu leedahay (si ay saldhig ugu noqdaan ciidamada badda ee Itoobiya), waxaanu Somalia iyo Itoobiya isku noqonayaan hal dal. Waxaa kale oo uu yidhi: “Somalia, Itoobiya iyo Eratariya waxay yeelandoonaan hal madaxweyne.” Waxaa markaas cad in dad la yidhaahdo Somali iyo dal la yidhaahdo Somalia ay meesha ka baxayaan. Somalidu (mid xor ah iyo mid lahaystaba) waa inay badbaadisaa oo difaacdaa sharafta jinsigeeda, diinteeda, dhulkeeda, badaheeda iyo cirkeeda Eebbe ku manaystay Kownkan ilaa Maalinta Qiyaamaha. Somalidu waa inay ogtahay cadowga jiritaankeeda isla markaana iska saartaa ciidamada, qaxootiyada iyo basaasiinta ka yimid dalalka deriska la ah Somalia siiba Itoobiya iyo Kenya. Gabyaa hore oo Somaliyeed ayaa yidhi: “Ninkaad dili, ninkaad dagi, ninkaad dabin uqoolaasid, waa la isku kala daadiyaa yuusan ka didine.” Gabyaagii Faarax Nuur (Eebbe ha u naxariiste) waxaa uu isna yidhi: “Doqonbaa halkii lagu qatali, qoorta soo dhigane, Manaa mindiyo lay qarshaa, laygu qalidoono.” Waxaa muhiim ah in baarlamaanku baaba’sho dhammaan sheshiisyadii lala galay Itoobiya laga bilaabo dawladii Cabdullaahi Yusuf Ahmed si loo burburiyo dhammaan shirqooladii soo taxnaa muddo ee Itoobiya. Haddii Somalidu rabto inay ka adkaato cadawgeeda oo burburiso shirqoolada loo maleegayo waa in Diinta Islaamku iyo wadaninimadu ka sarraysaa qabyaalada maanta halista ku haysa jiritaankeeda. Siyaasiyiinta, culimada, madaxda dhaqanka, indheergaradka, saxaafadda madaxbanaan, baraha bulshada iyo ururada bulshadu waa inay ka doodaan kana hadlaan halistan ku cusub geyiga Somaliyeed si looga hortago loogana badbaadsho dalka, dadka iyo badda dhaxal-wareeg loona fashiliyo riyada guunka ah ee jirta 500 ee sano. Damaca cadaaweed ee Itoobiya ka sokow, waxaa samanadan ku dhiirigelinayay Itoobiya inay qabsato Somalia dalal aynu isku Diin nahay iyo kuwo aan kala diin nahay si gacanta loogu dhigo shidaalka weyn ee ku jira dhulka Somalida. Waxay Sirdoonka Sacuudigu hore u sheegeen una soo jeediyeen in Itoobiya la wareegto Somalia mustaqbalka sida uu madaxii hore ee sirdoonka Sacuudiga, Anwar Al-Cishqi, ka sheegay goob fagaare ah. Markaas, Ujeedadu Midnimo Maaha ee Waa Qabsasho. Waa in si weyn looga hortagaa oo loo fashiliyaa shirqoolka halista ah ee huwan midnimo been ah. Marnaba maaha waxaa dhicikara midnimo dhexmarta Somalia iyo Itoobiya waayo taariikhda dheer ee cadaawadda ku dhisan ayaa diidaysa. Wadaninimo iyo wadajir ayaa looga adkaankaraa cadowkasta oo xoog leh. Dhul la’aan waa jiritaan la’aan. Ibrahim Hassan Gagale November 2018 Dhamaan maqaalada ku soo baxa shabakadani ma aha qaar ay shabakadu leedahay ee waa aragtida iyo mid ka mid ah fikradaha akhristayaasha Qaran News
-
CLICK HERE TO READ MORE Qaran News
-
CLICK HERE TO READ MORE Qaran News
-
Buuraha dhaadheer anigoo kolba mid dusha uga baxaaya, ayaa markii danbe . cagtii ila siibatay oo aan buurtii dhinaca kale uga dhacay. Waxaan dusha kaga dhacay Cariish, oo dhaawac badani ima soo gaadhin . Waxaan arkay dad badan oo isdaba lugaynaaya oo aad moo did in ay INDHO LA,YIHIIN , sida ay isu daba socdan. Waan la hadlay, laakiin iimay jawabin , ismanay taagin. Kadibna waxaan weydiiyey in ay i arkayaan iyo in kale iyo in ay indho la’ yihiin ? Waxay i waydiiyeen : waxay indhuhu yihiin ? iyo waxa ay tahay indho la@aantu ? iyo waa maxay aragu ? iyo waa maxay waxyaabahan uu ka hadlayaa ee aanay weligood maqlin ? Waxa uu su.aalay : miyaanay Buurahaa dhaadheer iyo Cirkan iyo Dhirtan iyo Dhulkan aanay arkayn Waxay su:aal dib ugu celiyeen isagii iyo waxa uu sheegayaa ee uu ka hadlayaa . waxa ay yihiin ? Waxa uu ka ogaaday in ay weligood sidan ahaayeen oo sidan ku dhasheen iyaga iyo Waalidkoodba iyo Awoowooyinkoodba . oo Cudurkan uu sheegaayo aanay weligood maqlin. ( Dadkanu muddoo 11 oday laga joogo , sidan ayey ahaayeen oo isku dhaleen , markii uu cudur indhaha ka dhacay , ee ay indho beeleen , oo ay muddo Boqolaal sano ah ay sidan ahaayeen ). Kadib waxay u sheegeen , haddii uu doonaayo in uu la noolaado , in uu CUDURKAN indhaha la yidhiihdo iyo ARAGA in uu iska daweeyo ,oo la mid noqdo . Haddii kale uu aanu la noolaan karayn , oo aanu ka mid noqon doonin oo ay weliba diyaar u yihiin in ay ka daweeyaan Cuduradan uu qabo ee uu sheegaayo ee isaga ku kooban . Haddii kale , uu ka dhex baxo oo meeshii uu ka yimi ku noqdo. Talo ayaa la soo gudbanaatay iyo in uu kala doorto In indhaha laga tuuro oo laga soo saaro , oo cudurkan aragtida la yidhaahdo laga daweeyo oo uu sidooda oo kale noqdo. iyo in uu iskaga tago , oo uu meeshii uu ka yimi ku noqdo. Hadaba dhawaan waxaan soo booqday , Tuulo dadkeedu ay wada INDH LA’ YIIN , oo igu yidhi Haddii aad doonayso in aad nala noolaato , oo ad naga mid noqoto ( waa inaanu kaa daweynaa cudurkan aad qabto ee la yidhaahdo ARAGA iyo INDHAHA oo aanu kaa soo saarnaa oo aad sidayada noqotaa . Haddii kal aad naga tagtaa. Waxaan markaa doortay in aanan la noolaan oo aana ka mid noqon , oo aan indhaheyga iyo aragayna aan heystaa. Hadaba bal , maxaad fahantay Cali Maxamed Biixi caliwwelli@hotmail.co.uk Qaran News
-
President Mohamed Abdullahi Farmajo and Prime Minister Giuseppe Conte’s discussions largely focused on advancing strong bilateral relations built on historical ties, mutual respect, common economic aspirations and deep bonds of friendship between Somalia and Italy. President Farmajo touched on Somalia’s progress on security, economic reform and Somalia’s role in advancing integration of the Horn of Africa as part of his administration’s foreign policy. The President acknowledged the Italian Prime Minister on his government’s continued bilateral and multilateral support of Somalia’s development. President Farmajo encouraged the Italian government to embolden its private sector and businesses to invest in the diverse opportunities in Somalia. “Somalia and Italy share historical ties dating back to many years of economic cooperation and partnerships at different levels, and it is this shared history that binds both our countries together in the pursuit of strengthening our already existing relations for the progress and prosperity of our two friendly nations.” Prime Minister Conte assured H.E President Farmajo Italy’s commitment and support, and to stand by Somalia on its journey towards recovery and development. The leaders agreed to work towards cooperation in strengthening the relations between Somalia and Italy, and pursue win-win partnership strategies in all areas of mutual interests.
-
The government of Ethiopia had recalled its more than 90 long serving diplomats. The diplomats, who are expected to report to the Ministry of Foreign Affairs within two months, served from 4-25 years in Ethiopian embassies and consulates. Moreover, 130 diplomats were assigned in Ethiopian embassies after receiving the necessary training, said Spokesperson Office of the Ministry of Foreign Affairs. The Office further said reassignment of diplomats will be carried out in all embassies and consulates so as to strengthen professionalism. Source Fanabc Qaran News
-
Rome (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo magaaladda Rome kula kulmay Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga Mudane Giuseppe Conte ayaa sheegay in dib u xoojinta xiriirka labada dal uu yahay qorshe mudnaan gaar ah u leh Dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa la wadaagay Raiisul Wasaaraha dalka Talyaaniga kaalinta uu dalkaasi kasoo qaatay dowlad dhisidda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada maamulka iyo ciidanka, isagoona tilmaamay in kaalintaas oo kale ay haatan ka filanayaan madaxda dalka Talyaaniga. Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa si wada jir ah u bogaadiyey xiriirka soo jireenka ah ee ku salaysan saaxiibtinimada iyo dan-wadaagga ee ka dhaxeeya labada dal. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boorriyay Dowladda Talyaaniga in ay ku dhiirrigeliso ganacsatada iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Talyaaniga in ay maalgashadaan Soomaaliya iyagoo ka faa’iideysanaya fursadaha kala duwan ee haatan ka jira Soomaaliya. “Soomaaliya iyo Talyaaniga waxay wadaagaan xiriir taariikhi ah oo ku qotoma iskaashi dhaqaale, mid dhaqan iyo saxiibtinimo soo martay heerar kala duwan, waana tan udub dhexdaadka u ah in la xoojiyo xiriirkeena soo jireenka ah si aynu horumar iyo barwaaqo u gaarsiinno labadeenna shacab.” Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Conte ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga la socda, wuxuuna adkeeyay in ay dowladdiisu ka go’an tahay wadashaqeynta iyo taageerada ay u hayaan Soomaaliya, isagoona bogaadiyey horukaca ay sameysay Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale soo dhaweeyay hindisaha Dowladda Soomaaliya ee maalgashadayaasha Talyaaniga si ay ganacsatada Talyaaniga u maalagashadaan Soomaaliya. Intii uu socday kulanka, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga warbixiyay Ra’iisul Wasaare Conte horumarka iyo soo kabashada ay hadda ku jirto Soomaaliya iyo sidii labada dowladood u yeelan lahayeen iskaashi iyo wax-wada-qabsi. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Conte ayaa isku raacay ina y sii wadaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dawladood, iyada oo loo marayo istiraatiijiyad faa’iido wadaag ah oo dan u ah labada dal iyo shacab sii loo xoojiyo xiriirka dhaqaale iyo dhaqan ee ay wadaagayaan labada dal.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeri ah ayaa waxay kasoo baxayaan dagaal culus oo ciidanka xooga dalka iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ku dhex-maray duleedka degaanka Jilib-Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose. Gudoomiyaha gobolka Maxamed Ibraahim Barre oo wareysi gaar ah siiyay idaacada Shabelle ayaa xaqiijiyey in dagaalka uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkasta oo uu ka gaabsaday inuu shaaciyo tiradda. Barre ayaa daboolka ka qaaday in dagaaka uu yimid kadib markii ciidanka dowladda ay ku qaadeen meesha ay wax ka dhaceen howlgal ka dambeeyay markii ay heleen xog ku saabsan inay isku uruursanayaan xoogaga Shabaab. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu cod dheer ku qeexay inay dagaalka ku qabsadeen tuulo duleedka uga taala degaanka Jilib Marka oo jihada Bari kaga toosan magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose. Hoos ka dhageyso wareysiga Gudoomiyaha http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Gudoomiyaha-G-Sh-Hoose-Maxamed-Ibraahim-Barre-.mp3 The post Ciidanka DFS oo la wareegay degaan muhiim ah appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacadda Shabelle ee ku xiran website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineeynaa barnaamijka Qubanaha. Halkaan hoose ka dhageyso http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Bar___-Qubanaha-Shabelle-20112018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shaballe appeared first on Shabelle. View the full article
-
Dhowrkii maalmood ina soo dhaafay waxa magaalada Gabiilay ka taagnaa kulano xaasaasi ah oo ay xukumadda Muuse Biixi dabada ka riixaysay, kulamadaasi ayaa ay xukumadda Muuse Biixi soo qaban qaabisay waxana ay salka ku haysaa hadalkii todobaadkani ka soo yeedhay suldaanka guud ee Jibriil Abokor suldaan Ismaciil isla markaasina ka mid ah salaadiinta waaweyn ee beelaha Awal. Todobaadkani ayaa uu Suldaan Ismaciil uu xaalada uu dalku marayo ee halista ah ka warbixiyay waxana uu sheegay in intii xukumadda Muuse Biixi timid uu dalkii iyo dadkiiba qaybsamay oo qaybo ka mid ah dalka ay ka abuurmeen Jabahado, waxna uu suldaanku ka dayriyay xaalada uu dalku maraayo ee uu u gaystay maamulka cusub ee Muuse Biixi. Hadaba isga oo madaxweyne Muuse Biixi arintaasi aad uga gubtay ayaa waxa uu dhaq dhaqaajiyay Taliyaha ciidanka qaranka oo uu u diray gobolka Gabiilay waxana uu isugu yeedhay cuqaasha beesha Suldaan Ismaciil waxana uu ka codsaday in ay u jawaabaan suldaanka, arintaasi oo ay gabi ahaanba cuqaashu ku gacan saydhay una sheegeen in ayna u jawaabi doonin suldaankooda isla markaasina ayna arkin waxa ay ku taageeraan xukumadda Muuse Biixi oo ay siiyeen codkii ugu badnaa taasi oo Nuux Taani loo sheegay in uu candhuuftiisa dib u liqo, laguna khasaaray codkii la siiyay xisbiga Kulmiye iyo madaxweyne Muuse Biixi, halkaasi oo uu Nuux taani dib ugu laabtay Hargeysa, isla markaasina uu wargaliyay madaxweynaha waxii ay kala muteen isga iyo cuqaashu. Hadaba waxa uu Muuse Biixi soo dirar oo ilaa hada Gabilay ku sugan Suldaan Xasan oo ka soo jeeda beesha madaxweynaha iyo cuqaal uu hogaaminaayo, waxna uu suldaanku xalay ku guuldaraysatay in uu helo cod midaysan oo lagu canbaareeyo suldaan Ismaciil walow ay jiraanxubno aqblay in la canbaareeyo suldaan Ismaciil hadana sidii ay xukumaddu doonaysay looma hayo dad culus oo suldaan Ismaciil u jawaaba. Halkani ka daawo hadaladii suldaan Ismaciil oo ah kuwo xaqiiq biyo kama dhibcaan ah. Qaran News
-
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo kamid ah gollaha wakiillada baarlamaanka Somaliland ayaa hadalkaasi xamaasadda leh ee maanta Biixi uu jeediyay ku taageeray. Wuxuu sheegayaa in dowladda federaalka ay ka nabad heli la’yihiin. Wuxuu dowladda federaalka ku eedeeyay in ay hakad galisay wada hadalladii u socday labada dhinac, kuwaasoo muddooyinkii dambe hakad galay. “Kun sano haddii aan weyno ictiraafna kuma noqonayno Soomaaliya iyo midowgii dhacay 1960” ayuu yiri. Sidoo kale, wuxuu difaacay dalab ka yimid Somaliland oo ahaa in laba dowladood oo siman ay u wada hadlaan taas oo la sheegayo in wada hadalka arrimaha hakadka galiyay ay kamid tahay. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/XIL-NACNAC-SOMALILAND-20-11-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka federaalka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed. Xildhibaan Maxamed Jawaari oo deegaan doorashadiisu tahay Koonfur Galbeed ayaa waxaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Baydhaba, iyadoona soo dhaweyntiisu ay ka qeyb galeen qaar kamid ah Musharixiinta u taagan Hogaanka Koonfur Galbeed, Waxgarad iyo Shacab farabadan. Xildhibaan Maxamed Jawaari ayaa Baydhabo u tegay la socodka doorashada madaxtinimo ee maamulkaasi oo dhowaan la filayo inay ka dhacdo Baydhabo. Prof. Jawaari ayaa ujeedkiisu yahay sidii uu ula socon lahaa Arimaha Doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya ee la filayo inay dhawaan ka dhacdo Magalada Baydhaba. Waxaa la filayaa in kulamo uu magaalada kula qaato masuuliyiin kale duwan iyo bulshada qeybaheeda kale duwan. HOOS KA DAAWO SAWIRRADA: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Washington)Ururka u dooda xuquuqda dadka muslimiinta ah ee ugu weyn dalka Mareykanka iyo gabadha uu dhalay madaxweyne Donald Trump ayaa taageeray isku day ay gabar muslim ah oo ka soo jeedda Soomaaliya ku dooneyso in wax looga baddalo sharci muddo aad u dheer ka jiray aqalka wakiillada Mareykanka, oo ah inaan madaxa lagu daboolan Karin gudaha aqalkaas. Ilhaan Cumar oo ah gabar qaxooti ah oo Soomaaliya ka timid, isla markaana dhawaan loo doortay xubinnimada aqalka wakiillada ee Koongareeska Mareykanka, ayaa ku biirtay olole ay hoggaamiyeyaasha xisbiga dimuqraaddiga ku doonayaan in wax looga beddelo xeer uu aqalkaas ku dhaqmayay muddo 181 sano ah. Arrintan ayey siyaasiyiinta xisbigaasi ku damacsan yihiin in golaha wakiillada loogu fasaxo qodobbada la xiriira diimaha ee daboolidda madaxa, sida xijaabka muslimiinta, koofida Yuhuudda iyo duubka. Isbaddalladan ayaa qeyb ka ah qodobbo ay soo bandhigeen mas’uuliyiinta sare ee xisbiga Dimuqraaddiga, oo ay ka mid tahay hoggaamiyaha laga tirada badan yahay ee aqalka wakiillada, Nancy Pelosi. Bisha Janaayo ee sannadka foodda nagu soo haya ayaa la filayaa in la ansixiyo qodobbadaas marka ay Dimuqraaddigu si rasmi ah ula wareegaan aqlbiyadda aqalka Koongareeska. “Ma jirto cid igu khasbeysa inaan madaxeyga xijaab ku daboolo laakiin aniga ayaa doortay. Waa dookheyga – waana arrinta ugu horreysa ee isbaddalka lagu sameynayo” ayey Ilhaan Cumar ku tiri qoraal ay baraha bulshada soo dhigtay. Qoraalkeeda ayey sii raacisay “Tanina ma aha wixii ugu dambeeyay ee aan doonayo inaan xayiraadda ka qaado”. Isku daygan ayaa hantay taageerada ururka xiriirka Mareykanka muslimiinta ah. “Waxaan taageereynaa dadaalka lagu doonayo isbaddalka xeerarka aqalka, waxaana soo dhaweyneynaa in golaha wakiillada uu noqdo meel si xornimo ah looga dhaqmo diimaha” ayuu yiri Nihad Awad oo ah agaasimaha guud ee ururkaas. Waxaa sidoo kale u riyaaqday gabadha uu dhalay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee lagu magacaabo Ivanka Trump. Qoraal ay Ivanka soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayey ku tiri “Isbaddal sharci oo muhiim ah ayaa lagu sameyn doonaa aqalka Koongareeska”. Marka 3-da bisha Janaayo uu furmo kalfadhiga aqalka Koongareeska ee 116-aad ayaa waxaa kuraastiisa kasoo muuqan doona tiradii ugu badneyd abid oo haween ah iyo dadka laga tirada badan yahay oo ay ku jiraan dadka ku hadla luuqadda Isbaanishka, Mareykanka madow, dadka Mareykanka ee asalka ah iyo xubno ka tirsan dadka isku jinsiga ah ee isguursada iyo kuwa labeebka ah. Jim McGovern oo ka tirsan xisbiga dimuqraaddiga ayaa la filayaa inuu shir guddoomiyo golaha. Sharciyada ku saabsan daboolista madaxa ayaan waxtar u lahaan doonin xildhibaannada qaar, sida haweeneyda lagu magacaabo Frederica Wilson oo caan ku ah iney xirato koofiyado midabbo kala duwan leh, horayna dadaal dheer ugu jirtay in aqalka laga qaado mamnuucista in madaxa la daboolo. Maadaama koofiyadda aysan diin la xiriirin, Wilson ayey wali mamnuuc ka ahaan doontaa iney koofiyad ku xirato golaha koongareeska dhexdiisa. Source
-
(SLT-Washington)War ka soo baxay ciidamada Maraykanka gaar ahaan qeybta Afrika ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya ciidamada dowlada Soomaaliya ay duqeymo ka fuliyeen deegaanka Dabad Shiil oo ku dhow degmada Xaradheere ee gobolka Mudug. Qoraal ka soo baxay Africom ayaa lagu sheegay in labo duqeyn ay ka fuliyeen deegaanka Dabad Shiil lagu dilay illaa 37 dagaalame. “Duqeynta hore waxaa lagu diley 27 ka mid ah maleeshiyaadka ALshabaab,halka duqeyn labaadna lagu diley toban ka mid ah Al-Shabaab”ayaa lagu yidhi qoraalkan ka soo baxay Africom. “Waxaan qiimeyneynaa in tiro intaa ka badan ay wax ku noqdeen iyo weliba in aan qiimeyno in dad rayid ah aysan wax ku noqon.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay ciidamada Maraykanka. Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu sheegay in qorshaha weerarkan uu ahaa mid ay iska kaashadeen ciidamada dowlada federalka ayna sii wadi doonaan duqeymaha ay ciidamada Maraykanka ka wadaan deegaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab. Duqeynta ay geysanayaan diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Maraykanka ayaa sanadkan sare u kacay iyadoo duqeyntana ay tahay mid gobolo kala duwan ay ka dhaceen. Source
-
Madaxweynaha Somaliland ayaa magaalada Burco uga soo hanjabay dowladda federaalka, isagoo ka hadlayay xaaladda geeska Afrika. Muuse Biixi Cabdi oo dhawaan safar ugu baxay goballada dhaca Bariga Somaliland ayaa waxa uu maanta gaaray magaalada Burco ee Xarunta gobalka Togdheer. Isagoo dadweyne kula hadlayay magaaladaasi Burco waxa uu soo hadal qaaday xaaladda wadamada gobolka iyo isbahaysiga dowladda federaalka, xukuumadda Itoobiya iyo maamulka Eratariya. Wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka aynaan waxba yeeli karaynin, isagoo tilmaamay in gollaha ammaanka ee Qaramada Madoobe ay geeysay bayaan sheegaya in lala maquuniyo Somaliland sida uu Biixi Cabdi hadalka u dhigay. Waxaa uu sidoo kale Biixi kaga hadlay arrimaha doorashooyinka golayaasha Somaliland oo dhowaan buuq badani uu hareeyay. Madaxweynaha Somaliland Biixi ayaa sheegay in doorashooyinkii Somaliland ka dhici lahaa horaanta sanadkan uu dib u dhac ku yimid balse xisbiyada mucaaridka uu ku rajo weyn yahay inay xal ka gaadhan marka la gaadho sanadka 2019. Sidoo kale colaad beeleedyo ka taagan Somaliland ayuu soo hadal qaaday, isagoo ku baaqay in laga shaqeeyo nabadgalyada. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/CODKA-MW-BIIXI-20-11-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Magaalada Baydhabo waxaa si xowli ah uga soconaya diyaargaroowga doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed. Doorashada oo lagu waday in ay dhacdo 17-kii bishaan ayaa dib u dhac uu ku yimid waxaana la muddeeyay dabayaaqada isla bishani in ay qabsoomayso. Fowzi Cabdinuur oo kamid ah ururrada bulshada Baydhabo oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay inuu jiro gaabis ka muuqda shaqada guddiga doorashada madaxtinimada islamarkaana ay sabab u tahay dib u dhaca doorashada. Aqoonyahanka ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in howsha si dardar leh loo wado si looga baaqsado dib u dhac kale oo laga cabsi qabo. Waxaa sidoo kale uu xusay jiritaanka faragalin arrinaas oo waxaa weeye wararkeedu uu in muddo ahba ka soo yeerayay Baydhabo. Waxaa sidoo kale wax ka weydiinnay xaaladda magaalada, diyaargaroowga doorashada iyo aragtida bulshada sida ay tahay. HOOS KA DHAGEYSO: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa gelinkii dambe ee maanta magaalada Baydhabo ee gobolka Baay gaaray guddoomiyihii baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari. Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo baarlamaanka Koonfur Galbeed, iyadoo ay kaga hortageen garoonka diyaaradaha ee magaalada. Guddoomiyihii baarlamaanka ayaa ka sheegay magaalada Baydhabo in masiirka shacabka Koonfur Galbeed uu ku jiro gacanta xildhibaanada baarlamaanka, ayna xor u yihiin inay doortaan cidda ay doonaan. 7 Maalin kadib waxaa magaalada Baydhabo ka dhaceyso doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed, iyadoo guddiga doorashada aysan wali bilaabin qabashada araajida musharixiinta Koonfur Galbeed. Socdaalka Jawaari ayaa la rumeysan yahay inuu la xiriiro doorashada, waxaana waxana soo baxaya inuu kulamo la qaadan doono xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed. ma cadda musharaxa uu taageersan yahay. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Mareykanka oo war kasoo saarey duqayn uu ka filiyay Somalia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Sh.M.Network) – Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika ayaa wuxuu sheegtay in duqayn diyaaradeed oo ay ka fuliyeen Soomaaliya ay ku dileen dagaalamayaal ka tirsan xoogaga Al-Shabaab. Weerarka cirka ah oo uu talisku tibaaxay inay ka dhacday nawaaxiga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug oo ahayd labo duqayn ayuu shaaciyay Mareykanka inuu ku khaarijyeen ku dhawaad 30 xubnood. Ma jiro war rasmi ah oo ay kooxda Al-Shabaab kasoo saartay duqayntaan, oo shalay oo Isniin ahayd dhacday. Mareykanka ayaa bilooyinkii ugu dambeeyay sarre u qaaday weerarada dhinaca cirka ah ee uu ka fulinayo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, isaga oo beegsanaya Saldhigyada Al-Shabaab iyo goobaha kale oo ay ku sugan yihiin. The post Mareykanka oo war kasoo saarey duqayn uu ka filiyay Somalia appeared first on Shabelle. View the full article -
Roma (Caasimadda Online) – Isniintii shalay aheyd, dalka Talyaaniga waxaa booqasho rasmi ah ay uga wada bilaabatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Amiirka Qatar Tamiim Bin Xamad. Booqashadan oo ah markii ugu horeysay oo mid weliba uu Talyaaniga tago ayaa wararka qaar waxaa ay sheegayaan in qorsha iyo barnaamijka labada mas’uul uu ku jiro inay is arkaan. Villa Somalia ayaa isniintii sheegtay in madaxweyne Farmaajo uu Talyaaniga ku tagayo booqasho 3 maalin ah halka isla isniintii ay Amiir Tamiim Roma uga bilaabatay booqasho 2 maalin ah. Amiir Tamiim oo ka yimid Croatia ayaa ilo halkaasi ku sugan waxaa ay sheegayaan in lagu wado inay is arkaan madaxweyne Farmaajo, taasi oo ah is-arag dadban, oo ka duwan midkii indhaha Soomaalida, gobolka iyo Caalamka arki jireen ee ka dhici jiray caasimadda Doxa. Madaxweyne Farmaajo waxaa uu Qatar u booqday 2 jeer, May 2017 iyo May 2018, isaga oo xiriir fiican la leh Doxa, go’aan dhex-dhexaadnimo ahna ka qaatay xiisaddii Khaliijka. Wixii wararkan, ka soo baxa, Kala soco, Caasimadda Online Caasimada Online Xafiiska Roma Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-20112018.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Jabuuti (PP) ─ Xulalka kubbadda cagta 23-jirada Somalia ayaa guul ka gaaray xulka Itoobiya oo kulankii labaad ee is-reeb-reebka ciyaaraha Olombikada Adduunka ay ku yeeshay garoonka AL-Haji Guled ee magaalada Jabuuti. Cayaartoyda Xulka Somalia ayaa ku badiyay cayaartii galabta 1-0, waxaana guusha xulka 23-jirada Somalia looga dabaal-degay Garoonka oo Soomaali badan ay ku sugnaayeen. Kulankii ka horreeyay midkan ayaa xulka Somalia waxaa looga adkaaday 4-0, iyadoo xulka Smalia ay guul-darro weyn kala kulmeen cabaartaas oo ka dhacday magalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Itoobiya. Goolka xulka Soomaaliya oo ahaa laad toos ah ayaa waxaa u dhaliyay Feysal Xasan Axmed oo ka mida lacibiinta qurbe-joogta ee xulka ka mid noqday, iyadoo guushan ay noaqonayso mid soo celinaysa rajadii Soomaaliya. Dhanka kale, Ma ahan markii ugu horreysay oo xulka Somalia ay sidan oo kale uga adkaadaan xulka Itoobiya, balse dhawr jeer oo hore ayay dhacday, inkastoo xulka Somalia aysan u soo bixin tartankii cayaarihii loo loolamayay. Ugu dambeyn, Cayaartoyda xulka Somalia ayaa waxaa ku socda isbedel aad u weyn, iyadoo la doonayo inuu isbedel ku yimaado heerka cayaaraha dalka, iyadoo xulka Somalia uu guul-darrooyin badan la kulmay tan iyo markii dib boorka looga jafay, sannado ka hor. PUNTLAND POST The post Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo Maanta afka ciidda u daray Xulka Waddanka Itoobiya appeared first on Puntland Post.