Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,978
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Addis Ababa)-Xisbiga TPLF oo hogaamin jiray taxaafulka EPRDF oo dalka Ethiopia soo maamulayey muddo labaatan sano ka badan ayaa eed kulul u jeediyey xukuumadda cusub ee hormoodka ka yahay RWe Abiy Ahmed. Ugu yaraan, 79 isugu jira saraakiil dhinaca amniga ah iyo ganacsato oo badidoodu qowmiyadda Tigreyga ah ayaa toddobaadkii hore lagu eedeeyey inay dambiyo galeen. Hay’adda Amneysty International iyo kuwa kale uu xuquuqda aadamaha u dooda ayaa talaabada dawladda soo dhaweeyey, hase yeeshee, madaxweynaha gobolka Tigreyga Debretsion Gebremichael ayaa sheegay in dadka qowmiyaddiisa la beegsanayo, iyada oo musumaasuq lagu soo gabanayo. Dhinaca kale, dawladda dhexe ee Ethiopia iyo dawlad goboleedyada Soomaalida iyo Oromada ay wali u taag la’yihiin xakameynta falalka gacanka hadalka wata oo dad ay ku dhimanayaan. Source
  2. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa maalmihii lasoo dhaafay laga sugayey jawaabta kama danbeysta ah ee xukuumadiisa ka qaadeyso hogaamiyaha Sacuudiga ee Maxamed Bin Salmaan oo la xaqiijiyey inuu ka danbeeyey dilkii suxufi Jamal Khashoggi oo ay Sacuudiga ku dhex dileen Qunsuliyada ay ku leeyihiin magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Sirdoonka Maraykanka CIA ayaa todobaadkii tagay warbixin dheer ka diyaariyey qaabka dilka u dhacay iyo in amarka dilkaasi suxufi Khashoggi uu ahaa mid si toos ah uga yimid Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan. Trump ayaa ugu danbeyntii qoraal uu kasoo saaray go’aankooda ku dooday in Adduunka oo dhan ay ka dhacaan falal xun, isagoona sheegay in uusan dhacdadan u burburin doonin xiriirka uu Maraykanka la leeyahay Sacuudiga. Wuxuu sidoo kale sheegay inay Maraykanka illaalsan doonaan dhaqaalaha badan oo ay ka helaan Sacuudiga dhanka iibka hubka, ganacsigaasi oo uu sheegay in hadii ay burburiyaan ay ka faa’iideysan doonaan dalalka China iyo Ruushka, waa siduu hadalka u dhigayee. Wuxuu Donald Trump dhinaca kale sheegay in Sacuudiga uu yahay xulafadooda muhiimka ah ee Bariga Dhexe oo ay u baahan yihiin inay gacan kasiiyaan qorshahooda ka dhanka ah Dowlada Iran. Go’aanka Trump ayaa waxaa si adag uga jawaabay qaar kamid ah Xildhibaanada Kongareeska Maraykanka oo sheegay inay iyagu qaadi doonaan tilaabooyin lagu ciqaabi doono Xukuumada Riyadh. Waxaa sidoo kale la filayaa in Turkiga oo dhamaan xogta dilka Suxufig Khashogii gacanta ku haya isla markaana la qeybsaday Maraykanka iyo Xulafadiisa, inay markale sii shaaciyaan xogta badan oo ay dilkan ka hayaan oo aysan weli shacabka usoo wada bandhigin. Source
  3. Waxa ay ahayd bilowgii sanadkii 1993 kii iyo shirkii nabadaynta soomaalida ee Addis, markii ugu horaysay ee ay qarammada midoobay u caddaatay qaabka kaliya ee dawlad soomaaliyeed dib loogu yagleeli karaa inay tahay, in loo sameeyo soomaalida shan maamul oo u dhisan qaab isir-wadaaga, ka bacdina isugu yimaada dawlad dhexe. Madaxdii iyo siyaasiyiintii gobaladii waqooyi bari lama aysan dhacsanayn oo keliya fikirkaan ee waxay lug ku la haayeen hindisihiisa. Wixii xiligaas ka dambeeye dabaqadda siyaasadda ee reer waqooyi bari waxa ay dhexda u xirteen sidii fikraddaas looga mira dhalin lahaa. Waxa ayna ku guulaysteen isku-day goodii ugu horeeyey kolkii sanadkii 1998 ay dhidibbada u dhigeen dhardhaarkii ugu horeeyey oo fadaraala. Sanadkii 2004 tiina waxa ay ku guulaysteen inay tijaaba doodii ay soomaalidii kale ka gadaan, sidaasna ay ku dhalato dawlad fadaraalihi. Madaxwayne Cabdullaahi Yusuf oo ahaa hoggaamiyihii Puntland ee xilligaas waxa uu yiri waxa aanu ahayn cidda kaliya ee lahayd qorshe agaasiman iyo goolal ay ahayd in laga miro dhaliyo. Gool ka ugu wayna waxa uu ahaa nidaamka fadaraalka. Sidaas daraadeed ayaanu xoogga u saarnay ayuu yiri guddigii dastuurka oo muhiim noo ahaa. Eeg buugiisa halgan iyo hagardaamo. Xilligii xukunkii madaxweyne Faroolana reer Puntland waxa ay dhamays tireen hanaankii iyo hadafkii ay fadaraaliisimka ka la haayeen. MAXAY PUNTLAND FADARAALAYNTA U RABTAA? Gobollada iminka Puntland laysku yiraahdo waligood ba waxa ay ahaayeen mandiqad ay ilbaxnimo siyaasaseed ka jirtey. Laga soo bilaabo bilowgii qarnigii siddeed iyo tobnaad illaa bartamihii qarnigii labaatanaad waxaa gobolka ka hirgalay maamulo gayiga soomaaliyeed caan ka ahaa sida Boqortooyadii Baargaal, Saldanaddii Warsangaliga, Saldanaddii Hobyo iyo dhaqdhaqaaqii daraawiishta. Sidoo kale gobolku waxa uu saldhig u ahaa ururkii gobanima doonka ee SYL oo afar ka mida aasaasayaashiisii ay gobalka ka yimaadeen. Qaangaar nimada siyaasadeed ee gobalka ka jirtay ayaa u sahashey madax-siyaasadeedkii gobolku inay yeeshaan hiraal iyo aragti ka gadisan madaxdii kale ee dalka. Taas ayaana keentay inay hindisaan kuna qanciyaan bulshadii caalamka hanaan hoos wax ka dhisa oo lagu midayn karo quluubta qoomamka kala irdhoobey. Qodobka ugu muhiimsan ee reer Puntland nidaamkaan ku riixayse waxa uu ahaa tabasho tasowday oo ay waligood ba tirsanayeen. Xilligii dawladdii rayitka gobol kooda waxaa loo aqoon jirey gaari waa, adeeg yada dawladduna ma gaari jirin. Xilligii kacaan kii Maxamed Siyaad na gobolku waxa uu ahaa meeshii ugu horaysay ee lagu bilaabay siyaasaddii caburinta, dilka,dhaca,xariga,kufsiga iyo bara-kicinta. Xilligii burburkana waxa ay ahaayeen cidda uu khasaaraha ugu wayni ka soo gaaray dagaalkii sokeeye iyo barakicii caasimadda laga barakacay. Maadaama ay dhibbane u ahaayeen dhacdooyin kaan, marna ma doonayaan inay ka mid noqdaan nidaam ay awooddu hal magaalo, hal koox iyo hal qof ay ku uruursantahay. KHILAAFYADA PUNTLAND IYO DAWLADDA DHEXE Soomaalidu waxa ay ku maahmaah daa maan rag waa mudacyo afkood, waana ay adagtahay in labo mudac afkood laysku beego, khilaafkuna sidiisaba ceeb maahan ee waxaa ceeba inaan la oggolaan in lays khilaafi karo iyo inaan farqiga khilaafka xal loo heli karin. Bulsho kasta oo aqbasha khilaafka ayaa maaraysa xalna u hesha farqigiisa. Khliaafka Puntland iyo dawladaha dhexe ee hadba xamar ka hirgalaa waxa uu salka ku hayaa aragtida laga qabo fadaraaliisimka gaar ahaan awood qayb siga. Madaxda dawladda dhexe ee Xamar fadhidaa marna kuma qanacsana nidaamkaan, sidaas daraadeed waxa ay inta badan qaadaan tillaabooyin isku eg. Oo ay ugu horayso, shaki galinta iyo furfuritaanka fadaraaliisimku. Ayna labayso, faquuqidda iyo ciqaabista Puntland oo ay u arkaan dheeli-tiraha koobaad iyo dhardhaarka sharciyadda fadaraaliisimka. Saddexna ay tahay, marooqsiga iyo wiiqista awoodaha is dheeli-tira sida golayaasha xeer dajinta, garsoorka, dastuurka iyo maamul gobaleedyada. Puntland-na marna lagama yaabo inay aqbasho ama ka mid ahaato nidaam ka hooseeya dawlad fadaraala, sidaas daraadeed weerar walba oo lagu qaado sharci-siyaasadeed ka dalka waxa ay u aragtaa ka bixid laga baxay heshiiskii dawlad dhisida. DAWLADDA NABAD IYO NOLOL MAXAY UGA GADISAN TAHAY KUWII HORE? Dhamaan dawladihii dhexe ee dalka soo maray marka laga reebo dawladdii Cabdullaahi Yuusuf waxa ay ka midaysnaayeen la dagaalanka fadaraalka. Inkasta oo dawladdii Xassan Shiikh ay dagaal rasmiya iyadu la gashay nidaamkaan, haddana aakhirkii waa ay ku guulaysan waydey isku daygeedii. Lakiin dagaalka dawladda Farmaajo ayaa ah mid ka gadisan kana khatar badan dagaalkii dawladdii Xasan Shiikh. Dawladda Farmaajo ayaa ah dawladaha nooca xamaas ku dhaladka loo yaqaan, oo ah nooca uu saldhiga u yahay dhaqan kooda waxa la yiraahdo populism-ku oo ah laab la kaca aan waaqica ku salaysnayn. Inta badan mdaxda dawladaha noocaana hogaamiya ayaa loogu yeeraa marin-habaabiyayaal (demagogue leaders). Maxaa yeelay shacbigooda ayay u sheegaan khuraafaad iyo khudbooyin xamaasiya oo waaqica ka fog. Dhaqamada marin-habaabintu waxa ay si aada uga muuqdataa raysal wasaare Khayre oo ay aad ula wayntahay amar ku taag laynta iyo anaa iridu. Waxaa kale oo ay marin-habaabiyayaashu caan ku yihiin magac dilka iyo u magac bixinta dadka fikirka uga soo horjeeda. Marin-habaabiyayaasha (demagogue leaders) waxaa lagu yaqaan inay la diriraan sharciyadda, maxaa yeelay waxa ay u socdaan inay u xuubsiibtaan kali-talisnimo. Xiisaha ay uqabaan in la koolkooliyo magacooda iyo kharashka xad dhaafka ah ee ay ku bixiyaan baahinta muuqooda ayaa ah tilmaan kale oo aad ku garan kartid marin-habaabiyaha. Ogow marin-habaabiye aan la xakamayni wuxuu u xuubsiibtaa kali-talis kaas oo isna marka dambe u xuubsiibta dhiig-yacab. Waxa kaliya ee dhiig-yacab laga dhaxlaana waa wixii aynu dhaxalnay soddon sano ka hor. Sidii aynu horayba usheegnay Puntland ayaa iyana waxa kaliya ee ay u jirtaa waxa ay tahay inaan dhaqamadii kaligi-talis nimada iyo dhiig-yacab nimadu dib usoo noqon. Markasta oo ay dareento in marin-habaabiye uu bulshada weedhihiisa naxliga leh ku af-duubi rabana, dadka kale waa ay ka qaylo dheertahay. GUNAANAD Soomaaliya waa dal burburay oo hadana siyaasad ahaan u fashilay. Dhib aad u wayn ayaana laga soo maray isla baadi goob kiisa. Iyada oo maanka lagu hayo wixii rogay ayaa loo sameeyey nidaam ay ku kala badbaadi karto dibna ugu dhismi karto. Dadka aan xog-ogaalka ahayni waxa ay inta badan dhaleeceeyaan dastuurka dalka iyaga oo ku tilmaa inuu yahay mid is burinaya. Laakiin waxa ay hilmaansan yihiin inaynu nahay colaad ka soo daah (post conflict) sidaas daraadeed dalalka colaad ka soo daahaa waxaa lagu dhaqaa xeerar gooniya, maxaa yeelay waxaa looga turayaa inay colaadii dib ugu noqdaan. Si aysan taasi u dhicin waa in awooddu qaybsanataa. Dastuurka, Fadaraaliisamka, aqallada xeerdejinta iyo garsoor kuba waa dheeli-tirayaasha xakameeya ama dheeli-tira hay’adda fulinta si aysan awoodda ugu tagri falin. Dawladda nabad iyo nolol si ka gadisan ku wii ka horeeyey ayay ula dirirtay sharciyadaas, waxa ayna meesha ka saartay dheeli tirayaashii xakamyn lahaa awooddeeda. Nasiib daro waxaan jirin gole iyo garsoor madax banaan toona. Laakiin nasiib wanaag waxaa jira Puntland oo ah hormuudka maamulada ahna dheeli-tiraha kaliya ee rasmigaa ee u taagan dheeli-tirka dawladda dhexe, ha jeclaadeen iyagu amaba yaysan jeclaane. Dadka aan aqoonta u lahayn dhaqan siyaasadeedka reer Puntland waxaa isaga khaldama ashkhaasta maamulka joogta iyo hiraalka siyaasadeed ee ay Puntland ku dhisan tahay. Xilligii madaxwayne Faroole oo dawladdii Xasan Shiikh loolan adag uu kala dhaxeeyey ayaa qolyihii Xassan aad ugu farxeen dhicistiisii, Faroole isaga oo xasuusinaya in waxa ay is hayeen aysan ahayn shakhsiyaddiisa ee ay ahayd sharciyadda ay Puntland ku dhisan tahay ayuu yiri ” waxba ha ka farxina midka i badalayaa waa iga sii daran yahay” Iminka waxa aynu ku sugannahay marxalad kale oo is maan dhaafa iyo amin doorasho. Haddaba si aysan khalad noocii Xassan Shiikh oo kalaa aysan ugu dhicin qolyaha nabad iyo nolol, waa in ay ogaadaan in cid walba oo aaminsan wax ka hooseeya sharciyadda ay Puntland ku dhisantahay ay adagtahay in laga gado dadka reer Puntland, xitaa haday guulaystaana ay adag tahay inay ku hoggaamiyaan fikir ka hooseeya waxa ay Puntland u taagan tahay. Fiiro Gaara: haddaad rabtid inaad macluumaad dheeraada ka ogaato dhaqamada Marin-habaabiyaha, akhri maqaalka Saddexda Ilma Dage iyo dagaaga dal baa ka dhaxeeye oo bishii may ku soo baxay isla mareegtaan Puntland Post. Qalinkii: Mohamed Ahmed Elmi The post PUNTLAND: WAA DHARDHAARKA DHEELI TIRA FADARAALKA appeared first on Puntland Post.
  4. Garbahaarreey (Sh.M.Network) – Cabdiqani Maxamed Bayow oo kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Gedo oo la hadlay idaacada Shabelle ayaa sheegay in gobolka ay ka taagan is-qabqabsi la xiriira dhinaca maamulka. Siyaasiga ayaa shaaciyay in is-qabqabsiga uu yimid markii maamulka Jubbaland uu gobolka usoo magacaabay labo gudoomiye, isaga oo ku eedeeyay masuuliyiinta madaxda dowlad goboleedkan inay gobolka ka abaaburayaan colaad beeleedyo. Mr Bayow ayaa ugu baaqay shacabka reer Gedo inay ka fogaan wax kasta oo keeni kara inuu dhiig-dato xili uu madaxda uu sareysa ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay soo farageliyaan arrintaani. Hoos ka dhageyso warka oo Cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Qani-1.mp3 The post Is-qabqabsi maamul oo ka taagan gobolka Gedo appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Maamulka gobolka Banaadir ayaa dib u howlgeliyey nalalkii ku shaqeynayey cadceedda ee muddooyinkaan dambe densanaa. Mugdi badan ayaa markii hore laga dareemayey waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, sababtuna waxay ahayd nalalkii cadceedda ku shaqeynayey ayaa qaarkood densanaa, kuwana waaba ay burbureen. Balse Todobaadyadii ugu dambeeyey maamulka gobolka Banaadir ayaa dib u habeeyey dhammaan leerarkaasi, wuxuuna sidoo kale maamulka muday kuwo cusub oo lagu bedalay kuwii burburay. Hadaba Goobjoog ayaa warbixintaan muuqaalka ah ka diyaarisey dib u idinta caasimadda Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. (SLT-Yemen)-Magaalada Xeebta saaran ee Xudeydah ayey weli kasii socdaan dagaalo xoogleh xili ay dhinacyada dagaalamaya ay sheegeen inay diyaar u yihiin dhaqan gelinta xabad joojinta dagaalka Yemen. Kooxda Xuuthiyiinta ayaa isniintii sheegay inay diyaar u yihiin xabad joojin dalkaasi laga dhaqan geliyo, sidoo kale Sacuudiga ayaa sheegay inuu diyaar u yahay wadahadalka ay garwadeenka ka yihiin guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan Yemen. Balse waxaa muuqata inuusan weli joogsan dagaalka Xudeydah oo ay maalmihii lasoo dhaafay boqolaal dad ah ku dhinteen, dagaalkaasi ayaa sidoo kale caqabad ku ah gargaarkii la gaarsiin jiray shacabka Yemen, maadaama magaaladaasi Xudeydah oo ay ku taal dekkada ugu weyn ee deeqda loo marin jiray shacabka ku nool Waqooyiga Yemen. Xuuthiyiinta ayaa ku eedeeyey xulafada Sacuudiga inay doonayaan inay awooda militari magaaladaasi kula wareegaan kahor intaan la gaarin shirka dhamaadka sanadkan ay Qaramada Midoobay u qaban doonta dhinacyada dagaalamaya, shirkaasi oo la filayo inuu ka dhaco dalka Sweden. Source
  7. (SLT-Berlin)-Dowlada Germany ayaa dhaqan gelisay go’aan adag oo ay uga jawaabeyso dilkii Sacuudiga u geystay Suxufi Jamal Khashoggi oo la dilay 2dii bishii Oktoober. Xukuumada Jarmalka ayaa sheegtay in gebi ahaan la joojiyey heshiisyadii horey loo saxiixay ee hubka wadankaasi ka iibin jiray Riyadh, isla markaana la hakiyey mashaariicdii kale ee militariga dalkaasi la lahaa Sacuudiga. Go’aankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey oo si toos ah u taabanaya xiriirka militari ee ka dhaxeeyey dalalka reer Galbeedka iyo Sacuudiga. Germany ayaa dooneysa in sidoo kale wadamada kale ee Midowga Yurub ee ganacsiga militari laleh Sacuudiga ay qaadaan tilaamo midan lamid ah. Sacuudiga ayaa hubkiisa ugu badan kasoo gata dalalka reer Galbeedka, gaar ahaan dalalka ay kamid yihiin; Maraykanka, Canada, UK, France, Germany iyo Spain. Dowlada Canada ayaa sidoo kale sheegtay inay go’aan ka qaadan doonto heshiisyadii ganacsiga hubka oo ay horey ulla lahayd dalka Sacuudiga. Source
  8. Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xoogan oo ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab ku dhex-maray duleedka magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay sheegeen illo wareedyo. Dadka degaanka ayaa kusooo waramaya in dagaalka uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaasi oo soo kala gaarey dhinacyadda ay dirirtu dhex-maray, xili ay shaaciyeen inay arkeen meydadka saddex Al-Shabaab ah. Illo wareedyo madax banaan oo gobolka ku sugan ayaa xaqiijinaya in Al-Shabaab ay dagaalka ku qabsadeen gadiid nooca dagaalka ah iyo 11 Qori oo ay ka furteen ciidamadda xooga dalka Soomaaliya. Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo meesha ay wax ka dhaceen ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay mid degan, xili ciidamada dowladda ay magaalada Marka ku qabteen saaka ruux la sheegay inuu Al-Shabaab udagaalamayey. Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay idaacadda Shabelle wuxuu tilmaamay in dagaalka ay ku qabsadeen degaanka Jilib Marka iyo tuulooyin kale oo ku dhow. Inta badan gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka dhaca dagaalo qaraar oo udhaxeeya Al-Shabaab iyo ciidanka dowladda, kaasi oo geystay khasaaro labada dhinac ah, wallow mararka qaarkood ay waxyeelo kasoo gaarto shacabka. The post Fahfaahino laga helay dagaal xoogan oo ka dhacay Sh. Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Maanta oo ay ku beegan tahay 21-ka November, waxaa loo dabaal degayaa maalinta Macallinka Soomaaliyeed, iyadoo sanad walba sidaan oo kale loogu dabaal dego. Macallinka oo ah hagaha bulshada, islamarkaana hadii aanu jiri lahayn aysan suurtagal noqon lahayn in la helo bulsho wax taqaan, ayaa hadana maanta shacabka Soomaaliyeed waxay u tahay maalin aad iyo aad ugu qiimo badan. Guud ahaan gobalada dalka Soomaaliyaa ayaa laga xusayaa maalintaan qiimaha badan, iyadoo ay jiraan munaasabado maalintaan loogu dabaal degayo. Macallimiinta Soomaaliyeed ayaa usoo dhabar adeegay in heerka waxbarasho ee dalka haatan marayo gaarsiiyaan, iyadoo dalka uu soo maray marxalado kala duwan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. (SLT-Cabul)-Qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday goob ay ku shirayeen culumaa’udiin dalka Afqaanistaan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 43 qof. Qaraxa ayaa ka dhacay magaalada, Kabul ee xarunta dalka Afqaanistaan. Qarxani ayaa waxaa ugu yaraan ku dhaawacmay 83 qof. Kulanka culumadan ayaa ka dhacayay goob aroosyada lagu qabto oo lagu magacaabo Uranus wedding hall. Culumada qaraxa lala beegsaday ayaa ku guda jiray xuska dhalashada Nabi Maxamed Nabadgalyo iyo naxariis dushiis ha ahaatee. Waa qaraxii ugu dhimashada badnaa ee Kabul ka dhaca bilooyiinkii ugu dambeeyay. Ma jirto ilaa iyo imika cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi. Sidee wax u dhaceen? Waxaa la sheegay in goobta ay xafladda ka socotay ay ku jiraan 1,000 qof markii uu qaraxa dhacayay. Lahaanshaha sawirkaEPAImage captionCiidamada ammaanka Afhayeen u hadlay booliiska Kabul Basir Mujahid,ayaa sheegay”In culumada Islamka ay aqrinayeen quraanka iyaga oo u dabaaldagayay dhalashada Nabiga nabadgalyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee”. Qofka ismiidaamiyay ayaa ka soo galay albaabka hore ee xarunta halkaasi oo walxaha qarxa uu la beegsaday. Sheekh Mohammad Hanif ayaa sheegay uu qarax dhawaq xooggan uu dhacay “qof walibana uu qaaylinayay isaga oo caawin dalbanaya”. Sawiro laga soo qaaday goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxay muujinayaan dhar dhiig badan uu ka muuqdo iyo quraarado jajabay oo goobta daadsan. Telefishinka 1TV News ayaa ka soo xigtay wasaaradda caafimaadka in 24 ka mid ah dadka dhaawacmay uu dhaawacooda halis yahay. Maxay tahay jawaabaha laga bixiyay? Madaxwaynaha Afqanistan Ashraf Ghani ayaa cambaareeyay waxa uuna ku tilmaamay “weerar argagixiso “. Waxa uu ku dhawaaqay in maanta oo Arbaco ah ay tahay maalin baroordiiq islamarkana calanka dalka hoos loo dhigi dono. Howlgalka Qaramada Midoobay ee Afqanistaan ayaa dhankooda waxay sheegeen in ay aad uga xun yihiin weerarkan ismiidaaminta. Rai’sul wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa cambaareeyay waxa uuna ku tilmaamay “fal argagixiso oo fulaynimo ah”. Source
  11. Muqdisho (Sh.M.Network) – Gudoonka Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Wafdi uu hogminayay Wasiir ku xigeeenka Arimaha Dibada Dowladda Finland ee Xarunta Golahasi Wafdigaan heeraka sarre ee ka socday Dowlda Finland uu Hogminayay Wasiirka Kuxigeenka Finland, Samuli Virtanen iyo Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sarre Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulan Albabada xubnaha ku wada qaatay Golaha Aqalka Sare. Kulanka labada mas’uul marka uu soo idlaaday ayaa waxaa warbaahinta uga warbiyay Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mowliid Xuseen Guhaad ayaa sharaxay muhiimada kulankaasi iyo waxyaabaha ugu mihiimsanaa ee lagu lafa guray. Mowliid Xuseen ayaa carabka ku dhuftay in ay mas’uuliyiintu ay isla soo qaadeen Dadaalada uu Golaha Aqalka Sare uu isgu soo dhaweenayaan Maamul Gobalaydyada Xubnaha ka ah Dowlad Dhexe Fedraalka Soomaaliya oo haatan wada shaqeyntooda uu mad-madow uu soo kala dhexgalay iyo haatan halka ay dadaaldaasi ay mrayaan. Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku howlan sidii uu u dardargalin lahaa Howlha Horyaala Golahaasi iyo Dadaalda la isugu soo dhaweenayo Maamul Gobalydyda Dalka iyo Dowlada Dhexe Soomaaliya. Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Finland, Samuli Virtanen oo shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa maanta Aqalka sare kula kulmay Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi iyo Ku xigeenadiisa. Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mowliid Xuseen Guhaad ayaa kulanka dib ka warbixiyay Waxyaabihii ay ka wada hadleen Madaxda Aqalka sare iyo Samuli Virtanen. “Waxaan bogaadineynaa inuu soo booqday Aqalka Sare, Kulan ayaan la yeelanay wuxuu waday Fariin iyo Salaan uu ka sido Madaxda iyo Shacabka Finland, Waxyaabaha aan ka wada hadalnay waxaa ka mid ah Xoojinta Xiriirka Labada dal, Doorka uu leeyahay Aqalka sare iyo sidii loo hormarin lahaa Federaalka. Sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Aqalka Sare ayaa sheegay inay isla garteen in Dowlada Finland ay ka qeyb ka qaadato Hormarinta Federaalka Soomaaliya iyo xalinta tabashooyinka ay Dowlad Gobaleedyada ka qabaan Dowlada dhexe. “Waxaan isla garanay in Dowlada Finland ay door wanaagsan ka qaadato xalinta wada shaqeyn xumada dhex martay Dowlada Dhexe iyo Dowlad Gobaleedyada iyo sidii Midowga Yurub iyo Dowlada Finland u taageeri lahaayeen Nidaamka Federaalka oo ku cusub Soomaaliya, aad ayaan ugu faraxsanahay imaanshaha Wasiirka, inuu fariin fiican la noqon doono ayaan rajeyneynaa”. Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Finland, Samuli Virtanen, ayaa shalay la kulmay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dawladood, fududaynta isu socodka, kor-u-qaadidda taageerada Finland ay siiso Soomaaliya, horumarinta ganacsiga iyo dar-dar gelinta mashaariicda dawladda Finland ay ka fuliso Soomaaliya. The post Gudoonka Aqalka sare oo qaabilay wafdi ka socday Finland appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo magaaladda Rome kula kulmay Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga Mudane Giuseppe Conte ayaa sheegay in dib u xoojinta xiriirka labada dal uu yahay qorshe mudnaan gaar ah u leh Dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa la wadaagay Raiisul Wasaaraha dalka Talyaaniga kaalinta uu dalkaasi kasoo qaatay dowlad dhisidda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada maamulka iyo ciidanka, isagoona tilmaamay in kaalintaas oo kale ay haatan ka filanayaan madaxda dalka Talyaaniga. Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa si wada jir ah u bogaadiyey xiriirka soo jireenka ah ee ku salaysan saaxiibtinimada iyo dan-wadaagga ee ka dhaxeeya labada dal. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boorriyay Dowladda Talyaaniga in ay ku dhiirrigeliso ganacsatada iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Talyaaniga in ay maalgashadaan Soomaaliya iyagoo ka faa’iideysanaya fursadaha kala duwan ee haatan ka jira Soomaaliya. “Soomaaliya iyo Talyaaniga waxay wadaagaan xiriir taariikhi ah oo ku qotoma iskaashi dhaqaale, mid dhaqan iyo saxiibtinimo soo martay heerar kala duwan, waana tan udub dhexdaadka u ah in la xoojiyo xiriirkeena soo jireenka ah si aynu horumar iyo barwaaqo u gaarsiinno labadeenna shacab.” Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Conte ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga la socda, wuxuuna adkeeyay in ay dowladdiisu ka go’an tahay wadashaqeynta iyo taageerada ay u hayaan Soomaaliya, isagoona bogaadiyey horukaca ay sameysay Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale soo dhaweeyay hindisaha Dowladda Soomaaliya ee maalgashadayaasha Talyaaniga si ay ganacsatada Talyaaniga u maalagashadaan Soomaaliya. Intii uu socday kulanka, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga warbixiyay Ra’iisul Wasaare Conte horumarka iyo soo kabashada ay hadda ku jirto Soomaaliya iyo sidii labada dowladood u yeelan lahayeen iskaashi iyo wax-wada-qabsi. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Conte ayaa isku raacay ina y sii wadaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dawladood, iyada oo loo marayo istiraatiijiyad faa’iido wadaag ah oo dan u ah labada dal iyo shacab sii loo xoojiyo xiriirka dhaqaale iyo dhaqan ee ay wadaagayaan labada dal. The post MD Farmaajo oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Muqdisho (Sh. M. Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-211118.mp3 The post Dhageyso: Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Hirshabeelle ayaa xil ka qaadistii ugu badneyd ku sameeyay masuuliyiin kala duwan oo xilal ka qabtay gobolka Hiiraan, haba ugu badnaadeene guddoomiyaal kala duwan oo xilka laga qaaday. Arrinta ugu weyn ee sababta u ah xil ka qaadista ayaa ah hab maamulka dhaqaalaha badan ee canshuur ahaan kaga soo xaroodo magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan iyo deeganaada kale ee gobolka. Wasiirka maaliyadda Hirshabeelle oo saaxiib ay yihiin masuuliyiinta ugu sareyso Hirshabeelle ayay is qabteen masuuliyiintii ugu badneyd ee xil ka qaadista lagu sameeyay ee gobolka Hiiraan. Arrinta ay isku qabtaan masuuliyiinta ugu badan ee xilka laga qaaday ayaa ah dhaqaalaha kasoo xaroodo gobolka Hiiraan oo si toos ah loogu shubo Account ay maamulaan madaxda Hirshabeelle. Masuuliyiintii maamulka degmada iyo kan Gobolka ayaa ku dooda in dhaqaalaha ka yimaada kastamada magaalada Beledweyne lagu shubo qasnadda gobolka Hiiraan si loogu adeego dadweynaha gobolka islamarkaana mushaarkooda laga siiyo shaqaalaha gobolka Hiiraan. Taasi badalkeeda waxaa dhaqaalaha toos loogu xawilaa Koontooyin gaar ah, waxaana Hiiraan a yimaada dhaqaalaha ugu badan oo dadka deegaanka aan loogu qaban. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isaga oo ku sugan magaalada Kismaayo, waxa uu sheegay in xilligan aanay suurtagal ahayn in Soomaaliya iyo Itoobiya ku midoobaan arrimaha siyaasadda. Wuxuu sheegay in kaliya laga wadahadli karo arrimaha dhaqaalaha iyo maslaxadda Labada dal, balse aanay habooneen in la isugu yimaado arrimo siyaasadeed waqtigan. Madaxweyne hore Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in markii la helo dowlad sal adag leh suurtagal tahay in laga wadahadlo arrimaha siyaasadda waa sida uu hadalka u dhigaye. “Annaga iyo Itoobiya siyaasad ayaan ka midoobeynaa in la yiraahdaa lama billaabi karo, waqtigeedana ma ahan, dalkaan markii uu dego oo dowlad uu yeesho oo dowladdiisu dowlad deggan oo adag ay noqoto markaasi waa dooddeeda iyo ra’yigeeda waa la furi karaa…maanta waxaan qabaa wada xaajoodkeeda lama bilaabi karo iska daa waan midoobeynaa iyo Hal madaxweynaan yeelaneynaa, xaggaan ka dhaceynaa..mana furno albaabkaasi maanta, laakiin midda dhaqaalaha ah iyo masaaliixda in laga wadahadlo wadahadalkeeda waa la bilaabi karaa” ayuu yiri Xasan Sheekh. Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretria ayaa gaaray heshiis Saddex geesood ah, kaasi oo u badan iskaashi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Puntland Post-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo magaaladda Roma kula kulmay Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga Mudane Giuseppe Conte ayaa sheegay in dib u xoojinta xiriirka labada dal uu yahay qorshe mudnaan gaar ah u leh Dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa la wadaagay Raiisul Wasaaraha dalka Talyaaniga kaalinta uu dalkaasi kasoo qaatay dowlad dhisidda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada maamulka iyo ciidanka, isagoona tilmaamay in kaalintaas oo kale ay haatan ka filanayaan madaxda dalka Talyaaniga. Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa si wada jir ah u bogaadiyey xiriirka soo jireenka ah ee ku salaysan saaxiibtinimada iyo dan-wadaagga ee ka dhaxeeya labada dal. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boorriyay Dowladda Talyaaniga in ay ku dhiirrigeliso ganacsatada iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Talyaaniga in ay maalgashadaan Soomaaliya iyagoo ka faa’iideysanaya fursadaha kala duwan ee haatan ka jira Soomaaliya. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo Iyo Ra’iisul Wasaare Talyaaniga Oo Kulan Yeeshay appeared first on Puntland Post.
  17. War weyn:Xiisad Culus oo ka dhex aloosan Tigrayga Itoobiya iyo Maamulka Ra’iisal-wasaare Abiy Ahmed Xisbiga awoodda badan ee Tigrayga dalka Ethiopia ayaa ku eedeeyey dowladda dalkaas inay xireyso oo ay beegsaneyo xubno kasoo jeeda qowmiyaddaas, taasi oo ay sheegeen inay qeyb ka tahay dagaal siyaasadeed oo lagu hayo. Hadalka aan caadiga ahayn ee kasoo baxay Tigrayga, ayaa shaaca ka qaadaya heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka xooggan ee ka dhex-oogan maamulka sare ee Ethiopia. Eedeyntan ayaa qeyb ka ah xiisad sii kordheysa oo u dhaxeysa xisbiga Tigrayga ee TPLF – oo muddo hayey awoodda dalka Ethiopia – iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, oo kasoo jeeda qowmiyadda Oromada. Ugu yaraan 79 isugu jira saraakiil amni, ganacsato iyo haween badankood kasoo jeeda Tigrayga ayaa la xiray tan iyo toddobaadkii tagey, taasi oo qeyb ka ahayd wax ay dowladda ugu yeertay olole ka dhan ah musuq-maasuqa iyo si xun ula dhaqanka maxaabiista. Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International iyo ururo kale ayaa soo dhoweeyey xariga. Hase yeeshee guddoomiyaha xisbiga TPLF, Debretsion Gebremichael ayaa yiri isniintii “Musuq-maasuq iyo xuquuqda aadanaha, ayaa qiil looga dhigay in la beegsado dadka Tigrayga”. Xafiiska ra’iisul wasaaraha Ethiopia, weli kama jawaabin eedeynta culus ee kasoo baxday Tigrayga. Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa ka hadlay xiriirka siyaasadeed iyo midka dhaqaale ee u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Ethiopia. Xasan Sheikh ayaa sheegay in hal arin aysan ku heshiin karin Soomaaliya iyo Ethiopia, arintaasi oo uu ku tilmaamay inay tahay siyaasadda, maadaama dalka ay dhibaatooyin siyaasadeed ka jiraan. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kasoo horjeestay Ololaha dowladda Soomaaliya ay waddo ee ku aadan Hanaan goboleedka dalalka geeska Afrika ee ku aadan horumarinta dhaqaallaha. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan dhici karin in ay Soomaaliya iyo waliba dalka Itoobiya ay ku midoobaan Siyaasad xilli Soomaaliya ay ka jiraan dhibaatooyin badan sidda Siyaasad aan degeyn iyo waliba dalka oo aan la heyn Ciidan xooggan. Waxaa uu sheegay in aan la bilaabin karin xilliggaan Midnimadda Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana uu sheegay in hadda loo baahan yahay in dalka dib loo dhiso oo aan umadda Soomaaliyeed dhibaato hor leh loo horseedin. Madaxweyne Farmaajo ayaa xiriir wanaagsan la sameeyay dowladda Ethiopia, kaasi oo sababay in maamuladii dalka ay dareemaan culees dhanka dibadda ah, maadaama lasoo xirxiray dhaqdhaqaaqyadii ay sameyn jireen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Xukunka dunida islaamka” Sacuudiga oo arrin yaab leh ku tuhmaya TURKIGA Wargeys kasoo baxa dalka Sacuudiga ayaa bilaabay olole loogu digayo qorshaha Turkey uu ka damacsan yahay dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Nin Salaam, iyada oo lala xiriirinayo dilkii Wariye Jamaal. Arrinta yaabka leh ee Sacuudiga ay faafinayaan ayaa ah in Turkiga doonayaan in ay wiiqaan Sacuudiga, si ay ayaga u xukumaan dunida Islaamka. Wariye Maxamed Catiif ayaa ku qoray Wargeyska SABQ in dowladda Sacuudiga ay ku micneysay “Weerar aan waxba laga qaban karin” dilkii Jamaal, halka uu ku eedeeyay dowladda Turkey inay kor u qaadeyso arin aan waxba ku jirin, ayna iska indha tireyso Dalabka Sacuudiga ee la xiriira codka ama cadeymaha kale ee dilka Jamaal. Wariyaha ayaa ku eedeynaya xukuumadda Ankara in dilka Jamaal ay siyaasadeyneyso, iyada oo dooneysa inay isku daydo xukunka dunida islaamka iyada oo la hoos dhigayo doorka Sacuudiga ku leeyahay la dagaalanka kooxaha islaamiyiinta. Wuxuu intaasi ku daray in Turkey uu isku dayayo ” Inuu helo faa’idada dhaqaale isaga oo u hanjabaya Sacuudiga” waxaana uu sidoo kale sheegay in Turkey uu jibiyay xiriirka diblumaasiyadeed isaga oo jaajuusay qunsuliyadda Sacuudiga. Isla waqtigaasi, Wariye Sacuudiyaan ah Xaamud Abu Taleb ayaa warbixin uu qoray cinwaan uga dhigay “Maxay dadka dambiyada waaweyn galay u aamisan yihiin” waxaana uu ku eedeeyay in xukuumada Turkey ay ogolaadeen dilka Wariye Jamaal Khashoqji. “Sirdoonka Turkey wuu la socday xaalka Jamaal ilaa uu yimid Istanbul, waxay dhageysanayeen wada sheekeysigooda iyo qorshaha dilka Wariyaha, laakiin ma aysan joojin in dambiga uu dhaco”ayuu hadalkiisa kusii daray wariyaha reer Sacuudi. Sidoo kale Khalid Suleymaan ayaa qoray “Haddii “Turkey” ay ogaayeen xaalka iyo qorshaha dilka inta uusan dhicin, maxay ugu digu waayeen Kashoqji” Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay dib u fureyso Muddo kadib xuduuda ay wadaagaan degmooyinka Beledxaawo iyo Mandheera oo u xirmay weerarada Al Shabaab. Xadka Mandheera ee dhanka Soomaaliya ayaa xirmay kadib markii Al Shabaab weeraro badan ay ka geysteen deegaankaasi, waxaase hadda Kenya ay sheegeysaa in xaaladda oo soo wanaagsanaatay ay sahleyso in xadka ay furaan. Tan iyo Bilowgii 2015 Kenya waxay ku guuleysatay dhismaha xuduudka oo darbi ay ka dhiseysa oo gaaraya ku dhawaad 20 KM, waxaana taasi ay qeyb ka tahay qorshaha dib loogu furayo xuduuda Mandheere ee dhanka Beledxaawo. Beledxaawo iyo Mandheera shacabka ku nool ayaa leh xiriir wanaagsan oo dhanka ganacsiga ah, laakiin ciriiri ayaa ku yimid dhaqdhaqaaqii ganacsi ee ee labada dhinac waxii ka dambeeyay markii xuduuda la xiray. Dhawaan Guddiga Difaaca dalka Kenya oo deegaanada xuduuda tagay ayaa sheegay inay ogaadeen in shacabka Kenya ay doonayaan in ciidamadooda ka baxaan Soomaaliya si weerarada Al Shabaab ay u yaraadaan. Guddiga ayaa sidoo kale qiimeynayay dhismaha darbiga weyn ee xuduuda labada dal, iyaga oo warbixin u gudbiyay baarlamaanka dalka Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Xisbiga awoodda badan ee Tigrayga dalka Ethiopia ayaa ku eedeeyey dowladda dalkaas inay xireyso oo ay beegsaneyo xubno kasoo jeeda qowmiyaddaas, taasi oo ay sheegeen inay qeyb ka tahay dagaal siyaasadeed oo lagu hayo. Hadalka aan caadiga ahayn ee kasoo baxay Tigrayga, ayaa shaaca ka qaadaya heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka xooggan ee ka dhex-oogan maamulka sare ee Ethiopia. Eedeyntan ayaa qeyb ka ah xiisad sii kordheysa oo u dhaxeysa xisbiga Tigrayga ee TPLF – oo muddo hayey awoodda dalka Ethiopia – iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, oo kasoo jeeda qowmiyadda Oromada. Ugu yaraan 79 isugu jira saraakiil amni, ganacsato iyo haween badankood kasoo jeeda Tigrayga ayaa la xiray tan iyo toddobaadkii tagey, taasi oo qeyb ka ahayd wax ay dowladda ugu yeertay olole ka dhan ah musuq-maasuqa iyo si xun ula dhaqanka maxaabiista. Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International iyo ururo kale ayaa soo dhoweeyey xariga. Hase yeeshee guddoomiyaha xisbiga TPLF, Debretsion Gebremichael ayaa yiri isniintii “Musuq-maasuq iyo xuquuqda aadanaha, ayaa qiil looga dhigay in la beegsado dadka Tigrayga”. Xafiiska ra’iisul wasaaraha Ethiopia, weli kama jawaabin eedeynta culus ee kasoo baxday Tigrayga. Caasimada Online Xafiiska Addis-Ababa Caasimada@live.com
  22. Waaciye[Puntland Post]-Degmada Waaciye ee gobolka Karkaar waxaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyey musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland ee sannadka 2019, Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye. Boqollaal dadwayne ah oo isugu jirey qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa isugu soo baxay fagaaraha degmada Waaciye, si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan Musharrax Jebiye iyo ololihiisa Karti iyo Hufnaan. Injineerku wuxuu bulshada Waaciye uga mahadceliyey sida xurmada leh ee isaga iyo wafdigiisa loo soo dhoweeyey, wuxuuna ballan qaaday in marnaba aanu hilmaami doonin taageerada ay bulshada Waaciye u muujiyeen Ololaha Karti iyo Hufnaan. Musharrax Jebiye ayaa kahor imaatinkiisa degmada Waaciye wuxuu soo maray si weynna loogu soo dhoweeyey deegaannada Carta, Laas Barwaaqo, Juurile, Dalweyn iyo Alxamdulillaah. Bulshooyinka deegaannadaas ku dhaqan ayaa Musharraxa uga mahad celiyey sida uu mudnaanta u siiyey codsigooda ah inuu deegaannadooda soo booqdo, iyagoo sheegay inay tahay markii ugu horraysey ee ay arkaan musharrax soo u yimaada oo dhegaysta tabashooyinka ay qabaan. Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye ayaa weli ku guda jira socdaalka uu ugu magac daray ‘Tashi iyo Tabasho’. Socdaalkan ayaa ah mid musharraxu ugu kuur gelayo xaaladda guud ee dalka islamarkaana uu kula tashanayo qaybaha kala duwan ee bulshada Cabdiqani Boos Puntland Post The post Musharrax Jebiye oo degmada Waaciye si weyn loogu soo dhoweeyey appeared first on Puntland Post.
  23. Ilhaan Cumar oo taageero ka heshay Ivanka Trump Ivanka oo taageertay Ilhaan Cumar Ururka u dooda xuquuqda dadka muslimiinta ah ee ugu weyn dalka Mareykanka iyo gabadha uu dhalay madaxweyne Donald Trump ayaa taageeray isku day ay gabar muslim ah oo ka soo jeedda Soomaaliya ku dooneyso in wax looga baddalo sharci muddo aad u dheer ka jiray aqalka wakiillada Mareykanka, oo ah inaan madaxa lagu daboolan Karin gudaha aqalkaas. Ilhaan Cumar, oo ah gabar qaxooti ah oo Soomaaliya ka timid, isla markaana dhawaan loo doortay xubinnimada aqalka wakiillada ee Koongareeska Mareykanka, ayaa ku biirtay olole ay hoggaamiyeyaasha xisbiga dimuqraaddiga ku doonayaan in wax looga beddelo xeer uu aqalkaas ku dhaqmayay muddo 181 sano ah. Arrintan ayey siyaasiyiinta xisbigaasi ku damacsan yihiin in golaha wakiillada loogu fasaxo qodobbada la xiriira diimaha ee daboolidda madaxa, sida xijaabka muslimiinta, koofida Yuhuudda iyo duubka. Sharciyada Isbaddalladan ayaa qeyb ka ah qodobbo ay soo bandhigeen mas’uuliyiinta sare ee xisbiga Dimuqraaddiga, oo ay ka mid tahay hoggaamiyaha laga tirada badan yahay ee aqalka wakiillada, Nancy Pelosi. Bisha Janaayo ee sannadka foodda nagu soo haya ayaa la filayaa in la ansixiyo qodobbadaas marka ay Dimuqraaddigu si rasmi ah ula wareegaan aqlbiyadda aqalka Koongareeska. “Ma jirto cid igu khasbeysa inaan madaxeyga xijaab ku daboolo laakiin aniga ayaa doortay. Waa dookheyga – waana arrinta ugu horreysa ee isbaddalka lagu sameynayo” ayey Ilhaan Cumar ku tiri qoraal ay baraha bulshada soo dhigtay. Qoraalkeeda ayey sii raacisay “Tanina ma aha wixii ugu dambeeyay ee aan doonayo inaan xayiraadda ka qaado”. Isku daygan ayaa hantay taageerada ururka xiriirka Mareykanka muslimiinta ah. “Waxaan taageereynaa dadaalka lagu doonayo isbaddalka xeerarka aqalka, waxaana soo dhaweyneynaa in golaha wakiillada uu noqdo meel si xornimo ah looga dhaqmo diimaha” ayuu yiri Nihad Awad oo ah agaasimaha guud ee ururkaas. Waxaa sidoo kale u riyaaqday gabadha uu dhalay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee lagu magacaabo Ivanka Trump. Qoraal ay Ivanka soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayey ku tiri “Isbaddal sharci oo muhiim ah ayaa lagu sameyn doonaa aqalka Koongareeska”. Marka 3-da bisha Janaayo uu furmo kalfadhiga aqalka Koongareeska ee 116-aad ayaa waxaa kuraastiisa kasoo muuqan doona tiradii ugu badneyd abid oo haween ah iyo dadka laga tirada badan yahay oo ay ku jiraan dadka ku hadla luuqadda Isbaanishka, Mareykanka madow, dadka Mareykanka ee asalka ah iyo xubno ka tirsan dadka isku jinsiga ah ee isguursada iyo kuwa labeebka ah. Jim McGovern oo ka tirsan xisbiga dimuqraaddiga ayaa la filayaa inuu shir guddoomiyo golaha. Sharciyada ku saabsan daboolista madaxa ayaan waxtar u lahaan doonin xildhibaannada qaar, sida haweeneyda lagu magacaabo Frederica Wilson oo caan ku ah iney xirato koofiyado midabbo kala duwan leh, horayna dadaal dheer ugu jirtay in aqalka laga qaado mamnuucista in madaxa la daboolo. Maadaama koofiyadda aysan diin la xiriirin, Wilson ayey wali mamnuuc ka ahaan doontaa iney koofiyad ku xirato golaha koongareeska dhexdiisa. Qaran News
  24. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si rasmi ah u aqbalay xabad joojin iyo inaanu dagaal dambe ka dhicin jiidda Tukaraq ee gobalka Sool. Sidaas waxa Caasimada Online u xaqiijiyay ilo xogogaala. Madaxweyne Gaas, ayaa soo jeedintan ka aqbalay ergayga Qaramada Midoobay danjire Nicholas Haysom oo dhawaan isaga dab qaaday magaalooyinka Hargeysa iyo Garowe. Mr. Gaas ayuu warku sheegay inuu ergayga u cadeeyay inuu si rasmi ah u aqbalay soo jeedin dhawr goor oo hore uu ka diiday ergaygii hore ee Qaramada Midoobay danjire Micheal Keating iyo IGAD oo ahayd in Somaliland iyo Puntland aqbalaan soo jeedin ah in la sameeyo xabad joojin. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa isagu dhawr goor oo hore cadeeyay inuu aqbalay soo jeedinta Qaramada Midoobay, IGAD iyo Maraykanka oo ka koobnayd saddex qodob oo uu ugu muhiimsanaa xabad joojin rasmi ah. Laakiin Madaxweyne Gaas ayaa wakhtigaas soo jeedintaas xabad joojinta ku xidhay shuruud ah in ciidamada Somaliland ka baxaan Tukoraq. Sida ay wararkani sheegeen Madaxweyne Gaas, ayaa hadda si rasmi ah u aqbalay soo jeedintaas uu hore u diiday. Lama hubo laakiin in telefoon lagu wada hadashiiyay Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Gaas. Dagaalo kala duwan oo deegaanka Tukoraq ku dhex maray Somaliland iyo Puntland, ayaa waxa ku dhintay ciidamo labada dhinac ah, waxaana ku baro-kacay qaar ka mid ah dadweynaha deegaankaas ku nool. Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in aqbalaadda xabad joojinta ee Cabdiweli Gaas ay sabab u tahay xaaladda siyaasadeed ee maamulkiisa haysata, waxaana la ogyahay in ciidamo ka tirsan kuwa uu ugu tallo galay Tuko-raq ay iyagoo ka gadoodsan mushahar la’aan dhawr goor sameeyeen gadood ciidan oo ay mar kula wareegeen madaarka Garowe. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeys kasoo baxa dalka Sacuudiga ayaa bilaabay olole loogu digayo qorshaha Turkey uu ka damacsan yahay dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Nin Salaam, iyada oo lala xiriirinayo dilkii Wariye Jamaal. Arrinta yaabka leh ee Sacuudiga ay faafinayaan ayaa ah in Turkiga doonayaan in ay wiiqaan Sacuudiga, si ay ayaga u xukumaan dunida Islaamka. Wariye Maxamed Catiif ayaa ku qoray Wargeyska SABQ in dowladda Sacuudiga ay ku micneysay “Weerar aan waxba laga qaban karin” dilkii Jamaal, halka uu ku eedeeyay dowladda Turkey inay kor u qaadeyso arin aan waxba ku jirin, ayna iska indha tireyso Dalabka Sacuudiga ee la xiriira codka ama cadeymaha kale ee dilka Jamaal. Wariyaha ayaa ku eedeynaya xukuumadda Ankara in dilka Jamaal ay siyaasadeyneyso, iyada oo dooneysa inay isku daydo xukunka dunida islaamka iyada oo la hoos dhigayo doorka Sacuudiga ku leeyahay la dagaalanka kooxaha islaamiyiinta. Wuxuu intaasi ku daray in Turkey uu isku dayayo ” Inuu helo faa’idada dhaqaale isaga oo u hanjabaya Sacuudiga” waxaana uu sidoo kale sheegay in Turkey uu jibiyay xiriirka diblumaasiyadeed isaga oo jaajuusay qunsuliyadda Sacuudiga. Isla waqtigaasi, Wariye Sacuudiyaan ah Xaamud Abu Taleb ayaa warbixin uu qoray cinwaan uga dhigay “Maxay dadka dambiyada waaweyn galay u aamisan yihiin” waxaana uu ku eedeeyay in xukuumada Turkey ay ogolaadeen dilka Wariye Jamaal Khashoqji. “Sirdoonka Turkey wuu la socday xaalka Jamaal ilaa uu yimid Istanbul, waxay dhageysanayeen wada sheekeysigooda iyo qorshaha dilka Wariyaha, laakiin ma aysan joojin in dambiga uu dhaco”ayuu hadalkiisa kusii daray wariyaha reer Sacuudi. Sidoo kale Khalid Suleymaan ayaa qoray “Haddii “Turkey” ay ogaayeen xaalka iyo qorshaha dilka inta uusan dhicin, maxay ugu digu waayeen Kashoqji” Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com